Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada
Siddee Loo Qorsheyaa Hurdada Ka Hor Iyo Ka Dib

Ha seexan in ka baddan waqtiga qof kastaa hurdada u baahan yahay oo ah siddeed saac. Toos saacad go,an subax kasta, xataa haddii aad xilli dambe seexatay , isku dayna inaand ku noqon hurdada. Marka aad soo toosto waxaad furataa daaqadaha iyo daahyada ku gadaaman, si aad qorraxda u hesho isla markaana ay yaraadaan dheecaanadii hurdada keena , sida oo kale, isku day in aad dhawr daqiiqadood lugayso, waayo jimicsigu waa muhiim sidiisaba, , oo haddii aanad haleelin subaxdii jimicsiga isku-day in aad samayso galabtii ama habeenkii.
Ha seexan in badan gelinka hore, haddii aad u baahan tahay xataa, balse isku-day rubuc-saac ama nusa-saac in aad jidhka nasasho siiso.
Intaanad seexan isku-day in aad waxyaabaha aad xiisayso yara akhrido ama aad ku maydhato biyo diirran, kadib inta aanad furaashka tegin in aad qolkaaga hagaajiso, dabadeedna aad dibadda uga yara-baxdo, si aad hawo neecow leh u qaadato.
Sii qor barnaamijka aad jeceshahay ama kuu diyaarsan ee aad berrito qaban lahayd, si aanay maskaxdaada uga soo dhicin marka aad barkinta madaxa dul dhigto, taas oo kugu keeni karta in aanad seexan ama hurdadu horre kuugu iman.
Si diyaarso baritoole dharkii aad xidhan lahayd waayo waxa laga yaabaa inaanad helin wakhti kale ood diyaarsato. Isku-day in aad cashayso ama cashada afar saacadood ka hor ugu yaraan intaanad seexan, oo ah waqtiga uu dheefshiidkaagu u baahan yahay. Isku-day in aad cabto koob caano ah oo diirran. Isku-day in aad habeenkii shaah, bun ama shaglaydh adeegsato.
Marna haysku dayin in aad adeegsato kiniinka hurdada ama kuwa loo arko in ay degganaansho dhalin karaan. Isku-day qolkaagu in uu inta badan noqdo mid nadiif ah oo qabow.
Intaanad seexan waxad sii akhridaa adkaarta sunaha ah si uu kaaga tago shaydaanku , waxaanay ku taasi kuu suurta galinaysaa inaad salaada subbax si dhib yar ku kacdo. Waysayso (qubayso) si aad ugu raxaysato hurdada ilaalin ay kuu noqoto waysadaasi.
Quraan akhhri ilaa ugu yaraa seddex bog , si ay ruuxdaadu u korto.
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada
10 qodob oo muhiim ah inaad wax ka ogaato siyaasada Shiinaha ee diimaha
Dowladda Shiinaha ayaa dejisay ‘xeerarka diimaha’. Xeerarku waa qayb ka mid ah istaraatijiyadda soo jireen ah oo ay dawladda Shiinuhu ku doonayso inay diinta iyo shuuciyadda iswaafujiso si loo xaqiijiso siyaasadda xisbiga Shuuciga Shiinaha, iyadoo ujeedku yahay kor-u-qaadista diinlaawe-nimada ‘cawaannimada’.

Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha si rasmi ah waa dawlad diinlaawe ‘calmaani’ ah ama mulxid sida aad u taqaano, laakiin dawladdu waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay shan diimood: Islaamka, Budhisnimada, Taoism, Masiixiyadda oo isuga jira Katholicism iyo Protestantism-ka.
Horraantii qarnigii 21aad, waxaa sii kordhayay aqoonsiga rasmiga ah ee Confucianism iyo diimaha dadweynaha Shiinaha oo qayb ka ah hidaha dhaqanka Shiinaha.
Waa maxay Confucianism-ka?
Confucianism-ka waa nidaam anshax ah, oo lagu aasaasay waxbarista Confucius, taas oo saamaysay dhaqanka soo jireenka ah ee Shiinaha. Confucianism-ku waxa uu qiimeeyaa waxbarashada oo waxa uu culays saaraa xidhiidhka qoyska ka dhaxeeya. Waa nuxurka barashada, isha qiyamka, iyo xeerka bulsho ee Shiinaha. Saamaynteedu waxay sidoo kale ku fiday dalal kale, gaar ahaan Kuuriya, Jabbaan, iyo Fiitnaam.
Ilbaxnimada Shiinaha waxay taariikh ahaan muddo dheer ahayd saanqaadka iyo marti-gelin noocyo kala duwan ee caaddooyinka falsafada diimeed ee ugu dheer adduunka.
Tan iyo 1949, Shiinaha waxaa maamula Xisbiga Shuuciga Shiinaha (XSS), oo ah xisbi rasmi ah oo diinlaawe ah oo ka mamnuucaya xubnaha xisbiga inay ku dhaqmaan diinta inta ay xilka hayaan.
Xoriyadda iyo Xeerarka
Dowladda Shiinaha ayaa dejisay ‘xeerarka diimaha’. Qodobka 36 ee dastuurka Shiinaha ayaa sheegaya in muwaadiniintu diimahooda ay xor u yihiin. Xeerarkaan ayaa mamnuucaysaa takoorka ku salaysan diinta. Golaha Gobolka, maamulka dawladda, wuxuu meel mariyey xeerar ku saabsan arrimaha diinta, kaas oo dhaqan galay Febraayo 2018, si loogu oggolaado ururrada diimeed ee ka diiwaangashan dawladda inay hanti yeelan karaan, qoraallo diimeed daabacan karaan, tababaraan oo ansixiyaan wadaaddada, iyo ururinta tabarucaadka. Haddana xuquuqahaas waxaa barbar socda kontaroolada dawladda oo sare loo qaaday. Shuruucda dib loo eegay waxaa ka mid ah xaddidaadda duruusta diimaha iyo waqtiyada iyo goobaha xafladaha diimaha, iyo sidoo kale la socodka dhaqdhaqaaqa diinta ee internetka iyo ka warbixinta deeqaha ka badan 100,000 yuan (qiyaastii $15,900).
Xeerarku waa qayb ka mid ah istaraatijiyadda soo jireen ah oo ay dawladda Shiinuhu ku doonayso inay diinta iyo shuuciyadda iswaafujiso si loo xaqiijiso daacadnimada xisbiga Shuuciga Shiinaha, iyadoo ujeedku yahay kor-u-qaadista diinlaawe-nimada ‘cawaannimada’.
Agaasimaha Shiinaha ee hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch, Sophie Richardson, ayaa leh in kasta oo caqiidada diinta ee Shiinaha uu ilaalinayo dastuurka, tallaabooyinka ay qaadayso dowladda “ma dammaanad qaadayso xaquuqda muwaadinka ee ku dhaqanka diinta [PDF]” Ururada diintu waa in ay iska diwaan galiyaan mid ka mid ah shanta urur diimeed ee ay dawladu ogolaatay, kuwaas oo uu kormeero Maamulka Gobolka ee Arimaha Diinta (SARA).
Tirada dadka haysta diimaha ee ay diiwaangelisay dawladda ayaa ah ku dhawaad laba boqol oo milyan, sida laga soo xigtay ilo dhawr ah, oo ay ku jiraan Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee 2018 Dib-u-eegis Xilliyeedka Caalamiga ah.
