Connect with us

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Tilmaan Guud iyo Dardaaran

Published

on

 


Waxa aynu og nahay qiimaha cilmiga iyo aqoonta, oo aan sharraxaad badan iiga baahnayn. Marka aynu doonayno in aynu tartanka dunida kaalin sare ka galno, waxaa muhiim ah in aynu u dhug yeelanno in bulshooyinka dunidu ay isku dhaafeen aqoonta iyo akhlaaqda. Sidaa darteed waxaynu baahi weyn u qabnaa waxbarasho tayo leh oo ay saldhig u tahay tacliinta madeniga ah, farsamada tiknoolajiyadda oo horumarsan, tarbiyad la dabbaqo, qiyam bulsheed la ilaaliyo kuwaas oo dhammaan halbeeggoodu yahay dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamku.

Nolosha aadamaha waxaa aasaas u ah lammaanaha Ilaahay isu sameeyay. Unug bulsheedka qaran ka bilaabmaana waa qoyska. Marka reer la aasaasayo wuxuu ka bilaabmaa ninka iyo gabadha. Waxaa aad layaab u ah in aan wiilka iyo gabadha midkoodna aannu hannaanka qoyska ku soo baran tacliinta nidaamiga ah iyo mid aan nidaami ahayn midna. Inta badan waxaa lagu bartaa bawsi iyo cilmi dhegood ama tilmaamo guud oo waalidka iyo facaaga laga helo. Labo kasta oo dhallinyaro ah oo is guursadaana waxay nolosha qoysku ku tahay kacaakuf iyo inay isku bartaan reernimada.

Haddaba, si qoysku u waaro midho fiicanna u soo saaro waxaa muhiim ah in uu jiro hab-aaca guurka iyo hannaanka isqabitaanka ee ay labada ruux nolosha u wadaagayaan in la cilmyiyeeyo oo ay jirto tacliin, talooyin iyo dardaaran waalid oo guriga lagala yimaaddo. Qayb lagu dhigto jaranjarrada tacliinta hadba wixii ku habboon iyo meelo u gaar ah oo lagu barto ama xafiisyo la-talineed oo wixii dhib ah lala kaashado.

Dadka Somaliland iyo guud ahaanba dadka Soomaalida intiisa badan waxaa ragaadiyey musuqmaasuqa. Musuqmaasuqa badanaa waxaa saldhig u ah Iimaan la’aan, baahi iyo marka aannu jirin hannaan ilaashani. Musuqu wuxuu sii beeraa saboolnimo. Waxaanay baahidii abuurtay ma-shaqaystannimo iyo dhaqankii wanaagsanaa ee wax isa siinta oo isu rogay isku tiirsanaan dhaqaale iyada oo ugu danbayn dhaxalsiisay sabool sabool ku tiirsan. Dhaqaalihii oo curyaama iyo baryo aan la iskula yaabin oo magaca shaxaadka loo bixiyey. Waxaanad arkaysaa wiil la biilinayo isaga, aabbihii iyo awoowgii intaba oo haddana noloshu caadi isaga tahay, isaga oo aan saddex jiil shaqaysan. Waxaynu u baahannahay isbeddelka salka ah iyo horumarinta dhaqanka (cultural revolution and development) oo ay saldhig u tahay in musuqmaasuqa xididdada loo siibo, iyada oo la xoojinaya in muruqa iyo maskaxdaba la maalo oo la yeesha halbeeg-sharafeed ummaddu higsato oo kor loogu qaaday hankooda shaqo iyo hayntooda dhaqaalaba. Abwaankii Soomaaliyeed wuxuu yidhi:

In kastuu dhabcaal go’an yahuu, kuu dhadhamo diido,

Isagoo dharaar maqan koluu, dumar wax kuu dhiibo,

Dhan aad uga dhacdaba maal tolkaa, waad dhadhamisaaye,

Waa dhaawac kugu yaal bahdaa oo dhaqasho diiddaaye.”

Siyaasadda saranseertay ee dalkayga ku habsatay maalintii xornimada la qaatay ayaan u tiirinayaa gaabiska naftayda iyo guuldarrada dawladnimada ee dadkayga ku dhacay, sida aan qaybta hore ee buugga ku soo xusay. Waxaan muddo toban sano ka badan ku foogganaa siyaasadda oo aan u galay bal in aan dalkayga isbeddel khayr-qaba oo horumar u horseedo qayb ka noqon karo oo ka samayn karo, dadkaygana hoggaan ay ku daydaan u noqon karo, diintaydana ilaalin karo. Muddadii dhawr iyo tobanka sano ahayd ee aan ka ag dhowaa ama ku soo jiray siyaasadda, waxaan arkay dad badan oo khalad ka fahmay, oo reernimo ama dhaqaale aad ka heshaan u galay, in badan oo ku hafatay oo ay waxyeeshay ama dadkiisa wax ku yeelay, qaar ay ka luntay jahadii oo dhinac kale u kacay, iyo qaar ay kala luntay himiladii ay lahaayeen. Way jiraan qaar badan oo halkii ay doonayeen gaadhay, laakiin aan dadkiisa gaadhsiin halkii ay u baahnaayeen. Weli waxaan daba joogaa himiladii aan doonayay, waxaanan rejaynayaa in aan gaadho.

Guusha iyo guuldarrada siyaasaddu waa waxa is dhaafiyey Maraykan iyo Mexico, oo ah labo dal oo isku xiga. Waxa is dhaafiyey waa hoggaamiyayaashii soo maray, oo qaarna ku guulaysteen himiladii ay lahaayeen iyo meeshii ay dadkooda la higsanayeen oo ahayd in ay noqdaan dawladda ugu xoogga badan dunida iyo dad laga haybadaysto; qaarna waxaa ku fillaatay in ay kursiga gaadhaan iyo inay ugu danaystaan sida ay doonayaan, dadkooda iyo dalkoodana khasaare u horseedaan.

Haddaba haddii aad diidday in lagu hoggaamiyo, oo aad doontay in aad wax hoggaamiso heerka uu doono ha ahaadee, waa in aad hankeedii leedahay, aqoonteedii leedahay ama raadsataa cid leh, kartidii iyo dedaalkii loo baahnaa la timaaddaa oo sida ay hoggaankooda kuugu dhiibeen naftaada ugu hurtaa oo wakhtigaaga u hibaysaa. Waa in aad ogaataa in ummadi ku sagayso oo aad masuul ka tahay, xilkeediina ku saaran yahay oo lagaala xisaabtamayo if iyo aakhiraba.

Wakhtigii noloshayda waxaan aaminsanahay in aanan uga faa’iidaysan sidii ugu fiicnayd. In kasta oo aan dedaalay waxaa iga dayacmay wakhti badan oo i soo maray. Intii aan kacaamay badankeeda waxaan isku deyi jiray in aan ilaashado wakhtiga waxaanan u qorshaystay qaab uu aniga ii cajabiyay oo aan isku dayo in aan ilaaliyo, in kasta oo ay dhacdo in uu isu guurguuro ama isdaba maro. Mararka qaarna aan waafajin kari waayo sidii aan qorshaystay oo ahaa toban saacadood oo shaqo ah, labo saacadood oo nasasho ah, siddeed saacadood oo hurdo ah, saacad jimicsi ah, saddex saacadood oo cibaado ah.

Wakhtigu wuxuu tiir dhexaad u yahay ka faa’iidaysiga nolosha iyo in aad guul ku tallaabsato. Ilaalinta wakhtiguna waa arrin muhiimad weyn leh, qofka dedaalaya waxaa ku yaraada wakhtiga oo wuxuu doonaa in wakhtiga loo kala jiidi lahaa haddii ay dhacayso, in badan oo bulshada ka mid ahina waxay raadiyaan qaab ay wakhtiga u lumiyaan ama ay isku mashquuliyaan, iyaga oo moog qiimaha wakhtiga ay luminayaan ama dayacayaan. Dadka guulaystay ee taariikhdu xustay waxay u badan yihiin dadkii wakhtigooda sida dhabta ah uga faa’iidaystay.

Muhiimadda wakhtigu waa waxa keenay in dadkii ka faa’iidaystay ay tusaale lagu daydo u noqdaan nolosha. Waxaynu daraasaynaynaa taariikhda qarniyadii tegay iyo sooyaalkii ummadahii dunida soo maray. Taariihdu waa wakhti tegay, waxaana bilawgii buugga ku soo bilaabay taariikhda facayga iyo halka ay ka xidhan tahay taxanaha xidhiidhsan ee dadkayga. Sidoo kale waxaan ku soo gunaanadayaa raadka taxanaha casriyadii ay soo mareen bulshada Islaamka ee aan ka midka ahay.

Akhrinta taariikhda iyo tilmaamaha guud waxaa ka mid ah ogaanshaha casriyadii kala duwanaa ee Islaamka, xilliyadii uu hormuudka ahaa iyo xilliyadan casriga ah, taas oo aan u doortay in aan u kala qaado qormada buuggan toddoba casri iyo maamulladii kala duwanaa ee xilligaa, laga soo billaabo Nebi Maxamed (SCWS) oo ahaa Aasaasihii iyo Hormuudkii Islaamka. Bilawga iyo aasaaska hannaan maamul, kala danbayn iyo haykal dawladeed waxa markii ugu horreysay dhagax dhigay Rasuulku (SCWS) isaga oo Maka ka hijrooday, fadhiisinkii ugu horreeyeyna ka sameeyay Madiina. Waana bilawga tirsiga taariikheed ee Hijiriga. Halkaasi oo uu ka unkamay unuggii ugu horreeyey ee maamul Islaam ahi (1-11H – 622-632CD). Geeridiisii ka hor, maamulkiisu wuxuu gaadhay inta badan ee jasiiradda Carbeed.

Rasuulka (SCWS) geeridiisii ka dib, saxaabadiisu waxay doorteen Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali bin Abii-Daalib. Casrigan waxaa loo yaqaanaa wakhtigii Khullafa-Raashidiinta. Waa Casrigii labaad ee dawladdii Islaamka (11-40H. 632-661CD). Xarunta looga taliyaa waxay ahayd Madiina, waxaana maamulkoodii gaadhay mandaqadda Shaam, Ciraaq ilaa Masar. Casrigii saddexaad waxa billaabay Mucaawiye, waxaana loo yaqaanaa casrigii Umawiyiinta oo ahaa muddo 90 sannadood ah (41-132H. 661-750CD), xarunta looga taliyaana waxay ahayd Dimishiq, dalka Suuriya.

