Connect with us

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Siddee Ummadda Soomaaliyeed Dhexdooda Xal Loogu Heli Karaa?||Tukesomalism.com

Published

on

Horta intaynan su’aashaan ka jawaabin, waxaa haboon inaynu isla garano dhibaatada ina haysata hadda iyo wakhtiyadii tagay. Waxaan dhihi karaa, umadda Soomaaliyeed waligeedba qabiilo qayb-qaybsan, oo midba kankalle col layahay, oo wax aan macno lahayn ku dagaalama ayay ahayeen. Taasina waa dhibaatada maanta ina haysata. Soomaalida waxaa cadow goodi wax walba ku sameeyay ee dhulkoodii bilaashka ku qaatay, illaa maantana bilaashka ku hasyta, ee kaaga darane intii harayna kugu haysta, xittaa wax kalle iska daayo ay maanta Itoobiya shanta meelood ee ay midwalba dusha ka xukunto aynu nahay, waa dhibaato ay qabyaaladd & qabiilaysigu inoo gaystay. Laga soo bilaabo 47 sano ee tagay, Soomaalida waxa ay dawlad hagaagsan oo loo aayo oo caddaalad ku dhisan u diiday waa qabyaaladda. Dawladii Siyaad Bare waxaa sababay inay 21 sano dadka gumaado waa dadka qabyaaladdu qayb-qaybisay waayo “yay is cunaysaa waraabe iskama cilisaa layidhi”.

somali-pirate-shor_2703071k

Dagaalka sokeeye ee Soomaalidu waa mid waligii illaa maanta is xumayn iyo is xinin ah, oo ka dhex taagan qabiillooyinka weli ku jira dhaqankii iyo dabeecadahii badwaanimada ee qabiillooyinka. Waana jaahilnimo iyo xumaan layska ira tiraayo oo aan larabin in laxaliyo. Waxa C/llaahi Yuusuf oo dad iyo dal toona dan ka lahayn madax uga dhigay koonfurta Soomaaliya waa qabyaalada iyo qabiillaysiga jaahilnimda ee ay beelaha Soomaliyeed u qaybsanyihiin. Daahir Riyaale iyo wasiiradiisa sidda  indha la’aanta ah sharciga wadanka ugu tumanaaya ee aan cidmna ka baqanahayn, wadanka dhaqaalihiisi curyaamiyay ee horumar & caddaalad u diidanai waa beelaha qabyaaladu lafta kaga wada jirto ee aan naftooda daacada u ahayn.

 Si aan xalka u garano iswaydii su’aalahan soo socda:

  • Qabyaaladu in ay tahay waxa maanta Soomaaliya u diiday dawlad hagaagsan oo calamku aqoon sanyahay miyaa laysku diidanyahay
  • In wadajirkii Soomaaliyeed iyo is-dhexgalkii bulshadeed uu tirtiray qabiil, oo maanta aanu jirin qof  aanu waxyeeladii qabyaaladdu taaban. 
  • ·Isweydiiyoo qabiilka aad ka dhalatay weligaa wax ma ku tareen? Mise iskadaa wax ay ku taraane waabay kugu daneysteen?  
  • Metalanba haddiiba tolkaa la siiyo waxa ugu qiimaha badan ee dunida yaal, ma ku heshiin lahaayeen
  • Lafaha hoose iyo jilibyada uu ka kooban yahay tolkaa? Laftee baa xaq u leh in ay inta badan qaadato, teebaase xaq u leh in loo yareeyo qaybta? Sababtee?. 
  • ·Soomaaliyeey Qabiilkee qabaa’ilka kale ka fiican amaba ka sarreeya?
  • ·Qabiilkee xaq u leh in uu u taliyo ummadda Soomaaliyeed guud  ahaan?
  • ·Qabiilkee gaaray isku-fillaansho taama oo ka maarma in uu wax la wadaago Soomaali inteeda  kale ama soomaliland ba?
  • Ma u malaynaysaa in Soomalida lagu xukumi karo ama wax loogu qaybin karo qabyaalad iyo dhalasho(ethnicity)? Jawaabtu ma tahay maya-maya?
  • ·Ummadda Soomaaliyeed ma tahay ummad isku-midab, isku-diin, isku-af, isku-dhaqan, oo weliba iswada dhalay? Waxa keliya oo aanu ku kala duwan nahay ma tahay magacyo dhalanteed ah oo odayaal hore oo reer miyi ah ay inoo kala bixiyeen (waa qabiil)?
  • Soomaaliya maanta waa waddanka keliya ee aan dawlad dhab ah lahayn. Miyuusan ahayn qabiilku  kan hortaagan dib u nooleynta qarannimadeenna & horumarkeena.
  • ·Qabiilku miyuusan ahayn kan na baday sharaf-jabka, qaxootinimada iyo dan darrada nagu habsan ee adduunku u aqoonsaday Soomaali si ay u dhan tahay?
  • Qabyaaladdu miyaysan ahayn tan ay maalin walba u geeriyoodaan tira badan oo Soomaali ah oo wax ay galabsadeen ama ay galeen aanay jirin. Qabiilku sow ma aha kan ammin darida, cabsida joogtada ah, gaajada xanuunka badan, iyo darxumada u keenay ummaddeenna. Kan aqoon yahannadeenii ka dhigay dan laawayaasha?
  • Qabiilku miyuusan ahayn kan inoo diiday in aan heshiinno oodhisanno dugsiyo, isbitaallo, jidad iyo warshado iwm. Qabiilku sow ma aha kan dhaqankeennii ku salaysnaa Islaamnimada ku beddelay mid shisheeye oo lid ku ah diinteenna oo gaalinimo ah.
  • Marka aad waxaas oo dhan qiimayso, miyaanay kuu muuqan dhibta qabyaaladi inagu hayso?

Haddaba, haddii qabiilku intaas iyo in ka badan oo xummaan ah uu noo geestay, adiguna aad nagu waafaqday, miyaanay kula gudbooneen in aan wadajir ula dagaallanno cadowga keliya ee nagu dhex jira magaciisuna yahay qabyaalad? Jawaabtu waa Allaa I lehe haa-oo-haa. Marka si aan dagaalka u bilowno waa in aan ka bilowno nafteenna iyo guryaheenna. Ku soo biir boqolaalka Soomaaliyeed ee ku dhaqaaqay dib u soo celinta magaca iyo dadnimada qofka & dalalka Soomaaliyeed. Talaabadana raac.

1. Ku-dhawaaq in aad ka baxday qabiilka laguugu yeero. Adigoo aan ka baqayn Alle mooye cid kale, waxaad si cad oon cabsiyi ku jirin ugu sheegtaa kuwa kugu tirinaaya in aad qabiilkooda tahay, in aad ka baxday oo aad Soomalinimada & Islaamka ka dooratay. Weliba aadan cid kale ka sii ahayn. Iska fur silisiladda qabiilka ee qoorta kuu suRan oo ka xorow adigoon cid kale ka sugin in ay kaa bixiso. Markaa ka dib ayaad ummaddaada kalena ka furddaamin kartaa qoolka ay gelisay qabyaaladu iyo kuwa aaminsan qabiilaysiga jaahilnimada ah.

2. Jooji kaftanka qabyaaladeed. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa; Waayeelku kaftankuu ku dana dhameystaa.” Kuwa ku kaftamaaya qabyaaladda ka fogow. Waayo waa badow aan sheeko kale aqoon, amaba waa aqoon-gaabyo dan la’aani hayso, oo aan ogaynba khatarta halista ah ee ay naftooda iyo umada kaleba u gaysanayaan. Marka iska jooji in aad la jiibiso oo aad adiguna iyaga ka mid noqoto. Si cad ugu sheeg in aad tahay Soomali ay ummaddiisu u siman tahay. Ogow Soomaalinimadu way ka wax tar badan tahay qabiil hoose. Oo umada Soomaaliyeed oo dhan wixii ay kugu biirin weyday qabiil keliyii ku siin maayo. Kaftanka qabyaaladeed wuxuu dhidibka u sii aasaayaa qabyaaladda. Qabiilka oo lagu kaftamaa waxay la mid tahay jinsiyadda oo lagu kaftamo. Duniduna kaftan jinsiyadeed (racial jokes) waa ay iska maMnuuceen. Meelaha qaarna waaba dambi. Waayo waxay ogaadeen xumaanta iyo nacaybka ka dambeeya. Maxaad isugu soo koobeysaa qabiil qura adigoo ummadda aad isku wadanka tihiin oo dhami ay ku walaaleysanayso.

