Connect with us

Siyaasadda Soomaaliya

RW Xamza Cabdi oo mashaariic dowladeed u muhiim ah u xiray xildhibaano asiga ku dhow

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo in ka yar 7 bilood haya hoggaanka xukuumadda Soomaaliya, ayaa billaabay inuu mashaariicda dowladda u xiro qaar ka mid ah saaxibadiisa gaarka ah, sida ah ogaadeen warbaahinta gudaha.

Published

on

RW Xamza Cabdi Barre (Sawirka Xafiiska Ra'isal Wasaaaraha)

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo in ka yar 7 bilood haya hoggaanka xukuumadda Soomaaliya, ayaa billaabay inuu mashaariicda dowladda u xiro qaar ka mid ah saaxibadiisa gaarka ah, sida ah ogaadeen warbaahinta. 

Xamza Cabdi ayaa ugu horreyn hoggaanka xafiiskiisa u dhiibay xubno ay isku beel yihiin, ayada oo xoghayaha joogtada ah ee sida dadban u maamula xafiiska uu yahay Axmednuur Ulaax, oo ahaa xoghayihii joogtada ee ra’iisul wasaare Kheyre, inkasta oo xilkaas uu hadda ku magacaaban yahay Maxamed Zubeyr.

Axmadnur oo la-taliye ahaan u jooga xafiiska, ayaa haddana haysta awoodda ugu ballaaran, isaga oo ceyrin karo ama shaqaalayn karo ciddii uu doono, halka Maxamed Zubeyr uusan haysan awood dhaafsiisan inuu xilka ku magacaaban yahay. Waxaa sidoo kale xafiiska ra’iisul wasaaraha awood ballaaran ku leh laba xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Firimbi) iyo Xildhibaan Maxamed Jamaac Mursal (Geelle) oo labaduba ka soo jeeda beesha ra’iisul wasaaraha.

Labada xildhibaan ayaa saameyn weyn ku leh go’aanada uu Ra’iisal Wasaare Xamza qaato, waxaana ay yihiin la-taliyalaal uu ku kalsoon yahay oo uu talooyinka ka qaato, ayaga oo xafiiska ka qaata dhaqaale lagu sheegay “taabagalinta go’aanada Ra’iisal Wasaaraha.”

Sida ay soo xaqiijisay warbaahinta Caasimada Online oo ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, saddex asbuuc kahor, waxa uu Ra’iisal Wasaare Xamsa xafiiskiisa isugu keenay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, iyo Geele iyo Xasan Firinbi, ayada oo kulankaas lagu go’aamiyay in labada xildhibaan lagu wareejiyo qandaraaska maamulka iyo uruurinta dhaqaalaha kasoo xarooda bixinta ruqsadaha wadidda gawaarida iyo canshuur qaadka mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

Mashruucaan ayaa waxaa hadda kadib maamuli doono shirkad ay labada xildhibaan gadaal ka joogaan, waxaana la rumeysan yahay inay lacago badan kasoo gali doonto labada xildhibaan. Guddoomiye Yuusuf Xuseen ayaa sidoo kale waxaa lagu amray in mashaariic kale dib loo furo sida kuwa qashin qaadka iyo kan shidaalka, kuwaasi oo ay qayb weyn ku yeelan doonaan labada xildhibaan oo wakiil ka ah Ra’iisal Wasaare Xamza.

Qaar ka mid ah agaasimaye waxeedyada gobolka Banaadir ee dhawaan uu magacaabay Gudoomiye Yuusuf Madaale ayaa sidoo lagu amray inay si toos ah ula shaqeeyaan labada xildhibaan.

Waxaa muuqata in Ra’iisal Wasaare Xamza uu doonayo in saaxiibadiisa gaarka ah ay dhaqaale ka sameeyaan mashaariicda gobolka Banaadir, qayb ka mid ah dhqaaalahaas ayaa isaga si toos ah ugu dhaceysa koontooyinkiisa iyada oo la soo marsiinayo ilo kala duwan oo qarsoodi ah.

Sida la ogyahya, Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi ayaa kaalin weyn ku lahaa magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen, waxaana hadda muuqata in Madaale uu abaalgudayo.

Xafiiska Ra’isul wasaare ayaa Xamza Cabdi Barre waxaa loo magacaabay 15 Juun 2022, asigoo ku yimid nidaamka qabiilaysiga ee 4.5 waxaana u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ansixiyay baarlamaanka Juun 25, 2022 (229 ayaa oggolaaday, 7 ayaa diiday, 1 waa ka aamusay).

Xamza Cabdi ayaa sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya asigoo xilkaas helay 28-ka Diseember 2021, isagoo matalaya degmada Afmadow ee Jubbada Dhexe.

Magacaabistaan xilka ra’isal wasaarre ee Xamza, dadka u dhuun duleelo siyaasada Soomaaliya waxay sheegaan in lagu raaligelinaayo Axmed Madoow oo inta badan lagu sheego inuu laf dhuun gashay ku yahay siyaasadda horre-u-socodka Soomaaliya, kasoo aan xilka ka degin wakhtigii uu maamulkaas qabsaday illaa iyo hadda.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Isir Sooca Beelaha

Caddaalad Darro: Muxuu maamulka degmada Wadajir ay ku heystaan Asad Cabdi, haddii uusan dambiile aheyn?

