Diinta Islaamka
Shakhsiggii Ugu Saameynta Badnaa Ee Dunidda Soo Mara

Qoraalo ay sameeyeen dad caan dunidan ka ah laakiin aan Muslim ahayn ayaa waxay qirayaan in qofki ugu saameynta badnaa uguna waynaa xaga caqliga, maskaxda, hoggaaminta iyo akhlaaqdaba uu ahaa Nabbi Muxamed Scw, haddii aan ku oran lahaa Muslim ayaa dhahay/yirri waxaad i dhihi lahayd Nabigiisa ayuu amaanayaa laakiin kuwan ma aha Muslimiin hadana way qirsanyihiin innuu siddaas ahaa, hadalada ay ka yiraahdeen iyo waxay kala ahayeen.
- Halgamaaggii u halgamay xoriyada Hindiya Mahatma Gandhi wuxuu yiri; ” Markii aan dhammeeyay akhriska qaybti labaad ee taarikhda Nabbi Muxamed scw, waxaan yaqiinsaday innuu ahaa qof muran la’aan ku hanan kara quluubta malaayiin qof”
- Taariikhyahaan caan ah oo u dhashay France Gustav Lobon wuxuu yiri; “Muxamed wuxuu ahaa shakhsigi ugu weynaa ee taariikhda bini’aadanka soo mara”
- Qoraaga Michael Hart wuxuu qoray buugga boqolka qof ee ugu saameynta badan dunidda wuxuu lambar koow ka dhigay Nabbi Muxamed Scw, kadib ayaa su’aallo laga weydiyay sababti uu lambar koow uga dhigay Nabbi Muxamed Scw wuxuu ku jawaabay; “Muxamed Wuxuu ahaa Ninka kaliya ee taarikhda adduunka soo maray ee ku guulaystay dhan Diin Iyo Dhan Aduunyo labadaba”
- Qoraa caan ah oo u dhashay dalka Ruushka oo la yiraahdo Leo Tolstoy wuxuu yiri; “Shareecada Muxamed waxay xukumi doontaa adduunka oo idill, ayadoo ku xukumi doonta Maskax iyo Xikmad”
- Gabyaa u dhashay dalka Ingiriiska George Bernard Shaw wuxuu yiri; “Aduunka Maanta wuxuu u baahanyahay Nin muxamed oo kale ah, wuxuu xalin lahaa dhibaatooyinka aduunka ka taagan oo idil, wuxuuna ka dhigi lahaa aduunka mid lagu wada noolaado Amni iyo Farxad”
- Jean-Louis Michon wuxuu yiri; “Islaamka amray jihaad waa mid u cafiya xittaa dadka diimaha kale haysta, maxaa yeelay Cumar Bin Khadaab oo ardaygi Muxamed ahaa markii uu qabsaday Qudus muusan dhibaateeyn Kiristaanki ku noolaa Qudus”
Nabbi Muxamed S.c.w wuxuu ahaa mid u naxariista dadka oo idil wuxuu ahaa mid anaga oo idil naga fikira dhibta iyo cadaabtana naga illaaliya, Habeen ayuu Aad u ooyay Nabiga Scw, Allah aya Jibriil usoo diray wuxuu yirri “orad u tag Muxamed ee waxaad waydiisaa maxaa kaa oysiinaya?
Nabbiga isaga oo ooynaya ayuu yirri “Illaahow Umadayda, Illaahow Umadayda, Illaahow Umadayda Badbaadi” Markaas Ayuu Illaahay ku yiri “Aamus marnaba Illaahay kuma hoojinaye.”
Illaahow ducada Nabigeena Noo Aqbal, Nabbi Allow waan ku jecelnahay waana kuu xiisa qabnaa ee Illaahay janada hanagu kaa tuso. Amiin Yaa rabbi? Walaal taarikhda Nebigaaga ugu yaraan wax un ka baro intaad wakhti haysato.
Haddii aad jeceshahay ama aad danaynayso inaad ka qeyb qaadato koorsooyinka Online lagu barto, waliba adigoo joogo gurigaaga ama goobta shaqadaada waxaa kuu suurta geliyay Somalism Academy. Waxaa wax u barani kartaa qaabka jaamacadaha adduunka ee bixiya waxbarashada internetka distance education-ka.
