Connect with us

Doorashada

Soomaaliya waxa ay gashay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada – Farmaajo

Marka Baarlamaanka uu dhammaado iyadoo aan la soo dhisin Baarlamaan cusub, waxaa si toos ah u saameynaya sharciyadda hay’adaha kale ee dowladda.

Published

on


Soomaaliya waxa ay mar kale wajahaysaa marxalad aad u xasaasi ah oo taabanaysa jiritaanka dowladnimadeeda, amniga guud iyo midnimada bulshada. Sida uu si cad u sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, dalka waxa uu galay xaalad halis ah oo salka ku haysa hubanti la’aanta doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed.

“Soomaaliya waxa ay gashay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada, taas oo ay aasaas u tahay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.” – Madaxwaynihii horre ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

Hadalkan ma aha oo kaliya aragti siyaasadeed, balse waa digniin ka tarjumaysa xaalad dhab ah oo ka jirta dalka, gaar ahaan marka la eego dhammaadka muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka iyo dib u dhaca ku yimid doorashooyinka.

Muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhammaaday 14-ka Abriil 2026, sida uu dhigayo Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee 2012, gaar ahaan Qodobka 60-aad. Qodobkani waxa uu si cad u qeexayaa in Baarlamaanka uu leeyahay muddo xileed cayiman, islamarkaana la soo doorto xildhibaanno cusub ka hor inta aanay dhammaan muddadaas. Waxa muuqata in waajibaadkaas aan la fulin, taas oo keentay in dalka galo xaalad sharci iyo siyaasadeed oo aan caadi ahayn.

Sida uu dhigayo Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee 2012, gaar ahaan Qodobka 60-aad,61 iyo 62aad qodobkani waxa uu si cad u qeexayaa in Baarlamaanka uu leeyahay muddo xileed cayiman.

Firaaq sharci waxa uu horseedi karaa jahwareer iyo kala dambeyn la’aan

Marka Baarlamaanka uu dhammaado iyadoo aan la soo dhisin Baarlamaan cusub, waxaa si toos ah u saameynaya sharciyadda hay’adaha kale ee dowladda. Sida ku cad Qodobka 69-aad ee Dastuurka, Baarlamaanka ayaa ah hay’adda ugu sarreysa ee sharci dejinta, isla markaana leh awoodda kormeerka hay’adaha fulinta. Sidaas darteed, maqnaanshaha Baarlamaan sharciyad leh waxa uu keeni karaa firaaq sharci (legal vacuum), taas oo micnaheedu yahay in aanay jirin hay’ad si buuxda u leh awood sharciyeed oo go’aan ka gaari karta arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Firaaqa sharciyeed waxa uu horseedi karaa jahwareer iyo kala dambeyn la’aan. Hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa fulinta, waxay lumin karaan isla xisaabtankii iyo kormeerkii ay ku hayn jireen Baarlamaanka. Tani waxay kordhin kartaa khatarta ku tagri-falka awoodda, maadaama aanay jirin hay’ad si toos ah ula xisaabtanta. Sidoo kale, sharciyada cusub lama ansixin karo, halka kuwii hore ay noqon karaan kuwo aan si buuxda loo dhaqan gelin karin.

Dhanka siyaasadda, xaaladdan waxay dhalin kartaa khilaafyo hor leh. Siyaasiyiinta iyo daneeyayaasha kala duwan ayaa laga yaabaa inay isku maandhaafaan habka ugu habboon ee looga bixi karo xaaladdan. Qaar waxay ku doodi karaan in la sameeyo muddo kordhin, halka kuwa kale ay ku adkeysan karaan in si degdeg ah loo qabto doorashooyin. Khilaafkan siyaasadeed haddii aan si xikmad leh loo maareyn waxa uu keeni karaa kala fogaansho iyo xasillooni darro.

