Connect with us

Maalgelinta & Maaliyadda

Qorshaha Ganacsiga “Business Plan”

Published

on


Aqristaha sharafta leh oo jecel inuu wax ka barto ama ka ogaado qorshaha ganacsiga marka horre isweydii adiga “waa maxay qorsho?” “Qorshaha adiga ayaa kunool ee asiga kuguma noola” maah-maahdaan waxay ahayd “talo adiga ayaa ku nool ee iyada kuguma noola”. Hadaba aan kula taliyo, inta badan ganacsiga ka jira gudaha Soomaaliya cimirigiisa aad ayuu u gaaban yahay, balse maxaa keenay? Ganacsiga Soomaalida inta badan sidaas uma sii cimri dheera, waanu ogsoonahay in waxwalbo Illahay swc sawabtiisa ay ku jiraan balse haddii ganacsiga uu ku dhisanyahay aqqoon iyo waayo aragnimo dheer wuxuu noqdaa mid aad u cimri dheer.

Aan soo qaadano tusaalooyin fiican. Maalin walbo waxaad aragtaa shirkado badan oo caalami ah, ogaaw dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee aad aragto waxay ka soo wada bilaabeen meel hoose kadibna waxay gaareen meel caalami ah. “local to international”

Tusaale ahaan shirkada Coca-cola cidwalbo maanta wey taqanaa, goormaa la sameeyay ama la aas-aasay ayay kula tahay shirkadaas?

Shirkadaas waxaa aas-aasay  Asa Griggs Candler sanadka markuu ahaa January 29, 1892. Goobaha shirkadaan xarumaha waa weyn u ah waa  Atlanta, Georgia, dhammaan xarumahaas oo dhan waxay ku yaalaan dalka Mareykanka.

Wali waxaa jira shirkado badan oo aad u cimri dheer wali kasii cimri dheer shirkada Coca-cola. Tusaalooyinkaasi waxaanu ka fahmi karnaa in loo baahan yahay hiigsi. Si aad u gaarto hiigsiga aad hiigsanayso ganacsigaada waxaad u baahan tahay inaad qorto “qorshaha ganacsigaada” oo ay fahmi karto cidwalbo. Markii aan ku leeyahay qorsho ganacsi oo ay fahmi karaan cidwalbo waxaan kala jeedaa ganacsiga markii aad bilawdo waxaad u baahan tahay inaad sare u qaado sanadaha soo socdo. Si aad sarre ugu qaato waxaad u baahan tahay inaad hesho dad shuraako kala noqdo oo wax kugu darsado.

Dadka shuraakada kula noqonaayo marwalbo waxay u baahan yihiin inay arkaan waxa qorsho u ah ganacsigaada. Haddii qof uu doonaayo inuu wax kugu darsado uma baahnid inaad waxwalbo afka ugu sheegto ee waxaad u baahan tahay oo kali inaad u dhiibto warqada qorshaha ganacsigaada.

Inaad yeelato qorsho ganacsi waa muhiim. Qorshaha ganacsiga waa qaab qoraal ah oo la qoro marka la damacsanyahay in lagu guulaysto fursadaha ka jira suuqa. Inta aadan marka horre qorin qorshaha ganacsiga marka horre isku day inaad wax badan ka ogaato waxa ka jira suukha. Haddii aad wax badan ka ogaato waxa ka jira suukha waxaad ogaani kartaa saadaasha mustaqbalka ee ganacsigaada. Ganacsi walbo wuxuu u baahan yahay marka horre in la sameeyo cilmi baaris.

Cilmi baarista waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato waxyaabaha aad u baahan tahay inaad ku qorto qorshaha ganacsigaada.

Si aad ugu guulaysato qorista qorshaha ganacsigaada waxaad u baahan tahay inaad hesho macluumaad faro badan oo ku saabsan ganacsigaada. Macluumaadka wuxuu ka mid noqoni karaa  baahida ka jirta suukha, dhibaatooyinka haysato macaamiisha, maxaa keenay in macaamiisha ay u baahan yihiin badeecadahaan ama qadamaadkaan.

Haddii aad si wanaagsan u qorto qorshaha ganacsigaada waxaad ku guulaysani kartaa mustaqbalka ganacsigaada iyo inaad hesho dad badan oo shuraako kula noqdo.

Qorshaha ganacsigaada waa inuu ka koobnaadaa dhammaan qaybahaan soo socda:

