Qoyska & Horumarinta Bulshada
Sirta Qoyska Wanaagsan Qeebtii 2aad

Aqristayaal waxaan horey oga sohadalnay waxyaaabaha keena guusha qoyska wanaagsan, amaba sirta qoyska wanaagsan. Waxyaabaha aan horey oga sohadalnay waxaa ka mid ahaa: in layareeyo hadalka kiisa aan wanagsaneen, runta iyo daacadnimada, baahida sariirta iyo isticmalka hadalka naxriista leh. Waxaa sidokale halkan idinkugu sogudbineynaa maanta qodobo kale oo aad muhiim ugu ah jiritaanka qoyska, islamarkaana dhameestiraya guusha qooyska wanaagsan. Waxaa ka mid ah:
– Guurka waa sir ee ilaasho. Waa maxey guurka waa sir macnaheeda ileen guurkani wuxuu ahaa mid lawada ogaa waqti badana soqaatay ugu danbeeentiina noqday guur lawada ogyahay, farxad iyo damaashaad badanna loosameyey. Micnaha aan ulajeeda waxey tahay nolasha goyskiina iyo waxyaabaha ka dhaca guriga waxey idintahay sir aan loobaahneen inay dhaafin ilbaabka guriga, sida inayna gaarin saaxiibadiina, qoyskiina iyo asxaabtiina waayo nolasha qoyskiina maquseyso dadka kale.
Tusaale arin ayaad kawada hadasheen ha ahaato mid mustaqbal, ama mid markas taagneed sida dhaqaalaha guriga iyo biilalka, ama khilaaf idin dhaxmaray. Waxaad ogataa waxyaabaha ugu ween oo bur-burka ukeena qoysaska inay tahay sirta qooyska oo gaarta qof sedaxaad. Iska ilaali waxyaabaha ninkaaga kuu sheegay ama xaaskaaga inaad lawadaagto qofkale, adigoo u arkaayo qofkasi inuu yahay saaxiib kuu dhow.
– Wada fariista oo ka wada hadla maalintiina siday ku dhamaatay. Arintani ma`a han mid ay bulshadeena u badantahay, se waa qodob aad muhiim u ah. Subixii ayaa lawada kacay, qofwalba wuxuu aaday nolol maalmeedkiisa caadiga ah sida shaqa, waxbarasha, ama qof ayaaba guriga ku haray. Waxaa lagayabaa sidokale caruur in lodirey dugsiga ama skuulka, Kadib waa lasoo wada noqday. Ogow nolasha kalabar waxaa lagu soqaatay banaanka, waa muhiim inaad wada fariisataan oo weydiiso lamaanahaagi wixii u qabsamay maalinta, ma wax caqabad ah ayuu lasokulmay. Haday jiraan waxyaaba dhibku ahaa nolashiisa maalintaas isku day inaad baabi`iso dhibtaas. Adigoo adeegsanaayo hadala naxriista leh islamarkaana u damqanaayo. Waxaase wax ka tustaa dhanka wanaagsan sida inuu cafiimad qaba taas ay tahay mahad Alle s.w.t u sognaatay ayna jiraan dad xanuunsan oo heysan fursad ay ku fikiraan. Tankale u sheeg aduunka inuusan aheen jano ay macquul tahay in waxwaba lagala kulmi karo adigana aad tahay garabkiisa. Tankale caruurta lafariista ee weydiiya dhanka skuulka waxay soo sameyen iyo wixii lososheegey idinkoo adeegsanaayo luuqada caruurta, taasi oo kuu sahleysa waxwalba inay kuu shegaan. F.G xiliga aad wada hadleysaan ma`ahan xili ladaalanyahay oo shaqada laga imaaday ee waa inay ahata xili jawi degan lagu jiro.
– Farxada iyo dhoola cadeynta. Farxad waxey wanaajisaa dareenka labada isqaba, waxey ku wada noladaan nolol wanaagsan oo leh dareen macno leh iyo qancin qoto dheer leh. Hadaba qoyska wanaagsan siduu ku helikaraa farxadaasi? Farxada waxaa lagu hilikaraa siyaabo kale duwan. Marka hore raali gelinta Alle s.w.t, iscaawinta shaqada guriga, nadaafada sida tan guriga, tan caruurta taadi iyo tiisi intaba. Inaad wax isku hadiyeysaan waxey kentaa sidokale Waayo xadiiska Rasuulka s.c.w ayaaba wuxuu ahaa “تهادوا تحابوا” micnaheedi tahay wax isku hadiyeeya waad isku jeclaaneysan. Marka waxaa hubaal ah markuu qof waxkusiya amaba kuu hadiyadeeya inay keeneysa farxad. Sidokale waa muhiim mararka qaar inaad banaanka aadiin oo aad waqti soqadataan kaduwan kan guriga.
Ugu dabeyntii barnaamijkeeni qoralka ahaa ee sirta qoyska waxan kuso gebagebeynayaa labo dardaaran ku socota labada isqaba midna gabdhaha midna wiilasha.
Marka hore gabadha. Gabar waxad ogataa inaad tahay tiirka dhaxe ee guriga in badanoo adiga wax wanaajisaa in badanoo guriga dhisnadaa, marka ku dadaal inaad marwalba dhanka wanaagsan wax kafiirisid. Tankale wiilasha waxaa ogaatiin Alle inuu idinsiyey awood taasoo ah masuuliyada reerka. Waxaad awodiin reerka inaad kala dirtaan mise isku heysaan ha`uisticmaalina awoodaas siqaldan. Waxadna ogaatiin marwalba furiinka inuusan ahayn xalka kowaad misene kan labaad ee kudadaal reerka inuu dhisnaado dulqaad badan ulahow xaaskaga, caruurtada iyo nolasha qoyskaga, waayo Alle ayaa masuul kaaga dhigay, hadayicin masuuliyadaasi.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Faa’iida darada ay leedahay isticmaalka baraha bulshada
Waxay isku dayaan inay caanimo ka helaan iyagoo aan istusin waxyaalaha ceebta leh ee ay sameenayaan saaxiibadood. Waxaas oo dhan waxaa loo sameeyaa oo kaliya in la iska dhigo in ay yihiin kuwo aad u xoog badan oo aan cabsi lahayn, taas oo dhammaadka, u horseedaysa xaaladda aadka u xun ee la arkay.

Sidda aan aragno dhalinyarada waxay aad u jecel yihiin isticmaalka baraha bulsheed ee kala duwan, waxay u maleynayaan inay kuwani yihiin isha runta ah ee raaxaysiga iyo raaxada nolosha. Had iyo jeer waxay isha ku hayaan waxa suuqa ku cusub. Sidaa darteed, waxaa la arkayaa waxbarasho la’aan haysata dhallinta taasoo lafteedu u horseedi karto arrin nasiib darro ah.
Dhalinyaradeenu waxay noqdeen kuwo ku caajisay waxbarashada sababtoo ah isticmaalka joogtada ah ee ay u isticmaalaan baraha bulshada. Tani shaki kuma jiro, in sidoo kale ay tahay guuldarro waalidiinteena iyo macalimiinteena kuwaas oo aan u jeedin karin dareenkooda isticmaalka warbaahinta bulshada.
Tani waxay sarre u qaadeysaa in uu bato jahliga, ayaddoo mararka qaar keeni karto in bulshadu ay ku kacdo fal aad u xun ka dibna uu si caadi ka noqdo.
Baraha qaar waa kuwa qatar ku ah nolosheena waxaana ugubdaran qeybta lagu gudbiyo muuqaalada gaagaaban ee la iska soo duubo. Dadka intooda badan uma arkaan qatar balse waxaa jirto in dhaqan ahaan aysan inoo wanaagsaneen.
Faa’iida darada.
Baraha bulshada waxaa ku jiro wax badan oo dhibaato ah hadana ma jirto siyaabo fudud oo lagu xalin karo, balse waxaan jirto in qofka hadduu doono uu iska yaraan karo ilaa xad uu ilaabo. Talaabani waxay imaan kartaa markii ay sare kacdo xiisaha qofka uu u qabo in uu waqti badan galiyo baraha bulshada asaga oo rabo waqtigiisa inuu galiyo .
Jiilkeena cusub waxa uu noqonayaan kuwa aan cabsi lahayn, taasi waa calaamada ugu naxdinta badan. Waxay wax u qabtaan si ayaga u gaar ah mana dhegaystaan waalidkood sababtoo ah waxay raadinayaan doorarka kala duwan ee lagu soo bandhigo filimada iyo riwaayadaha.
Aflaanta iyo baraha bulshadu ku xidhiidho waxay xumeeyeen hab-dhaqanka dhallinyaradeenna. Waxay sameeyaan waxyaabo cabsi leh iyagoo adeegsanaya magacyo xiiso galinaayo.
Waxay isku dayaan inay caanimo ka helaan iyagoo aan tusin waxyaalahan ceebta leh ay sameenayaan saaxiibadood. Waxaas oo dhan waxaa loo sameeyaa oo kaliya in la iska dhigo in ay yihiin kuwo aad u xoog badan oo aan cabsi lahayn, taas oo dhamaadka, u horseedaysa xaaladda aadka u xun.
Maxaa daawo u ah
Cudur walbaa oo qof ku dhaco waxa uu leeyahay dawo, taas oo haddii uu qofka joogteeyo uu ku helaayo dawo uu ku xasilo. Ugu horeen sidda aan wada naqaano baraha bulshada waa meel ay ku jiraan waxyaabo badan taasoo qofka sabab u noqon karto in maskaxdiisa ay ka gaabiso fikir-ka.
Haddii aad ku dhiban tahay isticmaalka baraha bulshada, waxaad u baahan tahay inaad iska yareyso sababtoo ah wuxuu halis ku yahay maskaxdaada.Si kastaba hanoqotee, dadka oo inta badan ku buraarugsaneen ayaa keentay inay nolosha ka dhacaan misna ay ku hayamaan nolol qayaali ah.
Si aad u yareyso isticmaalka joogtada ah ee baraha bulshada waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr siyaabood aad kaga tagi karto sidda ugu dhaqsiyaha badan.
1. Marka hore muhiimada saar waxa muhiimka kuu ah ee aad ugu baahan tahay baraha bulshada.
Waxaan ula jeedaa haddii ay jiraan saaxiibo, qoys iyo waxbarashada casriga ah, Waxaana kuu haboon inaad kala soocdo saaxibada aad ku leedahay baraha kale duwan ay bulshada ku xiriirto.
Siddoo kale waxay kaa caawinaysaa inaad yeelato waqti aad soo galayso adigoo hadaf kaaga yahay inaad wax baarto ama aad wax ogaato.
Xakameey waqtigaada una badal inaad wax aqriska badiso, sababtoo ah waxaad dareemaysaa in maskaxdaada ay si dagan u shaqeyneeso.
2. Isticmaal bar gaar kuu ah, inkastoo aysan jirin wax gaar aad u leedahay haddana waxaa jiro meelo qaas ah aad qofka ku kulmi kartaan siddaa darteed marna suurta gal ma ahan in waqti badan kaaga baxo.
Haddii aad sameyso muddo hal toddobaad ah waxaad dareemeysaa in uu kaa haray culeys badan, balse waxaa haboon inaad adigana tijaabiso si aad ugu dawoodo cudurka baraha bulshada.
In badan oo bulshada ka mid ah ayaa sameyso ama daabacdo warbixo la xiriira aqoon kororsi, Warar iyo wax waliba oo la xiriira nolosheena, haddaba adiga keebaad u baahan tahay inaad xogg ka ogaato ama aad wax ka barto si aad ugu dayato. Tani waxay u badan tahay inay shaki keento balse waxaa muhiim ah inaad adiga doorato barta kuugu muhiimsan ee kuu ifin karta xagga wanaagasan.
Markastaa ku dayo qofka hagaagsan ee bulshada u soo gaarsiiya waxa san ama hagaagsan kaas ayaa maskaxdaada kobcin kara.
Gunaanud
Waxaan ku soo gaba gabeynayaa dadkeyga oo inta badan aan jecleyn wax aqriska, inay ka feejignaadaan baraha qaar waayo asal waxaa lagu sameeyay ama soo saaridiisa qeyb weyn ka qaadato maado loo yaqaano (Algorithm). Maadadani waxay wax yeelaysaa maskaxda qofka sababtuna waxay tahay inay u shaqeyso sidda maskaxda oo kale.
Maadadani loo yaqaano Algorithm, waxaan ka sameen doonaa maqaal kale haddii uu rabi ogaado. waxaa kaloo jirto in maadadani ay ku qatonto dareenka masakxda kaasoo loo yaqaano Dopamine, balse dadka intooda badan waxba ka yaqaaniin.
Haddii aad ka heshay maqaalada nuucaan oo kale ah waxaan kaa codsanaa inaad la wadaagto bulshada inteeda kale mahadsanidiin.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Baro sidda aad nolosha wax kaga badali lahayd
Wax akhrintu marka laga hadlaayo waa wax dad badan ay dhibaato ku hayso, haddana waa wax u fiican maskaxda qofka bani’aadamka, sababtoo ah haddii aysan korin maskaxdaada hubaal waxaa ah inaad wax badan nolosha ay kugu adkaato inaad fahanto sababaha horumarka kuu diidan.

Dadka iskood isu xilqaamay ayaa noloshooda gacanta ku haaya iyaga oo dejinaya yoolal iyo tallaabooyin la qaadi karo si ay u gaaraan. Kaliya maaha inay fahmaan sida wax loo qabto, laakiin sidoo kale waxay ku kalsoon yihiin, diiradda saaraan, iyo inay ku qanacsan yihiin qaadashada go’aannada iyaga ku hagaya xagga mustaqbalkooda.
Haddii kalsoonidaada naftaadu ay gariirto ama aad ku kalsoon tahay awooddaada inaad ku gaadho hamigaaga, waxaad qaadi kartaa dhawr tillaabo si aad ugu noolaato nolol awood leh.
Awood-siinta nafta macnaheedu waa qaadashada go’aan miyir-qab ah si aad u maamusho aayahaaga. Tani waxay ku lug leedahay samaynta doorashooyin wanaagsan, qaadida tallaabo aad hore u marinayso iyo inaad ku kalsoonaato awooddaada si aad go’aamo wanaagsan u samayso. Dadka iskood isku waxa isugu tara ama awood geliya waxay fahmaan meelaha ay ku wanaagsan yihiin iyo meelaha ay ku liitaan waxayna ku dhiiradaan inay wax bartaan oo ay gaaraan hadafkooda.
Sidoo kale waxaa jiro qoraalo badan oo laga sameeyay sidda uu qofka u noqon karo qof naftiisa hagaajiya noloshana guul ka gaara sababtuna waxay tahay in ay dadka qaarkood ay rabaan in ay noloshooda wax ka badalaan siddaa darteed ay baadi goob ugu jiraan waxyaabaha u fududeyn kara.
Qoraalkan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr waxyaabood oo qofka naftiisa u horseedi kara in uu wax kaga badalo, siddo kalena waxaan xooga ku saari doonaa isbedelka ugu fiican ee la sameeyo. Haddaba inta aanan u guda galin qodobada soo socda, ugu horeyn waxaan ku bilaabi doonaa isbedelka maskaxda iyo sidda ugu wanaagsan ee loo sameeyo isbedel guud.
Isbedelku waa shay dadka intooda badan ay ku kala aragti duwan yihiin sababtuna waxay tahay in qof walba uu rabo in uu shay ka sameeyo isbeddel, balse waxa ugu muhiimsan ee isbeddel laga sameeyo ayaa ah maskaxda qofka.
In qofka uu maskaxda isbedel iyo horumar ka sameeyo mararka qaar waa wax adag haddana waa ay fududahay, laakiinse waxaa laga inay kugu so dhacaan waxyaabo badan badan balse waxaan kusoo gudbin donaa halkan haddii uu rabi ogalaado.
Siddee isbaddal loogu sameeyaa maskaxda?
Ugu horeyn qofka waxaa uu la korayaa waxa uu maskaxdiisa uu ku hayo, haddan markii wuu weynaado waxa uu gurtaa waxa uu maanka ku haystay taasina waxay keentaa in qofka uu san sameyn Karin isbedel dhab ah.
Sidda aad u fakarayso waxaa laga yaabaa in aysan ahayn ba haddana waxaa nasiib xummo ah inaad maanka ku haysato inaad ku noolaan doonto nolol faqiir ah!!! Nolosha waa ay wajiyo badan tahay haddana waxay kugu qaabileysaa mararka qaar qaraar balse waa sidda aad u arakto.
Maxaa dumiya maskaxda?
Masaxkaxda qofka waa xumin-ka ugu muhiimsan jirka bani’aadamka haddana waa meesha ay ku qotamaan dhamaan dareemayaasha jirkeena, waa kuwaa ka qeyb qaataa dhalashadeedana ilaa iyo dhimashadeena. Inta badan dadyowga hadda jira waa kuwa la il daran cuduro badan oo ku dhaca, balse waxaa aad u yar cid fahantaa sidda loo hello karo dabadiisa. Si kastaba hanoqotee waxyaabaha dumiya maskaxda waxaa ka mid ah dhafarka, dhageysiga heesaha, isicmaal-ka baraha bulshada iyo daawashada muuqaalada xun xun.
Dabcan way jiraan waxyaabo kale oo dumiya maskaxda balse kuwani waa kuwa ugu caansan ay dadka badan kooda ka horumari la’yihiin.
Dhafarka: waa wax aad halis u ah marka loo eego caafimaad ahaan iyo qaabdhismeedka qofka haddana waa waxa ay dadka intooda badan ay raadinayaan sidda uu kaga tagi lahaa dhafarka, balse mid xasuusnoow jirkaa markii uu hello nasiimo wanaagsan ayuu noqon karaa mid ku fir-fircoon qabashada dhamaan shaqooyinka.
Dhageysiga heesaha: inta badan dadka intooda badan waxay dhageytaan heesaha ilaa iyo inyar mooyee oo fahamtay dhibaatada uu qofka u leeyahay, markii loo eego shay ay xarimtay Diinta Islaamka balse dadka waa kuwa intooda badan ka dhigteen caado.
Heesaha waxa ay moobeeyaan qalbiga waxa ayna qofka ku ridaan walwal iyo cabsi sabatuna waxay tahay in qofka uu siiyay dareen aad u qoto-dheer sidda darteedna ma fahansana dhibta ay u leedahay naftiisa.
Dadka qaar ayaad moodaa inay rabaan inay ku iloobaan xanuunka nololsha siddaa darteedna maanta oo dhan ayuu qofka inta uu dhago xirto dhageysanaa Subxana Allah!
Daawashada muuqaalada xun-xun: waa dhibaato aad u daran waayo qofka markii uu badiyo waxyaabaha nuucaan oo kale waa qof wuxuu kala kulmaa cuduro halis ah, sababtuna waxay tahay in qofka uu koontarooli waayo waxyaabaha qaar.
Intaa kuma aysan harin dhibaatooyinka balse waxaa hoos u dhaca fikir qofka uu ka fakaraayo noloshiisa iyo sidda u danbeyn doonto, tani qofka waxa ay ku bilaabaneysaa asaga oon dareemin balse joojinteeda waxay ku noqon doontaa wax uusan kari Karin.
Walaal sabab ha noqonin duminta naftaada ee sabab u noqo inaad naftaada sare u qaado. Isticmaalka baraha bulshada marka laga hadlayo waa wax aad u balaaran khatartiisa balse waxaan kasoo diyaarin doonaa cinwaan kale.
Maxaa horumariya maskaxda?
Waxaa jira waxyaabo badan oo qofka horumarin kara maskaxdiisa balse waxaa jira seddex qoddob sabab u noqda koritaanka maskaxda.