Dhinaca kale, Dastuurka Shiinaha ayaa sheegaya “xornimada caqiidada diinta” dowladduna waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay shan diimood ee aan kor kusoo sheegay. Iyada oo ay jirto kobaca dhaqaalaha Shiinaha iyo casriyeynta degdega ah, khubaradu waxay tilmaamayaan soo ifbaxa faanka ruuxiga ah ee sii kicinaya tirada sii kordheysa ee diimaha. Haddaba qoraalkan waxaan kusoo qaadanayaa 10 qodob oo muhiim ah inaan wax ka ogaano siyaasadda Shiinaha ee diimaha ku salaysan:
1. Shiinuhu waxa uu wadaa siyaasada ah “Sinicization” oo laga rabo kooxaha diimaha inay waafujiyaan caqiidooyinkooda diimeed, caadooyinkooda iyo akhlaaqdooda dhaqanka Shiinaha. Ololaha sinicization-ka wuxuu si gaar ah u saameeyaa waxa loogu yeero diimaha “shisheeye” – oo ay ku jiraan Islaamka iyo sidoo kale Masiixiyada – kuwaas oo laga rabo inay mudnaanta siiyaan caadooyinka Shiinaha oo ay muujiyaan daacadnimada nimaadka shuuciyadda ee dawladda.
Waa maxay Sinicization-ka?
Sinicization-ka waxaa lagu qeexaa inay tahay dadka aan ka soo jeedin Shiinaha oo hoos yimaada dhaqanka iyo maamulka Shiinaha. Waa hannaan bulshooyinka dhaqan ahaan aan Shiineeska ahayn lagu hoos galiyo saamaynta bulshooyinka Shiinaha ee Han, iyagoo la qabsanaya dhaqankooda, caadooyinkooda, iyo hab nololeedkooda. Sinicization-ka marka si kale loo eego waxaa loola jeedaa habka isku-mideynta bulshooyinka deriska la ah Shiinaha.
2. Sinicization-ka wuxuu qeexayaa aragtiyo kala duwan. Waxay burburiyeen qubbooyinka iyo minaarada masaajidda si ay ugu ekaadaan kuwo Shiineeska ah. Mas’uuliyiinta diimaha Islaamka iyo Masiixiyadda ayaa la sheegay in laga codsaday inay diiradda ku saaraan barashada diinta ee ka tarjumaysa qiyamka hantiwadaagga. Dawladdu waxa kale oo ay qorshaynaysaa in ay soo saarto nuqul cusub oo quraanka kariimka ah kaas oo ka caawin doona waxbarista diinta islaamka inay la jaanqaadaan “dhaqanka Shiinaha ee waaga cusub.”
3. Siyaasadaha xaddidan ee Shiinaha ee ku wajahan Muslimiinta – gaar ahaan qoomiyada Uyghurs-ka ee gobolka Xinjiang – ayaa si weyn loo diiwaangeliyay tobankii sano ee la soo dhaafay. Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeya Shiinaha inuu ku haayo xad-gudub dadka Uyghur-ka ah waxaana loolla dhaqmaa si bareer ah, waxaana lagu haayaa ilaalo iyo jirdil. Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku tilmaantay dhacdooyinkii ka dhacay Xinjiang inay ahaayeen xasuuq, iyadoo lagu eedeyay in mas’uuliyiinta Shiinaha ay xireen in ka badan 1 milyan oo Muslimiin Shiinees ah oo ku jira xeryo si gaar ah loo dhisay. Uyghurs-ka ayaa 43% ka ah Muslimiinta Shiinaha.
Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa aaminsan in Shiinuhu uu xiray in ka badan hal milyan oo Uyghurs-ka ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay iyagoo lagu xareeyay xarumo oo ay dowladdu ugu yeertay “xeryo dib-u-waxbarasho”, waxayna boqolaal kun ku xukuntay xabsiyo. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty iyo Human Rights Watch ayaa daabacday warbixino ay Shiinaha ku eedeynayaan dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Sawirrada dayax-gacmeedka waxay muujinayaan dhismayaal laga dhisayo Xinjiang, u fiirso sanad walbo sanadka ka dambeeya. Sawirka GOOGLE
Dowladda Shiinaha ayaa diiday eedeymaha waxayna sheegtay in raritaan, xeryo iyo tillaabooyin kale oo qasab ah ay ula jeedaan in lagu wanaajiyo nolosha Muslimiinta. Tusaale ahaan, saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay in xerooyinka Xinjiang ay bixiyaan tababar xirfadeed iyo ka hortagga xagjirnimada diinta.
Maxay ahayeen Uyghurs-ka?
Waxaa jira ilaa 12 milyan oo Uyghurs-ka ah, oo u badan Muslimiin, kuwaas oo ku nool gobolka Xinjiang, oo si rasmi ah loogu yaqaano Ismaamulka Xinjiang ee Uyghur-ka (IXU).
Uyghurs-ku waxay ku hadlaan luqad u gaar ah, oo la mid ah Turkiga, waxayna isu arkaan inay dhaqan ahaan iyo isir ahaanba u dhow yihiin waddamada Aasiyada dhexe. Waxay ka kooban yihiin in ka yar kala bar dadweynaha Xinjiang.
Shiinaha ayaa sidoo kale lagu eedeeyaa in uu bartilmaameedsado dadka diinta Islaamka aaminsan iyo in uu gobolka ka mamnuucay dhaqamada diiniga ah iyo sidoo kale burburinta masaajidda iyo qubuuraha. Dhaqdhaqaaqayaasha Uyghur ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in dhaqanka kooxda uu halis ku jiro in la tirtiro.
4. Diinta Masiixiga ee Shiinaha waxa lagu maamulaa xeerar dhowr ah. Masiixiyiinta waa loo ogol yahay inay ku cibaadaystaan “kaniisadaha rasmiga ah” ee ka diiwaan gashan hay’adaha dawladda ee kormeerka ee ka mas’uulka ah Protestantism-ka iyo Catholicism-ka. Si kastaba ha ahaatee, Masiixiyiin badan ayaa diiday kormeerkan waxayna ku caabudaan kaniisadaha ay ka dhisteen dhulka hoostiisa.
Tan iyo markii madaxweyne Xi uu xukunka qabtay 2013, dowladdu waxay mamnuucday faafinta diinta ee gudaha internetka, waxay xoojisay xakamaynta dhaqdhaqaaqyada Masiixiyiinta ee ka baxsan goobaha diiwaangashan, waxayna xirtay kaniisadaha diida inay isdiiwaangeliyaan. Maamulka ayaa sidoo kale xiray hogaamiyayaal caan ah kuwaas oo la sheegay in lagu hayo xeryo.
5. Shiinuhu wuxuu ula dhaqmaa Buddhism-ka si gaar ah – gaar ahaan Han Buddhism-ka, oo ah laanta diimeed ee ugu baahsan dalka – waxaana loolla dhaqmaa si ka dabacsan diimaha kale ee Islaamka iyo Masiixiyada. Madaxweyne Xi Jinping wuxuu had iyo jeer ku ammaanaa Han Buddhist-ka inay isku darsadeen Confucian-ka, Daoist-ka iyo caqiidooyinka kale ee Shiinaha ee soo jireenka ah.
Isla markaana, Shiinuhu waxa uu gacan bir ah ku qabtay Buddhistaha Tibet. Dhawaan, mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen ololeyaal “dib u-waxbarasho siyaasadeed” oo loogu talagalay in lagu xoojiyo nidaamka madaxweyne Xi Jinping iyo in la niyad-jabiyo diimaha kale. Waxaa intaa dheer, dawladda Shiinaha ayaa lagu dhaleeceeyay inay burburisay taallooyin oo ay ku jiraan macbudyo iyo taallooyin.
