Connect with us

Sirdoonka & Militariga

Soomaaliya iyo Bakistaan oo xoojinaya iskaashiga dhanka difaaca cirka

Wafdiga Bakistaan waxaa hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz, Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Bakistaan.

Published

on


Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka dalka Bakistaan, iyadoo labada dhinac ay kawada hadleen horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca.

Wafdiga Bakistaan waxaa hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz, Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Bakistaan. Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, wadahadalladu waxay diiradda saareen dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliya, kordhinta awooddiisa hawlgal, iyo horumarinta aqoonta iyo tababarka ciidamada. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Bakistaan iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in iskaashiga noocan ahi qayb ka yahay qorshayaasha lagu dhisayo laguna horumarinayo ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Bakistaan, isagoo sheegay in iskaashiga difaacu uu gacan ka geysan karo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoojinta amniga, madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Booqashada wafdiga Bakistaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu dib loogu dhisayo ciidanka cirka, iyadoo sidoo kale raadineysa iskaashi caalami ah oo lagu horumarinayo awoodda dalka ee ilaalinta hawadiisa iyo difaaca cirka.

Bakistaan iyo Soomaaliya ayaa horey uga wada hadlay iskaashiga ciidamada cirka. Saraakiil ka kala socotay labada dal ayaa magaalada Islamabad ku kulmay 2020, iyagoo ka wada hadlay tababarro iyo taageero la xiriirta horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliya.

Bishii Agoosto 2026, Taliyaha Ciidamada Bakistaan, Jeneraal Asim Munir ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga ee labada dal. Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqday xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Bakistaan ee magaalada Rawalpindi iyadoo kulamada diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Geeska Afrika, iskaashiga milatari iyo sidii loo horumarin lahaa awoodda ciidanka Soomaaliya.

Jeneraal Asim Munir ayaa sheegay in Bakistaan ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga, tababarrada ciidamada iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.

Taageeradan ayaa kusoo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku diyaarinayso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka iyadoo ciidamada Soomaaliya loo baahan yahay in la xoojiyo, lana kordhiyo awooddooda hawlgaleed. Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Pakistan taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.

Wasiirku wuxuu sidoo kale kulamo la yeeshay Taliyaha Ciidanka Badda Bakistaan, Admiral Naveed Ashraf, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka, Zaheer Ahmed. Kulamadaas ayaa looga hadlay tababarrada ciidamada, iskaashiga difaaca, amniga badda iyo dhisidda awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya. Saraakiisha Bakistaan ayaa xaqiijiyay inay sii wadi doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga difaaca ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo kobcinta awoodda ciidamada.

Booqashada wafdiga Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa xilli labada dal ay sii xoojinayaan iskaashigooda amni, iyadoo horey loo qorsheeyay iskaashi dhinacyada tababarrada ciidamada, maareynta xuduudaha, gurmadka musiibooyinka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sirdoonka & Militariga

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Isbeddelka guutooyinka ayaa qeyb ka ah habraaca joogtada ah ee ciidamada Ugaandha ay ku cusbooneysiiyaan cutubyada ka hawlgala Soomaaliya, iyaga oo sii wada taageerada hawlgalka Midowga Afrika.

Published

on


Ciidamada dalka Yugaandha ee qeybta ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa soo dhoweeyay ciidamo cusub oo ka tirsan guutada 48aad, kuwaas oo beddelaya guutada 45aad ee ka hawlgasha Soomaaliya. Ciidamadan cusub oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Sare Michael Opio Ocuka ayaa qeyb ka noqonaya isbeddelka joogtada ah ee lagu sameeyo cutubyada ciidamada Uganda ee loo soo diro Soomaaliya.

Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada, Sarreeye Guuto Jackson Kayanja ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay inay muujiyaan anshax, xirfad ciidan iyo feejignaan inta ay ku guda jiraan waajibaadkooda. Wuxuu sheegay in anshaxa shaqsiga ahi uu saldhig u yahay guusha askariga, isaga oo ku boorriyay inay ixtiraamaan silsiladda taliska, ilaaliyaan wadajirka ciidamada, isla markaana ay yeeshaan anshax ku dhisan garasho iyo masuuliyad.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo dadaalka joogtada ah ee ciidamada, isaga oo xusay in arrimahaasi ay door muhiim ah ka ciyaarayaan ka hortagga khatarta kooxda Al-Shabaab. Dhankiisa, taliye ku-xigeenka qeybta koowaad, Gaashaanle Sare Jude Rukubya, ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay inay la qabsadaan xaaladaha amni iyo deegaanka howlgallada Soomaaliya, isla markaana ay wax ka bartaan askarta kale si ay si wadajir ah ugu gutaan waajibaadka loo igmaday.