- Wax aqri: waa waxa ugu muhiimsan nolosha aadmiga waan laga maarmaan in qofka uu wax aqriyo siddoo kale uu ku daro in uu wax badan qori karo.
Wax aqrintu marka laga hadlaayo waa waxa dad badan ay dhibaato ku heyso haddana waa wax u fiican maskaxda qof-ka, sababtoo ah haddii aysan korin maskaxdaada hubaal waxaad u baahan tahay inaad korido masaxkaxdaada kuna korido wax aqriska.
2. Dhaqan ka wanaagsan: dhaqunku waa waxa ay bulsho walbo ay ku faanto kana dhiga inay yihiin dad jira waayo dhaqanka aad u siddo bulshada ayay kugu ixtiraamayaan.
3. Wax is bar kaligaa: inaa wax is barto way haboon tahay weliba kaligaa sababtuna waxay tahay maxaa kuu kordhaayo xirfado cusub oo aad ku barbaarin karto noloshaada haddii aad joogteyso.
Gunnaanud, waxaan ku gunaanudayaa dadkeyga oo inta badan aanan jacleyn qoraalka darteed in ay habboon tahay in qof welibaa uu masuul iska saaro siddii uu u badali lahaa maskaxdiisa.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?
Haddii wax la bartay maxaa la soo kordhiyay?

Sannad kasta, waxa jaamacadaha waddanka ka baxa oo ka qalin jabiya arday tiro badan oo kumanaan ah, waxa ayna ka soo kala baxaan jaamacado kala duwan, iyaga oo soo kala barta culuum kala duwan. Waa horumar aqooneed iyo ilbaxnimo loo baahanyahay, waana wax Illaahay loogu mahadnaqo, waxaase aynu wada dareen sannahay qof kasta oo innaga mid ahna agtiisa wax caadiya ka ah in ardaydaasi ay soo baxaan oo bulshada soo dhex galaan tiiyoo (intooda badan) uu ku soo xisaabtamayo sidduu uga hawlgali lahaa shirkad, xafiis dawladeed, dugsi, warshad, cusbitaal ama meherad ganacsi oo hawsheeda shaqo hore u soo socotay oo shaqaynaysay.
Taas ayaa ah ta aniga iyo dad badan oo ila mid ah maskaxdoodu isu waydiiso su’aasha ah: ”Maxaa sababay in 5,000 oo arday oo midkasta oo ka mid ahi uu buug iyo qalin is dul hayay muddo dhan 16 sannadood iyo wax ka badan laga waayo hal qof oo layimaadda HINDISE IYO HAL-ABUUR cusub oo uu dunida ama ugu yaraan waddankiisa ku soo kordhiyo?”
Bal eeg, waxa uu ka soo baxay kulliyadda caafimaadka, haddana galab qudha isma uu waydiin ”Sideebaa geedka mirimiriga loogu addeegsan karaa daawo lagula dagaallamo, lagaga hortago ama lagu daweeyo xanuunka malaariyada si cilmiyaysan?”
Waxa uu kasoo qalin-jabiyay takhasusna ku qaatay Cilmiga XANNAANADA XOOLAHA, haddana iskuma uu dayin inuu hindiso hab cusub oo lagula dagaallami karo shillinta iyo gafanaha xoolaheenna waxyeelleeya marmarka qaarna caqabad ku noqda in xooleheennu u dhoofaan caalamka?
Waxa uu ka soo baxay ama soo bartay culuumta teknolojiyada ee IT-ga walina kumuu fakerin inuu awood u leeyahay inuu samayn karo dunidana kusoo kordhin karo inuu sameeyo CHARGER wireless ah! Arday kale ayaa isagu waxa uu soo bartay DARAASAADKA ISLAAMKA AMA SHAREECADA iskumana uu dayin bal inuu kutub qoro oo soo kordhiyaa ha joogtee uu kitaabka ARBACIINKA ku tarjumo Af Soomaali. Waxa uu kasoo baxay Kulliyadda dhaqaalaha walina muu soo bandhigin hal fikrad oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha waddanka.
Mid kale ayaa wuxuu soo dhammaystay injineering, walina ismuu waydiin su’aasha ah ”Ma jiraa design ama qaab kale oo guryo looga dhisan karo qabcadaha guryaha dusha laga saaro ( jiingadaha )?”.
Waa run in culuumta iyo kulliyadaha jaamacaddu intan aan xusay oo kaliya ahayn, balse intan waxa aan u soo qaadannay kaliya tusaale ahaan.
Ardayow ma aha in aad bulshada ku soo noqoto adiga oo la koodhaadhaya afartii LECTURE ee barafoysarka jaamacaddu uu kugu soo shubay oo kaliya, adigu ka shaqaysii maskaxda oo noqo aqoonyahan bulshada u soo kordhay oo lasoo kordhay aragtiyo cusub oo wax ku ool ah oo bulshada u horseedi kara inay saymayso horumar diimeed, dhaqaale, siyaasadeed iyo horumar kasta oo kale oo dan u ah ummadda ifkeeda iyo aakhiradeedaba.
Ugu danbayn, waxa meesha ku jirta in dood ama cilmibaadhis laga sameeyo waydiimahan soo socda: Maxaa keenay wax hindisid la’aanta aqoonyahankeenna?, Ma waxa aynaan lahayn maskaxdii wax ikhtiraaci lahayd (subxaanalaah) mise waynaan gaadhin goortii wax-soo-kordhinta, oo wali aqoonbaa inoo dhiman? Ma jaamacadaha waddanka ayaanay ool aqoon ardayga maskaxdiisa gayaysiisa inuu wax cusub allifo (oo kuwa debedda inooga yimaaddaaba af qudha ayay lasoo noqdaane!!) Malla furi karaa se kulliyad sidata magac ah: WAX CUSUB SOO KORDHI!?, mise waxa innaga dhaadhacsan in waqtigan aynu joogno ay dhamaadeen wax la hindisaaba (ikhtiraac) oo hore loo wada dhammeeyay?
Waxa aynu u baahannahay in dib loogu noqdo sid ay waxbarashadeenna sare (jaamacaduhu) u socoto in daraasaad laga sameeyo jawaabaha waydiimahan sare.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Waxaa jira 3 xeerar oo fududd oo aad raaci karto si’aad u guulaysato
“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney

Guushu waa fikrad kala duwan qofkastana wuxuu u arkaa si ka duwan qofka kale. Haddii ay la macno tahay in aad leedahay xirfad aad u wanaagsan, guri ama qoys, guushu waa wax uu qof kastaa ku dadaalo in uu gaaro. Waxay kaa dhigaysaa inaad dareento geesinimo, waxay ku siinaysaa raynrayn, waxayna ku siinaysaa inaad ogaato inaad saamayn ku yeelatay adduunkan tartanka adag leh.
