Connect with us

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Sidda Shaqsiyadaada Tahay Ayay Ku Xerantahay Qaabka Ganacsigaaga

Published

on

“The type of person you are is usually reflected in your business. To improve your business, first improve yourself.”

― Idowu Koyenikan, Wealth for All: Living a Life of Success at the Edge of Your Ability

 

Ganacsi walbo wuxuu sharaf ku leeyahay marka uu leeyahay qorshe ganacsi oo afka qalaadka lagu yiraahdo “Business plan”. Inaad ganacsi bilaawdo waa wax wanaagsan, hadana adiga oo kali ma ahaan ee dad badan ayaa qaba fikirkaaga oo kale oo maalin walbo ku fakira inay maalin un bilaabi doonaan fikrada ka guuxaysa maskaxdooda. Fikirka umadaha kama wada simna ee dadka Illaahay s.w.c wuxu u kala dhaliyay noocyo kala duwan. Waadna ku dhex arkaysaa bulshada qof nool oo hadana sidaasi aanan ugu warqabin xaaladda lagu suganyahay iyo waliba isbedelka isdaba jooga leh ee dunidda ka dhacaayo.

Ha noqonin qof la seexday fikirka iyo aragtida uu bulshada u haayo. Waxaa macquul ah inaad hayso fikir ganacsi oo wanaagsan hadana ay macquul tahay inay kugu jirto cabsi badan waana sawabta keentay in qof adiga oo kale dhaqso uu u bilaabo fikirkii aad haysay. Marka aad aragtana qof bilaabay fikirkii aad adiga ku fakiraysay ayaad waxaad bilaabaysaa shalayto. Hadana Soomaalida waxay ku maahmaahdaa “shalayto waa shey xaaraan ah”. Inta aad shalayni lahayd maanta ayaad haysataa fursadaada qaali ah ee aad u baahantahay inaad ka miro dhaliso.

Waxwalbo waa macquul ee adiga waxaad u baahantahay oo kali inaad bedesho qaabka aad u fakirto. Qofwalbo oo bini’aadam ah hadduu wax ka bedelo sidda uu u fakiro waxwalbo oo noloshiisa wey isbedeshaa. Tusaale ahaan haddii aad rabto inaad ganacsi bilaawdo hadana aad ka cawanayso dhaqaalo la’aan maxaad sameyni kartaa?

Dhaqaaqis mise cabasho: Cabashada meel kaa saari mayso ee dhaqaaqa ayaa muhiim ah marwalbo. Carwada Golden Hours – ayaa waqtiyadaan dambe si hawli ah ku socoto marka loo fiiriya waqtiyadii dambe ee lasoo dhaafay, hadaba marka loo fiiriyo waxaa lagu bilaabay lacag yar. Waxaa sii badanaayo xarumaha cusub ee ay sameysanayaan. Carwadaan ayaa ah carwo uu gacanta ku haayo wiil dhalinyaro Soomaaliyeed kaasoo si xawli ah ku socda. Shakiib Bacow waa ganacsadaha carwadaan sidda gaarga ah u maamule wuxuuna tusaale fiican u noqoni karaa dhalinayaro badan oo riyadooda tahay inay noqdaan ganacsade.

Fikirka kugu dhashay marwalbo adiga ayaa waalid u ah. Waxaadna u tahay “hooyo mise aabe” fikir iyo aragti walbo qof ayaa dhalay waana lama huraan marwalbo inaad bulshada adduunka wax kusoo kordhiso. Waa inaad qiimaysaa oo dhinacyo badan ka fikirtaa sidda aad u suurta gelini lahayd inaad ku dhaqaaqdo fakirkaas. Haddii aad u baahantahay inaad suurta geliso fikir cusub waxaad isticmaali kartaa taatik badan sidda “inaad u tagto bangiyada oo aad weydiisato sidda aad lacag ku heli karto, waxaana lagaaga baahanyahay inta aadan u tagin inaad la timaado fakirka ganacsigaaga iyo waliba qorshaha kuu degsan ee loo yaqaano “Qorshaha ganacsiga” -business plan.

Hadaba waa maxay qorshaha ganacsiga?

“Qorshaha adiga ayaa kunool ee asiga kuguma noola” maah-maahdaan waxay ahayd “talo adiga ayaa ku nool ee iyada kuguma noola”. Hadaba aan kula taliyo, inta badan ganacsiga ka jira gudaha Soomaaliya cimirigiisa aad ayuu u gaaban yahay, balse maxaa keenay? Ganacsiga Soomaalida inta badan sidaas uma sii cimri dheera, waan ogsoonahay in waxwalbo Illahay swc sawabtiisa ay ku jiraan balse haddii ganacsiga uu ku dhisanyahay aqqoon iyo waayo aragnimo dheer wuxuu noqdaa mid aad u cimri dheer.

Aan soo qaadano tusaalooyin fiican. Maalin walbo waxaad aragtaa shirkado badan oo caalami ah, ogaaw dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee aad aragto waxay ka soo wada bilaabeen meel hoose kadibna waxay gaareen meel caalami ah. “local to international”

Tusaale ahaan shirkada Coca-cola cidwalbo maanta wey taqanaa, goormaa la sameeyay ama la aas-aasay ayay kula tahay shirkadaas?

Shirkadaas waxaa aas-aasay  Asa Griggs Candler sanadka markuu ahaa January 29, 1892. Goobaha shirkadaan xarumaha waa weyn u ah waa  Atlanta, Georgia, dhammaan xarumahaas oo dhan waxay ku yaalaan dalka Mareykanka.

Wali waxaa jira shirkado badan oo aad u cimri dheer waliba kasii cimri dheer shirkada Coca-cola. Tusaalooyinkaasi waxaanu ka fahmi karnaa in loo baahan yahay hiigsi. Si aad u gaarto hiigsiga aad hiigsanayso ganacsigaada waxaad u baahan tahay inaad qorto “qorshaha ganacsigaada” oo ay fahmi karto cidwalbo. Markii aan ku leeyahay qorsho ganacsi oo ay fahmi karaan cidwalbo waxaan kala jeedaa ganacsiga marka aad bilawdo waxaad u baahan tahay inaad sare u qaado sanadaha soo socdo. Si aad sarre ugu qaato waxaad u baahan tahay inaad hesho dad shuraako kula noqdo oo wax kugu darsado.

Inaad yeelato qorsho ganacsi waa muhiim. Qorshaha ganacsiga waa qaab qoraal ah oo la qoro marka la damacsanyahay in lagu guulaysto fursadaha ka jira suuqa. Inta aadan marka horre qorin qorshaha ganacsiga marka horre isku day inaad wax badan ka ogaato waxa ka jira suukha. Haddii aad wax badan ka ogaato waxa ka jira suukha waxaad ogaani kartaa saadaasha mustaqbalka ee ganacsigaada. Ganacsi walbo wuxuu u baahan yahay marka horre in la sameeyo cilmi baaris.

Bangiyada waa inaad marwalbo la hor tagtaa qorshaha ganacsigaaga iyo waliba sidda aad rabto inaad u maareyso haddii bangiga ku siiyo lacagta aad u baahantahay. Mana jirto haayado, ama bangiyo ku siini kara lacago dayn ah adigoonan haynin qorshaha ganacsiga kuu ah. Waana halka laga ogaani kara in fikirkaaga yahay fikir wanaagsan.

Waxaa wanaagsan inaad marwalbo la timaado qorshe cadeynaayo inaad tahay shaqsigii ay sugaysay dunidda. Waa lama huraan inaad dhaqaajiso fikirkaaga iyo adigtidaada. Hadaba haddii aad u baahantahay aqqoon badan oo ganacsi ah ama aad jeceshahay inaad horumariso naftaada inta aadan bilaabin ganacsi, waxaa jira koorsooyin badan oo aad naftaada ku horumarini karto. Guji halkaan https://somalism.org/ si aad u hesho koorsooyinka ku saabsan ganacsiga iwm.

Facebook Comments Box

Waa bare, qoraa, cilmi-baare, iyo hogaamiye fikir iyo aragti xambaarsan oo wax ka dhiga kuliyada dowladnimada iyo difaaca ee Jaamacadda Ramaas 'Ramaas University'. Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa goormaa wakhtiga saxda ah ee aad bilaabi karto ganacsi?

Furaha ugu muhiimsan ee ganacsiga waa inaad taqaano suuqa aad beegsanayso iyo inaad u haysato dhaqaalle kugu filan. Haddii kale si fudud ayaad u jabaysaa.

Published

on


Haddii aad akhrinayso qoraalkaan, waxay u badan tahay inaad ka fikirtay inaad bilowdo ganacsi kuu gaar ah. Waxay u badan tahay inaad wax badan ka fikirtay. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inaad dib u dhigtay – bilo, haddii aysan ahayn sanado – sababtoo ah wali ma aadan dareemin inay tahay waqtigii saxda ahaa.

Dib uga fakar markii ugu dambeysay ee aad hadaf weyn gaartay. Waxaa laga yaabaa inaad rabtay inaad dhammaystirto hadafkaas. Xusuusnow sida cajiibka ah ee aad dareentay markii aad dhammaysay?

Gaaritaanka yoolalka waa weyn waxay ku dareen siinaysaa qof sharaf leh, oo wax qabsan kara. Bilaabida ganacsi marna ma fududa. Awooda lagu bilaabi karo ganacsi ma fududa. Waxay u baahan tahay adkeysi, iyo dulqaad.

Waxaan jira dad leh fikrado waaweyn oo ganacsi ah; laakiin waa dad la nool fikradahooda oo kali ee aan lahayn dhaqaaq. Sidoo kale, waxa jira shakhsiyaad u heelan in ay shaqada ka tagaan ama bilaabaan ganacsi balse sannadba sanadka ka dambeeya is leh ‘wali lama gaarin wakhtigii aad bilaabi lahayd; kuwaas oo kale weligood uma muuqdaan inay horumar samaynayaan. Waa maxay sababtu? Sababta ayaa ah in inta badan shakhsiyaadka leh qorshayaasha ganacsi ee waaweyn iyo fikradaha ay sugayaan waqtiga saxda ah ee ay bilaabaan.

Marka hore aan isla fahano waa maxay ganacsi?

Ganacsiga waa shirkad kasta oo doonaysa inay ka faa’iidaysato adeegga ay bixiso, badeecadaha ay iibiso iwm. Fasiraada ‘Ganacsi’ waa ereyo ballaaran, marka aad ganacsi bilawdo waxaad la kulmi kartaa khasaare, laakiin taasi macnaheeda ma ahan inaad ku guuldarreysanayso haddii aad ganacsi bilawdo ee waa aqoon kuu koradhay.

Waa goormaa wakhtiga saxda ah ee la bilaabi karo ganacsi?

Waxaa laga yabaa inay ku hayso cabsi ah inaad ku guuldareysato ganacsiga haddii aad bilawdo. Haddii aad sidaas u fekerayso waxaa kaa maqan inaad ogaato marka hore, ma jiro wax la yiraahdo guuldaro. Guuldarro waa marka aad guuldarreysato oo aad wax ka baran wayso guuldaradaasi.

Qor sida ay u ekaan doonto noloshaada riyadeeda shan sano gudahood, adoon wax xaddidaad ah ama ka fikirin sida aad halkaas ku gaari doonto.

  •  Ganacsi noocee ah ayaad doonaysaa inaad bilawdo?
  • Yaa wax kugu darsan doona?
  • Sidee dareemi doontaa maalinka aad bilaabayso shirkadaada?

Hadda dib-u-fiiri wixii aad qortay, oo qiyaas inay dhammaan xaqiiqo yihiin. Ogaaw, wixii aad qortay waa adiga qorshahaaga. Waana khariidaddaada guusha. Hadda waxaad joogtaa meel aad uga dhow inaad bilowdo ganacsi. Xaqiiqada waa tan: ma jirto waqti ku habboon in la bilaabo ganacsi. Marna ma jiri doonto daqiiqad ku habboon. Had iyo jeer waxaa jiri doona sababo aad dib uga dhigi karto hadafyadaada ganacsi. Laakiin sidee ayaad u abuuri kartaa shuruudahan kuwaas oo suurtogal ka dhigaya in riyadaada inay rumoobaan?

 

Mudnaanta sii fikradahaaga ganacsi

Dhab ahaantii, maaha wax ku saabsan wakhtiga – adiga ayay kugu xeran tahay. Adiga kaliya ayaa awood u leh in aad abuurto ganacsi guulaysan kara, taasina waxay kaaga baahan tahay shaqsiyad gaar ah oo ay ka go’an tahay. Waxay u baahan tahay adkaysi iyo hab-fikir quman.

Marwalbana ku dedaal sidii aad u arki lahayd sawirka guud ee horumarka leh. Waxa muhiimka ah waa ogaanshaha inaad adigu gacanta ku hayso noloshaada, oo aad ka shaqaynayso fikirkaaga ganacsi.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Fahan bulsheed: Guulaha suuq-geynta

Marka dadka si fiican ugu warhayaan alaabtaada ama badeecadahaaga, iibkaagu wuu kordhayaa. Suuqgeyntu waxay caawinaad weyn u tahay xarumaha ganacsiga. Waa marka qaybaha ganacsigu isticmaalaan xeelado suuqgeyneed oo kala duwan si ay u kordhiyaan faa’iidada ganacsiga.

Published

on


 Waxaynu foolaad ama horyaal ku masayn karnaa (marka la joogo shirkadaha) shirkadda si fiican u fahanta sabada ama bii’adda ku hareeraysan. Sababta oo ah mar walba oo ay shirkadi si waafi ah u fahanto waaqica ku maageersan waa mar walba oo ay soo saarto wax macaamiisheeda u cuntama sidoo kalena qancin kara (iyadoo ayna meesha ka maqnayn samaynta faa’ido baaxad leh).

Qormadani waxay daaran tahay inta uu la’eg yahay heerka kala duwanaanshaha bulsheed iyo faa’idada ay leedahay fahanka bulshooyinku.

KIT KAT iyo Jabbaan

Qofna caad kama saarnaa sida sibiqda ah ee ay juklaatada Kit Kat ugu soo duurxushay nolasheenna. Waxay inoogu soo dhex dhuumatay si ayna garanayn ama dareemin, ammin habeen iyo maalin gudahood ah ayeynu is aragnay inagga oo haami u qabna in aynu cunno juklaatadadan heerka sare ah.

Guulaha suuq-geyntu maaha kuwo iska yimaada, sidoo kalena maaha kuwo mar la arag ah oo aan soo laalaaban, bal se waa tacab ka unkamay qorshe suuq-geyneed oo maangal ah. Siday Kit Kat ugu duushay suuqyada Jabbaan waxaa tusaalle nool loogu soo qaadan karaa qorshayaasha suuq-geyneed ee caqli-galka ah.

Sumadda Kit Kat waxay si lama filaan ah ugu soo dhowayd weedh lahjadaysan oo ay Jabbaaniisku isticmaali jireen, weedhaa oo ahayd “Kito Katsu” macnaheeduna ahaa: “Waxaan kuu rajayn guul”, waxayna ahayd hawraar ay waalidiinta iyo ubadkoodu is dhaafsan jireen iyagoo talada san ama tawfiiqda isu rajayn jiray. Wixii intaa ka dib dhacay waa waxa aynu rabno in aynu is-dul-taagno oo bitijoorka (Tooj) si bayaan ah ugu ifino. Waana bar-bilowga uu ka tisqaaday qorshaha suuq-geyneed ee dulqaadku ku ladhnaa, qasidgiisuna ahaa inuu maanka aadanaha kaga tago masawir la yaab leh oo raadayntiisa cuskan.

Sanaddii ugu horreysay ee ay Kit Kat soo gashay suuqa Jabbaan, waxay gudagashay inay huuteelada ku yaalay caasimadda Tokyo u qaybiso juklaato bilaash ah, si loo siiyo kumanaanka arday ee caasimadda u yimi inay ku galaan imtixaanka loogu gubdayo jaamacadaha. Gabalka yar ee juklaatada (midabkkeeduna casaan xigeenka aan wax lagu matali karayn ahaa) wuxuu ahaa mid ardayday loogu qaybiyey inuu la jaal yahay ama wato nasiibka. Cidnina may ogayn in juklaatadu ay ka timi shirkadda Kit Kat laftigeeda.

Sanaddii xigtay waxay bilowday inay faafiso warar iyo dacaayado ku halmaala juklaatadii bilaashka ahayd ee nasiibka wadatay oo lagu qaybinayey huuteelada caasimadda (Sida la wada ogyahay, dadka reer Jabbaan waa kuwo xasaasiyad ka qaba sidoo kalena aana ku kalsoonayn xayeysiisyada iyo dacaayadaha, xitaa heer ay ka gaadheen inay liidaan waxay dacaayad ka dareemaan).

Sanadkii saddexaad, waxay samaysay xayeysiisyo ka geddisan kuwo ay isticmaalaan shirkadaha la jaalka ahi, waxay xayeysiiskeeda u soo bandhigtay qaab sheekooyin ah oo aad u qurxoon, waxayna sheekooyinkani ku jaan-goysay macalimiin, hooyooyin iyo arday ka sheekaynaya siday juklaatadani nasiibka ugu soo jiiday. Sheekooyinkani waxay ahaayeen kuwo la ikhtiraacay oo male-awaal ah, taasoo ku dhalisay hooyooyinka reer Jabbaan inay aamminaan in cunida juklaatadani ay keento nasiibka, waxayna gaareen heer ay ubadkooda iskuuladda u dirin ilaa ay uga sii gadaan juklaatada Kit Kat.

Sanadkii afaraad, wuxuu ugu suntanaa sanad hal-abuur. Waxaa si toos ah shaashada iyo googabah mahwiyada uga soo muuqday shaqaalaha

Kit Kat, iyagoo xayeysiinaya sumadda lagu yiqiinay shirkadda Kit Kat. Waxyaalaha ay kooxda suuq-geyntu sameeyeen waxaa ka mid ahaa in ay si fiican u fahmeen dabciga dadka reer Jabbaan (reer jabbaan waa dad aad u jecel hal-abuurnimada iyo is-bedbeddelka), waxay taasi sababtay in kooxdani ay bilaabaan inay soo bandhigaan carfoon-axadh (flavor -نكهة ) cusub oo lagu iibinayo wadanka jabbaan oo keliya. Carfoon-axadhyadaasi waxay isugu jireen liin; tufaax; iyo shaaha cagaaran.

Arrinta aadka u cajiibka ahayd waxay ahayd in carfoon-axdhayadani ay muddo kooban suuqa ku jirayeen ka dibna hal mar suuqa laga waayayey (si ay suuqa ugu banneeyaan carfoon-axadhyo kale oo cusub). Aragtidani waxay ka dhalatay inay dadka reer Jabbaan jeclayn waxyaalaha soo noqnoqda.

Gunaanad, suuqgeyntu waxa loola jeedaa waxqabadyada ay shirkadu qabato si ay u horumariso gadashada ama iibinta badeecad ama adeeg. Suuqgeynta waxaa ka mid ah xayaysiis, iibinta, iyo gaarsiinta badeecadaha macaamiisha ama ganacsiyada kale.

Tusaalooyinka caadiga ah ee suuq-geynta waxaa ka mid ah xayaysiisyada telefishinka, boorarka xayaysiinta ee waddada dhinaceeda ku yaal, iyo xayaysiisyada majalladaha balse waxay marwalbo ku kala duwan yihiin qaabka taatikada ay u kala isticmalaan. Suuqgeynta guusha leh waa wax kasta oo beddela aragtida astaanta ama aragtida badeecada taasoo u horseedda iibka sare, faa’iidada ama saamiga suuqa.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa maxay qeexida rasmiga ah ee Maamul?

Published

on


Maareyntu waa isku dubaridka iyo maamulka hawlaha si loo gaaro yoolka. Hawlaha maamulka waxaa ka mid ah dejinta istaraatiijiyadda ururka iyo isku dubaridka dadaalka shaqaalaha si loo gaaro ujeeddooyinkan iyadoo la adeegsanayo agabyada la heli karo.

Maareyntu waxay lama huraan u tahay nolol habaysan oo lama huraan u ah in lagu socodsiiyo dhammaan noocyada maamulka. Maareynta wanaagsan waa laf dhabarta ururada guuleysta. Maareynta noloshu waxay la macno tahay in wax la qabto si loo gaadho ujeedooyinka nolosha iyo maaraynta ururku waxay la macno tahay in wax lala qabto dadka kale si loo gaadho ujeeddooyinkeeda.

Maareynta waa maamulka urur, hadday tahay ganacsi, urur aan faa’iido doon ahayn, ama hay’ad dawladeed. Waa fanka iyo cilmiga maamulka kheyraadka.

Guud ahaan, maareyntu waa mabaadiida laxiriirta shaqooyinka qorsheynta, habeynta, hagidda iyo xakameynta, iyo ku dhaqanka mabaadi’daan si looga faa’ideysto xoogga iyo tamarta aadanaha, maaliyadda, iyo macluumaadka waliba si hufan oo wax ku ool ah si loo gaaro yoolalka ururka.

In wax walbo la maareeyo waxay lama huraan u tahay nolosha aadanaha sidaas awgeed, maareynta wanaagsan waa laf dhabarta ururada guuleysta. Maareynta noloshu waxay la macno tahay in wax la qabto si loo gaaro ujeedooyinka ururka.

Tayada maamulaha wanaagsan

1. Hufnaanta Xirfadeed: Hufnaanta xirfadeed waxa loola jeedaa in aqoon buuxda loo yeesho goobta ay khusayso. Maamulka, kartida xirfadeed waxay ku lug leedahay in si fiican loo barto mabaadi’da maaraynta iyo habka mabaadi’da inta badan loogu dabaqo xaaladaha.

2. Xaqiijinta Guul Sare: Maamulayaasha tayada leh waxay aaminsan yihiin ‘guul sare. Waxay leeyihiin meel gudaha ah oo ay gacanta ku hayaan, taasoo tusinaysa inay dareemayaan inay xakameynayaan xaaladaha, sidaas darteed, xaaladuhu ma xakamayn karaan. Waxay leeyihiin dareen ah in haddii dadka kale ay samayn karaan wax gaar ah, ay sidoo kale u samayn karaan si la mid ah. Rumaysadkani waxa uu ku beeraa kalsooni in ay sameeyaan wax ka wanaagsan iyo ka wanaagsan.

3. Hal-abuurka: Hal-abuurku waxa uu ku lug leeyahay fikradda beddelka asalka ah iyo kuwa gaarka ah ee jawaabta dhibaatada. Hal-abuurku waa lama huraan sababtoo ah dabeecadda mashaakilaadku way sii socotaa isbeddelka, una baahan xalal cusub.

4. Xirfadaha Falanqaynta: Maareeyayaashu waxay u baahan yihiin inay ku daraan xaalado adag oo ka kooban arrimo muhiim ah iyo kuwo aan macno lahayn. Xirfadaha falanqaynta, maareeyayaasha tayada leh waxay sidoo kale diyaar u noqon karaan inay aqoonsadaan arrimaha ku habboon shaqadiisa.

5. Go’aan leh: Maareeyayaasha tayada leh waa kuwo go’aan qaadasho leh. Waxay gaaraan go’aamo ka dib markay si taxadar leh u baaraan doorsoomayaasha tixraaca waqti fiican. Uma kala meermeeraan ‘waxa la samaynayo’ ama ‘waxa aan la samaynayn’ xaalad gaar ah.

6. Xirfado Isgaarsiineed oo heer sare ah: Isgaarsiintu waxay ku lug leedahay la wadaaga fikradaha iyo fahamka dadka kale. Si aad u ogaato dadka kale ee lagu shaqeynaayo waxaay u baahan tahay xirfada isgaarsiinta ama wada hadalka, xirfado isgaarsiineed oo heer sare ah ayaa loo baahan yahay. Intaa waxaa dheer, isgaarsiinta waxay saameyn ku yeelan kartaa maamulaha iyo shaqaalaha inay isfahmaan.

7. Hogaamin dhanka hore: Maareeyayaasha tayada wanaagsan ayaa xaga hore ka hogaamiya. Waxaa lagu aqoonsadaa shaqadooda ee ma ahan kuwa hadla oo kali. Awooddani waxay ka dhigaysaa kuwa raacsan inay si xamaasad leh ula socdaan madaxda.

8. Furfurnaan: Maamulayaasha tayada leh waxay leeyihiin tayo furfurnaan. Way u nugul yihiin isbeddelka mana aha qoraallada u adkaysta. Iyagoo furfuran, waxay tixgeliyaan fikrad kasta oo faa’iido leh oo ay ka aqbalaan meel kasta oo ay ka timaado.

9. Daacadnimo Sare: Maamulayaasha tayada leh waxay leeyihiin daacadnimo sare waxayna qaataan dhaqamada anshaxa guud ahaan noocyada go’aannada iyo macaamilka. Sidoo kale, waxay filayaan qaab u dhigma in ay raacaan kuwa kale.

10. Habka koox-ku-salaysan: Maareeyayaasha tayada waxay qaataan hab koox-ku-salaysan. Waxqabadka shaqada, waxay doortaan wax-siinta. Waxay aaminsan yihiin inay horumariyaan naftooda iyo sidoo kale kuwa kale.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa maxay tayada maamulaha wanaagsan?

5-taan sifadood qaado si aad u noqoto Maamule Wanaagsan. Waa cilmi baaris la sameeyey oo lagu ogaaday.

Published

on


Marwalbo oo aad tahay maamule waxaad u baahan tahay xirfado u gaar ah shaqada maamulnimada. Xirfadaha maamulku waa xirfado farsamo, xirfado fikradeed, xirfadaha dadka dhexdooda iyo xiriirka, xirfadaha go’aan qaadashada.

  1. Xirfad aqooneed

Marwalbo waxa kala duwanaan karo ururada ama shirkadaha ay ka hawlgalaan maamulayaasha sidaas awgeed waxay u baahan yihiin xirfado qaar. Kuwani waa xirfadaha ama sifooyinka ay hay’addu ka raadinayso qofka si loogu magacaabo maamule.

Xirfadahani waa kuwo aad u qiimo badan, qayb ahaan, sababtoo ah way adagtahay in la barto. Waxay ku horumaraan waqti ka dib markaad u fiirsato, la falgasho, oo aad la shaqeyso asxaabtaada. Xirfadaha kale ayaa muhiim u ah hogaaminta wax ku oolka ah iyo maaraynta waxqabadka.

Maamulaha xun waxaa lagu gartaa shaqada fudud ayuu shaqo adag ka dhigaa, halka maamulaha wanaagsani uu ka dhigi karo shaqo adag mid loo dulqaadan karo. Hadaba sidee maamulaha wanaagsan uga dhex garan kartaa midka xun? Waa kuwaan astaamaha aad ku garan karto.

2. Dabacsanaantu Waa Furaha Koowaad

Sahan ay sameesay hay’adda Manpower ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 40% maamulayaasha caalamku ay sheegaan in jadwal dabacsani uu yahay mid ka mid ah saddexda shay ee ugu sarreeya ee ay tixgeliyaan marka ay dooranayaan shaqada, waa lagama maarmaan sidoo kale. Tani waxay ka dhigan tahay inaad ku kala duwanaan karto sida aad uga falcelinayso xaaladaha kala duwan.

Maareeyayaasha wanaagsani waxay ula dhaqmaan shaqaalahadooda inay yihiin bani’aadam iyaga oo kale oo daali kara, jecelna jadwalka fudud si shaqada ay usii jeclaadaan. – Taas macnaheedu waa inay ula dhaqmaan dabacsanaan iyo faham.

3. Daacadnimadu Waa Muhiim

Waxaad ogaaneysaa in qeexida dabacsanaanta ay ka dhigan tahay inaad imaan karto shaqada wakhti kasta inta u dhaxaysa 7:55 ilaa 8:02. Bey’adda goobta shaqada waxaa wanaagsan in qof kastaa uu joogi karo xafiiska mar walba, oo aad is taageertaan, haddii ay taasi dhacdo, waxaa bilaabanayso in shaqaalaha ay nacaan shaqada – xitaa haddii ay shaqadu aad u fiican tahay. Maxaa yeelay daacadnimadu macnaheedu maaha edebdarro, laakiin waxay la macno tahay in la saxo dhibaatooyinka markay soo baxaan. Siinta shaqaalaha tusaalooyin gaar ah oo ku saabsan sida, goorta, iyo waxa ay hagaajin karaan ayaa aad uga qiimo badan in ay iska indho tiraan dhibaatooyinka jira.

 

Maareeyayaashu, dabcan, uma sheegi karaan shaqaalaha macluumaadka sirta ah, laakiin waxay u sheegi karaan waxay u baahan yihiin inay ogaadaan si ay shaqadooda u qabsadaan. Maareeyayaasha wanaagsani waxay raadiyaan habab ay ku muujiyaan naxariista, xitaa haddii sharciga waafuqsaneyn.

4. Mushaar cadaalad ah

Sharciga Xiriirka Shaqaalaha Qaranka wuxuu ilaaliyaa xuquuqda shaqaalaha si ay u illaaliyaan xaaladaha shaqada, oo ay ku jiraan mushaharka, iyo kuwa ay wada shaqeeyaan. Laakiin dadka inta badan kama hadlaan dhibaatooyinka lagu haayo, maxaa yeelay aqoon la’aanta ay u leeyihiin sharciga.

Dowladaha waa weyn ee ka jira nidaamka sharciyada. Waa sharci darro in dadka lacag lagu siiyo iyadoo lagu saleynayo jinsiyadda, ama sifooyinka kale, maamulayaasha wanaagsan waa inay fahmaan in mushaharka caddaaladda ah ee qof kastaa uu muhiim u yahay guusha; sababtoo ah qof kastaa waa in aragti ahaan uu qaataa mushahar cadaalad ah.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shaqaalaha beddela shaqada ay ka mushahar badan yihiin kuwa isku shirkada ah.

Waxaa la sheegayaa inta badan shaqaalaha sababaha ay ugu tagaan shirkadaha ay tahay sababo lala xariiriyey ‘ mushaar aan caddaalad ku salaysaneen.

5. Wuxuu dhisaa kooxo guulaysta oo leh maskax hogaamineed

Maareeyayaasha wanaagsani kaliya maaha inay fiiriyaan guushooda – waxay raadiyaan guusha kooxahooda. “si loo noqdo hoggaamiyeyaal wanaagsan, maareeyayaasha – gaar ahaan kuwa ku cusub jagada – waa in ay horumariyaan maskaxda hoggaamiyaha.”

Maamulaha wanaagsani waa in uu xaaladaha u arko si ka duwan sida uu u arko qof wax ku darsaday. Maamulaha ama Hogaamiyuhu waxa uu xooga saaraa sawirka wayn waxa uuna ka caawiyaa isu keenida dadka si loo gaaro yoolal la taaban karo. Ma filan kartid inaad isla markiiba ka booddo doorka “wax-qabad” una gudubto “maamulid” adoon lahayn nusqaan xagga xirfadahaaga hoggaamineed. Maareeyayaasha wanaagsani waxay ka shaqeeyaan inay buuxiyaan daldalooladan oo ay u beddelaan aragtidooda hoggaamiye mid ka mid ah.

Maamulaha wanaagsani waxa uu jecel yahay in shaqaaluhu ay la kulmaan ka-qaybgal iyo ixtiraam; waa arrin la dhisayo deegaan ay shaqaalaha ku guulaysan karaan.

Guntii iyo Gebagebadii, waxaa jira malaayiin dariiqo oo lagu noqon karo maareeye wanaagsan. Mana jiro qaab adag oo maamule kasta oo wanaagsan uu raaco mar kasta. Laakiin mabaadi’da aasaasiga ah waxay ka caawin karaan maareeyayaasha inay caawiyaan shaqaalahooda inay guuleystaan. Shaqaalaha guuleysta waxay u horseedaan ganacsiyo guuleysta, taas oo ah hadafka dhammaan maamulayaasha.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa Maxay ‘Habdhaqanka Abaabuleed ee Shirkadaha?

Published

on


Hab dhaqan abaabuleed ku (OB) waa daraasadda lagu gartaa dabeecada qofka ama kooxda waa sida aay dadka isku dhexgalaan marka aay si wadareed aay u wada shaqeeynayaan. Sida caadiga ah daraasaddan waxaa laga faa’idaa in la abuuro urur ganacsi  ama bulsho  wax ku ool ah.

Arrinta dhextaalka ah ee waxbarashasa habdhaqanka ururka waa in hab cilmiyaysan lagu saleyn karaa maamulka iyo shaqaalaha leh aragtiyahakala duwan ee dhaqanka amaba ururada waxaa loo isticmaalaa ujeedooyin khayraadka aadanaha si loo kordhiyo wax soo saarka kasoo xubnaha, kooxda ama shaqsiyan.

Burburitaan ‘Habdhaqan abaabuleed:

Waxaa jira noocyo kala duwan oo lagu dayan karo iyo falsafad dhaqanka ururada  oo kala duwan. Meelaha u ah deegaanka iyo cilmi oo ka mid ah hagaajinta waxqabadka shaqo, taas oo  sii kordhineeysa xiisaha shaqo, horumarinta hal-abuurka iyo ku dhiirinaanta hoggaanka. Intaas oo dhan waxeey muhiim u tahay  in la gaaro natiijada la doonayo, maamulayaasha waxaa laga yaabaa in ay qaataan xeeladaha kala duwan, oo ay ku jiraan taa oo keentaa xaaladaha kala gidisan balse mar waliba waxaa hagaagsan in cashar laga bartaa dabeecadaha iyo habdhaqanka kooxad  kadibna dib u habaynta kooxaha, bedelayaan dhismeedka  kooxda taa oo ka ilaalineeysa inuu ku yimaad burbur waxeeyna abuureeysaa dhaqan xoogan oo horumar leh

Taariikhda 

Inkastooy habdhaqan abaabuleed OB muda sii hureysay aay u aqoonsatay in uu hayay cilmi si gooni ah loo baran karaa  by Psychological Association American xiligaan 1970 ee, waxaa xididaha u adkeeyay oo u sii aqoonsaday in uu yahay cilmi loo baahan yahay  aadanuhuna uu ka maarmin barashadiisa sanadku markuu ahaa 1920 waxaa hadalkaas daaha ka qaaday Company Hawthorne oo ahaa  Electric si  taxane ahna  loogu qaday tijaabo loogu talagalay in lagu kala garto sida isbeddelka deegaanka iyo dabeecadad  wax soo saarka ee shaqaalahooda.


Waxay baaritaana  kala duwan, ay qabatay inta u dhexeeya sanadahaan 1924 iyo 1933, waxay ahaayeen kuwo ballaadhan iyo xidhhidha qaatay  mudda aad u  badan waqti. Daraasada waxaa ka mid ahaa saamaynta noocyada kala duwan ee nasashada (faraha badan oo biririf yar, iyo kuwa dheer yar, iwm) sidoo kalane waxaa daraasadda kamid ahaa  heerka iftiinka kala duwan. Maxsuulka ugu caansan ee ka dhashay ee Daraasaadka Hawthorne waa waxa hadda loo yaqaan Hawthorne saamaynta, isbeddelka dabeecadda ee ku xiran imtixaan marka ay ogaadaan inay la arkay.

Si ay diiradda saaraan in mid ka mid ah raadinta, qaar ka mid ah ayaa ku dooday, waa in ay iska indha set ballaaran ee cilmiga in ay noqdaan tixgalinayo lahaa horumarinta dhaqanka urur sida beer oo kale ee waxbarasho iyo xirfad khayraadka aadanaha sida aan hadda u ogaado.

Fikradda ah ee raadinaya cilmiyeysan ee dhaqanka iyo wax soo saarka ee goobta shaqada iyadoo hadafku yahay in la kordhiyo lacagta iyo tayada shaqada shaqaale ah oo aad samayn kartaa, oo ay la socdaan fikradda ah in shaqaalaha ku jiray ma khayraadka laysku beddelid karo laakiin ahaayeen halkii gaar ah marka la eego ay cilmi nafsiga oo ku iman kara ku haboon shirkad. Fikradaha Kuwaasu waxay ahaayeen xad dhaaf ah oo cusub marka Hawthorne ugu horeysay bilaabay waxbarashada, oo waxay ka caawisay abuuro beer waxbarasho iyo beerta oo dhan xirfadeed.

images (19)

dhaqanka abaabuleed ayaa diiradda ku saabsan mawduucyo kala duwan kala duwan ee waxbarasho. In qayb sababtoo ah dagaalkii labaad ee dunida, inta lagu guda jiro 1940 ee duurka jooga oo diiradda lagu saaray saadka iyo sayniska maamulka.

Muddadan xoogga ahaa ee la isticmaalayo lagula socdo xisaabta iyo falanqayn tirakoobka si aad u hesho jawaabaha ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka adag. Studies by Carnegie – ama biyaha saafiga ah – dhaqaalaha Dugsiga ee 1950 iyo 1960 ee taageereen, kuwaas oo wajiyada macquul dhibaatooyin go’aan qaadashada.

Tan iyo 1970 oo, heshiis wanaagsan ee shaqada la qabtay oo duurka ku ah dhaqanka urur ayaa on qaybaha dhaqanka ururada, oo ay ku jiraan mawduucyo sida qoomiyadda, fasalka, doorarka jinsiga, iyo qoysaska dhaqanka iyo doorka ay dhismaha group iyo wax soo saarka. Cilmi-baarisyadaasi waxay, qayb ka mid ah shaqada ah ee diiradda duurka ku wajahan cilmi tayo leh, iyo waxyaabo kale, ay tixgeliyaan siyaabaha ay aqoonsi iyo asalka sheegi karaa go’aan qaadashada.

Diiradda  waxbarashada:

Waxbarashada diiradda  dhaqanka ururka waxaa inta badan laga helaa dugsiyada ganacsiga, iyo iskuulada ee shaqada bulshada iyo cilmi nafsiga. Oo waxay ku bari waxbarashada cilmiga aadanaha, ethnography, iyo hoggaanka iyo isticmaali tamarta, tayo Mowduucyada daboolay OB waxaa ka mid ah garaadka, go’aan qaadashada, barashada, dhiirigelinta, gorgortan, dareenkaa, habka kooxda, cuqdo, iyo awoodda iyo saamaynta.

OB yar yar daboolayaa ururada sida nidaamyada bulshada, dhaqdhaqaaqa isbedelka, suuqyada, xiriirka ka dhexeeya ururada iyo degaanadooda, iyo sidoo kale aqoonsiga ee geedi socodka ururka, sida dhaqdhaqaaqa bulshada saamayn suuqyada, oo xooggii Kan ugu shabakadaha bulshada.

Waxyaabihii ka soo baxay jirka dhaqanka urur ee cilmi-baarista waxaa loo isticmaali karaa madaxda iyo xirfadlayaasha Relations Human si fiican u fahmaan ‘dhaqanka ganacsi, sida dhaqanka in la fududeeyn karaa ama leexiya wax soo saarka iyo haynta shaqaale, iyo sida ugu wanaagsan ee loo qiimeeyo murashaxiinta xirfad dhigay iyo shakhsiyadda inta lagu guda jiro nidaamka shaqaalaynta.  Codsiga waa aragti iyo aqoon baradkii dhaqanka waana halka laha ogaan karo qofka heerkiisa cilmi iyo garaad ee uu leeyahay kuna doonaaya inuu ku soo  biira ama ka mid ahaada urur Personality, qanaacada shaqe ee shaqsi, Leadership, Authority, Power, iyo Politics. Dhamaantoot Waxaa jira hal jid sax ah si aan u qiimeyno sida saxda ah si ay u maareeyaan wax kasta oo waxyaalahan

Shaqsiyada Personality, muhiimad dhaqanka taxane gooye ah, kaalin weyn oo sida uu qofku u falgala kooxaha iyo saarta shaqada. Ogaanshaha shakhsiyadda qofka, sidoo kale iyada oo taxane ah oo baaritaan, ama iyada oo loo marayo wada hadal fikrad fiican ah in ay tahay taam ah deegaanka ay la soo kiraystay lahaa galay, iyo sida ugu fiican ee lagu dhiirigaliyo in qofkaas siin karaa.

Aragtiyaha agagaarka xiisaha shaqo ballaaran kala duwan yihiin, laakiin qaar ku doodayaan in shaqo lagu qanco uu ka kooban yahay nidaam adag abaalgud, shaqada kalifaya, kormeerayaasha wanaagsan, iyo xaalado shaqo oo lagu qanci karo.

Hoggaanka, waxa ay u eg iyo meesha ay ka soo jeeda waa mawduuc qani ku ah dood iyo baaritaan  dhaqanka urur gudahood. Markii mid ka mid ah u arko waxa ugu xiran maamulka, waxay noqon kartaa mid ballaadhan, diiradda, dhexe ama, go’aan, wacyi, jaleelada ee shakhsiyadda qofka ama natiijo ah meel ay ku amar.

Awood Power, amar, iyo siyaasadda oo dhan shaqeeyaan inter-dependently ee goobta shaqada. Fahamka siyaabaha ku habboon, sida ku heshiiyeen ee xeerarka a goobta iyo tilmaamaha guud ee anshaxa, kaas oo walxahaasi waxaa lagu soo bandhigay oo la isticmaalo waxay yihiin qaybaha muhiimka ah si ay ganacsiga ama ururka aaay mideeyaan

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Geeska Afrika2 mins ago

Deeq bixiyayaasha aduunka ayaa balaayiin gargaar ah u balan qaaday dalka Suudaan oo ay dagaaladu halakeeyeen

Afrika18 mins ago

Dalka Burkina Faso oo eryay diblomaasiyiin Faransiis ah – sababta waa maxay?

Yurub4 days ago

Norway ‘waxay diyaar u tahay’ inay aqoonsato madax-bannaanida Falastiin: Ra’isul Wasaaraha Norway

Bariga dhexe4 days ago

Waa maxay sababta ay Israa’iil halis usii gelinayso xiisadda Bariga Dhexe?

Bariga dhexe4 days ago

Maxaa kasoo cusboonaday weerarkii ugu dambeeyey ay Iiraan ku qaadday Israa’iil?

Ameerika5 days ago

Victor Manuel Rocha, safiir hore oo Mareykanka ah – Safiirkii u basaasayay Cuba tobanaan sano, waxaa lagu xukumay 15 sano

Bariga dhexe6 days ago

Iiraan iyo Israa’iil oo lagu booriyay in ay xiisadda u dhexeeya qaboojiyaan

Siyaasadda Arrimaha Dibadda6 days ago

Kenya ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Jabhada Xoraynta Oromada – afka Oromada: Waraanna Bilisummaa Oromo

Geeska Afrika7 days ago

Mid ka mid ah mucaaradka Itoobiya oo toogasho lagu dilay

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Kumanaan shaqaale Hindi ah oo imanaya Israa’iil – mas’uuliyiin dowladda

Afrika1 week ago

Dunidu waxay ku fashilantay Ruwaanda 1994-tii – madaxweyne Paul Kagame

Geeska Afrika2 weeks ago

Kenya: Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la tuuri doono haraaga 541 qof, oo ay ku jiraan 475 carruur ah

Dhaqaalaha2 weeks ago

Zimbabwe waxay soo saartay lacag ‘dahab’ ah oo ay ku beddeshay dollarka

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka oo isu diyaarinaya weerar ‘aan laga fursan karin’ oo kaga imaan kara Iiraan – warbaahinta

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Sida ay Iiraan u samaysatay giraangirta cadawga ee ku xeeran Israa’iil

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Yurub waxay xaday dhaxalkii Afrika ee Cadaaladu ma guulaysan doontaa?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Yukreyn ‘waxay noqon doontaa xubin ka tirsan NATO’ – Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay cayrisay safiirka Itoobiya, islamarkaana xirto qunsuliyado?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Ergeyga Mareykanka ee QM ayaa uga digay Iiraan inaysan weerar ku qaadin dadka Mareykanka ah ee weerarka qunsuliyada Suuriya

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Waa kuma taliyihii ciidamada Iiraan ee lagu dilay duqeynta Dimishiq?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 weeks ago

Nibirowga Dhititaalka: Qalaalasaha digitaalka iyo loollanka caqlaaniga ah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

MD Xassan Sh. Maxamuud oo booqasho ku jooga Sacuudi Carabiya – Maxaa loogu yeeray?

Wararka3 weeks ago

Waa maxay sababta doorashada Istanbul ay u tahay doorasho aad indhaha loogu hayo ee Turkiga?

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Ciidamada Israa’iil ayaa isbitaalka Qaza ee Al-Shifa ku dilay 400 oo Falastiini ah

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Qaza waxaa ka socda weerarro, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in wadahadallada xabbad joojinta ay dib u bilaabmeen

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

Waa Maxay Nidaamka Boqortooyo?

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Cutubyada 1aad illaa 4aad ee dastuurka Soomaaliya oo la ansixiyay – sidee loogu falceliyey?

Wararka3 weeks ago

QM: Burcad Haiti ah waxay dileen 1,500 qof saddex bilood gudahood

Aasiya3 weeks ago

Iscasilaadii Madaxweynihii Vietnam waxay muujinaysaa khilaaf ka dhex jira xisbiga – Falanqeeyayaasha

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Qaza in la gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo oo ballaaran

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Banaanbax uu soo abaabulay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo lagu taageerayo wax ka beddelka dastuurka

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Haddii ‘Soomaali oo heshiis ah la rabo dastuurka yaanan la siyaasadeynin’ – Xisbiga Qaransoor

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Mareykanka ayaa burburiyay iskaashigii la dagaalanka argagixisanimada – Safiirka Ruushka Anatoly Antonov

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Doorka ciidanka iyo daryeel la’aantooda

Afrika4 weeks ago

Kacaankii Liibiya: Sida NATO ay u burburisay dowlad tobanaan sano la soo dhisaayey

Bariga dhexe4 weeks ago

Xiriirka Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya oo isbeddel horumar leh laga gaaray

Gumeysi iyo isir sifeyn1 month ago

Maxbuus Falastiini ah ayaa ku dhintay xabsiga Israa’iil ka dib caafimaad xumo iyo jirdil loo gaystay: warbixin

Diinta Islaamka1 month ago

Fanaanka caanka ah ee u dhashay dalka Maraykanka Lil Jon ayaa qaatay diinta Islaamka

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska1 month ago

Muhiimada ay inoo leedahay aqoonta ama waxbarashada

Xul