6. Diimaha qadiimiga ah iyo caadooyinka ruuxiga ah ee qadiimiga ah ayaa door weyn ka ciyaara nidaamka Shiinaha. Dawladdu waxay dhiirigelinaysaa hawlaha qaar oo ay u aragto inay qayb ka yihiin hidaha dhaqameed ee Shiinaha oo ay maalgelisay dib-u-cusboonaysiinta macbadyada diinta. Dadka ku nool Shiinaha waxaa loo oggol yahay inay xurmeeyaan faylasuufka Shiinaha ee Confucius oo ay ka qaybgalaan dabbaaldegyada halkaas oo lagu caabudo ilaahyada dadka – tusaale, Mazu, ilaahadda badda.
Dawladda Shiinaha waxay u xilsaartay dawladaha hoose inay nidaamiyaan dhaqdhaqaaqyada diineed ee dadweynaha si loo hubiyo inay ka tarjumayaan hidaha dhaqanka oo ay hagaan qiyamka hantiwadaagga. Laga soo bilaabo 2015, maamulada maxalliga ahi waxay diiwaan gelinayeen macbadyo leh muhiimad taariikheed iyo dhaqan waxayna samaynayeen dadaallo ay ku keenayaan shaqaalahooda iyo hawlahooda hoos-joogga dawladda. Gobollada qaar, macbadyo ay maamullada maxalliga ahi u arkayeen in ay yihiin bulsho ahaan iyo dhaqan ahaanba kuwa aan qiimo lahayn waa la dumiyey, qaarna albaabada ayaa la isugu dhuftay, qaarkiis waxa loo beddelay goobo cilmaani ah.
7. Dhaqdhaqaaqa diineed ee ka baxsan shanta diimood ee sida rasmiga ah loo aqoonsan yahay oo aan ka soo bixin oggolaanshaha dawladda sida nooc ka mid ah hiddaha dhaqameed ayaa inta badan mas’uuliyiintu u kala saaraan “khiyaad” ama “caaqmad xun.” Tusaale ahaan, sharciga Shiinaha wuxuu mamnuucayaa sixirka, dowladduna waxay ka soo horjeedaa dhaqamada diineed ee dadweynaha oo ay ku jiraan walxaha khuraafaadka ah sida in la demiyo qoryaha si looga ilaaliyo jinniyada sharka leh.
Kooxaha qaarkood, oo ay ku jiraan Falun Gong, Kaniisadda Midaynta iyo Carruurta Ilaahyadooda, ayaa loo arkaa cibaado oo la mamnuucay. Dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay xirtay dhaqaatiirta Falun Gong oo ay kula kacday jirdil nidaamsan.
8. Xisbiga Shuuciga ah ee talada haya ee Shiinaha waxa uu kor u qaadaa aragtida diinlaawayaasha wuxuuna niyad jabiyaa muwaadiniinta in ay ku dhaqmaan diinta. Weli, xisbiga shuuciga ah waxa uu u dulqaataa mararka qaar ka-qaybgalka caadooyinka dhaqanka. Tusaale ahaan, waa la aqbali karaa in la booqdo macbadyada mar mar. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah xubnaha xisbiga shuuciga waxay aaminsan yihiin diin.
9. Carruurta da’doodu ka yar tahay 18 jir wuxuu dastuurka mamnuucayaa inay ku dhaqmaan diintooda ama ay xariir rasmi ah la yeeshaan gudaha Shiinaha. Waxa kale oo jira mamnuucid waxbarashada diinta (tusaalle, madaraso lagu barto diinta). Iskuulada waxay diiradda saaraan horumarinta diin la’aanta iyo qaadashada fikirka shuuciga waa sababta dhalinyaro badan ay ugu biiraan xisbiga shuuciga.
10. Mawqifka Shiinaha ee diimaha wuxuu dib ugu soo laabanayaa aasaaskii Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee 1949. Hogaamiyaashii hore ee xisbiga shuuciga waxay ku adkaysteen diinta inay ku xiran tahay ama ay ka timid “aragti dhaqan shisheeye,”. Intii lagu jiray Kacaankii Dhaqanka (1966-76), guddoomiyaha xisbiga shuuciga Mao Zedong wuxuu wacad ku maray inuu baabi’in doono “fikrado hore iyo caadooyin hore,” iyo kadibna waxay bilaabeen burburinta masaajidyo badan, macbadyo iyo kaniisado.
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada
Qeybtii 3aad. Furaha xalka Soomaaliyaa- Siddee ayay suurtagal ku ahayn inay wada fariistaan Dowlada Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab?

Taxanaha furaha xalka Soomaaliya waa mid inoo socon doono muddo dheer balse si aan wax badan ugu ogaano waxay u badan tahay in la helo isbar bar dhig lagu qanci karo si loo soo saaro natiijo inta badan laga fiirinaayo dhanka wanaagsan.
Soomaaliya tan iyo burburkii waxaa aad isoo buux dhafshay ururo sita magaca jihaad doonka balse ururadan ayaa u taagan in ay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan in ay la dagaalamaan Dowldaha Soomaaliya iyo cid walbaa oo ayada raacdo, halka Dowlada ay ayadana mowqifjkeeda yahay inay la dagaalanto kooxda Al-shabaab haddaba haddii labada dhinac ay rabaan inay gaaraan mowqifkooda yey tahay cidda ku taagan mowqifka saxda ah? Si aan wax badan ugu ogaano marka hore aqristow soo qaado koob Shaah ka dibna bilow maqaalka haddii aad ka heshayna maqaalada ceynkan ah fadlan qeybta fariimaha inoogu reeb araktidaada.
Marka laga hadlaayo suurta galnimada wada hadalka kooxda Al-shabaab iyo Dowlada Soomaaliya waa mid aan marnaba suurta gal aheyn waayo haddii koox ka mid ah ay diyaar u tahay wada hadal waxaa diido koox kale oo aan isla markaana aan diyaar u aheyn balse haddii labbada koox ay midoobaan waxaa dhici karo dagaal kale inuu kaga yimaado dibada siddii dagaaladii lagu soo qaaday maxkamadaha waxaana lagu eedeeyay in wadan dhan oo argagaxiso ay noqotay Soomaaliya balse micnaha saxda ee loo burburiyay ururkan wuu ka dubanaa waayo sidda caadiga ah haddii labbo koox ay ku midoobaan siddii ay ku dhisan lahaayeen dalkooda kana tashtaan ayaahooda waxaa durba meesha ka bilowdo dagaal ka yimaada dibada siddaa darteedna wadanka siddaa lagu dagaal siiyo amase loo adeegsado duqeemo siddii ku dhacday kooxda Taalibaan oo kale.
Soomaaliya xaq uma laha inay katashato ayaayaheeda dowladnimo waayo markii aad fiiriso kooxda Al-shabaab waxay heystaan inay dadkaan yihiin kooxo gaalo ah, halka kuwa dowladana ay aaminsan yiiin in kooxda Al-shabaab ay tahay koox dhiig cabayaal ah. Markii aad fiiriso daqaalka dhinacyada waxaad moodaa in uu san dhamaad laheyn waxyna ku tuseysaa sidda aysan suurta gal ku aheyn in garaan wadahadal lagu qanci karo balse macquul ma ahan.
Xitaa haddii ay diyaar u noqdaan inay xaliyaan mashaakilkaan waxaa laga yaabaa in beesha caalamka ay dowlada Soomaaliya ay ku eedeeyso inay xiriir la leedahay kooxda Al-shabaab siddaana looga goosan doono waxyaabahii ay ka heli jireen beesha caalamka, tusaale in lagu cak jugleeyo in ay goosan doonaan gargaarkii ay ka heli jireen beesha caalamka iyo haya’adaha li xiriiro waayo waxaa lgu eedeyn doonaa in xiriir la sameysay kooxda Al-shabaab sidaana ay ku waayeen gunooyinkoda.
