Connect with us

Ameerika

Sirdoonka Mareykanka oo Muqdisho ka qabtay muwaadin Soomaaliyeed oo ay dambiyo kusoo eeddeeyeen

Illaa iyo hadda dacwadaan waxaa lagu soo oogay 79 qof kuwaasi oo intooda badan Soomaali ay yihiin 66 kamid ah dadkaasi ayaa qirtay dambiyada dhicista ee lacagtaasi lagu sameeyay.

Published

on


Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay magaaladda Muqdisho in lagu xiray Cabdikariin Iidle oo lagu eedeeyay inuu kamid ah koox Soomaali ah oo shabakad ahaa oo lala xiriirinaayo dhac lagu sameeyay barnaamijka quudinta carruurta qoysaska dantayar ee dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota xilligii uu socday cudurka Corona virus, kaasoo looga magac daray Feading our Future, waxaa lagu lunsaday lacag gaaraysa 250 Milyan iyadoo dad badan oo Soomaali ah ay xabsiga u galeen gobolka Minnesota.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalka Mareykanka Cabdikariin Iidle waxaa lagu qabtay Khamiistii lasoo dhaafay hawlgal ay si wadajir u fuliyeen Hay’adda NISA iyo hay’adda FBI-da Mareykanka waxaana hadda la xaqiijiyay in loo qaaday dhinacaasi ee dalka Mareykanka oo la filaayo in maxkamad lagu soo taago.

Xeer Ilaalliyaasha Federaalka ee Gobolka Minnesota oo Soomaalida ugu badan ay deggan yihiin Mareykanka ayaa sheegay in Cabdikariin Iidle uu ahaa shaqsi muhiim ah oo door weyn ku lahaa abaabulka iyo hagista qorshaha lagu dhacay lacagta canshuur bixiyaasha ay bixiyeen ee 250 Milyan gaaraysa ee loogu talagalay quudinta carruurta.

Baaritaannada ayaa waxa ay sheegayaan in Iidle uu helay lacag ka badan 5 Milyan oo laaluush iyo lacag sharci darro ahayd isagoo lagu eedeeyay inuu ganacsato Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota deggan inuu ku dhiirigeliyay inay sameeyaan dukumentiyo been abuur ah sida “Invoice-yada” si ay u helaan lacago aad u badan oo ka timaada waaxda waxbarshada gobolkaasi Minnesota.

Eedeymahaan loo haysto waxa ay kamid yihiin qiyaano qaran oo Mareykanka ka dhacday oo dhinaca isgaarsiinta loo isticmaalay laaluush, lacag dhaqis iyo shirqoollo masuqmaasuqa ah.

Masuulliyiinta FBI-da Mareykanka ayaa sheegay in xariga Cabdikariin Iidle uu muujinaayo in dadka lagu eedeeyo dambiyada waaweyn gudaha dalka Mareykanka aysan ka baxsan karin caddaalada dalkaasi xittaa haddii ay ku sugan yihiin dalal kale oo dibadda ku yaalla.

Kiiskaan fadeexadda masuqmaasuqa Feading our Future lagu sameeyay barnaamijkaasi waxaa loo aqoonsaday inuu yahay masuqmaasuqii ugu weynaa oo la xiriira lacagaha gurmadka COVID 19, ee ka dhacay dalka Mareykanka.

Illaa iyo hadda dacwadaan waxaa lagu soo oogay 79 qof kuwaasi oo intooda badan Soomaali ay yihiin 66 kamid ah dadkaasi ayaa qirtay dambiyada dhicista ee lacagtaasi lagu sameeyay.

Saraakiisha dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanada la xiriira musuqmaasuq ee ka dhacay Minnesota ay wali socdaan isla markaana khasaaraha ee dadka lacagta lunsadeen inay 1 Bilyan oo doollarka Mareykanka ay gaarayso.

Donald Trump ayaa muddooyinkii dambe wuxuu halhays ka dhigtay Soomaalida Minnesota inay gaysteen musuqmaasuqii ugu badnaa abid oo uu sheegay lacag gaaraysa illaa 9 Bilyan inay lunsadeen isagoo ku tilmaamay dadku Soomaalidu inay yihiin kuwa aad u qiyaano badan.

Sidoo kale, wuxuu aflagaado iyo gaf uu u gaystay dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inuu yahay dal la degay musuqmaasuqa, colaado, dowlad la’aan iyo nidaam dari.

Donald Trump waxa uu ku amray saraakiisha dalkaasi Mareykanka ee dhinaca socdaalka in la tarxiilo qofkasta oo Soomaali ah oo dambi lagu helo iyo qofkasta oo si sharci darro ah ku joogga gudaha wadankaasi.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ameerika

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Wiilka 17 jirka ah ayaa weli lagu daweynayaa isbitaalka, iyadoo dhaawaciisu aanu ahayn mid naftiisa halis gelinaya, halka wiilka 18 jirka ah isbitaalka laga saaray Sabtidii.

Published

on


Laba dhallinyaro Soomaali ah ayaa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow garoon kubadda cagta oo ku yaalla magaalada Eden Prairie ee gobolka Minnesota, xilli ay socotay ciyaar ay daawanayeen kumannaan qof. Toogashadu waxay dhacday xilli kooxda Eden Prairie High School ay garoonkeeda kula ciyaaraysay Minnetonka High School. Dhacdada ayaa keentay sida booliisku sheeegeen in daawadayaashii ciyaarta ay si degdeg ah uga cararaan garoonka, iyadoo qaar ka mid ah dadka ay ka boodeen xayndaabyada.

Booliiska Eden Prairie ayaa sheegay in labada qof ee la dhaawacay ay yihiin wiilal Soomaali ah oo da’doodu kala tahay 17 iyo 18 sano. Labadooduba waxay horey booliiska uga tirsanaayeen dadka ay yaqaannaan, sida ay sheegeen saraakiishu. Wiilka 17 jirka ah ayaa weli lagu daweynayaa isbitaalka, iyadoo dhaawaciisu aanu ahayn mid naftiisa halis gelinaya, halka wiilka 18 jirka ah isbitaalka laga saaray Sabtidii.

Booliisku waxay sheegeen in dagaal weyn uu ka dhacay dhinaca Galbeed ee garoonka wax yar kahor inta aan rasaastu dhicin. Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah, baarayaashu waxay tuhunsan yihiin in toogashadu la xiriirto khilaaf u dhexeeya kooxo Soomaali ah oo deegaanka ka jira.

Si kastaba, booliisku weli ma aysan shaacin cidda loo malaynayo inay rasaasta ridday, waxayna sheegeen inaysan haynin xog ku filan oo ku saabsan tuhmanayaasha oo ay bulshada la wadaagi karaan. Labada qof ee la dhaawacay midkoodna ma ahayn arday dhigta Eden Prairie High School ama Minnetonka High School.

Dhacdada ayaa cabsi weyn ku abuurtay dadkii ku sugnaa garoonka, iyadoo ciyaartoyda iyo daawadayaashuba ay markii hore garan waayeen waxa dhacay. Mas’uuliyiinta garoonka ayaa dadka ku wargeliyay inay ka baxaan goobta, waxaana kumannaan qof ay u kala carareen dhinaca laga baxo.

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

In ka badan 500 Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sanadkan loo soo saaray amarro masaafurin ah, iyadoo Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dardargeliyay dhageysiyada magangelyada isla markaana uu adkeeyay waddooyinka sharci ee ay dadkaasi ku heli karaan ilaalin.

Sida lagu sheegay falanqeyn ay samaysay warbaahinta Minnesota Star Tribune, in ka badan 1,000 qof oo Soomaali ah ayaa tan iyo bishii Febraayo loo soo saaray amarro masaafurin ah, halka in ka badan kala bar amaradaasi ay khuseeyaan Soomaali ku nool Minnesota. Tiradan ayaa ku dhowaad toban jeer ka badan tii la diiwaangeliyay sannadkii 2025.