Saraakiisha ciidamada Ugaandha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay mabda’a midnimada Afrika iyo fahamka ujeeddooyinka hawlgalka AUSSOM, oo taageera dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Isbeddelka guutooyinka ayaa qeyb ka ah habraaca joogtada ah ee ciidamada Ugaandha ay ku cusbooneysiiyaan cutubyada ka hawlgala Soomaaliya, iyaga oo sii wada taageerada howlgalka Midowga Afrika.

Hawlgalka AUSSOM wuxuu beddelay hawlgalkii hore loo oran jiray ATMIS kaasi oo isna beddelay hawlgalkii ugu horreeyay ee AMMISOM oo 2007-dii ka bilowday dalka Soomaaliya. Ciidamada dalka Yugaandha ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee dalka yimaada waxa ay qaadanayaan doorka ugu weyn ee hawlgallada ee Midowga Afrika oo dowladda federaalka Soomaaliya ka gacan siinayan dagaalka ay kula jirto argagaxisada Al-Shabaab.

Mareykanka oo hal sano u kordhiyay in lagu soo afjaro hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa oggolaatay in Qaramada Midoobay ay muddo hal sano ah oo dheeraad ah ku soo afjarto taageerada saadka ee ay siiso hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo mustaqbalka taageerada hawlgalka uu weli mugdi ku jiro.

Sida ay Reuters sheegtay, muddada kala guurka ayaa bilaabanaysa Jannaayo 2027, taas oo Qaramada Midoobay siinaysa waqti ay si tartiib ah ugu yareyso una soo afjarto hawlaha taageerada saadka ee AUSSOM. Qaramada Midoobay oo adeegsanaysa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa AUSSOM u fidisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin shidaalka, cuntada, caafimaadka, gaadiidka, isgaarsiinta, injineernimada iyo duulista.

Hase yeeshee, Mareykanka ayaa sheegay inuusan sii maalgelin doonin hawlgalka UNSOS oo miisaaniyaddiisu ku dhowdahay 500 milyan oo dollar sanadkii, iyadoo aan weli la helin hannaan kale oo si buuxda u beddela taageerada Qaramada Midoobay.

AUSSOM waxaa loo sameeyay in uu taageero dadaallada Soomaaliya ee la xiriira amniga iyo xasilinta dalka, iyadoo Qaramada Midoobayna ay sii waddo taageerada saadka ee hawlgalka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu muddada hadda jirta ee AUSSOM iyo taageerada UNSOS ku saleeyay Qaraarka 2809, oo dhigaya dhammaadka 31-ka Diseember 2026.

Go’aanka cusub ayaa AUSSOM, Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya siinaya waqti dheeraad ah oo ay ugu diyaar-garoowaan isbeddelka ku imanaya nidaamka taageerada saadka. Si kastaba, weli lama caddeyn sida loo beddeli doono nidaamka ballaaran ee ay UNSOS hadda bixiso marka muddada kala-guurka ahi dhammaato, arrintaas oo muhiim u noqon karta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM ee fulinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Go’aanka Mareykanka ayaa sidaas darteed siinaya hawlgalka waqti dheeraad ah balse ma aha kordhin joogto ah oo lagu sii wado taageerada Qaramada Midoobay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Sirdoonka & Militariga

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Warbixinnada ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada la qorsheynayo in la geeyo deegaanka Ceelcade oo ku yaalla duleedka Waqooyi ee Muqdisho, halkaas oo hore uga jiray garoon diyaaradeed oo milatari.

Published

on


Dowladda Masar ayaa illo xog ogaal ah tibaaxayaan inay diyaarinayso ciidamo milatari oo loo dirayo gudaha dalka Soomaaliya, tallaabadaas oo qayb ka ah iskaashiga difaac ee labada dal, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni iyo kuwa siyaasaddeed ee gobolka Geeska Afrika.

Sida uu sheegay wargeyska The Arab New saraakiil, tababarayaal iyo la-taliyeyaal milatari oo Masaari ah ayaa ka shaqeynaya diyaarinta hawlgalka, kaas oo noqonaya mid ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee iskaashiga milatari ee Qaahira iyo Muqdisho tan iyo markii ay labada dal saxiixeen heshiis iskaashi difaac sannadkii 2024.