Dhibaatada ka jirto Soomaaliya intaa kuma eka waayo dadka ayaa inta badan lagu xiray silsilad ay adag tahay inay iska furan halka furaha sil siladana uu yaalo meel aan halkaa ka fogeyn, waxaan ku sababeynayaa qodobkan haddii saaxiibkaa aad wacdo misna weydiiso sidda ay suurta gal ku tahay in la helo furaha xalka Soomaaliya amase weydii cidda ay ka dhismi la’ dahay Soomaaliya balse Jawaabta ugu badan ee uu ku siinaayo ah in seddexdan qodob.
- In kooxda Al-shabaab ay tahay dadka kaliya ee uu ka dhismi la’yahay dalkan iyo waxyaabo kale.
- In qabiil uu burburiyay wadankan siddaa darteedna uu ka dhismi la’ yahay qabiil iyo qabyaalad.
- In kooxo gaar ay dumiyeen sidda darteedna uu ka dhismi la’yahay qaladaadkii ay galeen kooxo jabhad ah kuwaas oo burburiyay dowladnimadii dalka misna ilaa iyo hadda uu ayagii ka dhismi la’yahay.
Dhamaan qodobadan waa kuwa eedeeyo dadka Soomaaliyeed balse ma jirtaa cid baaritaano dhab ah ku sameysay halka ay iska qaban la’dahay xeerada. Jawaabaha ugu badan waa maya sababtuna waxay tahay in aysan jirin cid lagu kalsoonaan karo haddii ay tahay ilaalinta sirta iyo ka warqabida dadka sidda aadka ugu dhow laamaha dowlada.
Tanina waxay keentay in dowlada dheexdeeda lagu eedeeyo in ay ka mid tahay kooxda Al-shabaab, siddaa darteed waxaa dhacday in uu yimaado shaki iyo kala aragti duwanaasho hor leh. Si kastaba ha noqotee Soomaaliya waxaa aayaheeda ka talin doonaan beesha caalamka iyo waddamo kale waayo wadan Soomaaliya oo kala ah waa wadan ay ku baratamayaan wadamo badan sidoo kalena u jeedka laga leeyahay ayaa ah in Soomaaliya laga sameeyo dhaqaale taasina waxaan kaga hadli doonaa qeybta xita.
Fadlan haddii aad ka heshay maqaalada ceynkan oo kala ah qeybta faarinta inoogu reeb araktidaada mahadsanidiin.
halkaan ka aqriso qeybtii horre.
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada
Maxaad ka taqanaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)?
Xog waran ku saabsan Ururkaan. Ururku waxa uu xubin ka yahay Golaha Suxufiyiinta Afrika (CAJ) iyo CIVICUS, oo ah isbahaysi caalami ah ee ururrada bulshada rayidka ah oo u heellan xoojinta waxqabadka muwaadinka iyo bulshada rayidka ah.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waa dallad shaqaale oo ay ku mideysan yihiin suxufiyiinta madaxabannaan. Suxufiyiin Soomaaliyeed oo xirfadleyaal ah ayaa aasaasay bishii Maajo 2019-kii, si ay u difaacaan xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed una dhiirrigeliyaan xorriyadda saxaafadda. Ururku waxa uu xubin ka yahay Golaha Suxufiyiinta Afrika (CAJ) iyo CIVICUS, oo ah isbahaysi caalami ah ee ururrada bulshada rayidka ah oo u heellan xoojinta waxqabadka muwaadinka iyo bulshada rayidka ah.
SJS waxaa ku mideysan in ka badan 450 xubnood, oo ka kooban suxufiyiin, tifaftire-hoosaadyo iyo tifaftireyaal, waxa uu ku shaqeeyaa lacagaha xubinnimada sannadlaha ah ee xubinihiisu, iyo sidoo kale taageerada bah-wadaagtiisa caalamiga ah, sida; Sanduuqa Qaran ee u Deeqidda Dimuqoraadiyadda iyo Sanduuqa Kanada ee Hindiseyaasha Maxalliga ah, iyo sidoo kale Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya ayaa si joogto ah uga hadasha muhiimadda ay leedahay badqabka warbaahinta iyo ilaalinta booska siyaasada dalka, oo ay ku jirto xorriyadda ra’yiga.
Wareysiga soo socda ayuu Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalla Axmed Muumin, uga hadlayaa xaaladaha shaqo ee suxufiyiinta Soomaaliyeed.
S. Aragtidaada, intee in la eg, ayey Soomaaliya ammaan u tahay wariyeyaasha?
Cabdalla Muumin: Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ay ku shaqeeyaan deegaan aad khatar u ah – waxa ay u dhexeeyaan Dheri iyo Dhimbil. Soomaaliya waxa ay leedahay naaneys aan laga fursan karin oo ah iney tahay mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan caalamka ee ay saxaafaddu ka shaqeyso. Hanjabaadaha iyo weerarrada ka imaanaya mas’uuliyiinta dowladda, shaqsiyaadka gaarka ah iyo fallaagada mintidiinta ah ee Al-Shabaab ayaa caadi ah. Suxufiyiinta doonaya in ay ka warbixiyaan arrimaha amniga, khaladka mas’uuliyiinta dowladda, iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, ayaa si joogto ah ula kulmayey caga-jugleyn iyo cabsi-gelin.
Suxufiyiin badan ayaa lagu qasbay inay is-faafreebaan. Maadaama uu dalku hadda ku jiro kala-guur, una diyaar garoobayo qabashada doorashooyinkiisa, dhibaatooyinka ayaa sii kordhay. Waxaa xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta sii dheer, maamulada ka jira Soomaaliya ayaa soo rogay sharci qallafsan oo dhanka saxaafada ah, kaas oo xadidaya xorriyadda hadalka, faafreeb ku sameynaya suxufiyiinta, islamarkaana u dhigaya ciqaab adag warbixin kasta oo loo arko in ay wax u dhimeyso qaranka, sida ka warramidda amniga qaranka ama xataa baaris lagu sameeyo mas’uuliyiinta dowladda.
S. Maxay aheyd saameynta ay ku yeelatay suxufiyiinta Soomaaliyeed?
Cabdalla Muumin: Sannadkan oo keliya hal wariye – Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa weriyeyaashii internetka – ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo, Puntland. Saddex wariye ayaa ku dhaawacmay rasaas, halka saddex kalena la garaacay. Shan xarumo oo warbaahineed ayaa la weeraray, halka ku dhawaad darsan kalena loo caga-jugleeyay oo la cabsi-geliyey, ama loo diiday inay war helaan. Intii u dhaxaysay 1 Jannaayo iyo 26 Oktoobar, 49 wariye ayaa la xiray. Inta badan xarigga ayaa ahaa xabsiyo sharci darro ah oo ka dhacay Muqdisho, Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Somaliland.
Hababka difaaca suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo aad u xaddidan. Xarumaha warbaahintu ma haystaan dhaqaale ku filan oo ay ku difaacaan suxufiyiintooda u bareeraya shaqooyinka halista ah, mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad-goboleedna waxay inta badan ku guuldarreysteen inay difaacaan suxufiyiinta – inta badan kuwa ka mas’uulka weeraridda, caga-jugleynta ama cabsi-gelinta suxufyiinta ayaan lala xisaabtamin. Tanina waxay sidoo kale uga sii dartay badbaadada iyo ilaalinta shaqooyinka warbaahinta ee dalka oo dhan.