Guushu maaha shay aad gaartay adigoon dadaal gelin, si kastaba ha ahaatee. Waa maskax ay tahay in aad qaadato si aad himiladaada u fuliso oo aad u korto qof ahaan, waxayna u baahan tahay shaqo adag. Maqaalkan, waxaanu ku sharaxaynaa waxa ay la macno tahay in lagu guuleysto oo aan ka wada hadalno talooyin kaa caawin doona safarkaaga guusha.
“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney
Waa maxay guushu sideese aad ku gaari kartaa?
Qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku hamminayaa sidii uu u gaari lahaa guul wax ku ool ah. Qof kasta riyadiisa ayaa ah inuu nolosha ku guuleysto. Laakiin, qaar badan uma rumoobaan riyooyinkooda. Waxaa jira farqi udhaxeeya “Waxaan rabaa inaan noqdo dhaqtar” iyo “hamigeygu waa inaan noqdo dhaqtar waana dadaalayaa si aan dhaqtar u noqdo.”
Qofna ma rabo in loogu yeero ama loo arko inuu yahay mid fashilmay ama guuldareystay. Si kasta oo ay u adag tahay una xanuun badan tahay, waxaan wada qiran karnaa inaan ku guuldaraysanay nolosheena qeybo kamid ah.
Laakiin qof walba waxaa haysta hammi iyo wax ku weyn maskaxdiisa/maskaxdeeda, balse dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sheyga maskaxdooda ka guuxa wakhti intee la’eg ayey u baahan yihiin inay ku qaadato, maxaa yeelay waxwalbaa wuxuu qaataa waqti, wixii waqti qaata oo kaliya ayaa la ogaan karaa guushiisa inta ay la’eg tahay.
“Guushu maaha furaha farxadda. Farxaddu waa furaha guusha. Haddii aad jeceshahay waxa aad samaynayso, waad guulaysan doontaa.” – Albert Schweitzer
Fikradda guushu way ku kala duwanaan kartaa qof ilaa qof laakiin qof kastaa waxa uu haminayaa in uu ku guulaysto sida ugu wanaagsan ee kartadiisa ah. Waa lama huraan in aad taqaano waxa aad nolosha ka rabto iyo waxa aad u aragto guul.
Ma mari kartid waddo aan toos ahayn adoo raadinaya nolol guulaysata, adiga oo aan go’aamin jidkaaga ama hadafkaaga. Waqti qaado oo raadi waxa aad u taqaano guul. Ka fakar oo xooga saar tamartaada.
Fahan marka hore, ka dibna go’aami waxa aad ka rabto nolosha. Ma waxaad hiigsanaysaa guul shakhsi ama mid xirfadeed mise way isku xiran yihiin? Aqoonso waxyaalaha nolosha kaa farxiya. Markaad bilowdo inaad si togan u fikirto waxaad ku socotaa wadadii saxda ahayd.
Inaad dedaasho waa waajib kaa saaran naftaafa. Waa xaqiiqa jirta cidna kama sugaysid midaas. Waana waddooyinka kali ee aad ku xaqiijin karto inaad tahay qof jira oo nool oo waliba naf ay ku jirto. Guusha waxay leedahay sharciyo la maro, mid kamid ah sharciyada ugu muhiimsan waxaa kamid ah inaad aaminsan tahay inaad guulaysan karto.
Waxaa jirta xikmad uu yiri qoraagii reer Gariiga ahaa Nikos Kazantzakis, “Si aynnu u guulaysanno ugu horrayn waa in aynnu aaminnaa in aynu guulaysan karno.”
- Noqo qof hadaf ka leh nolosha
Marka horeba u door mustaqbalkaaga waxa aad jeceshahay inaad noqoto. Hadafka ayaa muhiim u ah noloshaada, waa jihada naftaada. Inaad noqoto qof hadaf leh waxay ka dhigan tahay qof og muhiimada ay u leedahay noloshiisa, oo macnahiisu yahay waad garanaysaa meesha aad u socoto, taasina waxay ku siinaysaa xamaasad, dhiirigelin, tamar badan iyo sababta aad usoo kacayso subaxdii. Waxaad noqonaysaa qof nool. Qodobkaan waxa aan aad ugu dheeraaday buugga 5-ta Tiir ee Guusha.
Himilada nololeed waxay noqon kartaa wax kasta oo ka mid ah guursashada, iibsashada guri, bilaabista ganacsi, caruur iwm. Wax kasta oo ay noqon karaan, waxaa muhiim ah inaad yeelato yoolal nololeed oo aad ogaato waxaad ka damacsan tahay nolosha.
2. Ku dadaal hadafka noloshaada
Weligaa ha khiyaanayn naftaada – guushu waxay ku timaadaa shaqo adag inaad la timaado. Waxaadna ogaan kartaa inkasta oo aad samaynayso dhammaan culeysyada ku horyaallo, waxaa jirta qanacsanaanta aad ku qanacsan tahay shaqadaada. Laakiin xasuusnoow inaad u baahan tahay inaad ku tiirsanaato dad adiga oo kale oo nolosha ujeedo iyo hadaf ka leh, iskana hubi dadka adiga kugu hareersan inay yihiin kuwa aad isla jaan-qaadi kartaan.
Inaad dedaasho oo kali lagaagama baahno waxaad kaloo u baahan tahay inaad taqaano halka aad u socoto iyo goorta aad rabto inaad gaarto.
Dr. Tony Campolo ayaa sheegay daraasad laga sameeyay 50 qof oo da’dooda kor u dhaaftay 90 sano oo rag iyo dumarba leh ayna sameeyeen aqoonyahanno cilmiga bulshada. Wuxuu sheegay in waayeel kaas la weydiiyay “Haddii noloshaada dib loo celin lahaa, maxaad ka beddeli lahayd?” su’aashaas waxay ahayd su’aal furan oo jawaabaheedu kala duwanaan karaan. Haseyeeshee, jawaabaha waayeelku ka bixiyeen waxay noqdeen kuwa isku mid ah waxayna ku jawaabeen:
- Waan fekeri lahaa oo hadba xaaladyda qiimayn ku samayn lahaa.
- Siddii horre si ka badan ayaan khatar ugu bareeri lahaa. Waxaan ifka kaga tegi lahaa wax iga dambeeya.