Arrimaha amniga ayaa iyaguna si weyn u saameynaya xaaladdan. Marka dowladnimadu daciifto, waxaa fursad helaya kooxaha hubeysan ee lidka ku ah nabadda. Taariikh ahaan, Soomaaliya waxay soo martay marxalado badan oo muujinaya in firaaq siyaasadeed iyo mid sharci ay si toos ah u saameeyaan amniga. Sidaas darteed, haddii aan si degdeg ah xal loo helin, waxaa laga cabsi qabaa in ay kordhaan falalka amni darro iyo weerarrada kooxaha xagjirka ah.

Kalsoonida shacabka ayaa halis ku jirta

Dadweynaha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin dowlad shaqeynaysa oo leh hay’ado sharciyad buuxda leh. Marka ay arkaan in Baarlamaanka uu dhammaaday isla markaana aan la hayn qorshe cad oo lagu beddelayo, waxa ay lumin karaan kalsoonidii ay ku qabeen nidaamka dowliga ah. Tani waxay keeni kartaa niyad jab guud iyo hoos u dhac ku yimaada ka qaybgalka bulshada ee arrimaha siyaasadda.

Xaaladda waxa sii adkeynaya in muddo-xileedka Madaxweynaha uu ku dhow yahay dhammaad (15 Maay). Sida ku cad Qodobka 91-aad ee Dastuurka, Madaxweynaha waxa ka harsan 31 maalmood oo keliya. Tani waxay abuureysaa cadaadis dheeraad ah, maadaama doorashada Madaxweynaha ay ku xiran tahay jiritaanka Baarlamaan cusub. Haddii aan Baarlamaan la helin, su’aal ayaa ka dhalanaysa cidda dooranaysa Madaxweynaha iyo sida loo sii wadi karo hoggaanka dalka.

Maxaa xal u ah dalka?

Si looga fogaado xaalad ka sii daraysa, waxaa lama huraan ah in la helo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, xisbiyada siyaasadda iyo dhammaan daneeyayaasha waa inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xal degdeg ah. Wadahadal furan iyo tanaasul siyaasadeed ayaa ah furaha lagu gaari karo is-afgarad.

Heshiiskaas waa inuu diiradda saaraa qabashada doorashooyin hufan, daahfuran oo lagu kalsoonaan karo. Waa in la hubiyaa in habka doorashadu uu yahay mid cadaalad ah oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka. Sidoo kale, waa in la sameeyaa qorshe ku meel gaar ah oo sharciyad leh si looga hortago firaaq dastuuriga ah inta lagu jiro marxaladdan kala guurka ah.

Xaaladda Soomaaliya maanta waa mid u baahan feejignaan, masuuliyad iyo hoggaan bisil. Dhammaadka muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka iyadoo aan la helin beddel sharciyad leh waxay dalka gelisay khatar dhinacyo badan leh. Sida uu sheegay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, marxaladdan waxay taabanaysaa amniga, wadajirka iyo dowladnimada dalka. Haddii aan si degdeg ah loo qaadin tallaabooyin wax ku ool ah, waxaa suurtagal ah in dalka uu galo firaaq dastuuriga ah oo halis gelin kara mustaqbalkiisa. Sidaas darteed, waxaa waajib ku ah dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan badbaadinta dowladnimada iyo xasilloonida dalka.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Doorashada

Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Galmudug oo loo asteeyay 22-ka Oktoobar

Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, waxaa 13-ka Oktoobar la shaacinayaa Golaha Wakiillada Galmudug, halka 14-ka iyo 15-ka Oktoobar loo qorsheeyay diyaar-garowga xildhibaannada.

Published

on


Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa shaaciyay jadwalka guud ee doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyadoo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan inta u dhexeysa 13-ka iyo 22-ka Oktoobar 2026 ee bishaan.

Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, waxaa 13-ka Oktoobar la shaacinayaa Golaha Wakiillada Galmudug, halka 14-ka iyo 15-ka Oktoobar loo qorsheeyay diyaar-garowga xildhibaannada. Dhaarinta Golaha Wakiillada ayaa dhici doonta 16-ka Oktoobar. Sidoo kale, 17-ka Oktoobar ayaa la qabanayaa Araajida Musharraxiinta u tartamaya guddoonka iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada, halka 18-ka Oktoobar loo asteeyay khudbadaha musharraxiinta iyo doorashada guddoonka baarlamaanka.