Waxaa intaas dheer, saxaafadda ayaa xirfad ahaan Soomaaliya ka mid ah kuwa bixiya mushaarka ugu yar, waxaana baahi weyn loo qabaa in la horumariyo xirfadda suxufiyiinta iyadoo la siinayo tababarro xirfadeed.
S. Muhiimad intee la eg ayay Maalintan Caalamiga ah ee soo Afjarida Isla-xisaabtan la’aanta Dambiyada ka dhanka ah Suxufiyiinta u leedahay warbaahinta Soomaaliya?
Cabdalla Muumin: Maalinta Caalamiga ah ee Dhameynta Isla Xisaabtan La’aanta Dambiyada ka Dhanka ah Suxufiyiinta waa maalin u gaar ah suxufiyiinta adduunka oo dhan – waxayna muhiimad gaar ah ku leedahay Soomaaliya maadaama ay noo tahay xusuus murugo leh ee dhammaan suxufiyiinta walaalaheen ah ee la dhaawacay ama la dilay, iyagoo gudanaya shaqadooda muhiimka ah, balse sidoo kale waa xusuusiye muhiimadda ay leedahay u doodista isbeddelka si loo gaaro cadaalad.
Marka loo eego xogta aan hayno, 12 wariye ayaa lagu dilay dalka tan iyo bishii Febraayo 2017. Sida uu sheegtay guddiga difaaca suxufiyiinta ee CPJ, ilaa 70 wariye ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo 1992 kii. Nasiibdarro, ku dhawaad 99 boqolkiiba dilalkaas, si sax ah looma baarin, dambiilayaashana weli si xor ah ayay u mushaaxayaan.
Tani waxay xoojinaysaa muhiimadda ay Maalintani u leedahay munaasibad loogu qareemayo dhameynta isla xisaabtan la’aanta ceynkaas ah ee dambiilayaasha iyo in cadaalad loo soo taago dhibanneyaasha dartood. Soomaaliya waa inay xuska sanadkan fursad uga dhigtaa ballan cusub oo dhab ah oo lagu afjarayo dilalka suxufiyiinta, lana baaro dhammaan kiisaska suxufiyiinta la dilay, lana maxkamadeeyo dambiilayaasha. Si fudud, dembiyada ka dhanka ah suxufiiinta iyo hawlwadeennada warbaahinta Soomaaliyeed waa in ay dhamaadaan.

Cabdalle Muumin oo ka hadlayay Barnaamij idaacadeed oo toos ah.
S. Maxay SJS sameyneysaa si ay gacan uga geysato difaacidda suxufiyiinta iyo xorriyadda warbaahinta Soomaaliya?
Cabdalla Muumin: Waqti xaadirkan, sida aasaaskeedu yahay, SJS waxay ku dedaaleysaa badbaadinta nolosha suxufiyiinta. Waxaan la xiriirnaa qareennada maxalliga ah, khubarrada amniga iyo suxufiyiinta sare si ay, iyaga oo adeegsanaya khad taleefan oo gaar ah, 24/7 talo u siiyaan suxufiyiinta soo tebiya dhacdooyinka Soomaaliya, oo ay ku jiraan doorashooyinka iyo horumarka goobaha colaadaha.
Guud ahaan, waxaan hiigsaneynaa in aan abuurno madal ay suxufiyiintu, isku dhexgeli karaan, ku xiriiraan, isla markaana ay ku wadaagi karaan hab-dhaqamada ugu wanaagsan, sidoo kalena ay awooddooda ku dhistaan koorsooyin tababbar, siminaarro ama aqoon-is-weydaarsiyo, si ay Soomaaliya maalin uun uga faa’ideysato in ay hesho warbaahinta tayada leh ee ay u qalanto.
Amintan la joogo, SJS waxay hadda qabanaysaa taxane tababar oo ku saabsan badbaadada, oo ay taageerto Sanduuqa Kanada ee Hindisaha Maxalliga ah (CFLI), iyada oo ilaa 60 suxufi ay ka qaybqaadanayaan. Annaga oo kaashanayna bah-wadaagteenna caalamiga ah, waxaan horey u soo helnay koorsooyin tababar kale, waxaana rajeyneynaa inaan wax badan helno mustaqbalka.
S. Taageero noocee ah ayay u baahan yihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan difaacooda oo ay u xaqiijiyaan xuquuqdooda?
Cabdalla Muumin: Suxufiyiinta Soomaaliyeed waa unug muhiim ah oo ka mid ah bulshada rayidka ah ee Soomaaliya, waxayna udub dhexaad u yihiin dedaallada nabadeynta iyo dowlad-dhisidda dalka. SJS waxay jeclaan lahayd inay aragto saaxiibada caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, oo taageero dheeraad ah u ballanqaadaya qeybta warbaahinta – ma aha oo kaliya taageeridda koorsooyinka tababarka gaaban, laakiin sidoo kale iyada oo loo marayo mashaariicda horumarinta muddada dheer ee suxufiyiinta iyo warbaahinta. Sidoo kale, QM waxay hore u ahayd mid wax-ku-ool ah, marka ay timaado ka hadalka difaaca xorriyadaha aasaasiga ah, sida xorriyadda ra’yiga, waxaanan ku boorrinayaa inay kaalin mug leh ka qaadato sidii ay ugala doodi lahayd lahayd madaxda dawladda si loo xaqiijiyo in xoriyadda ra’yiga lagu ilaaliyo Soomaaliya.

Saxafiyad muuqaal duubeysa xilli shaqo
Xaquuqda qoraalkaan waxaa iskaleh: HAWLGALKA KAALMAYNTA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada
Qeybtii 2aad:- Maxay yihiin bulshooyinka sirta?
Markii aad fiiriso aqoontan waxay ku saleysan tahay siddii jiika koraaya ay ugu taxadar lahaayeen doorashadooda ku aadan.

Dadka qaar waxay iisheegeen in ay aad halis u yihiin bulshooyinka sirta ah, laakiinse waa kuwa ku howlan siddii ay ula wareegi lahaayeen maamulka dunida. Bulshada aan la nool nahay waa bulsho aan ku buraarugsaneyn jiritaanka bulshooyinka sirta ah iyo waxa ay damacsan yihiin.
Bulshooyinkani waxa ay ahaayeen kuwa soo kordhiyey dimuqraadiyadda, cilmiga casriga ah, iyo diinta ecumenical. Waxay doorteen madaxdooda, waxayna dejiyeen dastuur ay ku maamulaan hawlahooda. Dunnida aynu ku nool nahay manta ayaa waxaa ka jira loolan adag ay ku jiraan kooxo ama dadyow kala duwan kuwaas oo raba siddii ay ku maamuli lahaayeen adduunka oo dhan iyo aqoonta taalla.
Taabagelinta iyo socod siinta bulshooyinka sirta ah ayaa qeyb ka waddamo badan kuwaas oo markii hore bedelay qaababkii loo sameyn jiray gumeysiga kana dhigay qaab casriyeysan, masiixiyada degta bariga dhexe kuwaas oo gumeysi iyo isir naceyb ku haysa walaalaheen Falastiin ayaa aas aastay nidaam cusub oo lagu magacaabo (Zionism), magarnaayo xiriirka ka dhaxeeyo balse waxaa jirto in ay dadaal kula jirto siddii ay u dhisi lahaayeen Dowlad Yahuudi ah, halkaan ka aqriso.
Inta badan dadka waxba kama soo qadaan markii ay maqlaan waxyaabahan oo kale, balse waa kuwa ay u arkaan in ay yihiin sheekooyin qayaali ah iyo waxyaabo kale laakiinse waa wax jira.
“Had iyo jeer waxaan ahaa qof u baahan aqoonta, siddoo kale waxaa waqti dheer dhagaheyga ka guuxaya waxa la yiraahdo bulshooyinka sirta ah iyo sidda ay u shaqeeyaan. Markii aan dhiganaayay jaamacada waxaan aad u jeclaa maadooyinka Fiisikiska, Xisaabta iyo suugaanta. Siddoo kale waxaan xiiseyn jiray sidda loo sameeyo summadaha iyo tirooyinka, mararka qaar markii aan fasax ku jiro waxaan xiiseeyaa baaritaanada xogaha daahsoon. Wuxuu xiisaheyga guud ahaan uu I siiyay inaan wax ka ogaado wa loo yaqaano bulshooyinka sirta ah ama (Secret Societies), balse waxaan noqday ruux lumay micnaheedu yahay waxaan ogaaday wax badan oo u dhaxeeya sidda: the illimunati, free masonic, knight templer, the Rosicrucians, Skull & Bonnes iyo kuwa kale aan maqlay.”
“maddaama aan kuda galay baaritaan-kan waxaan go’aansaday inaan baadi goobo qoraalo baday ay sameeyeen dadka aan la noolahay balse maan helin. Laakiin si aan wax badan ugu ogaado waxaan soo koobi doonaa warbixin ay diiwaanka galisay Warbaahinta Al-jazeera waxaana wareysigan bixin doonaa Davvid Icke, oo ah baare siddoo kale qoraa In badan wax ka qoray bulshooyinka sirta wuxuuna ku jawaabayaa sidda tan: “ Bulshooyinka sirta ah waa bulshooyin isku tagtay kuna howlan siddii ay u dabooli lahaayeen ama ay u qarin lahaayeen aqoonta saxda ee maanta dunnida taala, balse markii loo eego waxaa jirto labba dunni oo kala ah:
- Midda aynu ku nool nahay waa dunni ay taalo aqoon, balse waxaad moodaa tahay aqoon xididan. Tanina waxaad moodaa in aad loogu shaqeeyay sababtoo ah waxay keentay in ay aqoonta yeelato bulsho gaar ah
2.Midda labaad waa kuwa ay ku noolyihiin bulshooyinka sirta waxayna qariyeen aqoonta saxda ah, siddaa darteedna waxa la soo saarey waxa lagu magacaabo (Global Network Secret Societies).
Markii aad fiiriso aqoontan waxay ku saleysan tahay siddii jiika koraaya ay ugu taxadar lahaayeen doorashadooda ku aadan.
Haddii aan ku biiro bulshooyinka sirta ah sidda, free masonic ama The Illimunati ma helayaa aqoonta saxda ah!!!
“ Markii aad fiiriso waxay leeyhiin darajooyin kala sareeyo waxaan ugu horeeyo darajada (Blue Level Degrees), waxaana ugu sareeyo darajada 33 degress. Waxaana qofka marba marka ka danbeyso waxa uu qofka uu helayaa aqoon.”) ayuu yirri Davvid Icke, balse ma ahan wax wanaagsan.
Tani waa mid aan ku wareeray, balse waxaan la sheekeestay qoraa waxaana na dhexmartay sheekadan:
Anniga: qof walibaa wax uu iska indha tirayaa sidda ay nolosha aduun tahay balse waxaa jirta inyar oo fahamtay mooyaanee.
Qorraa: waxaan filaa inaad ka gun gaartay inaad qeexid u hesho bulshooyinka sirta ah?
Anniga: haa, balse waxaan filaa in uu gaabis ku jiro baaritaankeyga laakiinse waxaan codsanaa inaad ila soo wadaagtaan qoraalo haddii ay jiraan.
Fadlan haddii aad ka heshay maqaalada nuucaan oo kale ah qeybta fariimaha inoogu reeb aragtidaada mahdsanidiin.
La soco qeybta xigta, halkaan ka aqriso qeybtii hore.
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada
Maxay yihiin bulshooyinka sirta ah?
Tani waa qeybtii ugu horeysay ee aan kaga hadalno bulshooyinka qarsoon (Secret societies), waana sii wadi doonaa haddii uu rabi ogalaado Insh’Allah.

Bulshooyinkani waxa ay ahaayeen kuwa soo kordhiyey dimuqraadiyadda, cilmiga casriga ah, iyo diinta ecumenical. Waxay doorteen madaxdooda, waxayna dejiyeen dastuur ay ku maamulaan hawlahooda. Dunnida aynu ku nool nahay manta ayaa waxaa ka jira loolan adag ay ku jiraan kooxo ama dadyow kala duwan kuwaas oo raba siddii ay ku maamuli lahaayeen adduunka oo dhan iyo aqoonta taalla.
Tanni waxaa laga yabaa in aad la yaabbto waxan loola jeedo bulshooyinka sirta ah. Balse waa wax jiro marka loo eego sidda ay u shaqeeyaan ururadan iyo sidda ay saameyn balaaran ugu leeyhiin dunida oo dhan, si kastaba ha noqotee si aan wax badan ugu ogaado arimahan ayaan ku hamiyay in ay muhiim tahay in bulshooyin kan wax laga barto maadaama aysan aheyn kuwa wax laga qaban karo misna laga joojin kara halka uu hiigsigooda yahay.
Bulshooyinka qarsoon ayaa ah kuwa ku dhex milmay aqoonta aynu maanta baranno taasoo keentay in meesha laga saaro aqoonta saxda ah.
Balse waxyar:( “waxaan ku dhashay Soomaaliya. Waxaana ahay qof jecel inuu barto Cilmiga dhaqaallaha, waxaana jeclaa in aan wax kusoo kordhiyo dhaqaalaha dalka. Waxaan galay qaxooti anniga oo raba inaan wax ka barto aqoonta maadiga, markii aan tagay dalka Kenya waxaan ku biiray iskuul ku yaala xeryaha dhagaxleey. Markii aan joogay muddo kooban ayaan dib ugu soo laabtay dalka anniga oo la yaaban sidda uu xaalka dalka waxaan durba bilaabay inaan ku biro iskuul, maarkii aan ka baxay dugsiga sare waxaab bilaabay jaamacad anniga oo raba inaan wax ka barto cilmiga dhaqaaalaha ayaan kuu biray kuliyda Culuumta Kombuteerka sababtuna waxay tahay in aan awodi waayay qarashaadka aan ku baranaayo kuliyada aan jeclaa.
“muddo ka dib waxaa ii suurta gashay in si qurux badan u dhameysto claassyada ama Simisterada ay ka kooban tahay jaamacada, balse markii aan qalin badashay ayaan ku fikiray inaan noqdo qof hal abuur leh bulshadana wax badan tara, laakiinse markii aan muddo badan ku adkeystay fikikeyga ayaa waxay iso baxday in waqti xaadirkan geedigan uu raran yahay siddaa darteed lama dejin karo lamana joojin karo.”
Asaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “marna suurta gal ma ahan in bulshada ay ku maqasho adiga oo raba inaad sheegto wanaag iyo waxyaabo fiican ilaa iyo inyar mooyaanee, sababtuna waxay tahay in bulshada uu ku dhacay millan sidaa darteedna ayna kusii jeedaan khatar iyo dhibaatooyin farabadan”.