Qaar kamid ah dadka loo soo saaray amarada masaafurinta ayaa hore loo masaafuriyay halka kuwo kale lagu xiray xarumo dadka lagu hayo oo ay ku jirto xabsiga Guantánamo Bay ee Cuba. Ugu yaraan laba qof oo ka soo jeeda Minnesota ayaa halkaas lagu xiray.

Arrintan ayaa soo xoogeysatay kadib markii maamulka Trump uu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaddidayo fursadaha ay Soomaalidu ku heli karaan ilaalinta sharci. Bishii Janaayo waxaa lagu dhawaaqay in la soo afjarayo ilaalinta ku-meelgaarka ah ee Soomaalida halka bishii Febraayo la sameeyay nidaam maxkamadeed oo dedejiya dhageysiyada kiisaska magangelyada Soomaalida.

Qareennada socdaalka ayaa sheegay in kiisaska Soomaalida loo sameeyay jadwal gaar ah, iyadoo dhageysiyada qaarkood lagu qabanayo internetka, isla markaana aanay inta badan ka dhicin meel ay dadweynuhu si furan uga qayb geli karaan. Sida xogta lagu sheegay ku dhowaad dhammaan go’aannadii masaafurinta ee siddeeddii bilood ee ugu horreysay 2026-ka waxay ku saabsanaayeen Soomaali lagu daray nidaamka dhageysiyada la dedejiyay.

Dhanka kale, Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabooyinkan loogu talagalay ilaalinta muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo dowladda ay ku doodday in dadka dalka si sharci-darro ah ku soo gala ay wajihi karaan masaafurin ama loo diri karro dal saddexaad.

Qareennada dadka Soomaalida ah ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in qaar ka mid ah dadka la masaafurinayo loo diro dalal aysan xiriir hore la lahayn. Qaar ka mid ah Soomaalidii lagu hayay Guantánamo Bay ayaa markii dambe loo qaaday Kenya, halka kuwo kale laga yaabo in loo diro dalal Afrikaan ah oo aqbalaya dadka laga soo masaafuriyo Mareykanka.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in maamulka Mareykanku uu kiisaska qaar ku doodayo in Soomaaliya ay ammaan tahay, iyadoo qareennada iyo hay’adaha kale ay tilmaamayaan digniino ka soo baxay dowladda Mareykanka oo ku saabsan khataraha amni ee ka jira dalka.

Si kastaba, xogta la soo bandhigay ayaa muujinaysa in dadka Soomaalida ah ee ku guuleystay kiisaska magangelyada sanadkan ay jireen, iyadoo 148 qof oo Soomaali ah ay ku guuleysteen kiisaskooda socdaalka, in ka badan 70% ka mid ahna ay ahaayeen haween.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Sida lagu sheegay falanqeyn ay samaysay warbaahinta Minnesota Star Tribune, in ka badan 1,000 qof oo Soomaali ah ayaa tan iyo bishii Febraayo loo soo saaray amarro masaafurin ah.

Published

on


In ka badan 500 Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sanadkan loo soo saaray amarro masaafurin ah, iyadoo Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dardargeliyay dhageysiyada magangelyada isla markaana uu adkeeyay waddooyinka sharci ee ay dadkaasi ku heli karaan ilaalin.

Sida lagu sheegay falanqeyn ay samaysay warbaahinta Minnesota Star Tribune, in ka badan 1,000 qof oo Soomaali ah ayaa tan iyo bishii Febraayo loo soo saaray amarro masaafurin ah, halka in ka badan kala bar amaradaasi ay khuseeyaan Soomaali ku nool Minnesota. Tiradan ayaa ku dhowaad toban jeer ka badan tii la diiwaangeliyay sannadkii 2025.

Qaar kamid ah dadka loo soo saaray amarada masaafurinta ayaa hore loo masaafuriyay halka kuwo kale lagu xiray xarumo dadka lagu hayo oo ay ku jirto xabsiga Guantánamo Bay ee Cuba. Ugu yaraan laba qof oo ka soo jeeda Minnesota ayaa halkaas lagu xiray.

