Qoyska & Horumarinta Bulshada
Talooyin Barbaarinta Ilmaha u Wanaagsan

Caruur barbaarintu waa xirfad ay waariddiintu is dheer yahiin. Sidda xirfadaha kale oo dhan, qofkii barta barbaarinta hagaagsan ee caruurta, waxaa inta badan laga gartaa caruurta uu tarbiyeeyay. Waayo xigmad caan ah ayaa oranaysa: “Qof waxuu bixiyaa, waxuu hayo!”.Sidee ayuu waarid ilmahiisa si wanaagsan ugu barbarin karaa, haddii aanu ogayn ama aqoon waajibka saaran?
Caruur badan ayaa maanta ku sugan xaalad aad looga naxo, akhlaaq ahaan, diin ahaan, waxbarasho iyo bulsho ahaanba.Taasna micnaheedu ma ahan in ay ilmuhu xumaan ku dhasheen, ee waxay u badan tahay, in ay soo barbaariyeen waaridiin dayacay ilmaha ama kuwo aan aqoon u lahayn barbaarinta haboon ee caruurta. Bulsho xunna ma jirto ee waxaa jira bulsho ka kooban qoysas aan aqoon u lahayn sidda caruurta loo barbaariyo. Dabcan dhalintaa aan la tarbiyadayn waxay mushtamaca ku tahay dhaawac wayn oo khatar ku ah diinta iyo dhismaha bulshadaba.
Halkaan waxaad ka helaysaa talooyin kaa caawiya siddii aad u barbaarin lahayd caruur ku korta mabaadi’da Islaamka. Waxaadna hal hal uraacdaa talooyinkaan.
- Guurso qof diin leh: Talada ugu horaysa ee barbaarinta caruurtu waa inaad marka horeba guursato qof diin leh. Diintu waa waxa ugu muhiimsan ee qof lagu doorto. Abu Hurayrah (alle raali haka noqdee), waxuu wariyay in Rasuulku, (NNKH) yiri: “Dumar waxaa loo guursadaa afar shay: xoolaheeda, magaca qoyskeeda, quruxdeeda iyo diinteeda. Marka doorta dumarka diinta leh, hadii aydaan rabin inaad khasaartaan.” [Bukhari iyo Muslim.]. Doorashada xaasku dhaqmaya mabaadii’da Islaamku waxuu maalinta ugu horaysaba kula aas-aasayaa guri ku dhisan diinta Islaamka, ilmahuna dhaqan xumo kama baranayaan.
Qiso yar:
Nin baa guursaday naag markii uu inbadan qabay bay gabadhii uur yeelatay, maalintay uurka yeelatay ninkii waxaa la soodarsay siduu ku barbarian lahaa ilmahaa yare e caloosha hooyadii kujira, markaas buu utagay nin saaxiibkii ah waxa uu ku yiri nin yahow waxaan qabaa xaas , waxayna iileedahay cunug marke seebaan ilmahaa uurka ku jira u tarabiyeeyaa? Ninkii ayaa ugu jawaabay hada su’aashaas iima taal, waxaa lagaa rabay hadda ka hor inta aadan naag guursan ila timaado laakiin maanta adoo naag qaba haddii aad dhahdo ila tali waa igu adag tahay taas. Dulucda sheekadaan yar waxay inoo muujinaysaa in inta aadan guursan aad ka fiirsato xaaska aad yeelanayso si aad u heshaan awlaad barakaysan.
- U akhrinta buugta iyo u sheekayntu waa muhiim: U bilow inaad ilmaha buugta ciyaalka u akhrido; iyaga oo yarna u sheekayso, si ay luuqadda iyo dhagaysiga u bartaan. Inaad horay ugu bilowdo ayaa aad u haboon. Buug u akhrinta caruurta waxa ay ilmaha iyaga oo aad u yar tusaysaa in waxbarashadu xiiso leedahay, waxayna baranayaan sida wax loo dhagaysto, oo loo qaato waxbarashada. Muhiimnimada wax akhriska waarid walba wuu ogyahay. In caruurta buugta loo akhriyo waa jidka ugu wanaagsan oo ay guul ku gaaraan aqoon ahaan iyo qof ahaanba.
- Ciyaartu hal-abuurka iyo fadhiga ayay ilmaha bartaa: Marka ilmahu ciyaar gaaro, ku dhiiri gali inay ku ciyaaraan qalabka kor u qaadaya fakarkooda iyo waxqabadkooda, waxa kaliya oo aad ka taxadartaa in qalabka ciyaartu uu diinta waafaqsan yahay, dhibna aanu u keenayn. Ciyaarsiinta ilmaha waa hadiyad ka mid ah hadiyadaha uu waalidku ilmahiisa siinkaro.Ciyaartu waxay ilmaha ka caawisaa inay yeeshaan hal-abuur, ilmaha way ku dagaan, waxayna galisaa himad ay ku arkaan waxa ay awoodaan.
- Waxaad ku bilowdaa inay bartaan muhiimadda caabudidda Ilaahay: Waxa ugu wanaagsan ee waaridka Muslimka ah uu ilmahiisa bari karo waa inuu ku adkeeyo ilmaha, laga bilaabo maalinta ay waxkala garan karaan, in Ilaahay (sareeye) uu yahay kan kaliya oo xaqa lagu caabudo. Tani waa fariinta ugu muhiimsan ee uu Nabigeenu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) na faray, waana furaha janada.
- Ilmaha u naxariiso: Naxariistu waxay dhashaa naxariis. Hadii aan ilmaheena u naxariisano, iyaguna dadka kale ayay u naxariisanayaan. Nabigeenu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) waxuu ahaa tusaalaha ugu wanaagsan ee u naxariisashada ilmaha.
- Sheekayn lahayd, uga sheekee geesiyada dhabta ah sida nabiyadii iyo asxaabtii. Sida: Abu Bakar, cumar Ibnu Khadaab, Cosman Bin Caffan, Cali Bin Abii Daalib, dhammaantood Ilaah ha ka raali noqdee, iyo kuwo kale. Usheeg sida hogaamiyeyaasha Muslimku ay u abuureen nabad dhab ah oo aduunka badasha, una qabsadeen qalbiyada Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahaynba.
- Caruurtu dadka waaweyn ha la fariisteen: Waxaa haboon in caruurtu ay dadka waawayn ku dhex jiraan, gaar ahaan marka muxaadarooyinka Islaamiga ah la qaadanayo. Nabigu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), waxuu inta badan caruurta fariisin jiray safka hore marka uu dadka la hadlayo.
- U tus in ilmahu qof muhiim ah yahiin: Arimaha qoyska kala tasho. Ha dareemeen in ay yahiin xubin muhiim ah oo qoyska ka tirsan; qaybna ay ku leeyahiin talada wanaagga iyo horumarka qoyska.
10. Qoysku waa inuu is raaco: Marka aad meel aadaysaan, halkii ay ilmahu saaxiibadood la socon lahaayeen, adiga iyo qoyska ha idinla socdeen (waayo inta caruurtu saaxiibadood la socoto, dhaqan xumooyin ayay ka baran karaan). Caruurtaadu ha ku dhexjiraan qoyska iyo saaxiibo wanaagsan oo aad ogtahay in wax xun aanay ka baranayn. Xasuusnow in caruurtaadu ay la midnoqonayso dadka ka agdhow oo ay raac-raacaan.Marka iska jir kuwa ay saaxiibka la yahiin, waxaana sidoo kale muhiim ah inaad adigu la socoto caruurtaada.
11. Ammaan ilmaha: Amaantu waa arin caruurta aad muhiim ugu ah, khaasatan dadka hortiisa. Caruurtu qabkooda ayaa dhisma marka waaridkood dadka hortiisa ku amaano, waxayna isku dayidoonaan inay wanaaggaa sii wadaan.Hase ahaatee, waa in amaantu ku salaysan tahay dhaqamada Islaamka waafaqsan iyo falalka dhaqan wanaagga ah.
12. Ilmaha ha fadeexayn: Sidoo kale, dadka hortiisa ha ku fadeexayn. Caruurtu qalad way sameeyaan. Mararka qaarkood waxay qalad sameeyaan, iyaga oo isku dayaya inay waaridka raali galiyaan.Hadii aad caruurta u caraysan tahay si khaas ah kaligood ugu sheeg.
13. Mas’uuliyadda: Kalsooni ku qab in ay caruurtaadu wax qaban karto. Udhiib howlo ku haboon da’da ay ku jiraan.Usheeg inay shaqo muhiim ah kuu qabanayaan, waxaadna arkaysaa iyaga oo isku dayaya inay mar kale ku caawiyaan.Isboortiga: Rasuulku (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) waxuu dhiiri galiyay Isboortiyada ay ka midka yahiin dabaasha, orodka iyo fardo-fuulka. Isboortiyada kale ee jirka quweeya, dabcigana dhisa sidoo kale waa wanaagsan yahiin; hase ahaatee, ka taxadar in ayan dhumin anshaxa Islaamka, dhar ku haboon gashadaan, rag iyo dumarna aan la isku dhexdarin.
14. Ha halayn: Caruurta si sahlan ayaa loo halayn karaa, haddii la siiyo shay walba oo ay dalbadaan, waxay kaa filayaan inay marwalba waajib kugu tahay in waxay rabaan aad bixiso. Aad uga fakar waxa aad u gadayso.Ka fogow inaad ka badbadiso oo aad galiso raaxo xuduudka dhaafsan.Uwad oo tus qaybaha magaalada ee ay dadka aan cayrta ah ku noolyahiin, si ay u arkaan nimcada ay haystaan.
15. Saaxiibtinimo ula dhaqan, laakiin saaxiikood ha noqon: Waxaa inta badan dhacda in reer Galbeedku ay caruurtooda ula dhaqmaan sidii inay saaxiibo yihiin. Islaamka dhexdiisa, taasi macquul ma ahan.Haddii aad waligaa maqashay saaxiibo wada hadlaya, waad garan kartaa waxa ay ka wada hadlaan; hadaba waad ogtahay in sidaasi aanay ahayn sida waaridka iyo ilmahiisu u wada hadli karaan.Adigaa waaridkii ah, waana in ay ku ixtiraamaan, waana inaad taas barto.Saaxiibtinimadu waa inay ku ekaataa in adiga iyo caruurtu ay si kalsooni ah u wada hadli karaan, si ay walwalkooda kuugu sheegtaan ama ay su’aalo kugu waydiiyaan makra ay rabaan.
- Isla tukada: Ilamaha cibaadada wada sameeya. Marka ay yar yihiin, ha arkaan adiga oo tukanaya. Durbadiiba, waxa aad arkaysaa iyaga oo kugu dayanaya. Salaadda subax u toosi, adinka oo qoys ahna wada tukada (Tani waa mid ay waariddiin badan aanay samayn, waxayna keentay in dhalintu salaaddii iyo cibaadadii ka tagto, waayo, waaridkii ayaa kaligiis salaadda subax walba masaajidka aadaya, caruurtii oo salaad gaartayna waa iska huruddaa). Uga sheekee waajibnimada iyo abaalmarinta salaaddu leedahay, si ay u ogaadaan muhiimadda.
- Carrabka ku adkee xalaasha: Ma wanaagsana in marwalba la yiraahdo “kani waa xaaraam, kaasi waa xaaraan”. Inkasta oo lagaa rabo inaad xaaraanta barto, hadana sidoo kale u tilmaan waxa xalaashaa! Si ay u kala gartaan waxa xun iyo waxii ay badalkiisa samayn lahaayeen ee xalaal ah. Islaamka waxaa ka buuxa waxyaabo badan oo xalaal ah, Ilamahaagana u sheeg inay Ilaahay (sareeye) ugu mahadnaqaan xuduudka uu u gooyay ee cunada iyo dharka oo kaliya ku ekayn. Usheeg inay mahad ka sheegtaan indhaha ay wax ku arkaan, dhagaha ay wax ku maqlaan, gacmaha iyo lugaha, iyo nimcada ugu wayn oo ah inay Muslim yahiin.
- Tusaale u noqo: Maadaama aad waarid tahay, waxa aad tahay tusaalaha ugu haboon ee caruurtu ku dayato. Haddii aad waaridkaa si xun ula dhaqanto, caruurtaada ka filo inay adigana sidaa oo kale kuula dhaqmayaan.Haddii aad dadka kale aadan xushmayn, caruurtaadu way kugu dayanaysaa. Islaamka waxaa ka buuxa waanooyin badan oo xag Rabi (sareeye) ka yimid oo ku baraya sida caruurta loo barbaariyo.Waxaa waajib waariddiinta saaran ah inay noqdaan Muslimiin wanaagsan, si caruurtoodu ugu dayato. Hadii aadan adigu diinta ku dhaqmin, caruurtaaduna muhiim u arki mayso.Waxay ku noqonaysaa qodobkeenii 6-aad oo ahaa in loo yeelo halyeeyo Muslimiin ah oo ay ku daydaan.Maadaama aad adigu waaridkii tahayna waa in aad noqotaa halyeeygii ugu horeeyay ee ay Islaamka uga daydaan.
GABAGABO
Talooyinkaan aan soo koobnay waa dulmar, laakiin waxaa haboon haddii aad rabtid in ilmahaagu aakhiro iyo adduunkaba ku anfacaan, dad Muslimiin ah oo ay bulshadu wanaag ka sheegtana ay noqdaan, inaad fadlan barato casharada iyo buugta diiniga ah ee tarbiyada caruurta ka hadlaya; waa waajib ku saran. Ujeedada ilmaha loo dhalayana ma ahan
tiro ee waa inay noqdaan kuwo tayo leh, si ay kuu anfacaan aakhiro iyo adduunkaba. Maanta waxaa badan dadka carabka ku dhufta tirada caruurtooda, iyaga oo inta badan hilmaama in tayaduna muhiim tahay. Caruurtu waa amaano Ilaahay (sareeye) noo dhiibay.Waxaan ku barbaarin karnaa inay noqdaan dad Muslimiin ah oo sharaf leh, ama waan dayici karnaa oo waxaan ka dhigi karnaa dad aan wax qiimo iyo sharaf ah lahayn, oo diinta, bulshada iyo magaca qoyskaagaba fadeexo ku ah. Muhiimmada waaridku intaas ayay le’eg tahay. Mas’uuliyaddaasi Aabbaha iyo hooyadaba waa saaran tahay, oo ma ahan mid hooyada ama aabbaha oo kaliya lagu halaynayo. Caruurta ay dhaleen waariddiin tarbiyadda saxda ah yaqaana waxaa la gartaa marka ay bulshada soo dhexgalaan; halka kuwa waaridkood dayacay oo aan wax aadaab ah la barin ay bulshadu ka dayriso. Haddaba walaal, maanta bilow inaad mas’uuliyadda Ilaahay (sareeye) ku waydiindoono aad ka soo baxdo. Haddii qoys walba caruurtiisa ku dadaalo, waxaa soo baxaya bulsho hagaagsan, taasina waxay dhalaysaa Ummad Muslimiin ah oo hagaagsan.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada

Ugu horeyn guushu ku timaado cayaar iyo hurdo ee guushu waxay dadaal iyo waqti dheer oo aad geliso hadafkaaga iyo himilooyinkaaga.
Haddaba si aad u guuleysato waa inaad yeelaa hadaf aad ku socdaashu si uu kuugu hago wadada guushaada, nolosha waxna fudeed laguma helo ee waxay u baahan yihiin inaad juhdi geliso si aad ugu danbeyn ugu guuleysato.
Markasta oo aad gurigaaga kasoo baxdo meel ayaad u socdaaleysaa si aad u gaarto amuurahaaga gaarka ah. Bal ka waran haddii aad gurigaaga kasoo baxdo adiga oo aadan aqoonin halka aad u socdaaleyso.
Inaad hadaf yeelato waa waxa kuu sahli kara inaad guuleysato adigoon ku wareerin, haddii aadan hadaf laheyn codowgaa hortii ayaad jabeysaa.
Nuxurka aan ula jeedo ayaa ah subbax weliba oo kuu dhasho inay tahay qeyb ka mid ah cimrigaaga kaasoo lagaaga baahan yahay inaad aqbasho qeyr iyo shar.
Maskaxdu waa mashiin ay maalinttiiba kasoo baxaan fikrado badan oo aan tiro laheyn. Fikradahan ayaa isugu jira kuwa qeyr sheeg ah iyo kuwa shar sheeg ah, haddii aad maskaxdaada usoo bandhigto fikir waxaa is hardin doonno labadan ficil kusiin doono jawaaba kala duwan.
Tusaale ahaan, waxaa tahay qof muddo shaqeynaayay oo uruur saday lacag tiro badan waxaad go’aan satay inaad yeelato ganacsi wax ka badala noloshaada, haddaba inta aadan ku dhaqaaqin go’aankan ayaa maskaxdaada laga yaabaa inay kuu sawirto adigoo ganacsi sameystay sidoo kalena guul aad ka gaarto noloshaada.
Si taa la mid ah maskaxdaada ayaa laga yaabaa inay kuu sawirto adiga oo khasaaray siddaa darteedna ay kugu gaba gabeyso inaad ganacsi aqoon u laheyn aadna iska dhaafto.
Waad aragtaa hardanka ka jira maskaxdeena haddii aad aaminto in aadan guuleysan Karin waa sax oo ma guuleysan kartid, laakiin haddii aad aminto inaad guuleysan karto waa sax oo waa guuleysan kartaa kalliya aqbal inaad uso jeedo dhibaatooyinka ku horyaala.
Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada.
Dhiiri geli naftaada
Waa inaad ku kalsoonaataa naftaada oo aad wax weliba hagaagjin karto maalinba maalinta ka danbysa. Waa in aadadan isyareysan, iskana dhaafto ereyada naftaada duminaayo.
Waa inaad ogaataa inaad tahay qof bani’aadam ah, wax soo kordhin kara oo aan ciyaar loo abuurin. Waan inaad noqoto qof saamaxaad badan oo haddii gef laguu geysta cafin kara, hana noqon ruux uruuriya xumaha.
Waa inaad aqbali karto haddii adhaliil aguu jeediyo, hana u qaadan qof kasta oo ku dhaliilaayo inuu yahay cadowgaaga, waxaanad aamintaa haddii uu jiro qof ku dhaliilaya siddoo kale inuu jiro qof ku aaminsan.
Waa inaad noqotaa qof u fikira si qoto dheer. Qo kasta wuu u fikiri karaa si qoto sheer waa haddii auynu ilowno wax-yaabaha yar-yar ee aan ku mashquulineyno nolosheena.
Ciladaha ugu waaweyn aan guusha ka gaari weynay ayaa ka mid ah adigoo aqoon saneyn halkii uu hadaf kaaga yahay, haddii aad aqoonsato hankaaga cillada kale waa adiga oo aadan sameyn. Haddii aadan aqoonsaneyn hadafkaaga meel weliba aad tagtay kuuma lahaaneyso muhiimad gaar ah.
Haddaba si guul la taaban karo u gaarto waxaad u baahan tahay inaad iska ilaaliso cabdisa badan, waayo cabsida badan waa sheyga ugu badan ee inaga hortaagan inaan guuleysano.
Cabsida faraha badan daciifnimo, marka noqo qof xoogan oo ku qanacasan nolosha. Sidda caadiga ah cabsida waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihin xasilooni daro, nabad la’aan iyo kalsooni darro
Weli waxayna ku dhex jirnaa buugga 5-tiir guusha, oo uu qoray qoaraa Cabdi Jabaar Sheekh Axmed.
La soco qeybaha labaad ee buuga.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada
Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Horumar ka qofka mar weliba wuxuu ku xeran yahay qofka waxa uu diirada saaraayo, haddaba si aan horumar u gaarno waxaan baahanahay inaan raacno sidda ay ku haboon tahay nolosheena.
Horumar inaad nolosha ka sameyso waxay kaaga baahan tahay dadaal iyo inaad u heelan tahay inaad ka dhabeyso hadafkaaga.
Si kastaba hanoqotee waxaa jira waxyaabo badan oo nolosheena badala annaga oo rabno inaan horumar wanaagsan sameyno, si aan u qaadno talaabooyin wanaagsan ugu horeyn waa inaan aaminaa inaan gaari karno horumar wanaagsan.
Shaqo weliba aad qabaneyso waxay kaaga baahan tahay waqti iyo daal tiro badan, balse muddo ka dib waxaad noqon doontaa qof ku faana noloshiisa.
Qalad weliba oo naga dhaca waa muraayad aan ka dhex arki karno wixii nasoo maray, balse waxaa haboon inaan fikir wanaagsan ka qaadano sababtoo ah haddii aadan waxba isku dayin ma’ aadan guul dareysteen.
Haddaba guusha iyo guul darada waa wax sokeeye oo kaaga baahan maalmo cayiman, laakiin xaqiiji wadada horumarkaaga si aadan marar badan ugu shalaaynin.
Muhiim kuuma ahan inaad baar baarto ciladahaaga waayo waxay ka mid yihiin waxyaabaha dib kuu celin kara, iskana ilaali inaad u shalaaydo noloshaada.
Qof weliba wuxuu jecel yahay inuu helo nolol wanaagsan balse marka aynu isweydiino maxaa inaga hortaagan inaan horumar sameyno?! Dadka intooda badan kuma baraarugsana inay nolosha tahay wareegto oo waxaa laga yaabaa inuu ku dhegan yahay waxyaabo horey usoo maray guul iyo guul daraba mida uu doonto ha noqotee.
Waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan kusoo koobo dhowr qodob oo naga caawin kara inaan horumar wanaagsan sameyno, balse ugu horeyn waa inaan isla garano waxa ka qaldan nolosheena.
Intaa aanan guda galin maqaalka waxaa jirto sheeko yar oo aan jecleystay inaan idin la wadaago, waxaan waqti la qaadan jiray adeerkeey oo ku nool qurbaha wuxuu igaga sheekeen jiray nolosha dadka horumar ka sameeyay.
“Waxaa jirtay nin aad u xikmad badan ayaa u yimid wiil yar oo raba inuu wax ka barto noloshiisa, haddaba wuxuu yiri ina keen oo waxaan galeynaa safar. Muddo ka dib markii ay socdeen ayay la kulmeen qoys ka koobad dhowr qofood waxaa guri ay ku xanaaneeyaan hal sac oo mid kastaa wuxuu ka qabtaa shaqo si loo ilaaliyo ama loo xanaaneeyo.”
“Intaa ka dib waa berigii ayaa ninkii xikmada badnaa ayaa u booday xeradii ay ku xerneed saca wuuna ka gowracay wiilkii yaraa ayaa la booday qeylo oo yiri maxaad ugu gowracday oo ma heystaan wax kale ay noloshooda ku maareeyaan.”
“Wiilkii iyo ninkii xigmada badnaa ayaa isaga tagay tuuladii, ka dib markii ay muddo maqnaayeen ayaa ay kusoo laabteen tuuladii waxay arkeen guri ka duban gurigii hore oo waxay dhisteen guri ka sameysan dhagax halka markii hore ay daganaayeen guri ka sameysan cowshad.”
“Wilkii yaraa ayaa la yaabay sidda ay noloshoodu isku badashay, ka dib ninkii xigmada badnaa ayaa u sheegay sababta ka danbeysa noloshooda.”
Haddaba xigmada ku jirta sheekada waxaan filaa inaad ila fahamteen, xigmada ku waxay tahay in qof weliba horumar kiisa uu ka hor taagan yahay saca, si uu horumar u gaarana waa in uu gowracaa saca u diidan noloshiisa.
Sheekadan waxaa igaga sheekaayay adeerkee oo ku nool qurbaha, waxaana la heli karaa ayadoo qoraal ah buugga 5-ta Tiir ee guusha.
Halkaan ka aqriso qodobada soo socda.
Dooro Hadaf: hadafka waa salaanka sare ee guusha halka yoolkuna uu yahay dhamaad guushasha, -xigasho 5-Ta tiir ee guusha.
Hadaf ka wuxuu kaa caaabinaa inaad guul la taaban karo gaartno adigoo aana ka wel welin, haddaba haddii aad rabto inaad guul gaarto waa inaad raacdo hadafkaaga si aad u xajiiso horumarkaaga.
Haddii aadan laheyn Hadaf kuu gaar ah, ma xaqiijin kartid yoolkaaga waadna ku daali doontaa ilaa aad garato halka uu ku dhamaanaayo yoolkaaga.
Qiimeey noloshaada: qof weliba noloshiisa si ayuu u arkaa, dadkana si ayay u arkaan noloshaada. Haddaba isweydii adiga siddeet u araktaa noloshaada, waa innaad ogaato sidda aad naftaada u arakto.