Maamulkani wuxuu gaadhay qayb ka mid ah Afrika ilaa Yurub (Andulus). iyadoo xagga barigana ku fiday Hindiya ilaa Shiinaha. Waxaa maamulkii saxaabadu ku soo gebageboobay Casrigii afraad. Waxaa loo yaqaanaa casrigii Cabaasiyiinta oo ahaa muddo 508 sannadood ah (132-656H. 750-1258CD). Xarunta looga taliyo Islaamka waxay ahayd Baqdaad, Ciraaq. Maamulkani wuu sii fiday waanu sii xoogaystay ilaa laga soo gaadho xilligii uu burburay, oo ugu danbayna ay cagta mariyeen gulufkii Mangooliyiinta, ee loo yaqaan Tataarka, oo uu hoggaaminayay Jankis Khaan iyo hormuudkii ciidamadiisa ee Hoolaako.

Casrigii shanaad ee Mamaaliikta wuxuu ka soo farcamay maamulkii Masar ka jiray waxa aannu jebiyey ciidamadii xoogga badnaa ee Taraarka ee soo burburiyey hoggaankii Dawladii Islaamka, Waxaana Muslimiinta Hoggaankii u kala danbeeyay Dawladdii Mamaaliikta, oo loo yaqaana Casrigii Mamaaliikta (648-922H. 1250-1517CD). Wuxuu si laxaad leh ugu sii fiday qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Yurub. Xarunta looga taliyaa waxay ahayd Qaahira, Masar, ilaa uu talada kala wareegay hoggaankii Cismaaniyiintu. Casrigii Lixaad ee Dawladdii Cismaaniyiinta (922-1329H. 1517-1924CD), oo markii uu kala burburay maamulkii Mamaaliikta ay hgogaanka si xooggan ula wareegay dunida islaamkana ka talinayay illaa laga soo gaadho 1924, oo uu burburay isla markaana uu ku dhawaaqay Mustafe Attaatoork Jamhuuriyadda Turkiga ee Cilmaaniga ah. Xilligaa ayaana ugu danbaysay maamul muslimiinta u dhexeeya. Casrigan 1924 ilaa maanta dalalka Islaamku waxay yihiin 56 dawladood oo ay badankoodu ka yihiin muslimiintu, iyo dawlado kale oo ay qayb hoose ka yihiin sida dalka Hindiya oo ay ku nool yihiin maalaayiin Muslimiin ah.

Taariikhdan kooban ee sare waxaa la socday dhaqankii ay lahaayeen ummadahaasi oo ahaa dhaqanmo wanaagsan. Iyadoo laga yaabo in ay jireen waxyaalo caadooyin ah oo xun oo waxyeelo ku ahaa horumarka iyo aqoontaba, haddana guud ahaan dhaqankoodu wuxuu ahaa hab nololeed ku dhisan aqoon, tijaabooyin iyo xikmad kaas oo bulshada u ahaa ilaaliye iyo iskuxidhe.

Dunida Galbeedka ee maanta hoggaamisa inta badan aqoonta iyo ilbaxnimada waxay soo mareen marxalado kala duwan oo aad u qallafsan. Waxaa jirtay xilliyo ay halakeeyeen dhibaatooyin iyo gumaysi dagaallo sokeeyo, iyagoo inta badan ee dunida soo gumaystay iyagana qaarkood isa soo gumaysteen ilaa laga soo gaadhay dagaalkii 1aad ee dunida iyo dagaalkii 2aad ee dunida oo nafo badan iyo dhaqaale badan lagu waayay dib u dhac iyo saamayn xunna dunida oo dhan ku lahaa.

Waxaa iyaduna u dhexaysay welina aan dhammaan tartanka nolosha oo ah sunnada, nolosha iyadoo lagu tartamayo aqoonta, farsamada, ilbaxnimada iyo halbeeg nololeedka bulshada. Haddaba xilliyadii badnaa ee ay soo mareen oo wax wanaagsan iyo wax xunba lahaa, waxaan jecelahay in aan ka soo qaato xilliga ay u bixiyeen Iftiiminta (Enlightment), oo hirdankii ka dhex jiray Diinta, Dhaqanka iyo Ilbaxnimadu uu keenay in horumar badan oo xagga nolosha ah ay ku tallaabsadaan in kasta oo diintii iyo dhaqankoodiina uu dhibbane u noqday, dadyawga kale iyo diimaha kalana laga yaabo in dhibi ka soo gaadhay arrintan. Waxaan jecelahay in aan ka soo qaato taariikhdan inteeda wanaagsan.

Xilligan Iftiimintu oo ahaa bilowgii qarnigii 17aad ilaa kii 18aad oo ku sinnaa1685-1815 waxa uu ahaa xilli aad muhiim ugu ah koboca garaadka, falsafadda iyo aqoonta. Xilligani waxa uu baro bixiyey oo meesha ka saaray nidaamyadii taqliidiga ahaa iyo dawladihii ku dhisnaa boqortooyada, oo loo arkayey in ay caqabad ku yihiin horumarka garaadka iyo aqoonta qofka iyo bulshadaba.

Xilligaa waxa xoogaystay aragtida ah in adeegsiga cilmiga iyo caqliga oo wada socda lagu gaadhi karo horumar iyo barwaaqo, waana laga lib keenay arrintaa iyada oo guulihii ka dhashay isbeddelkaa aadamigu si weyn u mahadiyey; hadday tahay xagga siyaasadda, dawladnimada, falsafadda, culuunta daawada, isgaadhsiinta, iyo gaadiidka iyo waxsoosaarka oo isku furay dunidii kala xidhnayd. Aragtida xilligan Iftiimintu waxa ay salka ku haysay in wixii aqoon dunida jirta la soo qaato, iyada oo aan lahaanshaheeda cid gaar ah loo eegayn. Waana halkaa halka aqoontii soojireenka ahayd ee Islaamka iyo aqoonta cusub ee reer galbeedku iskala falgaleen, ee midhaha ka dhashay u noqdeen kuwo manfacooda la wada leeyahay.

Gebagebadii dunidu waa mid keliya, aadamigana Ilaahay baa abuuray oo karaameeyey, Nabi Muxammadna (SCWS) waxa loo diray dunida oo dhan si uu  uga saaro mugiga aqoondarrada, una gaadhsiiyo diinta iyo cilmiga, oo ah iftiinka nolosha. Wax kasta oo wanaagsan oo maanta ka muuqda dunida horumartay waa mid salka ku haya diinta oo si cad inoogu tilmaantay, hadday tahay ka faa’iidaysiga waqtiga, dhawrista axdiga iyo ballamaha iyo macaamilka wanaagsan ee aadamaha ka dhexeeya. Xikmaddu waa garashada waxa wanaagsan iyo halka loogu hagaagayo, garashaduna waa adeegsiga xikmadda si loo helo barwaaqo, badhaadhe iyo horumar, loogana badbaado belo iyo baas.

Facebook Comments Box

Waa qoraagga Buugga ‘Miyiga Ilaa Madaxtooyada’ Xirsi Cali Xaaji Xasan waa wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada ee Maamulka Somaliland. Waxa uu saaxadda siyaasadda Maamulka Somaliland ku biiray dabayaaqada sanadkii 2007. Waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa wasiirka ugu awoodda badan, uguna firfircoon 26-ka wasiir ee xukuumadda Kulmiye ka koobnayd xilligaas. Dhinaca waxqabadka waxa uu aad u dhiirrigeliyaa, xil weyna iska saaraa arrimaha horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan dhismaha waddooyinka. Xirsi Cali buugga uu qoray waa buuggii kowaad ee silsiladda buugaagta Dhaxalgalka ah, waa taariikhnollolleed. Intiisa badan waa taariikh ku saabsan qoraagga wuxuuna yiri "waa taariikhdii noloshayda, min dhalasho ilaa hadda"

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Taariikhda dhiiga badan ku daatay ee qowmiyadaha Hutu iyo Tutsi-ga waxay soo ifbaxday qarnigii 20-aad, laga soo bilaabo 1972-kii. Xasuuqii Ruwaanda, halkaas oo 100 maalmood oo kaliya ay maleeshiyada Hutu beegsadeen Tutsiga, ilaa 800,000 ay ku dileen. Xaqiiqdii shacabka iyo dowladda Ruwaanda waxay u tahay taariikh madow oo u baahan in si gaar ah ay u xasuusnadaan. Laakiin dalalka kale ee Afrikaanka ah sida Soomaalida oo kale maxay ka baran karaan?

Published

on


Intii u dhaxaysay bilihii Abriil iyo Juun1994, waxa lagu qiyaasay 800,000 oo reer Ruwanda ah in lagu dilay 100 maalmood gudahood. Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen Tutsiga – inta badan kuwa rabshadaha gaystay waxay ahaayeen Hutu.

Intii lagu guda jiray xasuuqii Ruwaanda ee 1994, sidoo kale loo yaqaano Xasuuqa ka dhanka ah Tutsi-ga ee Ruwaanda, xubnaha qawmiyada Hutu ee ugu tirada badan ee ku nool dalka bariga-dhexe ee Afrika ee Ruwaanda ayaa dilay ilaa 800,000 oo qof, oo u badnaa Tutsiga laga tirada badan yahay. Xasuuqa Hutiyiinta ay ka bilaabeen caasimadda Kigali, ayaa si xawli ah ugu faafay dalka oo dhan waliba si xawli iyo arxan darro ah, iyadoo shacabka caadiga ah ay ku kicinayeen mas’uuliyiinta deegaanka iyo xukuumadda Hutu-ga si ay hubka ugu qaataan deriskooda ku dhow. Markii Jabhadda Waddaniga ah ee Ruwaanda ee Tutsi-gu hogaminayo ay xukunka dalka ku qabsadeen weerar millatari horraantii bishii Luulyo 1994, boqollaal kun oo reer Ruwaanda ah ayaa ku dhintay, 2 milyan oo qaxoonti ah (oo u badnaa Hutu) ayaa ka qaxay Ruwaanda.

Xasuuqa ayaa ka dhashay geeridii Madaxweynihii Ruwaanda Juvenal Habyarimana, oo ka soo jeeday qowmiyadda Hutu, markii diyaaradii uu la socday lagu soo riday hawada sare ee garoonka Kigali 6-dii Abriil 1994-tii. Laakin geerida madaxwaynuhu sinaba uma ahayn sababta kaliya ee keentay xasuuqii ugu waynaa ee Afrika ka dhaca wakhtiyadan casriga ah.

Taariikhda Xiisadaha Qoomiyadaha Ruwaanda

Xiisaddaha qowmiyadeed ee Ruwaanda wax cusub maaha. Waxaa mar walba jiray khilaaf u dhexeeya Hutu-ga aqlabiyadda ah iyo Tutsiga laga tirada badan yahay, laakiin cadaawadda u dhaxaysa ayaa aad u sii balaaranaysay ilaa xilligii gumaysiga.

Labada qoomiyadood runtii aad bay iskaga shabahaan – isku af bay ku hadlaan, isku meel bay wada degaan, isku dhaqanna way yihiin. Si kastaba ha ahaatee, dadka Tutsiga ah ayaa inta badan ka dheer kana dhuuban Hutu, iyadoo qaarkood ay leeyihiin asalkoodu waa Itoobiya, marna waxaa la sheegaa inay Soomaali yihiin.

Intii uu socday xasuuqa, ayaa meydadka Tutsiga waxaa lagu tuuray wabiyada, iyadoo gacan ku dhiiglayaashii ay sheegeen in dib loogu celiyay Itoobiya.

Markii gumaystihii Belgian-ka yimid 1916-kii, waxay soo saareen kaarar aqoonsi oo ay dadka u kala saarayeen qowmiyadaha ay ka soo jeedaan. Belgian-ku waxay u arkayeen Tutsiga inay ka sarreeyaan Hutuga. La yaab ma leh, Tutsiga ayaa soo dhaweeyay fikradan, 20-ka sano ee soo socdana waxay ku raaxaysanayeen shaqooyin iyo fursado waxbarasho oo ka wanaagsan kuwa deriska la ah.

Carada Hutu-ga ayaa si tartiib tartiib ah u kordheysa, taasoo ku dhammaatay rabshado isdaba joog ah 1959. In ka badan 20,000 oo Tutsiga ah ayaa lagu dilay, qaar badan oo kalena waxay u qaxeen dalalka deriska ah ee Burundi, Tanzania iyo Uganda. Markii Belgium uu ka tanaasulay xukunka oo uu xornimada Ruwaanda siiyay 1962, Hutu-ga ayaa booskoodii qaatay. Tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Horraantii 1990-aadkii, Ruwaanda, oo ah waddan yar oo leh dhaqaallo ku tiirsan beeraha, wuxuuna ka mid ahaa dalalka dadkiisa ugu tirada badan Afrika. Qiyaastii 85 boqolkiiba dadkeeda waxay ahaayeen Hutu; Inta soo hartay waxay ahaayeen Tutsi, oo ay la socdaan tiro yar oo Twa ah, koox Pygmy ah oo asal ahaan degganaa Ruwaanda.

Qayb ka mid ah Jarmalka Bariga ee Afrika qeybo kamid ah gumaysan jiray laga bilaabo 1897 ilaa 1918, Ruwaanda waxay noqotay wakiil Belgian-ka loo soo diray oo hoos yimaada Ururka Qaramada Midoobay ka dib Dagaalkii 1aad ee Dunida, oo ay weheliso Burundi oo deriskeeda ah.

Xilligii Gumeysiga Ruwaanda, xilligaas oo ay taliskii Belgium-ka ay u door bideen Tutsiga tirada yar ee Hutu-ga, waxa ay sii xumeysay damaca qoomiyadda yar ay ku caburinayeen qoomiyadda tirada badan, taas oo abuurtay xiisad colaadeed oo qaraxday.

Kacaankii Hutu ee 1959 ayaa ku qasbay ilaa 330,000 Tutsiga inay ka cararaan dalka, taasoo ka dhigtay dad tiro yar ah. Horraantii 1961-kii, Hutu-ga guulaystay ayaa ku qasbay boqorkii Ruwaanda ee Tutsi-ga in uu masaafuriyo oo uu waddanku ku dhawaaqo Jamhuuriyad. Ka dib afti Qaramada Midoobay isla sanadkaas qaaday, Belgium waxay si rasmi ah u siisay madax-bannaanida Ruwaanda bishii Luulyo 1962-kii.

Rabshadaha salka ku haya qoomiyadaha ayaa sii socday sannadihii ka dambeeyay xornimada. Sannadkii 1973-kii, koox millatari ah ayaa xukunka ka riday Jeneral sarre Juvenal Habyarimana, Hutu dhexdhexaad ah.

Hogaamiyihii dawladda Ruwaanda Juvénal Habyarimana waxa uu aasaasay xisbi siyaasadeed oo cusub oo magaciisa ahaa Dhaqdhaqaaqa Kacaanka Qaranka ee Horumarinta (NRMD). Waxaa loo doortay madaxweynaha dastuur cusub ee la ansixiyay 1978-dii waxaana dib loo doortay 1983 iyo 1988 markii uu ahaa musharaxa kaliya ee xilkaasi raba.

Sannadkii 1990-kii, xoogaggii Jabhadda Waddaniga ee Ruwaanda (RPF), oo ka kooban qaxoonti Tutsi ah, ayaa ka soo duulay Uganda. madaxweyne Juvenal Habyarimana waxa uu dadka Tutsi-ga ku eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin RPF oo ay xireen boqolaal ka mid ah. Intii u dhaxaysay 1990 iyo 1993, saraakiisha dawladdu waxay hagayeen xasuuqii Tutsiga, oo ay ku dhinteen boqolaal. Xabad joojin colaadahaasi waxay horseedday wada-xaajood u dhexeeya dawladda iyo RPF sannadkii 1992-kii, taasoo keentay Heshiiskii Nabadda ee Arusha.

Bishii Agoosto 1993, Juvenal Habyarimana waxa uu heshiis ku saxiixday Arusha, Tanzania, isaga oo ku baaqaya in la sameeyo dowlad ku meel gaar ah oo ay ku jiraan RPF. Heshiiskan awood qaybsiga ah waxa uu ka caraysiiyay Hutu-ga xagjirka ah, kuwaas oo qaaday tallaabo aad u xun oo ay kaga hortagayaan heshiiskaas.

Sidee ayuu xasuuqu ku bilowday? Waa kumaa Hutu iyo Tutsi?

Hutu iyo Tutsi waa laba qowmiyadood oo wadaaga taariikh hore. Markii ugu horeysay ee Ruwaanda, dadkii ku noolaa waxay dhaqanayeen lo’da. Dadkii lahaa lo’da ugu badan waxaa loo yaqaanay “Tutsi”, dadka kale oo dhanna waxaa loo yaqaanay “Hutu”.

Ka hor gumaystihii reer Yurub, dadka waxay u wada dhaqmayeen si caadi ah, kadib waxaa dhacday in ereyada “Tutsi” iyo “Hutu” ay noqdeen door isir ah. Jarmalka waa Yurubiyaankii ugu horeeyey ee Gumaystay Ruwaanda 1894. Waxay marka hore il gaar ah ku fiiiryeen in dadka Ruwaanda oo ay u maleeyeen in Tutsiga ay leeyihiin astaamo badan oo Yurubiyiin ah, sida midabkooda iyo qaab-dhismeedka jireed ee dheer. Markaas waxay Tutsi-ga ka qeybgeliyeen doorka maamuleed ee gumaystaha.

Markii Jarmalka lumiyay gumaysigii uu haystay kadib dagaalkii 1aad ee adduunka, Belgian-ka waxay la wareegeen gacan ku haynta Ruwaanda. Sannadkii 1933-kii, Belgian-ka waxay xoojiyeen qaybaha “Tutsi” iyo “Hutu” iyagoo ku amraya in qof kastaa haysto kaarka aqoonsiga oo ku calaamadsan Tutsi, Hutu, ama Twa. (Twa waa koox aad u yar oo ugaarsato ah oo iyaguna kunool Ruwaanda.)

Inkasta oo Tutsigu ay ka kooban yihiin boqolkiiba toban oo keliya dadka Ruwaanda iyo Hutu ku dhawaad 90 boqolkiiba, Belgian-ka waxay siiyeen Tutsiga dhammaan jagooyinkii hoggaamineed.

Markii Ruwaanda ay halgan ugu jirtay inay iska xorayso gumaysiga Belgiun-ka, gumaystaha Belgiankana waxay beddeleen maqaamkii labada kooxood. Iyagoo wajahaya kacdoon ay huriyeen Hutu-ga, gumaystaha Belgianiyiinta waxay u ogolaadeen Hutu-ga oo ka koobnaa inta badan dadka Ruwaanda, inay masuul ka noqdaan dawladda cusub. Tani waxay ka caraysiisay Tutsi-ga, cadaawadda labada kooxood ayaa sii socotay muddo tobanaan sano ah.

Qiyaastii 85% dadka Ruwaanda waa Hutu laakiin Tutsi-ga laga tirada badan yahay ayaa muddo dheer ka talinayay dalka. Sannadkii 1959-kii, Hutu waxay afgembiyeen boqortooyadii Tutsi-ga, tobanaan kun oo Tutsiga ah ayaa u qaxay dalalka deriska ah oo ay Uganda ku jirto.

Koox Tutsi ah oo musaafuris ah ayaa sameeyay jabhad, Jabhadda Waddaniga ah ee Ruwaanda (RPF), oo ku soo duushay Ruwaanda 1990-kii, dagaalkuna wuu socday ilaa 1993-kii oo heshiis nabadeed la isla qaatay.