Dhanka doorashada Hoggaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug, guddigu wuxuu sheegay in 19-ka iyo 20-ka Oktoobar la qaban doono araajida musharraxiinta u tartamaya xilalka hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa. Musharraxiinta ayaa khudbadahooda jeedin doona 21-ka Oktoobar, halka doorashada hoggaamiyaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa loo asteeyay 22-ka Oktoobar.

Jadwalkan ayaa qeexaya marxaladaha doorashada hoggaanka baarlamaanka iyo maamulka Galmudug. Hase yeeshee, faahfaahinta ku saabsan musharraxiinta tartamaya iyo habraacyada kale ee doorashada kuma jiraan jadwalka la shaaciyay.

Geesta kale, Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambeys ah maalintii shalay u ansixisay natiijada doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug, taas oo qabsoontay 30-kii Sebteembar 2026. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu Maxkamadda Sare u gudbiyay codsi ku saabsan ansixinta kama dambeysta ah ee natiijada doorashada.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay dib u eegtay dukumentiyada la xiriira codsiga, isla markaana ay xaqiijisay in aan la soo gudbin dacwad waafaqsan qoddobka 73aad ee sharciga doorashooyinka qaranka, kaas oo ka hor imaanaysa natiijada doorashada ku-celiska ah ee Galmudug.

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay tixraacday qoddobada sharciga doorashooyinka iyo habraaca u degsan ansixinta natiijooyinka doorashooyinka, kuwaas oo awoodda ansixinta kama dambeysta ah siinaya Maxkamadda Sarre, kaddib marka guddiga doorashooyinku si ku-meel-gaar ah ugu dhawaaqo natiijada. Liiska natiijada ku jirta go’aanka Maxkamadda ayaa xusay musharraxiin ku guuleystay kuraas ay ku tartameen ururro siyaasadeed oo kala duwan.

Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale amartay in go’aanka loo gudbiyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isla markaana loo faafiyo si waafaqsan habraacyada sharciga ah, Ansixintan ayaa dhammaystiraysa marxaladda garsoorka ee xaqiijinta natiijada doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada Galmudug, sida ku cad go’aanka Maxkamadda Sare.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Galmudug iyo Hirshabeelle oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha iyo mida Barlamaanka

Cabdikariin waxa uu sheegay in 10 degmo oo Hirshabeelle ah iyo 10 degmo oo Galmudug ah ay saaka ka furmeen goobihii loo qorsheeyay cod-bixinta.

Published

on


Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay Maamul Goboleedyadda Galmudug iyo Hirshabeelle doorashada qof iyo cod, iyadoo cod-bixiyayaashu u dareereen goobaha codbixinta si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada.

Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle waxaa codkooda dhiibtay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle ee ururka JSP, Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo sidoo kale la arkayay dadweyne safaf ugu jira goobaha codbixinta.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin muhiim u ah dadka Hirshabeelle isagoo xusay in shacabka gobolku ay u dareereen goobaha codbixinta si ay u doortaan cidda ay doonayaan. Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa maanta sidoo kale lagu soo rogay bandow soconaya ilaa fiidkii, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha lagu xaqiijinayo amniga goobaha codbixinta iyo habsami-u-socodka doorashada.

Dhanka Galmudug, cod-bixintu waxay ka bilaabatay magaalooyin ay ka mid yihiin Dhuusamareeb, Guriceel, Cadaado iyo Gaalkacyo, iyadoo wararka goobaha qaar ay sheegayaan in dadku safaf dhaadheer u galeen cod-bixinta. Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan oo gaaray magaalada Jowhar, ayaa sheegay in doorashadu si habsami leh uga bilaabatay labada maamul-goboleed.

Waxa uu sheegay in 10 degmo oo Hirshabeelle ah iyo 10 degmo oo Galmudug ah ay saaka ka furmeen goobihii loo qorsheeyay cod-bixinta, isagoo xusay in kumannaan shaqaale Soomaaliyeed iyo ciidamada ammaanka ay door ku leeyihiin qabsoomidda doorashada. Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shacabka labada maamul ugu baaqay inay ka qayb qaataan cod-bixinta ayna doortaan musharraxa iyo ururka ay iyagu rabaan.

