Connect with us

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Sheekadii Lamagac Baxday Jacayl God Ma Loogala? – Qeybtii 6aad

Published

on

 


Sakariye aad ayuu ugu farxay oraahaha ka soobaxaya inanta uu jecelyahay ee Sucaad, wuxuuna uga mahad celiyay sida wacan ee uu uga aqbashay codsigiisa, balse lamaanayaasha waxa ay si wada jira go’aan ku gaareen in ay guur yagleelaan, oo ay ku dhaqaaqaan, ugu danbayn waxaa lagu heshiiyay sida caadada ahayd in uu wiilku utago reerka ay kadhalatay qurayshtaan Sucaad ah.

Xiligu waa habeen ay dhacayso neecaw macaan asii aan kamadano ahayn, laakiin ay naftu ku raaxaysanayso, waxa uu soo abaaray xaafada inanta ay kadhalatay waxaa jooga waa aabbeheed Aw-jaamac iyo dhammaan dadkii kale ee joogay xaafada, waxa uu soo garaacay albaabka, waxaase ka furtay Sucaad oo sugaysay Sakariye, waxaa lays dhaafsaday salaan diiran oo macaan oo ku dheehan tahay kalgacayl iyo naxariis, waxaase laysku gubayaa indho jacayl, inkastoo indho jacayl hayaa aysan is eegi Karin. Balse Sucaad aay farta ku fiiqday qolka uu kujiro odayga, waxa uu kuyiri iga hor mar adi, waxa ay horay uga shay qolkii uu ku jiray odayga waxayna kutiri aabbe macaane waxaa kuu tagan wiil ku doonaya adi, ee soogudub ma dhahaa? Suuye aabbe muxuu yahay wiilku? Waxay tiri aabbe maaqaan ee kolayto isagaa kuu sheegan, waxa uu kuyiri soogudub ku dheh, waxa ay kutiri soogal huuno, waxa uu horay usoogalay qolkii uu odayga ku jiray, sida ay caadada ahayd waxa uu salaamay odaygii waxa uu kuyiri waan kusalaamay adeer, odaygii wuxuuna ku yiri waan kaa qaaday, wuxuuna uraaciyay maxaa nasoogalay? Waxa uu ku jawaabay wiilkii oo goroda laad-laadinaya ayaa ku yiri adeer waxaan ahay inan ina hebel hebel ah, oo caawa idin ka doonaya inanta heblaayo, markuu intaa afka kasoobaxday ayaa odaygii ku yiri, maxaad tiri!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! ?????????????????????

Warkaad sheegtay mardanbe ha Oran illinkayga ka hor dhaqaaq hadaad naftaada rabto ma caawaad u soodhigatay inantayda Sucaad?

Wiilkiyoo juqda gabay oo caro iyo murugo haraysay ayaa kasoo baxay gurigii, waxa isha ku dhufatay Sucaad, iyadoo naxsan ayay kutiri maxaa ku helay aboowe ma aabbaa ku sooceershay? Waan kaxumahay qaali in ay waxaas oodhan kugu dhacaan.

Sakariye Aw-jaamac waxa uu kala kulmay caqabado kala duwan, haba ugu darnaatee isagoon waxna hubsan ayuu seefta la booday, waayo Aw-jaamac ma uusan waraysan inanka ka doonayay gabadha, mana kafakarin waxa ka dhalan kara dhibta uu kula kacay Sakariye, kuna canaantay gurigiisa, soomaalidu dhaqan umalahan in gabdhaha laysku diido, waxaa lakala qaadan jiray xaal, sida badana waxaa caado ah in haddi reero utagaan reero kale oo ay waydiistaan gabadh in aan laysku diidin, oo waxaa loo arki jiray in ay yihiin dadkaas kuwo gun ah kuwa gabadha diidaya, asii uusan garawsanayn Aw-jaamac in uu sixun ku la dhaqmay Sakariye, balse “falaadhi gil gilasho kaaga maharto” Sakariye, waxa uu usoo luuday xaggaa iyo gurigoodii, isagoo dhafoorada haya lehna maxaa caawa igu dhacay?!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! miyay tana ii laaabnayd, maantana ma godbaa dalaq iri ileen jacayl god waa loogalaa, maxaan sameeyaa, talo iskuma kaa sheegto, Sakariye, ma gar waaqsan in uu guurti udiro reerka ay kadhalatay inanta, si ay ula xaajoodaan oday Aw-jaamac, oo ay gabadha waydiistaan ama hasiiyo ama hadiido.

Dhanka kale Sucaad waxaa dusha looga tuuray karbaash qoyan, waxaa ka soobixila’ hadalkii, waxa ay ku hadaaqaysaa tanna miyay iidan baysay, hoogayay!!!!!!!!!!!!!!! Aabbe muxuu saa usameeyay, miyuusan ixtiraamayn jacaylkayga iyo ani dooqayga, aabbese maanta maxaa ka qaldan waxaa uu sikulul ulahadlaayaaa wiilkii iwaydiistay, maxaan ku dhaqaaqaa miyaan isdilaa, Alla ma aan dhasheenaa!!!!!!!!!!!!!!!!!! Alla ma aan aduunkaan laykeeneenaaaaaaaa!!!!!!!!!!!!!!!!!! Alla ma godbaan gala si aan aduunkaan dhibtiisa uga baxo, laakiin hifasho waxna kutarimayso, oo horaa looyiri “wixii kugu dhici lahaa kun sanay kaa weenyihiin” oo waxaan way kuu qornaayeen ee kudadaal sidaad ku kasban lahayd oo aad dib ugu sooceshan lahayd gacaliyahaaga, waxa ay guda gashay in ay wacdo Sakariye, balse nasiib darro waa uu dansanaa markaa, oo Sakariye telkiiba waa uu tuuray markuu carro madaxa lagalay, oo waxaa haysta mawjaddo kawayn maskaxdiisa, Aw-jaamac waxa uu su aallo waydiinayaa inantii Sucaad ahayd oo waxaa uu leeyahay xagee ka yimid axadkaan????????????

