Connect with us

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Sheekadii Lamagac Baxday Jacayl God Ma Loogala? – Qeybtii 4aad

Published

on

 


Sakariye waxa ka badatay farxadii maadaama uu lakul mayo gacalisadiisa ee uu adduunka ugu jecel yahay waxa uuna diyaar sanayaa waxa uu la hortagilahaa inanta Sucaad iyo qaabkuu ulabisan lahaa, waxa uu   guda galay in uu isdiyaariyo sida ugu dhakhsiyaha badan, waxa uu xirtay moodhalkii ugu danbeeyay ee dharka, nooca ay raggu ugu jecel yihiin dharka, waqtigu ayaa ladheeraaday Sakariye.

Waxaa lagaaray xilligii balanta waa halkii saac oo fiidnimo, meeshuna waa Garoowe, goobta lagu kul maayona waa beerta xoriyada ee ka soohor jeeda maxkamada, Sakariye waxa uu fariistay meeshii u kula balamay Sucaad, nasiib wanaag waxa timid Sucaad oo aad moodo in ay ilaalinayso waqtiga.

Sidaan horay u soo sheegnay, Sucaad waa qof Ilaahay qurux udhameeyay aad ucad, dhuub nayn, buur nayn, gaabnayn aan dheerayn, balse dherer xigeen ah, hablabiskeedana aad uqurux badan yahay, labis isku eg oo akhdar (cagaar) ah xiran, horaadka hore utaagan, socodkeeduna isku dheelitiran yahay, dhexduna madagtahay, dhaayuhuna ay kunasanayaan, kalgacayl iyo naxariis jacaylna ay ka muuqato, ishii aragtaana aysan ka jeesan Karin, nasiibkeed waxa ay utimid gacaliyaheeda soo calmaday, waa habeen ay jimce soogalayso oo ay dhacayso layr qabaw, saxan saxo aad u udgoon badan, cirkuna da’aayo, nagaarkuna uu u hilaacayo sida ubixii, daymadii aragta aysan ka jeesan Karin, waa habeen ay ugu magac dareen waa habeenkii lamaanayaasha, waa laysku yimid waa laysa salaamay si ay farxadi ka muuqato, qosol iyo dhoola cadayna lays ku jabiyay, midba midka kale soojiitay, Sakariye ayaa yiri oo farxad xad dhaafa ka muuqato:-

Jacaylkaan ladhuubtey

Dhuunigiina iga jaray

Dhakhtarada kala quustay

 

Dhaawacay naftaydii

Dhayalkaan uqaataye

Lafta dhabarka celisiyo

 

Dhuuxiyo wadnaha dagay

Igu dhaliyay anigoo

Idhalaaliyay laabtoo

 

Dhaqaaqii waayee

Aaway dheemantaan rabay

Haddii aadan dhiniciyo

 

Igu qaban dhabtaadoo

Igu dhaafto howlaha

Nafta dhimasho waa u halis

Timahaaga dheeree

Dhexdiyo garbaha dagay

 

Dhaayihii kudaawada

Kuugu dheegagaayee

Ubixii dhulkeeniyo

 

Dhibic roob lamoodyay

Xaragada aad udhalatiyo

Anigu kaa helay sidaadaba

 

Barashada kalgacayl

Baahida jacayl

Beerka iyo hadduu boga dagay

 

Basna aan u ahay

Bilic wacanay adiguna

Baxnaantiisa iyo

Baashaalka cishqiga

Kaalay hoo idheh

Intaa markuu yiri ayaa waxaa ka sookuday dhidid badan balse waxa inanta saaqay jacayl aysan marna malaysanayn waxayse ladhacday waxa ka soobur qanaya Sakariye,.

Macaanoow iga gudoon salaan, aan maaxanaayey maalmo badan, murti iyo macno wayn xambaarsan, malo awaal ka dheeroo manafacaad wada, Aboowow macaanoow, hadaan kaaga waramo xaalkeeyga guud, maskaxdayda ma joogtoo, Wabi baa makhuurtoo ma nooli, Caashaq baa i mudoo maan ma haayo, maskaxda iyo maankayga adigaa ka muuqda, maalintaan ku waayana waan malganahay. Run ahaantii aboowow, jaceylkaan aan kuu qabo ma ahan mid igu dhashay marhore qiimaha iyo qaayaha ku saleysneed ee waa mid aan daqiiqado badan la wareersanaa, oo daawadiisa si aan u helo falkiisa ku jiray.Waxaa ii cuntami weysay in aan hadal mal dahan kugu jawaabo. Laakiin hada waxaan hubaa in qalbigeyga qeybtiisa kale ii difaacantahay oo aan isku si u wada shaqeyneyno

Been laguma dhaartee

Dhan loo dayaba wiilyahoow

Jacaly iga dhab weeyee..

 

Dhaqan kaama luminoo

Dhismahaa ma liicine

Waqti kuma dhirbaaxine

Sidii aad u dhalatay

 

Dheehii u leeyihiin

Wali dhabanadaaduye

Anna waxa ii dhaawacay

Dhaayaha u roonoow

Dhoola ka qosolkaagee

Gacaliye waxaan kuu sheegayaaa in intaa heeso kabadan in ee agteyda ku yaalaan, taasna waxaan jeclahay in aad ka aqrisan karto qalbigayga ku hortaagan. Waxaan qalbiga ku soo xiraayaa duco, ducadaasoow ku saleesan mahadnaqa Ilaahay. Sababtoo ah qalbiyooow, waxaanu nahay laba qalbi oo isku si wax u wada dareemay saas ey tahay awooday iney soo bandhigtaanoo ku heshiiyay in meel wax wada saaraan, taasna waxaa inoo suurto galiyay rabigeen.

Ilaahay waxaa inooga baryayaa in aan noqono labadii isku wartoo, ilmo baariya kala hela, aaqiro iyo adduunyaba farxad ku wada noolaadoo, laba dadka ka kala maseeraanoow, lagu wada sheekesto jaceylkoodana dhammaaninoo, noqdaa kuwiii liibanaa ayaan Ilaah inooga baryaayaa.

AMIIN AMIIN YA RABi ayay tiri Sucaad oo ay ka muuqato murugo iyo farxad, waayo waxaa ay hortaagan tahay wiilkii ay daqiiqadaha lataagnayd haddana ay lajaah wareertay hab dhaqankiisa iyo naxariista iyo firfircoonida ka muuqata inanka Sakariye ah weeye, marna ay la aamusayso qowlkeeda oo   waa dumaroo aysan sheegan Karin jacaylkeeda waayo waa caadada dumarka in ay laxishoodaan waxa laabta kaga jira, oo waa iska rabaaniyan. Inkastoo Sucaad ay si geesinimo leh uga falcelisay oraahdii iyo heestii uu ulayimid gacaliyaheeda Sakariye, waxayna lahayd

Cimrigu waa ubax

Noloshuna waa waqti

Jacaylkuna waa raxmad

Hadaba xusuusnow gacaliye

Haddii aan uqalmo

 

Qalbigaaga saafida ah

In aad xasuusta aad igaliso

Sakariye si lama filaana oo geesinimo kujirto kana muuqato kalgacayl iyo ugub jacayl iyo farxad dheeraada oo markaa laga dheehan karay inanta Sucaad ah ugu jawaab celisay, Sakariye isagoo xasuusan oraah yadii kasoobaxaayay gabadha uu jecel yahay ee Sucaad kana muuqatay markas waa Sakariye farxad aan lasoo koobi Karin waayo waxa uu kala kulmay Sucaad soodhawayn iyo hambalyayn, inkastoo isana ugu jawaab ceshay Sucaad:-

