Tallaabada koowaad: Waydiiso sida loo arko howshaada
Marnaba ha ku celin hadalka qofka talada ku siinaya(feedback off), waan ogahay ma heysid waqti badan oo kugu filan, mana taqaanid wixii aad dhihi laheyd. Laakiin xusuusnow, hadii aad dhib ka martid in aad qiimeyso shaqo uu qof soo qabtey, aadna u sheegtid waxa ay kula tahay wuu kaaga mahadcelinayaa, xitaa hadii taladu tahay ka hadlaysa khaladaadkiisa.
Ogow ugu yaraan marka hore, waa in aad dhagaha u furtaa, marka labaadna way ka sahlanaanaysaa.
Tallaabada labaad: Ujeedka Tallobixinta
Talo ka bixinta shaqo la qabtey, waxay leedahay oo keliya hal sabab: In loo sahlo qofka shaqadiisa, oo uu sii wanaajiyo. Waa lagama maarmaan in wariyaha cusub shaqadiisa tallo laga siiyaa ( feedback), sababtoo ah, waxaa ku yaraan kara xirfadda, waxaana loo baahan yahay in kalsooni badan la galiyo. Waa in aad u sheegtaa wixii uu ku wanaagsanaa iyo waxa aanuu ku wanaagsanayn.
Laakiin, sidoo kale kuwa qibradda lehna, waa u baahan yihiin in talo laga siiyo shaqadooda. Inta badan sheekada ama warka siduu yahay uma qabtaan, oo way ka qaldami kartaa, taasoo tafatiraha loo baahan yahay in uu u sheego.
Tallaabada Sadaxaad: Aragtidaada caddee
Ma jeceshahay in dadka qaarkii ay kuu soo sheegaan in qof uusan jecleyn shaqada aad soo qabatey?
Ogow way dhacdaa in aad maqashid arrintan.
Dadkaasi ha ugu jawaabin wuxuu tafatiraha kuu sheegey, sameyso aragtidaada, una sheeg waxa ay kula tahay. Hadii aadan la qabin tafatiraha cadeyso warkaaga. Waa laguugu qiimaynayaa.
Tallaabada Afraad: ka mahadceli wixii wanaagsan
Talo-siintu (feedback), ma ahan arrin wax lagu dawaynayo ama lagu saxayo oo kaliya, ee waa waddo aad u wanaagsan, oo lagu dhiiri galiyo dadka. U mahad-celi marka ay qabtaan shaqo wanaagsan ama aad og tahay inay sameeyeen dadaal aad u weyn. Waa in aad ugu sheegtaa si walba. U mahadceli shaqsi ahaan oo la fariiso, u dir fariinta telefoonka SMS ama E-mail. Hadba, sida aad awoodid ama kuugu sahlan. Arrintan aad sameysey waxa aad ka ogaan doontaa marka xigta ee aad rabtid in aad kala hadashid wariye wax ka qaldamey, ogow waxey diryaar u yihiin inay ku dhagaystaan, waxaad la mid tahay qof bankiga lacag dhigtey.
Tallaabada shanaad: Si qeexan u caddie
Mahad celinta iyo Naqdinta labadaba, waxay leeyihiin hab loo maro. In markasta si qeexan loo caddeyo warka iyo halka aad u socoto, kuma filna keliya in aad dhahdo ’wey iska fiicneyd’ ama aad dhahdo ’koley ma ahan sidaan jeclaa’.
Marka aad leedahay wey iska fiicneyd maxaa si fiican loo qabtey? maxaan sidii haboonayd loo qaban, maxaase keeney? Waxaa markaa laga yaabaa in aad u baahan tahay in aad dib u eegto wixii lasoo qabtey si aad u ogaatid. Ma sida loo sameeyey baa qaldanaa mise luqadda la isticmaalay ayaa qaldaneyd?
