Connect with us

Diinta Islaamka

Qiso uu Igaga Sheekeeyay Oday Waayeel Ah

Published

on

 


Maxamed Abrow  waa oday da’ah, waxaan kula kulmay magaalada Muqdisho caasumadda dalka Soomaaliya.Waxaan wax ka weydiiyay waayihiisii nolosha iyo wixii layaabka ahaa ee uu la kulmay. Balse waxa uu igaga sheekeeyay taariikho badan runtiina ku saabsan qeybaha nolosha muhiimna u ah umadda oo dhan. Waxaase ka sooqaadan hal qodob oo aan u sii arkay in ay tahay muhiim.

Waxaan wax ka weydiiyay xagga noloshiisa iyo in uu guur soomaray?

Wuxuuna igu jawaabay “haa, waan soomaray, waxaana guursaday afar haween ah. Labo waan furay, midna waa iga dhimatay, midna waa iidhaxda hadda.”

Waxaan wax ka weydiiyay labada uu furay sababta uu ufuray?

Wuxuu igu jawaabay, “waxaan ahaa nin dhalinyaro ah, hawo raac ah, waxaana ahaa nin waqtigiisa intiisa badan ku qaata baashaal iyo waqti lumis. Ma ahayn nin cibaado badan, salaadana isku bixis uma tukan jirin asbuucna waan tukan jiray asbuucna maba tukan jirin. Anoo saas ah ayaa waxaan isguursanay gabar wadaad ah oo aan ka doontay reerkii dhalay. Gabadhii markaan la aqal galay habeenkii kowaad, waxay igu tidhi xaaji macaane inta aadan ii imaan, horta cishihii ma tukatay?

Haa ayaan dhahay anoonba tukan asbuuc iyo dheeraad. Waxaanse dhahay maxaa iga weydiin su’aasha. Balse jawaab ima siin boqoradayda, cabaar kadib ayay dhahday waxaan tukanaya labo rakaco oo sunne ah, adina tuko qaali. Ani ayaa dhahay ani ma weeso qabo, salaadana waa sunne ee waajib ma ahan, waxay igu khasabtay in aan soo weeso qaato anoo karaahiyaysanaya hadalka gabadha iyo waxa ay ku dhaqmayso. Ma tukan, asii inantu ay tukatay labo rakco, waxayna Alle waydiisatay in uu dhexdooda ka yeel ubad baariyiin ah, xaajigana in uu Alle ubarakeeyo. Waxaan ahaa mid aad udhibsada intay tukanaysay, waxaana karaahiyaystay su’aalaha ay iwaydiinayso iyo waqtiga iga luminayso.

Habeenkii carro darteed gabadhii maba utagin yacni wax jamaac ah nama dhexmarin. Subixii kolkii lagaaray ayay xaajiyaddu ikicisay iguna dhahday xaaji ka kac oo guddo waajibaadkii Alle ku faradyeelay orod masjidka aad oo sootuko. Intaan ku xanaaqay ayaa dhahay naa nagatag salaadayda ma adaa iga wakiil ah, ma adaa ixisaabinaya, ma adaase igu leh!!”

Gabadhii ayaa aad isku beddeshay, waxayna igu dhahday tani waa waajibaad Alle, addoonka iyo Allena waxa isku xira waa salaadda, haddii aad salaadda tukanna waxaad goysay xarigii Alle, waxaadna ku sugnaan xaaladda dadka kufaarta ah, waayo Muslimka iyo gaalka waxaa kala saara waa salaadda.

Tankale xaaji ninka iyo naagta haddii uusan midkoodna tukan salaadda waxay noqonayaan dad macsi isku tagay, xoolahana waxba ma dhaammaan, waxay iska dhallaana garacyo waxba ma dhaammaan. Anoo xanaaqsan ayaa dhahay naa ani habeenkaan ku doonaayay ayaan khasaaaray runtii, waana iga furantahay, gurigiinana waad aadi kartaa.

Sheydaan ayaa iga awood batay, waan isxakamayn waayay xaaskaygii aan xalay la soo aqal galay ayuu igu diray igana furay. Intaas ka dib, ani waan shallaayay, waan ciishooday, waxaana ka qoomameeyay in aan waddo khaldan raacay. Waxaana bilaabay in aan Alle utoobad keeno, wixii lay farayna aan oofiyo.

Waxaan guursaday gabar kale, balse gabadha kale waxaan ku soo kari waayay salaadda, kadib markii aan ku wareeray ayaa go’aansaday in aan iska fasaxo. Sidaas ayaan ku furay gabadha labaad.

Haddaba qisadaan maxaan ka faa’idaynaa?

  1. Waxaan ka faa’idaynaa in tiirka labaad ee Islaamka in uu yahay Salaadda, qofkasta oo Muslim ahna laga rabo.

Alle iyo addoonkiisana waxaa ka dhaxeeya oo keliya waa Salaadda.

  1. Nebigeenii {NNKH} waxa uu yiri “markii uu dhimanaayay dardaarankiisii ugu dambeeyay

( حديث الرسول صلي الله عليه وسلم)الصلاة الصلاة وماملكت أيمانكم).

“War salaadda, war salaadda iyo waxay gacantiinu mulkiday”.

  1. Labadda qof haddii aysan tukan ama midkood tukan wax qabitaana meesha mayaalo, waayo xarigii eebbe ruux jaray faa’ido malahan.