Doorashada Galmudug ayaa ah codbixin dib loogu celinayo doorashadii 30-kii Luulyo, kaddib markii maxkamadda sare ay burisay natiijadii hore, iyadoo lagu sababeeyay khaladaad maamul iyo habraac. Bilowga codbixinta Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ah tallaabo ka mid ah hannaanka Soomaaliya ugu gudbeyso nidaam doorasho oo shacabka ay si toos ah codkooda ugu dhiibanayaan halkii ay ka ahaan lahayd nidaamkii doorashada dadban.

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo wajahaya cadaadis caalami ah si loo gaaro heshiis siyaasadeed

Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis isa soo taraya oo kaga imanaya beesha caalamka si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay ka hor dhammaadka bisha Agoosto, iyadoo diblomaasiyiin ay muujinayaan walaac ku saabsan sii socoshada ismariwaaga siyaasadeed ee dalka.

Sida ay sheegayaan illo diblomaasiyadeed saaxiibbada caalamiga ah ayaa ka digay in haddii aan la helin is-afgarad siyaasadeed dib loo eegi karo taageerada horumarinta, maalgelinta mashaariicda iyo heerka iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya. Waxay sidoo kale xuseyn in khilaafka siyaasadeed uu khatar gelin karo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gaar ahaan iyadoo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo caqabado dhanka maalgelinta iyo qorshaha kala guurka amniga.

Xiisadda siyaasadeed ayaa sii xoogeysatay kadib wax-ka-beddelladii dastuurka ee la ansixiyay bishii Maarso 2026, kuwaas oo muddada xilka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ka dhigay shan sano halkii ay ka ahaan jireen afar sano. Dowladda Federaalka ayaa ku doodaysa in isbeddelladaasi ay lagama maarmaan u yihiin hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod halka dhinacyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ay ku tilmaameen kuwo aan loo marin hannaan loo dhan yahay.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah, madax hore iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa 27-kii Luulyo 2026 u diray warqad furan saaxiibbada caalamiga ah iyagoo soo jeediyay in la dhiso golle kumeel gaar ah oo loo dhan yahay si uu u hoggaamiyo kala guurka dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka qaran. Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la ilaaliyo dhexdhexaadnimada hay’adaha amniga iyo dib u soo celinta kalsoonida hay’adaha dowladda.

Dhanka kale, dadaallo diblomaasiyadeed ayaa weli socda iyadoo Turkigu martigeliyay wadahadallo u dhexeeya dowladda federaalka iyo wakiillo ka socda mucaaradka. Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in aan weli la xallin qoddobada ugu muranka badan gaar ahaan qaabka doorashada iyo sharciyadda wax-ka-beddellada dastuurka.

Falanqeeyayaal ayaa ka digaya in haddii aan heshiis siyaasadeed la gaarin toddobaadyada soo socda ay taasi sii kordhin karto khilaafka gudaha isla markaana ay fursad u abuuri karto kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab inay ka faa’iideystaan kala qeybsanaanta siyaasadeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Burbur xooggan oo ku yimid Urur-Siyaasaddeedka Towfiiq

Ururka Sheekh Shaakir ee Towfiiq ayaa ku hungoobay ka qeybgalka doorashada maalmo kadib lagu wado inay ka dhacdo Galmudug.

Published

on


Urur Siyaasaddeedka Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Shaakir ayaa u muuqda mid guud ahaanba sii macsalaameynayo saaxadda siyaasadda dalka, ururkaasi oo horey kaga soo qeybgalay doorashooyinka noocoodu ay ku sheegatay Villa Soomaaliya inay yihiin qof iyo cod balse ay ku diidan yihiin dhinacyadda siyaasadda gudaha ee kasoo horjeedda hab-fikirka Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Ururka Sheekh Shaakir ee Towfiiq ayaa ku hungoobay ka qeybgalka doorashada maalmo kadib lagu wado inay ka dhacdo Galmudug, kadib markii Guddigga Doorashooyinka ee lagu tilmaamayo inuu yahay gacan ku rimis ay ka reebeen ka qeybgalka doorashadaasi iyo liiska ururrada uu dhowaan shaaciyay guddigaasi.

