Connect with us

Soomaaliya

Soomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya eedeymihii ugu kululaa oo kaga imaanaya dhanka gudaha iyo dibadda.

Published

on


Soomaaliya maanta waxay la dhibtoonaysaa khilaaf siyaasaddeed oo gaaray heerkii ugu sarreeyay kaas oo sababay isku dhacyo gudaha ah iyo sidoo kale in dhabarka ay isku aadiyaan Dowladda Dhexe iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyadda.

Halka saamileyda kale ee siyaasadda oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka iyo qeybo kale oo siyaasiyiinta iyagana ay qeyb ka yihiin khilaafaadkaasi Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud uu kala dhexeeyo dhinacyadaasi.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xukunka la wareegay bishii Maay 2022-kii, doorasho ka dhacday magaaladda Muqdisho oo uu kaga adkaaday Madaxweynihii xilligaasi xukunka joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shan maamul goboleed ayaa fadhiyay hoolkii doorashada oo xilligaasi garab taagnaa Madaxweynaha markii loo dhaariyay xukunka kadib doorashada markii ay soo idlaatay.

Laakiin Afar sano iyo Labo bilood kadib xilliga haatan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday Soomaaliya waxay dhex jiiraysaa caqabadihii ugu adkaa ee dhanka midnimada saameeyay iyo isku haynta dalka. Iyadoo markii ugu horreysay Somaliland ku doodaysa Soomaaliya inteeda kale inay ka go’day ay heshay waxa ay ku sheegtay aqoonsi waliba Israa’iil misne Yuhuudda taasi oo taariikhda gayga Soomaaliya aan hore ugu dhicin balse xilligaan oo dalka Madaxweyne yahay inkastoo muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Xasan Sh. Maxamuud lagu arkay taariikhda Soomaaliya taasi oo ah xaalad mugdi oo ummada Soomaaliyeed walaac xooggan ku beertay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya eedeymihii ugu kululaa oo kaga imaanaya dhanka gudaha iyo dibadday, siyaasiga Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo tusaaleynayayay aragtidiisana ka dhiibanayay heerka midnimada dalka ay kala jooggaan Madaxweynaha muddo dhaafka ayaa qoraal kooban ku yirri Fahad “Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadii 3aad ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday sidee loo kala badbaadiyaa.”

Xilligaan qeylo-dhaanta waxay ka imaanaysaa noocii doorasho oo markii hore muran uu ka taagnaa kuwaasi oo qeybtii ka dhacday Galmudug ururradii ka qeybgalay ay qowmamo iyo shalaay ka taagan yihiin doorashadiaas ka dhacday Galmudug. Waxaana la sheegay inay ahayd doorasho ku shubayo ah sida carrabkiisa ku dhuftay Sheekh Axmed Shaakir hoggaamiyaha Xisbiga Towfiiq kaas oo ka iclaamiyay deegaannada Galmudug dibadbax loogaga soo horjeedo doorashadaasi ka dhacday Galmudug.

Si waliba Madaxweyne Xassan oo toddobaadkan furaayay kala-fadhi horleh oo baarlamaanka muddo xileedkiisa dhammaaday uu yeelan doono kulamo kale ayaanan ka muuqan inuu garowsho ka muujinaayo eedaha loo tiirinayo dhankiisa ee la xiriira khilaafka doorashooyinka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah.

Dadka rogrogga ee odorosa arrimaha siyaasadda ayaa ka walaacsan xaaladda uu dalka kusii siqaayo, dowladihii Soomaaliya taageerayay ayaa ballanqaaday in dalka ay dhabarka aadin doonaan haddii aanan la helin heshiis siyaasadeed.

Mareykankuna wuxuu haatan bilaabay halkii heshiisyada waaweyn uu la geli lahaa dowladda dhexe in uu markaasi uu weecdo Maamul Goboleedyada sida Puntland, Jubbaland iyo Somaliland ku doodaysa Soomaaliya inteeda kale inay ka go’day.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arrimaha Amniga

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Maxamed Xaaji oo faallo ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegay in shirarka siyaasadeed ay abuuri karaan cinwaanno warbaahineed, balse aanay awood u lahayn inay Somaliland kahor istaagaan mustaqbalkeeda.

Published

on


Danjiraha Maamulka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud ayaa ka hadlay kulanka ay yeesheen madaxda Soomaaliya, Ereteriya, Masar iyo Suudaan, kaas oo la sheegay in looga soo horjeeday aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in shirarka siyaasadeed aanay awood u lahayn inay go’aan ka gaaraan mustaqbalka Somaliland.

