Connect with us

Warbaahinta iyo Siyaasada

Sidee Ayaan Abaarta Oga Bixi Karnaa? |Tukesomalism.com

Published

on


Abaartu waxaa ay ka mid tahay masiibooyinka halista ah kuwaas  oo saameeyn ku yeesha noolasha dhamaanteed, abaartu waa masiibo soo jireen ah taas oo dunida Illahay abuurtay ka dhici jirtay waqtiyaal hore, sida Illaahay (SW) Quraankiisa ku sheegay qisadii nabiyulaahi Yuusuf markii uu fasiraayay riyadii boqorkii dalka Masar xiligaas in ay ka dhici doonto dalka masar 7 sano oo aaran ah oo ay ka dambeeyso 7 sano oo abaar ah ayaa daliil noo ah in ay abaartu tahay masiibo soo jireen ah.

Hadaba su’aasheydu waxay tahay sidii ayaan aga bixi karnaa abaarta ku habsata dalkeena Soomaaliya waqti xaadirkaan aan joogno?.

Illaahay (SW) waxaa uu sameeyay xalka dhibaato walbo oo nala soo guboonaato sidii aan aga bixi lahayn, mana jirto dhibaato cusub oo dunidani oo aan quraankeena kariinka ah lagu sheegin ayada iyo sidii looga bixi lahaa.

Waxaan ka barankarnaa qisadii nabi Yussuf (CS) in aan abaarta aga bixi karno tabac iyo keyd aan meel dhigano ee ma ahan in ay qaramada midowbay (UN) ta abaarta naga saari karto. Sida aan la socona UN ta waxaa ay ku mashquushantahay sidii ay cuno ku gaarsiin lahayd wadamo badan oo dunida ka mid ah kuwaas oo aanan haysan qeyraad dabeeci ah sida dalka Soomaaliya, mana u hayso wax mashruuc ah dalka Soomaaliya, mida kala dalka Mareykanka oo ka mid ah wadamadii siin jiray lacagaha qaramada midowbay ayaa waxaa ka taagan abaabul siyaasadeed iyo dagaalka qaboow oo ay kula jiraan dalka Ruushka.

Waxaa uu yiri Cabdiqaasim Salaad Xassan madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya “Cidna uma maqna ceelna uma qodna”. Xaqiiqatan waa arin run ah. Hadaba waxaa wanaagsan in aan sameeyno isku tashi oo aan u soo jeesano tabac.

Xiligii dalka masar tabaca ay sameeyn jireen waxaa ay isticmaali jireen waxa loo yaqaan “Shadoof method of irrigation  “kaas oo ahaa intii ceelka geeskiisa laga taago geed taro leh ayaa waxaa la saari jiray geed kale oo ay wadaanka ku xiran tahay dhinaca kalena waxaa lagu xiri jiray dhagax aad u weyn si wadaantu lagu soo jiido, habkaas ayaa waxaa lagu waraabin jiray dhul uu xadmiguusu aad u weyn yahay. Maanta xaalku kaas waa ka badalan yahay oo waxaan haysanaa matooro aad u waaweyn kuwaas oo waraabin kara dhul intii aan u baahanahay ee waxaa nalooga baahanyahay in aan ka faa’ideeysano dhulka Illaahay nagu maneeystay.

Waxaan abaarta aga bixi karno  waa tabac oo kaliya, ma jiro jid kale Illaahay waa uu awoodaa in uu shimbirta buulkeeda wax ay cunto ugu keeno balse ma uusan yeelin, shimbirtu waa in ay buubtaa ayna tagtaa meel kastaa oo ay ka heli karto wax ay cunto, anaguna waxaa nalooga baahan yahay in aan fadhiga ka kacno oo aan beeraha xooga saarno.

Mida kale waa in aan yareyno isticmaalka cunooyinka la soo dhoofiyay sida bariiska iyo baastada, waayo waxaan hormarineynaa wadama kale oo beerahooda iyo warshadahooda aan u sameeyneynaa suuq caalami ah. Waa in aan isticmaalnaa cunadda nadiifka ah ee dalkeena ka soo go’da sida galeyda, shamuureyda, bataatiga iyo digirta si aan suuq ugu abuurno beeraleyda dalkeena uguna dhiira galino tabaca wanaagsan.

Waxaa kale oo aan u baahanay in aan tabacno cawska xoolaha ay daaqaan waayo waxaa jiro caws casri ah kaas oo ku baxa bil wax ka yar, nafaqo weyn na u leh xoolaha. Waxaan ku boorinayaa beeraleyda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degmada Luuq ee liinta oo qura tabco oo qasaariyay biyaha iyo dhulka bikrada ah in ay u soo jeestaan tabac oo ay badbaadiyaan xoolaha iyo nafta walaalahood tabaaleysan ee aanan qabin beer. Markii aad tabac sameeyneyso waxaad abuureeysaa shaqo taas oo ay ka faa’ideysan karaan dad aad u badan.

Ugu dambeeyn hadafkeenu waa tabac ee ma ahan in aan UN ka wax ka sugno.


 

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Somalism. Wuxuu wax ka qoraa siyaasadda, cilmiga beeraha, ganacsiga, xadgudubyada loo geysta bini'aadamka iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed. Qoraaga wuxuu cilmi gaar ah u leeyahay caafimaadka dadweynaha iyo cilmiga beeraha. Wuxuu shahaadada jaamacadeed ee Bachelor Degree-ga ka haystaa Caafimaadka Dadweynaha.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Warbaahinta iyo Siyaasada

Muqdisho ma burburto ee isbeddel ayaa ku socda, had iyo jeer waxay leedahay ujeeddo

Si kastaba ha ahaatee, Muqdisho maanta waa mid xasilloon, firfircoon, iyo rajo badan leh marka loo eego sidii ay ahayd tobanaan sano.