Asad Cabdi kadib markii ay cadeymo iyo fal dambiyeed ku waayeen Laanta Dembi Baarista Booliiska waxay dib ugu soo celiyeen saldhiga degmada Wadajir oo ilaa iyo maanta uu ku xiran yahay.

Published

on


Ugu horeyn Asad Cabdi Maxamed waxaa maalmo kahor kaxeystay ciidan ka tirsan Laanta Dembi Baarista Booliiska ka dib markii lagu soo eedeeyay dil ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan Suuqa Weyn.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Salmaan Saqaawe xaaji (Siidoow) ayaa horey kaga tirsanaa Maamulka Degmada Wadajir xilagaa uu xilka hayay guddoomiye Cabdiraxmaan Aw Cali. Ka hor geeridii ku timid marxuumka wuxuu ahaa xoghaayaha maamulka degmada Wadajir, halka markii dambe uu isaga tagay shaqada maamulka.

Geeridii ku timid marxuumka ayaa aheyd mid aad looga taxadiray ayadoo bartilmaameedkooda ahaa in aanan gacanta lagu dhigin dambiilaha geystay dilka, kaliya lama uusan shaqeyn jirin maamulka degmada ee siddoo kale wuxuu ahaa xirfadle ku shaqeysta gacanta oo waxuu dawaarle ku ahaa suuqa weyn muddo badan.

Diblomaasi.com ayaa waxay baaris ku sameysay kiiskaan inkastoo naloo diiday inaan wareysano boosliska iyo maxbuuskaan aan illaa iyo hadda wax maxkamad ah la soo saarin – taasoo sharciga madadniga ka hor-imaanayso.

Haddaba markii loo yeeray ehelada iyo laanta barista waxaa la bilaabay in la qaado marxuumka si uu umaro baaris, mid ka mid ah dadkii asxaabtiisa ahaaa ayaa bilaabay inuu qabto madaxiisa oo uu dhiig badan ka qubanaayay. Argagax iyo qiiro badan uu dareemay Asad Cabdi ayaa shaki galiyay laanta barista ka dibna sidaa waxay ku xireen Asad Cabdi oo ay saaxiibo dhow ahaayeen marxuumka la dilay.

Ka dib markii laga dhaamaday baarista marxuumka ayaa si gaar ah loola baxay Asad Cabdi oo ay qol gaar ah ku wareysteen, ka dib markii ay cadeymo iyo fal dambiyeed ku waayeen waxay dib ugu soo celiyeen saldhiga degmada Wadajir oo ilaa iyo maanta uu ku xiran yahay.

Haddaba, sida caadiga ah laanta dembi baarista waxay baartaa dadka lagu soo eedeeyay inay dambiyo geysteen, balse haddii ay dambi ku weysana waa in lasii deeyaa ama damiin halagu daayo.

Kadib markii uu xirnaa maalin Diblomaasi.com waxay booqatay xabsiga si aan ugu kuurgalno, si aan u ogaano inuu maray wax sharci ah, sidoo kale waxaa isla meesha kula kulanay ehalada Asad Cabdi waxaana loo qabtay muddo inay sugaan taliyaha heysta saldhiga oo aan hadda magaciisa garaneyn. In ka badan 6 saacadood oo aan joognay saldhiga ayuu yimid taliyaha ka dib markii uu seexday qolkiisa nasiinada. Kadib, markii aan saacado ku daalnay saldhiga ayaa nagula yiri maalinka beri ah imaada si aan u galno kiiska Asad Cabdi, maalinta naloo qabtay oo ay ku beegneyd muddada naloo qabtay ayaan dib ugu laabanay saldhiga si aan usoo ogaano cidda uu u xiran yahay labbo maalmood asagoo dambi la’aan ah.!

Markii aynu wareysanay ehelka marxuumka geeriyooday ayaa Diblomaasi u sheegay inaysan u xirnayn Asad Cabdi, balse maamulka saldhiga waxay inoo sheegeen inuu u xiran yahay taliyaha saldhiga siddaa darteedna ay kusoo eedeeyeen dilka marxuumka geeriyooday – Caddaalad xumo!!

Sidda uu qabo shaqrciga qofna ma xirnaan karo in ka badan labbo maalin ama 48-saac, sidda ku cad dastuurka qabyada ah xeerka xaquuqda eedeysanaha qoddobka 35aad firqada (1aad) wuxuuna u qeexaa sidda tan: “eedeysanuhu wuxuu la mid yahay qof bari’ ah ama aan dambi gelin ilaa maxkamada ay si kama dambeys ugu cadeyso dembiga loo heysto”.

Sida ku cad qodobka korre ee dastuurka dalka Maamulka Degmada Wadajir waxay si cad ah ugu xad-gudbeen inay illaaliyaan shuruucda dalka ayaga oo sheegay inuu ku eedeysan yahay dilka marxuumka dhintay oo ay ahaayeen saaxiibo dhow.

Waa kuma Asad Cabdi Maxamed?

Asad Cabdi Maxamed wuxuu ka mid yahay xirfadle yaasha ku shaqeysta dawaareynta dharka dumarka wuxuuna mudoo badan ka shaqeysanaayay xirfadan asaga iyo marxuumka dhintay ayaa wadasheynaayay muddo badan ka mid markii uu meel si gaar ah u bilaabay.

