Soomaali Galbeed
Waa kuma Mustafe Cagjar, Maxay ka dhigan tahay dib u doorashadiisa hoggaanka sarre ee Dowlad Deegaanka Soomaalida?
Mustafe Maxamed Cumar ayaa xilka hoggaaminta Dowlad Deegaanka Soomaalida qabtay 22-kii Agoosto 2018, xilli uu deegaanka ka jiray isbeddel siyaasadeed oo weyn.

Golaha 7aad ee Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markale u ansixiyey Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar), inuu noqdo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS). Ansixinta Mustafe Maxammed Cumar ayaa ka dhacday kulan ay yeesheen Xildhibaanada Golaha 7aad, kuwaas oo go’aansaday in uu sii hoggaamiyo maamulka deegaanka markale.
Mustafe Maxamed Cumar ayaa xilka hoggaaminta Dowlad Deegaanka Soomaalida qabtay 22-kii Agoosto 2018, xilli uu deegaanka ka jiray isbeddel siyaasadeed oo weyn, kaddib markii xilka laga qaaday Madaxweynihii xilligaas xukunka hayay, Cabdi Maxamuud Cumar.
Tan iyo markii uu xilka qabtay Mustafe Maxamed Cumar wuxuu muddo ku dhow Siddeed sano ku jiray hoggaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah madaxda deegaanka ee muddada ugu dheer xilka hayay sannadihii u dambeeyey. Bishii Oktoobar 2021, Golaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa markale u doortay Mustafe Maxamed Cumar Cagjar inuu noqdo Madaxa Maamulka Deegaanka, kaddib markii xisbigii uu ka tirsanaa uu ku guuleystay doorashadii deegaanka.
Intii uu xilka hayay, Maamulka Madaxweyne Mustafe wuxuu diiradda saaray arrimo ay ka mid yihiin nabadgelyada, horumarinta adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed. Warbixinno laga qoray hoggaamintiisa ayaa sidoo kale xusay in muddadiisa xilka ay hirgaleen mashaariic iyo maalgashi horumarineed oo ka socda deegaanka.
Ansixinta cusub ayaa Mustafe Maxamed Cumar u oggolaanaysa inuu sii wado hoggaaminta Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyadoo la filayo in xukuumaddiisu sii waddo qorshayaasha maamulka ee dhinacyada horumarinta, adeegyada bulshada iyo maalgashiga deegaanka.
Waa kuma Mustafe Muxammed Cumar (Cagjar)?
Mustafe Maxammed Cumar Cagjar wuxuu ku dhashay sannadkii 1972, magaalada Awaare ee aagga Jarar ee Gobolka Soomaalida Itoobiya. Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay dugsiga Awaare, wuxuuna ku sii dhammeystirtay Dhagaxbuur oo reerkoodu uu u guuray, halkaasoo sidoo kalena uu dugsiga sare ka galay.
Waxbarashadiisa jaamacadda wuxuu ku qaatay jaamacadda Addis Ababa, kuna bartay kulliyadda dhaqaalaha, halkaasoo uu ka qaatay shahaadada heerka 1aad ee cilmiga dhaqaalaha. Shahaadada Labaad ee jaamacadda (Master Degree), ee isla dhaqaalaha wuxuu ka qaatay Imperial College of London. Wuxuu agaasime ka soo noqday Machadka Tababarka Macallimiinta ee Jigjiga oo hadda loo yaqaanno kulleejka tababarka macallimiinta ee Cabdulmajiid.
Mustafe Cagjar wuxuu kaloo soo noqday Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada ee Gobolka Soomaalida Itoobiya. Wuxuu kasoo shaqeeyey hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Save the Children, WFP, OCHA iyo qaar kale. Wuxuu waayo aragnimo u leeyahay hawlaha bani’aadminimo ee Qaramada Midoobay. Waxaa loo beddelay dalka Zimbabwe 2006/7, kadib markii loogu hanjabay in la dilayo, markaasoo uu gacan ka geystay in la kashifo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo TPLF ay ka gaysteen gobolka Soomaalida ee Itoobiya.
Mustafe Cagjar inta uusan noqon Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida wuxuu u shaqaynayey Hawlgalka Bani’aadminimada Qaramada Midoobay oo uu u ahaa sarkaalka qaabilsan xiriirinta hawlaha bani’aadminimada ee Soomaaliya. Mustafe Muxammed Cumar waa shakhsi u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha waana nin aad ugu suntan wax qorista.