3. Jooji murti-qabyaaladeedka. Haddii aad tahay gabyaa ama heesaa, ka ilaali murtidaada qabyaaladda. Waayo, “Dhawaaqu meel dheer ayuu gaaraa dhagaxna meel dhow.” Ha u gabyin,  ha u heesin, ha u buraanburin qabiil. Xirfaddaada u leexi wanaag iyo waxyaabaha bulshada midaynaaya waayo, mar haddaad abwaan ama fannaan ama musikiste tahay waxaa dhab ah in aad Soomaali oo dhan abwaan/fannaan/musikiste u tahay ee aadan qabiil keliya u ahayn. Badi murtida iyo maaweelada qaranka dhisaysa xumahana reebaysa, oo Soomaali oo dhami kaa dhegeysan karto.

4. Ha u hoggaamin ummadda qabyaalad. Haddii aad damacdo in aad ummadda hoggaamiso waxaad tahay birta dhexe ee miisaanka. Waxaa kula gudbboon in aad marka hore tahay nin-qaran oo aadan adeegsan qabyaalad si aad wax u maamusho. “Nin-Qabiil ma hoggaamiyo Qaran.” Ka bilow naftaada, carruurtaada, ehelkaaga iyo qaraabadaa la dagaalanka qabyaaladda. Markaad saafi ka noqota qabiil u soo leexo in aad dawlada wadankaga hooyo hoggaamiso. Sidoo kale ha taageerin hoggaamiye adoo u taageeraya waa nin qabiilkaaga ah darteed oo kaliya. Waxaa ka  habboon in  mid kaga habboon uu hoggaamiyo ummadda. Qabiilaystuhu, wuxuu aqoon u leeyahy in uu hoggaamiyo qabiil qudha ee ma awoodo in uu hoggaamiyo ummadda oo  isku duuban.

5. Garddaro qabyaaladeed ha taageerin. Cid xaq-darro ku socata ha ku taageerin ficilkooda. Ha ka mid noqon kooxo u kacay in cid kale ay soo mooraduugaan oo ay soo dhacaan iyagoo qabyaalad adeegsanaaya. Ha hor kicin oo ha hoggaamin kooxo la mid ah kooxahaas. Ha ka qaybqaadan duminta ama waxyeelidda qaran-nimada guud waayo, jiritaanka qaranimadu adigay dan kuu tahay.

6. Ka fogow ka-qaybgalka iyo qabanqaabinta shirarka qabyaaladeed. Waqtigaaga ku bixi meelaha dantaada gaarka iyo tan guud ee ummaddaada ay ku jirto. Ka qayb gal shirarka dib u dhisidda qaran-nimada ummadda. Waxaad ku dadaashaa in aad ka sheekeyso macaanka qarinimadu leedahay iyo qadhaadhka qabiilku leeyahay. Runta kaga dhawaaq meelaha la isugu yimaado adigoo dhaleeceynaya qabyaaladda, dhibteedadana muujinaaya.

7. Maalkaaga iyo muruqaaga ka mamnuuc qabyaalad. Waad ogtahay in wixii aad ku bixiso qabyaalad in aanay adna dan kuu ahayn ummaddaada dan u ahayn. Weliba Akhiro waxaa laguu haystaa wax kasta oo xumaan-qabyaaladeed oo ka yimaada maalkaaga, muruqaaga iyo afkaaga oo aad ku bixiso taageero qabiil.

8. Iska daa dacaayadaha nacaybka (hateful criticism). Dacaayadaha riqiiska ah af ama qoraal ee bulshada Soomaaliyeed ee aad ka mid tahay iska jooji. Cadiifada qabyaalada ee bulshada kala kaxaynaysa. Waxaad ka digtoonaataa in ay caadifadda qabyaaladu ku beer-qaaddo. Ha u jixin-jixin qabiil gaar ah adigoo u  jixin-jixi kara qaranka Soomaaliyeed oo dhan. Ogow, dhammaan ummadda Soomaaliyeed way  kuu siman yihiin. Kalla saarna mabda’a siyaasadeed iyo Soomaalinimada. Somalilander ahoow ama koonfur Soomaliyeed Gaf loo geysto qayb ka mid ah ummadda Soomaaliyeed waxay la mid tahay mid loo geystay dhammaan ummaddu sidda ay u dhan tahay. 

9. Saaxiibbo badan sameyso. Sameyso saaxiibbo badan oo kala duwan adigoo adeeg sanaayaa dabeecadda, nooca-sheekada, aqoonta iwm. Iska ilaali kuwa la wareegaaya qabyaaladda iyo  nacaybka qayb ka mida ummaddeenna. Waayo qof aad ku saaxiibteen qabyaalad waa qof aad ku saaxiibteen godob iyo dhagar ummadeed. Saxiibadaa ha noqdeen kuwa kugu garab-gala wanaagga. Waa kuwa aad ceeshoo-milix tihiin ee ma aha kuwa aad kula saaxiibtay qabyaaladda. U noqo oo cafis ka doon saaxiibadaadii horre ee waayo-waayo kuwaas oo ay idin kala kaxaysay colaaddii ay qabyaaladu abuurtay muddadii colaadda ummadda.

10. Taageer cid kastoo wadda wadajirka umada. Taageer oo ka mid noqo Ururada samawadayaasha Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan. Ku biiri fikiradahaaga waayo waxaad tahay xubin lagama maarmaan ah oo ka tirsan ummadda Soomaaliyeed. 
  


Facebook Comments Box

Cabdijabaar Sh. Axmed waa qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics). Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Wuxuuna falanqeeyaa siyaasadda arrimaha dibedda, amniga iyo laamaha sirdoonka, diblomaasiyadda, sharciyadda caalamiga. Wuxuu kaloo wax ka qoraa maareynta ganacsiga, dhaqaalaha, falsafada, horumarka bulshada iyo nabadgelyadda. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 3aad. Furaha xalka Soomaaliyaa- Siddee ayay suurtagal ku ahayn inay wada fariistaan Dowlada Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab?

Published

on


Taxanaha furaha xalka Soomaaliya waa mid inoo socon doono muddo dheer balse si aan wax badan ugu ogaano waxay u badan tahay in la helo isbar bar dhig lagu qanci karo si loo soo saaro natiijo inta badan laga fiirinaayo dhanka wanaagsan.

Soomaaliya tan iyo burburkii waxaa aad isoo buux dhafshay ururo sita magaca jihaad doonka balse ururadan ayaa u taagan in ay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan in ay la dagaalamaan Dowldaha Soomaaliya iyo cid walbaa oo ayada raacdo, halka Dowlada ay ayadana mowqifjkeeda yahay inay la dagaalanto kooxda Al-shabaab haddaba haddii labada dhinac ay rabaan inay gaaraan mowqifkooda yey tahay cidda ku taagan mowqifka saxda ah? Si aan wax badan ugu ogaano marka hore aqristow soo qaado koob Shaah ka dibna bilow maqaalka haddii aad ka heshayna maqaalada ceynkan ah fadlan qeybta fariimaha inoogu reeb araktidaada.

Marka laga hadlaayo suurta galnimada wada hadalka kooxda Al-shabaab iyo Dowlada Soomaaliya waa mid aan marnaba suurta gal aheyn waayo haddii koox ka mid ah ay diyaar u tahay wada hadal waxaa diido koox kale oo aan isla markaana aan diyaar u aheyn balse haddii labbada koox ay midoobaan waxaa dhici karo dagaal kale inuu kaga yimaado dibada siddii dagaaladii lagu soo qaaday maxkamadaha waxaana lagu eedeeyay in wadan dhan oo argagaxiso ay noqotay Soomaaliya balse micnaha saxda ee loo burburiyay ururkan wuu ka dubanaa waayo sidda caadiga ah haddii labbo koox ay ku midoobaan siddii ay ku dhisan lahaayeen dalkooda kana tashtaan ayaahooda waxaa durba meesha ka bilowdo dagaal ka yimaada dibada siddaa darteedna wadanka siddaa lagu dagaal siiyo amase loo adeegsado duqeemo siddii ku dhacday kooxda Taalibaan oo kale.

Soomaaliya xaq uma laha inay katashato ayaayaheeda dowladnimo waayo markii aad fiiriso kooxda Al-shabaab waxay heystaan inay dadkaan yihiin kooxo gaalo ah, halka kuwa dowladana ay aaminsan yiiin in kooxda Al-shabaab ay tahay koox dhiig cabayaal ah. Markii aad fiiriso daqaalka dhinacyada waxaad moodaa in uu san dhamaad laheyn waxyna ku tuseysaa sidda aysan suurta gal ku aheyn in garaan wadahadal lagu qanci karo balse macquul ma ahan.

Xitaa haddii ay diyaar u noqdaan inay xaliyaan mashaakilkaan waxaa laga yaabaa in beesha caalamka ay dowlada Soomaaliya ay ku eedeeyso inay xiriir la leedahay kooxda Al-shabaab siddaana looga goosan doono waxyaabahii ay ka heli jireen beesha caalamka, tusaale in lagu cak jugleeyo in ay goosan doonaan gargaarkii ay ka heli jireen beesha caalamka iyo haya’adaha li xiriiro waayo waxaa lgu eedeyn doonaa in xiriir la sameysay kooxda Al-shabaab sidaana ay ku waayeen gunooyinkoda.

Dhibaatada ka jirto Soomaaliya intaa kuma eka waayo dadka ayaa inta badan lagu xiray silsilad ay adag tahay inay iska furan halka furaha sil siladana uu yaalo meel aan halkaa ka fogeyn, waxaan ku sababeynayaa qodobkan haddii saaxiibkaa aad wacdo misna weydiiso sidda ay suurta gal ku tahay in la helo furaha xalka Soomaaliya amase weydii cidda ay ka dhismi la’ dahay Soomaaliya balse Jawaabta ugu badan ee uu ku siinaayo ah in seddexdan qodob.

  • In kooxda Al-shabaab ay tahay dadka kaliya ee uu ka dhismi la’yahay dalkan iyo waxyaabo kale.
  • In qabiil uu burburiyay wadankan siddaa darteedna uu ka dhismi la’ yahay qabiil iyo qabyaalad.
  • In kooxo gaar ay dumiyeen sidda darteedna uu ka dhismi la’yahay qaladaadkii ay galeen kooxo jabhad ah kuwaas oo burburiyay dowladnimadii dalka misna ilaa iyo hadda uu ayagii ka dhismi la’yahay.

Dhamaan qodobadan waa kuwa eedeeyo dadka Soomaaliyeed balse ma jirtaa cid baaritaano dhab ah  ku sameysay halka ay iska qaban la’dahay xeerada. Jawaabaha ugu badan waa maya sababtuna waxay tahay in aysan jirin cid lagu kalsoonaan karo haddii ay tahay ilaalinta sirta iyo ka warqabida dadka sidda aadka ugu dhow laamaha dowlada.

Tanina waxay keentay in dowlada dheexdeeda lagu eedeeyo in ay ka mid tahay kooxda Al-shabaab, siddaa darteed waxaa dhacday in uu yimaado shaki iyo kala aragti duwanaasho hor leh. Si kastaba ha noqotee Soomaaliya waxaa aayaheeda ka talin doonaan beesha caalamka iyo waddamo kale waayo wadan Soomaaliya oo kala ah waa wadan ay ku baratamayaan wadamo badan sidoo kalena u jeedka laga leeyahay ayaa ah in Soomaaliya laga sameeyo dhaqaale taasina waxaan kaga hadli doonaa qeybta xita.

Fadlan haddii aad ka heshay maqaalada ceynkan oo kala ah qeybta faarinta inoogu reeb araktidaada mahadsanidiin.

halkaan ka aqriso qeybtii horre.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Maxaad ka taqanaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)?

Xog waran ku saabsan Ururkaan. Ururku waxa uu xubin ka yahay Golaha Suxufiyiinta Afrika (CAJ) iyo CIVICUS, oo ah isbahaysi caalami ah ee ururrada bulshada rayidka ah oo u heellan xoojinta waxqabadka muwaadinka iyo bulshada rayidka ah.

Published

on


Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waa dallad shaqaale oo ay ku mideysan yihiin suxufiyiinta madaxabannaan. Suxufiyiin Soomaaliyeed oo xirfadleyaal ah ayaa aasaasay bishii Maajo 2019-kii, si ay u difaacaan xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed una dhiirrigeliyaan xorriyadda saxaafadda. Ururku waxa uu xubin ka yahay Golaha Suxufiyiinta Afrika (CAJ) iyo CIVICUS, oo ah isbahaysi caalami ah ee ururrada bulshada rayidka ah oo u heellan xoojinta waxqabadka muwaadinka iyo bulshada rayidka ah.

SJS waxaa ku mideysan in ka badan 450 xubnood, oo ka kooban suxufiyiin, tifaftire-hoosaadyo iyo tifaftireyaal, waxa uu ku shaqeeyaa lacagaha xubinnimada sannadlaha ah ee xubinihiisu, iyo sidoo kale taageerada bah-wadaagtiisa caalamiga ah, sida; Sanduuqa Qaran ee u Deeqidda  Dimuqoraadiyadda iyo Sanduuqa Kanada ee Hindiseyaasha Maxalliga ah, iyo sidoo kale Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya ayaa si joogto ah uga hadasha muhiimadda ay leedahay badqabka warbaahinta iyo ilaalinta booska siyaasada dalka, oo ay ku jirto xorriyadda ra’yiga.

Wareysiga soo socda ayuu Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalla Axmed Muumin, uga hadlayaa xaaladaha shaqo ee suxufiyiinta Soomaaliyeed.

S. Aragtidaada, intee in la eg, ayey Soomaaliya ammaan u tahay wariyeyaasha?

Cabdalla Muumin: Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ay ku shaqeeyaan deegaan aad khatar u ah – waxa ay u dhexeeyaan Dheri iyo Dhimbil. Soomaaliya waxa ay leedahay naaneys aan laga fursan karin oo ah iney tahay mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan caalamka ee ay saxaafaddu ka shaqeyso. Hanjabaadaha iyo weerarrada ka imaanaya mas’uuliyiinta dowladda, shaqsiyaadka gaarka ah iyo fallaagada mintidiinta ah ee Al-Shabaab ayaa caadi ah. Suxufiyiinta doonaya in ay ka warbixiyaan arrimaha amniga, khaladka mas’uuliyiinta dowladda, iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, ayaa si joogto ah ula kulmayey caga-jugleyn iyo cabsi-gelin.

Suxufiyiin badan ayaa lagu qasbay inay is-faafreebaan. Maadaama uu dalku hadda ku jiro kala-guur, una diyaar garoobayo qabashada doorashooyinkiisa, dhibaatooyinka ayaa sii kordhay. Waxaa xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta sii dheer, maamulada ka jira Soomaaliya ayaa soo rogay sharci qallafsan oo dhanka saxaafada ah, kaas oo xadidaya xorriyadda hadalka, faafreeb ku sameynaya suxufiyiinta, islamarkaana u dhigaya ciqaab adag warbixin kasta oo loo arko in ay wax u dhimeyso qaranka, sida ka warramidda amniga qaranka ama xataa baaris lagu sameeyo mas’uuliyiinta dowladda.

S. Maxay aheyd saameynta ay ku yeelatay suxufiyiinta Soomaaliyeed?

Cabdalla Muumin: Sannadkan oo keliya hal wariye – Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa weriyeyaashii internetka – ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo, Puntland. Saddex wariye ayaa ku dhaawacmay rasaas, halka saddex kalena la garaacay. Shan xarumo oo warbaahineed ayaa la weeraray, halka ku dhawaad darsan kalena loo caga-jugleeyay oo la cabsi-geliyey, ama loo diiday inay war helaan. Intii u dhaxaysay 1 Jannaayo iyo 26 Oktoobar, 49 wariye ayaa la xiray. Inta badan xarigga ayaa ahaa xabsiyo sharci darro ah oo ka dhacay Muqdisho, Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Somaliland.

Hababka difaaca suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo aad u xaddidan. Xarumaha warbaahintu ma haystaan dhaqaale ku filan oo ay ku difaacaan suxufiyiintooda u bareeraya shaqooyinka halista ah, mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad-goboleedna waxay inta badan ku guuldarreysteen inay difaacaan suxufiyiinta – inta badan kuwa ka mas’uulka weeraridda, caga-jugleynta ama cabsi-gelinta suxufyiinta ayaan lala xisaabtamin. Tanina waxay sidoo kale uga sii dartay badbaadada iyo ilaalinta shaqooyinka warbaahinta ee dalka oo dhan.

Waxaa intaas dheer, saxaafadda ayaa xirfad ahaan Soomaaliya ka mid ah kuwa bixiya mushaarka ugu yar, waxaana baahi weyn loo qabaa in la horumariyo xirfadda suxufiyiinta iyadoo la siinayo tababarro xirfadeed.

S. Muhiimad intee la eg ayay Maalintan Caalamiga ah ee soo Afjarida Isla-xisaabtan la’aanta Dambiyada ka dhanka ah Suxufiyiinta u leedahay warbaahinta Soomaaliya?

Cabdalla Muumin: Maalinta Caalamiga ah ee Dhameynta Isla Xisaabtan La’aanta Dambiyada ka Dhanka ah Suxufiyiinta waa maalin u gaar ah suxufiyiinta adduunka oo dhan – waxayna muhiimad gaar ah ku leedahay Soomaaliya maadaama ay noo tahay xusuus murugo leh ee dhammaan suxufiyiinta walaalaheen ah ee la dhaawacay ama la dilay, iyagoo gudanaya shaqadooda muhiimka ah, balse sidoo kale waa xusuusiye muhiimadda ay leedahay u doodista isbeddelka si loo gaaro cadaalad.

Marka loo eego xogta aan hayno, 12 wariye ayaa lagu dilay dalka tan iyo bishii Febraayo 2017. Sida uu sheegtay guddiga difaaca suxufiyiinta ee CPJ, ilaa 70 wariye ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo 1992 kii. Nasiibdarro, ku dhawaad 99 boqolkiiba dilalkaas, si sax ah looma baarin, dambiilayaashana weli si xor ah ayay u mushaaxayaan.

Tani waxay xoojinaysaa muhiimadda ay Maalintani u leedahay munaasibad loogu qareemayo dhameynta isla xisaabtan la’aanta ceynkaas ah ee dambiilayaasha iyo in cadaalad loo soo taago dhibanneyaasha dartood. Soomaaliya waa inay xuska sanadkan fursad uga dhigtaa ballan cusub oo dhab ah oo lagu afjarayo dilalka suxufiyiinta, lana baaro dhammaan kiisaska suxufiyiinta la dilay, lana maxkamadeeyo dambiilayaasha. Si fudud, dembiyada ka dhanka ah suxufiiinta iyo hawlwadeennada warbaahinta Soomaaliyeed waa in ay dhamaadaan.

Cabdalle Muumin oo ka hadlayay Barnaamij idaacadeed oo toos ah.

S. Maxay SJS sameyneysaa si ay gacan uga geysato difaacidda suxufiyiinta iyo xorriyadda warbaahinta Soomaaliya?

Cabdalla Muumin: Waqti xaadirkan, sida aasaaskeedu yahay, SJS waxay ku dedaaleysaa badbaadinta nolosha suxufiyiinta. Waxaan la xiriirnaa qareennada maxalliga ah, khubarrada amniga iyo suxufiyiinta sare si ay, iyaga oo adeegsanaya khad taleefan oo gaar ah, 24/7 talo u siiyaan suxufiyiinta soo tebiya dhacdooyinka Soomaaliya, oo ay ku jiraan doorashooyinka iyo horumarka goobaha colaadaha.

Guud ahaan, waxaan hiigsaneynaa in aan abuurno madal ay suxufiyiintu, isku dhexgeli karaan, ku xiriiraan, isla markaana ay ku wadaagi karaan hab-dhaqamada ugu wanaagsan, sidoo kalena ay awooddooda ku dhistaan koorsooyin tababbar, siminaarro ama aqoon-is-weydaarsiyo, si ay Soomaaliya maalin uun uga faa’ideysato in ay hesho warbaahinta tayada leh ee ay u qalanto.

Amintan la joogo, SJS waxay hadda qabanaysaa taxane tababar oo ku saabsan badbaadada, oo ay taageerto Sanduuqa Kanada ee Hindisaha Maxalliga ah (CFLI), iyada oo ilaa 60 suxufi ay ka qaybqaadanayaan. Annaga oo kaashanayna bah-wadaagteenna caalamiga ah, waxaan horey u soo helnay koorsooyin tababar kale, waxaana rajeyneynaa inaan wax badan helno mustaqbalka.

S. Taageero noocee ah ayay u baahan yihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan difaacooda oo ay u xaqiijiyaan xuquuqdooda?

Cabdalla Muumin: Suxufiyiinta Soomaaliyeed waa unug muhiim ah oo ka mid ah bulshada rayidka ah ee Soomaaliya, waxayna udub dhexaad u yihiin dedaallada nabadeynta iyo dowlad-dhisidda dalka. SJS waxay jeclaan lahayd inay aragto saaxiibada caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, oo taageero dheeraad ah u ballanqaadaya qeybta warbaahinta – ma aha oo kaliya taageeridda koorsooyinka tababarka gaaban, laakiin sidoo kale iyada oo loo marayo mashaariicda horumarinta muddada dheer ee suxufiyiinta iyo warbaahinta. Sidoo kale, QM waxay hore u ahayd mid wax-ku-ool ah, marka ay timaado ka hadalka difaaca xorriyadaha aasaasiga ah, sida xorriyadda ra’yiga, waxaanan ku boorrinayaa inay kaalin mug leh ka qaadato sidii ay ugala doodi lahayd lahayd madaxda dawladda si loo xaqiijiyo in xoriyadda ra’yiga lagu ilaaliyo Soomaaliya.

Saxafiyad muuqaal duubeysa xilli shaqo

Xaquuqda qoraalkaan waxaa iskaleh: HAWLGALKA KAALMAYNTA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 2aad:- Maxay yihiin bulshooyinka sirta?

Markii aad fiiriso aqoontan waxay ku saleysan tahay siddii jiika koraaya ay ugu taxadar lahaayeen doorashadooda ku aadan.

Published

on


Dadka qaar waxay iisheegeen in ay aad halis u yihiin bulshooyinka sirta ah, laakiinse waa kuwa ku howlan siddii ay ula wareegi lahaayeen maamulka dunida. Bulshada aan la  nool nahay waa bulsho aan ku buraarugsaneyn jiritaanka bulshooyinka sirta ah iyo waxa ay damacsan yihiin.

Bulshooyinkani waxa ay ahaayeen kuwa soo kordhiyey dimuqraadiyadda, cilmiga casriga ah, iyo diinta ecumenical. Waxay doorteen madaxdooda, waxayna dejiyeen dastuur ay ku maamulaan hawlahooda. Dunnida aynu ku nool nahay manta ayaa waxaa ka jira loolan adag ay ku jiraan kooxo ama dadyow kala duwan kuwaas oo raba siddii ay ku maamuli lahaayeen adduunka oo dhan iyo aqoonta taalla.

Taabagelinta iyo socod siinta bulshooyinka sirta ah ayaa qeyb ka waddamo badan kuwaas oo markii hore bedelay qaababkii loo sameyn jiray gumeysiga kana dhigay qaab casriyeysan, masiixiyada degta bariga dhexe kuwaas oo gumeysi iyo isir naceyb ku haysa walaalaheen Falastiin ayaa aas aastay nidaam cusub oo lagu magacaabo (Zionism), magarnaayo xiriirka ka dhaxeeyo balse waxaa jirto in ay dadaal kula jirto siddii ay u dhisi lahaayeen Dowlad Yahuudi ah, halkaan ka aqriso.

Inta badan dadka waxba kama soo qadaan markii ay maqlaan waxyaabahan oo kale, balse waa kuwa ay u arkaan in ay yihiin sheekooyin qayaali ah iyo waxyaabo kale laakiinse waa wax jira.

“Had iyo jeer waxaan ahaa qof u baahan aqoonta, siddoo kale waxaa waqti dheer dhagaheyga ka guuxaya waxa la yiraahdo bulshooyinka sirta ah iyo sidda ay u shaqeeyaan. Markii aan dhiganaayay jaamacada waxaan aad u jeclaa maadooyinka Fiisikiska, Xisaabta iyo suugaanta. Siddoo kale waxaan xiiseyn jiray sidda loo sameeyo summadaha iyo tirooyinka, mararka qaar markii aan fasax ku jiro waxaan xiiseeyaa baaritaanada xogaha daahsoon. Wuxuu xiisaheyga guud ahaan uu I siiyay inaan wax ka ogaado wa loo yaqaano bulshooyinka sirta ah ama (Secret Societies), balse waxaan noqday ruux lumay micnaheedu yahay waxaan ogaaday wax badan oo u dhaxeeya sidda: the illimunati, free masonic, knight templer, the Rosicrucians, Skull & Bonnes iyo kuwa kale aan maqlay.”

“maddaama aan kuda galay baaritaan-kan waxaan go’aansaday inaan baadi goobo qoraalo baday ay sameeyeen dadka aan la noolahay balse maan helin. Laakiin si aan wax badan ugu ogaado waxaan soo koobi doonaa warbixin ay diiwaanka galisay Warbaahinta Al-jazeera waxaana wareysigan bixin doonaa Davvid Icke, oo ah baare siddoo kale qoraa In badan wax ka qoray bulshooyinka sirta wuxuuna ku jawaabayaa sidda tan:  “ Bulshooyinka sirta ah waa bulshooyin isku tagtay kuna howlan siddii ay u dabooli lahaayeen ama ay u qarin lahaayeen aqoonta saxda ee maanta dunnida taala, balse markii loo eego waxaa jirto labba dunni oo kala ah:

  1. Midda aynu ku nool nahay waa dunni ay taalo aqoon, balse waxaad moodaa tahay aqoon xididan. Tanina waxaad moodaa in aad loogu shaqeeyay sababtoo ah waxay keentay in ay aqoonta yeelato bulsho gaar ah

 

2.Midda labaad waa kuwa ay ku noolyihiin bulshooyinka sirta waxayna qariyeen aqoonta saxda ah, siddaa darteedna waxa la soo saarey waxa lagu magacaabo (Global Network Secret Societies).

Markii aad fiiriso aqoontan waxay ku saleysan tahay siddii jiika koraaya ay ugu taxadar lahaayeen doorashadooda ku aadan.

Haddii aan ku biiro bulshooyinka sirta ah sidda, free masonic ama The Illimunati ma helayaa aqoonta saxda ah!!!

“ Markii aad fiiriso waxay leeyhiin darajooyin kala sareeyo waxaan ugu horeeyo darajada (Blue Level Degrees), waxaana ugu sareeyo darajada 33 degress. Waxaana qofka marba marka ka danbeyso waxa uu qofka uu helayaa aqoon.”) ayuu yirri Davvid Icke, balse ma ahan wax wanaagsan.

Tani waa mid aan ku wareeray, balse waxaan la sheekeestay qoraa waxaana na dhexmartay sheekadan:

Anniga: qof walibaa wax uu iska indha tirayaa sidda ay nolosha aduun tahay balse waxaa jirta inyar oo fahamtay mooyaanee.

Qorraa: waxaan filaa inaad ka gun gaartay inaad qeexid u hesho bulshooyinka sirta ah?

Anniga: haa, balse waxaan filaa in uu gaabis ku jiro baaritaankeyga laakiinse waxaan codsanaa inaad ila soo wadaagtaan qoraalo haddii ay jiraan.

 

Fadlan haddii aad ka heshay maqaalada nuucaan oo kale ah qeybta fariimaha inoogu reeb aragtidaada mahdsanidiin.

La soco qeybta xigta, halkaan ka aqriso qeybtii hore.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Maxay yihiin bulshooyinka sirta ah?

Tani waa qeybtii ugu horeysay ee aan kaga hadalno bulshooyinka qarsoon (Secret societies), waana sii wadi doonaa haddii uu rabi ogalaado Insh’Allah.

Published

on


Bulshooyinkani waxa ay ahaayeen kuwa soo kordhiyey dimuqraadiyadda, cilmiga casriga ah, iyo diinta ecumenical. Waxay doorteen madaxdooda, waxayna dejiyeen dastuur ay ku maamulaan hawlahooda. Dunnida aynu ku nool nahay manta ayaa waxaa ka jira loolan adag ay ku jiraan kooxo ama dadyow kala duwan kuwaas oo raba siddii ay ku maamuli lahaayeen adduunka oo dhan iyo aqoonta taalla.

Tanni waxaa laga yabaa in aad la yaabbto waxan loola jeedo bulshooyinka sirta ah. Balse waa wax jiro marka loo eego sidda ay u shaqeeyaan ururadan iyo sidda ay saameyn balaaran ugu leeyhiin dunida oo dhan, si kastaba ha noqotee si aan wax badan ugu ogaado arimahan ayaan ku hamiyay in ay muhiim tahay in bulshooyin kan wax laga barto maadaama aysan aheyn kuwa wax laga qaban karo misna laga joojin kara halka uu hiigsigooda yahay.

Bulshooyinka qarsoon ayaa ah kuwa ku dhex milmay aqoonta aynu maanta baranno taasoo keentay in meesha laga saaro aqoonta saxda ah.

Balse waxyar:( “waxaan ku dhashay Soomaaliya. Waxaana ahay qof jecel inuu barto Cilmiga dhaqaallaha, waxaana jeclaa in aan wax kusoo kordhiyo dhaqaalaha dalka. Waxaan galay qaxooti anniga oo raba inaan wax ka barto aqoonta maadiga, markii aan tagay dalka Kenya waxaan ku biiray iskuul ku yaala xeryaha dhagaxleey. Markii aan joogay muddo kooban ayaan dib ugu soo laabtay dalka  anniga oo la yaaban sidda uu xaalka dalka waxaan durba bilaabay inaan ku biro iskuul, maarkii aan ka baxay dugsiga sare waxaab bilaabay jaamacad anniga oo raba inaan wax ka barto cilmiga dhaqaaalaha ayaan kuu biray kuliyda Culuumta Kombuteerka sababtuna waxay tahay in aan awodi waayay qarashaadka aan ku baranaayo kuliyada aan jeclaa.

“muddo ka dib waxaa ii suurta gashay in si qurux badan u dhameysto claassyada ama Simisterada ay ka kooban tahay jaamacada, balse markii aan qalin badashay ayaan ku fikiray inaan noqdo qof hal abuur leh bulshadana wax badan tara, laakiinse markii aan muddo badan ku adkeystay fikikeyga ayaa waxay iso baxday in waqti xaadirkan geedigan uu raran yahay siddaa darteed lama dejin karo lamana joojin karo.”

Asaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “marna suurta gal ma ahan in bulshada ay ku maqasho adiga oo raba inaad sheegto wanaag iyo waxyaabo fiican ilaa iyo inyar mooyaanee, sababtuna waxay tahay in bulshada uu ku dhacay millan sidaa darteedna ayna kusii jeedaan khatar iyo dhibaatooyin farabadan”.

Waxaa soo if baxay ururo u shaqeeya si qarsoon sidda Knight Templer, illimunati, Scotish templer iyo Free Masonic. Dhamaan ururadan waa ururo u taagan in ay dumiyaan nolosha caadiga ah siddoo kale uu han kooda yahay in ay qabsadaan aduunka oo dhan. Dadka qaar oo aan weydiyay waxay ii sheegeen in ay dhibaato u ku tahay bulshooyinka qarsoon balse inteena badan inooma muuqato.

Haddaba si ay dadka oo dhan ay u lumiyaan waxaa ay marka hore qofka ay u muujiyaan in beer laxawsi iyo inay dareensiyaan in uu yahay ruux la jecel yahay balse intaa ka dib waxay qofka baraan beenta si ay marka hore ay kaaga jaraan xariga Alle, intaa ka dib waxay qofka niyadiisa ay ku shubaan xisaab aan jirin marka loo eego. Tusaale ahaan: in qofka bishii loo soo diro lacagti mushaarka ayaa haddana la barayaa sidda uu qofka uu u maamuli lahaa qarashaadka soo gala, siddaa darteed waxay yiraahdaan madaxda sumeysan oo ma noqon karanaa madax waayo markii hore ayaa lgu tareen gareeyaa in uu wax lunsado amase uu sheego sidaa darteedna uu qofka noqodo qof gacmaha u hoorsada dadyow kale.

Si aan wax badan ugu ogaano waan badain karnaa tusaale yaasha Tusaale ahaan: haddii laamo dowlada aan ka mid ahayn loo dhiibo daraasad sidoo kalene la weydiiyo lacagta ku baxeyso daraasada waxay u badan tahay asaga oo raadinaayo hunguri in uu sheego lacag aad u tiro badan siddaa darteedna uu ku lunsado hanti.

Marka laga soo tago marxdalada khaaska ah, waxay buldhooyinka kale ka dhex abuuraan kala fikir duwanaansho waayo haddii ay bulshada isku xiran tahay lama kala geyn karo balse si loo kala geeyo waxay u baahan tahay in marka hore la abuuro shaki kaasoo lagu dhalilaayo wadaadada ama aqoon yahanka bulshada sidaa darteed waa In been laga sheego wadaada si afka u furto una dhaleeceeyo wadaad hebel ama aqoon yahan hebel.

Tani waa qeybtii ugu horeysay ee aan kaga hadlno bulshooyinka qarsoon (Secret societis), waana sii wadi doonaa haddii uu rabi ogalaado insha allah la soco qeybta xigta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa maxay Federaal?

Ma laga yabaa in ay Soomaali usii kala qeybsanto dowladdo yaryar, sababtuna nidaamka federaalka ee ay qaadatay?

Published

on


Federaalka waa Nidaam awoodaha ay wadagayaan labo heer oo dowdaladeed, heer dowlad dhexe iyo heer dowlad goboleed, waxayna ka dhalataa midow ay midoobeen Gobollo, gobol kastana wuxuuu leeyahay Dowlad iyo Dastuur u gooni ah oo waafaqsan Dastuurka Federalka ah, Dowladii ugu horaysay ee caalamka samaysato nidaamka federalka waxaa ay aheed dowlada Maraykanka.

Sannadkii  1787 ayuu Barlamaankii Maraykan xilligaasi ansixiyay in wadanka lagu maamulo Nidaaam Federal waxaa lagu aasaasay 13 dowlad goboleed labo sanno kadib March/4/1789 Barlamanka ayaa ansxiyay Dastuur Federaal ah oo caddeenaayo awoodaha dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada xubinta ka ah.

Intaasi wixii ka dambeye waxaa soo bateen Gobolada kusoo biirayaan Midowga Maraykana, 12/March/1959  Alaska iyo Hawaay ayaa noqdeen labadii gobo lee ugu dambeysay ee kusoo biiraan midwoga Gobolada maraynakama (United State of America) wuxuuna sidaasi Midowga Maraykna ku noqday 50 Dowlad Goboleed.

Russian Federation waaa waddanka ugu dowlad goboleedyada badan caalamka wuxuu ka kooban yahya 86 dowlad goboleed iyo dowlada dhexe ee fadhida Caasimada Moscow sababtoo ah wuxuu kamid yahay wadanama dhaca labo Qaaradood iyo kabadan taasi ayaa keentay in gobolada lasiiyo awood federal maadama anan dowlad dhexe laga wada maamuli karin waddanka aduunka ugu dulka wayn.

Nidaamka Federaalka dunida waxaa qaatay  ku dhawaad 40 wadan oo la aqoonsan yahay xubina ka ah Qaramada Midowbe.

Nidaamkan Federaalka waxaa astaan u ah labo arrimood oo lagu garto mid waa in Dastuurka Wadanka uu yahay mid aan si fudud loo beddeli karin (Rigid Constitution) wax ka beddelkiisa wuxuu u bahan yahay Codeen Dadweyne oo ka dhacdo dhammaan dowlad Goboleedyada wuxuu cagsi ku yahay Dastuur si fudud wax loogu bedeli karo (Flexible Constitution)  waxaa go’aan ka gaari karo Barlamaanka, Mida labaad ee astaanta u ah federalka waa Aqalka saree e Barlamaanka, wadanka Markuu Federal yahay Barlamaanka wuxuu noqdaa labo Aqal, Aqalka sare oo Matalo Dowlad Goboleedyada waxayna ka shaqeeyan danaha dowlada gobolledyada ay matalaan  iyo Aqalka hoose (Gollaha Shacab) oo matalaan Shacabka kana shaqeeyaan danaha  Shacabka iyo deegaanadooda.

Saamiga Aqalka Sare Barlamaka Federaalka ee Dowlad Goboledyada.

Saamiga qeebsiga Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka waxaa gobolada loogu qeebiyaa labo midaam:

  1. Equal Representative oo Macnaheedu yahay in Dowlad Goboleedyada la siiyo saami isku mid ah xubnaha aqalka sarre iyada oo aanan loo fiirinaynin tirada dadka ku nool maamul goboleedyada mida ugu dadka badan iyo mida ugu dadka yar ay xubno isku mid ah ayey ku yeelanayaan Aqalka Sarre. Tusaalle Midowda Maraykanka wuxuu ka kooban yahay 50 dowlad goboleed midkasto wuxuu Baralamanka Aqalka sarre ku leeyahay 2 xubnood sidaasi ayuu Aqalka Sarre ku noqonayaa 100 xubnood oo Senatoro ah.
  2. Weighted Representative oo Macnaheedu yahay in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo Saamiga ah sida Dowlad goboleedyada u kala shacab badan yihiin iyadoo dowlad Goboleedka ugu shacabka badan oo heli doona tirada ugu badan ee xubnaha aqalka sarre, halka dowlad goboleedka ugu shacabka yar ay qaadanayso tirada ugu yar ee xubanaha aqlka sarre ee Barlamaanka Federalka. Hadba waxaa loo fiirinayaa tirada shacabka kunool dowlad Goboleedyada. Tusaalle Jamhuuriyada Federaalka Jarmalka waxay ka kooban tahay 16 dowlad gobolleed saamiga qalka sarre ay ku qataan sida u kala shacab badan yihiin, Dowlad Goboleedka ugu dadka badan ayaa qaadanayso xubnaha ugu badan Aqalka Sarre.

Maxaa sababo in wadanka qaato nidaam Federaal ah

  1. Wadan ay ku noolyihiin qoomiyado kala duwan oo kala luuqad ah, kala dhaqan ah, si loo mideeyo wadanka wuxuu noqdaa Federaalka oo ay Gobolada yeeshaan dowlad u gooni iyo dowlad dhexe oo ka shaqayso Masaaliixada caamka ah iyo Midnimada wadanka sidii loo adkeen ahaa iyadoo ay ku nool yihiin qowmiyado kala duwan. Tusaalle Switzerland waxaa ku nool dad kasoo kala Jeedaan Faransiis, Jermalka, Talyaani Midkasto luuqadooda ayey ku hadlaan si loo mideeyo waddanka wuxuu qaatay Nidaamka Federalka.
  2. Baaxada Dulka wadan oo aad u wayn mararka qaar waxay keentaa in Dowlada dhexe ay ku adkaato in Gobolada laga maamulo dowlad dhexe adeegyadana la gaarsiiyo wadnka oo dhan taasi ayaa keento in Gobolada la siiyo nidaam dowladeed oo u gooni ah. Tusaalle, Dalka Ruushaka oo ah wadanka ugu dhulka wayn dunidda wuxuu dhulkiisa ku fidsan yahay wax ka badan labo qaaradood, wuxuuna Xuduud dhuleed la wadaagaa Norway oo kamid ah wadamada ugu dambeeyo Waqooyi Galbeed Yurub illaa Kuuriyada Waqooyi oo dhacda waqooyi bari ee Qaarada Aasiya iyo Xadduud baddeed kala dhaxayso Jaziirada ka tirsan Ruushka oo dhacda Pacific dhinaca Alaska ee Maraykanka maadamaa waddanka sidaasi u baaxad wayn yahay waxay qateen Nidaamka Federaalka si loo ilaaliyo Wadajirka dadyowga Ruushka in hal wadan sii ahado.
  1. Markii ay Midowbayaan labada waddan iyo ka badan waxaa laga yabaa in Dalka uu qaato Nidaam Federaal ah si waddamadii midoobay u yeeshaan dowlado gobolleedyo u gooni iyo dowlad midnimo qaran oo ay ku midaysan yihiin. Tusaalle, dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka 1945 markii ay ciidanka isbahaysiga ay ka adkaadeen dowladii Jarmalka ee Naziga oo Hilter Hoggaaminayey waxay waddanka u kala qeybiyeen labo waddan Beriga Jarmalka oo raacsaneed Ruushka iyo Galbeedka Jarmalka oo raacsaneed Gashanbuurta NATO oo Maraykanka hoggaaanka u ahaa.

Dhamaadkii Dagaalkii qaboobaa (Cold War), 3.oktoober.1990 waxaa Midoobeen waddamadii Jarmalka bari iyo Jarmalka galbeed xittaa Caasimada maanta ee Baarliin waxay u kala qeybsaneed labada waddan oo xadka kalla qeybiyo oo ah derbiga wayn.

1990 waxaa Jarmalka bari ka bilaawday kacdoon midnimo doon ah si loo middeeyo labada Jarmal waxaa la dumiyey derbigii xadka ahaa taasi oo aheed biloowgii Midowga Jarmalka. Labadii Dowladood ee midowbay waxay ku heshiiyeen in waddanka lagu Maamulo Nidaam Federaal ah.

Muhiimada ay leedahay Federaalka

In nidaam dowladnimo la gaarsiiyo Gobolada iyadoo loo sii maraayo awood siinta dowlad goboleedyada, waxay fududanaysaa in si gaar ah loogu warqabo baahiyaha Shacabka Madamaa gobol kasto uu leeyahay dowlad u gooni ah oo ka shaqayso danaha shacabka ku nool Golbolada. Laakiin ujeedka ma ahan kala qeybsanaan ee waa wada shaqeyn.

In xafiisyada dowlada dhexe ay ka yaraadaan culays iyo saxmada madamaa addeegyada dowlada dhexe lasii marsiinaayo dowlad goboleedyda., dowlad goboleed kastana ay mas’uul ka tahay adeegyada shacabka loo qabto sida Caafimaadka, Waxbarashada, Aminiga, iyo wixii lamid ah, shacabkana waxay adeegyadaasi kala xisaabtamayaan dowlad goboleedka ay ku noolyihiin.

Nidaamka doorashooyinka wuxuu noqdaa labo, heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed waxaana kordhayso ka qeyb qaadashdada tartanka doorashooyinka ee Muwaadiniinta, maadamaa dowlad goboleed kasto uu leeyahay xukuumad iyo barlmaan u gooni ah.

Waddanka markii oo federaal yahay way yartahay in uu ka dhaco Afgambi Ciidan Maadamaa oo xukunka oo baahsan yahay. Badanaa afgambiga wuxuu ka dhaca waddamada leh dowla dhexe oo kaliya (Unitary government) oo waddankana hal meel laga maamulo.

Caqabadaha uu leeyahay nidaamka Federaalka

  1. Waxaa yaraanayso isla xisaabtanka dowlada dhexe iyo shacabka maadamaa dadka lagu mashquuliyay Dowlad Goboleedka ay deganyihiin inay la xisaabtamaan waxaana meesha ka baxdo in lala xisaabtamo dowlada dhexe ee federaalka ah.
  2. Gobolada waddanka ma isku dheeli tirno xaga dhaqaalaha iyo horumarka waxaa jirayso dowlad goboleed leh kheeraad dabiici ah sida webiyaal iyo dhul beereed wax soo saar fiican leh, halka dowlada goboleed kale aysan laheyn wax qeeraad dabiici ah taasi oo keenayso in dalka horumarkiisa aysan isla jaanqaadin (uusan isla socon).
  3. Waxaa hoos u dhac ku yimaado dareenka waddaniyad ee shacabka, waxayna ku mashquulaan Gobolka ay kasoo jeedaan waxayna ilaawaan inay ka qeeb qaataan horomarka guud ee dalka.
  4. Nidaamka Federaalka wuxuu dhawacaa midnimada waddanka waxay keentaa in dowlada dhexe iyo dowlad gobolleedyada ay isku dhacaan oo ay wada shaqeen waayaan taasi oo keento dib u dhac, horumarka waddanka oo mararka qaar waxaa dhaco in dowlad goboleedyada qaar ay ku fikiraan inay noqdaan dowlado madax banaan oo gooni isku taag ku dhawaaqaan sida ku dhacday dalal badan oo calamka. Tusaalle Jamhuuriyadii Federaalka Yugoslaviya waxay ka koobneed 6 dowladgoboleed oo kala ah Bosniya, Croashiya, Serbiya, Sloveniya, Montenegro, waxaa ka dhex jiray qilaaf iyo isqabqabsi dheeraaday oo u dhexeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, 25/6/1991 Sloveniya iyo Krooshiya ayaa ku dhawaaqeen in ay ka go’een Yugoslaviya.

Arrintaasi waxay shaki gelisay jiritaanka waddanka la oran jiray Yugoslafiya. Ugu dambeyntiina dowlad-goboleedyadii Serbiya ayaa ku dhawaaqday inay go’een, taasi oo keentay inuu lawaayo waddankii Yugoslafiya oo noqday lix dalal. Maanta ma jiro magacii waddankii la oran jiray Yugoslafiya, waa wuxuu sababsaday nidaamkii federaalka ahaa oo ay qaateen. Waa mid kamid ah dhibaatooyinka ay leeyiihiin nidaamyada federaalka, Soomaalidana waxaad moodaa inay waddadaas ku socdaan maanta marka aad fiiriyo hab-dhaqankooda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Published

on


Way fiicnaan lahayd haddii aan dhisno hay’ado cilmi baaris ah oo ka shaqeeya dal kasta iyo heerka gobolka guud ahaan waqtiyadaan muhiimka u ah taariikhda dalalkeenna, gaar ahaan kuwa ku howlan dhisidda nabadda oo markaa u baahan in la shaqaaleeyo.

Cilmibaadhistu waa tijaabo iyo imtixaan lagu sameeynayo shey aan wali aqoon fiican loo lahayn. Juquraafi ahaan, inta badan cilmibaadhista waxaa lagu sameeyaa meelaha aan wali la tegin ama aqoonta fiican laga heynin.

Cilmi-baaristu waa qaabka lagu gaaro aqoon cusub, amaba waxaa la yiraahdaa waa: waa baaritaan nidaamsan (aruurin iyo dhiraandhirin xog) taasoo loo qaabeeyo inay horumariso ama ka qayb qaadato aqoonta. Haddaba, isku soo duuboo cilmi-baaristu waa soo saaridda iyo ka gun-gaarida aqoonta iyo cilmiga dahsoon si bulshadu ay u gaarto horumarka ay ku taamayso dhinac walbaba. Cilmi-baaristu way ka duwan tahay qaababka aqoonta lagu gaaro sida akhriska buuggaagta iwm, sababtoo ah waxay leedahay qaab cilmi ah oo la raaco.

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya lama helin nidaam waxbarasho ay maamushu dowlad hoose oo sal adag leh balse tani waxay jaanis iyo fursado balaaran siisay dadyow gaar ay ku jiraan dowlado shisheeye iyo shaqsiyaad gaar ah.

Waxaa xaqiiqo ah in ummad walbo ummadaha kale ay kaga horeeyaan inta ay luuqadahooda wax ku bartaan. Ma jiro hal iskuul oo ardada wax ku barata luuqadda Soomaaliga iyada oo luuqadda la isticmaalo ay tahay Carabiga iyo Ingiriiska. Balse dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa lagu amanaa inay soo kordhisay in afsoomaaliga lagu barto manhajka intiisa badan. Iskuullo waxaa jira heerka dugsiga hoose u isticmaallo luuqadda Soomaaliga balse dib ugu wareegay Ingiriiska marka la gaaray heerka dugsiga sare.

Tanina waxay ku tusaysaa baahida loo qabo mideynta xarumo lagu baaro cilmiga baarista iyo sare u qaadida xarumaha fikirka Soomaaliyeed. In ka badan 30-sanno ayaa laga joogaa markii ay burburtay dowladii hoose waxaana sare u kacay xarumaha waxbarshada sidda gaarka loo leeyahay waxayna aad ugu kala duwan yihiin tayada waxbarasho ee laga dhigo Jaamacada iyo Iskuulada.

https://www.unigovec.edu.so/courses-library/

Ma jirto baaritaano lagu sameeyay tayada waxbarashada dalka ayadoo ay jiraan meelo gaar oo lagu sameeyo cilmi baaris laakiin waxay u badan yihiin kuwa ka madax banaan laamaha dowlada, siddoo kalena waxaa dalka kusoo kordhay adeegyo waxbarasho ay maalgashanayaan dowlado shisheeye sidda Turkeyga iyo wadamo kale oo badan.

Soomaaliya iyo wadamo kale oo ka tirsan carabta waxay baahi weyn u qabaan siddii lagu lahaa xarumahan balse taagerida iyo isku duubnaanta dadka ayaa keentay in laheli waayo xarumo ay ku mideysan tahay waxbarshada dunida gaar ahaan wadamada carabta iyo meelo kale oo kamid ah dunnida.

Ka dib halaagii iyo baabi’intii dowladii Tataarka waxay raad lama ilaabaan ku reebtay wadamada Islaamka waxayna tani ku noqotay fajac iyo niyad jab balaaran. Laakiin dadka muslimka iskuma dayin in ay mar kale ay sameeyaan xarumo lagu baaro daraasadaha cilmiga.

Tayada Hay’adaha tacliinta sare awgeed waxaa yaraatay Ia xadido tirada jaamacdaha iyo iskuulada taasi awgeed dowladaha kale ee dunida ayaa diiday in ay aqbalaan nidaamka waxbasharo eek a jira Soomaaliya ( tusaale ahaan Soomaaliya, Bosnia iyo Herzegovina, Ciraaq, Lubnaan, Nicaragua iyo Timor-Leste). Waa wadamada aan sida saxda loo aqoonsaneyn tayada waxbarashadooda waxayna keentay in waxbarshada oo kamid aheyd waxyaabaha aas aasiga aheyd ay gacanta u gashay shaqsiyaad misna lagu eedeeyay in la siyaasadeeyay armiha waxbarashada siddii kol hore dhacday oo kale.

   Maxaa laga dhaxli karaa arimahan haddii aan sameyn xarumaha barista fikirka?

Hadda sidda aan idin kugu soo sheegnay qeybtii hore waxaa laga ma maarmaan ah in lasoo celiyo xarumaha fikirka Soomaaliyeed taasi oo faa’iido iyo mudnaan u leh dalka. Si kastaba ha noqotee lama soo koobi karo dhibaatada laga dhaxli karo la’aanta xarumahan basle halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa labbo arimood oo suurta gal ah haddii aan la sameyn.

  1. In ay suulaan waxyaabahii qadiimiga ahaa ee uu dalka lahaa taasoo keeni karto sharaf dhac weyn iyo in ay lunto qeyb ka mid ah taariikhda dalka.

Intaa kaliya kuma eka balse waxaa jiro in jiilka soo socda aysan halkaan ku arki doonin waxyaabo ka haray Awoowayaashii ay dhaleen misna kuwii ka horeeyay.

  1. Sare kac balaaran oo ka dhasha marin habaabin dhanka waxbarashada iyo la waayo cid aruuriso fikirka gaar ah ee ay aminsan yihiin dhalinta soo koreysa.

Waxaa kaloo meesha ka bixi doono in ardeyda ah helaan tusaale hagaagsan ay kaga daydaan baarista ku saleysan cilmiga ay baranayaan, siddo kale waxaa laga yaabaa muddo dhow ka dib in say suulaan cid si sax ah u qorto luuqada afka Soomaaliga.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Qoyska & Horumarinta Bulshada14 hours ago

Siraha Guusha Imtixaanka

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Muxuu Ruushku ka caawinayaa ciidamada Soomaaliya?

WARBAAHINTA5 days ago

Uganda ayaa soo saartay sharci loogu hortagaayo ka ganacsiga xubnaha bani’aadamka

Jaamacadda Carabta2 weeks ago

Maxay Dowladda Soomaaliya ka sheegtay shirka Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta?

Jaamacadda Carabta2 weeks ago

Shirka Jaamacadda Carabta: Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad ayaa weerar ku qaaday dalka Turkiga

Yurub2 weeks ago

Shiinaha ayaa ka digay inay Yukrayn ku biirto NATO, isagoo sheegay inaysan hagaajin doonin ammaanka gobolka

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Diblomaasiga ruug caddaaga ah ayaa hadda aaminsan in Yukrayn loo ogolaado in ay ku biirto kooxda militariga ee NATO

Afrika4 weeks ago

In ka badan 700,000 oo Suudaani ah ayaa ka qaxay guryahoodii dagaalka iyo rabshadaha ka jira awgeed, IOM ayaa tiri

Bariga dhexe4 weeks ago

Sacuudi Carabiya iyo Suuriya ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed

WARBAAHINTA4 weeks ago

FBI-da ayaa jabsatay kombuyuutarrada Mareykanka si ay ‘hagaajiso malware-ka Ruushka’

Qoyska & Horumarinta Bulshada4 weeks ago

Barro sidda wax kasta loo barto si dhakhsi leh – Farsamada Richard Feynman

Siyaasadda Arrimaha Dibadda4 weeks ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska

Diblomaasiyadda & Dunidda4 weeks ago

Xiriirka Shiinaha iyo Ruushka: Xog ku saabsan xariirka taariikhiyeed ee Shiinaha iyo Ruushka

WARBAAHINTA1 month ago

Dowladda Ingiriiska oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud, ujeedka waa maxay?

Ameerika1 month ago

Maraykanka ayaa daaha ka qaaday qorshe lagu niyad jebinayo soogalootiga kasoo cararay dalalka Ameerika

WARBAAHINTA1 month ago

Madaxweynaha Iiraan oo booqasho taariikhi ah ku tegeya Suuriya

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Dowladda Xassan Sh. Maxamuud wakhti horeba maku fashilantay hoggaanka dalka?

Afrika1 month ago

Qaramada Midoobay ayaa ergay degdeg ah u dirtay dalka Suudaan

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Qeybtii 3aad. Furaha xalka Soomaaliyaa- Siddee ayay suurtagal ku ahayn inay wada fariistaan Dowlada Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab?

Qurbo Joogta1 month ago

Gacaliso Anniken Huitfeldt: Ha iloobin qurba-joogta Afrikaanka, gaar ahaan Soomaalida Norway!

English Post1 month ago

Somali People Unite: A Call to Action for Civil Disobedience

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kampala kaga qeybgalaya shir ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahayeen amniga

Geeska Afrika1 month ago

Kenya: Dhimashadii ugu darneyd ee la xiriirta cibaado diineed: Tobanaan qof oo is-dilay ayagoo aaminsan inay la kulmayaan Nebi Ciise

WARBAAHINTA1 month ago

Soomaaliya oo muwaadiniinteeda kasoo daad-gureysa Suudaan

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Waa kuwee jilayaasha caalamiga ah ee ku lugta leh rabshadaha Suudaan?

English Post2 months ago

Political Elite Benefit While Youth Needs Ignored, Says Qaransoor Party

Dhaqaalaha2 months ago

Masar, Turkiga dib-u-heshiisiintooda dhaqaale waxaa ka faa’idaysan doona labada dhinac: Khubarada

Dhaqaalaha2 months ago

Sicir bararka UK, oo ah kan ugu sarreeya galbeedka Yurub, ayaa wax yar hoos u dhacay bisha Maarso

Afrika2 months ago

Nidaamka daryeelka caafimaadka Suudaan ‘wuxuu qarka u saaran yahay inuu burburo’, ayay tiri WHO

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Dalka Hindiya oo noqonaya dalka ugu dadka badan caalamka, waxaana kaalinta labaad geli doona Shiinaha

English Post2 months ago

Somalia’s Call to Lift the Arms Embargo: Why the International Community Should Listen?

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Xog sirdoon oo ay leedahay dowladda Mareykanka oo saameyn ku yeelan kara amniga dalka oo la dusiyey

WARBAAHINTA2 months ago

Mudaharaad ka dhacay gobolka Amxaarada oo looga soo horjeedo kala dirista ciidanka gobolka

Bariga dhexe2 months ago

Iiraan oo Sucuudiga u diraysa wafti dib u furaayo safaaradda ay ku leeyihiin Riyaadh, kadib heshiiskii Beijing

WARBAAHINTA2 months ago

Israa’iil ayaa duqeysay Gaza, Lubnaan iyadoo Falastiiniyiintu ay wacad ku mareen inay iska caabinayaan

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Shiinaha oo digniin u diray Maraykanka iyo NATO oo ku saabsan dagaalka Yukrayn

Bariga dhexe2 months ago

Dowladaha Iiraan iyo Sacuudiga ayaa wacad ku maray inay nabad ka dhigi doonaan Bariga Dhexe

WARBAAHINTA2 months ago

Safaaradda Shiinaha oo xildhibaanada Maraykanka uga digtay kulanka madaxweynaha Taiwan

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 months ago

Maxay ka dhigan tahay soo celinta xariirka Soomaaliya iyo Kuubba 46 sano kadib?

English Post2 months ago

The Case for Reunification: Why Somaliland Needs to Rejoin Somalia?

Xul