Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Sidda Ugu Fudud Ee Aad Lacag Ku Abuuri Karto Maanta -Cajiib

“Anyone who lives within their means suffers from a lack of imagination.” ― Oscar Wilde
Inaad lacag abuurato ma ahan wax fudud. Laakiin hadana waa suurta gal, waxaana jira su’aalooyin badan oo ay dad badan isweydiiyaan maalin walbo oo illaahay keena. Waxaana ka mid ah siddee ku heshaa lacag. Sawabtoo ah dadka waxay aaminsanyihiin lacagta inay tahay waxa kali ee ay waxwalbo ku samaysani karaan. Waa sax lacagta waa wax aad waxwalbo ku samaysani karto haddii ay noqoto inaad guri iibsato, gaari iibsato, jaamacadaha ugu sareeyo dunidda inaad wax ka barato, waliba inaad xajka iyo dalxiis tagto meelwalbo oo aad u baahantahay. Laakiin arrin sir ah ayaan kuu sheegayaa aqristoow ee qof ha iskeega sheegin.
“Nolosha ma ahan inta aad haysato ee waa waxaad adiga tahay, dadnimadaada, aqlaaqdaada, iimaankaaga, diintaada iyo waliba sidda wanaagsan ee aad maskaxdaada u kobciso”
Sidda ugu wanaagsan ee aad noloshaada isbedel weyn ugu sameyni karto ayaa ah inaad wax isbarto sidda inaad aqriska badiyo iyo waliba inaad qaadato aqqoonta kala duwan sidda koorsooyinka kala duwan, inaad caawiso cidwalbo oo u baahan caawinadaada. Waxaa la sheegaa siyaabooyinka ugu badan oo lacagta lagu sameeyo inay ka midtahay marka hore inaad raadiso dhibaatooyin jira. Halkaan waxaan kusoo koobaayaa qodobo dhowr ah oo aan isleeyahay waa sawabaha ugu dhaw ee lagu abuuri karo lacag fiican.
- Marka horre raadi buuggaagta ay dadka ama ardayda jaamacadaha dhigato aad u jecelyihiin. Waxaa jira buuggaag badan oo loo baahanyahay walina baahi weyn loo qabo. Haddii aad wakhti yar oo kooban geliso inaad hesho buugaagtaasi ee aad soo hesho waxaa suurta gal kuu ah inaad sameyni karto suukh balaaran oo aad ka heli karto lacag waxtar leh.
Wakhtiyadaan dambe waxaa kor usii kacay isticmaalka xagga baraha bulshada sidaas awgeed haddii aad page Facebook sameysato, website yarna oo aad ku iibiso buugaagta sameysato waxaa ku jira fursad aad u balaaran oo aadan filani doonin. Guud ahaan gudaha Soomaaliya waxaa ka jira jaamacado badan waxayna cadeyn u tahay inay jiraa arday badan, halkaasina waxaa ka jira fursad balaaran oo baahi weyn loo qaba buuggaagta.
- Haddii aad aqqoon u leedahay sidda loo iibiyo iyo goobaha laga heli karo qalinka faraantiga, silsiladaha iwm waxaa jira suuq balaaran oo baahi loo qabo. Maxaa yeelay waxaad arkaysaa dadka mudanayaasha inta badan waxaa farahooda ku jira faraantiyo qalin ah oo weyn kaasoo ay jecelyihiin inuu noqdo mid soo jiidasho leh. Sidaas awgeed waxaa jira dad badan oo jecel inay xertaan kuwa qalinka oo ku qurxoon fartooda.
Ma jirto ganacsato arrimahaan si fiican u taqaano siddii ay u suukh gayni lahayeen balse waxaa jira dad aqqoon fiican u leh sameynta qalimada kala duwan. Fursadaani marka horre wey kula cuslaanaysaa laakiin marka dambe waxaad dareemaysaa inay fursad weyn tahay.
- Waxaad la shaqeyni kartaa dowladda hoose ee gobolka Banaadir, madamaa ay balan qaadeen haddii la soo sheego qof Alshabaab ah in lacag la siinaayo. Waxaad sameyni kartaa maalin walbo iskuday inaad ogataa waxyaabaha bulshada ay ka hadlayaan iyo dhibaatooyinka laga cabsi qabi kara. Waxaa jira sawabo badan oo aad ku ogaani karto dhibaatooyinka Alshbaab bulshada u gaysato sidda inad raadiso telefonada dadka ay la soo xariireen Alshabaab. Waxaa la sheegaa dad ganacsato ah inay la soo xariiraan oo ay ku yiraahdaan lacagta Zakada soo dhiiba. Arrimaha noocaasi oo kale haddii dabagal lagu sameeyo waxaa la ogaani karaa halka ay dhibaato ka gaysani doonaan iwm.
Ogaaw hawshaan ma ahan hawl aad naftaada oo kali u qabanayso ee waa hawl xittaa aad bulshada u qabanayso oo aad labo mar ku faa’idayso. Lana xariir qolada dowladda oo ku dheh siddeen ku heli karaa balan qaad dhab ah haddii aan soo raadiyo ama aan la shaqeeyo dowladda, siddoo kale yaanan marnaba lagu ogaanin inaad hawshaan faraha kula jirto inta badan iskuday inaad u shaqeyso qaab aad sirtaada ku keedini karto marwalbo.
- Waxaad qaadani kartaa kaamirad si aad sawiro qurux badan ugu qaado deeganada dalka ama halka aad ku sugantahay si aad bulshada ugu soo jiidato inay iibsadaan sawiraan. Waxaa jira dad badan oo aad u xiiseeyo inay arkaan sawirada deeganada ay kasoo jeedaan kuwaasoo aad arkayso marmarka qaar inay ku xaraystaan mobilada gacanta marka ay wakaaladaha wararka soo dhigaan sawiraan qurxoon. Fursada noocaan oo kale Soomaalida waxay moodaa inay iska tahay wax iska caadi laakiin wadamada tagay sidda kuwa reer Galbeedka aad ayaa loogu ganacsadaa. Fursadaan wey iska banaantahay illaa hadda balse lama helo cid ka faa’idaysatay.
- Maalgelin ka weyn ma jirto inaad kobciso garaadka aqligaaga iyo maskaxdaada. Waxaa jira goobo badan oo aad maskaxdaada iyo garaadkaaga ku kobcini karto marwalbo, laakiin dadkii ayaanba rabin inay wax cusub bartaan. Dunidda waxwalbo maanta waxa laguugu keenay gurigaaga qoraalkaan aad hadda aqrinayso xittaa adigoo halkaaga joogo ayaad wax barani kartaa. Haddii aad fiiriso akademiga Soomaaliga ah ee aad waxwalbo ku barani karto adigoo gurigaaga jooga ama goobta shaqadaada Somalism Academy waxaad ka helisaa intaas oo koorsooyin oo hadana kala duwan. https://somalism.org/ Guji linkaan si aad u aragto dhammaan koorsooyinka aad ka heli karto akademigaan. Akademigaan ayaa u shaqeeyo qaabka ay u shaqeeyaan akademiyaasha waa weyn ee online-ka wax loogu barto.