Asad Cabdi, muwaadinkaan dhalasho ahaan wuxuu ka soo jeedaa deegaanka Qoryooleey uu ku dhashay, ka dib waxbarashadii dugsiga qur’aanka wuxuu kaga soo baxay deegaankii uu ku dhashay, kadib imaatinka uu yimid Muqdisho wuxuu bilaabay barashada maadiga uu ka bilaabay iskuulka Al-imra oo kuyaala degmada Dharkenleey.

Asad Cabdi Maxamed wuxuu ka mid yahay xirfadle yaasha ku shaqeysta dawaareynta dharka dumarka wuxuuna mudoo badan ka shaqeysanaayay xirfadan asaga iyo marxuumka dhintay ayaa wadasheynaayay muddo badan ka mid markii uu meel si gaar ah u bilaabay.

Seddex maalmood ma uusan la kulmin xaaskiisa iyo caruurtiisa waxaa dulmi cad ku heysta maamulka degmada wadajir, waxaa jira dad badan oo uu ka haayay dharkii ay xiran lahaayeen.

Cabdijabaar Sh. Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ramaas gaar ahaan kuliyada Difaaca iyo Dowladnimada ayaan kawareysanay kiiskaan iyo tayada booliska Soomaaliyeed ee maanta.

“Tayada loogu baahan yahay booliska marka ay wax baarayaan ayaa ah in marka hore aqoon duruqsan ay u leeyihiin habka wax baarista. Laanta booliiska waa hay’ad ka kooban dad ay awood u siisay dawladda in hawlaha dembiyada qabtaan, iyada oo ujeedadu tahay in la dhaqan geliyo sharciga, si loo xaqiijiyo badbaadada, caafimaadka, iyo hantida muwaadiniinta iyo ka hortagga dembiyada iyo khalkhalka madaniga ah.” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed

Awoodahooda sharciga ah waxaa ka mid ah xiritaan iyo adeegsiga xoogga ay isticmaali karaan iyagoo illaalinaayo sharciga madaniga. – ayuu sii raaciyey.

“Ciidamada booliska ayaa inta badan lagu qeexaa inay ka soocan yihiin ciidamada iyo ururada kale ee ku hawlan difaaca qaranka ee ka dhanka ah gardarada shisheeye; si kastaba ha ahaatee, waa cutubyo loo xilsaaray ilaalinta rayidka. Ciidamada booliisku inta badan waa adeegyada bulshada, oo lagu maalgeliyo canshuuraha. Marka aad u fiirsato qalallaadka ay Booliska Soomaaliyeed sameeyaan maanta waxay keeni kartaa qalqal amni, maxaa yeelay bulshada iyo dowladda waa inay ka dhaxaysaa is-aaminaad. Is-aaminaadaas ayaa xoojin karto in ficilada sida qaraxyada iwm ay soo sheegeen bulshada. Qofka muwaadinka ah ee la qabto oo eedaysanaha ah waa inuu jawaabta baaristiisa si dhaqso leh uu ku helaa, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in dambiilaha banaanka jooga – aqoonta booliska ayay ku xeran tahay sida ay ugu kuurgali karaan kiisaska noocaan oo kale. Mararka qaar ayaan maqlaa muwaadin iska xeran muddo 2 sano ah oo aan wax maxkamad lasoo saarin. Dhaqanaada noocaas ah amniga dalka laguma hagaajin karo – bulsho cid u caddaalad sameyso waysay waxwalbo ka filo.” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ramaas gaar ahaan kuliyada Difaaca iyo Dowladnimada.

“Sida ku cad kiiska Asad Cabdi Maxamed, wuxuu u baahan yahay caddaalad haddii uu geystay dambiga lagu soo eedeeyay oo ah inuu dilay markuumka dhintay. Hoggaanka booliska gobolka inay soo farageliyaan waa laga maarmaan haddii maamulka hoose wax ka qaban waayo.  Maamulka gobolka Banaadir iyo hoggaanka baarista waa inay shaciga hor keenaan Asad si loo caddeeyo dambiga uu ku eedeynaayo taliyaha saldhiga.” – ayuu yiri Cabdijabaar

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ‘oo wax ka qabaneysa’ arrimo ay ka cabteen saxaafadda

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dardar gelinayso in saxaafadda ay xogaha ay u baahan yihiin ka helaan hay’adaha dawliga ah, arrintaas oo ka mid ah qodobo ay saxaafaddu ka cabato.

Published

on


Agaasimaha wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulamo la qaatay saxaafadda madaxa banaan iyo kuwa caalamiga ah iyo weliba saraakiil ka tirsan dawladda Kenya.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay dalalka ugu halista badan ee ay wariyaasha ka howlgalaan, maadaama ay la kulmaan hanjabaadyo uga imaanaya maamulada, shaqsiyaadka hubeysan iyo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Warbixintii u dambeysay ee ay soo saartay Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudda Lahayn ayaa Soomaaliya ku sheegtay 163 ka mid ah 180-ka waddan.

“Cadaadiska saxafiyiinta ayaa ka imaan kara dhinacyo badan, gaar ahaan dalka intiisa badan waxaa gacanta ku haya hay’ado aan dowli ahayn ama ismaamul goboleedyo oo midkoodna aan aqoonsaneyn ama si dhib yar u aqoonsan awoodda dowladda dhexe,” ayay tiri suxufiyiinta aan xuduudda lahayn.

Qaar ka mid ah saxafiyiinta ayaa ka taga dalka oo door bida in ay ku noolaadaan dibad-bax.

FIIRO GAAR AH – Wariye Maxamed Guray oo kaamiradiisa ku dheggan ka dib markii uu ku dhaawacmay qarax labaad oo ka dhacay afaafka hore ee hotel Dayax ee magaalada Muqdisho, Janaayo 25, 2017

Cabdulqaadir Cumar Cabdulle ayaa ka mid ah. Bishii Luulyo 2012 laba nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa ka toogtay lugta iyo laabta, wuxuuna xilligaas u shaqeynayay TV-ga Universal ee Soomaaliya, balse wuxuu u sii shaqo tagay oo ku noolaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

“Taasi waxay ahayd waayo-aragnimo xanuun badan oo naxdin leh walina waxay igu soo dhacaysaa dhegahayga waxayna dhaawacday wadnahayga.” Cabdulle ayaa u warramay VOA Somali. “Waxay igu soo rideen ilaa todobo xabadood, laba ka mid ah waxay iga haleeshay caloosha, midna lugta, Alle mahadii waan ka badbaaday, laakiin weli waxaan la noolahay dhibtii soo gaartay.”

Dhawr sano ka dib, Cabdulle waxa uu dib ugu laabtay Muqdisho si uu u sii wato xirfaddiisa, balse waxaa mar kale la soo wacay telefoonno hanjabaad ah oo ku saabsan qaabkii uu uga hadlay weerarka. Taasi waxay keentay inuu ku laabto Nayroobi.

Saxafiyiinta ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay in ay aad ugu dheeraadaan in ay soo gudbiyaan warbixinada xasaasiga ah iyo kuwa la isku hayo ee danta guud.

Luqmaan Maxamed Faarax waa weriye ka tirsan Telefishanka Bulsho TV oo ah xarun gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay Hargeysa ee maamulka Somaliland.

“Mas’uuliyiinta lama saaxiibo saxaafadda mana bixiyaan macluumaadka ay u baahan yihiin saxafiyiinta, taasoo ku khasabta suxufiyiinta qaarkood inay tabiyaan wararka ay ka helaan ilo aan dowli ahayn, sababtaas awgeedna waxay la kulmaan xarig iyo caga-juglayn,” ayuu yiri Faarax.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka

Cabdullahai Maxamed Nuur oo horey usoo nqoday Wasiirka Amniga ayaa sheegay in xubnahan ay badankood iska soo dhiibeen dowlad goboleeyada Galmudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Published

on


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 107 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab ay isa soo dhiibeen labadii bilood ee lssoo dhaafay, sida uu xaqiijiyay agaasimaha xarunta Tubsan ee cilmi-baarista iyo ka hortagga xagjirnimada.

Cabdullahai Maxamed Nuur oo horey usoo nqoday Wasiirka Amniga ayaa sheegay in xubnahan ay badankood iska soo dhiibeen dowlad goboleeyada Galmudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

“Xubnaha isa soo dhiibay waxay iskugu jiraan carruur la askareeyay, oo aad da’doodu u yartahay, dad dhallinyaro ah oo ka mid ahaa jiray dagaalyahannada kooxdaas, haween, iyo horjoogeyaal sarsare oo ka tirsanaa kooxdaas” ayuu ku yiri Cabdullahai Maxamed Nuur muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladdu.

Waxa uu sheegay inay mari doonaan habraaca ‘dadka isi soo dhiibeyaasha, ee ka tanaasulay fikrahada xagjirka ah.’

“Waxaan mar kale ugu baaqeynaa xubnaha weli ku jira Al-shabaab inay kasoo baxaan oo ka faa’iideystaan xeerka cafiska ee dowladda ee dadka isku soo dhibaya dowladda” ayuu raaciyay agaasimaha Tubsan National Center.

Al-Shabab, oo macneheedu yahay “Dhallinyarada,” waxay rabtay inay isbedel adag ku sameyso Shareecada Soomaaliya oo dhan. Waxa ay hore u fulisay qaraxyo dhiiga ummada Soomaaliyeed daadiyey iyo dowladda soomaaliyeed ee lagu soo dhisay 4.5 wax ay ku eedaysay in ay yihiin tuugo oo gaal raac ah. Intaa waxaa dheer, kooxdu waxay mamnuucday in ragga xiirtaan garka.

Dad badan oo falanqeeya arrimaha amniga geeska Afrika ayaa aaminsan in faragelinta milateri ee Itoobiya ay xagjirka ka dhigtay Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Itoobiya ayaa ku andacootay in howlgalkaas uu ahaa mid loo baahnaa, isla markaana Mareykanka iyo Midowga Afrika ay taageerayaan howlgalka.

Koonfurta oo la riixo, al-Shabaab waxa ay qaadatay mawqif fikireed oo aad uga xun kii Maxaakiimta, iyada oo taageertay diinta Islaamka oo asal ah.

Intii u dhaxaysay 2006-2008, Al-shabaab waxa ay qorteen kumannaan dagaalyahano ah si ay u qalqal geliyaan dawladdii KMG ahayd ee Soomaaliya. Muddadaas, kooxda fallaagada waxay xiriir la sameeyeen Shabakadda Al-Qaacida Usama Bin Laden.

Maanta, waxay Dowladda Soomaaliya sheegtay in ciidamada xoggaa dalka oo kaashanaya kuwa madaniga ah ee deegaanka ay dileen saddex ka tirsan saraakiisha Al-shabaab, kadib howlgal ‘qorsheysan’ oo xalay ka dhacay deegaanka Ceel-La Helay ee Galmudug.

Xubnaha la dilayay oo ay dowladdu ku tilmaantay ‘dambiileyaal ayaa magacyadoodu kala ahaayeen Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre.

“Hawlgalka oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyay loona fuliyay waxa uu dhabarka ka jabiyay guud ahaan Khawaarijta gaar ahaan kuwa ku dhuumaalaysanaya Galmudug.” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda oo intaas raaciyay

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka deegaanka ee gacanta ka gaystay fududaynta hawlgalka.
Waxaa ka go’an Dowladda oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo dib uga guurtay deegaano ay hore uga qabsadeen argagixisada Al-Shabaab

Ciidamada dowladda ee hadda dib ugu baxay deeganada ayaa waxay qabsadeen toddobaadyadii lasoo dhaafay. Ujeedka rasmiga ah ayaanan cadeymo rasmi ah loo haynin.

Published

on


Saraakiisha amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay dib uga gurteen magaalooyin iyo degaanno ka mid ah kuwii ay qabsadeen toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Laba ka mid ah saraakiisha dawladda oo diiday in magacooda la sheego maadaama aysan oggolaansho u haysan inay ka hadlaan hawlgallo xasaasi ah ayaa sheegay in ciidanku ay Isniintii dib uga soo gurteen Ceel Dheer, Masagaway, Budbud iyo Galcad.

Mid ka mid taliyayaasha ciidamada dawladda Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ah taliyaha guutada 26aad ayaa waraysi uu shalay galab siiyey VOA ku sheegay inay jirto “waxyaabo yar yar oo istiraatijiyad darteed dib looga gurtay oo si tartiib ah gadaal looga baxay” sida uu hadalka u dhigay inkastoo aanu sheegin goobahaas.

Mid ka mid ah saraakiisha dawlada ayaa VOA u sheegay in goobaha dib looga gurtay aan dawladda dagaal looga qabsan, sidii markii horeba aanay dawladdu dagaal ugu qabsan goobahaas.

Ka sokow goobaha dib looga gurtay, ciidamada dawladda ayaa weli ku sugan magaalada Ceelbuur oo ay qabsadeen Jimcihii.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay isku filan yihiin inay is difaacaan, waxaana uu dadka degaanka ugu baaqay inay mas’uuliyad isa saaraan, oo ay sharafkooda iyo magacooda difaacaan, dagaalka socdana aan la siyaasadayn.

Falanqeeyeyaasha amniga Soomaaliya ayaa qaba in dowladda dhexe iyo taliska ciidamada labadaba laga rabo in ay la yimaadaan qorshe weyn oo muhiim ah, kaas oo ku saabsan sidii loo xaddidi lahaa xogta dagaalka iyo askarta ka qeyb-galeysa intaba, taas oo haddii aysan dhicin wax badan horseedi karta, oo ay ku jirto inay yimaadaan fashil iyo dib u dhac badan.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ku jirto dowladda Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda geli doona marxalad cusub. Diyaar garow ciidan oo xoog leh ayaa ka jira Gobollada dhexe, gaar ahaan magaalooyinka ku dhow caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Gulufkan cusub ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab looga qabsado magaalooyin iyo deegaanno badan oo ay muddo dheer gacanta ku hayeen oo ku yaalla Gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, si loo xaqiijiyo in si buuxda dowladda uga taliso dhulka ballaaran ee ku yaalla dacallada bari iyo Koonfur ka xiga Webiga Shabeelle.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodishe” ayaa madal uu ka hadlayay ka sheegay in gulufkaan cusub “dowladdu u diyaarisay 15 kun oo askari”.

Waxaa intaasi dheer maleeshiyaad qabaa’il oo ciidamadaasi ka taageeraya dagaalka, kuwaas oo lagu soo bandhigayay maalmihii lasoo dhaafay degmooyin ku yaalla gobolka Galgaduud.

 

___

Xigasho: VOA SOMALI

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Maleeshiyada Taageersan Somaliweyn oo la wareegay saldhig ciidan oo ay leeyihiin maamulka Somaliland

Maleeshiyo taabacsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay la wareegeen saldhig weyn oo ay ku lahaayeen ciidamada maamulka Somaliland.

Published

on


Maleeshiyada SSC ee taabacsan dowladda Soomaaliya ayaa Jimcihii sheegay inay la wareegeen saldhig weyn oo ay ku lahaayeen ciidamada maamulka Somaliland.

Gobolka Sool oo ay xarun u tahay magaalada Laascaanood ayaa muddo bilo ah waxaa ka socday dagaallo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada SSC oo ka soo horjeeda maamulka jamhuuriyadda iskeed iskugu magacaawday madaxbannaanida ee Soomaaliland sannadkii 1991-kii, balse aan weligeed la aqoonsan.

C/qani Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada SSC oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Goojacade oo ah saldhigii ugu weynaa ee ciidamada Somaliland ku lahaayeen deegaankaas oo ku dhow magaalada Laascaanood.

“Waxaanu saaka aroortii weerar culus ku qaadnay saldhiga ugu weyn ee ciidamada Somaliland, waxaanu la wareegnay dhamaan saldhigyadii ay ku lahaayeen duleedka Laascaanood oo ay ku jirto saldhiga weyn ee Goojacade” ayuu yidhi Maxamed.

“Waxaa jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac” ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray in ciidamadiisa ay ka qabsadeen hub, islamarkaana ay qabteen tiro maxaabiis ah oo aan la cayimin.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaal bishii Febraayo ka dhacay deegaankaas oo u dhexeeyay SSC iyo ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland.

Dadka reer Laascaanood oo aan khadka taleefanka kula xiriirnay ayaa sheegay in ay maqleen jugta dagaal culus oo dhacay subaxnimadii Jimcaha.

Taliye kale oo ka tirsan ciidamada SSC C/laahi Muxidiin ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen dhawr isbaaro oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland.

Wasaaradda gaashaandhigga ee maamulka Somaliland ayaa sheegtay in ciidamadooda ay baneeyeen fariisimo ay kaga sugnaayeen bariga gobolka Sool, balse waxay sheegtay in ciidankoodu uu dib u abaabulan yahay, isla markaana ay diyaarinayaan weerar rogaal celis ah.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa isku haya labada maamul ee Somaliland iyo Puntland oo ah labo maamul oo ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya, waa sida caalamka aqoonsan yahay.

Dagaalkan oo dhacay bishii febraayo ee sanadkan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ay madax dhaqameedka deegaankaasi ay sheegeen in ay taageero u fidin doonaan dawladda dhexe ee Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan, isla markaana ay ku booriyeen maamulka Somaliland ee ka goostay inay ciidamadooda kala baxaan.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegtay 24-kii luulyo inay joojisay shaqadii ay ka haysay isbitaalka guud ee Laascaanood, iyadoo sheegtay “Weerarrada soo noqnoqda ee xarumaha caafimaadka iyo heerka rabshadaha ba’an ee Laascaanood (kuwaaso) gaaray heerkii ay MSF awoodi wayday inay wax ka qabato”.

16kii Febraayo, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa ku qiyaasay in in ka badan 185,000 oo qof ay ka carareen rabshadaha.

Somaliland oo ah maamul ay ku nool yihiin 4.5 milyan oo qof, ayaa waxaa qabsaday xukunka talada Muuse Biixi Cabdi. Muse Biixi Cabdi sida oo kale waa guddoomiyaha xisbiga talada haya ee maamulka Somaliland, wuxuu ku dhashay miyiga Hargeysa 1948 wuxuu waxabarashadiisii Quraanka, dugsiga hoose iyo dhexeba uu ku qaatay magaalada Hargeysa. Dugsiga sare ee Cammuud ee Borama ayuu ka qalin jebiyay 1970-kii.

Ka dib wuxuu ku biiray ciidamada cirka ee Soomaaliya. Sanadihii 1970 illaa 1973, wuxuu tababar sarkaalnimo siiyay Midowgii Soviet. Markii uu ku soo noqday dalka, wuxuu ka hawlgalay saldhigyadii ciidankii cirka ee Balli-doogle, Baydhabo iyo xaruntii dhexe ee ciidankaasi ee Muqdisho.

Maamulka Soomaaliland ayaa in badan ku hungoobay raadinta dowladnimo madax-banaan. Illaa iyo hadda maamulka ayaa ah mid aan la aqoonsanayn, taas oo ka dhigtay mid sabool ah oo cidlo ah. Si kastaba ha ahaatee maamulka ayaa ahaa mid xasiloon marka loo eego Soomaaliya oo ay soo martay tobannaan sano oo dagaallo sokeeye ah iyo kacdoonno Islaamiyiin ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Muxuu yahay mustaqbalka Macawiisleyda kadib dagaalka Al-Shabaab?

Maleeshiyaadka qabaa’ilku waxay si adag ula dagaallameen kooxda Al-Shabaab, iyaga oo sabab u noqday in laga saaro dhul gaaraya boqollaal KM su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah xaggee ku dambeyn doonaan?

Published

on


Maleeshiyaadka qabaa’ilka ee loo yaqaan “Macawiisley” ayaa cudud ciidan oo lama filaan ah u noqday dagaalka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka qabaa’ilku waxay si adag ula dagaallameen kooxda Al-Shabaab, iyaga oo sabab u noqday in laga saaro dhul gaaraya boqollaal KM.

Arrintaasi waxay dhiirri-gelisay in beelo kale ay sameeyaan abaabul dhexdooda ah, si ay u abuuraan ciidan cusub oo Macawiisley ah, si gulufka ay dowladdu waddo qeyb uga noqdaan. Qorshahaas waxaa bud-dhig u ah siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega Galmudug iyo HirShabeelle.

Billowgii maleeshiyada Macawiisley

Ciidamada beelaha ee loo yaqaanno Macwiisley ayaa waxay markii ugu horreysay sanadkii 2014-kii ka abuurmeen inta u dhexeysa degmooyinka Maxaas iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kadib markii Al-Shabaab ay cadaadis saareen dadka xoola-dhaqatada ah.

Labada dhinac ayaa tan iyo wixii xilligaasi ka dembeeyay uu dhex-marayay dagaallo qaraar oo sabab u noqday in uu soo kala gaaro khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Mid ka mid ah dagaalladii dhex-maray Al-Shabaab iyo Macwiisley oo bishii October 2018-kii ka dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa lagu dilay labadii hoggaamiye ee laf-dhabrta u ahaa ciidamadii beelaha ee kooxdaasi kula dagaallamayay Shabeellaha Dhexe, Hibaad Cali Dasar iyo Nuur Cali Junbur.

Dagaal kale oo dhammaadkii bishii September ee sanadkii 2022-kii ka dhacay deegaanka Ceelqooxle oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu dilay Nabadoon Cilmi Hagar Guure, oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee sida weyn u abaabulayay ciidamada Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan.

Muxuu yahay hadafka Macwiisleydu ee dagaalka Al-Shabaab?

Ciidamada qabaa’ilku “Macwiisley’ laguma aas-aasin aragti weyn oo siyaasadeed marka laga reebo cadaadis dadka xoola-dhaqatada ah ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, mana jirin hadaf weyn oo siyaasi ah oo ay ka lahaayeen dagaalkooda. Laakiin, waxaa gacanta beelaha dagaallamaya galay hub xooggan oo ay iibsadeen taas oo ay dadka qaar ka muujinayaan walaac xooggan halka uu ku dembeyn doono, marka uu soo dhamaado dagaalka dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

Fallanqeeyeyaasha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba “in haddii aan qorshe laga yeelan” arrintaasi ay abuuri karto mustaqbalka caqabad xagga amniga ah oo u baahnaan doonta in lala tacaalo, loona baahanyahay in dowladdu ay kasii taxadarto, sida uu VOA-da u sheegay Cumar Yuusuf oo ah bare Cilmiga siyaasadda ka dhiga qaar kamid ah Jaamacadaha Muqdisho.

“Hubka xooggan ee ku jira gacanta ciidamada beelaha ee loo yaqaanno Macawiisley waa mid labo af leh, haddii loo helo qorshe iyo istaraatiijiyad maleeshiyadaas tirada badan lagu qarameeynayo, waxay iila muuqataa in laga nabad-geli doono, haddiise qorshe iyo nidaam lagu qarameeyo aan la helin waa lama huraan in beelahu ay iyagu isku jeestaan,” ayuu yiri Cumar Yuusuf.

Muhiimadda Macawiisley ee dagaalka Al-Shabaab

Marka laga yimaado walaaca laga muujinaya hubka baaxadda leh ee galaya gacanta ciidamada qabaa’ilka oo ay iyagu iibsadeen, haddana kaalinta ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay muujineysaa in dowladdu u baahantahay in ay ka bar-bar dagaallamaan, sida uu qeexaya Cumar Cabdi Jimcaale oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku sifeyn karaa in Macawiisley aheyd laf-dhabarka guulahii waa weynaa ee laga soo hooyay dagaaladii sanadkan iyo sanadkii horeba ka dhacay maamullada HirShabeelle iyo Galmudug. Macawiisley waa shacabkii oo dagaallamaya, taas marka waxa aay ka dhigan tahay in Macawiisley aheyd, walina tahay shacabkii oo dowladda ka barbar dagaallamaya, macquulna ma aheyn in dowladdu guula soo hoyso la’aantood,” ayuu ku dooday Cumar Jimcaale.

Qaar kamid ah dadka taxliiliya siyaasadda iyo amniga Soomaaliya ayaa qaba, in haddii dagaalka Macwiisley laga ilaaliyo siyaasadeyn uusan hadda uga dhex muuqan halis weyn oo dhib ku noqon karta amniga dalka, sida uu mar kale VOA-da u sheegay Cumar Cabdi Jimcaale.

“Caadiyan, Macawisley maahan koox u abaabulan qaab siyaasi ah oo leh hadaf ka baxsan in al-Shabaab iska xoreeyaan. Hubka aay wataan waa hubkii aay hore u haysteen. Taasi macnaheedu waa in Macawisley, nafsad ahaanteed, wax khatar amni ah Soomaaliya u keeni karin. Balse khatarta jirta, haddana muuqata ayaa ah in siyaasiyiin dano gaar ah leh uga faa’iideystaan ahdaaftooda gaarka ah, iyadoo laga yaabo in aay u habar-wacdaan Macawiisley ku qabiil ah, taas oo qatar amni dhalin karto, dowladana looga baahanyahay in aay ka baaraan dagto,” ayuu yiri Cumar Jimcaale.

Macwiisleyda Soomaaliya iyo kooxahii Saxwaadka Ciraaq

Dhammaadkii sanadkii 2006-dii waxaa gobollada ay ku badan yihiin dadka Sunniyiinta ah ee waddanka Ciraaq laga abaabulay qabaa’ilka oo laga horgeeyay kooxdii Al-Qaacida oo ku awood badneyd dhulkooda, waxaana taageero siinayay dowladda Ciraaq oo garab ka heleysa Mareykanka.

Dhaq-dhaqaaqan oo loo yaqaannay “Saxwaad” ayaa waxay Al-Qaacida kula dagaallameen dhul ballaaran oo ay kamid yihiin Al-Anbaar, Diyaali, Salaaxu-diin iyo deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen Al-Qaacida, waxayna guud ahaan kala wareegeen deegannadaasi oo ay muddo haysteen.

Dagaallamayaashii Saxwaadka oo u dhexeeyay 80 illaa 100 kun oo askari, waxaa ka bar-bar dagaallamayay ciidamada dowladda.

Marka dhacdadaan lala bar-bar dhigo Soomaaliya, ma jirtaa isku ekaashiyo iyo kala duwanaan u dhexeysa Saxwaadkii Ciraaq iyo Mcawiisleyda Soomaaliya? Waxaa su’aashan weydiinay Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo ah cimi-baare iyo fallanqeeye ka faallooda ururrada Islaamiga ah ee hubeysan.