  1. Sharaxaad KoobanThe Executive Summary” sharaxadaan waa inay ka koobnaataa hal bogg illaa labo bogg oo kali, adigoo tusaale fiican ka bixinaayo muhiimada ganacsigaada. Sharaxaada kooban waxaad kaga hadlaysaa oo kali waxyaabaha muhiimka u ah inaad bilawdo ganacsigaan iyo maxay tahay qiimaha ay kuu leedahay inaad bilowdo ganacsigaan, hadalada aad ku qorayso sharaxaada kooban waa inaad ka illaalisaa hadalada sarbeebta ah. Waxwalbo oo aad ku qorayso qorshaha ganacsigaada waa inay noqdaan wax iska cad oo la fahmi karo, si mugdi uusan kaaga gelin markii aad doonayso inaad dib u fiiriso waxyaabaha aad hiigsanayso iyo dadka doonaayo inay shuraako kula soo noqdaan.
  1. Aragtida Guud Ee Ganacsiga “Business Overview” qaybtaan waxaa lagaaga baahan yahay inaad si fiican ugu sharaxdo sidda
  • Dhisidda sharciyada
  • Dhisidda taariikhda ganacsigaada
  • Nooca ganacsiga
  • Goobta
  • Qaabkee ayaad u hawl geli rabtaa, (qaab dukaan, internet, qaabka dalabka warqadaha)
  1. Qorshaha Hawlgallada “Operations Plan” qaybtaan waxaa loo baahan yahay inaad ku qorto wali si fiican u tafatirto sidda aad doonayso in hawsha shirkada ama ganacsigaada loo wada qabto. Shirkada waxay leedahay qaybo kala duwan sidda qaybta shaqaalaynta, qaybta macaamiisha, qaybta xisaabiyaha, iwm. Waa inaad qeexdaa dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay ganacsigaada iyo sidda aad doonayso in hawsha shirkada loo wada qabto iyo guud ahaan cidda loo baahan yahay inay qabato.
  1. Falanqaynta Suuqa “Market Analysis” falanqaynta suuqa waa qaab loo baahan yahay inaad si wanaagsan u falanqayso guud ahaan suuqa. Waa inaad wax ka qortaa cidda kuu ah macaamiisha “target customers”, dadka u baahan inay macamiil ka noqdaan ganacsigaada, waxaa kale oo muhiim ah dadka ganacsigaani macamiil ka noqoni doona waa dad noocee ah? Dhalinyaro, caruur, dumar, waayeelo waa inaad isweydiisaa da’da u baahan ganacsigaan, maxayna tahay sawabta dadkaas muhiim u yihiin. Marka aad qiimeynayso suuqa ha hilmaamin dadka aanan awoodi doonin in ganacsigaan wax ka iibsadaan, maxaa yeelay dadka isku dhaqaalo ma ahan. Waa inaad cabiri kartaa dadka macamiisha ka noqoni doona ganacsigaan dhaqaalo intee la’eg ah ayay haystaan “income groups” iyo joqraafi ahaan goobaha ay ka yimadaan dadkaan.
  1. Badeecadda iyo adeegyada “Products and Services” qaybtaan waxaa lagaaga baahan yahay inaad ku qeexdo badeecadaha iyo adeegyada aad bixiso ama aad bixini doonto. Markii aad qorayso waa inaad sidoo kale u qortaa si degen oo aad wada ogtahay dhammaan waxyaabaha aad u baahan tahay inaad wax ka tilmaamto.
  1. Iibtinta iyo suuq-gaynta “Sales and Marketing” markii aad qorayso qorshaha ganacsigaada qaybtaan waxaa lagaaga baahan yahay inaad sidoo kale si diiran u faah-faahiso sawabta ay macaamiisha u iibsani doonaan badeecadahaaga iyo adeegyada aad bixiso. Waxaa soo hoos galaayo iibinta iyo qiimeynta adeegyada aad bixiso. Waa inaad sharaxaad dhammaystiran ka bixisaa qaababka aad doonayso inaad ku horumariso suukh-gaynta si aad u soo jiidato indhaha macaamiisha. Marwalbo ogaaw oo la soco macaamiisha waxay jecelyihiin wax tayadooda ay sareyso islamarkaana ah qiimo jaban. Si fiican u qor qaababka aad ku kasbani doonto macaamiisha, haddii aad doonayso inaad wax badan ka ogaato arrimaha ku salaysan suukh-gaynta raac xigashadaan http://www.tukesomalism.com/2016/03/06/waa-maxay-suukh-gaynta-marketing-tukesomalism-com/
  1. Falanqaynta tartanka “competitive analysis” si fiican u qeex waxyaabaha aad ku liidato iyo waxyaabaha aad ku wanaagsantahay. Marna ha qaranin ceebahaaga, maxaa yeelay waa muhiim inaad ogaato halka aad ka jilacsan tahay iyo halka aad ku wanaagsan tahay. Kadibna sharax sidda aad doonayso inaad ugu guulaysato tartanka ka jira suuqa. Haddii aad suuqa ku cusub tahay aad ayay u adag tahay inaad si fudud ugu guulaysato maxaa yeelay waxay kaa rabtaa shaqo badan iyo balan qaad faro badan.
  1. Kooxda maamulka “management team” waa inaad sharaxaad kooban ka bixisaa cidda maamuli doonto ganacsigaada. Ganacsi walbo wuxuu leeyahay cid ka masuul ah iyo cid maamusha. Maamulida shirkadaha ganacsiga iyo haayadaha waa shaqo u gaar ah dadka soo bartay maamulka iyo hogaanka. Waxwalbo waa inay lahadaan maamul iyo hogaan, maamulkaasna waa in loo aqqoonsan yahay masuuliyada ganacsigaas. Kooxda maamulayso ganacsiga waa cidda loo baahan yahay in loo raacani karo iyaga haddii ay wax isdaba mariyaan. Illaahay hanaga qabto, illaahayna nagama dhigo dadka wax isdaba mariyo. Maxaa yeelay masuuliyada maamulka waa masuuliyad aad u sareyso waxaana loo baahan yahay qofka haayo masuuliyadaas in si wanaagsan ugu soo baxo. Si aad wax badan ugu ogaato maamulka ganacsiga fadlan si fiican u aqri xigashadaan aan soo xigtay, halkaan guji http://www.tukesomalism.com/2016/07/18/waa-maxay-maamulka-ganacsiga-yar-yartukesomalism-com/
  1. Qorshaha Dhaqaalaha/Maaliyadda “financial plan” qaybtaan waa inaad faah-faahin ka bixisaa dhammaan qorshaha maaliyadeed. Meeqo ayaa ku bixi doonto ganacsigaan, maxaa kaaga bixi doona suukh-gaynta, sidee u bixini doontaa mishaarka shaqaalaha iyo midka maamulada sarre. Marka aad qorayso qorshaha ganacsiga ee ku saabsan qaybta qorshaha dhaqaalaha iyo maaliyadda waa jiritaanka ganacsigaada. Waa wax aad u wanaagsan inaad si qeexan u qorto guud ahaan saadaasha dhaqaalle ee ganacsigaada. Hadaba haddii aad doonayso inaad wax ka ogaato xisaabta ku saabsan ganacsiga guji maqaalkaan aan soo xigtay http://www.tukesomalism.com/2016/05/11/xisaabinta-ganacsiga-business-accountingtukesomalism/
  1. Saadaasha “Projections” saadaal fiican ku sameey ganacsigaada. Waa inaad qiimeysaa ganacsigaan aad ku jirto mise aad doonayso inaad bilawdo ma yahay mid natiijo fiican ka imaani karto. Waa inaad si degan u qiimeysaa waxa ka imaani karo mustaqbalka soo socda.

Kobaca ganacsigaada marwalbo wuxuu u baahanyahay inaad raadiso fursadaha cusub iyo macaamiilka cusub ee imaan karo suuqa. Markaad raadinayso fursadaha kobaca ganacsigaada waxaad u baahantahay inaad horumariso nidaamka ganacsigaada sidda habka aad macaamiilka u gaarsiiyo  allaabtaada, horumarinta qeybaha cusub ee badeecadahaaga, adeegyada iyo ballaarinta juqraafi ahaan.

Ogaaw ganacsadaha waa qof indheergarad ah oo arka fursadaha markaas jira, islamarkiina sameyni kara qorsho mustaqbal leh. Ganacsadaha waa qof hal abuur leh, abuura fikradaha cusub ee ganacsiga ama shirkadaha. Ganacsadaha waa shaqsi meel dheer wax ka arka halka kuwa kallena ay ku adagtahay inay arkaan fursadahaas.

Daafaha dunidda oo dhan qof walbo si qaas ayuu u maamulaa hawlaha ganacsigiisa iyo noloshiisa. Hadana miyaan dhihi karnaa dhammaan ganacsadayaasha waa isku wada mid? Su’aasha jawaabteeda waa “Maya”. Dhammaan ganacsatada waxay isku mid u ahayn ayaa ah qaarkiisa ayaa ah kuwa wax soo bartay oo soo dhammeeyay jaamacado kuwaas oo leh cilmi dheeraad ah oo ay ku horumarini karaan fursadaha ganacsigooda. Qofka markuu kasoo baxo jaamacad hadana noqdo ganacsade waxaa suurta geli karto inuu wax badan horumariyo.

Haddii aad ku fakiraysay inaad bilawdo ganacsi waad bilaabi kartaa waadna guulaysanaysaa Insha Allah. Talo saarashada Alle swc waa muhiim. Qofka bini’aadamka siddiisaba wuxuu u baahanyahay inuu leeyahay waxyaabo dhaxal gal ah si noloshiisa u helo waxyaabo uu dadka kale kaga duwanyahay. Waxaa jira dad badan oo jecel inay horumar ka gaaraan ganacsiga, balse waad gaari kartaa guushaada.

“Haddii aad riyooni karto maxaa diiday inaad rumeyni karto riyadaada, ogaaw waad rumeyni kartaa riyadaada” –Cabduljabaar Sh. Axmed

Waa wax aad u wanaagsan inaad qaadato koorsooyin ganacsi ah, si aad wax badan ugu fahanto ganacsiga, maxaa yeelay waxaa haboon inaad barato wax walbo oo aad isleedahay waxay ku cusub yihiin nafsadaada. Barashada koorsooyin cusub iyo waxyaabaha aqoontaada kobcinaya  waxay kaa caawinaysaa inaad waqtiga ka faa’idaysato siddoo kalle waxaad ka qayb geli kartaa siminaaro iyo kulamo aqooneed si aad wax uga siyaadsato ama aad u noqoto qof saqaafad wanaagsan leh. Ogaaw qofka wuxuu nolosha dhabta ah fahmaa markuu kororsado aqqoon ku filan, inkastoo aqqoonta aanan dhammaanin balse hadana waxaa loo baahan yahay in qofka nafsadiisa ka dhigo mid horey u socoto.

Facebook Comments Box

Waa bare, qoraa, cilmi-baare, iyo hogaamiye fikir iyo aragti xambaarsan oo wax ka dhiga kuliyada dowladnimada iyo difaaca ee Jaamacadda Ramaas 'Ramaas University'. Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
2 Comments

2 Comments

  1. Mohamed Hassan Sheikh Abdi

    November 27, 2018 at 2:04 pm

    Hankeygu waa inaan horumar ka gaaro Ticknoolojiyada sida caalamku ba uu maanta horumar weyn uga gaarey dhanka tiknoolijiyada, fikradaas oo bilowgii qof ama koox wadareed wax ku heshiiyey ka timid kadibna guuleysatey.

    Sidaa si lamid ah ayaan doonayaa inaan hankeyga maalin guul ka gaaro, dhibta inaan ku sabro ayaan usoo bareeray runtii wax badan ayaan lasoo kulmay, dheefta waxaa ka sokaysa dhibaato dhaqaale la’aaneed daal naf jidh ahaaneed iyo caajis dhanka gaaris la’aanta degdega ah balse mooraalkeyga ayaan maalin walba kor usii qaadi jirey, waxaana niyada ku dhistaa ilaa hada inaan maalin maalmaha kamid ah gaari doono hadafkeyga anigoo keli ah ama wadar haysta

    Guul waliba maalin ayay riyo ahayd, balse lagu gun gaarey maalin kale dhibaato badan iyo daal badan kadib.

  2. Qaalib Cali Shaakir

    December 8, 2019 at 10:12 am

    Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin qormadan qiimaha badanleh eed uga faaiideysaan dadka u baahan anigu aad iyo aad ayaan ula dhacay uguna qancay sida waadixa ah eed u kala qaadqaadeen qorsheynta ganacsiga waxaana kufahmey waxyaalo badan hamigii aanka lahaa ganacsi inaan sameysto ayaan sii laba jibaarayaa waadna mahadsan tihiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maalgelinta & Maaliyadda

Sanduuqa hantida qaranka Norway ayaa ka fiirsanaya inuu dib u eegis ku sameeyo maalgashiga ay ku sameynayaan Israa’iil

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku tilmaantay warbixinnada ku saabsan dib u eegistan “horumar khatar ah”.

Published

on

Ra’iisul wasaarahii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu (M) ayaa gacan qaaday wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Soreide (B) iyagoo sawir iska qaaday ka hor kulankooda galbeedka Jerusalem [Amos Ben Gershom / Anadolu Agency/Getty Images]

Sanduuqa hantida qaranka Norway ayaa ka fiirsanaya inuu dib u eegis ku sameeyo maalgashiga ay ku sameynayaan Israa’iil si loo hubiyo in dhaqaalahooda aysan maalgelin deegaamaynta dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay Jimcihii.

Sanduuqa waxa uu maamulaa oo uu maalgeliyaa dakhliga ka soo xarooda khayraadka dabiiciga ah ee dalka si looga faa’iidaysto miisaaniyada horumarineed ee dawladda oo qiimaheedu dhan yahay $1.3 trillion waana ka ugu badan ee noociisa ah ee caalamka. Waxa ay leedahay boqolkiiba 1.5 shirkadaha ganacsiga guud ee adduunka.

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay rumeysan yihiin in tallaabadii u dambeysay ay saameyn ku yeelatay go’aankii Qaramada Midoobay ee 2020-ka ee lagu soo saaray liiska madow ee in ka badan 100 shirkadood oo caalami ah oo sameeya ganacsiyo xiriir la leh deegaannada Israa’iil.

Sanduuqa waxa uu hore uga leexiyay shirkado badan oo adduunka ah hawlo uu u arkay kuwo anshax xumo ah, oo ay ku jiraan tiro shirkado Israa’iili ah oo ku lug leh deegaamaynta dhulka Falastiin.

Sannadkii 2020, Sanduuqa Norway waxa uu $1.3 bilyan ku maalgeliyay 81 shirkadood oo Israa’iili ah – qiyaastii saddex meelood meel ahaan maal-gelinteeda Bariga Dhexe.

Horraantii sanadkan, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqul insaanka ee dhulka falastiiniyiinta ayaa ku booriyay in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo nooc cusub oo liiska madow.

Channel 12 ee Israa’iil ayaa sheegay in dib u eegistu ay bilaabatay sanadkii hore, laakiin dabeecadda dawladda cusub ee Israa’iil ayaa laga yaabaa inay soo dedejiso geeddi-socodka horseedaya leexinta ugu dhakhsaha badan.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay TV-ga in la isku dayay in Sanduuqa lagu qanciyo in uu ka laabto tallaabadan, balse codka Falastiin ayaa sheegay in Sanduuqa uu qeexayo in bangiyada Israa’iil ay joojiyaan lacagaha ay u xawilaan deegaamaynta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku tilmaantay warbixinnada ku saabsan dib u eegistan “horumar khatar ah”.

Sanduuqan hantida adduunka ugu weyn, oo leh qiyaastii 1.5% saamiyada liiska adduunka, waxaa loo maareeyaa habraacyo kala duwan oo anshaxeed oo ka saaraya shirkadaha qaar ka mid ah caalamka maalgashi ee ku saleysan talada golaha. Golaha Anshaxa ayaa bayaan gaar ah ku sheegay “in degsiimooyinka Israa’iil ee Daanta Galbeed loo dhisay si ka baxsan sharciga caalamiga ah iyo in jiritaankooda iyo ballaarintooda joogtada ah ay dhibaato iyo khasaare weyn u geystaan dadka Falastiiniyiinta ah ee degaanka.”

Maareynta Maalgashiga ee Norges Bank ayaa sidoo kale go’aansaday in laga saaro Honeys Holdings Co. iyada oo ku saleysan talo soo jeedin ka timid golaha anshaxa ka dib markii ay tixgelisay xuquuqda shaqaalaha ee laba warshadood oo shirkadda Jaban ay ku leedahay Myanmar.