Inaad noloshaada horumariso adiga ayay dantaada ku jirtaa maxaa yeelay qofwalbo waxaa saran masuuliyad nafsadiisa ah. Masuuliyada ugu weyn ee ku saaran waa midda adiga nafsadaada kaa saaran. Waa inaad wax ku barataa waqtigaaga ama inaad wax cusub la imadaa. Marwalbo bulshada waa inay munafacaad kugu qabtaa ee aadan iska noolaanin. Haddii aad shaqaale tahay iyo marka aad adiga waxwalbo gacantaada ku abuurato marwalbo farqi weyn ayaa u dhaxeeyo.
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Waa maxay ahmiyadda uu leeyahay wax akhriska?
Wax akhrisku waxa uu kuu abuurayaa jawi degnaansho leh, farxad, madadaallo iyo wehel wanaagsan oo aad naftaada wax badan oo faa’iido u ah la wadaagtid.

Wax akhrisku waa hiliinadda ballaaran ee ku suntan quudinta maskaxda, waayo aragnimada, sare u qaadista aqoonta iyo kobaca garaadka. Sida jirkaagu ugu baahan yahay cunto iyo cabid ayay maskaxduna waxay ugu baahan tahay wax akhris oo lamid ah quudka jirkaaga u baahan yahay. Dadka wax akhriya waxay ka cimri dheer yihiin dadka aan wax akhrin, iyagoo aqoon dheer, taariikh iyo fikrado wanaagsan ka haystaan barta ay diinteenna suuban ka taagan tahay wax akhrisku iyo dadkii boqolaal sano ka horreeyay ee si weyn daaha ugu ka rogay muhiimada ay leedahay wax akhriska isla markaana jiilka ka dambeeya uga tegay raad maqaalo iyo aqoon cusub.
Waxaa jirta xikmad tilmaamaysa in qofka maanta wax akhriya uu yahay hoggaamiyaha berri “Akhriyaha maanta waa hoggaamiyaha berri.” Akhrisku waa mid ka mid ah misbaaxyadda aqoonta loogu arooro, waa quudka maskaxda oo dhex mushaaxa caqliyada dadyowga kale, waana hannaan nololleed oo dheeraad ah. Bulshooyinka aayahooda aqooneed iyo horumarba waxaa lagu xaqiijin karaa sida ay wax akhriska ugu kala horreeyaan, qofkana garashadiisu wuxuu gaarsiisan yahay haddaba inta uu akhriskiisu yahay.
Bulshooyinka aayahooda aqooneed iyo horumarba waxaa lagu xaqiijin karaa sida ay wax akhriska ugu kala horreeyaan.
Wax akhrinta waxaa lagu tiriyaa in ay tahay aalad kamid ah aaladaha ugu fiican ee insaanku ku kasbado wax badan oo kamid ah aqoonta iyo fikradaha, waxa ayna gaarsiisaa in insaanku noqdo mid horumarsan dhan walba oo noloshiisa kamid ah, cilmi ahaan cafimaad ahaan, dhaqaala ahaan, bulsha ahaan, siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaan waxa ayna u furtaa dariiq iyo maskax ballaaran oo ay adkeed gaaritaankeedu, waxa la sheegaa maktabadii ugu horreysay ee faraacinadii hore in albaabkeeda hore ay ku qoreen “Halkaan waa quudka nafta iyo daawada caqliyada.”
Halka sidoo kale wax akhrintu waxaa lagu tiriyaa ilaha ugu ballaaran uguna badan ee ay kasoo burqadaan fikrado, cilmiga iyo aqoonta. Sidoo kale wax akhrisku waa qeyb ka mid qeybaha muhiimsan ee aynu ku kasbano faham, cilmi, iyo aragti dheer oo aynu u yeelano waxkasta oo aynu akhrino, wax akhrisku waa halbeega guusha kaasi oo kuu iftiiminaysa waddooyin hore oo lagu guuleystay, waxayna kuu weecinaysaa wadada saxda ah ee himmilooyinkaaga nolosha.
Wax akhrisku waxa uu kuu abuurayaa jawi degnaansho leh, farxad, madadaallo iyo wehel wanaagsan oo aad naftaada wax badan oo faa’iido u ah la wadaagtid. Buugg kasta oo aad akhridaa wuxuu kobcinayaa maskaxadaada, wuxuuna ku siinayaa aqoon aad noloshaada ku dabaqdo waa haddii buuggaasi yahay buug sax ah oo ku xardhan cilmi iyo aqoon faa’iido leh.
Buugg kasta oo aad akhridaa wuxu ku siinayaa aragti iyo caqiido faa’iido leh, wuxuuna ku siinayaa maskax ballaaran markasta oo aad wax akhriso waa markasta oo maskaxdaadu u kororto cilmiga kiisa waxtarka leh, markasta oo aaddan waxba akhrin waa markasta oo fahamkaaga iyo aqoontaada hoos u dhac ku yimaadda. Buuggaagtu waa kala duwan yihiin qaar saameyn ayay naftaada ku yeelan karaan, qaarna waxa ay ku noqon karaan farxad iyo horumar marka iska ilaali marka aad akhrinaysid buuggaagta saameynta toban ku yeelan kara naftaada.
Markasta oo aaddan waxba akhrin waa markasta oo fahamkaaga iyo aqoontaada hoos u dhac ku yimaadda.
Wax akhrisku bulshooyinka ilbaxnimada leh, baraarugay feejigan ee horumaray mustaqbalkana rajo ka qaba wuxuu uga dhigan yahay baahiyaha lagama maarmaanka ah ee naftu joogteyso sida: cunista iyo cabista ma qofbaa noolaan kara cunto iyo cabbis la’aan? sidaas awgeed wax akhris la’aantuna waa xaalad taas la mid ah.
Haddaba bulshadeennu halkee ayay ka taagan tahay wax akhriska?
Bulshadeennu waxay ka mid tahay bulsho sanadihii ugu dambeeyay faham qoto dheer iyo ilbaxnimo ka hela wax akhriska iyo qiimaha aqoonta. Aqoonyahaan iyo caamaba arrintaa waa laga siman yahay iyadoo ay sidaa tahay ayaa maantana aaladdo kala duwan, farsamooyinka casriga ah iyo warbaahintu hoos u sii dhigtay dadaalladii lagu bixi jiray wax akhriskii, waxaase jira dad kooban oo wax akhriska ku howlan iyagoo aan haysan waxyaabihii akhriska ku dhiirigelin lahaa.
Ma jiraan Maktabado caam ah oo wax lagu akhristo, mana jiraan dukaanno buuggaag tayo leh iibiyaa, waxaa kale oo yar ama aan jirinba naadiyo wax akhris iyo xarumo aqoon baaris oo tayo leh.
Arrintaan waxaa lagaga bixi kara in bulshada loo sameeyo wacyi gelin joogto ah lana fahan siiyo ahmiyadda uu leeyahay wax akhrisku, loona sameeyo xarumo ama goobo wax lagu akhristo tababbarana lagu siiyo. Sidoo kale waxaa muhiim ah in la dhiirigeliyo lana abaalmariyo dadka tirada yar ee ku hawlan kana shaqeynaaya wax akhriska, wax akhrintu waxay leedahay ahmiyad aad u ballaaran oo qoraal iyo wacyi toona lagu soo koobi karin.
Qoddobo kaa caawin kara inaad wax akhriso:
Qorshe akhris: Marwaliba hakuu diyaarsanaadaan waxa aad akhrinayso, qoraalkaaguna ha yeesho u jeeddo adiga kuu gaar ah qorshahaaga waxaad ka dhigi kartaa hadba qaabka aad jeceshahay inaad maalamahaaga akhrisku noqdaan sida maalinle, todobaadle, bille ama sanadle.