Halkaan ka tixraac si aad u hesho koorsooyinkaas http://tukesomalism.com/courses/
ama page-ka TukeSomalism.com ku dhifo qeybta koorsooyinka
Diinta Islaamka
Sheekh Mustafa Xaaji: “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”
Sababta colaadda loo badiyay ee loo gaarsiiyay dalalka Muslimiinta ayuu ku sheegay Sheekh Mustafa in dhul loo raadinayo Israa’iil.

Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay garab istaagga dadka qaar ay u muujinayaan Israa’iil isaga oo sheegay in arrintaas ay kahor imaanayso Diinta Islaamka isla markaana aanay bannaaneen.
Sheekha ayaa shaaciyay in aanay bannaaneen in la isku soo jeediyo balaayo kaasii jeeddo oo uu ku fasiray inay lasoo dhawaysto Yuhuudda oo laftigeeda iska xakamayn la’dahay duqeymaha Iiraan iyada oo loo sameeyay goobo badan oo lagu difaacayo.
Waxa uu farriin u diray dad qaarkood baraha bulshada lasoo istaagay in ay garab taagan yihiin Israa’iil, arrintaasi ayuu tilmaamay in ay wax u dhibayso Diinta iska daayaan wax weliba oo aan u wanaagsaneen Adduun iyo Aakhira sida uu fariintiisa ku muujiyay.
“Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil, balaayo aan inoo dhawayn yaynaan soo dhawaysan, Madax iyo Majo waxaa habboon in aynu faraha la gelin arrin naga wayn oo hadhow iska difaaci karin”- ayuu yirri Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ah Caalim Soomaaliyeed.
Waxa uu tilmaamay in Iiraan iyo xulufada kasoo horjeedda midkood aanay diir-naxa u lahayn Sunniyiinta balse loo baahan yahay in la caddeeyo cidda la dulmiyay taasina uu alle ku caddeeyay qur’aanka kariimka ah.
“Dulmiga alle ma jeclo, Iiraan maanta waala dulmiyay innaga oo rumaysay in aysan kheyr u wadin Ahlu Sunna ayaa haddana leenahay waala dulmiyay, Alle waxa uu yiri waligiin dulmi ha taageerina”- ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun.
Sababta colaadda loo badiyay ee loo gaarsiiyay dalalka Muslimiinta ayuu ku sheegay Sheekh Mustafa in dhul loo raadinayo Israa’iil, waxa uu soo jeediyay in laga fogaado soo dhawaysashada Yuhuudda, Maraykanka iyo Xulufada kale ee la safan.
Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Maamulka gooni isu-taaga Somaliland tan iyo dabayaaqadii sannadkii tegay 2025, xoojinaysa xiriirka ay la yeelanaysay Maamulk Yahuudda iyadoo haatan u muuqanaysa mid ku hungoobaysa Aqoonsiga wax lagu sheegay ee ka heshay maamulka Yuhuudda Natenyahu, maadaamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha saaxiibada la ah ay si weyn ugu horyimaadeen xadgudubka qaawan ee Maamulka Natenyahu ku soo qaadeen madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Culimada Hargeysa ayaa Cabdiraxmaan Cirro u caddeeyay kagana digay halista ka imaan karta heshiiska Somaliland ay la gashay Maamulka Yahuudda, isla markaana ku doonayso in ay Soomaaliya inteeda kale kaga go’do.
Culimada waxay Cirro kaga digeen cawaaqib diimeedka ka dhalan kara iyo midka siyaasaddeed haddii ay Somaliland ay ku adkeysato xiriirka ay la sameysanaysa Yuhuuda, iyagoo xusay in ay arrintaasi keeni karto carro Alle iyo fidno ku fidoa Somaliland iyo guud ahaan gobolka, haddii aan laga fiirisan go’aannada la qaadanaayo.
“Madaxweynaha waxaan ku waaninayna shacabkan aan u sheegayna heshiiskaas waxaa ku jirta waxaana ku leenahay Illaahey ka cabso oo ha tegin oo heshiiskaas ha saxiixin”
– ayay yiraahdeen culimada magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, culimada waxa ay sheegeen in Madaxweyne Cirro ay usoo jeediyeen in uu tixgeliyo dareenka ummada Muslimiinta ah, isla markaana uu ka fogaado tallaabooyin kasta midnimada, xasilloonida iyo masiirka shacabka.
