Connect with us

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Siyaasada Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya – Qoraalkii Wasaarada Arrimaha Dibadda Itoobiya oo af soomaali loo rogay

“In aynu aqoonsanno Soomaliland madaxbannanideeda dan nooguma jirto maxaa yeeley waxay arrintaas abuuri kartaa dareenno dhibaato wata oo gala Soomaalida kale iyo kuwa kale oo iyana shaki ka qaado damacannaga.” – Qoraalka ayaa lagu xusay.

Published

on

 


Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Af-Soomaali loo rogey. Waa qoraalkii ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya, waxaana uu qeexaya ujeedada dhabta ah iyo siyaasada Itoobiya ay ka leedahay dalka Soomaaliya.

 XUSUUSIN: Qoraalkani waxa uu ka soo baxay “Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya

Taariikhda iyo asalka xariirka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya

Xiriirka ka dhexeeya dowladda Itoobiya iyo Soomaaliya weligiisba ma aheyn mid caafimaad qaba. Marka la eego taariikhda dhow ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa dhex marey hal dagaal oo yar iyo mid weyn. Riyada maran ee waxa loo yaqaan “Soomaali Weyn” oo ah Siyaasad is-ballaarin ah ayaa u keentey Soomaaliya wax aan ka aheyn colaad/diin iyo iska hor-imaadyo ay la gashey dalalka la dariska ah, gaar ahaan dalka Itoobiya. 

Waxaa intaa dheer, Soomaaliya weligeedba waxay la safan jirtey kooxo iyo waddamo ay rumeysantahay in ay ka soo hor jeedaan dalka Itoobiya waddamadaas iyo kooxahaas oo carqaladeeyey Nabadda Itoobiya. Tan waxaa la sii xiriirtey, in Soomaaliya ay ku guuleysatey in ay kiciso tiro weyn oo Soomaalida Itoobiya ah si ay u noqdaan kuwa Soomaalida kala qayb gala in ay fuliyaan siyaasaddooda is-ballaarinta ku dhisan. Marka taas la eego, Itoobiya waxay weligeed u ballaqneyd hujuumaad cabsi leh oo uga imanayey Soomaaliya iyo goobo kaleba.

 Itoobiya, iyadu dhinaceeda, intii ay hujuumka uga yimid Soomaaliya uga jawaabi laheyd in ay ixtiraamto xuquuqda Soomaalida Itoobiya iyo in ay kobciso walaalnimada ka dhexeysa dadka Itoobiya si ay Soomaalida Itoobiya ugu dhex noolaadaan ugana mid ahaadaan iyagoo xor ah dalka Itoobiya, ayey dowladda Itoobiya waxay u jeesatey sidii ay u kala dhantaali laheyd Midnimadii Dadka iyo Dalka Soomaaliya iyadoo dowladda Itoobiya ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushey sidii ay arrintaas gurracan u fulin laheyd intey la gaartaba ama u suurta gasho. Siyaasaddan waxay aheyd mid looga jawaabayo gardarrada Soomaaliya si dagaalka loogu raro Soomaaliya dhexdeeda si ay markaa taa u suurta gashana waxaa la sii huriyey iska soo horjeedka ka dhexeeya qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Si asal ahaan ah oo laga noqon karin ayuu xaalku haatan isu beddeley. Fikraddii “Soomaali Weyn” way fashilantey. Hadda waxaa la sii marayaa 10 sano Soomaaliyana weli dowlad iyo Qaran matala ma leh oo waa dowlad la’aan. Dhanka kalena, Itoobiya, Dastuur xuquuqda dadka Ilaaliya oo suga ayaa laga hirgalinayaa.

Soomaalidii Itoobiyana waxay la nool yihiin walaalahooda kale iyagoo si xor ah ula midoobay Itoobiyada kale si wadajir ahna ula difaacaya Dhalashadaas Itoobiya iyo Jiritaankeeda. Si wadajir ah ayaa Itoobiyaanka iyo Soomaalida Itoobiya waxay ugu nool yihiin shucuur sinnaan, dimuqoraaddiyad, hormar iyo u dhalasho Itoobiya. Wadajirkaas oo ku taagan tiirar ad-adag oo wax ka taraya dhismaha waddanka. Unuglaanshadii Itoobiya ay u nugleyd khatarta fikradda “Soomaali Weyn” aad ayaa loo yareeyey.

Dhanka kale, burburka iyo kala tagga Soomaalia laftigiisu wuxuu keeney khatar kale oo sii kordheysa marba marka ka danbeysa. Dhibaatada ka taagan Soomaaliya waxay oggolaatey in diin ku adeygga Soomaalidu uu xiddiddeysto. Soomaaliya waxay gabbaad iyo marin u noqotey argagixisada iyo kooxaha diintooda ku ad adag. Curiyayaal nabad diid ah ayaa Soomaaliya u isticmaalaya in ay saldhig iyo marin u noqoto si ay u hujuumaan nabadda Itoobiya. Sidaas darteed burburkii Soomaaliya khatar ayuu u keeney dalkeenna Itoobiya.

Mareegta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Itoobiya oo Astaanteeda ku darsatay Khariirada Soomaaliya

Muhiimadda Xariirka Itoobiya iyo Soomaaliya 

Ma jirto xaalad ay haatan Soomaaliya wax ku soo kordhin karto iyadoo ah meel aan hanti gashan karno iyo meel aynu ku horumarin karno maaliyadda Itoobiya ama meel suuq u noqon karta wax soo saarka Itoobiya. Muddo ka dib oo weliba nabad iyo deggenaan Soomaaliya lagu soo dabbaala ayaa ay uun jiri kartaa fursad ay Soomaaliya Suuq muhiim ah noogu noqon karto.

Hase yeeshee, way adagtahay in laguba riyoodo in ay nabadi ka dhacdo Soomaaliya mustaqbalka dhow iyo midka dhexeba. Marka la eego kheyraadka dabiiciga ah wabiyada waaweyn ee Soomaaliya waxay ka yimaadaan Itoobiya. Waraabin beereed oo habeysan maba kajiraan Soomaaliya sidaas darteed dadka saboolka ah ee Soomaalida waxay ku jiraan xaalad qallafsan. Dhanka kale markasta oo waddankeenna Itoobiya uu sii hormaraba waxay noqoneysaa in ay Biya Xireenno saarno wabiyada si aan warrab uga dhigno beeraheenn.

Horumarinta wabiyada Itoobiya waxay caawin kartaa in ay daadadka ka caabbiso Soomaaliya sidaa darteedna ay faa’iidadu na wada gaarto. Laakiin dhanka kale, wabiyadan waxaa lagu isticmaali karaa Itoobiya dhexdeeda siiba gobalka Soomaalida Itoobiya iyadoo loo adeegsanayo hormarinta gobalkaas. Arrintan waxay abuuri kartaa iska hor-imaad fudud oo dhex marra Soomaliya iyo Itoobiya laakiin taas waxaa lagu xallin karaa xeer ah wax qaado oo waxna i sii taas oo tixgalin siineysa rabitaanka qaran ahaan ee labada waddan. Sida kor ku xusan waxaa cad in muddada dhow iyo muddada dhexeba, Dalka Soomaaliya uusan wax xun iyo wax samba uusan saameyn la taaban karo ku laheyn horumarka dalkeenna. Laakiin haddana, Soomaaliya waxay leedahay dekado aan xisaab laheyn kuwaas oo u adeegi kara dalka Itoobiya.

Marka laga soo billaabo dakadda Saylac oo haatanba iyo ka horba taariikh ahaan u adeegi jirtey Itoobiya ilaa taas Kismaayo, waxaa jiro dekado aysan tiradoodu ka yareyn ilaa toddoba dekadood oo uu waddankeenna Itoobiya isticmaali karo looguna adeegi karo qaybaha kala duwan ee Itoobiya.

Isticmaalka dekadahaas waxay wax weyn ku soo biirin karaan horumarkeenna dalkan Itoobiya, laakiin maaddaama ay jirtey fikradda “Soomaali Weyn” iska hor-imaadka ka dhashey iyo cabburintii ka jirtey qaranka Itoobiya, weligeedba si dhab ah looma darsin isticmaalka dekadahaas (iyadoon la illaabi Karin in Itoobiya qudheedu leedahay dekedaheeda u gaarka ah “Assab & Asmara).

Burburka haatan ka jira Soomaaliya iyo qarankeedii ayaa ka dhigaya wax aan la taabba galin Karin in haatan lagu fikiro in la isticmaalo dekadahaas.

Xittaa haddii fursadda lagu isticmaalayo dekadaha ay dhacdo in ay kor usoo kacdo, iyo iyadoo taas ay kor u dhigi karto sida Soomaaliya ay u saameyn karto horumarkeenna, ayaa haddana qofna u muuqan Karin door wanaag leh oo Soomaaliya ay maanta ciyaari karto. Dhinaca xumaha marka aad eegto, waa muhiim in la garowsado in burburka Soomaaliya uu keeney khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida Itoobiya.