Wakhti go’an: Wax akhriskaagu ha noqdaan mid leh waqti sugan oo aaddan howl kale qaban ama ku mashquulin, si ay joogteyn iyo xiiso u yeeshaan wax akhriskaagu.
Maktabad samayso: qof kasta oo wax akhriska ku heelan waxaa habboon inuu sameysto goob degan oo wax akhrinta ku wanaagsan oo aan lahayn wax dhaqdhaqaaq ah. Sidoo kale buuggaagta waa inaad kaydsataa dhaqaalihiisana in macquul ah uga qoondeysaa buug iibsiga.
Akhris wadaag: Maahmaahyo Soomaaliyeed “Far keligeed ah fool ma dhaqdo.” Akhriste kasta waxa la gudboon inuu yeesho cid uu wax la akhristo laba qof ama wax ka badan oo hadba wixii ay akhriyaan falanqeeya, kana sameeya dooda wanaag haddii ay kula gudboon tahay.
Aqoonta gudbi: Cilmiga ama aqoonta aad baratay/faa’iday haddii waxba lagaga dhaxli waayo bulshadaadunna ka qatanaadaan waxaa noqonaysaa haan gun la’ baad tahay markastaba ku dadaal inaad wixii kaaga iftiima oo wanaag ah in aad dadka la wadaagto. Qoraal baad ku gudbin kartaa, hadal baad ku gudbin kartaa, dood baad ku gudbin kartaa adigana tabbabar bay ku noqonaysa iyo in ay macluumadkii aqoon baarista ah ay kuu sugmaan.
Islaamka iyo wax akhriska
Diinta islaamku waxa ay muhiimad weyn siisaa aqoonta iyo kasbashadeeda, Aayadii ugu horreysay ee quraanka kariimka waxay ahayd mid rasuulkeena (NNKH) lagu amray inuu wax akhriyo. Illaahey Subxaanu Watacaallaa wuxuu uu yirri. “akhri” adigoo kaashanaaya magaca Rabbigga ku abuuray. ( Suurada Iqra ama calaq – Aayadda 1aad). Illaahey waxaa kale oo rasuulkeenna (NNKH) ku amray inuu rabbiggiis ka baryo in aqoontiisu u korodho, raadinta aqoontu waa waajib, waana qodob meel sare kaga xusan diinteenna Islaamka.
Isbedelka oo ku yimaadda aaddanaha xilli kasta wax baa udub dhaxaad u ah kana qaata qeyb ballaaran, dunidan aynu joogno ummad waliba waxay lasoo baxaan wax ka cusub ummadihii iyaga ka horreeyay. Annaga hadaynu nahay ummad ku abtirsata diinta Islaamka Nabigeenuna yahay Nabi Muxammed (S.C.W), sida aynu ka dheehan karno markii Nabiggu uu ku bilaawday waxyiga, Malakul Jibriil (c.s) Nabi Muxammed (NNKH) waxa uu ku yiri : “akhri” Waxaan meesha ka baran karnaa mansabka iyo maqaamka diinta Islaamka uu ku leeyahay wax akhriska in ay tahay qiyam aad u sarreeya.
Inta ugu badan dadka Soomaalida maanta xaqiiqdii waxay ka habsaamayn in ay la saaxiibaan wax akhriska annagoo booska wax akriska ku bedelanay fadhi ku dirir iyo in aan ka doodno waxyaabo aan faa’ido u lahayn. Xilliyada qaarkooda badanaa waxaa dhacda inaan aqoon waxaan ku murmeeno inay yihiin wax dhab ah ama wax qiyaali ah oo aan xaqiiqda ku saleysnayn, halka ummadaha dunida marka ay doodayaan ay ku doodaan, arrimo ku saabsan cilmi iyo aqoonta oo faa’ido u leh, iyagoo hadalkood ku xoojiya dad iyaga ka horreeyay oo ka hadlay arrimaha ay goortaasi ku doodayaan.
Inta ugu badan dadka Soomaalida maanta xaqiiqdii waxay ka habsaamayn in ay la saaxiibaan wax akhriska annagoo booska wax akriska ku bedelanay fadhi ku dirir iyo in aan ka doodno waxyaabo aan faa’ido u lahayn.
Wax akhrintu waa sifo u gooni ah shucuubta horumartay kuwaasoo marwaliba ku dadaala maskax weyn oo xigta isbeddel iyo horumar ballaaran, wax akhrinta waxa ay leedahay ahmiyad aad u ballaaran oo aan inta lagu soo koobi karin bilowgii soo ifbixidii dunida nuurka Islaamka, kalimadii u horreysay ee Malakul Jibriil kula hadlay Suubannaha, (NNKH) waxa ay ahayd (IQRA) “Akhri” waxa aad ka dhuuxi kartaa kalimadaasi ahmiyada ay uleedahay culuunta iyo aqoonta wax akhrinta.
Casrigaan aynu noolnahay wax akhrinta waxa ay kamid noqotay nolol maalmeedka muwaadin kasta, wax akhrintana waa aaladda kaliya ee waxa alifda isla markaana soo saarta mu’alifiin hindisayaal mufakiriin iyo dad fekar fog leh. Ummadaha wax aqriya waa ummadaha hoggaanka u haaya caalamka, ummadaha wax akhriyaa waa ummadaha ka xorroobay maskaxda maxaa yeelay wax akhrinta waxaa ay kaa fogeynaysaa jahliga iyo dib u dhaca ku yimaada cilmiga iyo aqoontaada.
Hay’adda (Scott Foresman) waxay wax ka qorat muhiimada ay leedahay wax Akhrinta oraah aad u qurux badnayn, barnaamij bandhigga akhriska Buugaagta Caalamiga, ee lagu qabtay magaalada Santiago Sanadkii 1997-dii cinwaankeeduna uu ahaa “Waxaa bedeli doonaa caalamka” oraahdaa oo ahayd.
Maalin maalmaha kamid ah waxaa caalamka bedeli doona cunug yar, waxaan siin doonaa cunugaas yar hadiyad dhadhankeeda ka go’in waligeed, hadiyad caalamka hortiisa keenaysa, kana dhigaysa dadka dunida ugu hodansan uguna qanisan hadiyadaasna waa wax ‘AKHRINTA’ taas oo u furi doonta labada indhood dareenkana waxaa kiciya sheekooyinka taas oo ka dhigaysa carruurta in ay dareemaan kobcaan fakaraan, ma jiro,wax I joojin kara maxaa yeelay qalbigayga waxa uu garanayaa, macnaha wax akhriska iyo awooda ay leedahay. Waxaa uu yiri Cabaas Al-Aqaadi wax aqrinta waxa ay da’da insaanka ugu dartaa da’ kale, waana da’da qoraayaasha mufakriinta aqoonyahanada, culuumada falsafada leh i.w.m.
