Connect with us

Soomaaliya

Shirka u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo kusoo idlaaday bilaa natiijo

Dowladda Soomaaliya Durbaba waxay bilowday siideynta dhalinyaradda taasi oo loo badinaayo in qoddobada miiska lasoo saaray ay kamid yihiin,

Published

on


Kulankaan u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ay iska soo xuleen Mucaaradka ee ka dhacay xeyndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho oo ay garwadeenka ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka gaar ahaan kuwa reer Galbeedka ayaa diiradda lagu saarayay xal u helida mushaakilka siyaasadeed iyo khilaafaadka xoogeystay ee Dowladda Dhexe iyo Mucaaradka Soomaaliya.

Kulanka oo aanu kasoo bixin natiijo lala wadaagay saxaafadda ayaa haddana xog hoose oo ay ka heshay Diblomaasi.com kulanka waxay tibaaxayaan in Mucaaradka Soomaaliya ay miiska soo saareen dhowr qoddobo oo ay kamid yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalo 15-Maay 2026, oo ay ka harsan tahay maalin kaliya in uu aqbalo muddo xileedkiisa dastuuriga ah in uu dhammaaday sidoo kalena Mucaaradka Soomaaliya aysan aqoonsanyn doorashada dowladda ay ka shaqeysay oo halka dhinac ah sida ay ku doodeen.

Mucaaradka ayaa sidoo kale soo saaray doodo miiska kuwaasi oo ay kamid yihiin in caburinta dadka shacabka lagu haayo dowladda ay joojiso isla markaana ay garwaaqsato qoddobada dastuuriga ah ee muwaadinka Soomaaliga xaq u siinaayo in uu si salmi ah u dibadbixi karro fikirkiisana uu usoo bandhigi karro.

Waxay kale oo bilaa shuruud ay dalbadeen in lasii daayo dhalinyarada ay dowladda xirxirtay iyo sidoo kale ficillada kale ee dowladda ee is hor-istaagida in ay joojiso dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ma aanu ahayn mid natiijo rasmi ah kasoo baxay laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhinacyada ayaa qoddobadii ay is tusiyeen ku ballamay in dib la isugu laabto oo kulan labaad oo degdeg ah qabsoomo kaasi oo loo badinaayo isla maalinta berrita ah in xerada Xalane ee magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo doono.

Dowladda Soomaaliya Durbaba waxay bilowday siideynta dhalinyaradda taasi oo loo badinaayo in qoddobada miiska lasoo saaray ay kamid yihiin, Madaxweynaha ayaa kulanka intuu socday ku dooday hannaan doorasho qof iyo cod ah in uu dalka meelo kamid ah ka qabtay inta harsana uu rabo inuu ka qabto laakiin taasi may ahayn mid ay aqbaleen Mucaaradka Soomaaliya.

Shirka waxa uu ka dhacay sida aan xogo hoose ku helnay xarun ay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka dowladda Soomaaliya ku dhex leedahay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho inkastoo xogtaasi aanan si dhab ah Diblomaasi.com u xaqiijin balse goobtu waa halkay degan yihiin saaxiibada Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada reer Galbeedka oo iyagu shirkaan guddoominayo.

Ku simaha safiirka Mareykanka iyo xubnaha kale ee Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale kulanka qeyb ka ah. Mareykanku waxaa kale uu soo diray diblomaasiyiin dheeri ah oo shirka ka qeybgalaya.

Shirkaan waa mid indhaha lagu wada haayo waxaan doodu ay ku saabsan tahay in xal loogu gaaro khilaafka masiiriga ah oo ay isku haayaan dowladda federaalka iyo sidoo kale dhinacyada Mucaaradka Soomaaliya maadaama hannaanka doorashada ee dowladdu dalka u jiheysay saamileyda siyaasadeed ee Mucaaradku si weyn ugu soo horjeedaan iyo tallaabooyin kale oo masiiri ah oo ay dowladdu hore u qaaday waxaana la oggeyn shirka sida uu kusoo idlaa doonto laakiin dowladdu hore waxa ay ugu adkeysatay in nooca doorashada ee qof iyo cod ah ay dalka oo idil ka hirgelinayso ilaa midaan qaran halka Mucaaradku ay diideen hannaankaasi doorasho sharciyadeed iyo sidoo kale qaab ay u maareynayso dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo shirkaan aragtidiisa ka dhiibanaayay ayaa weerar afka ah ku qaaday xubnaha Mucaaradka Fiqi waxa uu yirri “Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dawladdu leedahay ayuu ka dhacayaa iyo dhul dawladdu ka taliso, kuwa aan isku kalsoonayn ee dhibcaha ka raadinaya wax kasta waxaan u cadeynaynaa in madaxda dalka wadahadalku u yahay mabda’, laakin kooxda calaacalku wax qiimo uguma fadhiyo, waayo wax ajende ah ma wataan oo aan ahayn wadahadal kasta in ay fashiliyaan – Waxay diideen gogosha madaxweynuhu u fididyey, tabartooda ayay soo tijaabsheen 10kii bishan, waxayna ku soo laabteen isla gogoshii qeyb ka mid ah.

Laakiin dadka ka aragtida ka dhiibtay hadalka Fiqi ayaa u muuqda in uu dhinacyada Mucaaradku uu ku sameynaayo san ka taabasho iyo wada-xaajoodkii la rabay in qaab saliim ah iyo waliba qalbi furnaan in wasiirku uu muujinayo in shirkaasi uu u arko Mucaaradka Soomaaliya ka qeybgalkooda in aanna dhinaca dowladda wax muhiimad ah uusan u lahayn.

Soomaalida ayaa aad u hadal heysa arrimaha khilaafka ee xilligaan ka taagan gudaha dalka.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arrimaha Amniga

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Garabka Madaxweyne Laftagareen ayaa u muuqda inay la yimaadeen qorshe cusub oo ah hannaanka ay kula dagaal jiraan maamulka Aadan Madoobe iyo Villa Soomaaliya.

Published

on


Garabka maamul ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen balse sheeganaya inay yihiin maamulka sharciga ah ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday dhowrii maalmood ee ugu dambeeyay tallaabooyin ka careysiiyay dhinaca kale garabka maamul ee Aadan Madoobihii billo kahor lagu doortay magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Garabka Madaxweyne Laftagareen ayaa u muuqda inay la yimaadeen qorshe cusub oo ah hannaanka ay kula dagaal jiraan maamulka Aadan Madoobe iyo Villa Soomaaliya, kadib markii ay isku ballaariyeen deegaano iyo magaalooyin istiraatiji ah oo ka tirsan dhanka gobolka Baay, halka sidoo kale gobolka Bakool deegaano ka tirsan ciidamo taabacsan Laftagareen ay sheegteen inay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynteeda dhammaadkii dabayaaqaddii toddobaadkii aynu kasoo gudubnay ee bishaan aynu ku gudi jirno.

Maalintii shalay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay waxaa isku soo bandhigay ciidamada taabacsan Madaxweyne Laftagareen oo sheeganaya gacan ku haynta magaaladaasi inay si buuxda iyaga ula wareegeen. Maanta oo Sabti ah wararka Diblomaasi.com ay ka helayso degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sidoo kale sheegaya in nawaaxiga degmadaasi ay talis ka sameysteen ciidanka taabacsan Laftagareen qeyb kale oo halkaasi iska agaasimtay.

Dadka reer Koonfur Galbeed ee xog ogaalka ah ayaa sheegaya in garabka maamul ee Madaxweyne Laftagareen ay la yimaadeen xeelad dagaal oo aan keliya ku koobnayn weerarradii ay u joogteyeen dhanka Baydhabo ee ka dhanka ahaa Aadan Madoobe iyo xulufadiisa, hase ahaatee ay dhinaca kale wadaan qorshe kale la xiriirta inay isku fidiyaan magaalooyinka kale ee deegaannada gobollada Baay iyo Bakool.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dhammaaday 15-kii Maay ee sanadkan ayaa magaaladda Baydhabo doorasho khilaaf xooggan uu hareeyay kusoo saartay Aadan Madoobe 10kii bishii Juun ee isla sanadkaan. Wixii ka dambeeyay Juun illaa iyo xilligaan Baydhabo oo haysata Toddobadii sano ee lasoo dhaafay nabad waxay gashay xaalad colaadeed dadkuna haatan waxa ay qarka u saaran yihiin magaalada guud ahaanteed inay isaga guuraan.

Shacabka Baydhabo ayaa sheegaya Toddob sano oo ay amni ahayd magaaladaasi in haatan isku beddeshay goob furin dagaal ah oo bartamaha magaaladda si toos ah ay ugu dagaalamayaan maamulkii hore iyo kan dhowaan laga dhisay Koonfur Galbeed Soomaaliya xaaladuna ay tahay mid ay u arkaan quus. Dowladda Federaalka ee muddo xileedkeeda dhammaaday ayaa si weyn gacan ugu geysatay in Aadan Madoobe markii Laftagareen xukunka laga tuuray uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo xittaa tartankii doorashada ee ka dhacay billo kahor magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lasoo wariyay in kursiga uu ahaa kaliya mid loo xiray Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), xiisadii ka dhalatay doorashadaas iyo tuuristii Maamulka Laftagareen ayaa keentay xaaladda amni darro ee maaantu ay wajaheen shacabka boqolaalka kun ama Malaayiinka ee ku nool magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Aadan ayaa ku sugan beriyahaan magaaladda Muqdisho iyada oo dowladda Soomaaliya dacwo ugu soo gudbiyay in qaati uu ka taagan yahay Madaxweynihii xukunka kaga horreeyay Cabdicasiis Laftagareen lagana gacan siiyo sidii xaaladda Baydhabo loo dejin lahaa una hanan lahaa maamulka. Laakiin dadka indheergaradka ayaa isweydiinaya sida ay Villa Soomaaliya ugu suurtagal karto in Aadan Madoobe haddii kursiga la geeyay haddana lagu sii haayo halkaasi maadama isagu ay tahay shaqo u taalo in maamulka iyo bulshadiisa iyo amniga uu hanto.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Walaaca Mareykanka ayaa sidoo kale la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Gacanka Cadmeed oo ah marin-biyood muhiim u ah isu socodka maraakiibta ganacsiga ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo suuqyada caalamka.

Published

on


Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in wakiillo ka socda kooxda Shiicadda ee Xuutiyiinta dalka Yemen ay ka hawlgallaan Waqooyiga Soomaaliya iyaga oo xiriir la leh kooxda argagaxisadda Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah, xiriirka labada dhinac wuxuu Al-Shabaab siin karaa fursad ay ku hesho hub casri ah, tababar iyo khibrad farsamo oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo sare u qaadi karta awoodda kooxda ee weerarrada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka iyo danahooda gobolka Geeska Afrika.

Sarkaal ka tirsan AFRICOM oo la hadlay warbaahinta isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in iskaashiga suuragalka ah ee Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab uu kordhin karro awoodda kooxda Soomaalida ee ay khatar ugu abuuri karto ciidamada Mareykanka iyo danahooda gobolka.

Walaaca Mareykanka ayaa sidoo kale la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Gacanka Cadmeed oo ah marin-biyood muhiim u ah isu socodka maraakiibta ganacsiga ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo suuqyada caalamka. Haddii Xuutiyiintu saldhig ama taageero saadka ah ka helaan gudaha Soomaaliya, waxaa suuragal ah inay ballaariyaan hawlgalladooda, taas oo adkeyn karta ilaalinta maraakiibta isaga kala goosha labada dhinac ee marin-biyoodka istaraatiijiga ah.

Sidoo kale, arrintaan ayaa sare u qaadi karta walaaca amni ee ku saabsan saldhigga weyn ee ciidamada Mareykanka ee Camp Lemonnier oo ku yaalla dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah oo ka howlgala Bariga Afrika.

Taliyihii hore ee AFRICOM, Jeneraal Michael Langley ayaa mar uu sanadkii hore ka hor hadlayay Congress-ka Mareykanka sheegay in Xuutiyiintu awood u leeyihiin inay weeraraan xarumaha ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Jabuuti haddii ay go’aansadaan inay sii xoojiyaan iska horimaadkooda Washington.

Walaaca amni ayaa soo baxaya xilli Pentagon-ka Mareykanka la sheegay inuu qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ka rarayo Soomaaliya si loogu adeegsado hawlgallo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee Koonfurta Ameerika. Wargeyska The New York Times ayaa toddobaadkan sheegay in tiro aan la shaacin oo diyaaradahaas ah loo wareejinayo Galbeedka Dunida, inkasta oo aan faahfaahin laga bixin tirada saxda ah ama waqtiga ay dib u dejintu dhaceyso.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in diyaaradaha MQ-9 Reaper ee Mareykanka ay la kulmeen khasaare weyn tan iyo markii uu dhammaadkii bishii Febraayo billowday dagaalka Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinka ku saabsan joogitaanka Xuutiyiinta ee Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin Al-Shabaab weli waxay u baahan yihiin xaqiijin dheeraad ah, maadaama aan la soo bandhigin faahfaahin dadweyne oo si buuxda u caddaynaysa baaxadda xiriirkaas.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab oo yeeshay iskaashi qarsoodi ah

Horraantii bishii Sebteembar 2026, Wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tan iyo sannadkii 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca hawlgallada ah.

Wargeysku wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka heshay Xuutiyiinta hub casri ah iyo tababarro la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxa. Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay doonayeen taageero farsamo oo u suuragelisa inay rakibaan raadaarro lagu la socdo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ee biyaha u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeysku hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, Jibriil Yaxye Cali ayaa door muhiim ah ka qaatay dhismaha xiriirka labada dhinac, Jibriil ayaa lagu dilay duqeyn Mareykan ah bishii Febraayo ee sanadkan, iyadoo wargeysku sheegay inuu si qarsoodi ah ugu kala safri jiray Soomaaliya iyo Yemen isla markaana uu heli jiray fududeymo ay ka mid yihiin guri iyo baasaboor Yemen ah oo been abuur ah.

Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Shabaab ay sannadkii 2024 u dirtay Xuutiyiinta wakiil lagu magacaabo Axmed Cilmi Samatar kaas oo la sheegay inuu gudbiyay liis hub iyo qalab milatari ah liiskaas waxaa ka mid ahaa gantaallo lidka diyaaradaha ah, gantaallada Katyusha, qoryaha toogashada dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka iyo qalabka aragga habeenkii.

Wargeysku wuxuu sheegay in shabakado tahriibin ah ay adeegsanayaan shirkado magac-u-yaal ah iyo dekedo ku yaalla Yemen si hubka looga soo gudbiyo Gacanka Cadmeed loona gaarsiiyo deegaanno xeebeedyo ku yaalla Waqooyiga Soomaaliya, kahor inta aan loo gudbin cutubyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Koonfurta dalka.

Saraakiil Mareykan ah sida uu qoray wargeysku ayaa aaminsan in iskaashigan uu labada dhinac siin karo awood dheeraad ah oo ay ku ballaariyaan saameyntooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Waxay sidoo kale ka digeen in xaaladdu ay khatar ku noqon karto amniga maraakiibta iyo isu-socodka tamarta ee suuqyada caalamka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Maxamed Xaaji oo faallo ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegay in shirarka siyaasadeed ay abuuri karaan cinwaanno warbaahineed, balse aanay awood u lahayn inay Somaliland kahor istaagaan mustaqbalkeeda.

Published

on


Danjiraha Maamulka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud ayaa ka hadlay kulanka ay yeesheen madaxda Soomaaliya, Ereteriya, Masar iyo Suudaan, kaas oo la sheegay in looga soo horjeeday aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in shirarka siyaasadeed aanay awood u lahayn inay go’aan ka gaaraan mustaqbalka Somaliland.

Maxamed Xaaji oo faallo ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegay in shirarka siyaasadeed ay abuuri karaan cinwaanno warbaahineed, balse aanay awood u lahayn inay Somaliland ka hor istaagaan mustaqbalkeeda, tirtiraan taariikhdeeda, madaxbannaanideeda ama rabitaanka shacabkeeda. Danjiruhu waxa uu sheegay in kulankaasi aanu khatar ku ahayn oo keliya danaha Somaliland balse uu sidoo kale wax u dhimayo danaha istaraatiijiyadeed ee dalal muhiim ah oo ku yaalla gobolka iyo dalalka deriska la ah Somaliland.

Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey Dowlada Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay maamul fashilmay isla markaana sheegay in loo adeegsanayo awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka. “U adeegsiga maamulka fashilmay ee Muqdisho sidii awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda kale ee muhiimka ah ee gobolka iyo meelo ka baxsan weligiis ma shaqayn doono” – ayuu yiri Maxamed Xaaji sida uu ku sheegay faalladiisa.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii socdaan doodaha iyo dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee la xiriira aqoonsiga Somaliland, iyadoo dhinacyada taageersan aqoonsigeeda iyo kuwa kasoo horjeedaba ay isku dayayaan inay xoojiyaan mowqifyadooda siyaasadeed ee heer gobol iyo heer caalami.

Haddaba, madaxda dowladaha Soomaaliya, Eriteriya, Suudan iyo Masar oo dhawaan kulan ku yeeshay dalka Masar ayaa cambaareeyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil iyaga oo sheegay in uu dhaawacayo madaxbanaanida Soomaaliya.

Geesta kale, Dowladda Itoobiya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay inuu taageeray tallaabooyin ay sheegtay inay ka hor imanayaan danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu 4-tii Oktoobar magaalada Al-Calameyn ee dalka Masar kaga qayb galay shir ay yeesheen Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan.

Warbixin ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya oo ciwaan looga dhigay “Khayaamaada Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay wax u dhimanaysa xaqiiqooyinka gobolka” ayaa lagu sheegay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerada uu u muujiyey bayaanka wadajirka ah ee shirka ay Itoobiya u aragto tallaabo saamayn ku yeelan karta danaha ay ka leedahay Wabiga Niilka iyo arrimaha amniga Badda Cas.

Warbixintu waxay sheegtay in bayaanka Al-Calamayn uu ku adkaynayo dalalka ku wada jira Wabiga Niilka inay dhowraan mabda’a ah inaan dal kale waxyeello loo geysan, isla markaana mashaariicda biyaha ee saameyn karta dalalka kale lagu saleeyo ogeysiin hore, wadatashi iyo is-afgarad. Wakaaladda Wararka Itoobiya ayaa ku doodday in qoddobadan ay si gaar ah u saamayn karaan Itoobiya oo muddo dheer khilaaf kala dhexeeyey Masar iyo Suudaan oo ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka gaar ahaan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya.

Warbixinta ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedaysay inuu la safanayo isbahaysi siyaasadeed oo sida qoraagu ku dooday, lagu xaddidayo doorka Itoobiya ee arrimaha Badda Cas. Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah u muujisay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin-badeed ganacsi.

Qoraalka ayaa sidoo kale si gaar ah u dhaliilay ka qaybgalka Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki isagoo ku dooday in Ereteriya ay taageertay mowqifka Masar ee ku saabsan arrimaha biyaha Niilka. Qoraagu wuxuu tallaabadan ku fasiray inay Ereteriya mudnaanta siisay danaha Masar halkii ay ka ilaalin lahayd danaha mustaqbalka ee Ereteriya. Warbixinta ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kaalintii Itoobiya ku lahayd Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii, iyadoo xustay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay Itoobiya iyo taageeradii ciidamada Itoobiya ay ka geysteen dagaalladii lagula jiray Al-Shabaab iyo hawlgalladii nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.

Qoraaga warbixinta ayaa ku dooday in taageerada Madaxweyne Xasan Sheekh ee bayaanka Al-Calamayn ay ka hor iman karto xiriirkii amni iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Itoobiya soo dhex maray tobannaan sano. Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey mowqifka Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Badda Cas iyo xuquuqda Itoobiya ee marin-badeedka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Soomaaliya

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Dhacdadan ayaa lagu daahfurayaa ku biirista Soomaaliya ee nidaamka caalamiga ah ee iibinta iyo dejinta lacagaha tigidhada diyaaradaha oo loo yaqaan BSP, kaas oo ay maamusho IATA.

Published

on


Soomaaliya ayaa isu diyaarinaysa tallaabo cusub oo la xiriirta horumarinta nidaamka duulista rayidka, iyadoo magaalada Muqdisho ay martigelinayso hoggaanka sare ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA). Dhacdadan ayaa lagu daahfurayaa ku biirista Soomaaliya ee nidaamka caalamiga ah ee iibinta iyo dejinta lacagaha tigidhada diyaaradaha oo loo yaqaan BSP (Billing and Settlement Plan), kaas oo ay maamusho IATA.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in hirgelinta nidaamkan ay Soomaaliya u horseedi karto fursado cusub oo dhinacyada dhaqaalaha, shaqo-abuurka, maalgashiga iyo kobcinta adeegyada duulista ah.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda federaalka ayaa dhinaceeda qaabilsan isku-dubaridka iyo kormeerka nidaamka, si loo hubiyo in uu waafaqo shuruucda Soomaaliya iyo heerarka caalamiga ah ee duulista. Sidoo kale, nidaamka cusub ayaa la filayaa inuu fuddudeeyo xiriirka iyo wada-shaqeynta shirkadaha diyaaradaha, hay’adaha duulista iyo IATA, iyadoo Soomaaliya ay doonayso inay sii xoojiso ka mid noqoshada nidaamka duulista caalamiga ah.

Hirgelinta hannaanka BSP ayaa imanaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu casriyeynayo adeegyada duulista iyo in dalka loo abuuro jawi u fududeeya shirkadaha diyaaradaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka shaqeeyaan suuqa Soomaaliya.

Bishii Maarso 2026, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhaqangelisay go’aan dhigaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala safraya gudaha dalka laga rabo Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee (NIRA).

Hirgelinta nidaamkan cusub waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustaf Sheekh Axmed (Dhuxulow), oo sheegay in nidaamkan uu muhiim u yahay xoojinta amniga iyo keydinta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hay’addu waxay sheegtay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku safraya gudaha dalka looga baahan yahay inay wataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loogu fududeeyo hubinta aqoonsiga iyo kor u qaadidda nidaamka socdaalka gudaha.

Nidaamkan cusub ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aqoonsiga iyo maamulka xogta muwaadiniinta Soomaaliya. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa horraantii bishii Janaayo shaacisay in dib loo dhigay hirgelinta go’aankii hore ee ahaa in qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka uusan ka duuli karin garoonka diyaaradda Aadan Cadde isla markaana safri karin gudaha dalka.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in go’aankaasi oo horey loogu qorsheeyay inuu dhaqan galo 1-da Janaayo 2026, dib loo dhigay, isla markaana uu hadda dhaqan geli doono 1-da Maarso 2026, si shacabka Soomaaliyeed loo siiyo waqti dheeri ah oo ay ku diyaarsadaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Hay’addu waxay mar kale ku boorrisay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan muddadan dheeraadka ah, isla markaana ay qaataan Kaarka Aqoonsiga muwaadiinka kahor taariikhda cusub ee loo asteeyay hirgelinta go’aankan. Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo mar uu soo xirayay shirweynaha labaad ee Aqoonsiga Qaranka ee (SNIDC2025), ayaa ku ammaanay shaqada Hay’adda Aqoonsiga Qaran ee NIRA, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee isdiiwaan-geliyey, talo-soojeedinta khubarada iyo horumarinta Aqoonsiga Dijitaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Kaarka Qaran uu muujinayo sida dowlada Soomaaliya ay uga go’an tahay dhammaystirka hirgelinta nidaam Aqoonsi Qaran oo mideysan, kaas oo tiir muhiima u ah dowladnimada, amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada, waxa uuna adkeeyay in go’aannada shirkan lagu xoojiyo qorshaha qaran ee dhismaha adeegyo dowladeed oo ku saleysan tiknoolojiyadda casriga ah. “Waxaa imaanaysa maalin uu qofka wax iibsan karin, bangiga furan karin, safari karin, oo uu noolaan karin isaga oo aan haysan Aqoonsiga Qaranka” – ayuu yirri Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato.

Published

on


Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka Macaawiisleyda kaas oo ka dhacay tuulada Tardo ee Gobolka Hiiraan, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka, Cusmaan Xuseen Gure oo loo yaqaan Cismaan Dheere.

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato. Dadka deegaanka ayaa u gurmaday ninkan, taasoo keentay in iska horimaad hubeysan uu ka qarxo deegaanka, sida aan xogta ku helnay.

Cismaan Dheere ayaa sheegay in dagaalku uu socday saacado isla markaana kooxda Al-Shabaab ay hareereeyeen deegaanka, iyadoo xaaladdu ay sii xumaatay. Waxa uu sheegay in dad rayid ah lagu dilay intii uu dagaalku socday halka qaar kalena ay ka carareen guryahooda, iyagoo u kala firxaday deegaano u jira qiyaastii 40 ilaa 80 kiiloomitir.

Dagaalka ayaa sidoo kale hakiyay dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee dadka deegaanka, sida uu sheegay guddoomiyuhu. Dad subaxnimadii u baxay suuqa iyo goobahooda shaqada ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan goobahaas markii uu iska horimaadku billowday.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay dhawaan faafisay warar sheegaya inay heshiis nabadeed la gashay beesha Xawaadle, kaas oo lagu soo afjarayo khilaaf muddo u dhexeeyay kooxda iyo beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee, Cismaan Dheere ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in heshiiskaasi uu ahaa mid dhab ah. Waxa uu sidoo kale shaki geliyay muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay oo la xiriiray heshiiska, isaga oo sheegay inay suuragal tahay in qaar ka mid ah muuqaaladaas lagu sameeyay ama wax looga beddelay farsamada sirdoonka macmalka ah (AI).

Guddoomiyaha Tardo ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda, isaga oo sheegay in dadka deegaanka ay u baahan yihiin gurmad iyo in xal loo helo dagaallada soo noqnoqday ee saameynaya noloshooda.

Hay’adda Xasaradaha Adduunka oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group), ayaa lagu sheegay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab uu galay marxalad aad u adag oo ismariwaa iyadoo labada dhinacna midkood uusan awoodin inuu guul militari oo la taaban karro oo kama dambeys ah uu ka gaaro dagaalka ka socda Soomaaliya.

Warbixinta Hay’adda Xasaradaha Adduunka waxa ay xustay in guulihii ay dowladdu ay ka gaartay gobollada dhexe dalka Soomaaliya inta u dhexeysay 2022-2023-kii oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkiisii ugu horreeyay xukunka ay ahayd ay dib u wiiqmayn kadib weerarro ballaaran oo Al-Shabaab ay qaaday inta u dhexeysay 2024-2025, taasoo keentay in Al-Shabaab ay dib ula wareegto inta badan deegaanadii hore looga saaray.

Sida ay warbixinta tilmaamayso dowladda Soomaaliya ayaa dib isugu abaabushay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah waxayna ku guuleysatay inay adkeyso amniga deegaano muhiim ah oo ku dhow magaaladda caasimada ee Muqdisho. Hase yeeshee, qaybo badan oo kamid ah bartamaha dalka Soomaaliya ayaa wali ku jira gacanta Al-Shabaab taas oo sii xoojinaysa ismariwaaga dagaalka Soomaaliya.

Hay’adda International Crisis Group ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay wax ka beddeshay xeeladeheeddii dagaalka iyadoo ay iskudayayso inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay bulshada ku dhexbool deegaannada ay maamusho ee dalka Soomaaliya isla markaana ay yareyso ku tiirsanaanta cabsi gelinta oo kaliya. Tan kale waxaa sidoo kale ay sheegtay in dowladda ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo hoos u dhac ku yimid taageeradii dibadda dowladda ay ka heli jirtay.

Warbixinta Hay’adda International Crisis Group waxay ku talisay in dowladda federaalka Soomaaliya dib u habeyn ay ku sameyso tabbabarka iyo tayada ciidamada qaranka Soomaaliya isla markaana ay xoojiso wada-shaqeynta dowlad goboleedyada dalka oo hadda qaarkood khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo sida Jubbaland iyo Puntland isla markaana ay kor u qaado awooda ciidamada heerka gobol si loo sugo ammaanka deegaannada hore Al-Shabaab looga saaray.

Warbixintu waxay sidoo kale ku baaqday in la fududeeyo gargaarka bini’aadanimo ee loogu talagalay shacabka ku nool deegaannada Al-Shabaab ay gacanta ku hayso, iyadoo ugu dambeyntii ay ku dooday in xal siyaasadeed iyo wadahadal ay yihiin wadada ugu macquulsan ee lagu soo afjari karro colaadda muddada dheer ka socotay dalka Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga14 hours ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika15 hours ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga17 hours ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub18 hours ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub19 hours ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga19 hours ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga20 hours ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga20 hours ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya21 hours ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika2 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub2 days ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga2 days ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya2 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya2 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika3 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga3 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda3 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika3 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda4 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga4 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda4 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska4 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha5 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika5 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya5 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga5 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya5 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya5 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda6 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga7 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda7 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya7 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya7 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Xul

Diblomaasi.com