Bangiyadda & Keydka
Sakada iyo cashuurta
Labaduba waxay door weyn ka qaataan horumarinta bulshada iyo taageeridda dadka nugul, hase yeeshee sakadu waa waajib diini ah oo Islaamku faray Muslimiinta.

Sakada iyo cashuurtu waa laba waajibaad oo muhiim u ah nolosha bulshada, inkastoo ay ku kala duwan yihiin asal ahaan, ujeeddada iyo habka loo bixiyo. Labaduba waxay door weyn ka qaataan horumarinta bulshada iyo taageeridda dadka nugul, hase yeeshee sakadu waa waajib diini ah oo Islaamku faray Muslimiinta, halka cashuurtu tahay waajib sharci ah oo ay dawladuhu saaraan muwaadiniintooda si ay ugu maareeyaan adeegyada guud ee bulshada.
Qormadan waxay si faahfaahsan u sharraxaysaa macnaha sakada iyo cashuurta, farqiga u dhexeeya, iyo faa’iidooyinka ay leeyihiin.
Sakada
Sakadu waa mid ka mid ah shanta tiir ee diinta Islaamka. Waa waajib saaran Muslim kasta oo haysta hanti gaartay xad cayiman (Nisaab) isla markaana haysatay muddo sannad ah. Ereyga “sako” wuxuu ka yimid macne tilmaamaya daahirnimo, barako iyo korriin. Sidaas darteed, marka qofku sakadiisa bixiyo, wuxuu daahirinayaa hantidiisa, wuxuuna rajaynayaa barakada iyo ajarka Alle SWT.
Sakadu waxay leedahay faa’iidooyin badan oo dhinaca diinta iyo bulshada ah. Marka hore, waxay kobcisaa isku xirnaanta bulshada iyo naxariista ka dhexaysa dadka. Qofka hodanka ah wuxuu dareemayaa masuuliyadda saaran ee ku wajahan dadka baahan, halka dadka danyarta ahi ay helaan taageero ka caawisa daboolidda baahiyahooda. Marka labaad, sakadu waxay yaraysaa faqriga iyo kala fogaanshaha dhaqaale ee bulshada dhexdeeda. Waxa kale oo ay ka hortagtaa xaasidnimada, nacaybka iyo colaadaha ka dhalan kara kala duwanaanshaha hantida.
Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista Nebiga SCW waxay si cad u qeexeen cidda xaqa u leh in sakada la siiyo. Waxaa ka mid ah masaakiinta, fuqarada, dadka daymaha lagu leeyahay iyo qaybaha kale ee uu Islaamku tilmaamay. Sidaas darteed, sakadu waxay si toos ah u gaadhaa dadka loogu talagalay, taas oo kor u qaadaysa caddaaladda bulshada.
Cashuurta
Cashuurtu waa lacag ay dawladdu ka qaaddo muwaadiniinta iyo ganacsiyada si loogu maalgeliyo adeegyada guud ee bulshada. Dakhliga cashuuraha laga helo waxaa lagu bixiyaa adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada, caafimaadka, amniga, waddooyinka, biyaha iyo adeegyada kale ee dadweynaha.
Cashuurtu waxay leedahay noocyo kala duwan, sida cashuurta dakhliga, cashuurta ganacsiga, cashuurta iibka iyo cashuuraha hantida. Si ka duwan sakada, cashuurta laguma saleeyo oo keliya hantida gaartay xad cayiman, balse waxaa laga qaadaa dakhliga ama hantida iyadoo loo eegayo sharciyada dalka. Sidoo kale, qofka ka gaabiya bixinta cashuurta waxaa lagu qaadi karaa tallaabooyin sharciyeed iyo ganaaxyo kala duwan.
Faa’iidada ugu weyn ee cashuurtu waa in ay dawladdu awood ugu hesho bixinta adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay. Haddii aan cashuur la ururin, way adkaan lahayd in la dhiso kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee muhiimka u ah horumarka dalka.
Farqiga u dhexeeya sakada iyo cashuurta
Inkastoo sakada iyo cashuurtu labaduba yihiin lacago laga bixiyo hanti ama dakhli, haddana waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya. Marka hore, sakadu waa waajib diini ah oo Alle SWT faray Muslimiinta, halka cashuurtu tahay waajib sharci ah oo ay dawladdu dejiso. Marka labaad, sakadu waxay leedahay qaddar iyo xeerar gaar ah oo Islaamku qeexay, halka cashuurta heerkeeda iyo noocyadeeda ay ku xiran yihiin siyaasadaha dawladda.
Farqiga kale ayaa ah in sakada loo qaybiyo kooxo gaar ah oo Qur’aanku tilmaamay, halka cashuurta lagu shubo khasnadda dawladda si loogu isticmaalo adeegyo iyo mashaariic kala duwan. Intaa waxaa dheer, sakadu waxay leedahay ajar iyo abaalmarin aakhiro oo qofka Muslimka ah sugaya, halka cashuurtu ay tahay waajib bulsho oo aan si toos ah ula xiriirin ajar diini ah.
Gebogebadii, sakada iyo cashuurtu waa laba nidaam oo muhiim u ah dhismaha bulsho deggan oo horumarsan. Sakadu waxay xoojisaa cibaadada, isku xirnaanta bulshada iyo taageeridda dadka baahan, halka cashuurtu ay dawladaha ka caawiso bixinta adeegyada lagama maarmaanka u ah shacabka. Sidaa darteed, Muslimiintu waa inay si joogto ah u bixiyaan sakada marka ay ku waajibto, isla markaana muwaadiniintu ay gutaan waajibaadka cashuuraha si loo helo bulsho cadaalad, horumar iyo wadajir ku dhisan. Labaduba waxay door muhiim ah ka ciyaaraan wanaagga qofka iyo horumarka guud ee bulshada.
Bangiyadda & Keydka
Mala socotaa in doollarka uusan ahayn oo kaliya lacag, balse waa aalad awooddeed?
Ma ogtahay in marka ganacsiga lagu kala iibsado saami doollar ah, Mareykanku wuxuu helayaa awood uu ku xakameeyo nidaamka lacagaha ee caalamiga ah, gaar ahaan iyada oo loo marayo nidaamyada bangiyada iyo hababka lacag wareejinta sida SWIFT.

Hoos u dhaca doollarka Mareykanka iyo istaraatiijiyadda ay qaateen dalalka sida Ruushka iyo Shiinaha si ay uga fogaadaan isticmaalka doollarka ee ganacsiga caalamiga ah waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda iyo dhaqaalaha adduunka. Arrintan ma aha oo kaliya mid ku saabsan lacag la isku beddelanayo, balse waa mid taabanaysa awoodda iyo saamaynta caalamiga ah ee Mareykanka.
Muddo dheer, gaar ahaan tan iyo dhammaadkii Dagaalka Adduunka II, doollarka Mareykanka wuxuu noqday tiirka ugu muhiimsan ee nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah. Heshiiskii Bretton Woods ayaa si rasmi ah u dejiyay doollarka inuu noqdo lacagta ugu weyn ee lagu kaydiyo hantida iyo ganacsiga. Taasi waxay siisay Mareykanka awood uu ku saameeyo suuqyada, bangiyada, iyo siyaasadaha dhaqaalle ee dunida oo dhan.
Waa maxay Heshiiskii Bretton Woods, oo la aasaasay Luulyo 1944?
Nidaam lacageed oo caalami ah oo cusub ayaa waxaa sameeyay ergooyin ka kala socday 44 waddan oo ku kulmay Bretton Woods, New Hampshire, bishii Luulyo 1944. Ergooyinka shirka ayaa isku raacay in la dhiso Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka. Ujeeddada ugu weyn ee nidaamka Bretton Woods waxay ahayd in la xasiliyo sarrifka lacagaha, la yareeyo tartanka qiimo-dhimista, lana dhiirrigeliyo kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamiga ah. Ujeeddada ugu weyn ee Heshiiska Bretton Woods waxay ahayd in la xasiliyo sarrifka lacagaha, la yareeyo tartanka qiimo-dhimista, lana dhiirrigeliyo kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamiga ah.
Laba dhaqaaleyahan oo caan ah, John Maynard Keynes iyo Harry Dexter White, ayaa si weyn uga qayb qaatay naqshadeynta nidaamkan. John Maynard Keynes wuxuu soo jeediyay bangi dhexe oo caalami ah iyo lacag cusub oo la yiraahdo “bancor,” halka Harry Dexter White uu taageeray nidaam ku saleysan lacagaha qaranka iyo kayd dahab ah. Inkasta oo ay kala duwanaayeen aragtidooda, heshiiska ugu dambeyntii la gaaray waxaana la isku daray fikradaha labada dhinac.
Inkasta oo nidaamkani uu shaqeynayay ilaa 1971, markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, haddana wuxuu dhaxal u reebay qaab-dhismeedyo weli saameyn ku leh dhaqaalaha caalamiga ah maanta. Sababtoo ah, nidaamka Bretton Woods wuxuu dejiyay nidaam sarrif oo go’an, halkaas oo lacagaha waddamada lagu xiray doolarka Mareykanka, doolarkuna uu ku xirnaa dahab. Tani waxay abuurtay xasillooni dhaqaalle oo muddo dheer socotay, taasoo sahashay kobac dhaqaalle iyo ganacsi caalami ah. Nidaamkani wuxuu socday ilaa 1971, markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, taasoo keentay burburka nidaamkaas.
Nidaamka Bretton Woods wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha, siyaasadda, iyo diblomaasiyadda caalamka intii uu shaqeynayay (1944–1971) iyo xittaa ka dib burburkiisa. Ujeeddadiisu waxay ahayd in la abuuro nidaam dhaqaalle oo xasilloon oo ka hortaga qalalaasihii hore, taasoo si weyn u beddeshay sida waddamada u wada shaqeeyaan. Wadamada warshadaha leh sida Mareykanka iyo Yurub waxay gaareen kobac dhaqaalle oo degdeg ah, waxaana la arkay koror weyn oo wax soo saar iyo shaqo abuur leh. Intaa waxaa dheer, hay’adaha sida Hay’adda Lacagta Adduunka (International Monetary Fund) iyo Baanka Adduunka (World Bank) ayaa ka caawiyay waddamada inay ka gudbaan dhibaatooyinka dhaqaalle iyo inay helaan maalgelin horumarineed.
Saameynta dhaqaalle ma ahayn mid isku dheellitiran
Wadamada soo koraya waxay inta badan ku tiirsanaayeen kaalmo iyo deymo, taasoo mararka qaar keentay ku-tiirsanaan dhaqaale. IMF waxay dejisay shuruudo adag marka ay bixiso deymo, taasoo saameyn ku yeelatay siyaasadaha gudaha ee waddamada qaarkood. Sidaas darteed, inkastoo nidaamku kobac keenay, haddana wuxuu sidoo kale abuuray kala duwanaansho dhaqaalle oo u dhexeeya waddamada hodanka ah iyo kuwa saboolka ah. Dhinaca siyaasadda, Bretton Woods wuxuu xoojiyay hoggaanka Mareykanka ee nidaamka caalamiga ah. Sababtoo ah doolarka Mareykanka ayaa noqday lacagta ugu muhiimsan ee kaydka caalamiga ah, Mareykanku wuxuu helay awood dhaqaalle iyo mid siyaasadeed oo ballaaran. Tani waxay sidoo kale qayb ka ahayd tartankii awoodaha waaweyn ee xilligii Dagaalka Qaboowaa halkaas oo Mareykanku uu isticmaalayay hay’adaha dhaqaalle si uu u xoojiyo saameyntiisa siyaasaddeed iyo dhaqaalle ee dunida.
Dhinaca diblomaasiyadda, nidaamka Bretton Woods wuxuu dhiirrigeliyay iskaashi caalami ah oo aan hore loo arag. Wadamada ayaa si joogto ah uga wada shaqeynayay arrimaha dhaqaalle, taasoo sare u qaadday xiriirka diblomaasiyadeed iyo kalsoonida. IMF iyo Bangiga Adduunka waxay noqdeen goobo ay waddamadu ku wada hadlaan oo ay ku xalliyaan khilaafaadka dhaqaalle si nabad ah, halkii ay ka qaadi lahaayeen tallaabooyin adag sida xannibaadaha ganacsi.
Markii nidaamka Bretton Woods uu burburay 1971, kadib markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, waxaa bilaabmay nidaam cusub oo sarrif lacag oo dabacsan (floating exchange rates). Inkastoo tani keentay xorriyad dhaqaalle oo badan, haddana waxay sidoo kale kordhisay khatarta isbeddelka sarrifka iyo qalalaasaha dhaqaalle. Bretton Woods wuxuu si weyn u saameeyay dunida, isagoo dhisay aasaaska nidaamka dhaqaalle ee casriga ah. Wuxuu xoojiyay iskaashiga caalamiga ah, kobciyay ganacsiga, isla markaana beddelay awoodaha siyaasadeed iyo diblomaasiyaddeed ee dunida.
Doollarka ma ahan oo kaliya lacag, balse waa aalad awooddeed
Marka ganacsiga lagu kala iibsado saami doollar, Mareykanku wuxuu helayaa awood uu ku xakameeyo nidaamka lacagaha ee caalamiga ah, gaar ahaan iyada oo loo marayo nidaamyada bangiyada iyo hababka lacag wareejinta sida SWIFT. Tani waxay u oggolaatay Mareykanka inuu adeegsado cunaqabateyn dhaqaalle si uu caddaadis ugu saaro dalalka kalle, taasoo ka dhigtay doollarka hub siyaasaddeed oo aan la iska indha tiri karrin.
Isbeddelka ay wadaan Ruushka iyo Shiinaha wuxuu muujinayaa in nidaamkaas la caqabadeynayo. Labadan dal waxay si ula kac ah u yareynayaan ku tiirsanaanta doollarka, iyagoo kordhinaya isticmaalka lacagahooda gudaha sida yuan-ka iyo ruble-ka. Tallaabooyinkan waxaa dhiirrigeliyay dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin khilaafaadka siyaasaddeed ee sii kordhaya iyo cunaqabateynta dhaqaalle ee lagu soo rogay Ruushka, gaar ahaan ka dib dhacdooyinka la xiriira duulaankii gobolka Kirimiya ee Yukreyn. Shiinaha, dhinaceeda, waxay leedahay aragti fog oo ku saabsan doorka ay rabto inay ka qaadato nidaamka caalamiga ah. Iyadoo loo marayo mashaariicda waaweyn sida Hindisaha Suunka iyo Waddooyinka (Belt and Road Initiative), Shiinaha waxay isku dayaysaa inay dhisto shabakad ganacsi iyo maaliyadeed oo ka madax-bannaan nidaamka reer galbeedka. Tani waxay u oggolaanaysaa inay ku fidiso saamaynteeda dhaqaalle iyo siyaasaddeed, iyadoo hoos u dhigaysa doorka doollarka ee ganacsiga. Saamaynta arrintan ayaa noqon karta mid aad u ballaaran. Haddii dalal kale—gaar ahaan kuwa soo koraya ee ku jira ururrada sida BRICS—ay bilaabaan inay raacaan jidkan, waxaa dhici karta in nidaamka maaliyaddeed ee caalamiga ah uu u wareego qaab cusub oo leh awoodo badan. Taasi waxay keeni kartaa in doollarka uu si tartiib ah u lumiyo kaalintiisa hoggaamineed, inkastoo aysan tani dhici doonin si degdeg ah.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la fahmo caqabadaha horyaalla isbeddelkan. Inkastoo Ruushka iyo Shiinaha ay sameynayaan dadaallo waaweyn, doollarka Mareykanka weli wuxuu leeyahay kalsooni caalami ah oo aad u sarreysa. Suuqyada maaliyadeed ee Mareykanka waa kuwo aad u qoto dheer, nidaamkooda bangiyadeedna waa mid aad u horumarsan. Intaa waxaa dheer, hay’adaha caalamiga ah sida International Monetary Fund iyo World Bank ayaa weli si weyn ugu tiirsan doollarka. Waxa socda maanta ma aha burbur degdeg ah oo ku yimaada doollarka, balse waa tartan istaraatiiji ah oo muddo dheer socon doona. Ruushka iyo Shiinaha waxay isku dayayaan inay dhisaan nidaam kale, halka Mareykanku uu difaacayo booskiisa. Tartankan wuxuu ku fidsan yahay dhinacyo badan: dhaqaale, siyaasadeed, tiknoolajiyadeed, iyo xittaa milatari.
Haddii isbeddelkan sii socdo, adduunku wuxuu u wareegi karaa nidaam dunida awoodo badan ku dhisan (multipolar world), halkaas oo dhowr quwadood ay wadaagaan saamaynta. Tani waxay keeni kartaa fursado cusub, sida in dalal badan ay helaan xorriyad dheeraad ah oo ay ku maareeyaan dhaqaalahooda. Waxay sidoo kale keeni kartaa khataro, sida xasillooni darro iyo tartan sii kordha oo u dhexeeya quwadaha waaweyn.
Gabagabadii, ka fogaanshaha doollarka Mareykanka ee ganacsiga caalamiga ah waa dhaqdhaqaaq istaraatiiji ah oo leh saameyn fog. Ma aha oo kaliya laba dal oo isku dayaya inay beddelaan hab lacag-bixineed, balse waa isbeddel ku saabsan sida awoodda loo qaybinayo ee adduunka. Mustaqbalka nidaamka caalamiga ah wuxuu ku xirnaan doonaa sida isbeddelkan u kobco iyo sida dalalka kale ay uga falceliyaan. Waxaa suurtagal ah in dunidu ay u gudubto marxalad cusub oo leh qaab awooddeed oo ka duwan kii hore—mid ka adag, kana tartan badan, balse sidoo kale laga yaabo inuu noqdo mid dheellitiran.
Bangiyadda & Keydka
Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo shatiyadii ugu horreeyay siinaya shirkadaha caymiska takaful
Sida lagu sheegay war saxaafaddeedka bangiga, shirkadahan la siiyay rukhsadda ayaa loo arkayaa inay yihiin kuwa hormuud u noqon doona kobcinta suuqa caymiska Islaamiga ah ee Soomaaliya.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (BDS) ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka, kaddib markii uu si rasmi ah u bixiyay rukhsadihii ugu horreeyay ee lagu oggolaaday shirkado bixiya adeegga Caymiska Islaamiga ah ee loo yaqaan Takaful. Tallaabadan ayaa daba socota ansixintii Sharciga Caymiska Islaamiga ah (Takaful) oo la meel mariyay bishii Maajo 2025, kaas oo dhidib u taagay nidaam sharciyeed cad oo lagu maamulo adeegga caymiska dalka.
Hirgelinta shati-siintan ayaa muujinaysa dadaallada Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu ugu jiro nidaaminta, korjoogteynta iyo casriyeynta adeegyada maaliyadeed, si ay ula jaanqaadaan mabaadi’da Shareecada Islaamka iyo heerarka caalamiga ah ee korjoogteynta caymiska. Adeegga Takaful ayaa ah hannaan caymis oo ku dhisan iskaashi, wadaagis khatar iyo isla-xisaabtan, taas oo ka duwan caymiska ganacsi ee caadiga ah, isla markaana waafaqsan diinta Islaamka.
Kulankii caadiga ahaa ee Guddiga Sare ee Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, oo qabsoomay 24-ka Janaayo 2026, ayaa lagu ansixiyay codsiyada shati-siinta afar shirkadood oo buuxiyay dhammaan shuruudihii sharci, farsamo iyo maaliyadeed ee looga baahnaa ruqsad-siinta adeegga caymiska Takaful. Shirkadahan ayaa kala ah:
- First Somali Takaful Insurance LTD
- Amanah Insurance LTD
- Baraka Takaful Insurance LTD
- Salmastar Insurance
Sida lagu sheegay war saxaafaddeedka bangiga, shirkadahan la siiyay rukhsadda ayaa loo arkayaa inay yihiin kuwa hormuud u noqon doona kobcinta suuqa caymiska Islaamiga ah ee Soomaaliya, maadaama ay buuxiyeen heerarka la xiriira hufnaanta maaliyadeed, maamulka khataraha, u hoggaansanaanta Shareecada Islaamka iyo awoodda ay u leeyihiin bixinta adeegyo caymis oo tayo leh.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabadani ay xoojinayso nidaaminta iyo korjoogteynta adeegga Takaful, si looga hortago khataraha maaliyadeed ee iman kara, loona hubiyo ilaalinta xuquuqda macaamiisha. Sidoo kale, shati-siintan ayaa gacan ka geysanaysa dhisidda hannaan caymis oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana taageeraya horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta gudaha iyo tan dibaddaba.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo ka hadlay muhiimadda arrintan, ayaa xusay in ruqsad-siinta shirkadaha Takaful ay tahay mid lagama maarmaan u ah xasilloonida nidaamka maaliyadeed ee dalka. Waxa uu yiri:
“Tallaabadani waxay dhidibada u adkaynaysaa nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya. Shati-siintani waa tiir muhiim u ah korjoogtaynta shirkadaha caymiska iyo maareynta khataraha maaliyadeed ee la xiriira adeeggan, si loo hubiyo hufnaan, isla-xisaabtan iyo ilaalinta danaha bulshada.”
Guddoomiyuhu waxa uu intaa ku daray in Bangiga Dhexe uu ka go’an yahay horumarinta adeegyo maaliyadeed oo waafaqsan Shareecada Islaamka, kuwaas oo buuxinaya baahiyaha bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ka qayb qaadanaya kobaca dhaqaale ee waara.
Dhinaca kale, shati-siintan ayaa lagu tilmaamay mid sarre u qaadaysa kalsoonida maalgashadayaasha, maadaama ay muujinayso jiritaanka hannaan sharci iyo mid korjoogteyn oo adag. Tani waxay fursad u abuureysaa shirkadaha caymiska Takaful inay soo bandhigaan adeegyo cusub oo hal-abuur leh, sida caymiska caafimaadka, hantida, gaadiidka iyo ganacsiga, kuwaas oo si weyn loogu baahnaa bulshada.
Ku dhaqanka shareecadda Islaamka
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay in uu ka go’an yahay illaalinta iyo horumarinta xasilloonida nidaamka maaliyadeed ee dalka, isaga oo ballanqaaday in uu sii wadi doono hirgelinta sharciyo, xeerar iyo hannaan korjoogteyn oo casri ah. Tallaabadan shati-siinta ah ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dhismaha nidaam maaliyadeed oo isku dheelitiran, hufan, isla markaana ku dhisan mabaadii’da Shareecada Islaamka, taas oo kaalin mug leh ka qaadan doonta horumarka mustaqbalka ee Soomaaliya.
Bangiyadda & Keydka
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo luminayso lacag tiro badan oo milyaneero ah
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in khasaarahan uusan ka imaan musuqmaasuq, wax isdaba marin ama fal dambiyeed, balse uu ku dhasho nidaamka maaliyadeed ee adag ee hadda jira.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay luminayso lacago tiro badan iyo wakhti muhiim ah, inkastoo lacagta doollarka soo maro nidaam kala duwan oo dheer kahor inta aysan soo gaarin gudaha dalka.
Lacagaha ka yimaadaan deeq-bixiyeyaasha caalamka ama qurbe-joogta Soomaaliyeed si gaar ah dalalka Mareykanka ama Ingiriiska ayaa inta badan soo mara bangiyadda la aqoonsan yahay ee Nayroobi, Jabuuti iyo Turkiga, taas oo kordhisay kharashaadka, dib u dhaca iyo shakiga.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in khasaarahan uusan ka imaan musuqmaasuq, wax isdaba marin ama fal dambiyeed, balse uu ku dhasho nidaamka maaliyadeed ee adag ee hadda jira.
Soomaaliya sannad kasta waxay deeq-bixiyeyaasha soo gaarsiiyaan ku dhawaad $4.2 bilyan, oo ay ku jiraan $1 bilyan oo gargaar ah iyo $3.2 bilyan oo lacag diris ah, waxaa lagu qiyaasaa in in ka badan $210 milyan ay ku lunto khidmadaha dhex-dhexaadiyeyaasha sannad kasta, lacag loo adeegsan karro kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta ama adkeysiga cimilada.
Si kastaba, Soomaaliya ay leedahay 13 Bangi oo maxalli ah, isla markaana ma jirto bangi Soomaaliyeed oo maanta si toos ah ugu dirri karto ama u heli karto doollar. Hal bangi waxaa leh shirkad shisheeye, 6 ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta lacagta teleefoonada iyo 15 xawaaladdo. Dhammaan lacagaha waa inay soo maraan bangiyadda shisheeye.
Guddoomiyaha Cabdiraxmaan ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay dhammaystirtay dib-u-habayn ballaaran oo sharci, kormeer iyo kaabayaal ah oo ay ku jiran sharciyadda AML/CFT, nidaam lacag-bixin oo casri ah, IBAN, QR qaran iyo real-time settlement, kuwaas oo dhamaantood la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.
Wuxuu sheegay in caqabadaha caalamiga ah ay ku saleysan yihiin aragtiyo hore oo aan la waafajin xaqiiqada maanta, maadaama Soomaaliya hadda ka baxay cunaqabateyntii hubka, gaartay HIPC ee dayn cafinta, ku biirtay EAC, isla markaana la aqbalay isbeddelladeeda maaliyadeed.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe wuxuu ugu baaqay bangiyada caalamiga ah, hay’adaha horumarinta iyo deeq-bixiyeyaasha inay dib u soo celiyaan correspondent banking si lacagaha gargaarka, ganacsiga iyo maalgashigu ugu soo gudbaan hannaan hufan, toos oo la kormeeri karro.
Shaqooyinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya
Shaqooyinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ugu horeeysa maamulka iyo iskudheelitirka dhaqaallaha wadanka, xisaabinta miisaaniyada dowlada, ilaalinta qiimaha lacagta wadanka iyo nidaaminta koboca dhaqaalaha wadanka. Intaas waxaa u dheer, maamulka iyo dejinta siyaasada dhaqaalaha iyo maalgeshiga dowlada.
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya waa wasaarada gacanta ku haysa isla markaana maamusha dhaqaalaha dowlada, canshuuraha, iyo kharashka wadanka Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, wasaaradani waxay masuul ka tahay habaynta, dejinta iyo diyaarinta siyaasada dhaqaalaha iyo maamulka miisaaniyada dowlada fedraalka ah.
Sanad kasta bisha Oktoober, Wasaarada waxay hortimaadaa Gollaha Baarlamaanka si ay u sharaxdo miisaaniyada sanadle ee dowlada federaalka. Guud ahaan, Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya waxay hoostegtaa Wasiirka Maaliyada; Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waa bankiga dhexe ee dowlada Soomaaliya.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa la aasaasay 30-kii Juun, 1960, iyadoo lagu soo saaray Wareegto Lambar 3 waxaana loo beddelay Xeer Lr 2 ee bishii Janaayo 13, 1961.
Taariikhda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxay soo bilaabatay markii Maamulka “Nation of Trusteeship Administration“ A.F.I.S. ” waxaa la aasaasay 8-dii Abriil 1950-kii hay’ad cusub oo maamusha hay’adda lacagta “Cassa per la circolazione monetaria Della Somalia” oo madax ka ahaa Talyaaniga. Intii lagu guda jiray 1950-meeyadii, markii ay xorriyadda soo dhowaatay, 6-dii Abriil 1959-kii ayaa Madaxa Quarter-ka loo wareejiyay Muqdisho, isagoo la wareegay dhammaan hantidii, deymihii, howlihii Banca d’Italia laanteeda Muqdisho. 3-dii Juun 1960-kii, way joogsatay jiritaankeedii waxaana shaqooyinkiisii loo wareejiyay bangiga dhexe oo la aasaasay 1960kii.
Ujeeddooyinka ugu waaweyn waa kobcinta xasilloonida lacageed, dayactirka qiimaha Shilinka Soomaaliga ee gudaha iyo dibedda, iyo dhiirrigelinta amaahda iyo sarrifka oo gacan ka geysanaya koritaanka isu dheellitiran ee dhaqaalaha Jamhuuriyadda. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu dalka u qaban jiray shaqooyin aad u badan, lakiin hada shaqooyinkii badnaa ma jiraan, inkastoo sanadahaan danbe horumar iyo isbadal badal weyn sameynayo, bangigu waxa uu xirnaa muda 25 sano ah waa uuna burburay, waxaa dib loo furay sanadkii 2010.
Bangiyadda & Keydka
Qaabka cusub ee dhaqaalaha iyo mustaqbalka siyaasadda Turkiga

Tallaabo geesinimo leh oo go’aamin karta doorashada 2023, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan waxa uu Turkiga u qaatay hannaan dhaqaale oo cusub. Isagoo saadaaliyay in dulsaarka sare uu horseedi doono hoos u dhac dhaqaale iyo shaqo la’aan sare, wuxuu doortay hab cusub oo xoogga saaraya kobaca, dhoofinta iyo maalgashiga.
Isagoo si buuxda uga warqaba khatarta ku lug leh, Erdoğan 20-kii Diseembar wuxuu soo bandhigay dhowr qaab oo siyaasadeed oo cusub wuxuuna bedelay maskaxda suuqa iyada oo la xakameynayo heerka lacagta. Abuuritaanka xisaabaadka kaydka ee Liiraha Turkiga oo leh qaab lagu ilaalinayo lacagta qaranka, Erdoğan waxa uu muujiyay in liradu aanay u nuglayn weerarada. Dadka Turkiga ayaa sidaas ku beddelay dookhooda dib-u-celinta cagaaran.
Tallaabadaasi kaliya kama aysan hor istaagin weerarro mala-awaal ah oo lagu qaadi jiray lacagta dalka Turkiga, balse waxa ay sidoo kale abuurtay hannaan qof kasta oo qorsheynaya in uu wax ka sheego lacagta Liiraha Turkiga ay tahay in uu laba jeer ka fikiro. Qorshaha cusub ee Erdoğan ayaa sidoo kale dib u habeyn ku sameeyay suuqyada si uu u abuuro daaqad fursad leh. Runtii, heerka lacagta xasilloon, meel u dhow qiimaha suuqa dhabta ah ee lirada ayaa dhiirigelin doonta wax soo saarka iyo dhoofinta.
Dhanka kale, si loola dagaallamo kor u kaca maciishada, dowladdu waxay kordhisay mushaharka ugu yar 50% iyada oo la kordhinaayo mushahar shaqaalaha dowladda iyo kuwa hawlgabka ah. Maadaama Turkigu uu ka hortagayo qiimaha xad-dhaafka ah iyo kaydinta, sicir-bararka sii kordhaya ayaa weli ah dhibaato caalami ah.
Tallaabadii ugu dambeysay, Erdogan wuxuu ku xoojiyay muuqaalkiisa indhaha dadka Turkiga inuu kaligiis awood u leeyahay inuu xalliyo dhibaatooyinka dhaqaale ee cudurka faafa ee coronavirus uu ka abuuray adduunka oo dhan.
Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay Telefishinka Qaranka habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay, ayaa dib u xusuustay inuu ku guuleystay inuu hoos u dhigo qiimaha Ribada, isla markaana uu xakameeyo sicir-bararka, isagoo Ra’iisul Wasaare ah. Edogan waxa uu ku andacoodey in “Quwadaha Imbaraadooriyadda ee aan doonayn in Turkigu cagihiisa ku istaago” ay mas’uul ka ahaayeen kor u kaca labada lambar ka dib kacdoonkii Gezi Park ee 2013.
Marka la eego qaabka dhaqaale ee Turkiga, Erdoğan wuxuu yiri kuwan soo socda: “Waxaan hubineynaa soo bixitaanka jawi xasiloon iyada oo aan ka leexaneynin buug-tilmaameedka dhaqaalaha suuqa xorta ah. Waxaan kor u qaadi doonaa wax soo saarka, abuurista shaqo iyo kordhinta dhoofinta. Waxaan bixin doonaa kaalmooyin dheeraad ah iyo kaalmo maaliyadeed sidoo kale. Markay tillaabooyinkaas qaadno, waxaynu caddaynaynaa cidda aan la taagannahay. Hadafkayagu waa inaan diiwaangelinno dheeraadka koontada hadda. Markaa waxaanu rajaynaynaa inaanu kor u qaadno daryeelka bulshada.”
Waxay u muuqataa in Erdogaan uu u wareegay qaabkaas dhaqaale ee cusub lagu wargeliyay u diyaargarowga xilliga faafitaanka ka dib. Iyadoo maskaxda lagu hayo saameynta caalamiga ah ee cudurka faafa ee coronavirus, oo ay khubaradu filayaan inay noqon doonto mid sii kordheysa oo aan khusayn dabayaaqada 2022, dowladda Turkiga waxay dooneysaa inay ka faa’iideysato fursadaha iyo, kordhinta, fududeynta horumar dhaqaale oo cusub. Waxay doonaysaa inay ka faa’iidaysato dhibaatooyinka joogtada ah ee silsiladaha sahayda caalamiga ah si ay u kordhiso saamiga Turkiga ee ganacsiga caalamiga ah iyo in dalka loo beddelo xarun wax soo saar iyo maalgashi.
Turkiga waxa uu hoy u yahay warshadaha wax soo saarka ee 16-aad ee ugu wayn adduunka oo soo saara $125 bilyan (TL 1.51 trillion) oo alaab ah sannadkii. Waxay doonaysaa inay ka mid noqoto 10-ka waddan ee ugu sarreeya aaggaas, kor u qaadida dhoofinta iyo abuurista shaqooyin. Mas’uuliyiintu waxay filayaan dhoofinta sannadlaha ah ee Turkiga in ay dhaafto $ 225 ee 2021. Sidaa darteed qorshaha dowladda ee lagu ilaalinayo kobaca xooggan si loo yareeyo khasaaraha xisaabaadka hadda jira iyo, laga yaabo, in la abuuro xisaab dheeri ah oo hadda jirta.
Habkaas dhaqaale ee cusub waxa uu ka dhigan yahay dadaal uu sameeyay xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarka (AK Party), kaas oo xukunka ku yimid isagoo ballanqaaday “cadaalad” iyo “horumarin” 2002-dii tan iyo markii uu isbedelay dalka, si kor loogu qaado wax soo saarka, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta tiknoolajiyada. Ka dib markii uu heerkii ugu sareeyay ka qaaday maqaamkiisa caalamiga ah, Turkigu hadda waxa uu doonayaa in baaxadda dhaqaalihiisa uu la mid noqdo saameyntiisa.
Dhanka kale, hoggaamiyayaasha mucaaradka Turkiga, oo ka sheekeynaya burbur dhaqaale, ayaa si lama filaan ah looga tagay rasaas oo hadal ah. Waxay ku guuldaraysteen inay odorosaan awoodda Erdogan ee wax-is-dabamarinta iyo kalsoonida ay dadku ku qabaan madaxweynahooda. Inkasta oo mucaaradku ay dhaleeceeyaan qaabka cusub ee dhaqaalaha, Erdoğan, oo awood u leh inuu hoggaamiyo wada-hadalka qaranka, wuxuu damacsan yahay inuu xoojiyo sareynta maskaxeed isagoo qaadaya tillaabooyin dheeraad ah.
Kahor doorashooyinka 2023, Edogan waxa uu sii wadi doonaa muujinta hoggaaminta marka ay timaado dhinacyada iskuxiran ee siyaasadda dibadda, amniga qaranka, siyaasadda gudaha iyo dhaqaalaha. Isagoo eegaya dhaleecayn adag oo uu u jeediyay badhasaabka mucaaradka ugu weyn, madaxweynuhu wuxuu si firfircoon u dooran doonaa mawduucyada ugu muhiimsan ee doodda siyaasadeed ee Turkiga. Waxa loo malaynayaa inuu qaadi doono tallaabooyin dheeraad ah oo muujinaya daciifnimada mucaaradka – tusaale ahaan, maqnaanshaha musharaxa madaxweyne, la’aanta ajande siyaasadeed oo cad iyo dadnimo – marka la eego indhaha codbixiyayaasha. Sidan oo kale,Edogan waxa uu sii wadi doonaa heerkiisa sareynta marka la eego maaraynta dhowr arrimood oo muhiim ah oo ku saabsan goobo badan.
Bangiyadda & Keydka
Wax Kabaro Cilmiga Dhaqaalaha

Waxaan halkaan kusoo bandhigi doona qoraalo koo koban kuwaas oo macno weyn ka bixin doona Maadada Dhaqalaha. Qoraaladaas oo ay ka faa’idaysan doonaan guud ahaan qofki akhrista, ama jecel in u wax ka ogaado dhaqaalaha iyo gaar ahaanba ardayda jecel in ay bartaan Dhaqalaha. Casharadaas oo aan kusoo arruurinay in uu qof walba fikrad fiican ka heysan doono dhaqalaha.
Waxaynu ognahey in cilmigu ama aqoontu ay tahey warbixin aad hesho. Hadaba haddii aad fursad u hesho aad ku akhrisato fadlan gaarsii walaalkaa kaleeto si uu isna uga faa’idaysto. Inta aan u gudagalin, waxaan qofkasta ka doonayaa inuu iisoo gudbiyo fikradaha lasoo gudboonaata markuu akhristo qoraalkan, adigoo isoo diri kara waraaq.
Dunidda maanta la joogo Dhaqaalahu wuxuu ka noqday wax dhammaan bushada kunool adduunka in ay noqdaan dhaqaalyahano. Gaar ahaan dadka ku nool dunida seddaxaad waxey ogadeen in barashada dhaqaluhu uu u sahlo xalinta dhibatadooda dhaqaale iyo tooda bulshadaba. Sidaa darteed maadada dhaqaaluhu maanta waxay noqotey mid aan la soo koobi karin faa’idooyinkeeda.
Hadaba waxaa muhiim ah in aan halkaan ku xusno maadaddaas, inagoo sheegi doona, asal ahaan erayga dhaqaalaha meesha uu ka yimid, sidii uu u baxey, herarka uu soo marey, qeybaha uu u kala baxo ama loo qeybiyo inaga oo addeegsaneyna habka ugu hufsan una egayna in aan soo koobno qoraalkeena.
Dhaqalaaha waa maado la barto madaddaasoo dad badani ku tilmamaan madadii boqortooyada.
Professor Naiz Ahmed isagoo tusale ka bixinaya ayuu yiri Madaxweynaha wadankan(Pakistan) Genenal Barfeez Musharaf ayaa markii uu xukunka qabanaayey yiri “waan garanayaa aqoon badan inkastoo aan garaneyn Economics waxaana khasab ah in aan barto Dhaqalaha”(isagoo maanta sifiican ubartey) taasi waxey ku tusinaysaa in aysan aheen maado raqiis ah.
Madaddaani waa maado wax walba ka turjumaysa una sahleysa hoggaanka wadanka haya in uu si fiican u hago wadankaas haddii uu yaqaan dhaqaalaha.
Macnaha dhaqaalaha
Erayga economics waxaa la dhahaa markiisi hore wuxuu ka yimid, dadkii Giriiga oo ay oran jireen Oikonomes. Sida aynuba ognahey dadka Giriigu waa dadki laga soo gaarey waxyaabo badan oo haddii aad baarto aad ogaaneyso.
Hadaba waxaa iswaydiin mudan maxey iyagu u isticmaali jireen?
Waxay u isticmali jireen maamulka guriga. Hada su’aasha taal waxa weeye sidee eraygaan uu ku noqday Economics madaama uu ahaa Oikonomos?
Markii ay bilaabmeen kacaankii warshadaha dowlada Ingiriiska 1770, waxaa suurta gashey in ay warshado badan bilaabmaan, hadda waxaa la ogyahey haddi ay wax soo kordhaan in ay wax la yimadaan. Kacaankaas ayaa waxaa bilaabmay dhibaato xagga dhaqalaha ah. Dhibaatadaas oo saameysay shaqo la’an, Gadiidka iwm.
Kadib waxey noqotey in loo baahdo sidii loo darsi lahaa dhibatooyinkaas. Si marka loo darso dhibatooyinkaas soo foodsarey dalka Ingiriiska ayey noqotey in lagu xaliyo Magaca Economic. Sidaas buuna ku noqdey Economic.
Waxaana magaca Economic bixiyey oo awal loo aqoon jiray Oikonomos ku turjumay luuqada uu hadda yahey Economics Adan Smith. Waxaana Adan Smith noqdey abihii dhaqaalaha (father of Economic). 1776 ayuu buug qorey Adan Smith wuxuuna u bixiyey ” Wealth Nation”. Wuxuna ku qeexay “Economic is a science of Wealth”.
Hadaba haddii aynu usii guda galno qeexitaankaas. Waxey na tusinaysaa erayga “Wealth” oo ah Hanti kana koobma afar qeybood oo kala ah:
1.Wax soo saar
2. Iswaydaarsi
3. Qaybin
4. Isticmaal
Hantidu maxay tahay?
Hantidu waa baddeecada iyo addeega. Marka qexidaasi waxey u dhaceysaa dhaqaaluhu in uu yahay baddeecad iyo addeeg gediskoodu yahay lacag.
Hada wamic:
Guud ahaan dhaqaaluhu waa sayniskaas oo darsa wax qabadka dhaqaalaha dadka oo ku wajahan nolosha bulsada. Hadaba qeybtaan waxay nasiisa qaabab aynu u isticmaalno in aan ku lafa gurno dhibaatada dhaqalaha soo food saarta dadka.
Waxayna u qeyb santaa labo qeybood oo kala ah:
- Microeconomics
- Macroeconomics
Microeconomics
Micro waxeynu ogsoonahey in ay tahey waxyar, sidaa darted Micro-Economic waxaa loo isticmalaa in lagu wajaho waxyaabaha yar yar ee dhaqaaluhu leeyahey sida dalabka ay leedahey badeecadi sidoo kaleeto markii shey ama badeecad laqimeynayo waxeyna u qeybsantaa aftar waxyaalood ay hantidu leedahey sida:
- Wax soo saar (Production)
2. Iswaydaarsi(Exchange)
3. Qaybin(Distribution)
4. Isticmaal(Consumption)
Macroeconomic
Macro waxey ka timid eray Giriik ah oo la oran jiray “Makros” kaas oo macnihiisu yahey baaxad ama weynaan “Large”. Sidaa darted Macroeconomics waxaan ku baranaa qeybaha waa weyn ee dhaqaalaha. Taasoo natusunaysaa tusala’ahaan intaan gaar ahaan ardeyda ka hadli laheen in aan ka hadalno dhamaan waxa dhigta.
Hadaba qeybtaan waxaa hormariyey J.M Keynes. Waxaanu ku baranaa qeybtaan waxyaabo badan oo dowlada la xirrira sida:
- Dakhliga ay dowladi leedahay.
2. Ganacsiga kharajka ama dibada.
3. Qiimaha sarifka lacagaha.
4. Dhaqaalaha guud ee bulshada.
5. In loo dhuun daloola waxyaalaha keena shaqo la’anta.
6. Koritaanka iyo hormarka.
Waxaan filayaa
2. Applied Economic
Qeybtaan waxaan ku baranaa in aan ku wajahno wixii aan kusoo baraney qeybti hore oo aheed aragti ama figrad maskaxeed oo la abuuray. Anagoo ku sameynayna xaaladda xaqiiqda dhaqaalaha uu wadan leeyahey. Anagoo shaqadii qabaneyna ayaan ku wajaheynaa. Tusaale ahaan adigoo raba in aad ogaato shaqa la’aanta wadanka ka jirta ama aad ogaato koritaanka iyo hormarka Soomaaliya ayaad wajaheysaa qebtaan.
Waxaad kaloo ku wajihi kartaa (Monetary and fiscal policies of the country).
Madaahiibta afkaarta cilmiga dhaqaalaha
Dhaqaalaha Madhabka Classicism
Dhammaadkiii qarnigi 18aad iyo bilawgi qarnigii 19aad ayaa waxa aad usoo ifbaxay in kacdoonkii warshadeed ee Yurub ka jiray, iyo in lasoo saaray alaado ka shaqo wanagsan aadanaha, sida gawaarida lagu falo beeraha iyo warshadaha aladeed, taasna sababtay inay dhacaan shaqo la’aan baahsan oo ku habsatay dadkii ka shaqeen jiray hawlaha ay la wareegen alaadahaas.
Saas darteed culumadii cilmiga dhaqaalaha oo xiliga doonayay inay saxaan nadariyaadkii dhaqaalo ee wagi hore jiray, iskusoo wada duboow Classic School waxa ay ahayd dhaqaaq looga gudbayay suuradi qadiimka ahayd ee cilmiga dhaqaalaha iyo hirgalinta dhaqdhaqaaqa fardiga ah (maslaxada fardiga) ee Liberalism ka loo yaqaan, ayado laguso koobayay cilmiga dhaqalaha, taxliilka loo yaqaano.
Saameynta ee sameesay iskoolkii classicism:-
- Soo ifbixida dabaqaadka bulsho (dabaqada hoose, dhaxe, sare).
- Dhaqaalaha kala iibsiga aadamaha oo noqday il dhaqaalo oo la ictimaado.
- Faragalinta dawlada oo lagu soo koobay ilaalinta malkiyada afraada qura.
Waxa hoggaaminayay iskuulkaas raga caan ku ah cilmiga dhaqaalaha sida Adam Smith iyo Tomas Maltose iyo David Ricardo iyo John Stu-red mill
Madhabka Neoclassicism
Iyadoo ay sii fideyso afkaarta Marxism ka (maraakisiyada) oo lid ku ah fikirka hanti-goosadka ayaa waxa soo ifbaxay waxa loo yaqaano madhabka neoclassicism.
Hadaba waa maxay neoclassicism?
Waa qeyb ka mid ah musaslada horimarineed oo ay wadeen culumadii dhaqaalo ee qarnigii 19aad, waxeyna ka duuleysan awooda fardiyeed ee lo yaqan (Liberalism) waxa ay eheed muhimada madhabka neoclassicism in ay hormariso madhabki classicism ee ka horeyay.
Waxyaabaha ay so bandhigtay madhabka neoclassicism aya aha:-
- Isticmaalka xisaabaata kolka lagu guda jira taxliilka dhaqaalo, sida law of supply iyo law of demand iyo qawaaniinta xisaabeed oo lamidka ah.
- Soo biirida fikrada la dhaho (Marginal ) ama xadiga sare
- Isticmaalka fikrada manfacada (Utility ) mid xadideesa iibsiga baddeecooyinka seddax daas afkaar aya ugu waaweyna waxyabaha ay soo biirisay madhabka neoclassicism. Waxa jira dhawr iskuul oo ka farcamay madhabka neoclassicism oo kala ah:
B. Iskuulka xisaabta: oo caan ku ah isticmaalka xisaabaha iyo soo sarida qaannuuno kala duwan oo ku dhisan qaab xisaabeed.