Habeenkii 6-dii Abriil 1994-kii ayaa diyaarad ay la socdeen madaxweynihii xilligaasi Juvenal Habyarimana, iyo dhiggiisa Cyprien Ntaryamira ee Burundi – oo labaduba ahaa Hutu – ayaa la toogtay, iyadoo la dilay dhammaan dadkii diyaaradda saarnaa.

Laga soo bilaabo 1973-kii, Madaxweyne Habyarimana oo Hutu ahaa, waxa uu dalka ku maamulayey nidaam kali-talis ah, xukunkiisa wuxuu qowmiyadda Tutsiga ka saaray inay kamid noqdaan dowladdiisa. Fikirkaasi wuxuu isbedeshay Agoosto 3, 1993, markii Habyarimana uu saxiixay heshiiskii Arusha ee dalka Tanzaniya, kaas oo wiiqay awoodda Hutu-ga ee Ruwaanda una ogolaatay Tutsiga inay ka qayb qaataan dawladda, taas oo aad uga careysiisay Hutu-ga xagjirka ah.

In kasta oo aan waligeed la go’aamin cidda dhabta ah ee dilka ka dambaysay, haddana kooxaha Hutu-yiinta ah ayaa faa’iidada ugu badan ka helay dhimashadii Habyarimana. 24 saac gudahood ka dib markii uu shilku dhacay, kooxaha xagjirka ah ee Hutu ayaa la wareegay dowladda, iyaga oo ku eedeeyay dilka madaxweynaha Tutsiga, waxayna bilaabeen gowrac iyo xasuuq.

100 Maalmood oo Xasuuq ah

Dilka ayaa ka bilowday magaalada Kigali ee caasimadda dalka Ruwaanda. Waxay dhigteen jidgooyo iyagoo hubinaaya kaararkii aqoonsiga waxayna dileen dhammaan dadkii Tutsiga ahaa. Inta badan dilka waxa lagu sameeyay baangado, budad (garuun), iyo mindiyo.

7-dii Abriil, kooxaha xagjirka ah ee Hutu-ga waxay bilaabeen inay sifeeyaan dadkii dowladda ku jiray oo ahaa mucaaradkooda siyaasadeed, taas oo macnaheedu yahay Tutsiga iyo Hutu-ga dadkii dhexdhexaadinta waday ee labadaba dhinacba waa la dilay. Waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha. Markii toban ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Belgian-ka ay isku dayeen inay ilaaliyaan ra’iisul wasaaraha, iyagana waa la dilay. Tani waxay keentay in gumaystihii Belgium-ka ay bilowdo inay ciidamadeeda kala baxdo Ruwaanda.

Rag, dumar iyo carruur badan ayaa la dilay. Maadaama ay rasaasta qaali ahayd, Tutsiga intooda badan waxaa lagu dilay hub gacmeed, badiyaa baangado, mindiyo ama budad. Qaar badan ayaa inta badan la jirdilay ka hor inta aan la dilin. Qaar ka mid ah dhibbanayaasha ayaa la siiyay ikhtiyaar ay ku bixiyaan kharashka xabbada si ay u helaan geeri degdeg ah.

Intii u dhaxaysay bilihii Abriil iyo Juun1994, waxa lagu qiyaasay 800,000 oo reer Ruwanda ah in lagu dilay 100 maalmood gudahood.

Sidoo kale intii rabshadaha socdeen, kumannaan haween Tutsi ah ayaa la kufsaday. Qaar waa la kufsaday ka dibna waa la dilay, qaar kalena waa la addoonsaday oo waxaa loo geystay xadgudubyo galmo toddobaadyo socday. Qaar ka mid ah haweenka iyo gabdhaha Tutsi-ga ayaa sidoo kale la jirdilay ka hor inta aan la dilin, sida in naasaha laga gooyo ama in xubinta taranka la jeexjexo.

Kumanaan Tutsi ah ayaa isku dayay inay ka baxsadaan gowraca iyagoo ku dhuumanaya kaniisadaha, isbitaallada, dugsiyada, iyo xafiisyada dowladda. Goobahan oo taariikh ahaan, ahaan jiray meelo lagu qaxo, waxa ay isu beddeshay goobo dad badan lagu laayey xilligii xasuuqii Ruwaanda.

Mid ka mid ah xasuuqii ugu xumaa ee xasuuqii Ruwaanda ayaa dhacay Abriil 15 ilaa 16, 1994 kii wuxuuna ka dhacay gudaha kaniisada Nyarubuye Roman Catholic Church, oo ku taal meel 60 mayl bari ka xigta Kigali. Duqa magaalada oo kasoo jeeday qowmiyadda Hutu-ga ayaa ku dhiirigeliyay Tutsiga inay raadsadaan meel gudaha kaniisadda ah isaga oo u xaqiijiyay inay ku badbaadi doonaan halkaas. Dabadeed maayarkii wuxuu u gacan geliyay Hutu-gii xag-jirka ahaa.

Dilka ayaa ku bilaawday Bam Gacmeedyo iyo Qoryo balse wax yar kadib isku badalay Baangado iyo Budad. Waxay qaadatay laba maalmood in la dilo kumannaanka Tutsiga ah ee ku jiray gudaha kaniisadda.

Si loo sii liiciyo Tutsi-ga, Hutu-ga xag-jirka ah ma aysan ogolayn in Tutsiga dhintay la aaso. Meydadkooda ayaa looga tagay halkii lagu gowracay, waxaana la arkayay canaasiirta, oo ay cuneen Jiir iyo Eeyo.

Meydad badan oo Tutsi ah ayaa lagu tuuray wabiyo iyo harooyin si ay Tutsiga dib ugu celiyaan Itoobiya – waxaa jira khuraafaad ah in Tutsigu ay ahaayeen ajaanib asal ahaanna ay kasoo jeedaan Soomaaliya iyo Itoobiya madamaa muuqaal ahaan ay u yar egyihiin Itoobiyaanka iyo Soomaalida.

Sida ay warbaahinta maxaliga ah ugu qeyb qaadatay xasuuqii Ruwaanda, 1994

Warbaahinta maxaliga ah waxay kaalin weyn Ka ciyaartay Xasuuqii Muddo sanado ah socday, wargeyska “Kangura”, oo ay gacanta ku hayaan xagjiriinta Hutu, ayaa faafinayay nacayb. Horaantii Diseember 1990, wargayska wuxuu daabacay “Tobanka Amar ee Hutu.” Awaamiirtaasi waxay caddeeyeen in Hutu kasta oo guursaday Tutsi uu ahaa khaa’in. Sidoo kale, qof kasta oo Hutu ah oo ganacsi la yeeshay Tutsi wuxuu ahaa khaa’inul waddan. Amarrada ayaa sidoo kale ku adkaystay in dhammaan goobaha istiraatiijiga ah iyo dhammaan militariga ay tahay inay noqdaan Hutuyiin.

Markii RTLM (Radio Télévison des Milles Collines) ay bilowday baahinta 8-da luulyo, 1993, waxay sidoo kale faafisay nacaybka. Markii dilka bilaabmay, idaacadda Tv-ga RTLM waxay door firfircoon ka qaateen gowraca. RTLM waxay ugu baaqday Tutsi-ga inay “jaraan geedaha dhaadheer,” weerahaasi oo macnaheedu yahay Hutu-ga inay bilaabaan dilka Tutsiga. Inta lagu jiro baahinta, RTLM waxay inta badan isticmaashay ereyga inyenzi (“baranbaro”) marka ay tixraacayso Tutsiga ka dibna waxay u sheegtay Hutu-ga inay “burburiso baranbarada.”

Madaxweynaha wakhtigaan ka taliya Ruwaanda Paul Kagama, ayaa kasoo jeeda qowmiyadda Tutsiga. Waxa uu hore u ahaa taliyaha Jabhadda Waddaniga ah ee Ruwaanda (RPF), oo ahaa ciidan hubaysan oo fallaago ah. Jabhadda RPF waxay ka mid ahayd dhinacyadii iskahorimaadyada ka dhexeeyey intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Ruwaanda iyo ciidamadii qalabka sida ee soo afjaray xasuuqii Ruwaanda. Waxa loo tixgalin jiray hogaamiyaha dhabta ah ee Ruwaanda markii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka gaashaandhiga ee madaxweyne Pasteur Bizimungu intii u dhaxaysay 1994 ilaa 2000 ka dibna jagada madaxwayne ku xigeenka.

Qaar badan oo ka mid ah idaacadaha RTLM ayaa ku dhawaaqay magacyada shaqsiyaad gaar ah oo ay tahay in la dilo; RTLM xitaa waxaa ku jiray macluumaad ku saabsan halka laga heli karo, sida guriga iyo ciwaanada shaqada ama meelaha kale ee laga heli karo. Markii shakhsiyaadkaas la dilay, RTLM waxay markaas dilkooda kaga dhawaaqday raadiyaha.

Maxay dunida u daawanaysay xasuuqa?

Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib, Qaramada Midoobay waxay soo saartay qaraar 9-kii Diseember, 1948-kii, kaas oo dhigaya in “Guddiga Heshiiska ay xaqiijinayaan xasuuqa, ha ahaado waqti nabadeed ama waqti dagaal, waa dembi marka loo eego qaanuunka caalamiga ah waa ka hortagga iyo ciqaabta.”

Xasuuqii ka dhacay Ruwaanda waxa uu ka koobnaa xasuuq, haddaba maxay dunidu ugu soo istaagi wayday sidii loo joojin lahaa xasuuqa?

Waxaa jiray baaritaan badan oo ku saabsan su’aashan saxda ah. Dadka qaar ayaa sheegay in tan iyo markii Hutu-ga qunyar socodka ah la dilay marxaladihii hore, markaas wadamada qaar waxay aaminsanaayeen in iskahorimaadku uu ka badan yahay dagaal sokeeye oo aan ahayn xasuuq. Cilmi baaris kale ayaa muujisay in quwadaha adduunku ay garteen in uu ahaa xasuuq balse aysan doonayn in ay bixiyaan kharashka saadka iyo shaqaalaha loo baahan yahay si loo joojiyo xasuuqii socday – qarashka saadka!!

Si kasta oo ay tahay sababtu, waxay ahayd in dunidu soo gasho oo ay joojiso xasuuqa bahalnimada ah.

