Connect with us

Soomaaliya

Shirka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka oo ka furmaya xerada Xalane

Haddii xerada Xalane xal lagu gaari waayo waxaa suuragal ah sida siyaasiyiinta gudaha ee Soomaalidu sheegayaan in bannaanka la’isla aadi karro taasi oo dhinaca kale keeni karta qaran jab.

Published

on


Madaxweynihii hore ee dalka ee dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo beriyahaan degnaa hoygiisa Mirinaayo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa goordhow oo saakay ah dib ugu soo laabanaya gurigiisa dhanka nawaaxiga garoonka Aadan Cadde ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir si uu ugu sii gudbo xeradda Xalane ee magaalada Muqdisho oo maanta duhuradii la filaayo in uu ka furmo wadahadalka Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ay iska soo dhex xulayaan Mucaaradka Soomaaliya.

Wada-xaajoodyadaasi oo ay kala dhex-dhexaadinayaan xubnaha saaxiibada Soomaaliya gaar ahaan dowladaha tunka weyn ee reer Galbeedka kuwaasi oo ay ugu horreeyaan ku simaha ergayga Mareykanka  iyo sidoo kale safiirka dowladda Ingiriiska halka sidoo kale ay qeyb ka noqon doonaan ergayga Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Wada-xaajoodka oo diirada lagu saari doono arrimaha masiiriga ee Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka iyo si loo aado hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay iyo dhinacyada waxay isku diidan yihiin in loo kala ayaa noqon doona bilowga haddii uu guuleysto wada xaajoodkaasi rajo laga qabo in dhinacyada hannaanka siyaasadeed ee doorashooyinka hal dhinac ay isla aaddaan misne hal jiho.

Balse haddii uu fashilmo misne guuldareysto waa dhammaadka rajadii laga lahaa in dhinacyada is-diidan ee saamileyda siyaasadda ay isku soo dhawaadaan, taasi oo gebigeedda in imaan karto qalalaase siyaasadeed iyo xasilooni darro dalka uu wajaho maadaama dhinacyadu ay aad ugu kala fog yihiin arrimaha masiiriga dowladduna ay wado hanaan doorasho oo ay ku sheegtay inuu yahay mid qof iyo cod ah.

Laakiin dhinaca kale Mucaaradka iyo saamileyda kale arrintaan kasoo horjeedda ay tallaabadaasi ay u arkaan mid hal dhan ah oo aan ka turjumaynin masiirka ummadda Soomaaliyeed misne aanu u qalmin kana dhex muuqanaysa masaalix gaar ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu wato Xasan Sh. Maxamuud.

Shariif Sheekh Axmed ayaa kolanyada ciidan ay kasoo gelbi doonaan aagga Mirinaayo waliba tiro ka badan intii hore uu ilaaladda uu haystay waxaana kusoo biiray ilaaladiisa sida aanu xogta hoose ku helnay saraakiil militeri oo ku heyb ah,

Tani ayaa ka dhalay wixii ka dhacay magaalada Muqdisho maalintii Axadda toddobaadkaan ee la sheegay gaadiidka ciidan iyo sidoo kale hubka tirade badnaa iyo ciidanka oo ay dowladda hordhigtay gurigiisa iyo guryo kale oo Mucaaradku kaga sugnaayeen xilligaa gudaha Muqdisho lagana hor-istaagay isu soo bixii ay maalintaasi ay hoggaamin lahaayeen Mucaaradka Soomaaliya waxaana muuqanaysa kala shaki xooggan oo dhinacyada is-diidan ee dowladda iyo Mucaaradka inuu sii xoogeysanaayo.

Dhinaca Dowladda Soomaaliya wada-xaajoodkaan waxaa hoggaamin doonaa dowladda Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Jaamac lama xusin xubno kale oo dowladda ka socda sida Ra’iisul wasaaraha taasi oo aan la ogeyn doorka ra’iisulwaasaraha waxa meesha ka saaray wallow in muddo ahba Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya heybta uu kasoo jeedaba iyo Soomaalida qaar ay u arkaayeen mid gabay masuuliyadiisa kursigiisana aan si toos ah u metalin.

Dhinaca Mucaaradka waxaa iyagana metali doona ilaa iyo labo xubnood kaliya oo ay iska soo dhex saareen oo kala Madaxweynihii hore ee dowladdii ku meel gaarka ah aheyd Shariif Sh. Axmed iyo sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni kaasi oo gelinkii dambe shalay kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde magaalada Muqdisho.

Reer Galbeedka wax dhex-dhexaadinaya ayaa waxaa ka socon doona ku simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya midka Ingiriiska ergayga Qaramada Midoobay iyo sidoo kale ergayga Midowga Yurub.

In wada-xaajoodyadaan reer Galbeedka ay si toos u kala dhex-dhexaadiyaan oo uu ka dhaco xerada Xalane lagana soo tallaabo Madaxtooyadii Soomaaliya dadka odorosaha arrimaha siyaasadu warbaahinta gudaha iyo baraha Internet-ka waxa ay ku qoreen misne u sheegeen inay tahay mid muujinaysa heerka khilaafka Soomaaliya iyo masiirka ummada Soomaaliyeed hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya in xilliga kani kari waayeen in lagu haayo Madaxtooyada Soomaaliya.

Haatan waxay joogta wali qeybo kamid ah gudaha dalka gaar ahaan Muqdisho inkastoo ay tahay xeradii Xalane ee reer Galbeedku u badnaayeen haddii halkaas xal lagu gaari waayo waxaa suuragal ah sida siyaasiyiinta gudaha ee Soomaalidu sheegayaan in bannaanka la’isla aadi karro taasi oo dhinaca kale keeni karta qaran jab.

Dhanka kale, Wasiir Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa qoraal xalay saqdii dhexe uu ku qoray degelkiisa ‘X’ waxa uu u muujinayaa walaac xooggan oo lasoo  derisay dowladda Soomaaliya, ninka lagu magacaabo Cali Balcad Wasiir Dowladaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa uu leeyahay Mucaaradka Soomaaliya waxay beesha caalamku gaar ahaan dowladaha waaweyn ee deeqaha iyo dhaqaalaha siiya misne ku kaba ku cadaadiyeen in Soomaaliya laga jaro taageerada dhaqaalle arrintaasi waxa uu leeyahay waa mid nasiib darro ah.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Soomaaliya

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

“Webiga Shabeelle wuxuu ka sameeyay duleelo gaaraya 366 goobood, waana goobo waaweyn oo halis ah” – ayuu yiri Maxamuud Cabdulle.

Published

on


Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA) ayaa digniin ka soo saartay khatarta fatahaadaha ka dhallan karta webiga Shabeelle, iyadoo sheegtay in webigu uu ka dillaacay illaa 366 goobood oo halis ah.

Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in xaaladda webiga iyo dayaca muddo dheer ka jiray ay sii kordhiyeen khatarta fatahaadaha, gaar ahaan deegaannada ku dhow wabiga, “Webiga Shabeelle wuxuu ka sameeyay duleelo gaaraya 366 goobood, waana goobo waaweyn oo halis ah” – ayuu yiri Maxamuud Cabdulle.

SODMA waxay sheegtay in Webiga Shabeelle uu muddo dheer la kulmaayay dhibaatooyin la xiriira carro iyo dhoobo ku ururtay marinkiisa, waxa uu shaaca ka qaaday in muddo ku dhow 40 sano aan si joogto ah looga fulin webiga hawlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin qodista iyo ka saarista carro ku ururtay marinkiisa, taas oo uu sheegay inay kordhisay halista fatahaadaha. Fatahaadaha Webiga Shabeelle ayaa sanadihii lasoo dhaafay saameeyay kumannaan qof, iyagoo sababay barakac, burburka guryaha iyo dhul-beereedyada.

Mas’uulkaan ugu sareeya Hay’adda SODMA ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda amni ee deegaannada ku hareeraysan Webiga Shabeelle ay caqabad weyn ku tahay dadaallada lagu yareynayo khatarta fatahaadaha, isagoo daaha ka qaaday in qaybo ka mid ah dhulka uu webigu maro ay ku dhow yihiin ama ay saameyn ku leeyihiin Al-Shabaab, taasoo adkeynaysa in hay’adaha dowladda iyo dhinacyada kale ay ka shaqeeyaan dayactirka iyo nadiifinta webiga.

Wuxuu tusaale u soo qaatay deegaannada u dhexeeya Jalalaqsi iyo Mahadaay, halkaas oo uu sheegay in qaybo ka mid ah marinka webiga carro lagu shubay loona beddelay waddo. Webiga Shabeelle ayaa lafdhabar u ah nolosha kumannaan qoys oo ku tiirsan beeraha iyo xoolaha gaar ahaan deegaannada ku dhow jiinkiisa.