Sanduuqa wuxuu ku dhawaaqaa ka-saarid ka dib marka la leexiyo hantida dhabta ah. Dhammaadkii 2020, waxa ay $1 milyan ku haysay kaydka Shapir Engineering iyo Warshadaha iyo $12 milyan ee Mivne. Waxay lahayd $2 milyan oo doollar oo ah samaynta dharka dumarka ee Honeys Holdings. Sida talooyinka la sameeyay ka hor dhamaadka 2020, NBIM waxaa laga yaabaa inay bilawday inay leexiso hantideeda sannadkii hore.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Bangiyada Islaamka: Milicsi Taariikheed

Bangigii u horreeyey, ‘Dubai Islamic Bank’, waxaa laga taagey magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) sannadkii 1975-tii. ‘Faisal Islamic Bank’ ayaa isna laga aasaasay Masar iyo Suudaan sannadkii 1977-dii. ‘Islamic Bank of Jordan’ iyo ‘Islamic Bank of Bahrain’ ayaa iyana irdaha loo furay sannidihii 1978 iyo 1979-kii.

Published

on


1963-dii ayaa bangigii u horreeyey oo ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka laga furay magaalda Mit-Qamar ee dalka Masar. Inkastoo bangigaas markiiba irdaha la isugu dhuftay, arrimo siyaasadeed darteed, haddana, muddadii yarayd ee uu shaqaynayey, sagaalkiisii laamood, waxay soo jiiteen macaamiil sare u dhaafaysa hal milyan oo qof.

Chapra (2001) wuxuu tilmaamaa in bangigaas iyo labadii isku day ee ka horreeyey, oo midna laga hirgeliyey dalka Pakistan midna Malaysiya, ay dumiyeen darbigii khiyaaliga ahaa ee muslimiinta ka hortaagnaa yagleelidda nidaam maaliyadeed oo ku salaysan shareecada Islaamka Duminta derbigaas khiyaaliga ah waxaa xigey yagleelidda bangiyo ka baaxad weyn bangigii hore.

Bangigii u horreeyey, ‘Dubai Islamic Bank’, waxaa laga taagey magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) sannadkii 1975-tii. ‘Faisal Islamic Bank’ ayaa isna laga aasaasay Masar iyo Suudaan sannadkii 1977-dii. ‘Islamic Bank of Jordan’ iyo ‘Islamic Bank of Bahrain’ ayaa iyana irdaha loo furay sannidihii 1978 iyo 1979-kii.

Yagleeliddii Bangiga Horummarinta Islaamka (IDB) sannadkii 1973-dii ayaa isna culays weyn ku soo kordhiysey hammigii la rabay in lagu dhiso nidaam maaliyadeed oo ku salaysan shareecada Islaamka.Soo if-baxaas, bagiyada Islaamka, waxaa dhinac socday baraarug siyaasadeed.

Tusaale ahaan, shirkii wasiirrada arrimaha dibedda ee dunida Islaamka ee lagu qabtay Dakar, Senegal, bishii Abriil ee 1978-dii, waxaa la soo jeediyey in dunida Islaamku si qunyar-qunyar ah u hirge liso bangiyo Islaami ah. Sidoo kale, shirkii wasiirrada arrimaha dibedda ee Islaamabaad, Pakistan ee May 1980 waxaa la soo bandhigay tallaabooyinkii la qaadi lahaa si loo meel mariyo qaraarkii 1978-dii la gaaray.

Shirkii saddexaad ee dunida Islaamka ee lagu qabtay Makah iyo Daaif, Sacuudi Carabiya, 1981-kii waxaa isna la isla qaatay, si xiriir ganacsi iyo wadashaqayn u dhexmarto dunida Islaamka, in dunida Islaamka dhammaan laga hirgeliyo bangiyo Islaami ah. Sida uu soo guuriyo Warsame (2007), Aljeeriya, Sacuudi Carabiyo iyo Soomaaliya ayaa hormuud ka ahaa dadaalkaas lagu baadigoobayey sidii dunida Islaamku u yeelan lahayd nidaam maaliyadeed oo waafaqsan shareecada Islaamka.

50 sano ka gadaal, hey’adaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamku (Islaamic financial system), waxay madaxa la sii gelayaan 1,300 oo hey’adood; ku baahsan yihiin wax ka badan 100 waddan; gacantana ku hayaan hanti sare u dhaafaysa 2.1 triliyan (2 trilliyan iyo 100 bilyan USD). Sida ay soo bandhigto Ernst and Young (2012), hantidaasi sannadka 2013-ka waxay madaxa la dhaafi doonto $2.5 trilion, inta ka horraysa 2017-kana waxay madaxa la dhaafi doontaa 5 tiriliyan ($5 trillion).

Koboca iyo faa’iidada hey’adaha ku shaqeeya nidaamka Islaamku waxay sidoo kale sidii birlabtii u soo jiiteen bangiyo iyo hey’ado badan oo reer Galbeed ah. Tusaale ahaan, 2008-dii bangiyo aan ka yarayn 191 ayaa furay laamo ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka (Islamic window). Waxaa sidoo kale markii u horraysay bangiyada Islaamka laga dhex furay waddammo aan laga filayn in bangiyada noocaas ahi ka hirgeli karaan.

Meesha bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada qaar badani suuqa ka baxeen (kaceen) , qaar kale la qarameeyey, qaar kalena taageero xoog badan la geliyey, tirakoob dhowaan la soo saaray ayaa muujisay in hantida bangiyada Islaamku maammulaan kobocday 25-30% sannadkiiba intii u dhexeysay 2007-2012 .

Sidoo kale, hey’adaha ku shaqeeya nidaamka Islaamku, waxay soo jiiteen dhegaha bangiyada dhexe ee dawladaha waaweyn, sida ‘Federal Reserve’ iyo ‘Bank of England’; hey’adaha maaliyadda ee caalamka sida, Hey’adda Lacagaha Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank); iyo xarumaha aqoonta ee ugu magaca dheer adduunka, sida Harvard University, Oxford iyo Cambridge Waxaa iyana bogagga hore u hibeeyey qaar ka mid ah warsidayaasha caalamka.

Waddammo badan oo reer Galbeed ah ayaa iyana bilaabay in ay wax ka beddelaan shuruucdooda iyo nidaamkooda canshuuraha si ay u soo jiitaan hey’adaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadda ee Islaamka.

Tusaale ahaan, Faransiiska, Ireland iyo Japan saddexduba waxay wax weyn ka beddelleen nidaamkooda canshuuraha si ay u fududaato in bangiyo Islaami ah laga yagleelo waddammadooda, saamiyada bangiyadaasna loogu gado seyladaha lagu gado saamiyada sharikaadkooda.

Koboca iyo faa’iidada hey’adaha ku shaqeeya nidaamka Islaamku waxay sidoo kale sidii birlabtii u soo jiiteen bangiyo iyo hey’ado badan oo reer Galbeed ah. Tusaale ahaan, 2008-dii bangiyo aan ka yarayn 191 ayaa furay laamo ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka (Islamic window). Waxaa sidoo kale markii u horraysay bangiyada Islaamka laga dhex furay waddammo aan laga filayn in bangiyada noocaas ahi ka hirgeli karaan.