Qofka taariku salaadka ah, waa in aad waanisaa, u nasteexaysaa haddii uu ka soonoqon waayo isaga tag, taariku salaad kheyr maleh.

Soomaaliya waxaa ku badan in habeenka arooskooda kowaad aysan intooda badan hablaha iyo raggaba tukan.

Dumarkana waxaa lageeyaa Bulkuyeer, salaaddaba ma xasuusato ilaa mid Alle ku xiran oo rabigeed ka cabsanaysa mooye.

Ragguna adduunyo ayay kaga mashquulaan salaaddii iyo xaaladda markaas kusuganyihiin.

Haddaba labadaas ruux kolka ay isku tagaan, maxuu noqonaya wixii habeenkaas ka dhex abuurma yacni ilmaha ay qaado haweenaydaas?.

  1. Qofka aan tukan in aad sowj ama sawjad ka dhigato iskaba daaye gogosha iyo dharka uu xiranyahay ayaaba nacladaya, kawaran la’noolaanshihiisa?
  2. Qofkasta oo Muslim ah yuusan katagin salaadda. Haddii aad rabtaan in aad ku naalootaan sacaado.
Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sidda wacyigelinta bulshada, dhiirogelinta da’yarta, jaceylka iyo dadka tabaalaysan. Dhinaca kale qoraaga ayaa wax ka qora ganacsiga, siyaasadda, dhaqanka, kheyraadka dalka, Afsoomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska iyo taariikhaha dalka. Qoraa Maxamuud ayaa marwalbo u taagan siddii uu geed-dheer iyo geed-gaabanba ugu fuulilahaa siddii uu usoonoolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd umadda Soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Diinta Islaamka

Faa’iidooyinka caafimaad ee uu leeyahay soonka – ma sooman tahay maanta?

Soonka waa dhaqan soo jiray qarniyo badan oo muhiim u ah diinta Islaamka, wuxuuna kamid yahay 5-ta arkaan ee diinta Islaamka.

Published

on


Bishan in ka badan hal bilyan oo muslimiin ah oo ku kala nool daafaha caalamka ayaa billaabay soonka bisha barakaysan ee Ramadaanka, waxaana hadda saynisyahannadu ay isku raaceen in soonku uu ka caawin karo ka hortagga dhibaatooyinka ay ka mid yihiin kor u kaca kolestaroolka, cudurrada wadnaha iyo buurnaanta.

Soonka:- Waa tiirka afraad, waana waajib saaran qof kasta oo Muslim ah oo qaangaar ah, waxaana waajib ah in qofku ka soommanaado cuntada, cabitaanka iyo galmoodka laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa laga gaaraayo qorraxda marka ay dhacdo, qofkii jiritaankiisa beeniyana diinta Islaamka ayuu kaga baxayaa.

Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta.Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R (Allahaka raali noqda’e) wuxuu yidhi: ”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waaloo lalaabayaa, halkii wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allaahkor ahaaye wuxuu yidhi: ”Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaalmarinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofkasoomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urkaafkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”

Bisha soonka waxa ay leedahay fadli aad iyo aad u weyn, waana fursad sanadkii hal mar soo marta dadka Muslimiinta ah ee diinta Islaamka si dhab ah u aaminsan. Waa bil lagu tarabiyeeyo Nafsadda loogana daahiriyo waxyaabaha xun-xun sidoo kale waa bisha dulqaadka. Maxaa yeelay qofka inta uu soomanyahay waxa uu dareemayaa oon iyo gaajo sidaas darteed, oonka waxa uu qofka barayaa dulqaadka oo wixii nafsaddiisa oo jecleyd oo dhan ayuu ka tagayaa isagoo aaminsan inuu illaahay dartiis u sooman yahay ajarna xisaabsanayo, sidoo kale gaajada waxay qofka ay bareysaa inuu qalbigiisa qashuuco oo wax yaabihii shahawaadka ahaa uu iskaga tago.

1,400 oo sano ka hor ayey muslimiinta ku asteeyeen in ramadanka caafimaad ku jirro, laakiin hadda saynisyahannadu waxay isku raaceen in soonku uu ka hortagi karo dhibaatooyinka caafimaad ee ay ka mid yihiin kor u kaca kolestaroolka, cudurada wadnaha iyo buurnaanta.

Bishan in ka badan hal bilyan oo muslimiin ah oo ku kala nool daafaha caalamka ayaa sooman. Waxaana laga rabaa qofka Muslimka ah inuu ahaado cunto la’aan, biyo la’aan, sigaar la’aan, galmo la’aan iyo waxwalbo oo soonkaaga wax u dhimaayo sida caayda, xanta iwm.

Sannadkan, saacadaha soonka ayaa noqon doona mid aad ugu adag soonka dadka ku nool dalalka waqooyiga fog, halkaas oo qorraxdu ay ku sii jiri karto cirka ku dhawaad maalinta oo dhan.

Si ay ugu dhawaadaan Ilaahay oo ay u helaan taqwo wanaagsan, soonku waxa uu gacan ka geysan karaa in jirkeena sunta laga saaro, caafimaadkayagana uu wanaajiyo oo uu xitaa lumiyo miisaanka.

Faa’iidooyinka caafimaad

Soonka, si ka duwan gaajo naftaada, waxay kaa caawin kartaa inaad si badbaado leh u lumiso miisaanka. Caadi ahaan, cunista cuntooyin yar ayaa la ogaaday inay jirka ka caawiso inuu dufanka iska daadiyo, daraasado la sameeyayna waxay muujinayaan cabbista dareeraha yar ee bil gudaheed aanay saamayn xun ku lahayn caafimaadka.