Published

on


Muqdisho maanta waa magaalo ka xasilloon, ka firfircoon, kana rajo badan sidii ay ahayd tobannaan sano ka hor. Markii majaladda The Economist ay dhawaan daabacday maqaal aan magac iyo masuuliyad toona lahayn, kaas oo ku doodayay in dhismaha dowladnimada Soomaaliya uu “burburay” isla markaana saadaaliyay in Muqdisho ay gacanta u geli karto Al-Shabaab, waxaa si cad u muuqatay in joornaalku ka tegay anshaxii iyo masuuliyaddii saxaafadeed. Halkii uu ka raadin lahaa xaqiiqooyin dhab ah, wuxuu doortay cabsi gelin; halkii uu ka eegi lahaa xaqiiqada ka jirta dalka, wuxuu doortay go’doon; halkii uu ka muujin lahaa adkaysiga dad dib u dhisanaya magaaladooda iyo dowladdooda dambaska ka soo baxay, wuxuu doortay nacasnimo iyo aragti duugoobay.

Aan si cad u sheego: Muqdisho ma dhacayso. Muqdisho way taagan tahay. Dhab ahaantii, sannad kasta way sii istaagaysaa, iyadoo ay taageerayaan dad ka daalay dagaalka, ku firfircoon fursadaha, isla markaana go’aansaday inaysan mar dambe u oggolaan argagixiso ama dano shisheeye inay qeexaan mustaqbalkeeda.

Waxaan ku noolahay magaaladan. Waxaan ku socdaa waddooyinkeeda, waxaan cabbaa shaaheeda, waxaana la hadlaa dhallinyaradeeda. Muqdisho ma aha magaalo kaamil ah, balse sidoo kale ma aha sida uu The Economist u sawiray. Magaaladu waa ka nadiifsan tahay sidii ay ahayd sannado badan. Makhaayadaha ayaa camiran laga bilaabo KM4 ilaa Xeebta Liido. Jaamacaduhu waxay furayaan kulliyado cusub. Aroosyada iyo isu imaatinka qoysaska—kuwaas oo mar la cabsi gelin jiray amni-darro—ayaa mar kale noqday wax caadi ah. Shirkado maxalli ah oo cusub ayaa shaqaaleysiinaya injineerro software ah. Qoysaska qurba-joogta ah ayaa ku soo laabanaya dalka si ay guryo u dhistaan uguna maalgashadaan. Haddii tan lagu tilmaami karo magaalo “burburaysa,” markaa sidee ayay u egyihiin dib-u-dhis iyo horumar marka ay eegayaan tifaftirayaasha reer galbeedka?

Waxa ugu naxdinta badan ma aha oo kaliya niyad-jabka maqaalka, balse waa caajisnimada ka dambeysa. The Economist ma uusan soo xigan hal khabiir oo lagu kalsoonaan karo. Ma uusan soo bandhigin wax caddayn ah oo taageeraya sheegashadiisa ah in “tiro sii kordhaysa oo kormeerayaal ah ay ka baqayaan in Muqdisho ay gacanta u gasho Al-Shabaab.” Waa kuwee kormeerayaashan? Xogtee taageeraysa aragtidan? Midna lama sheegin. Ma jiro falanqeeye si dhab ah uga shaqeeyay Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay oo samayn lahaa sheegasho noocaas ah, gaar ahaan iyadoo amniga caasimaddu soo hagaagayo, islamarkaana dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen go’aan adag oo ay kaga hortagayaan hanjabaadaha.

Khatarta dhabta ah ma aha Muqdisho oo u dhacaysa Al-Shabaab. Khatartu waa warbaahinta caalamiga ah ee ku dhacaysa dabinka sheekooyin duugoobay oo aan mar dambe ka tarjumayn xaqiiqada dhabta ah. Muddo dheer, Soomaaliya waxaa loola dhaqmayay sidii tusaale guuldarro, halkii ay ka ahaan lahayd sheeko badbaado, adkaysi, iyo isbeddel. Aragti noocaas ah waa inay is beddeshaa.

Haa, Soomaaliya waxay weli wajahaysaa caqabado dhab ah. Al-Shabaab weli waa khatar. Nidaamka federaalka wuxuu ku jiraa cadaadis. Daalka deeq-bixiyeyaasha waa mid jira. Laakiin caqabadahani ma qeexayaan guud ahaan sheekada Soomaaliya. Waxay barbar socdaan horumarro hay’adeed iyo dhaqaale oo ah kuwii ugu muhiimsanaa ee la arko tobannaan sano.

Aan wakhti yar qaadanno si aan uga hadalno horumarka magaalada ee sida cad la iskaga indha tiray

Soomaaliya waxay maanta wajahaysaa mid ka mid ah heerarka kobaca GDP-ga ee ugu sarreeya Bariga Afrika. Yaraynta deynta (debt relief) sannadkii 2023, taasoo furtay fursado cusub oo maalgashi shisheeye iyo helitaan suuqyada maaliyadeed ee caalamiga ah. Markii ugu horreysay oo muddo ah, dowladdu waxay mushaharka ku bixisaa waqtigiisii iyadoo kaashanaysa dakhligeeda gudaha. Nidaamyada kastamka waa la dhijitaaliyay. Habraacyada wax-iibsiga waa la jaangooyay. Kuwani ma aha guulo yaryar—waa tiirarka aasaaska u ah dhismaha dowlad shaqaynaysa.