Xaaladda Soomaaliya waxay qastey muuqaalka laga heysto gobalkeenna Geeska Afrika oo loo arko gobal dagaal uu ka aloosan yahay. Fursaddeennii aynu ku soo jiidan laheyn maalgalinta caalamiga ah aad ayey u yaraatey iyo “saameynta Xiisadda Soomaaliya” oo keentey in lagu jahawareero nabad gobalka ka dhalata iyo in la waayo xiriir dhaqaale oo ka dhexeeya labada waddan ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Jihada Siyaasada Itoobiya ee ku Aaadan Soomaaliya 

Darisnimada aan wadaagno Soomaaliya waxay faa’iido u ahaan laheyd horumarkeenna haddii ay jiri laheyd nabad iyo xasillooni ka jirta Soomaaliya. Nabad waxay imaan kari lahayd gobalkeenna haddii dowlad u taagan in ay la dagaallanto fowdada, argagixisada, iyo kuwa diinta ku dheggen oo la shaqeysa waddamada dariska ah laga dhisi lahaa Soomaaliya.

Dadka qaar ayaaba qaba dowlad noocaas ah oo Soomaaliya laga dhisaa waxay mar kale soo nooleyn doontaa fikraddoodii ahayd “Soomaali Weyn” oo markaas nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya. Arigtada noocaas ah waa qalad waana khatar.

Marka ugu horreysa hadda iyo wixii ka danbeeya waddankeennu wuxuu ilaalinayaa midnimada dadkiisa (oo ayku jirto Soomalida Itoobiya) iyadoon la inkireyn rabitaankooda (madaxbannaani doonka), laakiin la caawinayo in oo la aqoonsanayo, laguna dhaqayo rabitaan ku saleysan sinnaan, horumar loo dhan yahay iyo dimuquraaddiyad

Maxsuulka habkaas kor ku xusan ayaa noqonaya in aynu abuurney xaalaadkii ay Soomaalida Itoobiya, ama fikraddii Soomaali Weyn ha la soo nooleeyo ama ha joogsatee, ku dooran laheyd in ay ku noolaadan sinnaan iyo midnimo dhexmarta iyaga iyo walaalahooda Itoobiya. Marka hormarkeenna iyo dimoqoraaddiyaddeenu sii korodhaba, u jilicsanaanteenna fikraddii Soomali Weyn iyo astaamaha kale ee la midka ahba way iska yaraan doonaan.

Intaas waxaa dheer, oo ay tahay in hoosta laga xarriiqo, in maaddaama fikradda Soomaali Weyn ay weligeedba ahayd sababta ka danbeysa rafaadka hor iyo gadaalba yaalley Soomaaliya, ayaa fikraddaan Soomaali Weyn haatan ay fashilantey oo fursadda soo nooleynteeduna ay tahay mid aad caato u ah. Marka la eego dhaqaalaha iyo siyaasadda Itoobiya oo isa soo taraya awgiisna, xaqiiqda ah in Soomalidu ku nooshahay labada waddanba ayaa dhab ahaantii xaqiijin doonta in ay Soomalidu noqoto buundada isku xirta xiriirk ka dhexeeya labada waddan, intii ay ka haan lahaayeen wax mar walba laga shakiyo jiritaankooda.

Dhanka kale, haddii Soomaaliya ay nabad noqoto oo dimoqoraaddiyad ay ka dhalato, waxaannu heli doonnaa fursad aynu ku isticmaalno dekedaha Soomaaliya si xad dhaaf ah oo joogta ah oo noo keeni doonto in aynu si weyn u horumarno. Xaaladdaas marka la galo waxaa suurtowda in aynu iskaashi la yeelanno dowladdaas cusub ee Soomaaliya (waa dowladda Geeddi) si aynu xiddidada ugu siibno ficillada nabad diidka ah ee ka soo burqanaya Soomaaliya. Labada waddan waxay si wada jir ah uga shaqeyn karaan in ay horumariyaan qorshayaal lagu horumarinayo wabiyada isticmaalkooda. Waxaa kale oo cad in la dhiirri galiyo xiriiro dhaqan iyo kuwo waxbarasho iyo wixii kale ee la hal maala sida afka Soomaaliga ee wax lagu baro gobalka Soomaalida Itoobiya.

Abuurista xiriir adag oo ka dhexeeya labada waddan oo ku saabsan isticmaalka dekadaha, wabiyada iyo ganacsiga, dhaqanka iyo wixii la mid ah. Waxaa kale oo muhiim ah in la dhaqan galiyo in labada ummadood ay ka faa’iideystaan iskaashigan. Marka ay sidaas dhacdo, waxaa markaas la hubaa in labada ummadood ay iska caabbin doonaan wax kasta oo lagu wax yeelleynayo xiriirka labada dal iyo dad.

Weliba Itoobiya waxay heli doontaa faa’iido dhaqaale oo toos ah; waxaa intaas dheer marka bariga Itoobiya uu noqdo meel ka caaggan hujuum iyo khatar in markaa horumarka Itoobiya oo dhan uu noqon doono mid sare u kaco. Waa taas sababta waqtigan xaadirka ah ujeeddadeenna ugu weyn ee ku wajahan Soomaaliya ay u tahay in aynu xaqiijinno in la dhiso nabad iyo dimoqoraaddiyad ku dhisan hormurka dhaqaale adag, dhaqan iyo xiriir siyaasadeed oo dhex mara labada waddan.

Sidan waa siyaasadda aynu innagu jecelnahay, laakiin nabad iyo dimoqoraaddiyada laguma heli karo isku deyga dhinaceenna oo qudha.

In kastoo aynu innagu aad isugu dayi doonno in aynu kaalinteenna ka geysanno sidii loo heli lahaa nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya taas oo ah danteenna ayaa haddana mas’uuliyadda arrintaas waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed iyo xooggaga siyaasadda ee waddankaas. Intaas waxaa sii dheer, in xooggaga shisheeye ee saameynta ku leh dhacdooyinka Soomaaliya in ay garowsadaan in ay awooddooda isugu geeyaan sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya.

Dhacdooyinkii ka dhacayey dalka Soomaaliya 21 kii sano ee la soo dhaafey ma aheyn kuwo dhiiri galin leh, laakiin waa in aynaan quusan oo aynaan dhimin rajada laga qabo nabad iyo dimoqoraaddiyad in ay ugu danbeyn Soomaaliya ka dhalato. Dalkii Soomaaliya wuxuu u kala ja-jabey qaybo badan, iyadoo qaybaha qaar ay xasillooni kooban ay ka jirto ayaa haddana qaybo kale uu qalalaaso ka sii socdaa.

Kuwii ka faa’iideystey dowlad la’aanta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kooxo Soomaali ah, ganacsatada qaar, kooxo diinta ku ad adag, iyo saaxiibbadooda shisheeye ayaa dhammaantood ku mashquulsan in ay hor istaagaan si walba oo ay karaanba in Soomaaliya nabad ay ka dhalato.

In kastoo dadka Soomaalidu u ooman yihiin nabad, waxay awood u la’a yihiin sidii ay uga fara baxsan lahaayeen kuwa nabadda u diidan (kuwaas soo Itoobiya uguma Horreyso!!!!) kuwaas oo juhdi kasta ku bixiya in aan nabad danbe lagu arag Soomaaliya. In kastoo Beesha Caalamku ay rabto in nabad la keeno Soomaaliya, haddana si buuxda uguma heellana in ay juhdi badan galiyaan si loo gaaro nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya.

Sidaa darteed, waxay annaga noogu muuqataa in qalalaasaha Soomaaliya ka taagan uu sii socon doono muddo dheer. Sidaa darteed, siyaasaddeenu waa in aysan ku ekaan oo kaliya in aynu wax ku kordhinno nabad ka dhalata Soomaaliya ‘e, ee waan in siyaasaddeennu wax ka qabataa wixii aynu ka yeeli laheyn haddii dhibaatada Soomaaliya ay iska sii socoto.

Siyaasaddeenna waxaa saldhig u ah sidii looga gun gaari lahaa in la dhaliyo nabadda Soomaaliya si loo helo Soomaaliya oo nabad ah oo Dimoqoraaddina ah. Laakiin, marka la eego qalalaasaha iska daba dheeraadey ee ka sii socda Soomaaliya, siyaasaddeenu waa in ay ahaato mid lagu yareeynayo in xasillooni darrada Soomaaliya ka jirto u soo gudubto dalkeenna oo dhibaateysa innaga iyo Soomaalidaba iyo weliba gobalka.

Haddii la joojin waayo qalalaasaha Soomaaliya, waxa kali ah ee inoo furan waa in aynu iska yareyno dhaawaca iyo dhibaatada arrintaas ka dhalan karto. Marka waxaa jira seddex arrimood oo aynu ku xaddidi karno dhibka nooga iman karo Soomaaliya iyo qalalaasaheeda Siyaasadeed.

Midka hore, waa in aynu isku dayno in aynu caawinno goballada Soomaaliya ee iyagu haatan xasilloon ee aan iyagu hoyga siin argagixisada iyo kuwa diintooda ku dheggen si markaas deggenaanshahaas ay ku raaxesanayaan uu u sii jiro loona sii adkeeyo. Goballadaas waxaa ka mid ah goballada loo yaqaan Somaliland iyo kuwa loo yaqaan Puntland. Iyadoo la eegayo shucuurta ah in aynu iska yareyno dhibaato noo imaan karta, ayaan ay tahay in aynu caawinno goballadaas si ay u hantaan xasillooni, waana lagama maarmaan in aynu la sameyno xiriir dhinaca ganacsiga ah, is gaarsiinta si loo gaaro danaha dalkeenna iyo danaha dadka goballadaas ku dhex nool.

