Connect with us

Arrimaha Amniga

Somaliland oo sheegtay in dedaallada aqoonsi raadintu ay usoo jiideen cadow badan

“Markasta oo dedaalladeennu laba jibbaarmaan, waxa badanaya dibindaabyada la innala damacsanyahay, waxa shacabka laga rabaa feejignaan” – ayuu yiri Barkhad Jaamac Batuun.

Published

on


Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu ku tagay dalka Maraykanka, isaga oo sheegay in safarku ku qotomo xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed, ganacsi iyo amni.

Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in muddadii uu Madaxweyne Cirro xilka hayay uu xoogga saaray sidii loo xaqiijin lahaa rajada shacabka Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah. “Intii uu Madaxweynuhu xafiiska joogay waxa uu dedaal u galay rumeynta rajada shacabka oo ah aqoonsi” – ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun.

Wasiirka ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay feejignaan, isaga oo sheegay in marka ay bataan dedaallada Somaliland ay sidoo kale kordhaan caqabadaha iyo waxa uu ku tilmaamay dibindaabyo lala damacsan yahay Somaliland.

“Markasta oo dedaalladeennu laba jibbaarmaan, waxa badanaya dibindaabyada la innala damacsanyahay, waxa shacabka laga rabaa feejignaan” – ayuu yiri Barkhad Jaamac Batuun.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa bahda saxaafadda Somaliland ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan tebinta iyo taageeridda safarka Madaxweynaha, isaga oo xusay kaalintii ay warbaahintu ka qaadatay safarkii hore ee Madaxweynaha ee Israa’iil. “Bahda saxaafadda oo hubka Somaliland haysato ah, waxa aanu u soo jeedinaynaa in ay kaalintii safarkii Israa’iil ay ka qaateen oo kale ay ka qaataan,” ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa ugu dambayn farriin u diray shacabka Somaliland ee gudaha iyo qurbaha, isaga oo ugu baaqay inay xoogga saaraan waxyaabaha mideeya iyo guulaha ay Somaliland gaadhay.

“Farriinta xukuumaddu waxa weeye, qurbajoog iyo qolqol joogba in aad muhiimad siisaan waxyaabaha ina midaynaya iyo guulaha kala dambeeya ee aynu gaadhayno,” ayuu yidhi Wasiir Batuun.

Soomaaliya oo dowladaha Carabta ka codsatay inay joojiyaan ololaha aqoonsiga Somaliland

Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqday waddamada Carabta inay isticmaalaan saameyntooda diblomaasiyadeed si ay u joojiyaan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland inuu isu beddelo olole caalami ah oo ballaaran oo lagu aqoonsanayo gobolka go’doonsan.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa codsigan ka jeediyay wareysi uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat. Cumar wuxuu sheegay in Muqdisho ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada suurtagalka ah ee ay sameynayaan waddamada kale si ay u aqoonsadaan Somaliland. Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay si toos ah ula xiriirtay Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay ugu sharaxdo diidmada ay ka qabto go’aanka Israa’iil.

Sida laga soo xigtay Cumar Israa’iil waxay noqotay dowladdii ugu horreysay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsata Somaliland bishii Diseembar. Labada dhinac ayaa markii dambe is dhaafsaday safiirro halka Somaliland ay safaarad ka furtay Qudus Madaxweynaheeduna uu booqday Israa’iil.

Cumar wuxuu sheegay in aqoonsiga Israa’iil uusan weli kicin mowjad ballaaran oo aqoonsi caalami ah. Si kastaba ha ahaatee wuxuu ka digay in hawlgallada militariga ama sirdoonka shisheeye ee Somaliland ay kordhin karaan xiisadaha isla markaana ay khatar gelin karaan xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Wuxuu ku boorriyay dowladaha Carabta inay ka gudbaan cambaareynta oo ay si firfircoon u adeegsadaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, si ay uga hortagaan aqoonsi dheeraad ah oo loo fidiyo Somaliland. Soomaaliya waxay u aragtaa Somaliland inay qayb ka tahay dhulkeeda madaxbannaan, halka Somaliland ay raadineysay aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arrimaha Amniga

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato.

Published

on


Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka Macaawiisleyda kaas oo ka dhacay tuulada Tardo ee Gobolka Hiiraan, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka, Cusmaan Xuseen Gure oo loo yaqaan Cismaan Dheere.

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato. Dadka deegaanka ayaa u gurmaday ninkan, taasoo keentay in iska horimaad hubeysan uu ka qarxo deegaanka, sida aan xogta ku helnay.

