Connect with us

Siyaasadda Soomaaliweyn

Saboolnimo Hoggaamineed

Saboolnimada mar la ammaanay lama sheegin. Daawo waa loo helaa markay gasho dakhliga iyo faa’iidada la filayo.

Published

on


Hodantinnimo waa fiinta ugu saraysa ee hanaqaadka qofeed iyo kan qaran labadaba. Bulshaduna waxay baraare ku naalootaa kolkuu bislaado garaad wadareedkeeda. Haddiise uu kala dhantaalmo hanka ummadda iyo hab fakarka hogaankooda, waxaa dhexdooda fariista qabjab, waxayna qarka u fuulaan iney wax kasta iska mala awaalaan, waxayna la guurguuraan dareenka ay ka helaan wareerka sida qorshaysan amaba fawdada ah loogu soo dhex tuuro marba marka ka dabeysa.

Saboolnimada mar la ammaanay lama sheegin. Daawo waa loo helaa markay gasho dakhliga iyo faa’iidada la filayo. Ummadaha haysta nolol maalmeedkooda waxay dajistaan sidii ay xitaa uga saari lahaayeen waxyaaba la fisho inuu kamid noqdo faqrigu. Waa tan dowladaha qaarkood haddeer meel usii dhigaan jiilal iman doona saddex boqol oo sano keddib dhaqaalihii ay ku deeqtoomi lahaayeen.

Farqi aad u weyn baa u dhaxeeya baahiyaha ay bulshooyinku qabaan. Qaar quutul yoonka bey xal u raadiyaan, qaarna horumar sidii lagu gaari lahaa bey ka fekiraan. Soomaalidu tan hore bey la tacaalayaan, waxaase kasii xanuun badan haddii ay saboolnimada gasho maankii la rabay inuu dajiyo siyaasaddii dalka iyo dadka ay hodantinnimo ku gaari lahaayeen.

Hogaamiyuhu waa inuu lahaadaa fogaan arag xadkeedu yahay inta hankiisu le’eg yahay, waana iney jiraan qorshe hawleed la fulinayo, dadkuna wada arkayaan, kana rajo qabaan in la gaari doono hankaas.

AABBE KAALAY ARAG WAXAY IGU HAYSAY BEY ISKU HAYSAAYE

Dad badan oo Soomaaliyeed baa rumaystay in dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ay masuul ka ahayd dib u dhicii doorashada dalka oo si xad dhaaf ah u jiitantay. Dad badan wey xusuustaan in Madaxweynaha khudbad dheer ka jeediyey xaaladdaas, oo si qayaxan farta ugu fiiqay in Madaxweynaha Puntland isagoo fulinayo ajande shisheeye uu mar walba dib u dhigayey doorashada. Ilaahay mahaddiis bacda tacab washidda wey hirgashay doorashadii.

Xaaladda ka taagan Puntland cid walba wey aragtaa, hal qof oo kamid ah hoggaanka siyaasadda ama dhaqanka oo garan kara mustaqbalka soo muuqda ee maamulkaas majiro, waxay maraysaa mugdi iyo mala awaal, waana mid aysan mudneyn shacabka reer Puntland.

Waxaan ogahay qorshaha Madaxweyne Saciid Deni inuu yahay mid loo soo dhiibay oo uusan isagaba xitaa lahayn, waana isla qorshihii kaga fashilmay dhanka Dowladda Federaalka.

Qorshahaasi wuxuu yahay, in awoodda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya mar walba hoos loo dhigo, dalkana lagu baahiyo degenaasho la’aan joogta ah. Taasna waa istaraatiijiyad u muuqata dal Carbeed oo aaminay in horumarka iyo degenaashaha Soomaaliya khatar ku yahay jiritaankooda fog ee dhaqan dhaqaale.

Madaxweyne Deni, wuxuu doonayey in Muqdisho dunto, oo dowlad taag daran noqoto ugu yaraan, shir kastana caqabad hor leh ayuu keenayey. Waxaase nasiib darro ah maanta isagoo xilkii ugu sarreeyey Puntland wali ku fadhiyo, oo uusan haysanin cid kale oo eedda kula shirkowda, uuna fulinayo wax kasta oo uu maamulkii Madaxweyne Farmaajo ku eedeyn jiray. Halka su’aal ee ay tahay qof walba inuu is weydiiyo, haddii Madaweyne Deni shalay uu sharxay sababihii ay isku khilaafeen Madaxweyne Farmaajo, bal hanoo sharxo waxay maantana isugu dhaceen Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow kuulama eka sheekadii ahayd ‘Aabe kaalay arag, waxay igu haysay bey isku haysaaye. Sow saboolnimo siyaasadeed maahan?’

Isimada iyo wax garadka Puntland haddaysan tallaabo degdeg ah oo wada jir ah qaadin, waxay soo baraarugi doonaan mar uu xalkii sii fogaaday. Haddaad moodaysaan dooddu iney tahay muran doorasho, ama muran siyaasadeed, xog badan baa idin ka maqan ee qorshuhu wuxuu yahay, Puntland iney daciifto ilaa ay dunto, si xeebeeheeda iyo khayraadkeeda looga saxiixdo guddoomiye degmo, oo aanan lahayn cid la xisaabtami karta. Waa sida haddeer Yaman ka socota. Gobol gobol iyo degmo degmo ayaa loo kala jaray oo mid walba maamul iyo ciidan u gaar ah baa loo sameeyey.

XABBADII XASAN SHEEKH IYO XALKII FARMAAJO

Taariikhda dhaw ee dunida casriga ah kuma xusna in Madaxweyne xilka ka dagay, oo waliba si dimuqraadi ah ku wareejiyey, inuu isku baddalo dagaal ooge qori sita oo jabhad furtay, oo ciidankii qaranka kala qaybiyey. Waa dhacdo ugub ah oo taariikhda dunida meel weyn uga qormi doonta.

Madaxweyne Xasan baa subax lagu baraarugay isagoo hub iyo ciidan uu hormuud u yahay oo guri Mirinaayo ku yaalla dagay oo leh, haddaysan doorasho waqtigeeda ku qabsoomin, waxaan ka door bidayaa in dalku dumo oo dowladdu burburto. Haddii hal maalin uu Farmaajo Villada kusii jiro, dadka ayaan qixinayaa, xabbaduna wey soconeysaa. Waliba, waa ficil uu ilaa haddeer ku faano Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow lama wada xusuusto hadalkii ahaa Maxamedoow soobax!

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu maalintaa go’aansaday inuusan sabab u noqon burbur dalka soo gaara, taladiisa ayuu dhiibtay, qorise xal kama raadinin, waayo aqoon buu u leeyahay dagaalka natiijadiisa.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan hortooda dhigayaa hal su’aal. Haddii Madaxweyne Farmaajo isagana xukunka isku sii dhajin lahaa oo uu diidi lahaa inuu ka laabto go’aankii Baarlamaanka, ilaahay baan idin ku dhaarshayee maanta xaalka Soomaaliya sow kama sii liidateen siday tahay maanta xaaladda Suudaan? Waad xusuusataano, wuxuu yiri Farmaajo: Xamar barakac uma ogoli, qaxna uma ogoli, waa magaaladii aan ku dhashay. Muranka ka dhasha arrimaha doorashada in qori lala aado waa sunnada uu jideeyey Madaxweynaha haddeer talada haya, dalkana wey ku sii faaftay oo waaba looga wada daydaa.

Laba walba isa saarayoo, laba tagoog marna isma saarin. Maankayga waxaa gali la’ ‘ABKEY DOORASHO DAGAAL U RIDOOW DASTUUR MAW BADDALI RABAA?’ Sow saboolnimo siyaasadeed maahan?

CIMRI TAGAY CEEB HAKU SAGOOTIN

Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare. Waxaa tahay hoggaamiyaha kaliya ee laba jeer oo isku xigta la doortay taariikhdeenna siyaasiga ah, mana filayo inaad mar saddexaad rabto amaba aadba heleyso. Haddaad shalay soo saartay warqad aad leedahay dalka lagama hirgalin karo doorasho aanan loo dhammayn. Haddaad shalay tiri, doorashada halagala soo heshiiyo Maamul Goboleedyada oo hay’adaha Federaalka halaga wareejiyo. Haddaad shalay kuraasta Somaliland buuq siyaasadeed jiitamay aad hormuud ka ahayd. Haddaad taariikhda kursi doonka ee dunida oo idil u tahay, qofkii koowaad ee awooddiisa inta isticmaalay isku saxiixay warqad aad kursi doorasho kaligaa isugu xirtay. Haddaad tahay Odayga ugu da’da weyn inta maanta talada qaranka haysa.

Farriintayda hal kalmad unbaan kuugu soo koobayaa. Dastuurka baddelkiisa oo ay Somaliland iyo Puntland aysan kamid ahayn, cimrigaaga siyaasadeed ceeb haku sagootin. Saboolnimo siyaasadeed yeysan kugu dhicin.

ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA

Taariikh mucjiso ah baa waayadaan maqalnaa. Ra’iisal Wasaare Xamse baa saxiixay soo jeedintii uu xilkiisa ku waayi lahaa. Wallee tani deeqsinimo ka badan. Marnaba kuma ceebeynayo taas, waayo danta Madaxweynihiisa ayuu ka hormariyey dantiisa shakhsiga ah. Tan kale. Mudane Xamse, kolleyba xantiisa ma moogee, malaha markuu is qiimeeyey, waxaa usoo baxday (ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA).

Tan saboonimo siyaasadeed kuma jirto, ee waxaa la dhahaa. SADAQO SIYAASADEED. Mudane Xamse ajar iyo xasanaad Allaha ka siiyo.

BAARLAMAANKII UGU DANBEEYEY SOOMAALIYA

Labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, waxaa horyaalla soo jeedinta wax ka baddalka dastuurka. Hadduu sida uu yahay ku meel maro, waxaa tirtirmaya shaqadii labada aqal ay lahaayeen 80% (boqolkiiba sideetan). Nin baa laga sheegay ‘biyo kulul iyo aniga sokor baa isku kaaya keentay.’ Haddii Golaha Shacabka uu ansixiyo wax ka baddalka dastuurka, wuxuu lumin doonaa sababta jiritaankiisa oo idil. Hadduusan xukuumad ansixineynin, hadduusan la xisaabtamaynin Raisal Wasaare iyo qorshe hawleedkiisa, awoodihii dalkana hal qof loo gacan galiyey saboolnimo sagxada ku dillaacday sow maahan?

MAXAA KU XIGA DASTUUR BADDALKA?

Qorsha dhigaalka Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu yahay;

Koow: In la meel mariyo wax ka baddalka Dastuurka.

Labo: Inuu isagu magacowdo Madaxweyne ku-xigeenkiisa. Qof kaga habboon Xamse yaa meel ku og?

Saddex: In muddo xilikeedka uu shan sano yahay, haddeerna dhaqan gal noqonayo.

Afar: In dalka xaalad deg deg ah la galiyo.

Shan: In la xiro Baarlamaanka gabi ahaantiisa.

Lix: In Xeer Madaxweyne lagu soo saaro dib u dhigista dooradashooyinka dalka oo idil, ilaa iyo inta laga adkaanayo Al-Shabaab.

Qorshayaashaas, sidaas bey ugu diyaarsanyihiin, sidaas bayna isugu xigaan.

NACAB BAAD U GACAN GASHAY

Madaxweyne Xasan Sheekh aqoon durugsan baan u leeyahay. Wuu jeclaan lahaa, dalkoo dhisan oo horumarsan, oo uu isagu madax ka yahay.

Fariin qoraalkayga wuxuu yahay Madaxweynoow, ma ogtahay muddo-xileedkaagii labaad ee xukunka: Inaad kaligaa tahay? Inaad kaligii duul tahay? Inaad kaligii tashade tahay?
Labo kamid ah saddexdaas sifo, go’aan iyo garasho bey kaa tahay. Xikmad baa tiraahdaa ‘ninku markuu kaligii yahay, waa tol laawe’, ama waa tu kaloo aan si kas ah isku ilaawsiinayo haddeer. Ninku hadduu kaligii duul noqdo waa tabar laawe, ama waa tala laawe. Ninku markuu kaligii tashade gaaro kaa maarmay, kuumana baahni baa la yiraahdaa.

Saddexdaas waxaa ka dhalatay in Madaxweyne Xasan dunida hal dal saaxiib kala yahay. Dad iyo duunyana kala dhaqmo labadiisa moobil ee uu gacanta ku sito.

Tan sow saboolnimo siyaasadeed oo taam ah maahan?

DALKAAN CARBEED MUXUU SOOMAALIYA KA RABAA?

Waxaa jira dal Carbeed oo dowladii Madaxweyne Farmaajo col iyo cadaawo la ahayd, oo harsad iyo hoyaad nooga dhaartay. Saboolnimadayda siyaasadeed baa igu dhalisay inaan u maleeyo in qoladaasi ay dalka dano ka leeyihiin, laakiin aysan dowladda Farmaajo ka heleynin oo ay ka quusteen. Haddeer qofkii sidaydoo kale saboolnimu ka haysato qoladaas, hal su’aal ha is weydiiyo. Laga soo bilaabo Muuse Biixi ilaa Axmed Madoobe iyagay la jaal yihiin, bal sidaanna ila arag; Muuse iyo Deni waa col, Deni iyo Madoobe waa col, Xasan iyo Deni waa col, Muuse iyo Xasanna waa kala dan. Intoodaasna hal meel bey u arooraan. Bal adigu ii macnee. Wali maanan arag, dowladdaas oo xitaa halmar isku dayday iney laba kamid ah heshiiyaan. Hal tafsiir bey ii yeelatay. Waa casharadii laga dhaxlay xukunkii Tigreega ee ahaa, Soomaalida wada hayso, haddana kala hayso, iyagana kala haay.

MAJIRO NIN KU TAGAY TALO ISAGA KA TIMID

Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh uu macaaradka afmaalka ahaa, waxaa laga hayaa inuu yiri: Jeclaan lahaayaa inaa iska joogo. Madaxweynoow, dal mideysan oo doorasho midaysan qabtay baad ku guuleysatay inaad xilka kusoo laabato marka kale. Adigoon laba sano dhammaysan baad rabtaa inaad dalka jihadiisa baddasho, iyadoo aadan wada haynin intii Madaxweyne Farmaajo kaaga tagay.

Dadka waxbaad dheertahay, dalkana geeddi caano leh baad u waddaa. Haddaad inta baddasho Dastuurka aad ka dhaxasho dal iyo dad wada jira, waxaan kuu ballan qaadayaa inaan isku qiro damiinnimo siyaasadeed haddaan arko adigoo qibladii siyaasadda inta baddalay, Maandeeq lawada leeyahayna nabad lagu maalayo.

Jikaar kama wado, ee waxaan goobjoog u ahaa dhammaan shirarkii dowlad dhiska loo qabtay, marka laga reebo kii Carta. Sidoo kale, garaadkayga, baa wuxuu itusay, doorasho aan heshiis lagu ahayn ayaa la dhaqaajin waayey, dastuur baan rabaa inaan baddalo anoo kaligay ah, weyna ii hirgalaysaa, taasi intaan naqaanay wey dhaaftay, waana sababta aan isku dhiibayo hadday kuu fusho sidaas. Waxaanse isku hallaynayaa sooyaalka taariikhda ku xardhan, inaanan wali la arag, nin kursi ku fadhiya oo talo tiisa ah xukunka uga dagay. Marka tu kale unbaa iman doontee oo taada joojin doontee, armay ku habboontahay inaad tagtadii wax ka barto?

SIRTAAN FURAN KALIGAA HAYSO

Dowladdii Madaaxweyne Farmaajo ayaa Xukuumaddii Xasan Cali Khayre u gudbisay Golaha Shacabka sharcigii doorashada dalka. Jiitan dheer keddib, Guddoonkii Golaha Shacabka ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiyo sharcigaan. Jabuuti ayay u safreen, maalmo ayeyna u fadhiyeen.

Xildhibaan Nuux oo Habdhawraha Baarlamaanka ahaa baan wacay, oo aan ku iri xagay shaqadii idiin maraysaa? Wuxuu iigu jawaabay hadal aanan ilaawin, uuna diiday inuu ii fasiro, laakiin aan sifiican u fahmay. “Fahadoow, hal kalmad unbaan kuu sheegayaa. Sharcigaan siduu uga yimid Golaha Wasiirada in loo meel mariyo dalka oo dhan hal qof baa daacad ka ah oo raba, waana Madaxweyne Farmaajo.”

Haddeer, Madaxweyne Xasanoow wax ka baddalka Dastuurka kaligaa baa daacad ka ah oo daneynaya. Xildhibaan Nuux ha iga raali noqdo, haddaan xeerkii Saciid Deni kula dhaqmay.

ADIGOO WACAN IYO DALKOO WANAAGSAN

Mudane Madaxweyne, dardaarankaygu wuxuu yahay, geesinnimadaada iyo isku kalsoonidaada waxaad galisaa;

Kow: Sidaad dalka isugu hayn lahayd. Puntland iyo Somaliland oo maqan, Dastuur ah u dhawaan.

Labo: Dadka la tasho, oo ka bilow saaxiibadaadii kusoo dhistay ee dartaa dowladdii kaa horreysay eedo badan uga galay.

Sadex: Guushaada waa guul qaran oo waxaan diyaar u wada nahay inaan ku caawinno oo ku garab is taagno.

Afar: Waxaad ka heli lahayd Madaxweyne Ku Xigeen, haddaadba haysataa, oo waad ka nasiib badan tahay Madaxweynayaashii kaa horreeyey ee hor ilaahay u iimaanso Xamse oo Ra’iisul Wasaare kuu ah.

NABAD IYO NOLOL

Facebook Comments Box

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waa shaqaale dawladeed iyo siyaasi Soomaaliyeed, iyo sidoo kale wariye hore. Waxa uu sidoo kale ahaa maareeyaha ololaha doorashada Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ee doorashadii 2017. Doorashadii ka dib, waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Villa Somalia, kadibna waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA). Farmaajo ayaa intaa ka dib u magacaabay la taliyihiisa amniga qaranka.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Soomaaliweyn

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Kuubba

AFRICOM waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay.

Published

on

SAWIRKA: Taliyaha xilka ka degaya ee Taliska Afrika ee Mareykanka Jeneral William Ward (2-aad) iyo Jeneral Carter Ham (Middig) ayaa ka qeyb qaadanaya munaasabadda beddelka taliska AFRICOM ee Sindelfingen ©Mandel Ngan-Pool / Sawirada Getty

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inaysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Kuubba oo al-Shabab ay soo jeediyeen eedayn ah inay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykanku 15-kii Febraayo ee sannadkan.

Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM waxay qiimaynta saddexdii bilood ee u dambaysay ee ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in duqayn ay ka gaysteen nawaaxiga Jilib 15-kii Febraayo, hase yeeshee waxay sheegeen in qiimaynta iyo dib u eegista ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in duqaynta ay ciidamada Mataykanku gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaystireen qiimaynta laba dhacdo oo kale oo kala dhacay Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii sannadkan, oo ka kala dhacay nawaaxiga Galhareeri iyo Kurtunwaarey, iyadoo loo jeediyey eedayn ah in duqaymaha Maraykanku gaysteen ay waxyeello kasoo gaartay rayid.

Maraykanku waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay.

AFRICOM waxay sheegtay inuu jiro kiis furan oo weli qiimayntiisa ay wadaan, kaasi oo macluumaadkiisa lagu dari doono qiimaynta tan xigta. Labada dhakhtar oo la kala yiraa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa Al-Shabaab ay kasoo afduubeen bishii April 2019-kii Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Afrika, waxaa hogaaminaya ujeeddooyinkooda amniga qaranka iyo sidoo kale danahooda juqraafiga. Nabadgelyada Afrika waa qayb ka mid ah welwelka ballaaran ee amniga Mareykanka ee adduunka oo dhan. Kor u kaca Ruushka ee jaantuska amniga Afrika – gaar ahaan gobolka Galbeedka Afrika, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Liibiya, Saaxil. Intaa waxaa dheer, raadka Shiinaha ee Afrika, ugu horrayn ee horumarinta kaabayaasha iyo amniga, ayaa sidoo kale soo jiidatay dareenka Washington oo kor u qaaday muhiimadda iskaashiga milatari ee Afrika iyo Maraykanka.

Si arrintan wax looga qabto, Maraykanku waxa uu isku dayay in uu dib u qeexo xidhiidhka uu la leeyahay Afrika ee iskaashiga, waxana uu si aan kala go’ lahayn uga digayaa Afrika Ruushka iyo Shiinaha inay qaaradda awood ku yeeshaan.

Dhoolatuska militari ee wadajirka ah ee Afrika iyo Mareykanka ay ka wadaan bariga Afrika ayaa ah labo waji. Marka hore waa ‘Heshiiska Xaqa ah’ ee caafimaadka, isgaarsiinta, ama tababarka saadka. Labaad, “Leyliga Cutlass Express” waxaa loogu talagalay xoojinta amniga badda iyo horumarinta amniga qaranka iyo gobolka ee Bariga Afrika.

Wajiga koowaad waxaa martigeliyay ciidamada difaaca Kenya, waxaana inta badan laga soo qaadaa saldhiga ciidamada Ingiriiska ee Nanyuki ee dalka Kenya. Waxaa xusid mudan in askarta Ingiriiska ee saldhigan ka soo jeeda ay sanado badan ku lug lahaayeen tacadiyo ay ka mid yihiin dil ka dhacay deegaanada ku xeeran.

Bariga Afrika, ciidamada Mareykanka ee AFRICOM waxay ku faantaa “ka go’naanta qoto dheer ee nabad ilaalinta qaaradda, wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo kobcinta iskaashi waara oo lala yeesho ciidamada militariga ee gobolka.” Ilaa 1,000 shaqaale ah oo ka kala socda in ka badan 20 waddan oo ka socda gobolka Bariga Afrika ayaa ka qaybqaata tababarradan wadajirka ah, kuwaas oo u diyaarinaya hawlgallada Midowga Afrika (MA), iyo Qaramada Midoobay (QM).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha Norway?

Maxaa ka soo baxay safarka madaxweyne Xassan uu ka tagay dalka Norway – qodobada ugu muhiimsan halkaan hoose ka akhriso.

Published

on

Villa Somalia

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ah ku jooga caasimada dalka Norway ee Oslo, wuxuuna la kulmaayey Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre.

Imaanshaha madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee wakhtigaan waxaa ka horreeyey wasiirkii horre ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibedda isla dowladdan Xassan Sh. Maxamuud. Xukuumadda Xassan Sh. Maxamuud waxay sameysay iskudayo aan lagu guulaysanin ee lagu xoojinaayo xariirka labada dal.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab balse waxaa hadalkiisa ka reebanaa inuusan sheegin guuldarooyinka dowladdiisa ee ku aadan la dagaalanka Al-shabaab iyo sidoo kale in dalka dagaallo beeloodyo ay ka jirraan wakhtigaan uu ku sugan yahay dalka Norway iyo muddooyinkii dambe oo dhan.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta oo ah ‘magaca ay dowladda federaalka Soomaaliya u taqaano’ Al-shabaab ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal. Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa sidoo kalle ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mudane Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladdiisa sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa sidoo kale waxa uu qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii Maay 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub. Hal bil gudaheeda madaxweynaha ayaa u safray dalal badan oo caalamka kamid ah asigoo leh wasiir arrimo dibadeed – waxay dad badan iswaydiin karaan aaway shaqadii wasiirka arrimaha dibedda!

Norway ayaa sanadihii ugu dambeeyey qeyb libaax leh ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, laakiin nasiib-xumada jirta ayaa ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaanan wali u bislaanin inay shacabkooda samata-bixiyaan.

Madaxda kalle marka ay yimadaan Norway waxaa loo soo dhaweeyaa si heer sarre ah oo maamuus leh, balse kuwa Soomaalida waa lagu bahdilaa. Marka ay yimadaan hoteel ayay degaan waxaana soo dhaweeya kooxda qabiilka ugu dhow madaxweyne ama wasiir.

Sababta waxaa ugu wacan mida koowaad malahan wax ajende ah, midda labaad waa madax ku timaaday 4.5 sidaas awgeed waxaa jira dad aan madaxweyne ahaan u aqoonsaneen madaxda Soomaaliya madamaa lagu dulmiyey nidaamka dowladnimo ee meesha lagu haayo. Sidoo kale, dowladaha kalle ee caalamka sida reer Yurub waa ay ogyihiin in madaxda Soomaaliyeed ay ku yimadaan nidaamkaas loona baahan yahay in wax laga beddelo – loo gudbo doorasho dadweyne.

Inta badan malahan ajendo qaran ee ay xambaarsan yihiin waxaana ugu wacan nidaamka dalka ka jirra. Tusaalle: Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluxu Hassan oo booqasho ku joogtay Norway, ayaa doonaysa in Norway ay maalgashi ku sameyso Tansaania waxayna sheegtay inay rabto iskaashiga ganacsi ee ma aha gargaar waxa ay doonayso. Sidoo kalle iskama aysan imaanin Norway illaa loo diray casuumad rasmi ah.

Arrimaha ka qeyb-galka Diblomaasiyadda Norway 

Norway waxay si firfircoon ugu hawlan tahay taageeridda Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bishii Maajo 2021, Ergeyga Joogtada ah ee Norway u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mona Juul, ayaa muujisay taageerada ay u hayso wada-hadallada dib u soo noolaynta ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa horey u jiray tuhun ah in Norway ay faragelin ku lahayd arrintii muranka badda ee u dhaxeysay Kenya iyo Soomaaliya, balse Norway ayaa horey u cadeysay doorka ay ku leedahay muranka soohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide, ayaa carabka ku adkeeyay mowqifka dalkiisa intii ay socotay dacwadda dhanka sharciga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee uu ku taageerayo dooda Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Madaxweyne Xassan Sheekh oo safar Norway ah u ambabaxay – waa maxay ujeedka safarka?

Waa sidee xaalka wakhtigaan ee xiriirka diblomaasiyaddeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway?

Published

on


Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay safar uu ku tagaayo dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo muddo saddex maalmood ah, waa sida ay xaqiijisay xafiiska Villa Somalia.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay caasimadda Oslo ee dalka Norway, waxa uu wadahadallo laba geesood ah uu la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre. Imaanshaha Xassan ee wakhtigaan waxaa ka horreeyey wasiirkii horre ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibedda isla dowladdan Xassan Sh. Maxamuud. Xukuumadda Xassan Sh. Maxamuud waxay sameysay iskudayo aan lagu guulaysanin.

Norway ayaa sanadihii ugu dambeeyey qeyb libaax leh ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, laakiin nasiib-xumada jirta ayaa ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaanan wali u bislaanin inay shacabkooda samata-bixiyaan.

Madaxda kalle marka ay yimadaan Norway waxaa loo soo dhaweeyaa si heer sarre ah oo maamuus leh, balse kuwa Soomaalida waa lagu bahdilaa. Marka ay yimadaan hoteel ayay degaan waxaana soo dhaweeya kooxda qabiilka ugu dhow madaxweynaha. Sababta waxaa ugu wacan mida koowaad malahan wax ajende ah, midda labaad waa madax ku timaaday 4.5 sidaas awgeed waxaa jira dad aan madaxweyne ahaan u aqoonsaneen madaxda Soomaaliya madamaa lagu dulmiyey nidaamka dowladnimo ee meesha lagu haayo.

Tusaalle: Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluxu Hassan oo booqasho ku joogtay Norway, ayaa doonaysa in Norway ay maalgashi ku sameyso Tansaania waxayna sheegtay inay rabto iskaashiga ganacsi ee ma aha gargaar waxa ay doonayso. Sidoo kalle iskama aysan imaanin Norway illaa loo diray casuumad rasmi ah.

Boqorada Sonja (bidix) iyo Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa intii lagu guda jiray casho-sharafta ka dhacday qasriga boqortooyada ee lagu sharfay madaxweynaha oo la xidhiidha booqashadiisa rasmiga ah ee Norway. Sawirka: Annika Byrde / POOL / NTB Sawirka: Annika Byrde / POOL / NTB

Inta uu xukunka haayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xariirka Norway iyo Soomaaliya ayaa xoogsaday, waxaana u istaagay xoojinteeda waa Xassan Cali Kheyre oo wax ku bartay dalka Norway. Haddana, iyadoo ay sidaas tahay Farmaajo waligiisa ma booqanin Norway intii uu xukunka haayey, maxaa yeelay wuxuu diidanaa habka loolla dhaqmo madaxda Soomaalyeed marka ay yimadaan Norway.

Xiriirka Soomaaliya iyo Norway

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Norway iyo Soomaaliya waxaa gacanta ku haya safaaradda Norway ee Nayroobi. Norway wax safaarad ah kuma lahan gudaha Soomaaliya balse waxaa u jooga wakiilo ku xaraysan gudaha xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho.

Norway waxay weli taageertaa dib-u-habaynta dowlad dhiska Soomaaliya. Wakhtigaan la jooga taageerada Norway waxay lagama maarmaan u tahay xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya si loo kobciyo soo kabashada dhaqaalaha, dib u habeynta waaxda amniga, iyo ka hortagga ururka laf-dhuun-gashay ku noqday dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Arrinta xiisaha lihi waxay tahay in Soomaalida ku dhaqan dalka Norway ay yihiin dadka ugu badan ee Afrikaanka ah ee kunool Norway, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay qaxooti ahaan ku yimaadeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Fursadaha aysan ka faa’idaysanin Soomaaliya waxaa kamid ah isbeddelka cimilada iyo in Soomaaliya lagu soo darro dalalka horumarkooda socda lagana saarro dalalka gargaarka u baahan. Khibrad la’aan diblomaasiyaddeed ee haysata masuuliyiinta ku heeraarsan dowladda Xassan Sh. Maxamuud ayaa keentay in aan laga faa’idaysanin fursadaha jirra.

Soomaaliya aad bay ugu nugushahay saamaynta isbeddelka cimilada iyo cimilada oo aad u daran. Waxay saamaynaysaa hab-nololeedyada, waxay kordhisa barakaca, waxayna sii hurin kartaa xiisadaha dagaaladda sokeeye oo wali meelo badan oo dalka ka jirra, waxayna carqaladayn kartaa dadaallada xallinta khilaafaadka ee socda. Si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee soo noqnoqda ee Soomaaliya, dalka wuxuu baahannahay aqoonyahano diblomaasiyaddeed oo wax ka keeni kara iskaashiga lala yeelano caalamka intiisa kalle si wax loogu qabto dhibaatooyinkaas iyo khataraha amni ee la xiriira cimilada.

Arrimaha ka qeyb-galka Diblomaasiyadda

Norway waxay si firfircoon ugu hawlan tahay taageeridda Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bishii Maajo 2021, Ergeyga Joogtada ah ee Norway u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mona Juul, ayaa muujisay taageerada ay u hayso wada-hadallada dib u soo noolaynta ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Wadahadalku wuxuu ujeedkiisu ahaa in wax laga qabto caqabadaha siyaasadeed iyo sidii xal loogu heli lahaa heshiiskii 17kii Sebteembar.

Norway ayaa horey u cadeysay doorka ay ku leedahay muranka soohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide, ayaa carabka ku adkeeyay mowqifka dalkiisa intii ay socotay dacwadda dhanka sharciga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee uu ku taageerayo dooda Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Ururka Al-shabaab oo weeraray magaalada Ceel-dheer

Khasaaraha rasmiga ah ka dhashay weerarkan ilaa hadda lama oga, balse dowladda Soomaaliya ayaa sheeganayso in ay jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab gudaha Ceeldheer.

Published

on


Dagaal qaraar ayaa laga soo sheegayaa magaalada Ceel-dheer, kadib markii halkaasi ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyada aroortii hore ee Sabtida maanta ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo amniga ah oo ku sugan deegaanka.

Al-shabaab ayaa sheegtay weerar ay ku sheegtay ‘cagmarin’ oo ay ka geysatay xerooyinka ciidamada dawladda ee ku yaala magaaladaas, laakiin sheegashadan si madax banaan looma xaqiijin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarkan ‘jab xooggan’ ugu geystay Al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay warbaahinta dowladda.

“Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.” ayay qortay warbaahinta dowladdu.

Sida warbaahinta dowladda Soomaaliya sheegayso, ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.

Khasaaraha rasmiga ah ka dhashay weerarkan ilaa hadda lama oga. Ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya macawisleyda deegaanka ayaa hore Al-Shabaab uga qabsaday magaaladan Janaayo 2023-kii, xilligaas oo ay socdeen howlgallo ciidan.

Ururka Al-shabaab ayaa horey dib u qabsaday 4 magaalo oo istiraaji u ah hawlgalka xoreynta ee dowladda Soomaaliya. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Al-Shabaab waxay kusoo galeen oo si nabad ah kuna qabsadeen deegaanada Caad, Shabeelow, Camaara iyo Bacaadweyne, dadkii ku noolaa dhulkaas ee ka qeyb qaatay soo nooleynta magaalooyinkooda, markii laga dul qaaday Khawaarijta ku dhowaad sanad ka hor ayaa isaga cararay guryahooda, iyagoo cabsi ka qaba ciqaabta iyo arxan-darrada ay kala kulmi donaan Al-Shabaab, arrintaas ayaa keeni karta in markale shacabka ay aamini waayaan dowladda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Soomaaliya ayaa ku biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ka badan 50 sano kadib

Soomaaliya oo qaaday talaabo aad u weyn kuna guulaysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Published

on

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u doortay Soomaaliya in ay ka mid noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano ah oo ka bilaabaneysa sanadka 2025-ka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah shanta waddan ee helay codadka ku guulaystay, waxaana ku weheliya Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama.

“Waa astaan ​​iyo maqaam diblomaasiyadeed oo xooggan in Soomaaliya ay ka dhex muuqato xubnaha Golaha Ammaanka, taasina waxay Soomaaliya ka caawineysaa in ay galaangal wanaagsan u yeeshaan dalalka xubnaha ka ah,” ayuu yiri Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya.

Markii ugu horeysay muddo ka badan 50 sano, ayuu sheegay in Soomaaliya ay yeelan doonto codeyn go’aanno la xiriira colaadaha adduunka.

“Golaha Ammaanka waa hay’adda kaliya ee Q.Midoobe oo gaari karta go’aanno sharci ah sida cunaqabateyn iyo oggolaanshaha awood, sidaas darteed, Soomaaliya waxay heli lahayd cod go’aamiya arrimaha caalamka iyo go’aannada,” ayuu yiri Cabdiqafaar Cabdi Wardheere.

Isagoo ku dhawaaqaya natiijada doorashada, Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Dennis Francis, ayaa yiri, “Codbixin qarsoodi ah, waddammada la doortay waxay xaqiijiyeen saddex-meelood laba meelood laba dal oo xubnaha ka ah inay joogaan oo u codeeyaan 193-ka xubnood ee Golaha Guud.”

Warkaas ka dib, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu hambalyeysay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda “doorashada dalkooda maanta ka dhacday ee kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026”.

Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada dalkeenna, waxa uuna tilmaamay qosheyaasha hagaya codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, kaas oo ku salaysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga.

“Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysa sida caalamka uga markhaanti kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya, isaga oo xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in dalkeennu uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.

Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya

“Soomaaliya waxay soo martay waddo dheer soddonkii sano ee la soo dhaafay oo ay ku socotay waddadii nabadda, barwaaqada, iyo amniga,” ayuu yiri ku-simaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. “Doorashada kursi ka mid ah golaha ammaanka waa aqoonsiga horumarkaas la mahadiyo.”

“Waaya-aragnimada Soomaaliya waxay ka dhigaysaa meel gaar ah si ay gacan uga geysato doodaha golaha ee nabadda iyo ammaanka caalamiga ah,” ayuu James Swan ku daray.

Shanta xubnood ee joogtada ah ee codka diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka ayaa kala ah Ingiriiska, Shiinaha, Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka.

Shanta wadan ee la doortay Khamiista ayaa bedeli doona Ecuador, Japan, Malta, Mozambique iyo Switzerland, kuwaas oo waqtigoodu dhamaanayo Diseember 31.

Soomaali iyo xubnaha kale ee cusub ee la doortay waxay ku biiri doonaan xubnaha aan joogtada ahayn ee Aljeeriya, Guyana, Republic of Korea, Sierra Leone iyo Slovenia, kuwaas oo xilligoodu bilaabmay Janaayo.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, 10-ka kursi ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka waxaa loo qaybiyay afar kooxood oo goboleed: Afrika iyo Aasiya; Yurubta bari; Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaanka; iyo kooxda Yurubta Galbeed iyo Dawladaha kale.

Xubnaha cusub ee la soo doortay ayaa waxaa taageeray kooxihii ay ka soo jeedeen, waxaana ay u sharaxan yihiin kuwo aan la tartamin.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Siyaasadda Soomaaliweyn1 day ago

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Kuubba

Afrika1 day ago

Madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Chilima iyo sagaal kale ayaa ku dhintay shil diyaaradeed, sida ay xaqiijisay dowladda

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 days ago

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha Norway?

Diblomaasiyadda2 days ago

Mareykanka wuxuu u baahan yahay caawinta Japan si kor loogu qaado wax soo saarka militariga, ayuu yiri danjire Rahm Emanuel

Wararka2 days ago

Maroodiyaasha Afrika ayaa midba midka kale ugu yeeraa magacyo gaar ah, daraasad cusub ayaa muujisay

Yurub3 days ago

Xisbiyada Midigta fog ayaa guullo waaweyn ka gaaray doorashada Midowga Yurub

Bariga dhexe3 days ago

Golaha Illaalada kacaanka Iiraan ayaa waxay doorashada ka xayireen madaxweynihii hore ee Axmadinejad

Bariga dhexe3 days ago

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga oo dalka Qadar kula kulmay hogaamiyaha Xamaas

Gumeysi iyo isir sifeyn4 days ago

Khaliijka ayaa cambaareysay weerarka Israa’iil ay ku qaaday Nuseirat, waxayna ku tilmaantay fal dambiyeed aad u fool xun oo argagaxiso ah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda4 days ago

Madaxweyne Xassan Sheekh oo safar Norway ah u ambabaxay – waa maxay ujeedka safarka?

Yurub5 days ago

Nin ayaa la xiray ka dib markii uu weeraray ra’iisul wasaaraha Denmark

Siyaasadda Soomaaliweyn5 days ago

Ururka Al-shabaab oo weeraray magaalada Ceel-dheer

koonfurta Bari Aasiya6 days ago

Narendra Modi ayaa ku soo laaban doona ra’iisul wasaaraha Hindiya mar saddexaad

Afrika6 days ago

Dhaqdhaqaaqayaasha Suudaan ayaa sheegay in illaa 40 qof ay ku dhinteen duqeymo ka dhacay meel u dhow Khartuum

Bariga dhexe6 days ago

Xuutiyiinta Yemen ayaa xiray shaqaale gargaar, oo ka tirsan Qaramada Midoobay

Siyaasadda Soomaaliweyn7 days ago

Soomaaliya ayaa ku biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ka badan 50 sano kadib

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Ku dhawaad ​​40 qof ayaa ku dhintay weerar ay Israa’iil ku qaadday iskuulka Nuseirat

Afrika1 week ago

Wafdi ka socda Difaaca Ruushka ayaa wadahadal la yeeshay dalalka Maali iyo Niger

Diblomaasiyadda1 week ago

Spain ayaa doonaysa inay ku biirto kiiska xasuuqa ka dhanka ah Israa’iil

Sirdoonka & Militariga1 week ago

Qorshaha Soomaaliya ay ku doonayso in ciidamada Itoobiya loogu saarro dalka waa sababo la xariira ‘Badda Cas’

Bariga dhexe1 week ago

Bashaar Al-asad iyo Ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa ka wada hadlay isku-duwidda amniga, warbaahinta dowladda Ciraaq ayaa sheegtay

Buuggaag1 week ago

Ogaal yar oo ku saabsan buugga Saacadihii Badbaadada

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Waa maxay ujeedka K. Galbeed Soomaaliya ay ugu hortimid qorshaha ay Dowladda Soomaaliya kaga saareyso ciidamada Itoobiya?

Afrika2 weeks ago

Xisbiga ANC ayaa lumisay aqlabiyaddiisa 30-ka sano ee Koonfur Afrika

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Hay’adda CAIR ayaa dhaleecaysay madaxa difaaca ee Maraykanka in uu dafiray xasuuqa Gaza ee Israa’iil

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Shirkadaha Israa’iil ee hubka ayaa laga mamnuucay bandhiga carwada difaaca ee ka dhici doonta Faransiiska

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Maamulka Khaatumo ‘oo si gaar ah’ ula macaamileysa dowladda Turkey – dhaqan siyaasaddeed cusub

Afrika2 weeks ago

Xisbiga talada haya ayaa hogaaminaya codadka iyadoo ay socoto tirinta codadka doorashada Koonfur Afrika

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Iiraan ayaa Xuutiyiinta Yemen siisay gantaallada ballistic ah oo badda laga rido

Afrika2 weeks ago

Midowga Yurub oo soo afjaraya howlgalkii militari ee ay ka waday Niger

Wararka2 weeks ago

Xuutiyiinta ayaa sheegtay in ay gantaal ku garaaceen markab laga leeyahay dalka Mareykanka

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Dowladaha Ireland, Norway iyo Spain oo u aqoonsaday Falastiin dowlad madax-bannaan

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Muqdisho soo gaaray

Wararka3 weeks ago

Midnimada Afrika: Waa maxay sababta ay dunida ugu dabaal degto 25-ka Maay?

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Madaxweyne Joe Biden wuxuu Kenya ku sheegay inay tahay saaxiibka ugu weyn ee aan NATO ka tirsaneen

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Madaxweyne Putin iyo boqorka Baxreyn waxay ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska3 weeks ago

4-taan qoddob ku illaali noloshaada haddii ay dhab kaa tahay horumar inaad gaarto

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Norway ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Falastiin inay tahay dowlad madax-bannaan

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Ireland waxay go’aan taariikhi ah ku aqoonsatay dawlad madax-banaan oo Falastiin ah

Afrika3 weeks ago

Muwaadiniin Maraykan ah oo ku lug lahaa isku daygii afgambi ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo

Xul