Connect with us

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Sheekadii Xiise Iyo Jaceyl

Published

on

 


Waxaa beri sheeko adag dhexmartay Xiise iyo Jacayl, waxayna ka wada hadleen arimo badan oo la xiriira sida ay unool yihiin. Waxayna kawada sheekaysteen waayo waayo iyo xaalado cusub oo markaa dunida ka taagnaa. Sheeko dheer ka dib wuxuu hadalku ku bilaabmay sidaan: XIISE: Jacaylow waayadaan hadalkaaga waa igu batee shaqadaadu waa maxay?

JACAYL: Anigu ummaddaan Alle badshay oo ku yaacsan dunidaan ayaa garsoore u ahay. Ruuxii janta ruux kale waxaan ugu yeeraa kalgacayl.

XIISE: Jacaylow dadkaan dunida ku nool ma adaa garsoore u ah?

JACAYL: Dabcan haa anaa garsoore ka ah, anaa ilaasha jiritaankooda.

XIISE: Jacaylow ummaddaan kala irdhowday oo midba meel ujeedo oo maalin walba isqalaya miyaa garsoore ugu noqotay dil, dhac iyo boob. JACAYL: Maya maya ani kama shaqeeyo dil, dhac, iyo boob balse waxaan ka shaqeeyaa siday dadka dunida kuwada nool u noqon lahaayeen ul iyo diirkeed, iskuguna soo dhawaan lahaayeen.

 

XIISE: Alla maskiin sanidaa jacaylow ma dadkaan dunidaan ku kala baahay oo midkastaa dantiisa eeganaayo miyaad jacayl isugu soodhawayn?

JACAYL: Haa waan isugu soodhawayn insha Allaah, balse xiisow adi maxaa qabata?

XIISE: Anigu waxaan ka shaqeeyaa shaqo adag oo balaaran, maalin walba, saacad walba, daqiiqad walba waxaan utaaganahay isku xiisida iyo kala xiisida ummadda dhexdeeda.

JACAYL: Oo kaalay isku xiisid fahanaye waa maxay kala xiisid?

XIISE: Alla maskiin sanidaa, war dadkaan ma jecla jacaylka waxay ka helaan wax saacad un jira saacada kalena baaba’a.

 

JACAYL: Hadday sidaas tahay maxaa marka hore laysugu xiisaya maalayskaba dhaafo shidadiisa?

XIISE: Alla kan yaa wax usheega horaa loo yiri Dabiin far waaweyn baa wax loogu dhigaa war dadkaan ma yaqaaniin run iyo daacadtoona, waxay jecelyihiin maalin un in ay is arkaan maalinta kalena kala yaacaan oo diriraan.

JACAYL: Oo dadku miyay waalan yihiin markay maalin un isku xiisayaan maalinta kalena ay kala xiisayaan?

 

XIISE: Saaxiibow adi ma fahansanid dadkaan maanta koonka ku nool rabitaankooda.

JACAYL: Oo maxay rabaan dadku?

XIISE: Waxay rabaan in hal mar la is arko ka dibna lays hiifo.

JACAYL: Taasi waa waali cad oo saaxiibow maxaa faa’ido ugu jirta?

XIISE: Ummaddaan dhaqankooda ma ahan in ay dulqaad muujiyaan, waxay rabaan in wax walba ku dhammaadaan halmar un bes. JACAYL: Oo hadde taas macquul ma tahay?

XIISE: War adi xagee warku kaa maray ma dhego adagtahay waa waxay dadku kugu neceen jacaylow.

 

JACAYL: Oo yaaban ayaa yiri, dadku maxay igu neceen waxaanba ahay jacayle?

XIISE: Halmar ayuu qac ka siiyay qosol aan siijirin dibnaha, wuxuu eegay jacayl Alla maskiinsanidaa ani mar horaa ku sheegay in aad rafanayso buuro iyo jar oo aan waxba ka jirin.

JACAYL: Sababta iisheeg?

XIISE: Dadkaan maanta jooga daacadnimo waa ka dheeraadeen, wax walbaana waxay jecelyihiin in ay ku soodhameeyaan khiyaali iyo maaweelin.

JACAYL: Macquul ma tahay in dadkaan ay khiyaali iyo maaweelo un lagu wado?

 

XIISE: Haa waa ay tahay sababta oo ah howl maalmeedkooda oo dhan bay gashay. Waxaad arkaysaa qof dhahaya waan sharaxanahay oo waxaan rabaa in aan hogaansho wadanka ee halay doorto? Dadku eegimaayaan aqoontiisa, kartidiisa, aaminimadiisa, dad la dhaqankiisa, cadaaladiisa balse waxa lagu dooran xiise, markii la doortana waa uu dhammaadaa xiisihii sababtoo ah awalba laguma dooran intaan sheegnay waxa lagu doortay waa belaayo waa afmiishaar, waa qof wax la qaybsan kara dadka cunayaasha ah.

JACAYL: Ayaa dhegaha taagay, isagoo amakaagsan ayuu la soo booday walaalow dadka maanta waxa rogay oo saa ugalay, ma xiisaa? XIISE: Waxa uu qac ka siiyay qosol yar, hadda miyaa ogaatay Alla miskiin? Dadka maanta dunida ku nool dhammaantood anay igadaba dheceen?

JACAYL: Oo maxaad ku akhrisaa dadkaas?

XIISE: Waxaan aqaan dabeecadooda, waxay jecelyihiin, waxay neceb yihiin?

JACAYL: Dadku maxay jecelyihiin?

 

XIISE: Taasi waa sir, balse adi waan kuu sheegaya. Waxay ka helaan sheekada gaaban, beenta laysku maaweeliyo, laaluushka, khiyaanada, dagaalka, qabyaaladda, jacaylka beenta ah oo la jilo iwm.

JACAYL: Halmar ayuu la soobooday oo taasi waa waali waa intii la yiri halanaco seebay u jeclaadeen?

XIISE: Adi wali waadan baysaa la jaanqaad dunidaan horumartay oo tiknoolojiyadda cusub ay timid.

 

JACAYL: Ani waxba ka garan maayo waxa aad sheegayso bal ii faahfaahi?

XIISE: Adi dhegaha wax kama maqashid in dab laguugu shido maahane, dadku maanta way kaawada yaaceen oo anaa lay xiisaa mar walba. Waxaad arkaysaa laba qof oo isleh wallaahi waan kuu xiisay ayaantaan iyo wallaahi anaa kaa daran iwm.

JACAYL: Waan arkaa dad kaan dhahaaya waan kuu xiisaa iwm.

XIISE: Dunidaan dadka ku nool dhammaantood waxaan xifdisiiyay magacayga wax kale kuma hadaaqaan?

JACAYL: Oo magacaagu muxuu yahay?

XIISE: Maskiin yaa u sheega, horta aan isku kaa sheego ani waxaa lay dhahaa Xiise dadku way iwada yaqaaniin xataa kan xalay dhashay, waxaan magacayga u cabsiiyay sidii biyihii, mana joogi karaan la’aantay daqiiqadkasta waxay ku hadaaqaan waan kuu xiisay, waan kuu xiisi doonaa iwm.

 

JACAYL: Oo yaaban ayaa yiri ani waan kuu qiray taas, anaaba arkay dad saa u dhaqmaya magacaaga maahane aan wax kale aqoon. XIISE: Haddii wiil iyo gabar isjeclaadaan waxay isku jeclaadaan waa xiise bes un, wiilku wuxuu leeyahay waan kuu xiisay, la’aantaa ma noolaan karo sidee nafta ku qanciyaa xabiibti? Gabadhiina waxay leedahay anaa kaa daran oo la’aantaa maba joogi karo waan kuu xiisaya mar walba.

JACAYL: Tani waa waali macquul ma tahay in labadaa qof gurigalaan oo wada dagaan?

XIISE: Ayaa la soobooday adi waligaa ilbixi maysid, waxaad ku wareegaysaa meelo hoose war ani shaqadayda wax kale ma ahan hal mar itaageer ka dibna inac weeye shaqadayda.

JACAYL: Dhegaha ayuu taagay, oo dadkaan maalin walba is haysta ma xiisaa isugeeyay?

 

XIISE: Haa oo ani dadka dunida ku nool boqolkiiba sagaashan iyo sagaal waa itaageersan yihiin.

JACAYL: Oo dadkii oo dhan adaa ka xaystee maxaad ku akhrisay?

XIISE: Miskiin dadku way ku neceb yihiin adi jacaylow?

JACAYL: Inta uu yare xanaaqay yiri ma anaa dadku ineceb yihiin maxay igu neceen iisheeg?

 

XIISE: Isdeji marka hore buuq looma baahna iyo is adayg, waxaa loo baahan yahay in aad isdebciso lana jaanqaado dunidaan wada xiisaha ah. Mida kale aan kuu raacshee dadku waxay kugu neceen;-

  1. Daacadnimo
  2. Waqtigaaga oo dheer

JACAYL: Yaab ayaa ka soo haray, wuxuu dhahay oo dadku ma waxay neceb yihiin daacada iyo waqtiga dheer?

XIISE: Haa waa inta ay adi kugu neceen, waxay ummaddaan maanta joogta jecelyihiin waa beenta laysku sheego waan ku jeclahay oo afka baarkiisa ah iyo waan kaa helay, waan kuu xiisay iwm. Halna aan kugu daree ummaddaan ma jecla waqtiga dheer waxay ka helaan waqtiga gaaban sida ardayduba uga helaan koorisyada laga baxsho iskuulaadka, macaahidda, jaamacadaha iyo bareefadada ayay iyana uga helaan sheekooyinka ku dhisan khiyaaliga iyo xiriirka ku yimaada beenta iyo waan ku jeclahay.

JACAYL: Waxa uu taagay dhegaha isagoo la yaaban xiise waxa uu ka sheekaynaayo.

XIISE: Ayaa arkay jacayl oo fekeraya, markaas ayuu ku soodhawaaday oo  ku yiri waxaan ku barin sir laakiin cidna ha u sheegin? JACAYL; Baa soobooday oo yiri iisheeg cidna u sheegi maaye? XIISE: Waxaa layskugu xiisaa waa lacag haddaadan haysan waxba kuu socon maayaan, xiise un baa lagu jirin.

 

JACAYL: Oo xiisow lacagtana ma la isku doortaa?

XIISE: Haa waa laysku doortaa, waxaa arkaysaa laba qof oo isku xulanaya lacag, markay dhammaatana waxaa dhammaada xiisaha, halkaasna waxaa ka dhasha dagaal iyo adaan dadka kugu nebcahay iyo dalqadahayga imaqashii.

JACAYL: Oo adi xiisow miyaadan ka baqayn in aad boqolkiiba xabada sooharta aad calaf ku yeelato?

 

XIISE: Haa markaan dadka kala geeyo ayaa aakhirka ugu dambaysa usoo dhaadhicin runta. Oo waa tii la yiri ( Luuq luuq marow laasim laamiguu imaan).

JACAYL: Saas hadday tahay maxaa dadka uwaalaysaa?

XIISE: Maanta waxaa la la’yahay wax mashruuc laga dhigto marke tani waxay ka mid tahay mashruucyada ugu waaweyn ee soomaaliya hadda ka jira.

 

JACAYL: Ani kuma jiro badaas, waxaan ku dadaalaya samata bixinta ummadda la waalayo.

XIISE: Horta maxaad samata bixisaa, yaa haysata oo ku taageeraya?

JACAYL: Ani waxaan haystaa taageero ah 1% dadka dunida ku nool iyo maxamuud toolmaan.

XIISE: Muxuu kuu qabtaa ninka aad magacawday?

JACAYL: Waa lataliyaha arimaha ummadda wanaagooda iyo sida ay muxubi ugu wada noolaan lahaayeen dadyawga dunida.

 

XIISE: Wuxuu yiri:’

Jacaylow ummaddaad u doodaysaa

Waa duul aan wax maqaloo

Kii debinka idhiga iyo

Kii darajo sare gaarsiiya

 

Waa dad ay isugu mid tahay

Adna jacaylow dunidaan waalan

Dantaada ka raacoo

 

Ama dood iyo dagaal ujoog

Ama dacwad iyo maxkamad ujoog Ama meel xilliyo darxumo ku dhimo

 

JACAYL: Wuxuu ku jawaabay:-

Xiisow hadalkaa itiri

Haddii aan dib u dhuuxay

Haddaan weeleeyoo rogrogay

 

Hawraartaadu dhabweeyaan

Ummaddaan kala haajirtay

Midba hoon qabtay

 

Hubkiyo rasaasta laysugu dhiibay

Waxa hooyo asayda qaadiyo

Haboonkeedii laga dilay

 

Haween iyo raggoodii

Hoy wada daganoo

Kii habeen qudha

Hoogayeey kaga yeersiiyay

 

Saw xiisow adi matihid.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da’yarta, jaceylka iyo dadka tabaalaysan. Dhinaca kale qoraaga ayaa wax ka qora ganacsiga, siyaasadda, dhaqanka, kheyraadka dalka, Af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska iyo taariikhaha dalka. Qoraa Maxamuud ayaa mar walbo u taagan sidii uu geed-dheer iyo geed-gaabanba ugu fuulilahaa sidii uu usoonoolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummadda Soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Raxmo-yarey yaa uureeyay?

“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”

Published

on


Qolalka fadhiga waxaa goglan furshaan iyo barkimooyin debecsan, halkaas ayaana hurdo iyo soojeedba lagu danaystaa. Dhawr nin oo isyaqaan ayaa joogto ku ah, laakiin dumarka maalin maalin ayaa loo beddelaa. Ta keliya ee ku raagtay waa Raxmo-Yarey oo adeegto ku magacaaban si walba se looga muraadsaday.

Fillada cad macaamiishu rag iyo dumarba aad ayay u jecel yihiin. Waxaana u badan rag ka tirsan xafiiska Villada ee maamulka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud. Waa guriga mooshinada lala damacsan yahay madaxweyne Xassan iyo ra’isul wasaarada Xamse loogu hortago. Waxay ku dhex taal xaafad u dhow xafiiska loogu arrimiyo dalka, ahna meel deggan kana durugsan indhaha foqorada ee xaasidka ah ee maamulka neceb. Waxay ula baxeen Fillo Adduun. Fureheeda dhawr nin oo isku kalsoon baa haysta. Waa lagu wada danaystaa laguna ka la danaystaa. Kharashka tumashada la isku ma riixriixo ee hadba ninka ay gacantiisu jeebka u horrayso ayaa bixiya. Khamri, qaad, heeso, cunto iyo galmo ayaa lagaga haqab la yahay. Dumarka meesha lagu quutaa waxay u badan yihiin gabdho aad u yaryar oo dhaylo loola baxay oo faqrigu ka hiiliyay. Waxay sheegtaan rag Ilaahay wax siiyay, balaayo ayaa se wax siisay.

Gabdhaha qaarkood ee Fillada cad yimaada waa kuwa jirkooda ku bedeshay shaqo inay xafiisyada dowladda ee maamulka ka helaan daruuftana ay ka hiilisey. Fillo Adduun waxaa ku meegaaran derbi saddex mitir dhulka ka kacsan, waxayna lee dahay beer qurux badan oo dhir, doog iyo ubax ah. Ganjeelo cas oo bir ah ayaa laga soo galaa, dabadeed wadiiqo jay ah la raacaa ilaa albaabka looxa ah ee guriga la gaadho. Wuxuu ka kooban yahay kijo weyn, laba musqulood oo qubays leh, fadhi weyn, qol cunto iyo shan qol oo kale.

Raxmo waxay ugu dambaysay gabdho badan oo adeegto ka soo noqday Filla Adduun, kuwaas oo ay mid waliba maalmo yar gudahood shaqada ka cararaan. Dhammaan waxay ka argaggaxeen xayodarrada meesha ka socota, iyo isla markaas ragga aan xishoodka aqoon ee Cabdulle iyo Qorane ugu horreeyo, kuwaas oo inta ay kijada ugu galaan kor iyo hoos meesha ay gacantoodu gaadhi kartaba gaadhsiiya, wax aanay u soo shaqo teginna ka qalqaashada. La ma tirin karo inta gabdhood ee sababtaas shaqada kaga tagtay. Laakiin Raxmo waa ay ugu miskiinsanayd ama ugu dulqaad badnayd.

Da’deedu waxay ahayd toddoba iyo toban jir, laakiin ka ma ay dheerayn mitir iyo afartan, culayskeeduna afartan wuu ka hooseeyay. Waxay ku dhalatay Afgooye, waxayna kasoo jeedaa qabiilada lagu sheego .5 (4.5 qabiilada laga tirada badan yahay oo dowladnimada soomaaliya xaqirtay) waxay kas iyada oo sagaal jir ah markii ay hooyadeed dhimatay ayuu aabbaheed Xamar ku guursaday naag kale oo Raxmo aad ugu darrayd. Nolol silic leh oo guriga aabbaheed ee aan laga jeclayn iyo ka habaryarteed ee faqiirka ah u dhaxaysa ayay ku soo kortay. Weligeed dugsi ma ay dhigan, iyada oo kow iyo toban jir ah ayayna markii ugu horreysay adeegto noqotay taas oo ay habaryarteed u soo heshay. Markaa ka dib dad ka la duwan ayay xirfaddaa ugu soo adeegtay, kuwaas oo ay qaarkood ka soo martay waayo’aragnimo xun.

Qurux lagu ammaano ma leh, laakiin dadkeeda waa ay iskaga dhex jirtaa. Gaabnaanta iyo lafo yaraanta dartood jeer wejigeeda la arko waxay u eg tahay ilmo yar. Waxay nolosha kaga riyootaa oo keliya nin jeclaada oo guursada kana saara adeegtonimada. Laakiin nin gol qabateeya mooyee mid guur ka la hadla waxaa ka jiray oday lixdan jir ah, kaas oo ay qoyskiisa beri adeegto u ahayd. Isagana shaqadiiba waa ay uga carartay iyada oo leh: “Duqaan quxuubka ah fiiri! Aniga qof oo isnacday maas ii malaynaa?”

Guriga waxa ka dhaca iyo dadka isku roorsada iyadu ma jecla laakiin dan ka ma gasho. Iyada oo heeso hindi ah iyo kuwo banaadiri ah marba mid qaadaysa ayay shaqadeeda si daacad ah u gudataa, taas oo ka kooban cunto kariska, nadaafadda iyo u adeegga dadka halkaa ku laacdama. Habeenka ay shaqada ku daahdo ama aad u daallan tahay waxay isaga hoyataa qolkaa kijada ku xiga oo ay kuwii iyada ka horreeyayna seexan jireen. Hawsha gurigu ha iska dhib badnaato, jawigana ha ku diiqadooto, laakiin dhaqaale ahaan raalli ayay ka tahay oo mushaharkeedu adeegto ku ma xuma, dadka guriga ku tuntana dhacdhac ayay ka heshaa. Iyaguna Raxmo-Yarey ayay u la baxeen oo waxay ku jecel yihiin daacadnimada iyo dhego nugaylka.

Maanta martidu waa ay badnayd, hawshuna waa ay cuslayd. Saqdhexe ayay Raxmo iyada oo aan daal isqaadi karin furaashkii qolkeeda dhulka yaallay isku tuurtay. Iyada oo aan dhinaceedu gogosha gaadhin ayay gama’day. Laakiin dadkii iyagu weli waa ay bulaamayaan oo cawayskooda fari ka ma qodna. Goor dambe iyada oo hurdo mayd uga dhow, ilayskuna u dansan yahay, ayay ku toostay gacmo waaweyn oo jidhkeedii yaraa dhan walba u xulaya, timo qodxo la moodo oo dhabanka ka mudmudaya iyo neef ay sigaar iyo khamri ka buuxaan.

“Yaa waaye?… Yaa waaye?…” ayay ku qaylisay iyada oo argaggaxsan.
“Usuus! Raxmo, waa Qorane ee aamus!”

“Adiga ma waalatay, Qorane? I dhaaf, i dhaaf, iga kac aniga gurigaaga haddaan kaaga baxaaye…”

“Ramxo, miskiinnimada iska daa, kaniba waa gurigaagii ee xaggee baad ka aadaysaa”, ayuu ku yidhi, isaga oo isla markaa yartii sidii libaax sagaaro qabtay laabta gashaday dharkii yaraana midba dhan uga tuuray.

“I dhaaf aniga, i sii daa aan ku dhahay. Iga kac! Waa i xoogee miyaa? Alla aaboow!…”

Iyada oo sidaas u cataabaysa ayuu ka dan dhammaystay. Kuwii kale markaas waa ay wada hurdeen, haddii se ay qaylada iyo baroorta Raxmo ku toosi lahaayeen sakhrad iyo qaaddiro ayay la daateen oo dadka xabaalaha ku jira ka ma duwana.
Markaa ka dib wuxuu bilaabay in uu maslaxo oo ku yidhaahdo: “Raxmo, maxaad la ooyaysaa, wax naag lagu sameeyo wax ka badan miyaan kugu sameeyay? Waan ku jecel ahay, haddii aad rabtidna waan ku aroosaa, gurigan aad ka shaqaysana adiga ayaa yeelanaya.”

“Arooskaagana ma rabee i dhaaf aniga”, ayay tidhi oo sii ooyday. Raxmo-Yarey caawa ayaandarro u dhimani ma jirto. Nolosheeda wax qiimo u leh oo ay ilaashato waxaa ka jiray gabadhnimadeeda oo ay aad ugu soo faro adaygtay, cadaw badanna ka soo badbaadisay, tiina waa taa caawa balaayo hurdada ku miratay. Habaryarteed iyo aabbaheed haddii ay u dacwooto maxay u qaban karaan? Muraayada yar ee ka burburtay miyaa ay u soo kabkabi karaan? Dawlad loo dacwoodaa ma jirtaa? Oo dawlad aan Negeeye ahaynba ma iyadaa taqaan. Ilaahayoow aniga sidee yeelaa? ayay ku calaacalaysaa. In ay mustaqbal la’aan tahay, cid wax dambe ku falaysaana jirin, ayay hubtaa. Qalanjadii hindiga ahayd ee webiga isku ridday ayay soo xasuusatay. Anigana in webi isku rida waaye, nolol maa ii hartay? ayay ku fekeraysaa.

Aroortii xigtay dadkii qolka cuntada u soo quraac doontay waa ay ku hungoobeen. Raxmo-Yarey sidii xalay ayay sariirta uga ooyaysaa. Qorane ayaa iyada oo halkii duuban u soo galay, oo inta uu sariirta dacal kaga fadhiistay mar kale sabaalin u galay.

“Raxmo, sidaas ayaad ii neceb tahay miyaa? Qoftaadii jacaylkeedu iga batay, ee aan rabay in aan arooso, ee aan iyada darteed naagihii kale oo dhan u la hadli waayay, miyaa sidaas ii neceb?”

“Jeceelkaagana ma aqaane ammaan lee aan kaa helo. Jeceel ku lahaa! Xoog maa jeceel eh?”

“Raalli ahow, Raxmo. Ii sheeg abbaayo wax aan kuu qabto. Maxaan kuu soo gadaa? Waxaad rabto maanta afkaaga ka sheego.”

“Waxaan kaa rabo ma leh ee mar leh ammaan i sii.”

“Bes waaye, anigaa haddaba wax fiican kuu soo gadaya oo kaaga farxinaya, naag aan adiga ahayna ma guursanayo. Okeey?”

Maalintaas gelinkii dambe markii uu Qorane guriga ku soo noqday Raxmo-Yarey geed beerta ku yaal ayay hooskiisa fadhiday oo dhabanka iyo gacanta isku haysay. Taa wuu ku farxay, waayo awal wuxuu ka baqayay in ay aabbaheed iyo habaryarteed u cararto oo fadeexadayso. Maxay carartaa in ay nooshahayba ma iyadaa isu haysata. Wuxuu mar kale bilaabay in uu maslaxo, wuxuuna siiyay

iskujoog uu u soo iibiyay oo ka kooban garbosaar, guntiino iyo kabo.

Cabbaar kale ayuuna sii maslaxay.

“Wax ma ku warsan karaa?” ayay goor dambe u tidhi si lamafilaan ah.
“Haa, waad i warsan kartaa.”
“Waa ku aroosaa ma dhihinoo?”
“Haa, i ma rumaysnid miyaa?”
“Shimee hee?”

“Marka aan hawlo iga ka la daadsan isku hagaajisto.” “Habaryartay Iisho ma u sheegi karaa?”

“Raxmo, adiga maxaad dabbaal isaga dhegee? Dadka aan gabadhooda guursanayo in aan anigu u tago oo lacag u geeyo oo wayddiisto ma ahoo? Marka aan diyaar noqdo aniga ayaa si sharaf leh ugu tegaya ee adigu cidna ha la soo qaadin, yaa?”

“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”
“Bes waaye, i aammin, boqolkiiba boqol.”

Weli beerta ayay joogeene inta uu laabta ku qaatay ayuu sariirta qolkiisa la tegay, oo isaga oo in uu ninkeedii yahay ku sasabaya ka haqab beelay.

Maalintaas ka dib sidii ay xaas u tahay ayuu marka uu doono ku jimicsan jiray. Iyaduna far ma dhaqaajiso oo haddii ay diidi lahayd waxay ka baqday guurkii uu u ballan qaaday in uu kaga baxo. Ma ku rabee bax haddii i dhaho intee aadaa? Qof oon gabar eheen yaa rabo? Maya, ma ku dhahaayo. Ilaahoow ha i ceebeen! ayay mar kasta ku fekertaa. Sidaas ayay rajo ku nool u ahayd, markaa ka dibna shaqada guriga adeegto ahaan u ma gudato ee gurigeedii ayay ka dhigtay.

Qaybta ay jimanku ku xeroodaan in ay shaqo u tagto mooyee wax kale ku ma darsato, marka ay wax geynaysana albaabka ayay garaacdaa oo ka dhiibtaa. Wax walba se waa ay la socotaa oo marar badan ayay indhaheedu la kulmeen rag iyo dumar candhooyin qaawan isla dhex fadhiya oo Negeeye ka mid yahay, dabadeed yaxyax dib u la carartay.

Waa ay ka masayrtaa naagaha uu Negeeye wadwado, marka ay isaga ka la hadashana sidii qof dhaandhaamad ah ayuu ugu sheegaa in ay wada qayilaan keliya ee aan wax kale ka dhexayn. Iyadu runta waa ay og tahay ee in ay ku qayliso ama canaanato ayaanay ku dhicin. In uu ku xanaaqo dabadeed guriga ka eryo guurkana kaga baxo ayaa wax walba kaga daran.

Waa ay la yaabban tahay dadkan aan isqabin ee habeen iyo maalin sidaas isu dhex fadhiya. Dadkaan yaab waaye! Noloshooda dhan saan miyaa? Dad oo waaweyn waayee ma isku sheexaanoo? Jaad leh cunoowyiin, beesadooda wax kale ma ku gataanoo? Heesahooda dhanna af baadiye waaye oo wax ma laga fahmooyo. Kan oo Cabdulle la dhahaayo aaba iigu daran. Faras aa tahay ku ma lahoo! Faras Alle kaa dhig, ree baadiye waaxid! Qof dhan oo bani’aadan eh aas faras ku sheegaa! Waxay ujeeddaa Cabdulle oo isaga oo doonaya in uu ammaano maalin ku yidhi: “Waxaad tahay faras.”

Qorane marmar ayuu Raxmo isku maaweeliyaa ama marka aanu wax dhaamo haysan ayuu naf ka dhigtaa ee macne kale uguma fadhido. Laakiin iyadu waa ay isu dhiibtay oo marka uu waqtigu sii durkaba rajada guurka ayaa u soo durkaysa. Maalin iyada oo qado karinaysa ayay madax wareer iska dareentay, haddana yalaalugo, ka dib hunqaaco ka wareegtay. Waxay yeelatay uur. Iyada oo welwel iyo baqdin la kurbanaysa, dhanka kalena rajaynaysa xaaladda cusubi in ay guurka u soo dedejiso, ayay arrinta Negeeye u sheegtay. Isaguna shiddaba isma uu gelin ee wuxuu bishaaro uga dhigay:

“Waxba ma aha, berri ayaan dhakhtar kuu geynayaa oo lagaa soo tuurayaa.”

“Lagaa soo tuuraa? Maxaa jira, ilmaheennii maa hinoo maxaan isaga tuureeynaa? Hore lee maan iska aroosno?”

“Maya, Raxmo, hadhow labaatan ilmood haddii aad rabtid dhal, laakiin hadda inaga dhaaf. In aan diyaar garoobo oo aroos fiican oo la isu sheego inoo dhigo ayaan rabaa.” “Bes waaye, waa ku aamminaa.”

Subax subaxyaasha kamid ah ayay Raxmo-yarey soo gashay shaqadeedii Fillo Adduun oo ay ku horreysay markii ay ganjeelada garaacday waxaa ka furay laba nin oo aanay weligeed hore u arag. Waxay malaysay in ay yihiin madaxdii uu Qorane xalay sheegayay ama waardiyahoodii.

“Haye, yaad rabtay?” ayay wayddiiyeen.

“Guriganaan degganahee, Qorane weli madaxdii maas la joogto?”

“Madax maxay ah?”

“Qorane ma joogoo?”

“Qorane ma joogo, gurigana waa laga gataye, adigu tumaad tahay?”
“Waa laga gatay? Yaa ka gatayna? Isagii aaway?”

“Annaga ayaa ka gadannay, isaguna meel uu jiro ma naqaane, adigu tumaad tahay?”

Raxmo in kasta oo xaaladda loo sharxay haddana waa ay fahmi wayday. Habeenkii ay gabadhnimadeeda wayday si aan ka yarayn ayay u naxday. Markaas ayay isku soo daysay gurigan Cabdulle oo ay taqaannay. Isaga oo sidii sariirta u daadsan ayay wayddiisay:

“Cabdulle, abboo Qorane ma aragtay?” “Qorane ma arage, waan jirranahaye iga bax.” “Gurigii waas gadaa la dhehee run miyaa?” “War u ma hayo.”

“Afkana maxaa kaaga dhacay? As maa isdagaasheen?”
“Isaga ayaanu isdagaallay, haddii aad aragtidna xabbad baan ku dhufanayaa ee u sheeg.”

Hadalkaas wuxuu uga dan lahaa in aanay Raxmo mar dambe ku soo noqon oo Qorane wayddiin, iyadu se waa ay rumaysatay oo iskaga tagtay. Dhawr cisho ayay ku qaadatay in ay fahamto xiriirkii iyada iyo Qorane in uu ahaa ruwaayad ay iyada qudheedu qalanjo ayaandaran ka ahayd. Waxay ka fekertay in ay Afgooye aaddo oo Webi Shabeelle isku riddo, sidii ay hindiyaddii filinka ka aragtay.

____

Sheekadan waxaa laga soo dhan-balay buugga Aanadii Nageeye ee uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd sheekadani inay xittaa waaqiga maanta ee dalkeena ay taabanayso, horeyna dhowr gabdhood oo aan aqaano ayaa iigaga sheekeyey waxyaabaha ay kala kulmeen wasaaradaha dowladda iyagoo shaqo raadis ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

10 Talo oo ku saabsan sida loo helo guusha nolosha

Waa qodobo kuu sheegaayo sida guusha loo qeexay iyo sida aad ku gaari karto. “Sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.”

Published

on


Guusha waxaa inta badan lagu qeexaa kartida aad ku gaari karto yoolalkaaga nolosha, wax kasta oo hadafyadaasi ay noqon karaan. Siyaabaha qaarkood, kelmadda ugu wanaagsan ee guusha waxay noqon kartaa guul, ama horumar aad gaartay. Waa safar aad u baahan tahay inaad hesho waxyaabo kaa caawin karro horumarinta xirfadaha iyo agabka aad u baahan tahay si aad u horumarto.

Sababtoo ah yoolalka waa kuwo si gaar ah loo abuuro, dadku sida ay u arkaan guusha way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xiran tahay baahidooda, hadafkooda, iyo xaaladahooda nololleed.

Waxaa jira habab badan oo kala duwan oo loo maro sida aad nolosha ugu guulaysan lahayd, laakiin qaabka ugu fiican ee u shaqaynaysa guushaada waxa ay ku xiran tahay waxa ay guushu adiga kuu tahay iyo aragtida aad ka qabto. Haddii aad u malaynayso in guushaada tahay inaad shaqadaada ku wanaagsanaato ama aad kasbato mushahar sare, waxaad mudnaanta koowaad siin doontaa kor u qaadista yoolalkaaga xirfadeed.

Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.

Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto. (Qoys, xiriir jaceyl, tacliin, iyo iwm ayaa ah kamid ah guulaha qaar ee ku horyaallo).

Nooc kastaba ha noqoto guusha aad raadinayso, maxaa kor u qaadi kara fursadaha gaarista guushaada? Waa maxay qaar ka mid ah caadooyinka dadka guuleysta? Ma jirtaa waddo keliya oo sax ah oo lagu guuleysto?

Marwalbo shuruudaha guushu waxay ku xiran tahay macnaha guud ee aad ku qeexi karto. Hal qof ayaa laga yaabaa inuu u tixgeliyo guul waxa uu qof kale u arko inay tahay guuldarro.

Waxaa laga yaabaa inaysan jirin su’aalo isku-dhafan oo dammaanad qaadi kara guushaada. Weli, waxaa jira tallaabooyin aasaasi ah oo aad raaci karto kuwaas oo hagaajin kara fursadahaaga inaad ku guulaysato noloshaada iyo shaqada.

1. Ku dedaal korriimaha maskaxdaada

Cilmi-baaris ay sameysay aqoonyahanka cilmi-nafsiga Carol Dweck ayaa soo jeedinaysa in ay jiraan laba maskaxood oo aasaasi ah oo saameeya sida ay dadku uga fikiraan naftooda iyo kartidooda: maskaxda go’an iyo maskaxda koritaanka. Waxay muujisay in saadaalinta guusha aysan dhib lahayn haddii qof hibo leeyahay iyo in kale. Waxa muhiimka ahi waa in qofku aaminsan yahay in uu guulaysan karo.

Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in waxyaabaha ay ka mid yihiin naftooda aysan isbeddelayn. Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in guushu aysan ahayn natiijo shaqo adag lagu gaaro – ee ay tahay in si fudud iyo nasiib lagu gaari karo.

Sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in hibada noocaas ahi ay tahay wax ay dadku ku dhasheen, waa dad si fudud uga tanaasula caqabaddaha horyaalla. Waxay joojiyaan hawlaha horyaallo marka arrimuhu si sahal ah ku imaan waayaan sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay ka maqan yihiin xirfadda dhalanteedka ah ee looga baahan yahay inay sare u qaadaan.

Kuwa leh maskax korriin leh, dhanka kale waxay dareemayaan inay bedeli karaan, kori karaan, waxna ku baran karaan dadaal joogta ah. Dadka aaminsan inay awoodaan inay kori karaan waxay u badan tahay inay gaaraan guul. Marka arrimuhu adkaadaan, waxay raadiyaan habab ay ku horumariyaan xirfadahooda oo ay u sii wadaan ka shaqaynta guusha.

2. Rumayso naftaada
Talaabada koowaad ee guushu waa in aad rumaysato naftaada iyo kartidaada aad ku gaari karto hadafyadaada. Haddii aadan adigu aaminsanayn, cid kale ma rumaysna.

3. Deji yoolal aad gaari karto

Dadka guulaysta waxay ogyihiin inay u baahan yihiin inay ku bilaabaan hadafyo la gaaRi karo si ay u gaaRaan hadafka nolosha. Hadafyadani maaha kuwo fudud in la gaaro, laakiin markaad haysato wax aad hiigsanayso, waxaad si fiican u awoodi doontaa inaad hore u socoto oo aad ka gudubto caqabadaha.

4. Bilow ficil

Ha fadhiisan oo kaliya ha sugin inay wax walbo kuu qabsoomaan. Maalin kasta ka shaqeey yoolalkaaga hadaf ee aad leedahay.

5. Xoogga saar tamartaada

Ha isku dayin inaad wax badan samayso hal mar. U fiirso tamartaada waxyaabaha ugu muhiimsan ee kaa caawin doona inaad gaarto yoolalkaaga.

6. Samee xiriir wanaagsan

Xidhiidhku waa lama huraan guusha. La dhis xiriir adag dad ku taageeri kara oo kaa caawin kara inaad gaarto hadafyadaada.

7. Wax ka baro khaladaadkaaga
Qof kastaa wuu qaldamaa. Muhiimadu waa inaad wax ka barato khaladaadkaaga oo aad horay u sii wado halgankaaga.

8. U dabaaldeg guulahaaga

Waqti u qaado si aad ugu dabaaldegto guulahaaga inta aad safarka ku jirto. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad isdhiirigeliso oo aad horay u socoto.

9. Ku adkaysta dib u dhaca

Qof kasta waxa uu la kulmaa dib u dhac wakhti ka waqti. Ha ka niyad jabin yoolalkaaga marka arrimuhu adkaadaan. Ku adkayso dib u dhaca oo hore u soco.

10. Naftaada dhiirageli marwalbo

Inaad marwalbo firfircooni lahaato way adag tahay sababtoo ah waxaa kugu heeraarsan bulsho iyo asxaab kala duwan oo adiga ku niyad jebin kara. Qof walba waxa dhexdiisa ku loollama dabeecado badan oo iska soo horjeeda, iskuna liqdaaran oo ay kala doorashadoodu adag tahay haddii aanay ruuxdu noolayn.

Waxaana xaqiiq ah in qofwalbaa inta uu ku nool yahay koonkaan wuxuu ku hammiyaa shey, sheygaas ha yaraado ama ha weynaado. Tusaalle ahaan dad ayaa waxay ku hamminayaan inay helaan guryo qurux badan, lacag badan, iyo shirkado waaweyn. Dadka qaar waxay ku fikirayaan inay helaan qofka ay nolosha ugu jecel yihiin. Shaqsiyaadka qaarkiis waxay ku fikiraan inay noqdaan madaxweyne ama jecel inay qof walba caawiyaan. Dadka qaarkiis ayaa maskaxdooda waxaa ka guuxa kaliya sidii uu u guursani lahaa. Nin baa wuxuu ka fikiraa sidii 5 cunug uu dhalay iyo hooyadooda wax ugu keeni lahaa.

Dhiirogelinta naftaada, sida ugu wanaagsan ee aad ku heli karto dhiirogelin dhammeystiran waa inaad doorato hadaf aad adiga jeceshahay sida inaad wariye noqoto, siyaasi ana barafasoor, dhaqtar iwm. Marka aad u xiisayso waxa aad samaynayso, waxa aad u badantahay in aad guulaysato. Soo hel shay aad xiisaynayso oo qalbigaaga oo dhan ku daba gal.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?

Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada

Published

on


Ugu horeyn guushu ku timaado cayaar iyo hurdo ee guushu waxay dadaal iyo waqti dheer oo aad geliso hadafkaaga iyo himilooyinkaaga.

Haddaba si aad u guuleysato waa inaad yeelaa hadaf aad ku socdaashu si uu kuugu hago wadada guushaada, nolosha waxna fudeed laguma helo ee waxay u baahan yihiin inaad juhdi geliso si aad ugu danbeyn ugu guuleysato.

Markasta oo aad gurigaaga kasoo baxdo meel ayaad u socdaaleysaa si aad u gaarto amuurahaaga gaarka ah. Bal ka waran haddii aad gurigaaga kasoo baxdo adiga oo aadan aqoonin halka aad u socdaaleyso.

Inaad hadaf yeelato waa waxa kuu sahli kara inaad guuleysato adigoon ku wareerin, haddii aadan hadaf laheyn codowgaa hortii ayaad jabeysaa.

Nuxurka aan ula jeedo ayaa ah subbax weliba oo kuu dhasho inay tahay qeyb ka mid ah cimrigaaga kaasoo lagaaga baahan yahay inaad aqbasho qeyr iyo shar.

Maskaxdu waa mashiin ay maalinttiiba kasoo baxaan fikrado badan oo aan tiro laheyn. Fikradahan ayaa isugu jira kuwa qeyr sheeg ah iyo kuwa shar sheeg ah, haddii aad maskaxdaada usoo bandhigto fikir waxaa is hardin doonno labadan ficil kusiin doono jawaaba kala duwan.

Tusaale ahaan, waxaa tahay qof muddo shaqeynaayay oo uruur saday lacag tiro badan waxaad go’aan satay inaad yeelato ganacsi wax ka badala noloshaada, haddaba inta aadan ku dhaqaaqin go’aankan ayaa maskaxdaada laga yaabaa inay kuu sawirto adigoo ganacsi sameystay sidoo kalena guul aad ka gaarto noloshaada.

Si taa la mid ah maskaxdaada ayaa laga yaabaa inay kuu sawirto adiga oo khasaaray siddaa darteedna ay kugu gaba gabeyso inaad ganacsi aqoon u laheyn aadna iska dhaafto.

Waad aragtaa hardanka ka jira maskaxdeena haddii aad aaminto in aadan guuleysan Karin waa sax oo ma guuleysan kartid, laakiin haddii aad aminto inaad guuleysan karto waa sax oo waa guuleysan kartaa kalliya aqbal inaad uso jeedo dhibaatooyinka ku horyaala.

Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada.

Dhiiri geli naftaada

Waa inaad ku kalsoonaataa naftaada oo aad wax weliba hagaagjin karto maalinba maalinta ka danbysa. Waa in aadadan isyareysan, iskana dhaafto ereyada naftaada duminaayo.

Waa inaad ogaataa inaad tahay qof bani’aadam ah, wax soo kordhin kara oo aan ciyaar loo abuurin. Waan inaad noqoto qof saamaxaad badan oo haddii gef laguu geysta cafin kara, hana noqon ruux uruuriya xumaha.

Waa inaad aqbali karto haddii adhaliil aguu jeediyo, hana u qaadan qof kasta oo ku dhaliilaayo inuu yahay cadowgaaga, waxaanad aamintaa haddii uu jiro qof ku dhaliilaya siddoo kale inuu jiro qof ku aaminsan.

Waa inaad noqotaa qof u fikira si qoto dheer. Qo kasta wuu u fikiri karaa si qoto sheer waa haddii auynu ilowno wax-yaabaha yar-yar ee aan ku mashquulineyno nolosheena.

Ciladaha ugu waaweyn aan guusha ka gaari weynay ayaa ka mid ah adigoo aqoon saneyn halkii uu hadaf kaaga yahay, haddii aad aqoonsato hankaaga cillada kale waa adiga oo aadan sameyn. Haddii aadan aqoonsaneyn hadafkaaga meel weliba aad tagtay kuuma lahaaneyso muhiimad gaar ah.

Haddaba si guul la taaban karo u gaarto waxaad u baahan tahay inaad iska ilaaliso cabdisa badan, waayo cabsida badan waa sheyga ugu badan ee inaga hortaagan inaan guuleysano.

Cabsida faraha badan daciifnimo, marka noqo qof xoogan oo ku qanacasan nolosha. Sidda caadiga ah cabsida waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihin xasilooni daro, nabad la’aan iyo kalsooni darro

Weli waxayna ku dhex jirnaa buugga 5-tiir guusha, oo uu qoray qoaraa Cabdi Jabaar Sheekh Axmed.

La soco qeybaha labaad ee buuga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada

Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Published

on


Horumar ka qofka mar weliba wuxuu ku xeran yahay qofka waxa uu diirada saaraayo, haddaba si aan horumar u gaarno waxaan baahanahay inaan raacno sidda ay ku haboon tahay nolosheena.

Horumar inaad nolosha ka sameyso waxay kaaga baahan tahay dadaal iyo inaad u heelan tahay inaad ka dhabeyso hadafkaaga.

Si kastaba hanoqotee waxaa jira waxyaabo badan oo nolosheena badala annaga oo rabno inaan horumar wanaagsan sameyno, si aan u qaadno talaabooyin wanaagsan ugu horeyn waa inaan aaminaa inaan gaari karno horumar wanaagsan.

Shaqo weliba aad qabaneyso waxay kaaga baahan tahay waqti iyo daal tiro badan, balse muddo ka dib waxaad noqon doontaa qof ku faana noloshiisa.

Qalad weliba oo naga dhaca waa muraayad aan ka dhex arki karno wixii nasoo maray, balse waxaa haboon inaan fikir wanaagsan ka qaadano sababtoo ah haddii aadan waxba isku dayin ma’ aadan guul dareysteen.

Haddaba guusha iyo guul darada waa wax sokeeye oo kaaga baahan maalmo cayiman, laakiin xaqiiji wadada horumarkaaga si aadan marar badan ugu shalaaynin.

Muhiim kuuma ahan inaad baar baarto ciladahaaga waayo waxay ka mid yihiin waxyaabaha dib kuu celin kara, iskana ilaali inaad u shalaaydo noloshaada.

Qof weliba wuxuu jecel yahay inuu helo nolol wanaagsan balse marka aynu isweydiino maxaa inaga hortaagan inaan horumar sameyno?! Dadka intooda badan kuma baraarugsana inay nolosha tahay wareegto oo waxaa laga yaabaa inuu ku dhegan yahay waxyaabo horey usoo maray guul iyo guul daraba mida uu doonto ha noqotee.

Waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan kusoo koobo dhowr qodob oo naga caawin kara inaan horumar wanaagsan sameyno, balse ugu horeyn waa inaan isla garano waxa ka qaldan nolosheena.

Intaa aanan guda galin maqaalka waxaa jirto sheeko yar oo aan jecleystay inaan idin la wadaago, waxaan waqti la qaadan jiray adeerkeey oo ku nool qurbaha wuxuu igaga sheekeen jiray nolosha dadka horumar ka sameeyay.

“Waxaa jirtay nin aad u xikmad badan ayaa u yimid wiil yar oo raba inuu wax ka barto noloshiisa, haddaba wuxuu yiri ina keen oo waxaan galeynaa safar. Muddo ka dib markii ay socdeen ayay la kulmeen qoys ka koobad dhowr qofood waxaa guri ay ku xanaaneeyaan hal sac oo mid kastaa wuxuu ka qabtaa shaqo si loo ilaaliyo ama loo xanaaneeyo.”

“Intaa ka dib waa berigii ayaa ninkii xikmada badnaa ayaa u booday xeradii ay ku xerneed saca wuuna ka gowracay wiilkii yaraa ayaa la booday qeylo oo yiri maxaad ugu gowracday oo ma heystaan wax kale ay noloshooda ku maareeyaan.”

“Wiilkii iyo ninkii xigmada badnaa ayaa isaga tagay tuuladii, ka dib markii ay muddo maqnaayeen ayaa ay kusoo laabteen tuuladii waxay arkeen guri ka duban gurigii hore oo waxay dhisteen guri ka sameysan dhagax halka markii hore ay daganaayeen guri ka sameysan cowshad.”

“Wilkii yaraa ayaa la yaabay sidda ay noloshoodu isku badashay, ka dib ninkii xigmada badnaa ayaa u sheegay sababta ka danbeysa noloshooda.”

Haddaba xigmada ku jirta sheekada waxaan filaa inaad ila fahamteen, xigmada ku waxay tahay in qof weliba horumar kiisa uu ka hor taagan yahay saca, si uu horumar u gaarana waa in uu gowracaa saca u diidan noloshiisa.

Sheekadan waxaa igaga sheekaayay adeerkee oo ku nool qurbaha, waxaana la heli karaa ayadoo qoraal ah buugga 5-ta Tiir ee guusha.

Halkaan ka aqriso qodobada soo socda.

Dooro Hadaf: hadafka waa salaanka sare ee guusha halka yoolkuna uu yahay dhamaad guushasha, -xigasho 5-Ta tiir ee guusha.

Hadaf ka wuxuu kaa caaabinaa inaad guul la taaban karo gaartno adigoo aana ka wel welin, haddaba haddii aad rabto inaad guul gaarto waa inaad raacdo hadafkaaga si aad u xajiiso horumarkaaga.

Haddii aadan laheyn Hadaf kuu gaar ah, ma xaqiijin kartid yoolkaaga waadna ku daali doontaa ilaa aad garato halka uu ku dhamaanaayo yoolkaaga.

Qiimeey noloshaada: qof weliba noloshiisa si ayuu u arkaa, dadkana si ayay u arkaan noloshaada. Haddaba isweydii adiga siddeet u araktaa noloshaada, waa innaad ogaato sidda aad naftaada u arakto.

Waxbadan ayay kaaga baahan tahay inaad ogaato sidda aad naftaada u arakto iyo qofka aad tahay, balse mar weliba iswedii sababta aad u nooshahay iyo waxa laguu keenay aduunyada.

Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Haddaba baar oo raadi meesha aad ku fiican tahay iyo meesha aad ku liidato, ka dib isku day inaad dhaqaajin karto shaqo weliba oo khabasho kaaga baahan waxaadna gaari doontaa guul insha allah.

Dhiiragali naftaada: Haddii aad isticmaalayso ereyo naftaada duminaya ama dib u dhigaayo lagama yaabo inaad gaarto guusha aad fileyso.

Tussaale ahaan; haddii aad aaminsan tahay inaad ku guul dareysan doonto fikirkaaga ama aad isleedahay ma qaban kartid shaqadaan si kasto oo aad u daasho lagama yaabo inaad guul weyn ka keento.

Inaad naftaada dhiira geliso ma ahan inaad waxyaabo badan aad isku dul furto muddo ka dibna aad faraha ka qaado. Haddaba si taasi ay u dhicin waa inaad doorato shaqada aad naftaada ku dhiira gelineyso, adigoo u jeedadaadu tahay inaad horumar ka sameyso shaqadaada.

Haddii aad ku dhiiran tahay naftadaa waxaad ka hortagi kartaa wax kasta oo kuu diidaayo inaad iska nacdo shaqadaada, ogsoonow Haddii aad guul dareysato ma ahan inaad meel fariisato oo isku day weli waxaad haysaa talaabo kale aad isku muujin karto.

Ha aqbalin in lagu niyad jebiyo sababtoo dad badan ayaan jecleyn horumarkaaga, balse maalin ayay ku weyn doonaan sirta guushaada.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore

Si aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku habboon tahay noloshaada.

Published

on

Alle nama uusan siinin nolol xun iyo nolol wanaagsan toona ee wuxuu nasiisay nolol si aan u noolano. Haddaba nolosha kuguma aaminto fadhi iyo cayaar ee waa inaad isweydiiso sababta halkaan aad u joogto?

Dabcan waa laga yaabaa inaad isku aragto inaad tahay qof fashilmay, balse waa muhiim inaad garato hadafka aad u nooshahay.

Qof weliba wuxuu ku noolaanaa nolosha uu doorto mid xun iyo mida wanaagsanba aad adiga ayaa dooran karo. Haddaba waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso siddee ayaad ku dooran kartaa nolol wanaagsan iyo nolol xun?! Cabqarinimada iyo nasiib ka nolosha waxaa la tilmaamaa inay tahay hal jaanis oo dhaliyay fikir wanaagsan, hal ka horumar ka guushana ay tahay hadafka oo diiradda la saaro.

Si’aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku hahboon tahay noloshaada.

Mid weliba oo innaga mid ah waxaa dhibaato ku ah inuu uu fakaro si wanaagsan illaa inta caqliga saaxiibka la ah mooyee. Halkaan waxaan kusoo gudbin doonnaa dhowr siyaadoob oo kaa cawin kara inaad badasho talaabooyin kaagii hore.

U nooloow maanta: waxaan jeclaan lahaa in si gaar ah aan kaga waramo cinwaan kale balse waan sameyn doonnaa haddii uu rabi ogalaado, nolosha maanta waa waxa ugu badan ee horumariya nolosheena waayo haddii aanan laheyn nolol maalinle ah ma jirto hadaf aynu xaqiijin karno.

Maalin weliba aad soo toosto waxay kuu tahay fursad kale aad kaga jawaab celin karto wixii shalay ku dhaafay, haddaba fursadan kama faa’ideysan kartid haddii aadan u diyaarsaneyn.

Nolosha waxna kuma laha jiifka iyo waqti lumiska, marka soo jeed ilaa aad ka xaqiijiso hadaf kaaga, si kasto ay ahaatba u nooloow inaad xaqiijiso hadafkaaga.

Markaad seexaneyso ku seexo inay beri kaaga baahan tahay inaad wajaho sharkeeda iyo qeyr keeda, si maalin kuu bilaabanaayo aad kaga war qabto noloshaada.

Waxaa jirtay beri aan la sheekeysan jiray adeerkeey oo jooga qurbaha inta badan wuxuu igaga sheekeen jiray nolsoha qurbaha iyo sidda ay ula fal gashay noloshooda, wuxuu kale uu ibari jiray xirfada qaab qoraalka hagaagsan.

Haddaba si aad u wajahdo nolosha maanta waa inaad u diraay garowddo ka hor inta aadan seexan si aad ugu faa’ideysato maalin kaaga.

Iska iloow wixii hore: mararka qaar waxaad milicsataa waxyaabo hore kuu maray noloshaada waxay doonnaan ha noqdeen, balse ma haboono inaad waqti siiso sababtoo ah way ku dhaafeen.

Shalay waxay ahayd maalin tagtay, marna lagama yaabo inay soo laabato. Shalay waxay riyadaada ahayd inaad suurta geliso waxyaabo badan balse maanta kuuma aysan hagaagin, ha shalaaynin waayo maanta ayaad kaga jawaabi kartaa natiijada ka wanaagsan shalay.

Mararka qaar nolosha kuuma hiilin karto ee adiga ayaa lagaa rabaa inaad ku hiilato hadafkaaga haddaba maah-maah Soomaaliyeed ayaa dhaheysa “Ninkii seexdaa sacii dibi dhal” haddaba haddii aad seexato adiga ayaa noloshaada u diiday horumar waayo horumarka wuxuu ku saleysan yahay waxa aynu maanta qabaneyno ma ahan shalay wixii naga dhacay.

Qof weliba wuxuu gaf wuu ka dhacaa mana ahan inaan dib u eegno, waayo maanta ayaa kaga jawaabi kartaa fikrad kale oo wanaagsan. Way haboon tahay inaad eegto qaladaadkii kaa dhacay si aad ugu raali galiso haddii aad qof ka gashay, balse ma ahan inaad raac raacdo sababtoo ah waxba kuuma soo kordhinaayo.

Joogteey howlahaaga: si aad u xaqiijiso hadafkaaga waa inaad joogteyso shaqada maalinlaha si aad ugu danbeyn ugu gun gaarto hadafkaaga. Shaqo walbo aad heyso haddii aysan laheyn joogteen ma noqon karto mid guuleysata sabatoo inta badan guushu waxay ku timaadaa adkeysi iyo dedaal.

Dadaal oo sameey wax badan samir u yeelo shaqadaada ugu danbeyn waxaad sameyn doontaa guul layaab leh, sameey hanna yareysan waayo wax weliba aad maanta eber ka tahay maalin ayaa laguugu yeeri doonnaa inaad tahay macalinkii xirfadiisa loogu magac daray.

Wax badan waxaa laga yaabaa inaad aamintay inay noloshaada guul daraystay, balse maanta waxay kuu tahay maalin kale aad xaqiijin karto middaas.

Waxaa laga yaabaa inaad wax badan ka faa’iiday maqaalkan waxaan kaa dalbanaa inaa la wadaagto bulshada inteeda kale mahadsanidiin.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Afrika2 days ago

Rabshadaha dhimashada dhaliyey ee Senegal oo ka dhashay dib u dhigista doorashada: Akhriso qodobada aad u baahan tahay inaad wax ka ogaato

Wararka2 days ago

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay Britain in muhaajiriinta loo tarxiilo Ruwaanda

Wararka3 days ago

Muxuu salka ku hayaa heshiiska amni ee ay ansixiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya?

Afrika4 days ago

Dalka Zimbabwe ayaa ku hanjabay inuu mamnuuci doono deeqaha waxbarasho ee khaniisiinta loogu talagalay

Siyaasadda Arrimaha Dibadda5 days ago

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Afrika6 days ago

Shirkii midowga Afrika maxaa kasoo baxay? – Afgembi, rabshado iyo qalalaase khatar ku ah Afrika

Wararka7 days ago

83 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, tirada dhimashaduna waxay kor u dhaaftay 28,858

Sirdoonka & Militariga7 days ago

Madaxa Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa u ballan qaaday in Israa’iil ‘ay caqabad kala kulmi doonto ‘dilka dadka rayidka ah’

Bariga dhexe1 week ago

Weerarkii Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 week ago

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Wararka1 week ago

Kaliya Mareykanka ayaa qasab ku keeni kara nabadda Bariga Dhexe waana inuu cadaadiyaa Israa’iil, ayuu yirri Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan

Wararka1 week ago

“Haddii aad nabad rabto, u diyaargarow dagaal,” – RW Kyriakos Mitsotakis

Wararka1 week ago

Sarkaal Kenyan ah oo meydkiisa laga helay hotel ku yaallo Washington

Sirdoonka & Militariga1 week ago

Maxaa dan ah ayaa ugu jira Soomaaliya heshiiska is-afgaradka milatari ay kala saxiixatay Mareykanka?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 week ago

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Aasiya2 weeks ago

Muslimiinta Hindiya ayaa ka cabsi qaba mustaqbalka xukunka RW Narendra Modi ee Hinduuga ah

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxkamad ku taallo Nederland ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay gaynayso Israa’iil

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkey?

Afrika2 weeks ago

Colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo laga soo bilaabo 1996

Wararka2 weeks ago

Weerarada fallaagada ayaa kumannaan kun ku qasbay inay ka qaxaan Koongo

Afrika2 weeks ago

Basaasiinta Israa’iil ayaa u hanjabaya qoyskayga – Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Koonfur Afrika

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Maraykanka ayaa ka digaya aargoosi dheeraad ah haddii maleeshiyaadka ay Iran taageerto ay sii wadaan weeraradooda

Wararka3 weeks ago

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saldhigga booliska Pakistan

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Wararka3 weeks ago

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Paris

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Afrika3 weeks ago

Ruwaanda oo heshay xabaalo wadareedyo badan 30 sano kadib xasuuqii Tutsiga, 1994

Geeska Afrika3 weeks ago

Ilhaan Cumar ayaa lagu eedeeyay inay jabisay dhaartii loo dhaariyay maadaama ay sheegtay inay illaalin doonto danaha Soomaaliya

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Ruushka iyo Gambia ayaa yeeshay wadahadallo dhanka ammaanka ah

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 23aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Socdaalkii Rabaso – Qaybtii 1aad

Aasiya4 weeks ago

Maxaa laga baran karaa xariga Imran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah?

Afrika4 weeks ago

Saddex dawladood oo galbeedka Afrika ah ayaa ka baxay urur goboleedka ECOWAS – sababta waa maxay?

Buuggaag4 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 22aad

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ma noqon karaa mid wax ka qaban karo xaaladda reer Falastiin?

Geeska Afrika4 weeks ago

Muxuu Abiy Axmed ka yiri midnimada Soomaaliya?

Xul