Ciidamada la filayo in la geeyo Soomaaliya ayaa la sheegay inay qayb ka noqon karaan Hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee (AUSSOM) ama iskaashi amni oo laba geesood ah. Si kastaba, Masar weli si rasmi ah uma shaacin tirada ciidamada ay dirayso iyo qaabka ay uga qaybqaadan doonaan hawlgalka.

Warbixinnada ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada la qorsheynayo in la geeyo deegaanka Ceelcade oo ku yaalla duleedka Waqooyi ee Muqdisho, halkaas oo hore uga jiray garoon diyaaradeed oo milatari. Tallaabadan ayaa timid iyadoo Masar ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, kaddib markii labada dal ay xiriirkooda gaarsiiyeen heer iskaashi istaraatiiji ah sannadkii 2025.

Wafdi milatari oo Masaari ah ayaa 20-kii Sebteembar booqday Muqdisho, halkaas oo ay kula kulmeen wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga difaaca, tababarka ciidamada iyo tayeynta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Masar ayaa marar kala duwan sheegtay inay taageersan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo labada dal ay iska kaashanayaan arrimaha amniga iyo difaaca. Joogitaanka milatari ee Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli uu gobolka ka jiro loollan istaraatiiji ah oo la xiriira marin biyoodka Badda Cas, marin-biyoodka Baab al-Mandab iyo danaha amni ee dalalka gobolka.

Masar iyo Itoobiya waxaa muddo dheer ka dhexeeyay khilaaf la xiriira biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka dhistay webiga Niil, kaas oo Qaahira ay u aragto arrin si toos ah u saamayn karta amniga biyaha gobolka gaar ahaan dalkeeda. Sidoo kale, labada dal waxay ku kala aragti duwan yihiin dadaallada Itoobiya ee ay ku raadineyso marin ay uga baxdo Badda Cas.

Khubaro Masaari ah ayaa ku doodaya in xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay amniga Badda Cas iyo marinnada ganacsiga caalamiga ah, halka iskaashiga milatari ee Soomaaliya uu Masar siin karo awood dheeraad ah oo ay ku ilaaliso danaha istaraatiijiyadeed ee gobolka.

Ciidamadaan oo lagu qiyaasay ku dhawaad 1410 ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan dadaallada lagu xasillinaya Soomaaliya gaar ahaan la-daagalanka kooxaha hubeysan iyo taageeridda hay’addaha amniga dalka.

Xukuumadda Masar ayaa hore usoo bandhigtay ciidamo si heer sare ah loo tabbabaray iyo gaadiid dagaal oo casri ah inkastoo waqtigaasi aan si cad loo shaacin ujeedadada dhabta ah ee loo diyaariayay haatan ayay soo ifbaxday in qorshahaasi uu qeyb ka ahaa diyaar garow xooggan oo ku aaddan ka qeybgalka hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan warar soo baxayaan dhowaan ayay si rasmi ah u bilaaban doontaa hawlaha lagu soo daabulaya ciidamadaan gaadiidkooda iyo qalabkooda, waxaa sidoo kale la tilmaamayaa in hore loo sii diyaariyay goobaha ciidamadaasi ka hawlgeli doonaan kadib markii quburo ka socda Masar oo soo gaaray Soomaaliya qiimeyn ku sameyeen xaaladaha amniga iyo deegaanada ay ciidamadaasi ka hawlgeli doonaan saldhigyadooda ayaan asi weyn ayaa loo diyaariyay sida xoguhu ay tilmaamayaan.

Ku biiritaanka ciidamada Masar ee hawlgalka AUSSOM ayaa la filayaa in xoojiyo dadaallada Midowga Afrika ee ku aaddan sugidda amniga Soomaaliya iyagoo sidoo kale sare u qaadaya iskaashiga militeri ee u dhexeeya dalalka gobolka iyo kuwa Afrika. Xubnaha hoggaanka hawlgalka ayaa sheegay inay socdaan wadahadallo lala yeelanaayo saaxiibada beesha caalamka si loo helo taageerada dhaqaalle waarta oo lagu daboolayo baahiyaha ciidamada hawlgalka fulinaayo, tabbabarkooda iyo qalabeyntooda.

Ciidamada Masar ayaa la filayaa inay degaan gobolka Shabeellaha Dhexe halkaasi oo ay faarujin rabaan ciidamada Burundi ka socda oo hawlgalkooda soo afjarma marka ay yimaadaan ciidamada Masaarida. Ciidamada Burundi waxa ay diidayn hawlgalkan AUSSOM inay ka qeyb qaataan maadaama tirada askarta dowladda federaalka u qoondeysay dowladda dalkaasi ay diiday, waxaana dowladda Burundi ay tilmaamtay ciidamadeeda in aysan noloshooda qatar gelinayn oo ay wadanka Soomaaliya hawlgalkiisa isaga baxayso.

Hawlgalka AUSSOM wuxuu beddelay hawlgalkii hore loo oran jiray ATMIS kaasi oo isna beddelay hawlgalkii ugu horreeyay ee AMMISOM oo 2007-dii ka bilowday dalka Soomaaliya. Ciidamada dalka Yugaandha ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee dalka yimaada waxa ay qaadanayaan doorka ugu weyn ee hawlgallada ee Midowga Afrika oo dowladda federaalka Soomaaliya ka gacan siinayan dagaalka ay kula jirto argagaxisada Al-Shabaab.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Sirdoonka & Militariga

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Warbixinno hore oo soo baxay sanadkan ayaa sheegayay in Soomaaliya iyo Bakistaan ay ka wada hadlayeen suurtagalnimada in Soomaaliya ay hesho ilaa 24 diyaaradood oo JF-17 Thunder Block III ah.

Published

on


Soomaaliya ayaa lagu soo warramay inay heshiis la gashay dalka Bakistaan oo ay ku doonayso inay ku hesho diyaaradaha dagaalka ee JF-17 Thunder, taas oo qayb ka noqonaysa dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib ugu dhiseyso kuna casriyeynayso ciidamada cirka ee dalka.

Warbaahinta Turkiga ee TRHaber ayaa sheegtay in Muqdisho iyo Islamabad ay heshiis ka gaareen helitaanka diyaaradaha JF-17, hase yeeshee dowladaha Soomaaliya iyo Bakistaan ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin heshiis kama dambeys ah, iyadoo aan sidoo kale la shaacin tirada diyaaradaha, qiimaha heshiiska iyo waqtiga la filayo in la keeno.

Wararka ku saabsan diyaaradaha JF-17 ayaa soo baxay kaddib markii ay sii xoogeysteen xiriirka dhanka difaaca ee Soomaaliya iyo Bakistaan. Toddobaadyo kahor wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Bakistaan ayaa booqday Muqdisho, halkaas oo uu kulamo la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.

Wafdiga Bakistaan waxaa hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz oo ah mas’uul sare oo ka tirsan Ciidanka Cirka Bakistaan, waxaana kulamadu diiradda saareen dib-u-dhiska Ciidanka Cirka Soomaaliya, tababarka ciidamada, horumarinta hay’adaha iyo sidii loo dhisi lahaa awood ciidan oo cirka ah. Intii uu socday booqashada, Sarfraz ayaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya guddoonsiiyay moodelka diyaaradda JF-17 Thunder.

Booqashadaasi waxay daba socotay safar uu bishii Agoosto Bakistaan ku tagay wafdi Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga, iyadoo labada dhinac ay xilligaas ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.

Warbixinno hore oo soo baxay sanadkan ayaa sheegayay in Soomaaliya iyo Bakistaan ay ka wada hadlayeen suurtagalnimada in Soomaaliya ay hesho ilaa 24 diyaaradood oo JF-17 Thunder Block III ah. Qaar ka mid ah warbixinnada ayaa qiimaha heshiiska ku qiyaasay ku dhowaad 900 milyan oo doollar, inkastoo faahfaahintaas aysan weli si rasmi ah u xaqiijin Muqdisho iyo Islamabad.

JF-17 Thunder waa diyaarad dagaal oo loo adeegsado hawlo kala duwan, waxaana si wadajir ah u horumariyay Bakistaan iyo Shiinaha. Nooca Block III ayaa leh nidaamyo casri ah oo ay ka mid yihiin radar-ka AESA, qalab elektaroonig ah oo horumarsan iyo awood uu ku fulin karo weerarro hawada iyo dhulka ah. Al Jazeera waxay JF-17 Block III ku tilmaantay diyaarad jiilka 4.5aad ah, balse aan lahayn awoodda qarsoodiga ah ee diyaaradaha jiilka shanaad sida F-35.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd oo ay muddo dheer, taas oo u oggolaaneysa dowladda in ay si rasmi ah u iibsato hub casri ah dibna u dhisto awoodda ciidamadeeda. Haddii heshiiskan la xaqiijiyo, helitaanka diyaaradaha JF-17 waxa uu noqon karaa isbeddel weyn oo ku yimaada awoodda milatari ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca cirka oo muddo dheer liitay, inkastoo ay muhiim tahay in la helo tababar, dayactir iyo istaraatiijiyad cad oo lagu maareeyo isticmaalka diyaaradahaas.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Sirdoonka & Militariga

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Degmada buuraha leh ayaa fure u ah xakamaynta Mocha, oo ah dekedda Badda Cas ee Xuutiyiintu ay qabsadeen bishii hore.

Published

on


Ciidamada la safan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa bilaabay hawlgal lagu qabsanayo degmo buuraley ah oo istiraatiiji ah oo ka tirsan Xuutiyiinta, taasoo qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xeebta Badda Cas iyo marin biyoodka Bab al-Mandeb.

Weerarka ka dhacay degmada al-Waziiya ee gobolka Taciz Talaadadii ayaa yimid iyadoo Sacuudi Carabiya, oo taageerta dowladda Yemen, ay qabatay gantaal ballistic ah oo Xuutiyiinta ay ku bartilmaameedsanayeen magaalada Khamis Mushaad. Hawlgalkan ayaa qayb ka ah weerarka “Dawn of Yemen” oo Axaddii uu ku dhawaaqay Rashad al-Alimi, guddoomiyaha Golaha Hoggaanka Madaxweynaha Yemen, si uu dib ugu qabsado dhammaan dhulka ay Xuutiyiintu haystaan, oo ay ku jirto caasimadda Sanca, oo kooxda ay taageerto Iiraan ay maamulaysay tan iyo 2014.

Xarunta warbaahinta ee ciidanka Yemen ayaa qoraal ay soo dhigtay X ku sheegtay in Ciidamada Difaaca Gudaha, oo ah koox militari oo taageersan dowladda, ay bilaabeen “hawlgal ballaaran” si ay dib ugu qabsadaan al-Waziiya. “Ciidamada qalabka sida waxay xaqiijiyeen buuro istiraatiiji ah oo ka soo horjeeda aagga al-Mansoura, iyadoo ay jiraan dib u gurasho ballaaran oo ay sameeyeen maleeshiyada Xuutiyiinta,” ayay tiri, iyadoo soo xiganaysa ilo militari.

Xuutiyiinta ayaa beeniyay sheegashada, iyagoo sheegay inay si guul leh uga hortageen duulaanka dowladda Yemen ee al-Waziiya.

Degmada buuraleyda ah waxay ku taal galbeedka Taiz, bariga dekedda Badda Cas ee Mocha. Xuutiyiintu waxay qabsadeen Mocha iyo meelaha ku hareeraysan Marinka Bab al-Mandeb – marin badeed oo istiraatiiji ah – weerar hillaac ah bishii hore. “Kuwani waa buuraha ay Xuutiyiintu la wareegeen ka hor inta aysan la wareegin magaalada Mocha,” ayuu yiri Yousef Mawry oo ka tirsan Al Jazeera, isagoo ka soo warramaya Sanaa.

“Haddii dowladda Yemen ay ka dhab tahay inay la wareegto magaalada Mocha, ma sameyn karaan sidaas ilaa ay la wareegaan gobolka ku yaal degmada al-Waziiya,” ayuu raaciyay.

Qabsashada Sacuudiga

Dagaalku wuxuu yimid markii isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee ka dagaallamaya Yemen uu sheegay inuu qabtay oo uu burburiyay gantaal ballistic ah oo Xuutiyiintu ay ku rideen magaalada Khamis Mushait ee koonfur-galbeed. Jeneral Turki al-Maliki, afhayeenka isbahaysiga, ayaa sheegay in hanjabaadaha gantaalada Xuutiyiinta ay ka yimaadeen Sanca oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​iyo gobollada Saada iyo Amran. “Isbahaysigu wuxuu sii wadaa inuu dhexdhexaadiyo khatarta ka dhalan karta gantaalada ballistic-ga iyo kuwa dusha sare ka yimaada iyo inuu burburiyo ilohooda gantaalada,” ayuu raaciyay.

Horraantii Talaadada, Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka ee Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in garoonka diyaaradaha ee Boqor Abdullah bin Abdulaziz ee Jazan iyo garoonka diyaaradaha ee Najran, oo u dhow xadka Yemen, lagu weeraray weeraro ay ku dhaawacmeen saddex qof.

Weerarrada ayaa sababay dhaawacyo “daranaan kala duwan” iyo burbur hantiyeed, dadkii dhaawacmayna waxaa loo qaaday isbitaal, sida ay sheegtay hay’addu.

Xuutiyiintu waxay sheegeen goor dambe oo Isniintii ah in ciidamadoodu ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaal koonfurta Sacuudi Carabiya, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha iyo goobaha militariga. Dhanka kale, isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga, ayaa xaqiijiyay ka qaybgalkiisa weerarka dowladda Yemen si ay dib ugu soo ceshato dhammaan dhulka ay Xuutiyiintu haystaan, iyagoo sheegay in 100 ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ay bixinayaan taageero cirka ah.

Bakistaan ​​iyo Turkiye waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay dhaqaajiyaan “tallaabooyin ka hortag ah” heshiiska ay la galeen Sacuudi Carabiya, isla markaana ay si degdeg ah ciidamo ugu diraan boqortooyada Khaliijka si ay uga hortagaan weerarrada Xuutiyiinta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Sirdoonka & Militariga

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Taageeradan ayaa lagu sheegay inay muhiim u tahay sii socoshada kala-guurka amni iyo in si tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Published

on


Madaxda Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan ayaa magaalada Alameyn ee dalka Masar ku yeeshay kulan afar-geesood ah oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee gobolka Geeska Afrika, Badda Cas iyo arrimaha gobolka.

Kulanka oo dhacay maalintii Axadda, 4-ta Oktoobar 2026, ayaa waxaa martigeliyay Madaxweynaha Masar, Cabdulfitaax Al-Sisi, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Ereteriyaa Isaias Afwerki iyo Madaxweynaha Golaha Madaxbannaanida Suudaan Cabdulfitaax Al-Burhaan.

Madaxdu waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka, iyagoo sidoo kale diiday faragelinta dibadda iyo tallaabo kasta oo dhaawacaysa madax-bannaanida dalalka.

Qoddobka ugu muuqda ee ku jiray bayaanka wadajirka ah ayaa ahaa mowqifka madaxda afarta dal ee ku saabsan Soomaaliya, Waxay si cad u sheegeen inay taageerayaan midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay diiddan yihiin faragelin kasta ama tallaabo lagu wiiqayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxda ayaa sidoo kale sheegay inay taageerayaan dadaallada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda. Waxay ugu baaqeen beesha caalamka iyo dalalka gobolka inay bixiyaan maalgelin joogto ah, ku filan oo la saadaalin karo oo loogu talagalay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Taageeradan ayaa lagu sheegay inay muhiim u tahay sii socoshada kala-guurka amni iyo in si tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray amniga Badda Cas, madaxdu waxay mar kale xaqiijiyeen mabda’a xorriyadda maraakiibta, iyagoo ku adkeeyay in maamulka iyo amniga Badda Cas uu yahay masuuliyad gaar ah oo saaran dalalka ku teedsan Badda Cas.

Qodobkan ayaa xasaasi u ah gobolka, iyadoo Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab ay yihiin marinno muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah. Dhamaadka kulanka, madaxdu waxay isku raaceen in la sameeyo hab-raac joogto ah oo lagu daba-galo go’aannada shirkan, iyadoo shirarka noocan ah la qaban doono si joogto ah ama marka xaaladdu u baahan tahay.

Kulanka Alameyn ayaa sidaas ku noqday madal ay Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan ku xoojinayaan isku-duwidda siyaasadeed iyo iskaashiga amni iyo dhaqaale, xilli Geeska Afrika iyo Badda Cas ay wajahayaan isbeddello iyo caqabado amni oo sii kordhaya.

Badda Cas iyo marin-biyoodka Babul al-Mandab ayaa ah mid ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu muhiimsan dunida, maadaama uu isku xiro Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys. Weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay u geysteen maraakiibta ganacsiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay carqaladeeyay isu-socodka ganacsiga, taas oo ku khasabtay qaar ka mid ah maraakiibta inay maraan waddooyin dheer oo ku wareegsan koonfurta Afrika.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga38 minutes ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub2 hours ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub3 hours ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga3 hours ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga4 hours ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga4 hours ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya5 hours ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika22 hours ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub1 day ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga1 day ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya2 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya2 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika2 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda2 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika3 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda3 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga3 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda3 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska4 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha4 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika4 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya4 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga4 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya4 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya4 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda5 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga5 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga5 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda6 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya6 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga7 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika7 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Xul

Diblomaasi.com