Muqdisho, oo ah caasimadda dalka, waa xudunta isbeddelkan. Dekedda waa la casriyeynayaa. Waddooyinka waa hagaajiyay. Iskuullo cusub ayaa la furayaa. Bulshada rayidka ahi ma aha oo kaliya mid firfircoon, balse si joogto ah ayay u sii ballaaranaysaa. Xaafado markii hore aan ammaan ahayn in la booqdo marka mugdigu dhaco, maanta waxay arkaan carruur kubbad ku ciyaaraya iyo dad wax kala iibsanaya ilaa fiidkii dambe habeenkii.

Ka warran dadka? Dhalinyarada Muqdisho—kuwaas oo ah inta ugu badan ee dadweynaha—ma aha kuwo fadhiya ama rajadoodu dhammaatay. Waa kuwa wax baranaayo, shaqaynayaan, curinayaan, oo riyoonayaan. Waxay ganacsiyo ka dhisayaan Instagram, waxay curinayaan gabayo, waxay barnaamijyo ku qorayaan kombiyuutarrada, waxayna isku dhiirrigelinayaan inay wax badan u qabtaan bulshooyinkooda. Ruuxaas iyo tamartaas ma qaban karro wariye ajnabi ah oo laba maalmood ku qaata Garoowe ama maqaal ka soo qora Nayroobi.

Sheegashada The Economist ee ah in dhismaha dowladdu yahay mashruuc fashilmay sidoo kale waa mid aan caqli ahaan daacad ahayn. Dhismaha dowladdu ma aha badhan la riixo oo natiijo degdeg ah la helo. Waa geeddi-socod dheer, xanuun badan, isla markaana jiilal qaata. Waa hal shay in si cilmiyeysan loo dhaleeceeyo geeddi-socodkaas marka loo baahdo; waa shay kale in gebi ahaanba la iska indho tiro, iyadoo si ula kac ah loo indha-tirayo calaamadaha horumarka ee la cabbiri karo.

Sida The Economist ay wax ugu qortay Soomaaliya waa qaabaynta sheeko hore loo dejiyey. Iyadoo ku degdegaysa inay muujiso xiisadaha siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, majaladdu waxay gebi ahaanba iska indha tirtay tirada ballaaran ee Soomaalida ah ee taageersan dib-u-habaynta doorashooyinka, iyo sida hay’adaha maaliyadeed ee dalka ay maanta uga shaqaynayaan si ka hufan sidii hore. Waxay ku guuldarraysatay inay xusto inta kaabayaasha dhaqaalaha ee Muqdisho ay hadda gacanta ku hayaan hay’ado Soomaali ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen ciidamo shisheeye. Waxay sidoo kale iska indha tirtay sida maamulka maxalliga ah maanta loogu dhaqmo si ka hufan ugana mas’uul badan sidii hore.

Waxaa la isweydiin karaa: maxay arrintani muhiim u tahay? Maxaa muhiim ka dhigaya in dib loo eego maqaalkaan The Economist?

Sababtu waa tan: ereyadu waxay leeyihiin cawaaqib. Marka joornaalada awoodda leh sida The Economist ay ku dhawaaqaan in Soomaaliya ay tahay “dowlad fashilantay,” waxay si toos ah u saameeyaan siyaasadaha deeq-bixiyeyaasha, go’aannada maalgashadayaasha, iyo xittaa iskaashiga amniga. Waxay niyad-jabiyaan muwaadiniinteenna. Waxay dhiirrigeliyaan cadawga.

Jaraa’idyadan wali xambaarsan caqligii gumaystaha, waxaan u sheegaynaa Soomaaliya maanta waxay leedahay dad waxgarad ah, fahansan ujeedkiina iyo danaha aad leedihiin. Mustaqbalka Soomaaliya kuma xirna rajo-beelka indha-indheeyayaal ka jooga meel fog, balse wuxuu ku xiran yahay xoogga dadka ka badbaaday wixii ugu xumaa, isla markaana ka go’an inay dhisaan wax ka wanaagsan. Taas waxaa ka mid ah hooyooyinka maamula dukaamada geesaha waddooyinka, odayaasha dhexdhexaadiya khilaafaadka, injineerrada dhisaya shabakadaha fiber optic, iyo dhalinyarada bilaabaya ururo aan faa’iido doon ahayn iyo xarumo waxbarasho iyo warbaahineed.

Waxaa jirta sabab ay Al-Shabaab u qabsan karin Muqdisho. Ma aha oo kaliya isbaarooyinka iyo roondooyinka booliiska awgood. Waa sababta oo ah dadka halkan ku nool ma oggolaan doonaan. Waxay u adkeysteen wax badan si ay cabsidu mar un ugu guuleystaan. Waxay sameeyeen doorashadooda. Waxay rabaan dowlad shaqaynaysa, dhaqaale furan, iyo magaalo ay dhawaaqa ducada iyo qosolku qariyaan buuqa rasaasta.

Haddaba, Muqdisho ma burburayso. Way taagan tahay—mararka qaar way xanuunsataa—laakiin had iyo jeer waxay leedahay ujeeddo.

