Connect with us

Caafimaadka iyo Sayniska

Tarbiyadda Iyo Tacliinta Masaajidka |Tukesomalism.com

Published

on


Muhiimmadda Masaajidka iyo dhowrkiisa xagga diinta waa shay la wada ogyahay oo laga dharagsan yahay oo aan u baahnayn sharaxaad dheeraad ah. Waxaan kaliya xoogaa ka hadlaynaa dhowrka masaajidka ee tacliinta iyo tarbiyada bulshada. Mujtamacayada Muslimiinta ah intooda badan waa wax soosaarkii Masaajidka. Ma jirto meel kula tartami karta ama le’ekayn karta marka laga hadlayo diyaarinta iyo soosaaridda mujtamaca Masaajidka. Wax yaabaha xoogga aadka u badan siiyay masaajidka waxaa ka mid ah xiriirka uu Alle la leeyahay iyo cibaadada Alle ee masaajidka lagu guto, oo maalinta ugu yaraan shan jeer la aadayo.

Muslimiinta maalintii shan jeer ayay masaajidka ku tukadaan oo isugu yimaadaan shuruud la’aan iyo kharash la’aan iyo dhib la’aan. Waa waajib inuu qofku, gaar ahaan- nimanku masaajidka ku tukadaan oo ay tagaan. Arintaasi waxay siinaysaa masaajidka awood aad u badan oo aad u xeel dheer. Waxii masaajidka galla ama qabsada si sahlan ayay ummadda oo dhan u galayaan ama ugu fidayaan. Sidaas daraadeed masaajidku waa shayga ugu muhiimsan ee ummadda Muslimiintu lee dahay. Mar haddii uu sidaas muhiim u yahay wuxuu u baahan yahay in la isugu tago oo taladiisa la isla meel dhigo.

Suuragal ma’aha mujtamacana wax maslaxa ah uguma jiraan in mu’asadda sidaas muhiimka u ah ay noqoto meel aan ummaddu xukumin ama aan lahayn wax nidaam ah iyo wax qawaaniin ah oo haga, isla markaasna ay ku camal falaan, oo ummadda waxay rabaan u sheegaan dad aan loo diyaarin ama loo tababarin mas’uuliyaddaas. Haddii maasjidku ka horyimaado dawlad nimada oo uu dadka u sheego inaan dawlad loo baahnayn ama uu dawladdii iyo xilkeedii ku sheego inay tahay diin ka bax, halkaas waxaa ku dhimanaya dawlad nimadii iyo nidaamkii kala danbaynta. Sababta Soomaalidu dawlad la’aan u tahay wakhti aad u dheerna halkaas ayay ka timid, ama raad aad u wayn ay ku leedahay.

Intii muddo dheer ah ayaa waxaa dagaal ka dhexeeyay ragga diinta iyo kuwa dowladda. Siddii dagaalkii u socday waxaa arintii ku dhammaatay sidda hadda maanta Soomaalidu tahay. Ummaddu waxay u baahantahay wada shaqayn iyo iskaashi. Haddii ninba meel xirto oo kan xaafiiska joogana siddii uu rabo ka yeello kan masaajidka joogana siddii uu rabo kayeelo natiijadu waxay noqonaysaa sidda aan hadda nahay. Waxaan u baahanahay masaajid, madariso, suuq, guri, xaafiis wada shaqaynaya oo hal wadiifo gudanaya. Haddii masaajidka laga naadiyo dagaalka iyo rabshada iyo is dilka waxay si dhaqso ah, ugu faafaysaa mujtamaca, sidda hadda Soomaalidu tahay. 

Masaajidku waa guriga illaahay sidda loo yaqaan oo macnaheedu yahay Alle ayaa lagu caabudaa. Ma ahan innuu deganyahay ee waa lagu caabudaa ayaa loolla jeedaa. Cibaadada xagga diinta ah ee masaajidka lagu sameeyo waa wax la yaqaan oo qoran oo aan wax laga badeli Karin waxna lagu dari karin ee rasmi ah. Taasi marka waa joogto iska socota, xeerkeeda iyo axkaanteedu waa degsan yihiin wax dhib ah kama jirto. Kaliya madaahibta iyo kalla duwanaanta fahamka axkaantu waa iska jiraan.

Waxaa kalle oo lagu qabtaa maajidka, tacliin sidda kutubta lagu akhriyo oo aadka u faraha badan oo dhammaantood diinta islaamka iyo taariikhdii Islaamka ku saabsan. Waxaa kalle oo masaajidka laga bixi yaa wacyigalin iyo muxaadaraad marba mawduuc ku saabsan. Waxaa dhici karta oo ay masaajidu u badan yihiin in maalin walba tacliin, iyo wacyigalin laga bixiyo.

Halkaas waxaan ka fahamnay in masaajidku yahay meesha ugu muhiimsan ee mujtamaca Muslimiinta ah ka qaadato tacliintiisa iyo tarbiyadiisa. Waxaa waajib ahaa in la ogaado oo la qorsheeyo arimahaas. Maxaa masaajidka laga bixinayaa ama laga akhrinayaa? Yaa duruusta bixinaya ama wacyigalinta bixinaya? Yaa masaajidka maamulla oo nidaamka iyo xeer dhaqanka u ah sameeya? Mas’uuliyaddaas haddaan Soomaali nahay waan ku fashelnay. Dhib aad u wayn ayaa halkaas ka yimid oo sababay sidda aan maanta nahay.

Haddii intaas oo dhan ay gacanta ka baxaan oo ay gacanta u galaan dad aan meelna ka tirsaneyn oo iska madax banaan. khilaaf iyo inuu ka soo baxo masaajidka dad wareersan oo aan bulshada dhib mooyee dheef ku soo kordhin karin. Waa in loo cintiraafo in masaajidda loo leeyahay si jamaaci ah oo wada jir ah, ayna lagama maar-maantahay inuu masaajidku u khidmeeyo ummadda xagga tacliinta iyo baraarujinta. Xagga cibaadadana in Alle lagu caabudo.

Dhibaatooyinka waawayn ee ina haysta waxaa ka mid ah in masaajidu ayna u khuduucin ama ayna hoos imaan wax nidaam ah iyo wax qaanuun ah, ee bulshada iyo nidaamkeeda ku saabsan. Haddii uusan Masaajidku hoos imaan dowlada jumciyad, guddi, aqoon yahaano, khubaro wuxuu isu badeli karaa meel ummadda laga lumiyo halkii uu dhisi lahaa. Waxayna la mid noqonayaan hantida gaarka ah ee si gaar ah loo leeyahay oo ciddii markaas haysata ay ku fidiso waxa ay rabto iyo sidda ay doonto ayada oo aan loo eegin dhibta iyo dheefta ay ummadda ku soo kordhinayso.

 
Ayada oo sidaas masaajiddu fowdo u noqdeen ayaa haddana waxaa arinta sii xumeeya aqoonta iyo wacyiga culumada masaajidda jooga oo aad u yar inta badan. Waxaa badan inuu Sheekh mawduuc ka hadlo ama arrin xassaasi ah sharaxo isaga oo aan ka fikirin saamaynta hadalkiisa iyo waxa ka dhalan kara iyo sidda loo fahmayo. Dhibaatadaas waxaa tusaalle u ah arrinta Al-shabaab iyo culumadii cilmiga diinta bartay. Kaliya Al-shabaab waxay si ficil ah u fuliyeen wixii culumada fartay ama kalimaad ah ugu muxaadareeyaan wakhti horre oo aysan shabaabku jirin.

