Connect with us

Cuntooyinka

Sidda Loo Sameeyo Muufo Soomaali oo Macaan

Published

on


Assalamu Caleykum waa barnaamijka cunta karinta. Maanta waxaan sameyni doonaa muufo Soomaali oo macaan, Insha Allah. Sidda aan wada ogsoonahay marwalbo waxaa muhiimsan in gacamaha la iska dhaqo, iyadoo la isticmaalaayo saabuunta gacmaha ama waxyaabaha kalle ee loogu talla sagalay in gacmaha lagu nadiifiyo.

Waxaan ka wada marqaati nahay in nadaafada ay tahay shey qaaali ah. Marka horre sidda caadiga ahayd waxaad soo diyaarsanaysaa dhammaan allaabtii aad wax ku karsani laheed iyadoo nadiif kuu ah.

Hadda waxaan u diyaar garoweynaa qaabka loo sameeyo muufada, marka horre:

  1. Waxaad kululeysaneysaa 3 koob oo biyo ah waxaad ku dareysaa illaa dhowr qaando oo caano dhanaan ah, qof walbo sidda uu u yaqaaano.

  2. Allaab la isku tumay oo kabsar caleen iyo tuun xawaaji ayaad Ku dareysaa

  • Intaas kadib, sokorta adiga inta aad jeceshahay ayaad ku darsanaysaa
  1. Qiyaaso xawaajiga hadaad adiga caraf jeceshahy haddii kalleba, dhib malahan hadaad iska deyso.

  2. Hadana waxaad ku dareysaa galeydii aan wada naqanay oo aan soorta ka suubsano ama budo ha noqoto ama jadhiidh, waxaadna ku dareysaa labo qaando.

  3. Cusbada ayaadna hal qaando oo khamiir ah raacinaysaa, khamiirkana ha isku badinin qiyaas ku darso.

Waxaad isku walaaqeysaa dhammaan allaabtii aan kuu sheegay ayaad si fiican isku dhex galineysa hadana burka ayaaad Ku dareysaa, burkana markaas inta ku filan waa inaad adiga garataa inta kugu filan burka markaad Ku darto waad Ku qaseeysaa illaa intuu ka aadkaado burka si fiican u xashee burka. Xashaka aad ayuu ugu wacanyahy wuxuu noqon bur qurux badan oo jilcan markaad xashto burka inuu adkaado lama rabo inuu jileec saa’id ah noqdana lama rabo ee waxaa loo baahanyahay dhex-dhexaad.

Hadda illaa cabaar yar daaa illaa mudo 5 daqiiqo ah dabool saar. intaas markuu yaallo, meel saliid leh ku fidi. Kadib hal hal xabo u gooy-gooy hadana wax yar daa markaad gooy-gooyso. Saxamo ku diyaarso kadib bir taawada dabka saar markii ay kululaato birta xabad-xabad ugu dhe-dheji. Intaas kadib haddii aad adiga jeceshahay inaad dabool saarto waad saari kartaa haddii aad ka dhigto dabaal la’aan waad ka dhigi kartaa dabool la’aan waa isku mid.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Cuntooyinka

Qurbo joogta iyo faa’idooyinka cunista kalluunka

Published

on


Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada barwaaqo sooranka ah marka loo eego istaraatiijayada dhulka ay la wadaagaan dhowr wadan oo ku teydsan Geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa leh bad dhirirkeedu aad u dheeryahay marka laga eego dunnida kale balse ma jirto cid ka faa’ideysata qeyraadka ku jira badda ayadoo dadka qaar ay ka aminsan yihiin in aan la cuni karin waxyaabaha kasoo baxa badda sida Diin badeedka ama Quwada sida aad u taqaano.

Bulshada ku nool xeybaha Soomaaliya ayaa inta badan oga faa’ideysan sida saxda ah sababtuna ay tahay aqoon dari ka heysata halkii ay ku noolaayeen.

Cabdijabaar Sheekh Axmed waa hoggaamiyaha Xisibiga Qaransoor sidoo kale waa aasaasaha Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxa uu ka mid yahay dadka inta badan ku sugan qurbaha balse markii uu yimid dalka ayaa kulan kula yeeshay, wuxuuna iisheegay in markii uu halkaan yimaado cuntooyinka ugu raqiistan dalka uu iibsado.

Waa markii ugu horeysay ee aan arko qof ka yimid qurbaha misna iibsanaayo cuntooyinka aad u raqiis ah wuxuuna yiri: “ halkaan markii aan imaado waxaan aad u jeclahay kalluunka iyo qudaarta sababtoo ah waa waxyaabaha ugu fiican marka loo eego caafimaad ahaan iyo dhaqaalo ahaan, balse ma ahan inaan iibsan karin cuntooyinka halkaan yaallo”.

Soomaaliya waxaa aafeeyay dagaalo sokeeyey ay galeen beri samaadkii aynu soo dhaafney taasoo keentay in ay dalka isaga baxaan in ka badan 6 milyan oo Soomaali ah ayagoo doorbiday inay helaan nolol dhaanta dagaal iyo qarax.

Bulsho badan ayaa milan ku dhacay markii ay tageem qurbaha taasoo dhalisay in ay garan waayeen heykalkii ay laheyd bulshooyinkii Soomaaliyeed oo meesha ka bixiyay dowladanimadii iyo dadnimadii, balse Mudane Cabdijabaar wuxuu tusaale u yahay inta aamisan in aysan fiicneyn cuntooyinka dalka yaalla.

“dadka halkaan joogo waxey aad u jecelyihiin iney cayilaan ayagoo isticmaalaayo caano laga keenay dalka dibadiisa balse markii aan joogay qurbaha waxaan isticmaali jiray caanaha lo’da ayagoo loo sameeyay qaab qurux badan balse ma lahan dufin iyo culeys kaalshiyamta, sidoo kale wuxuu qofka u ogalaadaa in si isku mid ah in jirkiisa uu u koro, laakiin dhibatada taalo halkan ayaa ah in dadka qaar ay qeyb ay u weynyihiin halka qeybta kalana uu caato ka yahay”, ayuu yiri Mudane Cabdijabaar Sheekh Axmed oo hadda dalka ku sugan oo aan isku aragnay magaaladda Muqdisho.

Tani ma ahan dhalanted ee waa xaqiiqada ka jirta dalka ayadoo aad moodo in meelaha qaar ay jirto dayacsanaan iyo aqoondari bulshada dhexdeeda taasoo ay hoggaanka u heyso burbur iyo duulaan lagu soo qaadey dhaqanka bulshadeena. Dadka xeebaha kasoo saara ayaan helin kaalmo ku filan taasoo ku aadan maamulada ay hoostagaan taasoo saameyn kale ku noqotay in ay helaan shixnado ku filan, halka marka qaar ay dhacdo iney naftooda ku waayaan.

Waxaan jeclaan lahaa inaan kusoo gunaanudo in bulshada Soomaaliyeed aysan ka maarmin inay helaan aqoon ku filan taasoo u horseedi karto barwaaqo iyo baraare, tani waxaa la mid ah qof socda misna aan aqoon halkii uu u hayaami lahaa.

Haddii la dhiso garaadka bulshada xirfadleyaasha ka shaqeeya kaluumeysiga waxay faa’iido u tahay in badan oo ka mid ah bulshada ayna u wanaagsan tahay badqabka nolosha iyo deeggaanka, halkii la isticmaali lahaa cunooyinka laga keeno dalka dibadiisa.

Tani waxey dhiiri galin u tahay dadka jecel soo saarista iyo cunista kaluunka waayo haddii aan la helin qof Mudane Cabdijabaar Skheekh Axmed oo kale ah waxaa adkaaneyso in la soo saaro kaluun tiro badan sababtoo ah haddi ay keenaan suuqa balse aan jirin cid ka iibsata waxaa adkaaneyso iney markale suuqa keenaan ayagoo qaarkood isaga hayaama shaqooyin kale.