Daraasaduhu waxay sidoo kale ogaadeen in dadka sooma bisha Ramadaanka ay leeyihiin heerar hoose oo kolestarool – waxaana yar inuu ku dhaco cudurrada wadnaha.

Cilmi baaris ayaa sidoo kale lagu ogaaday in soonka saddex maalmood oo kaliya ay saameyn togan ku yeelan karto habka difaaca jirka. Waxa ay ogaadeen in soonku uu keena in ay ku soo qulqulaan unugyo cusub oo dhiigga cad, kuwaas oo xoojiya hab-dhiska difaaca.

Cuntooyinka qadiimi ah, oo leh isbeddel casri ah

Shantii sano ee la soo dhaafay, cunnada 5:2 waxay noqotay mid si weyn caan u noqotay laakiin waxa laga yaabo inaadan ogayn ayaa ah in ay ka timid dhaqanka Islaamka ee bisha soonka.

“Ma jiro wax kale oo aad ku samayn karto jirkaaga oo u xoog badan sida soonka”

Sidoo kale waxaa loo yaqaanaa cuntada soonka. Ujeedadu waa in aad si caadi ah wax u cunto shanta maalmood ee isbuuca, laba maalmoodna waxa aad xaddidaysaa cuntadaada 600-500 oo kalori maalintii.

Tani waxay daba socotaa sunnada (hab nololeedka Nabiga scw) oo muslimiinta lagu booriyay inay soomaan Isniinta iyo Khamiista kasta, sidaas darteed waxay noqotaa caado joogto ah.

Buugga The Fast Diet, oo uu qoray Dr Michael Mosley, ayaa sidoo kale leh: “Ma jiraan wax kale oo aad ku samayn karto jirkaaga oo u xoog badan sida soonka.”

Ka digtoonow cunidda cuntada xad-dhaafka ah

Inkastoo ay jiraan faa’iidooyin badan oo soonku leeyahay, haddaan si sax ah loo raacin waxay dhab ahaantii saameyn xun ku yeelan kartaa caafimaadkeena. Waana sababta aad u maqashay dadka qaar oo si kaftan ah u sheegaya inay kordheen miisaanka bisha Ramadaan.

Dambiga ugu weyn ee arrintani ayaa ah inaad si xad-dhaaf ah u cunto, cunto badan xilliga afurka.

Qoysas badan, gaar ahaan qoysaska dadkiisa badan yihiin, ayaa diyaariya cuntooyin badan oo saliida ku badan tahay iyagoo aad ugu faraxsan cunidooda. Waxaana koow ka ah oo ay Soomaalida aadka u jecelyihiin sanbuuska. Menu-ga waxay u badan tahay inaad ka hesho sambuuska saliidda leh, bariis iyo hilib karbohaydrayt ka buuxaan.

Tan waxaa si fudud looga fogaan karaa in la qorsheeyo wakhti ka hor: qorshe cunto in la sameeyo ayay ku fiican tahay, haddana cunto nafaqo leh oo ku sii hayn kara, sida digirta, cagaarka caleenta ah, lawska iyo timirta.

Ka waran jimicsiga?

Jimicsiga adag iska illaali marka aad sooman tahay, sababtoo ah waad ku fuuqbaxi kartaa, laakiin dhaqdhaqaaqa fudud ee jirka ayaa weli la dhiirigelinayaa sida socodka dheer oo lagu gubo baruur iyo in waqti lagu dilo ayaa lagu tirin karaa jimicsi.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Xisbiga AK ayaa guddoomiyaha baarlamaanka u gudbiyay hindise wax ka beddelka xijaabka

Arrinta mamnuucidda xijaabka ayaa meel muhiim ah laga gaaray doodaha dadweynaha iyo siyaasadda ee Turkiga intii lagu jiray 1990-meeyadii iyo 2000-meeyadii, laakiin doodahan waa kuwa wali ka taagan gudaha Turkiga, iyadoo aan si toos ah loo qiyaasi karin cida ka dambeysa.

Published

on

Özlem Zengin, oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga cadaalada iyo horumarka ee AK Party (AK Party) ayaa la kulantay ku xigeenada haweenka shir jaraa'id oo ay ku qabatay baarlamaanka, Ankara, Turkiye, Diseembar9, 2022 (AA Sawir)

Soo jeedinta wax ka bedelka dastuurka ee xijaabka iyo qeexida ururada isqabta ayaa loo gudbiyay afhayeenka baarlamaanka Mustafa Şentop jimcihii, ayuu yiri Özlem Zengin, gudoomiye ku xigeenka xisbiga cadaalada iyo horumarinta ee AK Party.

Zengin ayaa sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta baarlamaanka ee caasimadda Ankara in sharcigan ay saxiixeen 366 xildhibaan oo ka tirsan 600-ka kursi ee baarlamaanka. Xisbiga AK iyo xulafadiisa wadani waxay haystaan 334 kursi.

“Arrinta xijaabka ayaa ah shayga ugu muhiimsan ee joogitaanka xisbiga AK Party, qaabka aan u wajahayno arrintan ma noqon karo mid siyaasadeed,” ayay raacisay.

