Connect with us

Arrimaha Amniga

Ururka Islaamka oo cambaareeyay Markab laga leeyahay Masar oo lagu heysto xeebaha Soomaaliya

Ururka OIC wuxuu dalbaday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo siidaayo dhammaan badmaaxiinta la afduubay.

Published

on


Xoghaayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa si adag u cambaareeyay afduubka loo geystay markabka shidaalka ee M/T Eureka, kaas oo laga qabsaday xeebaha dalka Yemen gaar ahaan gobolka Shabwah ee dhaca Koonfurta Yemen.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Markabkaan laga soo qabtay biyaha caalamiga ah ee Yemen, halka Ciidamada illaaladda xeebaha dalka Yemen ay sheegeen in koox hubeysan oo aan la aqoonsanayn inay afduubteen Markab shidaal oo lagu magacaabo M/T Eureka kaasoo maraayay xeebaha gobolka Shabwa ee Koonfur dalka Yemen isla markaana loo weeciyay dhanka biyaha Soomaaliya gaar ahaan aagga Maamul goboleedka Puntland.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in markabka ay saaran yihiin 8 Badmaaxeyaal oo u dhashay dalka Masar. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty, ayaa amray safaaradda Masar ee magaalada Muqdisho inay si degdeg ah u daba-galaan xaaladda ay ku suagn yihiin badmaaxiintaas inay badqabaan iyo inkale.

Wasiirka ayaa faray diblomaasiyiinta in la bixiyo dhammaan taageerada loo baahan yahay, isla markaana laga shaqeeyo sidii muwaadiniintaas Masar ay xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xoghaynta Guud ee OIC waxay ku tilmaantay falkaan mid liddi ku ah xorriyadda isu-socodka maraakiibta iyo ganacsiga badda, kaas oo meel ka dhac ku ah xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah oo ay ka mid yihiin xeerka badda iyo go’aanada khuseeya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ururka OIC wuxuu dalbaday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo siidaayo dhammaan badmaaxiinta la afduubay.

Sidoo kale, xoghaynta guud waxay xaqiijisay inay garab taagan tahay dowladda Masar, iyadoo taageertay tallaabo kasta oo ay qaadayso si loo xaqiijiyo badqabka iyo siideynta muwaadiniinteeda.

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay xiriir la sameynayso dhinacyada ay khuseyso si loo hubiyo badqabka shaqaalaha saaran markabka M/T Eureka ee lagu haysto gudaha xeebaha dalka Soomaaliya.

Afduubkan ayaa imaanaya xilli ay soo kordheen walaacyada la xiriira amniga xeebaha Yemen iyo Soomaaliya, kadib markii ay kordheen falalka afduubka ay geysanayaan Burcad-badeed Soomaalida ee xeebaha Soomaaliya ka qafaasha Maraakiibta iyo doomaha sida shixnadaha kala duwan.

Amniga Maraakiibta ayaa aad khatar usii galaysa iyadoo uu xeran yahay marin biyoodka Hormuz oo Iiraan ay xirtay kadib dagaalkii Mareykanka la gashay waxaana Maraakiibta hadda usoo weecanayaan dhinaca Badweynta Hindiya, xeebaha Soomaaliyana waxay noqonayaan meel Maraakiibta lagu afduubtay iyadoo aysan jirin ciidamo ilaaliya dhinaca Badweynta Hindiya oo ka hortagi kara Maraakiibta ganacsiga in afduub loogu geysto.

Hawlgalkii Atlaanta ee Midowga Yurub ee la-dagaalanka Burcad Baddeed ayaa fashilmay kaasoo tobonnaan sano ka socday xeebaha Soomaaliya isla markaana ku guuldareystay in la ciribtiro kooxaha Burcad Badeed oo wali u muuqda inay joogitaankooda xeebaha Soomaaliya ay jirto.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arrimaha Amniga

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

“Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab uu sii socon karo muddo kale, balse uusan jirin suurtagal ay kooxdaasi mar kale kula wareegi karto gacan-ku-haynta guud ee dalka.

Madaxweynaha oo wareysi siiya warbaahinta Alajzeera ayaa sheegay in Al-Shabaab xilli hore ay si weyn ugu fidday dalka, xitaa Madaxtooyada Soomaaliya ay weerarro kala kulmi jirtay meel aad ugu dhow, halka maanta uu sheegay in kooxda ay boqolaal kiiloomitir u jirto Muqdisho. “Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay isbeddeshay, isagoo ku dooday in horumar laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, marka loo eego xilligii kooxda ay awoodda badan ku lahayd qeybo badan oo dalka ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaallo sokeeye, dagaallo beeleed ama dagaal siyaasadeed.