Cismaan Dheere ayaa sheegay in dagaalku uu socday saacado isla markaana kooxda Al-Shabaab ay hareereeyeen deegaanka, iyadoo xaaladdu ay sii xumaatay. Waxa uu sheegay in dad rayid ah lagu dilay intii uu dagaalku socday halka qaar kalena ay ka carareen guryahooda, iyagoo u kala firxaday deegaano u jira qiyaastii 40 ilaa 80 kiiloomitir.

Dagaalka ayaa sidoo kale hakiyay dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee dadka deegaanka, sida uu sheegay guddoomiyuhu. Dad subaxnimadii u baxay suuqa iyo goobahooda shaqada ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan goobahaas markii uu iska horimaadku billowday.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay dhawaan faafisay warar sheegaya inay heshiis nabadeed la gashay beesha Xawaadle, kaas oo lagu soo afjarayo khilaaf muddo u dhexeeyay kooxda iyo beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee, Cismaan Dheere ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in heshiiskaasi uu ahaa mid dhab ah. Waxa uu sidoo kale shaki geliyay muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay oo la xiriiray heshiiska, isaga oo sheegay inay suuragal tahay in qaar ka mid ah muuqaaladaas lagu sameeyay ama wax looga beddelay farsamada sirdoonka macmalka ah (AI).

Guddoomiyaha Tardo ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda, isaga oo sheegay in dadka deegaanka ay u baahan yihiin gurmad iyo in xal loo helo dagaallada soo noqnoqday ee saameynaya noloshooda.

Hay’adda Xasaradaha Adduunka oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group), ayaa lagu sheegay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab uu galay marxalad aad u adag oo ismariwaa iyadoo labada dhinacna midkood uusan awoodin inuu guul militari oo la taaban karro oo kama dambeys ah uu ka gaaro dagaalka ka socda Soomaaliya.

Warbixinta Hay’adda Xasaradaha Adduunka waxa ay xustay in guulihii ay dowladdu ay ka gaartay gobollada dhexe dalka Soomaaliya inta u dhexeysay 2022-2023-kii oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkiisii ugu horreeyay xukunka ay ahayd ay dib u wiiqmayn kadib weerarro ballaaran oo Al-Shabaab ay qaaday inta u dhexeysay 2024-2025, taasoo keentay in Al-Shabaab ay dib ula wareegto inta badan deegaanadii hore looga saaray.

Sida ay warbixinta tilmaamayso dowladda Soomaaliya ayaa dib isugu abaabushay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah waxayna ku guuleysatay inay adkeyso amniga deegaano muhiim ah oo ku dhow magaaladda caasimada ee Muqdisho. Hase yeeshee, qaybo badan oo kamid ah bartamaha dalka Soomaaliya ayaa wali ku jira gacanta Al-Shabaab taas oo sii xoojinaysa ismariwaaga dagaalka Soomaaliya.

Hay’adda International Crisis Group ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay wax ka beddeshay xeeladeheeddii dagaalka iyadoo ay iskudayayso inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay bulshada ku dhexbool deegaannada ay maamusho ee dalka Soomaaliya isla markaana ay yareyso ku tiirsanaanta cabsi gelinta oo kaliya. Tan kale waxaa sidoo kale ay sheegtay in dowladda ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo hoos u dhac ku yimid taageeradii dibadda dowladda ay ka heli jirtay.

Warbixinta Hay’adda International Crisis Group waxay ku talisay in dowladda federaalka Soomaaliya dib u habeyn ay ku sameyso tabbabarka iyo tayada ciidamada qaranka Soomaaliya isla markaana ay xoojiso wada-shaqeynta dowlad goboleedyada dalka oo hadda qaarkood khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo sida Jubbaland iyo Puntland isla markaana ay kor u qaado awooda ciidamada heerka gobol si loo sugo ammaanka deegaannada hore Al-Shabaab looga saaray.

Warbixintu waxay sidoo kale ku baaqday in la fududeeyo gargaarka bini’aadanimo ee loogu talagalay shacabka ku nool deegaannada Al-Shabaab ay gacanta ku hayso, iyadoo ugu dambeyntii ay ku dooday in xal siyaasadeed iyo wadahadal ay yihiin wadada ugu macquulsan ee lagu soo afjari karro colaadda muddada dheer ka socotay dalka Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

“Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Published

on


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo ku eedeeyay dowladda muddo dhaafka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku mashquulsan tahay doorashooyin aan heshiis laga gaarin, isla markaana ay waddo tallaabooyin uu sheegay inay horseedi karaan isku dhac iyo dhiig daata.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in mucaaradka iyo dowladda ay muddo dheer ka wada hadlayeen hannaanka doorashooyinka balse uu sheegay in dadaalladaas ay caqabad ku noqdeen waxa uu ku tilmaamay nidaamka muddo-dhafka ah. Shariif wuxuu sheegay in muhiimaddu ay tahay in la isku raaco nooca doorashada dalka ka dhacaysa, habka ay u dhacayso iyo in tartanku noqdo mid caddaalad ah. “Waxa la rabaa in xoogga la saaro taas oo dadka la isu keeno oo laga heshiiyo” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in qorshihii ahaa in bisha Oktoobar la qabto shir looga hadlo doorashooyinka ay caqabado la kulmeen. Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay waddo waxa uu ku tilmaamay “provocation” iyo diyaar-garow dagaal oo lala xiriirinayo mucaaradka. “Caqabadahaas waxaa kamid ah provocation-ka iyo diyaar-garowga dagaalka oo aad maqasheen inay waddo xukuumadda waqtigeedu dhammaaday oo ay rabaan inay kusoo qaadaan mucaaradka” – ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in xaaladda ka jirta qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay tahay in aan lagu soo celin magaalada Muqdisho. “Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa si gaar ah uga jawaabay eedeymo la xiriirinaya Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay inuu dalkaas deggan yahay balse uu arrintaas ku tilmaamay marmarsiiyo aan loo adeegsan karin dhiigga siyaasiyiinta mucaaradka. “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya. Aniga Imaaraadka waan degganahay” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay in joogitaankiisa Imaaraadka aysan sabab u noqon karin in lagu eedeeyo falal ka dhan ah dowladda Soomaaliya. “Ma noqon karto asbaab lagu baneysto dhiigga dadka mucaaradka u taagan in dalkan dastuurkana la ixtiraamo, doorashana laga heshiiyo” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa intaa ku daray in haddii qof uu ku baaqayo in la ixtiraamo dastuurka, doorashada laga heshiiyo, isla markaana laga fogaado dagaal, aysan jirin sabab loogu tilmaamo inuu dalka dhibaato u wado. Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dhaliilay isticmaalka ciidamada iyo hay’adaha dowladda, isagoo sheegay in hay’adaha amniga iyo ciidamada aan loo adeegsan karin wax uu ku tilmaamay kicin iyo isku dhacyo siyaasadeed. “Hubkii loogu talogalay in Al-Shabaab lagula dagaalamo ayuu rabaa in Xasan Sheekh uu Muqdisho ku gubo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer soo mareen dagaallo iyo dhibaatooyin, ayna doonayaan inay arkaan dowlad Soomaaliyeed oo leh hay’ado si dhab ah u shaqeeya. Hadalkaan uu jeediyay Sheekh Shariif ayaa imaanaya iyadoo dhowaanahaan ay soo baxayeen warar la isla dhex maraayay oo sheegaya in Dowladdu wado qorshe ay ku weerareeyso xarumaha ay degan yihiin Hogaamiyeyaasha Mucaaradka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

NISA waxay sheegtay in Bashiir Nuunow uu ahaa hoggaanka waaxda ay Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024.

Published

on


Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in hawlgalkii qorsheysnaa ee ka dhacay degmada Jilib lagu dilay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow oo ay ku tilmaantay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa garabka amni ee kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay NISA soo saartay, hawlgalka ayaa dhacay habeenkii 1-da Oktoobar, iyadoo hay’addu sheegtay in uu ahaa hawlgal ay fulisay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamka. NISA waxay sheegtay in Bashiir Nuunow uu ahaa hoggaanka waaxda ay Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay inuu adeegsan jiray magacyada Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.

Sida ay NISA sheegtay, Nuunow wuxuu door ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha Soomaaliya, waxaana hay’addu ku xustay weerarkii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, qaraxii loo yaqaan Soobe 2, iyo weerarro kale oo ka dhacay Muqdisho.

NISA ayaa sheegtay in hawlgalka Jilib uu qayb ka yahay dadaallo ay hay’addu ku baacsanayso hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ee ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen weerarrada lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in geerida Bashiir Nuunow ay saameyn ku yeelan karto hoggaanka iyo shabakadaha kooxda gaar ahaan kuwa loo adeegsado qorsheynta iyo fulinta weerarrada.

Dhanka kale, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Buur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in hawlgalku ka dhacay deegaanka Buur-Saruur oo qiyaastii laba kiiloomitir dhanka Koonfur Bari kaga beegan Cali-Gaduud halkaas oo ay hay’addu tilmaantay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan argagaxisadda Al-Shabaab.