Waayeelkaas waxay dhammaan ka shalaayeen in sida ay u fekeraayeen yaraantoodii aysan ahayd mid u hagtay dhanka himilooyin ay lahaayeen iyo in feker la’aantoodu ay gayaysiisay in aysan gaarin hadafkooddii. Waxay isku raaceen in ’waa fekeri lahaa! Macnaheedu yahay ”tallaabo kasta oo aan qaadayo waxaan ka dhigi lahaa mid ii jihaysa waxyaabaha noloshayda macnaha u sameeya intii aan siddii bilaa macno daro u socon lahaa”
Halkaas, waxaanu ka baran karnaa in qofka inta ay goor tahay maskaxdiisa si fiican ugu shaqeysiiyo. Siddoo kale waxaan kaloo arki karnaa in qof walbi nolosha uu noolyahay aysan ka fogayn sidda uu u fekeraayo.
3. Diirada saar hawlaha ku horyaallo oo kali
Waxaad u baahan tahay inaad yeelato feejignaan dheeraad ah haddii kale waxaa ku mashquulin doona cida adiga kugu heeraarsan sida asxaabtaada iyo hawlo kale oo hadafkaaga dib-u-dhac u keeni kara. Maalin kasta, qorshahaaga hakuu diyaarsanaado. Hana ku mashquulin hawlo aan faa’ido kuu lahayn.
Waxaa laga yaabaa inaysan jirin isku-dhaf qumman oo hadafyada nolosha ah laakiin waxaan kuu sheegayaa waxwalbo oo aad qabanayso seddaxdaas ayaa u ah laf dhabar. Inaad hadaf yeelato, kuna dedaasho hadafkaaga iyo inaad diirada saarto hawlaha ku horyaallo oo adiga hadafkaaga ku gaarsiin kara. Boqolkiiba 2% oo kali ayaa dadka shaqeyn kara iyada oo aan kormeer lagu hayn. Dadkaas waxaa la yiraahdaa ”Hoggaamiye.” waa nooca shaqsiyadeed ee lagaaga baahnaa inaad noqoto, waadna noqon kartaa haddii aad go’aansato.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Faa’iidada ay leedahay aqlaaqda wanaagsan
Ummada walbaa oo dumeyso waxay ku dayataa Ummada kale waxaan meesha ka baxo qiimaha qofka, balse Soomaalida ayaa maanta kusoo kordhay nidaam khatar ku ah bulshada Soomaaliyeed kasoo laga keenay dalka dibadiisa ayna qeyb ka tahay ilxaadka heysta Ummada.

Ugu horeyn aqlaaqda wanaagsan waa waxa ugu muhiimsan noole kasta si uu ula dhaqmo dhaqan wanaagsan bulshooyinka kale, balse waxaad u baahantahay in aad la timaado aqlaaq iyo dhaqan wanaagsan ay bulshada kugu jeclaato.
Aqlaaqda wanaagsan qeyb ka mid ah abuur ama fidro uu rabi siiyay addoomadiisa balse in lasii kardhiyo waxay u baahantahay inaan barato dhaqanka wanaagsan kaasoo sare u qaadaya siddii aad bulshada kula dhaqmi laheyd dhaqan wanaagsan.
Qofka aqlaaqda wanaagsan waa qof ay jecel yihiin bulshooyinka kale sababtoo ah wuxuu bulshada u sidaa dhaqan wanaagsan oo u horseedi kara horumar, haddaba barnaamijkan aan ugu magac daray Jimco wanaagsan waxaan si taxane ah ugu soo qaadan doonaa Hormarinta Qoyska iyo Arimga Bulshada kaaso bixi doono kaliya maalinka Jimcaha.
Waxaan halkaan kugula wadaagi doonaa dhowr qodob aan isleeyahay waxey sahlayaan aqlaaqda wanaagsan.
- Aqlaaqda wanaagsan waa isku xirka bulshada qeybaheeda kala duwan taasoo dhalisa hab dhaqan wanaagsan ay bulshaba kaga dayato jiilba jiilka ka danbeeya.
Haddii aad bulshada ku xiran tahay aysan dhisi Karin aqlaaqdaada waxaad khatar ugu jirtaa inuu ku dhaco milan aad ku milmeyso bulshada kale taasoo sababi karta inay xumaato dhaqanka iyo aqlaaqdii wanaagsneyd ee aad laheyd.
Aqlaaqda wanaagsan ayaa lagu kala gudbiyaa goobaha waxbarshada sidda Machadyada, Iskuulada iyo Jaamacadaha balse marka loo eego bulshadeena waa bulsho leh xadaarad taasoo dhaxal siisay inay noqdaan kuwa loogu jecel yahay markii ay tagaan goobaha waxbarasho ama dalka dibadisa.
- Qofka aqlaaqda wanaagsan leh waa qof xiiseeya inuu barto dadyow kala duwan waayo waa qof aaminsan inuu sido fariin taasoo u jeedkiisa tahay in uu cid la wadaago si ay usii jirto dadnimada ay leedahy bulshada.
Diinta Islaamka an aad fahanto misna aad ku dhaqanto waxay ku dhaxal siineysaa halka ay ka taagan tahay aqlaaqda wanaagsan iyo in bulshada kula dhaqanto dhaqan wanaagsan ayna ka qurux badan tahay wax siismada.
Maalin maalmaha kamid ayaa wafdi uu hogaaminaayo nin la yiraahdo Ashaji Cabdi ayaa u yimid Rasuulka(SCW) waxuuna ugu yimid in uu u dardaarmo, wuxuuna yiri: “ii dardaaran”Rasuulka (SCW) wuxuu yiri: “ha caroonin” balse ninkii ayaa markale ku celiyay Rasuulka (SCW) wxuuna yiri: “ ii dardaaran”, balse Nabiga (SCW) ayaa ku yiri: “hacaroonin” subxaana Allah!
Bal u fiirso xadiiskan wuxuu sidoo kale qofka farayaa sabarka in uu muhiim yahay aqlaaqda suuban, majiro ruux aan caroonin markii wax la yeelo balse mahuumida ayaa ah markii waxa lagu yeelo in aadan miir beelin siddii qof waalan oo kale, tuasaale: Soomaalida waa dad sooraan ah ama aad u xanaaq badan sababtoo ah haddii reer hebel uu tiriyo hal gabay uu ku caynaayo reer hebel, reer hebelna waa in ay tiriyaan shan gabay ay ku caanayaan reer hebel balse waxaa ka qurux badan inaad u sabarto.
- Qofka aqlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan leh waa ruuxa xal u hela dhibaatooyinka heysta bulshada asagoo sawir kooban ka bixiya dhibaatada ka dhalan karta haddii aan la xalin.
Dhanka kale, waa ruuxa sameeya qoshooyin taaba gal ah amaba suurtagal ah si ay bulshada dhaqanka wanaagsan, wuxuuna diyaar u yahay inuu la yimaado aqlaaq wanaagsan.
Sidoo kale dadyow badan ayaa maqaalo ka badan ciida ka badan ka qoray aqlaaqda wanaagsan balse haddii aan soo qaato mid ka mid ah wuxuu leeyahy: “ aqlaaqda wanaagsan waa biriijka ama buundada u dhaxeyso adiga iyo guusha taasoo kuu horseedi in ay dadka ku jeclaadaan bilaa sabab”.
“ Aqlaaqda wanaagsan qeybi waa fidri ama abuur halka uu ruuxa uu gaarsiin karo heer uu ku tarbiyeeyo naftiisa aqlaaqda iyo dhaqan wanaagsan”, ayuu yiri Sheekh Mustafe Xaaji.
Maxaa ka dhalan kara haddii la waayo bulsho dhaqan iyo aqlaaq wanaagsan leh
Haddii ay dhacdo tani oo kale waxaa badanaayo taxadiyaadka ay bulshada loo geysanaayo ayadoo qiil lagaga dhigaayo in ay jiraan bulshooyin laga tari badan yahay balse arinka sida loo fasiro wey ka duwan tahay waayo waxaa la baneysanaa in badan oo kamid ah bulshada diigooda iyo xolahooda.
Waxaa dhaceyso in ay bulshada cagta saartay wadada dumista bulsho walbaa oo dumeyso waxaa calaamd u ah inay ku dayato bulshooyinka kale.
Yurub maanta waxay dooneysaa dunnida oo dhan iney nqoto (Westearn Culture) dhaqanka reer Galbeedka, ayagoo wada xuquuqul insaan iyo waxyaabo kale.
Soomaaliya waxey qeyb ka tahay dadyowga sii burburaayo aqlaaq ahaan iyo dhaqan ahaan sababtoo ah waxay bilaabeen in dayacaan reerihii ay la haayeen sidoo kale ay meesha ka baxdo xaaneynta caruurta, taasoo keentay in ay meesha ka baxdo qiimihii uu lahaa qofka Soomaaliyeed.
Ummada walbaa oo dumeyso waxay ku dayataa Ummada kale waxaan meesha ka baxo qiimaha qofka, balse Soomaalida ayaa maanta kusoo kordhay nidaam khatar ku ah bulshada Soomaaliyeed kasoo laga keenay dalka dibadiisa ayna qeyb ka tahay ilxaadka heysta Ummada.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Wax ka baro astaamaha lagu garto nolosha dadka guuleystay
Dadkan ayaa si isku mid ah u fakara ayagoo hiigsigooda uu yahay gaarsiinta dadka kale ay gaarsiiyaan cilmiga ay hayaan.

Nolosha bini’aadamka ayaa wada gaaro da’a isku mid ah halka kuwa kalena ay gaaraan ilaa iyo halkii uu Rabi cimrigooda dhigay, balse dadkan ayaa ku kala duwan qaab nololeedka ay nooloyihiin muddada ay dunnida joogaan, sidoo kale waxaa kala duwan raadadka ay dunnida kaga tagaan kaasoo ay bulshada kaga dayato hab dhaqan ahaan iyo mid aqooneedba.
Ka hadalka dadka nolosha guusha ka gaaray ayaa ah wax aan halkan lagu soo koobi Karin ayadoo ay jiraan dad badan oo raadad ma guraan ah kaga tagay aduunka taas oo mudan in lagu dayo, mise waxaan ka hadlaa raggii ugu saameynta badnaa ee soomaray Islaamka kuwaas oo guulo badan kasoo hooyiyay dagaaladii ay la galeen dadkii diidanaa diinta rabi.
Dunnida ayaa ugu horeyn ka jirta loolan adag ama siraac taaso ay ku ku loolamayaan dadyow kala duwan kuwaas oo midda midka kale raba inuu hoggaamiyaan dunnida oo dhan, balse arinkan ayaa dadbadani ay ka jiifaann loolankan dunnida ka jiro ama ay yihiin kuwa dhan kale nolosha kaga mashquulsan.
Dadkan ayaa sido kale ka mid ah bulshooyinka aan lanool nahay kuwaasoo ay kamid yihiin dadyowga Soomaaliyeed, balse arakti ahaan in ay bulshadani aysan wax badan kala socon loolan ay dunnadani wajaheyso kaasoo waqti xaadirkan la joogo.
La socodka macluumaadyaddii ugu danbeeyay iyo xoggo kale ay ka mid yihiin diyaarinta in maanta ay dunnida ka socoto in ay noqoto hal dowllad ayada oo ay soo ifbaxeen aalado kala duwan kuwaas oo laga yaabo iney badalaan sida ay maanta u shaqeyso dunnida , balse qubarada falanqeeya cilmigga deegaanka ayaa qaba in ay arinta ay suurtagal tahay isla markaana la filaayo iney soo if baxaan sannada soo socda.
Waa waxyaabo cajiib ah markii aad fiiriso kaasoo ay dadbani lagayaabo iney wax wal wal ku heyn balse si aan waxbadan ugu ogaano ayaan waxaan halkaan ku koobi doonaa dhowr siyaabood oo lagu garto dadka nolosha guusha ka gaaray isla markaana raadad kaga tagay dunnida ayna ku nool nahay.
1. Dadka nolosha ku guuleysta waxey leeyihiin sifaad ama calaamado ay kaga duwan yihiin bulshooyinka kale, balse aqristow su’aal isweydii oo dadka oo dhan ma wada guuleesan karaan? Haa, dadka oo dhani wey guuleysan karaan balse guusha ayaa qof waliba uu ka qabaa fikir gaar ah.
Balse dadka nolosha ku guuleysta waa dad marwaliba u taagan iney wax kusoo kordhiyaan halka ay ku noolyihiin ayagoo raba iney kaga tagaan raadad muuqda, balse raadkan ayaa laga yaabaa in aadan wax badan ka fahansaneyd laakiin adiga oo bulshadaada ka taga wadadii ay ku heli lahaayeen aqoon fiican misna noloshooda anfacda waxaad kaga tagtay raad fiican.
Sidoo kale dadkan iskama weyna iney bulshada kale wax u sheegaan si ay u noqdaan kuwa garaadkooda uu sii koraayo lana yimaado qorshe cad iyo hoggaan fog, tani ayaa laga yaaba iney tahay waxyaabo aad la yaabto balse nolosha dhabta ayaa ku dhisan in ay bulshada wadaagaan waxyaabha faa’iidada u leh.
2. Bulshadani ayaa sidoo kale ku tiirsan meelaha ay ka helaan daraasaadka nafsiga ayaga oo mararka qaar ka isku daya iney sameeyaan daraasaad ay ka mid tahay waxbarashada, farsamada gacanta, iyo barnaamijyo kale ay ku hormarinayaan noloshooda.
Bulshadan ayaa ah bulsho ku hormarsan dhanka aqoonta iyo farsamada gacanta ayagoo marwalabana raadiyo iney bartaan fursado kale ay noloshooda ku badalaan isla marakaan ay xaqiijiyaan hadaf yadii ay nolosha ka lahaayeen muddo ka dib, laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in bulshada ay mar walbaa fahmin bulshada kale dhanka aqoonta iyo garaadka ay leeyihiin.
3. Bulshadan waa bulsho marwalbaa ku xiran dadka kale oo ka aqoon badan si ay wax badan ugu faa’idaan ayna u noqdaan tusaale fiican, riyada qofka waxaa marwabaa dhisa qofka og halkii uu umari lahaa si uu uga dhabeeyo hanka uu nolosha ka leeyahay.
Garashada hankaaga waxey kaa caawineysaa sameysanka qorshe cad iyo qeexada hanka aad leedahay misan kuu cad yahay, balse dadbani ayaa dhibaato ka heysato dajinta qorshe cad si ay ugu dhabeeyaan qorshaha u dagan.
Sidoo kale bulshadani ayaa ah bulsho siddata sahay aqooneed ayagoo kala garanaayo meelo badan aanu weligii tagin, balse arinka ayaa u suurta galiyay iney wax badan ka barteen halkiii ay tagi lahaayeen iyo siddii ay ku tagi lahaayeen.
Dadkan ayaa si isku mid ah u fakara ayagoo hiigsigooda uu yahay gaarsiinta dadka kale ay gaarsiiyaan cilmiga ay hayaan.
4. Bulshadan ayaa ah kuwa intooda badan noqda hoggaamiye yaal kuwaas oo qaada masuuliyada bulshada ay la noolyihiin, waxaa muuqato in qodobkan uu u qaab ek yahay qodobka 2-aad, balse dadka noqda hoggaamiyaal waa dad leh qorshe cad, yool degan, hiigsi qeexan iyo wakhti la fuliyo.
Kala duwanaanshaha ra’iga ayaa mararka qaar dhaliyo caadifad ka aloolsanaato blushada dhexdeeda, balse bulshadan markii uu ka dhex dhaco qilaaf ma ahan bulsho isla markiiba ku kala tagto halkii uu shalay hadafkooda ahaa waxeyna xaliyaan dhibta ka dhalatay ururka dhexdiisa.
Waa bulsho leh xeer hoosaad ay kula macaamilaan shaqalaaha ururka si ay u dhicin dhibaato fara badan, waxeyna maareeyaan xaaladaha ka dhex dhaco ayaga oo u xaliyo hanaanka ka jira ururka taasoo ay kuwada qanacsan yihiin bulshada kale ay xilka u hayaan.
Kuma koobna halkan inaad guul gaarto balse waxay u baahantahay inaad sameyso dadaal dheeri ah kaasoo aad sare ugu qaadeyso heerkaaga aqooneed iyo garaadka aad leedahay.
Sameyso saaxiib aad nolosha kaga dayato waxaan jeclaan laha inaan ku gunaanudo qodobkan, sido kale aan jeclaan lahaa inaan sii wado qoraalka balse dadkeyga oo inta badan aan wax qorin darteed waxaa ku gabagabeynaa “in qof waliba uu ku diinyahay saxiibkii”, taasina ma ahan mid aan aniggu dhahy balse waa maah-maah Soomaaliyeed.
Saaxiibka fiican wuxuu ku noqdaa tusaale hagaagsan isla markaana noloshaada kusoo kordhiya wax cusub balse saaxiib haka dhigan qof raba inuu kaa dhaadhiciyo (Negative), ama aaminsan in waxba aan la qaban Karin waayo qokaas wuxuu qatar ku yahay noloshaada waxaase kuu qurux badan inaa ka dayato saaxiib kale oo haggaagsan.
Micnahaygu ma ahan inaan rabo in aan kugu diro saaxiibkaga qaaliga ah balse tijaabi mar qura iskuna day in aad ka dhaadhiciso fikirka aad qabto una sheeg sida uu mudnaanta kuugu kala leeyahay kana dalbo in uu kaa caawiyo qodob ka mid ah qodobadda aad degsatay cabir oo ka dhageyso fikirka uu kuu jeediyo kaliya hal mar tijaabi!!
- Afrika3 months ago
Maxaa laga filan karaa hub ka-dhigista mucaaradka TPLF ee Itoobiya oo billaabatay?
- Yurub3 months ago
Baarlamanka Yurub oo soo faro-geliyey kiiska nin Soomaali ah oo xukun adag lagu riday – sababta maxay ahayd?
- Siyaasadda Soomaaliya2 months ago
Maxaad kala socotaa waxa ka socda magaalada Laascaanood? – Xog iyo taariikh kooban
- Bariga dhexe3 months ago
Israa’iil ayaa booliiska ku amartay in calanka Falastiin laga saaro goobaha caamka ah
- Bariga dhexe3 months ago
Dowladda Imaaraatka oo sheegay inay iskuullada ku dhigi doonaan xasuuqii Holocaust ee Yuhuudda
- Qoyska & Horumarinta Bulshada1 month ago
Baro sidda aad nolosha wax kaga badali lahayd
- Sirdoonka & Militariga2 months ago
Xog cusub: Maxay dhalinyarada Soomaalida ugu biiraan Al-shabaab?
- Diblomaasiyadda & Dunidda3 months ago
Buundo diblomaasiyadeed: Cilaaqaadka Cumaan iyo Iiraan
- Bariga dhexe3 months ago
Israa’iiliyiinta oo mudaaharaad ka dhigay xukuumadda cusub ee Netanyahu
- Siyaasadda Soomaaliya3 months ago
Duuliyihii ugu dambeeyay ee diyaaradii Somali Airline oo u geeriyooday – Illaahay ha u naxariisto
- Bariga dhexe3 months ago
1 qof oo dil ah, 7 Falastiiniyiin ah ayay Israa’iil ku dhaawacday shilal ka dhacay Daanta Galbeed
- WARBAAHINTA2 months ago
Sanduuqa Lacagta Adduunka waxay ka digaysaa khatar hor leh ee dhaqaalaha adduunka
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Madaxweynihii hore ee Bakistaan Pervez Musharaf oo geeriyooday – Taariikh nolloleedkiisa oo kooban
- Afrika2 months ago
Maxay Eriteriya ugu baxday urur Gobolleedka IGAD?
- WARBAAHINTA2 months ago
Dhimashada ayaa gaartay 1,651 kadib dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 oo ka dhacay Turkiga iyo Suuriya
- Siyaasadda Soomaaliya2 months ago
Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Laascaanood, sida uu sheegay isbitaalka Laascaanood