Su’aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay aqoonsiga Soomaliland oo aynu u aqoonsanno dal madax bannaan. In aynu aqoonsanno Soomaliland madaxbannanideeda dan nooguma jirto maxaa yeeley waxay arrintaas abuuri kartaa dareenno dhibaato wata oo gala Soomaalida kale iyo kuwa kale oo iyana shaki ka qaado damacannaga (madaxda Somaliland ma akhrin hadalkan miyaa? Waa yaab!!!!!!).

Sidaa darteed, iskaashiga aynu la leennahay gobaalladaas waa in aan lagu darin aqoonsi la siiyo maamuladdaas goballada ka midka ah Soomaaliya. Waa in aynu ka dhowranaa in ay noqdaan waddama ka xorooba Soomaaliya inteeda kale. Laakiin, waa in aynu sii wadnaa in aynu caawinno goballadaas sidii ay u sii wadan lahaayeen nabadda iyo xasilloonida maaddama ay taas danteennu ku jirto dannna ay u tahay dadka goballadaas ku nool (ma aragtey sida madaxda labadaas gobal ay had iyo jeer ugu cel celiyaan in ay nabad haystaan? Illeyn Itoobiya ayaa ugu hanjabta in ay nabadda ka qaadeyso haddii ay la midoobaan Soomaalida kale e!!!!).

Midda labaad, waa dhab in ay sii socon doonto in aynu u ballaqnaano khatar inta ay Soomaaliya ka xasileyso oo nabad ka heleyso. Iyadoo marka taas la garawsanayo, ayaa waxaa waajib innagu ahin aynu abuurno awooddii aynu isku difaaci laheyn oo aynu ku fashilin laheyn weerar kasta oo nooga yimaada kooxaha Soomaalida ee diinta ku ad adag, argagixisada, iyo curiyayaalka kale ee nabad diidka ah ee ka soo burqanaya Soomaaliya. Marka waa in aynu mar kasta dhiifoonaan iyo feejignaan aynu muujinno oo diyaar ahaanno weligeen.

Midda saddexaad, waa in aynu la shaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee gobalka Geeska Afrika (kuwan waa dagaal oogayaasha iyo inta daba dhilifka u ah!!) iyo beesha Caalamka (Mareykan, Kenya, Yamen, Yugaandha iwm) si aynu uu wiiqno una jabinno xoogagga ka imaanaya Soomaaliya ee weerarka ku ah dalkeenna (waa kuma xoogaggan!!). Sida cad, xalka dhammaan arrimaha kor ku xusan waa iyadoo ay baahdo dimoqoraaddiyaddu, iyo iyadoo la sameeyo wax kasta oo keenaaya xal la gaaro.

Isla markaas, si kastaba ha ahaatee, waxaan u baahannahay in aynu helno garowga iyo kaalmada dadka Soomaaliyeed iyo taageerada beesha Caalamka si aynu uga hor tagno waxa dhib ah ee na hor yaalla. Iyadoo aynu ilaalineyno qodobka ah in aynan faraha la galin arrimaha gudaha ee Soomaaliya, ayaa haddana ay tahay in aynu xaqiijinno xaqa aynu u leennahay in aynu ilaashanno nabadda aynu haysanno iyo in aynu is difaacno (bal yaa weerar ku ah?!!!!!!).

Waxaanu aragnaa in inta Soomaaliya ay bur-bursaneed Itoobiyana dhisneed oo ay ahayd dawlad ummadeeda u shaqeeyso, hadana ka cabsi qaba Soomaaliya oo maanta wali cagaheeda isku taagin. Midaas waxaa cadeyn u ah in Itoobiya ay ka geeysatay dhibaatooyin badan dhinaca geeska Afrika ha ahaato kuwa kunool wadanka gudihiisa iyo gudaha Itoobiya intaba.

Kuwa ay u geeysatay dhibaatooyinka iyo xasuuqa aanan lahayn damiir bini’aadamnimo ayaa waxaa ka mid ah Soomaali Galbeed oo ku dhexnool wadankaas Itoobiya. Sabaha dadkaan looga geeysto dhibaatadaan ayaa sawab u ah magaca ay sitaan oo ah Soomaaliya. Hadana waxaa jirra dad Soomaaliyeed dhibkaas mid ka weyn u sii geeysanaayo Soomaalidaan colaada ka dhexeeyso Itoobiya.

Gumeysiga Itoobiya oo dhib iyo tacadiyo badan oo isugu jira dil, jirdil, dhac, barakicin iyo xabsiba ku hayey dadweynaha reer Soomaali galbeed wuxuu baryahaan danbe billaabay tab cusub oo ah inuu heshiis hoosaadyo la galay maamullada ka jira Soomaaliya qaarkood si ay ugu soo gacangaliyaan dadka ka soo cararay ama u adkeysan waayay dhibaatadii loogu geysto anayay deegaankooda.

Maamullada ka jira Somaliland iyo Punland oo ay muuqato, saameyn weyn ku leedahay go’aankooda waxey illaa iyo xilligan Itoobiya u dhiibeen dad badan oo aan iyaga waxba u dhimin maamul ahaan ama khatar ku aheyn amnigooda, iyaga oo arrintaas Itoobiya ku raalligalinaya. Dhacdooyinka noocan ahina way soo noq-noqdeen dhawrkii sano ee u dambeeyay illaa iyo haddana ma muuqato in wax is baddal ah soo socdo, waxaana muuqata in maamulladu Itoobiya u sii dhago nuglaadaan maalinba maalinta ka dambaysa, tallaabooyin kuwaan ka sii dhib badanna ay qaadayaan.

Haddaba inta aynaan is weydiinin waxa suuragalka ah ee arrimahan laga qaban karo waxaa mudan inaan wax yar iftiiminno ujeeddooyinka mashruucan ka dambeeya?

Dadweynaha Soomaaliyeed Iyo Maamulada U Taliya Ma Isu Gawracanyihiin? 

Maamulka iyo askarta Kililka shanaad ee u shaqeeya Itoobiya waxay si joogto ah u xir-xiraan, una laayaan dadweynaha reer Soomaaligalbeed, waana dad ka dhashay dadka ay laynayaan ama Itoobiya u dhiibayaan, umana badna in dhibta ay gaystaan loo qabsado qabiilooyinkooda ama jifooyinkooda waayo dadku waxay ogyihiin in aysan falalkaan ku matalin qoysaskooda ee ay ku matalaan Itoobiya, isla markaasna ay jifooyinkooda iyo dadka kalle isku si u dhibaan.

Haddaba waxaa la gudboon shacabka reer Soomaaligalbeed inaysan shacabka Soomaaliyeed ee walaalohood ah marna u aanayn dhibka maamuladu u gaystaan, ayna ogaadaan in khidmada maamulada jamhuuriyadda ka jira u qabanayaan Itoobiya ay la mid yihiin kuwii maamulada Kililku qaban jireen Itoobiya. Arrintaasina marag uma baahna, waxaana tusaale ugu filan sidda culamad, salaadiinta, ganacsatada iyo waxgaradka reer Punland uga dhiidhiyeen illaa iyo haddana uga dhiidhiyayaan xadgudubka lagula kacay dadka Itoobiya loo gacangaliyay, illaa xad ay ku guuleysteen inay ka sii daayaan maamulka Punland shan nin oo kalle horay madaarka Boosaaso laga qabtay, lana doonayay in loo dhiibo Itoobiya.

Maxay tahay u jeedooyinka dadka loo qabqabanayo?

Ujeeddooyinka dhabta ah ee ka dambeeya in dadweynaha reer Soomaaligalbeed lagu xir-xiro gudaha Soomaaliya ama Xabashida loo dhiibo waxaan ka tilmaami karnaa arrimahan:

1. In la guddoomiyo shacbigaas, uuna noqdo mid ku jira xabsi weyn oo dusha ka furan, Itoobiyana say doonto ay ka yeesho, iyada oo ayna jirin meel kalle oo ay u irkadaan ama cid ka warhaysa oo arrintooda ka hadlaysa, lana kalla gooyo iyaga iyo walaalohooda Soomaaliyeed si ay ulla mid noqdaan shacbiga Oromada oo Xabashidu bakhtiisatay.

2. In dadkaas dhaqaale ahaan loo curyaamiyo, ka dib marka laga joojiyo xiriirka ganacsi ee ay la leeyihiin Soomaalida kale, taas oo sahlaysa in shacbigu baahi darteed isu dhiibo Itoobiya, uuna ogolaado gumaysigeeda.

3. In la salkiciyo dadka reer Soomaaligalbeed ee ku dhaqan ama ka shaqaysta gudaha jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo dhalinaysa in kumanyaal qoys oo qaxooti cusub ah ay dib uga firxadaan dalweynaha Soomaaliyeed ama dib ugu noqdaan halkii ay markii hore nafta kalla soo carareen.

4. Waxaa kale oo barakicintaas meesha ka saaraysaa kumanyaal arday oo wax ku barta gudaha jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku tiirsanaa qaraabadooda degan ama ka shaqaysata jamhuuriyadda, si loo damiyo dhinbil kasta oo Itoobiya mustaqbalka ku dhibi karta xurnimo doon ama sare u qaadi karta aqoonta iyo wacyiga bulshadaas.

5. Waxaa kale oo barakacaas meesha ka saarayaa kaalmihii dhaqaale ee dadka degan jamhuuriyadda ama ka shaqaysta ay u diri jireen eheladooda.

6. In shacbiga reer Soomaaligalbeed iyo walaalahood la kala dhexdhigo colaad ay kaga mashquulaan xornimo-doonkii iyo halgankii, Itoobiyana ay ka nasato iska caabbintooda.

7. In lagu qanciyo shacabka reer Soomaaligalbeed in Itoobiya awood u leedahay inay kaga aarsato dalka ay gumaysato iyo dalweynaha Soomaaliyeed ee kaleba, aysanna jirin cid ama meel ay ka gali karaan aarsigeeda, loona tuso in shacabka Soomaaliyeed oo dhan iyada askar u wada yahay; si ugu dambaynta dadweynuhu isugu dhiibaan, uguna hoggaansamaan gumaysigeeda.

8. In Itoobiya iyo kuwa la shaqaysta ka dhaadhiciyaan shacabka reer Soomaaligalbeed in dhulka Soomaaliyeed ee lagu dhibayo yahay dal iyo dad shisheeye ah, Itoobiyana tahay dawladoodii, iyaga oo cuskanaya xadgudubyada ay samaynayaan maamulada Soomaalidu iyo hadalada aan munaasibka ahayn ee ay kula hadlayaan walaalohood reer Soomaaligalbeed.

Falalka qabqabashada iyo falceliskoodu yay dan ugu jirtaa?
In la qabqabto dadweynaha reer Soomaaligalbeed ama la dhiibo waa hawl ay ka dambayso Itoobiya oo danteedu ku jirto. Falalka aargoosi ee ka imaan kara reer Soomaaligalbeed ama ugu yaraan qaraabada dadka lagu xadgudbay iyana waxay u danaynayaan isla Itoobiya; waayo waa habka ugu sahlan ee ay ku gaari karto ujeeddooyinka aynu kor ku soo xusnay!. Waxaa Itoobiya xoog iyo xoolo badan kaga baxaan sidii ay u kala goo-goyn lahayd shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, ayna u xiri laheyd xuduudaha dhulka Soomaaligalbeed la leeyahay Soomaalida kale, illaa iyo haddana wax badani ugama suuragalin, laakiin haddii falalka dadka lagu dhiibay falceliskooda laga dhigo in si ikhtiyaari ah loo joojiyo xiriirka ganacsi iyo isu socod ee ka dhexeeyay dadka la gumeysto ee Soomaaligalbeed iyo shacabka jamhuuriyadda daggan waxaa si kharash la aan ah ku hirgalaya hadafkii gumeysiga.
Haddaba waxaa habboon in la darso habab looga hortago, loogana jawaabo xadgudubyada oo u danaynaya shacabka walaalaha ah kan dulman iyo kan magiciisa wax lagu dulmiyayba, isla markaasna aan ujeeddadii Itoobiya hirgalinayn, waana la hubaa in la heli karo xeelado iyo habab badan oo arrintaas wax looga qaban karo, waxayse u baahantahay dad indheergarad ah oo fahmaya meesha dirirtu ka socoto, awoodna u leh inay xeegada xagtaan ilkuhuna u nabadgalaan. Halganka hubaysan ee ay hormuudka ka tahay ONLF waxuu uu raadkiisii hayaa halgama badan oo soo maray gobolka oo ay ka mid ahaayeen, Nasrulaahi, Soomaali galbeed, Daraawiish, dagaaladii Geri iyo kuwa kale oo badan . Halganka ONLFse laba waxyaalood buu kaga duwan yahy halgamadii kale. Mida kowaad, halgamadii hore waxaa intooda badan daba istaagnaa amaba barri gantaalayey dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya kajiray.  Midda labaad waa iyada oo dhammaan ururadii horre ay labixi jireen Soomaali iyo magacyo aan qabiil loo saarin karin, marnaba aysan isla soo mutaxin ku halganka magaca Ogaadenka. Qormadan kagama hadlayo in ay ONLF ku saxsan tahay inay qaadato Ogaden iyo in loo baahan yahay in la halgamo iyo inakle toona, ee waxaan ku eegaynaa in magaca Ogaden beelaha kale u diiday halganka iyo in kale. Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka waxaa loo qaybin karaa laba qaybood oo kala ah koox tiraah gumeysi majiro iyo koox tiraah gumeysi baa lagu jiraa.
Gumeysi majiro
Qaybtani waxay aaminsan in aan wax gumeysi ahiba meesha oolin ee maamul suuban iyo nabad uun loo baahan yahay. Kooxdanii waxay aaminsan tahay inaan xaquuq maqaniba jirin een inagu masuul ka nanahy dhibaatada iyo abaaraha inna haysta. Waxay qaybtani aaminsanatahy, in xabadda kaliya ee loo baahan yahay in la rido ay tahay ta lagala soo horjeedo ONLFta ee ay garwadeenka ka tahay ciidamada liyuu boliisku, haddii ONLF laga adkaadana barwaaqada laga hirqan doono. Qaybtan waxaa markasta hormuud ka ah dowlad goboleedka degaanka Soomaalida Itoobiya (DDS) kolba ka jirta. Qaybtan koowaad doodan maanta ahi aniga ilama ahaba inay qusayso laakiin ninna afkiisa gacanta lama saari karo.
Ha la halgamo
Qaybta aaminsan in la halgamo waxaa loo sii kala qaadi karaa dhowr kooxood oo ay ugu muhiimsan tahay qaybta aaminsan in xaquuqi dadka ka maqan tahay laakiin dastuurka federalka Itoobiya la raaco oo sadka inaga maqan si nabad ah lagu raadsado. Kooxdani waxay rabi lahayd in Itoobiya laga go’a haddiba laheli karo, haddiise Itoobiya xaquuq buuxda oo la siman tan qawmiyadaha kale laga helayo In laga mid ahaado ay dhaanto sidda aan maanta ka jirta ooy u aragto adduun iyo aakhiroba seeg. Kooxda soo hartay waxay aaminsanatahy inay Itoobiya gumeysi tahay, waliba macangag naxariis daran tahay . Kooxdan waxaa saldhig u ah siyaasadeeda in xabad wax la iskaga celiyo. Kooxdan waxaa laga helayaa dhammaan beelaha kala duwan ee shacuubta deegaanku ka kooban yahay. In lafdhabarka halganka hubaysan ee xilligan lagala soo horjeedo dawladda Itoobiya inuu kayimaado beesha Ogaadeenka, Waxaa iyana in badan laga shanqariyaa in haddii magaca Ogaadeen la badalo oo lagu badalo Soomaali galbeed ama wax walba oo Soomaali kujirto Ogaadeenna ka maqan tahay, in beelaha kale ee ku dhaqan gobolku ay halganka wax taaran lahaayeen. Haddaba maxaa arintaa kajira? Si’ aan jawaab uga celino su’aashan, akhristoow waxaan u baahanahay inaan dib u milicsanno taariikhda halgameed ee ina soo maray.
Anigu ka qoraa ahan waxaan soo gaaray oon wax badan ka ogaa micnahayga aan aqriyay halgankii Soomaali galbeed oo dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee gobolka ku nool iyo kuwa illaa Xamar daganaa ay ka qayb qaateen. Maxay xattaa kuwa Xamar iyo bari deganaa uga qeyb qaateen halgankii hubaysnaa ee markaa socday miyaad i waydiisay?
Waagaa waxaa jiray wax layiraahdo Soomaali wayn. Muwadin walba oo Soomaaliyeedna waxuu ku taamayay inuu arko calanka Soomaaliyeed oo shantiisa xidigoodba wada iftiimayaan. Ciidamadii qalabka sidda soo gaaraan magaalada Buulo Barde inay isu soo baxaan ayagoo ku dhaqaaqaya erayo guubaabo, duco iyo amaanba isugu jira.  Waxaa iyana jirtay dawlad Soomaaliyeed oo hogaanka jabhadda la barbaartaagnayd maal iyo moodba. Hogaamintii sare ee jabhadda Soomaali galbeed waxay ahayd mid ka koobnayd dhamaan beelahii gobolka deganaa. Waxaa madax ka noqday, Ogaadeen sidda sheekh Cabdinaasir iyo maxamed diiriye (labadaba ilaah ha u naxiariistee), Cabullaahi xasan oo jidwaaq ahaa. Waxaa ku xigeen ka ahaa cabdi Ismaaciil oo isaaq ahaa waxaana xoghaye dibadeed ahaa Cumar Xaashi(jaanyar) oo geri ahaa. Haddaba intii ka danmbaysay dagaalkii 77kii, itaalkii Soomaali galbeed wuu sii liicayay waayo awoooddii iyo dhaqaalahi Soomaaliyeed baa sii liiiciyay. Waxaa qulqulado ku billowday dowladdii Soomaaliyeed oo xukunkeedii lagu kacay. Soomaali baa qabiil qabiil u kala shirtay. Dabcan halgankii Soomaali galbeed laftiisu kama tallaalayn xanuunkii qabyaaladeed ee xilligaa saf ahaanta ugu dhacay Soomaalida.
Xilligaa waxaa iyana jiray laba urur dhalin yaro oo Soomaali galbeed ah. Mid koowaad waxaa la oran jiray Ururka dhalin yarada Soomaali galbeed (U. DH. S.G) oo xaruntiisa dhexe ahayd Hargaysa, Soomaaliya. Ururka waxaa madax ka ahaa Maxamud Dirir oo muddo ka badan 10 sano ahaa wasiirka kaliya ee Soomaalidu ku leedahay dowladda dhexe ee Itoobiya. 
Midka kalana waxaa la oran jiray Ururka Dhalinyarada Gobanimadoonka Soomaali Galbeed (U. DH. G. S. G) oo xaruntiisa dhexe ahayd Muqdisho. Ururkaa waxaa madax ka ahaa Cabdirahmaan sh. Mahdi (Maadeey) oo ah xoghaye dibadeedka ONLF ee hadda, Xasan Sharif oo bare jaamacdeed ka ah Maraykanka, iyo Axmad Jaalle oo hawlwadeen sare ka ah ururada samafalka ee caalamiga ah. Waxaa in badan oo dhalin yaradii labada urur macno u samayn wayday kala qaybsanaanta cududdii dhalinyaro waxaana marar badan la isku dayay in la mideeyo labada urur. Waxyaalahii ugu adkaa ee la isku mari la’aa waxaa ka mid ahaa magacii lagu midoobi lahaa. Ma waxaa la qaataa U. DH. S. G. Mise U. DH. G. S. G. ayaa dooda ugu badan ka oogantay.  Qoladii Xamar fadhiday waxay ku doodeen maadaama jabhaddu wadato Gobanimadoonka aan innana qaadanno gobanimo doonka, kuwii Hargaysase waydiideen. Waxaana aakhirkii la isku raacay magacii Hargaysa ka jiray. Arrintan magac bixinta ururku waxay keentay in xubnahii ururka ee xamar in ay codsadaan in laga qanciyo waxa lagu arkay gobanima doonimada. Waxaa billowday amardiido iyo kalsooni darro laga qaaday hogaamintii ururka qaarkood. Waxaa aad la isula dhex qaaday in Dirir iyo kooxdiisu gobanima doonimada uruka xamar ka dhadhansanayeen (Ogaadenimo). Xasuuso ogaadeen go’yeey. Waxaa abuurmay laba kooxood oo isla ururkii xamar ka jiray ka wada tirsanaa oo iska soo horjeeda.
Koox waxay ku doodaysay hoggaaminta uruka go’aankoodu waa muqadas iyo koox kale oo lahayd la ilama tashan, lay ma tixgalin la imana qancin. Arrintiina waxay gaartay gacan ka hadal iyo in la isku dacweeyo dawladdii Soomaaliya. Waxaa faragelin kusoo sameeyay madaxdii ku abtirsanayey Soomaali galbeed ee ka tirsanaa xakuumaddii Maxamed Siyaad.
Kooxdii mucaaradka ahayd oo u badnayd arday maamulkii ururkana aan ku jirin baa aad loo handaday. Qulquladdii ka bilaabatay labada urur waxay abuurtay is faham la’aan soo kala dhaxgashay U. DH. G. S. G iyo hogaamintii Jabhadda waxaana laxiray inta badan madaxdii ururkii xamar ooy ku jireen Guddomiayhii ururka, Abdirahmaan Sh. Mahdi, Kugeenkiisii Hassan Shariif iyo gudoomiyahii arimaha bulshada oo ahaa Axmed Jaalle. Fargelintii qaawanayd ee ay xukuumaddii Maxamed Siyaad ku samaysay ururkii dhalinyaradu waxay abuurtay in in badan oo dhalinyarada kamid ahayd oo qabiilka Ogaadeenka u badini ay u arkaan jabhaddii S. G. iyo ururadii bulshadaba kuwa aan madax banaanayn oo magac u yaal ah. Waxaa doodu u badnayd in inta lagu tiirsan yahay dowladda Soomaaliyeed aan meel la loo socon, Soomaali galbeedna ay tahay qawda maqashii waxna how qaban.
Curashadii kacaanka JWXO (ONLF)
Sababa badan darteed waxaa dhadhankii kasii dhamaanayay S. G. oo loo arkay inay ku dhagtay shaabaddii dowladdii Mingiste oo ahayd Soomaali Galbeed waa dhulbalaarsi ay waddo dowladda Soomaaliyeed (Somali irredentism). Waxaa la raadiyay oo la baadi goobay magac kale (alternative) lagaga hortago shaabaddii Migeste ee ahayd cida wax igu haysataaba waa dowladda Soomaaliyeed. Koox fara ku tiris ah ayaa baxiyay magacaan “Ogaden Liberation Front” (OLF). Magacaasi waxuu marka la soo gaabsho uu la mid noqday Oromo Liberation Front. Waxaa iyana la soo hadal qaaday Ogaden Freedom Fighters (OFF). Balse waxay arrini isugu biyo shubatay in lala baxo ONLF Hogaamintii ONLF way u muuqatay in qolo walba u kalla fadhiday sii- galbeed, soo galbeed iyo labo urur dhalinyaro ayna aqbalayn Ogaadeen ee malaheen xal dhaama laawayay.
Maku xasuusiyaa maah-maahdii ahayd “xagaan u habaabaa waa reerkaygii”.
Kol haddii go’aankii kooxdan cusubi noqday in ONLF lagu halgamo talabada kaliya ee hartay Waxay ahayd sidii kaadir tayo leh loo abuuri lahaa. Waxaa aad muhiimad gaar ah loo siiyay xubnahii ururadii dhalin yaro een u dhalan qoyska Ogaadeen. Mase ahayn arin sahlan. Waxaa markaa lagu qasbanaan lahaa siddii labadii urur ee U. DH. S. G iyo U. DH. G. S. G in layiraahdo war magaceen ba’ye aan tashano oo xabadda iyo xaabadaba midayno, magacna wada qaadanno. Soo lagama doodeen ma waxaan qaadanaa ururka gobanimadoonka Somaalida Itoobiya, Jigjiga, iwm. Kolse haddii aysan maanta jirin ururo kale oo magacyo kale wata soo ma haboona in reerka iyo jabhadaba eeda laga daayo.
Tan kuwa qaba in dastuurka Itoobiya xaquuqda maqan lagu raadsado iyana waa wax meesha ku jira. Balse xaquuqbaa iga maqan, xabadna waa inaan ku raadiyaa, Ogaadeen baase iga hortaagan waa waxa caadku iga maray. Akhristoow maxay adiga kula tahay?
Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ay Bilihii ugu danbeeyay u geysatay Shacabka Soomaali galbeed Xasuuq bani aadamnimada ka baxsan oo uu tilmaamay xubno ka mid ah Congress-ka Maraykanka Damiirkooda xamili waayeen Xasuuqaasi wuxuuna yiri“Bilihii iyo Maalmihii ugu danbeeyay Waxay itoobiya kula kacday Falal aad u fool xun, iyo Xasuuq bani aadamnimada ka baxsan Shacabka S/galbeed, waxaana ka faaloon kara qofkii joogay oo kaliya, xataa heer wuxuu gaaray in mudo hadda laga joogo 2 Todobaad in 4 xubin oo ka mid ah Congress ka Maraykanka ay Warqad u qoreen Males Zenawi Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxay ka dalbeen in uu joojiyo dabar goynta aan kala reebka lahayn iyo ku Tumashada Xuquuqul Insaanka uu ku hayo Dhulka S/galbeed isaga oo kafaaa’iidaysanaya caburinta uu ku hayo warbaahinta, arintaasi waxay ku tusinaysaa in Damiirka Maraykanka uu xaataa Xamili waayay waxa ay Itoobiyaanku ku sameynayaan Shacabka dhulkaasi”. Sheekh Ibraahim ayaa soo bandhigay Tirakoob ay soo diyaarisay Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Dhulka S/galbeed wuxaana uu ka xusay Tacadiyadii ugu danbeysay ee ay ciidamada gumeysiga itoobiya geysteen wuxuuna yiri”6-dii Bilood ee u danbeysay Sanadkii la soo dhaafay Tirada Shacabka la Dilay waa 3867, inta la xiray 27647, inta la kufsaday waa in ka badan 120 gabdhood, boobka hantida Shacabka iyo Kheyraadka Gobolkana lama Tirakoobi karo”.
“Xaalada adag ee ay ku jiraan Muqaawamada Dhulka S/galbeed waa Xaalad aad u adag, Dhamaan ciidamadii Itoobiya ee ka soo baxay Soomaaliya ka dib markii ay ku soo jabeen, waxay saldhigyo ka sameysteen Dhulka S/galbeed, Xukuumada Itoobiyana ma doonayso in ay Ciidamadaasi geyso Caasimadeeda Addis Ababa si aysan ciidamadaasi ugu sameynin Afganbi, waxayna bilaabeen Ciidamadaasi in ay Falal aad u fool xun kula kacaan Shacabka, iyo in ay Dagaalo joogta ah maalin walba ku qaadaan Jabhadaha Dhulka S/galbeed, Xaaladu aad bay u adagtahay, Tiro badan oo ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed iyo Tiro badan oo ka mid ah Muqaawamada way ku Shahiideen wayna ku Dhaawacmeen, laakiin waxaan leenahay “حسبنا الله ونعم والوكيل” waxaana ku magacaabaynaa Duulaankani cusub mid uu gumeysigu ku gowracayo Shacabka, sababtoo ah wuxuu ku jabay S/galbeed sidaas awgeed wuxuu rabaa in uu u Muujiyo Caalamka iyo waliba Shacabkiisa gudaha in uusan jabin oo uu wali Xoog leeyahay, laakiin anagu waxaan leenahay Wuu jabay waana Daciif”.
Qaabka ay ku helaan kaalmada “Qaabka ay Jabhadaha Xornima doonku ku helaan Kaalmooyinka inta badan waa qaab u gaar ah, laakiin Jabhaduhu waxay ku tiirsanyihiin Shacabkooda Gudaha jooga iyo Xaalada gudaha Dalkooda ka jirta, marka loo fiiriyo Walaalaha Muslimiinta ee Doonaya inay Kaalmeeyaan Jabhadan iyo Mashaariicdeeda Bani-aadamnimo waxaa jira Qaabab kala duwan, waxaa jira Hay’ad Kheyri ah oo arintaasi ka shaqeysa sida Hay’adda Kheyriga ee Ogaden”.  Wareysiga laga qaaday gadoomiyaha ururkaan. Dhanka mar la weydiiyay xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya ayaa waxa uu yiri “Soomaaliya waa ka mid nahay iyaguna way naga mid yihiin Shacab ahaan iyo Wadan ahaanba, Shacabka Soomaaliyeed waa Shacab Hal ah, laakiin waxaa loo kala qeybiyay qeybo qeybo, waxaana lakala dhex dhigay Xuduudo Been ah oo aan waxba ka jirin, Xiriirkayaga waa Xiriirka Qofka Muslimka ahi la leeyahay walaalkiisa kale ee Muslimka ah, ama Qofka Soomaaliga ahi uu la leeyahay walaalkiisa kale ee Soomaaliga ah, anagu luuqad ahaan, jir ahaan, dhalasho ahaan iyo Juquraafi ahaanba anagu Hal Shacab ayaan isku nahay, waxaana rajeynaynaa wakhti dhaw in la qaadi doono Xuduud beenaadkaasi Insha Allaahu Tacaalaa”. Isku soo duuboo Dhulka S/galbeed oo la gumeysto in ka badan Qarni ayaa waxay ka jira Gumeysi la tilmaamay in uu yahay mid ka hor taagan Shacabkaasi dhamaan Nolosha iyo Horumarka uu qofka Bani aadamka ahi u baahanyahay, waxayna Ciidamada Gumeysiga itoobiya u geystaan Shacabkaasi Dilal, Xarig, Dhac iyo Kufsi joogta ah, mana jirto illaa iyo hadda cid ka hadasha xasuuqaasi iyada oo la ogsoonyahay in Itoobiya ka eriday Gobolka Dhamaan Hay’adaha Samafalka oo qaarkood ay u dhasheen Gobolka. Bilihii ugu danbeeyay Waxaa Gobolka ku dhex maray ciidamada Gumeysiga oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan Dagaalo Culus oo Gobolo iyo Tuulooyin kala duwan ka dhacay kuwaas oo ay ku xasuuqeen Shacab iyo Duunyo fara badan.
Maxaa arrinkaan kalla gudboon waxgaradka Soomaaliyeed?
Dhab ahaan falalkan lagu dhiibay qaar ka mid ah shacabka reer Soomaaligalbeed waa falal xatooyo ah oo aan waafaqsaneyn nidaamyada u yaalla maamulada dadka dhiibay laftooda, lana mararinin golayaasha maamulka, iska daa in wax laga weydiiyo salaadiinta, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo waxgaradka oo ah hoggaanka dhabta ah ee bulshada sidaas darteed is-hortaagga iyo wax ka qabadka xadgudubyadaasi way sahlantahay haddii la adeegsado tabo xikmadeysan oo wax ku ool ah, waxaana isleeyahay waxaa habboon in la qaado tallaabooyinkan soo socda.
 
1. In la fahmo dagaalka socda nooca uu yahay, yoolka uu hiigsanayo, cidda ka dambaysa, cidda fulinaysa iyo hababka loo fulinayo, ka dibna la darso waxyaabaha iyo hababka ugu munaasabsan ee looga hortagi karo. Intaa ka dib ayay tahay in la qaado tillaabooyin ku dhisan daraasad, aadna looga baaraandagey.
 
2. In dadweynaha lagu wacyigaliyo ololaha socda iyo sida loo waajahayo, lagana hortago falal aargoosi ah oo aan u danaynayn guud ahaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaddiyadda dadka lagu tacadiyey, isla markaana laga feejignaado in cadawgu isu adeegsado shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
 3. In laga digtoonaado inay magaca bulshada Soomaaligalbeed ku hadlaan dad aan xilkaas ahayn ama u fulinaya ajandayaashii Itoobiya si kamma ah ama ulla kac ah.
 
4. In ay arrintan salaadiinta, culumada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada iyo waxgaradka kalle ee reer Soomaaligalbeed kaga hadlaan qalabka warbaahinta, ayna ka garnaqsadaan tacadiga loo gaystay.
 
5. In waxgaradka reer Soomaaligalbeed qolo walba si gaar ah ulla xiriirto dhiggeeda ku sugan ama u dhashay deegaanka maamulkiisu dhibaatada gaystay, ayna ergo rasmi ah u gudbiyaan, kana dalbadaan in ay xadgudubkaas wax ka qabtaan illeen “ninkii waalan walaalkiis baa u miyir-qabee.”
 
6. In ay si toos ah ulla xiriiraan maamulka markaas tacadiga gaystay, ayna kalla garnaqsadaan dhibkaan uu gaystay, kana dalbadaan in uu dhibka hadda taagan joojiyo, mid dambena aanu kula kicin walaalihiis.
 
Shaki kuma jiro in waxa dhacay ay yihiin xad-gudub foolxun oo bareer ah oo ka soo horjeeda diinta, sharafta, Soomaalinimada, dhalashada, danta shacabka Soomaaliyeed iyo xataa bini’aadamnimada, kaas oo lagu la kacay shacabka reer Soomaaligalbeed ee awalba dhibbanaa. Waxaa hubaal ah in cidda tacadigan gaysatay ay tahay ciddii wax ka qaban lahayd ama ka shaqayn lahayd xoraynta iyo bad-baadinta walaalohood cadaawaha u gacangalay, arrintuna waxay u muuqataa geel ninkii dhicin lahaa dhacayo ama “meeshii circa roob laga filayey oo ciiryaamo ka timid”. 
 
Waxaa kalle oo iska cad in aanay dadka falalkan gaystay ku matalayn shacabka Soomaaliyeed ama beelaha ay ka dhasheen, isla markaasna aanay waafaqsanayn nidaamka u degan maamuladooda ee ay tahay wax dad gaar ah ku taloxumaysteen. Si kastaba ha ahaatee arrintani waa arrin weyn oo yeelan karta wax badan oo ka dambeeya, waxaana loo baahanyahay in la qaado tillaabooyin waaweyn oo leh baaxadda xadgudubku leeyahay, ayna ka wada qaybqaataan, isuna kashadaan hoggaanka diimeed, dhaqan iyo siyaasadeed ee deegaanada iyo beelaha arrintu dhextaal, qolo walbana ay ka soo baxdo waxa kaga aadan dhacdadan foosha xun iyo xal u helideeda. Waxaa kalle oo ku habboon dhinacyada arrintani sida gaarka ah u sii khusayso inay dib u jalleecaan raadka xun ee arrinta noocan ahi uga tagtay 3 shacab ee walaalaha ah Punland, Soomaaligalbeed iyo Soomaaliland markii ay ka hortagi waayeen dadkii labadoodaba sida xun u matalay! Sida aan wada ognahay waxaa hadda wakhti xaadirkaan aan ognahay inuu jirro urur lagu magacaabo JWXO oo diyaar u ah inuu dadkiisa mideeyo iyo inuu gumeysiga ka saaro ummadiisa. Qoraal muhiim ah oo aan ka soo saaray aalada internetka ayaa wuxuu cadeeynayaa qaabka loo aas-aasay ururkaan. ” Urur walba oo siyaasi ah, asaasayaashiisu waxay ka baaraan dagaan inay ku qeexaan ereyo gaagaaban oo durba la fahmi karo ujeedada ururkooda iyo hadafka uu beegsanayo inta aanay soo hordhigin dadweynaha ay quseyso. Waxaana haboon in erayadaasi ay muujiyaan wadada loo mari karo hadafkaa la beegsanayo.

Xigashada qoraalada qaar: 

http://samsondoya.blogspot.com/2014/02/ethiopias-new-strategy-towards-somalia.html

https://www.somalinet.com/forums/viewtopic.php?f=250&t=393118

http://waagacusub.net/articles/379/Ethiopias-New-Strategy-towards-Somalia-a-Moral-Story-of-Divide-to-Rule-Policy

https://www.somalispot.com/threads/ethiopian-professor-writes-about-ethiopia’s-policy-of-destabilizing-somalia.50441/

http://samaynta.com/index.php/2017/02/13/ethiopian-professor-writes-about-ethiopian-policy-of-destabilizing-somalia/

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Maxaa kasoo baxay wadahadalka Ankara ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya?

Wadahadalka waxaa dhinaca Soomaaliya u matalaya wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi, halka Itoobiya uu wakiil u yahay wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassiem, wuxuuna kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Published

on


Hadalkii MD Xassan Sh. Maxamuud oo ahaa innuusan wadahadal la geli doonin Itoobiya oo ku aadan Heshiiska Is-afgaradka ahaa ee u dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo Itoobiya wuxuu isu isu beddelay been.

Turkiga ayaa bilaabay inuu dhex dhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib khilaafkii labada dhinac ee la xiriiray heshiiskii badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka gooni isu taaggiisa ku dhawaaqay ee Somaliland horaantii sanadkan, sida ay warbaahinta Reuters u sheegeen afar sarkaal oo arrintan xog ogaal u ah. Wadahadalka waxaa dhinaca Soomaaliya u matalaya wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi, halka Itoobiya uu wakiil u yahay wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassiem.

Qoraal ay daabacday warbaahinta dowaldda Soomaaliya ayaa lagu yirri “Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay Dawladda Soomaaliya meel adag ka taagantahay qaddiyadda la xirriirta illaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi war murtiyeed wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga.”

Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gabagaboobay waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 Sebteember 2024.

Waxaa kaloo qoraalka warbaahinta dowladda Soomaaliya daabacday lagu yiri “Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dowladda Itoobiya ay ka noqoto heshiiska is-afgaradka ahaa iyo in aan wax gorgortan laga galeyn illaalinta madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan. Dawladdu waxa ay u mahadcelinaysaa Dowladda Walaalaha ah ee Turkiga kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaateen xasiloonida geeska Afrika.”

Dhanka kale wasaaradda arimaha dibadda ee Somaliland ayaa war ka soo saartay walaac arrinkaasi ku saabsan. War qoraal ah oo ay daabacday Somaliland ayaa u qornaa sidatan:

“Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL mudane Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmay Qunsulka Guud ee Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri. Wasiirku waxa uu la wadaagay walaaca ay xukuumadda Somaliland ka qabto arrimo door ah oo saamayn kara xidhiidhka labada dawladood ee Türkiga iyo Somaliland.”

“Kulanka oo kusoo dhammaaday is-afgarad ayaa waxa la isla qaatay in la sii xoojiyo xidhiidhka iyo wadashaqeynta dawladaha Somaliland iyo Türkiga.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha Norway?

Maxaa ka soo baxay safarka madaxweyne Xassan uu ka tagay dalka Norway – qodobada ugu muhiimsan halkaan hoose ka akhriso.

Published

on

Villa Somalia

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ah ku jooga caasimada dalka Norway ee Oslo, wuxuuna la kulmaayey Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre.

Imaanshaha madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee wakhtigaan waxaa ka horreeyey wasiirkii horre ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibedda isla dowladdan Xassan Sh. Maxamuud. Xukuumadda Xassan Sh. Maxamuud waxay sameysay iskudayo aan lagu guulaysanin ee lagu xoojinaayo xariirka labada dal.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab balse waxaa hadalkiisa ka reebanaa inuusan sheegin guuldarooyinka dowladdiisa ee ku aadan la dagaalanka Al-shabaab iyo sidoo kale in dalka dagaallo beeloodyo ay ka jirraan wakhtigaan uu ku sugan yahay dalka Norway iyo muddooyinkii dambe oo dhan.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta oo ah ‘magaca ay dowladda federaalka Soomaaliya u taqaano’ Al-shabaab ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal. Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa sidoo kalle ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mudane Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladdiisa sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa sidoo kale waxa uu qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii Maay 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub. Hal bil gudaheeda madaxweynaha ayaa u safray dalal badan oo caalamka kamid ah asigoo leh wasiir arrimo dibadeed – waxay dad badan iswaydiin karaan aaway shaqadii wasiirka arrimaha dibedda!

Norway ayaa sanadihii ugu dambeeyey qeyb libaax leh ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, laakiin nasiib-xumada jirta ayaa ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaanan wali u bislaanin inay shacabkooda samata-bixiyaan.

Madaxda kalle marka ay yimadaan Norway waxaa loo soo dhaweeyaa si heer sarre ah oo maamuus leh, balse kuwa Soomaalida waa lagu bahdilaa. Marka ay yimadaan hoteel ayay degaan waxaana soo dhaweeya kooxda qabiilka ugu dhow madaxweyne ama wasiir.

Sababta waxaa ugu wacan mida koowaad malahan wax ajende ah, midda labaad waa madax ku timaaday 4.5 sidaas awgeed waxaa jira dad aan madaxweyne ahaan u aqoonsaneen madaxda Soomaaliya madamaa lagu dulmiyey nidaamka dowladnimo ee meesha lagu haayo. Sidoo kale, dowladaha kalle ee caalamka sida reer Yurub waa ay ogyihiin in madaxda Soomaaliyeed ay ku yimadaan nidaamkaas loona baahan yahay in wax laga beddelo – loo gudbo doorasho dadweyne.

Inta badan malahan ajendo qaran ee ay xambaarsan yihiin waxaana ugu wacan nidaamka dalka ka jirra. Tusaalle: Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluxu Hassan oo booqasho ku joogtay Norway, ayaa doonaysa in Norway ay maalgashi ku sameyso Tansaania waxayna sheegtay inay rabto iskaashiga ganacsi ee ma aha gargaar waxa ay doonayso. Sidoo kalle iskama aysan imaanin Norway illaa loo diray casuumad rasmi ah.

Arrimaha ka qeyb-galka Diblomaasiyadda Norway 

Norway waxay si firfircoon ugu hawlan tahay taageeridda Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bishii Maajo 2021, Ergeyga Joogtada ah ee Norway u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mona Juul, ayaa muujisay taageerada ay u hayso wada-hadallada dib u soo noolaynta ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa horey u jiray tuhun ah in Norway ay faragelin ku lahayd arrintii muranka badda ee u dhaxeysay Kenya iyo Soomaaliya, balse Norway ayaa horey u cadeysay doorka ay ku leedahay muranka soohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide, ayaa carabka ku adkeeyay mowqifka dalkiisa intii ay socotay dacwadda dhanka sharciga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee uu ku taageerayo dooda Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Madaxweyne Xassan Sheekh oo safar Norway ah u ambabaxay – waa maxay ujeedka safarka?

Waa sidee xaalka wakhtigaan ee xiriirka diblomaasiyaddeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway?

Published

on


Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay safar uu ku tagaayo dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo muddo saddex maalmood ah, waa sida ay xaqiijisay xafiiska Villa Somalia.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay caasimadda Oslo ee dalka Norway, waxa uu wadahadallo laba geesood ah uu la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre. Imaanshaha Xassan ee wakhtigaan waxaa ka horreeyey wasiirkii horre ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibedda isla dowladdan Xassan Sh. Maxamuud. Xukuumadda Xassan Sh. Maxamuud waxay sameysay iskudayo aan lagu guulaysanin.

Norway ayaa sanadihii ugu dambeeyey qeyb libaax leh ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, laakiin nasiib-xumada jirta ayaa ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaanan wali u bislaanin inay shacabkooda samata-bixiyaan.

Madaxda kalle marka ay yimadaan Norway waxaa loo soo dhaweeyaa si heer sarre ah oo maamuus leh, balse kuwa Soomaalida waa lagu bahdilaa. Marka ay yimadaan hoteel ayay degaan waxaana soo dhaweeya kooxda qabiilka ugu dhow madaxweynaha. Sababta waxaa ugu wacan mida koowaad malahan wax ajende ah, midda labaad waa madax ku timaaday 4.5 sidaas awgeed waxaa jira dad aan madaxweyne ahaan u aqoonsaneen madaxda Soomaaliya madamaa lagu dulmiyey nidaamka dowladnimo ee meesha lagu haayo.

Tusaalle: Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluxu Hassan oo booqasho ku joogtay Norway, ayaa doonaysa in Norway ay maalgashi ku sameyso Tansaania waxayna sheegtay inay rabto iskaashiga ganacsi ee ma aha gargaar waxa ay doonayso. Sidoo kalle iskama aysan imaanin Norway illaa loo diray casuumad rasmi ah.

Boqorada Sonja (bidix) iyo Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa intii lagu guda jiray casho-sharafta ka dhacday qasriga boqortooyada ee lagu sharfay madaxweynaha oo la xidhiidha booqashadiisa rasmiga ah ee Norway. Sawirka: Annika Byrde / POOL / NTB Sawirka: Annika Byrde / POOL / NTB

Inta uu xukunka haayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xariirka Norway iyo Soomaaliya ayaa xoogsaday, waxaana u istaagay xoojinteeda waa Xassan Cali Kheyre oo wax ku bartay dalka Norway. Haddana, iyadoo ay sidaas tahay Farmaajo waligiisa ma booqanin Norway intii uu xukunka haayey, maxaa yeelay wuxuu diidanaa habka loolla dhaqmo madaxda Soomaalyeed marka ay yimadaan Norway.

Xiriirka Soomaaliya iyo Norway

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Norway iyo Soomaaliya waxaa gacanta ku haya safaaradda Norway ee Nayroobi. Norway wax safaarad ah kuma lahan gudaha Soomaaliya balse waxaa u jooga wakiilo ku xaraysan gudaha xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho.

Norway waxay weli taageertaa dib-u-habaynta dowlad dhiska Soomaaliya. Wakhtigaan la jooga taageerada Norway waxay lagama maarmaan u tahay xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya si loo kobciyo soo kabashada dhaqaalaha, dib u habeynta waaxda amniga, iyo ka hortagga ururka laf-dhuun-gashay ku noqday dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Arrinta xiisaha lihi waxay tahay in Soomaalida ku dhaqan dalka Norway ay yihiin dadka ugu badan ee Afrikaanka ah ee kunool Norway, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay qaxooti ahaan ku yimaadeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Fursadaha aysan ka faa’idaysanin Soomaaliya waxaa kamid ah isbeddelka cimilada iyo in Soomaaliya lagu soo darro dalalka horumarkooda socda lagana saarro dalalka gargaarka u baahan. Khibrad la’aan diblomaasiyaddeed ee haysata masuuliyiinta ku heeraarsan dowladda Xassan Sh. Maxamuud ayaa keentay in aan laga faa’idaysanin fursadaha jirra.

Soomaaliya aad bay ugu nugushahay saamaynta isbeddelka cimilada iyo cimilada oo aad u daran. Waxay saamaynaysaa hab-nololeedyada, waxay kordhisa barakaca, waxayna sii hurin kartaa xiisadaha dagaaladda sokeeye oo wali meelo badan oo dalka ka jirra, waxayna carqaladayn kartaa dadaallada xallinta khilaafaadka ee socda. Si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee soo noqnoqda ee Soomaaliya, dalka wuxuu baahannahay aqoonyahano diblomaasiyaddeed oo wax ka keeni kara iskaashiga lala yeelano caalamka intiisa kalle si wax loogu qabto dhibaatooyinkaas iyo khataraha amni ee la xiriira cimilada.

Arrimaha ka qeyb-galka Diblomaasiyadda

Norway waxay si firfircoon ugu hawlan tahay taageeridda Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bishii Maajo 2021, Ergeyga Joogtada ah ee Norway u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mona Juul, ayaa muujisay taageerada ay u hayso wada-hadallada dib u soo noolaynta ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Wadahadalku wuxuu ujeedkiisu ahaa in wax laga qabto caqabadaha siyaasadeed iyo sidii xal loogu heli lahaa heshiiskii 17kii Sebteembar.

Norway ayaa horey u cadeysay doorka ay ku leedahay muranka soohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide, ayaa carabka ku adkeeyay mowqifka dalkiisa intii ay socotay dacwadda dhanka sharciga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee uu ku taageerayo dooda Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Kenya ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda

Kenya ayaa madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud usoo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan asiga iyo Itoobiya taasoo ku saabsan heshiiska dekedda, si ay Itoobiyadana u heli karto dekad. Laakiin, yaa iswaydiiyey maxay helayaan Soomaalida?

Published

on


Kenya ayaa madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud usoo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan asiga iyo Itoobiya taasoo ku saabsan heshiiska dekedda. Talaabadan ay Kenya ku dhiiratay inay kala hadasho Madaxweynaha aan doorasho shacab ku imaanin ee Xassan Sh. Maxamuud (4.5) ayaa lagu soo waramayaa in ay u ogolaan doonto Itoobiya aan bad lahayn in ay hesho dhul baddeed aan la carqaladayn iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Mas’uul sarre oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa khamiistii sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, isla markaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Kenya ayaa u soo jeedisay madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud in la heshiisiiyo asiga iyo Abiy Axmed ee kala dhaxeeyo muranka madax bannaanida dal oo lagu xallinaayo arrimaha gobolka oo sii xoogaysanaya muddooyinkan dambe, kaasoo u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya. Murankaan ayaa bilawmay kadib markii Itoobiya ay soo hunguriyeysay badda Soomaaliya.

Kadib, markii Itoobiya ay soo hunguriyeysay dekkada Soomaaliya horeyna dekkada Berbera ay ugu lahayd boqolkiiba 19%, ayaa haddana waxay heshiis kale la gashay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dekkadiisa loogu beddelanayo aqoonsi inay Itoobiya siiso, ayaa u gogol xaaraya in Itoobiya ay sameysato howlgal ganacsi oo dhanka badda ah, si ay u hesho saldhig millatari oo ay ka maamusho Badda Cas, Redwaan Xusseen, ayaa yirri oo ah la taliyaha amniga ee RW Abiy Axmed.

Waxa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa in Somaliland loo aqoonsado qaran ka madax-bannaan Soomaaliya. Somaliland waxa kale oo ay heli doontaa saami qaybsiga diyaaradda Itoobiya Airlines ee dawladdu leedahay, sida uu sheegay Redwaan Xusseen. Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa ay Soomaaliya u leedahay difaacista dhulkeeda, ayaa lagu yirri war-saxaafadeedka dawladda Soomaaliya oo uu akhriyey af-hayeenka xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Farxaan Jimcaale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan “sina dhaqangal u noqon doonin.” Waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay fursad u siinayso al-Shabaab inay qorato dad cusub, xilli dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaalka Al-Shabaab, guulana ka gaartay.

Dowladdo iyo ururo caalami ah ayaa Soomaaliya ku taageeray. Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-siisi, ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay Soomaaliya khilaaf ka dhashay dalab ka yimid maamulka Waqooyiga ee Somaliland, kaasoo ahaa in Itoobiya oo aan bad lahayn la siiyo xeebaheeda si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda oo ay muddo raadinaysay.

Kulanka dhex maray labada madaxweyne: William Ruto iyo Xassan Sh. Maxamuud

Wakaaladda wararka oo soo xiganaysa Korir Sing’oei, oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegay in qorshahan oo lagala tashanayo Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD ee bariga Afrika, lagu maamuli doono sida dalalka gobolka ee aan badda lahayni ay awood ugu yeelan lahaayeen ganacsi u helida dekedaha.

Kenya William Ruto (M) iyo Xassan Sh. Maxamuud (B). Taariikhda waxay ahay 12.04.2024

“IGAD waxay awood u yeelan kartaa inay dejiso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” Sing’oei ayaa yiri.

Soomaaliya oo wali u aragta in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulkeeda inkasta oo gobolkaasi uu xornimadiisa qaatay 1991-kii, waxa ay cambaaraysay heshiiskaas oo ay ku tilmaantay dhul-qabsi iyo meel-ka-dhac ku ah midnimada dhuleed. Todobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ka eriday safiirka Itoobiya Muqtaar Maxamed Waare, iyadoo sabab looga dhigay tallaabooyin ay Addis Ababa ku sheegtay inay ku xad-gudbi doonto arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo dalkiisa uu ku tiirsanaa dekadda Jabuuti inta badan ganacsiga badda in ka badan sodon sano, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid muhiim u ah baahida dhaqaale ee Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu beeniyay hadal ka soo yeeray Muqdisho oo ay taageertay Masar, kaasi oo ahaa in dowladiisa ay isku dayeyso inay qabsato dhulka Soomaalida.

Khamiistii, xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu soo waramayaa in uu sheegay in heshiiska Nayroobi ee la soo jeediyay uu siin doono Itoobiya “helitaanka kheyraadka badda xasilloon oo la saadaalin karo” haddii la ansixiyo. Tani waxay u ogolaanaysaa dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika inuu si xor ah u sameeyo ganacsi isagoo sidoo kale ixtiraamaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayuu yirri Sing’oei.

“Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno dhammaan dhinacyada anaga oo ujeedadeenu tahay inaan hubinno in gobolku uu ugu dambeyntii si buuxda u helo xasilloon,” ayuu yiri Singwe.

Hadalka Sing’oei ayaa imaanaya kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Nayroobi kula kulmay dhiggiisa Kenya William Ruto oo ay ka wadahadleen sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa Jimcihii sheegay in wararka sheegaya “heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid aan waxba ka jirin.”

“Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa midnimada dhulkeeda. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu ku soo qoray X (hore Twitter-ka).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay cayrisay safiirka Itoobiya, islamarkaana xirto qunsuliyado?

Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadal go’aanka dowladda Soomaaliya.

Published

on


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay qunsuliyadaha ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, ayada oo Addis-Ababa ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Qaraar kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 Abriil 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey islamarkaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.”

Dowladda ayaa sidoo kale amartay inay toddobaad gudihiis dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Itoobiya. “Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Itoobiya uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkan “ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” lagana qaadi tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka, sida lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu amray safiirka Itoobiya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.

Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadal go’aanka dowladda Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa imanaya ayada oo shalay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed oo booqday Addis-Ababa.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa horey uga dhaxeeyey xiisad ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ee dhigayey in Somaliland ay Itoobiya ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato saldhig ciidamada badda ah iyo dekad, halka Itoobiya ay aqoonsaneyso Maamulka Somaliland.

Faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya

Faragelinta aan kala joogsi lahayn ee taariikhda Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya ayaa ah arrin laga argagaxo heer mid kamid ah dalalka deriska ah ee geeska Afrika, Eriteriya ay ahayd sababta ay ugu baxday ururka IGAD. Yemane Gebreab, oo sidoo kale ah madaxa arrimaha siyaasadda ee Jabhadda People’s Front for Democracy and Justice (PFDJ), ayaa sheegay in Eriteriya ay joojisay xubinimadeedii ururkaas, kaddib markii lagu xad-gudbay madax-bannaanida dal xubin ka ah, oo ay ula jeedo Soomaaliya.

Xaaladda gobolka Geeska Afrika oo sii xumaatay kadib markii ay Itoobiya heshiis ay ku tilmaamtay is-afgarad dhexmaray iyada iyo Somaliland. Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay heshiiska dekedda ay Itoobiya la gashay Somaliland. Kadib shir deg deg ah oo ay yeesheen, golaha wasiirada Soomaaliya ee ku yimid nidaamka 4.5 ayaa sheegay in heshiiska u ogolaanaya Itoobiya in ay isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas uu yahay mid aan waxba ka jirin. Kulanka uu yeeshay Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya, ayaa dawladda Soomaaliya ay sheegtay in is-afgaradkaasi uu yahay “waxba kama jiraan.” Waxay sheegtay dawladda Soomaaliya in tallaabada Itoobiya ay qaadday ay gardarro iyo xadgudub ku tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul