Tahriib iyo Tiiraanyo
Soomaalida oo ka mid noqotay kooxaha ugu badan ee doonyaha yaryar ku taga Ingiriiska
Xogtu waxay muujinaysaa in 3,901 muwaadin Soomaali ah ay doonyo yaryar ku gaareen Britain muddadii u dhaxeeysay bilooyinkii Juun 2025 ilaa Juun 2026, taas oo ah koror 76% ah marka loo eego sannadkii ka horreeyey.

Tirada muwaadiniinta Soomaalida ee lagu diiwaangeliyey inay doonyo yaryar kaga gudbeen kanaalka Ingiriiska ayaa si weyn u korortay, iyadoo Soomaalidu ay ka mid noqdeen jinsiyadaha ugu badan ee lagu arkay dadka sidaas ku galay dalka.
Tirakoobkii ugu dambeeyey ee dowladda Ingiriiska ayaa muujinaya in dadka Ereteriyaanka ay ahaayeen kooxda ugu badan iyagoo ka noqday 18% dadka doonyaha yaryar ku taga wadankaasi. Suudaaniyiinta iyo Afgaanistaaniyiinta ayaa midkiiba ahaa 13%, halka Soomaalidu ay ahaayeen 12%.
Dowladda Britain ayaa sheegtay in xogtaasi khuseyso dadka lagu qabtay ama lagu diiwaangeliyey inay doonyo yaryar kaga soo gudbeen kanaalka ayna ka tarjumayn dhammaan noocyada socdaalka sharci-darrada ah ee dalka.
Xogtu waxay muujinaysaa in 3,901 muwaadin Soomaali ah ay doonyo yaryar ku gaareen Britain muddadii u dhaxeeysay bilooyinkii Juun 2025 ilaa Juun 2026, taas oo ah koror 76% ah marka loo eego sannadkii ka horreeyey, isla muddadaas tirada Ereteriyaan-ka ayaa gaartay 5,875, halka dadka kasoo jeeda Suudaan ay ahaayeen 4,191.
Mas’uuliyiinta Britain ayaa sheegay in dad badan oo isku dayaya inay kanaalka ka gudbaan ay marka hore soo maraan dalal ka tirsan Yurub, kahor inta aysan gaarin xeebaha Faransiiska, halkaas oo shabakado dadka tahriibiya ay u abaabulaan iskudayga ay ku gaaraan Britain.
Arrinta tahriibka doonyaha yaryar ayaa noqotay mid si weyn uga dhex taagan doodaha siyaasadeed iyo kuwa bulshada Ingiriiska, iyadoo dowladda iyo dowladaha kale ee Yurub ay wajahaan cadaadis ku aaddan yareynta socdaalka sharci-darrada ah iyo burburinta shabakadaha dadka tahriibiya.
Dadkaan muhaajiriinta ah dhalinyaradaan u badan ayaa waxay ka hayaameen colaadaha iyo shaqo la’aanta baahsan dalalkooda, waxay inta badan Soomaalida ay naftooda ay ku waayaan badaha ay kamid yihiin Liibiya Meditirain-ka halkaasi oo in badan ku dhinteen.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa dhowaan warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay ku dhawaad dad gaaraya kumanaan qofood inay sanad kastaba ku geeriyoodaan xeebaha dalalka dhaca kaabiya ku haaya dalalka Yurub iyadoo sidoo kale Liibiya ay kamid tahay meelaha ugu daran ee dhibaatooyinkan ka taagan yihiin.
Qaar badan oo kamid ah Soomaalida ku jira ee ku sugan dalka Liibiya ayaa xabsiyo waxay ugu jiraan tahriibiyaal, iyagoo loo haysto in badan oo kamid ah madax furasho oo eheladooda lagu xujeysto. Dowladda ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo arrintaan kaga jawaabayso maadaama ay sii kordhayaan dhalinyarada in badan oo kamid ah Soomaalida oo ku dhimanaya xeebaha dalalka Liibiya, Talyaaniga, Spain iyo Al-Jeeriya.
Liibiya ayaa muddo dheer ah ahayd marin muhiim ah oo ay maraan muhaajiriin kasoo cararay colaadaha faqriga iyo xaaladaha adag ee ka jira dalalka qaarada Afrika, iyagoo iskudayaya inay gaaraan qaarada Yurub.
Tahriib iyo Tiiraanyo
Tahriibiyaal gaaraya 51 ruux oo ku geeriyooday Waqooyiga xeebaha dalka Liibiya
Ciidamada Ilaallada Xeebaha dalka Liibiya iyo kooxaha gurmadka ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan dhowr iyo toban qof iyadoo dadka intooda badan la’ayahay.

Ugu yaraan 51 qof oo muhaajiriin ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen ama la’ayahay kadib markii ay doontii la socdeen ay kula degtay xeebaha dalka Liibiya ee Waqooyiga qaaradda Afrika xilli ay isku dayayeen inay si sharci darro ah ay ku gaaraan dalalka qaaradda Yurub iyagoo marka hore ka degaya dalka Talyaaniga oo badda u dhexeysa Meditearian-ka iyo Liibiya ay ugu gudbaayeen doomo macmal ah oo aad u khatar badan xilli badda mowjadaheedu ay kacsanaayeen.
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka IOM ayaa xaqiijisay in shilkaan naxdinta badan uu ka dhacay meel ku dhaw magaalo xeebeedka Sabraata oo caan ku ah mariinada ay isticmaalaan kooxaha tahriibinta iyo dadka muhaajiriinta ee halkaasi doomaha laga saaro.
Doonta ayaa siday muhaajiriin tiradooda kor u dhaafayso illaa iyo 60 qof waxaana la sheegay in dhibaatooyin badan ay soo wajahayeen doonta cilado farsamo oo gabi’ahaanba keenay doonta in matoorkeedii uu fadhiisto taasoo ugu dambeyntii sababtay inay degto.
Ciidamada Ilaallada Xeebaha dalka Liibiya iyo kooxaha gurmadka ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan dhowr iyo toban qof iyadoo dadka intooda badan la’ayahay.
Hay’aadda IOM iyo hay’adaha kale ee gargaarka ee ka hawlgala dalka Liibiya waxay ka digayaan halista sii kordhaysa ee marin biyoodkaan ee badda Meditrean-ka oo u noqday albaabka u weyn ee muhaajiriinta ay maraan kaas oo loo aqoonsaday mid kamid ah mariinada ugu dhimashada badan adduunka oo dhan markaasina waxaa la xaqiijiyay inay jiraan dad kumanaan gaaraya oo bilooyinkii iyo sanadihii lasoo dhaafay ku dhintay.
Dalka Liibiya ayaa wali wuxuu noqday barta ugu weyn ay ka baxaan muhaajiriinta kasoo jeeda wadamada qaaradda Afrika, Bariga Dhexe waxaana ay rabaan inay gaaraan dalka Talyaaniga iyo qeybaha kale ee Yurub iyadoo safaradaan inta badan ay isticmaalaan doomo macmal oo aad khatartooda u badan tahay oo qaarkood laga sameeyay cinjirro la buufiyay.
Waxaana muhaajiriinta la sheegay dalka Talyaaniga jooga inay wali ku adkeysanayaan safarka inay sii wataan xilli doomo badana ay degeen dadna la’ayahay.
Ciidanka Ilaallada Xeebaha dalka Muuriitaaniya ayaa badda sare kasoo badbaadiyay dooni ay siday 110 tahriibiyaal ah oo u dhashay dalalka dhaca Galbeedka iyo bartamaha qaaradda Afrika, kadib markii matoorka uu fashil ku yimid xilli ay ku jireen safar aay ku doonaayeen inay ku gaaraan dalalka qaaradda Yurub.
Doonidaan oo kasoo shiraacday caasimadda dalka Gaambiya ee Banjuula ayaa cilad farsamo ku qabsatay badda sare ee caasimadda Muurtaaniya, bayaan kasoo baxay ciidamada ilaallada ee dalkaasi ayaa lagu xaqiijiyay in hawlgalka samatabixinta uu ku kacay meel 15km u jirta xeebaha dalkaasi iyadoona ay jirtay cilad cimmilo oo aad u adag dadka laga soo badbaadiyay oo ay ku jiraan 12 haween ah iyo seddex carruur ah ayaa ugu badnaa dad u dhashay dalka Maali iyo qaar kamid ah Soomaali oo la sheegay in laga soo badbaadiyay dalalka dadka doonidaan saarnaa ayaa waxaa kamid ahaa, Senigaal, Gaambiya iyo Naajeeriya iyo qaar kamid ah dalka Muuritaaniya.