Waxa ay kutiri aabbe waan jeclahay wiilka waxaana go’aan ku gaarnay in aan isguursano oo aan noqono lamaane mid ah, oo ma doonaayo in aan waayo lamanahayga waayo waa farxadayda, waa ilayskayga, waa nuurkayga, waa nolo shayda, waa iftiinkayga, odaygii ayaa xanaaqay oo kuyiri maantana sheekadaan miyaad ii keentay, anni waxbarasho miyaan kuu dirsaday mise in aad nimanka lasheekaysato oo jacayl iyo dhalanteed ku jirto, mardanbe waxaas iyo wax lamida hadaan kaa maqlo iska jir kanbalkaaga ayaan jarayaa, Sucaad waa inan ilaahay ku manaystay geesinimo, waa qof leh karti ay kudifaacdo nafteeda, waa halka ay soomalidu kadhahdo “af-aadan ku aarsan Karin, Alle kaagoodheh “ waxa ay tiri aabbe ani waxaan ahay inan gashaantiya, waxaana ubaahanahay in aan guursado maanta dooqaygiina waan kula imid ama ha fiicnaado ama ha xumaadee, mida kale ani intaan inii soo shaqaynaayay waan inii soo shaqeeyay, hana hilmaamin in haddii gabadha qaan gaarto looguuriyo, oo lasiiyo waxay jeceshahay, waxayna intaa uraacisay maah-maah soomaaliyeed oo dhahaysa (Dumar ama god hakaaga jireen ama guri), oo ay ula jeeday aabbe ani waxaan gaaray xilliigii guurka waxaana ubaahanahay in aan maanta guursado. Aw-jaamac waxaa uu fahmay dulucda maah maahyada iyo hadalkeeda ujeedkeeduna yahay in ay hanato jacaylkeedeeda.

Balse AW-jaamac waa ku gacansayray hadalkaa ka soobaxay inantiisa, waxaa uuna go’aan ku gaaray in uu gabadha xabsi guri gasho, waxaana uu  inanta ku canaantay in uu hadduu mardanbe ku arko wiilkaas aagiisa, in uu xabsiga dhigidoono, ama uu dilidoono.

Sucaad hadalka ka soo yeedhay aabbeheed uma riyaaqin waxayna la noqotay in god lagu riday oo gabi ahaanba la’aasay, waxaa halmar ka soobooday ilmo tin ilaa cirib qoysay, oohinina udheertahay waayo waxaa laga indho saabay jacaylkeedii ay dunida ka dooratay, waxaa aragtay RUQIYAoo ahayd Sucaad hooyadeed, inta ay ku soo dhawaatay ayay ku tiri hooyo maxaa kugu dhacay, asii aysan ka helin wax jawaab ah oo waxaa katan badnaa wal walka haysta iyo dhibka caawa soo wajahay, Ruqiya oo yaaban ayaa wacday AW-JAAMAC oo ku tiri war gabadha way jiran tahay ee aynu dhakhtarka gayno, Aw-jaamac oo garawsan ayaa ku yiri war nagadaa gabadha waxna mahayaan ee waa kibir iyo jacayl waxa haya inanta, laakiin Ruqiya uma bogin hadalka Aw-jaamac, waxayna ku tiri inanta waa sakaraad waxaan gaynayaa dhakhtarka, balse ruux dhibanoo maqsuuda dhakhtarku muxuu ka sheegaa, jawaabtu waa maya, oo waxaa haysta inanta wax ka awood badan cudurka laga baarayo, Yaab iyo amakaag inantii cunno way ka go’day hadalna yeelkiis.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sidda wacyigelinta bulshada, dhiirogelinta da’yarta, jaceylka iyo dadka tabaalaysan. Dhinaca kale qoraaga ayaa wax ka qora ganacsiga, siyaasadda, dhaqanka, kheyraadka dalka, Afsoomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska iyo taariikhaha dalka. Qoraa Maxamuud ayaa marwalbo u taagan siddii uu geed-dheer iyo geed-gaabanba ugu fuulilahaa siddii uu usoonoolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd umadda Soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?

Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada

Published

on


Ugu horeyn guushu ku timaado cayaar iyo hurdo ee guushu waxay dadaal iyo waqti dheer oo aad geliso hadafkaaga iyo himilooyinkaaga.

Haddaba si aad u guuleysato waa inaad yeelaa hadaf aad ku socdaashu si uu kuugu hago wadada guushaada, nolosha waxna fudeed laguma helo ee waxay u baahan yihiin inaad juhdi geliso si aad ugu danbeyn ugu guuleysato.

Markasta oo aad gurigaaga kasoo baxdo meel ayaad u socdaaleysaa si aad u gaarto amuurahaaga gaarka ah. Bal ka waran haddii aad gurigaaga kasoo baxdo adiga oo aadan aqoonin halka aad u socdaaleyso.

Inaad hadaf yeelato waa waxa kuu sahli kara inaad guuleysato adigoon ku wareerin, haddii aadan hadaf laheyn codowgaa hortii ayaad jabeysaa.

Nuxurka aan ula jeedo ayaa ah subbax weliba oo kuu dhasho inay tahay qeyb ka mid ah cimrigaaga kaasoo lagaaga baahan yahay inaad aqbasho qeyr iyo shar.

Maskaxdu waa mashiin ay maalinttiiba kasoo baxaan fikrado badan oo aan tiro laheyn. Fikradahan ayaa isugu jira kuwa qeyr sheeg ah iyo kuwa shar sheeg ah, haddii aad maskaxdaada usoo bandhigto fikir waxaa is hardin doonno labadan ficil kusiin doono jawaaba kala duwan.