Ma aysan tixgelin muxaadaraadka kul-kulul oo mucaaradnimada iyo fugayntu ku jirto saamaynta ay ku yeellan karaan dalka iyo dadka. Hadda ayaan aragnaa culumadii oo yaaban oo leh sidaas ma aanaan moodayn iyo erayadii muxaadaraadka iyo fatwooyinkii oo ficil loo rogay. Waxaa halkaas ka yimid niyo jab iyo khasaare aad wayn. Al-shabaab waa ardaydii ka soo qalin jabiyay masaajidda. Waxayna sidaas noqdeen markii la dagaalamayay dowladdii wadanka ka jirtay oo iyada iyo ragga diintu is hayeen ama ay ku dagaalamayeen awoodda xukunka iyo saamaynta dadka. Markaas ayey ardayda loo yaqaan daalibaan iyo kuwa Al-shabaaba soo baxeen oo ay ka soo qalin jabiyeen jaamacadda masaajidka oo macallimiin aad u tababaran oo dowladdooda iyo dadkooda ku kacsan ay macallimiin ka ahaayeen.

Arin kalle oo waxaas oo dhan ka dhib badan waxaa weeye ayada oo aan khaladkii horre la saxi karin ama aan la cintiraafayn. Wixii dhaca siddee bay ku dheceen iyo xagee bay ka yimaadeena la isma waydiinayo. Haddii la arkay sidda Al-shabaab u dhaqmayaan oo runtii ahaa arday yar-yar oo wax baranaysay kana soo qalin jabiyay masaajidda iyo madaarista quraanka la isma waydiinayo maxay sidaan u noqdeen? Maxaa keenay? Yaa sabab u ahaa? Wixii oo dhan waxaa la rabaa in xallay dhalay laga noqdo. Oo waxaa ceeb la ah shiikha inuu wixii dhacay iyo taariikhdii daraaseeyo isla markaasna cintiraafo gafkii dhacay kana soo noqdo. Intii sidaas loo fikiri lahaa waxaa lagu mashquulay in fatwooyin diini ah la soo saaro oo marna Al-shabaab la jirra oo taageeraya marna ka jirra oo habaaraya.

Laakiin marna la isma waydiin siddee ayay arintaani ku dhacday. Arintaani waxay ku dhacday sidda ay illataahy dad aqoon yar oo macallimiin noqday isla markaasna tilmaan ka bixiyay waxa Alle rabo iyo wax Nabi Muxammed (S.C.W) rabo iyo Islaamku waxa uu yahay. Macallimiintii masaajidda iyo duruustii ay bixinayeen ee ku dhisnaa aqoon yari iyo waayo aragnimo la’aan ayaa keenay sidda hadda wax yihiin. Haddii masaajidku hagaago ummaddu way hagaagaysaa. Haddii masaajidku si xun wax u turjumo ummaddu way halaag samaysaa.

Facebook Comments Box

Cabdijabaar Sh. Axmed waa qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics). Waa tifatiraha guud ee majaladda Diblomaasi. Waa falanqeeye siyaasadda arrimaha dibedda, diblomaasiyadda, sharciyadda caalamiga. Wuxuu kaloo wax ka qoraa maareynta ganacsiga, dhaqaalaha, falsafada, horumarka bulshada iyo nabadgelyadda. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Caafimaadka iyo Sayniska

Dhibaatooyinka Caafimaad ee Cuntooyinka Aadka Loo Warshadeeyay

Published

on


Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka, gabow degdeg ah ama geeri.

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%. Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xiriiriyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka ama Shalalka.

Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta. Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo ay sameysay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sao Paulo ee Brazil ayaa waxay sharraxaad ka bixineysaa qaababka loo kala qaado cuntooyinka warshadeysan.

Cuntooyinka aan la warshadeyn iyo kuwo dhexdhexaadka ah

Cuntooyinkan ayaa ah kuwo aanan wax warshad ah soo marin ama si aad ah looma warshadeyn, ka hor inta aanan la warshadeyn cunnada waxaa ku jirtaa nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh banii’aadanka, sida Fitamiin iyo macddanta qaar.

Qeybtan waxaa kamid ah Khudaarta, Lowska, Miraha, Digirta, Misiggada, Ukunta, Kalluunka iyo caanaha. Cuntooyinka aan sida aadka ah usoo marin warshadda waxaa marka lagu sameeya in la qalajiyo, la buriyo balse kuma jiraan maaddooyin kala duwan oo nafaqo leh.

Waxyaabaha cuntooyinka lagu kariyo ee la warshadeeyay

Waxaana kamid ah Saliidda, saliidda xoolaha laga soo saaro, Cusbada iyo Sokorta. Cuntooyinkan looguma talagelin in qofka uu wax badan ka qaato balse waxaa lagu darsadaa cuntada iyo Shaaha.

Cuntooyinka la warshadeeyay

Cuntooyinka lasoo warshadeeyay ayaa waxay ka koobmaan waxyaabo laisku daray oo ka badan labo waxyaabood. Waxaana kamid ah hilibka gasadceysan, Rootiga, Khamriga, ama cuntooyinka sajilan. Sababta cuntooyinka loo soo warshadeeyo waxay tahay in muddo ay cuntadaas raagto si aysan dhadhankeedu u baddalmin.

Cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay

Lamana garanayo maddooyinka ku jiro cuntooyinka warshadeysan, waxaa ku jiri karaa maddooyin Kimiko ah oo macaan ah ama qalajinayo cuntada .

Cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyay dunida, waxaa kamid ah.

  • Rootiga lasoo warshadeeyay
  • Cuntooyinka Sajilan
  • Caanaha qaar
  • Buskut-ka
  • Hilibka sajilan
  • Barado Shiilan
  • Sharaabka
  • Cuntooyinka shiilan ee cusbada badan
  • Digirta ku jirta weelka sajilan

Waxaa adag in la aqoonsado cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay, tusaale ahaan, Burka haddii lagu daro biyo, cusbo iyo Khamiir wax dhibaato ah kuma jiro balse haddii lagu daro waxyaabo midibo u yeelayo burkaas , waxaa uu kamid noqon karaan cuntooyinka sida aadka loo warshadeeyay ee dhibaatada ku yeelan karo caafimaadka.

Haddii, Digirta lagu waxyaabo kale ama kimiko waxaa ay meesha ka saareysaa nafaqadii ku jirtay cuntadaas.

