Arrimaha Amniga
Sheekh Shariif oo ka digay in Al-Shabaab ay qabsadaan Koonfurta Soomaaliya
Shariif waxa uu sheegay in Al-Shabaab iyo Daacish ay joogaan deegaano aad u badan dowladda federaalkana dagaalka ay ku guuldareystay in kooxahaasi ay kaga adkaato.

Madaxweynihii hore dalka, Shariif Sh. Axmed oo ka hadlaayay madal horumarka Soomaaliya looga hadlaayay oo Muqdisho ka dhacday ayaa sheegay in amniga guud ahaan dalka Soomaaliya uu yahay mid aan la’isku lahayn karin isla markaana dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay la wareegidda amniga qaranka masuuliyadiisa maadaama uu sheegay ciidamadii qaranka loo adeegsaday arrimo siyaasaddeed iyo dano gaar ah in lagu fulisto isla markaana aysan jirin isku lahayn dhinaca amniga oo xilligaan ka jirta dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab iyo Daacish ay joogaan deegaano aad u badan dowladda federaalkana dagaalka ay ku guuldareystay in kooxahaasi ay kaga adkaato.
Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif waxa uu kusoo beegmaya iyadoo dhowaan ay dowladda Mareykanka ay shaacisay in wixii ka dambeeya bisha Diseembar ee sanadkaan aysan bixin doonin lacagtii ku baxaysay hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee joogga dalka Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa go’aankaasi la wadaagtay Midowga Afrika iyo dowladda federaalka Soomaaliya arrintaan waxay dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan inuu dhaco maqnaansho dhinaca amniga dalka marka ay baxaan ciidamada Midowga Afrika oo hadda goobo muhiim ah gacanta ku haaya isla markaana dowladda ka taageeraya difaacida magaalooyin badan oo dowladdu ay ka taliso.
Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ahaa kuwa bixiya dhaqaalaha hawlgalka Midowga Afrika, Mareykankuna waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya loo baahan yahay wadamada Midowga Afrika inay isku tashtaan oo arrimaha qaaradda waxyaabaha ka dhacaya iyo hawlgallada ay iyagu fangareeyaan.
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in uu jiro fashil dhinaca dagaalka Al-Shabaab iyo in dowladda Soomaaliya 17 sano taageero caalami ay helaysay in aysan wali awoodin masuulliyada amniga qaranka si buuxda inay gacanta ugu dhigto.
Dowladda Soomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM
Dowladda Soomaaliya ayaa xal waxa ay u raadinaysaa joogitaanka ciidamada AUSSOM ee gudaha Soomaaliya kuwaasi oo la qorsheynaayo in dalka ay ka baxaan maadaama dalalka caalamka aysan u haynin qarashaadkii lagu taakuleyn lahaa kadib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay inuu joojiyay ciidamada nabad illaalinta Midowga Afrika ee ku sugnaa dalka Soomaaliya.
Dowladda ayaa ka fikiraysa ciidamada ay ka kaashaan doonto sugidda amniga gudaha dalka Soomaaliya iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab. Waxaa la tilmaamayaa in dowladda Turkiga dooqeeda koowaad uu yahay dowladda federaalka Soomaaliya in ciidamadeeda ay beddelaan kuwa Midowga Afrika.
Dowladda Turkiga waxa ay taageertaa Soomaaliya iyadoo taasi ay jirto ayaa haddana waxaa soconaya dadaallo diblomaasiyadeed oo dowladda federaalka ay wado oo ay doonayso in dhaqaalle xoog leh ay ku hesho si ay u maareyso ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, danjire Aweys Xaaji Yuusuf ayaa xafiiskiisa amniga qaranka waxa uu ku qaabilay danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya ahna wakiilka xoghaayaha guud ee Jaamacadda Carabta, danjire Cabdullaahi.
Kulanka ayaa looga arrinsaday taageeridda Jaamacadda Carabta ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale xoojinta hay’adaha amniga ee dagaalka ka dhanka ah argagixisadda ku jira. Waxaa la tilmaamayaa in dhinacyadu ay kawada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashigga Jaamacadda Carabta ee la xiriira taageerada ay siinayso dowladda federaalka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa waxa ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashigga istiraatijyadeed ee u dhexeeya dowladda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta gaar ahaan arrimaha gobolka amniga iyo danaha wadaaga ah.
Soomaaliya muddo badan waxaa ku sugan ciidamo shisheeye kuwaasi oo taageera dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ciidamadaasi ay ku guuleysteen in ay xakameeyaan qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya oo haatan dowladdu ay ka taliso. Laakiin su’aal ayaa ku gedaaman ka bixitaankooda Soomaaliya iyadoo la’isweydiinaayo isku filnaanshiyaha dowladda federaalka Soomaaliya markii ciidamadaasi ay ka baxaan gudaha wadanka Soomaaliya.
Inkastoo dowladda federaalka ay hore u sheegtay inay soo dhaweynayso bixitaanka ciidamada Midowga Afrika haddana waxaa jira in geesta kale ay raadinayso ciidamo kale oo beddela ciidamadaasi iyadoo dowladdu ay si aad xoogga u saarayso sidii ay usii hannaan lahayd in dalka qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya ay ka arrimiso iyadoo oo u kaashanayso ciidamada dibadda ka imaanaya.
Arrimaha Amniga
Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato.

Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka Macaawiisleyda kaas oo ka dhacay tuulada Tardo ee Gobolka Hiiraan, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka, Cusmaan Xuseen Gure oo loo yaqaan Cismaan Dheere.
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato. Dadka deegaanka ayaa u gurmaday ninkan, taasoo keentay in iska horimaad hubeysan uu ka qarxo deegaanka, sida aan xogta ku helnay.
Cismaan Dheere ayaa sheegay in dagaalku uu socday saacado isla markaana kooxda Al-Shabaab ay hareereeyeen deegaanka, iyadoo xaaladdu ay sii xumaatay. Waxa uu sheegay in dad rayid ah lagu dilay intii uu dagaalku socday halka qaar kalena ay ka carareen guryahooda, iyagoo u kala firxaday deegaano u jira qiyaastii 40 ilaa 80 kiiloomitir.
Dagaalka ayaa sidoo kale hakiyay dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee dadka deegaanka, sida uu sheegay guddoomiyuhu. Dad subaxnimadii u baxay suuqa iyo goobahooda shaqada ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan goobahaas markii uu iska horimaadku billowday.
Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay dhawaan faafisay warar sheegaya inay heshiis nabadeed la gashay beesha Xawaadle, kaas oo lagu soo afjarayo khilaaf muddo u dhexeeyay kooxda iyo beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan.
Hase yeeshee, Cismaan Dheere ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in heshiiskaasi uu ahaa mid dhab ah. Waxa uu sidoo kale shaki geliyay muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay oo la xiriiray heshiiska, isaga oo sheegay inay suuragal tahay in qaar ka mid ah muuqaaladaas lagu sameeyay ama wax looga beddelay farsamada sirdoonka macmalka ah (AI).
Guddoomiyaha Tardo ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda, isaga oo sheegay in dadka deegaanka ay u baahan yihiin gurmad iyo in xal loo helo dagaallada soo noqnoqday ee saameynaya noloshooda.
Hay’adda Xasaradaha Adduunka oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group), ayaa lagu sheegay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab uu galay marxalad aad u adag oo ismariwaa iyadoo labada dhinacna midkood uusan awoodin inuu guul militari oo la taaban karro oo kama dambeys ah uu ka gaaro dagaalka ka socda Soomaaliya.
Warbixinta Hay’adda Xasaradaha Adduunka waxa ay xustay in guulihii ay dowladdu ay ka gaartay gobollada dhexe dalka Soomaaliya inta u dhexeysay 2022-2023-kii oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkiisii ugu horreeyay xukunka ay ahayd ay dib u wiiqmayn kadib weerarro ballaaran oo Al-Shabaab ay qaaday inta u dhexeysay 2024-2025, taasoo keentay in Al-Shabaab ay dib ula wareegto inta badan deegaanadii hore looga saaray.
Sida ay warbixinta tilmaamayso dowladda Soomaaliya ayaa dib isugu abaabushay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah waxayna ku guuleysatay inay adkeyso amniga deegaano muhiim ah oo ku dhow magaaladda caasimada ee Muqdisho. Hase yeeshee, qaybo badan oo kamid ah bartamaha dalka Soomaaliya ayaa wali ku jira gacanta Al-Shabaab taas oo sii xoojinaysa ismariwaaga dagaalka Soomaaliya.
Hay’adda International Crisis Group ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay wax ka beddeshay xeeladeheeddii dagaalka iyadoo ay iskudayayso inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay bulshada ku dhexbool deegaannada ay maamusho ee dalka Soomaaliya isla markaana ay yareyso ku tiirsanaanta cabsi gelinta oo kaliya. Tan kale waxaa sidoo kale ay sheegtay in dowladda ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo hoos u dhac ku yimid taageeradii dibadda dowladda ay ka heli jirtay.
Warbixinta Hay’adda International Crisis Group waxay ku talisay in dowladda federaalka Soomaaliya dib u habeyn ay ku sameyso tabbabarka iyo tayada ciidamada qaranka Soomaaliya isla markaana ay xoojiso wada-shaqeynta dowlad goboleedyada dalka oo hadda qaarkood khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo sida Jubbaland iyo Puntland isla markaana ay kor u qaado awooda ciidamada heerka gobol si loo sugo ammaanka deegaannada hore Al-Shabaab looga saaray.
Warbixintu waxay sidoo kale ku baaqday in la fududeeyo gargaarka bini’aadanimo ee loogu talagalay shacabka ku nool deegaannada Al-Shabaab ay gacanta ku hayso, iyadoo ugu dambeyntii ay ku dooday in xal siyaasadeed iyo wadahadal ay yihiin wadada ugu macquulsan ee lagu soo afjari karro colaadda muddada dheer ka socotay dalka Soomaaliya.
Arrimaha Amniga
Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”
“Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo ku eedeeyay dowladda muddo dhaafka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku mashquulsan tahay doorashooyin aan heshiis laga gaarin, isla markaana ay waddo tallaabooyin uu sheegay inay horseedi karaan isku dhac iyo dhiig daata.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in mucaaradka iyo dowladda ay muddo dheer ka wada hadlayeen hannaanka doorashooyinka balse uu sheegay in dadaalladaas ay caqabad ku noqdeen waxa uu ku tilmaamay nidaamka muddo-dhafka ah. Shariif wuxuu sheegay in muhiimaddu ay tahay in la isku raaco nooca doorashada dalka ka dhacaysa, habka ay u dhacayso iyo in tartanku noqdo mid caddaalad ah. “Waxa la rabaa in xoogga la saaro taas oo dadka la isu keeno oo laga heshiiyo” – ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in qorshihii ahaa in bisha Oktoobar la qabto shir looga hadlo doorashooyinka ay caqabado la kulmeen. Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay waddo waxa uu ku tilmaamay “provocation” iyo diyaar-garow dagaal oo lala xiriirinayo mucaaradka. “Caqabadahaas waxaa kamid ah provocation-ka iyo diyaar-garowga dagaalka oo aad maqasheen inay waddo xukuumadda waqtigeedu dhammaaday oo ay rabaan inay kusoo qaadaan mucaaradka” – ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sh. Axmed.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in xaaladda ka jirta qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay tahay in aan lagu soo celin magaalada Muqdisho. “Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa si gaar ah uga jawaabay eedeymo la xiriirinaya Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay inuu dalkaas deggan yahay balse uu arrintaas ku tilmaamay marmarsiiyo aan loo adeegsan karin dhiigga siyaasiyiinta mucaaradka. “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya. Aniga Imaaraadka waan degganahay” – ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay in joogitaankiisa Imaaraadka aysan sabab u noqon karin in lagu eedeeyo falal ka dhan ah dowladda Soomaaliya. “Ma noqon karto asbaab lagu baneysto dhiigga dadka mucaaradka u taagan in dalkan dastuurkana la ixtiraamo, doorashana laga heshiiyo” ayuu yiri.
Sheekh Shariif ayaa intaa ku daray in haddii qof uu ku baaqayo in la ixtiraamo dastuurka, doorashada laga heshiiyo, isla markaana laga fogaado dagaal, aysan jirin sabab loogu tilmaamo inuu dalka dhibaato u wado. Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dhaliilay isticmaalka ciidamada iyo hay’adaha dowladda, isagoo sheegay in hay’adaha amniga iyo ciidamada aan loo adeegsan karin wax uu ku tilmaamay kicin iyo isku dhacyo siyaasadeed. “Hubkii loogu talogalay in Al-Shabaab lagula dagaalamo ayuu rabaa in Xasan Sheekh uu Muqdisho ku gubo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer soo mareen dagaallo iyo dhibaatooyin, ayna doonayaan inay arkaan dowlad Soomaaliyeed oo leh hay’ado si dhab ah u shaqeeya. Hadalkaan uu jeediyay Sheekh Shariif ayaa imaanaya iyadoo dhowaanahaan ay soo baxayeen warar la isla dhex maraayay oo sheegaya in Dowladdu wado qorshe ay ku weerareeyso xarumaha ay degan yihiin Hogaamiyeyaasha Mucaaradka.
Arrimaha Amniga
Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab
NISA waxay sheegtay in Bashiir Nuunow uu ahaa hoggaanka waaxda ay Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in hawlgalkii qorsheysnaa ee ka dhacay degmada Jilib lagu dilay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow oo ay ku tilmaantay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa garabka amni ee kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay NISA soo saartay, hawlgalka ayaa dhacay habeenkii 1-da Oktoobar, iyadoo hay’addu sheegtay in uu ahaa hawlgal ay fulisay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamka. NISA waxay sheegtay in Bashiir Nuunow uu ahaa hoggaanka waaxda ay Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay inuu adeegsan jiray magacyada Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.
Sida ay NISA sheegtay, Nuunow wuxuu door ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha Soomaaliya, waxaana hay’addu ku xustay weerarkii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, qaraxii loo yaqaan Soobe 2, iyo weerarro kale oo ka dhacay Muqdisho.
NISA ayaa sheegtay in hawlgalka Jilib uu qayb ka yahay dadaallo ay hay’addu ku baacsanayso hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ee ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen weerarrada lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in geerida Bashiir Nuunow ay saameyn ku yeelan karto hoggaanka iyo shabakadaha kooxda gaar ahaan kuwa loo adeegsado qorsheynta iyo fulinta weerarrada.
Dhanka kale, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Buur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
NISA ayaa sheegtay in hawlgalku ka dhacay deegaanka Buur-Saruur oo qiyaastii laba kiiloomitir dhanka Koonfur Bari kaga beegan Cali-Gaduud halkaas oo ay hay’addu tilmaantay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan argagaxisadda Al-Shabaab.
Sida ay NISA sheegtay hawlgalku waxaa sidoo kale lagu burburiyay saanad iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay howlaheeda, iyadoo ciidamadu ay sii wadaan baacsiga xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka haray deegaannadaasi. Hawlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Soomaaliya ay kordhiyeen hawlgallada ay xogta sirdoonku hoggaaminayso ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
NISA ayaa horraantii bishan sheegtay in hawlgal ka dhacay deegaannada Guulane iyo Al-Furqaan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo saddex dagaalyahan oo kale. Bishii Agoosto, hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in hawlgal ka dhacay deegaanka Fiidow lagu bartilmaameedsaday guri ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda.
Arrimaha Amniga
Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”
“Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab uu sii socon karo muddo kale, balse uusan jirin suurtagal ay kooxdaasi mar kale kula wareegi karto gacan-ku-haynta guud ee dalka.
Madaxweynaha oo wareysi siiya warbaahinta Alajzeera ayaa sheegay in Al-Shabaab xilli hore ay si weyn ugu fidday dalka, xitaa Madaxtooyada Soomaaliya ay weerarro kala kulmi jirtay meel aad ugu dhow, halka maanta uu sheegay in kooxda ay boqolaal kiiloomitir u jirto Muqdisho. “Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay isbeddeshay, isagoo ku dooday in horumar laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, marka loo eego xilligii kooxda ay awoodda badan ku lahayd qeybo badan oo dalka ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaallo sokeeye, dagaallo beeleed ama dagaal siyaasadeed.
“Al-Shabaab inay soo laabato waa wax aan suurtagal ahayn, sidoo kalena suurtagal ma aha in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye, dagaal beeleed ama dagaal siyaasadeed” – ayuu yiri Madaxweynaha. Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa yimid, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay aaminsan yihiin in haddii Soomaalidu dhexdeeda xal ka gaari weydo khilaafkeeda ay fursad u siin karto Al-shabaab inay dalka la wareegaan, caalamkuna ka sii jeesto arrimaha Soomaaliya kaddib in ka badan 30 sano oo ay taageerayeen.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo culus u jeediyay siyaasiyiin ka tirsan xubnaha mucaaradka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay shirar ku saabsan Soomaaliya ku qabanayaan magaalada Abuu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiir Fiqi ayaa qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook ku sheegay in siyaasiyiinta uu tilmaamay ay yihiin kuwo aan rajo ka lahayn mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale ku eedeeyay inay wadaan qorsheyaal uu sheegay inay khatar ku yihiin dawladnimada iyo xasilloonida dalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale isbarbardhig ku sameeyay siyaasiyiinta uu eedeynayo iyo kooxda RSF ee dagaalka kula jirta dowladda Suudaan, isagoo sheegay in labada dhinac shir loogu qabtay meel isku mid ah, isla markaana uu ku eedeeyay siyaasiyiintaas inay halkaas kaga baranayaan sida shaqada kuwa adeegsanaya u gudanayaan.
Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in siyaasiyiintaasi ay Soomaaliya kusoo laaban karaan iyagoo huwan qorsheyaal uu ku tilmaamay ‘shirqoollo ka dhan ah dawladnimada iyo nabadda’ isagoo ka digay in ay isku dayi karaan abaabulka maleeshiyaad iyo soo celinta hoggaamiye-kooxeedyada.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay inay si adag uga hortagto cid kasta oo uu sheegay inay khatar ku tahay nabadda, dawladnimada, qarannimada iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu sidoo kale adeegsaday erayga ‘khaa’inul waddan’ isagoo sheegay in qof kasta oo sidaas lagu tilmaamo ‘abaalkiisa la marsiin doono’.
Arrimaha Amniga
Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed
Somaliland iyo Itoobiya ayaa Heshiis is-afgarad kala saxiixday bishii Janaayo 2024, waxaana uu ku saabsanaa in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka marin badeed.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay si joogto ah u taageertay heshiisyo lagu siinayo Itoobiya marin ay ka hesho badda, iyadoo sheegtay in iskaashiga noocaas ah uu horseedi karo dan wadaag iyo horumar goboleed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay 3-dii Octoobar 2026, ku sheegtay in ay taageersantahay qorsheyaasha u oggolaanaya Itoobiya inay hesho marin badeed loo maro heshiisyo labada dhinacba faa’iido u leh.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay si toos ah uga hor imaanayso mowqifkeeda ku aaddan helitaanka marin badeed ee Itoobiya, iyadoo tilmaantay in ololaha Muqdisho ee ka dhanka ah is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024 uu yahay mid ka hor imanaya taageerada ay sheegtay dowladda Soomaaliya inay u hayso Itoobiya si ay u hesho marin badeed.
“Dowladda Somaliland waxay si joogto ah u taageertay heshiisyo gorgortan lagu gaaro oo u oggolaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin badeed iyada oo loo marayo iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh” – ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland. Somaliland waxay sidoo kale sheegtay inay diiddan tahay faragelin lagu sameeyo heshiisyada ay la gasho dhinacyada kale, iyadoo ku adkaysatay inay sii wadi doonto heshiisyo ay ku sheegtay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida isla markaana horumarinaya barwaaqada gobolka.
Somaliland iyo Itoobiya ayaa Heshiis is-afgarad kala saxiixday bishii Janaayo 2024, waxaana uu ku saabsanaa in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka marin badeed. Heshiiskaas ayaa sababay khilaaf diblomaasiyadeed oo xooggan oo ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Muqdisho ay ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay madax-bannaanida Soomaaliya.
Hadalkan Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Soomaaliya aysan diidnayn in Itoobiya hesho marin badeed, isaga oo xusay in arrintaasi ku imaan karto heshiis wadajir ah oo lagu isticmaalo dekedaha Soomaaliya.
“Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”
– ayuu yirri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin joogitaan Israa’iil oo ka jira dalka, gaar ahaan qorshayaal uu sheegay inay Israa’iil ka waddo magaalada Berbera iyo garoonkeeda diyaaradaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi uu siiyay barnaamijka “Al-Muqabila” ee Al Jazeera oo si buuxda loo baahin doono maalinta Axadda ayaa sheegay in Israa’iil ay qorsheynayso inay saldhig baddeed ka samaysato Berbera, isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha magaaladaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada dhabta ah ee tallaabooyinkan ay tahay in Israa’iil ay ugu dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iiraan. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay si adag uga hortagi doonto waxa uu ku tilmaamay caqabadda ka dhalanaysa dhaqdhaqaaqyada Israa’iil.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka ku nool Somaliland ay si buuxda uga soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil, isagoo xusay in Muqdisho ay arrintan uga shaqeyn doonto qaab ilaalinaya madaxbannaanida iyo danaha Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay hore ula kulantay isku dayo lagu doonayay in lagu qaato qaybo ka mid ah biyaha dhuleed ee Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in dib loogu soo celiyay iyadoo la adeegsanayo sharciga caalamiga ah.
Waxa uu sidoo kale xusay isku day kale oo lagu doonayay in qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya loo adeegsado helitaanka marin badeed, balse Muqdisho ay diidday. “Markan sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan ka gudbi doonno caqabadda ay Israa’iil waddo” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, isla markaana uu tan iyo markii uu xilka markale qabtay dadaal ku bixiyay xoojintiisa. Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan wax diidmo ah ka qabin in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ay badda uga soo baxdo dhulka Soomaaliya ama ay hesho marin ganacsi oo badeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato isticmaalka laba ama saddex dekedood oo Soomaaliyeed si ay ugu soo dejiso ama uga dhoofiso badeecooyin. Waxa uu tilmaamay in arrintan lagu saleyn karo heshiisyo dhaqaale oo qeexaya khidmadaha iyo canshuuraha la xiriira adeegyada dekedaha.
Sida uu sheegay Xasan Sheekh, Itoobiya waxay Soomaaliya u sheegtay inay u baahan tahay marin badeed balse illaa hadda ma aysan soo gudbin codsi rasmi ah oo arrintaas ku saabsan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda amni ee gobolka, isagoo sheegay in Xuutiyiintu ay xasillooni-darro ka abuureen gobolka isla markaana ay carqaladeeyeen isu-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandab. Waxa uu tilmaamay muhiimadda marin-biyoodkaasi u leeyahay ganacsiga caalamka.
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Mareykanku uu weli yahay saaxiibka ugu xooggan Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo iskaashi amni oo socda. Isagoo ka hadlayay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuu sheegay in kooxdaasi aysan hadda ka jirin magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya isla markaana aysan jirin fursad ay mar kale dalka gacanta ugu dhigto.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Soomaaliya3 months agoMareykanka oo si weyn ugu carootay rag ka tirsan CXDS kuwaasi oo ku istaagay calanka dalka Mareykanka
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM








