Sucaad abaayo macaanto dhabtii      waxaad tahay    noole daacad ah oo qof kii helaa u helay luulka dunida u qaalisan laakiin waxaan ku ducaysanaya inaan luulkaas aan noqdo kii nolasha xalaasha ah lawadaagi lahaa ayaan ku ducaysanaya abaayo macaanto aad baan ugu farax sanahay madaama aan noqday jacaylkaga dhabta ah waana ku faraxsanahay madaama aad adiguna i jeceshahay macaanay waxaana ku rajaynaya nolol aayatiin badan qaali

Dharka layska saari

Hadaad dhererka uun eegto

Ama aad dhalaal beena

 

Iyo dhedo ku soo guurto

Sidii dhidar xabaalah qodaa

Ceeb u dhacaysaaye

 

Dheg haweenku leeyahay

Midaan eebbe kala dheegin

Oo waliba dheeraadka dumar

 

Qiimo lagu dheehay

Oo sidig dhabeelaan waxbadan

Dhuungalow xigaye

 

Ha yeeshee dhambaalkaan furfuray

Waa midaan dhaax hore joogsadaye

Bal dhagayso sucaaday

 

Murtidu dhaxal dad weeyaane

Dhexda soohan dhererkiyo laxaadka

Dhaayihiyo luulka

 

Timo labada dheeg iyo garbaha

Dhab u mushaaxayaay

Ama dhabanka dheehiyo wejiga

Dhalanka loo uumay

 

Sanqaroorka aad dhool curtiyo

Dhabiga moodaysid

Dhaayaha ku yaaliyo indhahan

 

Dhab u hilaacaaya

Sidii dhaal banaanoo

Ilaah dhalan ka soo saaray

 

Dhegta loo sar gooyiyo

Markay dhoosha kala qaado

Ama luqunta dheehooy

 

Sidii geenyo lagu dhaabay

Dhaldhalaalka quruxdeedaa

Daruuruhu dhinaca ka moodaaye

 

Waa ruux dhamaysoo ku daray

Weliba dhiidhiye

Dhaayaha jaleeciyo

 

Dadkay dhaygag galisaaye

Dhugashada kalgacal

Maalintaan dhacashada eegay

 

Dhaxantii i qabataa

Qalbigu dheeliyaa weliye

Dharaartaan xasuustana

Wakhtigu waa igu dhalanteede

 

Dheeldheeligaan qabo nin ogi

Ima dhaliileene

Dhalxash iyo sidii yabaq ka baxay

 

dhinacyadii hawdka

Dhaan nageeye uu xalay heliyo

Dhibic laxaad weyn

 

Anigoo hurdada laga dhergiyo

Dhagi ka soo toosay

Aan dharabka waagii baryiyo

Dhaayo kulansiiyay

Macaanto ani waan ku jeclahay waxaana kaa balanqaadayaa in aan naftaada dhowri doono, kana ilaalin doono waxkastoo caqabada, ani majoogi karo la’aantaa kulankeenana habato, jacaylkana si wada jir ah aynu uxejino, dhankaagana kataxadarto, waxaa jira cadaw kaas oo xaasid ku ah jacaylka, oo waatii layiri (jacayl xaasid ma waayo). Marke in aadan lagaa helin wax dulduleed ah iyo waxkastoo inagu ah caqabad in aad ka dheeraato sharafay, ani waxaa markasta ii muuqda quruxdaada iyo hab dhaqankaaga suuban gacaliso xagayga ha kabiqin wax cabsiya oo kaaga yimaada xagayga.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sidda wacyigelinta bulshada, dhiirogelinta da’yarta, jaceylka iyo dadka tabaalaysan. Dhinaca kale qoraaga ayaa wax ka qora ganacsiga, siyaasadda, dhaqanka, kheyraadka dalka, Afsoomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska iyo taariikhaha dalka. Qoraa Maxamuud ayaa marwalbo u taagan siddii uu geed-dheer iyo geed-gaabanba ugu fuulilahaa siddii uu usoonoolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd umadda Soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Faa’iida darada ay leedahay isticmaalka baraha bulshada

Waxay isku dayaan inay caanimo ka helaan iyagoo aan istusin waxyaalaha ceebta leh ee ay sameenayaan saaxiibadood. Waxaas oo dhan waxaa loo sameeyaa oo kaliya in la iska dhigo in ay yihiin kuwo aad u xoog badan oo aan cabsi lahayn, taas oo dhammaadka, u horseedaysa xaaladda aadka u xun ee la arkay.

Published

on


Sidda aan aragno dhalinyarada waxay aad u jecel yihiin isticmaalka baraha bulsheed ee kala duwan, waxay u maleynayaan inay kuwani yihiin isha runta ah ee raaxaysiga iyo raaxada nolosha. Had iyo jeer waxay isha ku hayaan waxa suuqa ku cusub. Sidaa darteed, waxaa la arkayaa waxbarasho la’aan haysata dhallinta taasoo lafteedu u horseedi karto arrin nasiib darro ah.

Dhalinyaradeenu waxay noqdeen kuwo ku caajisay waxbarashada sababtoo ah isticmaalka joogtada ah ee ay u isticmaalaan baraha bulshada. Tani shaki kuma jiro, in sidoo kale ay tahay guuldarro waalidiinteena iyo macalimiinteena kuwaas oo aan u jeedin karin dareenkooda isticmaalka warbaahinta bulshada.

Tani waxay sarre u qaadeysaa in uu bato jahliga, ayaddoo mararka qaar keeni karto in bulshadu ay ku kacdo fal aad u xun ka dibna uu si caadi ka noqdo.

Baraha qaar waa kuwa qatar ku ah nolosheena waxaana ugubdaran qeybta lagu gudbiyo muuqaalada gaagaaban ee la iska soo duubo. Dadka intooda badan uma arkaan qatar balse waxaa jirto in dhaqan ahaan aysan inoo wanaagsaneen.

Faa’iida darada.

Baraha bulshada waxaa ku jiro wax badan oo dhibaato ah hadana ma jirto siyaabo fudud oo lagu xalin karo, balse waxaan jirto in qofka hadduu doono uu iska yaraan karo ilaa xad uu ilaabo. Talaabani waxay imaan kartaa markii ay sare kacdo xiisaha qofka uu u qabo in uu waqti badan galiyo baraha bulshada asaga oo rabo waqtigiisa inuu galiyo .

Jiilkeena cusub waxa uu noqonayaan kuwa aan cabsi lahayn, taasi waa calaamada ugu naxdinta badan. Waxay wax u qabtaan si ayaga u gaar ah mana dhegaystaan ​​waalidkood sababtoo ah waxay raadinayaan doorarka kala duwan ee lagu soo bandhigo filimada iyo riwaayadaha.

Aflaanta iyo baraha bulshadu ku xidhiidho waxay xumeeyeen hab-dhaqanka dhallinyaradeenna. Waxay sameeyaan waxyaabo cabsi leh iyagoo adeegsanaya magacyo xiiso galinaayo.

Waxay isku dayaan inay caanimo ka helaan iyagoo aan tusin waxyaalahan ceebta leh ay sameenayaan saaxiibadood. Waxaas oo dhan waxaa loo sameeyaa oo kaliya in la iska dhigo in ay yihiin kuwo aad u xoog badan oo aan cabsi lahayn, taas oo dhamaadka, u horseedaysa xaaladda aadka u xun.

Maxaa daawo u ah

Cudur walbaa oo qof ku dhaco waxa uu leeyahay dawo, taas oo haddii uu qofka joogteeyo uu ku helaayo dawo uu ku xasilo. Ugu horeen sidda aan wada naqaano baraha bulshada waa meel ay ku jiraan waxyaabo badan taasoo qofka sabab u noqon karto in maskaxdiisa ay ka gaabiso fikir-ka.