Waxaa soo if baxay ururo u shaqeeya si qarsoon sidda Knight Templer, illimunati, Scotish templer iyo Free Masonic. Dhamaan ururadan waa ururo u taagan in ay dumiyaan nolosha caadiga ah siddoo kale uu han kooda yahay in ay qabsadaan aduunka oo dhan. Dadka qaar oo aan weydiyay waxay ii sheegeen in ay dhibaato u ku tahay bulshooyinka qarsoon balse inteena badan inooma muuqato.
Haddaba si ay dadka oo dhan ay u lumiyaan waxaa ay marka hore qofka ay u muujiyaan in beer laxawsi iyo inay dareensiyaan in uu yahay ruux la jecel yahay balse intaa ka dib waxay qofka baraan beenta si ay marka hore ay kaaga jaraan xariga Alle, intaa ka dib waxay qofka niyadiisa ay ku shubaan xisaab aan jirin marka loo eego. Tusaale ahaan: in qofka bishii loo soo diro lacagti mushaarka ayaa haddana la barayaa sidda uu qofka uu u maamuli lahaa qarashaadka soo gala, siddaa darteed waxay yiraahdaan madaxda sumeysan oo ma noqon karanaa madax waayo markii hore ayaa lgu tareen gareeyaa in uu wax lunsado amase uu sheego sidaa darteedna uu qofka noqodo qof gacmaha u hoorsada dadyow kale.
Si aan wax badan ugu ogaano waan badain karnaa tusaale yaasha Tusaale ahaan: haddii laamo dowlada aan ka mid ahayn loo dhiibo daraasad sidoo kalene la weydiiyo lacagta ku baxeyso daraasada waxay u badan tahay asaga oo raadinaayo hunguri in uu sheego lacag aad u tiro badan siddaa darteedna uu ku lunsado hanti.
Marka laga soo tago marxdalada khaaska ah, waxay buldhooyinka kale ka dhex abuuraan kala fikir duwanaansho waayo haddii ay bulshada isku xiran tahay lama kala geyn karo balse si loo kala geeyo waxay u baahan tahay in marka hore la abuuro shaki kaasoo lagu dhalilaayo wadaadada ama aqoon yahanka bulshada sidaa darteed waa In been laga sheego wadaada si afka u furto una dhaleeceeyo wadaad hebel ama aqoon yahan hebel.
Tani waa qeybtii ugu horeysay ee aan kaga hadlno bulshooyinka qarsoon (Secret societis), waana sii wadi doonaa haddii uu rabi ogalaado insha allah la soco qeybta xigta.
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada
Waa maxay Federaal?
Ma laga yabaa in ay Soomaali usii kala qeybsanto dowladdo yaryar, sababtuna nidaamka federaalka ee ay qaadatay?

Federaalka waa Nidaam awoodaha ay wadagayaan labo heer oo dowdaladeed, heer dowlad dhexe iyo heer dowlad goboleed, waxayna ka dhalataa midow ay midoobeen Gobollo, gobol kastana wuxuuu leeyahay Dowlad iyo Dastuur u gooni ah oo waafaqsan Dastuurka Federalka ah, Dowladii ugu horaysay ee caalamka samaysato nidaamka federalka waxaa ay aheed dowlada Maraykanka.
Sannadkii 1787 ayuu Barlamaankii Maraykan xilligaasi ansixiyay in wadanka lagu maamulo Nidaaam Federal waxaa lagu aasaasay 13 dowlad goboleed labo sanno kadib March/4/1789 Barlamanka ayaa ansxiyay Dastuur Federaal ah oo caddeenaayo awoodaha dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada xubinta ka ah.
Intaasi wixii ka dambeye waxaa soo bateen Gobolada kusoo biirayaan Midowga Maraykana, 12/March/1959 Alaska iyo Hawaay ayaa noqdeen labadii gobo lee ugu dambeysay ee kusoo biiraan midwoga Gobolada maraynakama (United State of America) wuxuuna sidaasi Midowga Maraykna ku noqday 50 Dowlad Goboleed.
Russian Federation waaa waddanka ugu dowlad goboleedyada badan caalamka wuxuu ka kooban yahya 86 dowlad goboleed iyo dowlada dhexe ee fadhida Caasimada Moscow sababtoo ah wuxuu kamid yahay wadanama dhaca labo Qaaradood iyo kabadan taasi ayaa keentay in gobolada lasiiyo awood federal maadama anan dowlad dhexe laga wada maamuli karin waddanka aduunka ugu dulka wayn.
Nidaamka Federaalka dunida waxaa qaatay ku dhawaad 40 wadan oo la aqoonsan yahay xubina ka ah Qaramada Midowbe.
Nidaamkan Federaalka waxaa astaan u ah labo arrimood oo lagu garto mid waa in Dastuurka Wadanka uu yahay mid aan si fudud loo beddeli karin (Rigid Constitution) wax ka beddelkiisa wuxuu u bahan yahay Codeen Dadweyne oo ka dhacdo dhammaan dowlad Goboleedyada wuxuu cagsi ku yahay Dastuur si fudud wax loogu bedeli karo (Flexible Constitution) waxaa go’aan ka gaari karo Barlamaanka, Mida labaad ee astaanta u ah federalka waa Aqalka saree e Barlamaanka, wadanka Markuu Federal yahay Barlamaanka wuxuu noqdaa labo Aqal, Aqalka sare oo Matalo Dowlad Goboleedyada waxayna ka shaqeeyan danaha dowlada gobolledyada ay matalaan iyo Aqalka hoose (Gollaha Shacab) oo matalaan Shacabka kana shaqeeyaan danaha Shacabka iyo deegaanadooda.
Saamiga Aqalka Sare Barlamaka Federaalka ee Dowlad Goboledyada.
Saamiga qeebsiga Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka waxaa gobolada loogu qeebiyaa labo midaam:
- Equal Representative oo Macnaheedu yahay in Dowlad Goboleedyada la siiyo saami isku mid ah xubnaha aqalka sarre iyada oo aanan loo fiirinaynin tirada dadka ku nool maamul goboleedyada mida ugu dadka badan iyo mida ugu dadka yar ay xubno isku mid ah ayey ku yeelanayaan Aqalka Sarre. Tusaalle Midowda Maraykanka wuxuu ka kooban yahay 50 dowlad goboleed midkasto wuxuu Baralamanka Aqalka sarre ku leeyahay 2 xubnood sidaasi ayuu Aqalka Sarre ku noqonayaa 100 xubnood oo Senatoro ah.
- Weighted Representative oo Macnaheedu yahay in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo Saamiga ah sida Dowlad goboleedyada u kala shacab badan yihiin iyadoo dowlad Goboleedka ugu shacabka badan oo heli doona tirada ugu badan ee xubnaha aqalka sarre, halka dowlad goboleedka ugu shacabka yar ay qaadanayso tirada ugu yar ee xubanaha aqlka sarre ee Barlamaanka Federalka. Hadba waxaa loo fiirinayaa tirada shacabka kunool dowlad Goboleedyada. Tusaalle Jamhuuriyada Federaalka Jarmalka waxay ka kooban tahay 16 dowlad gobolleed saamiga qalka sarre ay ku qataan sida u kala shacab badan yihiin, Dowlad Goboleedka ugu dadka badan ayaa qaadanayso xubnaha ugu badan Aqalka Sarre.
Maxaa sababo in wadanka qaato nidaam Federaal ah
- Wadan ay ku noolyihiin qoomiyado kala duwan oo kala luuqad ah, kala dhaqan ah, si loo mideeyo wadanka wuxuu noqdaa Federaalka oo ay Gobolada yeeshaan dowlad u gooni iyo dowlad dhexe oo ka shaqayso Masaaliixada caamka ah iyo Midnimada wadanka sidii loo adkeen ahaa iyadoo ay ku nool yihiin qowmiyado kala duwan. Tusaalle Switzerland waxaa ku nool dad kasoo kala Jeedaan Faransiis, Jermalka, Talyaani Midkasto luuqadooda ayey ku hadlaan si loo mideeyo waddanka wuxuu qaatay Nidaamka Federalka.
- Baaxada Dulka wadan oo aad u wayn mararka qaar waxay keentaa in Dowlada dhexe ay ku adkaato in Gobolada laga maamulo dowlad dhexe adeegyadana la gaarsiiyo wadnka oo dhan taasi ayaa keento in Gobolada la siiyo nidaam dowladeed oo u gooni ah. Tusaalle, Dalka Ruushaka oo ah wadanka ugu dhulka wayn dunidda wuxuu dhulkiisa ku fidsan yahay wax ka badan labo qaaradood, wuxuuna Xuduud dhuleed la wadaagaa Norway oo kamid ah wadamada ugu dambeeyo Waqooyi Galbeed Yurub illaa Kuuriyada Waqooyi oo dhacda waqooyi bari ee Qaarada Aasiya iyo Xadduud baddeed kala dhaxayso Jaziirada ka tirsan Ruushka oo dhacda Pacific dhinaca Alaska ee Maraykanka maadamaa waddanka sidaasi u baaxad wayn yahay waxay qateen Nidaamka Federaalka si loo ilaaliyo Wadajirka dadyowga Ruushka in hal wadan sii ahado.
- Markii ay Midowbayaan labada waddan iyo ka badan waxaa laga yabaa in Dalka uu qaato Nidaam Federaal ah si waddamadii midoobay u yeeshaan dowlado gobolleedyo u gooni iyo dowlad midnimo qaran oo ay ku midaysan yihiin. Tusaalle, dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka 1945 markii ay ciidanka isbahaysiga ay ka adkaadeen dowladii Jarmalka ee Naziga oo Hilter Hoggaaminayey waxay waddanka u kala qeybiyeen labo waddan Beriga Jarmalka oo raacsaneed Ruushka iyo Galbeedka Jarmalka oo raacsaneed Gashanbuurta NATO oo Maraykanka hoggaaanka u ahaa.
Dhamaadkii Dagaalkii qaboobaa (Cold War), 3.oktoober.1990 waxaa Midoobeen waddamadii Jarmalka bari iyo Jarmalka galbeed xittaa Caasimada maanta ee Baarliin waxay u kala qeybsaneed labada waddan oo xadka kalla qeybiyo oo ah derbiga wayn.
1990 waxaa Jarmalka bari ka bilaawday kacdoon midnimo doon ah si loo middeeyo labada Jarmal waxaa la dumiyey derbigii xadka ahaa taasi oo aheed biloowgii Midowga Jarmalka. Labadii Dowladood ee midowbay waxay ku heshiiyeen in waddanka lagu Maamulo Nidaam Federaal ah.
Muhiimada ay leedahay Federaalka
In nidaam dowladnimo la gaarsiiyo Gobolada iyadoo loo sii maraayo awood siinta dowlad goboleedyada, waxay fududanaysaa in si gaar ah loogu warqabo baahiyaha Shacabka Madamaa gobol kasto uu leeyahay dowlad u gooni ah oo ka shaqayso danaha shacabka ku nool Golbolada. Laakiin ujeedka ma ahan kala qeybsanaan ee waa wada shaqeyn.
In xafiisyada dowlada dhexe ay ka yaraadaan culays iyo saxmada madamaa addeegyada dowlada dhexe lasii marsiinaayo dowlad goboleedyda., dowlad goboleed kastana ay mas’uul ka tahay adeegyada shacabka loo qabto sida Caafimaadka, Waxbarashada, Aminiga, iyo wixii lamid ah, shacabkana waxay adeegyadaasi kala xisaabtamayaan dowlad goboleedka ay ku noolyihiin.
Nidaamka doorashooyinka wuxuu noqdaa labo, heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed waxaana kordhayso ka qeyb qaadashdada tartanka doorashooyinka ee Muwaadiniinta, maadamaa dowlad goboleed kasto uu leeyahay xukuumad iyo barlmaan u gooni ah.
Waddanka markii oo federaal yahay way yartahay in uu ka dhaco Afgambi Ciidan Maadamaa oo xukunka oo baahsan yahay. Badanaa afgambiga wuxuu ka dhaca waddamada leh dowla dhexe oo kaliya (Unitary government) oo waddankana hal meel laga maamulo.
Caqabadaha uu leeyahay nidaamka Federaalka
- Waxaa yaraanayso isla xisaabtanka dowlada dhexe iyo shacabka maadamaa dadka lagu mashquuliyay Dowlad Goboleedka ay deganyihiin inay la xisaabtamaan waxaana meesha ka baxdo in lala xisaabtamo dowlada dhexe ee federaalka ah.
- Gobolada waddanka ma isku dheeli tirno xaga dhaqaalaha iyo horumarka waxaa jirayso dowlad goboleed leh kheeraad dabiici ah sida webiyaal iyo dhul beereed wax soo saar fiican leh, halka dowlada goboleed kale aysan laheyn wax qeeraad dabiici ah taasi oo keenayso in dalka horumarkiisa aysan isla jaanqaadin (uusan isla socon).
- Waxaa hoos u dhac ku yimaado dareenka waddaniyad ee shacabka, waxayna ku mashquulaan Gobolka ay kasoo jeedaan waxayna ilaawaan inay ka qeeb qaataan horomarka guud ee dalka.
- Nidaamka Federaalka wuxuu dhawacaa midnimada waddanka waxay keentaa in dowlada dhexe iyo dowlad gobolleedyada ay isku dhacaan oo ay wada shaqeen waayaan taasi oo keento dib u dhac, horumarka waddanka oo mararka qaar waxaa dhaco in dowlad goboleedyada qaar ay ku fikiraan inay noqdaan dowlado madax banaan oo gooni isku taag ku dhawaaqaan sida ku dhacday dalal badan oo calamka. Tusaalle Jamhuuriyadii Federaalka Yugoslaviya waxay ka koobneed 6 dowladgoboleed oo kala ah Bosniya, Croashiya, Serbiya, Sloveniya, Montenegro, waxaa ka dhex jiray qilaaf iyo isqabqabsi dheeraaday oo u dhexeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, 25/6/1991 Sloveniya iyo Krooshiya ayaa ku dhawaaqeen in ay ka go’een Yugoslaviya.
Arrintaasi waxay shaki gelisay jiritaanka waddanka la oran jiray Yugoslafiya. Ugu dambeyntiina dowlad-goboleedyadii Serbiya ayaa ku dhawaaqday inay go’een, taasi oo keentay inuu lawaayo waddankii Yugoslafiya oo noqday lix dalal. Maanta ma jiro magacii waddankii la oran jiray Yugoslafiya, waa wuxuu sababsaday nidaamkii federaalka ahaa oo ay qaateen. Waa mid kamid ah dhibaatooyinka ay leeyiihiin nidaamyada federaalka, Soomaalidana waxaad moodaa inay waddadaas ku socdaan maanta marka aad fiiriyo hab-dhaqankooda.
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Gabaygii badda – Qeybtii 2aad
- Siyaasadda Soomaaliya2 months ago
Soomaaliya oo dhisanayso Hannaanka Dowladnimada Casriga ah
- Siyaasadda Soomaaliya1 month ago
IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud (4.5)?
- Afrika2 months ago
Safiirka Faransiiska oo ka tagaayo Niger – Reuters