Sida ay NISA sheegtay hawlgalku waxaa sidoo kale lagu burburiyay saanad iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay howlaheeda, iyadoo ciidamadu ay sii wadaan baacsiga xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka haray deegaannadaasi. Hawlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Soomaaliya ay kordhiyeen hawlgallada ay xogta sirdoonku hoggaaminayso ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

NISA ayaa horraantii bishan sheegtay in hawlgal ka dhacay deegaannada Guulane iyo Al-Furqaan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo saddex dagaalyahan oo kale. Bishii Agoosto, hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in hawlgal ka dhacay deegaanka Fiidow lagu bartilmaameedsaday guri ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

“Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab uu sii socon karo muddo kale, balse uusan jirin suurtagal ay kooxdaasi mar kale kula wareegi karto gacan-ku-haynta guud ee dalka.

Madaxweynaha oo wareysi siiya warbaahinta Alajzeera ayaa sheegay in Al-Shabaab xilli hore ay si weyn ugu fidday dalka, xitaa Madaxtooyada Soomaaliya ay weerarro kala kulmi jirtay meel aad ugu dhow, halka maanta uu sheegay in kooxda ay boqolaal kiiloomitir u jirto Muqdisho. “Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay isbeddeshay, isagoo ku dooday in horumar laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, marka loo eego xilligii kooxda ay awoodda badan ku lahayd qeybo badan oo dalka ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaallo sokeeye, dagaallo beeleed ama dagaal siyaasadeed.

“Al-Shabaab inay soo laabato waa wax aan suurtagal ahayn, sidoo kalena suurtagal ma aha in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye, dagaal beeleed ama dagaal siyaasadeed” – ayuu yiri Madaxweynaha. Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa yimid, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay aaminsan yihiin in haddii Soomaalidu dhexdeeda xal ka gaari weydo khilaafkeeda ay fursad u siin karto Al-shabaab inay dalka la wareegaan, caalamkuna ka sii jeesto arrimaha Soomaaliya kaddib in ka badan 30 sano oo ay taageerayeen.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo culus u jeediyay siyaasiyiin ka tirsan xubnaha mucaaradka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay shirar ku saabsan Soomaaliya ku qabanayaan magaalada Abuu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiir Fiqi ayaa qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook ku sheegay in siyaasiyiinta uu tilmaamay ay yihiin kuwo aan rajo ka lahayn mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale ku eedeeyay inay wadaan qorsheyaal uu sheegay inay khatar ku yihiin dawladnimada iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale isbarbardhig ku sameeyay siyaasiyiinta uu eedeynayo iyo kooxda RSF ee dagaalka kula jirta dowladda Suudaan, isagoo sheegay in labada dhinac shir loogu qabtay meel isku mid ah, isla markaana uu ku eedeeyay siyaasiyiintaas inay halkaas kaga baranayaan sida shaqada kuwa adeegsanaya u gudanayaan.

Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in siyaasiyiintaasi ay Soomaaliya kusoo laaban karaan iyagoo huwan qorsheyaal uu ku tilmaamay ‘shirqoollo ka dhan ah dawladnimada iyo nabadda’ isagoo ka digay in ay isku dayi karaan abaabulka maleeshiyaad iyo soo celinta hoggaamiye-kooxeedyada.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay inay si adag uga hortagto cid kasta oo uu sheegay inay khatar ku tahay nabadda, dawladnimada, qarannimada iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu sidoo kale adeegsaday erayga ‘khaa’inul waddan’ isagoo sheegay in qof kasta oo sidaas lagu tilmaamo ‘abaalkiisa la marsiin doono’.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Heshiis is-afgarad kala saxiixday bishii Janaayo 2024, waxaana uu ku saabsanaa in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka marin badeed.

Published

on


Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay si joogto ah u taageertay heshiisyo lagu siinayo Itoobiya marin ay ka hesho badda, iyadoo sheegtay in iskaashiga noocaas ah uu horseedi karo dan wadaag iyo horumar goboleed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay 3-dii Octoobar 2026, ku sheegtay in ay taageersantahay qorsheyaasha u oggolaanaya Itoobiya inay hesho marin badeed loo maro heshiisyo labada dhinacba faa’iido u leh.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay si toos ah uga hor imaanayso mowqifkeeda ku aaddan helitaanka marin badeed ee Itoobiya, iyadoo tilmaantay in ololaha Muqdisho ee ka dhanka ah is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024 uu yahay mid ka hor imanaya taageerada ay sheegtay dowladda Soomaaliya inay u hayso Itoobiya si ay u hesho marin badeed.