Hase ahaatee, arrinta soo cusboonaatay xilligaan ayaa ah in garabka taageersan Musharrax Madaxweynaha Galmudug oo ay wadato Villa Soomaaliya kana tirsan Xisbiga JSP, Liibaan Axmed Xassan ay si weyn u kala furfurayaan taageereyaashii Xisbiga Towfiiq iyo xubnihii ka tirsanaa deegaannada Galmudug.

Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Galmudug waxaa isaga baxay ururka Towfiiq xubnihii ka tirsanaa sida, magaaladda Dhuusamareeb, Guriceel, Cadaado, Gursho, Caabudwaaq iyo deegaano kale oo ka kala tirsan Mudug iyo Galgaduud kuwaasi oo si cad ugu dhawaaqayay 48 sac lasoo dhaafay inay ku biireen dhinaca Liibaan Axmed Xasan, taas oo ka dhigan in Ururka Towfiiq ka reebis oo kaliya doorashada laga reebay in aysan ku koobnayn hase ahaatee guud ahaanba ururkaasi salka dhulka loo dhigayo.

Waddaadka lagu magacaabo Shaakir ee ururkaan dhisay ayaa shir jaraa’id ee uu qabtay shalay galankkii dambe waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay loollanka siyaasadeed ee ururkiisa lagu kala kala furayo iyo in laga reebo doorashooyinka Galmudug, waxaana xubnaha ka tirsan ururkiisa iyo taageereyaashiisa uu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa dhowaan Xisbiga Towfiiq oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ka reebay xisbiyada loo oggolaaday inay ka qayb galaan doorashada ku-celiska ah ee laga qabanayo deegaannada Galmudug 30-ka Septeembar 2026.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayuu ku shaaciyay liiska xisbiyada loo oggolaaday inay u tartamaan doorashada ku-celiska ah ee kuraasta Golaha Deegaanka Galmudug, iyadoo liiskaas oo ka kooban 12 xisbi uusan ku jirin Xisbiga Towfiiq, waxaana uuna Guddigu ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo daneeyeyaasha doorashooyinka isku-sidkan ee Dawlad Goboleedka Galmudug in ay xirantay soo gudbinta liisaska Musharaxiinta ka tartamaya doorashada ku-celiska ah ee Dawlad Goboleedka Galmudug.

Go’aanka ayaa yimid laba maalmood kadib markii Xisbiga Towfiiq uu soo saaray war-saxaafadeed uu kaga digayo habka loo maamulayo doorashada ku-celiska ah, isla markaana uu ku dalbaday in guddiga doorashadu dib u eego arrimo uu xisbigu ku tilmaamay kuwo halis gelin kara hufnaanta doorashada.

Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in la xaqiijiyo in doorashada lagu qabto jawi xor ah oo cadaalad ah, isagoo walaac ka muujiyay diyaar-garowga iyo habraacyada guddiga.

Doorashadii hore ee Golaha Deegaanka Galmudug oo natiijadeeda la laalay ayaa Xisbiga Towfiiq sheegay inuu ka helay 12 xildhibaan, balse uu diiday natiijada kasoo baxday doorashadaas taasoo keentay in arrintu gaarto heer maxkamada sare ay natiijadii laasho.

Isku soo wada duub, ka maqnaanshaha Xisbigaan Towfiiq ee liiska rasmiga ah ee xisbiyada tartamaya ayaa soo nooleyn kara khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii hore gaar ahaan iyadoo doorashada ku-celiska ah ay ka harsan yihiin toddobaadyo kooban, Waxaa xusid mudan in war-saxaafadeedka guddiga uu soo saaray uu si cad u taxayo 12-ka xisbi ee loo oggolaaday tartanka iyadoo Xisbiga Towfiiq aanu ku jirin liiskaas.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Maxaa sababay in (GMDQS) ay Xisbiga Towfiiq ka reebto doorashada ku-celiska ah ee Galmudug?

Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in la xaqiijiyo in doorashada lagu qabto jawi xor ah oo cadaalad ah, isagoo walaac ka muujiyay diyaar-garowga iyo habraacyada guddiga.

Published

on


Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Xisbiga Towfiiq oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ka reebay xisbiyada loo oggolaaday inay ka qayb galaan doorashada ku-celiska ah ee laga qabanayo deegaannada Galmudug 30-ka Septeembar 2026.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayuu ku shaaciyay liiska xisbiyada loo oggolaaday inay u tartamaan doorashada ku-celiska ah ee kuraasta Golaha Deegaanka Galmudug, iyadoo liiskaas oo ka kooban 12 xisbi uusan ku jirin Xisbiga Towfiiq, waxaana uuna Guddigu ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo daneeyeyaasha doorashooyinka isku-sidkan ee Dawlad Goboleedka Galmudug in ay xirantay soo gudbinta liisaska Musharaxiinta ka tartamaya doorashada ku-celiska ah ee Dawlad Goboleedka Galmudug.

Go’aanka ayaa yimid laba maalmood kadib markii Xisbiga Towfiiq uu soo saaray war-saxaafadeed uu kaga digayo habka loo maamulayo doorashada ku-celiska ah, isla markaana uu ku dalbaday in guddiga doorashadu dib u eego arrimo uu xisbigu ku tilmaamay kuwo halis gelin kara hufnaanta doorashada.

Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in la xaqiijiyo in doorashada lagu qabto jawi xor ah oo cadaalad ah, isagoo walaac ka muujiyay diyaar-garowga iyo habraacyada guddiga.

Doorashadii hore ee Golaha Deegaanka Galmudug oo natiijadeeda la laalay ayaa Xisbiga Towfiiq sheegay inuu ka helay 12 xildhibaan, balse uu diiday natiijada kasoo baxday doorashadaas taasoo keentay in arrintu gaarto heer maxkamada sare ay natiijadii laasho.

Isku soo wada duub, ka maqnaanshaha Xisbigaan Towfiiq ee liiska rasmiga ah ee xisbiyada tartamaya ayaa soo nooleyn kara khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii hore gaar ahaan iyadoo doorashada ku-celiska ah ay ka harsan yihiin toddobaadyo kooban, Waxaa xusid mudan in war-saxaafadeedka guddiga uu soo saaray uu si cad u taxayo 12-ka xisbi ee loo oggolaaday tartanka iyadoo Xisbiga Towfiiq aanu ku jirin liiskaas.

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho

Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ayaa 29-ka Luulyo 2026, si adag u cambaareeyey go’aanka uu Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) kaga reebay ka qaybgalka hannaanka doorashooyinka, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid ka hor imanaysa sharciga, caddaaladda iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.

War-saxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in Qaransoor uu si buuxda u guddoomay dhammaan waajibaadkii iyo shuruudihii looga baahnaa ururrada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb galaan doorashooyinka. Sida lagu sheegay bayaanka, ururku wuxuu guddiga u gudbiyey dhammaan dukumentiyadii looga baahnaa, oo ay ku jiraan liiska xiran ee musharraxiinta, isla markaana uu bixiyey dhammaan lacagihii iyo khidmadihii sharcigu farayey.

Ururka ayaa sheegay in inkastoo uu dhammeystiray dhammaan shuruudihii lagu xiray ka qaybgalka doorashada, haddana codsigiisa la diiday, iyadoo aan loo soo bandhigin sabab sharciyeed oo cad ama qoraal rasmi ah oo qeexaya sababaha go’aankaasi ku salaysan yahay. Sida uu ururku ku doodayo, arrintan waxay dhaawac ku tahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka looga baahan yahay hay’adaha madaxbannaan ee dalka.

Qaransoor wuxuu sidoo kale sheegay inuu si rasmi ah cabasho ugu gudbiyey masuuliyiinta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isaga oo codsaday in dib loogu eego go’aanka laga gaaray. Hase yeeshee, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, cabashadaas wax jawaab ah lagama bixin, mana jirin tallaabo muuqata oo lagu xallinayo cabashada ama lagu siinayo ururka fursad uu ku helo caddaalad maamul.

Ururku wuxuu sheegay in hab-dhaqanka guddigu uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka hagaya maamulka doorashooyinka. Sida uu ururku aaminsan yahay, guddiga waxaa saaran waajibaad sharci iyo mid qaran oo ah inuu si siman ula dhaqmo dhammaan ururrada siyaasadeed, isaga oo aan cidna u eexan ama ka reebin xuquuqdeeda siyaasadeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay in uusan ku dhaqmi karrin caddaalad iyo dhexdhaaxdnimo.

Published

on


Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ayaa si adag u cambaareeyey go’aanka uu Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) kaga reebay ka qaybgalka hannaanka doorashooyinka, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid ka hor imanaysa sharciga, caddaaladda iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.

War-saxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in Qaransoor uu si buuxda u guddoomay dhammaan waajibaadkii iyo shuruudihii looga baahnaa ururrada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb galaan doorashooyinka. Sida lagu sheegay bayaanka, ururku wuxuu guddiga u gudbiyey dhammaan dukumentiyadii looga baahnaa, oo ay ku jiraan liiska xiran ee musharraxiinta, isla markaana uu bixiyey dhammaan lacagihii iyo khidmadihii sharcigu farayey.

Ururka ayaa sheegay in inkastoo uu dhammeystiray dhammaan shuruudihii lagu xiray ka qaybgalka doorashada, haddana codsigiisa la diiday, iyadoo aan loo soo bandhigin sabab sharciyeed oo cad ama qoraal rasmi ah oo qeexaya sababaha go’aankaasi ku salaysan yahay. Sida uu ururku ku doodayo, arrintan waxay dhaawac ku tahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka looga baahan yahay hay’adaha madaxbannaan ee dalka.

Qaransoor wuxuu sidoo kale sheegay inuu si rasmi ah cabasho ugu gudbiyey masuuliyiinta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isaga oo codsaday in dib loogu eego go’aanka laga gaaray. Hase yeeshee, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, cabashadaas wax jawaab ah lagama bixin, mana jirin tallaabo muuqata oo lagu xallinayo cabashada ama lagu siinayo ururka fursad uu ku helo caddaalad maamul.

Ururku wuxuu sheegay in hab-dhaqanka guddigu uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka hagaya maamulka doorashooyinka. Sida uu ururku aaminsan yahay, guddiga waxaa saaran waajibaad sharci iyo mid qaran oo ah inuu si siman ula dhaqmo dhammaan ururrada siyaasadeed, isaga oo aan cidna u eexan ama ka reebin xuquuqdeeda siyaasadeed.

Walaac ku saabsan madax-bannaanida, caddaaladda iyo dhexdhexaadnimada guddiga

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaransoor uu muddooyinkii u dambeeyey muujinayey walaac ku saabsan madax-bannaanida, caddaaladda iyo dhexdhexaadnimada guddiga. Sida uu ururku sheegay, tan iyo markii uu si cad u sheegay aragtidiisa ku saabsan hab-maamuuska guddiga, waxaa soo baxay, sida uu ku doodayo, tallaabooyin muujinaya takoor iyo cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah ururka Qaransoor.

Ururka ayaa ku doodaya in haddii hay’adda loo igmaday maamulka doorashooyinka ay ku dhaqmi weydo hufnaan, caddaalad iyo dhexdhexaadnimo, ay taasi dhaawacayso kalsoonida shacabka ee nidaamka dimuqraadiyadda, isla markaana ay meesha ka saarayso tartan siyaasadeed oo xor iyo xalaal ah. Sida lagu sheegay bayaanka, doorasho kasta oo aan lagu salayn sinnaan iyo fursad siman ma noqon karto mid si dhab ah uga tarjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Qaransoor wuxuu sheegay inuu weli aaminsan yahay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay yeelato nidaam doorasho oo ku dhisan sharciga, isla xisaabtanka iyo sinnaanta dhammaan dhinacyada siyaasadda. Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyey in hay’adaha dowladdu ay mas’uul ka yihiin illaalinta xuquuqda siyaasadeed ee dhammaan ururrada iyo musharraxiinta, si loo xaqiijiyo tartan daahfuran oo shacabka kalsooni ku qabaan.