5 siyaabood ood ku garan karto in cuntada aad loo warshadeeyay

  • Markasta eeg warqadda ku dhegan sheeyga, haddii maadooyinka laga sameeyay cuntadaas ay badanyihiin, kana badanyihiin shan sheey, waa astaan kuu muujin karta in cuntadan aad loo warshadeeyay, sida uu qabo Professor Maira Bes-Rastrollo, oo ah La-Qore daraasadda Spain ee kor ku xusan.
  • Maaddooyin aadan aqoonsanin kuwa ay yihiin waxaa laga yaabaa in ay yihiin maaddooyin kiimiko ah lagu dheereynayo cimriga sheeygaasi si uusan u halaabin. Badankood waa kuwa badqaba, balse waxaa jira kuwa halistoodu badantahay.
  • Iska eeg xadka ama cabbirka lagu xusay qoraalka ee waxyaabaha uu sheeygaasi ka samaysanyahay, tusaale haddii dufanka iyo sokorta ku badanyihiin. Waxaa taas kuusii muujin kara midaba (guduud) oo muujinaya badnaansho, (guduud xigeen) dhexdhexaad iyo (cagaar) oo muujinaya inyar.
  • Haddii aad aragto cuntada cosobka ah oo balse waqtiga ku qoran in ay dhacayso uu yahay mid fog, markaas ka shaki, waxaana laga yaabaa in waxyaabo qalaad lagu dardaray.
  • Iska eeg haddii sheeygaasi aad loo xayaysiiyo, laguna sheego sifooyin ka badbadis kuula muuqda.
Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqanaa Cuntooyinka Kor u Qaadi karo Howsha Gogosha?

Published

on


Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen.

Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda dhaqamada nolosha iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay tahay ma jiraan cuntooyin dabiici ah oo sare u qaadi karo howsha sariirta lamaanayaasha?.

Waxaa jiro cuntooyin leh nafaqo u wanaagsan xoojinta shahwada, waxaan eegeynaa taarikhda iyo mabaadii’yada seyniska ee sharraxaya cuntooyinka xoojin karaa howsha sariirta lamaanayaasha.

Cuntooyinka ku jira Caroogta badda

Sida la sheegay dadkii ku caanbaxay jeceylka waxay ku quraacan jireen 50 ka mid ah cuntooyinka ku jira Caroogta badda. Ma jiro xiriir rasmi ah oo ka dhexeyn karaa xoojinta shahwada iyo cunidda noolaha ku jira caroogta badda balse waxaa jira haddallo laga sheegay arrintaas.

Cuntada ku dhex jirta Caroogta waxaa ku jirtaa maaddada Zinc oo horseedda nafaqada soo saarta biyaha ragga iyo isla markaasna sare u qaadda. Daraasdda ayaa muujinya in maadada Zinc lagu daweeyo dalmo la’anta iyo waxay sare u qaadda tayada biyaha ragga.

Cuntooyinka laga helo maaddada Zinc waxaa kamid ah, Hilibka, Miraha sida, Bocorka, Lowska, Digirta, Caanaha iyo Cheese.

Cunidda shukulaatada

Waxaa la sheega in shukulaatada ay ku jirto in yar oo kamid ah maaddada phenylethylamine (PEA), inkasta oo aan la ogeyn in shahwada ay xoojin karto ama in kale balse mirta laga sameeyo shukulaatada ee geedka Cocoa ayaa sare u qaadaa shaqada dhiigga ee jirka banii’aadanka.

Gormaa ayuu bilaawday, xiriirka ka dhexeyn karaa shahwada iyo cunidda shukulaatada?

Hernán Cortés oo u dhashay Spain ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee shaaca ka qaado shukulaatada guud ahaan dunida, waxaa uu xilliggaas warqad uu qoray boqorkii Spain ,King Carlos I oo uu sheegay inuu soo arkay nooc kamid ah Jokolaatada la cabo oo sare u qaado awoodda jirka isla markaasna ka hortaggo daalka.

Ma jiraan caddeymo muujinayo in shukulaatada loo adeegsan jiray xoojinta howhlaha gogosha ee lamanaayaashaa. Cuntooyinka leh maaddada tryptophan ee ka qeyb qaadata jir dhiska waxaa kamid aha, Ukunta, Hilibka Shimbiraha, miraha,

Basbaaska

Basbaaska kulul ayaa sare u qaadaa shaqooyin jirka banii’aadanka sida heerkulka jirka, shaqada wadnaha, waxay arrimahaas ay dhacaan marka aad ku gudo jirtid howsha sariirta. Waxaana basbaaska ku jirta maaddo la yiraahdo capsaicin oo daweysa dhabar xannuunka iyo muruqa.

Sideed ku yarayn kartaa daciifnimada xubinta taranka?

Daraasado la sameeyay ayaa muujinya in cunista waxyaabaha dhirta ka yimid asalkoodii in ay ka qeybqaadanayaan yareynta daciifnimada xubinta taranka. Waxaa si gaar ah loo ogaaday in madooyin ku jira liin bambeelmada in ay aad u xoojiyaan xubinta taranka.

Cunista miraha ayaa la sheegay in boqolkiiba 14% ay xoojinayso shaqada xubinta taranka, halka waxyaabaha kale ee dhirta laga helo ay qiyaasteeda tahay boqolkiiba 21%.

Sidaas darteed waxaa lagugula talinaya in aad ka war haysid baquliga qudaarta iyo miraha kale duwan. Miraha sida cannabka iyo qudaarta sida ansalaatada ayaa ah kuwa daraasadda lagu xusey in ay leeyihiin maadooyin ragga ka caawin kara hawsha gogosha.

Dr Krychman oo ah khabiir ka falooda arrimaha gogosha waxaa uu sheegay in dadka haddii ay rumeysan yihiin in cuntooyinka qaar ay ka caawinayaan howsha gogosha aysan wax dhib ah ku jirin. Haddii qofka uu dhibaato kala kulma howsha sariirta waxaa laga yaabaa inay heyso dhibaato caafimaad marka waa in uu la tashadaa dhakhtar caafimaad.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Waa Maxay Sulphuric Acid?

Published

on


Sulphuric acid (H2SO4) waa maaddo ka sameysan walxo ceyriin ah oo loo adeegsado howlaha warshadaha qalabka lagu farsameeyo.

Qeyb aad u badan ayey kiimikadan ka qaadataa soo saarista qalabka bacriminta iyo qabata howlo kale oo ay ka mid yihiin dhalaalinta biraha, midabeynta walxaha aan noolaha ahayn, nadiifinta shidaalka, soo saarista warqadaha iyo arrimo badan oo la xidhiidha kiimikooyinka wax soo saarka.

Abuuritaanka kiimikada sulphuric acid waxaa loo maraa ilaa saddex marxaladood, sida aan kasoo xigannay bogga Science Direct, ee ka faallooda arrimaha seyniska iyo maadooyinka laga sameeyo.

Meelo badan oo ka mid ah adduunka waxaa ka dhaca weerarro loo adeegsado aashitada sulphuric acid. Arrimaha kale ee falgalka kiimikadan loo adeegsado waxaa ka mid ah sameynta qaraxyada aadka u awoodda badan.

Qarax noocee ah ayaa laga sameeyaa Sulphuric acid?

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Hay’adda, kiimikadan waxay ku socotay gacanta kooxaha kasoo horjeeda dowladda, kuwaasoo la aaminsan yahay inay ka sameynayaan waxyaabo qarxa. Al-Shabaab ayaa si joogto ah u fulisa qaraxyo qeyb ka ah ololahooda ku aaddan sidii ay meesha uga saari lahaayeen dowladda ay beesha caalamka taageerto ee Soomaaliya.