Waxbadan ayay kaaga baahan tahay inaad ogaato sidda aad naftaada u arakto iyo qofka aad tahay, balse mar weliba iswedii sababta aad u nooshahay iyo waxa laguu keenay aduunyada.
Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.
Haddaba baar oo raadi meesha aad ku fiican tahay iyo meesha aad ku liidato, ka dib isku day inaad dhaqaajin karto shaqo weliba oo khabasho kaaga baahan waxaadna gaari doontaa guul insha allah.
Dhiiragali naftaada: Haddii aad isticmaalayso ereyo naftaada duminaya ama dib u dhigaayo lagama yaabo inaad gaarto guusha aad fileyso.
Tussaale ahaan; haddii aad aaminsan tahay inaad ku guul dareysan doonto fikirkaaga ama aad isleedahay ma qaban kartid shaqadaan si kasto oo aad u daasho lagama yaabo inaad guul weyn ka keento.
Inaad naftaada dhiira geliso ma ahan inaad waxyaabo badan aad isku dul furto muddo ka dibna aad faraha ka qaado. Haddaba si taasi ay u dhicin waa inaad doorato shaqada aad naftaada ku dhiira gelineyso, adigoo u jeedadaadu tahay inaad horumar ka sameyso shaqadaada.
Haddii aad ku dhiiran tahay naftadaa waxaad ka hortagi kartaa wax kasta oo kuu diidaayo inaad iska nacdo shaqadaada, ogsoonow Haddii aad guul dareysato ma ahan inaad meel fariisato oo isku day weli waxaad haysaa talaabo kale aad isku muujin karto.
Ha aqbalin in lagu niyad jebiyo sababtoo dad badan ayaan jecleyn horumarkaaga, balse maalin ayay ku weyn doonaan sirta guushaada.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore
Si aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku habboon tahay noloshaada.

Alle nama uusan siinin nolol xun iyo nolol wanaagsan toona ee wuxuu nasiisay nolol si aan u noolano. Haddaba nolosha kuguma aaminto fadhi iyo cayaar ee waa inaad isweydiiso sababta halkaan aad u joogto?
Dabcan waa laga yaabaa inaad isku aragto inaad tahay qof fashilmay, balse waa muhiim inaad garato hadafka aad u nooshahay.
Qof weliba wuxuu ku noolaanaa nolosha uu doorto mid xun iyo mida wanaagsanba aad adiga ayaa dooran karo. Haddaba waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso siddee ayaad ku dooran kartaa nolol wanaagsan iyo nolol xun?! Cabqarinimada iyo nasiib ka nolosha waxaa la tilmaamaa inay tahay hal jaanis oo dhaliyay fikir wanaagsan, hal ka horumar ka guushana ay tahay hadafka oo diiradda la saaro.
Si’aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku hahboon tahay noloshaada.
Mid weliba oo innaga mid ah waxaa dhibaato ku ah inuu uu fakaro si wanaagsan illaa inta caqliga saaxiibka la ah mooyee. Halkaan waxaan kusoo gudbin doonnaa dhowr siyaadoob oo kaa cawin kara inaad badasho talaabooyin kaagii hore.
U nooloow maanta: waxaan jeclaan lahaa in si gaar ah aan kaga waramo cinwaan kale balse waan sameyn doonnaa haddii uu rabi ogalaado, nolosha maanta waa waxa ugu badan ee horumariya nolosheena waayo haddii aanan laheyn nolol maalinle ah ma jirto hadaf aynu xaqiijin karno.
Maalin weliba aad soo toosto waxay kuu tahay fursad kale aad kaga jawaab celin karto wixii shalay ku dhaafay, haddaba fursadan kama faa’ideysan kartid haddii aadan u diyaarsaneyn.
Nolosha waxna kuma laha jiifka iyo waqti lumiska, marka soo jeed ilaa aad ka xaqiijiso hadaf kaaga, si kasto ay ahaatba u nooloow inaad xaqiijiso hadafkaaga.
Markaad seexaneyso ku seexo inay beri kaaga baahan tahay inaad wajaho sharkeeda iyo qeyr keeda, si maalin kuu bilaabanaayo aad kaga war qabto noloshaada.
Waxaa jirtay beri aan la sheekeysan jiray adeerkeey oo jooga qurbaha inta badan wuxuu igaga sheekeen jiray nolsoha qurbaha iyo sidda ay ula fal gashay noloshooda, wuxuu kale uu ibari jiray xirfada qaab qoraalka hagaagsan.
Haddaba si aad u wajahdo nolosha maanta waa inaad u diraay garowddo ka hor inta aadan seexan si aad ugu faa’ideysato maalin kaaga.
Iska iloow wixii hore: mararka qaar waxaad milicsataa waxyaabo hore kuu maray noloshaada waxay doonnaan ha noqdeen, balse ma haboono inaad waqti siiso sababtoo ah way ku dhaafeen.
Shalay waxay ahayd maalin tagtay, marna lagama yaabo inay soo laabato. Shalay waxay riyadaada ahayd inaad suurta geliso waxyaabo badan balse maanta kuuma aysan hagaagin, ha shalaaynin waayo maanta ayaad kaga jawaabi kartaa natiijada ka wanaagsan shalay.
Mararka qaar nolosha kuuma hiilin karto ee adiga ayaa lagaa rabaa inaad ku hiilato hadafkaaga haddaba maah-maah Soomaaliyeed ayaa dhaheysa “Ninkii seexdaa sacii dibi dhal” haddaba haddii aad seexato adiga ayaa noloshaada u diiday horumar waayo horumarka wuxuu ku saleysan yahay waxa aynu maanta qabaneyno ma ahan shalay wixii naga dhacay.
Qof weliba wuxuu gaf wuu ka dhacaa mana ahan inaan dib u eegno, waayo maanta ayaa kaga jawaabi kartaa fikrad kale oo wanaagsan. Way haboon tahay inaad eegto qaladaadkii kaa dhacay si aad ugu raali galiso haddii aad qof ka gashay, balse ma ahan inaad raac raacdo sababtoo ah waxba kuuma soo kordhinaayo.
Joogteey howlahaaga: si aad u xaqiijiso hadafkaaga waa inaad joogteyso shaqada maalinlaha si aad ugu danbeyn ugu gun gaarto hadafkaaga. Shaqo walbo aad heyso haddii aysan laheyn joogteen ma noqon karto mid guuleysata sabatoo inta badan guushu waxay ku timaadaa adkeysi iyo dedaal.
Dadaal oo sameey wax badan samir u yeelo shaqadaada ugu danbeyn waxaad sameyn doontaa guul layaab leh, sameey hanna yareysan waayo wax weliba aad maanta eber ka tahay maalin ayaa laguugu yeeri doonnaa inaad tahay macalinkii xirfadiisa loogu magac daray.
Wax badan waxaa laga yaabaa inaad aamintay inay noloshaada guul daraystay, balse maanta waxay kuu tahay maalin kale aad xaqiijin karto middaas.
Waxaa laga yaabaa inaad wax badan ka faa’iiday maqaalkan waxaan kaa dalbanaa inaa la wadaagto bulshada inteeda kale mahadsanidiin.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah
Waxaad isbeddel ku sameyn kartaa muddo yar oo kooban, laakiin ogaaw hadafka aad maanta go’aansato hubbaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo.

Nolosha kaliya kuma siin doonto maalmo qurux badan, ee waxay kaloo wadataa maalmo kalle dhibaato iyo fikir aad la jiifsan doonto.
Marar badan ayaad ka qoomameyn doontaa sidda aad maanta u nooshahay waana sababta keento inaadan u dhabar adeygin maalmihii kusoo maray. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso maxay waxaan oo dhan ay kuugu dhacayaan waxaana kaga hadli doonaa maqaal kale.
Uma baahnid in wax laguu yeeriyo si aad u noqoto qofka aad dooneyso, ee waa inaad adiga go’aansataa cida aad noqon doonto. Waxaa laga yaabaa inay kusoo mareen xilli aad heysato dad badan oo wax kuu sheegaya wax kusiinaya, siddoo kalena ku jecel balse maalmaha kamid ah dadkaasi oo dhan way kaa tagi doonaan ee maxay noloshaada kaga tageen?!
Maanta waxaa laga yaabaa inaynu aad u jecel nahay in badan oo dadka ka mid ah inay na taageeraan ayagoo wax badan diyaar nala ah, haddana sidda ay tahay kagama faa’iidaysano, tani waa sababta keenta inaynu weli u bislaanin rabitaanka guusha aynu u baahanahay inaan xaqiijino.
Dadka waxaa la sheegaa inay isbedel ku sameeyaan muddo 60 sanno, balse hadafka aad maanta go’aan sato hubaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo. Halkan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood aad kaga faa’ideysan karto maalmahaaga quruxda badan ee nolosha kusoo mara. Fadlan haddii aad wax badan ka faa’iido la wadaag bulshada inteeda kale, ka bogoasho wacan.
Saxiibka wanaagsan: Nolosha safar iyo daal dheer kasoo bilowday kumanaan qarni ka hor, haddaba si aan ugu socdaalno safarkaan waa inaan heysano sahay aan kusii socon karno inta uu ka dhamaado safar gaaban. Saaxiibka waa macalinka ugu wanaagsan nolosha wuxuuna ku baraa waxyaabo badan oo aadan war u heyn, haddaba si macalinkeenu uu u ahaado mid daacad ah kaasoo si qurux badan wax noo bari kara waa inaan ka fiirsanaa.
Haddaba haddii aad leedahay saaxiib wanaagsan waxaad leedahay macalin wanaagsan oo wax kaa bari kara safarka noloshaada. Ma noqon karno mid guuleysta illaa aan ka wanaajino nolosheena, ma wanaagin karno nolosheena ilaa aad ka wanaajino shaqsiyaadka aan nolosha kula saaxiibnay. Saaxiibka wuxuu sidaa dhambaal ama risaalad wuxuuna rabaa inuu ku gaarsiyo si aad ula dhaqan noqoto xumo iyo same, balse mar weliba aynu la saaxibno saaxiib noo jiheyn kara guusheena.
Wax qor: In badan oo bulshada ka mid ah waxba kama qoraan xaaladahooda nololeed waxaa laga yaabaa inay sameeyaan wixii maan-kooda kusoo dhaca balse waa laga wanaagsan yahay.
Qoraal kooban ka sameey shaqada aad qabaneyso adigoo isticmaalaayo (stick note) ama xusuus qor si aad ugu buraagsanaato howsha aad qabaneyso.
Ha ilaabin inaad sameyso waqti xadidan oo aad dhameyso howsha si aysan waqti badan kaaga bixin inta aad ku guda jirto.
Qaado waqti dheeraad ah: shaqada waxay leedahay waqti ay dhamaaneydo si kasto kasto ay ahaataba, isku day inaad hesho waqti aad nasato aanan aheyn middka aad jiifsaneyso.
La sheekeyso naftaada si aad u ogaato waxa ka dhex guuxaaya gudahaaga, haddaba si kastaba noqotee isbar inaad si gaar ah naftaada ula sheekeysato si aad uga gun gaarto lag danka ka dhex socda maskaxdaada.
Seexo waqti kugu filan: hurdada waxay ka mid tahay waxyaabaha nolosha faa’iidada u ah, balse waxaan kaga hadli doonnaa maqeelkeena xigga haddii uu rabi ogalaado.
Inaad hesho hurdo kugu filan waxay kuu horseedi kartaa inaad shaqo badan qaban karto adigoo aadan ka caajisin. Inta badan waxaa dhacdo ina lagu dhafro waxyaabo badan oo sameyn ku leh nolosheena sidda, caajis, daal tiro badan iyo wahsiga oo kugu tiro bata.
Waqti walba aad dareento wahsi iyo caajis waxaad jeclaan laheyd inaad jiifsato, balse ka digtoonoow hurdada tirada badan.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Bedel fikirkaaga si’uu isku beddelo ficil kaaga – haa waad sameyn kartaa isbeddel
Waxaan umalaynayaa in la gaaray wakhtigii aad noloshaada beddeli lahayd ee diyaar ma u tahay inaad noloshaada beddesho?

Waxaa lagaa yaabaa inaad ku fikireyso waxyaabo badan inay kuu hirgalaan, balse waxaa laga yaabaa in fikradahan iyo kuwa kalaba aad ku fukireesay mudo dheer laakiinse illaa iyo hadda uusan mid kuu suurta galin.
Marka dadka intooda badan ay damcaan inay beddelaan noloshooda, waxay inta badan diiradda saaraan dhammaan walxaha dibadda, sida shaqo cusub ama meel cusub ama saaxiibo cusub ama rajo cusub iyo wixii ka dambeeya.
Xaqiiqdu waxay tahay in noloshaada baddalkeedu ay ka bilaabato beddelka sida aad u aragto wax kasta oo noloshaada ah. Haddaba ila dhammeyso qoraalkaan oo aan kusoo koobay qodobada lagaa rabo inaad la timaado.
Waxaa jira dodyow badan oo dunnida horumar ka sameeyay kuwaasoo aan halkaan lagu soo koobi karin, balse maxaa inoo diiday inaan annagana is-weydiino siddee ayaan nafteena horumar iyo fikir wanaagsan ugu dabaqi karnaa si aan u gaarno dadyowga horumar.
Marka lasoo hadal qaado horumar dad badan ayaa mooda in waxyaabo badan yihiin horumar, balse waxyaabaha qaar waa waxyaabo lagu badalaayo naftaada ay ugu horeyso diintaada iyo dhaqan kaaga.
Bulsho horumartay waxaad ka qaadan kartaa wixii quseeya arimaha aqoonta iyo waxa ku saabsan dhaxalka beni’aadamka, si taa aad ugu dayato waxaad u baahan tahay inaad ka fakarto siddee ayay dadkani ku gaareen.
Adigoo aaminsan fikirkii aad shalay ku guul daraystay inaad maantana aad ku howl gasho waa kuu nasiib daro, waxaadna u baahan tahay inaad isticmaasho fikir ka duwan fikirkii shalay.
Haddaba waxaa laga yaabaa in nolosha aad u arakto inay tahay guul darro balse waa sidda aad adiga u fahamtay, haddaba si aad u guuleysato waxaad xooga saarta arimahan soo socda.
Halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood oo kaa caawin kara safarkaaga cusub, fadlan haddii aad wax ka faa’iiday maqaalkan la wadaag bulshada inteeda kale.
Akhriska buuggaagta; waxaa laga yaabaa inaad ku fakareyso maxaa isku xiray fikirka aan aaminsan nahay iyo akhriska. si taasi aa usii fududeeyo maxaa isku xiray akhriska iyo fikirka.
Tanni waxaa laga yaabaa inaad dhowr jeer araktay haddana isma weydiino sababta ay muhiim u tahay.
Akhriska waxa aad akhrinayso waxay ka dhigan tahay adigoo akhrinaayo fikirkii bani’aadamkii kaa horeeyay iyo sidda ay nolosha u arkaayeen. Haddaba haddii ay kugu adag tahay aqrinta buuggaagta waa inaad isbartaa sidda aad ku akhrin laheyd buuggaag kala duwan.
Ku dabaq wax akhriska naftaada si aad ugu wax badan u ogaato, waxayna kaa caabineysaa inaad yeelato fikir wanaagsan. Inaad buuggaag badan aqrido waxaa ka wanaagsan inaad hal buug oo fiican aad aqrido si uu wax kaga badalo fikirkaaga.
Akhriska buuggaagta kuwooda fiican waxay ku dhaxal siineysaa inaad ka fakarto guusha aad u baahan tahay inaad gaarto iyo sidda ay kugu fududaan karto. Haddaba si aad taasi u dooran karto waa inaad wax badan akhrisaa noloshaadana aad bartaa akriska.
Samir yeelo; wax weliba oo isbedel ah waxay kaa qaadan karaan waqti badan, balse ugu danbeyn tilaabada aad qaaday waxay kuu noqon doontaa mid noloshaada ay ku faa’iido.
Ku samir xaalad weliba oo kaaga baahan inaad usoo jeedo, waayo haddii aadan maanta usoo jeedin waxay kugu qaadan kartaa waqti ka badan inta ay hadda kugu qaadan laheyd.
Dadka nolosha horumar ka sameeyay waa dad ku samray shaqada ay naftooda u hayaan, siddoo kalena waa dad ku qancay inay yihiin kuwa sameyn kara horumar iyo guulo waaweyn. Haddaba inaad guul gaarto waxay kaaga baahan tahay inaad ku samirto shaqadaada si noloshaada ugu faa’iido. Si kastaba hanoqotee waxaa laga maarmaan ah inaad yeelato fikir ka duwan fikirkii hore si wax-qabad-kaaga isku badalo.
In badan oo kamid ah bulshada aan la noolahay oo aan jecleyn akhriska qoralaada iyo buuggaagta waxaan ugula dar daarmaa inay muhiim tahay inaan yeelano fikir wanaagsan si wax-qabad-keenu isu badalo.
Intaa ka dib waxaa jirtay, xilli qeybo badan oo Yurub ka mid ah ay ka dhacday xaalado qasan taasoo keentay inuu hoos u dhaco dhaqaalahii ay sameyn jireen. Waxaa su’aashaas la weydiiyay Philosophy-yada jiray xilligaa uu ka mid ahaa Albert Einstein wuxuuna ku jawaabay sidda tan ” Haddii aynu u baahanahay inaan horumar sameyno, waa inaan bedelnaa fikirkeena si uu isku badalo ficilkeen.”
Sheekadan gaaban waxaa kasoo xigtay buugga 5-Ta tiir ee guusha. Waxaan ka cudur daaranaa in buugga oo pdf ah aan hadda haynin balse aan idin soo diyaarin doono haddii uu rabo, intaa ka dib fikirka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dadka hodan ka dhiga siddoo kale sare u qaada sirta nolosha.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Siddeen ku xasuustaa shey aan bartay?
Waxaa jiro waxaa badan oo kordhiya xusuusaheena oo ay ka mid tahay aqrinta buugaagta, Maqaalada, sheekooyinka iyo wax-yaabaha la xiriira curinta

Xasuusto waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan nolosha qofka beni’aadamka waana meesha lagu uruuriyo dhamaan macluumaadka quseeya nolosheena.
Xusuusto waa meesha aan ku aruurino waxyaabo kala duwan aana kagala soo baxno si dhab yar, marka laga reebo wax-yaabaha caadiga waxaa jiro waxyaabo badan aysan nolosheena iloowi karin ilaa iyo dhimashadeena.
Inta badan maskaxdeena waxaa ragaadiayay waxyaabo badan aysan ku wanaagsaneyn xusuusaheena kaasoo luminaayo tayada iyo fir fircoonada maskaxdeena. Haddaba waan awoodnaa inaan kororino maskaxdeena si aan wax badan u xasuusano.
Waxaa jiro waxaa badan oo kordhiya xusuusaheena oo ay ka mid tahay aqrinta buugaagta, Maqaalada, sheekooyinka iyo wax-yaabaha la xiriira curinta.
Tanni waa mida ugu wanaagsan ee lagu kordhiyo maskaxdeena waana qeyb ka mid ah aragtiyada gaarka ee lagu kordhiyo xusuusta.
Siddeen wax ku xasuustaa?
Ugu horeyn qofka beni’aadamka ahi mar weliba shey ma xusuusan karo haddii uusan si gaar ah u ilaalin, siddaa si lamid ah waxaa jiro qofka haddii loo sheego eray ama erayo in isla markiiba uu san xifdin karin ilaa iyo uu ku xifdiyo maskaxdiisa.
Siddoo kale haddii ereygaas aadan meel ku qorin masii heyn doonto maskaxdeena waayo wuxuu halis ugu jiraa inuu si sahlan ku lumo.
Markii aad wax xifdineyso waa inaad yeelato eray bixin ama (Keywords) aad ku xariiqdo wixii aad ka fahamtay amase haddii ay tahay erey kugu cusub inaad meel gaar ah ku xariiqato.
Isticmaalka buug yar aad ku xariiqdo erey bixin taada (Keywords-ka), wuxuu kaa caabinaa inaad caadi ah aad ula qabsato inaad xilli waliba aad qaadato. Waxaan kaga hadli doonnaa maqeelkeena xigga sidda loo isticmaalo buug yar iyo faa’iidooyinka uu inoo leeyahay.
Xifdintu waa waxyaabo dad badan ay aqoon u leeyihiin iyo sidda wax loo xifdiyo, balse waxaa muhiim ah inaad xasuusan karto waxaad xifdiday. Siddan oo kale waxaan sameeyay sannadihii ugu dambeeyay ee aan dhiganaayay jaamacada waxayna ii suurta galisay inaan sameysto xirfado gaar ah oo wax badan ku xasuusan karo.
Si aad wax badan u xasuusato wixii aad xifdiday waxay kaaga baahan tahay inaad raacdo talaabooyinkan soo socda.
1, Inaad yeelato xarfo ama astaan ka turjimeyso sidda ay noqon karto cutub-ka aad xifdiday ama su’aal gaar oo aad isleedahay inay ku imaan karto wareysigaaga shaqo (job interviews).
2, Inaad diiradda saarto aqrinta cutubyada gaarka ee kaaga baahan xifdinta, haddii ay ku jiraan sidda qaacidooyinka xisaabta iyo Fiisigiska (physics) waayo waxaa laga yaabaa inay muhiim tahay inaad ka jawaab celiso su’aashaas.
3, Inaad taqaano sidda loo fududeeyo howlaha qaar, waxaan kaga soo hadalnay maqaal hore Farsamada Feynman ( Richard Feynman technique).
Farsamadan oo loogu magac daray Richard Feynman, farsamadan wax-barashadu waxay faa’iido u leedahay qof kasta, inuu ku barto asal ahaan wax kasta oo heer qoto dheer ah, muddo gaaban gudaheed. Halkii laga isticmaali lahaa habka waxbarashada dadban ee waxtarka yar, farsamada Feynman waa hab firfircoon oo wax barasho.
Inaad fududeyso aqrintaada waxay kaa caabineysaa inaad cutub-ka oo dhan aad fahan badan ka heysato aadna xusuusan karto xitaa page-ka uu kaga qoran yahay. waa haadii aad diyaar u tahay inaad isticmaasho maskaxdaada sid ugu sax san.
Gunaanud
Waxaan halkaan ku gunaanudi doonnaa dadkeyga oo inta badan aan jecleyn aqriska, inay muhiim tahay inaan isticmaalno maskaxdeena si aan ugu guul gaarno aduun iyo aaqiro.
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Dhowr qodob oo kaa dhigi kara qof u adkeysta dhibaato walba oo kusoo wajahdo – halkaan ka akhriso
- Wararka2 months ago
Tayo xumada ka jirta awgeed Wasaaradda Waxbarashada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u baahan in isbeddel lagu sameeyo
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Bedel fikirkaaga si’uu isku beddelo ficil kaaga – haa waad sameyn kartaa isbeddel
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Wax ka baro faa’iidada ay leedahay wax isbarida – qodobada muhiim kuu ah
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
Rajo maka leedahay masraxa siyaasadda?
- Dhaqaalaha2 months ago
Waa maxay sababta Hindiya iyo Masar ay u sameynayaan xiriir istaraatiijiyadeed oo cusub?
- Xirfadaha & Teknolojiyada3 months ago
Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo xarrunteeda ka qabsoomay bandhigga kulliyadaha waxbarasho
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Maxaad ka taqanaa doorka aad bulshada ku dhex leedahay?
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Affar qodob oo wax kaa bari doono noloshaada
- Sirdoonka & Militariga3 months ago
Fallaagada Wagner ee Ruushka: Bilowga dhamaadka madaxweyne Vladamir Putin?
- Islaam Naceybka3 months ago
Dalalka Muslimiinta ah oo ka jawaabay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka ee dalka Iswiidhan
- Islaam Naceybka3 months ago
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo dhaleeceeyay kitaabka Qur’aanka ee la gubay intii lagu guda jiray booqashada masjidka Dagestan
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Siddeen ku xasuustaa shey aan bartay?
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii Dimuqraadiyadda Afrika Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan
- Xirfadaha & Teknolojiyada2 months ago
Maxaa caalamku uga baqayaa aaladaha ku shaqeeya “Garaadka Macmalka ah ee horumarsan” – Artificial Intelligence
- Dhaqaalaha3 months ago
Itoobiya oo codsatay inay ku biirto ururka dhaqaalaha soo koraya ee BRICS