Tusaale ahaan, Shiinaha, Japan iyo Itoobiya saddexduba waxay bangiyadii u horreeyey ee ku shaqeeya nidaamka Islamka oggolaansho siiyeen sannadkii 2009-kii. Inkastoo hantida ay gacanta ku hayaan hey’adaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamku madaxa la dhaaafeen USD 2 triliyan, haddana hantidaasi aad bay u yar tahay marka loo fiiriyo maalka adduunka yaalla ama kan ay gacanta ku hayaan hey’adaha ku shaqeeya nidaamka ribadu.

Waxaaba muuqata in dhowrka bangi ee adduunka ugu weyni, mid kasta gooni ahaantiisa, uu uga weyn yahay, marka la fiiriyo hantida ay gacanta ku hayaan, bangiyada ku shaqeeeya nidaamka islaamka oo la isku daray.

Tusaale ahaan, meesha hantida ururtay ee 1000-ka bangi ee ugu waaweyn adduunku gacanta ku hayaan ay madaxa la dhaafayso $96.4 trilion. Bangiyada qaarkood, sida Deutsche Bank hantida ay gacanta ku hayaan waxay madaxa la dhaafaysaa US$ 2.8 triliyan. Dunida Islaamkana, hadda ayaa la hadal hayaa in la sameeyo bangigii ugu weynaa ee ku shaqeeya nidaamka Islaamka. oo hantida uu maammulo gaari doonto $10 bilyan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

5 Fursado Ganacsi ah oo Kabannaan Gudaha Dalkeenna Hooyo??

Published

on


Waxa aan hubaa in gudaha dalka baahiyo Ganacsi oo aad u badan ey kajirto, laakiin waxaa yar dad u soojeedo arrinkaan, dad u soojeedo in ey wax cusub billaabaan, dhallinyaradu wey badanyihiin laakiin in waqtigooda ey buuxiyaan diyaar uma ahan xaqiiqdi.

Haddii aad leedahay diyaar ayaan ahay waana billaabilahaa lakiin duruufo ayaa iheysto jooji walaaca faraha ba’an kugu haaya ee fiiri taariiqda dadka guulaha sameeyay halka ey soomareen. Qaarkood ayaa kaliitay halka aad adigu taagantahay maanta.

5 Fursadood oo ganacsi ayaan halkaan ku soo gudbineynaa, inkastoon anigu horay dalka aanan uga bixin oo waxa aan kahadli rabo eysan ahayn waxyaabo aan dibadda ku soo arkay, laakiin waxa aan hubaa in ey yihiin waxyaabo dalka gudihiisa looga baahanyahay, Ganacsiga loo baahanyahay waa midka guuleysan kara.

  1. Iibinta qudaar nadiif ah 

Dalka Soomaaliya 3meelood meel ama kabadanba waa dhul beereed, hadana caasimadda ayaanba laga helin qudaarta cagaaran oo nadiif ah muddo 6 bilood ah sanadkii. Kaliya waxa aan helnaa qudaar muddo 6bilood kayar sanadkii, taasina waxa ey ka muuqataa wajiyada dadka oo laga garan karo in eysan cunin cunno qudaar ku jirto, maxaayeelay qudaarta cagaaran iyo mirahaba waa lambarka koowaad ee cunnooyinka caafimaadka leh.

Dhowr jeer oo aan weydiiyay Hooyadeey, qudaarta waxa ku dhaco oo aan u weyno markasto waliba annaga oo joogno caasimadda dalka hooyo, waxa ey ii sheegtay 3sababood:-

1.Qudaarta waxa ey dhalataa xilli roobaadka oo kaliya, marki uu roobka bato waxaa dhacdo in qudaarta qaarkeed eysan kunoolaan biyaha badan halkaasna waxaa ka’imaanaya in beer dhan oo koosta ahayd ey waxba kasoo go’i waayaan.

2.qudaarta waxa ay beeraleydu soo saaraan gawaari usoo qaaddo magaalada, xilli roobaadka waxaa go’a ama biyo fadhiistaan laamiyadii lasoo marsiin lahaa qudaarta, waxaana ku dhacdo in halkaas ey ku xayirmato qudaartii magaaladana aan lakeenin wax qudaar badan ah.

3.sidookale xilli roobaadka waxaa jiro in ey dhacdo fatahaado, waxa aan ognahay sida ey fatahaadahaasi saameyn weyn ugu leeyihiin dad iyo duunyaba, waxaa laga yaabaa in beerihii oo lagu tabcay ey ku dhacdo fatahaado.

F.G:-wey jiraan qodobo kale aan maskaxda ku haayo laakiin intaan ayaan ku soo koobayaa.

  1. Labadaanyo Casriyeysan ( LOUNDRY)

Caasimadda waxaa ku soo badanaya dhallinyarada goonida uddaggan (iskaabulada), magaaladana waxaa kajiro labadaanyoo-yin yar,qaabka ey ushaqeeyaanna ey keeneyso in dhallinyarada eysan dhar kadhaqan karin. Qaabka aan kuu soo bandhigayo waa in aad sameysaa mid casri ah sida in aad furato xarun qurux badan oo lagu kalsoonaan karo nadaafadda iyo shaqaalaheedaba. Waa in aad sameysataa cinwaan baraha bulshada ah si’aad halkaas uga hesho dhallinyaro kugu soo xirmo.

F.G:aan kuu baaqee wiilasha Soomaaliyeed 95% dhar madhaqan yaqaanaan oo waa loo dhaqaa, marka wiilkii kasoo guura reerkiisa ee meel iskaabulo ku ah orad ayuu kugu soo raadinayaa.

Dharka waa in qofka laga soo qaado gurigiisa looguna geeyo iyada oo lagu xisabinaayo gaari raaca (transportation-ka), qorshahaan waxa uu kuu sahlayaa in qoysaska deegaanka ey kugu soo xirmi karaan.

Ganacsigaan waxa kaliya uu ku hirgali karo waa in qiimaha lacagta lagu jaan gooyaa dadka deegaanka, si’ey u awoodaan lajaan qaadidda qorshahaaga ganacsi.

  1. Xirfadda dhar tolidda ama dawaarka

Harqaanno badan ayaa kajira deegaankeenna, xaqiiqdii aad ayay ubadanyihiin laakiin shaqada laga rabo mahaayaan oo cabashada ayaa badan sababtoo ah marwaliba aad dhar tolotnaysid  sida aad ula ballantay si’aan ahayn ayaa laguugu tolayaa tusaale in  cabbirkaaga laga gaabiyo ama laga dheereeyo.

Sidookale magaalada dhaxdeeda, dharka suuqa lagu iibiyo waa meelaha ugu ganacsiga fiican oo carwooyinka aad ayaa wax looga gataa, laakiin majirto haba yaraatee naqshad dhar oo Soomaaliya lagu sameeyo oo la-dalban karo, naqshadaha ugu badan ee dharka waxa ey nooga yimaadaan Kenya, maadama halkaasi Soomaali badan ey ku nooshahay oo ey dadkoodii usoo dhiibayaan dharka,  kaddibna qofkasto oo ku arko uu dalbanayo, ganacsatadana markaas kaddib ey keenaan isla dharkii.