“Al-Shabaab inay soo laabato waa wax aan suurtagal ahayn, sidoo kalena suurtagal ma aha in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye, dagaal beeleed ama dagaal siyaasadeed” – ayuu yiri Madaxweynaha. Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa yimid, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay aaminsan yihiin in haddii Soomaalidu dhexdeeda xal ka gaari weydo khilaafkeeda ay fursad u siin karto Al-shabaab inay dalka la wareegaan, caalamkuna ka sii jeesto arrimaha Soomaaliya kaddib in ka badan 30 sano oo ay taageerayeen.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo culus u jeediyay siyaasiyiin ka tirsan xubnaha mucaaradka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay shirar ku saabsan Soomaaliya ku qabanayaan magaalada Abuu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiir Fiqi ayaa qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook ku sheegay in siyaasiyiinta uu tilmaamay ay yihiin kuwo aan rajo ka lahayn mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale ku eedeeyay inay wadaan qorsheyaal uu sheegay inay khatar ku yihiin dawladnimada iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale isbarbardhig ku sameeyay siyaasiyiinta uu eedeynayo iyo kooxda RSF ee dagaalka kula jirta dowladda Suudaan, isagoo sheegay in labada dhinac shir loogu qabtay meel isku mid ah, isla markaana uu ku eedeeyay siyaasiyiintaas inay halkaas kaga baranayaan sida shaqada kuwa adeegsanaya u gudanayaan.

Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in siyaasiyiintaasi ay Soomaaliya kusoo laaban karaan iyagoo huwan qorsheyaal uu ku tilmaamay ‘shirqoollo ka dhan ah dawladnimada iyo nabadda’ isagoo ka digay in ay isku dayi karaan abaabulka maleeshiyaad iyo soo celinta hoggaamiye-kooxeedyada.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay inay si adag uga hortagto cid kasta oo uu sheegay inay khatar ku tahay nabadda, dawladnimada, qarannimada iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu sidoo kale adeegsaday erayga ‘khaa’inul waddan’ isagoo sheegay in qof kasta oo sidaas lagu tilmaamo ‘abaalkiisa la marsiin doono’.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Heshiis is-afgarad kala saxiixday bishii Janaayo 2024, waxaana uu ku saabsanaa in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka marin badeed.

Published

on


Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay si joogto ah u taageertay heshiisyo lagu siinayo Itoobiya marin ay ka hesho badda, iyadoo sheegtay in iskaashiga noocaas ah uu horseedi karo dan wadaag iyo horumar goboleed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay 3-dii Octoobar 2026, ku sheegtay in ay taageersantahay qorsheyaasha u oggolaanaya Itoobiya inay hesho marin badeed loo maro heshiisyo labada dhinacba faa’iido u leh.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay si toos ah uga hor imaanayso mowqifkeeda ku aaddan helitaanka marin badeed ee Itoobiya, iyadoo tilmaantay in ololaha Muqdisho ee ka dhanka ah is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024 uu yahay mid ka hor imanaya taageerada ay sheegtay dowladda Soomaaliya inay u hayso Itoobiya si ay u hesho marin badeed.

“Dowladda Somaliland waxay si joogto ah u taageertay heshiisyo gorgortan lagu gaaro oo u oggolaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin badeed iyada oo loo marayo iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh” – ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland. Somaliland waxay sidoo kale sheegtay inay diiddan tahay faragelin lagu sameeyo heshiisyada ay la gasho dhinacyada kale, iyadoo ku adkaysatay inay sii wadi doonto heshiisyo ay ku sheegtay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida isla markaana horumarinaya barwaaqada gobolka.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Heshiis is-afgarad kala saxiixday bishii Janaayo 2024, waxaana uu ku saabsanaa in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka marin badeed. Heshiiskaas ayaa sababay khilaaf diblomaasiyadeed oo xooggan oo ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Muqdisho ay ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay madax-bannaanida Soomaaliya.

Hadalkan Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Soomaaliya aysan diidnayn in Itoobiya hesho marin badeed, isaga oo xusay in arrintaasi ku imaan karto heshiis wadajir ah oo lagu isticmaalo dekedaha Soomaaliya.

“Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

– ayuu yirri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin joogitaan Israa’iil oo ka jira dalka, gaar ahaan qorshayaal uu sheegay inay Israa’iil ka waddo magaalada Berbera iyo garoonkeeda diyaaradaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi uu siiyay barnaamijka “Al-Muqabila” ee Al Jazeera oo si buuxda loo baahin doono maalinta Axadda ayaa sheegay in Israa’iil ay qorsheynayso inay saldhig baddeed ka samaysato Berbera, isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha magaaladaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada dhabta ah ee tallaabooyinkan ay tahay in Israa’iil ay ugu dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iiraan. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay si adag uga hortagi doonto waxa uu ku tilmaamay caqabadda ka dhalanaysa dhaqdhaqaaqyada Israa’iil.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka ku nool Somaliland ay si buuxda uga soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil, isagoo xusay in Muqdisho ay arrintan uga shaqeyn doonto qaab ilaalinaya madaxbannaanida iyo danaha Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay hore ula kulantay isku dayo lagu doonayay in lagu qaato qaybo ka mid ah biyaha dhuleed ee Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in dib loogu soo celiyay iyadoo la adeegsanayo sharciga caalamiga ah.

Waxa uu sidoo kale xusay isku day kale oo lagu doonayay in qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya loo adeegsado helitaanka marin badeed, balse Muqdisho ay diidday. “Markan sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan ka gudbi doonno caqabadda ay Israa’iil waddo” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, isla markaana uu tan iyo markii uu xilka markale qabtay dadaal ku bixiyay xoojintiisa. Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan wax diidmo ah ka qabin in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ay badda uga soo baxdo dhulka Soomaaliya ama ay hesho marin ganacsi oo badeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato isticmaalka laba ama saddex dekedood oo Soomaaliyeed si ay ugu soo dejiso ama uga dhoofiso badeecooyin. Waxa uu tilmaamay in arrintan lagu saleyn karo heshiisyo dhaqaale oo qeexaya khidmadaha iyo canshuuraha la xiriira adeegyada dekedaha.

Sida uu sheegay Xasan Sheekh, Itoobiya waxay Soomaaliya u sheegtay inay u baahan tahay marin badeed balse illaa hadda ma aysan soo gudbin codsi rasmi ah oo arrintaas ku saabsan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda amni ee gobolka, isagoo sheegay in Xuutiyiintu ay xasillooni-darro ka abuureen gobolka isla markaana ay carqaladeeyeen isu-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandab. Waxa uu tilmaamay muhiimadda marin-biyoodkaasi u leeyahay ganacsiga caalamka.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Mareykanku uu weli yahay saaxiibka ugu xooggan Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo iskaashi amni oo socda. Isagoo ka hadlayay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuu sheegay in kooxdaasi aysan hadda ka jirin magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya isla markaana aysan jirin fursad ay mar kale dalka gacanta ugu dhigto.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

“Waxaan jeclaan lahayn inaan aragno Yemen nabdoon, Yemen midaysan oo u shaqaysa gobolka” – ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kooxda Shiicada ee Xuutiyiinta dalka Yemen ku eedeeyay inay qayb ka yihiin xasillooni-darrada gobolka, isla markaana ay carqaladeynayaan isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Bab al-Mandab.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Al-Jazeera ayuu Xasan Sheekh ku sheegay in Soomaaliya ay jeclaan lahayd in Yemen ay noqoto dal nabdoon oo midaysan, isla markaana si wanaagsan ula falgala dalalka gobolka. “Waxaan jeclaan lahayn inaan aragno Yemen nabdoon, Yemen midaysan oo u shaqaysa gobolka” – ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn in Xuutiyiintu ay hadda awood ama rabitaan u leeyihiin inay ka shaqeeyaan midnimada iyo xasilloonida Yemen. Madaxweynaha ayaa si gaar ah Xuutiyiinta ugu eedeeyay inay ka baxsan yihiin xeerarka iyo qaab-dhismeedka caalamiga ah, isagoo sheegay in ficilladooda ay saameyn ku yeesheen amniga iyo xasilloonida gobolka.