Tusaale ahaan, waxaa tahay qof muddo shaqeynaayay oo uruur saday lacag tiro badan waxaad go’aan satay inaad yeelato ganacsi wax ka badala noloshaada, haddaba inta aadan ku dhaqaaqin go’aankan ayaa maskaxdaada laga yaabaa inay kuu sawirto adigoo ganacsi sameystay sidoo kalena guul aad ka gaarto noloshaada.

Si taa la mid ah maskaxdaada ayaa laga yaabaa inay kuu sawirto adiga oo khasaaray siddaa darteedna ay kugu gaba gabeyso inaad ganacsi aqoon u laheyn aadna iska dhaafto.

Waad aragtaa hardanka ka jira maskaxdeena haddii aad aaminto in aadan guuleysan Karin waa sax oo ma guuleysan kartid, laakiin haddii aad aminto inaad guuleysan karto waa sax oo waa guuleysan kartaa kalliya aqbal inaad uso jeedo dhibaatooyinka ku horyaala.

Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada.

Dhiiri geli naftaada

Waa inaad ku kalsoonaataa naftaada oo aad wax weliba hagaagjin karto maalinba maalinta ka danbysa. Waa in aadadan isyareysan, iskana dhaafto ereyada naftaada duminaayo.

Waa inaad ogaataa inaad tahay qof bani’aadam ah, wax soo kordhin kara oo aan ciyaar loo abuurin. Waan inaad noqoto qof saamaxaad badan oo haddii gef laguu geysta cafin kara, hana noqon ruux uruuriya xumaha.

Waa inaad aqbali karto haddii adhaliil aguu jeediyo, hana u qaadan qof kasta oo ku dhaliilaayo inuu yahay cadowgaaga, waxaanad aamintaa haddii uu jiro qof ku dhaliilaya siddoo kale inuu jiro qof ku aaminsan.

Waa inaad noqotaa qof u fikira si qoto dheer. Qo kasta wuu u fikiri karaa si qoto sheer waa haddii auynu ilowno wax-yaabaha yar-yar ee aan ku mashquulineyno nolosheena.

Ciladaha ugu waaweyn aan guusha ka gaari weynay ayaa ka mid ah adigoo aqoon saneyn halkii uu hadaf kaaga yahay, haddii aad aqoonsato hankaaga cillada kale waa adiga oo aadan sameyn. Haddii aadan aqoonsaneyn hadafkaaga meel weliba aad tagtay kuuma lahaaneyso muhiimad gaar ah.

Haddaba si guul la taaban karo u gaarto waxaad u baahan tahay inaad iska ilaaliso cabdisa badan, waayo cabsida badan waa sheyga ugu badan ee inaga hortaagan inaan guuleysano.

Cabsida faraha badan daciifnimo, marka noqo qof xoogan oo ku qanacasan nolosha. Sidda caadiga ah cabsida waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihin xasilooni daro, nabad la’aan iyo kalsooni darro

Weli waxayna ku dhex jirnaa buugga 5-tiir guusha, oo uu qoray qoaraa Cabdi Jabaar Sheekh Axmed.

La soco qeybaha labaad ee buuga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada

Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Published

on


Horumar ka qofka mar weliba wuxuu ku xeran yahay qofka waxa uu diirada saaraayo, haddaba si aan horumar u gaarno waxaan baahanahay inaan raacno sidda ay ku haboon tahay nolosheena.

Horumar inaad nolosha ka sameyso waxay kaaga baahan tahay dadaal iyo inaad u heelan tahay inaad ka dhabeyso hadafkaaga.

Si kastaba hanoqotee waxaa jira waxyaabo badan oo nolosheena badala annaga oo rabno inaan horumar wanaagsan sameyno, si aan u qaadno talaabooyin wanaagsan ugu horeyn waa inaan aaminaa inaan gaari karno horumar wanaagsan.

Shaqo weliba aad qabaneyso waxay kaaga baahan tahay waqti iyo daal tiro badan, balse muddo ka dib waxaad noqon doontaa qof ku faana noloshiisa.

Qalad weliba oo naga dhaca waa muraayad aan ka dhex arki karno wixii nasoo maray, balse waxaa haboon inaan fikir wanaagsan ka qaadano sababtoo ah haddii aadan waxba isku dayin ma’ aadan guul dareysteen.

Haddaba guusha iyo guul darada waa wax sokeeye oo kaaga baahan maalmo cayiman, laakiin xaqiiji wadada horumarkaaga si aadan marar badan ugu shalaaynin.

Muhiim kuuma ahan inaad baar baarto ciladahaaga waayo waxay ka mid yihiin waxyaabaha dib kuu celin kara, iskana ilaali inaad u shalaaydo noloshaada.

Qof weliba wuxuu jecel yahay inuu helo nolol wanaagsan balse marka aynu isweydiino maxaa inaga hortaagan inaan horumar sameyno?! Dadka intooda badan kuma baraarugsana inay nolosha tahay wareegto oo waxaa laga yaabaa inuu ku dhegan yahay waxyaabo horey usoo maray guul iyo guul daraba mida uu doonto ha noqotee.

Waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan kusoo koobo dhowr qodob oo naga caawin kara inaan horumar wanaagsan sameyno, balse ugu horeyn waa inaan isla garano waxa ka qaldan nolosheena.

Intaa aanan guda galin maqaalka waxaa jirto sheeko yar oo aan jecleystay inaan idin la wadaago, waxaan waqti la qaadan jiray adeerkeey oo ku nool qurbaha wuxuu igaga sheekeen jiray nolosha dadka horumar ka sameeyay.

“Waxaa jirtay nin aad u xikmad badan ayaa u yimid wiil yar oo raba inuu wax ka barto noloshiisa, haddaba wuxuu yiri ina keen oo waxaan galeynaa safar. Muddo ka dib markii ay socdeen ayay la kulmeen qoys ka koobad dhowr qofood waxaa guri ay ku xanaaneeyaan hal sac oo mid kastaa wuxuu ka qabtaa shaqo si loo ilaaliyo ama loo xanaaneeyo.”

“Intaa ka dib waa berigii ayaa ninkii xikmada badnaa ayaa u booday xeradii ay ku xerneed saca wuuna ka gowracay wiilkii yaraa ayaa la booday qeylo oo yiri maxaad ugu gowracday oo ma heystaan wax kale ay noloshooda ku maareeyaan.”

“Wiilkii iyo ninkii xigmada badnaa ayaa isaga tagay tuuladii, ka dib markii ay muddo maqnaayeen ayaa ay kusoo laabteen tuuladii waxay arkeen guri ka duban gurigii hore oo waxay dhisteen guri ka sameysan dhagax halka markii hore ay daganaayeen guri ka sameysan cowshad.”

“Wilkii yaraa ayaa la yaabay sidda ay noloshoodu isku badashay, ka dib ninkii xigmada badnaa ayaa u sheegay sababta ka danbeysa noloshooda.”

Haddaba xigmada ku jirta sheekada waxaan filaa inaad ila fahamteen, xigmada ku waxay tahay in qof weliba horumar kiisa uu ka hor taagan yahay saca, si uu horumar u gaarana waa in uu gowracaa saca u diidan noloshiisa.

Sheekadan waxaa igaga sheekaayay adeerkee oo ku nool qurbaha, waxaana la heli karaa ayadoo qoraal ah buugga 5-ta Tiir ee guusha.

Halkaan ka aqriso qodobada soo socda.

Dooro Hadaf: hadafka waa salaanka sare ee guusha halka yoolkuna uu yahay dhamaad guushasha, -xigasho 5-Ta tiir ee guusha.

Hadaf ka wuxuu kaa caaabinaa inaad guul la taaban karo gaartno adigoo aana ka wel welin, haddaba haddii aad rabto inaad guul gaarto waa inaad raacdo hadafkaaga si aad u xajiiso horumarkaaga.

Haddii aadan laheyn Hadaf kuu gaar ah, ma xaqiijin kartid yoolkaaga waadna ku daali doontaa ilaa aad garato halka uu ku dhamaanaayo yoolkaaga.

Qiimeey noloshaada: qof weliba noloshiisa si ayuu u arkaa, dadkana si ayay u arkaan noloshaada. Haddaba isweydii adiga siddeet u araktaa noloshaada, waa innaad ogaato sidda aad naftaada u arakto.

Waxbadan ayay kaaga baahan tahay inaad ogaato sidda aad naftaada u arakto iyo qofka aad tahay, balse mar weliba iswedii sababta aad u nooshahay iyo waxa laguu keenay aduunyada.

Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Haddaba baar oo raadi meesha aad ku fiican tahay iyo meesha aad ku liidato, ka dib isku day inaad dhaqaajin karto shaqo weliba oo khabasho kaaga baahan waxaadna gaari doontaa guul insha allah.

Dhiiragali naftaada: Haddii aad isticmaalayso ereyo naftaada duminaya ama dib u dhigaayo lagama yaabo inaad gaarto guusha aad fileyso.

Tussaale ahaan; haddii aad aaminsan tahay inaad ku guul dareysan doonto fikirkaaga ama aad isleedahay ma qaban kartid shaqadaan si kasto oo aad u daasho lagama yaabo inaad guul weyn ka keento.

Inaad naftaada dhiira geliso ma ahan inaad waxyaabo badan aad isku dul furto muddo ka dibna aad faraha ka qaado. Haddaba si taasi ay u dhicin waa inaad doorato shaqada aad naftaada ku dhiira gelineyso, adigoo u jeedadaadu tahay inaad horumar ka sameyso shaqadaada.

Haddii aad ku dhiiran tahay naftadaa waxaad ka hortagi kartaa wax kasta oo kuu diidaayo inaad iska nacdo shaqadaada, ogsoonow Haddii aad guul dareysato ma ahan inaad meel fariisato oo isku day weli waxaad haysaa talaabo kale aad isku muujin karto.

Ha aqbalin in lagu niyad jebiyo sababtoo dad badan ayaan jecleyn horumarkaaga, balse maalin ayay ku weyn doonaan sirta guushaada.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore

Si aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku habboon tahay noloshaada.

Published

on

Alle nama uusan siinin nolol xun iyo nolol wanaagsan toona ee wuxuu nasiisay nolol si aan u noolano. Haddaba nolosha kuguma aaminto fadhi iyo cayaar ee waa inaad isweydiiso sababta halkaan aad u joogto?

Dabcan waa laga yaabaa inaad isku aragto inaad tahay qof fashilmay, balse waa muhiim inaad garato hadafka aad u nooshahay.

Qof weliba wuxuu ku noolaanaa nolosha uu doorto mid xun iyo mida wanaagsanba aad adiga ayaa dooran karo. Haddaba waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso siddee ayaad ku dooran kartaa nolol wanaagsan iyo nolol xun?! Cabqarinimada iyo nasiib ka nolosha waxaa la tilmaamaa inay tahay hal jaanis oo dhaliyay fikir wanaagsan, hal ka horumar ka guushana ay tahay hadafka oo diiradda la saaro.

Si’aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku hahboon tahay noloshaada.

Mid weliba oo innaga mid ah waxaa dhibaato ku ah inuu uu fakaro si wanaagsan illaa inta caqliga saaxiibka la ah mooyee. Halkaan waxaan kusoo gudbin doonnaa dhowr siyaadoob oo kaa cawin kara inaad badasho talaabooyin kaagii hore.

U nooloow maanta: waxaan jeclaan lahaa in si gaar ah aan kaga waramo cinwaan kale balse waan sameyn doonnaa haddii uu rabi ogalaado, nolosha maanta waa waxa ugu badan ee horumariya nolosheena waayo haddii aanan laheyn nolol maalinle ah ma jirto hadaf aynu xaqiijin karno.

Maalin weliba aad soo toosto waxay kuu tahay fursad kale aad kaga jawaab celin karto wixii shalay ku dhaafay, haddaba fursadan kama faa’ideysan kartid haddii aadan u diyaarsaneyn.

Nolosha waxna kuma laha jiifka iyo waqti lumiska, marka soo jeed ilaa aad ka xaqiijiso hadaf kaaga, si kasto ay ahaatba u nooloow inaad xaqiijiso hadafkaaga.

Markaad seexaneyso ku seexo inay beri kaaga baahan tahay inaad wajaho sharkeeda iyo qeyr keeda, si maalin kuu bilaabanaayo aad kaga war qabto noloshaada.

Waxaa jirtay beri aan la sheekeysan jiray adeerkeey oo jooga qurbaha inta badan wuxuu igaga sheekeen jiray nolsoha qurbaha iyo sidda ay ula fal gashay noloshooda, wuxuu kale uu ibari jiray xirfada qaab qoraalka hagaagsan.

Haddaba si aad u wajahdo nolosha maanta waa inaad u diraay garowddo ka hor inta aadan seexan si aad ugu faa’ideysato maalin kaaga.

Iska iloow wixii hore: mararka qaar waxaad milicsataa waxyaabo hore kuu maray noloshaada waxay doonnaan ha noqdeen, balse ma haboono inaad waqti siiso sababtoo ah way ku dhaafeen.

Shalay waxay ahayd maalin tagtay, marna lagama yaabo inay soo laabato. Shalay waxay riyadaada ahayd inaad suurta geliso waxyaabo badan balse maanta kuuma aysan hagaagin, ha shalaaynin waayo maanta ayaad kaga jawaabi kartaa natiijada ka wanaagsan shalay.

Mararka qaar nolosha kuuma hiilin karto ee adiga ayaa lagaa rabaa inaad ku hiilato hadafkaaga haddaba maah-maah Soomaaliyeed ayaa dhaheysa “Ninkii seexdaa sacii dibi dhal” haddaba haddii aad seexato adiga ayaa noloshaada u diiday horumar waayo horumarka wuxuu ku saleysan yahay waxa aynu maanta qabaneyno ma ahan shalay wixii naga dhacay.

Qof weliba wuxuu gaf wuu ka dhacaa mana ahan inaan dib u eegno, waayo maanta ayaa kaga jawaabi kartaa fikrad kale oo wanaagsan. Way haboon tahay inaad eegto qaladaadkii kaa dhacay si aad ugu raali galiso haddii aad qof ka gashay, balse ma ahan inaad raac raacdo sababtoo ah waxba kuuma soo kordhinaayo.

Joogteey howlahaaga: si aad u xaqiijiso hadafkaaga waa inaad joogteyso shaqada maalinlaha si aad ugu danbeyn ugu gun gaarto hadafkaaga. Shaqo walbo aad heyso haddii aysan laheyn joogteen ma noqon karto mid guuleysata sabatoo inta badan guushu waxay ku timaadaa adkeysi iyo dedaal.

Dadaal oo sameey wax badan samir u yeelo shaqadaada ugu danbeyn waxaad sameyn doontaa guul layaab leh, sameey hanna yareysan waayo wax weliba aad maanta eber ka tahay maalin ayaa laguugu yeeri doonnaa inaad tahay macalinkii xirfadiisa loogu magac daray.

Wax badan waxaa laga yaabaa inaad aamintay inay noloshaada guul daraystay, balse maanta waxay kuu tahay maalin kale aad xaqiijin karto middaas.

Waxaa laga yaabaa inaad wax badan ka faa’iiday maqaalkan waxaan kaa dalbanaa inaa la wadaagto bulshada inteeda kale mahadsanidiin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah

Waxaad isbeddel ku sameyn kartaa muddo yar oo kooban, laakiin ogaaw hadafka aad maanta go’aansato hubbaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo.

Published

on


Nolosha kaliya kuma siin doonto maalmo qurux badan, ee waxay kaloo wadataa maalmo kalle dhibaato iyo fikir aad la jiifsan doonto.

Marar badan ayaad ka qoomameyn doontaa sidda aad maanta u nooshahay waana sababta keento inaadan u dhabar adeygin maalmihii kusoo maray. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso maxay waxaan oo dhan ay kuugu dhacayaan waxaana kaga hadli doonaa maqaal kale.

Uma baahnid in wax laguu yeeriyo si aad u noqoto qofka aad dooneyso, ee waa inaad adiga go’aansataa cida aad noqon doonto. Waxaa laga yaabaa inay kusoo mareen xilli aad heysato dad badan oo wax kuu sheegaya wax kusiinaya, siddoo kalena ku jecel balse maalmaha kamid ah dadkaasi oo dhan way kaa tagi doonaan ee maxay noloshaada kaga tageen?!

Maanta waxaa laga yaabaa inaynu aad u jecel nahay in badan oo dadka ka mid ah inay na taageeraan ayagoo wax badan diyaar nala ah, haddana sidda ay tahay kagama faa’iidaysano, tani waa sababta keenta inaynu weli u bislaanin rabitaanka guusha aynu u baahanahay inaan xaqiijino.

Dadka waxaa la sheegaa inay isbedel ku sameeyaan muddo 60 sanno, balse hadafka aad maanta go’aan sato hubaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo. Halkan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood aad kaga faa’ideysan karto maalmahaaga quruxda badan ee nolosha kusoo mara. Fadlan haddii aad wax badan ka faa’iido la wadaag bulshada inteeda kale, ka bogoasho wacan.

Saxiibka wanaagsan: Nolosha safar iyo daal dheer kasoo bilowday kumanaan qarni ka hor, haddaba si aan ugu socdaalno safarkaan waa inaan heysano sahay aan kusii socon karno inta uu ka dhamaado safar gaaban. Saaxiibka waa macalinka ugu wanaagsan nolosha wuxuuna ku baraa waxyaabo badan oo aadan war u heyn, haddaba si macalinkeenu uu u ahaado mid daacad ah kaasoo si qurux badan wax noo bari kara waa inaan ka fiirsanaa.

Haddaba haddii aad leedahay saaxiib wanaagsan waxaad leedahay macalin wanaagsan oo wax kaa bari kara safarka noloshaada. Ma noqon karno mid guuleysta illaa aan ka wanaajino nolosheena, ma wanaagin karno nolosheena ilaa aad ka wanaajino shaqsiyaadka aan nolosha kula saaxiibnay. Saaxiibka wuxuu sidaa dhambaal ama risaalad wuxuuna rabaa inuu ku gaarsiyo si aad ula dhaqan noqoto xumo iyo same, balse mar weliba aynu la saaxibno saaxiib noo jiheyn kara guusheena.

Wax qor: In badan oo bulshada ka mid ah waxba kama qoraan xaaladahooda nololeed waxaa laga yaabaa inay sameeyaan wixii maan-kooda kusoo dhaca balse waa laga wanaagsan yahay.

Qoraal kooban ka sameey shaqada aad qabaneyso adigoo isticmaalaayo (stick note) ama xusuus qor si aad ugu buraagsanaato howsha aad qabaneyso.

Ha ilaabin inaad sameyso waqti xadidan oo aad dhameyso howsha si aysan waqti badan kaaga bixin inta aad ku guda jirto.

Qaado waqti dheeraad ah: shaqada waxay leedahay waqti ay dhamaaneydo si kasto kasto ay ahaataba, isku day inaad hesho waqti aad nasato aanan aheyn middka aad jiifsaneyso.

La sheekeyso naftaada si aad u ogaato waxa ka dhex guuxaaya gudahaaga, haddaba si kastaba noqotee isbar inaad si gaar ah naftaada ula sheekeysato si aad uga gun gaarto lag danka ka dhex socda maskaxdaada.

Seexo waqti kugu filan: hurdada waxay ka mid tahay waxyaabaha nolosha faa’iidada u ah, balse waxaan kaga hadli doonnaa maqeelkeena xigga haddii uu rabi ogalaado.

Inaad hesho hurdo kugu filan waxay kuu horseedi kartaa inaad shaqo badan qaban karto adigoo aadan ka caajisin. Inta badan waxaa dhacdo ina lagu dhafro waxyaabo badan oo sameyn ku leh nolosheena sidda, caajis, daal tiro badan iyo wahsiga oo kugu tiro bata.

Waqti walba aad dareento wahsi iyo caajis waxaad jeclaan laheyd inaad jiifsato, balse ka digtoonoow hurdada tirada badan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Bedel fikirkaaga si’uu isku beddelo ficil kaaga – haa waad sameyn kartaa isbeddel

Waxaan umalaynayaa in la gaaray wakhtigii aad noloshaada beddeli lahayd ee diyaar ma u tahay inaad noloshaada beddesho?

Published

on


Waxaa lagaa yaabaa inaad ku fikireyso waxyaabo badan inay kuu hirgalaan, balse waxaa laga yaabaa in fikradahan iyo kuwa kalaba aad ku fukireesay mudo dheer laakiinse illaa iyo hadda uusan mid kuu suurta galin.

Marka dadka intooda badan ay damcaan inay beddelaan noloshooda, waxay inta badan diiradda saaraan dhammaan walxaha dibadda, sida shaqo cusub ama meel cusub ama saaxiibo cusub ama rajo cusub iyo wixii ka dambeeya.

Xaqiiqdu waxay tahay in noloshaada baddalkeedu ay ka bilaabato beddelka sida aad u aragto wax kasta oo noloshaada ah. Haddaba ila dhammeyso qoraalkaan oo aan kusoo koobay qodobada lagaa rabo inaad la timaado.

Waxaa jira dodyow badan oo dunnida horumar ka sameeyay kuwaasoo aan halkaan lagu soo koobi karin, balse maxaa inoo diiday inaan annagana is-weydiino siddee ayaan nafteena horumar iyo fikir wanaagsan ugu dabaqi karnaa si aan u gaarno dadyowga horumar.

Marka lasoo hadal qaado horumar dad badan ayaa mooda in waxyaabo badan yihiin horumar, balse waxyaabaha qaar waa waxyaabo lagu badalaayo naftaada ay ugu horeyso diintaada iyo dhaqan kaaga.

Bulsho horumartay waxaad ka qaadan kartaa wixii quseeya arimaha aqoonta iyo waxa ku saabsan dhaxalka beni’aadamka, si taa aad ugu dayato waxaad u baahan tahay inaad ka fakarto siddee ayay dadkani ku gaareen.

Adigoo aaminsan fikirkii aad shalay ku guul daraystay inaad maantana aad ku howl gasho waa kuu nasiib daro, waxaadna u baahan tahay inaad isticmaasho fikir ka duwan fikirkii shalay.

Haddaba waxaa laga yaabaa in nolosha aad u arakto inay tahay guul darro balse waa sidda aad adiga u fahamtay, haddaba si aad u guuleysato waxaad xooga saarta arimahan soo socda.

Halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood oo kaa caawin kara safarkaaga cusub, fadlan haddii aad wax ka faa’iiday maqaalkan la wadaag bulshada inteeda kale.

Akhriska buuggaagta; waxaa laga yaabaa inaad ku fakareyso maxaa isku xiray fikirka aan aaminsan nahay iyo akhriska. si taasi aa usii fududeeyo maxaa isku xiray akhriska iyo fikirka.
Tanni waxaa laga yaabaa inaad dhowr jeer araktay haddana isma weydiino sababta ay muhiim u tahay.

Akhriska waxa aad akhrinayso waxay ka dhigan tahay adigoo akhrinaayo fikirkii bani’aadamkii kaa horeeyay iyo sidda ay nolosha u arkaayeen. Haddaba haddii ay kugu adag tahay aqrinta buuggaagta waa inaad isbartaa sidda aad ku akhrin laheyd buuggaag kala duwan.

Ku dabaq wax akhriska naftaada si aad ugu wax badan u ogaato, waxayna kaa caabineysaa inaad yeelato fikir wanaagsan. Inaad buuggaag badan aqrido waxaa ka wanaagsan inaad hal buug oo fiican aad aqrido si uu wax kaga badalo fikirkaaga.

Akhriska buuggaagta kuwooda fiican waxay ku dhaxal siineysaa inaad ka fakarto guusha aad u baahan tahay inaad gaarto iyo sidda ay kugu fududaan karto. Haddaba si aad taasi u dooran karto waa inaad wax badan akhrisaa noloshaadana aad bartaa akriska.

Samir yeelo; wax weliba oo isbedel ah waxay kaa qaadan karaan waqti badan, balse ugu danbeyn tilaabada aad qaaday waxay kuu noqon doontaa mid noloshaada ay ku faa’iido.

Ku samir xaalad weliba oo kaaga baahan inaad usoo jeedo, waayo haddii aadan maanta usoo jeedin waxay kugu qaadan kartaa waqti ka badan inta ay hadda kugu qaadan laheyd.

Dadka nolosha horumar ka sameeyay waa dad ku samray shaqada ay naftooda u hayaan, siddoo kalena waa dad ku qancay inay yihiin kuwa sameyn kara horumar iyo guulo waaweyn. Haddaba inaad guul gaarto waxay kaaga baahan tahay inaad ku samirto shaqadaada si noloshaada ugu faa’iido. Si kastaba hanoqotee waxaa laga maarmaan ah inaad yeelato fikir ka duwan fikirkii hore si wax-qabad-kaaga isku badalo.

In badan oo kamid ah bulshada aan la noolahay oo aan jecleyn akhriska qoralaada iyo buuggaagta waxaan ugula dar daarmaa inay muhiim tahay inaan yeelano fikir wanaagsan si wax-qabad-keenu isu badalo.

Intaa ka dib waxaa jirtay, xilli qeybo badan oo Yurub ka mid ah ay ka dhacday xaalado qasan taasoo keentay inuu hoos u dhaco dhaqaalahii ay sameyn jireen. Waxaa su’aashaas la weydiiyay Philosophy-yada jiray xilligaa uu ka mid ahaa Albert Einstein wuxuuna ku jawaabay sidda tan ” Haddii aynu u baahanahay inaan horumar sameyno, waa inaan bedelnaa fikirkeena si uu isku badalo ficilkeen.”

Sheekadan gaaban waxaa kasoo xigtay buugga 5-Ta tiir ee guusha. Waxaan ka cudur daaranaa in buugga oo pdf ah aan hadda haynin balse aan idin soo diyaarin doono haddii uu rabo, intaa ka dib fikirka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dadka hodan ka dhiga siddoo kale sare u qaada sirta nolosha.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Siddeen ku xasuustaa shey aan bartay?

Waxaa jiro waxaa badan oo kordhiya xusuusaheena oo ay ka mid tahay aqrinta buugaagta, Maqaalada, sheekooyinka iyo wax-yaabaha la xiriira curinta

Published

on


Xasuusto waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan nolosha qofka beni’aadamka waana meesha lagu uruuriyo dhamaan macluumaadka quseeya nolosheena.

Xusuusto waa meesha aan ku aruurino waxyaabo kala duwan aana kagala soo baxno si dhab yar, marka laga reebo wax-yaabaha caadiga waxaa jiro waxyaabo badan aysan nolosheena iloowi karin ilaa iyo dhimashadeena.

Inta badan maskaxdeena waxaa ragaadiayay waxyaabo badan aysan ku wanaagsaneyn xusuusaheena kaasoo luminaayo tayada iyo fir fircoonada maskaxdeena. Haddaba waan awoodnaa inaan kororino maskaxdeena si aan wax badan u xasuusano.

Waxaa jiro waxaa badan oo kordhiya xusuusaheena oo ay ka mid tahay aqrinta buugaagta, Maqaalada, sheekooyinka iyo wax-yaabaha la xiriira curinta.

Tanni waa mida ugu wanaagsan ee lagu kordhiyo maskaxdeena waana qeyb ka mid ah aragtiyada gaarka ee lagu kordhiyo xusuusta.

Siddeen wax ku xasuustaa?
Ugu horeyn qofka beni’aadamka ahi mar weliba shey ma xusuusan karo haddii uusan si gaar ah u ilaalin, siddaa si lamid ah waxaa jiro qofka haddii loo sheego eray ama erayo in isla markiiba uu san xifdin karin ilaa iyo uu ku xifdiyo maskaxdiisa.

Siddoo kale haddii ereygaas aadan meel ku qorin masii heyn doonto maskaxdeena waayo wuxuu halis ugu jiraa inuu si sahlan ku lumo.

Markii aad wax xifdineyso waa inaad yeelato eray bixin ama (Keywords) aad ku xariiqdo wixii aad ka fahamtay amase haddii ay tahay erey kugu cusub inaad meel gaar ah ku xariiqato.

Isticmaalka buug yar aad ku xariiqdo erey bixin taada (Keywords-ka), wuxuu kaa caabinaa inaad caadi ah aad ula qabsato inaad xilli waliba aad qaadato. Waxaan kaga hadli doonnaa maqeelkeena xigga sidda loo isticmaalo buug yar iyo faa’iidooyinka uu inoo leeyahay.

Xifdintu waa waxyaabo dad badan ay aqoon u leeyihiin iyo sidda wax loo xifdiyo, balse waxaa muhiim ah inaad xasuusan karto waxaad xifdiday. Siddan oo kale waxaan sameeyay sannadihii ugu dambeeyay ee aan dhiganaayay jaamacada waxayna ii suurta galisay inaan sameysto xirfado gaar ah oo wax badan ku xasuusan karo.

Si aad wax badan u xasuusato wixii aad xifdiday waxay kaaga baahan tahay inaad raacdo talaabooyinkan soo socda.

1, Inaad yeelato xarfo ama astaan ka turjimeyso sidda ay noqon karto cutub-ka aad xifdiday ama su’aal gaar oo aad isleedahay inay ku imaan karto wareysigaaga shaqo (job interviews).

2, Inaad diiradda saarto aqrinta cutubyada gaarka ee kaaga baahan xifdinta, haddii ay ku jiraan sidda qaacidooyinka xisaabta iyo Fiisigiska (physics) waayo waxaa laga yaabaa inay muhiim tahay inaad ka jawaab celiso su’aashaas.

3, Inaad taqaano sidda loo fududeeyo howlaha qaar, waxaan kaga soo hadalnay maqaal hore Farsamada Feynman ( Richard Feynman technique).

Farsamadan oo loogu magac daray Richard Feynman, farsamadan wax-barashadu waxay faa’iido u leedahay qof kasta, inuu ku barto asal ahaan wax kasta oo heer qoto dheer ah, muddo gaaban gudaheed. Halkii laga isticmaali lahaa habka waxbarashada dadban ee waxtarka yar, farsamada Feynman waa hab firfircoon oo wax barasho.

Inaad fududeyso aqrintaada waxay kaa caabineysaa inaad cutub-ka oo dhan aad fahan badan ka heysato aadna xusuusan karto xitaa page-ka uu kaga qoran yahay. waa haadii aad diyaar u tahay inaad isticmaasho maskaxdaada sid ugu sax san.

Gunaanud

Waxaan halkaan ku gunaanudi doonnaa dadkeyga oo inta badan aan jecleyn aqriska, inay muhiim tahay inaan isticmaalno maskaxdeena si aan ugu guul gaarno aduun iyo aaqiro.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Gorfayn2 days ago

Gorfaynta Buugga Dabar iyo Hoggaan

Isir Sooca Beelaha3 days ago

Caddaalad Darro: Muxuu maamulka degmada Wadajir ay ku heystaan Asad Cabdi, haddii uusan dambiile aheyn?

Diblomaasiyadda & Dunidda4 days ago

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay: Maxaa laga filan karaa kulanka ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha adduunku ee toddobaadkan?

Wararka5 days ago

Wadamadii hore ee Faransiiska gumaysan jiray ayaa abuuray isbahaysi milatari

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 weeks ago

Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?

Dhaqaalaha2 weeks ago

Ururka G20 ayaa Midowga Afrika u aqoonsaday xubin joogto ah

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Mareykanka oo joojinaya joogitaanka militari ee Niger – Politico

Wararka2 weeks ago

Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dalka Marooko ayaa dilay in ka badan 2,000 oo qof

Afrika2 weeks ago

In ka badan 60 qof ayaa lagu dilay weerarro lagu qaaday doonyo iyo xero ciidan oo ku taal Maali

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Xagguu marayaa dagaalka dowladda Soamaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab?

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Dowladda Soomaaliya ‘oo wax ka qabaneysa’ arrimo ay ka cabteen saxaafadda

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 weeks ago

Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada

Afrika3 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Gabon ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah

Bariga dhexe3 weeks ago

Israa’iil ayaa furtay safaaraddeeda Baxrayn, saddex sano ka dib markii ay caadi ka dhigeen xiriirkooda

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah

Afrika3 weeks ago

Ruushka oo diidmada qayaxan ku diiday cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee saaran dal Afrikaan ah

Afrika3 weeks ago

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub oo ka fal celiyay afgambiyada Afrika

Afrika3 weeks ago

Afgambi ayaa ka dhacay dalka Gabon – AFP

Geeska Afrika3 weeks ago

Qaramada Midoobay oo soo bandhigtay tirada dadka ku dhintay iska horimaadyada ka dhacay Itoobiya

Xafiiska Wararka3 weeks ago

In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay Koonfur Afrika

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo dib uga guurtay deegaano ay hore uga qabsadeen argagixisada Al-Shabaab

Afrika4 weeks ago

Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaa wada-hadallo uga socday Qaahira, kuwaas oo ku saabsan biyo-xireenka GERD ee muranka dhaliyay

Geeska Afrika4 weeks ago

Taliyaha ciidamada Suudaan Burhaan ayaa ku wajahan Masar, waa safarkiisa ugu horeeyay ee dibadda ah tan iyo colaada

Afrika4 weeks ago

Kooxda Daacish ayaa guulo waaweyn ka gaartay Maali, sida ay sheegeen khubarada Qaramada Midoobay

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Maleeshiyada Taageersan Somaliweyn oo la wareegay saldhig ciidan oo ay leeyihiin maamulka Somaliland

Geeska Afrika4 weeks ago

Madaxweynihii Gobolka Amxaarada ee Itoobiya oo iscasilay – sababta waa maxay?

Wararka4 weeks ago

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda duleedka Ceeldheer

Wararka4 weeks ago

Niger oo eriday safiirkii Faransiiska

Xafiiska Wararka4 weeks ago

Dowladda Danmark ayaa doonaysaa inay mamnuucdo gubista Kitaabka Qur’aanka

Geeska Afrika1 month ago

Itoobiya ayaa wacad ku martay in ay xalin doonto khilaafaadkii galaaftay nolosha 100,000 oo qof

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Muxuu yahay mustaqbalka Macawiisleyda kadib dagaalka Al-Shabaab?

Xul