“Waa la is-bar-bar dhigi karaa Macwiisleyda Soomaaliya iyo Saxwaadkii Ciraaq. tusaale, Macwiisley waa beelihii oo dagaallamaya, dowladdiina waa la socotaa oo way is-kaashanayaan, waana si la mid ah wixii Ciraaq ka jiray. Beelahu waxay yaqaannaan dhulka, xogta ayey sidoo kale ku heli karaan si fudud, waxay garanayaan dhulka biyaha leh iyo meelaha oomanaha ah. Dadka reer miyiga ah waa kuwa aan daalin oo dagaalyahanno ah,” ayuu qoraa Cabdiraxmaan Sahal u sheegay VOA.

Waxa uu intaas ku daray “dowladdu waa in ay farsamo ahaanna taageerto, lana socoto, hadhowna waa in lagu kala daro ciidamada, hase-ahaatee, waa in aysan noqon kuwa hadhow meel cidlo ah looga tegay, waayo halis ayey noqon karaan. Hoggaanka Macwiisleydu waa in ay yeelataa dowladda dhexe.”

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo dhowr jeer la weydiiyay mustaqbalka Macwiisley ayaa waxay sheegeen in kuwii daneynayana lagu dari doono ciidamada dalka, halka kuwii raba in ay xoolahooda dhaqdaanna ay hubka iska dhigi doonaan.

Si kastaba, maleeshiyaadka beelaha ee qaatay hubka waxaa muhiim ah in loo helo qorshe qaran oo ku aaddan sidii laga yeeli lahaa dagaalka Al-Shabaab kadib, haddiiba lagu guuleysto in kooxda Al-Qaacida ku xiran laga adkaado.

__

VOA SOMALI

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Gorfayn2 days ago

Gorfaynta Buugga Dabar iyo Hoggaan

Isir Sooca Beelaha3 days ago

Caddaalad Darro: Muxuu maamulka degmada Wadajir ay ku heystaan Asad Cabdi, haddii uusan dambiile aheyn?

Diblomaasiyadda & Dunidda4 days ago

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay: Maxaa laga filan karaa kulanka ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha adduunku ee toddobaadkan?

Wararka4 days ago

Wadamadii hore ee Faransiiska gumaysan jiray ayaa abuuray isbahaysi milatari

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban

Qoyska & Horumarinta Bulshada1 week ago

Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?

Dhaqaalaha2 weeks ago

Ururka G20 ayaa Midowga Afrika u aqoonsaday xubin joogto ah

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Mareykanka oo joojinaya joogitaanka militari ee Niger – Politico

Wararka2 weeks ago

Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dalka Marooko ayaa dilay in ka badan 2,000 oo qof

Afrika2 weeks ago

In ka badan 60 qof ayaa lagu dilay weerarro lagu qaaday doonyo iyo xero ciidan oo ku taal Maali

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Xagguu marayaa dagaalka dowladda Soamaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab?

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Dowladda Soomaaliya ‘oo wax ka qabaneysa’ arrimo ay ka cabteen saxaafadda

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 weeks ago

Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada

Afrika2 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Gabon ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah

Bariga dhexe2 weeks ago

Israa’iil ayaa furtay safaaraddeeda Baxrayn, saddex sano ka dib markii ay caadi ka dhigeen xiriirkooda

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah

Afrika3 weeks ago

Ruushka oo diidmada qayaxan ku diiday cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee saaran dal Afrikaan ah

Afrika3 weeks ago

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub oo ka fal celiyay afgambiyada Afrika

Afrika3 weeks ago

Afgambi ayaa ka dhacay dalka Gabon – AFP

Geeska Afrika3 weeks ago

Qaramada Midoobay oo soo bandhigtay tirada dadka ku dhintay iska horimaadyada ka dhacay Itoobiya

Xafiiska Wararka3 weeks ago

In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay Koonfur Afrika

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo dib uga guurtay deegaano ay hore uga qabsadeen argagixisada Al-Shabaab

Afrika3 weeks ago

Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaa wada-hadallo uga socday Qaahira, kuwaas oo ku saabsan biyo-xireenka GERD ee muranka dhaliyay

Geeska Afrika3 weeks ago

Taliyaha ciidamada Suudaan Burhaan ayaa ku wajahan Masar, waa safarkiisa ugu horeeyay ee dibadda ah tan iyo colaada

Afrika4 weeks ago

Kooxda Daacish ayaa guulo waaweyn ka gaartay Maali, sida ay sheegeen khubarada Qaramada Midoobay

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Maleeshiyada Taageersan Somaliweyn oo la wareegay saldhig ciidan oo ay leeyihiin maamulka Somaliland

Geeska Afrika4 weeks ago

Madaxweynihii Gobolka Amxaarada ee Itoobiya oo iscasilay – sababta waa maxay?

Wararka4 weeks ago

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda duleedka Ceeldheer

Wararka4 weeks ago

Niger oo eriday safiirkii Faransiiska

Xafiiska Wararka4 weeks ago

Dowladda Danmark ayaa doonaysaa inay mamnuucdo gubista Kitaabka Qur’aanka

Geeska Afrika1 month ago

Itoobiya ayaa wacad ku martay in ay xalin doonto khilaafaadkii galaaftay nolosha 100,000 oo qof

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Muxuu yahay mustaqbalka Macawiisleyda kadib dagaalka Al-Shabaab?

Xul