The Economist wuu quusan karaa. Laakiin Muqdisho ma quusanayso. Mana dhici doonto.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Warbaahinta iyo Siyaasada

YouTube-ka ayaa tirtirtay in ka badan 700 oo muuqaal oo muujinaya xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Israa’iil

YouTube-ka ayaa tirtirtay in ka badan 700 oo muuqaal oo muujinaya xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Israa’iil, iyadoo aysan ogayn dadkii lahaa kanaalada, waxaa lagu ogaaday baaritaan ay sameysay The Intercept_.

Published

on


YouTube-ka ayaa tirtirtay in ka badan 700 oo muuqaal oo muujinaya xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Israa’iil, iyadoo aysan ogayn dadkii lahaa kanaalada, waxaa lagu ogaaday baaritaan ay sameysay The Intercept_.

Dukumeenti muujinaya hooyooyin ka badbaaday xasuuqii Israa’iil ee Qaza. Baaritaan muuqaal ah oo lagu ogaanayo doorka Israa’iil ee dilkii wariye Falastiini Mareykan ah oo Falastiin ku sugnaa. Muuqaal kale oo muujinaya burburinta Israa’iil ee guryaha Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Shirkada YouTube-ka si qarsoodi ah ayay u tirtiray dhammaan muuqaalladan horraantii Oktoobar iyadoo qadkana ka saartay akoonnada Youtube-ka ee ay lahayeen, iyo sidoo kale kaydka kanaallada. Akoonnada waxaa iska lahaa saddex kooxood oo caan ah oo xuquuqda aadanaha Falastiiniyiinta ah: Al-Haq, Al Mezan Center for Human Rights, iyo Falastiin Center for Human Rights.

Tallaabadan waxay ka dhalatay olole ay dowladda Mareykanka ku doonaysay inay ku joojiso la xisaabtanka dambiyada dagaalka ee Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee Qaza iyo Daanta Galbeed ee maxkamadda dambiyada ee caalamiga ah.

Kanaallada YouTube-ka ee kooxaha Falastiiniyiinta ayaa saacado badan duubay muuqaallo muujinaya xadgudubyada lagu eedeeyay dowladda Israa’iil ee sharciyada caalamiga ah ee ka jira Qaza iyo Daanta Galbeed, oo ay ku jiraan dilka dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta.

“Aad ayaan ula yaabay in YouTube-ka uu muujinayo sida uu laf-dhabar uu ugu yahay Israa’iil,” ayay tiri Sarah Leah Whitson, oo ah agaasimaha fulinta ee Dimuqraadiyadda Adduunka Carabta ee Hadda. “Waa wax aad u adag in la qiyaaso dood kasta oo halis ah oo ah in la wadaago macluumaadka ururadan xuquuqda aadanaha ee Falastiin ay si uun u jebin doonto cunaqabataynta. Ku guuldareysiga magacaabista aan kala sooca lahayn ee ururadan Falastiin, in hadda la faafreebo, waa wax laga xumaado oo aad loola yaabo.”

Ka dib markii Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ay soo saartay amar xarig ah oo ay ku soo oogtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Xoghayihii hore ee Difaaca Israa’iil Yoav Gallant dambiyo dagaal oo ka dhacay Qaza, maamulka Trump ayaa kordhiyay difaaciisa ficillada Israa’iil isagoo cunaqabateyn ku soo rogay saraakiisha ICC iyo bartilmaameedsiga dadka iyo ururada la shaqeeya maxkamadda.

“Dib u dhac cabsi leh”

YouTube-ka, oo ay leedahay shirkada Google, ayaa u xaqiijisay The Intercept inay tirtirtay akoonnada kooxahan taasoo ka dhalatay cunaqabateyn toos ah oo ka timid Waaxda Arrimaha Dibadda ee kooxda ka dib dib u eegis. Maamulka Trump ayaa xayiraadaha ka qaaday ururada bishii Sebteembar shaqada ay la leeyihiin Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee kiisaska lagu soo oogay mas’uuliyiinta Israa’iil ee dambiyada dagaalka.

“Google waa ay ka go’an tahay inay u hoggaansanto cunaqabateynta khuseeya iyo sharciyada u hoggaansanaanta ganacsiga,” ayuu afhayeenka YouTube Boot Bullwinkle ku yiri bayaan.

Sida ku cad siyaasadda daabacaha Cunaqabataynta ee Google, “Alaabada daabacaha Google uma qalmaan hay’ado ama shakhsiyaad ku xaddidan cunaqabataynta ganacsiga ee khuseeya iyo sharciyada u hoggaansanaanta dhoofinta.”

Al Mezan, oo ah hay’ad xuquuqul insaanka ah oo ku taal Qaza, ayaa u sheegtay The Intercept in kanaalkeeda YouTube si lama filaan ah loo joojiyay sanadkan Oktoobar 7 iyada oo aan la siin ogeysiin hore.

“Joojinta kanaalka waxay naga horjoogsanaysaa inaan gaarno waxa aan hiigsanayno inaan fariinteenna u gudbinno, oo aan fulino hadafkeenna,” ayuu yiri afhayeenka kooxda, “waxayna naga hor istaagaysaa inaan gaarno yoolkeenna waxayna xaddidaysaa awooddeenna aan ku gaari karno dhagaystayaasha aan higsanayno inaan la wadaagno farriinteenna.”

Afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay in kanaalka Al-Haq ee fadhigiisu yahay West Bank la tirtiray Oktoobar 3, iyadoo farriin ka timid YouTube ay ku sheegtay in “waxyaabaha ku jira ay jebinayaan tilmaamahayaga.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qurbo Joogta

Muxuu MW Mareykanka Donald Trump u bartilmaameedsanayaa Soomaaliya iyo Soomaalida Mareykanka?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Soomaalida “aysan waxba ku soo kordhin” Mareykanka laakiin ay “qaateen balaayiin doolar” isagoo wacad ku maray inuu eryi doono Soomaalida.

Published

on

Donald John Trump (wuxuu dhashay Juun 14, 1946) waa siyaasi Mareykan ah, shaqsi warbaahineed, iyo ganacsade waana madaxweynihii 47aad ee Mareykanka. Isagoo xubin ka ah Xisbiga Jamhuuriga, wuxuu ahaa madaxweynihii 45aad laga bilaabo 2017 ilaa 2021.

Erayadiisa aan caadiga ahayn, Donald Trump wuxuu dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ku tilmaamay “qashin”, oo ay ku jirto xildhibaanad caan ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga Ilhaan Cumar, oo ka mid ah dadka aadka u dhaliila madaxweyne Donald Trump.

Wuxuu sheegay inaysan “waxba kusoo kordhanin” Mareykanka laakiin “ay qaateen balaayiin doolar”, isagoo ballan qaaday inuu eryi doono Soomaalida. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale ereyo aan la isku halleyn karin ku tilmaamay Soomaaliya lafteeda, isagoo ugu yeeray waddan “qarmuun ah”.

Arrintaani waxay kicisay caro, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu iska fogeeyay hadallada Trump. “Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka, ma uusan aflagaadeyn Soomaaliya oo keliya balse sidoo kale wuxuu caayay dalal badan oo kale, oo ay ku jiraan Koonfur Afrika iyo Nayjeeriya. Markaa, mararka qaar, waxaa jira waxyaabo aan si fudud ‘iskaga deyn karno,’ halkii uu ka sameyn lahaa wax weyn,” ayuu yiri RW Barre shirkii hal-abuurka ee ka dhacay Muqdisho Arbacadii.

Madaxweyne Trump wuxuu si gaar ah u dhaleeceeyay bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee Mareykanka, isagoo ku eedeeyay khiyaano iyagoo adeegsanaya barnaamijyada faa’iidooyinka dowladda iyo taageeridda argagixisada, taas oo ay si adag u beeniyeen.

Dadka qaar ee faallooda ayaa sheegaya in hadallada Trump ay ahaayeen kuwo aad u xun. ”Madaxweynaha Mareykanka ee hadda waxaa ka horreeyay madaxweyneyaal badan, Dimuqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta labadaba, midkoodna ma uusan isticmaalin luuqaddaas hoos u dhigista ah ee aadanaha. Hoggaamintu waxay ku imaan jirtay sharaf, ixtiraam, iyo mas’uuliyad. Heerkaas ayuu dhulka dhigay,” ayuu yiri Barofisoor. Cabdiwahab Sheikh Cabdisamad, Aasaasaha iyo agaasimaha fulinta AfroAsiaInst for Strategic Studies, oo u warramay TRT Afrika.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa si adag uga falcelisay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, “Trump waa nin aan caafimaad qabin oo ku mashquulsan anniga iyo bulshada Soomaaliyeed” – ayay tirri xildhibaanad Ilhaan Cumar.

Dhinaca kale, Ururka Muslimiinta Mareykanka ayaa isna cambaareeyay hadallada naceybka wata uu Trump ku bartilmaameydsanayo bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta guud ahaan.

Khilaafka ugu dambeeyay ayaa yimid iyadoo maamulka Trump uu xoojinayo cadaadiska lagu hayo muhaajiriinta iyadoo la filayo in Hay’adda Socdaalka iyo Kastamku ay saraakiil geyso Minnesota iyagoo diiradda saaraya muhaajiriinta Soomaalida ah si loo masaafuriyo.

Si kastaba ha ahaatee, Jacob Frey, Duqa Magaalada Minneapolis, oo ah magaalada ugu weyn Gobolka Minnesota, ayaa difaacay bulshada Soomaalida, isagoo sheegay inay magaalada ka dhigeen “meel ka wanaagsan sidii hore” sababtoo ah “shaqadooda adag” iyo hoggaankooda wanaagsan.

Soomaalida oo ah riyo been abuur ah?

Minneapolis iyo St Paul, oo loo yaqaan Magaalooyinka Mataanaha ah, ayaa hoy u ah mid ka mid ah bulshooyinka qurba-joogta Soomaalida ugu waaweyn adduunka iyo kuwa ugu weyn Mareykanka.

Barofisoor Cabdisamad wuxuu aaminsan yahay in diiradda Trump ee Soomaalida Mareykanka ay markhaati u tahay muhiimaddooda bulshada Mareykanka. ”Haddii aysan khusayn, muxuu maalin walba ugu mashquulsan yahay? Runtu waxay tahay in Soomaalidu ay noqdeen kuwo muuqda, abaabulan, iyo saameyn siyaasadeed oo ka badan sidii hore,” ayuu yiri.

Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay AFP, ku dhawaad ​​58% Soomaalida Minnesota ku nool waxay ku dhasheen Mareykanka, 87% kuwa dibadda ku dhashayna hadda waa muwaadiniin Mareykan ah oo dhalasho qaatay, taasoo ka dhigi karta in masaafurintooda ay aad u adkaato.