Dhacdadaan ayaa ka dhacday Badweynta Atlantic ayaa kusoo beegmaysa xilli uu tahriiibka ee marinka Mederian-ka uu sii xoogaysanayaan isla markaan uu wajahaayo musiiboon kasii daraya.
Sanadkaan dhexdiisa xeebaha dalka Liibiya waxaa ka dhacday shil dhowr ah oo ay ku dhinteen boqolaal muhaajiriin ah kadib markii dooni ay saarnaayeen ay badda ku degtay.
Tahriib iyo Tiiraanyo
Tahriibiyaal Soomaali ay ku jirto oo dooni kula degtay xeebaha dalka Muuriitaaniya

Ugu yaraan 17 tahriibiyaal ayaa dhowaan ku geeriyooday kadib markii dooni ay saarnaayeen kusoo caariday xeebaha Galbeed ee dalka Masar sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaasi warbaahinta maxalliga ah.
Xeer ilaalinta gobolka ayaa bilowday baaritaano rasmi ah oo lagu oggaanaayo sababta dhimashada dadkaasi halka doonida ka timid iyo sidoo kale xaaladda ay ku sugnaayeen intii safarka ay ku gudi jireen.
Saraakiisha ammaanka iyo kooxaha caafimaadka ee dalkaasi Masar ayaa sidoo kale wada dadaallo lagu aqoonsanaayo meydadka iyo dhalashada dadka ku geeriyooday iyo halka ay kasoo jeedaan.
Wararka hordhaca ah ayaa waxay tilmaamayaan in doonidaan ay kasoo shiraacatay xeebaha dalka Liibiya iyadoo ay saarnaayeen muhaajiriin ka kala yimid dalal kala duwan oo Soomaali kamid tahay iyo qaar kale oo ku yaalla qaaradda Afrika sida Kaamiruun, Sinigaal iyo sidoo kale Burkiina faaso.
Arrintaan ayaa sidoo kale waxay imaanaysaa xilli xeebaha Liibiya ay wali ay yihiin marin halis ah oo isticmaala dadka doonaya in si sharci darro ah ku gaaraan dalalka qaaradda Yurub halkaasi oo ay ka raadiyaan nolol dhaanta midii ay ku haysteen dalalkooda.
Sida warbaahinta Masar ay sheegtay doonida ayaa markii ugu horreysay lagu arkay aggagaarka magaalada lagu magacaabo City brina halkaasoo dadka deegaanka ay soo sheegeen inay arkeen dooni caag ah oo xeebta kusoo caariday iyagoo ay saarnaayeen tiro dhowr ah oo meydad ah.
Hawlgallo baadigoob ah iyo gurmad ay sameyeen ciidamada illaaladda xeebaha dalkaasi Masar iyo hay’adda gurmadka ayaa lagu helay meydad dheeraad ah taasoo tirada guud ka dhigtay 17 qofood inay ku geeriyoodeen dooni la sheegay inay aheed mid ku safraysay xeebahaasi dalka Masar kuna sii jeeday qaaradda Yurub iyagoo dad tahriibiyaal ah kana soo shiraacday xeebaha dalka Liibiya ay ahaayeen dadkii ku geeriyooday.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan dadka dhintay ay ku jireen dhalinyarro iyo carruur, waxaana la rumeysan yahay in qaar kamid ahaayeen muwaadiniin ku dhashay dalkaasi Masar.
Dhacdadaan ayaa sidoo kale waxay sii xoojinaysaa halista sii kordhaysa ee tahriibadda sharci darrada ah ee ka socda gobollada Waqooyi Afrika halkaasi oo kumanaan qofood ay isugu deyaan inay gaaraan dalalka qaaradda Yurub iyagoo isla markaan raacaya doomo aan badbaado lahayn.
Tahriib iyo Tiiraanyo
Tahriibiyaal gaaraya 17 ruux oo Soomaali ay ku jiraan oo ku dhintay xeebaha Galbeedka ee dalka Masar
Hawlgallo baadigoob ah iyo gurmad ay sameyeen ciidamada illaaladda xeebaha dalkaasi Masar iyo hay’adda gurmadka ayaa lagu helay meydad dheeraad ah taasoo tirada guud ka dhigtay 17 qofood.

Ugu yaraan 17 tahriibiyaal ayaa ku geeriyooday kadib markii dooni ay saarnaayeen kusoo caariday xeebaha Galbeed ee dalka Masar sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaasi warbaahinta maxalliga ah.
Xeer ilaalinta gobolka ayaa bilowday baaritaano rasmi ah oo lagu oggaanaayo sababta dhimashada dadkaasi halka doonida ka timid iyo sidoo kale xaaladda ay ku sugnaayeen intii safarka ay ku gudi jireen.
Saraakiisha ammaanka iyo kooxaha caafimaadka ee dalkaasi Masar ayaa sidoo kale wada dadaallo lagu aqoonsanaayo meydadka iyo dhalashada dadka ku geeriyooday iyo halka ay kasoo jeedaan.
Wararka hordhaca ah ayaa waxay tilmaamayaan in doonidaan ay kasoo shiraacatay xeebaha dalka Liibiya iyadoo ay saarnaayeen muhaajiriin ka kala yimid dalal kala duwan oo Soomaali kamid tahay iyo qaar kale oo ku yaalla qaaradda Afrika sida Kaamiruun, Sinigaal iyo sidoo kale Burkiina faaso.
Arrintaan ayaa sidoo kale waxay imaanaysaa xilli xeebaha Liibiya ay wali ay yihiin marin halis ah oo isticmaala dadka doonaya in si sharci darro ah ku gaaraan dalalka qaaradda Yurub halkaasi oo ay ka raadiyaan nolol dhaanta midii ay ku haysteen dalalkooda.
Sida warbaahinta Masar ay sheegtay doonida ayaa markii ugu horreysay lagu arkay aggagaarka magaalada lagu magacaabo City brina halkaasoo dadka deegaanka ay soo sheegeen inay arkeen dooni caag ah oo xeebta kusoo caariday iyagoo ay saarnaayeen tiro dhowr ah oo meydad ah.
Hawlgallo baadigoob ah iyo gurmad ay sameyeen ciidamada illaaladda xeebaha dalkaasi Masar iyo hay’adda gurmadka ayaa lagu helay meydad dheeraad ah taasoo tirada guud ka dhigtay 17 qofood inay ku geeriyoodeen dooni la sheegay inay aheed mid ku safraysay xeebahaasi dalka Masar kuna sii jeeday qaaradda Yurub iyagoo dad tahriibiyaal ah kana soo shiraacday xeebaha dalka Liibiya ay ahaayeen dadkii ku geeriyooday.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan dadka dhintay ay ku jireen dhalinyarro iyo carruur, waxaana la rumeysan yahay in qaar kamid ahaayeen muwaadiniin ku dhashay dalkaasi Masar.
Dhacdadaan ayaa sidoo kale waxay sii xoojinaysaa halista sii kordhaysa ee tahriibadda sharci darrada ah ee ka socda gobollada Waqooyi Afrika halkaasi oo kumanaan qofood ay isugu deyaan inay gaaraan dalalka qaaradda Yurub iyagoo isla markaan raacaya doomo aan badbaado lahayn.
Xilli dhowaan ku dhawaad 17 qofood oo tahriibiyaal Soomaali ah ayaa ku geeriyooday badda u dhexeysa Spain iyo Al-jeeriya kadib markii ay qaribmatay doonidii ay saarnaayeen.
Dhalinyaradaan geeriyootay ayaa isugu jira 5 gabdhood iyo 12 ragga ah waxaana geeridooda la xaqiijiyay kadib markii safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Al-Jeeriya uu tegay Cisbitaalka meydadkooda la dhigay.
Tahriibiyaashaan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa in badan oo kamid ah tahriibiyaal kale oo doonidda la saarnaa, iyadoona la sheegay dadkan dhintay oo haatan gaaraya 17 qof Soomaali ah la xaqiijiyay inay kamid ahaayeen halka dadka kale haatan lagu raadjoogo.
Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Al-Jeeriya, Yuusuf Axmed Xasan ayaa ka warbixiyay dhacdadaani isagoo tilmaamay in ay xogo ay helayn kadib ay ku baxeen dadkaani ku geeriyooday doonidii ay saarnaayeen.
Dhacdadaan ayaa sidoo kale waxay sii kordhisaa dhacdooyin kale oo hore ka dhacaayay xeebaha u dhexeeya dalalka Yurub iyo sidoo kale kuwa Afrika oo Soomaali farabadan ku tahriibaan taasi oo dhibaatooyin xooggan kasoo gaaro.
Dhowaan ayay ehayd markii dalka Liibiya 17 ruux oo la rumeysanaa inay qaar kamid ah ay yihiin Soomaali oo laga helay xeebaha dalkaasi Liibiya isla markaana laga soo saaray xeebaha u dhaw magaalo xeebeedka Zuwara ee dhacda Galbeed caasimada dalka Liibiya.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan tallaabo ka qaaday arrintaan ayaa waxa ay sameysay in xayiraad dhowr ah kusoo rogtay dadka ka baxaya Muqdisho ee aadaya dalalka ku yaalla qaaradda Afrika sida Al-Jeeriya iyo sidoo kale Marooko halkaasi oo isla markaana ka tahriibaan si ay u gaaraan dalalka Yurub.
Tahriib iyo Tiiraanyo
Laamaha ammaanka ee Waqooyi Bari oo gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan tahriibinta dhalinyarada
Warka ayaa intaas lagu daray in baaris hordhac ah lagu helay in koox uu ka tirsan yahay Farxaan Faarax ay dhallinyaro badan ka tahriibiyeen deegaannada.

Laamaha ammaanka ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay in ay baaris dheeraad ah ku hayso Farxaan Faarax Shaaciye oo ku eedeysan kamid noqoshada kooxaha dhallinyarada ka tahriibisa deegaannada Maamulkaasi sida hadalka loo dhigay.
Taliska Booliska Waqooyi Bari ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Farxaan isla markaana waxa ay soo bandhigeen muuqaallo uu ku dhallinyarada ku dhiirragelinayo in ay tahriibaan sida lagu yiri war kasoo baxay Taliska Booliiska Qeybta Gobolka Sool.
Warka ayaa intaas lagu daray in baaris hordhac ah lagu helay in koox uu ka tirsan yahay Farxaan Faarax ay dhallinyaro badan ka tahriibiyeen deegaannada Maamulka Waqooyi Bari sida Laascaanood iyo Buuhoodle sida bayaanka lagu xusay.
Dhallinyaro badan oo Soomaali ah oo isugu jira rag iyo dumar ayaa ku xiran xabsiyadda ku yaalla dalka Liibiya kuwaas oo ehelkooda laga dalbaday in ay bixiyaan lacagaha ay ka doonayaan kooxaha ka macaasha tahriibinta dadka ee gudaha Soomaaliya iyo Liibiya ku kala sugan.
Dhibaatooyin xooggan ayay la kulmaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka tahriiba dalkooda kuwaas oo gaara dalalka dhaca Waqooyiga qaaradda Afrika iyagoo u sii jeeda dalalka ku yaalla qaarada Yurub, waxyaabaha ay la kulmaan waxaa kamid ah Jirdil, handaddaad iyo qaar kale badan oo ku dhintay baddaha ku teedsan xeebaha dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.
Ku dhawaad 17 qofood oo tahriibiyaal Soomaali ah ayaa ku geeriyooday badda u dhexeysa Isbeyn iyo Aljeeriya kadib markii ay qaribmatay doonidii ay saarnaayeen.
Dhalinyaradaan geeriyootay ayaa isugu jira 5 gabdhood iyo 12 ragga ah waxaana geeridooda la xaqiijiyay kadib markii safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Al-Jeeriya uu tegay Cisbitaalka meydadkooda la dhigay.
Tahriibiyaashaan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa in badan oo kamid ah tahriibiyaal kale oo doonidda la saarnaa, iyadoona la sheegay dadkan dhintay oo haatan gaaraya 17 qof Soomaali ah la xaqiijiyay inay kamid ahaayeen halka dadka kale haatan lagu raadjoogo.
Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Al-Jeeriya, Yuusuf Axmed Xasan ayaa ka warbixiyay dhacdadaani isagoo tilmaamay in ay xogo ay helayn kadib ay ku baxeen dadkaani ku geeriyooday doonidii ay saarnaayeen.
Dhacdadaan ayaa sidoo kale waxay sii kordhisaa dhacdooyin kale oo hore ka dhacaayay xeebaha u dhexeeya dalalka Yurub iyo sidoo kale kuwa Afrika oo Soomaali farabadan ku tahriibaan taasi oo dhibaatooyin xooggan kasoo gaaro.
Dhowaan ayay ehayd markii dalka Liibiya 17 ruux oo la rumeysanaa inay qaar kamid ah ay yihiin Soomaali oo laga helay xeebaha dalkaasi Liibiya isla markaana laga soo saaray xeebaha u dhaw magaalo xeebeedka Zuwara ee dhacda Galbeed caasimada dalka Liibiya.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan tallaabo ka qaaday arrintaan ayaa waxa ay sameysay in xayiraad dhowr ah kusoo rogtay dadka ka baxaya Muqdisho ee aadaya dalalka ku yaalla qaaradda Afrika sida Al-Jeeriya iyo sidoo kale Marooko halkaasi oo isla markaana ka tahriibaan si ay u gaaraan dalalka Yurub.
Tallaabadan ayaa sidoo kale waxa ay kusoo beegmaysa xilli shalay ay dowladda federaalka dalka dib ugu soo celiyay tahriibiyaal dhowr ahaa oo muddo xabsi halkaasi kaga jiray.
Dadkaan muhaajiriinta ah dhalinyaradaan u badan ayaa waxay ka hayaameen colaadaha iyo shaqo la’aanta baahsan dalalkooda, waxay inta badan Soomaalida ay naftooda ay ku waayaan badaha ay kamid yihiin Liibiya Meditirain-ka halkaasi oo in badan ku dhinteen.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa dhowaan warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay ku dhawaad dad gaaraya kumanaan qofood inay sanad kastaba ku geeriyoodaan xeebaha dalalka dhaca kaabiya ku haaya dalalka Yurub iyadoo sidoo kale Liibiya ay kamid tahay meelaha ugu daran ee dhibaatooyinkan ka taagan yihiin.
Qaar badan oo kamid ah Soomaalida ku jira ee ku sugan dalka Liibiya ayaa xabsiyo waxay ugu jiraan tahriibiyaal, iyagoo loo haysto in badan oo kamid ah madax furasho oo eheladooda lagu xujeysto.
Tahriib iyo Tiiraanyo
Tahriibiyaal gaaraya 20 ruux oo Soomaali ah ayaa dhintay badda Isbeyn iyo AlJeeriya
Qaar badan oo kamid ah Soomaalida ku jira ee ku sugan dalka Liibiya ayaa xabsiyo waxay ugu jiraan tahriibiyaal, iyagoo loo haysto in badan oo kamid ah madax furasho oo eheladooda lagu xujeysto.

Ku dhawaad 17 qofood oo tahriibiyaal Soomaali ah ayaa ku geeriyooday badda u dhexeysa Spain iyo Al-jeeriya kadib markii ay qaribmatay doonidii ay saarnaayeen.
Dhalinyaradaan geeriyootay ayaa isugu jira 5 gabdhood iyo 12 ragga ah waxaana geeridooda la xaqiijiyay kadib markii safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Al-Jeeriya uu tegay Cisbitaalka meydadkooda la dhigay.
Tahriibiyaashaan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa in badan oo kamid ah tahriibiyaal kale oo doonidda la saarnaa, iyadoona la sheegay dadkan dhintay oo haatan gaaraya 17 qof Soomaali ah la xaqiijiyay inay kamid ahaayeen halka dadka kale haatan lagu raadjoogo.
Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Al-Jeeriya, Yuusuf Axmed Xasan ayaa ka warbixiyay dhacdadaani isagoo tilmaamay in ay xogo ay helayn kadib ay ku baxeen dadkaani ku geeriyooday doonidii ay saarnaayeen.
Dhacdadaan ayaa sidoo kale waxay sii kordhisaa dhacdooyin kale oo hore ka dhacaayay xeebaha u dhexeeya dalalka Yurub iyo sidoo kale kuwa Afrika oo Soomaali farabadan ku tahriibaan taasi oo dhibaatooyin xooggan kasoo gaaro.
Dhowaan ayay ehayd markii dalka Liibiya 17 ruux oo la rumeysanaa inay qaar kamid ah ay yihiin Soomaali oo laga helay xeebaha dalkaasi Liibiya isla markaana laga soo saaray xeebaha u dhaw magaalo xeebeedka Zuwara ee dhacda Galbeed caasimada dalka Liibiya.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan tallaabo ka qaaday arrintaan ayaa waxa ay sameysay in xayiraad dhowr ah kusoo rogtay dadka ka baxaya Muqdisho ee aadaya dalalka ku yaalla qaaradda Afrika sida Al-Jeeriya iyo sidoo kale Marooko halkaasi oo isla markaana ka tahriibaan si ay u gaaraan dalalka Yurub.
Tallaabadan ayaa sidoo kale waxa ay kusoo beegmaysa xilli shalay ay dowladda federaalka dalka dib ugu soo celiyay tahriibiyaal dhowr ahaa oo muddo xabsi halkaasi kaga jiray.
Dadkaan muhaajiriinta ah dhalinyaradaan u badan ayaa waxay ka hayaameen colaadaha iyo shaqo la’aanta baahsan dalalkooda, waxay inta badan Soomaalida ay naftooda ay ku waayaan badaha ay kamid yihiin Liibiya Meditirain-ka halkaasi oo in badan ku dhinteen.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa dhowaan warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay ku dhawaad dad gaaraya kumanaan qofood inay sanad kastaba ku geeriyoodaan xeebaha dalalka dhaca kaabiya ku haaya dalalka Yurub iyadoo sidoo kale Liibiya ay kamid tahay meelaha ugu daran ee dhibaatooyinkan ka taagan yihiin.
Qaar badan oo kamid ah Soomaalida ku jira ee ku sugan dalka Liibiya ayaa xabsiyo waxay ugu jiraan tahriibiyaal, iyagoo loo haysto in badan oo kamid ah madax furasho oo eheladooda lagu xujeysto.
Dowladda ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo arrintaan kaga jawaabayso maadaama ay sii kordhayaan dhalinyarada in badan oo kamid ah Soomaalida oo ku dhimanaya xeebaha dalalka Liibiya, Talyaaniga, Spain iyo Al-Jeeriya.
Liibiya ayaa muddo dheer ah ahayd marin muhiim ah oo ay maraan muhaajiriin kasoo cararay colaadaha faqriga iyo xaaladaha adag ee ka jira dalalka qaarada Afrika, iyagoo iskudayaya inay gaaraan qaarada Yurub.
Tani waxay si gaar ah u soo xoojinaysa kadib markii la afgamibiyay hoggaamiyihii dalkaasi Liibiya Mucamal Al-Khadaafi sanadkii 2011-kii kadib kacdoon ay taageeraysay gaashaan buurta NATO taasoo dalka gelisay kacsanaan siyaasadeed iyo amni darro oo muddo dheer socotay.
Si kastaba, xeebaha dalka Liibiya iyo badda Mediteridian-ka ayaa sanad waliba waxaa ku dhinta kumanaan qofood, iyadoo Hay’adda Socdaalka Adduunka ay sheegtay in arrintaan loo baahan yahay in garab la’iska siiyo isla markaana looga hortago arrimaha ku aaddan tahriibiyaasha.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Sirdoonka & Militariga3 months agoWafdi jeneraallo ah oo ka socda dalka Turkiga oo soo gaaray magaaladda Muqdisho
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Diblomaasiyadda3 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Ameerika3 months agoMareykanka oo baadigoobaya muwaadin asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Yurub2 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya oo walaac ka muujisay suuq xumo la xiriirta khaadka maandooriyaha ay u soo dirto Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Arrimaha Amniga3 months agoHoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu qabtay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya
Arrimaha Amniga2 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Soomaaliya3 months agoMareykanka oo si weyn ugu carootay rag ka tirsan CXDS kuwaasi oo ku istaagay calanka dalka Mareykanka
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Sirdoonka & Militariga1 month agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM