Connect with us

Falanqeyn

Qian Xuesen: Ninkii uu Mareykanka tarxiilay

Published

on


Senisyahan u dhashay Shiinaha ayaa labo dal oo ka tirsan quwadaha waaweyn ee caalamka ka caawiyay in ay gaaraan dayaxa balse waxaa lagu xusuustaa sida uu u caawiyay mid ka mid ah dalalkan, sida ay ku warrameyso Kavita Puri.

Maxtaf ku yaalla magaalada Shanghai waxaa la dhigay 70,000 oo qalab ah oo lagu xusayo ninkan oo loo yaqaano “Seynisyahankii dadka” oo magaciisuna yahay Qian Xuesen.

Qian Xuesen waa aabihii soo saaray gantaallada iyo barnaamijka cirbixiyeenka Shiinaha. Cilmi baaris uu sameeyay seynisyahankaas wuxuu ka caawiyay Shiinaha in uu hawada u diro dayax-gacmeedkii ugu horreeyay, waxaana dalkaas looga arkaa “Halyeey qaran”.

Qian wuxuu ku dhashay Shiinaha sannadkii 1911-kii, waaliddintiisa waxay ahaayeen dad wax bartay, kaddib markii uu ka shaqeeyay Japan, wuxuu bilaabay hanaankii waxbarashada Shiinaha. Qian wuxuu ahaa ardey firfircoon, wuxuu ka qalin jebiyay jaamacadda ku taalla Shanghai ee Jiao Tong, wuxuuna ku guuleystay deeq waxbarsho oo naadir ah si uu ugu biiro jaamacadda teknoloojiyadda ee Massachusetts ee ku taalla Mareykanka.

Sannadkii 1935-tii, Qian wuxuu gaaray gobolka Boston ee dalka Mareykanka, wuxuu la kulmay faquuq iyo isir naceyb, sida uu sheegayo Chris Jespersen, oo ah profesoor wax dhiga taarikhda oo ka howlgala jaamacadda North Georgia.

Wuxuu markii dambe u wareegay machadka teknolojiyadda California halkaas oo uu ka dhiganayay cilmiga injineernimada ee diyaaradaha. Dadkii halkaas wax ka bartay waxay ahaayeen injineero caanka ahaa dunida xilliggaas oo uu ka mid ahaa injineerkii ka soo jeeday Hungary, Theodore von Karman.

Dadkii ay hal meel ka soo shaqeeyeen Qian waxaa ka mid ahaa seynisyahan caan ah oo la oran jiray Frank Malina, kaas oo xubin muhiim ah ka ahaa koox seynisyahanno oo la oran jiray “Kooxda is miidaaminta”.

Kooxda waxay doonayeen in jaamacadda gudaheeda ay ku sameeyaan gantaal balse intii ay baarayeen kiimiko halis ah, waxaa ka khaldamay wixii ay sameynayeen, wayna ku qaraxday, inkasta uusan qof ku dhiman, sida uu sheegay Fraser Macdonald oo ah qoraa.

Maalin maalaha ka mid ah Qian wuxuu la kulmay saaxibbadii ka tirsan kooxda seynisyahada ah, waxay xilligaa ka shaqeynayeen xisaab adag si cilmi baaris loogu sameeyo marka la ganayo gantaallada.

“Xilliggaas ma jirin qof si dhab ah ama seynisyahan ku takhasusay cilmiga xisaabta oo halis u gelin karay sumcaddiisa oo yiraahda ‘kani waa mustaqbalka’, balse xaaladda waxay is bedeshay xilligii uu bilaabanayay dagaalkii labaad ee adduunka,” ayuu yiri Fraser Macdonald.

Howlihii ay wadeen kooxdii seynisyahanada ee la oran jiray Suicide Squad, wuxuu damac ka soo galay militariga Mareykanka oo bixiyay cilmi baaristii ay ku sameynayeen sidii loo soo saari lahaa gantaallada laga rido diyaaradaha dagaalka.

Maalgelintii ay militariga Mareykanka siiyeen kooxdaa, waxay suurogelisay in la sameeyo goob lagu sameeyo cilmi baarista lagu raadinayo hagaajinta gantaalka sannadkii 1943-dii, iyadoo uu hoggaaminayo seynisyahan, Theodore von Karman, Qian Xuesen iyo Frank Malina, waxayna ahaayeen dadkii udub dhexaadka u ahaa mashruuca.

Qian wuxuu u dhashay dalka Shiinaha, xilliggaas na jamhuuriyaddii Shiinaha waxay saaxib dhow la ahayd Mareykanka. “Ma jirin tuhun ku saabsan in mashruuc uu hoggaaminayo Mareykanka oo lagu sameynayo diyaaraad uu udub dhexaad u yahay seynisyahan u dhashay Shiinaha,” ayuu yiri qoraa Fraser Macdonald.

Qian waxaa la guddoonsiiyay shati uu kaga shaqeyn karo cilmi baarista dhanka hubka, xita wuxuu ka mid noqday guddiga dowladda Mareykanka kala taliyo seyniska. Ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee adduunka, wuxuu ka mid ahaa khuburradii loo diray Jarmalka, waxaana la socday seynisyahan lagu magacaabo Theodore von Karman. Wuxuu hadafkoodu ahaa inay soo wareystaan injineerada Nazi-ga oo uu ka mid ahaa Wernher von Braun oo ah ninkii hoggaaminayay gantaallada Jarmalka. XIlligaas Mareykanka wuxuu doonayay in uu ogaado cilmiga Jarmalka.

Guddoomiyihii hoggaaminayay kacdoonkii shuuciga ee Shiinaha, Mao Tse-Tung, ayaa sannadkii 1949-kii ku dhawaaqay in Mareykanka uu yahay “Sheydaan”, sida uu sheegay Chris Jespersen. Agaasimihii cusbaa ee sheybaarka waaxda cirbixiyeennada Mareykanka ayaa rumeysanaa in qof basaas ah uu ku sugan yahay sheybaarka, wuxuuna arrintaas la wadagaay saraakiil ka tirsanayd FBI-da. “Waxaan u maleynayaa in ay ka soo jeedaan Shiinaha ama Yuhuudda,” ayuu yiri Fraser Macdonald.

Markii dambe FBI-da Mareykanka waxay Qian Xuesen iyo Frank Malina iyo dad kale ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin xisbiga shuuciga ayna halis ku yihiin amniga qaranka.

Dacwadaha loo heystay Qian waxay ku saabsanaayeen dokumenti soo baxay sannadkii 1938 oo uu ku xusnaa xisbigii shuuciga ee ka jiray Mareykanka, wuxuuna muujinayay in Qian uu ka qeybgalay kulan ay FBI-da ku sheegeen inay la yeesheen xisbiga shuuciga ee Pasadena, inkasta oo Qian uu beeniyay in uu xubin ka ahaa xisbigaas.

Daraasad cusub ayaa muujineysaa in Qian iyo Frank Malina ay isku xilli ku biireen xisbigaas, sannadkii 1938. Zuoyue Wang oo ah barofesoor Cilmiga Taariikda ka dhiga jaamacadda California ayaa sheegayaa in aanay jirin caddeymo ku saabsan in Qian uu howlo basaasnimo waday markii uu ku sugnaa Mareykanka.

Waxaa laga la noqday shatigii uu kaga shaqeyn jiray sheybaarka, waxaana la geliyay xabsi guri balse saaxibkiisa, Theodore von Karman, ayaa dawladda u sheegay in Qian uusan wax dambi ah gelin, guulna kama uusan gaarin arrintaas.

Sannadkii 1955-tii, markii Qian uu shan sano xabsi guri ku qaatay, madaxweynihii Mareykanka xilliggaas, Eisenhower, wuxuu go’aansaday in Qian loo tarxiilo Shiinaha. Seynisyahankaas wuxuu Mareykanka kaga soo tagay xaaskiisa iyo labo canug oo uu dhalay.

Qian Xuesen iyo qarenkiisa bishii Nofembar sanadkii 1950-kii xiliggaas oo ay socotay dhageysiga dacwadda ku saabsaneyd in lasoo tarxiilo Qian

“Wuxuu ka mid ahaa seynisyahannadii ugu caansanaa Mareykanka, wuxuuna u horseeday guulo, balse lama uusan kulmin oo kaliya ah dhibaato ee waa la khiyaanay sidoo kale,” ayuu yiri, Tianyu Fang oo ah qoraa ahna weriye.

Qian waxaa lagu soo dhaweeyay Shiinaha, waxaan loo aqoonsaday halyeey, laakiin markiiba kuma uusan biirin xisbiga shuuciga ee Shiinaha. Sannadkii 1958-dii oo uu ku biiray xisbiga shuuciga, wuxuu markasta u jaanjeeray dhinaca garabka midig, wuxuuna ka badbaaday kacdoonkii dhanka dhaqanka iyo in laga saaro xisbiga.

Markii uu Shiinaha yimid wax badan lagama fahansaneyn cilmiga ku saabsan dayax gacmeedka, wuxuuna 15 sano kaddib noqday kormeerihii dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee Shiinaha uu hawada u diro.

Tobonnaan sano ka dib wuxuu tababaray seynisyahanno badan, shaqadiisana waxay suurogelisay in dadka u dhashay Shinaha ay raacaan dayax gacmeedka. Gantaalladii sameyntooda uu Qian ka caawiyay Shiinaha waxay suurogeliyeen in lagu weeraro Mareykanka.

Gantaalkii la oran jiray Qian’s silkworm, waxaa lagu weeraray Mareykanka sannadkii 1991-dii xilligi uu socday dagaalkii Khaliijka, sida uu sheegay Fraser Macdonald.

Dan Kimball oo ahaan jiray madaxii ciidamada badda ee Mareykanka markii dambena noqday madaxa hay’ad qaabilsan dayax-gacmeedka, ayaa yiri: “Tallaabada ugu xumeyd ee dalkan uu qaaday waxay aheyd xaaladdii Qian.”

Taallo muujineysa gantaall oo la dhigay matxafka Qian Xuesen ee ku yaalla Shanghai

Maanta uu Mareykanka iyo Shiinaha ka dhex taagan yahay dagaal ganacsi, waxaysan dad badan oo u dhashay Mareykanka ogeyn kaalintii Qian uu ku lahaa mashruucii dayax-gacmeedka Mareykanka.

Tianyu Fang wuxuu leeyahay in ardey badan oo u dhashay Shiinaha kuna sugan Mareykanka aanay ogeyn sababta Qian uu uga soo tegay Mareykanka. “Xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sii xumaanaya, waxaa laga yaaba in laga shakiyo sidii dhacday xilligii Qian,” ayuu yiri Fang.

Qoraa Fraser Macdonald wuxuu rumeysan yahay in arrintaas ay digiin u ahayd tarxiilkii aqoon yahan: “Sheekoyiinka ku saabsan seyniska Mareykanka waxaa sare u qaaday dad ka soo jeeda dibadda, balse xiligan lagu jiro waxaa adag in arrintaas loo dabaal dego”.

Dadaalkii Qian wuxuu u horseeday Shiinaha in uu noqday dal awood leh, marka ay timaaddo sahanka lagu tagayo hawada sare.

Sannadkii la soo dhaafay markii Shiinaha uu dayax-gacmeed ka dejiyay cirifka fog ee dayaxa, waxaana sahankaas sameeyay seynisyahan la yiraahdo Von Karman crater, kaas oo uu la taliye u ahaa Qian, si kastaba, dhaqdhaqaaqi ka socday Mareykanka ee ka dhankaa Shuuciga wuxuu Shiinaha u horseeday in guul uu ka gaaro sahanka dayaxa.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Yurub

Musharaxii mulxidka ahaa ee ku caanbaxay Islaam Naceybka oo ku guuleystay doorashadii Netherlaan

Siyaasiga ku caan-baxay Islaam naceybka ee Geert Wilders ayaa noqon doona Ra’iisul Wasaaraha Holland ee soo socda.

Published

on


Geert Wilders, oo ah siyaasi reer Holland ah oo hadaladiisa ka dhanka ah Islaamka ay horseedeen hanjabaado dil ah, ayaa laga yaabaa inuu noqdo hogaamiyaha xiga ee Nederlaan.

Siyaasiga midigta fog ee caanka ku ah Islaam-naceybka ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso dowlad-wadaag ah oo mayal adag, kadib marki uu xisbigiisa Xorriyadda uu si lama filaan ah ugu guuleystay inta badan kuraashta baarlamaanka.

Guushan Wilders, ayaa mowjado naxdin leh u diray Yurub, sidoo kalana dadka reer Holland ku riday niyad-jabki siyaasadeed ee ugu weynaa tan iyo Dagaalki Labaad ee Dunida.

“Waa inaan helnaa habab aan ugu noolaan karno rajada codbixiyeyaasheenna, si aan Holland ugu celinno lambarka koowaad”, Wilders ayaa ku yiri jawaabtiisii ugu horreysay, isagoo raaciyay “Nederlaan waxaa lagu celin doonaa Dutch, tsunami magan-gelyo iyo tahriibka waa la xakamayn doonaa.”

Wilders wuxuu sheegay 2021, markii Maxkamadda Sare ay taageertay xukunkiisa, inuu ahaa dhibane ” ugaarsi sixir ah ” iyo nidaam sharci oo jabay.

Isaga oo hore u jeediyay hadalo adag oo ka dhan ah Midowga Yurub, waxa uu dhex dhexaad ka ahaa ololihii doorashada isaga oo doonayay in xisbigiisa uu ka mid noqdo xukuumadda. Waa inuu la shaqeeyaa xisbiyada taageersan EU si uu u sameeyo isbahaysi.

“Wilders ilaa hadda waa ololeeyaha ugu fiican, xitaa kuwa ka soo horjeeda siyaasadda ayaa qiraya taas, “ayuu yiri qoraaga Willem Post oo ka tirsan Machadka Clingendael ee Nederland.

Aragtida qallafsan ee Wilders ee Islaamka ayaa keentay hanjabaado dil ah waxaana loo sameeyey ilaalo culus oo bilays ah muddo sanado ah. Waxa uu Nebi Muxamed scw ku tilmaamay mid “Paedophile” ah, Islaamka “Fikirka Faashiistaha” iyo “Diin dib u dhac ah”, wuxuuna doonayaa inuu Nederland ka mamnuuco masaajidda iyo Qur’aanka Kariimka ah ee Muslimiinta.

Waa maxay xanuunka Pedophilia ‘nacasnimo’?

Pedophilia waa xanuun maskaxeed oo ku dhaca qof weyn ama qaan-gaar ah oo jecel inuu galmo la sameeyo carruurta aan qaan-gaarin iyo wiilasha da’doodu tahay 11 ama 12. Dadka xanuunka qaba waxaa badanaa loogu yeeraa carruur-barar (ama carruur-barar).

Hadaladiisa ayaa horseeday in mararka qaar ay dibadbaxyo rabshado wata ka dhacaan dalal ay ku nool yihiin Muslimiin badan, sida Pakistan, Indonesiya iyo Masar. Pakistan, hogaamiye diimeed ayaa soo saaray fatwo ka dhan ah ninkaas.

Wilders ayaa sidoo kale ku celceliyay in Nederlaan ay joojiso hubka ay siiso Ukrayn, maadaama buu yiri uu dalku u baahan yahay hubka si uu isu difaaco. Si kastaba ha ahaatee, midkoodna dhinacyada uu awood u leeyahay inuu soo dhiso dawlad la wadaaga fikradahan ma jiro.

Siyaasigu waa mid ka mid ah dadka ugu caansan Nederlaan, balse wax badan lagama oga noloshiisa gaarka ah, marka laga reebo in uu guursaday haweeney u dhalatay dalka Hungary oo uu leeyahay laba bisadood – kuwaas oo leh Instagram iyo X u gaar ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Gumeysi iyo isir sifeyn

Xildhibaanada Koonfur Afrika ayaa u codeeyay in xiriirka loo jaro Israa’iil

Mooshinkan ayaa waxaa taageeray 248 Xildhibaan, halka 91 ay diideen.

Published

on


Iyagoo ka jawaabaya colaada ka socota Qaza, sharci-dajiyayaasha Koonfur Afrika waxay u codayeen mooshin lagu xirayo safaaradda Israa’iil laguna joojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ilaa ay Israa’iil ka go’an tahay xabbad-joojin.

Qaraarkan ayaa ah mid inta badan fulintiisu ay hortaal xukuumadda Madaxweyne Cyril Ramaphosa; iyada oo afhayeen u hadlay madaxtooyada uu sheegay in Ramaphosa “uu xusay inuu qaddariyo” qaraarka baarlamaanka ee ku aaddan xiriirka diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo Israa’iil, gaar ahaan maqaamka safaaradda.

“Madaxwaynaha iyo golaha wasiiradu waxay ku hawlan yihiin arrintan, taas oo weli ah fulinta mas’uuliyadda qaranka,” ayuu yiri Vincent Magwenya.

Ramaphosa iyo saraakiisha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa si bareer ah u dhaleeceeyay hoggaanka Israa’iil intii uu socday dagaalka Marinka Qaza, iyaga oo ugu baaqay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada inay baaritaan ku sameyso dambiyada dagaal ee suurtagalka ah.

Safaaradda Israa’iil markiiba kama jawaabin codsi ahaa inay ka hadasho arrintan.

Isniintii, safiirka Israa’iil ee Pretoria ayaa looga yeeray Tel Aviv si uu wadatashi ula yeesho dowladdisa kahor codbixintan, taasoo Talaadadii lagu ansixiyay codadka 248 xildhibaan, halka 91 xildhibaan ay diideen qaraarkan.

Talaabadan uu qaaday baarlamaanka ayaa ah tii ugu dambaysay ee ay Koonfur Afrika qaaddo si ay cadaadis ugu saarto dowladda Israa’iil si ay u soo afjarto duullaanka militari ee ay ku hayso dhulka Falastiiniyiinta ee dhibaataysan. Pretoria ayaa marar badan ku eedaysay Galbeedka Quddus xasuuqa ka socda Qaza, halkaas oo mas’uuliyiinta maxalliga ah ay sheegeen in kumannaan qof oo ay ku jiraan carruur ay ku dhinteen tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaanka ay kaga jawaabayso weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, intii lagu guda jiray shir madaxeedka BRICS+ ee degdegga ah ee Talaadadii, wuxuu dhaleeceeyay Xamaas afduubka rayidka Israa’iil wuxuuna intaas ku daray in kooxda Falastiiniyiinta ah ay ku xad-gudbeen sharciga caalamiga ah markii ay soo galeen dhulka Israa’iil ayna dileen ku dhawaad 1,200 oo qof. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sidoo kale ku adkaystay in Israa’iil ay ku kacayso dambiyo dagaal, waxa uuna sabab uga dhigay dagaalka Yahuudda ay ku hayso dhulka Falastiin.

Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Afrika iyo Israa’iil ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay xumaaday, taas oo ka dhalatay colaadda Qaza. Pretoria waxa ay in badan taageertay halganka gobanimadoon ee falastiiniyiinta, iyada oo barbar dhigaysa midda Koonfur Afrika ay lafteedu kula dagaalamayso midab-takoorka qarnigii 20-aad.

Horraantii todobaadkan, wasiirka madaxtooyada Koonfur Afrika Khumbudzo Ntshavheni ayaa sheegay in Pretoria ay ka codsatay maxkamadda dambiyada caalamiga ah (ICC) inay soo saarto amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu bartamaha bisha December. Ramaphosa ayaa horay u sheegay in dowladdiisa ay ka codsatay maxkamadda in ay baaritaan ku sameyso Israa’iil oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Gumeysi iyo isir sifeyn

Dagaalka Qaza: Maxay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas?

Saraakiil ka tirsan dowladda Qadar oo dhexdhexaadinaysay wadaxaajoodyo qarsoodi ah, iyo sidoo kale Maraykanka, Israa’iil iyo Xamaas ayaa maalmo sheegayay inuu heshiisku dhow yahay.

Published

on


Dowladda Israa’iil iyo Xamaas ayaa Arbacadii ku heshiiyey in afar maalmood la hakiyo dagaalka, si loo oggolaado in lasii daayo 50 la haystayaal ah oo lagu haysto Qaza, taas oo lagu bedelanayo 150 Falastiiniyiin ah oo ku xiran Israa’iil, iyo gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee dhulka go’doonsan.

Saraakiil ka tirsan dowladda Qadar oo dhexdhexaadinaysay wadaxaajoodyo qarsoodi ah, iyo sidoo kale Maraykanka, Israa’iil iyo Xamaas ayaa maalmo sheegayay inuu heshiisku dhow yahay.

Xamaas ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku hayso in ka badan 200 oo laheysteyaal ah, kuwaas oo la qafaashay markii dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, sida ay muujinayso tirada Israa’iil.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in 50 haween iyo carruur ah lasii dayn doono muddo afar maalmood ah, muddadaas oo ay joogsan doonaan dagaallada Gaza.

Bayaanka Netanyahu ayaa intaas ku daray in 10-kii qof ee dheeraadka ah ee la sii daayo, xabbad-joojinta lagu kordhin doono maalin kale, iyadoo aan la soo hadal qaadin sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta.

“Dowladda Israa’iil waxaa ka go’an in dhammaan la haystayaasha ay ku celiso dalkooda. Caawa, waxay oggolaatay heshiiska lasoo jeediyay oo ah marxaladdii ugu horreysay ee lagu gaari lahaa hadafkan,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo la sii daayay saacado badan oo doodo ah oo saxaafadda laga xiray.

Heshiiska ayaa ah xabbad joojintii ugu horreysay ee duqeymaha Israa’iil ay ku burburisay qeybo badan oo ka mid ah dhulka ay Xamaas maamusho ee Gaza, oo ay ku dhinteen 13,300 oo rayid ah deegaanka aadka u yar ee dadku ku badan yahay iyo in qiyaastii saddex-meelood labo meel 2.3 milyan oo qof ay ku guryo beeleen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Gaza.

Dalal badan oo reer galbeedka ah ayaa taageero la yaab leh u fidiyey Israa’iil haddii ay  noqoto dhaqaalle iyo hub intaba. Dadyow badan oo dunida kamid ah ayaa la yaabay markii Xoghaayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Anthony Blinken uu u sheegay suxufiyiinta asigoo ku sugan Tel Aviv inuu halkaas u joogo, “taageerada Maraykanka ee Israa’iil”, ” ila soco ma ahan oo keliya xoghayaha arrimaha dibadda, laakiin sidoo kale waa Yuhuudi.”

Warbaahinta reer galbeed ayaa si aan xishood la’hayn u muujisay taageerada xasuuqa shacabka reer falastiin.

Mike Johnson, afhayeenka cusub ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in Ilaah barakeeyo wadamada taageera Israa’iil” isagoo ballan qaadaya taageerada Kongress-ka. Brian Mast, oo ah wakiilka jamhuuriga ee Florida, ayaa yimid Capitol Hill isagoo xiran dareeska ciidamada Israa’ii.

Guud ahaan dunida reer galbeedka, bayaannada lagu ballan qaadayo taageerada buuxda ee duullaanka Israa’iil ee Qaza iyada oo la gaynayo isku-darka sareynta cad iyo hadallada diineed ee kicinaya ayaa jahawareer ku riday Carabta iyo Muslimiinta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Afrika

Qaramada Midoobay oo xirtay saldhig kale oo nabad ilaalineed oo ku yaalla Maali

Arrintaan ayaa imaaneysa iyadoo hay’adda caalamiga ah ay isku dayayso inay soo gabagabeyso howsheeda gobolkaas ugu dambeyn 31-ka Diseember.

Published

on

FILE PHOTO: Cutub ka mid ah khubarada bambaanooyinka Senegalese oo wata Shirkadda 2-aad ee Mechanized ee Guutada Senegal ee MINUSMA (United Nations Multidimensional Integrated Stabilization Mission in Mali). © Marco LONGARI / AFP

Qaramada Midoobay ayaa ciidamadeeda nabad ilaalinta kala baxday saldhigii ay ku lahaayeen magaalada Ansongo ee gobolka Gao ee waqooyi bari ee Maali. Tani waa wejigii labaad ee gebi ahaanba hakinta hawshii ururka ee dalka Galbeedka Afrika.

Xerada, oo ah tii sagaalaad ee 12-ka xarumood ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ah ee Dhinacyo badan leh, ayaa loo wareejiyay maamulka rayidka ah ee gobolka Gao, Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday bayaanka Sabtidii.

“Xiritaankan…waa qayb ka mid ah wejiga labaad ee qorshaha ka bixitaanka MINUSMA, sidaas darteed diyaarinta goobta bixitaankeeda ugu dambeeya ee Diisambar 31, 2023,” howlgalka ayaa yiri.

Hogaamiyaasha millatariga Maali, oo xukunka afgambi kula wareegay 2020, ayaa amar ku bixiyay in la soo afjaro howlgalka MINUSMA bishii Juun, kaasoo la geeyay toban sano ka hor si ay u taageeraan ciidamada qaranka (FAMa) ee dagaalka kula jira fallaagada Islaamiyiinta.

Dalkan oo tan iyo sanadkii 2012 ay ku jireen rabshado jihaad doon ah ayaa sidoo kale joojiyay iskaashigii milatari ee uu la lahaa gumaystihii hore ee Faransiiska sanadkii hore kadib markii uu xumaaday xiriirkooda. Ciidamada Faransiiska ayaa markii hore ku lug yeeshay codsi ka yimid Bamako 2013 si ay uga jawaabaan weerar ay ku qaadeen waqooyiga dalkaasi kooxaha gooni u goosadka qowmiyadda Tuareg ee xulafada la ah Al-Qaacida.

Daad-gureynta xarumaha Qaramada Midoobay, oo ay ku sugnaayeen ku dhawaad 15,000 oo askari, ayaa sare u qaaday xiisadda ka taagan waqooyiga dalka, iyadoo ciidamada ammaanka ee dowladda, fallaagada iyo mujaahidiinta ay u dagaallamayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen. Kooxaha gooni u goosadka ah ayaa ka soo horjeeda in Qaramada Midoobay ay ku wareejiso xerooyinka militari ee maamulka Maali, taasoo ay ku andacoonayaan inay jabineyso heshiiskii xabad joojinta Algiers ee sanadkii 2014-kii la gaaray si loo soo afjaro kacdoonka Tuareg oo soo noqnoqday.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda Maali ay ku dhawaaqday in ay xoreysay magaalada Kidal ee waqooyiga dalkaasi oo tan iyo sanadkii 2014 ay gacanta ku hayeen kooxaha gooni u goosadka ah.

Intaa ka hor, Qaramada Midoobay ayaa bishii Oktoobar ku dhawaaqday inay soo dedejinayso in ciidamada laga saaro xerooyinka gobolka Kidal ee ay fallaagadu ku xooggan tahay, iyadoo loo cuskaday xaalad ammaan oo si degdeg ah u sii xumaanaysa oo khatar ku ah nolosha nabad-ilaalinta.

Ruushka ayaa Maali ugu hambalyeeyay dib u soo celinta xaruntii mucaaradka

Ruushka ayaa ugu hambalyeeyay dowladda Maali Arbacadii dib u qabsashada magaalada Kidal ee waqooyiga dalkaasi, oo inteeda badan ay gacanta ku hayeen kooxaha gooni u goosadka ah ee qowmiyada Tuareg, kuwaas oo saraakiishu ay ku eedeeyeen in ay xasilooni darro ka abuureen gobolka.

Ciidamada Maali ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in ay dib u qabsadeen Kidal ka dib weerar khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, howlgalkaas oo hogaamiyaha ku meel gaarka ah Assimi Goita uu sheegay in looga golleeyahay in lagu soo celiyo sharafta dhuleed ee dalka Galbeedka Afrika.

“Hawlkeennu ma dhamaystirna,” Goita ayaa ku soo qoray X (oo hore u ahaan jiray Twitter), isagoo xaqiijinaya guushii ay ciidamada ammaanku ka gaareen kooxaha fallaagada ee Tuareg u badan ee maamulayay Kidal tan iyo 2014 ka dib markii ay ka saareen ciidanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in guushani ay muujinayso “kobaca cajiibka ah” ee awoodda dagaalka ee Ciidamada Qalabka Sida ee Maali (FAMa).

“14-kii Noofambar, ciidamada qalabka sida ee Maali waxay si buuxda uga xoreeyeen magaalada Kidal kooxaha fallaagada Tuareg, taasoo tobankii sano ee la soo dhaafay ahayd xarunta ugu weyn ee xoogagga ka soo horjeeda dawladda. Dhinaca Ruushka waxa ay ugu hambalyeynayaan maamulka Maali guushan muhiimka ah,” ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Afrika

Dimuqraadiyada reer galbeedka waa ay ku fashilantay Afrika – madaxweynihii hore Nayjeeriya

Afrika malaha wax ganacsi ah oo ay ku qaadato nidaam aysan qayb ka qaadanayn qaabaynta, hogaamiyihii hore ee Nayjeeriya ayaa yidhi

Published

on

Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Olusegun Obasanjo

Dimuqraadiyada reer galbeedka ayaa ku guuldareysatay inay u shaqeyso ama ay ka hawlgeliso Afrika sababtoo ah sababtoo saameynta quwadaha gumeysiga, Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Olusegun Obasanjo ayaa sidaas sheegay Isniintii.

Waxa uu hadalkan ka sheegay shir ku saabsan “dib u eegista Dimuqraadiyadda Xorriyadda Galbeedka Afrika” oo lagu qabtay Maktabadda Madaxtooyada Olusegun Obasanjo oo ku taalla caasimadda Gobolka Ogun ee Abeokuta.

Madaxwaynihii hore waxa uu ku qeexay dimuqraadiyada xorta ah ee reer galbeedka in ay tahay “dawlad dad yar oo ka saraysa dhamaan dadka ama dadweynaha” taas oo dayacday aragtida inta badan. Nidaamkan dowladnimo waxaa loo qaabeeyey iyadoo aan la tixgalin taariikhda Afrika iyo kakanaanta dhaqamada kala duwan, ayuu raaciyay.

“Waxaan leenahay nidaam dawladeed oo aanaan lahayn gacmo aan ku qeexno oo aan naqshadeyno, waana ku sii wadnaa, xitaa marka aan ogaanno in aysan noo shaqeynayn,” Obasanjo ayaa yiri, isagoo soo jeediyay “Dimuqraadiyada Afro-centered” oo loogu talagalay baahiyaha qaaradda.

“Waa inaan su’aalo weydiinaa waxqabadka dimuqraadiyadda Galbeedka – halka ay ka timid – iyo innaga oo ah kuwa dhaxlaya waxa ay nooga tageen awoodeena gumeysi,” ayuu ku adkaystay.

Nayjeeriya waxay ka guurtay xukunkii militariga sanadkii 1999, taasoo calaamad u ah bilawga dawlad dimuqraadi ah oo aan kala go’ lahayn oo dalka ugu dheer tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Ingiriiska 1960-kii.

Obasanjo ayaa markii ugu horreysay soo noqday madaxa militariga ee dalka ugu dadka badan Afrika 1976-1979 ka hor inta uusan noqon madaxweynaha maamulka rayidka 1999-2007.

Dowladda Nayjeeriya ee hadda jirta, ayaa iyada oo ka jawaabeysa, ku eedeysay hoggaamiyihii hore ee nidaamka hadda jira, iyadoo sheegtay inuu door toos ah ku lahaa qaadashada nidaamka siyaasaddeed ee hadda dalkaas ka jira.

“Obasanjo waa inuu ogaadaa inuu arrintan keenay Nayjeeriya. Waxa uu ahaa kii naga dhigay inaan qaadanno 1979-kii,” Bayo Onanuga, oo ah La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Bola Tinubu ee dhanka Warfaafinta iyo Istaraatiijiyada, ayaa u sheegay wargeyska The Punch wareysi uu daabacay Talaadadii.

“Waa in uu [Obasanjo] u arkay mid qaali ah oo aan ku habboonayn markii uu siddeed sano nagu xukumayay oo uu xitaa doonayay in loo kordhiyo afar sano oo kale,” Onanuga ayaa raaciyay.

Dhaleeceynta Obasanjo ayaa imaaneysa iyadoo qaaradda ay hareeyeen xasillooni darro siyaasadeed, oo ay ka dhasheen afgambiyo militari oo ka jawaabaya guul-darrooyinka lagu eedeeyay hoggaamiyeyaasha dimuqraadiga ah. Saddexdii sano ee la soo dhaafay, siddeed afgambi ayaa ka dhacay Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, waxaana ugu dambeeyay dalalkii uu Faransiisku gumaysan jiray ee Niger iyo Gabon.

Madaxweyne Tinubu oo hadda guddoomiye u ah 15-ka waddan ee ku bahoobay urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono go’aannada kooxda ee dhinaca dimuqraadiyadda, oo uu ku tilmaamay in uu yahay qaabka ugu habboon ee dawladnimo.

Madaxweyne Bola Tinubu ee Nayjeeriya ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika (ECOWAS), isagoo bedelaya Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embalo, kaasoo xilkan hayay tan iyo bishii Luulyo 2022.

Tinubu ayaa si wada jir ah loogu ansixiyay kalfadhiga caadiga ah ee ECOWAS 63aad ee awoodda madaxda dawlad goboleedyada iyo dawladda ee Bissau, caasimadda Guinea-Bissau.

ECOWAS waa urur siyaasadeed iyo dhaqaale goboleed oo ka kooban shan iyo toban waddan oo ku yaal Galbeedka Afrika.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Gumeysi iyo isir sifeyn

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Israa’iil oo ku hanjabay in ay duqayn doonaan dalalka Carabta

Tomer Bar ayaa arrintaan la wadaagay in Ciidanka Cirka, oo ah cudud istaraatiijiyadeed ee Tel Aviv, ay diyaar u yihiin oo ay ka hawlgalaan Bariga Dhexe goob kasta iyo goor kasta waa sida ay sheegtay Maamulka Warbaahinta Israa’iil ee rasmiga ah.

Published

on


Taliyaha Ciidamada Cirka ee Israa’iil Tomer Bar ayaa sheegay in Tel Aviv ay qorsheysay weeraro ay ku qaadayso dalka Yemen.

Tomer Bar ayaa arrintaan la wadaagay in Ciidanka Cirka, oo ah cudud istaraatiijiyadeed ee Tel Aviv, ay diyaar u yihiin oo ay ka hawlgalaan Bariga Dhexe goob kasta iyo goor kasta oo loo baahan yahay, sida ay sheegtay Maamulka Warbaahinta Israa’iil ee rasmiga ah.

Hadalka sarkaalka milatariga Israa’iil ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamada qalabka sida ee Yemen ee gacan saarka la leh kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ay ku dhawaaqeen fiidnimadii talaadada in ay duqaynayaan dufcad gantaalaha ballistic-ga ah oo ay la beegsadeen bartilmaameedyo kala duwan oo Israa’iil, oo ay ku jiraan bartilmaameedyo xasaasi ah oo ku yaala gobolka Eilat.

Afhayeenka milateriga ee Xuutiyiinta Sareeye Guuto Yahya Saree, ayaa bayaan uu soo saaray xilligaas ku xaqiijiyay: “Waxay duqeeyeen dufcad gantaallada ballistic-ga ah oo ay la beegsadeen bartilmaameedyo kala duwan oo ku yaalla dhulka la haysto ee Falastiin, oo ay ku jiraan bartilmaameedyo xasaasi ah oo ku yaalla degaanka Umm Al-Rashrash (Eilat). ), 24-saac oo kaliya kadib howlgal kale oo militeri oo ay fuliyeen ciidamadeena qalabka sida oo lala beegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lala beegsaday isla bartilmaameedka.”

Sareeye Guuto Yahya waxa uu sheegay in ciidamadooda oo qayb ka ah hawlgaladooda milatari ee ka dhanka ah Israa’iil, ay xaqiijinayaan inay bilaabeen inay qaadaan dhammaan tillaabooyinka wax ku oolka ah ee lagu dhaqan gelinayo awaamiirta la soo saaray ee ku saabsan sida habboon ee loola tacaali karo markab kasta oo Israa’iil ah oo ku sugan Badda Cas.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in howlgalada ay ciidamada Yemen ka wadaan Israa’iil aysan joogsan doonin ilaa Tel Aviv ay ka joogsato beegsiga Qaza.

Hadalkan ayaa sidoo kale imaanaya kadib markii Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ay shaacisay in markabka dagaalka Mareykanka ee USS Thomas Hudner oo ku sugan badda cas uu soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee laga soo riday dhulka Yemen.

Pentagon-ka ayaa xaqiijisay in diyaarada aan duuliyaha lahayn ay bartilmaansatay burburiyaha USS Thomas Hudner, halka kan dambe “si guul ah isaga difaacey” diyaarada oo mareysay badda cas.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka12 hours ago

Soomaali ku guulaystay Abaalmarinta Qaramada Midoobay

Wararka3 days ago

Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay weeraryahano haystay markab lala xiriirinayo Israa’iil

Akhri3 days ago

Raxmo-yarey yaa uureeyay?

Wararka4 days ago

Diblomaasi.com waxay soo kordhisay qeyb WhatsApp Follow Channel ah ee aad kala socon karto qoraalada

Wararka4 days ago

Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya bishan Nofeember

Akhri5 days ago

Xamar iyo Xaalka Fillada Cad

Yurub7 days ago

Musharaxii mulxidka ahaa ee ku caanbaxay Islaam Naceybka oo ku guuleystay doorashadii Netherlaan

Wararka7 days ago

Dagaalka Qaza: Maxaa ka cusub heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?

Wararka7 days ago

Türkiga oo aan ku degdegi doonin in uu fuliyo rajada Iswiidhan ee ku biirista gaashaanbuurta NATO – Reuters

Wararka7 days ago

Norway: Laba ka mid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka ayaa lagu weeraray mindiyo – waa la xiray sida ay booliska sheegeen

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Xildhibaanada Koonfur Afrika ayaa u codeeyay in xiriirka loo jaro Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Maxay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas?

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

Saboolnimo Hoggaamineed

Afrika1 week ago

Qaramada Midoobay oo xirtay saldhig kale oo nabad ilaalineed oo ku yaalla Maali

Afrika1 week ago

Dimuqraadiyada reer galbeedka waa ay ku fashilantay Afrika – madaxweynihii hore Nayjeeriya

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Israa’iil oo ku hanjabay in ay duqayn doonaan dalalka Carabta

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Xisbiga haya talada Koonfur Afrika ayaa taageeray in xiriirka loo jaro Israa’iil

Afrika2 weeks ago

Suudaan oo dalbatay in si deg deg ah loo joojiyo howlgalka Qaramada Midoobay – Reuters

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 weeks ago

10 Talo oo ku saabsan sida loo helo guusha nolosha

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

MW Xassan Sh. Maxamuud oo Burundi u tagay arrinta ‘dardar-gelinta dagaalka Al-shabaab iyo xubinnimada urur EAC’

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Israa’iil waa ‘dowlad argagixiso ah’, ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan

Afrika2 weeks ago

Bankiga Afrika ayaa cunaqabateynta ka qaaday dalka Faransiiska oo horey u gumeysan jiray

Afrika2 weeks ago

Hay’adda Global Witness ayaa sheegtay in bangiyada Midowga Yurub ay ku lug leeyihiin rabshadaha ka socda meelo kamid ah Afrika

Buuggaag3 weeks ago

Oslo, Norway: Bandhiga buugga Kasdareen – Cilmi-nafsiga Dhamaystiran

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Maxay ku saabsaneed khudbaddii MD Xassan Sh. Maxamuud (4.5) uu ka jeediyay Madasha Sacuudiga iyo Afrika?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 weeks ago

Sacuudi Carabiya oo xoojinaysa xidhiidhka Soomaaliya, iyagoo u diyaar-garoobaysa daah-furka Shir Madaxeedka Afrika ee Sucuudiga

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 weeks ago

MD Xasan Sh. Maxamuud oo shirar xasaasi ah kaga qeyb galaayo Sacuudiga – mowqifka dowladda Somaaliya ee arrinta Falastiin

Wararka3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Ugu yaraan 40,000 oo falastiiniyiin ah ayaa la dilay ama ay dhaawacday Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu daaha ka rogayaa fashilka akhlaaqiyeed ee qiyamka reer galbeedka

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Waa kuma kooxda iska caabinta Islaamka ee Ciraaq, kooxda daahsoon ee weerartay bartilmaameedyada Maraykanka iyo Israa’iil ee marinka Qaza?

Wararka3 weeks ago

Duqa magaalada St. Louis Park: Gabadha Soomaaliyeed ee taariikhda cusub ka dhigtay Mareykanka

Afrika3 weeks ago

Bariga Afrika waxaa ku dhuftay daadka roobka deyrta oo khasaare geystay

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Qaza ay noqonayso ‘xabaalaha carruurta’, wuxuu ku baaqayaa xabbad-joojin

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe oo wajahaya weerarro joogta ah – waa maxay sababta?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

10 qodob oo muhiim ah inaad wax ka ogaato siyaasada Shiinaha ee diimaha

Dhaqaalaha3 weeks ago

Niger waxay heshiis la gashay Shiinaha si ay u dhisato dhuumaha shidaal ee ugu dheer Afrika – AFP

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo gaaray Turkiga xilli MD Erdogan uu sheegay in Xamaas aysan aheyn argagixiso

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Bamka cusub ee nukliyeerka Mareykan ayaa gudaha Moscow ku dili kara 300,000 oo qof – Newsweek

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Dagaalka Qaza: Afar qodob oo ugu muhiimsan khudbadii hogaamiyaha Xisbullah Xassan Nasrallah

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Dagaalka Qaza: Wadamada Carabta ayaa ku cadaadinaya Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka xabad joojin deg deg

Xul