Haddii aad furato harqaan dharka tola cabbir wanaagsan iyo waqti cayimanna ku soo saaro, gaar ahaan dharka dumarka maxaayeelay dumarka wey ka dhar iibsi badanyihiin ragga.

Sidookale haddii aad ku darsato naqshadeynta dharka waa fursad aad u fiican kana bannaan dalka.

4. Beeraha lagu ordo

Gabi ahaanba majirto xitaa hal beer oo leh waddooyin lagu aalamiiteeyo iyo kuraasman lagu nasto, beeraha nasiinada ayaa kajira dalka, laakiin dadka waxaa ku batay cudurada Macaanka iyo Dhiig-karka marwalibana dhaqaatiirta waxa ey kula taliyaan in ey jimicsi sameeyaan, dadki maheystaan meelo lagu ordo gaar ahaan Dumarka. Beeraha waxa ey soo jiidanayaan indhaha qofki marki uu ordana waxa ey ku fiicantahay in uu ku nasto.

Haddii aad jeclaatay in aad qorshahaan billowdid waxa aan kugu latalin lahaa in aad kala soocdid Dumarka iyo Ragga, maxaayeelay Dumar iyo Rag hal meel kuma wada ordi karaan!

5. Dhaqtarka Maqaarka:

Dhaqtar si qaas ah ugu taqasusay (specialist) cudurada maqaarka ee Soomaali ah, dalka dhaqaatiirta maqaarka ee kashaqeeya aad ayay ubadanyihiin bukaanadana kuma qanacsana, markasto ayaga oo cabanaya ayay isbitaalada katagaan.

Waxaa kale oo jira in badanaa dumarkeenna ey isticmaalaan waxyaabo kiimiko kabuuxdo si ey maqaarkooda u qurxiyaan laakiin nasiib xumo xaqiiqdii qofka waxaa ku dhacay in wajigiisa uu beddelmo in uu bahal u ekaado, aad ayay u fiicnaan lahayd in dhaqaatiirta maqaarka ku taqasusay ey noqdaan kuwa aqoon buuxda u leh waxyaabah dalka kajira ee maqaarka dila. Si’ey macaamiishaada u wanaagsanadaan waxa aad u keeni kartaa oo Farmshiga aad soo dhigi kartaa waxyaabo dabiici ah oo qofka quruxda u siyaadineysa.                    

Halkaas ayaan ku simeynaa, nabadeey….

 

Ilhaan Ciise Maxamed


Maku haminaysaa inaad wax badan ka barato ganacsiga iyo maamulka? Halkaan waxaad ka heli kartaa koorsada Maamulka Ganacsiga Caalamiga waliba waxaad ku qaadan kartaa shahaado adigoo meelwalbo caalamka ka jooga. Riix sawirka hoose:

 

Maamulka Ganacsiga Caalamiga – Koorso

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Waa Maxay Caddaynta Dakhliga ‘Income Statement?

Published

on


Sida aan u malaynaayo Eraygaan ‘Income statement waxaad ku maqashay luuqada ingiriiska oo kali. Waxaan isku dayey inaan raadiyo macnaha dhabta ah ee Afsoomaali ahaan waxa uu noqon karo eraygaan ‘Income statement, balse ma aanan helin. Sidaa awgeed waxaan isku dayey inaan eray-bixin u sameeyo.

Income statement’ waa labo eray oo la isku keenay, waxaan u kala saaraynaa sida tan:,

Income, oo ah dakhli iyo statement oo ah, bayaan.

Mala dhihi karaa Bayaan Dakhli, ama Dakhli Bayaan? Aniga aragtideyda uma malaynaayo inay sidaasi sax ku tahay, maxaa yeelay eray bixinta waa in marwalbo laga fiiriyaa sida ugu macquulsan ee noqon kara macnaha guud ama ka bixin kara sharaxaad guud.

Eray-bixin (Terminology) waa shuruudaha farsamada gaarka ah ee loo adeegsado ganacsiga, farshaxanka, sayniska, ama maaddada qaaska ah.

Eray-bixin waa erayo iyo erayo isku dhafan ama tibaaxyo badan oo erey ah oo macnahoodu gaar yihiin la siinayo macno gaar ah – kuwan ayaa laga yaabaa inay ka leexiyaan macnaha ereyada isku mid ah marka loo eego xaaladaha kale iyo luuqaddaha.

Sidaas awgeed haddii aan u kuur-galo qaabka aan eray-bixintaas u sameeyay ayaa ahayd ‘waxaan ka soo qaatay macnaha guud ee Income statement. Income statement ayaa ah habbabka maaliyadeed ee loo maro marka la rabo in la ogaado dakhliga shirkada soo gala.

Waa caddeyn maaliyadeed oo muujineysa faahfaahinta dakhliga ganacsiga, kharashyada, khasaaraha, iyo faa’iidooyinka muddada go’an.

Waa sababtaas, sababta aan eray-bixintaas ugu sameeyay ‘caddeynta dakhliga.

Hadda waxaan jeclahay inaan isfahanay, waxaana kaa rabaa inaad caqligaaga idaymiso. Hadaba, waa maxay caddeynta dakhliga?

Caddaynta dakhliga waa mid ka mid ah saddexda warbixin ee maaliyadeed oo muhiimka ah si loo adeegsado soo gudbinta waxqabadka maaliyadeed ee shirkadda muddada xisaabinta gaar ah, iyadoo labada qoraal ee kale oo muhiimka ahi ay yihiin xaashida haraagga ‘(Balance sheet) iyo bayaanka qulqulka lacagta ‘(the statement of cash flows).

Sidoo kale waxaa loo yaqaanaa faa’iidada iyo khasaaraha ama cadeynta dakhliga iyo qarashka, caddeynta dakhliga wuxuu si gaar ah diiradda u saaraa dakhliga iyo kharashaadka shirkadda inta lagu gudajiro waqtiga gaar ah.

 

Fahanka guud ee caddeynta dakhliga

Caddaynta dakhliga waa mid ka mid ah saddexda warbixin ee maaliyadeed oo muhiimka ah si loo adeegsado soo gudbinta waxqabadka maaliyadeed ee shirkadda muddada xisaabinta gaar ah, iyadoo labada qoraal ee kale oo muhiimka ahi ay yihiin xaashida haraagga ‘(Balance sheet) iyo bayaanka qulqulka lacagta ‘(the statement of cash flows).

Caddaynta dakhliga ‘waa qayb muhiim ah oo ka mid ah warbixinnada waxqabadka shirkadda ee ay tahay in loo gudbiyo guddiga agaasimayaasha shirkada ama maamulaha ganacsiga.

Waa maxay guddiga agaasimayaasha shirkada? Guji halkaan si’aad wax ugu ogaato: http://www.tukesomalism.com/archives/1129.