Indho-shareerka ayaa mar ahaa il khilaaf qoto dheer oo Turkiga ka jira – aasaaskeeda cilmaaniga ah ee awoodda leh waxay u aragtay inay khatar ku tahay nidaamka cilmaaniga ah. Laakiin su’aasha ayaa joojisay in ay dhaliso muran ka dib markii dib u habeyn uu sameeyay xisbiga AK Party 20-kii sano ee uu xukunka hayay.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga cilmaaniga ah ee Jamhuuriga (CHP), oo ah xisbi muddo dheer ka soo horjeeday xidhashada indho-shareerka ee baarlamaanka iyo xafiisyada dawladda, ayaa arrintan dib u soo nooleeyay bishii Oktoobar iyaga oo soo jeediyay soo jeedin ah in lagu dhaqo xuquuqda sharci, isku day ah in ay soo jiidato taageerada codbixiyayaasha muxaafidka ah.

Halkii sharci laga soo saari lahaa, xisbiga AK wuxuu isku dayay inuu wax ka beddelo dastuurka si loo dammaanad qaado xaqa uu qofku u leeyahay in uu mar keliya xirto xijaabka. Isagoo kor u qaadaya saamiga, madaxweynuhu wuxuu sheegay in wax ka beddelka uu sidoo kale ka koobnaan doono tallaabooyinka lagu ilaalinayo qoyska.

Haweenka xijaaban ee Turkiga ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay sharciyo u diidaya inay xirtaan xijaabka iskuulada ay dhigtaan arday ahaan iyo xarumaha dowladda oo ah xirfadlayaal, inkastoo dalka ay ku badan yihiin dumarka xijaaban. Xisbiga CHP waxay dadka ka dhex kiciyeen aragti kasoo horjeeda xijaabka oo waxay taageertaa sharciyada mamnuucaya.

Arrinta mamnuucidda xijaabka ayaa meel muhiim ah laga gaaray doodaha dadweynaha iyo siyaasadda ee Turkiga intii lagu jiray 1990-meeyadii iyo 2000-meeyadii.

Mamnuucidda xijaabka ee Turkiga ayaa markii ugu horreysay si ballaaran loo hirgeliyay sannadihii 1980-meeyadii, balse waxa ay noqotay mid adag kaddib 1997-kii markaasoo milaterigu ku khasbay xukuumadda muxaafidka ah inay is casisho dhacdo markii dambe loogu magac daray 28-kii Feberaayo “afgambigii ka dambeeyay”.

Baarlamaanka ayaa sanadkii 2008-dii ka qaaday xayiraadii saarneyd ardayda haweenka ah ee xirta xijaabka jaamacadda, tallaabadaas oo uu ku ololeynayay Erdogan oo xildhibaanada CHP, oo uu ku jiro guddoomiyaha CHP Kemal Kılıçdaroğlu, ay ku guuldareysteen inay hor istaagaan maxkamadda dastuuriga ah.

Sannadkii 2013-kii, Turkiga waxa uu qaaday xayiraaddii saarnayd in dumarka ay xirtaan xijaab xarumaha dowladda iyadoo la raacayo isbedello ay dowladdu sheegtay in loogu talagalay in lagu xoojiyo dimuqraadiyadda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Sidee Korona uga hor istaagtay Dadka inay ku dhaqmaan cibaadadooda Ramadaan?

Published

on


Sida wadamada kale ee carabta, bisha barakaysan ee Ramadaan waa munaasabad bulsho iyo mid diimeed oo muwaadiniinta ay ku dhaqmaan cibaadooyinkooda sanadlaha ah, laakiin masiibada Corona ayaa ka hor istaagtay qaar badan oo ka mid ah taas, iyada oo loo eegayo tirada sii kordheysa ee infekshinka iyo dhimashada fayruuska.

Yamaniyiinta, / bulshooyinka carabta badankood, waxay is weydaarsan jireen booqashooyinka habeenada Ramadaan, qoysaskuna waxay is weydaarsan jireen casuumaadaha afurka iyo cashada, halka salaada taraawiixda ee masaajida ay tahay muuqaalka ugu caansan ee xilliga Ramadaanka sanad walba, marka lagu daro howlaha bulshada sida cajaladaha banaanka, gaar ahaan caasimada, Sanca.

Si kastaba ha noqotee, caadooyinkani way maqnaayeen ama si weyn ayey dib ugu noqdeen bishan barakeysan,  faafitaanka “Covid 19”, maadaama dad badani ka gaabsadeen inay ku casuumaan eheladooda iyo kuwa ay garanayaan inay la afuraan.

Issam Axmed, oo ka mid ah ganacsatada ku nool magaalada Sanca, ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta uu ku yiri: “Tiro ka mid ah dadkii aan is naqiinay ayaa u dhintay cudurka loo yaqaan Corona virus, kii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa mid ka mid ah ilma adeeradeey laba maalmood ka hor. Sidaas darteed, dhowr bilood ka hor, waxaan joojiyay wax kulan ah oo aan la yeelan lahaa dadka aan garanayo iyo kuwa aan qaraabada nahay, waxaana ku xaddidanahay wada xiriirka.

Wuxuu intaas ku daray: “Mar dambe kama baxo guriga mooyee, oo waxaan ku maamulaa shaqadayda taleefanka, nasiib darro, Ramadaan-ka  ayaa yimid sannadkan iyada oo ay jirto mowjado ballaaran oo faafidda fayraska, sidaa darteed dhammaan kulammada bulshada ee dhaca inta lagu jiro habeenada Ramadaan waa la joojiyay. ”

Issam oo sii hadlaya ayaa yidhi: “Ilaa salaadaha aan ku tukado gurigayga oo buuxa, waxaan ku tala jiraa bishan in aan ku guto waajibaadka waajibka ah, shaqo ka joojinta, Taraawiixda iyo tahajjud.”

 Dareen la’aan

Taas badalkeeda dad badan oo ka joogsanaya gudashada caadooyinkooda Ramadaanka, kuwa kale ayaan dan ka lahayn wax kasta oo dhacaya, waxayna sii wadaan inay ku dhaqmaan caadooyinkooda Ramadaanka, iyagoo aaminsan in waxa dhacaya ay yihiin buunbuunin dhinacyada caalamiga ah ama shirkadaha dawooyinka sameeya ama shirqool caalami ah. “Ka-qaybgal kooxeed”.

Muuqaal fiidiyow ah oo ay si weyn ugu faafinayeen dadka u dhaqdhaqaaqa barta xiriirka bulshada, qaarkoodna waxay u arkeen inuu muujinayo mowqifka iyo xaaladda muwaadiniin badan oo aan weli rumaysan “sheekada korona.”

Magaalada Sanca, kooxda “Xuutiyiinta” waxay ka digayaan faafinta wixii hadal ah ee la xiriira faafitaanka Corona ama dhibbanayaasheeda, in kasta oo la diiwaangeliyey dhimashooyin badan oo ka jira aagagga ay gacanta ku hayaan, oo ay ka mid yihiin hoggaamiyeyaasha darajooyinka koowaad iyo labaad sida Wasiirka Gaadiidka Zakariya. Al-Shami, iyo Agaasimaha Baarista Dambiyada, Suldan Zaaben, iyo warar aan la xaqiijin oo ku saabsan Geerida la-taliyihii Golaha Sare ee Siyaasadda, Yaxya al-Shami, iyo geerida xaaskiisa.

Mid ka mid ah hogaamiyaasha Xuuthiyiinta ayaa ku andacooday in “aqoonta caqiidada ay tahay tii doorka koowaad ka laheyd badbaadinta Yamaniyiinta ka imanaya Corona.” Dayaca iyo qarinta xaalada dhabta ah ee musiibada Corona waxay leedahay doorkeeda ku aadan sii wadida tiro muwaadiniin ah si joogto ah ku dhaqmaan caadooyinkooda iyo dhaqankooda Ramadaan, adigoon qaadin taxaddarrada lagama maarmaanka ah sida dhowrista fogaanta Bulshada iyo ka walwalka xiritaanka afka.

Intaas waxaa sii dheer, maamulka Xuutiyiinta kuma qasbayo muwaadiniinta inay qaadaan tallaabooyin ka hortag ah sida xirashada maaska, iyo mamnuucaya isu imaatinnada munaasabadaha bulshada, iyo tiro ka mid ah bulshooyinka ayaa sii waday ku dhaqanka caadooyinkooda inta lagu jiro bisha Ramadaan si dabiici ah iyada oo aan wax tallaabooyin ah ama taxaddar ah la helin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Diimaynta caadada – Caadooyinka la diimeeyo way badan yihiin

Caadooyinka la diimeeyo way badan yihiin qof walba oo akhriya qoraalkanna tusaale ayuu ina ku biirin karaa, waana ka rajaynayaa in uu ina ku biiriyo, bal se aan hal anigu soo qaato.

Published

on


Diintu waxay leedahay qiyam iyo mabaadi’, sidoo kale waxay leedahay tacaaliim ka kooban wax ay farayso iyo wax ay diidayso, waxay jidaysaa saxda iyo khaladka. Tacaaliimta iyo akhlaaqiyaadka diintu waxay sameeyaan inta badan caadada dadka diintaas aaminsan.

 Diintu waxay u qaabaysan tahay in ay iyadu maamusho caadada bulshada ee aysan caadadu maamulin iyada. Iyada oo ay saas tahay hadana diinta Islaamku waxay ardaaga u fididay caadooyinka bulshooyinka wixii aan deel-qaaf ku ahayn mabaadi’deeda asaasiga ah.

 Caadadu iyada oo dabeecad ahaan adag, ahna shay la dhowro oo sida xeer oo kale ah, ayay hadana bulshooyinku sii kala caadooyin adag yihiin, dhanka ilaalintana ku kala wacan yihiin. Ilaalinta caadada iyo tacaaliimta diinta se farqiga u dhexeeya ayaa ah caadadu inta badan waa xeer bulsho oo aan macaamilkooda dhaafsiisanayn, halka tacaaliimta diintu ay tahay mid masuuliyadeedu kula qabri galayso oo xisaabteedu macaamil kaliya dhaafsiisan tahay.

Waxay se mushkiladdu timaadaa marka caado bulsho oo iska caadi ah, kuna jirta space-kii xorriyadeed ee diintu ogolayd laga dhigo mid diimeed oo masuuliyaddii qabri iyo qiyaamo isla aadka leh. Marka caado diimayntaas cusri iyo culays laga mudanaya na ka sii daran.

 Caadooyinka la diimeeyo way badan yihiin qof walba oo akhriya qoraalkanna tusaale ayuu ina ku biirin karaa, waana ka rajaynayaa in uu ina ku biiriyo, bal se aan hal anigu soo qaato.

 Maalin ayaan soo galnay aniga iyo dhalinyaro soomaali ah masaajid laba dabakh ka kooban dabakhiisa sare, waxaan ugu tagnay rag dhowr ah oo cibaadooyin kala duwan masjidka ku dhex gudanaya iyo gabadh gadaal fadhida oo iyana cibaadooyinkeeda halkeedaa ku wadata.

Waan is waydiinay waxa ay ka soo doontay masjidka waliba si inkiraad ku jirto?!, marna waan la yaabnay! Waxaan la yaabannahay in ay gabadh masjid cibaado usoo aado – waa masjid aan ragga iyo dumarka teed u kala xidhnayn, deel-qaaf diineed shay ah ayayna noola muuqatay marka dareenka arrintaas aan ka haysano la eego.

Marka aan u sii fiirsaday waxaan ogaaday in dareenkaygaasi uu caadaysan yahay anigu se aan diimaynayo. Inta badan safarada waxaan ku kulannaa hablo soomaaliyeed, waxaa dhacda in tuulo yar lagu tukado, masaajid biyo leh cibaada na u diyaarsan uu ku yaal, bal se xaafadaha ay ku adag tahay biyaha lala isticmaalayo (weeso bixin) ama ba ay ku adag tahay habla badan oo wada socda in ay salliyo iyo soodhayn siiyaan, marka aad ku dhahdid masjidka maad ku tukataan masaajid ayaaba halkan ahe fal-celiska dadka qaarki waxay ba la tahay in aad munkar amraysid. Masjid aan kala xidhnayn in lagu tukado rag iyo dumar waa shay caadi ah oo diintu diidanayn laakiin dhaqan soomaaliga kuma habboona hadduusan ba ku xarrimnayn, taasi dhib ma lahaateene waynu diimaynaa.

Kuwa dumarka sida khaldan diinta ugu fasira ma nusqaan ay u maleynayaan bay ka baarayaan mise dan kalay leeyihiin?!


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Kuwa dumarka sida khaldan diinta ugu fasira ma nusqaan ay u maleynayaan bay ka baarayaan mise dan kalay leeyihiin?!

Published

on


 “من ضلع أعوج”(1)

Horta kuwa dumarka sida khaldan diinta ugu fasira ma nusqaan ay u maleynayaan bay ka baarayaan mise dan kalay leeyihiin?!

Waa su’aasha aan isweydiiyo mar walba oo aan arko qaarka nusuusta dumarka ka hadasha un qalloociya fasirkooda kuwa ragga ka hadlana aan soo qaadin ba!!

Ragga waxaa laga abuuray ciid/dhoobo, dumarka na qeyb kamid ah jirka aadane sharfan oo malaa’ig u sujuuday. Haddaba keebaa labada abuurid yasan haddii sheekada fasirkeedu yasniin yahay?!

Kuwa fasirka nusuusta diinta xumeeya maxay u dhihi waayeen diintu ragga way yastay oo ciid baa laga abuuray bay tidhi oo waa in dulmiga laga dulqaadaa, bal se taa badalkeeda ay dumarka ugu meeraystaan oo u dhahaan diintu dumarka way yastay oo waxay sheegtay in feer qalloocan laga abuuray?! Feertu saw aadane ciidda ka sharaf badan kamid maaha?!

Midda kale yaa yidhi qallooca feertu waa ceeb?! Feertu qallooceeda ayayba shaqadeeda ku qabsataa. Waa tan feereheenu wada qalloocan yihiine wali ma aragtay qof leh halla ii toosiyo feeraha?! Feertu qallooceeda ayay ku samaysaa saabka quruxda badan ee labada dhinac ka kooban, feeruhu qalloocooda ayay ku daboolaan wadnaha oo difaac ugu yihiin!.

Midda kale qallooc iyo toosnaantu waa laba astaan oo marka ashyaada caadiga ah loo isticmaalayo aan xidhiidh la lahayn amaanta iyo ceebta midna. Marka wax la dhisayo boosna shay qallooca ayaa lagu dhisaa, boosna shay toosan, meesha shay qallooca uu galayo mid toosan ma badali karo, marka qallooca iyo toosnaanta ashyaadu waa mid dabiici ah oo mid walba uu booskiisa ku habboon jiritaanka ku leeyahay, ee astaan ceebeed iyo astaan amaaneed midna ma aha. Cilmiga handasada xariiqda toosan iyo xagluhu ma kala fadli badna ee mid walba booskiisa oo midka kale badali karin ayuu leeyahay.

Kulli nusuusta hablaha lagu wareeriyo waa wada noocaa, marka aad caqli fiyow ku eegto wax iin ah maleh, bal se dad dan leh ayaa laxan gaar ah saarta. Midda kale nusuusta ragga ka hadasha ma qalloociyaane maxay midda dumarka ka hadasha u qalloociyaan?! Bal adba is weydii?!

Marka caalamka siyaasadda la joogo waxaa caado ah in siyaasiga mucaaradka ah uu ku dadaalo midka uu mucaaradka ku yahay hadalkiisa in uu u rogo si walba oo tabnaan ah oo uu u rogi karo, si uu u xaqiijiyo hadafkiisa mucaaradnimo. Diintu uma baahna caqli mucaarad in lagu akhriyee waxay u baahan tahay caqli aadane oo fikiraya in lagu akhriyo. Haddaba mushkiladdu diinta ma aha ee waa caqliga akhrinaya noocaddiisa!.


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Faransiiska: Wuxuu ardaydiisa tusiyey sawir laga sameeyey Nabi Muxamed NNKH asigana waa la gowracay

Published

on


Booliska dalka Faransiiska ayaa afar qof u soo xiray dilka macallin taariikhda dhiga oo xalay lagu gowracay meel u dhow magaalada Paris ee caasimadda dalkaasi. Booliska ayaa sheegaya in weerarkaasi ay rumeysan yihiin in uu ahaa aargoosi kaddib markii macallinkaasi uu ardaydiisa u soo bandhigay sawir gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee.

Ninka weerarka geystay ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay booliska.

Booliska ayaa xalay baaritaan ku sameeyay hooyga ninka looga shakiyay weerarka waxaana xabsiga loo taxaabay 4 qof oo la sheegay iney xiriir dhow la leeyihiin 18-jirka la aamnisan yahay inuu ku dhashay dalkaasi Ruushka.

Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNK. Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dilka macallinka oo ka dhacay waqooyi-bari ee magaalada Paris ku tilmaamay weerar argagixiso. Macron ayaa sheegay in macallinka oo aan weli la sheegin magaciisa loo dilay sababo la xiriira xoriyatul qowlka.

Madaxweyne Macron oo booqday goobta ayaa macallimiinta u ballan qaaday in naftooda uu dalka difaacayo. Dhanka kale Macron ayaa midnimo ku baaqay, waxa uuna sheegay in marnaba aysan argagixisada ka guleysanayn oo aysan kala qoqobi Karin dadka faransiiska.

Madaxweynaha Faransiiska Emmnauel Macron ayaa si cad ah u caddaystay inuu islaamka ka hortagaayo asigoo qudbadiisa uu jeediyey bishaan 4 oktoobar shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeshay “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Qorshaha uu madaxweynaha damacsan yahay ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada ee ay muslimiinta leeyihiin oo gacan bir ah lagu qabto iyo in la xakameeyo lacagaha dibadaha ka yimaadda ee masaajidda lagu dhiso. Balse hadalka ka soo yeeray madaxweynaha waxaa si weyn u cambaareeyey dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda muslimka iyaga oo hadalkiisa ku tilmaamay inuu doonayo muslimiinta inuu ku cabburiyo dalka Faransiiska.

Mabaadiida adag ee dalka Faransiiska oo cilmaaniyadda ama laïcité, ku dhisan sharciga wuxuu kala soocayaa dowladda iyo hay’adaha diiniga ah. Fikraddaa ayaana dhigaya dadyowga diimaha iyo caqiidooyinka kala duwan aaminsan iney sharciga hortiisa ka siman yihiin.

Ninka looga shakisan yahay inuu weerarka geeystay ayaa waxaa toogtay booliska. Waxaana la soo weriyay inuu yahay 18 jir ku dhashay dalkaasi Ruushka. Waxaana haatan baaritaanka kiiskan la wareegay dacwad oogeyaal qaabilsan la dagaallanka argagixisada.

Qaabkee ayaa loo gowracay macallinka?

Nin watay mindi weyn ayaa macallinka ku weeraray waddo ku taal xaafad lagu magacaabo Conflans-Sainte-Honorine, isagoona madaxa ka jaray. Ilo booliis ayaa sheegay in markhaatiyaashu ay maqleen qofka weerarka gaystay oo ku dhawaaqaya “Allahu Akbar”, ama “Ilaahay ayaa weyn”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Qofka weerarka gaystay ayaa markiiba cararay, laakiin bilayska maxalliga ah oo ay ku wargeliyeen dadwaynuhu ayaa durbadiiba soo gaaray goobta. Saraakiisha ayaa ninkan kaga hortagey degmada u dhow ee Éragny. Waxayna u sheegeen inuu is dhiibo balse waxaa la sheegay badalkii taas inuu u hanjabay booliska taas ayaana horseedday iney toogtaan.

Dalka Faransiiaka ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dal ku yaalla galbeedka Yurub oo ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan. Cabashooyin badan oo muslimiinta ku aaddan oo ay soo jeedinayaan cilmaaniyiinta ayaa waxay mas’uuliyiinta dowladda kaga codsadaan inay si gaar ah u beegsadaan arrimaha muslimiinta sida mamnuucidda xijaabka.

“Diinta Islaamka dunida oo dhan ayey maanta dhibaata ku tahay, mana dooneyno iney taa dalkeenna ku aragno” ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Tallaabbooyinka uu madaxweyne Macron la damacsan yahay muslimiinta Faransiiska waxaa la filayaa dabayaaqada sanadkan inuu baarlamaanka dalkaasi horgeeyo. 

Tallaabbooyinka uu Macron damacsan yahay inuu qaado waxaa ka mid ah:

  • In si adag loola socdo ururrada isboortiga iyo ururrada kale ee ay bulshooyinka isugu yimaadaan oo looga mid dhigo barashada islaamiyiinta
  • Joojinta nidaamyada imaamyada ee meela ka baxsan Faransiiska waxbarasha u aado
  • Kormeerka iyo dabagalka dhaqaalaha masaajidda soo galo ama lagu maalgeliyo
  • In la xaddido waxbarashada guriyaha lagu dhigto iwm

Madaxweyne Maccron waxaa kale uu sheegay Faransiiska inuu waxbadan ka qabanayo arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dadka soo galootiga ah, wuxuuna intaa ku daray iney xagjiriintu ay buuxiyeen fursadihi jiray.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Islaam Naceybka1 day ago

Ilhaan Cumar ayaa soo bandhigtay qaraar ay kaga hadlayso Islaam nacaybka

English Articles1 day ago

Why Somalia Must Abandon the Indirect Electoral Model in 2026?

