Xirfadaha & Teknolojiyada
Teknoolajiyada iyo Dhismayaasha Casriga Ah

Shirkadaha naqshadaha iyo dhismaha ayaa awooday inay arkaan naqshada kombuterka ee 3D oo ay u isticmaalayaan dhismayaashooda mudo badan. Laakiin hadda waxay samayn karaan inay arkaan gudaha naqshada, iyadoo ay xiranayaan qalab madaxa la gashto oo leh teknoolajiyada (VR), isagoo siinaya aragti 360 degree. Waxaa intaas dheer, dadka isla shaqeeya ayaa sidoo kale qalabka madaxa gashanaya oo arkaya isku wax, kadibna wax ka badali kara naqshada isla waqtigaas.
Shaqaalaha ayaa kala joogi kara meelo kala duwan caalamka. Tani waa wax xiiso leh oo ku cusub dhismaha – taasoo ah horumar uu gaaray ganacsiga dhismaha.
Madaxa mashruuca Crossrail ee lagu dhisayo tareeno UK, Wolstenholme, ayaa sheegay “Taariikh ahaan aad ayaan uga gaabinay hal abuurka, ma aysan jirin baahi loo qabo isbadal.
“Laakiin hadda, anagoo u baahan inaan fursado ka helno dibadda, waxaan joognaa meel aan faa’iido heli karno”.
Borogaraamyada dhismaha:- Borogoraamka (BIM) oo samaynaya barnaamijyada 3D ee digital-ka ayaa la sii horumarinayaa.
Shirkadda Vizerra, oo saldhigeedu yahay San Francisco, ayaa bilowday awooda “gamification” iyo VR ee borogaraamkeeda BIM ee Revizto. “Borogaraamka Revizto, ayaa isticmaala 3D teknoolaji iyo cloud si uu isugu keeno naqshado dhismo oo kala duwan, ayuu sheegay Arman Gukaysa, oo ah madaxa shirkadda Vizerra.
Borogaraamka teknoolajiyadiisa 3D ayaa u ogolaanaysa qofka inuu dhexgalo naqshada isagoo arkaya gudaha. Qalabka wax lagu arko oo madaxa la gashto ee wata Revizto waxaa ka mid ah HTC Vive iyo Oculus VR.
Dhimista qaladka
Shaqaalaha samaynaysa mashaariicda ayaa is kaashan karta iskuwaqti, waxayna ku kala qaybsan karaan shaqooyinka. Vizerra ayaa sheegtay habkan oo kale inay waqti u dhaqaalaynayso macaamiisha ilaa 40%, sababtoo ah waxaa la arkayaa qaladaadkii intuusan dhismaha bilaaban.
“Mashaariicda dhismaha 30% ama ka badan ayaa misaaniyadooda lagu isticmaalaa in la saxo qaladka aan la arkin markii la naqshadaynayay” ayuu yiri Mr Gukasyan.
“Waa waali lacagta tirada badan ee qasaarta sababtoo ah hab hore ayaa la isticmaalay, oo ku salaysan naqshadayn 2D ah oo waraaqo la isticmaalay”
Revizto ayaa hadda waxaa isticmaala in ka badan 60,000 shirkadood oo jooga 150 waddan ayay sheegtay Vizerra, waxaana ka mid ah shirkadaha caalamiga ee Foster & Partners iyo Perkins & Will. Shirkadaha kale ee ku horeeya teknoolajiyadan kordhaysa ayaa ah AutoCAD, Revit iyo Vectorworks Architect, iyagoo saadaalinaya inay iibin doonaan borogaraamyo qiimihiisu dhan yahay $12bn sanadka markuu yahay 2022.
Maamulka
Mashaariicda waawayn ee dhismaha ayaa noqon kara wax aan sahlanayn oo qaali ah, marka in la maamulo shaqaalaha, alaabada iyo horumarka shaqada dhismaha ayaa muhiim ah. Markii hore, meesha dhismaha uu ka socdo ayaa saacadaha shaqaalaha lagu qori jiray buug, oo ka dibna kombuterka la galinayay. Hadda borogaraamka Rhumbix ayaa digital ka dhigay xogta iyadoo aan la isticmaalayn waraaq marka hore.
App-ka Rhumbix, ayaa u ogolaanaya inay saacadaha shaqaalaha ku diraan taleefoonada smartphone-ka si madaxda ay u saxiixaan, sidoo kale teknoolajiyadda ayaa u sheegi karta meesha ay shaqaalaha joogaan iyo meelaha shaqada laga qabtay. Tani ayaa suurto galinaysa in la ogaado shaqooyinka dib u dhacay ama daahay.
Ninka wax ka aasaasay Rhumbix, ee Zach Scheel, ayaa ka ahaa injineer milatariga Maraykanka wuxuuna dhiirigalin ka helay sida milatariga ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa askartooda, markii saldhigoodu uu ahaa dalka Djibouti waqtigii kacdoonka carabta ee 2011. Isagoo ka shaqaynaya mashaariic kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Chile sanado kadib, Mr Scheel ayaa ogaaday inay iskumid yihiin sida xogta loo soo arruuriyo iyo shaqada markii la samaynayo howlaha dhismaha.
“Shaqaalaha ayaa ah waxa ugu qaalisan mashaariicda dhismaha, waana wax aan aad loo fahan sanayn” ayuu dhahay.
“Telefoonada Smartphone, Ipad iyo teknoolajiyada internetka ayaa isbadalka sameeyay iyagoo suurto galiyay teknoolajiyada muhiimka u ah in loo sameeyo brogaraam meelaha ay ka socdaan dhismaha”
Borogaraamka ayaa sidoo kale ogolaanaya in qiimaha, tirada iyo qalabka loo baahan yahay la ogaado waqtigaas oo ay madaxda fiiriyaan iyagoo isticmaalaya internetka. Shirkadaha ayaa sidoo kale ku soo gudbin kara qarashkooda iyo miisaaniyadooda.
Tani waa muhiim sababtoo ah 15% qalabka loo keeno meelaha dhismaha ka socda ayaa qasaara, ayay sheegtay haya’dda UK ee dhisida deegaanka u fiican ee Green Building Council, iyadoo Maraykanka qashinka ka yimaada dhismaha uu yahay ku dhawaad 40% ee qashinka adag.
“Waxaan ogaanaa qaladaad badan inay dhacayeen sababtoo ah injineerada meelaha la dhisayo ma haystaan xogta ay u baahan yihiin,” ayuu sheegay Alexander Siljanovski, madaxa BaseStone oo ah shirkad samaysa borogaraamyada dhismaha.
Borogaraamka BaseStone, ayaa isku xira meelaha ay ka socdaan dhismaha iyo xarunta shirkadda dhisaysa si digital ah, iyadoo u suurto galinaysa in la arko dhibaatooyinka waqti hore iyo in si fiican la iskula xiriiro. BaseStone waxaa laga isticmaalaa 50 waddan iyadoo shirkadaha isticmaala ay ka mid yihiin Alstom, Skanksa, Balfour Beatty iyo Crossrail.
Shirkadaha kale ee bixiya borogaraamyada dhismaha ee lagu maamulo mashaariicda waxaa ka mid ah HBXL iyo Builk.
Sidaas darteed, shirkadaha dhismaha ayaa ogaanaya faa’iidada ay leedahay digitalka, iyadoo ay caawinayso teknoolajiyada VR ee naqshadaynta kombuterka waxay dhisayaan dhismayaal aan horay loo samayn.
Maqaalkaan xaquuqdiisa waxaa iskaleh BBCSomali
Xirfadaha & Teknolojiyada
Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid nidaamka cusub ee ay soo kordhisay shirkadda WhatsApp
Tani waxay muujinaysaa in WhatsApp ay doonayso inay ilaaliso ujeeddadii asalka ahayd ee ahayd isgaarsiin gaar ah oo ammaan ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku biirtay wadamada kasoo horjeestay qorshaha ay dhowaan ku dhawaaqday shirkadda Meta Platforms Inc, wadamada ka horyimid arrintaan waxaa kamid ah dalka Hindiya, taasoo la xiriirta in WhatsApp-ka lagu soo kordhiyo nidaamka magacyada isticmaaleyaasha (Usernames).
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee WhatsApp u hirgelisay isbeddelkan waa ilaalinta asturnaanta isticmaaleyaasha. Shirkaddu waxay sheegtay in lambarka taleefanku yahay xog shaqsiyeed oo ku xiran dhinacyo badan oo nolosha qofka ah, sida bangiyada, adeegyada dowladda, shaqada iyo xiriirrada qoyska. Sidaas darteed, lama habboona in qof kasta oo cusub si fudud u arko lambarka qof kale.
Tusaale ahaan, marka qof uu ku biiro koox cusub, ka qayb galo shir, ama la kulmo qof ganacsi, waxaa hore loogu baahnaa inuu bixiyo lambarkiisa taleefanka. Hadda, halkii uu lambarka siin lahaa, wuxuu wadaagi karaa magaca isticmaale oo keliya, taasoo yareynaysa halista in lambarkiisa loo isticmaalo spam, khiyaano ama wicitaanno aan loo baahnayn.