“Dowladda Somaliland waxay si joogto ah u taageertay heshiisyo gorgortan lagu gaaro oo u oggolaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin badeed iyada oo loo marayo iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh” – ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland. Somaliland waxay sidoo kale sheegtay inay diiddan tahay faragelin lagu sameeyo heshiisyada ay la gasho dhinacyada kale, iyadoo ku adkaysatay inay sii wadi doonto heshiisyo ay ku sheegtay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida isla markaana horumarinaya barwaaqada gobolka.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Heshiis is-afgarad kala saxiixday bishii Janaayo 2024, waxaana uu ku saabsanaa in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka marin badeed. Heshiiskaas ayaa sababay khilaaf diblomaasiyadeed oo xooggan oo ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Muqdisho ay ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay madax-bannaanida Soomaaliya.

Hadalkan Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Soomaaliya aysan diidnayn in Itoobiya hesho marin badeed, isaga oo xusay in arrintaasi ku imaan karto heshiis wadajir ah oo lagu isticmaalo dekedaha Soomaaliya.

“Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

– ayuu yirri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin joogitaan Israa’iil oo ka jira dalka, gaar ahaan qorshayaal uu sheegay inay Israa’iil ka waddo magaalada Berbera iyo garoonkeeda diyaaradaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi uu siiyay barnaamijka “Al-Muqabila” ee Al Jazeera oo si buuxda loo baahin doono maalinta Axadda ayaa sheegay in Israa’iil ay qorsheynayso inay saldhig baddeed ka samaysato Berbera, isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha magaaladaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada dhabta ah ee tallaabooyinkan ay tahay in Israa’iil ay ugu dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iiraan. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay si adag uga hortagi doonto waxa uu ku tilmaamay caqabadda ka dhalanaysa dhaqdhaqaaqyada Israa’iil.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka ku nool Somaliland ay si buuxda uga soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil, isagoo xusay in Muqdisho ay arrintan uga shaqeyn doonto qaab ilaalinaya madaxbannaanida iyo danaha Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay hore ula kulantay isku dayo lagu doonayay in lagu qaato qaybo ka mid ah biyaha dhuleed ee Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in dib loogu soo celiyay iyadoo la adeegsanayo sharciga caalamiga ah.

Waxa uu sidoo kale xusay isku day kale oo lagu doonayay in qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya loo adeegsado helitaanka marin badeed, balse Muqdisho ay diidday. “Markan sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan ka gudbi doonno caqabadda ay Israa’iil waddo” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, isla markaana uu tan iyo markii uu xilka markale qabtay dadaal ku bixiyay xoojintiisa. Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan wax diidmo ah ka qabin in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ay badda uga soo baxdo dhulka Soomaaliya ama ay hesho marin ganacsi oo badeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato isticmaalka laba ama saddex dekedood oo Soomaaliyeed si ay ugu soo dejiso ama uga dhoofiso badeecooyin. Waxa uu tilmaamay in arrintan lagu saleyn karo heshiisyo dhaqaale oo qeexaya khidmadaha iyo canshuuraha la xiriira adeegyada dekedaha.

Sida uu sheegay Xasan Sheekh, Itoobiya waxay Soomaaliya u sheegtay inay u baahan tahay marin badeed balse illaa hadda ma aysan soo gudbin codsi rasmi ah oo arrintaas ku saabsan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda amni ee gobolka, isagoo sheegay in Xuutiyiintu ay xasillooni-darro ka abuureen gobolka isla markaana ay carqaladeeyeen isu-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandab. Waxa uu tilmaamay muhiimadda marin-biyoodkaasi u leeyahay ganacsiga caalamka.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Mareykanku uu weli yahay saaxiibka ugu xooggan Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo iskaashi amni oo socda. Isagoo ka hadlayay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuu sheegay in kooxdaasi aysan hadda ka jirin magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya isla markaana aysan jirin fursad ay mar kale dalka gacanta ugu dhigto.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Geeska Afrika17 hours ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub21 hours ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga23 hours ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya1 day ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya1 day ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika2 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda2 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika2 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda3 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga3 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda3 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska3 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha4 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika4 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya4 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga4 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya4 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya4 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda5 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga5 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga5 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda6 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya6 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga6 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika6 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga6 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Arrimaha Amniga7 days ago

Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay doon ay saarnayeen toddobo ajaanib ah

Ameerika7 days ago

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Itoobiya7 days ago

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha Mekelle

Soomaaliya7 days ago

UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta

Yurub7 days ago

Booliiska Jarmalka oo markale gacanta ku dhigay kiiska Soomaali Mindi isku dishay

Soomaaliya1 week ago

Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dawladnimada

Xul

Diblomaasi.com