Maxamed Xaaji oo faallo ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegay in shirarka siyaasadeed ay abuuri karaan cinwaanno warbaahineed, balse aanay awood u lahayn inay Somaliland ka hor istaagaan mustaqbalkeeda, tirtiraan taariikhdeeda, madaxbannaanideeda ama rabitaanka shacabkeeda. Danjiruhu waxa uu sheegay in kulankaasi aanu khatar ku ahayn oo keliya danaha Somaliland balse uu sidoo kale wax u dhimayo danaha istaraatiijiyadeed ee dalal muhiim ah oo ku yaalla gobolka iyo dalalka deriska la ah Somaliland.

Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey Dowlada Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay maamul fashilmay isla markaana sheegay in loo adeegsanayo awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka. “U adeegsiga maamulka fashilmay ee Muqdisho sidii awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda kale ee muhiimka ah ee gobolka iyo meelo ka baxsan weligiis ma shaqayn doono” – ayuu yiri Maxamed Xaaji sida uu ku sheegay faalladiisa.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii socdaan doodaha iyo dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee la xiriira aqoonsiga Somaliland, iyadoo dhinacyada taageersan aqoonsigeeda iyo kuwa kasoo horjeedaba ay isku dayayaan inay xoojiyaan mowqifyadooda siyaasadeed ee heer gobol iyo heer caalami.

Haddaba, madaxda dowladaha Soomaaliya, Eriteriya, Suudan iyo Masar oo dhawaan kulan ku yeeshay dalka Masar ayaa cambaareeyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil iyaga oo sheegay in uu dhaawacayo madaxbanaanida Soomaaliya.

Geesta kale, Dowladda Itoobiya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay inuu taageeray tallaabooyin ay sheegtay inay ka hor imanayaan danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu 4-tii Oktoobar magaalada Al-Calameyn ee dalka Masar kaga qayb galay shir ay yeesheen Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan.

Warbixin ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya oo ciwaan looga dhigay “Khayaamaada Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay wax u dhimanaysa xaqiiqooyinka gobolka” ayaa lagu sheegay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerada uu u muujiyey bayaanka wadajirka ah ee shirka ay Itoobiya u aragto tallaabo saamayn ku yeelan karta danaha ay ka leedahay Wabiga Niilka iyo arrimaha amniga Badda Cas.

Warbixintu waxay sheegtay in bayaanka Al-Calamayn uu ku adkaynayo dalalka ku wada jira Wabiga Niilka inay dhowraan mabda’a ah inaan dal kale waxyeello loo geysan, isla markaana mashaariicda biyaha ee saameyn karta dalalka kale lagu saleeyo ogeysiin hore, wadatashi iyo is-afgarad. Wakaaladda Wararka Itoobiya ayaa ku doodday in qoddobadan ay si gaar ah u saamayn karaan Itoobiya oo muddo dheer khilaaf kala dhexeeyey Masar iyo Suudaan oo ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka gaar ahaan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya.

Warbixinta ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedaysay inuu la safanayo isbahaysi siyaasadeed oo sida qoraagu ku dooday, lagu xaddidayo doorka Itoobiya ee arrimaha Badda Cas. Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah u muujisay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin-badeed ganacsi.

Qoraalka ayaa sidoo kale si gaar ah u dhaliilay ka qaybgalka Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki isagoo ku dooday in Ereteriya ay taageertay mowqifka Masar ee ku saabsan arrimaha biyaha Niilka. Qoraagu wuxuu tallaabadan ku fasiray inay Ereteriya mudnaanta siisay danaha Masar halkii ay ka ilaalin lahayd danaha mustaqbalka ee Ereteriya. Warbixinta ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kaalintii Itoobiya ku lahayd Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii, iyadoo xustay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay Itoobiya iyo taageeradii ciidamada Itoobiya ay ka geysteen dagaalladii lagula jiray Al-Shabaab iyo hawlgalladii nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.

Qoraaga warbixinta ayaa ku dooday in taageerada Madaxweyne Xasan Sheekh ee bayaanka Al-Calamayn ay ka hor iman karto xiriirkii amni iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Itoobiya soo dhex maray tobannaan sano. Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey mowqifka Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Badda Cas iyo xuquuqda Itoobiya ee marin-badeedka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Soomaaliya

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Dhacdadan ayaa lagu daahfurayaa ku biirista Soomaaliya ee nidaamka caalamiga ah ee iibinta iyo dejinta lacagaha tigidhada diyaaradaha oo loo yaqaan BSP, kaas oo ay maamusho IATA.

Published

on


Soomaaliya ayaa isu diyaarinaysa tallaabo cusub oo la xiriirta horumarinta nidaamka duulista rayidka, iyadoo magaalada Muqdisho ay martigelinayso hoggaanka sare ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA). Dhacdadan ayaa lagu daahfurayaa ku biirista Soomaaliya ee nidaamka caalamiga ah ee iibinta iyo dejinta lacagaha tigidhada diyaaradaha oo loo yaqaan BSP (Billing and Settlement Plan), kaas oo ay maamusho IATA.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in hirgelinta nidaamkan ay Soomaaliya u horseedi karto fursado cusub oo dhinacyada dhaqaalaha, shaqo-abuurka, maalgashiga iyo kobcinta adeegyada duulista ah.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda federaalka ayaa dhinaceeda qaabilsan isku-dubaridka iyo kormeerka nidaamka, si loo hubiyo in uu waafaqo shuruucda Soomaaliya iyo heerarka caalamiga ah ee duulista. Sidoo kale, nidaamka cusub ayaa la filayaa inuu fuddudeeyo xiriirka iyo wada-shaqeynta shirkadaha diyaaradaha, hay’adaha duulista iyo IATA, iyadoo Soomaaliya ay doonayso inay sii xoojiso ka mid noqoshada nidaamka duulista caalamiga ah.

Hirgelinta hannaanka BSP ayaa imanaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu casriyeynayo adeegyada duulista iyo in dalka loo abuuro jawi u fududeeya shirkadaha diyaaradaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka shaqeeyaan suuqa Soomaaliya.

Bishii Maarso 2026, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhaqangelisay go’aan dhigaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala safraya gudaha dalka laga rabo Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee (NIRA).

Hirgelinta nidaamkan cusub waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustaf Sheekh Axmed (Dhuxulow), oo sheegay in nidaamkan uu muhiim u yahay xoojinta amniga iyo keydinta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hay’addu waxay sheegtay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku safraya gudaha dalka looga baahan yahay inay wataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loogu fududeeyo hubinta aqoonsiga iyo kor u qaadidda nidaamka socdaalka gudaha.

Nidaamkan cusub ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aqoonsiga iyo maamulka xogta muwaadiniinta Soomaaliya. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa horraantii bishii Janaayo shaacisay in dib loo dhigay hirgelinta go’aankii hore ee ahaa in qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka uusan ka duuli karin garoonka diyaaradda Aadan Cadde isla markaana safri karin gudaha dalka.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in go’aankaasi oo horey loogu qorsheeyay inuu dhaqan galo 1-da Janaayo 2026, dib loo dhigay, isla markaana uu hadda dhaqan geli doono 1-da Maarso 2026, si shacabka Soomaaliyeed loo siiyo waqti dheeri ah oo ay ku diyaarsadaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Hay’addu waxay mar kale ku boorrisay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan muddadan dheeraadka ah, isla markaana ay qaataan Kaarka Aqoonsiga muwaadiinka kahor taariikhda cusub ee loo asteeyay hirgelinta go’aankan. Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo mar uu soo xirayay shirweynaha labaad ee Aqoonsiga Qaranka ee (SNIDC2025), ayaa ku ammaanay shaqada Hay’adda Aqoonsiga Qaran ee NIRA, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee isdiiwaan-geliyey, talo-soojeedinta khubarada iyo horumarinta Aqoonsiga Dijitaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Kaarka Qaran uu muujinayo sida dowlada Soomaaliya ay uga go’an tahay dhammaystirka hirgelinta nidaam Aqoonsi Qaran oo mideysan, kaas oo tiir muhiima u ah dowladnimada, amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada, waxa uuna adkeeyay in go’aannada shirkan lagu xoojiyo qorshaha qaran ee dhismaha adeegyo dowladeed oo ku saleysan tiknoolojiyadda casriga ah. “Waxaa imaanaysa maalin uu qofka wax iibsan karin, bangiga furan karin, safari karin, oo uu noolaan karin isaga oo aan haysan Aqoonsiga Qaranka” – ayuu yirri Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato.

Published

on


Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka Macaawiisleyda kaas oo ka dhacay tuulada Tardo ee Gobolka Hiiraan, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka, Cusmaan Xuseen Gure oo loo yaqaan Cismaan Dheere.

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato. Dadka deegaanka ayaa u gurmaday ninkan, taasoo keentay in iska horimaad hubeysan uu ka qarxo deegaanka, sida aan xogta ku helnay.

Cismaan Dheere ayaa sheegay in dagaalku uu socday saacado isla markaana kooxda Al-Shabaab ay hareereeyeen deegaanka, iyadoo xaaladdu ay sii xumaatay. Waxa uu sheegay in dad rayid ah lagu dilay intii uu dagaalku socday halka qaar kalena ay ka carareen guryahooda, iyagoo u kala firxaday deegaano u jira qiyaastii 40 ilaa 80 kiiloomitir.

Dagaalka ayaa sidoo kale hakiyay dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee dadka deegaanka, sida uu sheegay guddoomiyuhu. Dad subaxnimadii u baxay suuqa iyo goobahooda shaqada ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan goobahaas markii uu iska horimaadku billowday.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay dhawaan faafisay warar sheegaya inay heshiis nabadeed la gashay beesha Xawaadle, kaas oo lagu soo afjarayo khilaaf muddo u dhexeeyay kooxda iyo beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee, Cismaan Dheere ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in heshiiskaasi uu ahaa mid dhab ah. Waxa uu sidoo kale shaki geliyay muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay oo la xiriiray heshiiska, isaga oo sheegay inay suuragal tahay in qaar ka mid ah muuqaaladaas lagu sameeyay ama wax looga beddelay farsamada sirdoonka macmalka ah (AI).

Guddoomiyaha Tardo ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda, isaga oo sheegay in dadka deegaanka ay u baahan yihiin gurmad iyo in xal loo helo dagaallada soo noqnoqday ee saameynaya noloshooda.

Hay’adda Xasaradaha Adduunka oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group), ayaa lagu sheegay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab uu galay marxalad aad u adag oo ismariwaa iyadoo labada dhinacna midkood uusan awoodin inuu guul militari oo la taaban karro oo kama dambeys ah uu ka gaaro dagaalka ka socda Soomaaliya.

Warbixinta Hay’adda Xasaradaha Adduunka waxa ay xustay in guulihii ay dowladdu ay ka gaartay gobollada dhexe dalka Soomaaliya inta u dhexeysay 2022-2023-kii oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkiisii ugu horreeyay xukunka ay ahayd ay dib u wiiqmayn kadib weerarro ballaaran oo Al-Shabaab ay qaaday inta u dhexeysay 2024-2025, taasoo keentay in Al-Shabaab ay dib ula wareegto inta badan deegaanadii hore looga saaray.

Sida ay warbixinta tilmaamayso dowladda Soomaaliya ayaa dib isugu abaabushay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah waxayna ku guuleysatay inay adkeyso amniga deegaano muhiim ah oo ku dhow magaaladda caasimada ee Muqdisho. Hase yeeshee, qaybo badan oo kamid ah bartamaha dalka Soomaaliya ayaa wali ku jira gacanta Al-Shabaab taas oo sii xoojinaysa ismariwaaga dagaalka Soomaaliya.

Hay’adda International Crisis Group ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay wax ka beddeshay xeeladeheeddii dagaalka iyadoo ay iskudayayso inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay bulshada ku dhexbool deegaannada ay maamusho ee dalka Soomaaliya isla markaana ay yareyso ku tiirsanaanta cabsi gelinta oo kaliya. Tan kale waxaa sidoo kale ay sheegtay in dowladda ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo hoos u dhac ku yimid taageeradii dibadda dowladda ay ka heli jirtay.

Warbixinta Hay’adda International Crisis Group waxay ku talisay in dowladda federaalka Soomaaliya dib u habeyn ay ku sameyso tabbabarka iyo tayada ciidamada qaranka Soomaaliya isla markaana ay xoojiso wada-shaqeynta dowlad goboleedyada dalka oo hadda qaarkood khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo sida Jubbaland iyo Puntland isla markaana ay kor u qaado awooda ciidamada heerka gobol si loo sugo ammaanka deegaannada hore Al-Shabaab looga saaray.

Warbixintu waxay sidoo kale ku baaqday in la fududeeyo gargaarka bini’aadanimo ee loogu talagalay shacabka ku nool deegaannada Al-Shabaab ay gacanta ku hayso, iyadoo ugu dambeyntii ay ku dooday in xal siyaasadeed iyo wadahadal ay yihiin wadada ugu macquulsan ee lagu soo afjari karro colaadda muddada dheer ka socotay dalka Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Soomaaliya

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in tallaabooyinka caafimaad la xoojiyay kaddib markii Ebola laga xaqiijiyay Kenya oo Soomaaliya ay xuduud la wadaagto.

Published

on


Soomaaliya ayaa bilowday baaritaanka dadka ka imaanaya dalalka Afrika kaddib markii Kenya ay xaqiijisay kiis Ebola ah, iyadoo kooxo caafimaad la geeyay garoomada diyaaradaha si ay ula socdaan rakaabka soo galaya dalka.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga Soomaaliya iyo in si hore loo ogaado dadka laga yaabo inay qabaan cudurka kahor inta aysan gudaha dalka u gudbin. Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in tallaabooyinka caafimaad la xoojiyay kaddib markii Ebola laga xaqiijiyay Kenya oo Soomaaliya ay xuduud la wadaagto.

“Waxaan garoonka diyaaradaha ka hirgelinnay koox caafimaad oo la socota duulimaadyada ka imaanaya dalalka Afrika. Waxaan hadda xoojinaynaa diyaar-garowga kaddib markii Ebola uu gaaray Kenya,” ayuu yiri wasiirka. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale dadka ugu baaqday inay si joogto ah u dhaqaan gacmaha kana fogaadaan taabashada dhiigga ama dheecaannada jirka ee qof xanuunsan.

Dadka qaba xanuun daran gaar ahaan kuwa dhawaan ka soo safray deegaan uu Ebola ka jiro ayaa lagu boorriyay inay si degdeg ah u raadsadaan daryeel caafimaad. Calaamadaha Ebola waxaa ka mid noqon kara qandho, daal daran, murqo xanuun, madax-xanuun, matag iyo shuban.

Xilli dalalka qaaradda Afrika uu markale dib ugu soo laba kacleeyay cudurka dilaaga ah ee Ebola dowladda Mareykanka ayaa qaaday tallaabooyin adag oo dhanka socdaalka la xiriira halka quburada caafimaadkuna ay ka digayaan khatarta weyn ee soo wajahday dalka Soomaaliya maadaama cudurkaan uu ku dhaw yahay xuduudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah u mamnuucday in dalkeeda ay soo galaan dadka haysta dhalashada iyo degnaanshaha rasmiga ah ee Green Card-ga dadka muddo 21 maalmood ah ayaa loo diiday inay tagaan dalalka kuwa booqday wadamo dhowr ah oo dalka Koongo, Yugaandha iyo Koonfurta Suudaan ay kamid yihiin muwaadin kasta oo Mareykan ah oo wadamdaasi qaaradda Afrika ee Ebola saameynta ku yeeshay mar uun u safray waxaa loo diiday Mareykanka inuu tago muddadaasi 21 maalmood ah iyadoo xaaladiisa baaritaano iyo la socod lagu sameynaayo.

Go’aankaan ayaa dowladda Mareykanka sheegtay in ujeedkiisu uu yahay in laga hortago cudurka halista ah ee Ebola inuu gaaro dalka Mareykanka sidoo kale hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa waxa ay sheegtay in wadamo dhowr ah oo ay ku jiraan Kenya, Itoobiya, Tansaaniya, Angoola, Burundi, Ruwaanda iyo Zaambiya inay hadda ay wajahayaan khatar aad u sarreysa oo dhanka cuudurka la xiriira.

Dhinaca kalena, dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay digniin la xiriirta cudurka Ebola, Soomaaliya waxay taagan tahay meel aad u nugul marka loo eego fiditaanka cudurkaan Ebola maadama cudurka uu soo gaaray dalalka deriska ah nuglaanta Soomaaliya ayaa salka ku haysa xuduudaha dhaadheer ee furan ee la leedahay wadamada deriska la ah sida Kenya iyo Itoobiya halkaasi oo ay ka jirto isku socod xooggan oo dadka iyo gaadiidka ay sameynayaan iyadoo aysan jirin wax konrool adag oo dhanka caafimaadka la xiriira.

Majiraan wax baaritaano ah ama qalab loogu hortago oo la dhigay xuduudaha dalka Soomaaliya ama garoomada waaweyn ee diyaadaha guud ahaan dalka si loo baaro dadka ka yimaadda aagga uu cudurka ka dilaacay tallaabada kaliya ilaa iyo hadda la qaaday ahaan digniin dhowaan ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradeeda caafimaadka balse digniintaasi ma wehliso qorsheyaal kale sida muuqata oo loogu hortago cudurka haddii uu gudaha dalka Soomaaliya soo gaaro.

Cudurkaan Ebola waxa dad badan oo 200 qof oo kor u dhaafaysa u laayay wadanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo maadaama Ebola uu yahay cudur si fudud ku fida dhimashadiisuna ay aad degdeg u tahay Soomaaliya waxay u baahan tahay qorsheyaal degdegg ah oo dhanka caafimaadka ah inay la timaado oo loogu hortagaayo xuduudaha dalka inuu kasoo gudbo cudurkaan ama dad diyaarad soo raacay ay keenaan gudaha wadanka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

“Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Published

on


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo ku eedeeyay dowladda muddo dhaafka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku mashquulsan tahay doorashooyin aan heshiis laga gaarin, isla markaana ay waddo tallaabooyin uu sheegay inay horseedi karaan isku dhac iyo dhiig daata.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in mucaaradka iyo dowladda ay muddo dheer ka wada hadlayeen hannaanka doorashooyinka balse uu sheegay in dadaalladaas ay caqabad ku noqdeen waxa uu ku tilmaamay nidaamka muddo-dhafka ah. Shariif wuxuu sheegay in muhiimaddu ay tahay in la isku raaco nooca doorashada dalka ka dhacaysa, habka ay u dhacayso iyo in tartanku noqdo mid caddaalad ah. “Waxa la rabaa in xoogga la saaro taas oo dadka la isu keeno oo laga heshiiyo” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in qorshihii ahaa in bisha Oktoobar la qabto shir looga hadlo doorashooyinka ay caqabado la kulmeen. Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay waddo waxa uu ku tilmaamay “provocation” iyo diyaar-garow dagaal oo lala xiriirinayo mucaaradka. “Caqabadahaas waxaa kamid ah provocation-ka iyo diyaar-garowga dagaalka oo aad maqasheen inay waddo xukuumadda waqtigeedu dhammaaday oo ay rabaan inay kusoo qaadaan mucaaradka” – ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in xaaladda ka jirta qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay tahay in aan lagu soo celin magaalada Muqdisho. “Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa si gaar ah uga jawaabay eedeymo la xiriirinaya Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay inuu dalkaas deggan yahay balse uu arrintaas ku tilmaamay marmarsiiyo aan loo adeegsan karin dhiigga siyaasiyiinta mucaaradka. “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya. Aniga Imaaraadka waan degganahay” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay in joogitaankiisa Imaaraadka aysan sabab u noqon karin in lagu eedeeyo falal ka dhan ah dowladda Soomaaliya. “Ma noqon karto asbaab lagu baneysto dhiigga dadka mucaaradka u taagan in dalkan dastuurkana la ixtiraamo, doorashana laga heshiiyo” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa intaa ku daray in haddii qof uu ku baaqayo in la ixtiraamo dastuurka, doorashada laga heshiiyo, isla markaana laga fogaado dagaal, aysan jirin sabab loogu tilmaamo inuu dalka dhibaato u wado. Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dhaliilay isticmaalka ciidamada iyo hay’adaha dowladda, isagoo sheegay in hay’adaha amniga iyo ciidamada aan loo adeegsan karin wax uu ku tilmaamay kicin iyo isku dhacyo siyaasadeed. “Hubkii loogu talogalay in Al-Shabaab lagula dagaalamo ayuu rabaa in Xasan Sheekh uu Muqdisho ku gubo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer soo mareen dagaallo iyo dhibaatooyin, ayna doonayaan inay arkaan dowlad Soomaaliyeed oo leh hay’ado si dhab ah u shaqeeya. Hadalkaan uu jeediyay Sheekh Shariif ayaa imaanaya iyadoo dhowaanahaan ay soo baxayeen warar la isla dhex maraayay oo sheegaya in Dowladdu wado qorshe ay ku weerareeyso xarumaha ay degan yihiin Hogaamiyeyaasha Mucaaradka.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Yurub1 hour ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub2 hours ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga2 hours ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga3 hours ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga3 hours ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya4 hours ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika22 hours ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub1 day ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga1 day ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya2 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya2 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika2 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda2 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika3 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda3 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga3 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda3 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska4 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha4 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika4 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya4 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga4 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya4 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya4 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda5 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga5 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga5 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda6 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya6 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga7 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika7 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga7 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Xul

Diblomaasi.com