T. Madarasada Austria: oo caan ku ahayd in ay ahmiyada siiso nafsiyada qofka kolka ay daraasanayso muuqaalka isbadalka dhaqaalo, waxayna ku caan baxday magaca ah (Psychological direction).
J. Madarasada Cambridge: waxa ay ku can baxday isku arruurinta dhamaan afkaarta dhaqaalo ee labada madhab iyo is waafajintooda.
- Madhabka Keynes (Keynesian Revolution):- 30 meeyadi qarniga 20aad, aya waxa culumada dhaqaalo ay muhiimada siin jiray taxliilka juz’iga ah (Microanalysis), waxeyna aaminsanaayeen in shaqa siinta buuxdo (Full employment) ay tahay wadci joogta, islamarkaana wax soosaarka qoomiga (GNP) uu ahaanaya mid fadhiya oo is badbadlin, aragtidaasoo ku koobneed taxliilka loo yaqaan (Microanalysis) .
Aragtidaas aya waxa ay sababtay in ay dhacaan dhacdo dhaqaalo oo weyn taasoo lamagac baxday (Great depression) ama Fadhiid dhaqaalo lagu dhihi karo afka soomaaliga, waxay sababtay inuu soo if baxo nin la dhaho John Maynard Keynes oo ah caalim dhaqaalo oo udhashay dalka ingriiska , asagoo qoray kitaab la dhaho ” The General Theory of employment , interest and money” kitaabkaan oo wax weyn ka badalay habsami usocodki cilmiga dhaqaalo , oo soo ifbixiyay waxa loo yaqaan (Macroeconomic) dhaqaalaha guud.
Haddaba Kacdoonka Keynes maxa uu ku saabsana?, Waxa u sabab ahaa:
- Burburinta afkaarti ku dhisneed taxiilka yaraa (Microanalysis)
- Shaqo la’aanta iyo wax soo saarka guud in ay yihin kuwa isbedbedelo oo aan ku nagaan hal meel, taaso ka duwan aragtidii culumadii hore.
- Faragelinta dawlada ee xaga dhaqdhaqaqa dhaqaalo oo kor u qaadmay, xaga ay ka ahaan jirtay mid ilaalisa hantida gaar ahaaned qura.
- Taxliilka maaliyadeed oo noqday mid awood ku leh taxaaliisha cilmiga dhaqaalo
- Soo ifbixida mawaadiic cusub oo aad muhiim u ah sida wax soosaarka guud, dakhliga guud, iyo wax soosaarka maxaliga guud. GNP, GD , NNP.
Kacdoonka Keynes ayaa wax weyn ka bedelay cilmiga dhaqaalaha asago leexiyay habsi u socodkii cilmiga dhaqaalaha, kaasoo cilmiga dhaqalaha haatan loo qeybiyo laba qeeybood oo muhiim ah Microeconomic & Macroeconomic.
Culumadii dhaqaalaha islaamka
- Ibnu khalduum: Abuu Zeyd Cabdiraxmaan bin Muxamed ibnu khaldun Alhadrami, (1332 – 1406 miladiga) wuxuu ku dhashay waqooyiga Afrika, Tunis, Andlus, wuxuu ku noolaa kadib markii uu ka qalan jabiyay jaamacada Zaytuuna dalalkii ku yaalay waqooyiga Afrika oo ay kamid ahaayeen (sakra, qarnada, jaya, talmasan). wuxuuna gaaray dalka Masar, oo Suldaanki Masar Al-dahir Barquuq kusoo dhaweeyay, waxaana loo xilsaaray garsoor inuu u noqdo madhabka malikiga, oo halkaa wuxuu degenaa in ku dhow rubac qarni (784 – 808 hijriga). Wuxuuna geeriyoday Allaha u naxariistee 1406 miladiga, oo cumrigiisa ahaa toddobaatan iyo lix sano, waxaana lagu aasay meel u dhow Albabaka (nasr) ee ku taala waqooyiga qaahira oo loo yaqaano qubuuraha suufiyada.waxaa loo yaqaanaa Ibnu Khalduun aasasaha cilmiga taarikhda.
Hadaanu tilmaano wax yaabihii uu uga qeyb qaatay cilmiga dhaqaalaha waxaa kamid:
- Waa aabihii dhaqaalaha sida xaqiiqada ah waxa uuna qeyb kamid ah qoraaladiisa uga hadlay qeybinta dhaqaalaha
- Dajinta shaqaaale u jajaban shaqada, siyaadinta wax-soosaarka iyo isbadalada suuqa ee wax-kala badalashada iney wadanka kadhigayo hodon.
Yaa Amaanay
Waxaa amaanay niman reer galbeed ah oo kamid yihiin. “Arnuuld Tuwinbii” markii uu yiri, Ibnu Khalduun wuxuu soo saaray falsafo taariikheed, falsafadaasna waa middii ugu weyneed uu bini’aadan gaaro, cusuuraha ha is badalaan bee. “joorj marsiiz” waxyaabihii uu so alifay Ibnu Khalduun waxay kamid yihiin, wax la alifaa midkii ugu muhiimsanaa uu bini’aadan gaaro.
- Al-Ghazali (1030-1084): waxa uu qeexay shaqada ugu muhiiimsan ee lacagta is medium of exchange.
- Qayim Al-Jawziya
Gunaanad
Fursadaha qofka barta cilmiga dhaqaalaha
- Waxaad noqon kartaa maamule guud ahaan noocyada maamulka gaar ahaan wixii bulsho ah.
- Waxaad ka shaqeyn kartaa caawiye shaqsi ee maaliyadeed.
- Sidoo kale waxaad noqon kartaa falan qeeye dhinaca maaliyada
- Waxaad noqon kartaa maamule maaliyadeed.
- Actuary baad noqon kartaa [person who compilies and analyses statistics and uses them to calculate insurance risk and premiums]
- Waxaad noqon kartaa cilmi baare dhinaca dhaqaalaha ‘Economic researcher’
- Iyo intaas wax ka badan oo fursada ah taasoo ay sabab utahay economics In uu yahay (father of arts) oo aad gali kartid arimaha khuseeya Artska oo dhan.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Sirdoonka & Militariga3 months agoWafdi jeneraallo ah oo ka socda dalka Turkiga oo soo gaaray magaaladda Muqdisho
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Diblomaasiyadda3 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Ameerika3 months agoMareykanka oo baadigoobaya muwaadin asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Yurub2 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya oo walaac ka muujisay suuq xumo la xiriirta khaadka maandooriyaha ay u soo dirto Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Arrimaha Amniga3 months agoHoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu qabtay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya
Arrimaha Amniga2 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Soomaaliya3 months agoMareykanka oo si weyn ugu carootay rag ka tirsan CXDS kuwaasi oo ku istaagay calanka dalka Mareykanka
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Arrimaha Amniga2 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Sirdoonka & Militariga1 month agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM




