Ganacsiga
Trump oo ku hanjabay canshuuro ka dhan ah Greenland, kuna tilmaamay inay muhiim u tahay amniga Mareykanka
Wafdiga Mareykanka ayaa doonaya inay yareeyaan xiisadda Mareykanka iyo Denmark iyo Greenland iyadoo uu jiro hanjabaadaha Trump ee canshuuraha iyo sheegashooyinka xakamaynta.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu canshuur ku soo rogi karo dalalka aan taageersanayn sheegashada Mareykanka ee ah inuu maamulo Greenland, farriintan oo timid markii wafdi ka socda Kongareeska oo laba dhinac ah ay doonayeen inay yareeyaan xiisadda ka taagan caasimadda Denmark.
Tan iyo markii Trump uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo 2024, wuxuu si isdaba joog ah ugu adkeystay in Mareykanka uu maamulo Greenland, oo ah dhul madax-bannaan oo ay leeyihiin xulafada NATO ee Denmark, wuxuuna horraantii toddobaadkan sheegay in wax kasta oo ka yar jasiiradda Arctic ee gacanta Mareykanka ku jirta ay noqon doonaan “wax aan la aqbali karin”.
Inta lagu guda jiray munaasabad aan xiriir la lahayn oo ka dhacday Aqalka Cad oo ku saabsan daryeelka caafimaadka miyiga, wuxuu ka sheekeeyay Jimcihii sida uu ugu hanjabay xulafada Yurub canshuuraha daawooyinka. “Waxaan taas u sameyn karaa Greenland sidoo kale,” ayuu yiri Trump. “Waxaa laga yaabaa inaan canshuur saaro waddamada haddii aysan la jaan qaadin Greenland, sababtoo ah waxaan u baahanahay Greenland amniga qaranka. Markaa waan sameyn karaa taas,” ayuu yiri.
Trump wuxuu sheegay in Greenland ay muhiim u tahay amniga Mareykanka sababtoo ah goobta istaraatiijiyadeed iyo sahayda macdanta oo badan, mana uusan meesha ka saarin isticmaalka xoogga si loo qaato.
Horay uma uusan soo hadal qaadin isticmaalka canshuuraha si loogu qasbo arrinta. Horraantii toddobaadkan, wasiirrada arrimaha dibadda ee Denmark iyo Greenland ayaa Washington kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.
Kulankaas ma uusan xallin khilaafaadkii waaweynaa, laakiin wuxuu soo saaray heshiis lagu dhisayo koox shaqo – oo ujeeddadiisu ahayd in Denmark iyo Aqalka Cad ay markaas soo bandhigeen aragtiyo kala duwan oo dadweyne.
Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ku adkeystay in Denmark iyo Greenland oo keliya ay go’aan ka gaari karaan arrimaha ku saabsan dhulka, Denmark-na waxay toddobaadkan sheegtay inay kordhinayso joogitaankeeda milatari ee Greenland iyadoo la kaashanaysa xulafada.
Wafti ka socda sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa Jimcihii la kulmay hoggaamiyeyaasha Denmark iyo Greenland ee Copenhagen, iyagoo doonaya inay “hoos u dhigaan heerkulka” iyagoo hubinaya taageerada Kongareeska si ay Greenland ugu aqoonsadaan xulafo, ee aan ahayn hanti, ka dib hanjabaaddii Trump ee ahayd inay qabsan doonto jasiiradda Arctic.
Dalalka Yurub ayaa toddobaadkan tiro yar oo ciidan ah u diray jasiiradda iyagoo codsi u diray Denmark.
Waftiga Mareykanka oo ka kooban 11 xubnood, oo uu hoggaaminayo Senator Chris Coons oo Dimuqraadi ah, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen iyo dhiggeeda Greenland Jens-Frederik Nielsen, iyo sidoo kale xildhibaannada Denmark iyo Greenland. “Waxaa jira hadallo badan, laakiin ma jiraan xaqiiqo badan oo ku jirta doodda hadda ka socota Washington,” Coons ayaa u sheegay wariyeyaasha ka dib shirarka, isagoo sheegay in siyaasiyiintu ay isku dayi doonaan inay “hoos u dhigaan heerkulka” marka ay ku laabtaan dalkooda.
Wuxuu raadinaya heshiis
Wakiilka gaarka ah ee Trump ee Greenland ayaa sidoo kale Jimcihii sheegay inuu qorsheynayo inuu booqdo dhulka Denmark bisha Maarso wuxuuna aaminsan yahay in heshiis la gaari karo.
“Waxaan aaminsanahay in heshiis la gaari doono marka arrintani dhacdo,” Jeff Landry ayaa u sheegay Fox News wareysi uu Jimcihii bixiyay, iyadoo wafdiga Mareykanka ay la kulmeen hoggaamiyeyaasha Denmark iyo Greenland.
“Madaxweynuhu waa mid dhab ah. Waxaan u maleynayaa inuu dhigay calaamadaha. Wuxuu Denmark u sheegay waxa uu raadinayo, haddana waa arrin ah in Xoghayaha [Dibadda] Marco Rubio iyo Madaxweyne ku xigeenka JD Vance ay heshiis gaaraan.”
Ganacsiga
FESTU iyo Xoghayaha Guud ee AfCFTA oo kawada hadlay doorka shaqaalaha ee isdhexgalka Afrika
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta heshiiska AfCFTA ee Soomaaliya iyo doorka shaqaalaha iyo ururradooda ay ka qaadan karaan isdhexgalka dhaqaale ee qaaradda.

Hoggaanka Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud, Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa shalay Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Wamkele Mene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta heshiiska AfCFTA ee Soomaaliya iyo doorka shaqaalaha iyo ururradooda ay ka qaadan karaan isdhexgalka dhaqaale ee qaaradda. FESTU ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda abuurista shaqooyin hufan, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo xoojinta wadahadalka bulshada, si kobaca ganacsiga iyo maalgashigu faa’iido ugu yeesho shaqaalaha Soomaaliyeed.
FESTU ayaa sheegtay in hirgelinta AfCFTA ay tahay inay la socoto siyaasado dammaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha iyo fursado shaqo oo wanaagsan. Ururku wuxuu sidoo kale ku adkeystay in kobaca ganacsiga iyo maalgashiga uu noqdo mid loo dhan yahay, isla markaana si toos ah uga faa’iideysta bulshada iyo shaqaalaha.
Iyadoo tixraacaysa mowqifyada Ururweynaha Caalamiga ah ee Ururrada Shaqaalaha (ITUC) iyo ITUC-Africa, FESTU waxay sheegtay in shaqaalaha iyo ururradoodu ay yeeshaan cod muuqda oo wax-ku-ool ah marka la dejinayo siyaasadaha iyo qaab-dhismeedka lagu hirgelinayo AfCFTA.
Wamkele Mene ayaa soo dhaweeyay sii wadidda wada-shaqeynta lala leeyahay ururrada shaqaalaha, isagoo xusay muhiimadda iskaashi dhex mara dowladda, ganacsatada iyo ururrada shaqaalaha si loo gaaro koboc dhaqaale oo loo dhan yahay. Wadahadalka bulshada ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inuu muhiim u yahay in faa’iidooyinka isdhexgalka dhaqaale ay gaaraan qaybaha kala duwan ee bulshada.
FESTU ayaa sidoo kale bogaadisay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, dadaalka uu ku bixinayo hirgelinta AfCFTA, iyadoo sheegtay inuu xoogga saarayo isu keenista dowladda, ganacsatada iyo ururrada shaqaalaha. Ururku wuxuu sheegay in wada-shaqeyntaasi ay muhiim u tahay dhismaha dhaqaale loo dhan yahay iyo horumar waara oo Soomaaliya ka hirgala.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan saxiixay sharciga ansixinta heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kaddib markii uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa u gogol-xaaraysa in Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqoto suuqa ganacsi ee ugu weyn Afrika.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegtay in saxiixa Madaxweynaha uu u oggolaanayo Soomaaliya inay u gudbiso dukumeentiga ansixinta Guddiga Midowga Afrika, taas oo ah tallaabada ugu dambeysa ee lagu dhammaystirayo xubinnimada dalka ee heshiiskan.
Heshiiska AfCFTA, oo uu aasaasay Midowga Afrika ayaa ujeeddadiisu tahay in la yareeyo caqabadaha hortaagan ganacsiga u dhexeeya dalalka Afrika lana abuuro hal suuq oo mideeya in ka badan 1.4 bilyan oo qof iyo dhaqaale lagu qiyaaso $3.4 tirilyan taasoo ka dhigaysa aagga ganacsiga xorta ah ee ugu weyn dunida marka loo eego tirada waddamada xubnaha ka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku biirista AfCFTA ay fursad siin doonto ganacsatada Soomaaliyeed inay si sahlan u gaaraan suuqyada dalalka Afrika isla markaana ay kor u qaadi doonto dhoofinta wax-soo-saarka dalka, soo jiidashada maalgashiga, horumarinta warshadaha, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin cusub.
Si kastaba ha ahaatee, khubarada dhaqaalaha ayaa tilmaamaya in faa’iidooyinka heshiiska ay ku xirnaan doonaan sida ay Soomaaliya u hirgeliso shuruudaha heshiiska u horumariso kaabayaasha dhaqaalaha iyo awoodda wax-soo-saarka gudaha si ay uga faa’iideysato fursadaha uu bixiyo suuqa mideysan ee Afrika.
Ganacsiga AfCFTA ayaa si rasmi ah u billowday 1-dii Janaayo 2021, iyadoo xarunta xoghayntiisu ay ku taallo magaalada Accra ee dalka Gaana. Inkasta oo heshiisku uu yahay mid taariikhi ah haddana wuxuu weli wajahaa caqabado ay ka mid yihiin hirgelin gaabis ah kaabayaal dhaqaale oo liita iyo ganacsiga xuduudaha Afrika oo weli aan gaarin heerkii la filayay.
Ganacsiga
Soomaaliya oo soo jiidanaysa maalgashadayaal shisheeye oo danaynaya dhismaha guryaha
ganacsatada iyo maalgashadayaasha ayaa sheegay in booqashadooda Soomaaliya ay qayb ka tahay qiimeynta fursadaha maalgashi ee dalka, gaar ahaan mashaariicda guryaha qiimaha jaban.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Yuusuf ayaa kulan la yeeshay ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socday Turkiga, Jabuuti iyo Suudaan oo danaynaya fursadaha maalgashi ee Soomaaliya gaar ahaan dhismaha guryo qiimo jaban.
Wasiir Ayuub ayaa maalgashadayaasha uga warbixiyay fursadaha ka jira dalka, isagoo sheegay in wasaaraddu dhiirrigelinayso maalgashiga lagu dhisayo guryo qiimo jaban oo ay awoodaan inay iibsadaan qoysaska iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu sidoo kale sheegay in wasaaraddu diyaar u tahay inay fududeyso shuruucda, habraacyada iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah maalgashadayaasha si ay si hufan uga howlgalaan Soomaaliya ayna maalgelin ugu sameeyaan mashaariicda dhismaha iyo guriyeynta.
Dhankooda, ganacsatada iyo maalgashadayaasha ayaa sheegay in booqashadooda Soomaaliya ay qayb ka tahay qiimeynta fursadaha maalgashi ee dalka, gaar ahaan mashaariicda guryaha qiimaha jaban, iyo mashaariic kale oo horumarineed oo ay ku jiraan isbitaallo iyo iskuulo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xilgaarsiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa furay shirka looga arrinsanayo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka oo diiradda lagu saarayo xoojinta isku-xirka dhaqaale, ganacsi iyo kaabayaal ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka.
Shirka waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya mas’uuliyiin ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo khubaro farsamo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Afrika ay maanta ka mid tahay suuqyada waaweyn ee caalamka ayna dunida inteeda kale dooneyso inay maalgashi iyo ganacsi la yeelato. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay fursad ay ku noqon karto buundo isku xirta Afrika iyo dunida inteeda kale, maadaama ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.
Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale xusay in caqabadda ugu weyn ee dalalka Afrika haysata ay tahay is-dhexgalka dhaqaale, maadaama ganacsiga u dhexeeya dalalka qaaradda uu weli yahay mid xaddidan. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo aragti iyo qorshe cilmi ku dhisan, si Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale iyo ganacsi ee ka jira gobolka iyo qaaradda.
Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka ayaa dejinaysa jihada Soomaaliya uga faa’iidaysan karto marinadeeda ganacsi, dekedaha iyo xuduudaha, si loo fududeeyo isu-socodka iyo ganacsiga, loo ballaariyo suuqyada, loo kobciyo maalgashiga, loona xoojiyo isku-xirka dhaqaale ee Soomaaliya, Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo guud ahaan qaaradda.
Qorshahan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya ay si weyn uga faa’iideysato goobteeda istiraatiijiga ah, kheyraadkeeda iyo fursadaha ganacsi ee gobolka.
Ganacsiga
Soomaaliya oo bilowday qorshe lagu dardargelinayo isku-xirka ganacsiga gobolka
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Afrika ay maanta ka mid tahay suuqyada waaweyn ee caalamka ayna dunida inteeda kale dooneyso inay maalgashi iyo ganacsi la yeelato.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xilgaarsiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa furay shirka looga arrinsanayo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka oo diiradda lagu saarayo xoojinta isku-xirka dhaqaale, ganacsi iyo kaabayaal ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka.
Shirka waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya mas’uuliyiin ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo khubaro farsamo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Afrika ay maanta ka mid tahay suuqyada waaweyn ee caalamka ayna dunida inteeda kale dooneyso inay maalgashi iyo ganacsi la yeelato. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay fursad ay ku noqon karto buundo isku xirta Afrika iyo dunida inteeda kale, maadaama ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.
Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale xusay in caqabadda ugu weyn ee dalalka Afrika haysata ay tahay is-dhexgalka dhaqaale, maadaama ganacsiga u dhexeeya dalalka qaaradda uu weli yahay mid xaddidan. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo aragti iyo qorshe cilmi ku dhisan, si Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale iyo ganacsi ee ka jira gobolka iyo qaaradda.
Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka ayaa dejinaysa jihada Soomaaliya uga faa’iidaysan karto marinadeeda ganacsi, dekedaha iyo xuduudaha, si loo fududeeyo isu-socodka iyo ganacsiga, loo ballaariyo suuqyada, loo kobciyo maalgashiga, loona xoojiyo isku-xirka dhaqaale ee Soomaaliya, Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo guud ahaan qaaradda.
Qorshahan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya ay si weyn uga faa’iideysato goobteeda istiraatiijiga ah, kheyraadkeeda iyo fursadaha ganacsi ee gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan saxiixay sharciga ansixinta heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kaddib markii uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa u gogol-xaaraysa in Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqoto suuqa ganacsi ee ugu weyn Afrika.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegtay in saxiixa Madaxweynaha uu u oggolaanayo Soomaaliya inay u gudbiso dukumeentiga ansixinta Guddiga Midowga Afrika, taas oo ah tallaabada ugu dambeysa ee lagu dhammaystirayo xubinnimada dalka ee heshiiskan.
Heshiiska AfCFTA, oo uu aasaasay Midowga Afrika ayaa ujeeddadiisu tahay in la yareeyo caqabadaha hortaagan ganacsiga u dhexeeya dalalka Afrika lana abuuro hal suuq oo mideeya in ka badan 1.4 bilyan oo qof iyo dhaqaale lagu qiyaaso $3.4 tirilyan taasoo ka dhigaysa aagga ganacsiga xorta ah ee ugu weyn dunida marka loo eego tirada waddamada xubnaha ka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku biirista AfCFTA ay fursad siin doonto ganacsatada Soomaaliyeed inay si sahlan u gaaraan suuqyada dalalka Afrika isla markaana ay kor u qaadi doonto dhoofinta wax-soo-saarka dalka, soo jiidashada maalgashiga, horumarinta warshadaha, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin cusub.
Si kastaba ha ahaatee, khubarada dhaqaalaha ayaa tilmaamaya in faa’iidooyinka heshiiska ay ku xirnaan doonaan sida ay Soomaaliya u hirgeliso shuruudaha heshiiska u horumariso kaabayaasha dhaqaalaha iyo awoodda wax-soo-saarka gudaha si ay uga faa’iideysato fursadaha uu bixiyo suuqa mideysan ee Afrika.
Ganacsiga AfCFTA ayaa si rasmi ah u billowday 1-dii Janaayo 2021, iyadoo xarunta xoghayntiisu ay ku taallo magaalada Accra ee dalka Gaana. Inkasta oo heshiisku uu yahay mid taariikhi ah haddana wuxuu weli wajahaa caqabado ay ka mid yihiin hirgelin gaabis ah kaabayaal dhaqaale oo liita iyo ganacsiga xuduudaha Afrika oo weli aan gaarin heerkii la filayay.
Ganacsiga
Soomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegtay in saxiixa Madaxweynaha uu u oggolaanayo Soomaaliya inay u gudbiso dukumeentiga ansixinta Guddiga Midowga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga ansixinta heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kaddib markii uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa u gogol-xaaraysa in Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqoto suuqa ganacsi ee ugu weyn Afrika.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegtay in saxiixa Madaxweynaha uu u oggolaanayo Soomaaliya inay u gudbiso dukumeentiga ansixinta Guddiga Midowga Afrika, taas oo ah tallaabada ugu dambeysa ee lagu dhammaystirayo xubinnimada dalka ee heshiiskan.
Heshiiska AfCFTA, oo uu aasaasay Midowga Afrika ayaa ujeeddadiisu tahay in la yareeyo caqabadaha hortaagan ganacsiga u dhexeeya dalalka Afrika lana abuuro hal suuq oo mideeya in ka badan 1.4 bilyan oo qof iyo dhaqaale lagu qiyaaso $3.4 tirilyan taasoo ka dhigaysa aagga ganacsiga xorta ah ee ugu weyn dunida marka loo eego tirada waddamada xubnaha ka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku biirista AfCFTA ay fursad siin doonto ganacsatada Soomaaliyeed inay si sahlan u gaaraan suuqyada dalalka Afrika isla markaana ay kor u qaadi doonto dhoofinta wax-soo-saarka dalka, soo jiidashada maalgashiga, horumarinta warshadaha, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin cusub.
Si kastaba ha ahaatee, khubarada dhaqaalaha ayaa tilmaamaya in faa’iidooyinka heshiiska ay ku xirnaan doonaan sida ay Soomaaliya u hirgeliso shuruudaha heshiiska u horumariso kaabayaasha dhaqaalaha iyo awoodda wax-soo-saarka gudaha si ay uga faa’iideysato fursadaha uu bixiyo suuqa mideysan ee Afrika.
Ganacsiga AfCFTA ayaa si rasmi ah u billowday 1-dii Janaayo 2021, iyadoo xarunta xoghayntiisu ay ku taallo magaalada Accra ee dalka Gaana. Inkasta oo heshiisku uu yahay mid taariikhi ah haddana wuxuu weli wajahaa caqabado ay ka mid yihiin hirgelin gaabis ah kaabayaal dhaqaale oo liita iyo ganacsiga xuduudaha Afrika oo weli aan gaarin heerkii la filayay.
Geesta kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deddaal dheer ku bixisay ka mid noqoshadda Ururka Bulshada Bariga Afrika, dowlada Soomaaliya bixisay qaaraan dhan 3.5 milyan oo doollar, iyadoo ay wali hirgelin in dadka Soomaaliyeed ay si hufnaan ah oo dal ku-gal la’aan ugu socdaallan dalalka Bariga Afrika.
Soomaaliya ayaa laga aqbalay codsigeeda ku biirista Daladda Bulshada Bariga Afrika dhammaadkii bishii Nofeembar 2023, waxaana si rasmi ah xubinnimadeeda qalinka lagu duugay laguna dhawaaqay 4-tii Maarso 2024, ku biirista dalladan Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inay tahay tallaabo taarikhi ah oo Soomaaliya u horseedaysa horumar.
Dowladda Soomaaliya ayaa heshay soo dhaweyn goboleed, iyada oo xubinnimadeeda ay tahay dalkii 8aad ee Ururka Bulshada Afrika ku biira. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer sheegtay inay gaartay guul taarikhi ah muddan in la illaalshado oo ay tahay dhaxal reeb ummadeed. Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada ku dhaqan Bariga Afrika ayaa sheegay inay u arkaan ku biirista Bulshada Bariga Afrika ay xuquuq ka maqnayd dhowr sanno oo ay in badan sugaayeen.
Bangiyadda & Keydka
Mala socotaa in doollarka uusan ahayn oo kaliya lacag, balse waa aalad awooddeed?
Ma ogtahay in marka ganacsiga lagu kala iibsado saami doollar ah, Mareykanku wuxuu helayaa awood uu ku xakameeyo nidaamka lacagaha ee caalamiga ah, gaar ahaan iyada oo loo marayo nidaamyada bangiyada iyo hababka lacag wareejinta sida SWIFT.

Hoos u dhaca doollarka Mareykanka iyo istaraatiijiyadda ay qaateen dalalka sida Ruushka iyo Shiinaha si ay uga fogaadaan isticmaalka doollarka ee ganacsiga caalamiga ah waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda iyo dhaqaalaha adduunka. Arrintan ma aha oo kaliya mid ku saabsan lacag la isku beddelanayo, balse waa mid taabanaysa awoodda iyo saamaynta caalamiga ah ee Mareykanka.
Muddo dheer, gaar ahaan tan iyo dhammaadkii Dagaalka Adduunka II, doollarka Mareykanka wuxuu noqday tiirka ugu muhiimsan ee nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah. Heshiiskii Bretton Woods ayaa si rasmi ah u dejiyay doollarka inuu noqdo lacagta ugu weyn ee lagu kaydiyo hantida iyo ganacsiga. Taasi waxay siisay Mareykanka awood uu ku saameeyo suuqyada, bangiyada, iyo siyaasadaha dhaqaalle ee dunida oo dhan.
Waa maxay Heshiiskii Bretton Woods, oo la aasaasay Luulyo 1944?
Nidaam lacageed oo caalami ah oo cusub ayaa waxaa sameeyay ergooyin ka kala socday 44 waddan oo ku kulmay Bretton Woods, New Hampshire, bishii Luulyo 1944. Ergooyinka shirka ayaa isku raacay in la dhiso Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka. Ujeeddada ugu weyn ee nidaamka Bretton Woods waxay ahayd in la xasiliyo sarrifka lacagaha, la yareeyo tartanka qiimo-dhimista, lana dhiirrigeliyo kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamiga ah. Ujeeddada ugu weyn ee Heshiiska Bretton Woods waxay ahayd in la xasiliyo sarrifka lacagaha, la yareeyo tartanka qiimo-dhimista, lana dhiirrigeliyo kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamiga ah.
Laba dhaqaaleyahan oo caan ah, John Maynard Keynes iyo Harry Dexter White, ayaa si weyn uga qayb qaatay naqshadeynta nidaamkan. John Maynard Keynes wuxuu soo jeediyay bangi dhexe oo caalami ah iyo lacag cusub oo la yiraahdo “bancor,” halka Harry Dexter White uu taageeray nidaam ku saleysan lacagaha qaranka iyo kayd dahab ah. Inkasta oo ay kala duwanaayeen aragtidooda, heshiiska ugu dambeyntii la gaaray waxaana la isku daray fikradaha labada dhinac.
Inkasta oo nidaamkani uu shaqeynayay ilaa 1971, markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, haddana wuxuu dhaxal u reebay qaab-dhismeedyo weli saameyn ku leh dhaqaalaha caalamiga ah maanta. Sababtoo ah, nidaamka Bretton Woods wuxuu dejiyay nidaam sarrif oo go’an, halkaas oo lacagaha waddamada lagu xiray doolarka Mareykanka, doolarkuna uu ku xirnaa dahab. Tani waxay abuurtay xasillooni dhaqaalle oo muddo dheer socotay, taasoo sahashay kobac dhaqaalle iyo ganacsi caalami ah. Nidaamkani wuxuu socday ilaa 1971, markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, taasoo keentay burburka nidaamkaas.
Nidaamka Bretton Woods wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha, siyaasadda, iyo diblomaasiyadda caalamka intii uu shaqeynayay (1944–1971) iyo xittaa ka dib burburkiisa. Ujeeddadiisu waxay ahayd in la abuuro nidaam dhaqaalle oo xasilloon oo ka hortaga qalalaasihii hore, taasoo si weyn u beddeshay sida waddamada u wada shaqeeyaan. Wadamada warshadaha leh sida Mareykanka iyo Yurub waxay gaareen kobac dhaqaalle oo degdeg ah, waxaana la arkay koror weyn oo wax soo saar iyo shaqo abuur leh. Intaa waxaa dheer, hay’adaha sida Hay’adda Lacagta Adduunka (International Monetary Fund) iyo Baanka Adduunka (World Bank) ayaa ka caawiyay waddamada inay ka gudbaan dhibaatooyinka dhaqaalle iyo inay helaan maalgelin horumarineed.
Saameynta dhaqaalle ma ahayn mid isku dheellitiran
Wadamada soo koraya waxay inta badan ku tiirsanaayeen kaalmo iyo deymo, taasoo mararka qaar keentay ku-tiirsanaan dhaqaale. IMF waxay dejisay shuruudo adag marka ay bixiso deymo, taasoo saameyn ku yeelatay siyaasadaha gudaha ee waddamada qaarkood. Sidaas darteed, inkastoo nidaamku kobac keenay, haddana wuxuu sidoo kale abuuray kala duwanaansho dhaqaalle oo u dhexeeya waddamada hodanka ah iyo kuwa saboolka ah. Dhinaca siyaasadda, Bretton Woods wuxuu xoojiyay hoggaanka Mareykanka ee nidaamka caalamiga ah. Sababtoo ah doolarka Mareykanka ayaa noqday lacagta ugu muhiimsan ee kaydka caalamiga ah, Mareykanku wuxuu helay awood dhaqaalle iyo mid siyaasadeed oo ballaaran. Tani waxay sidoo kale qayb ka ahayd tartankii awoodaha waaweyn ee xilligii Dagaalka Qaboowaa halkaas oo Mareykanku uu isticmaalayay hay’adaha dhaqaalle si uu u xoojiyo saameyntiisa siyaasaddeed iyo dhaqaalle ee dunida.
Dhinaca diblomaasiyadda, nidaamka Bretton Woods wuxuu dhiirrigeliyay iskaashi caalami ah oo aan hore loo arag. Wadamada ayaa si joogto ah uga wada shaqeynayay arrimaha dhaqaalle, taasoo sare u qaadday xiriirka diblomaasiyadeed iyo kalsoonida. IMF iyo Bangiga Adduunka waxay noqdeen goobo ay waddamadu ku wada hadlaan oo ay ku xalliyaan khilaafaadka dhaqaalle si nabad ah, halkii ay ka qaadi lahaayeen tallaabooyin adag sida xannibaadaha ganacsi.
Markii nidaamka Bretton Woods uu burburay 1971, kadib markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, waxaa bilaabmay nidaam cusub oo sarrif lacag oo dabacsan (floating exchange rates). Inkastoo tani keentay xorriyad dhaqaalle oo badan, haddana waxay sidoo kale kordhisay khatarta isbeddelka sarrifka iyo qalalaasaha dhaqaalle. Bretton Woods wuxuu si weyn u saameeyay dunida, isagoo dhisay aasaaska nidaamka dhaqaalle ee casriga ah. Wuxuu xoojiyay iskaashiga caalamiga ah, kobciyay ganacsiga, isla markaana beddelay awoodaha siyaasadeed iyo diblomaasiyaddeed ee dunida.
Doollarka ma ahan oo kaliya lacag, balse waa aalad awooddeed
Marka ganacsiga lagu kala iibsado saami doollar, Mareykanku wuxuu helayaa awood uu ku xakameeyo nidaamka lacagaha ee caalamiga ah, gaar ahaan iyada oo loo marayo nidaamyada bangiyada iyo hababka lacag wareejinta sida SWIFT. Tani waxay u oggolaatay Mareykanka inuu adeegsado cunaqabateyn dhaqaalle si uu caddaadis ugu saaro dalalka kalle, taasoo ka dhigtay doollarka hub siyaasaddeed oo aan la iska indha tiri karrin.
Isbeddelka ay wadaan Ruushka iyo Shiinaha wuxuu muujinayaa in nidaamkaas la caqabadeynayo. Labadan dal waxay si ula kac ah u yareynayaan ku tiirsanaanta doollarka, iyagoo kordhinaya isticmaalka lacagahooda gudaha sida yuan-ka iyo ruble-ka. Tallaabooyinkan waxaa dhiirrigeliyay dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin khilaafaadka siyaasaddeed ee sii kordhaya iyo cunaqabateynta dhaqaalle ee lagu soo rogay Ruushka, gaar ahaan ka dib dhacdooyinka la xiriira duulaankii gobolka Kirimiya ee Yukreyn. Shiinaha, dhinaceeda, waxay leedahay aragti fog oo ku saabsan doorka ay rabto inay ka qaadato nidaamka caalamiga ah. Iyadoo loo marayo mashaariicda waaweyn sida Hindisaha Suunka iyo Waddooyinka (Belt and Road Initiative), Shiinaha waxay isku dayaysaa inay dhisto shabakad ganacsi iyo maaliyadeed oo ka madax-bannaan nidaamka reer galbeedka. Tani waxay u oggolaanaysaa inay ku fidiso saamaynteeda dhaqaalle iyo siyaasaddeed, iyadoo hoos u dhigaysa doorka doollarka ee ganacsiga. Saamaynta arrintan ayaa noqon karta mid aad u ballaaran. Haddii dalal kale—gaar ahaan kuwa soo koraya ee ku jira ururrada sida BRICS—ay bilaabaan inay raacaan jidkan, waxaa dhici karta in nidaamka maaliyaddeed ee caalamiga ah uu u wareego qaab cusub oo leh awoodo badan. Taasi waxay keeni kartaa in doollarka uu si tartiib ah u lumiyo kaalintiisa hoggaamineed, inkastoo aysan tani dhici doonin si degdeg ah.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la fahmo caqabadaha horyaalla isbeddelkan. Inkastoo Ruushka iyo Shiinaha ay sameynayaan dadaallo waaweyn, doollarka Mareykanka weli wuxuu leeyahay kalsooni caalami ah oo aad u sarreysa. Suuqyada maaliyadeed ee Mareykanka waa kuwo aad u qoto dheer, nidaamkooda bangiyadeedna waa mid aad u horumarsan. Intaa waxaa dheer, hay’adaha caalamiga ah sida International Monetary Fund iyo World Bank ayaa weli si weyn ugu tiirsan doollarka. Waxa socda maanta ma aha burbur degdeg ah oo ku yimaada doollarka, balse waa tartan istaraatiiji ah oo muddo dheer socon doona. Ruushka iyo Shiinaha waxay isku dayayaan inay dhisaan nidaam kale, halka Mareykanku uu difaacayo booskiisa. Tartankan wuxuu ku fidsan yahay dhinacyo badan: dhaqaale, siyaasadeed, tiknoolajiyadeed, iyo xittaa milatari.
Haddii isbeddelkan sii socdo, adduunku wuxuu u wareegi karaa nidaam dunida awoodo badan ku dhisan (multipolar world), halkaas oo dhowr quwadood ay wadaagaan saamaynta. Tani waxay keeni kartaa fursado cusub, sida in dalal badan ay helaan xorriyad dheeraad ah oo ay ku maareeyaan dhaqaalahooda. Waxay sidoo kale keeni kartaa khataro, sida xasillooni darro iyo tartan sii kordha oo u dhexeeya quwadaha waaweyn.
Gabagabadii, ka fogaanshaha doollarka Mareykanka ee ganacsiga caalamiga ah waa dhaqdhaqaaq istaraatiiji ah oo leh saameyn fog. Ma aha oo kaliya laba dal oo isku dayaya inay beddelaan hab lacag-bixineed, balse waa isbeddel ku saabsan sida awoodda loo qaybinayo ee adduunka. Mustaqbalka nidaamka caalamiga ah wuxuu ku xirnaan doonaa sida isbeddelkan u kobco iyo sida dalalka kale ay uga falceliyaan. Waxaa suurtagal ah in dunidu ay u gudubto marxalad cusub oo leh qaab awooddeed oo ka duwan kii hore—mid ka adag, kana tartan badan, balse sidoo kale laga yaabo inuu noqdo mid dheellitiran.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Soomaaliya3 months agoMareykanka oo si weyn ugu carootay rag ka tirsan CXDS kuwaasi oo ku istaagay calanka dalka Mareykanka
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM








