Bariga dhexe2 days ago

Maxaa laga baran karaa isu soo dhowaanshaha Sacuudiga iyo Iiraan?

Diinta Islaamka2 days ago

Faa’iidooyinka caafimaad ee uu leeyahay soonka – ma sooman tahay maanta?

Afrika2 days ago

Gobolka Tigray oo yeeshay madaxweyne cusub – waa kumaa Getachew Reda?

Aragtida Indheergaradka3 days ago

Maxay dowladaha ugu baxaan heshiisyada caalamiga?

WARBAAHINTA5 days ago

Amarka maxkamada dembiyada caalamiga ee xiritaanka Putin ayaa muujinaya in sharciga caalamiga ah uu burburayo – Dmitry Medvedev

Diblomaasiyadda & Dunidda6 days ago

Xiriirka Ruushka iyo Shiinaha ma laha xad – ayuu yirri madaxweyne Vladimir Putin

WARBAAHINTA1 week ago

Xildhibaanad Layla Moran, ayaa sii laba jibaareysa dadaalka loogu jiro aqoonsiga rasmiga ah ee UK aqoonsato qaranimada Falastiin

Buuggaag1 week ago

Jibril Mohamed on Somalia’s Road to Democracy: A Journey of Hope and Resilience

WARBAAHINTA1 week ago

Qaramada Midoobay ayaa Yemen ugu baaqday inay ka faa’iidaysato heshiiska Sucuudiga iyo Iiraan oo ay doorato nabadda

WARBAAHINTA2 weeks ago

Madaxweyne Erdogan ayaa si rasmi ah ugu baaqay in doorashada Turkiga ay dhacdo 14-ka Maay

Bariga dhexe2 weeks ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xiriirkooda ka dib wadahadal uu dhexdhexaadinayey Shiinaha

WARBAAHINTA2 weeks ago

Maraykanka ayaa ka carooday rabshadaha Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed

WARBAAHINTA2 weeks ago

7 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar ka dhacay kaniisad ku taalo Hamburg, Jarmalka

WARBAAHINTA2 weeks ago

7 qof ayaa ku dhintay weerar cirka ah oo lagu qaaday hantida Iiraan ee Suuriya

Aasiya3 weeks ago

Imran Khan: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo ka falceliyay isku daygii xarigiisa

Qoyska & Horumarinta Bulshada4 weeks ago

Faa’iida darada ay leedahay isticmaalka baraha bulshada

WARBAAHINTA4 weeks ago

Turkiga oo weerar ku dilay maskaxdii ka dambaysay weerarkii Istanbul

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maraykanka ayaa aaminsan in Ruushka laga yaabo inuu Iiraan siiyo diyaarado dagaal: Aqalka Cad

Diblomaasiyadda & Dunidda4 weeks ago

Maxay ka dhigan tahay booqashada Raisi ee Beijing xiriirka Iiraan iyo Shiinaha?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Waa maxay ujeedka dowladda Soomaaliya ay mar kale u xirtay Cabdalla Muumin?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

2022 wuxuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya tan iyo 2017 – Qaramada Midoobay

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Ruushka ayaa hakiyay ka qaybgalka heshiiska cusub ee START ee hubka Nukliyeerka ah ee lala galayo Maraykanka, ayuu yidhi MD Putin

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Qeybtii 2aad:- Maxay yihiin bulshooyinka sirta?

Qoyska & Horumarinta Bulshada1 month ago

Baro sidda aad nolosha wax kaga badali lahayd

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Maxay yihiin bulshooyinka sirta ah?

Afrika1 month ago

Maxay Eriteriya ugu baxday urur Gobolleedka IGAD?

Afrika1 month ago

MD Isaias Afwerki ayaa sheegay in Eriteriya ay dib uga mid noqon doonto urur goboleedka IGAD

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Xog cusub: Maxay dhalinyarada Soomaalida ugu biiraan Al-shabaab?

Yurub2 months ago

Yurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Maxaad kala socotaa waxa ka socda magaalada Laascaanood? – Xog iyo taariikh kooban

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Laascaanood, sida uu sheegay isbitaalka Laascaanood

WARBAAHINTA2 months ago

Dhimashada ayaa gaartay 1,651 kadib dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 oo ka dhacay Turkiga iyo Suuriya

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago

Madaxweynihii hore ee Bakistaan Pervez Musharaf oo geeriyooday – Taariikh nolloleedkiisa oo kooban

Gumeysi iyo isir sifeyn2 months ago

Dowladda Israa’iil ayaa kordhisay tirada dadka Yuhuuda ah ee la dejinayo Daanta Galbeed

WARBAAHINTA2 months ago

X. A. Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, oo booqan doona Bariga Dhexe iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiin

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Wadahadallada saddex geesoodka ah ee NATO ayaa dib loo dhigay iyadoo Sweden ay ku baaqday in dib loo bilaabo wadahadalka

WARBAAHINTA2 months ago

Dokumentiyo sirta ah oo laga helay guriga madaxweyne kuxigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence – kadib markii uu dafiray inuu haayo warqado sir ah

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Maxay Falanqeeyayaasha ka yiraahdeen guulaha ay gaareen ciidamada Dowladda Soomaaliya?

Xul