Dadka qaar ee falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in ficillada Trump ay qayb ka yihiin siyaasaddiisa ka dhanka ah soogalootiga, dabeecaddiisa is-hoosaysiinta ee ku aaddan dalalka Afrika iyo nacaybka Islaamka. Inta badan dadka Soomaalida ah ee Mareykanka ah waa Muslimiin.

Barofisoo Cabdisamad ayaa kula taliyay Madaxweyne Trump. ”Soomaalidu waa halkaan, way xoog badan yihiin, meelna ma aadayaan. Inta ugu dhakhsaha badan ee aad heshiis la gasho way ka sii wanaagsan tahay.”

Maaha markii ugu horreysay ee uu bartilmaameedsado Soomaaliya iyo dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya. Mar ayuu si been abuur ah u sheegay in dalka Afrika uusan lahayn dowlad, wuxuuna ku daray liiska mamnuucidda safarka ee Mareykanka.

Bishii hore, Trump wuxuu sheegay inuu qorsheynayay inuu meesha ka saaro Xaaladda Ilaalada Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee Soomaalida. Waa barnaamij u oggolaanaya muhaajiriinta ka imanaya waddamada dhibaatada ku jira inay sii joogaan Mareykanka.

Sida laga soo xigtay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Dimuqraadiga, madaxweynaha Jamhuuriga ayaa bulshada Soomaalida u adeegsanaya sidii eedaysane.

Soomaaliya waxay ku socotaa waddo barwaaqo

“Madaxweyne (Trump) badanaa wuxuu adeegsadaa hadallo aad u nacayb badan oo ku saleysan ajaanib nacayb, Islaam nacayb, iyo cunsuriyad marka uu isku dayayo inuu ka leexdo guuldarrooyinka dhabta ah ee uu isagu leeyahay. Wuxuu weerarayaa bulshada Soomaalida Mareykanka si uu u qariyo xaqiiqda ah inuu ku guuldareystay inuu fuliyo ku dhawaad ​​​​dhammaan ballanqaadyadiisa,” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Malaayiin Soomaali ah ayaa ka cararay Soomaaliya soddonkii sano ee la soo dhaafay sababo la xiriira amni darro iyo xasillooni darro siyaasadeed, qaar badan oo ka mid ah waxay u carareen Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Geeska Afrika wuxuu sameynayay dadaallo soo kabasho oo muhiim ah sannadihii la soo dhaafay, laakiin ciladaha ugu waaweyn ee wali haysto Soomaaliya waa nidaamka dowladnimo ee ay madaxda ku yimadaan. Nidaamka 4.5 wuxuu sababay in hoggaanka dalka qabtaan dad aan kartidooda u qalmin.

”Dad badan ayaa wali naga eegaya, iyagoo wax walba ku qiimeeya maskax ku salaysan waagii hore iyadoo loo marayo muraayaddii hore. Waxay ku guuldareystaan ​​​​inay arkaan waxa maanta dhacaya – horumarka la sameynayo, isbeddellada wanaagsan ee soo ifbaxaya, shaqada adag iyo dadaallada dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan,” ayuu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud (4.5) ka yiri Shir-madaxeedka Hoggaanka iyo Hal-abuurka (LIS) ee ka dhacay caasimadda Muqdisho Arbacadii.

‘’Iyaga, wali waxaan taaganahay meeshii aan shalay joognay, laakiin waxaan leenahay; shalay waan ka gudubnay,’’ ayuu ku daray hadalkiisa Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

’’Qaranka Soomaaliyeed wuu horumaray. Waxaan u tallaabsannay waddada horumarka, barwaaqada, horumarka, iyo dowladnimada. Hadda waxaan ku jirnaa safarkaas, dhawaanna, safarkan wuxuu gaari doonaa meeshii aan muddo dheer rajeyneynay oo aan ku haminaynay,’’ ayuu carabka ku adkeeyay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Aragti, Dhaqan iyo Caqiido

‘Wuxuu waydiisanayaa macalimiinta kale inay sii wadaan muujinta kartoonada Muxamed’

Published

on


‘Wuxuu waydiisanayaa macalimiinta kale inay sii wadaan muujinta kartoonada Muxamed’ Cilmibaare iyo macallin Anine Kierulf waxay rajeyneysaa macalimiinta aradayda baraya xorriyadda hadalka in aysan ka baqeynin dilka ka dhacay Faransiiska.

Anine Kierulf, oo ah lataliyaha gaarka ah ee machadka xuquuqul insaanka Norway, ayaa sheegtay in aysan macquul aheyn in la sharaxo xorriyadda hadalka iyadoo aan la tixraacin hadalo aan fiicneyn oo muran dhaliyay.

“Waxaan u maleynayaa macallin kasta inuu isku dayi doono inuu la qabsado dhagaystayaashooda si xushmad iyo ixtiraam leh. Laakiin waa cadahay waajibaadka macalinka inuu u muujiyo ardayda iyo sidoo kale hadalada aan fiicnayn. Waxay noqon doontaa wax aad u qariib ah in la sharaxo muranka gawaarida, tusaale ahaan, iyadoo aan la soo bandhigin gawaarida aan ka hadlayno” ayay Kierulf u sheegtay warbaahinta dowladda Norway NRK.

Anine Kierulf, lataliyaha gaarka ah ee machadka xuquuqul insaanka ee Norway. (Sawirka waxaa iskaleh NRK)

Ma loo baahan yahay in la sharaxo xorriyadda hadalka?