Xasuuqii Ruwaanda wuu dhamaaday

Xasuuqii Ruwaanda waxa uu dhamaaday oo kaliya markii jabhada RPF ay qabsatay dalka. Jabhadda RPF (Rwandan Patriotic Front) waxay ahayd koox ciidan oo tababaran oo ka kooban Tutsiga oo la masaafuriyay sannadihii hore, kuwaas oo intooda badan ku noolaa Uganda.

RPF waxaa u suurtagashay in ay gudaha u galaan Ruwaanda oo ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan dalka. Bartamihii Luulyo 1994, markii RPF ay si buuxda u maamulayeen, xasuuqii ugu dambeyntii waa la joojiyay.

Madaxweynaha wakhtigaan ka taliya Ruwaanda Paul Kagama, ayaa kasoo jeeda qowmiyadda Tutsiga. Waxa uu hore u ahaa taliyaha Jabhadda Waddaniga ah ee Ruwaanda (RPF), oo ahaa ciidan hubaysan oo fallaago ah. Jabhadda RPF waxay ka mid ahayd dhinacyadii iskahorimaadyada ka dhexeeyey intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Ruwaanda iyo ciidamadii qalabka sida ee soo afjaray xasuuqii Ruwaanda. Waxa loo tixgalin jiray hogaamiyaha dhabta ah ee Ruwaanda markii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka gaashaandhiga ee madaxweyne Pasteur Bizimungu intii u dhaxaysay 1994 ilaa 2000 ka dibna jagada madaxwayne ku xigeenka.

Maanta dalka Rwanda wuxuu kamid yahay dalalka ugu xasilloon ee qaaradda Afrika, sidoo kale isbedel weyn ayaa ka jira xagga waxbarashada iyo guud ahaan dhinaca horumarka.

Maxay Soomaalida ka baran karaan xasuuqa Ruwaanda ka dhacay?

Dowladda Soomaaliya ee wakhtigaan la joogo waxaa lagu xukumaa 4.5 oo macnahiisu yahay 4-tii beelood ee qoriga qaadatay iyo .5 oo ah kuwa laga tirada badan yahay ama aan hubaysaneen dadkiisa.

Saami-qeybsigan 4.5, waxa uu soo ifbaxay xilligii Soomaalidu ku heshiineysay tuulada Carta ee dalkaas Jabuuti, dawladdii halkaas lagu dhiseyna nidaamkaas ayaa wax loogu qeybsaday. Wixii intaas ka dambeeyey, waxay noqotey halbeeg la isla og yahay, oo illaa maanta maamulka dawladeed lagu qeybsado.

Hadda, ka sokow awood-qeybsiga dawladda, waxa uu u daadegey hoos, oo wax kasta oo koox Soomaali ah soo dhex mara, 4.5 ayaa lagu qeybsadaa; haddii macaawino la qeybinayo, haddii maamul degmo loo sameynayo, waxaa se taas ka daran in uu masaajiddiina galay.

Madaxda Soomaaliya marka ay xilka qabanayaan iyagoo ku yimid nidaamka 4.5 waxay sheegaan inay dhisi doonaan dowlad wanaagsan oo masuqmaasuqa ka fog, balse waxaysan ogayn in nidaamka ay ku yimadeen uu gebi ahaanba caqabad ku yahay in la dhiso hanaan dowladnimo oo dhammeystiran.

Dowladnimada ay Soomaaliya u baahan tahay maanta ayaa ah mid daah-furan oo anshax leh, oo diiradda saaraysa sidii loola tacaali lahaa caqabadaha horyaallo dowlad-dhiskeena. Iyadoo kartida iyo awoodda gaarka ah ee Soomaalidu leedahay ayaa loo baahanyahay in si weyn loogu faa’ideysto, hadaba nidaamka dowladnimo ee aan haysano maanta looguma faa’idaysan karo kartida aanu leenahay.

Waxaa wanaagsan in guddi dhinacyo badan ka dhisan loo xilsaarro golaha wasiiradana dabagal ku sameeyaan iyadoo wakhti cayiman loo qabanaayo sidii loo dhisi lahaa hanaan dowlad wanaagsan lagu dhisi karo. Waxaa waajib ku ah xubnaha guddiga in ay diiradda saaraan yoolalka istaraatiijiyadeed ee ballaaran iyagoo wax ka qabanaya arrimaha maalinlaha ah iyo buuxinta waajibaadkooda, sidaas darteed waxaa waajib ku ah inay ku shaqeeyaan mabda’a maamul ee ku dhisan aragti iyo hadaf badbaadin ummadeed.

Marka aan maqlo aragtida dowladnimada Soomaaliya ay ku dhisan tahay 4.5, waxaan soo xasuustaa xikmad kooban ee uu qoray qoraagga Buugga “Beyond the Black River”

“Weligay sarreen ma beeran, weligayna ma beeran doono, ilaa inta ay jiraan mirro kale oo seef lagu goosto.”

____

Tixraac: Rwandan Genocide – Facts, Response & Trials | HISTORY

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Socdaalkii Rabaso – Qaybtii 1aad

Published

on

 


Xusuus yar oo kooban haddaan dib ugu noqdo caawa oo kale sannad ka hor 27kii Ramadaan 2020ka. Waxaan magaalada Hargeysa ka baxay iyadoo ay ku beegantay xilli roobaad sidan oo kale ah, waxaan u jihaystay dhankaas iyo hawdka sare oo reer abtigey dagganaa. Safarka waxaanu sii wada galnay Ayeyday hooyo Sahra oo dhul yaqaan dal yaqaana ah.

Kumannaan sheeko oo xiiso gaar ah leh oo ay goob joog usoo ahayd ayay kolba nooga sheekeynaysay ayeeyo. Safarka oo dheeraa darteed iyo jidka oo iska dhib badnaa darteed waxa khasab ahayd in lagu leexdo Kaamka INA GUUXAA, maadaama oo uu jirey xanuunka Koroona Fayras oo si aad ah looga cabsi qabay wakhtigaa. Waxa khasab ahayd in wixii lugayn karayaa ay lugeeyaan intay gaadhiga ka dagaan oo ay meel qoortaas ah kusii sugaan.

Dadka inta jilicsan ee aan socodka tahli kareyna ay gaadhiga ku hadhaan halkaasna lagaga baadho xanuunka. Anigu waxaan ku jiray dadka lugeeyay ee ka wareegay waddada ukacda dhanka Qool-Buulalle. Dhulkuu waa roobbanyahay oo meel kaste xareedda ayaa jiifta cadceeddana waxaad mooddaa in lasoo dhaweeyay maalintaas. Kulaylka jira awgeed iyo annaga oo soomman qaar naga mid ahi soonkii ayay jabiyeen balse annagu waanu iska adkeysannay. Goor sheegtu markii ay 2:10 duhurnimo tahay ayaa gaadhigii lasoo dayn doonaa, annaga oo sanqadhii tuulaha ka fogaannay oo meel cidla ah oo xareedi jiifto hadhsaneyna.

Safarkayagu wuu dheeryay gaadhiga aan saaranyna aad uma dheereynaayo oo waa gaadhi wayn oo raashinkii beesha halkaas daggan oo dhan ayaa saaran. Qool Buulalle soo marnay oo iska soo dhaafnay waxa aanu u jihaysannay waddada marta Burca-Duurray taas iyana kusii beegan waddada Rabaso qabata. Waxaanu soo socoonnaba goor afurkii waxyar oo nus saac ka yari ka hadhsanyay ayaanu magaaladii Rabaso kusoo dhawaannay.

Balse nasiib xumo markaanu magaaladii sanqadheedii maqleyno ay xilligii afurkana kusii siqayso gabbal dhacna ay kusii dhawdahay, ayaa waxa meel dhiidhi ah naga galay gaadhigii aanu waddannay. Naf naguma heegna oo waxaanu ahayn dad iyagoo soomman bacad kuleylkaa aad arkeysaan soo lugeeyay. Gaadhigii ayaa la waayay cid dhiidhiga ka qodda oo ka saarta. Nasiib wanaag markii dambe inamadii aan iyagu soomaneyn ayaa oxoogaa ciiddii qoday oo gaadhigii ka saari doona meesha.

Waxaanu iminka kasoo dhaqaaqnay kambalka Rabaso oo meel aad uqurux badan ah dooxadan aad sawirkeeda aad aragtaanna ku taallo. Waa halkii uu ninkii abwaanka ahaa lahaa;

“Alloow yaa ku raacoo

Intuu Kanada kaa raaro.
meeluu ramadka dhalayoo
Dhirta rucub ka lulatoo
Rays iyo barwaaqo leh
Lagu raaco xoolaha
Yaa rabaso kula daga”.

Waxa aanu soo socoonnaba soo galnay magaaladii Rabaso oo nin kastaaba Afurkiisii dul fadhiyo dhawaaqa mu’addinkana uu sugaayo. Diiftii iyo daalkii naga muuqday waxa aanu ku illownay markii afurkii naloosoo dhigay hilib iminka la qalay oo daray ah, iyo Caano geel dhay ah oo iminka lasoo lisay. Bartii ayaanu ku afurnay oo aanu ku dharagnay salaaddii taraawiixdana masjidka Rabaso ayaan ku tukannay. Waxaanu magaalada dhanka hawdka sare uga sii bixi doonnaa sagaalka habeennimo.Inaan qoraal ka sameeyo waan jeclaa safarkii aan hawdka sare ku tagey balse tan caawa wakhtiga ayaa isoo xasuusiyay.

___

Lasoco qaybta labaad. Cabdiqani Qorane, Hargeysa

(more…)

Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 4aad

Qabyaaladda waxaan u adeegsanaa in ay wax kasta oo rabsho ah oo dhib loogu gaystay bulshada masaakiinta sida dhac, dil, hanjabaad, barabixin, dumin, aanooyin aan dhammaan, dulmi iwm. Sababta ma jahli ayaa inoogu wacan mise dhaqan-xumo ayay naga tahay?

Published

on

Qoraa Ruun Siciid Faarax

Qeybtii 3aad HALKAAN RIIX


Farqiga u dhexeeya qabiilka iyo qabyaaladda

Qabyaaladda

Waxaan u adeegsanaa in ay wax kasta oo rabsho ah oo dhib loogu gaystay bulshada masaakiinta sida dhac, dil, hanjabaad, barabixin, dumin, aanooyin aan dhammaan, dulmi iwm. Haddii loo adeegsado qabiilkii in ay reer kii iyaga ahaa ay ushirkoobaan in iyagana aysanba is taakulayn is dhibaan umada kale amaba qabiilada kalena aysanba kabaxsan kala garan waayaan diintii Alle faray iyo qabiilkii kufaanaan badanaan iyo waxyaalo nimco uu Alle siiyay meelkasta oo ay joogaan ay dhib mooyaane intooda badan aysan wax faa’idayn, waa waxyaalaha ay qabyaaladu keentay.

Inta aan soo sheegnay ayay tahay cagsiga qabyaaladda loo adeegsado maxaayeelay qofkii maalintaas ayaa waxa ku bilaabanaysa in uu yeesho qabiil ay uyeeleen qab – qablayaal ku haysta kursiga qabiilkiisa, kiisa haka soo jeedeen amaba kuwa kaloo doortay oo iyaga laftirkoodu qaba cuqdada ah in uu reerkooda kaliya waxtaray laakiin uu labada dhinacba uu ka qabo dhibaato uusana horay usii wadikarin xilkii aqlabiyadda loogu doortay oo uusanba xilka dhammaysan amaba uu kaga tago urugo iyo ciil ileen wuxuu qaban lahaaba qabiiladii baa kasoo komaray oo midkasta ku doodaya anaga waxba namatarin waxyaalaha ay qabyaaladdu ku xuntahay.

Qabiil

Qabiil waxa Alle noogu sameeyay waa in aan isku barano oo isku ogaano oo aannan isku dhibaatayn. Wuxuu ku fiicanyahay oo qabyaaladda kaga fiicanyahay haddii ay qabiilkaas ay adeegsadaan waxyaalo faa’ida leh ay ka dhalan karto, haddii ay yihiin dad dhexdooda is taakuleeya, dadka kalena taakuleeya, isku duuban qabiilka aan u adeegsan in wax lagu yeelo cidkale laakiin keliya ay u adeegsadaan sidii Alle faray kuna dhaqmaan, waa faa’idada uu leeyahay qabiilku.

In kastoo aanan arkin cid inaga mida oo adeegsanaysa markii ladoorto qof umadda udhexeeya laakiin qofkaas marka ladooranaayo qabiil buu ku soo baxaa, misna qabiilkiisa keliya madooran ee dhammaan qabiilada Soomaaliyeed waa ay wada doorteen. Dadka ugu horreeya oo ku kaca waa qabiilkuu ka dhashay marka qabiilkaa uu ka dhashay haddii ay taakulayn lahaayeen la garab istaagi lahaayeen talooyin wax ku oola siin lahaayeen oo ku dhihi lahaayeen maan dhaw anaga waad naga dhalatay laakiin waxaan kaarabnaa in aad ahaato mid dadka dhan si caddaalada ugu shaqeeya mid dadka udhexeeya, mid xaqa masaaakiinta ilaaliya, mid aan fiirin qabyaalad iyo waxa dadka sii kala kaxaynaya. Mudane ama marwo dadkaas ayaan kuu la simanahay waxay heelaan baan helaynaa anaga qabiil ahaan waxba hanagu tarin balse sida bulshada ugu shaqayn lahayd ayaan kaarabnaa in aad noogu shaqaysid, wax dheeraad oo aan xaq u lahayna hana siin waayo xaaraan bay nagu tahay haddii sidaa uu qabiilku ufakaro runtii waa meelaha uu qabiilku  kaga fiicanyahay qabyaalada.

Buugga fatuuxul xabasha oo kahadlaya Axmed Guray Soomaali kaliya uma shaqaynayn haddana cida hubka siinaysay cida ciidanka la garab taagnayd waxay ahaayeen Soomaali, wuxuu samayn jiray Axmed Guray Allaha unaxariistee cidii kasoo horjeesata ciduu ka dhashay ha ahaato ama Soomaalida kale ha ahaado awood buu u adeegsan jiray wayna ka baqijireen.

Maxaan ka dhaxalnay qabyaaladda

  1. 1. U hoggaansan la’aanta shuruucda dalka: Dal walba oo dunida ka jira waxa uu leeyahay xeer udegsan oo ku dhaqmo qofkii jabshana waxaa lagu qaadaa xeerkaas dalka uyaal.

Alle ha unaxariistee Abwaan Cali Xuseen Xirsi oo ku magac dheeraa {Cali Makaadsade} gabay uu tiriyay ayaan ka sooqaadan tix yar oo uu ku baraarujinaayay bulshada in wax lawada qabsado oo wadajir wax lagu hagaajiyo. Wuxuu yiri:-

Hantidaan wadaagniyo haddaan hawsha socodsiino

Oo aad hirgelisaan mabda’a lagu hayaamaayo

In horumar lagu waarayaa hubanti weeyaane.

  1. Jahliga: Waxaa muhiim ah in qeybaha dadka la baro waxbarashada waayo waxbarashadu waxay meesha ka saartaa jahliga, gaajada, faqriga, dagaalka, qabyaaladda, qurunka iyo kala danbayn la’aanta.
  2. Caddaalad darro: Qof kasta oo muwaadin ah waa in uu helaa caddaalad, haddii caddaalad la helo waxaa imaanaysa waddaniyad. Rag caddaalad waayay sidii cowshii kala yaac.

قال الله تعالى: إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسان

“Alle wuxuu idin amray caddaalad iyo wanaag in aad samaysaan”.

  1. Diinta oo aan lagu dhaqmin: Waa tiirka koowaad ee qof walba oo Muslim ah in uu ku dhaqmo diinta islaamka.

وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُو        

Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri “Qabsada xarigga Eebbe dhammaantiin, hana kala taganina”.

  1. La haanshiyo la’aan dalka: Waa in muwaadinkasta lagu dhiirigeliyo in uu dalka isagu leeyahay aysan cidkale lahayn. Waa tii uu lahaa Alle ha unaxariisto abwaan Abshir Bacadle gabaygii danta guud

Dal shisheeye duulkii mutaa dawlad wuu tebiye

Duruufihii na soo maray qalbiga waa damqinayaane

وما أَصَابَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَن كَثِيرٍ

Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri {Idinma asiibin musiibo ilaa waxaad gacmihiina ku kasbateen mooyaane, Alle waa dembi dhaaf badanyahay}.

  1. Dhaqankii oo lumay: Bulsha kasta waxay leedahay dhaqan soojireen ah oo ay iska dhaxleen ka ab-ka-ab ilaa haddeer. Waddankasta oo dunidaan ku yaal waxa uu leeyahay dhaqan ugooniya oo dunida kale uga soocan yahay balse maanta dhaqankeenii waa lumay. Dal marka la doonaayo in la burbursho waxa laga burburshaa dhaqanka. Haddii dhaqankaaga kaa lumo waxa meesha ka baxaysa jiritaankaaga sooyaal.
  2. Maamul daadajin la’aan (Qabyaalad daadajin): Dawladdu waa in ay maamul daadajin usamayso, gaarsiisona dalka oo idil addeega ay ubaahanyihiin, sida waxbarashada, caafimaadka, cunada iyo maamul wanaaga.
  3. Xuquuq la’aan: Ma helaan xaqa ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana dhacda xaqii ay lahaayeen in ay ku waayeen qabiil.
  4. Dulmiga dumarka lagu hayo: Dhibanayaasha ugu badan waa dumarka, dadka ugu nugulna waa ayaga waayo waxaa la dilaya waa odaygeedii, walaalkeed, abtigeed, wiilka ay dhashay, cidda asayda qaadaysa waa ayaga, cidda caruurta korinteeda laga rabo waa ayaga, cidda umul raacaysa oo dhakhtar la’aan u godgalaya waa ayaga, kufsiga iyo jirdilka ayaga ayaa loo gaystaa.

Qoraaga ayaa soo qaadatay hees la dhaho Inna Ragow Eed Baan Kaa Tabanayaa ay ku luu qaysay Xabiibo Xasan Tooxow taasoo ahayd:

Aasaaska dunida iyo

Anigu dumar baan ahaa

Warshaddii aadmigiyo

Udubkii noloshaan ahaa

Hayeeshee inna raggoow

Ergiyo waxaan ahay dacwo

Eed baan kaa tabanayaa

Uurka kugu qaaday iyo

Waxaan fool arrammi kulul

Dhibaatada kugu umuley

Horaadada ibo macaan

Anqaris waxaan kaaga dhigay

Asluubta wanaagsan iyo

Anshaxa dhaqankiyo hiddaha

Akhlaaqda waxaan kuu baray

Aad baan u nasiib darnahee

Madfaca aqalkeyga gubay

Kan igu riday ma adigaa?

Abaalkii hooyanimo

Ma layska ilowsan yahay?

Ah iyo way ma anigaa?

Hayeeshee inna raggoow

Ergiyo waxaan ahay dacwo

Eed baan kaa tabanayaa

Barbaariye ubadka iyo

Macallin ababshaan ahaa

Astaantii taranka iyo

Aayaha guushaan ahaa

Hayeeshee inna raggoow

Ergiyo waxaan ahay dacwoo

Eed baan kaa tabanayaa

Agaasinka reerkaa

Weliba kuma ekiyee

Ololihii Calan helkii

Qeybtii iga aadanayd

Awood anigoon lahayn

Asayda inaan xirtiyo

Agoonta inaan la qaxoo

Astaahil umaanan lahayn

__

Buugga: Haddimada Qabyaaladda

W/Q. Drs. Ruun Siciid Faarax (Garas)

Sookoobay: Maxamuud Axmed Muuse “Tallman”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 3aad

Qabiilku maantay wuxuu dhexdeena ka noqday mid aanu isugu faano, mid aan isku dhacno, mid aan isku layno, xitaa maantay waxaan ilownay arrimihii diinteenu nafaraysay. Sababta ma jahli ayaa inoogu wacan mise dhaqan-xumo ayay naga tahay?