Sida lagu qoray wargeyska Scientific America, maaddada sulphuric acid waxay ka mid tahay kiimikooyinka loo adeegsado sameynta qaraxyada ugu awoodda badan.

Qaraxyadaas awooddoodu sarreyso waxaa laga sameeyaa maaddada Nitro-glycerine, oo si fiican loo ogyahay inay ka kooban tahay isku darka sulphuric acid iyo nitric acid.

Xagey Soomaaliya uga imaadaan hubka mamnuuca ah?

Sanadkii lasoo dhaafay, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walxaha qarxa ee gudaha lagu sameeyo ku daray inay qeyb ka yihiin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Cabdisalaan Guuleed, oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Nisa ayaa sheegay in meelo badan hubka sharci darrada ah laga soo galin karo Soomaaliya.

“Soomaaliya horta waa waddan iska furan oo xuduudihiisa furan yihiin, meel kastana wax laga soo galin karo. Nimankan waxyaabaha qarxa isticmaalahana, sida Al-Shabaab iyo IS waxyaabo badan ayey ka sameeyaan qaraxyada, sida walxaha bacriminta loogu talagalay. Meesha ugu badan ee Soomaaliya uu hubka kasoo galo waa xadka badda ee ay Soomaaliya la leedahay Yemen, halkaasoo ah bad furan oo aysan cidna waardiyeynin, dhinaca Itoobiyana way iska furan tahay waana waddan warshado badn oo hub ah ku yaallaan,” ayuu yidhi Cabdisalaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Kufsiga Soo Badanaayo Ma Loo Aaneyn Karaa Daawashada Filimmada Xun Xun ee Galmada?

Published

on


Filimmada anshax xumada leh ee qaawan waa sun iyo la dagaalanka xagga maskaxda oo lagu soo dhex faafiyey bulshada caalamka. Qofka caadeysta daawashada filimmadaan xun-xun wuxuu halis ugu jiraa dhibaatooyin badan. Waxay baabi’isa naxariista, waxay dhalisaa rabshadaha bulshada sida kufsiga, waxay dishaa jaceylka ay isu qabaan labada qof ee isqaba iwm.

Su’aal kama taagna in fiirsashada filimmada galmada ah ay noqon karto isha khilaafaadka qoysaska qaar,  maxaa yeelay qofka caaddeysta daawashada filimadaan waxaa soo gaara dhibaatooyin badan oo xagga damiirka iyo maskaxda ah.

Maxaa loo aaneyn karaa kufsiga ku soo badanaya Soomaaliya? – Yaa isweydiiyey?

Waxaa sare u sii kacaya tirada kiisaska kufsiga ee Soomaaliya laga soo werinayo ee loo geystay gabdhaha iyo wiilasha yaryar, taas oo hadda gaartay heer ay qeylo dhaan ka muujiyaan ururada u dooda xuquuqda dumarka iyo carruurta.

Maxaa sababay in muddooyiinkan dambe la maqlo kororka kufsiga? Ururada u dooda dumarka waxay aaminsan yihiin in kufsiga uu markiisii horeba Soomaaliya ka jiray, balse isbadelka hadda waa dunida casriga ah oo aanay waxba qarsoomeynin.

“Waxyaabaha loo aaneyn karo in kufsiga sheegistiisa uu bato waxaa ka mid ah dadkii oo wax fahmay maadaama markii hore ay ahaayeen kuwa cabursan oo aan sheegi karin dhibka la garsiiyay. Hadda oo ay dowlanimada Soomaaliya xoogeysatay waxaa ay keentay in dad badan ay ku dhiiradaan in ay soo sheegaan ee kufsiga markiisi horeba intan waa uu kasii badnaa”, ayay tiri Jawaahir Baarqab oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir

Xadgudubyada galmada waxay ka dhacaan adduunka oo dhan. In kasta oo waddamada badankood cilmi baaris yar lagu sameeyay haddana xogta la haayo ayaa ah in dalalka qaarkood ku dhowaad afartii dumarba mid ka mid ah ay la kulanto xadgudub galmo.

Soomaaliya maka jiraa sharciyo mamnuucaayo daawashada muuqaalada galmada?

Maya kama jiraan, dalka marka uu yahay dal Islaam ah ummadana ay wada yihiin ummad islaam ah waxaa wanaagsan in dhaqamada noocaan oo kale oo diinta Islaamka ka soo horjeedo in sharci mamnuucaayo loo sameeyo si loo badbaadiyo dhaqanka iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada.

Dalalka reer galbeedka inta badan kama jiraan sharci mamnuucaayo daawashada filimmada xun xun. Laakiin waxay leeyihiin sharciyo mamnuucaayo in la daawado galmada qof ka yar 18 sano.

Tusaalle ahaan, Noorway guud ahaan waa la ogol yahay in la daawado galmada, oo la qaybiyo muuqaalada galmada. Muuqaalada galmada ee waxyeelada leh ama sharafta meel kaga dhacaya qofka, tusaale ahaan kuwa ku lug leh maydka, xayawaanka waa mamnuuc. Waa sharci daro in lasoo saaro, la qaybiyo ama la daawado sawirada iyo fiidowyada galmada caruurta ka yar 18 sano jirka (Waa ka mamnuuc muuqaalada galmada caruurta).

Xariirka ka dhaxeeyo daawashada muuqaaladda xun xun iyo dacadiyada kufsiga

Sida laga soo xigtay daraasad la sameeyey 2010 oo lagu falanqeeyay 304 muuqaal oo laga soo duubay fiidiyowyada filimmada xun, ku dhowaad 90% muuqaallada waxaa ku jira gardarro jireed, halka ku dhowaad 50% ay ku jiraan gardarro hadal ah, ugu horreyn qaab u yeerista. Bartilmaameedyada bandhigyadan gardarrada ah waxay ahaayeen haween aad u tiro badan waxayna muujiyeen raaxo ama dhex-dhexaadnimo iyaga oo ka jawaabaya gardarrada.

Waxyaabaha ku jira muuqaalada galmada aad ayay u kala duwan yihiin. Waxay ku kala duwan yihiin rabitaanka galmada. Galmada lagu muujiyo muuqaalada galmadu, badanaa runta waa ay ka duwan yihiin. Tusaalle ahaan:

  • Qaybaha jirka: muuqaalada galmada waxay muujiyaan qaab jireed oo aan caadi ahayn. Haweenka, tusaale ahaan, badanaa waxay leeyihiin naaso waawayn, raguna waxay leeyihiin gus aad u wayn, laakiin dadka leh jir qaab kale ah waa lagu tusaayaa.
  • Habdhaqanka galmada: muuqaalada galmada waxay bixiyaan aragtida ah in haweenka iyo ragu ay samayn karaan galmo wakhti kasta, taasoo, oo runtii, aanay ahayn nolosha caadiga ah.

Muuqaalada galmada ayaa ah kuwa aad ugu fog xaqiiqada rasmiga ah ee galmada ay isu galmoodaan labo qof oo isqaba.

Muuqaalada galmada si yar oo fudud ayay dad badani u heli karaan dhawaanahan – tusaale ahaan internetka. Waa iska caadi inaad ka hesho oo aad isticmaasho muuqaalada galmada ilaa inta ay sharci daro ahayn.

Dhibaatooyinka ugu waa weyn ee daawashada filimmada galmada ah

Tiknilojiyadda casriga ee dunida waxay fududeysay in xittaa dhalinyarada yaryar ay si fudud u daawan karaan filimmada galmada ah, waliba si lacag la’aan ah.

Waxaa laga yaabaa in farxad iyo xumaan aad ka dareentid daawashada galmada. Haddii aad galmada aad u daawatid, waxaa laga yaabaa in ay saameyso fikirka aad ka qabto galmada, ama dadka waxa ay ka helaan galmada. Waxay sidoo kale saameyn kartaa sida aad dareemeyso. Dadka badankooda murugo ayey dareemaan ka dib marka ay daawadaan filimaanta galmada, ayagoo ka shalaynaayo sababha ay u daawadeen.

Baarayaasha Maskaxda waxay sheegeen in “Daawashada Filimada Xun (porn) Waxay Xannibaan Horumarka Maskaxda” Saynisyahannada maskaxda ayaa rumeysan in porn-gu burburiyo qaybta maskaxda ee maamusha murugada, kartida, iyo xakameynta.

Marka qofka uu samaynayo waxa uu belwadda ka dhigtay, waxay qofka maskaxdiisu soo daysaa dheecaanka farxadda, Dopamine, kaas oo qofka dareensiiya farxad khiyaali ah marka uu samaynayo waxaan. Marka uu daawan waayo maalmo, tusaale ahaan, waxa uu qofkii dareemayaa deggenaansho la’aan aan yarayn, wuxuu markale bilaabayaa inuu daawado, marka uu sidaa u daawado ayaa la soo daynayaa hoormoonkii, sidaana waa kaa kala badbadasho iyo farxad ku dareemay.

Nolosha guurka iyo daawashada filimmada xun xun

Waxa laga yaabaa in midkeen iska dhaadhiciyo in daawashada filimmada ama muuqaallada galmadu siinaaya xeelado ama tabo uu hadhow xilliga guurkiisa u aayo, balse aynu isla eegno bal in aragtidaasi run tahay.

Marka aan u fiirsanno belwadda galmo-daawashada ee aynu barbardhigno nolosha guurka, isu galmoodka labada isqaba, waxa inoo baxaysa in marka galmadu dhex marayso labadan xaaska ah, jidhku soo daayo hoormoon kale oo la dhaho Oxytocin kaas oo shaqadiisu tahay: xoojinta kalsoonida lammaanaha, iyo muddo-u-kordhinta dareenka kalgacaylka ah ee lammaanaha.

Haddaba, maqnaanshiyaha hoormoonkani qofkan daawanaya muuqaalka waxa ay ka siibaysaa kalgacalkii, kalsoonidii iyo dareennadii lagama maarmaanka u ahaa guurka guulaysta. Iska daa wax kale e dadka daawada muuqaallada galmadu, waxa ay daneeyaan danayn weyn daawashada, marka loo eego hawshii ay ahayd in furaashka ka fuliyaan. Waxa ku dhaca wax la dhaho Danaynta Muuqaallada Galmada; dananyntaas oo keenta in ruuxani gabo hawshii galmada ee uu uga baahnaa lammaanihiisu, halkaasna uu ka dhasho burbur qoys, dhammaad xiriir, iyo dumidda tiir bulsheed! Qofkani waxa uu ka adag yahay daawashada galmada, balse ma samayn karo isagu galmo! 58% labka da’doodu tahay, celcelis ahaan, 25jir waxa ay awood u leeyihiin in ay ku dareen qaataan sawirrada, balse sariirta waa bilaa itaal!

Sida ay qortay wakaaladda MENA (Middle East News Agency), waxa deraasado lagu ogaaday in belwadda galmo-daawashadu aanay keliya tamar darro jinsiyeed qofka u keenin balse ay sidoo kale ruuxa u soo hoggaamiso xannuunada nafsiga ah ee ay ka midka yihiin qulub, cadho iyo werwer!

Dadka ka shaqeeya waxan 66% oo ka mid ahi waxa ay la dhibtoodaan, sida deraasadihii u danbeeyay sheegayaan, xannuuno uu ka mid yahay (Psoriasis). 28% waxa hela cudurrada galmada ku gudba. 7% waxa soo rita AIDS!

Sida caadiga ah marxaladda saamayntu ku soo baxaysaa waxa ay qaadataa 6 – 18 bilood oo keli ah; muddadaa dabadeed dumarku waxay la kulmaan dhibaatooyin bulsheed, caafimaad iyo kuwo hawlgaleed oo badan! Raggana waxa ku dhaca wax la dhaho biya-baxa qaddimaadda ah, pre-ejaculation, tani waxa ay keentaa in daawashada galmada haddii uu badsado oo biya-baxaasina bato uu aakhirka lumiyo ama iska waayo wax dareen shahwadeed ah! Waxba yaan kuu af gobaadsane tan micnaheedu waxa weeye ‘ma-dhalaysnimo’ aad gacantaada ku doonatay!

Maskaxda waxa ay daawashadaan ku keentaa khalkhal maaddaama ay mar kasta u qaadanayso in galmo dhacayso sidaa darteed ay soo saarayso amarradii galmada fududayn lahaa, kuwaas oo, ileen galmo ma jirtee, hal bacaad lagu dhiijay soo baxa!

Ku celcelinta arrintani waxa ay maskaxda geyaysiisaa gabidda hawshaa, tanina waxa ay ruuxa dhaxal ahaan u sii dhigtaa ma-dhalaysnimo!

Xasuusta oo lunta waa astaamaha u horreeya ee uu isku arko qofka daawanaayo muuqaalada xun xun. Qisadii imaamkii Shaafici ayaad xasuusataa! Kubkii gabadha ee uu arkay haddii uu ilawsiiyay macluumaadkii dhanaa, bal suurayso qof mudh iyo gacan ah oo jinsigaaga kale ah oo aad daawanaysidna! Marka laga yimaaddo raalli ahaansho-la’aanta Eebbe uuna raallida ka ahayn falkan, adiga halisa lagaa haayo ma aragtaa?

July 14, 2015 daraasad qaylo-dhaan ah oo ay sameeyeen waaxda jaamacadda Pennsylvania ee ay horkacayso Drs Mary Anne Layden, ayaa ku sheegtay in waddada keli ah ee ubadkii baraysa edeb-darrada iyo galmadu uu yahay degellada galmada nlaga daawo galmada.

Daawashada muuqaallada galmadu waxtir mooyee waxtar uma laha qofkan daawanaya, haddii uu bilaa xaas yahay, ma-dhalaysnimadu aafada ay hoggaaminayso ayay kala maqan tahay, haddii uu xaasle yahay hawlgabnimo taran ayay u keenaysaa! Dhan ay dhaafaysaa ma jirto.

Annaga Soomaali ahaan, ma aan helin wax daraasad ama xog ah oo ku saabsan sida aynu ku nahay dhibaatadaas laga wada qayliyay, balse waxa aan dareensanahay in dhallinteenna ay tahay masiibo ku soo badanaysa. Kama qatanin khasaaraha ay muuqaalladaasi ku keeneen dunida, balse saamigeenna ayaynnu qaadannay. Laga yaabaa in aad akhriste adigu daawatay ama aad taqaanid cid daawata! Waxba ha ila yaabin.

Dhaqankeena waxaa caado u noqotay in aanan laga hadlin waxa halista nagu haayo, annagoo ku doodna in waxaasi aanu dhexdeenna ka dhicin, sida darteed ay baasaysi tahay ka hadalkooda. Balse hadda 70-nadii tirsiga galbeedka dunida Carabta wax lala yaabo ayay ahayd in laga hadlo khataraha ka imaan kara daawashada muuqaallada galmada ah, hadana waxay soo goosteen xaragga, ma sidaas ayaan ugu aamusnaa dhibaatooyinkaan jira?

Muqdisho kala xariir: 619111499 Gudaha dalka Norway waxaad ka heli kartaa telefon lambar: +47 455 073 63 ama 4555 75 79 Hargeysa, Soomaaliya: Waxaad ka heli kartaa xafiiska Hiil Press ee magaalada Hargeysa. Waxaad kala xariiri kartaa telefonada: +252-636857010 ama 0657275461

 

Buugga 5-ta Tiir ee Guusha

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Goormaa Caawinaad Loo Baahan Yahay? – Caafimaadka dhimirka

Published

on


Cudurada dhimirka oo tabaaleynaya malaayiin dad ah caalamka sannad walba ayaa waayadan dambe cilmiga, aqoonta iyo daawayntiisu horumar xoog leh ka samayayeen waddamada horumaray. Xaqiiqduna waxay tahay in heerar isku dhow bani’aadamka soo wada maray taariikhihii hore, marka la fiiriyo hadba wixii laga rumaysnaa xanuunadan sababtooda iyo daaweyntoodaba ilaa waqtigan xaadirka ah.

Wareemidda, tumaatida, dirirta iyo dhacdooyinka kale ee argagaxa lihi waxay qofka ku reebi karaan masiibo maskaxiyeed. Inkasta oo ay qofba heer waxyeeladu u gaarto misana waxa hubaal ah in ay jiraan qaabab loo maro ama lagu daaweyn karo.

Qof kasta oo inaga mid ah mar-mar ayuu dareemaa kurbo ama niyadjab. Haddii dareenka dhibaataddu ay sii socoto waxaa habboon in qofka caawinaad raadsado. Tusaale waxaa habboon in qofka wax ka qabto culeyska is daba jooga ah inta aysan dhib u keenin hurdada uusana dareemin hami la’aan.

Nolosha adag qof walba ayey ku abuuri kartaa fikir maskaxdiisa mashquuliya waxaana dhici karta in qofka iyo xigaaladiisu aysan xalin karin dhibkaas. Marar xittaa waxaa dhici karta in sabab loo waayo waxa keenaya dhibka marka ka la fiiriyo xaaladda nolosha qofka ama taariikhdiisii hore.

Masiibada culus waxa lagu xiriiriyaa dhacdooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin, dagaalada iyo barakaca oo dhibaatooyinka ay sababaan la arko in wax yeelada sii socoto sanado badan marka ay dhacaan kadib. Waxay keeni karaan isbeddelo muuqda, hantiyeed iyo dhaqaale bur-bur, kuwaas oo sababa culays ama bur-bur dhinaca kaabayaasha nolosha oo kedis ah.

Xaaladdaasi waxay keentaa ugu yaraan inay daciifiso mugga insaanka sifo qulub, dhaawac ama dhimashoba. Kuwaas oo iyana saameeya xirfadda, aqoonta iyo kartida mujtamaca oo daciifta qoys iyo mujtamacba oo aan dadka awoodin inay baahidooda daboolaan ama isku tashadaan.

Waxa iyana khalkhala xiriirka bulshada dhexdeeda oo saameeya dhinacyo badan. Waxa kale oo dhaawacma dhaqanka iyo maamuuska bulshada ka dhexeeya gaar ahaan marka lagu xadgubo xeerarka iyo tilmaanta diinta kolka dil/dhac iyo falal kale oo aan bannaanayn faraha lala galo xiliga dagaalada. Waxa taa sii dheer khalkhal guud oo isbeddel ku keena dhismihii mujtamaca, sida hoggaanka talada, haynta maaliyadda iyo awoodda oo faraha kala cayn wareega.

Waa in waxyaabahaas oo dhan la tixgeliyaa marka jaangoyn farogelineed la samaynayo si loo yareeyo khalkhalka dheeraadka ah oo ay keeni karto gurmad iyo afcaal ujeeddo waxtar leh.

Waxa saldhig u ah hirgelinta barnaamij waxtar sare leh hadba sida mujtamaca laftiisu talada looga qayb geliyo intaan dusha lagaga keenin mashaariic haayad la roorayso oo waxtar daayo kharbudaad hor leh abuura ama sii cakira mushkilad jirta.

Marka qofku uu dareemayo inuusan fayoobeyn una baahanyahay caawinaad, waxaa laga yaabaa in sababo badan awgood ay ku adkaato siduu caawinaad u raadsan lahaa. Dhibaatooyinka dhimirku si tartiib ah ayeey ku bilaawataa, waxaana laga yaabaa in qofka ay dhib ku noqoto inuu dareemo inuu caawinaad u baahanyahay. Mararka qaar waxaa laga yaabaa inuu qofku isdiid-siiyo, in dareenka dhibaatadu aysan sii yaraaneynin.

Raasashadda caawimada waxaa kale oo sii hakin kara in dad badan ay ku adag tahay in ay kala hadlaan arimahooda shaqsi, arrimaha noloshooda iyo kuwa u gaarka ah qof aysan aqoonin. Waxaa kale oo caqabad noqon kara qofkoo dareema qiimo-daro iyo rajo-xumo.

Tusaale waxaa laga yaabaa in qofka qaba niyadjab, inuu dareemo inuusan u qalmin daryeel ama in aysan faa’iido u laheyn. Sidoo kale waxaa arintaas la xiriira dhaqanka dadka soomaalida ah ee ku dhisan in qofka ceebihiisa qarsada sidoo kale inuu qofka dareemo qof jilcan haddii caawimaad raadsado. Waxayna aaminsan yihiin aragti ku dhisan in qofku kaligiis wax is taro.

In la raadiyo caawimo ama daryeel habboon ayaa laga yaabaa in ay qaadato waqti iyo dadaal badan. Haddana waa muhiin in qofku si dhiirannaan ah u raadsado daryeelka.

Way adagtahay in la xaddido xiliga ay mudan tahay in qofku raadsado xirfadle kaalmeeya, laakiin waxaa mudan in la xusuusto arriman soo socda:

  • Adeega caafimaadka dhimirka waxaa loogu talo galay qof walba oo naga mid ah, inta aadan u tagin dhaqtarka dhimirka marka hore qoyskaaga iyo saaxibada midka aad ku kalsoon tahay kala sheekeyso xaalkaaga halka uu maraayo.
  • Dareen ah inaad u baahantahay khabiir adeegan aqoon u leh ayaa ku filan inaad  la soo xiriirto.
  • Ma aha inaad dib u dhigto in aad la  xiriirto adeegan haddii qofku ama qof qoyska ahi uu ku fikirayo inuu is haligo ama haddii qofku uu u dhaqmayo si qof waallan ama si guracan.

Daaweynta cuduradani waxay inta badan ku xiran tahay calaamaadka iyo noocyada xanuun ee qofku muujiyo. Daaweynta waxay noqon kartaa mid ku eg hadal iyo talo-bixin ilaa daaweyn culus oo dhinaca dhimirka ah iyo weliba daaweyn ku aadan calaamaadka khaaska ah hadba sida ay u soo ifbaxaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

5 Arrimood oo Sabab u Ah in Dhimashada Korona ay Ku Yaraato Afrika

Published

on


Tirada dadka ku dhintay qaarad ay ku nool yihiin hal bilyan oo ruux ayaa ka yar dadka ku dhintay waddanka UK oo kaliya, iyadoo waliba uu jiro farqi weyn oo u dhaxeeya hannaanka caafimaadka iyo qalabka loo adeegsado.

Dalal badan oo ku yaalla Afrika ayaa lagu ammaanay inay olole fiican u sameeyeen hakinta fiditaanka fayraska corona, iyadoo xitaa la ogyahay inay adeegyadooda caafimaad aad u liitaan. Qaaradda oo ay ku nool yihiin in ka badan hal bilyan oo ruux ayaa laga soo tabiyay 1.5 milyan oo kiis, sida lagu shaaciyay xog kasoo baxday Jaamacadda John Hopkins.

Tiradaas ayaa aad uga yar tii laga soo tabiyay Yurub, Aasiya ama Ameerika, waxaana lagu soo warramayaa inay kiisaska sii yaraanayaan dhinaca Afrika. Ilaa hadda dhimashada uu sababay cudurka safmarka ah ee Afrika laga diiwaan galiyay waa 37,000.

Haddii la barbardhigo qaaradaha kale, 580,000 oo dhimasho ayaa laga diiwaan galiyay qaaradaha Koonfurta iyo Waqooyiga Ameerika, Yurub dhimashada laga xaqiijiyay waa 230,000, halka qaaradda Aasiya laga soo tabiyay 205,000 oo dhimasho.

Daraasad ay dhawaan soo saartay hay’ad ay ku mideysan yihiin ururro dowli ah iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay ayaa lagu sheegay “Heerka dhimashada ee Afrika uu ka hooseeyo kan dunida inteeda kale, saameyntuna way ku yareyd bulshooyinka reer Afrika.”

Hase yeeshee dagaalka ay Afrika kula jirto cudurka Covid-19 waxaa xagal daacinaya heerka baadhitaanka oo aad u hooseeya.

Ma jiro tuhun laga qabo in tirada dadka u dhintay fayraska qaar aan la diiwaan galinin, sida uu sheegay Dr John Nkengasong, oo ah madaxa waaxda xakameynta iyo ka hortagga cudurrada ee qaaradda Afrika. Haddaba maxaa ka mid ah sababaha horseeday in dhimashada corona ay ku yaraato Afrika?

1. Tallaabo deg deg ah

Kiiskii ugu horreeyay ee corona ah oo qaaradda laga soo tabiyay waxaa laga xaqiijiyay waddanka Masar 14-kii bishii February. Waxaa jirtay cabsi weyn oo laga qabay in fayraska uu si aad ah u saameyn doono dalalka uu liito adeeggooda caafimaadka ee ka tirsan qaaradda Afrika.

Sidaas darteed, billowgii horeba, inta badan waddamada Afrika waxay qaadeen tallaabooyin adag oo lagu yareynayo faafitaanka cudurka. Amarro lagu soo rogay shacabka – oo ay ka mid yihiin in aan gacanta la isku salaamin, in si joogto ah gacmaha loo dhaqdo, kala fogaandhaha dadka iyo xirashada maaskarada – ayaa si buuxda loo fuliyay.

Dalalka qaarkood – sida Lesotho – waxay tallaabooyinkaas qaadeen iyadoo xitaa aan wali la soo tabinin kiiskii ugu horreeyay. Waxaa waddankaas looga dhawaaqay xaalad deg deg ah, goobihii waxbarashada ayaa la xiray 18-kii bishii March, waxaana la galay xayiraad saddex isbuuc ah.

Laakiin maalmo yar uun kaddib markii la qaaday xayiraadda – horaantii bishii May – ayaa kiisaskii ugu horreeyay laga soo tabiyay Lesotho. Waddankaas oo shacabkiisu uu yahay wax ka badan 2 milyan, waxaa laga soo tabiyay 1,700 oo kiis iyo 40 dhimasho.

2. Taageerada dadweynaha

Daraasad ay hay’adda PERC bishii August ka sameysay 18 waddan ayaa lagu ogaaday in taageerada ay shacabka u muujiyeen talooyinka iyo amarrada lagu soo rogay ay gaartay heer aad u sarreeya. 85% ka mid ah dadkii lagu wareystay daraasadda waxay sheegeen inay maaskaro xirnaayeen isbuucii ka horreeyay xilliga daraasadda la fulinayay.

“Iyadoo ay jireen amarro adag oo lagu soo rogay shacabka, dalalka xubnaha ka ah ururka Midowga Afrika waxay awood u yeesheen inay cudurka xakameeyaan intii u dhaxeysay bilihii March ilaa May,” ayaa lagu yiri daraasadda.

Waxaa intaas lagu daray: “Dabacsanaan yar oo dhacday bilihii June iyo July ayaa kusoo aadday sare u kac ku yimid kiisaska laga soo tabiyay qaaradda”. Xilligaas wixii ka dambeeyay, hoos u dhac la taaban karo ayaa ku yimid saameynta fayraska.

3. Shacab da’ yar – iyo guryaha qadiimiga ah oo yar

Da’da dadka ku nool inta badan waddamada Afrika ayey sidoo kale u badan tahay inay saameyn ku leedahay faafitaanka cudurka ee yaraaday. Marka la eego dunida oo dhan, dadka u dhintay fayraska ayey da’dooda ahayd wax ka badan 80 sano, halka Afrika ay hoy u tahay dadka ugu dhallinta yar caalamka, oo inbadan ay ka hooseeyaan 19 sano, sida lagu sheegay xog ay shaacisay Qaramada Midoobay.

“Cudurka safmarka ah wuxuu inta badan ku dhacay dadka da’da yar… qiyaastii 91% ka mid ah kiisaska Covid-19 ee dalalka saxaraha ka hooseeya waxay ku dhaceen dad ay da’dooda ka yartahay 60 sano, in ka badan 80% ka mid ah dadkaasina calaamadaha way kasoo muuqdeen,” ayey tiri Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO.

4. Cimilo fiican

Daraasad ay sameeyeen cilmibaareyaal ka tirsan Jaamacadda Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday inuu jiray xiriir ka dhaxeeyay cimilada iyo faafitaanka fayraska dhaliya cudurka Covid-19. Heer kulka, huurka iyo hawada ayaa qeyb ka ah waxyaabaha saameeya awoodda uu ku fido xanuunkan.

“Waxaan eegnay fiditaankii hore ee cudurka uu ugu faafay 50 magaalo oo ka mid ah caalamka. Fayrasku way u sahlan tahay inuu ku fido meelaha uu heerkulkooda hooseeyo iyo kuwa uu huurka ka jiro,” ayuu yiri Maxamed Sajadi, oo hoggaaminayay cilmi baarista.

“Taasi micnaheeda ma aha inuusan ku fidin meelaha kulul, laakiin marka uu heerkulka sare u kaco waxaa yaraanaya faafitaanka fayraska.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

5. Hannaanka Caafimaadka bulshada oo wanaagsan

Cudurka safmarka ah ee Covid-19 wuxuu yimid xilli Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ay la tacaaleysay cudurkii ugu weynaa ee ilaa hadda ka dillaaca Qaaradda, oo ah Ebola. Waddamada dariska la ah waxay ku jireen heegan, baaritaannada caafimaad ee lagu sameynayay dadka safrana waxay ahaayeen kuwo joogto ah, maadaama la iska ilaalinayay fayraska Ebola, kaddibna baaritaannadaas waa lasii ballaariyay markii uu dillaacay Covid-19.

Waddamo badan oo ku yaalla Galbeedka Afrika – oo la soo dagaallamay fayraska Ebola ee socday intii u dhaxeysay 2013-kii ilaa 206-kii – ayey u sahlanaatay in xarumihii caafimaadka ee lagula tacaalayay cudurkaas loo adeegsado fayraska Corona. Meelaha wax tarka yeeshay waxaa ka mid ah goobaha karantiilka ee sii shaqeynayay. Sidoo kale waxaa laga faa’iideystay hannaankii dabagalka iyo baaritaanka dadka qaba xanuunka.

Intaas waxaa sii dheer, waddanka ugu shacabka badan qaaradda Afrika ee Nigeria, kooxihii xaafadaha dhexdooda ka waday ololaha tallaalka dabeysha ayaa si sahlan loogu weeciyay inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah fayraska corona. Oraahdan waxaa bishii April yiri Dr Rosemary Onyibe, oo bixinayay barnaamijka wacyigalinta cudurka dabeysha:

“Isla markii aan maqlay warka ku saabsan corona, waxaan durbadiiba ku fikiray: waajibaadkii ayaa i sugaya. Khibraddeyda ayaa looga baahan yahay adeegga bulshada.”


Xigasho: BBCSomali

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Sirdoonka & Militariga19 hours ago

Yukrayn ayaa eriday safiirkii Iiraan – sababtoo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku u adeegsaday dagaalka

WARBAAHINTA2 days ago

Reer galbeedka waxay burburinayaan mudnaantooda – ayuu yiri Lavrov

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Biden wuxuu ballan qaaday taageerada xulafada Ruushka

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Kuuriyada Waqooyi ayaa ka jawaabtay eedeymaha hubka ee Ruushka

Diblomaasiyadda & Dunidda4 days ago

Ra’iisel wasaaraha Jabban ayaa amaanay doorka Turkiga ee heshiiska qamadiga ee dagaalka Ruushka iyo Yukrayn

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Israa’iil iyo Yuganda ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah iyadoo ay jirto dhaleecayn

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Madaxweynaha Ruushka wuxuu ku dhawaaqay abaabul ciidan oo qayb ka ah Ruushka

Afrika1 week ago

Marrooko iyo Nayjeeriya ayaa ku heshiiyey mashruuc ku saabsan in gaaska la gaarsiiyo Galbeedka Afrika iyo Yurub

Afrika1 week ago

10 qof ayaa ku dhintay iska horimaad dhexmaray beeraley iyo xoolo dhaqato dalka Chad

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Maxaa dhici kara haddii heshiiska Nukliyeerka Iiraan la saxiixo?

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Google iyo shaqaalaha Amazon ayaa ka mudaaharaaday qandaraas balaayiin doolar ah oo lala galay Israa’iil

Afrika2 weeks ago

Telefishinka dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaatay in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo kooxda TPLF ay leeyihiin ‘xariir adag’

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Golaha Wasiirada Somaaliya oo bogaadiyey dagaalka shacabka Hiiraan ay kula jiraan Al-Shabaab

WARBAAHINTA2 weeks ago

Masar ayaa diiwaan gelisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka daanyeerka, waxaana laga helay nin 42 jir ah oo ka yimid Yurub

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Boqolaal carruur ah ayaa ku dhimanaya Soomaaliya waxaana loo aasayaa ‘sida qashinka’, ayay tiri QM

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Mareykanka ayaa u xaqiijiyay Israa’iil in Iiraan aysan noqon doonin quwad nukliyeer ah

WARBAAHINTA3 weeks ago

Maamulaha suuqgeynta ee shirkada Google ayaa iscasilay ka dib markii ay dhaleeceysay heshiiska lala galay Israa’iil

WARBAAHINTA3 weeks ago

Al-shabaab oo qarxisay ceelal iyo xarumaha isgaarsiinta deegaanno ka tirsan Galmudug

Afrika3 weeks ago

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay weerarro ay fallaagada ku qaadeen bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jeneral Cabdalla Cabdalla dib ugu soo celiyey darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Booliiska Israa’iil ayaa xiray gabar aroosad Falastiini ah iyadoo ku labisan dharka arooska

WARBAAHINTA1 month ago

Gudiga dowlada Denmark ayaa raba in xijaabka laga mamnuuco iskuulada

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Maxaan kala Soconaa dagaaladii ay qaadeen Al-shabaab?

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Soomaaliya ayaa u magacawday aasaasihii al-Shabaab wasiirka diinta

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

“Xildhibaanadu ha diidaan ansixinta Roobow”- Xisbiga Qaransoor

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Shabaab oo weerar culus ku qaaday Kenya, waa sidee xaalada amni ee geeska Afrika?

WARBAAHINTA2 months ago

Nafaqo darro daran oo saameysay caruurta barakacayaasha kusoo barakacay magaalada Muqdishu

WARBAAHINTA2 months ago

Barakacayaal kusoo barakacay duleedka deegaanka Ceel Barde oo ka cawanaayo amni daro iyo cunno yari soo wajaheysa

WARBAAHINTA2 months ago

Diyaaradaha nuuca Drone-ka oo duqeymo ka fuliyay tuulooyin hoos taga gobolka Hiiraan

WARBAAHINTA2 months ago

Galmudug iyo Dowlo Deegaanka Soomaalida oo shir kaga hadlaayo amniga xadka labada maamul

WARBAAHINTA2 months ago

Maandooriyaal  iyo hub lagu soo qab qabtay magaalada Muqdishu

WARBAAHINTA2 months ago

Madbacad ay yaaliin buugaag iyo agab badan oo laga hirgaliyay magaalada Muqdishu

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Maxaa sababay inay Al-shabaab weeraro ka geystaan deegaanada Aato iyo Yeedh?

Afrika2 months ago

Masar ayaa mudaaharaad ka dhigtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si’ay ugu joojiso Itoobiya rabitaankeeda ah inay buuxiso biyo-xireenka

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago

Faa’iidada ay leedahay aqlaaqda wanaagsan

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Xisbiga Qaransoor oo hogaamiye iyo guddoomiye cusub yeeshay

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Xisbiga QaranSoor oo maanta yeeshay shirweyne Qaran

Afrika2 months ago

Ruushka iyo Itoobiya oo ku heshiiyey inay sii xoojiyaan xariirka labada dal

Cuntooyinka2 months ago

Qurbo joogta iyo faa’idooyinka cunista kalluunka

Xul