Arrintan ayaa soo xoogeysatay kadib markii maamulka Trump uu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaddidayo fursadaha ay Soomaalidu ku heli karaan ilaalinta sharci. Bishii Janaayo waxaa lagu dhawaaqay in la soo afjarayo ilaalinta ku-meelgaarka ah ee Soomaalida halka bishii Febraayo la sameeyay nidaam maxkamadeed oo dedejiya dhageysiyada kiisaska magangelyada Soomaalida.

Qareennada socdaalka ayaa sheegay in kiisaska Soomaalida loo sameeyay jadwal gaar ah, iyadoo dhageysiyada qaarkood lagu qabanayo internetka, isla markaana aanay inta badan ka dhicin meel ay dadweynuhu si furan uga qayb geli karaan. Sida xogta lagu sheegay ku dhowaad dhammaan go’aannadii masaafurinta ee siddeeddii bilood ee ugu horreysay 2026-ka waxay ku saabsanaayeen Soomaali lagu daray nidaamka dhageysiyada la dedejiyay.

Dhanka kale, Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabooyinkan loogu talagalay ilaalinta muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo dowladda ay ku doodday in dadka dalka si sharci-darro ah ku soo gala ay wajihi karaan masaafurin ama loo diri karro dal saddexaad.

Qareennada dadka Soomaalida ah ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in qaar ka mid ah dadka la masaafurinayo loo diro dalal aysan xiriir hore la lahayn. Qaar ka mid ah Soomaalidii lagu hayay Guantánamo Bay ayaa markii dambe loo qaaday Kenya, halka kuwo kale laga yaabo in loo diro dalal Afrikaan ah oo aqbalaya dadka laga soo masaafuriyo Mareykanka.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in maamulka Mareykanku uu kiisaska qaar ku doodayo in Soomaaliya ay ammaan tahay, iyadoo qareennada iyo hay’adaha kale ay tilmaamayaan digniino ka soo baxay dowladda Mareykanka oo ku saabsan khataraha amni ee ka jira dalka.

Si kastaba, xogta la soo bandhigay ayaa muujinaysa in dadka Soomaalida ah ee ku guuleystay kiisaska magangelyada sanadkan ay jireen, iyadoo 148 qof oo Soomaali ah ay ku guuleysteen kiisaskooda socdaalka, in ka badan 70% ka mid ahna ay ahaayeen haween.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Trump oo ka hadlayay siyaasadda socdaalka ayaa sheegay in dhammaan qaabilaadda qaxoontiga Soomaaliya la hakiyey, isaga oo ku tilmaamay Soomaaliya “meel qurux badan oo khatar ah”.

Published

on


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu joojiyey qaabilaadda qaxoontiga ka imanaya Soomaaliya, isaga oo hadalkaas ka jeediyey isu-soo-bax siyaasaddeed oo ka dhacay magaalada Mobile ee gobolka Alabama.

Trump oo ka hadlayay siyaasadda socdaalka ayaa sheegay in dhammaan qaabilaadda qaxoontiga Soomaaliya la hakiyey, isaga oo ku tilmaamay Soomaaliya “meel qurux badan oo khatar ah” balse sheegay in aanay qaxoonti ka imanaya dalkaasi soo geli karin Mareykanka.

“Waxaan joojinay dhammaan qaabilaadda qaxoontiga ka imanaya Soomaaliya, halkaan Soomaaliya kama rabno – Soomaalidu 98% waa shaqo la’aan, waxa keliya ay ku fiican yihiin tuugnimada” – ayuu yirri Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka. Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliya98% ay shaqo la’aan yihiin, isaga oo Soomaalida ku eedeeyey inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan ama ‘khiyaameeyaan’ Mareykanka. Trump muu soo bandhigin il tirakoob oo sax ah oo uu xogta kasoo qaatay.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulkiisa uu si weyn u adkeeyey siyaasadda qaxoontiga iyo socdaalka. Dowladda Mareykanka ayaa muddadii Trump xafiiska joogay hakisay guud ahaan barnaamijka qaabilaadda qaxoontiga, iyadoo siyaasadda hadda jirta ay si weyn u mudnaanta siinayso qaxoontiga Afrikaaners-ka Koonfur Afrika.