Ma jirin caalim weyn ama mu’alif weyn hadduu jirana wuxuu uu aad ugu muunnan yahay wax aqrinta. Isagoo tallaabadaasi u ah wado uu u maro cilmiga iyo wax curinta. Tusaalle ahaan aan u soo qaadano ( (Philo Franz Worth) mu’alifkii television-ka. Wuxuu ahaa “Philo” arday aad u dadaal badan aad iyo aadna u jecel uguna muunan wax akhriska waxaa la sheegaa in uuu aqriyayay dhammaan wixii maktabada school-ka yaalay ee ka hadlayay codka iyo ilayska iyo waxa loo yaqaano (silent movie) ama filimaanta aan codka lahayn, hammigiisa wuxuu ahaa in uu kulmiyo codka iyo muuqaalka filimka muddo “Philo” markii uu akhriyay daraaseeyay waxa ayna dhahaan waxa uu akhriyay akhrisris aad u ballaaran, Ilaa uu ka gaaray waxa uu ku haminayay, waxaana loogu wanqalay alifida television-ka magiciisa.
Dadka waxa curiya dadka waxa alifa mufakiriinta iyo aqoonyahaan kasta cilmigii uu doono haku xeeldheeraadee waa dad annaga naga mid ah laakiin cilmiga waxa ay ka dhigteen wadan ay dagaan, wax akhrintana wado ay u sii maraan, dhab ahaantii waxa aynu u wada baahanahay, ( (The Reading Clinic) Cibitaalka wax akhriska muhiimadiisuna tahay baraarujinta dadka ahmiyada wax akhrinta leh.
Qofkii maanta u fiirsada xaaladda ummadeenna oo aan oran karo waa bulsha dhan walba ka burburtay, dhaqaalle ahaan, caafimaad ahaan, siyaasad ahaan, amni ahaan ijtimaaci ahaan, deegaan ahaan waxbarasho ahaan, fekar ahaan iyo khlaaq ahaan kuna habsaday gaajo colaado Jahli abaaro burbur iyo barakac Meel u fiyowna aysan jirin dhan walba oo aad ka eegto. Dadka waxaa badbaadiya marka ay maareeyaan marxaladaaan oo kale ee quuska ah isla markaana ay ku dabaqaan damiir wadaninimo iyo mid diineed.
Aqoonyahankeenna immisa buug ayuu akhriyaa bishii? Immisa qof ayuu ku booriyaa dadk wax akhriska iyo wax qorida? Aniga iyo adigase immisa ayaan akhrinaa bishii? Immisa ayaan bulshadeenna ku boorinaa wax akhriska iyo wax qorida, immisa qof ayaanse barnaa sida wax loo qoro iyo sida wax loo akhriyo?.
Faa’iiddooyinka laga dhaxlo wax akhriska
1. Wax akhriska waxa aad ka helaysa cilmi kororsi iyo aqoon xeeldheer, adigoo kuu kordhaya caqligaaga, maskaxadaada, aragtidaada iyo waayo aragnimo buuxdana oo aad ka helaysid aqriska. Waxaad kaloo ka helaysaa fikrado cusub sida noloshii dadkii hore ama erayo cusub iyo inaad wax ka baratid dabecadaha iyo nolosha dadka.
2. Akhrisku wuxuu ku dhaxalsiinayaa warbixino cusub, waddooyin cusub oo aad wax ku xallin karto waddooyin badan oo aad ku gaari karto daarta guusha iyo himmilooyinkaaga nolosha.
3. Akhrisku waxa uu kor u qaadaa horumarka naftaada sida kalsoonida, sameynta qorsheyaal cusub iyo nidaaminta qiyamka noloshaada.
4. Akhrisku waxaa laga helaa khibrad iyo aqoon cusub taasoo ay kula wadaagayaan dadka qoray hadba buugga aad akhriyayso oo nuxur wax ku ool ah ku xariiqan.
5. Akhriska waxa laga bartaa wax ikhtiraacidda, dabagalka iyo ka libkeenidda wax kasta oo aad danaynayso.
6. Akhrisku wuxuu sare u qaadaa fahanka maskaxda. Waxa uu ku siiyaa qaabab aaddan hore u aqoon oo aad wax ku fahmi karto ama waxa uu ku fahansiiyaa waxyaabo aaddan fahansanayn marka hore.
7. Akhrisku waxa uu kaa caawinaya inaad noqoto qof lajaan-qaado dunidaan casriga ah awoodna u yeelato in aad wax ku soo kordhiso, sidoo kale akhrisku waxaad ka baranaysaa xasiloonidda, deggenaanta iyo u fiirsashada kahor inta aaddan ku dhaqaaqin tallaabo kuu muhiim ah oo istiraatij ah.
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Kaalay wax ka barro xikmadaha iyo horumarka guusha nolosha
Dad badan waxay aaminsan yihiin in guushu tahay wax adag oo aysan gaari karin, sababtoo ah ma haystaan jihadii saxda ahayd ama diyaar uma aha inay u huraan waqti iyo juhdi badan.

Marka hore, sawir maskaxeed ka samee guusha aad rabto iyo sida aad naftaada u aragto mustaqbalka. Qofka marka uu si cad u sawirto himiladiisa, waxaa u fududaata inuu qaado tallaabooyin sax ah oo uu ku gaaro guulo waaweyn. Guushu ma aha wax si sahlan lagu helo, balse waxay u baahan tahay dadaal, adkeysi iyo qorshe cad.
Dad badan waxay aaminsan yihiin in guushu tahay wax adag oo aysan gaari karin, sababtoo ah ma haystaan jihadii saxda ahayd ama diyaar uma aha inay u huraan waqti iyo juhdi badan. Haddii aad rabto inaad guul gaarto, kuma xirna inaad haysato lacag badan, guri qurux badan ama shaqo sare. Waxyaabaha ugu muhiimsan waa rumaysadkaaga, dadaalkaaga iyo sida aad uga go’an tahay himiladaada. Waxaa kale oo muhiim ah inaad Alle talo saarto oo aad isaga kaashato arrimahaaga, maxaa yeelay horumarka ugu weyn ee nolosha waxaa saldhig u ah cibaadada Alle iyo ku kalsoonaanta qorshihiisa.
Waxyaabaha ugu muhiimsan waa rumaysadkaaga, dadaalkaaga iyo sida aad uga go’an tahay himiladaada.
Arday kasta ama qof kasta oo waxbarasho ama shaqo ku jira wuxuu jecel yahay inuu gaaro nolol wanaagsan iyo horumar muuqda. Laakiin horumarka iyo guusha waxaa ka horeeya dedaal badan, sabir iyo juhdi joogto ah. Dadka qaar ma jecla inay arkaan qof kale oo guuleysta, laakiin adiga naftaada waa inaad noqotaa qofka ugu weyn ee u baahan guushaada. Marka aad fahamto qiimaha guusha iyo waxa ay kuu leedahay, waxaad awood u yeelanaysaa inaad naftaada ku qasabto shaqo adag.
Xikmadda nolosha fahamkeedu wuxuu u baahan yahay inaad maskaxdaada kobciso. Maskaxda oo la kobciyaa waxay qofka ka dhigtaa mid si qoto dheer wax u fahma, go’aanno wanaagsan qaata, isla markaana ka fogaada khaladaad badan. Mid ka mid ah waddooyinka ugu wanaagsan ee lagu helo xikmadda nolosha waa akhriska. Akhriska buugaagta, maqaallada iyo qoraallada kala duwan wuxuu qofka siiyaa aqoon badan iyo aragti fog. Waxaad ogaanaysaa waxyaabo badan oo aadan hore u ogeyn, taasoo kuu sahleysa inaad nolosha si ka wanaagsan u wajahdo.
Badso wax akhriska waxaa ku jira xikmado
Wax akhrisku wuxuu dhisaa maskaxda bani’aadamka. Marka aad maskax ahaan u korto, waxaad ka badbaadaysaa dabinno badan oo nolosha yaalla. Ardayda gaar ahaan waxaa muhiim u ah inay joogteeyaan akhriska, sababtoo ah wuxuu u fududeeyaa waxbarashada iyo guud ahaan nolosha. Laakiin akhriska keliya kuma filna; waa inaad wax qortaa. Akhriska iyo qoraalku waa laba shay oo is dhameystira. Marka aad qorto waxyaabaha aad akhriday ama aad fahamtay, aqoontaasi waxay noqotaa mid si fiican maskaxdaada ugu sii jirta.
Joogteey akhriska, sababtoo ah wuxuu u fududeeyaa waxbarashada iyo nolosha.
Ku dayato dadka xikmadda iyo akhlaaqda wanaagsan leh
Waxaa kale oo muhiim ah inaad ku dayato dadka xikmadda iyo akhlaaqda wanaagsan leh. Bulshadeenna Soomaaliyeed waxay leedahay halyeeyo badan oo caqli iyo xikmad leh. Haddii aad barato noloshooda iyo sida ay isu beddeleen, waxaad ka heli kartaa casharro qiimo leh. Waxaa muhiim ah inaad fahamto halka ay ka bilaabeen, caqabadihii ay soo mareen iyo sida ay uga gudbeen. Dadka caqliga leh waxay kuu horseedi karaan inaad noqoto qof wanaagsan oo fahma naftiisa iyo bulshada uu la nool yahay.
Ha noqon qof maskaxdiisu xiran tahay. Dadka qaar waxay had iyo jeer wax walba ka eegaan dhinaca xun. Haddii saaxiibkaa kuu sheego fikrad wanaagsan, ha degdegin inaad diido. Isku day inaad marka hore ka eegto dhinaca wanaagsan. Fikradaha waa fursado Alle ku siiyay, waxaana muhiim ah inaad ka faa’iideysato. Haddii laguu sheego fikrad, meel ku qor ama tijaabi si aad u ogaato inay sax tahay iyo inay qalad tahay. Isku day inaad noqoto qof wax cusub curiya ama wax horumariya. Hal-abuurku waa astaan muujinaysa aqoon, geesinimo iyo karti. Qofka fahma bulshada uu la nool yahay iyo baahiyahooda wuxuu awood u leeyahay inuu keeno xalal cusub. Ha ka baqin qaladka, sababtoo ah qaladku waa qayb ka mid ah guusha. Dadkii hore ee dunida wax ka beddelay ma aysan haysan wax badan, balse waxay lahaayeen fikir iyo geesinimo.
Qofka fahma bulshada uu la nool yahay iyo baahiyahooda wuxuu awood u leeyahay inuu keeno xalal cusub.
Adiguna waxaad awood u leedahay inaad wax cusub curiso, bulshadaadana wax ku soo kordhiso. Bilow maanta, dadaal samee, akhri, qor, dadka wanaagsan la saaxiib, fikradaha cusubna tijaabi. Sidaas ayaad ku heli kartaa guul, horumar iyo xikmad nololeed oo cajiib ah.
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Ma ogtahay doorashada lamaanaha saxda ah waxay qaabayn kartaa guusha noloshaada in ka badan shahaadada jaamacaddeed?
Inkastoo shahaado jaamacaddeed ay muhiim u tahay horumarka xirfadeed, haddana lamaanaha wanaagsan wuxuu saameyn ku yeeshaa dhammaan dhinacyada nolosha, laga bilaabo caafimaadka maskaxda illaa xasilloonida dhaqaalle.

Doorashada lamaanaha saxda ah waa go’aan nololeed oo saamayn ballaaran ku leh jihada uu qofku u socdo, guushiisa, iyo heerka farxaddiisa. Inkastoo shahaado jaamacaddeed ay tahay aalad muhiim ah oo lagu kasbado aqoon iyo xirfad, haddana cilmi-baarisyo casri ah ayaa muujinaya in qofka aad nolosha la wadaagto uu door weyn ka ciyaaro qaabaynta mustaqbalkaaga. Waxaa muhiim ah in la fahmo sida xiriirka nolosha uu uga miisaan culus yahay guusha qofka marka loo eego waxbarashada keliya.
Lamaanaha dhabta ah ee istaageera ayaa laga helaa taageero shucuureed iyo mid maskaxeed oo joogto ah. Noloshu ma aha mid toosan oo sahlan; waxay leedahay caqabado isdaba joog ah sida culayska shaqada, dhibaatooyinka dhaqaale, iyo weliba xaalado kale oo lama filaan ah. Qofka leh lamaane fahan leh oo garab istaaga wuxuu yeeshaa awood uu kaga gudbo caqabadahaas, maadaama uu helo dhiirigelin iyo kalsooni joogto ah. Taageeradan ayaa ka caawinaysa inuu noqdo qof adkaysi badan oo aan si fudud u jabin. Dhanka kale, shahaado jaamacadeed ma bixiso taageeradan shucuur, inkastoo ay kordhiso fursadaha shaqo.
Qofka leh lamaane fahan leh oo garab istaaga wuxuu yeeshaa awood uu kaga gudbo caqabadaha nolosha oo dhan.
Lamaanaha saxda ahi wuxuu door weyn ku leeyahay qaabaynta caaddooyinka maalinlaha ah ee qofka. Nolosha wadajirka ahi waxay keentaa in go’aannada muhiimka ah sida dhaqaalaha, caafimaadka, iyo waqtiga si wadajir ah loo maareeyo. Haddii lamaanahaagu yahay qof leh dabeecado wanaagsan sida qorshaynta, keydinta, iyo daryeelka caafimaadka, waxaa si dabiici ah kuu saameynaya hab-dhaqanka qofka. Tusaalle ahaan, qofka leh lamaane dhiirrigeliya jimicsiga iyo cunno caafimaad leh wuxuu u badan yahay inuu yeesho nolol caafimaad badan. Sidoo kale, haddii labada qof ay si wadajir ah u maareeyaan dhaqaalaha, waxay kordhin karaan xasilloonida dhaqaale ee qoyska. Arrimahan oo dhan waxay si toos ah u taageeraan guusha nololeed, taas oo ka ballaaran guusha aqooneed.
Haddii labada qof ay si wadajir ah u maareeyaan dhaqaalaha, waxay kordhin karaan xasilloonida dhaqaalle ee qoyska.
Intaa waxaa dheer, lamaanaha saxda ahi wuxuu kugu dhiirrigelin karaa inaad gaarto yoollal cusub oo aanad hore u qorsheyn. Mararka qaar qofku ma oga awooddiisa dhabta ah illaa uu helo qof ku kalsoon oo ku riixa inuu isku dayo waxyaabo cusub. Lamaanaha wanaagsan wuxuu kaa caawinayaa inaad ka gudubto cabsi iyo shaki, wuxuuna kugu dhiirrigeliyaa inaad sii wadato horumarkaaga. Taasi waxay noqon kartaa inaad sii wadato waxbarasho, bilowdo ganacsi, ama horumariso xirfado cusub. Sidaas darteed, xiriirka wanaagsan wuxuu noqdaa il dhiirrigelin oo ka xoog badan waxbarashada keliya.
Cilmi-baarisyo ku saabsan xiriirka qoyska
Cilmi-baarisyo badan ayaa sidoo kale muujinaya in tayada xiriirka qoyska ay si toos ah ula xiriirto farxadda guud ee nolosha. Dadka haysta qoys caafimaad qaba waxay u badan yihiin inay yeeshaan caafimaad maskaxeed oo wanaagsan, heerar hoose oo walbahaar, iyo nolol cimri dheeri leh. Taasi waxay caddeyneysaa in nolosha gurigu ay tahay awood nololeed oo dhab ah oo saameyn ku leh dhammaan dhinacyada nolosha. Sidaa darteed, doorashada xiriirka wanaagsan ee qoyska waxay saadaalin kartaa guusha muddada dheer si la mid ah ama xitaa ka badan doorashada jaamacad ama shaqo.
Mararka qaar qofku ma oga awooddiisa dhabta ah illaa uu helo qof ku kalsoon oo ku riixa inuu isku dayo waxyaabo cusub.
Dhaqanka Soomaalida ee xagga qoyska
Haddii la eego dhinaca dhaqanka, Soomaalidu waxay si weyn u qaddariyaan guurka, wuxuuna leeyahay maamuus iyo qiime gaar ah. Guurka Soomaaliyeed waxaa si ballaaran looga hadlay suugaanta sida heesaha, gabayada, maahmaahyada, iyo hal-ku-dhigyada. Tani waxay muujinaysaa sida uu guurku ugu jiro qalbiga bulshada Soomaaliyeed. Inta badan, guurka waxaa lagu saleeyaa dhaqan iyo caaddooyin, iyadoo la tixgelinayo asal ahaan, sumcadda qoyska, iyo taariikhda reerka. Tusaalle ahaan, ninka doonaya inuu guursado gabadh wuxuu baarayaa halka ay ka soo jeedo iyo dabeecadda qoyskeeda. Arrintan waxaa si fiican u muujinaysa maahmaahda caanka ah ee “Geela iyo haweenkaba waa la hiddo raacaa,” taas oo tilmaamaysa muhiimadda asal-raacnimada.
“Geela iyo haweenkaba waa la hiddo raacaa,”
Isbeddelka ku yimid dhaqanka guurka Soomaalida
Sanadihii dambe waxaa muuqda isbeddel weyn oo ku yimid dhaqanka guurka Soomaaliyeed. Saameynta casriyeynta, warbaahinta, iyo isdhexgalka caalamiga ah ayaa beddelay qaabkii loo dooran jiray lamaanaha. Dad badan ayaa hadda diiradda saaraya arrimo sida muuqaalka dibadda, hantida, ama sumcadda, halkii ay ka eegi lahaayeen dabeecadda iyo is-waafajinta qiyamka. Isbeddelkan ayaa keeni kara xiriirro aan waaraayn, maadaama ay ka maqan tahay saldhig adag oo ku dhisan isfaham iyo ixtiraam. Dhinaca kale, waxaa muhiim ah in la fahmo in helitaanka lamaane sax ah uusan ku xirnayn hal marxalad oo nolosha ah. Qofku wuxuu heli karaa qoys wanaagsan waqti kasta, haddii uu si miyir leh uu u doorto qof ku habboon aragtidiisa iyo yoolalkiisa. Helitaanka lamaane wanaagsan waxay u baahan tahay dulqaad, fahan, iyo is-ixtiraam. Tallaabooyin yar yar sida wadaagista yoolalka, wadahadallada daacadda ah, iyo taageerada joogtada ah ayaa dhisaya xiriir adag oo waara.
Qofku wuxuu heli karaa qoys wanaagsan waqti kasta, haddii uu si miyir leh uu u doorto qof ku habboon aragtidiisa iyo yoolalkiisa mustaqbalka.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la ogaado in xiriirka wanaagsan uu yahay mid la dhiso, ma aha mid si fudud u yimaada. Labada qof waa inay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirkooda, iyagoo illaalinaya isgaarsiinta furan iyo ixtiraamka. Marka xiriirka uu noqdo mid ku dhisan kalsooni iyo wadajir, wuxuu noqdaa il awood leh oo kor u qaadda guusha labadaba.Waxaa
Waxaan kusoo gunnaanadayaa, doorashada lamaanaha saxda ahi waa mid ka mid ah go’aannada ugu muhiimsan ee qaabeeya nolosha qofka. Inkastoo shahaado jaamacaddeed ay muhiim u tahay horumarka xirfadeed, haddana lamaanaha wanaagsan wuxuu saameyn ku yeeshaa dhammaan dhinacyada nolosha, laga bilaabo caafimaadka maskaxda illaa xasilloonida dhaqaalle. Qof kasta oo doonaya guul iyo farxad waarta waa inuu si taxaddar leh uga fiirsadaa cidda uu nolosha la wadaagayo, maadaama ay tahay maalgashi nololeed oo aan la dhayalsan karin.
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Maxaa kor u qaadi kara fursadaha gaarista guushaada?
Marwalbo shuruudaha guushu waxay ku xiran tahay macnaha guud ee aad ku qeexi karto. Hal qof ayaa laga yaabaa inuu u tixgeliyo guul waxa uu qof kale u arko inay tahay guuldarro.

Guusha waa himmilo ama yool aad jamanayso isla markaana hammuun u qabto inaad gaarto, guusha waxaa inta badan lagu qeexaa kartida aad ku gaari karto yoolalkaaga nolosha, wax kasta oo hadafyadaasi ay noqon karaan. Astaamaha qaarkood, kelmadda ugu wanaagsan ee guusha waxay noqon kartaa guul, ama horumar aad si dhab ah ugu gun gaartay. Ma ahan guusha mid ku timaadda si sahlan waxay kaaga baahan tahay inaad raadiso raadkeeda, guushu waa safar aad u baahan tahay inaad hesho waxyaabo kaa caawin karro horumarinta xirfadaha iyo agabka aad u baahan tahay si aad u horumarto.
Guusha macnaheeda waa inaad hesho waxkasta aad doonaysay sababtoo ah yoolalka waa kuwo si gaar ah loo abuuro, dadku sida ay u arkaan guusha way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xiran tahay baahidooda, hadafkooda, iyo xaaladahooda nololleed ee xilligaa taagan, guulaha yaryar waxay ku siinayaan halbeegyadii guulaha waaweyn ku kasban lahayd xikmad “Guulaha yaryar waxay u qidmeeyaan guulaha waaweyn” Waxaa jira habab badan oo kala duwan oo loo maro sida aad nolosha ugu guulaysan lahayd, laakiin qaabka ugu fiican ee u shaqaynaysa guushaada waxa ay ku xiran tahay waxa ay guushu adiga kuu tahay iyo aragtida aad ka qabto.
“Guulaha yaryar waxay u qidmeeyaan guulaha waaweyn”
Qoraagga buugga 5-ta Tiir ee Guusha, Cabdijabaar Sh. Axmed wuxuu qoraalkiisa ku yirri, “haddii aad u malaynayso in guushaada tahay inaad shaqadaada ku wanaagsanaato ama aad kasbato mushaahar sare, waxaad mudnaanta koowaad siin doontaa kor u qaadista yoolalkaaga xirfadeed.” Balse mudnaanta koowaad ma aaddan siinayn si aad u horumariso yoolkaaga nolosha ee kuu gaarka ah. qoraa Cabdijabaar Sh. Axmed wuxuu qoraalkiisa ku yirri, “waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.” Juhdi iyo dadaal lagu daray baryadda Alle ayaa lagu gaaraa guusha dhabta ah ee nolosha.
Astaanta guusha waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto. Qoys, xiriir jaceyl, tacliin, iyo iwm ayaa ah kamid ah guulaha qaar ee ku horyaallo qofka horumarka doonaayo.
Daarta guusha waa halgan
Waa inaad in badan dhafoorka ka dhididdaa aadna dareentaa culeysyo farabadan xagga nolosha ah, waana qiyamka saxda ah ee daarta guusha lagu gaaro culeesyadaas waxay kugu sababi karaan in aad niyad jabto go’aan qiyaali ah gaarto. Nooc kastaba ha noqoto guusha aad raadinayso, maxaa kor u qaadi kara fursadaha gaarista guushaada? Waa maxay qaar ka mid ah caadooyinka dadka guuleysta? Ma jirtaa waddo keliya oo sax ah oo lagu guuleysto?
Marwalbo shuruudaha guushu waxay ku xiran tahay macnaha guud ee aad ku qeexi karto. Hal qof ayaa laga yaabaa inuu u tixgeliyo guul waxa uu qof kale u arko inay tahay guuldarro.
Alle wuxuu Quraankiisa ku yirri “U duqaado dhibka ku soo gaaray maxaa yeelay, arrinkaasi waxa uu ka mi d yahay arrimaha adag”
Waa adduunyo iyo raasmaalkiisa oo waxa aynu ku soconaa qorshe uu Alle inoo dejiyay, ma diidi karno hadimooyinka guuldarrada nala soo gudbooday, ma lihin awood aan kaga celisinno geerida ku timid qof aan aad u jecnahay, sidoo kale ma garanayno mustaqbalka waxa aynu ku suntannahay oo ma waxaa noqonaynaa baalashlaha/caseeyaha baraha dugisiga ama saaxiibkaaga ma taqaanid xaqiiqdii waxaad markasta oggaataa qorshe kasta inuu Alle kuu dejiyay. U fiirso sida Suubbanaheena u dhisayo qalbiyaddeena musiibooyinka ragaadisay ‘Oggoow wixii kugu dhacay marnaba kuma dhaceen’ Xasan Al-Basri ayaa waxa uu yirri: Haddii aan abaal la innagu siin waxa aan jecelnahay maba aynu heleen, Eebbeheenna waa deeqsi oo addoomihiisa ayuu imtixaamaa isaga oo dhibsanaya si uu u siiyo abaal.
Waxaa laga yaabaa inaysan jirin su’aalo isku-dhafan oo dammaanad qaadi kara guushaada. Weli, waxaa jira tallaabooyin aasaasi ah oo aad raaci karto kuwaas oo hagaajin kara fursadahaaga inaad ku guulaysato noloshaada iyo shaqada. Furaha guul kasta lagu xaqiijiyo waa joogteyn iyo dulqaad, guusha waxa ay u baahan tahay hurdo ka toosid inaad baxdo sahmin samayso isla markaana soo oggaato shaqsiyaadka horumarka nololeed ku tallaabsadeen waddadii ay u mareen, dhibaatooyinkii ay la kulmeen inta ay ku guda jireen halganka, waa inaad ka xog wareysataa dhammaan waxa dhaliyay inay guusha gaaraan. Dabcan xogahaasi oo idil waxaad ka dhaxlaysaa khibradz, waayo aragnnimo iyo firfircooni.
Jeexo wadadda horumarkaaga
Inaad wado la fahmi karo jeexato waa kuu maqaam sarre, waxaana lagama maarmaan ah inaad la timaado aragti iyo waliba meel aad hiigsanayso. Sanadka kasta oo curtay waxaa lagaaga baahanyahay inaad la timaado qorshe cad ee kuu qoran adiga iyo waliba qaababka aad ku gaari garto hadafyada ugu waa weyn ee noloshaada. Waligaa ha noolaanin qorshe la’aan, inkastoo waxwalbo Illaahay s.w.c xaggiisa ay ka qoranyihiin. Qorshaha cad waa waxyaabaha ay aadanuhu isku dhaafeen, haddii aad tahay shaqsi nool bilaa qorshe sanad walbo oo dhashana wuxuu kaaga dhammaani doonaa billaa macno daro.
Tusaalle: Haddii aad maanta dhahdo waxaan rabaa inaa iibsado mustaqbalka gaarigga adduunka ugu qaalisan, oo kummanaan doollar ah, adigana laga yaabo in aaddan haynin wadadii loo mari lahaa balse hadalkaagu yahay mid aan afka dhaafsiisnayn. Xikmad: ‘Hadal badan haan ma buuxsho’ hadalkaasi waa nasiib xumo qof ahaaneed ayna ku saameyn doonaan mustaqbalkaaga dambe.
Hadal badan haan ma buuxsho waxaad marwalbo ogataa qofka aanan hadafka lahayn wuxuu ku suganyahay nolol aan farxad lahayn, iyo waxaa la sheegaa in qofkaas la kulmo xaaladdo kala duwan sidda cilmi nafsiga ee noloshiisa galaabsado.
Waxaa jira dhibaatooyin badan oo nafsaani ah oo kala geddisan. Mid kastaa waxay leedahay magac cilmmiyeysan oo lala xariiriyo. Dadka qaba cudurkaan nafsaaniga ah badanaa waxay dhib kala kulmaan dhinacyada dad la socodka iyo bulshonnimadaba. Waxay dhib badan kala kulmaan inay fahmaan naftooda iyo tan dadka kaleba. Waxay leeyihiin dhaqan ah ”ha i taabanin ku taaban maayee” sidda badannaa waa dad aad u qalafsan oo tooda kaliya inay socoto uun jecel, markasta tooda ayay u baqaan, ma garqaataan, waana muquunin jecelyihiin.
Siddoo kale cudurkaan wuxuu kamid yahay cudurada ugu adag in la daaweeyo marka loo fiirsho cudurada dhimirka, maxaa yeelay dad qabaa meelo badan waxay ku leeyihiin caadi oo dadka waa la dhaqmi karaan. Meelaha ay badanaaba ku fashilmaan waxaa kamid ah xariirka guurka iyo bulshooyinnimada. Sidaas awgeed waxaa wanaagsan inaad yeelato hadaf cad ee muuqda si aad ugu badbaado cudurada bini’aadamka hormarkooda dib u dhiga
Akhristoow, ma ogtahay marka aad dhalatay dunidda waxaa kusoo kordhay shaqsi cusub, waana adiga. Waxaan shaki ku jirin inaad adiga tahay shaqsigaasi ay dunidda sugaysay –waa adiga qofka dunidda ay sugayso ee maxaad sugaysaa?
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Faa’iidooyinka dhaqanka wax isla cunka Soomaalida iyo aragtida Islaamka
Soomaalidu waxay caan ku tahay in ay cuntada wadaagaan, hadday tahay qoys dhexdiisa, marti la qaabilayo, ama dad baahan oo lala wadaagayo wixii la heli karo, diinta Islaamkana waxay dejisay aadaab iyo akhlaaqyo gaar ah oo ku saabsan cunnada, taasoo sii xoojinaysa qiimaha wax isla cunka.