Published

on

Qoraa Ruun Siciid Faarax

Qeybtii 2aad RIIX HALKAAN


Maanta sidee u adeeg Sanaa qabiilka haddaanahay Soomaali?

Qabiilku maantay wuxuu dhexdeena ka noqday mid aanu isugu faano, mid aan isku dhacno, mid aan isku layno, xitaa maantay waxaan ilownay arrimihii diinteenu nafaraysay.

Waxaa kaloo moodaa maantay in ay nahaysato sidii Nebi Luud loo galay oo qabyaalad ayay ku dhibi jireen anagana maantay kii aan doorano qabiilkuu doono ha ahaado waxaa jira dad huwan shaati qabiil kuwaas oo iyagu dan gaara wata laakiin marka hore qabiilka ku soo kicinaya si reer hebel oo ninkaas uu isaga ku kacsanyahay looga tuuri lahaa xilka maxaayeelay isaga dantiisu waxa weeye aad heshid xoolo laakiin qabiiilkan uu ku laabanayo oo ku kicinaayo hebel oo reer hebela sidii looga tuuri lahaa booska waana laga tuuraa oo meesha ma sii joogo reer hebalkii uu ka dhashayna waxba uma qabto ileen tiisu watay kii soo laa luushayna tiisuu ufududaynayaa. Reerka uu ka dhashay waxay dhahaan mar hadduu magacii reerka huwanyahay noogu dhan oo waxaanba cisaynaynaa magaca iyo maamuuska uu helay qofkaas laakiin ma fiirinayno qofkaan muxuu qabtay? Caadil ma yahay? Ma udhexeeyaa dadka doortay? Ileen markaan ma huwana shaati qabiile wuxuu huwan yahay shaati bulsho isku tagtay, maka fakerno qofkaa aakhiradiisa waayo Imam Caadila booska uu tagayo waanu kawar haynaa imaam aan caadil ahayna booskuu tagayo waan garanaynaa.

Waxaa kaloo jirta in ay dadkaa iyaga ah dad shisheeye lashaqay sanayaan oo ay iyagu dabada ka soo wadaan wax kasta oo uu u baahdana ay ku taakullaynayaan, qabiil kiisuna uu markasta garab istaago gar iyo gardaroba waana waxyaalaha maantay nahaysta oo uu waddankeena udagi la’yahay.

Waxaa kaloo uu qabiilku nagaarsiiyay in dadkii diinta waxyeelada ugaysanaayay aan qabiil ku difaacno oo haddiiba ay hadlaan culimadii waday dacwada in qofkaas uu qabiilkiisu difaaco in la diido diinteena islaamka iyo waxa ay ka qabto in uu qofkaas uu kuwado meel aan fiicnayn, halkaas waxaa moodaa in aan haysano dhaqankii jaahiliyada qayb kamida waayo iyaga ayaa qabiil ku difaaci jiray kay rabaan oo ka dhashay, kaan ka dhalana dhibi jiray.

Maantay waxaa waddanka ka jira nabadgalyo la’aan wallow ay hadda sidii hore ka soo fiicnaatay. Maalinkasta dadka Soomaaliyeed oo masaakiinta ah, dadkii halyeeyadii waddanka wax uqabanaayay qarax ladaba taagan marka ay ka soo baxaan. Waxay ku talogaleen in ay waddanka wax ka noqdaan qofkii shalay dadka islaamka ah dhiigooda bannaystay, ku sheegay gaalo raac, aan u aabbo yeelin culimo, aqoonyahan, siyaasi, isin, haween, dhaqtar, macalin   ayaan ku difaacaynaa qabiil. Shalay goortuu umadda islamka ah gumaadayay qabiil malahayn oo qofkasta naftiisa ayuu uga baqaayay laakiin markuu kasoo baxay dadkii jihadu ka halowday oo aan lagaranayn dan uu uga soo baxay oo aan lagaranayn in uu si dhaba uga toobad keenay waxyaalihii uu dadka wala alihiisa ku dhibaateeyay oo aan lagaranayn in uu wali la ra’yi yahay dadkii rabay in uusan waddankaan dagin.

Markii laxiray oo dowladii waddanka xukumaysay ay qabiilkiisii udoodayaan oo ay ku sheegayaan in uu ku xiranyahay cadaaladdaro tii uu soo sameeyay oo xitaa idinka uu ka dhashay cadaaladdarro ma aysan ahayn miyaa? Maya taas uuma muuqato oo way ilaaween kaliya waxaa umuuqata in uu kursiga uu ku fariisto.

Illaahay Subxaanahu Watacaalaa waxba ma ilaawo ama adduun ha looga jaro ama aakhiro halooga jaro hadduusan ka towbad keenin, waan ba ilownay in aan dhimanayno oo qabiilkii ayaa namadax maray iyo raadin kuraas laga dhimanaayo amaba laga dheeraanayo.

Bulshada Soomaaliyeed in ka badan 80% ma fahansana qabyaaladda waxay tahay. Waxaana daliil kuugu filan in dalkooda ay burburkiisa iyo dib udhiciisa ka shaqaynayaan. Waxay kuwada haminayaan dhammaantood ama badankood in ay dalal shisheeye aadaan, waxna waa tahriibeen, waxna waa qalbi ka dhoof, inta kale ee soo hartana waa dad dantu biday ama duruufta haysata awgeed aysan ugu hanqaltaagin dalkale.

Burburkii waxa uu nadhaxalsiiyay in aan weyno halyeeyo Soomaaliyeed, waddaniyiin Soomaaliyeed, hooyooyin nagu qaaliya. Waxaan nahay dad isla quman, isla saxan, iyagu is arka, damiirkii ka tagay, waxaa la yiri Mayd maxaa udanbeeyay? Saa la dhahay kan la siisido oo tusaale waxaa kugu filan caruur yaryara oo dugsi Qur’aan dhigata oo lawada dilay qabyaalad awgeed.

Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle}:- waxa uu yiri:

Dab miyey sureen waa dulli aan xuma ka daaleyne

Dusha aadmigey shabahaan ficilna duurjoogta

Deggani iyo kheyr lama tusoo way ka diriraane

Dabciga riibigey leeyihiin mana dareemaane

Qabiilku waxa uu meeshii ka saaray dhaqankii suubanaa ee Soomaali lagu yaqaanay, Soomaalinimadii, waxa uu baaba’shay damiirkeenii. Waxa uu nagaarsiiyay in aan seeraaro samaysano, qolo kastana tiraahdo anagoo reer hebel ah baa iskaleh goobtaan. Qabiil hebel isma guursano, kab iyo qaraan ma wadaagno, geelayagu isku meel madaaqo.

Gabay uu tiriyey Alle ha unaxariistee abwaan Abshir Nuur Faarax Baxadle waxaa ka mid ahaa:

Quruun waliba cudur qaasahoo qaybiyaa jira’e

Soomaali belo loo qoraye qallinka loo saarey

Wax qabiil ka daran jahanamaan qiray aqoontayda

Qadartaana iga hiilisaye qolo ma sheegteen

Maanso dastuurka

Dastuur caamahoo

Leexleexad lahaynoo

Dambas aan lahaynoo

Dadka wada simaayoo

Daruus aan dhamaanayn

Rabaa noogu deeqee

Waan ku mahadnaqaynaa

Umad yahay islaamka ah

Dastuurkiina qaatoo

Dayac iyo darxumo iyo

Dayuusiinta qaarkood

Waxa ay daliishaan

Ka dhiidhiya xumaantoo

Dastuurkii Illaahay

Mideeyihii islaamkoo

Samawadka laga keenayoo 

Dadkii loo jideeyoo

Dib usoo ceshoo 

Ku adkaada waligiin

 

Qeybtii 4aad RIIX HALKAAN

Qeybtii 4.aad Buugga Haddimada Qabyaaladda

__

Buugga: Haddimada Qabyaaladda

W/Q. Drs. Ruun Siciid Faarax (Garas)

Sookoobay: Maxamuud Axmed Muuse “Tallman”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Waa maxay sababta luqadda Faransiiska ay u tahay luqadda inta badan looga hadlo Afrika?

Mala socotaa ku dhawaad kala bar dadka ku hadla Faransiiska ay deggan yihiin Afrika?

Published

on


Faransiiska waxaa looga hadlaa dalal badan oo Afrikaan ah oo ka dhashay gumeysiga. Jabuuti ayaa kamid ah dalalka illaa iyo hadda sida tooska ah kamidka ah luqadaha goobaha waxbarashada ay kamid yihiin, suukha shaqooyinkana kaalinta koowaadna kaga jira.

Faransiiska iyo Beljimku waxay lumiyeen gacan ku haynta dalalkii ay Afrika gumaysan jireen sannadihii 1950kii iyo 60aadkii, laakiin Faransiiska ayaa weli lagaga hadlaa ugu yaraan 29 waddan oo Afrikaan ah , 167 milyan oo qof oo Afrika ku nool ayaa ku hadla Faransiiska, oo ah qiyaastii 51% dadka ku hadla afka Faransiiska ee adduunka.

Waxaa xusid mudan in inta badan luqadaha rasmiga ah ee heer qaran ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ay u janjeeraan inay noqdaan afafka gumeysiga sida Faransiiska, Boortaqiiska, ama Ingiriisiga.

Luqadda Faransiiska ayaa kaalinta 7-aad ka galay afafka loogu hadal-haynta badan yahay caalamka, waxaana jira malaayiin Afrikaan ah oo maalin walba ku hadla. Saddex boqol oo milyan oo qof ayaa hadda ku hadla Faransiiska shanta qaaradood ee adduunka.

Iyada oo ku dhawaad kala badh dhammaan dadka ku hadla Faransiiska ay deggan yihiin Afrika, luqadda Faransiisku waa mid ka mid ah luqadaha ugu kobaca badan adduunka. Iyadoo weli si xooggan loola xiriirinayo Faransiiska -meesha uu ka yimid – inta badan dadka ku hadla Faransiiska waxay ku nool yihiin waddamo kale.

Faransiiska ayaa kaalinta labaad kaga jira Ingiriisiga oo ah luqadda rasmiga ah ee loogu isticmaalka badan yahay. Faransiisku sidoo kale waa luqadda nidaamka Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, luqadda keliya ee lagu isticmaalo doodaha Maxkamadda Midowga Yurub, iyo mid ka mid ah luqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay ee la aqoonsan yahay.

Iyaga oo raacaya Ingiriisi, luqadda Mandarinka ee Shiinaha, Hindi, Isbaanish, Carabi, iyo Bengali, Faransiisku waxa uu noqday luqadda toddobaad ee ugu ballaadhan adduunka. Ilaa 300 milyan oo qof oo ku hadla afkaan ayaa jira, oo ay ku jiraan kuwa ku hadla qayb ahaan iyo kuwa ku hadla lahjado faransiis ah oo badan iyo crioles.

Taariikhda Faransiiska oo Kooban ee Afrika

Afrika waxay leedahay dadka ugu badan ee ku hadla Faransiiska marka la barbardhigo qaaradaha kale ee dunida. Luqada Faransiiska waxay ku fiday Afrika wakhtigii ay gumaysan jirtay waxayna kamid noqotay manaahijta iskuulada iyo xittaa fursadaha suuqa shaqada ayay kamid noqotay.

Luqadda Faransiiska waxaa qaaradda Afrika lagu soo geliyay qaab gumeysi ah illaa ay ku faaftay manaahijta waxbarashada, waxaana ilaa iyo hadda looga hadlaa ugu yaraan 29 waddan oo Afrikaan ah. Luuqadda Faransiiska waxaa ku hadla dad lagu qiyaaso 167 milyan oo qof oo Afrika ku nool sannadka 2023. Waa 51% dadka ku hadla afka Faransiiska ee adduunka kunool. (inta badan sida luqadda labaad).

In kasta oo ay ugu horrayn tahay luqadda labaad ee inta badan dunida ay ku hadasha, waxa ay dhaaftay luqadaha maxalliga ah meelaha qaar, sida Abidjan ee Ivory Coast. Qiyaasta ayaa sheegaysa in 2050 ay jiri doonaan 700 milyan oo qof oo af Faransiis ku hadli doona, iyadoo Afrika ay noqon doonto boqolkiiba 80! Waddamada leh luqado badan oo maxalli ah, sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Faransiisku waa lingua franca – luqad ay adeegsadaan dadka aan ku hadlin afkooda hooyo. Waxa kale oo loo isticmaalaa sidii luqadda maamulka iyo dugsiyada waxbarashada.

Wadamada ku hadla Faransiiska ee Afrika

11 waddan oo Afrikaan ah ayaa afka Faransiisku u yahay luqadda rasmiga ah (iyo luqadda labaad ee rasmiga ah tobanka kale).

Guinea
Waa dal leh macdan badan, dalkan oo ay ku nool yihiin 10.5 milyan oo qof oo ku nool galbeedka Afrika waxa uu noqon karaa mid ka mid ah kuwa ugu qanisan Afrika. Faransiiska waa luqadda rasmiga ah, laakiin Susu, Fulani, iyo Mandingo ayaa sidoo kale loogu hadlaa.

Benin
Mid ka mid ah dalalka ugu xasilloon dimuqraadiyadda Afrika, Benin luqadda rasmiga ah waa Faransiis. Dadka Benin waxay sidoo kale ku hadlaan Fon, Ge, Bariba, Yoruba, iyo Dendi.

Burkina Faso
Iyadoo in ka badan 18.6 milyan oo qof ay ku nool yihiin, Burkina Faso waa dalka ugu saboolsan Afrika. Sidoo kale, oo ku yaal galbeedka Afrika, Faransiisku waa luqadda rasmiga ah, laakiin luqadaha kale ee asalka ah ayaa sidoo kale lagu hadlaa.

Kaameroon
Waxaa loo yaqaanaa “Africa in miniature,” dalkan ku yaal bartamaha Afrika wuxuu leeyahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee akhris iyo qoris ee qaaradda. Luqadaha rasmiga ah waa Faransiis iyo Ingiriis, kuwaas oo in ka badan 200 oo kooxo afaf ahna ay ku hadlaan. Waxay sidoo kale ku hadlaan luqadaha Bantu, Semi-Bantu, iyo luqadaha Suudaan.

Jamhuuriyadda Koongo
Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Koongo waa Faransiis. Dalkani waa dalka ugu badan ee soo saara saliidda ee ka hooseeya saxaraha Afrika.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo waa waddan ku hadla luqado badan oo lagu qiyaaso 242 luqadood. Ethnologue oo ah ilo soo gudbisa tirakoob iyo macluumaad kale oo ku saabsan luqadaha adduunka ayaa wuxuu taxayaa 215 luqadood oo nool. Dalkaan Koongo luqadda rasmiga ah, tan iyo xilligii gumeysiga waa Faransiis. Afar luqadood oo kale, oo saddex ka mid ah ay ku saleysan yihiin Bantu, ayaa leh heerka luqadda qaranka: Kikongo, Lingala, Swahili iyo Tshiluba.

51% wadarta dadweynaha waxay ku hadlaan Faransiis 74% waxay Faransiis u isticmaalayaan luqad ahaan sida rasmiga ah. Markii waddanku gumaysan jiray Belgian, waxa uu hore u hirgeliyay waxbarashada iyo adeegsiga afarta luuqadood ee waddaniga ah ee dugsiyada hoose, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah waddammada Afrika ee tirada yar ee aqoonta u leh luqadaha maxalliga ah xilligii gumeysiga Yurub. Faransiiska ayaa weli ah luqadda rasmiga ah ee dowladda Congo waxaana ku hadla kala bar dadka.

Ivory Coast
Dalka Ivory Coast oo ku yaalla galbeedka Afrika, ayaa ah waddanka ugu badan ee loo dhoofiyo digirta kookaha, iyadoo Faransiisku yahay luuqadda rasmiga ah.

Madagascar
Ka baxsan xeebaha bari ee Afrika, oo caan ku ah nolosha dhirta iyo xayawaanka, Madagascar waxay hoy u tahay 25 milyan oo qof iyo jasiiradda afaraad ee adduunka ugu weyn! Malagasy iyo Faransiis waa luqadaha rasmiga ah.

Wadamada kale ee Faransiiska looga hadlo ee Afrika waxaa kamid ah:
Burundi, Komoros, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Jamhuuriyadda Jabuuti, Gabon, Equatorial Guinea, Mali, Niger, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Rwanda, Senegal, Seychelles, Tchad, Togo.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Afrika1 day ago

Dalka Zimbabwe ayaa ku hanjabay inuu mamnuuci doono deeqaha waxbarasho ee khaniisiinta loogu talagalay

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 days ago

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Afrika3 days ago

Shirkii midowga Afrika maxaa kasoo baxay? – Afgembi, rabshado iyo qalalaase khatar ku ah Afrika

Wararka4 days ago

83 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, tirada dhimashaduna waxay kor u dhaaftay 28,858

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Madaxa Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa u ballan qaaday in Israa’iil ‘ay caqabad kala kulmi doonto ‘dilka dadka rayidka ah’

Bariga dhexe5 days ago

Weerarkii Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda5 days ago

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Wararka5 days ago

Kaliya Mareykanka ayaa qasab ku keeni kara nabadda Bariga Dhexe waana inuu cadaadiyaa Israa’iil, ayuu yirri Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan

Wararka5 days ago

“Haddii aad nabad rabto, u diyaargarow dagaal,” – RW Kyriakos Mitsotakis

Wararka5 days ago

Sarkaal Kenyan ah oo meydkiisa laga helay hotel ku yaallo Washington

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Maxaa dan ah ayaa ugu jira Soomaaliya heshiiska is-afgaradka milatari ay kala saxiixatay Mareykanka?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda6 days ago

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Aasiya1 week ago

Muslimiinta Hindiya ayaa ka cabsi qaba mustaqbalka xukunka RW Narendra Modi ee Hinduuga ah

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Maxkamad ku taallo Nederland ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay gaynayso Israa’iil

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkey?

Afrika2 weeks ago

Colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo laga soo bilaabo 1996

Wararka2 weeks ago

Weerarada fallaagada ayaa kumannaan kun ku qasbay inay ka qaxaan Koongo

Afrika2 weeks ago

Basaasiinta Israa’iil ayaa u hanjabaya qoyskayga – Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Koonfur Afrika

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka ayaa ka digaya aargoosi dheeraad ah haddii maleeshiyaadka ay Iran taageerto ay sii wadaan weeraradooda

Wararka2 weeks ago

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saldhigga booliska Pakistan

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Wararka2 weeks ago

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Paris

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Afrika3 weeks ago

Ruwaanda oo heshay xabaalo wadareedyo badan 30 sano kadib xasuuqii Tutsiga, 1994

Geeska Afrika3 weeks ago

Ilhaan Cumar ayaa lagu eedeeyay inay jabisay dhaartii loo dhaariyay maadaama ay sheegtay inay illaalin doonto danaha Soomaaliya

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Ruushka iyo Gambia ayaa yeeshay wadahadallo dhanka ammaanka ah

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 23aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Socdaalkii Rabaso – Qaybtii 1aad

Aasiya3 weeks ago

Maxaa laga baran karaa xariga Imran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah?

Afrika3 weeks ago

Saddex dawladood oo galbeedka Afrika ah ayaa ka baxay urur goboleedka ECOWAS – sababta waa maxay?

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 22aad

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ma noqon karaa mid wax ka qaban karo xaaladda reer Falastiin?

Geeska Afrika4 weeks ago

Muxuu Abiy Axmed ka yiri midnimada Soomaaliya?

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

“Nelson Mandela wuu dhoola cadeyn lahaa” Wasiirka Koonfur Afrika ayaa yiri kadib go’aanka ICJ ee ka dhanka ah Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Go’aannada Maxkamadda Adduunka waa “mid la taaban karo” – Madaxa QM

Wararka4 weeks ago

Sacuudiga oo laga furayo dukaankii ugu horreeyey ee lagu iibiyo khamriga – khamriga xalaal miyaa laga dhigay?

Xul