Tallaabada lixaad: raadi fursadaha ugu fiican ee aad talo (feedback) ku bixin karto
Isticmaal oo ka faa’iideyso fursad kasta oo aad heli karto si toos ah ama si toos aheyn si aad u bixiso talo. Fool ka fool, ayaa markasta ugu fiican idinkoo isku arkaya barandada hore ee xafiiska ama meesha shaaha laga cabo ee shaqada, hadii aad u aragto in arrinta ay xoogaa adag tahay ka dhig mid idiin qaas ah ( make it private), oo taga meel idiin gooni ah.
Haddii wariyaha uusan xafiiska joogin waxaa fiican in aad taleefoonka ka wacdo intaad E-mail u diri laheyd ama SMS.
Laakiin markasta ku fakar inaad fool ka fool isku aragtaan, waxaad ka dhigi kartaa kulankan midka lagu qiyaaso shaqada shaqaalaha ee sanadlaha ah (annual appraisal) laakiin ogow inaad qabato sanadkii dhowr jeer kulantaan ayaa faa’iido badan.
Tallaabada todobaad: Muhiimaddu waa wadahadal
Diyaar u noqo inaad dhegeysato, diyaar u noqo inaad wax ka barato waxa aad maqleysid, waxa laga yaabaa inuu weriyhu ogyahay sababta keentey in arrinku sidii la rabay uu u qabsoomi waayo. Dhagayso waxa ay kuu sheegayaan, weydii su’aalo jawaabtoodu ay noqon karto go’aamadii la gaaarey markii hawshaa la qabanayey.
Udiyaar garow inaad la qeybsato mas’uuliyadda wixii dhacay, waxaa laga yaabaa inaadan ula shaqeyn sidii aad rabtey ama aad jecleyd. Ma adaan sidii la rabey wax ugu sheegin? Mase waxey aheyd inaad baarto ama aad la socoto sidii ay wax u socdeen?
Tallaabada sideedaad: Wax ka eeg dhanka dhagaystaha (iska dhig dhegeyste)
Hadii ay kula tahay in shaqadii la qabtey aan loo qaban sidii la rabey, aadna ogtahay asalka sheekada (the background) maxaad u maleyneysaa dhagaystayaashaada oo sheekada mar daawadey ama dhagaystey? Waxad sameyn kartaa farsamadan: weydii weriyaha in uu dib u dhagaysto/daawado warbixinta(the piece), isagoo iska dhigaya in uu dhagaysanayo ama daawanayo markii ugu horaysay.
Waxay isla markiiba isha ku dhufunayaan ama ogaanayaan halka ay wax ka qaldameen iyo halka ay is dhaheen dhagaystayaasha wey og yihiin, si ay uga reebaan warbixin warka horay loo sii ogaa.
Tallaabada sagaalaad: Weydii su’aalo ka dhiga kuwo fekera
Hadii aad dooneysid in wariyuhu uu si fiican u soo gudbiyo warbixintiisa, waa inaad ka fakarsiisaa marka ay sameynayaan ama isu keenayaa warbixnta, weydii su’aalo sahlan, sida maxay ku saabsan tahay sheekadu? Isla markiiba, waxay si sahlan kuugu sheegayaan weer kooban taasoo ay ku dhibtoodeen inay ku sheegaan guud ahaan warbixinta ay diyaariyeen.
Isla mar ahaantaa waxaad weydiisaa go’aankii ay qaateen ee ku wajahnaa waxa warbixinta lagu darayo ama ay ka koobnaaneyso iyo waxa ay ka tageen. Hadaad sidaa ula hadasho waxaa abuurmaya wada xaajood ku saabsan sida wabixinada loo tabiyo.
Tallaabada Tobanaad: Isku ogaada ujeedooyin cad cad, ogowna wixii taageera ah ee uu u baahan yahay wariyaha si uu ugu guuleysto shaqadiisa.
La qaado oo isku ogaada inaad ka caawin doontid in uu qabto howl cusub una sheeg inaad siin doonto talo ku saabsan ’feedback) sida shaqadu uu u soo qabtay. Weydii hadii ay la tahay in lala wadaago ujeeddooyinka tafatirayaasha kale ee barnaamijkaaga. Xusuusnow ujeedku waa sidii loo caawin lahaa wariyaha si uu ugu guuleysto shaqadiisa.