Hay’adaha dowladda ayaa wajahaya cadaadis ah in la xoojiyo diyaar-garowga fatahaadaha, iyadoo bulshada ku nool dhulka hoose ay si gaar ah ugu nugul yihiin roobabka xooggan iyo kororka biyaha webiga.

UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta

Boqortooyada Midowday ee (UK), ayaa Soomaaliya u qoondaysay $2.5 Milyan oo dheeraad ah si loo xoojiyo diyaar-garowga fatahaadaha la filayo inay ka dhashaan roobabka Deyrta ee la filayo Oktoobar ilaa Diseembar 2026, iyadoo saadaasha cimiladu muujinayso khatar sii kordheysa oo fatahaado ah oo ka dhici kara qeybo kamid ah dalka.

Lacagta ayaa loo marsiinayaa barnaamijka RESTORE oo diiradda saaraya dib-u-soo-celinta nidaamyada deegaanka webiga Shabeelle, maaraynta biyaha iyo xoojinta awoodda bulshooyinka ku nool meelaha u nugul fatahaadaha.

Sida ay sheegtay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), maalgelintan cusub ayaa lagu xoojin doonaa nidaamyada digniinta hore, qorsheyaasha daad-gureynta, tallaabooyinka lagu yareynayo fatahaadaha iyo gargaar lacageed oo la gaarsiiyo qoysaska nugul waxaana Barnaamijka fulinaya FAO, Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) iyo World Vision. Digniinta ayaa imaanaysa xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso xilli-roobaadka Deyrta, iyadoo hay’adaha caalamiga ah ay ka digayaan in xaaladaha El Niño ay kordhin karaan roobabka iyo fatahaadaha ka dhaca dooxooyinka Jubba iyo Shabeelle.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Yaraynta Khatarta Musiibooyinka (UNDRR) ayaa sheegay in haddii El Niño uu sii xoogaysto iyadoo ay weheliso xaalado kale oo cimilo ay jirto khatar macquul ah oo fatahaado xooggan ay ka dhacaan marinnada labada webi. Si kastaba, hay’addu waxay carrabka ku adkaysay in saadaashu aysan ahayn xaqiijin ah in fatahaad weyn ay dhici doonto.

$2.5 Milyan ee RESTORE waxay qayb ka tahay xirmo gargaar oo dhan $5 Milyan oo UK ay Soomaaliya ugu dhawaaqday 24-kii Sebteembar. Kala bar lacagta ayaa loo qoondeeyay RESTORE, halka $2.5 Milyan oo kale loo qoondeeyay barnaamijka Caafimaad Plus, kaas oo taageeraya adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha, fayadhowrka iyo ilaalinta dadka nugul.

Dowladda UK ayaa sheegtay in ilaa 600,000 oo qof ay ka faa’iideysan karaan adeegyada lagu taageerayo xirmada oo ay ku jiraan dadka ku nool ku dhowaad 100 xero oo ay degan yihiin dadka gudaha ku barakacay. Fatahaadaha la xiriiray El Niño ee Soomaaliya ka dhacay 2023 ayaa saameeyay qiyaastii 2.48 milyan oo qof halka ku dhowaad 1.2 Milyan oo qof ay barakaceen, sida ay sheegtay Dowladda UK.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

“Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab uu sii socon karo muddo kale, balse uusan jirin suurtagal ay kooxdaasi mar kale kula wareegi karto gacan-ku-haynta guud ee dalka.

Madaxweynaha oo wareysi siiya warbaahinta Alajzeera ayaa sheegay in Al-Shabaab xilli hore ay si weyn ugu fidday dalka, xitaa Madaxtooyada Soomaaliya ay weerarro kala kulmi jirtay meel aad ugu dhow, halka maanta uu sheegay in kooxda ay boqolaal kiiloomitir u jirto Muqdisho. “Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay isbeddeshay, isagoo ku dooday in horumar laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, marka loo eego xilligii kooxda ay awoodda badan ku lahayd qeybo badan oo dalka ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaallo sokeeye, dagaallo beeleed ama dagaal siyaasadeed.

“Al-Shabaab inay soo laabato waa wax aan suurtagal ahayn, sidoo kalena suurtagal ma aha in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye, dagaal beeleed ama dagaal siyaasadeed” – ayuu yiri Madaxweynaha. Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa yimid, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay aaminsan yihiin in haddii Soomaalidu dhexdeeda xal ka gaari weydo khilaafkeeda ay fursad u siin karto Al-shabaab inay dalka la wareegaan, caalamkuna ka sii jeesto arrimaha Soomaaliya kaddib in ka badan 30 sano oo ay taageerayeen.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo culus u jeediyay siyaasiyiin ka tirsan xubnaha mucaaradka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay shirar ku saabsan Soomaaliya ku qabanayaan magaalada Abuu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiir Fiqi ayaa qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook ku sheegay in siyaasiyiinta uu tilmaamay ay yihiin kuwo aan rajo ka lahayn mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale ku eedeeyay inay wadaan qorsheyaal uu sheegay inay khatar ku yihiin dawladnimada iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale isbarbardhig ku sameeyay siyaasiyiinta uu eedeynayo iyo kooxda RSF ee dagaalka kula jirta dowladda Suudaan, isagoo sheegay in labada dhinac shir loogu qabtay meel isku mid ah, isla markaana uu ku eedeeyay siyaasiyiintaas inay halkaas kaga baranayaan sida shaqada kuwa adeegsanaya u gudanayaan.

Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in siyaasiyiintaasi ay Soomaaliya kusoo laaban karaan iyagoo huwan qorsheyaal uu ku tilmaamay ‘shirqoollo ka dhan ah dawladnimada iyo nabadda’ isagoo ka digay in ay isku dayi karaan abaabulka maleeshiyaad iyo soo celinta hoggaamiye-kooxeedyada.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay inay si adag uga hortagto cid kasta oo uu sheegay inay khatar ku tahay nabadda, dawladnimada, qarannimada iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu sidoo kale adeegsaday erayga ‘khaa’inul waddan’ isagoo sheegay in qof kasta oo sidaas lagu tilmaamo ‘abaalkiisa la marsiin doono’.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Heshiis is-afgarad kala saxiixday bishii Janaayo 2024, waxaana uu ku saabsanaa in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka marin badeed.

Published

on


Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay si joogto ah u taageertay heshiisyo lagu siinayo Itoobiya marin ay ka hesho badda, iyadoo sheegtay in iskaashiga noocaas ah uu horseedi karo dan wadaag iyo horumar goboleed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay 3-dii Octoobar 2026, ku sheegtay in ay taageersantahay qorsheyaasha u oggolaanaya Itoobiya inay hesho marin badeed loo maro heshiisyo labada dhinacba faa’iido u leh.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay si toos ah uga hor imaanayso mowqifkeeda ku aaddan helitaanka marin badeed ee Itoobiya, iyadoo tilmaantay in ololaha Muqdisho ee ka dhanka ah is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024 uu yahay mid ka hor imanaya taageerada ay sheegtay dowladda Soomaaliya inay u hayso Itoobiya si ay u hesho marin badeed.

“Dowladda Somaliland waxay si joogto ah u taageertay heshiisyo gorgortan lagu gaaro oo u oggolaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin badeed iyada oo loo marayo iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh” – ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland. Somaliland waxay sidoo kale sheegtay inay diiddan tahay faragelin lagu sameeyo heshiisyada ay la gasho dhinacyada kale, iyadoo ku adkaysatay inay sii wadi doonto heshiisyo ay ku sheegtay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida isla markaana horumarinaya barwaaqada gobolka.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Heshiis is-afgarad kala saxiixday bishii Janaayo 2024, waxaana uu ku saabsanaa in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka marin badeed. Heshiiskaas ayaa sababay khilaaf diblomaasiyadeed oo xooggan oo ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Muqdisho ay ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay madax-bannaanida Soomaaliya.

Hadalkan Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Soomaaliya aysan diidnayn in Itoobiya hesho marin badeed, isaga oo xusay in arrintaasi ku imaan karto heshiis wadajir ah oo lagu isticmaalo dekedaha Soomaaliya.

“Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

– ayuu yirri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin joogitaan Israa’iil oo ka jira dalka, gaar ahaan qorshayaal uu sheegay inay Israa’iil ka waddo magaalada Berbera iyo garoonkeeda diyaaradaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi uu siiyay barnaamijka “Al-Muqabila” ee Al Jazeera oo si buuxda loo baahin doono maalinta Axadda ayaa sheegay in Israa’iil ay qorsheynayso inay saldhig baddeed ka samaysato Berbera, isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha magaaladaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada dhabta ah ee tallaabooyinkan ay tahay in Israa’iil ay ugu dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iiraan. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay si adag uga hortagi doonto waxa uu ku tilmaamay caqabadda ka dhalanaysa dhaqdhaqaaqyada Israa’iil.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka ku nool Somaliland ay si buuxda uga soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil, isagoo xusay in Muqdisho ay arrintan uga shaqeyn doonto qaab ilaalinaya madaxbannaanida iyo danaha Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay hore ula kulantay isku dayo lagu doonayay in lagu qaato qaybo ka mid ah biyaha dhuleed ee Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in dib loogu soo celiyay iyadoo la adeegsanayo sharciga caalamiga ah.

Waxa uu sidoo kale xusay isku day kale oo lagu doonayay in qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya loo adeegsado helitaanka marin badeed, balse Muqdisho ay diidday. “Markan sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan ka gudbi doonno caqabadda ay Israa’iil waddo” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, isla markaana uu tan iyo markii uu xilka markale qabtay dadaal ku bixiyay xoojintiisa. Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan wax diidmo ah ka qabin in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ay badda uga soo baxdo dhulka Soomaaliya ama ay hesho marin ganacsi oo badeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato isticmaalka laba ama saddex dekedood oo Soomaaliyeed si ay ugu soo dejiso ama uga dhoofiso badeecooyin. Waxa uu tilmaamay in arrintan lagu saleyn karo heshiisyo dhaqaale oo qeexaya khidmadaha iyo canshuuraha la xiriira adeegyada dekedaha.

Sida uu sheegay Xasan Sheekh, Itoobiya waxay Soomaaliya u sheegtay inay u baahan tahay marin badeed balse illaa hadda ma aysan soo gudbin codsi rasmi ah oo arrintaas ku saabsan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda amni ee gobolka, isagoo sheegay in Xuutiyiintu ay xasillooni-darro ka abuureen gobolka isla markaana ay carqaladeeyeen isu-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandab. Waxa uu tilmaamay muhiimadda marin-biyoodkaasi u leeyahay ganacsiga caalamka.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Mareykanku uu weli yahay saaxiibka ugu xooggan Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo iskaashi amni oo socda. Isagoo ka hadlayay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuu sheegay in kooxdaasi aysan hadda ka jirin magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya isla markaana aysan jirin fursad ay mar kale dalka gacanta ugu dhigto.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

“Waxaan jeclaan lahayn inaan aragno Yemen nabdoon, Yemen midaysan oo u shaqaysa gobolka” – ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kooxda Shiicada ee Xuutiyiinta dalka Yemen ku eedeeyay inay qayb ka yihiin xasillooni-darrada gobolka, isla markaana ay carqaladeynayaan isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Bab al-Mandab.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Al-Jazeera ayuu Xasan Sheekh ku sheegay in Soomaaliya ay jeclaan lahayd in Yemen ay noqoto dal nabdoon oo midaysan, isla markaana si wanaagsan ula falgala dalalka gobolka. “Waxaan jeclaan lahayn inaan aragno Yemen nabdoon, Yemen midaysan oo u shaqaysa gobolka” – ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn in Xuutiyiintu ay hadda awood ama rabitaan u leeyihiin inay ka shaqeeyaan midnimada iyo xasilloonida Yemen. Madaxweynaha ayaa si gaar ah Xuutiyiinta ugu eedeeyay inay ka baxsan yihiin xeerarka iyo qaab-dhismeedka caalamiga ah, isagoo sheegay in ficilladooda ay saameyn ku yeesheen amniga iyo xasilloonida gobolka.

“Dhibaatada Yemen waqtigan waa Xuutiyiinta” – ayuu yiri Xasan Sheekh, isaga oo intaas ku daray in kooxdaasi ay tahay cidda uu ku eedeeyay inay xasillooni-darrada ka waddo gobolka. Soomaaliya ayaa juqraafi ahaan ku taalla dhinaca Koonfureed ee Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, waxaana xeebaha dalka soo gaara dad ka cararaya colaadaha ka jira Yemen.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab oo yeeshay iskaashi qarsoodi ah

Wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tan iyo sannadkii 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca hawlgallada ah.

Wargeysku wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka heshay Xuutiyiinta hub casri ah iyo tababarro la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxa.

Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay doonayeen taageero farsamo oo u suuragelisa inay rakibaan raadaarro lagu la socdo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ee biyaha u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeysku hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, Jibriil Yaxye Cali ayaa door muhiim ah ka qaatay dhismaha xiriirka labada dhinac, Jibriil ayaa lagu dilay duqeyn Mareykan ah bishii Febraayo ee sanadkan, iyadoo wargeysku sheegay inuu si qarsoodi ah ugu kala safri jiray Soomaaliya iyo Yemen isla markaana uu heli jiray fududeymo ay ka mid yihiin guri iyo baasaboor Yemen ah oo been abuur ah.

Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Shabaab ay sannadkii 2024 u dirtay Xuutiyiinta wakiil lagu magacaabo Axmed Cilmi Samatar kaas oo la sheegay inuu gudbiyay liis hub iyo qalab milatari ah liiskaas waxaa ka mid ahaa gantaallo lidka diyaaradaha ah, gantaallada Katyusha, qoryaha toogashada dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka iyo qalabka aragga habeenkii.

Wargeysku wuxuu sheegay in shabakado tahriibin ah ay adeegsanayaan shirkado magac-u-yaal ah iyo dekedo ku yaalla Yemen si hubka looga soo gudbiyo Gacanka Cadmeed loona gaarsiiyo deegaanno xeebeedyo ku yaalla Waqooyiga Soomaaliya, kahor inta aan loo gudbin cutubyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Koonfurta dalka.

Saraakiil Mareykan ah sida uu qoray wargeysku ayaa aaminsan in iskaashigan uu labada dhinac siin karo awood dheeraad ah oo ay ku ballaariyaan saameyntooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Waxay sidoo kale ka digeen in xaaladdu ay khatar ku noqon karto amniga maraakiibta iyo isu-socodka tamarta ee suuqyada caalamka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Somaliland ayaa horey u beenisay inay heshiis ku saabsan saldhig milateriga la gashay Israa’iil, iyadoo ku adkaysatay in xiriirkeedu yahay mid diblomaasiyadeed.

Published

on


Maamulka gooni isugu taaga ah ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somaliland) ayaa si adag uga jawaabtay hadallo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay wareysi uu siiyay Al Jazeera, kuwaas oo uu kaga hadlay xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, gaar ahaan sheegashada ah in Israa’iil ay qorsheynayso saldhig baddeed oo laga sameeyo Berbera iyo in la isticmaalo garoonka diyaaradaha magaaladda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay 3-dii Oktoobar 2026 ku sheegtay inay diiddan tahay waxa ay ku tilmaantay sheegashooyin marin-habaabin ah oo Madaxweynaha Soomaaliya uu ka sheegay wareysiga. Wasaaraddu waxay sheegtay in Soomaaliya aysan awood u lahayn inay go’aamiso xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland ama ay magaca shacabka Somaliland ku hadasho.

Somaliland waxay bayaankeeda ku xustay in ay xornimadeeda qaadatay 26-kii Juun 1960, ka hor intii aan Soomaaliya xornimada qaadan 1-dii Luulyo 1960. Waxay sidoo kale sheegtay in gooni-isutaagii 18-kii Maay 1991 uu dib u xaqiijiyay dowladnimadeeda, iyadoo intaas ku dartay in muddo ka badan saddex iyo soddon sano ay dhistay hay’ado dowladeed, qabatay doorashooyin.

Wasaaradda ayaa si gaar ah uga hadashay xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo sheegtay in xiriirka labada dhinac uu ka tarjumayo go’aannada madaxbannaan ee labada dhinac iyo iskaashi diblomaasiyadeed. Waxay sidoo kale ku tilmaantay sheegashada ah in Berbera loo adeegsan doono goob weerarro loogu qaado dalal kale mid aan sal lahayn, iyadoo sheegtay in Somaliland ay ka go’an tahay xiriirro nabadeed iyo iskaashi gobolka ah. Somaliland ayaa horey u beenisay inay heshiis ku saabsan saldhig milateriga la gashay Israa’iil, iyadoo ku adkaysatay in xiriirkeedu yahay mid diblomaasiyadeed.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay inay taageersan tahay heshiisyo u oggolaanaya Itoobiya inay hesho marin badeed oo lagu gaaro iskaashi labada dhinac faa’iido u leh. Waxay dhaliishay mowqifka Muqdisho ee ku aaddan is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024, iyadoo sheegtay in faragelinta lagu sameeyo heshiisyadeeda iyo xiriirradeeda dibadda ay tahay mid aan la aqbali karin. Wasaaraddu waxay ugu dambayn cambaaraysay waxa ay ku tilmaantay hanjabaadaha xoogga iyo faragelinta arrimaheeda gudaha, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto ilaalinta madaxbannaanideeda iyo raadinta diblomaasiyad nabadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi uu siiyay AlJazeera kaga hadlay arrintan, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan xaalad kasta ku aqbali doonin joogitaanka Israa’iil, isagoo sheegay in Israa’iil ay qorshaynayso inay saldhig badeed ka samaysato Berbera isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha magaalada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in ujeeddada uu u arko qorshahaasi ay tahay in Israa’iil ay ugu dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iiraan, isagoo intaas ku daray in Soomaaliya ay ka hortagi doonto waxa uu ku tilmaamay caqabadda ka dhalanaysa tallaabooyinka Israa’iil.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dadka Somaliland ay si buuxda uga soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil, isagoo ku adkaystay in Muqdisho ay arrintan uga shaqayn doonto qaab uu sheegay inuu ilaalinayo madaxbannaanida iyo danaha Soomaaliya. “Markan sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan ka gudbi doonno caqabadda ay Israa’iil waddo” – ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Ganacsiga & Dhaqaalaha4 hours ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika5 hours ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya7 hours ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga8 hours ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya9 hours ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya9 hours ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda1 day ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga1 day ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga1 day ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga2 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda2 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya2 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga3 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika3 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga3 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay doon ay saarnayeen toddobo ajaanib ah

Ameerika3 days ago

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Itoobiya3 days ago

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha Mekelle

Soomaaliya3 days ago

UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta

Yurub3 days ago

Booliiska Jarmalka oo markale gacanta ku dhigay kiiska Soomaali Mindi isku dishay

Soomaaliya4 days ago

Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dawladnimada

Arrimaha Amniga4 days ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo wajahaya caqabado kahor doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

Arrimaha Amniga4 days ago

Hay’adda ICRC: “148 qof ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Baydhabo”

Afrika4 days ago

Khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxay dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaali Galbeed4 days ago

Waa kuma Mustafe Cagjar, Maxay ka dhigan tahay dib u doorashadiisa hoggaanka sarre ee Dowlad Deegaanka Soomaalida?

Arrimaha Amniga5 days ago

Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay dhimashada shaqaale Markab shidaal oo lagu soo furtay xeebaha Soomaaliya

Itoobiya6 days ago

Ciidanka Itoobiya oo la sheegay inay 150km ugu dhaqaaqeen gudaha gobolka Tigray

Doorashada6 days ago

Galmudug iyo Hirshabeelle oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha iyo mida Barlamaanka

Arrimaha Amniga6 days ago

Puntland oo sheegtay in Burcad badeeddu ay dishay shan shaqaale oo ajaaniib ah

Arrimaha Amniga6 days ago

Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama

Diblomaasiyadda7 days ago

Waa maxay ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Itoobiya?

Arrimaha Amniga1 week ago

Xukuumadda Somaliland oo diiday shir bahda saxaafadda Somaliland uga furmaya Boorama

Soomaaliya1 week ago

Puntland oo laba sano xabsi ah ku xukuntay nin lagu eedeeyay inuu Daacish ka iibiyay Ari

Arrimaha Amniga1 week ago

OCHA: “Colaadda Baydhabo waxay sii kordhisay khatarta bani’aadanimo ee shacabka”

Arrimaha Amniga1 week ago

Falanqeyn Amni: Siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo saameynta ay ku yeelatay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Arrimaha Amniga1 week ago

Qaar kamid ah Burcad baddeedii lagu qabtay Markabka SIBU 1 oo ka baxsaday gaari lagu waday

Ganacsiga & Dhaqaalaha1 week ago

Dowladda Soomaaliya oo QM u sheegtay in dakhliga kastamku hoos u dhacay 40% boqolkiiba

Xul

Diblomaasi.com