“Dhibaatada Yemen waqtigan waa Xuutiyiinta” – ayuu yiri Xasan Sheekh, isaga oo intaas ku daray in kooxdaasi ay tahay cidda uu ku eedeeyay inay xasillooni-darrada ka waddo gobolka. Soomaaliya ayaa juqraafi ahaan ku taalla dhinaca Koonfureed ee Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, waxaana xeebaha dalka soo gaara dad ka cararaya colaadaha ka jira Yemen.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab oo yeeshay iskaashi qarsoodi ah

Wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tan iyo sannadkii 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca hawlgallada ah.

Wargeysku wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka heshay Xuutiyiinta hub casri ah iyo tababarro la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxa.

Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay doonayeen taageero farsamo oo u suuragelisa inay rakibaan raadaarro lagu la socdo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ee biyaha u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeysku hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, Jibriil Yaxye Cali ayaa door muhiim ah ka qaatay dhismaha xiriirka labada dhinac, Jibriil ayaa lagu dilay duqeyn Mareykan ah bishii Febraayo ee sanadkan, iyadoo wargeysku sheegay inuu si qarsoodi ah ugu kala safri jiray Soomaaliya iyo Yemen isla markaana uu heli jiray fududeymo ay ka mid yihiin guri iyo baasaboor Yemen ah oo been abuur ah.

Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Shabaab ay sannadkii 2024 u dirtay Xuutiyiinta wakiil lagu magacaabo Axmed Cilmi Samatar kaas oo la sheegay inuu gudbiyay liis hub iyo qalab milatari ah liiskaas waxaa ka mid ahaa gantaallo lidka diyaaradaha ah, gantaallada Katyusha, qoryaha toogashada dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka iyo qalabka aragga habeenkii.

Wargeysku wuxuu sheegay in shabakado tahriibin ah ay adeegsanayaan shirkado magac-u-yaal ah iyo dekedo ku yaalla Yemen si hubka looga soo gudbiyo Gacanka Cadmeed loona gaarsiiyo deegaanno xeebeedyo ku yaalla Waqooyiga Soomaaliya, kahor inta aan loo gudbin cutubyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Koonfurta dalka.

Saraakiil Mareykan ah sida uu qoray wargeysku ayaa aaminsan in iskaashigan uu labada dhinac siin karo awood dheeraad ah oo ay ku ballaariyaan saameyntooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Waxay sidoo kale ka digeen in xaaladdu ay khatar ku noqon karto amniga maraakiibta iyo isu-socodka tamarta ee suuqyada caalamka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Somaliland ayaa horey u beenisay inay heshiis ku saabsan saldhig milateriga la gashay Israa’iil, iyadoo ku adkaysatay in xiriirkeedu yahay mid diblomaasiyadeed.

Published

on


Maamulka gooni isugu taaga ah ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somaliland) ayaa si adag uga jawaabtay hadallo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay wareysi uu siiyay Al Jazeera, kuwaas oo uu kaga hadlay xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, gaar ahaan sheegashada ah in Israa’iil ay qorsheynayso saldhig baddeed oo laga sameeyo Berbera iyo in la isticmaalo garoonka diyaaradaha magaaladda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay 3-dii Oktoobar 2026 ku sheegtay inay diiddan tahay waxa ay ku tilmaantay sheegashooyin marin-habaabin ah oo Madaxweynaha Soomaaliya uu ka sheegay wareysiga. Wasaaraddu waxay sheegtay in Soomaaliya aysan awood u lahayn inay go’aamiso xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland ama ay magaca shacabka Somaliland ku hadasho.

Somaliland waxay bayaankeeda ku xustay in ay xornimadeeda qaadatay 26-kii Juun 1960, ka hor intii aan Soomaaliya xornimada qaadan 1-dii Luulyo 1960. Waxay sidoo kale sheegtay in gooni-isutaagii 18-kii Maay 1991 uu dib u xaqiijiyay dowladnimadeeda, iyadoo intaas ku dartay in muddo ka badan saddex iyo soddon sano ay dhistay hay’ado dowladeed, qabatay doorashooyin.