In kasta oo waraaqda xisaab-celinta ahi ay siineyso nuxurka maaliyadeed ee shirkadda illaa taariikhda gaarka ah, warbixinta dakhliga shirkada ayaa sheegta dakhliga soo gala waqtiga cayiman, cinwaankiisuna wuxuu muujinayaa muddada, oo loo akhrin karo “Sannad-xisaabeedka / sannad-maaliyadeedka dhammaaday. ”

Caddeynta dakhliga wuxuu diiradda saarayaa afarta shay ee muhiimka ah sida – dakhliga, kharashyada, guulaha, iyo khasaaraha.

Caddeynta dakhliga ma dabooleyso rasiidaha (lacagta ganacsiga uu helay) ama lacag bixinta (lacagtii ganacsigu bixiyay).

Waxayna ku bilaabmaysaa faahfaahinta iibka, ka dibna waxay u shaqeysaa si ay u xisaabiso dakhliga saafiga ah iyo ugu dambeyntii dakhliga ku soo gala qayb kasta ‘(earnings per share (EPS). Sidoo kale, waxay bixisaa koontada sida dakhliga saafiga ah ee ay shirkaddu u gaarto loo beddelo dakhliga saafiga ah (faa’iido ama khasaare).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Qaababka Aas-aasiga Ah Ee Lahaanshaha Ganacsi

Published

on

 


Marka laga hadlaayo xagga suuqa, ganacsi walbo wuxuu leeyahay qaab loo sharaxaayo ama ay u qeexaan milkiilayaasha ganacsigaas. Ganacsi walbo waxaa wanaagsan inuu leeyahay qaab loo sharaxi karo markii ay timaado xagga suuqa.

Haddii ganacsiga laga bixini karo sharaxaad waxay kuu suurta gelin kartaa inaad fahanto waxaad uga baahantahay inaad sameyso sida suuq geynta markaad sameynayso.

Ganacsi hal qof uu leeyahay  (Sole proprietorship): Ganacsiga noocaan oo kale ah waxaa iska leh hal qof oo kali ah. Qofka noocaan oo kale ayaa wax walbo oo ganacsigaas rasaamaal u ah iska leh. Sida makiinadaha, kombuyuutaradda IWM.

Milkiilaha ganacsiga noocaan oo kale ayaa lagu lahadaa deymo badan, laakiin markaad dhinacyo badan ka fiiriso marna waa Qatar weyn marna waxaa laga helaa faa’iido badan.

Iskaashiga (partnership): Waa ganacsi ay leeyihiin laba qof ama ka badan. Iskaashiga micnihiisa waa in waxwalbo la wadaago sida deymaha, rasamaalka ay leedahay shirkadda, macaamiilka, dejinta go’aamada, iyo guud ahaan in la wadaago faa’iido iyo qasaaro. 

Waxaa jiro saddex nooc oo iskaashi. Saddexda nooc ee ugu badan iskaashiga waxay kalla yihiin iskaashi faa’iido-doon, iskaashi guud iyo iskaashiga xadidan.

Ganacsi ka kooban dad badan (Corporation): Ganacsiga noocaan oo kalle waxaa lagu leeyahay daymo aan sidaas usii badneen. Waxwalbo oo ku jira ganacsigaas waxaa iskaleh dadka wax ku leh oo kali ah. Qof walbo oo ganacsigaas wax ku leh waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba.

Waxaa laga yabaa inuu ka koobanyahay 500 ama in ka badan milkiilayaal, milkiile walbo waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba inta uu ku leeyahay. Waxaana jira nidaam ka wada dhaxeeyo dhammaan milkiilayaashaas noocaan oo kale.

“Dhammaan ganacsiga nooc walbo uu yahay wuxu u baahanyahay dulqaad, qaasatan waqtiyada ugu horeyso oo uu ku cusubyahay suuqa. Ganacsiga wuxuu kale uu u baahanyahay hawlgal wanaagsan.

Hawlgalka ayaa loo baahanyahay inuu noqdo mid wax ku ool ah. Hawlgalkaan waxaa loo yaqanaa maamulka. Laamaha ugu waaweyn ee maamulka waa maareynta maaliyadda, maamulka suuq-geynta, maareynta shaqaalaha, maamulka istiraatiiji ah, maamulka wax soo saarka, maaraynta hawlaha, maamulka adeegga iyo macluumaadka, maamulka teknoolijiyada.

Marwalbo oo ganacsiga ku dhisanyahay xikmad iyo waayo aragnimo dheeri ah waxaa laga dareemaa saan-saanta kobaca dhaqaalaha ee ganacsigaas. Marwalbo la imaaw fikir aad kaga duwantahay ganacsadayaasha kale ee aad tartanka kulla jirto suuqa. Marwalbo waxaa wanaagsan in faraskaada fardaha wax kaga duwanyahay. Iskuday oo isku taxluuji inaad ku guulaysato siyaasadda aad ka damacsantahay inaad guullo kaga gaarto ganacsigaada.

“Ma ogtahay in libaax badeedka hal il uu ku hurdo?” marwalbo oo aad feejignaan joogto ah la timaado waxaa macquul ah inaad hanato ama aad dhammaystirto baahida ugu weyn ee suuqa taalo.

Ganacsiyada inta badan waxay leeyihiin “hantida aqooneed” oo u baahan in laga illaaliyo tartamayaasha shirkadda inuu sii joogo uu faa’iido. Tani waxay u baahan tahay shatiyada, xuquuqda, allaabooyinka ama illaalinta qarsoon ee ganacsiga.

Ganacsiyada intooda badan waxay leeyihiin magacyo, shicaaro, farsamooyinka kalle, Shatiyada iyo xuquuqda daabacaada. Dastuurka Soomaaliya waxaan ka rajeynaynaa inay soo saari doonaan sharciyo iyo qaanuuno ka hadlaayo arrimaha ku salaysan sharciyada ganacsiga ee federalka, halka sirta ganacsiga iyo trademarking inta badan laga doonaayo inay noqoto arin gobol.

Nidaamka ganacsiga dalka oo dhan in la dhiso oo la hergeliyo ku dhaqankiisa waxay suurta gelini kartaa ama ay u tahay horumarka dhaqaalaha bulshada qeybaheeda kalla duwan. Nidaamyada noocaan oo kale waxaa laga dhexlaa horumar iyo isbedel ku salaysan dhaqaalaha dalka oo idil.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Ganacsatada Soomaaliyeed Ma Kalsooni Darro Baa Haysa Mise Aqoondarro?

Published

on

 


Marka aad marayso laamiyada ama jidcaddayaasha halbawlaha ah ee magaaladaada, ama dhex marayso suuqyada waa weyn ee dalka, waxa shaki kaa galayaa in aad Soomaaliya joogto! Sababtuna waxa ay tahay; masawirrada ku dheggan tabeellayaasha suran foolka bakhaarrada, dukaamada, carwooyinka, dhartolayaasha, mayaaqadaha, hudheellada, timejarayaasha, gabdhoqurxisyada, xarumaha duullilmaadka, xarumaha dhardhaqaalka, isbitaallada iyo … iwm.