Faa’idooyinka cunista kalluunka ‘malaayga’

Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaanan ku baraarugin wali faa’idooyinka uu leeyahay kalluunka. Kalluunka waxaa ka buuxa omega-3 fatty acids iyo fitamiino sida D iyo B2 (riboflavin). Kalluunku waxa uu qani ku yahay kaalshiyamka iyo fosfooraska waana il weyn oo macdan ah, sida birta, zinc, iodine, magnesium, iyo potassium. Ururka Wadnaha ee Maraykanku waxa uu ku talinayaa in la cuno kalluunka ugu yaraan laba jeer toddobaadkii taas oo qayb ka ah cunto caafimaad leh.

Kalluunka waa isha ugu muhiimsan ee omega-3 fatty acids (DHA iyo EPA) sida ay sheegtay Dr. Angela Donald, Agaasimaha Waxbarashada iyo Cilmi-baarista Caafimaadka Ascenta, marka lagu daro EPA iyo DHA, kalluunka iyo cuntooyinka kale ee badda ayaa sidoo kale qani ku ah. nafaqooyinka kale sida fiitamiin D iyo selenium, borotiinku ku badan yahay, dufankuna ku yar yahay. Intaa waxaa dheer, kalluunka yar yar marka la wada cuno (madaxa, xubnaha iyo lafaha) ayaa si gaar ah qani ugu ah kaalshiyamka iyo qaar sidoo kale qani ku ah fitamiin A, Iron, iyo zinc.

Dr. Angela Donald waxay sharraxday in jirkeenu aanu samayn karin omega-3 iyo omega-6 fatty acids, iyo in maadaama ay lagama maarmaan u yihiin hawlo badan oo jidhka ah oo caadi ah, sida koritaanka, taranka, aragga, iyo horumarinta maskaxda, waa in aan ka helno cuntada. . Sida laga soo xigtay iyada, yaraanta nafaqooyinka lagama maarmaanka ah, haddii ay tahay fitamiin A, fitamiin C, zinc, ama asiidhyada dufanka muhiimka ah (omega-3s iyo omega-6s), waxay kor u qaadi doontaa cudurka.

Intaa waxaa dheer, waxay ku dartay “kordhinta isticmaalka saliidaha omega-3 fatty acids (EPA iyo DHA) ee aadka u liita (EPA iyo DHA) waxay caddeeyeen inay faa’iido u leeyihiin ka hortagga ama daaweynta xaalado caafimaad oo badan oo dabadheeraad ah, oo ay ku jiraan laakiin aan ku xaddidnayn cudurrada wadnaha iyo xididada, niyad-jabka, iyo hoos u dhaca garashada.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Cuntooyinka

Baro Sidda Loo sameeyo Shaah Soomaali!

Published

on

Kusoo dhawaada barnaamijkeenii xiisaha badnaa ee cunta karinta ee aad kalla socotaan Machadka AJ. Maanta waxaanu karini doonaa Shaah.  Jalmad mise ibriiq ama kirli hadba sidda aad u taqaanaan.

Markii aad shaah karinayso waxaad u baahantahay:

  • Kirli ama jalmad mise ibriiq sidda aad u wada taqanaan.
  • Sonkor
  • Caleen
  • Qorfo hayl iyo dhaga yaro
  • Iyo halkii aad ku karsani laheed (dam)

Marka horre jalmada ayaad dhaqeysaa oo aad nadiif kadhigeysaa. Sidda aan wada ogsoonahay nadaafadda waa shey qaali ah, marwalbana ku dadaal siddii aad u nadiifsani laheed allaabta aad wax ku cunayso.

Markaad jalmada dhaqdo waxaad ku shubeysaa 6 galaas oo biyo ah kabacdi waxaad saareysaa STOVE-ka ama haddii aad isticmaasho qoryo mise dhuxul. Waxaadna sugeysaa illaa iyo 15 daqiiqado marka ey falfalaan biyaha waxaad ku shubeysaa  galaas sonkor ah mise waad ka yareyni kartaa sonkorta hadba waa dooqaada sidda aad adiga jeceshahay.

Sababtoo ah 6-dii  galas oo biyo ah waxa ey  u bahaanyihiin 1 galaas oo sonkor  ah marka aad ku shubta sonkorta  kabacdi  waxa aad sugeysaa illaa 2 daqiiqo.

Waxaad soo qabsaneysaa 12  xabbo oo heyl ah iyo 3 xabbo oo qarfo ah  intaas marka  aad kudartid waxaad hadana  sugeysaa 1 daqiiqo kabacdi caleynta ayaad ugu dhigeysaa normal.

Waxyar kadib illaa mudo 2 daqiiqo waad kasoo dejineysaa oo waxaad ku shubanaysaa falaaska shaaha mise tarmuushka sidda aad adiga u taqaano oo diyar kuu ah. Waad cabi karta hadda  haddii aad nuucaas u karsato.

Intaas markaad sameyso haddii aad doonto cadeys ayaad ka dhigani kartaa oo caano ayaad ku darsani kartaa mise haddii aad bigeeska ka jeceshahayna waxad cabi kartaa bigeeska.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Cuntooyinka

Maxaad Ka Taqanaa Bariis Isku Karis Soomaaliyeed?

Published

on

Kusoo dhawaada waa markalle iyo barnaamijkii cunta karinta ee aad kalla socotaan Machadka afkaarta Joogtada Ee Ganacsiga Iyo Bulshada. Maanta waxaan karinaynaa bariis isku karis ah, waxaan isticmaaleynaa bariiska loo yaqaano bariis mati.

Marka horre waxaa lagu bilaabayaa dhaqidda bariiska. Waa inaad dhaq-daan bariiska illaa ay biyaha saafi ka noq-daan.  Dhaq illaa 3 daqiiqo ama 4 daqiiqo. Bariiska illaa 1 saac la dhig biyo.

Waxaa kalle oo aan isticmaaleynaa hilib ari. Dadka qaar ayaa isticmaallo fiyinjeer, haddii aad isticmaalayso fiyinjeer waxaad sameysaa si fiican iskeega dhaq hilibka, barafka kaga dhaq biyo kulul si nadiif u noqoto cuntadaada.

Intaas kadib waxaad u baahantahay:

  • Inaad jar-jarato basal, hal koob oo saliid ah, iyo 3 qorfe ah
  • Waxaad kalle oo aad ku dareysaa
  • 5 xabo oo tuun shiidan ah
  • 8 xabo oo heyl ah
  • 8 xabo oo dhagayare ah

Intaas markaad sameyso waxaad ku rideysaa hillib ariga, kadib is dhex qaadsii oo ku dar 3 qaando oo maraq dijaaj ah oo si fiican isku dhex qaadsii kadibna, ku dar xawaashka 1 qaando oo mid yar-yar ah. Si fiican mar kalle u walaaq .

Wax yar ha isku kareen, kadib ku dar 3 yaanyo oo la shiiday, hadana  mar kalle is dhex-qaadsii kadibna dabool illaa 2 saacadood dabka dhex-dhexaad ka dhig. Haddii aad isticmaasho makiinada STOVE-ka heerarka dhex-dhexaadka ka dhig.

Intaa kadib daboolka ayaad ka qaadeysaa caraf ku dar iyo 2 koob oo biyo kulul ah. “1 koob kaste oo bariis ah wuxu u baahanyahay 2 koob oo biyo ah”

Daboolka saar oo kari illaa hal saac iyo bar si uu hilibka aad ugu jilco intaasna kadibna ku shub bariiska markaad biyaha ka miirto.  Waxaad ku daraysaa bariiskii kadibna waad isku walaaqaysaa. Kadibna illaa 10 daqiiqo camal ayaad u sugaysaa. Bariis matiga qaabkaas ayaa loo kariyaa, hadda waa diyaar oo waad cuni kartaa bariiskaada haddii aad qaabkaas u kariso.



Website: www.machadkaaj.com

Facebook LIKE: Machadka Afkaarta Joogtada Ee Ganacsiga & Bulshada

Twitter Account: @MachadkaAJ

Instagram: machadka_aj

G­oogle Plus: machadkaaj@gmail.com

Skype: machadkaaj.com

Professional Email: info@machadkaaj.com

Email: machadkaaj@gmail.com

Youtube: https://www.youtube.com/ =machadka+afkaarta+joogtada_ee ganacsiga & bulshada

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Cuntooyinka

Sidda Loo Sameeyo Shaah Soomaaliyeed

Published

on


Assalaamu Calaykum! kusoo dhawaada barnaamijkii cunta karinta. Maanta waxaan barani doonaa sidda ama qaabka loo kariyo shaaha.  Sidda aan wada ogsoonahay marwalbo waxaa wanaagsan inaad ku noolaato jawi nadaafadiisa ay wanaagsantahay, qaasatan weelasha ama allaabta aad wax ku cunayso mise aad wax ku karsanayso.

Shaqsiyaadka caalamka wax yaabaha ay u kalla duwanyihiin waxaa ka mid ah xagga nadaafadda, hadaba aan ku dadaalno siddii aan ugu noolaani laheen jawi nadaafad leh. Qodobadaan hoos ku qoran waxay kuu tilmaamayaan sidda loo sameysto shaah fiican oo soo jiidasho wanaagsan leh. Hadaba waligaa shaah ma sameysatay? Sidduu ahaa qaabka aad u sameysatay?

  1. Marka horre waxaad soo qabsanaysaa kirliga ama jalmada shaaha lagu karsado sidda aad u wada taqanaan.
  2. Dabka ayaad shidaneysaa. Waxaa macquul ah inaad qoryo mise dhuxul wax ku karsanayso, haddii aad wax ku karsanayso qoryo mise dhuxul umma baahnid inaad qiyaasto heerarka kalla duwan (degree) ee waxaad u baahantahay inaad si toos ah u shido dabka. Haddii aad tahay shaqsi isticmaalo sidda korantada waxaad u baahantahay inaad qiyaasta aad doonayso inaad wax ku kariso qiyaasato. Marwalbana la soco heerka makiinada mise korontada aad isticmaalayso. Wax walbo ayaa dhici karo qaasatan korantada in la iska illaaliyo ayaa wanaagsan, nafta bini’aadamka waa qaali marwalbo. Waxaa macquul ah inaad wax ku karinayso makiinada wax lagu kariyo sidda gaaska, marwalbo adiga ayay kugu xerantahay waxaad wax ku karsanayso.
  • Intaas kadib, kirliga ama jalmada ayaad dabka saaraneysaa, dabka hadduu fiicanyahay dhaqso ayuu karayaa hadduu fiicneyna wuu kaa daahayaa, marka dabka iska nooleya intuu dabka kuu saaranyahay heylka iyo qorfaha iyo dhagayaraha ayaad isku tumaysaa.
  1. Heylka 5 xabo inuu ka bato ma fiicno dhagayarahana qaado haafkeeda, kadib jabyar oo sanjabiil ah ayaad tarmuushka ku rideysaa.
  2. Shaaha waxaad ku dhex shubaysaa mise aad ku dhex rideysaa caleenta shaaha, salka ayaad u dhigeysaa.
  3. Sanjabiisha shaaha kadib markuu kuu karo hadduu labo darmuus yahay oo aad rabto inaad badsato shaaha waxaad ku daraysaa 1 bakeeri oo sonkor ah, hadduu yahay hal darmuus iyo bar waxaad ku daraysaa 1 bakeeri haafkiisa si aysan sonkorta ugu badanin laakiin haylka, qorfaha iyo dhagayaraha sonkorta markaad ku darto kadib ayaad ku daraysaa.
  • Kadib hal mar camal markuu soo koco waxaad ku dari caleenta.
  • Caleenta wax badan ha ku darin haddii kalle wuu kaa madoobaanayaa, labo jeer bas ha is rogeen biyaha shaaha.
  1. Markaad sonkorta, caleenta aad ku darto waxaad ku daraysaa qorfaha, sanjabiilka iyo dhagayaraha.
  2. Intaas kadib wax ka yar 2 daqiiqo markii ay u dhamaato waad ka soo dejisanaysaa oo falaaska ayaad ku shubanaysaa. Haddii aad jeceshahay inaad cadeys ka dhigato waxaad ku darsanaysaa caanaha sidda caadiga ahayd waxaad caanaha ku darsanaysaa markaad kasoo dejiso kadib.

Hadda waxaad karsatay shaah macaan, marwalbo sonkorta waa la iska yareeyaa sidaas ulla soco. Shaahaas wuxuu sugayaa hadda qofkii cabi lahaa. Qofkii nidaamkaas u karsado wuxuu dareemayaa maalintaas inuu shaah fiican cabay, wuu usoo xiisi doonaa qofkii lagu marti qaado shaaha noocaas oo kalle, sawabtoo ah Soomaalida waa dad shaaha jecel.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Cuntooyinka

Barnaamijka Cunta kKarinta: Suugo Soomaaliyeed oo La Casriyaysiiyay |Tukesomalism.com

Published

on

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi. Kusoo dhawaada waa barnaamijkii cunta karinta. Waxaan rabnaa inaan dadka barno cuno Soomaali casriyeysan. Waa suugo aad u macan oo aad ku cuni karto waxii aad karsatay, haddii ay tahay baasto, bariis ama wax yaallo kalle sidda muufada, sabaayadda ama rootiga.

Suugadaan aadka u macaan waa maraq fadhiyo oon bataati lagu dareynino ama bocor markaan joognay wadankeena Soomaaliya waxay dadku aad u isticmaalaan bocorka iyo bataatiga oo ay ku adkeeyaan suugada laakiin midaan wey ka yar duwantahay waxaan isticmaaleynaa digir ey isticmaalaan Hindida. Hindida digirta aad ayey ugu fiicantahay waxaan idin dhihi lahaa aad u isticmaala digirta maxaa yeelay sidda aan ka wada warqabno digirta waxay leedahay faa’idooyin.

Ha isticmaalin bataati badan, hadaad isticmaasho waxaa dhici inaad suugada saliid badan u yeesho digirta biyo ayaaad ku dhigeysa waanad karineysa, waanad shiideysaa, bas-baas badan iyo xawajiyaal ku dhibayo ma ahan sidda caadad no ah waxan so diyaarsaneynaa allaabtii aan wax ku karin lahayn sidda digsida. Waxad diyaarasan allaabtii oo dhan.

Hadda dabkii waan shidanay waxaana saareynaa digsigii waxaan ku shubeyna saliida adiga sidda jeceshahay koob ama koob haafkiis. Aniga waxaan jecelahay saliida yar oo waxaan isticimaallaa koob haafkis. Waxaad sugaysaa 5 daqiiqo inta ay ka yar kululaanayso saliida.

Hadda saliiddii wey kululaatay waxaan ku dareyna hal xabo oo toon ah. Waxaan ku shubeynaa basashii oo aad jar-jarayso kadib waan sugeynaa intey ka soo gaduudato. Kadib waxaan ku shubeynaa hilibkii oo wax yar isku qaseynaa hadana waxan ku darsanaynaa hal xabo oo bas-baas ah si uu dhadhankeeda u wacanaado kuleeyl yarna loga dareemo kadib, jab barbaanoni ah ood jar-jartay, barbarooniga waa guduud hadda waxaan ku dari xawaaji buur-buur oo hilibka marka lakarin Soomaalida aad ayeey u isticmaalaan hilibka. Waxaad ku daraysaa 1hal qaado sanjibiil shiidan ah, sanjibiisha shiidan aad ayey ugu fiicantahay hilibka wey jilcisaa, weyna bisleysaa marka halla isticmaallo.