Dhanka kale, ururku wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, ururrada bulshada rayidka ah, daneeyayaasha siyaasadda iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan habraaca doorashooyinka dalka. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo hufnaanta iyo madaxbannaanida hay’adaha doorashooyinka si looga hortago wax kasta oo dhaawici kara kalsoonida shacabka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Urur Siyaasaddeedka Qaransoor wuxuu ku adkaystay mowqifkiisa ah in, sida uu aaminsan yahay, aanay dalka ka socon doorasho xor iyo xalaal ah haddii aan la hubin in dhammaan ururrada siyaasadeed loo maro habraac caddaalad iyo sharci ku dhisan. Ururku wuxuu sheegay inuu sii wadi doono difaaca xuquuqdiisa sharciyeed isaga oo adeegsanaya waddooyinka sharcigu oggol yahay, isla markaana uu ku baaqayo in la sameeyo isbeddel dhab ah oo lagu soo celinayo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashooyinka, si loo xaqiijiyo nidaam dimuqraadi ah oo ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed si siman uga qayb qaadan karaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Doorashada2 hours ago

Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Galmudug oo loo asteeyay 22-ka Oktoobar

Soomaaliya4 hours ago

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub

Arrimaha Amniga4 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?

Arrimaha Amniga17 hours ago

Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka

Ameerika1 day ago

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo gebi’ahaanba kala duwan

Soomaali Galbeed1 day ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xaqiijisay in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen xadka Itoobiya

Ameerika1 day ago

Xil. Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay baaritaan ay Ciidamada Amniga Mareykanku ku sameeyeen gurigeeda

Soomaaliya1 day ago

Soomaaliya oo dooneysa in xubinnimada EAC ay u beddesho fursado dhaqaalle

Soomaaliya1 day ago

Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u geeriyooday cudurka Ebola

Geeska Afrika1 day ago

Dagaalka sokeeye ee Itoobiya: Xaggee Imaaraadka iyo Sacuudigu ka taagan yihiin?

Arrimaha Amniga2 days ago

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”

Arrimaha Amniga2 days ago

Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”

Geeska Afrika2 days ago

Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaaliya2 days ago

Heerka macluusha Soomaaliya oo sare u kacay, kadib hoos u dhaca ku yimid gargaarka hay’adaha caalamiga ah

Afrika2 days ago

Ugu yaraan 72 macdan-qode Suudaaniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah: Hay’ad la socota xaaladda xuquuqda aadanaha

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya iyo Ugaandha oo ku heshiyay iskaashiga milatari iyo dhaqaalaha

Geeska Afrika2 days ago

Itoobiya ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalo xuduudeed ah kadib markii ciidamo Eriteriyaan ay kasoo galeen

Tahriib iyo Tiiraanyo2 days ago

Doon ku qaribantay xeebaha Jabuuti oo galaaftay ugu yaraan 139 muhaajiriin ah

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay eedeymaha hay’adda NISA u jeedisay Ilaaladiisa

Arrimaha Amniga2 days ago

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka

Ameerika2 days ago

Masaajidda Minnesota oo adkeeyay ammaankooda, kadib hadal uu Trump u jeediyay dadka aan Soomaalida ahayn

Soomaaliya3 days ago

Himilo Qaran oo ka digay khataraha amni ee ka dhallan kara muranka siyaasadeed ee Soomaaliya

Arrimaha Amniga3 days ago

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Diblomaasiyadda3 days ago

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Itoobiya3 days ago

Itoobiya oo sheegtay inay qasab ku tahay iska difaacida duullaanka ay kusoo qaaday Ereteriya

Arrimaha Amniga3 days ago

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Arrimaha Amniga4 days ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika4 days ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga4 days ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub4 days ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub4 days ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga4 days ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya4 days ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika5 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub5 days ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga5 days ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Xul

Diblomaasi.com