“Ma rajaynayo in macallimiinta hadda la cabsi gelin doono, mana ku dhiiran karo inuu tuso sawirada noocaas oo kale ama hadal lamid ah” ayay tiri Anine Kierulf.

– “Cabsida noocaas ah waxay lamid tahay inaad dhahdo argagixisadu wey guuleysataa. Waayo argaggixintu waa in cabsi la abuuro. Haddaan u oggolaanno inay sidaa yeelaan, annaga oo iska bixinayna sida aan u maleyno inay sax tahay, oo loo oggolaaday inaan is muujinno, waxay markaas jab ku tahay dimuqraadiyadda” ayay tiri Anine Kierulf.

Maalmo kahor ayay ahayd marka ay faransiiska ka dhacday weerar mindi ah oo lagu gowracay macalinkii ardaydiisa tusiyey sawir laga sameeyey Nebi Muxamed NNKH.

Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNK. Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada.

Macalinka dhigaayey taariikhda Samuel Paty (47 jir) ayaa la weerarey oo madaxa lagaga jarey meel u dhow dugsigii sare ee uu macallin ka ahaa.

Casharka iskuulka ee ku saabsan xorriyadda hadalka, Samuel Paty wuxuu tusay ardayda majaajillada Nebi Muxamed ee muranku ka taagan yahay oo ay daabacday majaladda majaajilistaha ah ee Charlie Hebdo, Xorriyadda hadalka ayaa qeyb ka ahaa jadwalka kadib weerarkii lagu qaaday xarunta Charlie Hebdo sanadkii 2015.

Dhacdadaan masuuliyiinta ka falceliyey waxaa kamid ah Wasiirada waxbarashada Noorway Guri Melby ayaa tiri “Macalimiinta xor bay u yihiin inay ardeyda tusaan sawirada laga sameeyey Nebi Muxamed”

Guri Melby waa siyaasi reer Norway ah oo katirsan xisbiga Liberal Party. Waxay ahayd hogaamiyaha xisbiga sidoo kale waa wasiirka waxbarashada, 2020 (Sawirka waxaa iska leh NRK)

– “Macallinkani wuxuu qabtay shaqo muhiim ah oo ah qalabeynta ardayda si ay uga qayb qaataan dimuqraadiyadda iyo adeegsiga xorriyadda hadalka. Xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha ayaa qiimeyn ku leh manhajka waxbarashada ee dalka Norway, ayey wasiir Melby ka sheegay barnaamijka Dagsnytt 18 habeenimadii Isniinta.”

Macallinka wuxuu u madax bannaan yahay inuu muujiyo kartoonnada Muxammad, tusaale ahaan, haddii isagu ama iyadu u maleeyaan inay khuseyso, waa sida ay hadalka u dhigtay Melby.

Macallimiintu waxay ku leeyihiin xorriyad weyn manhajka, qofka asiga ayay u taalaa haddii uu rabo waxbarashada iyo haddii kale. Haddii qof u maleeyo inay habboon tahay in la muujiyo sawir gacmeed, waa inuu awoodaa inuu muujiyo, ayay tiri wasiirka waxbarashada iyo is-dhexgalka Noorway, Guri Melby

Maanta ayaa ugu dambeysay magaalada Paris ee udhaw daarta Eiffel Tower waxaa si xun loogu dhaawacay labo haween oo muslimiin ah. Labada gabdhood ee tuhmanayaasha ah ee loo qabtay dhacdada ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil.

Dhibbanayaasha ayaa la aqoonsaday inay yihiin haween Faransiis ah oo asal ahaan ka soo jeeda Algeria, waxayna ahayeen shan qof oo waaweyn iyo afar carruur ah markii ay u yimaadeen laba eey oo ka soo baxsaday xargahooda. Markii ay ka codsadeen milkiilayaasha inay xakameeyaan eeyda, waxaa lagu soo qaaday weerar aad u xun.

Haweenka ayaa waxaa si isdaba joog ah mindi u galiyay labo dumar ah oo kale oo “leh muuqaal reer Yurub ah” kuwaas oo sida la sheegay ku qeylinayay “Carab wasakh ah” iyo “Hooy u noqo dalkiina hooyo” intii uu socday weerarka.

Hal dhibbane ayaa mindi lagu dhuftay lix jeer, iyadoo ku dhacday sambabbo daloolsan iyo dhaawacyo ka soo gaaray gacmaheeda taas oo u baahnayd faragelin qalliin.

Laba ka mid ah dadkii goobta ka agdhawaa ayaa soo kala dhexgalay waxaana la sheegay in ay xakameeyeen mid ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday ilaa ay booliisku ka imaanayeen. Eedeysanaha labaad ayaa la qabtay waxyar kadib. Weerarka ayaa dhacay habeenimadii Axada laakiin booliska ayaa ka gaabsaday inay soo saaraan qoraal ilaa Talaadada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Faransiiska: Wuxuu ardaydiisa tusiyey sawir laga sameeyey Nabi Muxamed NNKH asigana waa la gowracay

Published

on


Booliska dalka Faransiiska ayaa afar qof u soo xiray dilka macallin taariikhda dhiga oo xalay lagu gowracay meel u dhow magaalada Paris ee caasimadda dalkaasi. Booliska ayaa sheegaya in weerarkaasi ay rumeysan yihiin in uu ahaa aargoosi kaddib markii macallinkaasi uu ardaydiisa u soo bandhigay sawir gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee.

Ninka weerarka geystay ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay booliska.

Booliska ayaa xalay baaritaan ku sameeyay hooyga ninka looga shakiyay weerarka waxaana xabsiga loo taxaabay 4 qof oo la sheegay iney xiriir dhow la leeyihiin 18-jirka la aamnisan yahay inuu ku dhashay dalkaasi Ruushka.

Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNK. Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dilka macallinka oo ka dhacay waqooyi-bari ee magaalada Paris ku tilmaamay weerar argagixiso. Macron ayaa sheegay in macallinka oo aan weli la sheegin magaciisa loo dilay sababo la xiriira xoriyatul qowlka.

Madaxweyne Macron oo booqday goobta ayaa macallimiinta u ballan qaaday in naftooda uu dalka difaacayo. Dhanka kale Macron ayaa midnimo ku baaqay, waxa uuna sheegay in marnaba aysan argagixisada ka guleysanayn oo aysan kala qoqobi Karin dadka faransiiska.

Madaxweynaha Faransiiska Emmnauel Macron ayaa si cad ah u caddaystay inuu islaamka ka hortagaayo asigoo qudbadiisa uu jeediyey bishaan 4 oktoobar shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeshay “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Qorshaha uu madaxweynaha damacsan yahay ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada ee ay muslimiinta leeyihiin oo gacan bir ah lagu qabto iyo in la xakameeyo lacagaha dibadaha ka yimaadda ee masaajidda lagu dhiso. Balse hadalka ka soo yeeray madaxweynaha waxaa si weyn u cambaareeyey dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda muslimka iyaga oo hadalkiisa ku tilmaamay inuu doonayo muslimiinta inuu ku cabburiyo dalka Faransiiska.

Mabaadiida adag ee dalka Faransiiska oo cilmaaniyadda ama laïcité, ku dhisan sharciga wuxuu kala soocayaa dowladda iyo hay’adaha diiniga ah. Fikraddaa ayaana dhigaya dadyowga diimaha iyo caqiidooyinka kala duwan aaminsan iney sharciga hortiisa ka siman yihiin.

Ninka looga shakisan yahay inuu weerarka geeystay ayaa waxaa toogtay booliska. Waxaana la soo weriyay inuu yahay 18 jir ku dhashay dalkaasi Ruushka. Waxaana haatan baaritaanka kiiskan la wareegay dacwad oogeyaal qaabilsan la dagaallanka argagixisada.

Qaabkee ayaa loo gowracay macallinka?

Nin watay mindi weyn ayaa macallinka ku weeraray waddo ku taal xaafad lagu magacaabo Conflans-Sainte-Honorine, isagoona madaxa ka jaray. Ilo booliis ayaa sheegay in markhaatiyaashu ay maqleen qofka weerarka gaystay oo ku dhawaaqaya “Allahu Akbar”, ama “Ilaahay ayaa weyn”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Qofka weerarka gaystay ayaa markiiba cararay, laakiin bilayska maxalliga ah oo ay ku wargeliyeen dadwaynuhu ayaa durbadiiba soo gaaray goobta. Saraakiisha ayaa ninkan kaga hortagey degmada u dhow ee Éragny. Waxayna u sheegeen inuu is dhiibo balse waxaa la sheegay badalkii taas inuu u hanjabay booliska taas ayaana horseedday iney toogtaan.

Dalka Faransiiaka ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dal ku yaalla galbeedka Yurub oo ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan. Cabashooyin badan oo muslimiinta ku aaddan oo ay soo jeedinayaan cilmaaniyiinta ayaa waxay mas’uuliyiinta dowladda kaga codsadaan inay si gaar ah u beegsadaan arrimaha muslimiinta sida mamnuucidda xijaabka.

“Diinta Islaamka dunida oo dhan ayey maanta dhibaata ku tahay, mana dooneyno iney taa dalkeenna ku aragno” ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Tallaabbooyinka uu madaxweyne Macron la damacsan yahay muslimiinta Faransiiska waxaa la filayaa dabayaaqada sanadkan inuu baarlamaanka dalkaasi horgeeyo. 

Tallaabbooyinka uu Macron damacsan yahay inuu qaado waxaa ka mid ah:

  • In si adag loola socdo ururrada isboortiga iyo ururrada kale ee ay bulshooyinka isugu yimaadaan oo looga mid dhigo barashada islaamiyiinta
  • Joojinta nidaamyada imaamyada ee meela ka baxsan Faransiiska waxbarasha u aado
  • Kormeerka iyo dabagalka dhaqaalaha masaajidda soo galo ama lagu maalgeliyo
  • In la xaddido waxbarashada guriyaha lagu dhigto iwm

Madaxweyne Maccron waxaa kale uu sheegay Faransiiska inuu waxbadan ka qabanayo arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dadka soo galootiga ah, wuxuuna intaa ku daray iney xagjiriintu ay buuxiyeen fursadihi jiray.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga4 hours ago

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Diblomaasiyadda6 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Itoobiya8 hours ago

Itoobiya oo sheegtay inay qasab ku tahay iska difaacida duullaanka ay kusoo qaaday Ereteriya

Arrimaha Amniga9 hours ago

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

Arrimaha Amniga10 hours ago

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Arrimaha Amniga1 day ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika1 day ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga1 day ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub1 day ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub1 day ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga1 day ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya1 day ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika2 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub2 days ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga2 days ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya3 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika3 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga3 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda3 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika4 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda4 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga4 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda4 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska5 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya5 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha5 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika5 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya5 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga5 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya5 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya5 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda6 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Xul

Diblomaasi.com