Qaadada aan isticmalaayo waa qadadii yareyd 1hal qaado oo toon shiidan ah iyo hurudi aan wadda naqiinay oo 1hal qaado ah ayadana midibka ayey ku fiicantahay, waxaad ku daraysaa filfil yar oo far iyo sul ah waxeyga ayaan isku gad-gadinayaa si fiican ayey isku dhex galeysaa hadda waxaan ku darsanayaa hadda yaan-yaaddii oo shiiday labo koob camal ah marka si fiican ayaan u walaaqayaa waxaan kalle ku darayaa hal qaado oo cusbo ah qadada yar iyo laba koob oo biyo ah markaan hilibka inuu jilco ayuu u baahanyahay sacaad ayeey kareysaa daboolka u daáa dabkana dhex-dhexaad oga dhig, yacani ka gaabi dabka aad ka u kulul kuma fiicno hilibka hadana raqey ayaan ku darsaneynaa, raqeyga wuxuu uu yeelayaa dha-dhan macaan oo ku soo jiidanaayo. Raqeyga koob biyo ah ayaad dhex dhigaysaa waxaan gelinayaa fiyijeerka.

Hadana waad ka sii bixinaysaa oo waad ku darsanaysaa, waadnamiireysaa. Kadibna aad ayuu usii jilcaayaa gacanteyda ayaan ku ja-jabinayaa halkaas ayaad ku miireysaa. Hadda waxaa kuu daliil ah hilibka inu karay lafaha ayaa soo baxaayo kadibna digirta ayaan ku darsanayaa, kadib waxaan ku darsanayaa hal xabo bataati ah kadib wax yar ayaad isku deynaysaa kadibna wixii qudaar ah oo ku diyaarsan oo fareesh ah ayaad korka ugu daraysaa kadib kabsar caleen aad jar-jartay ayaad korka ugu daraysaa. Suugadaan ayaa ah suugo aad ka heli doonto sidda ay kuugu soconayso. Bal tijaaabi oo isku day inaad sameeyso suugadaan macaanka badan.

Nasiib wacan!

Magacaaga oo seddaxan : *
Halka aad joogto : *
Da'da : *
Dooro Koorsada :  * 
Emailkaada : *
Fariintaada : *
 

 

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Gumeysi iyo isir sifeyn56 mins ago

Israa’iil ayaa qorshaynaysa in ay disho shakhsiyaadka masuuliyiiinta ka ah ururka Xamaas

Gumeysi iyo isir sifeyn1 hour ago

Dagaalka Qaza: Israa’iil oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe ay ka damacsan tahay Qaza dagaalka kadib

Siyaasadda Soomaaliya18 hours ago

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo bisha soo socota ka qaadi doona cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 days ago

Waa kumaa Henry Kissinger, diblomaasigii qaabeeyey siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka?

Wararka3 days ago

Soomaali ku guulaystay Abaalmarinta Qaramada Midoobay

Wararka5 days ago

Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay weeraryahano haystay markab lala xiriirinayo Israa’iil

Akhri6 days ago

Raxmo-yarey yaa uureeyay?

Wararka6 days ago

Diblomaasi.com waxay soo kordhisay qeyb WhatsApp Follow Channel ah ee aad kala socon karto qoraalada

Wararka6 days ago

Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya bishan Nofeember

Akhri7 days ago

Xamar iyo Xaalka Fillada Cad

Yurub1 week ago

Musharaxii mulxidka ahaa ee ku caanbaxay Islaam Naceybka oo ku guuleystay doorashadii Netherlaan

Wararka1 week ago

Dagaalka Qaza: Maxaa ka cusub heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?

Wararka1 week ago

Türkiga oo aan ku degdegi doonin in uu fuliyo rajada Iswiidhan ee ku biirista gaashaanbuurta NATO – Reuters

Wararka1 week ago

Norway: Laba ka mid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka ayaa lagu weeraray mindiyo – waa la xiray sida ay booliska sheegeen

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Xildhibaanada Koonfur Afrika ayaa u codeeyay in xiriirka loo jaro Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Maxay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas?

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

Saboolnimo Hoggaamineed

Afrika2 weeks ago

Qaramada Midoobay oo xirtay saldhig kale oo nabad ilaalineed oo ku yaalla Maali

Afrika2 weeks ago

Dimuqraadiyada reer galbeedka waa ay ku fashilantay Afrika – madaxweynihii hore Nayjeeriya

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Israa’iil oo ku hanjabay in ay duqayn doonaan dalalka Carabta

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Xisbiga haya talada Koonfur Afrika ayaa taageeray in xiriirka loo jaro Israa’iil

Afrika2 weeks ago

Suudaan oo dalbatay in si deg deg ah loo joojiyo howlgalka Qaramada Midoobay – Reuters

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 weeks ago

10 Talo oo ku saabsan sida loo helo guusha nolosha

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

MW Xassan Sh. Maxamuud oo Burundi u tagay arrinta ‘dardar-gelinta dagaalka Al-shabaab iyo xubinnimada urur EAC’

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Israa’iil waa ‘dowlad argagixiso ah’, ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan

Afrika2 weeks ago

Bankiga Afrika ayaa cunaqabateynta ka qaaday dalka Faransiiska oo horey u gumeysan jiray

Afrika2 weeks ago

Hay’adda Global Witness ayaa sheegtay in bangiyada Midowga Yurub ay ku lug leeyihiin rabshadaha ka socda meelo kamid ah Afrika

Buuggaag3 weeks ago

Oslo, Norway: Bandhiga buugga Kasdareen – Cilmi-nafsiga Dhamaystiran

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Maxay ku saabsaneed khudbaddii MD Xassan Sh. Maxamuud (4.5) uu ka jeediyay Madasha Sacuudiga iyo Afrika?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 weeks ago

Sacuudi Carabiya oo xoojinaysa xidhiidhka Soomaaliya, iyagoo u diyaar-garoobaysa daah-furka Shir Madaxeedka Afrika ee Sucuudiga

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 weeks ago

MD Xasan Sh. Maxamuud oo shirar xasaasi ah kaga qeyb galaayo Sacuudiga – mowqifka dowladda Somaaliya ee arrinta Falastiin

Wararka3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Ugu yaraan 40,000 oo falastiiniyiin ah ayaa la dilay ama ay dhaawacday Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu daaha ka rogayaa fashilka akhlaaqiyeed ee qiyamka reer galbeedka

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Waa kuma kooxda iska caabinta Islaamka ee Ciraaq, kooxda daahsoon ee weerartay bartilmaameedyada Maraykanka iyo Israa’iil ee marinka Qaza?

Wararka3 weeks ago

Duqa magaalada St. Louis Park: Gabadha Soomaaliyeed ee taariikhda cusub ka dhigtay Mareykanka

Afrika4 weeks ago

Bariga Afrika waxaa ku dhuftay daadka roobka deyrta oo khasaare geystay

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Qaza ay noqonayso ‘xabaalaha carruurta’, wuxuu ku baaqayaa xabbad-joojin

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe oo wajahaya weerarro joogta ah – waa maxay sababta?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada4 weeks ago

10 qodob oo muhiim ah inaad wax ka ogaato siyaasada Shiinaha ee diimaha

Dhaqaalaha4 weeks ago

Niger waxay heshiis la gashay Shiinaha si ay u dhisato dhuumaha shidaal ee ugu dheer Afrika – AFP

Xul