Tallaabadaaan ayaa laga muujiyay walaacyo xooggan oo ku aaddan dhanka amniga ah gaar ahaan dal muddo ku dhow labaatan sano la daalaa dhacayay dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan ee Islaamiyiinta.
Horraantii bishaan gudaheeda barta WhatsApp ee kuwada xiriir kumanaan dadyowga caalamka waxay billowday inay u oggolaato isticmaaleyaasha inay sii qabsadaan magacyo gaar ah (Unique usernames), kuwaas oo la filaayo in si rasmi ah loo hawlgeliyo dabayaaqada sannadkan.
Tallaabadan waxay qayb ka tahay qorshaha Meta ee ah in ku dhowaad 3 bilyan oo isticmaale oo WhatsApp ah ay iskula xiriiri karaan iyagoo aan isu baahnayn inay isdhaafsadaan lambarradooda taleefoonka.
Inkastoo nidaamkan uu la mid yahay habka ay u shaqeeyaan baraha bulshada sida Instagram iyo Facebook, WhatsApp waxay caddeysay in uusan noqon doonin madal bulsho. Ma jiri doono buug dadka lagu raadiyo ama talooyin muujinaya dadka aad ku dari karto. Sidoo kale, magaca isticmaalaha laguma xiriirin doono bogagga kale ee Meta haddii uusan isticmaaluhu isagu dooran.
Tani waxay muujinaysaa in WhatsApp ay doonayso inay ilaaliso ujeeddadii asalka ahayd ee ahayd isgaarsiin gaar ah oo ammaan ah, halkii ay ka noqon lahayd goob lagu dhiso shabakad bulsho. Sidaas darteed, isticmaalayaashu waxay sii wadan doonaan inay gacanta ku hayaan cidda la xiriiri karta iyo cidda arki karta xogtooda.
Faa’iidooyinka kale ee muuqda waxaa ka mid ah fududeynta xiriirka ganacsiyada iyo macaamiisha. Ganacsiyada yaryar, shirkadaha, ururrada iyo hal-abuurayaasha ayaa awood u yeelan doona inay yeeshaan magacyo isticmaale oo fudud oo ay macaamiishu si sahlan u xasuusan karaan. Tusaale ahaan, halkii shirkad ay ku qori lahayd lambarka taleefankeeda boorar ama xayeysiisyo, waxay soo bandhigi kartaa magaca isticmaalaha ee WhatsApp.
Xirfadaha & Teknolojiyada
Shirkada WhatsApp-ka oo sameysay isbeddelladeeda ugu waaweyn abid, iyadoo ka gudbaysa lambarrada taleefanka
WhatsApp oo sameysay isbeddelkeedii ugu weynaa abid: magacyada isticmaalaha oo beddelaya lambarrada taleefanka.

Shirkadda WhatsApp ayaa ku dhawaaqday mid ka mid ah isbeddelladii ugu waaweynaa ee soo mara tan iyo markii la aasaasay adeegga farriimaha. Isbeddelkan cusub wuxuu meesha ka saarayaa ku tiirsanaanta lambarka taleefanka oo keliya, isagoo u oggolaanaya isticmaaleyaasha inay yeeshaan magac isticmaale (Username) oo ay kula xiriiraan dadka kale. Tallaabadan ayaa loo arkaa horumar weyn oo dhinaca asturnaanta, amniga iyo fududeynta isticmaalka barnaamijka.
Muddo ka badan toban sano, WhatsApp wuxuu ku shaqeynayay nidaam ku saleysan lambarka taleefanka, taasoo ka dhigan in qof kasta oo doonaya inuu kula xiriiro uu khasab ku ahaa inuu helo lambarkaaga gaarka ah. Inkastoo nidaamkan uu fududeeyay xaqiijinta isticmaaleyaasha, haddana wuxuu keenay caqabado la xiriira asturnaanta, maadaama dadka aan si dhow isu aqoon ay si fudud u heli kareen lambarka qofka.
Isbeddelka cusub wuxuu u oggolaanayaa isticmaalayaasha inay doortaan magac isticmaale gaar ah oo ay la wadaagi karaan dadka ay doonayaan inay la xiriiraan. Tani waxay la macno tahay in qof cusub uusan u baahnayn lambarka taleefanka si uu u bilaabo wada sheekeysi, balse uu isticmaali karo magaca isticmaalaha oo keliya. Sidaas darteed, dadka waxay heli doonaan xorriyad dheeraad ah oo ay ku ilaalinayaan xogtooda gaarka ah.
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee WhatsApp u hirgelisay isbeddelkan waa ilaalinta asturnaanta isticmaaleyaasha. Shirkaddu waxay sheegtay in lambarka taleefanku yahay xog shaqsiyeed oo ku xiran dhinacyo badan oo nolosha qofka ah, sida bangiyada, adeegyada dowladda, shaqada iyo xiriirrada qoyska. Sidaas darteed, lama habboona in qof kasta oo cusub si fudud u arko lambarka qof kale.
Tusaale ahaan, marka qof uu ku biiro koox cusub, ka qayb galo shir, ama la kulmo qof ganacsi, waxaa hore loogu baahnaa inuu bixiyo lambarkiisa taleefanka. Hadda, halkii uu lambarka siin lahaa, wuxuu wadaagi karaa magaca isticmaale oo keliya, taasoo yareynaysa halista in lambarkiisa loo isticmaalo spam, khiyaano ama wicitaanno aan loo baahnayn.
Inkastoo nidaamkan uu la mid yahay habka ay u shaqeeyaan baraha bulshada sida Instagram iyo Facebook, WhatsApp waxay caddeysay in uusan noqon doonin madal bulsho. Ma jiri doono buug dadka lagu raadiyo ama talooyin muujinaya dadka aad ku dari karto. Sidoo kale, magaca isticmaalaha laguma xiriirin doono bogagga kale ee Meta haddii uusan isticmaaluhu isagu dooran.
Tani waxay muujinaysaa in WhatsApp ay doonayso inay ilaaliso ujeeddadii asalka ahayd ee ahayd isgaarsiin gaar ah oo ammaan ah, halkii ay ka noqon lahayd goob lagu dhiso shabakad bulsho. Sidaas darteed, isticmaalayaashu waxay sii wadan doonaan inay gacanta ku hayaan cidda la xiriiri karta iyo cidda arki karta xogtooda.
Faa’iidooyinka kale ee muuqda waxaa ka mid ah fududeynta xiriirka ganacsiyada iyo macaamiisha. Ganacsiyada yaryar, shirkadaha, ururrada iyo hal-abuurayaasha ayaa awood u yeelan doona inay yeeshaan magacyo isticmaale oo fudud oo ay macaamiishu si sahlan u xasuusan karaan. Tusaale ahaan, halkii shirkad ay ku qori lahayd lambarka taleefankeeda boorar ama xayeysiisyo, waxay soo bandhigi kartaa magaca isticmaalaha ee WhatsApp.
Sidoo kale, dadka abuura waxyaabaha internetka lagu daawado (Content Creators) waxay heli doonaan hab fudud oo ay taageerayaashooda kula xiriiraan iyaga oo aan shaacin lambarkooda gaarka ah. Tani waxay kordhinaysaa amniga shaqsiga isla markaana fududaynaysa maamulka fariimaha soo gala.
Dhanka amniga, nidaamkan cusub wuxuu yareyn karaa khataraha la xiriira khiyaanada internetka. Maadaama lambarrada taleefanka aysan si fudud u muuqan doonin, waxay adkaan doontaa in dadka lagu bartilmaameedsado fariimo been abuur ah ama isku dayo lagu xado akoonnada. Si kastaba ha ahaatee, isticmaalayaasha waxaa weli looga baahan yahay inay taxaddar muujiyaan oo aysan la wadaagin magacyadooda isticmaale dad aan la aqoon haddii aysan jirin sabab macquul ah.
WhatsApp waxay sidoo kale soo kordhisay adeeg ka caawinaya dadka inay doortaan magac isticmaale ku habboon haddii magaca ay rabaan hore loo qaatay. Tani waxay fududeyn doontaa in qof walba helo magac gaar u ah oo aan la isku khaldin.
Marka adeeggan si rasmi ah u shaqo bilaabo, dhammaan wada sheekaysiyada cusub waxaa lagu bilaabi doonaa magaca isticmaalaha halkii laga isticmaali lahaa lambarka taleefanka. Si kastaba ha ahaatee, dadka hore ugu kaydsan buugga xiriirrada waxay sii wadan doonaan inay u muuqdaan sidii hore, iyadoo isbeddelku inta badan saameyn doono xiriirrada cusub.
Guud ahaan, isbeddelkan wuxuu muujinayaa jihada cusub ee WhatsApp ay u qaadayso adeeggeeda. Dunida maanta oo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira ilaalinta xogta iyo asturnaanta, shirkaddu waxay isku dayaysaa inay siiso isticmaaleyaasha xakameyn dheeraad ah oo ku saabsan cidda heli karta xogtooda. Haddii nidaamkan si guul leh loo hirgeliyo, wuxuu noqon karaa mid ka mid ah horumarrada ugu muhiimsan ee WhatsApp sameyso muddooyinkii ugu dambeeyay.
Gabagabadii, hirgelinta magacyada isticmaalaha waxay calaamad u tahay bilow cusub oo WhatsApp u horseedaya adeeg casri ah oo ammaan badan. Isticmaalayaashu waxay heli doonaan xorriyad dheeraad ah oo ay ku ilaashadaan lambarradooda taleefanka, halka ganacsiyada iyo ururraduna ay heli doonaan hab sahlan oo ay kula xiriiraan macaamiishooda. Isbeddelkan wuxuu xoojinayaa doorka WhatsApp ee ah inuu noqdo mid ka mid ah adeegyada isgaarsiinta ugu kalsoonida badan dunida.
Xirfadaha & Teknolojiyada
Maxaa caalamku uga baqayaa aaladaha ku shaqeeya “Garaadka Macmalka ah ee horumarsan” – Artificial Intelligence
Sababaha looga cabsi qabo aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ayay ka mid yihiin, in mishiinadu ay si iskood ah oo ka madax-banaan aadanaha u shaqayn karaan, iyaga oo amaro iyo tallaabooyin qaadi karaya, in si fudud loogu faafin karo wararka been abuurka ah, inay halis ku noqon karaan shaqooyinka, iwm.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan yeeshay kulankoodii ugu horreeyey ee ku saabsan halisaha ku gedaaman horumarka xawliga ah ee farsamada casriga ah, gaar ahaan, garaadka macmalka ah ee la horumariyey, ama Artificial Intelligence.
Xoghayaha Arrimaha debedda ee Britian James Cleverly oo shirguddoomiyey kulanka golaha ammaanka, maadaama uu bishan July dalkiisu hayo xilka madaxtinimada meertada ah, ayaa sheegay in garaadka macmalka ah ee la horumariyey uu saamayn ballaadhan ku yeelanayo dhinac kasta oo nolosho aadamaha ah.
Wuxuu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in dib loo qaabeeyo maamulka guud ee farsamada casriga ah ee caalamka, sababtoo ah, garaadka macmalka ah ee horumarsani wuxuu noqonayaa mid aan xuduud lahayn, isaga oo saamayn ku yeelanaya, isbedelka cimilada, iyo koboca dhaqaalaha ee caalamka.
Wasiirka ayaa ka digay, in farsamadan casriga ahi ay shidaalka ku sii shubi doonto wararka been abuurka ah, taasoo laga yaabo inay iska hor-keento dalalka iyo weliba ururada aan dawliga ahayn.
15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa warbixin siiyey xoghayaha guud Antonio Guterres, Jack Clark oo wax ka asaasay shirkad cusub oo adeegsata garaadka macmalka ah ee horumarsan, iyo Prof. Zeng Yi oo kaaliye agaasime ka ah xarun cilmi-baadhis oo qaabilsan farsamadan casriga ah.
Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in adeegsiga aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey, gaar ahaan hawlaha milateriga ama kuwa aan milaterigaba la xidhiidhin, inay horseedi karayan tallaabooyin halis ku ah ammaanka iyo xasiloonida caalamka.
Xoghayaha ayaa soo dhoweeyey baaqyo ka imanaya, qaar ka mida dalalka caalamka oo ku baaqaya in la yagleelo hay’ad cusub oo qaabilsan farsamada casriga ah.
Danjiraha Shiinaha ayaa Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey ku tilmaamay inuu yahay seef laba af leh, oo yeelan karta wanaag iyo xumaanba, iyada oo ku xidhan, sida aadanuhu u isticmaalo ama loogu sameeyo shuruuc xakamaysa, ama sida la isugu dheeli-tiro sayniska iyo ammaanka.
Sababaha looga cabsi qabo aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ayay ka mid yihiin, in mishiinadu ay si iskood ah oo ka madax-banaan aadanaha u shaqayn karaan, iyaga oo amaro iyo tallaabooyin qaadi karaya, in si fudud loogu faafin karo wararka been abuurka ah, inay halis ku noqon karaan shaqooyinka, iwm.
Dhinaca kale waxaa Washington ka dhacay kulan kale oo muhiima oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Sayniska Qaranka ee Maraykanku, kaas oo ay hadal ka jeedisay madaxa guddida isgadhsiinta ee Maraykanka, iyada oo lagu soo casumay khubaro kala duwan oo ka kala socda shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta, mac-hadyada qaabilsan dhinaca daraasaadka, hay’adaha federaaliga ah ee Maraykanka iyo daneeyayaal kala duwan.
Kulankan ballaadhan ayaa lagu lafa-gurayey ama wax la iskaga weydiinayey fursadaha iyo dhibaatooyinka ay wataan farsamada casriga ah ee garaadka macmalka ah ee la horu-mariyey ama artificial intelligence.
Bilawgii shirkaba waxaa la isweydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin, Farsamadan casriga ahi, halis badan ma ku keeni kartaa jiri-taanka aadanaha, taas oo u horseedi karta inay dabar-go’aan? Waa su’aal ay dad badani qariibsan karaan, inay tahay mid ay isweydiinayaan khubaro kala duwani, hase ahaatee waxaa cabsida heerkaas gaadhsiiyey mugdiga badan ee ku jira, horumarka ballaadhan ee ay samaynayso farsamada casriga ah, gaar ahaan, aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee horumarsan.
Guddoomiyaha Guddida Isgaadhsiinta ee Maraykanka Jessica Rosenworcel ayaa sheegtay inay wanaaga ay ka rajaynayso farsamadan casriga ahi, inay ka badan tahay halista ku gedaaman, gaar ahaan marka laga hadlayo, habka looga faa’iidaysanayo farsamadan casriga ah iyo saamaynta ay ku yeelan karto shaqooyinka ay aadanuhu qabtaan, maadaama ay soo baxayaan mishiino iyo aalado kale oo casri ah oo ku shaqaynaya garaad macmal ah oo aad u horumarsan. Sidoo kale waxaa Iyana aan meesha laga saari Karin, su’aalaha laga qabo, saamaynta ay ku yeelan karaan dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka caalamka.
John Chappin oo ah la taliye sare oo ka tirsan machadka sayniska qaranka ayaa sheegay “in haatan la gelayo, kacaankii ama fufkii, garaadka macmalka ah oo horumarsan” taasoo uu ku tilmaamay inay ka mid tahay, “is-bedelleda jiilalka ee farsamooyinka casriga ah” wuxuuna intaas raaciyey in loo baahan yahay in dib loo eego fikradaha aasaaska u ah nidaamyada isgaadhsiinta”.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la isu keeno oo ay dood ka yeeshaan, khubaro aqoon durugsan u leh farsamada casriga ah iyo khubaro kale oo fahamsan, waxyaabaha ay doonayaan macaamiishu iyo xeerarka lagu dhiqi karayo.
Nathan Simington oo ah xubin ka tirsan guddida isgaadhsiinta ee Maraykanka, ayaa farta ku fiiqay, inkasta oo farsamada casriga ahi ay marar badan ku timaado, hannaan la sii saadaalin karo, haddana wuxuu sheegay in haatan ay si lama filaana ay wax waliba u socdaan, isaga oo tusaale u soo qaatay, in hal habeen uun lagu war-helay soo ifbixitaanka ChatGPT oo ku shaqeeya garaadka macmalka ah oo horumarsan, kaas oo saamayn ballaadhan ku yeeshay hab nololeedka.
_____
Xigasho warbaahin: Qoraalkaan ayaa markii hore lagu daabacay VOA Somali. Warbixintan waxaa qaybo ka mida qortay Julie Taboh sidoo kale waxaa ku jira xigashooyin laga soo qaatay wakaaladda wararka ee Reuters
Xirfadaha & Teknolojiyada
Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo xarrunteeda ka qabsoomay bandhigga kulliyadaha waxbarasho
Sida aan wada ogsoonahay, xiisaha aad u qabto bilaabista jaamacad ayaa ah qodobbada ugu waaweyn marka la tixgelinayo barnaamij waxbarasho ee jaamacaddeed. Maxay kaga duwan tahay jaamacaddan jaamacadaha kale ee dalka ka jira?

Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ayaa maantoo khamiis tahay ku qabatay Xarruunteeda dhexe ee Muqdisho Bandhigga Kulliyadaha ay Jaamacadda heeyso. Bandhigan gaarka ah ayaa waxa ka qaybgalay arday badan oo xiiseeynaya in ay kusoo biiran jaamacadda iyo u heellan inay galaan safarka ay ku noqonayaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, madaama Jaamacadda caan ku tahay cilmiga maamulka, siyaasadda, iyo Dhaqaalaha.
Bandhigga ayaa ku bilawday soo dhaweyn iyo khudbadd xiiso leh uu jeediyay, Madaxweyne xigeenka Jaamacadda, Mudane Jibriil Maxamed, isagoo ku soo dhaweeyay ardayda xiiseynaysa jaamacadda, isla-markaana waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Jaamacadda soo saarista hoggaamiyeyaasha mustaqbalka iyo kobcinta hal-abuurkooda. Xiisaha ardaydu Jaamacadda u haayan ayaa ahayd mid aad loo ga dareemay sida xamaasadda leh ay su’aalo uga weeydiin Kulliyadaha Jaamacadda heeyso gaar ahaan darajada 1-aad oo jaamacaddu muddo saddex sano ku bixiso.
Jaamacadda iyada oo qiraysa muhiimadda ay leedahay in la helo fursaddo loo simanyahay ayaa waxa ay kaloo Bandhiga intuu socday kusoo soo bandhigtay deeqda waxbarasho ee Aadan Cadde, taasoo xoojinaysa himilada Jaamacadda si ay u xoojiso ardayda dabaqad kasta ka timid. Deeqdan ayaa jaamacadda uga Dan leedahay cidna inaan banaan cidlo loo ga tagin dhaqaale daro awgeed.
Sida aan wada ogsoonahay, xiisaha aad u qabto bilaabista jaamacad ayaa ah qodobbada ugu waaweyn marka la tixgelinayo barnaamij waxbarasho ee jaamacaddeed. Barashada maaddooyin aad xiisaynayso waxay noloshaada jaamacaddeed ka dhigaysaa mid aad u fudud oo xiiso badan leh. Waxaana marwalbo wanaagsan in waxbarashadaada jaamacaddeed iyo hadafkaaga nololleed ee aad rabto inaad xaqiijiso inta aad dunida joogto ay islahadaan.
Ardayda qaarkood waxaa maskaxdooda marwalbo ku jira oo ay ogyihiin jaamacadda ay dhigan lahayeen oo wakhti horeba qalbigooda degtay, taasoo ay u arkaan inay ka kororsan doonaan cilmi iyo sharaf ku sumadaysan shahaadada jaamacadda. Halka qaar kalena ay doortaan jaamacad laga heli karo kuliyadaha waxbarasho ee ay xiisaynayaan.
Marwalbo oo aad jaamacad aadayso waxaad u baahan tahay inaad raadiso jaamacad ku habboon yoollalkaaga mustaqbalka. Jaamacad aad ka heli karto kuliyadaha aad dhiganayso iyo sidoo kale maaddooyinka lagu dhigo kuliyada waxbarasho ee aad xiisaynayso. Tartanka adag ee suuqa shaqada ee sii kordheysa awgeed, waxay noqotay in muhiimad gaar ah la iska saaro Tayaynta Nidaamka Waxbarashada Jaamacaddeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka caalamka. Isbeddelkaas socda awgeed, waa muhiim inaad doorato jaamacad iyo kuliyad waxbaarasho jaamacaddeed oo kaa caawin karaayo hadafyada aad hiigsanayso mustaqbalka fog.
Mala socotaa Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha inay tahay jaamacaddii ugu horreysay ee Afrika laga furay ee bixisa takhasusyo gaar ah? Jaamacadda waxay bixisaa labo kulliyadood oo baahi weyn loo qabo oo kala ah Kuliyadda Dowladnimada & Difaaca iyo Kullliyada Dhaqaalaha, Hal-abuurka & Maamulka.
“Ujeedka koowaad ee jaamacadda ayaa ah in jiilka cusub yeeshaan saameyn isbeddel xooggan leh, iyada oo loo marayo hal-abuurka joogtada ah oo ku saabsan siyaasadda guud, amniga, cilmi-baarista, dhaqaalaha, iyo hal-abuurka ganacsiga si dadku ay ugu noolaadaan nabadgelyo iyo caddaalad la taaban karo.” – Ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed Jibriil, Madaxweynaha Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha.
Jaamacadu waxay sidoo kale bixisaa fursado aad ku qaadan karto koorsooyin leh shahaado oo Online-ka ah oo waliba qaarkiis maalmo kooban aad ku qaadan karto ugu badnaan bil. Iyadoo ujeedka koowaad yahay sidii bulshada qeybaheeda kala duwan loo horumarin lahaa, gaar ahaan dadka raadinaayo fursado kale ay ku horumariyaan naftooda, si kor loogu qaado xirfadaha iyo inay aqoon dheeraad ah ku kordhiyaan CV-yadooda.
Xirfadaha & Teknolojiyada
Saameynta Robot-yada Mustaqbalka

Aalada casriga ah ee loo yaqaan Robotic ama Robots-ka waa mashiino soo shaac baxay dhexdhexaadkii qarnigii 20aad aadna u qabsaday dunida qarnigan hada lagu jiro ee 21aad. Mashiinadan waa aalodo tikjnoolajiyadeed hoos taga daraasad cilmiyeedka oo loo yaqaan Artificial Intelligence oo ah in mashiinada loo borogaraamiyo in ay u dhaqmaan sida bini’aadamka oo kale.
Mashiinadan waxa ay arag ahaan ku shaqeeyaan aaladaha araga sida kaamirooyinka iyo ilaha artificial-ka ah, maqal ahaanna waxay u isticmaalaan microphones-ka. Aalada robotka waxa laga sameeyaa matooro isku tagay iyo jir artifical ah, waxaana hago ama koontoroolo badanaa bini’aadamka laakiin mustaqbalka dhaw waxaa la rajeenayaa in robot-yadu ayaga 100% iskood wax u qaban doonaan si atomatik ahna loo borogaraamiyo.
Sida aan wada ogsoonahay waxaa lagu jiraa qarniga 21aad oo ah qarni ku caan baxay tiknoolajiyada, loogu magac darayna “qarnigii tiknoolajiyada”. Qarnigan waa qarni adduun weynaha uu ku loolantamaayo soo saarida mashiinada casriga ah ee Robots-ka haddii ay ahaato robot-yo qabanaayo howlo kala duwan sida: Robot kabalyeeri ah, Robot darawal ah iyo mid askari ah oo loo addeegsado dagaalada. Aaladan robot-ka waa aalad badashay nolosha aadanaha sanadihii u danbeeyay, ayadoo ku yeelatay nolosha bini’aadamka saameyn aad u weyn.
Injineerada naqshadeeya Robots-ka ayaa ku howlan in mustaqbalka dhow robot-yada loo ekeesiiyo sida bini’aadamka oo kale. Waxay injineeradu kadhigi doonaan robot-yada kuwa leh jidh artificial ah oo u ek kan aadanaha, timo buruko ah iyo indho kamuuqaal sareeya kuwa bini’aadamka, sidoo kale in robot-ka uu dareemi karo taabashada, la dhaqmi karo aadanaha.
Robot-yada shaqooyin badan bay la wareegi doonaan mustaqbalka
Waqtigan lagu jiro Robot-yadu waxa ay si tartiib ah ula wareegayaan shaqooyin badan oo awal bini’aadamka qaban jiray sida in ay robot-yadu kashaqeeyaan maqaayadaha, noqdaan kuwa dalabka qaada sidoo kale robot-yada waxa ay noqdeen kuwa awood u leh in ay sameeyaan kafeyga, waxay kaloo qabtaan shaqooyin badan sida in ay haggaajiyaan guryaha, wadi karaan gawaarida, noqdaanna kuwa tilmaamaha bixiya.
Inkastoo shaqooyinkan aysan 100% la wareegin robot-yada laakiin waxaa soo badanaya ganacsadayaasha adeegsado robots-ka. Waxaa la saadaaliyay in mustaqbalka dhaw 2077 iyo wixii kadanbeeyo 40% shaqooyinka lawareegi doonaan robot-yada, waxaa kaloo laga cabsi qabaa in robot-yadu lawareegaan shaqooyin-ka kusaleysan maamulka.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Sirdoonka & Militariga3 months agoWafdi jeneraallo ah oo ka socda dalka Turkiga oo soo gaaray magaaladda Muqdisho
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Diblomaasiyadda3 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Ameerika3 months agoMareykanka oo baadigoobaya muwaadin asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Yurub2 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya oo walaac ka muujisay suuq xumo la xiriirta khaadka maandooriyaha ay u soo dirto Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Arrimaha Amniga3 months agoHoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu qabtay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya
Arrimaha Amniga2 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Soomaaliya3 months agoMareykanka oo si weyn ugu carootay rag ka tirsan CXDS kuwaasi oo ku istaagay calanka dalka Mareykanka
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Arrimaha Amniga2 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Sirdoonka & Militariga1 month agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM









