Wax isla cunka waa dhaqan bulsho oo qadiimi ah, kana mid ah astaamaha lagu garto bulshada Soomaalida. Waa dhaqan ka tarjumaya wadajir, is-ixtiraam, iyo walaaltinimo. Soomaalidu waxay caan ku tahay in ay cuntada wadaagaan, hadday tahay qoys dhexdiisa, marti la qaabilayo, ama dad baahan oo lala wadaagayo wixii la heli karo. Dhaqankan ma aha oo kaliya mid bulsho, balse sidoo kale waa dhaqan diini ah oo Islaamku si weyn u dhiirrigeliyay, maadaama uu xoojinayo xiriirka dadka, barakaynayana nolosha.
Marka qoys ama bulsho ay wada cunaan, waxaa si muuqata u xoogeysanaya jacaylka, is-fahamka, iyo kalsoonida ka dhexeysa xubnaha. Qoysaska wada cuna waxay yeeshaan xiriir adag, caruurtuna waxay ka bartaan edeb, xushmad, iyo wadaag. Wax wada cunista waxay noqotaa fursad lagu wada sheekeysto, laguna wadaago arrimaha nolosha, taasoo yaraynaysa kala fogaanshaha iyo is faham la’aanta ka dhex dhalan karta xubnaha qoyska. Bulshada dhexdeeda, wax isla cunka wuxuu noqdaa astaan muujinaysa midnimo iyo isku xirnaan.
Sidoo kale, wax isla cunka wuxuu abuuraa jawi farxad iyo deggenaansho leh. Dadka marka ay wada cunaan, gaar ahaan qoys ahaan, waxay dareemaan nasasho maskaxeed iyo farxad bulsho. Tani waxay si weyn u yaraysaa kelinimada iyo walbahaarka, gaar ahaan waayeelka ama dadka dareema go’doon. Cilmi-nafsigu wuxuu caddeeyay in wax wada cunistu kor u qaaddo caafimaadka maskaxda, maadaama ay xoojiso dareenka in qofku ka tirsan yahay koox ama qoys daneeya.
Wax wada cunista sidoo kale waxay baraysaa dadka sinnaan iyo edeb. Marka saxan la wadaago, qof walba wuxuu barta inuu qadariyo xuquuqda dadka kale. Dhaqanka Soomaalida waxaa si gaar ah loo tixgeliyaa in qofku ku ekaado waxa hortiisa yaalla, uuna ka foggaado in uu gacantiisa gaarsiiyo dhanka kale ee saxanka. Tani waxay carruurta iyo dadka waaweynba ku beeraysaa edeb, xishood, iyo is xakameyn. Sidoo kale, waxay dhiirrigelisaa in qof walba uu dareemo in uu la siman yahay kuwa kale, iyadoo aan la kala sarreyn ama la takoorin.
Dhaqanka wax isla cunka wuxuu xoojiyaa deeqsinimada iyo tixgelinta dadka kale. Qofka lala wadaaga cuntadiisa wuxuu baranayaa in uu ka fekero baahida dadka kale, gaar ahaan martida iyo dadka tabarta yar. Soomaalidu waxay ku faantaa marti-soorka, iyadoo marar badan la maqlayo oraahda ah “Marti waa marti Ilaahay.” Martida lala wadaago cuntada waxay dareemaan qadarin iyo soo dhaweyn, taasoo xoojisa xiriirka bulsho iyo kalsoonida dadweynaha.
Marka laga eego aragtida diinta Islaamka, wax isla cunka waa dhaqan aad loo dhiirrigeliyay. Islaamku waa diin ku dhisan wadaag, walaaltinimo, iyo naxariis. Nebi Muxamed ﷺ wuxuu Muslimiinta ku boorriyay in ay wax isla cunaan, isagoo xusay in barako ku jirto wax wada cunista. Xadiisyo badan ayaa tilmaamaya in cuntada la wadaago ay ka barako badan tahay tan kaligeed la cuno, xitaa haddii ay yar tahay. Tani waxay ina tusinaysaa in barakadu aysan ku xirnayn tirada cuntada, balse ay ku jirto wadaagga iyo niyadda wanaagsan.
Islaamku sidoo kale wuxuu si gaar ah u dhiirrigeliyaa marti-soorka. Qofka marti u ah Muslim kale waxaa la faray in uu si sharaf iyo deeqsinimo leh u qaabilo, gaar ahaan dhinaca cuntada. Quudinta masaakiinta, agoonta, iyo dadka baahan waa camal aad u weyn oo ajar badan leh. Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaa’iista Nabiga ﷺ labaduba waxay si cad u amreen in la caawiyo dadka tabarta yar, lana wadaago nimcada Ilaahay bixiyay.
Diinta Islaamku waxay dejisay aadaab iyo akhlaaqyo gaar ah oo ku saabsan cunnada, taasoo sii xoojinaysa qiimaha wax isla cunka. Waxaa nala faray in cuntada lagu bilaabo magaca Ilaahay (Bismillaah), in midigta lagu cuno, lana ilaaliyo xadidnaan, iyadoo laga fogaanayo xad-dhaaf iyo khasaarin. Edebtani waxay qofka baraysaa mahadnaq, is-xakameyn, iyo tixgelinta nimcada Ilaahay. Marka dadku wada cunaan iyagoo raacaya edebtan, waxaa sii kordhaya barakada, is ixtiraamka, iyo wanaagga ka dhex jira.
Sidoo kale, Islaamku wuxuu dhiirrigeliyaa in wax la isku hadiyadeeyo, maadaama hadiyadda iyo wadaaggida cuntadu ay xoojiyaan jacaylka iyo walaaltinimada. Nebigu ﷺ wuxuu sheegay in hadiyaduhu ay kala qaadaan xumaanta qalbiyada, ayna kordhiyaan kalgacalka dadka dhexdooda. Wax isla cunka iyo wax is-hadiyadeyntu waa labo dhaqan oo si dhow isugu xiran, kana tarjumaya akhlaaqda wanaagsan ee Islaamka.
Waxaan kusoo gunnaanudayaa, wax isla cunka waa dhaqan qiimo weyn u leh bulshada Soomaalida iyo diinta Islaamka labadaba. Waa dhaqan dhisa qoysaska, xoojiya xiriirka bulshada, korna u qaada akhlaaqda iyo edebta. Islaamku si cad ayuu u taageeraa wax isla cunka, maadaama uu keeno barako, midnimo, iyo naxariis bulsho. Marka la ilaaliyo dhaqankan, laguna saleeyo edebta Islaamka, waxaa la helayaa bulsho isku xirnaan leh, dad is jecel, iyo nolol ku dhisan wadaag iyo wanaag.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Sirdoonka & Militariga3 months agoWafdi jeneraallo ah oo ka socda dalka Turkiga oo soo gaaray magaaladda Muqdisho
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Diblomaasiyadda3 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Ameerika3 months agoMareykanka oo baadigoobaya muwaadin asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Yurub2 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya oo walaac ka muujisay suuq xumo la xiriirta khaadka maandooriyaha ay u soo dirto Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Arrimaha Amniga3 months agoHoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu qabtay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya
Arrimaha Amniga2 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Soomaaliya3 months agoMareykanka oo si weyn ugu carootay rag ka tirsan CXDS kuwaasi oo ku istaagay calanka dalka Mareykanka
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Arrimaha Amniga2 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Sirdoonka & Militariga1 month agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM












