Wasaaradda ayaa si gaar ah uga hadashay xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo sheegtay in xiriirka labada dhinac uu ka tarjumayo go’aannada madaxbannaan ee labada dhinac iyo iskaashi diblomaasiyadeed. Waxay sidoo kale ku tilmaantay sheegashada ah in Berbera loo adeegsan doono goob weerarro loogu qaado dalal kale mid aan sal lahayn, iyadoo sheegtay in Somaliland ay ka go’an tahay xiriirro nabadeed iyo iskaashi gobolka ah. Somaliland ayaa horey u beenisay inay heshiis ku saabsan saldhig milateriga la gashay Israa’iil, iyadoo ku adkaysatay in xiriirkeedu yahay mid diblomaasiyadeed.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay inay taageersan tahay heshiisyo u oggolaanaya Itoobiya inay hesho marin badeed oo lagu gaaro iskaashi labada dhinac faa’iido u leh. Waxay dhaliishay mowqifka Muqdisho ee ku aaddan is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024, iyadoo sheegtay in faragelinta lagu sameeyo heshiisyadeeda iyo xiriirradeeda dibadda ay tahay mid aan la aqbali karin. Wasaaraddu waxay ugu dambayn cambaaraysay waxa ay ku tilmaantay hanjabaadaha xoogga iyo faragelinta arrimaheeda gudaha, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto ilaalinta madaxbannaanideeda iyo raadinta diblomaasiyad nabadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi uu siiyay AlJazeera kaga hadlay arrintan, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan xaalad kasta ku aqbali doonin joogitaanka Israa’iil, isagoo sheegay in Israa’iil ay qorshaynayso inay saldhig badeed ka samaysato Berbera isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha magaalada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in ujeeddada uu u arko qorshahaasi ay tahay in Israa’iil ay ugu dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iiraan, isagoo intaas ku daray in Soomaaliya ay ka hortagi doonto waxa uu ku tilmaamay caqabadda ka dhalanaysa tallaabooyinka Israa’iil.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dadka Somaliland ay si buuxda uga soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil, isagoo ku adkaystay in Muqdisho ay arrintan uga shaqayn doonto qaab uu sheegay inuu ilaalinayo madaxbannaanida iyo danaha Soomaaliya. “Markan sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan ka gudbi doonno caqabadda ay Israa’iil waddo” – ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Itoobiya waxay Soomaaliya ku leedahay kumannaan askari oo qayb ka mid ah ay ka hawlgalaan AUSSOM, halka ciidamo kale ay ku joogaan heshiisyo amni oo laba geesood ah.

Published

on


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax ogeysiis ah ka helin Itoobiya oo ku saabsan qorshe ay ciidamadeeda uga saarayaan Soomaaliya, kaddib markii ay soo baxday warbixin sheegtay in Addis Ababa ay qorshaynayso inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 oo askari.

Warbixin ay dhawaan Bloomberg baahisay ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka bixi karaan Soomaaliya maalmaha ama toddobaadyada soo socda, iyadoo dagaallada dib uga qarxay Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigray, ay dowladda Addis Ababa ku qasbayaan inay ciidamo u wareejiso gudaha dalka.

Masuul ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Bloomberg ayaa u sheegay in Muqdisho aan loo soo gudbin wax qorshe rasmi ah oo ku saabsan bixitaanka ciidamada Itoobiya. Sida laga soo xigtay warbixinnada Itoobiya sidoo kale si rasmi ah uma aysan xaqiijin qorshaha la sheegay.

Ilaa hadda ma cadda tirada ciidamada dhab ahaan laga saari karo Soomaaliya iyo goobaha ay ka hawlgalaan. Sidoo kale lama xaqiijin in qorshuhu khuseeyo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ciidamada ku jooga heshiisyada amni ee labada dal ama labada qaybood.

Itoobiya waxay Soomaaliya ku leedahay kumannaan askari oo qayb ka mid ah ay ka hawlgalaan AUSSOM, halka ciidamo kale ay ku joogaan heshiisyo amni oo laba geesood ah. Addis Ababa ayaa muddo dheer kaalin ku lahayd dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab gaar ahaan deegaannada ku dhow xuduudda labada dal.

Wararka ku saabsan bixitaanka ciidamada ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus ay dib uga bilowdeen Waqooyiga Itoobiya, iyadoo ciidamada dowladda iyo xoogagga Tigray ay isku dhaceen. Reuters ayaa maanta sheegtay in ciidamada federaalka Itoobiya ay dib ula wareegeen garoonka diyaaradaha Alula Aba Nega ee magaalada Mekelle taas oo muujinaysa inuu dagaalku sii xoogeysanayo.

Dhinaca kale, Ciidamada Tigray Peace Force (TPF) ee taageersan dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta Garoonka Caalamiga ah ee Alula Aba Nega oo ah garoonka ugu weyn ee u adeega magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray.

