Arrimaha Amniga
Saameynta siyaasaddeed iyo amni ee ka dhalan karta ‘hadalka’ Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi
Haddii uu masuul heerkan jooga u muuqdo inuu siyaasadda xisbiga ka hormarinayo mas’uuliyadda qaran, waxaa dhalan karta su’aalo la xiriira madax-bannaanida hay’adaha amniga.

Hadalka siyaasiyiinta sare ee dowladdu ma aha hadal caadi ah, gaar ahaan marka uu kasoo yeero masuul mas’uul ka ah amniga qaranka iyo hoggaaminta wasaaradda difaaca. Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabad dadweyne ku sheegay in Soomaaliya ay maanta ka jiraan “labo xisbi oo keliya”, kuwaas oo uu ku tilmaamay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) iyo kooxda Al-Shabaab.
Hadalkan marka laga eego dhinaca maamulka dowliga ah, hadalka wasiirka waxaa loo fasiran karaa inuu ka tarjumayo aragti siyaasaddeed oo ka baxsan doorka wasiir difaac. Wasiirka Gaashaandhiggu wuxuu mas’uul ka yahay difaaca qaranka, illaalinta ciidamada qalabka sida iyo mideynta shacabka marka la wajahayo khataraha amni sidaas darteed, hadal kasta oo kasoo yeera waa inuu muujiyaa dhexdhexaadnimo siyaasadeed, kalsooni geliyo bulshada, isla markaana xoojiyo wadajirka qaranka.
Haddii uu masuul heerkan jooga u muuqdo inuu siyaasadda xisbiga ka hormarinayo mas’uuliyadda qaran, waxaa dhalan karta su’aalo la xiriira madax-bannaanida hay’adaha amniga.
Dastuur kasta oo dimuqraadi ah wuxuu aqoonsan yahay tartanka xisbiyada badan iyo xorriyadda ururrada siyaasadeed. Soomaaliya waxay muddo dheer ku dadaalaysay inay ka gudubto nidaamkii awood-qaybsiga qabiilka kuna tallaabsato nidaam ku dhisan axsaab siyaasadeed iyo doorasho qof iyo cod ah.
Sheegashada ah in dalka ay ka jiraan laba xisbi oo keliya waxay si toos ah u dhaawici kartaa kalsoonida ay qabaan xisbiyada kale ee sharciga ku diiwaangashan iyo taageerayaashooda. Waxay sidoo kale abuuri kartaa dareen ah in dowladda aysan si siman ula dhaqmayn dhammaan tartamayaasha siyaasaddeed. Arrinta kale ee xasaasiga ah waa isbarbardhigga aan tooska ahayn ee lagu sameeyay xisbi siyaasadeed iyo urur hubeysan.
Al-Shabaab waa koox hubeysan oo dowladda kula jirta dagaal muddo dheer socday, halka xisbi siyaasadeed uu yahay hay’ad sharci ah oo ka qayb qaadanaysa nidaamka dimuqraadiyadda. Marka labadaas dhinac lagu soo hadal qaado hal qaab, inkastoo ujeeddadu noqon karto tusaale siyaasaddeed, waxaa dhici karta in fariintu noqoto mid abuureysa jahawareer siyaasadeed iyo dood aan loo baahnayn.
Dhinaca amniga, hadallada noocan oo kale ah waxay saameyn karaan niyadda ciidamada ku jira furimaha dagaalka. Ciidamadu waxay dagaal ugu jiraan inay ka hortagaan koox hubeysan oo loo arko khatar qaran. Haddii hoggaanka siyaasaddeed ee ciidamada uu hadallo muran dhalinaya jeediyo, waxaa dhici karta in xoogga warbaahinta iyo doodda siyaasadeed ay ka weynaato fariinta ku saabsan taageeridda ciidamada iyo hawlgallada socda. Taasi waxay yareyn kartaa diiradda shacabka iyo tan siyaasadda ee ku wajahan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Dhanka kale, kooxaha hubeysan waxay inta badan ka faa’iidaystaan khilaafaadka siyaasaddeed iyo hadallada muranka dhaliya. Dacaayadaha ururrada xagjirka ah waxay isku dayaan inay muujiyaan dowlad kala qaybsan ama aan lahayn siyaasad mideysan. Sidaa darteed, hadal kasta oo dhalinaya dood gudaha ah wuxuu siin karaa fursad dacaayadeed kooxaha kasoo horjeeda dowladda, inkastoo uusan taas ujeeddadiisu ahayn.
Olollaha siyaasaddeed iyo amniga qaranka
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la kala saaro ololaha siyaasaddeed iyo amniga qaranka. Wasiirka Gaashaandhigga wuxuu xaq u leeyahay aragti siyaasaddeed, balse marka uu ku hadlayo magaca dowladda waxaa laga filayaa inuu illaaliyo dhexdhexaadnimada hay’adda uu hoggaamiyo. Dowladaha leh dhaqanka caqlaaqiyeed ee qaranimo waxay ku dadaalaan in ciidamada iyo wasaaradaha amnigu aysan u muuqan kuwo dhinac u janjeera, si kalsoonida shacabka ay u sii jirto.
Marka laga eego xiriirka dowladda iyo bulshada, jawaab cad oo rasmi ah ayaa muhiim noqon karta haddii hadal wasiir uu abuuro muran weyn. Dowladda waxay fursad u heli kartaa inay caddeyso mowqifkeeda ku aaddan nidaamka xisbiyada badan, sinnaanta tartanka siyaasaddeed iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta dhexdhexaadnimada hay’adaha amniga. Caddeyn noocaas ahi waxay yareyn kartaa shakiga bulshada waxayna xoojin kartaa kalsoonida geeddi-socodka siyaasaddeed.
Waxaan kusoo koobayaa, hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi wuxuu noqday hadal siyaasaddeed oo dhalisay falanqayn qotodheer oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.
Inkastoo ujeeddada hadalku ay noqon karto mid siyaasadeed ama dhiirrigelin ah, haddana saameyntiisa waxay gaari kartaa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin kalsoonida xisbiyada, dhexdhexaadnimada hay’adaha amniga, niyadda ciidamada iyo aragtida bulshada ee dowladnimada. Soomaaliya oo ku jirta marxalad xasaasi ah oo dib-u-dhis dowladeed iyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab waxay u baahan tahay in masuuliyiinta sare ay adeegsadaan hadallo mideeya bulshada, dhiirrigeliya wada-hadalka siyaasadeed, isla markaana illaaliya kalsoonida shacabka iyo hay’adaha qaranka. Isku dheelitirka u dhexeeya tartanka siyaasadeed iyo ilaalinta midnimada qaranka ayaa weli ah tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo xasillooni siyaasadeed iyo amni waara.
Arrimaha Amniga
Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka
Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in dowladda ay heshay xog ku saabsan ilaa 260 askari oo hubeysan oo la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa beeniyay in dowladda federaalku weerartay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, isaga oo ku dooday in dowladda ay mas’uul ka tahay sugidda amniga dalka, isla markaana ay sharci u leedahay inay tallaabo ka qaaddo meelaha lagu ururinayo hubka iyo maleeshiyaadka.
Wasiirku wuxuu sheegay in haddii dowladdu damacsanayd inay weerarto guriga Shariifka ay fursado badan u heshay inay sidaas samayso balse ay dooratay wadahadal iyo in arrimaha lagu xalliyo si nabadeed. Waxa uu intaas ku daray in dhacdooyinkii hore ee la xiriiray xiisadaha amni ay muujiyeen in dowladda ay dhowr jeer ka gaabsatay tallaabo milatari.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay qaybo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul-goboleedyada inay maleeshiyaad hubaysan u soo direen goobta ay xiisaddu ka taagan tahay, isaga oo sheegay in halkaas lagu ururiyay hub, isla markaana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga caasimadda. Wasiir Fiqi Wuxuu sheegay in dowladda ay heshay xog ku saabsan ilaa 260 askari oo hubeysan oo la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga. Isaga oo ka digaya cawaaqibka ay yeelan karto in maleeshiyaad hubeysan laga dhex sameeyo goobaha ganacsiga iyo hoteellada, ayuu wasiirku sheegay in arrintaasi halis ku tahay shacabka iyo maalgashiga, isaga oo bulshada Soomaaliyeed iyo culimada ugu baaqay inay ka hortagaan xaalad uu ku tilmaamay aafo amni.
Wasiir Fiqi ayaa ku adkaystay in dowladda aan laga hor istaagi karin inay tagto goobaha ay ka jirto khatar amni gaar ahaan meelaha lagu tuhunsan yahay in hub lagu ururinayo ama lagu diyaarinayo falal amniga wax u dhimaya. Wuxuu sheegay in waajibka dowladda uu yahay inay ka hortagto khatarahaas, isla markaana ay ilaaliso amniga guud ee dalka. Hadalka wasiirka Gaashaandhigga ayaa yimid, maalin kaddib markii mucaaradka ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay duullaan ku tahay hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaasoo hoygiisa maalmihii ugu dambeeyay lagu arkayay ciidmao dowladda ah oo ku gaaf wareegaya.
Hadallada wasiirka ayaa imanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka, iyadoo ay walaac ka taagan tahay saamaynta ay isku dhacyada siyaasadeed ku yeelan karaan xaaladda amni ee caasimadda.
Dad badan ayaa aamin in dooddaha siyaasadeed ee xalka loo waayay ay sababi karaan khalalaase siyaasadeed iyo mid amni xilli dhinaca kale eedeymaha loo jeedinaayo hoggaanka dowladda uu yahay in muddo kororsi ay sameysteen oo aanu sharciyad lahayn taasoo Mucaaradka iyo saamileyda kale ee siyaasadu ka biyo-diideen.
Geesta kale, Qaramada Midoobay ayaa codkeeda ku biirisay walaaca beesha caalamka ee sii kordhaya ee ku aaddan xaaladda hubanti la’aanta ay Soomaaliya gashay kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii billo kahor Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga socday magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay noqdeen wadahadalladii ugu dambeeyay ee la isku dayay in ay dhinacyadu heshiis dhinaca doorashooyinku ay ku gaaraan.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay la soccoto xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyadoo ugu baaqday Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Mucaaradka inay sii wadaan wadahadallada si heshiis loogu gaaro khilaafka arrimaha doorashooyinka ee dalka Soomaaliya ka taagan.
Ku-xigeenka Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in xoghaayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu si dhow ula socdo horumarada siyaasadeed iyo isbeddellada ka dhacaya dalka Soomaaliya gaar ahaan wadahadalladii dhowaan dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ee Soomaaliyeed.
Bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay waxa uu imaanaya kadib shirar isdaba-jooga ah oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacaayay kuwaasi oo is-afgarad la’aanta ay kusoo dhammaadeen iyadoo ay wali taagan tahay xiisadda la xiriirta hanaanka doorashada, dastuurka, muddo kordhinta dowladda federaalka ay sameysatay ee halka sano. Illaa iyo hadda safiiradda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa sii wada iskudayo labada dhinac markale miiska wadahadalka la isugu keenaayo si ay heshiis ugu gaaraan khilaafka salka ku haaya doorashooyinka Soomaaliya oo muddadii dhaafay.
Arrimaha Amniga
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”
“Ma aragno wax dhibaato ah oo ku jira xiriirkayaga Israa’iil. Dal kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto xiriirrada uu la yeelanayo dalalka kale” – ayuu yiri Bakaal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya kala hadasho baahideeda marin-badeed, isaga oo xusay in dekedda Berbera ay diyaar u tahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato. Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News Arabia oo ka baxa Imaaraadka Carabta ayuu wasiirku kaga hadlay doorka Somaliland ee amniga Geeska Afrika xiriirka ay la yeelatay Israa’iil dadaallada ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah iyo iskaashiga ay la leedahay Itoobiya.
Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay ku taallo meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah amniga marin-biyoodka Babul-Mandab iyo Badweynta Hindiya, isaga oo xusay in boqolkiiba 12 ilaa 15 ganacsiga badda ee caalamka uu maro marin-biyoodkaas, “Somaliland waa mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon uguna xasilloon gobolka, waxaana aaminsanahay inay si weyn uga qayb qaadan karto ilaalinta amniga aaggan istaraatiijiga ah” – ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka ayaa difaacay xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland ay la yeelatay Israa’iil, isaga oo sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay xiriir la samaysato dal kasta oo ay u aragto inuu dan u yahay, “Ma aragno wax dhibaato ah oo ku jira xiriirkayaga Israa’iil. Dal kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto xiriirrada uu la yeelanayo dalalka kale” – ayuu yiri Bakaal. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland iyo Israa’iil ay diyaar u yihiin inay ka wada shaqeeyaan dhinacyada ay u arkaan inay dan u yihiin labada dhinac, hase yeeshee ma uusan faahfaahin mashaariic gaar ah oo ilaa hadda laga hirgeliyay xiriirkaas.
Isaga oo ka jawaabaya dalalka Carabta iyo Muslimiinta qaarkood ee cambaareeyay xiriirkaas ayuu sheegay in dowladahaasi aysan weli si toos ah ula soo xiriirin Somaliland si ay ugu sharraxaan sababaha ay uga soo horjeedaan, wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal iyo inay ka jawaabto walaacyada laga qabo xiriirka ay la leedahay Israa’iil.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hadallada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in Israa’iil ay Somaliland ka dhisanayso saldhig milatari ama mid badeed, wuxuu si adag u dhaliilay madaxweynaha isaga oo ku eedeeyay inuusan aqoon u lahayn xaaladda Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Israa’iil. Hase yeeshee, wareysiga kuma uusan soo bandhigin caddeymo madax-bannaan oo xaqiijinaya ama beeninaya jiritaanka saldhigga la sheegay.
Wasiirku wuxuu sidoo kale su’aal geliyay sharciyadda siyaasadeed ee madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo ku dooday in Somaliland ay muddo 35 sano ah iskeed isu maamuleysay, isla markaana ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii 1960-kii. Dhanka kale, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland lagu doortay doorasho uu ku tilmaamay mid ku dhisan mabda’a qof iyo cod, isaga oo xusay inuu helay boqolkiiba 65 codadkii la dhiibtay.
Isaga oo ka hadlayay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, wasiirku wuxuu sheegay in Turkigu leeyahay saldhig milatari oo weyn oo ku yaalla Soomaaliya, isla markaana uu u joogo ilaalinta danihiisa, wuxuu dhaliilay mowqifka Turkiga ee ka dhanka ah xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo ku dooday in Turkigu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee xiriir la sameeya Israa’iil.
“Waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal la yeelanno cid kasta. Ma aaminsani inaan wax dhibaato ah kala dhexeyso Turkiga, balse waa inuu Somaliland u daayaa arrimaheeda” – ayuu yiri wasiirku. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa mar kale xaqiijiyay inay Somaliland ku adkaysanayso is-afgaradkii ay la gashay Itoobiya, isaga oo sheegay in labada dhinac ay leeyihiin xiriir wanaagsan, ayna Somaliland fahamsan tahay baahida Itoobiya u qabto marin-badeed.
Wuxuu sheegay in dekedda Berbera, oo ay casriyeysay shirkadda DP World, ay diyaar u tahay inay u adeegto Itoobiya, isaga oo xusay in hadda la isticmaalayo qiyaastii 30 ilaa 40 boqolkiiba awoodda dekedda, “Waxaan leenahay xeeb dheer oo Itoobiya ka faa’iidaysan karto. Dekedda Berbera waa diyaar, marinka u socdaana wuu jiraa, Itoobiya-na waxay u baahan tahay dekedo dheeraad ah” ayuu yiri Wasiir Bakaal. Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay Itoobiya u aragto saaxiib muhiim ah, isla markaana ay diyaar u tahay inay kala hadasho hababka ay ku heli karto marin-badeed iyo iskaashi dhaqaale, wuxuu intaas ku daray in himilada Somaliland ay tahay in dekedda Berbera laga dhigo marin muhiim ah oo Afrika laga soo galo.
Isaga oo ka hadlayay xiisadaha iyo isbeddellada ka socda Geeska Afrika gaar ahaan xaaladda Itoobiya iyo Ereteriya, wasiirku wuxuu ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal, Wuxuu sheegay in Somaliland ay ka xun tahay dagaallada ka dhaca dalalka deriska la ah, isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato xal u helidda dhibaatooyinka gobolka. “Waxaan rajeynaynaa in dhammaan khilaafaadyadan lagu xalliyo wadahadal, dadkuna ay fahmaan in dagaalku uusan waxba soo kordhinayn ayna wada fariistaan si ay khilaafaadkooda ugu xalliyaan wadahadal” – ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Somaliland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Mareykanka, isaga oo booqashadii uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalkaas ku tilmaamay mid muhiim ah oo faa’iido leh.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Maraykanku ay si wanaagsan u qaabishay farriinta Somaliland, isla markaana Somaliland ay doonayso in xiriirka labada dhinac kor loo qaado. Si kastaba ha ahaatee, wareysiga kuma uusan sheegin natiijo rasmi ah oo ku saabsan aqoonsi Maraykan oo Somaliland hesho.
Arrimaha Amniga
Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”
“Waxaan aaminsanahay in Madaxweyne Trump uu yahay nin weyn, taariikh ayuu sameeyey, waxaanu sameyn karaa taariikh intaas ka badan isaga oo aqoonsanaya dal cusub oo la yidhaahdo Somaliland” – ayuu yiri Cirro.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ugu baaqay inuu aqoonsado Somaliland, isaga oo sheegay in tallaabadaasi taariikh cusub u furi karto Donald Trump. Cirro ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta Breitbart News, intii uu ku sugnaa magaalada New York, halkaas oo uu kaga qeybgalay hawlaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
“Waxaan aaminsanahay in Madaxweyne Trump uu yahay nin weyn, taariikh ayuu sameeyey, waxaanu sameyn karaa taariikh intaas ka badan isaga oo aqoonsanaya dal cusub oo la yidhaahdo Somaliland” – ayuu yiri Cirro. Waxa uu sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Mareykanka kala shaqeyso la dagaallanka argagixisada, Burcad-badeedda iyo sugidda amniga badda iyo sidoo kale badqabka marinnada ganacsiga caalamiga ah.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u xusay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee dekedda Berbera, isaga oo sheegay inay awood u leedahay inay qaabisho shixnadaha waaweyn ee ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in shirkado waaweyn oo maraakiibta ganacsiga ahi ay dekedda u isticmaalaan isu-socodka badeecadaha, isla markaana ay Somaliland noqon karto xarun saadka iyo ganacsiga isku xirta Afrika gaar ahaan dalalka aan lahayn xeebaha, sida Itoobiya.
Cirro ayaa sheegay in booqashadiisii Mareykanku ay ahayd mid wax-ku-ool ah, isaga oo xusay inuu kulamo la yeeshay xubno ka tirsan Aqalka Wakiillada, Senatka iyo masuuliyiin ka tirsan waaxyaha dowladda Maraykanka oo ay ku jiraan kuwa arrimaha dibadda, dagaalka, tamarta iyo maaliyadda. Waxa uu sheegay in inkasta oo aanay weli Somaliland helin aqoonsi rasmi ah oo Mareykanku siiyo haddana ay ku qanacsan yihiin heerka wada-shaqaynta labada dhinac isla markaana ay rajaynayaan in xiriirku sii horumaro.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale sheegay in muhiimadda amni ee Somaliland ay sii kordhayso gaar ahaan marka la eego xaaladaha Yemen iyo xiisadaha ka jira marin-biyoodka Hormuz. Waxa uu sheegay in Somaliland muddo 35 sannadood ah si madax-bannaan u sugeysay amniga biyaha ku xeeran, isaga oo ku dooday in goobta ay ku taallo Somaliland ay muhiim u tahay badqabka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland iyo Mareykanku ka wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Cirro ayaa aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo jebisay caqabaddii hortaagnayd aqoonsiga caalamiga ah, isaga oo sheegay inay Somaliland u sahashay inay si weyn uga dhex muuqato indhaha caalamka. Waxa kale oo uu taageeray in Trump la siiyo abaalmarinta Nabadda ee Nobel, isaga oo ku sababeeyey dadaallada uu sheegay inuu madaxweynuhu ka sameeyey xallinta colaadaha caalamka. Cirro waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay 2,000 oo askari oo nabad-ilaalin ah u dirto Qasa, si ay uga qaybqaataan dadaallada nabadeed ee uu ku sheegay inay hoggaaminayaan xubno ka tirsan maamulka Trump.
Ugu dambayn, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Somaliland aanay Mareykanka u tegin inay codsato kaalmo dhaqaale balse ay doonayso iskaashi ku dhisan ganacsi, amni iyo horumar dhaqaale. Waxa uu farriin u diray shacabka Mareykanka, isaga oo Somaliland ku tilmaamay dal nabdoon oo dimuqraadi ah, lehna fursado maalgashi iyo goob istaraatiiji ah.
Arrimaha Amniga
Sheekh Shariif oo iska fogeeyay eedeymaha hay’adda NISA u jeedisay Ilaaladiisa
Xafiisku wuxuu sheegay in dhinaca madaxweynihii hore uu muujiyay dulqaad si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay eedeymo ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), soo saartay kuwaas oo la xiriira ilaaladiisa isaga oo sheegay in warbixinta hay’addu aysan ka tarjumayn xaqiiqada dhacdooyinka ka dhacay agagaarka hoygiisa.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynihii hore ayaa lagu sheegay in maalmihii u dambeeyay ay jireen dhacdooyin amni oo walaac dhaliyay, oo ay ku jiraan jidgooyooyin iyo xannibaado saameeyay isu-socodka dadka iyo gaarsiinta adeegyada daruuriga ah ee deegaanka uu deggan yahay Shariif Sheekh Axmed.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta madaxweynihii hore la afduubtay, isla markaana ay jireen ciidamo hubaysan oo la geeyay goobaha ku dhow hoygiisa. Xafiisku wuxuu sheegay in dhinaca madaxweynihii hore uu muujiyay dulqaad si looga fogaado iska horimaad hubeysan.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in hay’adaha amniga qaranku ka madax-bannaanaadaan loollanka siyaasadeed, isla markaana sharciga si siman loogu dhaqmo dhammaan muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta dalka. Waxa uu sidoo kale ka digay in eedeymaha amni ee aan si madax-bannaan loo xaqiijin loo adeegsado cadaadis siyaasadeed ama cabsi-gelin lagu beegsanayo mucaaradka.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn xiisad amni oo cusub, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, is-aaminaad iyo hannaan doorasho oo ay dhinacyadu ku heshiiyaan. Xafiiska Shariif Sheekh Axmed ayaa mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhalan kara tallaabooyinka sharci-darrada ah dusha ka saaray dowladda, isaga oo ugu baaqay hay’adaha amniga, siyaasiyiinta iyo saaxiibbada caalamiga ah inay ka shaqeeyaan dejinta xaaladda iyo xal u helidda khilaafaadka taagan.
Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo u jeediyay qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka siyaasadeed, isaga oo ku eedeeyay inay abaabulayaan maleeshiyaad hubaysan isla markaana ay wadaan tallaabooyin uu sheegay inay halis ku yihiin amniga iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho.
Fiqi oo qoraal uu u qoray bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in qaar ka mid ah kooxaha mucaaradku ay raadinayaan marmarsiinyo ay ku abaabulaan kooxo hubaysan. Waxa uu sidoo kale tixraacay dhacdooyin iyo weerarro uu sheegay inay dhaceen bishii Sebteembar 2025, iyo bilihii Maay iyo Juun ee sanadkaan. Wasiirka ayaa ku dooday in ciidamada dowladda aysan ahayn dhinaca bilaabay weerarrada, isaga oo eedeymo u jeediyay dhinacyada uu tilmaamay, kuwaas oo uu sheegay inay hore u fuliyeen weerarro.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in sharciga loo siman yahay, isla markaana aan cidna laga aqbali doonin tallaabooyin hubaysan oo lagu wiiqayo amniga caasimadda. Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan oggolaan doonin dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo khatar ku ah nabadgelyada Muqdisho.
Hadallada wasiirka ayaa imanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka, iyadoo ay walaac ka taagan tahay saamaynta ay isku dhacyada siyaasadeed ku yeelan karaan xaaladda amni ee caasimadda.
Dad badan ayaa aamin in dooddaha siyaasadeed ee xalka loo waayay ay sababi karaan khalalaase siyaasadeed iyo mid amni xilli dhinaca kale eedeymaha loo jeedinaayo hoggaanka dowladda uu yahay in muddo kororsi ay sameysteen oo aanu sharciyad lahayn taasoo Mucaaradka iyo saamileyda kale ee siyaasadu ka biyo-diideen.
Arrimaha Amniga
Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka
Fiqi oo qoraal uu u qoray bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in qaar ka mid ah kooxaha mucaaradku ay raadinayaan marmarsiinyo ay ku abaabulaan kooxo hubaysan.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo u jeediyay qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka siyaasadeed, isaga oo ku eedeeyay inay abaabulayaan maleeshiyaad hubaysan isla markaana ay wadaan tallaabooyin uu sheegay inay halis ku yihiin amniga iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho.
Fiqi oo qoraal uu u qoray bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in qaar ka mid ah kooxaha mucaaradku ay raadinayaan marmarsiinyo ay ku abaabulaan kooxo hubaysan. Waxa uu sidoo kale tixraacay dhacdooyin iyo weerarro uu sheegay inay dhaceen bishii Sebteembar 2025, iyo bilihii Maay iyo Juun ee sanadkaan. Wasiirka ayaa ku dooday in ciidamada dowladda aysan ahayn dhinaca bilaabay weerarrada, isaga oo eedeymo u jeediyay dhinacyada uu tilmaamay, kuwaas oo uu sheegay inay hore u fuliyeen weerarro.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in sharciga loo siman yahay, isla markaana aan cidna laga aqbali doonin tallaabooyin hubaysan oo lagu wiiqayo amniga caasimadda. Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan oggolaan doonin dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo khatar ku ah nabadgelyada Muqdisho.
Hadallada wasiirka ayaa imanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka, iyadoo ay walaac ka taagan tahay saamaynta ay isku dhacyada siyaasadeed ku yeelan karaan xaaladda amni ee caasimadda.
Dad badan ayaa aamin in dooddaha siyaasadeed ee xalka loo waayay ay sababi karaan khalalaase siyaasadeed iyo mid amni xilli dhinaca kale eedeymaha loo jeedinaayo hoggaanka dowladda uu yahay in muddo kororsi ay sameysteen oo aanu sharciyad lahayn taasoo Mucaaradka iyo saamileyda kale ee siyaasadu ka biyo-diideen.
Geesta kale, Qaramada Midoobay ayaa codkeeda ku biirisay walaaca beesha caalamka ee sii kordhaya ee ku aaddan xaaladda hubanti la’aanta ay Soomaaliya gashay kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii billo kahor Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga socday magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay noqdeen wadahadalladii ugu dambeeyay ee la isku dayay in ay dhinacyadu heshiis dhinaca doorashooyinku ay ku gaaraan.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay la soccoto xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyadoo ugu baaqday Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Mucaaradka inay sii wadaan wadahadallada si heshiis loogu gaaro khilaafka arrimaha doorashooyinka ee dalka Soomaaliya ka taagan.
Ku-xigeenka Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in xoghaayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu si dhow ula socdo horumarada siyaasadeed iyo isbeddellada ka dhacaya dalka Soomaaliya gaar ahaan wadahadalladii dhowaan dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ee Soomaaliyeed.
Bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay waxa uu imaanaya kadib shirar isdaba-jooga ah oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacaayay kuwaasi oo is-afgarad la’aanta ay kusoo dhammaadeen iyadoo ay wali taagan tahay xiisadda la xiriirta hanaanka doorashada, dastuurka, muddo kordhinta dowladda federaalka ay sameysatay ee halka sano. Illaa iyo hadda safiiradda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa sii wada iskudayo labada dhinac markale miiska wadahadalka la isugu keenaayo si ay heshiis ugu gaaraan khilaafka salka ku haaya doorashooyinka Soomaaliya oo muddadii dhaafay.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Afrika3 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Doorashada3 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika3 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Arrimaha Amniga3 months agoCiidamada Kenya oo hawlgallo baaxad leh kawada xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Soomaaliya2 months agoShan sano kadib Madaxweyne Xasan Sheekh wixii uu kaga digi jiray MW hore Farmaajo miyuu Soomaali bidayaa?
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoColaadda Mareykanka iyo Iiraan oo saameyn ku yeelatay amniga Maraakiibta mara biyaha Soomaaliya