Haddii aad u fiirsato bakhaarrada, dukaamada iyo carwooyinka; waxa aad ku arkaysaa tabbeellyaashooda sawirro gaalo cadcad oo dhar qaba ama saacado. Meelaha dharka gabdhaha lagu iibiyo, waxaa ugu sawiran gabdho carbeed oo cabbaayado qaba ama carruur carbeed oo dharkooda qaba.

Xitaa meelaha qabdhaha lagu qurxiyo naago cadcad oo hablo ay isku qolo yihiin u cillaamaya ayaa ugu sawiran. Kuwa iibiya khamiisyada iyo catarrada waxaa ugu sawiran nin carab ah oo cigaal qaba. Dukaamada hilibka iibiyo iyo hudheellada cuntada gada, waxaa ugu sawiran nin koofi dheer qaba (oo gaal iyo islaan kuu yahay aanan garanayn) oo saxuun iyo middiyo wata, oo ag taagan digaag shiilan iyo showaarmo la saafayo. Kuwa dharka tola, niman aan u malayn in ay Hindi yihiin oo dhar tolan qaba ayaa ugu dawiran. Isbitaallada, jaad kasta oo yihiin ba, waxaa ugu sawiran niman iyo naago caddaan ah oo wax baaraya. Shirkada taleefoonnada, iyo kuwa bangiyada sawirro dad cad baa ugu dheggan!
Ma arkaysid maqaayada cuntooyinka dalka ay tabbeellayaasha ugu sawiran yihiin iyo qof Soomaali ah oo xayeysiinaya, iyaga oo weliba iibiya. Middii iigu yaabka badnayd, waxa aan arkay biibato iibisa caano geel oo keliya, misana uu ugu sawiran yahay nin cad oo caano cabbaya!
Intaas waxaa dheer, inta badan afka ugu qoran waa afaf qalaad: Ingiriis iyo Carabi.
Adduunyada, dhawr meel oo aan ka soo maray, waxaa xarumahooda ganacsi ugu dheggan sawirrada dadkooda, xitaa kuwooda ugu caansan, afkooda ayaana ugu qoran. Kuwaani, ma waayeen dad Soomaaliyeed oo ay ku sawirtaan iyo cid afkooda waxa ugu qorta mise kalsoonidarro ayaa haysa, oo dadka caddaanka ah iyo afka qalaad ayey kaga kalsoon yihiin mise taleefishinka waxa ay ka arkeen ayey soo minguuriyeen oo aqoondarro baa haysa!
Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka13 hours ago

Turkiga oo soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Gumeysi iyo isir sifeyn13 hours ago

Guddida Carabta iyo Islaamka oo ka soo horjeestay diidmada qayaxan ee Maraykanka intii lagu jiray shirkii BAnthony Blinken ay la qaateen

Afrika18 hours ago

Maxaa laga baran karaa Suudaan iyo faragelinta Qaramada Midoobay?

Diblomaasiyadda2 days ago

Shiinaha ayaa uga digay Mareykanka inuu ka fogaado arrimihiisa

Afrika2 days ago

Gumaysigu wuxuu ku dhex nool yahay dunida oo dhan – Pan-Africanist

Yurub2 days ago

Qaramada Midoobay oo qeylo dhaan ka soo saartay saboolnimada carruurta Boqortooyada Midowday

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 days ago

Waa maxay sababta luqadda Faransiiska ay u tahay luqadda inta badan looga hadlo Afrika?

Afrika3 days ago

Burkina Faso ayaa mamnuucayso luqadda rasmiga ah ee Faransiiska

Afrika4 days ago

Laba dawladood oo Afrikaan ah ayaa joojiyay heshiisyadii cashuuraha ee Faransiiska

Gumeysi iyo isir sifeyn4 days ago

Masar ayaa cambaareysay go’aanka Israa’iil ee ah in deegaamayn cusub laga dhiso Bariga Quddus

Bariga dhexe4 days ago

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta intii uu ku guda jiray booqashada Bariga Dhexe

Diblomaasiyadda5 days ago

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Arbacada booqan doona Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta – waa maxay ujeedka safarka?

Gumeysi iyo isir sifeyn5 days ago

Dagaalka Israa’iil ee cisbitaallada Qaza

Gumeysi iyo isir sifeyn5 days ago

Azmi Bishara: Israa’iil waxay qorsheynaysaa inay ka saarto dadka Qaza laakiin Masar way joojin kartaa

Afrika6 days ago

Dalalkla Burkina Faso, Maali, iyo Niger ayaa doonaya inay ballaariyaan iskaashigooda cusub

Aragtida Indheergaradka7 days ago

Aragtida shirqoolka iyo caqliyadda ugub ee dhalanteedka waayahan

Gumeysi iyo isir sifeyn7 days ago

Maraykanka oo si qarsoodi ah ugu diray Israa’iil bambooyinka ‘busting’ ee dagaalka Qaza: warbixin

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Israa’iil ayaa qorshaynaysa in ay disho shakhsiyaadka masuuliyiiinta ka ah ururka Xamaas

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Israa’iil oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe ay ka damacsan tahay Qaza dagaalka kadib

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo bisha soo socota ka qaadi doona cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda1 week ago

Waa kumaa Henry Kissinger, diblomaasigii qaabeeyey siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka?

Wararka2 weeks ago

Soomaali ku guulaystay Abaalmarinta Qaramada Midoobay

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay weeraryahano haystay markab lala xiriirinayo Israa’iil

Akhri2 weeks ago

Raxmo-yarey yaa uureeyay?

Wararka2 weeks ago

Diblomaasi.com waxay soo kordhisay qeyb WhatsApp Follow Channel ah ee aad kala socon karto qoraalada

Wararka2 weeks ago

Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya bishan Nofeember

Akhri2 weeks ago

Xamar iyo Xaalka Fillada Cad

Yurub2 weeks ago

Musharaxii mulxidka ahaa ee ku caanbaxay Islaam Naceybka oo ku guuleystay doorashadii Netherlaan

Wararka2 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxaa ka cusub heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?

Wararka2 weeks ago

Türkiga oo aan ku degdegi doonin in uu fuliyo rajada Iswiidhan ee ku biirista gaashaanbuurta NATO – Reuters

Wararka2 weeks ago

Norway: Laba ka mid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka ayaa lagu weeraray mindiyo – waa la xiray sida ay booliska sheegeen

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Xildhibaanada Koonfur Afrika ayaa u codeeyay in xiriirka loo jaro Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas?

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Saboolnimo Hoggaamineed

Afrika3 weeks ago

Qaramada Midoobay oo xirtay saldhig kale oo nabad ilaalineed oo ku yaalla Maali

Afrika3 weeks ago

Dimuqraadiyada reer galbeedka waa ay ku fashilantay Afrika – madaxweynihii hore Nayjeeriya

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Israa’iil oo ku hanjabay in ay duqayn doonaan dalalka Carabta

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Xisbiga haya talada Koonfur Afrika ayaa taageeray in xiriirka loo jaro Israa’iil

Afrika3 weeks ago

Suudaan oo dalbatay in si deg deg ah loo joojiyo howlgalka Qaramada Midoobay – Reuters

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

10 Talo oo ku saabsan sida loo helo guusha nolosha

Xul