Culimada ayaana si weyn ugu digay heshiiskan Abraham Accords lagu magacaabo oo uu Cirro doonayo inuu kusoo saxiixo caasimada Israa’iil ee Telviv iyo Washington oo dhowaan u safri doono haddii ay wax iska beddeli doonin mowqifkiisa, isla markaana uu qaadan talo jeedinta.
“Cirro wuxuu noogu warramay heshiiska uu galay iyo inta dhiman ee Telviv u tegaayo, aniguna waan waaninay waana u nasteexeenay wuxuu Illaahey nagu ogaana waan sheegnay aayadna waan ku dul akhrinay” – ayay ku yiraahdeen culimada.
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Faa’iidooyinka dhaqanka wax isla cunka Soomaalida iyo aragtida Islaamka
Soomaalidu waxay caan ku tahay in ay cuntada wadaagaan, hadday tahay qoys dhexdiisa, marti la qaabilayo, ama dad baahan oo lala wadaagayo wixii la heli karo, diinta Islaamkana waxay dejisay aadaab iyo akhlaaqyo gaar ah oo ku saabsan cunnada, taasoo sii xoojinaysa qiimaha wax isla cunka.

Wax isla cunka waa dhaqan bulsho oo qadiimi ah, kana mid ah astaamaha lagu garto bulshada Soomaalida. Waa dhaqan ka tarjumaya wadajir, is-ixtiraam, iyo walaaltinimo. Soomaalidu waxay caan ku tahay in ay cuntada wadaagaan, hadday tahay qoys dhexdiisa, marti la qaabilayo, ama dad baahan oo lala wadaagayo wixii la heli karo. Dhaqankan ma aha oo kaliya mid bulsho, balse sidoo kale waa dhaqan diini ah oo Islaamku si weyn u dhiirrigeliyay, maadaama uu xoojinayo xiriirka dadka, barakaynayana nolosha.
Marka qoys ama bulsho ay wada cunaan, waxaa si muuqata u xoogeysanaya jacaylka, is-fahamka, iyo kalsoonida ka dhexeysa xubnaha. Qoysaska wada cuna waxay yeeshaan xiriir adag, caruurtuna waxay ka bartaan edeb, xushmad, iyo wadaag. Wax wada cunista waxay noqotaa fursad lagu wada sheekeysto, laguna wadaago arrimaha nolosha, taasoo yaraynaysa kala fogaanshaha iyo is faham la’aanta ka dhex dhalan karta xubnaha qoyska. Bulshada dhexdeeda, wax isla cunka wuxuu noqdaa astaan muujinaysa midnimo iyo isku xirnaan.
Sidoo kale, wax isla cunka wuxuu abuuraa jawi farxad iyo deggenaansho leh. Dadka marka ay wada cunaan, gaar ahaan qoys ahaan, waxay dareemaan nasasho maskaxeed iyo farxad bulsho. Tani waxay si weyn u yaraysaa kelinimada iyo walbahaarka, gaar ahaan waayeelka ama dadka dareema go’doon. Cilmi-nafsigu wuxuu caddeeyay in wax wada cunistu kor u qaaddo caafimaadka maskaxda, maadaama ay xoojiso dareenka in qofku ka tirsan yahay koox ama qoys daneeya.
Wax wada cunista sidoo kale waxay baraysaa dadka sinnaan iyo edeb. Marka saxan la wadaago, qof walba wuxuu barta inuu qadariyo xuquuqda dadka kale. Dhaqanka Soomaalida waxaa si gaar ah loo tixgeliyaa in qofku ku ekaado waxa hortiisa yaalla, uuna ka foggaado in uu gacantiisa gaarsiiyo dhanka kale ee saxanka. Tani waxay carruurta iyo dadka waaweynba ku beeraysaa edeb, xishood, iyo is xakameyn. Sidoo kale, waxay dhiirrigelisaa in qof walba uu dareemo in uu la siman yahay kuwa kale, iyadoo aan la kala sarreyn ama la takoorin.
Dhaqanka wax isla cunka wuxuu xoojiyaa deeqsinimada iyo tixgelinta dadka kale. Qofka lala wadaaga cuntadiisa wuxuu baranayaa in uu ka fekero baahida dadka kale, gaar ahaan martida iyo dadka tabarta yar. Soomaalidu waxay ku faantaa marti-soorka, iyadoo marar badan la maqlayo oraahda ah “Marti waa marti Ilaahay.” Martida lala wadaago cuntada waxay dareemaan qadarin iyo soo dhaweyn, taasoo xoojisa xiriirka bulsho iyo kalsoonida dadweynaha.
Marka laga eego aragtida diinta Islaamka, wax isla cunka waa dhaqan aad loo dhiirrigeliyay. Islaamku waa diin ku dhisan wadaag, walaaltinimo, iyo naxariis. Nebi Muxamed ﷺ wuxuu Muslimiinta ku boorriyay in ay wax isla cunaan, isagoo xusay in barako ku jirto wax wada cunista. Xadiisyo badan ayaa tilmaamaya in cuntada la wadaago ay ka barako badan tahay tan kaligeed la cuno, xitaa haddii ay yar tahay. Tani waxay ina tusinaysaa in barakadu aysan ku xirnayn tirada cuntada, balse ay ku jirto wadaagga iyo niyadda wanaagsan.
Islaamku sidoo kale wuxuu si gaar ah u dhiirrigeliyaa marti-soorka. Qofka marti u ah Muslim kale waxaa la faray in uu si sharaf iyo deeqsinimo leh u qaabilo, gaar ahaan dhinaca cuntada. Quudinta masaakiinta, agoonta, iyo dadka baahan waa camal aad u weyn oo ajar badan leh. Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaa’iista Nabiga ﷺ labaduba waxay si cad u amreen in la caawiyo dadka tabarta yar, lana wadaago nimcada Ilaahay bixiyay.
Diinta Islaamku waxay dejisay aadaab iyo akhlaaqyo gaar ah oo ku saabsan cunnada, taasoo sii xoojinaysa qiimaha wax isla cunka. Waxaa nala faray in cuntada lagu bilaabo magaca Ilaahay (Bismillaah), in midigta lagu cuno, lana ilaaliyo xadidnaan, iyadoo laga fogaanayo xad-dhaaf iyo khasaarin. Edebtani waxay qofka baraysaa mahadnaq, is-xakameyn, iyo tixgelinta nimcada Ilaahay. Marka dadku wada cunaan iyagoo raacaya edebtan, waxaa sii kordhaya barakada, is ixtiraamka, iyo wanaagga ka dhex jira.
Sidoo kale, Islaamku wuxuu dhiirrigeliyaa in wax la isku hadiyadeeyo, maadaama hadiyadda iyo wadaaggida cuntadu ay xoojiyaan jacaylka iyo walaaltinimada. Nebigu ﷺ wuxuu sheegay in hadiyaduhu ay kala qaadaan xumaanta qalbiyada, ayna kordhiyaan kalgacalka dadka dhexdooda. Wax isla cunka iyo wax is-hadiyadeyntu waa labo dhaqan oo si dhow isugu xiran, kana tarjumaya akhlaaqda wanaagsan ee Islaamka.
Waxaan kusoo gunnaanudayaa, wax isla cunka waa dhaqan qiimo weyn u leh bulshada Soomaalida iyo diinta Islaamka labadaba. Waa dhaqan dhisa qoysaska, xoojiya xiriirka bulshada, korna u qaada akhlaaqda iyo edebta. Islaamku si cad ayuu u taageeraa wax isla cunka, maadaama uu keeno barako, midnimo, iyo naxariis bulsho. Marka la ilaaliyo dhaqankan, laguna saleeyo edebta Islaamka, waxaa la helayaa bulsho isku xirnaan leh, dad is jecel, iyo nolol ku dhisan wadaag iyo wanaag.
Diinta Islaamka
Nebi Maxammad (ﷺ) waa tusaallaha wakhti kasta
Ma jeclaan lahayd inaad ogaato sida loo abuuro isbeddel bulsho, sida ugu fudud ee aad u baran karto waa inaad barato noloshii Nebi Maxammad (ﷺ).

Akhriska taariikh nololeedka waa habka ugu wanaagsan ee lagu baran karo casharrada nolosha maadaama laga baran karro diiwaanka khibradaha la taaban karo. Mid ka mid ah taariikh nololeedka aadka loo diiwaangeliyay waa taariikh nololeedkii Nebi Muxamed (ﷺ). Laakiin maxay muhiim ugu tahay nolosheena markasta? Sababtoo ah 23 sano gudahheeda ayuu bulshadii la dulaysan jiray ugu dhigay bulsho madax iyo ku dayasho mudan.