Haddii aad ku dhiban tahay isticmaalka baraha bulshada, waxaad u baahan tahay inaad iska yareyso sababtoo ah wuxuu halis ku yahay maskaxdaada.Si kastaba hanoqotee, dadka oo inta badan ku buraarugsaneen ayaa keentay inay nolosha ka dhacaan misna ay ku hayamaan nolol qayaali ah.

Si aad u yareyso isticmaalka joogtada ah ee baraha bulshada waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr siyaabood aad kaga tagi karto sidda ugu dhaqsiyaha badan.

1. Marka hore muhiimada saar waxa muhiimka kuu ah ee aad ugu baahan tahay baraha bulshada.
Waxaan ula jeedaa haddii ay jiraan saaxiibo, qoys iyo waxbarashada casriga ah, Waxaana kuu haboon inaad kala soocdo saaxibada aad ku leedahay baraha kale duwan ay bulshada ku xiriirto.
Siddoo kale waxay kaa caawinaysaa inaad yeelato waqti aad soo galayso adigoo hadaf kaaga yahay inaad wax baarto ama aad wax ogaato.

Xakameey waqtigaada una badal inaad wax aqriska badiso, sababtoo ah waxaad dareemaysaa in maskaxdaada ay si dagan u shaqeyneeso.

2. Isticmaal bar gaar kuu ah, inkastoo aysan jirin wax gaar aad u leedahay haddana waxaa jiro meelo qaas ah aad qofka ku kulmi kartaan siddaa darteed marna suurta gal ma ahan in waqti badan kaaga baxo.
Haddii aad sameyso muddo hal toddobaad ah waxaad dareemeysaa in uu kaa haray culeys badan, balse waxaa haboon inaad adigana tijaabiso si aad ugu dawoodo cudurka baraha bulshada.

In badan oo bulshada ka mid ah ayaa sameyso ama daabacdo warbixo la xiriira aqoon kororsi, Warar iyo wax waliba oo la xiriira nolosheena, haddaba adiga keebaad u baahan tahay inaad xogg ka ogaato ama aad wax ka barto si aad ugu dayato. Tani waxay u badan tahay inay shaki keento balse waxaa muhiim ah inaad adiga doorato barta kuugu muhiimsan ee kuu ifin karta xagga wanaagasan.

Markastaa ku dayo qofka hagaagsan ee bulshada u soo gaarsiiya waxa san ama hagaagsan kaas ayaa maskaxdaada kobcin kara.

Gunaanud

Waxaan ku soo gaba gabeynayaa dadkeyga oo inta badan aan jecleyn wax aqriska, inay ka feejignaadaan baraha qaar waayo asal waxaa lagu sameeyay ama soo saaridiisa qeyb weyn ka qaadato maado loo yaqaano (Algorithm). Maadadani waxay wax yeelaysaa maskaxda qofka sababtuna waxay tahay inay u shaqeyso sidda maskaxda oo kale.

Maadadani loo yaqaano Algorithm, waxaan ka sameen doonaa maqaal kale haddii uu rabi ogaado. waxaa kaloo jirto in maadadani ay ku qatonto dareenka masakxda kaasoo loo yaqaano Dopamine, balse dadka intooda badan waxba ka yaqaaniin.

Haddii aad ka heshay maqaalada nuucaan oo kale ah waxaan kaa codsanaa inaad la wadaagto bulshada inteeda kale mahadsanidiin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Baro sidda aad nolosha wax kaga badali lahayd

Wax akhrintu marka laga hadlaayo waa wax dad badan ay dhibaato ku hayso, haddana waa wax u fiican maskaxda qofka bani’aadamka, sababtoo ah haddii aysan korin maskaxdaada hubaal waxaa ah inaad wax badan nolosha ay kugu adkaato inaad fahanto sababaha horumarka kuu diidan.

Published

on


Dadka iskood isu xilqaamay ayaa noloshooda gacanta ku haaya iyaga oo dejinaya yoolal iyo tallaabooyin la qaadi karo si ay u gaaraan. Kaliya maaha inay fahmaan sida wax loo qabto, laakiin sidoo kale waxay ku kalsoon yihiin, diiradda saaraan, iyo inay ku qanacsan yihiin qaadashada go’aannada iyaga ku hagaya xagga mustaqbalkooda.

Haddii kalsoonidaada naftaadu ay gariirto ama aad ku kalsoon tahay awooddaada inaad ku gaadho hamigaaga, waxaad qaadi kartaa dhawr tillaabo si aad ugu noolaato nolol awood leh.

Awood-siinta nafta macnaheedu waa qaadashada go’aan miyir-qab ah si aad u maamusho aayahaaga. Tani waxay ku lug leedahay samaynta doorashooyin wanaagsan, qaadida tallaabo aad hore u marinayso iyo  inaad ku kalsoonaato awooddaada si aad go’aamo wanaagsan u samayso. Dadka iskood isku waxa isugu tara ama awood geliya waxay fahmaan meelaha ay ku wanaagsan yihiin iyo meelaha ay ku liitaan waxayna ku dhiiradaan inay wax bartaan oo ay gaaraan hadafkooda.

Sidoo kale waxaa jiro qoraalo badan oo laga sameeyay sidda uu qofka u noqon karo qof naftiisa hagaajiya noloshana guul ka gaara sababtuna waxay tahay in ay dadka qaarkood ay  rabaan in ay noloshooda wax ka badalaan siddaa darteed ay baadi goob ugu jiraan waxyaabaha u fududeyn kara.

Qoraalkan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr waxyaabood oo qofka naftiisa u horseedi kara in uu wax kaga badalo, siddo kalena waxaan xooga ku saari doonaa isbedelka ugu fiican ee la sameeyo. Haddaba inta aanan u guda galin qodobada soo socda, ugu horeyn waxaan ku bilaabi doonaa isbedelka maskaxda iyo sidda ugu wanaagsan ee loo sameeyo isbedel guud.

Isbedelku waa shay dadka intooda badan ay ku kala aragti duwan yihiin sababtuna waxay tahay in qof walba uu rabo in uu shay ka sameeyo isbeddel, balse waxa ugu muhiimsan ee isbeddel laga sameeyo ayaa ah maskaxda qofka.

In qofka uu maskaxda isbedel iyo horumar ka sameeyo mararka qaar waa wax adag haddana waa ay fududahay, laakiinse waxaa laga inay kugu so dhacaan waxyaabo badan badan balse waxaan kusoo gudbin donaa halkan haddii uu rabi ogalaado.

Siddee isbaddal loogu sameeyaa maskaxda?

Ugu horeyn qofka waxaa uu la korayaa waxa uu maskaxdiisa uu ku hayo, haddan markii wuu weynaado waxa uu gurtaa waxa uu maanka ku haystay taasina waxay keentaa in qofka uu san sameyn Karin isbedel dhab ah.

Sidda aad u fakarayso waxaa laga yaabaa in aysan ahayn ba haddana waxaa nasiib xummo ah inaad maanka ku haysato inaad ku noolaan doonto nolol faqiir ah!!! Nolosha waa ay wajiyo badan tahay haddana waxay kugu qaabileysaa mararka qaar qaraar balse waa sidda aad u arakto.

Maxaa dumiya maskaxda?

Masaxkaxda qofka waa xumin-ka ugu muhiimsan jirka bani’aadamka haddana waa meesha ay ku qotamaan dhamaan dareemayaasha jirkeena, waa kuwaa ka qeyb qaataa dhalashadeedana ilaa iyo dhimashadeena. Inta badan dadyowga hadda jira waa kuwa la il daran cuduro badan oo ku dhaca, balse waxaa aad u yar cid fahantaa sidda loo hello karo dabadiisa. Si kastaba hanoqotee waxyaabaha dumiya maskaxda waxaa ka mid ah dhafarka, dhageysiga heesaha, isicmaal-ka baraha bulshada iyo daawashada muuqaalada xun xun.

Dabcan way jiraan waxyaabo kale oo dumiya maskaxda balse kuwani waa kuwa ugu caansan ay dadka badan kooda ka horumari la’yihiin.

Dhafarka: waa wax aad halis u ah marka loo eego caafimaad ahaan iyo qaabdhismeedka qofka haddana waa waxa ay dadka intooda badan ay raadinayaan sidda uu kaga tagi lahaa dhafarka, balse mid xasuusnoow jirkaa markii uu hello nasiimo wanaagsan ayuu noqon karaa mid ku fir-fircoon qabashada dhamaan shaqooyinka.

Dhageysiga heesaha:  inta badan dadka intooda badan waxay dhageytaan heesaha ilaa iyo inyar mooyee oo fahamtay dhibaatada uu qofka u leeyahay, markii loo eego shay ay xarimtay Diinta Islaamka balse dadka waa kuwa intooda badan ka dhigteen caado.

Heesaha waxa ay moobeeyaan qalbiga waxa ayna qofka ku ridaan walwal iyo cabsi sabatuna waxay tahay in qofka uu siiyay dareen aad u qoto-dheer sidda darteedna ma fahansana dhibta ay u leedahay naftiisa.

Dadka qaar ayaad moodaa inay rabaan inay ku iloobaan xanuunka nololsha siddaa darteedna maanta oo dhan ayuu qofka inta uu dhago xirto dhageysanaa Subxana Allah!

Daawashada muuqaalada xun-xun: waa dhibaato aad u daran waayo qofka markii uu badiyo waxyaabaha nuucaan oo kale waa qof wuxuu kala kulmaa cuduro halis ah, sababtuna waxay tahay in qofka uu koontarooli waayo waxyaabaha qaar.

Intaa kuma aysan harin dhibaatooyinka balse waxaa hoos u dhaca fikir qofka uu ka fakaraayo noloshiisa iyo sidda u danbeyn doonto, tani qofka waxa ay ku bilaabaneysaa asaga oon dareemin balse joojinteeda waxay ku noqon doontaa wax uusan kari Karin.

Walaal sabab ha noqonin duminta naftaada ee sabab u noqo inaad naftaada sare u qaado. Isticmaalka baraha bulshada marka laga hadlayo waa wax aad u balaaran khatartiisa balse waxaan kasoo diyaarin doonaa  cinwaan kale.

Maxaa horumariya maskaxda?

Waxaa jira waxyaabo badan oo qofka horumarin kara maskaxdiisa balse waxaa jira seddex qoddob sabab u noqda koritaanka maskaxda.

  1. Wax aqri: waa waxa ugu muhiimsan nolosha aadmiga waan laga maarmaan in qofka uu wax aqriyo siddoo kale uu ku daro in uu wax badan qori karo.

Wax aqrintu marka laga hadlaayo waa waxa dad badan ay dhibaato ku heyso haddana waa wax u fiican maskaxda qof-ka, sababtoo ah haddii aysan korin maskaxdaada hubaal waxaad u baahan tahay inaad korido masaxkaxdaada kuna korido wax aqriska.

2. Dhaqan ka wanaagsan: dhaqunku waa waxa ay bulsho walbo ay ku faanto kana dhiga inay yihiin dad jira waayo dhaqanka aad u siddo bulshada ayay kugu ixtiraamayaan.

3. Wax is bar kaligaa: inaa wax is barto way haboon tahay weliba kaligaa sababtuna waxay tahay maxaa kuu kordhaayo xirfado cusub oo aad ku barbaarin karto noloshaada haddii aad joogteyso.

Gunnaanud, waxaan ku gunaanudayaa dadkeyga oo inta badan aanan jacleyn qoraalka darteed in ay habboon tahay in qof welibaa uu masuul iska saaro siddii uu u badali lahaa maskaxdiisa.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?

Haddii wax la bartay maxaa la soo kordhiyay?

Published

on


Sannad kasta, waxa jaamacadaha waddanka ka baxa oo ka qalin jabiya arday tiro badan oo kumanaan ah, waxa ayna ka soo kala baxaan jaamacado kala duwan, iyaga oo soo kala barta culuum kala duwan. Waa horumar aqooneed iyo ilbaxnimo loo baahanyahay, waana wax Illaahay loogu mahadnaqo, waxaase aynu wada dareen sannahay qof kasta oo innaga mid ahna agtiisa wax caadiya ka ah in ardaydaasi ay soo baxaan oo bulshada soo dhex galaan tiiyoo (intooda badan) uu ku soo xisaabtamayo sidduu uga hawlgali lahaa shirkad, xafiis dawladeed, dugsi, warshad, cusbitaal ama meherad ganacsi oo hawsheeda shaqo hore u soo socotay oo shaqaynaysay.

Taas ayaa ah ta aniga iyo dad badan oo ila mid ah maskaxdoodu isu waydiiso su’aasha ah: ”Maxaa sababay in 5,000 oo arday oo midkasta oo ka mid ahi uu buug iyo qalin is dul hayay muddo dhan 16 sannadood iyo wax ka badan laga waayo hal qof oo layimaadda HINDISE IYO HAL-ABUUR cusub oo uu dunida ama ugu yaraan waddankiisa ku soo kordhiyo?”

Bal eeg, waxa uu ka soo baxay kulliyadda caafimaadka, haddana galab qudha isma uu waydiin ”Sideebaa geedka mirimiriga loogu addeegsan karaa daawo lagula dagaallamo, lagaga hortago ama lagu daweeyo xanuunka malaariyada si cilmiyaysan?”

Waxa uu kasoo qalin-jabiyay takhasusna ku qaatay Cilmiga XANNAANADA XOOLAHA, haddana iskuma uu dayin inuu hindiso hab cusub oo lagula dagaallami karo shillinta iyo gafanaha xoolaheenna waxyeelleeya marmarka qaarna caqabad ku noqda in xooleheennu u dhoofaan caalamka?

Waxa uu ka soo baxay ama soo bartay culuumta teknolojiyada ee IT-ga walina kumuu fakerin inuu awood u leeyahay inuu samayn karo dunidana kusoo kordhin karo inuu sameeyo CHARGER wireless ah! Arday kale ayaa isagu waxa uu soo bartay DARAASAADKA ISLAAMKA AMA SHAREECADA iskumana uu dayin bal inuu kutub qoro oo soo kordhiyaa ha joogtee uu kitaabka ARBACIINKA ku tarjumo Af Soomaali. Waxa uu kasoo baxay Kulliyadda dhaqaalaha walina muu soo bandhigin hal fikrad oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha waddanka.

Mid kale ayaa wuxuu soo dhammaystay injineering, walina ismuu waydiin su’aasha ah ”Ma jiraa design ama qaab kale oo guryo looga dhisan karo qabcadaha guryaha dusha laga saaro ( jiingadaha )?”.

Waa run in culuumta iyo kulliyadaha jaamacaddu intan aan xusay oo kaliya ahayn, balse intan waxa aan u soo qaadannay kaliya tusaale ahaan.

Ardayow ma aha in aad bulshada ku soo noqoto adiga oo la koodhaadhaya afartii LECTURE ee barafoysarka jaamacaddu uu kugu soo shubay oo kaliya, adigu ka shaqaysii maskaxda oo noqo aqoonyahan bulshada u soo kordhay oo lasoo kordhay aragtiyo cusub oo wax ku ool ah oo bulshada u horseedi kara inay saymayso horumar diimeed, dhaqaale, siyaasadeed iyo horumar kasta oo kale oo dan u ah ummadda ifkeeda iyo aakhiradeedaba.

Ugu danbayn, waxa meesha ku jirta in dood ama cilmibaadhis laga sameeyo waydiimahan soo socda: Maxaa keenay wax hindisid la’aanta aqoonyahankeenna?, Ma waxa aynaan lahayn maskaxdii wax ikhtiraaci lahayd (subxaanalaah) mise  waynaan gaadhin goortii wax-soo-kordhinta, oo wali aqoonbaa inoo dhiman? Ma jaamacadaha waddanka ayaanay ool aqoon ardayga maskaxdiisa gayaysiisa inuu wax cusub allifo (oo kuwa debedda inooga yimaaddaaba af qudha ayay lasoo noqdaane!!) Malla furi karaa se kulliyad sidata magac ah: WAX CUSUB SOO KORDHI!?, mise waxa innaga dhaadhacsan in waqtigan aynu joogno ay dhamaadeen wax la hindisaaba (ikhtiraac) oo hore loo wada dhammeeyay?

Waxa aynu u baahannahay in dib loogu noqdo sid ay waxbarashadeenna sare (jaamacaduhu) u socoto in daraasaad laga sameeyo jawaabaha waydiimahan sare.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Waxaa jira 3 xeerar oo fududd oo aad raaci karto si’aad u guulaysato

“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney

Published

on


Guushu waa fikrad kala duwan qofkastana wuxuu u arkaa si ka duwan qofka kale. Haddii ay la macno tahay in aad leedahay xirfad aad u wanaagsan, guri ama qoys, guushu waa wax uu qof kastaa ku dadaalo in uu gaaro. Waxay kaa dhigaysaa inaad dareento geesinimo, waxay ku siinaysaa raynrayn, waxayna ku siinaysaa inaad ogaato inaad saamayn ku yeelatay adduunkan tartanka adag leh.

Guushu maaha shay aad gaartay adigoon dadaal gelin, si kastaba ha ahaatee. Waa maskax ay tahay in aad qaadato si aad himiladaada u fuliso oo aad u korto qof ahaan, waxayna u baahan tahay shaqo adag. Maqaalkan, waxaanu ku sharaxaynaa waxa ay la macno tahay in lagu guuleysto oo aan ka wada hadalno talooyin kaa caawin doona safarkaaga guusha.

“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney

Waa maxay guushu sideese aad ku gaari kartaa?

Qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku hamminayaa sidii uu u gaari lahaa guul wax ku ool ah. Qof kasta riyadiisa ayaa ah inuu nolosha ku guuleysto. Laakiin, qaar badan uma rumoobaan riyooyinkooda. Waxaa jira farqi udhaxeeya “Waxaan rabaa inaan noqdo dhaqtar” iyo “hamigeygu waa inaan noqdo dhaqtar waana dadaalayaa si aan dhaqtar u noqdo.”

Qofna ma rabo in loogu yeero ama loo arko inuu yahay mid fashilmay ama guuldareystay. Si kasta oo ay u adag tahay una xanuun badan tahay, waxaan wada qiran karnaa inaan ku guuldaraysanay nolosheena qeybo kamid ah.

Laakiin qof walba waxaa haysta hammi iyo wax ku weyn maskaxdiisa/maskaxdeeda, balse dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sheyga maskaxdooda ka guuxa wakhti intee la’eg ayey u baahan yihiin inay ku qaadato, maxaa yeelay waxwalbaa wuxuu qaataa waqti, wixii waqti qaata oo kaliya ayaa la ogaan karaa guushiisa inta ay la’eg tahay.

“Guushu maaha furaha farxadda. Farxaddu waa furaha guusha. Haddii aad jeceshahay waxa aad samaynayso, waad guulaysan doontaa.” – Albert Schweitzer

Fikradda guushu way ku kala duwanaan kartaa qof ilaa qof laakiin qof kastaa waxa uu haminayaa in uu ku guulaysto sida ugu wanaagsan ee kartadiisa ah. Waa lama huraan in aad taqaano waxa aad nolosha ka rabto iyo waxa aad u aragto guul.

Ma mari kartid waddo aan toos ahayn adoo raadinaya nolol guulaysata, adiga oo aan go’aamin jidkaaga ama hadafkaaga. Waqti qaado oo raadi waxa aad u taqaano guul. Ka fakar oo xooga saar tamartaada.

Fahan marka hore, ka dibna go’aami waxa aad ka rabto nolosha. Ma waxaad hiigsanaysaa guul shakhsi ama mid xirfadeed mise way isku xiran yihiin? Aqoonso waxyaalaha nolosha kaa farxiya. Markaad bilowdo inaad si togan u fikirto waxaad ku socotaa wadadii saxda ahayd.

Inaad dedaasho waa waajib kaa saaran naftaafa. Waa xaqiiqa jirta cidna kama sugaysid midaas. Waana waddooyinka kali ee aad ku xaqiijin karto inaad tahay qof jira oo nool oo waliba naf ay ku jirto. Guusha waxay leedahay sharciyo la maro, mid kamid ah sharciyada ugu muhiimsan waxaa kamid ah inaad aaminsan tahay inaad guulaysan karto.

Waxaa jirta xikmad uu yiri qoraagii reer Gariiga ahaa Nikos Kazantzakis, “Si aynnu u guulaysanno ugu horrayn waa in aynnu aaminnaa in aynu guulaysan karno.”

  1. Noqo qof hadaf ka leh nolosha

Marka horeba u door mustaqbalkaaga waxa aad jeceshahay inaad noqoto. Hadafka ayaa muhiim u ah noloshaada, waa jihada naftaada. Inaad noqoto qof hadaf leh waxay ka dhigan tahay qof og muhiimada ay u leedahay noloshiisa, oo macnahiisu yahay waad garanaysaa meesha aad u socoto, taasina waxay ku siinaysaa xamaasad, dhiirigelin, tamar badan iyo sababta aad usoo kacayso subaxdii. Waxaad noqonaysaa qof nool. Qodobkaan waxa aan aad ugu dheeraaday buugga 5-ta Tiir ee Guusha.

Himilada nololeed waxay noqon kartaa wax kasta oo ka mid ah guursashada, iibsashada guri, bilaabista ganacsi, caruur iwm. Wax kasta oo ay noqon karaan, waxaa muhiim ah inaad yeelato yoolal nololeed oo aad ogaato waxaad ka damacsan tahay nolosha.

2. Ku dadaal hadafka noloshaada

Weligaa ha khiyaanayn naftaada – guushu waxay ku timaadaa shaqo adag inaad la timaado. Waxaadna ogaan kartaa inkasta oo aad samaynayso dhammaan culeysyada ku horyaallo, waxaa jirta qanacsanaanta aad ku qanacsan tahay shaqadaada. Laakiin xasuusnoow inaad u baahan tahay inaad ku tiirsanaato dad adiga oo kale oo nolosha ujeedo iyo hadaf ka leh, iskana hubi dadka adiga kugu hareersan inay yihiin kuwa aad isla jaan-qaadi kartaan.

Inaad dedaasho oo kali lagaagama baahno waxaad kaloo u baahan tahay inaad taqaano halka aad u socoto iyo goorta aad rabto inaad gaarto.

Dr. Tony Campolo ayaa sheegay daraasad laga sameeyay 50 qof oo da’dooda kor u dhaaftay 90 sano oo rag iyo dumarba leh ayna sameeyeen aqoonyahanno cilmiga bulshada. Wuxuu sheegay in waayeel kaas la weydiiyay “Haddii noloshaada dib loo celin lahaa, maxaad ka beddeli lahayd?” su’aashaas waxay ahayd su’aal furan oo jawaabaheedu kala duwanaan karaan. Haseyeeshee, jawaabaha waayeelku ka bixiyeen waxay noqdeen kuwa isku mid ah waxayna ku jawaabeen:

  • Waan fekeri lahaa oo hadba xaaladyda qiimayn ku samayn lahaa.
  • Siddii horre si ka badan ayaan khatar ugu bareeri lahaa. Waxaan ifka kaga tegi lahaa wax iga dambeeya.

Waayeelkaas waxay dhammaan ka shalaayeen in sida ay u fekeraayeen yaraantoodii aysan ahayd mid u hagtay dhanka himilooyin ay lahaayeen iyo in feker la’aantoodu ay gayaysiisay in aysan gaarin hadafkooddii. Waxay isku raaceen in ’waa fekeri lahaa! Macnaheedu yahay ”tallaabo kasta oo aan qaadayo waxaan ka dhigi lahaa mid ii jihaysa waxyaabaha noloshayda macnaha u sameeya intii aan siddii bilaa macno daro u socon lahaa”

Halkaas, waxaanu ka baran karnaa in qofka inta ay goor tahay maskaxdiisa si fiican ugu shaqeysiiyo. Siddoo kale waxaan kaloo arki karnaa in qof walbi nolosha uu noolyahay aysan ka fogayn sidda uu u fekeraayo.

3. Diirada saar hawlaha ku horyaallo oo kali

Waxaad u baahan tahay inaad yeelato feejignaan dheeraad ah haddii kale waxaa ku mashquulin doona cida adiga kugu heeraarsan sida asxaabtaada iyo hawlo kale oo hadafkaaga dib-u-dhac u keeni kara. Maalin kasta, qorshahaaga hakuu diyaarsanaado. Hana ku mashquulin hawlo aan faa’ido kuu lahayn.

Waxaa laga yaabaa inaysan jirin isku-dhaf qumman oo hadafyada nolosha ah laakiin waxaan kuu sheegayaa waxwalbo oo aad qabanayso seddaxdaas ayaa u ah laf dhabar. Inaad hadaf yeelato, kuna dedaasho hadafkaaga iyo inaad diirada saarto hawlaha ku horyaallo oo adiga hadafkaaga ku gaarsiin kara. Boqolkiiba 2% oo kali ayaa dadka shaqeyn kara iyada oo aan kormeer lagu hayn. Dadkaas waxaa la yiraahdaa ”Hoggaamiye.” waa nooca shaqsiyadeed ee lagaaga baahnaa inaad noqoto, waadna noqon kartaa haddii aad go’aansato.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Faa’iidada ay leedahay aqlaaqda wanaagsan

Ummada walbaa oo dumeyso waxay ku dayataa Ummada kale waxaan meesha ka baxo qiimaha qofka, balse Soomaalida ayaa maanta kusoo kordhay nidaam khatar ku ah bulshada Soomaaliyeed kasoo laga keenay dalka dibadiisa ayna qeyb ka tahay ilxaadka heysta Ummada.

Published

on


Ugu horeyn aqlaaqda wanaagsan waa waxa ugu muhiimsan noole kasta si uu ula dhaqmo dhaqan wanaagsan bulshooyinka kale, balse waxaad u baahantahay in aad la timaado aqlaaq iyo dhaqan wanaagsan ay bulshada kugu jeclaato.

Aqlaaqda wanaagsan qeyb ka mid ah abuur ama fidro uu rabi siiyay addoomadiisa balse in lasii kardhiyo waxay u baahantahay inaan barato dhaqanka wanaagsan kaasoo sare u qaadaya siddii aad bulshada kula dhaqmi laheyd dhaqan wanaagsan.

Qofka aqlaaqda wanaagsan waa qof ay jecel yihiin bulshooyinka kale sababtoo ah wuxuu bulshada u sidaa dhaqan wanaagsan oo u horseedi kara horumar, haddaba barnaamijkan aan ugu magac daray Jimco wanaagsan waxaan si taxane ah ugu soo qaadan doonaa Hormarinta Qoyska iyo Arimga Bulshada kaaso bixi doono kaliya maalinka Jimcaha.

Waxaan halkaan kugula wadaagi doonaa dhowr qodob aan isleeyahay waxey sahlayaan aqlaaqda wanaagsan.

  1. Aqlaaqda wanaagsan waa isku xirka bulshada qeybaheeda kala duwan taasoo dhalisa hab dhaqan wanaagsan ay bulshaba kaga dayato jiilba jiilka ka danbeeya.

Haddii aad bulshada ku xiran tahay aysan dhisi Karin aqlaaqdaada waxaad khatar ugu jirtaa inuu ku dhaco milan aad ku milmeyso bulshada kale taasoo sababi karta inay xumaato dhaqanka iyo aqlaaqdii wanaagsneyd ee aad laheyd.

Aqlaaqda wanaagsan ayaa lagu kala gudbiyaa goobaha waxbarshada sidda Machadyada, Iskuulada iyo Jaamacadaha balse marka loo eego bulshadeena waa bulsho leh xadaarad taasoo dhaxal siisay inay noqdaan kuwa loogu jecel yahay markii ay tagaan goobaha waxbarasho ama dalka dibadisa.

  1. Qofka aqlaaqda wanaagsan leh waa qof xiiseeya inuu barto dadyow kala duwan waayo waa qof aaminsan inuu sido fariin taasoo u jeedkiisa tahay in uu cid la wadaago si ay usii jirto dadnimada ay leedahy bulshada.

Diinta Islaamka an aad fahanto misna aad ku dhaqanto waxay ku dhaxal siineysaa halka ay ka taagan tahay aqlaaqda wanaagsan iyo in bulshada kula dhaqanto dhaqan wanaagsan ayna ka qurux badan tahay wax siismada.

Maalin maalmaha kamid ayaa wafdi uu hogaaminaayo nin la yiraahdo Ashaji Cabdi ayaa u yimid Rasuulka(SCW) waxuuna ugu yimid in uu u dardaarmo, wuxuuna yiri: “ii dardaaran”Rasuulka (SCW) wuxuu yiri: “ha caroonin” balse ninkii ayaa markale ku celiyay Rasuulka (SCW) wxuuna yiri: “ ii dardaaran”, balse Nabiga (SCW) ayaa ku yiri: “hacaroonin” subxaana Allah!

Bal u fiirso xadiiskan wuxuu sidoo kale qofka farayaa sabarka in uu muhiim yahay aqlaaqda suuban, majiro ruux aan caroonin markii wax la yeelo balse mahuumida ayaa ah markii waxa lagu yeelo in aadan miir beelin siddii qof waalan oo kale, tuasaale: Soomaalida waa dad sooraan ah ama aad u xanaaq badan sababtoo ah haddii reer hebel uu tiriyo hal gabay uu ku caynaayo reer hebel, reer hebelna waa in ay tiriyaan shan gabay ay ku caanayaan reer hebel balse waxaa ka qurux badan inaad u sabarto.

  1. Qofka aqlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan leh waa ruuxa xal u hela dhibaatooyinka heysta bulshada asagoo sawir kooban ka bixiya dhibaatada ka dhalan karta haddii aan la xalin.

Dhanka kale, waa ruuxa sameeya qoshooyin taaba gal ah amaba suurtagal ah si ay bulshada dhaqanka wanaagsan, wuxuuna diyaar u yahay inuu la yimaado aqlaaq wanaagsan.

Sidoo kale dadyow badan ayaa maqaalo ka badan ciida ka badan ka qoray aqlaaqda wanaagsan balse haddii aan soo qaato mid ka mid ah wuxuu leeyahy: “ aqlaaqda wanaagsan waa biriijka ama buundada u dhaxeyso adiga iyo guusha taasoo kuu horseedi in ay dadka ku jeclaadaan bilaa sabab”.

“ Aqlaaqda wanaagsan qeybi waa fidri ama abuur  halka uu ruuxa uu gaarsiin karo heer uu ku tarbiyeeyo naftiisa aqlaaqda iyo dhaqan wanaagsan”, ayuu yiri Sheekh Mustafe Xaaji.

Maxaa ka dhalan kara haddii la waayo bulsho dhaqan iyo aqlaaq wanaagsan leh

Haddii ay dhacdo tani oo kale waxaa badanaayo taxadiyaadka ay bulshada loo geysanaayo ayadoo qiil lagaga dhigaayo in ay jiraan bulshooyin laga tari badan yahay balse arinka sida loo fasiro wey ka duwan tahay waayo waxaa la baneysanaa in badan oo kamid ah bulshada diigooda iyo xolahooda.

Waxaa dhaceyso in ay bulshada cagta saartay wadada dumista bulsho walbaa oo dumeyso waxaa calaamd u ah inay ku dayato bulshooyinka kale.

Yurub maanta waxay dooneysaa dunnida oo dhan iney nqoto (Westearn Culture) dhaqanka reer Galbeedka, ayagoo wada xuquuqul insaan iyo waxyaabo kale.

Soomaaliya waxey qeyb ka tahay dadyowga sii burburaayo aqlaaq ahaan iyo dhaqan ahaan sababtoo ah waxay bilaabeen in dayacaan reerihii ay la haayeen sidoo kale ay meesha ka baxdo xaaneynta caruurta, taasoo keentay in ay meesha ka baxdo qiimihii uu lahaa qofka Soomaaliyeed.

Ummada walbaa oo dumeyso waxay ku dayataa Ummada kale waxaan meesha ka baxo qiimaha qofka, balse Soomaalida ayaa maanta kusoo kordhay nidaam khatar ku ah bulshada Soomaaliyeed kasoo laga keenay dalka dibadiisa ayna qeyb ka tahay ilxaadka heysta Ummada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Wax ka baro astaamaha lagu garto nolosha dadka guuleystay

Dadkan ayaa si isku mid ah u fakara ayagoo hiigsigooda uu yahay gaarsiinta dadka kale ay gaarsiiyaan cilmiga ay hayaan.

Published

on

Caalamadaha lagu garto dadlka guuleysta

Nolosha bini’aadamka ayaa wada gaaro da’a isku mid ah halka kuwa kalena ay gaaraan ilaa iyo halkii uu Rabi cimrigooda dhigay, balse dadkan ayaa ku kala duwan qaab nololeedka ay nooloyihiin muddada ay dunnida joogaan, sidoo kale waxaa kala duwan raadadka ay dunnida kaga tagaan kaasoo ay bulshada kaga dayato  hab dhaqan ahaan iyo mid aqooneedba.

Ka hadalka dadka nolosha guusha ka gaaray ayaa ah wax aan halkan lagu soo koobi Karin ayadoo ay jiraan dad badan oo raadad ma guraan ah kaga tagay aduunka taas oo mudan in lagu dayo, mise waxaan ka hadlaa raggii ugu saameynta badnaa ee soomaray Islaamka kuwaas oo guulo badan kasoo hooyiyay dagaaladii ay la galeen dadkii diidanaa diinta rabi.

Dunnida ayaa ugu horeyn ka jirta loolan adag ama siraac taaso ay ku ku loolamayaan dadyow kala duwan kuwaas oo midda midka kale raba inuu hoggaamiyaan dunnida oo dhan, balse arinkan ayaa dadbadani ay ka jiifaann loolankan dunnida ka jiro ama ay yihiin kuwa dhan kale nolosha kaga mashquulsan.

Dadkan ayaa sido kale ka mid ah bulshooyinka aan lanool nahay kuwaasoo ay kamid yihiin dadyowga Soomaaliyeed, balse arakti ahaan in ay bulshadani aysan wax badan kala socon loolan ay dunnadani wajaheyso kaasoo waqti xaadirkan la joogo.

La socodka macluumaadyaddii ugu danbeeyay iyo xoggo kale ay ka mid yihiin diyaarinta in maanta ay dunnida ka socoto in ay noqoto hal dowllad ayada oo ay soo ifbaxeen aalado kala duwan kuwaas oo laga yaabo iney badalaan sida ay maanta u shaqeyso dunnida , balse qubarada falanqeeya cilmigga deegaanka ayaa qaba in ay arinta ay suurtagal tahay isla markaana la filaayo iney soo if baxaan sannada soo socda.

Waa waxyaabo cajiib ah markii aad fiiriso kaasoo ay dadbani lagayaabo iney wax wal wal ku heyn balse si aan waxbadan ugu ogaano ayaan waxaan halkaan ku koobi doonaa dhowr siyaabood oo lagu garto dadka nolosha guusha ka gaaray isla markaana raadad kaga tagay dunnida ayna ku nool nahay.

1. Dadka nolosha ku guuleysta waxey leeyihiin sifaad ama calaamado ay kaga duwan yihiin bulshooyinka kale, balse aqristow su’aal isweydii oo dadka oo dhan ma wada guuleesan karaan? Haa, dadka oo dhani wey guuleysan karaan balse guusha ayaa qof waliba uu ka qabaa fikir gaar ah.

Balse dadka nolosha ku guuleysta waa dad marwaliba u taagan iney wax kusoo kordhiyaan halka ay ku noolyihiin ayagoo raba iney kaga tagaan raadad muuqda, balse raadkan ayaa laga yaabaa in aadan wax badan  ka fahansaneyd laakiin adiga oo bulshadaada ka taga wadadii ay ku heli lahaayeen aqoon fiican misna noloshooda anfacda waxaad kaga tagtay raad fiican.

Sidoo kale dadkan iskama weyna iney bulshada kale wax u sheegaan si ay u noqdaan kuwa garaadkooda uu sii koraayo lana yimaado qorshe cad iyo hoggaan fog, tani ayaa laga yaaba iney tahay waxyaabo aad la yaabto balse nolosha dhabta ayaa ku dhisan in ay bulshada wadaagaan waxyaabha faa’iidada u leh.

2. Bulshadani ayaa sidoo kale ku tiirsan meelaha ay ka helaan daraasaadka nafsiga ayaga oo mararka qaar ka isku daya iney sameeyaan daraasaad ay ka mid tahay waxbarashada, farsamada gacanta, iyo barnaamijyo kale ay ku hormarinayaan noloshooda.

Bulshadan ayaa ah bulsho ku hormarsan dhanka aqoonta iyo farsamada gacanta ayagoo marwalabana raadiyo iney bartaan fursado kale ay noloshooda ku badalaan isla marakaan ay xaqiijiyaan hadaf yadii ay nolosha ka lahaayeen muddo ka dib, laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in bulshada ay mar walbaa fahmin bulshada kale dhanka aqoonta iyo garaadka ay leeyihiin.

3. Bulshadan waa bulsho marwalbaa ku xiran dadka kale oo ka aqoon badan si ay wax badan ugu faa’idaan ayna u noqdaan tusaale fiican, riyada qofka waxaa marwabaa dhisa qofka og halkii uu umari lahaa si uu uga dhabeeyo hanka uu nolosha ka leeyahay.

Garashada hankaaga waxey kaa caawineysaa sameysanka qorshe cad iyo qeexada hanka aad leedahay misan kuu cad yahay, balse dadbani ayaa dhibaato ka heysato dajinta qorshe cad si ay ugu dhabeeyaan qorshaha u dagan.

Sidoo kale bulshadani ayaa ah bulsho siddata sahay aqooneed ayagoo kala garanaayo meelo badan aanu weligii tagin, balse arinka ayaa u suurta galiyay iney wax badan ka barteen halkiii ay tagi lahaayeen iyo siddii ay ku tagi lahaayeen.

Dadkan ayaa si isku mid ah u fakara ayagoo hiigsigooda uu yahay gaarsiinta dadka kale ay gaarsiiyaan cilmiga ay hayaan.

4. Bulshadan ayaa ah kuwa intooda badan noqda hoggaamiye yaal kuwaas oo qaada masuuliyada bulshada ay la noolyihiin, waxaa muuqato in qodobkan uu u qaab ek yahay qodobka 2-aad, balse dadka noqda hoggaamiyaal waa dad leh qorshe cad, yool degan, hiigsi qeexan iyo wakhti la fuliyo.

Kala duwanaanshaha ra’iga ayaa mararka qaar dhaliyo caadifad ka aloolsanaato blushada dhexdeeda, balse bulshadan markii uu ka dhex dhaco qilaaf ma ahan bulsho isla markiiba ku kala tagto halkii uu shalay hadafkooda ahaa waxeyna xaliyaan dhibta ka dhalatay ururka dhexdiisa.

Waa bulsho leh xeer hoosaad ay kula macaamilaan shaqalaaha ururka si ay u dhicin dhibaato fara badan, waxeyna maareeyaan xaaladaha ka dhex dhaco ayaga oo u xaliyo hanaanka ka jira ururka taasoo ay kuwada qanacsan yihiin bulshada kale ay xilka u hayaan.

Kuma koobna halkan inaad guul gaarto balse waxay u baahantahay inaad sameyso dadaal dheeri ah kaasoo aad sare ugu qaadeyso heerkaaga aqooneed iyo garaadka aad leedahay.

Sameyso saaxiib aad nolosha kaga dayato waxaan jeclaan laha inaan ku gunaanudo qodobkan, sido kale aan jeclaan lahaa inaan sii wado qoraalka balse dadkeyga oo inta badan aan wax qorin darteed waxaa ku gabagabeynaa “in qof waliba uu ku diinyahay saxiibkii”, taasina ma ahan mid aan aniggu dhahy balse waa maah-maah Soomaaliyeed.

Saaxiibka fiican wuxuu ku noqdaa tusaale hagaagsan isla markaana noloshaada kusoo kordhiya wax cusub balse saaxiib haka dhigan qof raba inuu kaa dhaadhiciyo (Negative), ama aaminsan in waxba aan la qaban Karin waayo qokaas wuxuu qatar ku yahay noloshaada waxaase kuu qurux badan inaa ka dayato saaxiib kale oo haggaagsan.

Micnahaygu ma ahan inaan rabo in aan kugu diro saaxiibkaga qaaliga ah balse tijaabi mar qura iskuna day in aad ka dhaadhiciso fikirka aad qabto una sheeg sida uu mudnaanta kuugu kala leeyahay kana dalbo in uu kaa caawiyo qodob ka mid ah qodobadda aad degsatay cabir oo ka dhageyso fikirka uu kuu jeediyo kaliya hal mar tijaabi!!

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 days ago

Maxaad ka taqanaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 days ago

Xariirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Mareykanka – aqoon intee la’eg ayay isu leeyihiin?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 days ago

Madaxweynaha Mareykanka oo Soomaaliya u soo magacaabay Danjire Richard H. Riley

WARBAAHINTA3 days ago

Caruur ay Soomaali ku jiraan oo muhaajiriin ah oo laga qaaday daka Giriiga – xaggee la gaynayaa?

WARBAAHINTA3 days ago

Hogaamiyihii ugu horeeyey ee Muslim ah oo Iskootlan lagu doortay

WARBAAHINTA3 days ago

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la sameeyo hannaan cusub oo lagu heli karo 100,000 oo Suuriyaan ah oo maqan

Diinta Islaamka5 days ago

Haweeney Muslimad ah ayaa noqotay garsooraha 1aad iyadoo xeran xijaab Mareykanka ka noqotay garsoore

Afrika5 days ago

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo booqasho ku joogta Ghana, iyadoo ku dhawaaqday gargaar amni

Islaam Naceybka6 days ago

Wadamada Muslimka ah ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin Kitaabka Quraanka ah ee lagu gubay dalka Denmark iyadoo bisha Ramadan lagu jiro

Islaam Naceybka1 week ago

Ilhaan Cumar ayaa soo bandhigtay qaraar ay kaga hadlayso Islaam nacaybka

English Articles1 week ago

Why Somalia Must Abandon the Indirect Electoral Model in 2026?

Bariga dhexe1 week ago

Maxaa laga baran karaa isu soo dhowaanshaha Sacuudiga iyo Iiraan?

Diinta Islaamka1 week ago

Faa’iidooyinka caafimaad ee uu leeyahay soonka – ma sooman tahay maanta?

Afrika1 week ago

Gobolka Tigray oo yeeshay madaxweyne cusub – waa kumaa Getachew Reda?

Aragtida Indheergaradka1 week ago

Maxay dowladaha ugu baxaan heshiisyada caalamiga?

WARBAAHINTA2 weeks ago

Amarka maxkamada dembiyada caalamiga ee xiritaanka Putin ayaa muujinaya in sharciga caalamiga ah uu burburayo – Dmitry Medvedev

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Xiriirka Ruushka iyo Shiinaha ma laha xad – ayuu yirri madaxweyne Vladimir Putin

WARBAAHINTA2 weeks ago

Xildhibaanad Layla Moran, ayaa sii laba jibaareysa dadaalka loogu jiro aqoonsiga rasmiga ah ee UK aqoonsato qaranimada Falastiin

Buuggaag2 weeks ago

Jibril Mohamed on Somalia’s Road to Democracy: A Journey of Hope and Resilience

WARBAAHINTA2 weeks ago

Qaramada Midoobay ayaa Yemen ugu baaqday inay ka faa’iidaysato heshiiska Sucuudiga iyo Iiraan oo ay doorato nabadda

WARBAAHINTA3 weeks ago

Madaxweyne Erdogan ayaa si rasmi ah ugu baaqay in doorashada Turkiga ay dhacdo 14-ka Maay

Bariga dhexe3 weeks ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xiriirkooda ka dib wadahadal uu dhexdhexaadinayey Shiinaha

WARBAAHINTA3 weeks ago

Maraykanka ayaa ka carooday rabshadaha Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed

WARBAAHINTA3 weeks ago

7 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar ka dhacay kaniisad ku taalo Hamburg, Jarmalka

WARBAAHINTA3 weeks ago

7 qof ayaa ku dhintay weerar cirka ah oo lagu qaaday hantida Iiraan ee Suuriya

Aasiya4 weeks ago

Imran Khan: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo ka falceliyay isku daygii xarigiisa

Qoyska & Horumarinta Bulshada1 month ago

Faa’iida darada ay leedahay isticmaalka baraha bulshada

WARBAAHINTA1 month ago

Turkiga oo weerar ku dilay maskaxdii ka dambaysay weerarkii Istanbul

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Maraykanka ayaa aaminsan in Ruushka laga yaabo inuu Iiraan siiyo diyaarado dagaal: Aqalka Cad

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Maxay ka dhigan tahay booqashada Raisi ee Beijing xiriirka Iiraan iyo Shiinaha?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Waa maxay ujeedka dowladda Soomaaliya ay mar kale u xirtay Cabdalla Muumin?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

2022 wuxuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya tan iyo 2017 – Qaramada Midoobay

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Ruushka ayaa hakiyay ka qaybgalka heshiiska cusub ee START ee hubka Nukliyeerka ah ee lala galayo Maraykanka, ayuu yidhi MD Putin

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Qeybtii 2aad:- Maxay yihiin bulshooyinka sirta?

Qoyska & Horumarinta Bulshada1 month ago

Baro sidda aad nolosha wax kaga badali lahayd

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 months ago

Maxay yihiin bulshooyinka sirta ah?

Afrika2 months ago

Maxay Eriteriya ugu baxday urur Gobolleedka IGAD?

Afrika2 months ago

MD Isaias Afwerki ayaa sheegay in Eriteriya ay dib uga mid noqon doonto urur goboleedka IGAD

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Xog cusub: Maxay dhalinyarada Soomaalida ugu biiraan Al-shabaab?

Yurub2 months ago

Yurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale

Xul