Trump ayaa horey dhowr jeer Soomaalida ula xiriiriyay baaritaannada musuqmaasuqa ee ka socda gobolka Minnesota. Maamulka Trump ayaa sheegay in baaritaannada musuqmaasuqa barnaamijyada gargaarka bulshada ee Minnesota ay ku lug leeyihiin xatooyada balaayiin dollar, halka warbixinno madax-bannaan ay tilmaameen in qaddarka si dhab ah loo xaqiijiyey uu ka hooseeyo tirooyinka uu madaxweynuhu sheegay.

Dowladda Mareykanka ayaa si kastaba, dacwado dhowr ah oo musuqmaasuq ah ka gudbisay shaqsiyaad Soomaali ah oo ku nool Minnesota kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyey inay lunsadeen lacago loogu talagalay barnaamijyada adeegyada bulshada. Tusaale ahaan Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in kiiska Feeding Our Future uu ku lug leeyahay eedeymo la xiriira malaayiin doollar oo laga lunsaday barnaamijyada cuntada carruurta.

Hadallada Trump ayaa sidoo kale imanaya xilli siyaasaddiisa socdaalka ay si gaar ah u saameynayso Soomaalida ku nool Mareykanka gaar ahaan Minnesota oo ay ku nool yihiin tiro badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas.

Maxaa tusaalaha ugu xun ee dal loogu soo qaata Soomaaliya?

Madaxda Afrikaanka ah iyo kuwa caalamka ayaa Soomaaliya muddooyinkan dambe u soo qaata tusaalaha ugu xun, taas oo sumcad dil ku ah dowladda Soomaaliya. Hadallada sumcad-darrada ah ayaa waxaa ugu dambeeyay dhowaan jeediyay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee DCP.

Ninkan ayaa ku eeddeeyay Madaxweyne Ruto inuu Kenya ka dhigayo sida Soomaaliya, taas oo ula jeedo tusaalaha ugu xun oo liidasho ah, isla markaana ka turmayso heerka ugu hooseeyay ay maanta gaarsiisan tahay Soomaaliya. “Waxaad shalay maqasheen Ruto oo been u sheegay shacabka isagoo leh Singapore oo kale ayaan ka dhigaya Kenya, laakiin runta waxay tahay haddii uu mar kale doorasho ku guuleysto, dalkeenna wuxuu ka dhigi doonaa sida Soomaaliya,” – ayuu yirri Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya Rigathi.

Xilli hore ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya ku tilmaamay “dowlad fashilantay oo ay hareeyeen laaluush iyo lunsi hanti dadweyne.” Trump ayaa Soomaaliya u soo qaata tusaalaha ugu liita ee dowladnimada.

Madaxweynaha Ugaanda, Yoweri Museveni ayaa sidoo kale kamid ah madaxda Afrikaanka ah ee u gafay Soomaaliya, una adeegsada tusaalooyinka xun, Museveni ayaa mar ku tilmaamay Soomaaliya dal aan lahayn dowlad shaqeysa. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa sannadihii ugu dambeeyay waxay dib u bilowday soo kabashada dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo kor u qaadista wax-soo-saarka warshadaha. Qaar kamid ah madaxda Afrikaanka ah iyo kuwa caalamka ayaa isku dayayaan inay suurad-xumeeyaan Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Madaxweynaha Soomaaliya: “Soomaaliya ma dooneyso in Qaramada Midoobay ay dalka ka baxdo”

“Ma dalbaneyno in Qaramada Midoobay ay baxdo” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Published

on


Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan doonayn in Qaramada Midoobay ay dalka ka baxdo balse ay rabto in iskaashiga labada dhinac loo habeeyo qaab ay hay’adaha Soomaaliyeed door hoggaamineed ku yeeshaan fulinta howlaha iyo mashaariicda.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Kalfadhiga 81aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda New York ayaa sheegay in taageerada caalamiga ah ay tahay inay xoojiso hay’adaha qaranka, halkii ay ka abuuri lahayd hannaan barbar socda oo ka madax bannaan dowladda.

Madaxweynaha ayaa dhaliilay qaabka hadda loo maareeyo qaar ka mid ah gargaarka caalamiga ah, isagoo sheegay in mashaariic badan lagu fuliyo hannaan ka baxsan miisaaniyadda dowladda iyo hay’adaha qaranka, taas oo uu sheegay inay adkeyneyso qorsheynta, isku-dubbaridka iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo ka badan 30 sano martigelinaysay joogitaanka Qaramada Midoobay, balse qaybo badan oo ka mid ah gargaarka iyo mashaariicda horumarineed lagu fuliyo qaabab ka baxsan miisaaniyadda qaranka.

“Ma dalbaneyno in Qaramada Midoobay ay baxdo” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku baaqay iskaashi ku saleysan isla-xisaabtan, qorsheyn istiraatiiji ah iyo natiijooyin la cabbiri karo. Waxa uu sheegay in arrintani ay dowladda ku adkeyneyso qorsheynta, isku-dubbaridka kheyraadka iyo cabbiridda natiijooyinka, iyo sidoo kale dhismaha hay’adaha dalka.

Mareykanka oo hal sano u kordhiyay in lagu soo afjaro hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa oggolaatay in Qaramada Midoobay ay muddo hal sano ah oo dheeraad ah ku soo afjarto taageerada saadka ee ay siiso hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo mustaqbalka taageerada hawlgalka uu weli mugdi ku jiro.

Sida ay Reuters sheegtay, muddada kala guurka ayaa bilaabanaysa Jannaayo 2027, taas oo Qaramada Midoobay siinaysa waqti ay si tartiib ah ugu yareyso una soo afjarto hawlaha taageerada saadka ee AUSSOM. Qaramada Midoobay oo adeegsanaysa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa AUSSOM u fidisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin shidaalka, cuntada, caafimaadka, gaadiidka, isgaarsiinta, injineernimada iyo duulista.

Hase yeeshee, Mareykanka ayaa sheegay inuusan sii maalgelin doonin hawlgalka UNSOS oo miisaaniyaddiisu ku dhowdahay 500 milyan oo dollar sanadkii, iyadoo aan weli la helin hannaan kale oo si buuxda u beddela taageerada Qaramada Midoobay.

AUSSOM waxaa loo sameeyay in uu taageero dadaallada Soomaaliya ee la xiriira amniga iyo xasilinta dalka, iyadoo Qaramada Midoobayna ay sii waddo taageerada saadka ee hawlgalka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu muddada hadda jirta ee AUSSOM iyo taageerada UNSOS ku saleeyay Qaraarka 2809, oo dhigaya dhammaadka 31-ka Diseember 2026.

Go’aanka cusub ayaa AUSSOM, Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya siinaya waqti dheeraad ah oo ay ugu diyaar-garoowaan isbeddelka ku imanaya nidaamka taageerada saadka. Si kastaba, weli lama caddeyn sida loo beddeli doono nidaamka ballaaran ee ay UNSOS hadda bixiso marka muddada kala-guurka ahi dhammaato, arrintaas oo muhiim u noqon karta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM ee fulinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Go’aanka Mareykanka ayaa sidaas darteed siinaya hawlgalka waqti dheeraad ah balse ma aha kordhin joogto ah oo lagu sii wado taageerada Qaramada Midoobay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Ilhaan Cumar oo soo bandhigtay sharci lagu maalgelinayo bulshooyinka ay saameeyeen hawlgallada ICE iyo CBP

Hindisaha oo loogu magac daray “Make ICE Pay Act” ayaa yimid kadib markii la soo gabagabeeyay hawlgalka Operation Metro Surge ee gobolka Minnesota.

Published

on


Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa soo bandhigtay hindise sharciyeed cusub oo lagu doonayo in ku dhowaad 140 bilyan oo doollar oo loo qoondeeyay hay’adaha socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha loogu wareejiyo bulshooyinka ay saameeyeen hawlgallada ICE.

Hindisaha oo loogu magac daray “Make ICE Pay Act” ayaa yimid kadib markii la soo gabagabeeyay hawlgalka Operation Metro Surge ee gobolka Minnesota. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in lacagta loo adeegsan karo soo kabashada bulshooyinka ay saameeyeen hawlgallada socdaalka, iyadoo xustay in Minneapolis oo keliya hawlgalku ku yeeshay saameyn dhaqaale oo ay ku qiyaastay ku dhowaad 700 milyan oo dollar.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka xafiiska Ilhaan Cumar sharcigu wuxuu lacagahaas u weecin karaa dadaallo dib loogu taageerayo bulshooyinka ku yaalla gobollada ay saameeyeen hawlgallada ICE iyo CBP. Gobollada lagu xusay hindisaha waxaa ka mid ah California, Minnesota, Illinois, Louisiana, Maine, North Carolina iyo Oregon.

Lacagta ayaa haddii sharcigu dhaqan galo loo adeegsan karaa gargaar dhaqaale, kharashaadka hawlgalka, taageerada hay’adaha waxbarashada iyo adeegyada taageerada nafsaaniga ah ee dadka ay hawlgalladu saameeyeen. Hindisaha ayaa sidoo kale oggolaanaya in lacagaha loo adeegsado baaritaanno iyo guddiyo lagu diiwaangelinayo saameynta hawlgallada, iyo sidoo kale dadaallo xusuusin iyo diiwaangelin ah.

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan laga soo doorto Minnesota ayaa ku doodday in sharcigu uu mas’uuliyadda dhaqaale ee ka dhalatay hawlgallada ku soo celinayo hay’adaha socdaalka halkii culayskaasi uu saari lahaa bulshooyinka ay hawlgalladu saameeyeen.

Sharcigan ayaa hadda ah hindise sharciyeed ay soo bandhigeen xildhibaano waxaana qoraalka war-saxaafadeedku uusan ka dhignayn in lacagahaas la ansixiyay ama ay durba bilaabatay in la bixiyo.

Maxaa loo bartilmaameedsanayaa Soomaalida Minnesota?

Sida la sheegay, tiro badan oo Soomaali ah ayaa ku lug lahaa kiisas khiyaano ah oo aad u daran. Maamulka iyo Jamhuuriyiin kale oo badan ayaa ku saabsanayd ka-reebistooda iyo masaafurinta, inkastoo inta badan Soomaalida Mareykanka ah ay yihiin muwaadiniin sharciga u hoggaansan.

Trump wuxuu si isdaba joog ah u soo jeediyay in la masaafuriyo Soomaalida. Qoraal uu qoray dabayaaqadii Diseembar, madaxweynaha Mareykanka wuxuu ku qoray “inta badan Khiyaanada Minnesota, ilaa 90%, waxaa sababa dadka si sharci darro ah ugu soo galay Dalkeenna, oo ka yimid Soomaaliya.” “Dib ugu celi meeshii ay ka yimaadeen, Soomaaliya, laga yaabee waddanka ugu musuqmaasuqa badan uguna xun adduunka,” ayuu raaciyay.

Isla qoraalkaas, wuxuu ku eedeeyay Xildhibaan Ilhaan Cumar, iyada oo aan la helin caddayn, inay wax khiyaamaysay.

Dabayaaqadii Diseembar, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Aqalka Wakiillada Tom Emmer ee Minnesota wuxuu ugu baaqay Soomaalida sameeyay khiyaano in la masaafuriyo. “Waxaan haystaa saddex eray oo ku saabsan Soomaalida khiyaamada ka geysatay canshuur bixiyeyaasha Mareykanka: Dib ugu celi guryahooda. Haddii ay halkan si sharci darro ah ku joogaan, isla markiiba dib ugu celi; haddii ay yihiin muwaadiniin dhalasho qaatay, dib ugala noqo dhalashadooda oo si dhakhso ah dib ugu celi,” ayuu ku qoray X. “Haddii aan u baahannahay inaan sharciga beddelno si aan taas u sameyno, waan sameyn doonaa.”

Sannadkii la soo dhaafay bishii Diseembar 2025, bayaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in la xiray 12 qof oo ajaanib ah oo ay ku jiraan 5 qof oo Soomaali ah, isla markaana ay ku wareejiyeen Laanta Socdaalka ee ICE oo haatan xabsi ku haysa. Howlgalkaan ayaa ka dhacay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, tallaabadan ayaa waxa uu si toos ah u billowday 1-dii Diseembar 2025, waxaa socda howlgallo kale oo weli lagu raadjoogo dad kale sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga gudaha Mareykanka.

Donald Trump ayaa sheegay inuu si degdeg ah u baabi’inayo shuruudda Soomaalida sharciga aan haysan ee Mareykanka si darbi ka bood ah u soo galay ee Temporary Protected Status (TPS), isla markaana uu sheegay inuu si gaar ah loo tarxiilo doona dadka ku nool gobolka Minnesota. “Kooxo burcad Soomaali ah ayaa argagax ku haya dadka gobolkaas weyn, waxaana la la’yahay balaayiin doollar,” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay barta Truth Social xilli dambe oo xalay ah, isagoon bixin faahfaahin dheeraad ah ama caddeymo muuqata.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Ganacsiga & Dhaqaalaha5 hours ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika5 hours ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya8 hours ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga8 hours ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya9 hours ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya10 hours ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda1 day ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga1 day ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga1 day ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga2 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda2 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya3 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga3 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika3 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga3 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay doon ay saarnayeen toddobo ajaanib ah

Ameerika3 days ago

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Itoobiya3 days ago

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha Mekelle

Soomaaliya3 days ago

UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta

Yurub3 days ago

Booliiska Jarmalka oo markale gacanta ku dhigay kiiska Soomaali Mindi isku dishay

Soomaaliya4 days ago

Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dawladnimada

Arrimaha Amniga4 days ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo wajahaya caqabado kahor doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

Arrimaha Amniga4 days ago

Hay’adda ICRC: “148 qof ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Baydhabo”

Afrika4 days ago

Khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxay dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaali Galbeed5 days ago

Waa kuma Mustafe Cagjar, Maxay ka dhigan tahay dib u doorashadiisa hoggaanka sarre ee Dowlad Deegaanka Soomaalida?

Arrimaha Amniga5 days ago

Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay dhimashada shaqaale Markab shidaal oo lagu soo furtay xeebaha Soomaaliya

Itoobiya6 days ago

Ciidanka Itoobiya oo la sheegay inay 150km ugu dhaqaaqeen gudaha gobolka Tigray

Doorashada6 days ago

Galmudug iyo Hirshabeelle oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha iyo mida Barlamaanka

Arrimaha Amniga6 days ago

Puntland oo sheegtay in Burcad badeeddu ay dishay shan shaqaale oo ajaaniib ah

Arrimaha Amniga6 days ago

Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama

Diblomaasiyadda7 days ago

Waa maxay ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Itoobiya?

Arrimaha Amniga1 week ago

Xukuumadda Somaliland oo diiday shir bahda saxaafadda Somaliland uga furmaya Boorama

Soomaaliya1 week ago

Puntland oo laba sano xabsi ah ku xukuntay nin lagu eedeeyay inuu Daacish ka iibiyay Ari

Arrimaha Amniga1 week ago

OCHA: “Colaadda Baydhabo waxay sii kordhisay khatarta bani’aadanimo ee shacabka”

Arrimaha Amniga1 week ago

Falanqeyn Amni: Siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo saameynta ay ku yeelatay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Arrimaha Amniga1 week ago

Qaar kamid ah Burcad baddeedii lagu qabtay Markabka SIBU 1 oo ka baxsaday gaari lagu waday

Ganacsiga & Dhaqaalaha1 week ago

Dowladda Soomaaliya oo QM u sheegtay in dakhliga kastamku hoos u dhacay 40% boqolkiiba

Xul

Diblomaasi.com