Ma jeclaan lahayd inaad ogaato sida loo abuuro isbeddel bulsho, sida ugu fudud ee aad u baran karto waa inaad barato noloshii Nebi Maxammad (ﷺ).
Makka, qarnigii toddobaad, oo uu Nebi Maxammad noolaa ilaa da’dii 50-kii (Sebteembar 24, 622), waxay ahayd magaalo ay ku noolaayeen bulsho hanti-wadaag ah, dhaqamada kala duwan iyo bulshooyinka kala duwan. Makka waa hoyga Kacbada oo ah “Guriga Ilaahay” ee uu dhisay Nebi Ibraahim cs, waana goob lagu soo xajiyo. Nawaaxiga Kacbada ayaa ahayd goob xurmo ah, waxaana mamnuuc ka ahaa dhammaan dilalka iyo dagaallada. Maka waxay ahayd gabaad nabdoon mid kasta oo ka mid ah qabaa’ilka badan ee sida joogtada ah u dagaallamaya si ay u yimaadaan oo ay uga ganacsadaan magaalada.
Bulshada reer Makka waxay ku dhisaneed nidaam ahaan suuqa xorta ah. Ma jirto maamul dhexe oo u nidaamsan suuqyada. Ganacsatada waxay ka qaadi jireen qiimihii ugu fiicnaa ee ay heli kareen, waxay kaydsan jireen wakhtiyada ay badeeco yaraanta jirto, waxay ku kala iibsan jireen badeecooyin faa’iido badan leh, waxayna badeecooyin ka keeni jireen meelo fog fog sida Suuriya iyo Yemen si ay ugu iibgeeyaan Makka. Makka waxay ahayd suuq iibiye weyn oo leh qiimihiisu sarreeyo ee alaabta aan laga heli karin meel kale oo Carabta ah. Taasi waa sida ganacsatada reer Makka ay u abuureen ganacsi ay dad yar gacanta ku hayaan.
Makka sidoo kale waxay lahayd dhaqamo kala duwan iyo jamac, sababtoo ah si kor loogu qaado ganacsiga, waa inaad ka dhigtaa mid sahlan oo badbaado leh ayna u heli karaan dadka ka soo jeeda jinsiyadaha kala duwan, caqiidooyinka iyo dhaqamada kala duwan waxay ahayd kuwa si nabad ah ugu dhaqma uguna wada noolaadaan. Taasi waxay u fiican tahay ganacsiga iyo dhaqaallaha. Waxaad arki kartaa sida qodobkaan ay ula mid tahay bulshadeena caalamka ee maanta.
Bal u fiirso bulshadii reer Makka ee qarnigii toddobaad oo ay la mid tahay qarnigan 21aad. Waxaad fahmi doontaa mala-awaalkayga in Nebi Maxammad (ﷺ) oo aanu lahayn wax dhaqaalle ah, taageero ama awood siyaasadeed, haddana uu ku keenay bulshada isbedel wanaagsan oo bulshadiisa ah; waxaan rajayn karnaa in hababkiisu ay anaga u shaqayn karno waxna ka baran karno. Qoraaga Faransiiska ah ee Alphonse de Lamartine waxa uu buuggiisa “Taariikhda Turkiga” ku yirri, “Haddii ujeeddada weynaanta, yaraanshaha macnahoodu tahay iyo natiijada la yaabka leh ay yihiin saddexda qodob ee garaadka bini’aadamka, yaa ku dhiirran kara in uu is barbar dhigo nin kasta oo taariikhda soo maray iyo Maxammad?
Isbeddelka uu Nebi Maxamed keenay waxa ay ahaayeen kuwo fikir iyo akhlaaqba leh, ma uusan beddelin nolosha dadka oo keliya ee wuxuu bedelay qaab-dhismeedka, shuruucda, akhlaaqda iyo hab-dhaqanka bulshada Carabta. Isbeddelladan ku dhacay qiyamka dadka waxay keeneen isbeddel ku yimaadda mudnaanta, taas oo ugu dambeyntii beddeshay dabeecadda iyo hab nololleedka bulshada. Wax walba waxay ka bilaabmaan xagga sare, maskaxda bulshada. Halkaas waxaan ka baran karnaa isbedelka oo dhami waxa uu ka bilawmaa qofka gudahiisa; aragtideena adduunka, hamigeena, qeexitaankeena guusha, sax iyo khaladba waa in dhammaantood isbedelaan haddii aan rabno inaan bedelno duruufahayada ina haysto maanta.
Saddexda qodob ee aan ka barran karno Nebi Muxammad (ﷺ)
Tartankeena ah in aan hantideena oo kali ku fikirno anaga oo aan cid kale ka fikirin, waxa ka dhashay bulsho xanuun iyo rafaad ragaadisay. Fariinta rajada leh waa in aan haysano awood aan ku bedelno waxa aan abuurnay. Haddii kale, waxaan si joogto ah u waxyeelayn doonaa Dhulka anagoo sii baabi’in doona jiritaankeena.
Nebi Maxammad (ﷺ) wuxuu diiradda saaray saddex qodob oo asaasi ah: In Illaahay aan u noqono; runta oo la dhawro; iyo faafinta wanaagga. Mabaadi’daani waxay koobeysaa nuxurka Islaamka, sida ka muuqata oraahdiisa “Waxaa idin kugu kheyr badan kan dadka oo dhan ugu anfaca wanaagsan”.
Waxa qaladka iyo dembiga ka soocaa waa garashada khaladka, haddana dooranaya in la sii wado ciqaab la’aan la dareemay. Nebi Muxamed (ﷺ) waxa uu ku nuuxnuuxsaday in fikir kasta, hadal iyo fal kasta uu og yahay Abuurahayaga, kaas oo aan ugu dambayntii la xisaabtami doono. Waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in qiyamka bini’aadmigu uu khuseeyo qof walba, oo aan ahayn Muslimiinta oo keliya. Si kastaba ha ahaatee, Muslimiinta waxaa saaran mas’uuliyad dheeraad ah inay ku dhaqmaan iyaga sababtoo ah waa Muslim.
Bilawgiiba, Nebi Maxammad (ﷺ) waxa uu sumcaddiisa ku mutaystay runnimadiisa iyo aaminnimadiisa aan leexleexadka lahayn ee dadkiisa. Waxa uu inagu beeray muhiimadda ay runtu leedahay dhinac kasta oo nolosha ah. Mar la weydiiyey qofka Muslimka ah waxa aanu samayn karin waxa uu ku jawaabay “Muslimku been ma sheegi karo”. Waxa uu baray in wanaagga iyo xumaantu ay yihiin qiyam dhammaystiran, oo aan la xirriirin qiimaha shakhsi ahaaneed, diin, jinsiyad ama wax kale. Inantiisii Faaduma waxa uu u dhigay cashar muhiim ah, “Faatimaay, ha u malayn in uu Alle ku mannaystay, waayo waxa aad tahay inantii rasuulkiisa, waxaad hor istaagi doontaa abuurahaaga oo ku salayn camalkaaga”.
Runnimadu waxay aasaas u tahay wanaag oo dhan, waxaana tusaalle u ah Nebi Maxammad (ﷺ) sida ay daacadda uga go’an tahay. Xataa intii uu Madiina u hijrooday ee qasabka ahayd, run ayay ahayd oo weli wuxuu haystay waxyaabo qaali ah oo cadowgiisu u wakiishay. Wuxuu u dhiibay ina-adeerkii, wuxuuna faray inuu u celiyo dadkii lahaa. Xaqiijinta ugu sareysa waa in lagu kalsoonaado xitaa cadawgaaga.
Xikmaddii Nebi Maxamed (ﷺ) ee ahayd “Waxa idiinku khayr badan kan deriskiisa u wanagsan” isaga oo yiri “Jaar” isaga oo aan u kala soocnayn Muslimiinta iyo Gaalada, taas oo muujinaysa in dhammaan shakhsiyaadka Alle agtiisa ay siman yihiin oo ay ku siman yihiin qaabka Islaamka ee xuquuqda muwaadinka.
Gabagabadii, Nebi Maxamed (ﷺ) waxa uu ka tagay hab-dhaqan ku dayasho mudan. Anagoo raacayna wadadiisa, waxaan wax ka qaban karnaa caqabadaha inaga haysto dowlad dhiska, kobaca dhaqaalaha bulshada iyo nidaamka caalamiga ah waxaanan dhisi karnaa bulsho ku dhisan naxariis, masuuliyad la wadaago, iyo isla xisaabtan.
Diinta Islaamka
Fanaanka caanka ah ee u dhashay dalka Maraykanka Lil Jon ayaa qaatay diinta Islaamka
Fannaanka caanka ah ee Maraykanka, DJ, iyo soo saare Jonathan H. Smith oo caan ku ah magaciisa Lil Jon, ayaa qaatay diinta Islaamka Jimcihii.

Fanaanka caanka ah ee u dhalshay dalka Maraykanka Lil Jon ayaa si toos ah u qaatay diinta Islaamka xili uu booqasho ku tagay masaajid ku yaala gobolka California ee dalka Maraykanka.
Fanaankan oo 52 jir ah, ayaa ku dhashay Mareykanka oo magaciisa yahay Jonathan H. Smith oo ku nool magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, isagoo Jimcihii ka sheegay Masjidka King Fahad ee magaalada Los Angeles, isagoo ku sugan meel ay isugu yimaadaan dad badan.
Lil Jon ayaa si fagaare ah uga dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka asigoo hortaagnaa jamaaco badan oo masjidka ku sugneyd.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay fanaanka oo ku dhawaqaayo Shahaadada caqiidada Islaamka (أشهدُ أنْ لا إلهَ إلاَّ اللهُ وأشهدُ أنَّ محمّداً رسولُ الله), isagoo ku akhrinaya luqadda Carabiga, kadibna Ingiriisi, iyadoo uu hagayo Imaamka Masjidka.
Lil Jon ayaa noqonaya qofkii labaad ee caan ah oo Mareykan ah oo qaata diinta Islaamka isbuuca koowaad ee Ramadaanka sanadkan, isagoo raacay wadadii uu qaaday qoraaga iyo dhaqdhaqaaqayaasha Mareykanka Shaun King.
Qaadashada diinta Islaamka kadib, Lil Jon waxa uu ku biiray koox caan ah oo diinta soo gashay, oo ay ku jiraan shakhsiyaad caan ah sida Clarence Seedorf, Andrew Tate, Kevin Lee, Gervonta Davis, iyo Thomas Partey.
Diinta Islaamka
Muxuu Islaamka u mamnuucay cabbista Khamriga “Waliba maandooriye kasta”?
Khamriga iyo waxyaabaha kale ee maandooriyaha ah ayaa qur’aanka kariimka ah mamnuucay, maadaama ay yihiin dhaqan xun oo dadka ka fogeeya xuska Eebbe.

Islaamka ka hor, bulshada Carabta waxay si aad ah u cabi jireen khamriga. Waxayna u ahayd sida Soomaalida uu shaaha u yahay. Waxayna ahayd xikmad Alle (Abuuraha Cirka iyo Dhulka) in uu arrintaas si tartiib tartiib ah wax uga qabto, haddii kale diinta oo dhan way ka tagi lahaayeen.
Khamriga iyo waxyaabaha kale ee maandooriyaha ah ayaa qur’aanka kariimka ah mamnuucay, maadaama ay yihiin dhaqan xun oo dadka ka fogeeya xuska Eebbe. Dhowr aayadood oo kala duwan ayaa ka hadlaya arrinta, oo soo degay waqtiyo kala duwan muddo sanado ah. Mamnuucida khamriga waa mid si weyn ay u aqbalsan yihiin Muslimiinta, taas oo qayb ka ah sharciga Islaamka.
Quraanku ma mamnuucin khamriga bilowgiisii. Arintaan ayaa lagu tiriyaa in ay tahay hab xikmad leh in Alle uu sidaas ku sameeyay xikmaddiisa iyo aqoonta uu u leeyahay dabeecadda aadanaha—Cajiib. Aayadii ugu horeysay ee quraanka kariimka ah ee mowduucan ka hadlaysa waxay marka horre ka mamnuucday muslimiinta inay soo xaadiraan salaadaha iyagoo sakhraansan (4:43). Waxa xiiso leh, waxaa jirta aayad shaaca ka qaaday oo qirtay in khamrigu ka kooban yahay qaar wanaagsan iyo qaar shar ah, laakiin “xumaanta waa ay ka weyn tahay wanaagga” (2:219).
Haddaba, Qur’aanku wuxuu qaaday dhowr tillaabo oo bilow ah oo uu dadka kaga leexinayo cabidda khamriga. Aayadii u dambaysay ee soo degtay waxay qaadatay cod aan leexleexad lahayn, oo si toos ah u mamnuucday cabida khabriga. Waxanaa Islaamka laga mamnuucay “Maandooriyaha iyo khamaarka” kadib waxa loogu yeerri jiray “waxyaalihii karaahiyada ahaa ee gacmaha Shaydaanka,” oo loogu talagalay in dadka ka fogaadaan Ilaah oo ay illoobaan haddii khamriga iyo qamaarka ciyaaran.