Sheegashadan si madaxbannaan looma xaqiijin, iyadoo AFP ay sheegtay in xannibaadaha gelitaanka iyo hakadka isgaarsiintu ay adkeynayaan in si madaxbannaan loo xaqiijiyo xaaladda ugu dambeysay ee dagaalka. Sheegashada la xiriirta garoonka ayaa timid xilli ciidamada taageersan dowladda ay u soo dhowaanayaan magaalada Mekelle.

Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in Tigray Peace Force ay sheegatay inay gacanta ku dhigtay Milazat oo qiyaastii 20 kiiloomitir Koonfur-Bari kaga beegan Mekelle balse sheegashadaasna aan si madaxbannaan loo xaqiijin. Garoonka Alula Aba Nega waxaa horay 23-kii Sebteembar ula wareegay ciidamada Tigray, taasoo keentay in Ethiopian Airlines ay hakiso duullimaadyadii ku wajahnaa Mekelle iyo garoomo kale oo ku yaalla Tigray.

Horumarradan ayaa yimid kadib dhowr maalmood oo dagaallo culus ay dhex marayeen ciidamada Tigray iyo kuwa taageersan dowladda Itoobiya. Xogta la socodka colaadaha ayaa sidoo kale muujinaysa in ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen dhulal ka tirsan gobolka Afar oo ay ku jiraan Abala, Erebti iyo Megale.

Dagaalladan ayaa ku soo beegmaya xilli uu si weyn u xumaaday xiriirka u dhexeeya dowladaha Itoobiya, Ereteriya iyo Masar, iyadoo labada dal ay toddobaadkan jareen xiriirkoodii diblomaasiyadeed. Kadib markii Itoobiya ay Masar iyo Ereteriya ku eedeysay hurinta colaadaha ka aloonsan gudaha Waqooyiga Itoobiya taasoo sababtay ugu dambeyn inay safaaradaha la kala xirto.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Soomaaliya2 minutes ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha5 hours ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika5 hours ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya8 hours ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga9 hours ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya9 hours ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya10 hours ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda1 day ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga1 day ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga1 day ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga2 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda2 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya3 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga3 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika3 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga3 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay doon ay saarnayeen toddobo ajaanib ah

Ameerika3 days ago

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Itoobiya3 days ago

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha Mekelle

Soomaaliya3 days ago

UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta

Yurub3 days ago

Booliiska Jarmalka oo markale gacanta ku dhigay kiiska Soomaali Mindi isku dishay

Soomaaliya4 days ago

Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dawladnimada

Arrimaha Amniga4 days ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo wajahaya caqabado kahor doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

Arrimaha Amniga4 days ago

Hay’adda ICRC: “148 qof ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Baydhabo”

Afrika4 days ago

Khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxay dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaali Galbeed5 days ago

Waa kuma Mustafe Cagjar, Maxay ka dhigan tahay dib u doorashadiisa hoggaanka sarre ee Dowlad Deegaanka Soomaalida?

Arrimaha Amniga5 days ago

Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay dhimashada shaqaale Markab shidaal oo lagu soo furtay xeebaha Soomaaliya

Itoobiya6 days ago

Ciidanka Itoobiya oo la sheegay inay 150km ugu dhaqaaqeen gudaha gobolka Tigray

Doorashada6 days ago

Galmudug iyo Hirshabeelle oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha iyo mida Barlamaanka

Arrimaha Amniga6 days ago

Puntland oo sheegtay in Burcad badeeddu ay dishay shan shaqaale oo ajaaniib ah

Arrimaha Amniga6 days ago

Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama

Diblomaasiyadda7 days ago

Waa maxay ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Itoobiya?

Arrimaha Amniga1 week ago

Xukuumadda Somaliland oo diiday shir bahda saxaafadda Somaliland uga furmaya Boorama

Soomaaliya1 week ago

Puntland oo laba sano xabsi ah ku xukuntay nin lagu eedeeyay inuu Daacish ka iibiyay Ari

Arrimaha Amniga1 week ago

OCHA: “Colaadda Baydhabo waxay sii kordhisay khatarta bani’aadanimo ee shacabka”

Arrimaha Amniga1 week ago

Falanqeyn Amni: Siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo saameynta ay ku yeelatay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Arrimaha Amniga1 week ago

Qaar kamid ah Burcad baddeedii lagu qabtay Markabka SIBU 1 oo ka baxsaday gaari lagu waday

Xul

Diblomaasi.com