Muslimiinta waxaa lagu amray inay ka fogaadaan (5:90-91) (Fiiro gaar ah: Quraanku uma habbayn taariikh ahaan, sidaas darteed tirooyinka aayaduhu uma kala horreeyaan waxyiga.
Maandooriye
Aayaddan u horreysa ee aan kor ku soo xusnay, ereyga “sakhraan” waa sukara oo ka soo jeedda ereyga “sonkor” macneheeduna yahay sakhraan. Aayaddaasi ma xusin cabitaanka mid ka dhigaya akhraan. Aayadaha soo socda ee la soo daliishaday, ereyga inta badan loo tarjumo “khamri” ama waa al-Khamr, oo la xiriira “in la khamiiriyo.” Ereygan waxaa loo isticmaali karaa in lagu qeexo maandooriyaha kale sida biirka, inkastoo khamrigu yahay fahamka ugu badan ee erayga.
Muslimiintu waxay si wada jir ah u fasiraan aayadahan si ay u xaaraantinimeeyaan wax kasta oo maandooriye ah-ha ahaado khamri, biir, giin, wiski iwm, natiijaduna waa isku mid, wuxuuna quraanku tilmaamay in ay tahay maandooriye oo macnahiisa noqon kara waxwalbo oo maanka dooriya waa Xaaraan cad, taas oo qofka ka dhigaysa mid Alle iyo salaadda ku ilaaway sakhraannimada. Sanadihii la soo dhaafay, fahamka walxaha sakhradda ayaa ku soo biiray daroogooyinka casriga ah iyo wixii la mid ah.
Nebi Muxamed scw waxa kale oo uu kula dardaarmay dadkii wakhtigaas la socday inay ka fogaadaan wax kasta oo maandooriyeyaal ah—(oo la soo koobay) “haddii ay wax badan sakhramaan, waa mamnuuc xataa xaddi yar.” Sababtaas awgeed, Muslimiinta ugu fiirsashada badan waxay ka fogaadaan khamriga nooc kastaba ha ahaatee, xitaa xaddi yar oo mararka qaarkood loo isticmaalo karinta.
Iibinta iyo iibsashada khamriga
Nebi Muxamed scw waxa kale oo uu uga digay xertiisa in ka ganacsiga Khamriga ay xaaraan tahay, isaga oo habaaray: “…Khammiiyihii, kii hayay, kii cabba, kii soo gaarsiiyay, kan loo geeyey, kan u adeega, kan iibinaya, kan ka faa’iidaysanaya qiimihii lagu bixiyay, ka iibsanaya iyo kan la iibsanayo. Sababtan awgeed, Muslimiin badan ayaa diidi doona inay ka shaqeeyaan meelo ay tahay inay u adeegaan ama iibiyaan khamriga.
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Ganacsiga3 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda1 month agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Afrika3 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Doorashada3 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga3 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Afrika3 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Arrimaha Amniga3 months agoColaadda Mareykanka iyo Iiraan oo saameyn ku yeelatay amniga Maraakiibta mara biyaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Afrika3 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga3 months agoCiidamada Kenya oo hawlgallo baaxad leh kawada xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Soomaaliya3 months agoShan sano kadib Madaxweyne Xasan Sheekh wixii uu kaga digi jiray MW hore Farmaajo miyuu Soomaali bidayaa?
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM
Arrimaha Amniga1 month agoYemen oo sheegtay in meydadka dagaalyahanno Al-Shabaab ah laga dhex helay Xuutiyiinta lagu dilay dagaallo ka dhacay dalkaasi
Tahriib iyo Tiiraanyo1 month agoSoomaalida oo ka mid noqotay kooxaha ugu badan ee doonyaha yaryar ku taga Ingiriiska
Diblomaasiyadda3 months agoMasar oo Itoobiya ku eedeysay inay ‘siyaasadeyneyso’ howlaha biyo-xireenka Webiga Niil
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inuu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta dowladdiisa












































zakariye
July 7, 2017 at 4:47 pm
it is very well