Bishii Oktoobar 2016, waxaa sida la sheegayo u hanjabay maamulkii gobolka ka talinayey. Wararku waxay sheegayaan in markii uu u hogaansami waayey digniintaas ay ciidanka Liyuu Boolisku qabteen oo ay ka kaxaysteen Aabihiis oo 70 jir ahaa iyo walaalkiis ka yaraa, Feysal Cumar ee ay u sugnaayeen magaaladooda dhagaxbuur. Dad xog ogaal ah waxay sheegeen in Feysal la dilay oo laga tuuray gaari xawli ku socday, iyadoo ka dibna la sheegay in uu isagu is dilay iyadoo uu falkaasi dilka aabihii goobjoog ahaa.
Soomaali Galbeed
MW Xasan Sheekh oo gaaray Dowlad Deegaanka Soomaalida, muxuu ka qeyb galayaa?
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inta uu ku sugan yahay halkaasi waxa uu booqan doonaa xarunta laga dhaliyo Korontada dabeesha ee ku taalla gobolka City, taasi oo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Dowlad Deegaanka Soomaalid ee magaalada Jigjiga, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku casuumay munaasabada xarrig jarka xarumaha dalxiiska ee laga hirgeliyay Deegaanka Shabeelow ee ku taalla Gobolka Faanfaan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inta uu ku sugan yahay halkaasi waxa uu booqan doonaa xarunta laga dhaliyo Korontada dabeesha ee ku taalla gobolka City, taasi oo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka.
Safarkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxa Hay’adda Sirdoonka ee dalka Kenya Nuuridiin Maxamed Yuusuf Xaaji oo shalay halkaasi gaaray, taasina waxay muujinaysaa muhiimada uu safarkan u leeyahay iskaashigga dalalka gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Dowlad Deegaanka Soomaalida waxa uu kulan la yeelan doonaa madaxda deegaanka, kuwaasi oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka iskaashiga amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha xuduudaha.
Safarka Madaxweynaha ayaa qaadan doono hal maalin oo keliya, iyada oo dib uga soo laaban doono magaalada Muqdisho.
Safarkaan ayaa la filaya inuu xoojiyo wadashaqeynta iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya isla markaan kor u qaado xiriirka dowladaha Geeska Afrika.
Iskaashiga Amniga iyo wax ka qabashada khataraha guud
Labadaba Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa wajahaya caqabado dhanka ammaanka ah, gaar ahaan kooxaha xagjirka ah ee sida Al-Shabaab oo kale, kuwaas oo ka howlgala xudduudaha iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo Itoobiya oo gudaheeda ka socda dagaallo sokeeye uu Abiy Axmed ku daadiyey dhiig badan sida ay sheegtay warbixin 2022 ay soo saartay ICHREE (Guddiga Qaramada Midoobay) waxay heshay sababo macquul ah oo lagu aamino in dawladda federaalka Itoobiya iyo dawlad goboleedyada xulafada ah ay ‘fuliyeen tillaaboo shacabka Tigrayga si loo baabiyo jiritaankeeda, oo ay ku jiraan daryeelka caafimaadka, hoy, biyo, fayadhowr, waxbarasho iyo cunto. Helitaanka cunto iyo dawo la’aanta ayaa ahayd arrin aad u weyn ee loogu adeegsaday dagaalka. Waxaana dhimashada lagu qiyaasay inay ka badan yihiin 600,000, inta u dhaxaysa 228,000 iyo 356,100 qof ayaa u dhintay macaluul iyo inta u dhaxaysa 124,000 iyo 155,000 waxay u dhinteen daryeel caafimaad la’aan.
Waxa kale oo cad warbixino badan oo sheegaya in tacaddiyada galmada ee haweenka iyo hablaha ay u dhaceen heer aad looga naxo. Guddiga Qaramada Midoobay waxay ogaatay in kufsiga iyo dembiyada tacaddiyada galmda loo geystay si ‘xad la yaab leh’ intii uu socday iskahorimaadka, iyadoo haweenka iyo gabdhaha Tigreega ah lala beegsaday rabshado iyo arxan darro gaar ah oo ay geysteen ciidamada Itoobiya iyo Ereteriya iyo maleeshiyaadka gobolka. Warbixinta Amnesty ayaa sidoo kale tilmaamtay kufsi wadareed ay askarta taabacsan TPLF kufsadeen tobanaan haween iyo gabdho ah oo ku sugnaa laba aag oo ka tirsan gobolka Axmaarada ee waqooyiga Itoobiya.
Ballanqaadka lagu xoojinayo wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha amniga ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka tarjumaysa qirashada dabeecadda khataraha ee heer-goboleed. Wadaaggida siraha ee wadajirka ah, hawlgallada milatari ee la isku dubarido iyo dhisidda awoodda waxay u adeegi karaan tallaabooyin wax ku ool ah si loo yareeyo saameynta kooxaha xagjirka ah.
Soomaali Galbeed
Booliiska Jigjiga oo qabtay nin lagu eedeeyay in uu muuqaallo anshax xumo ah ka duubay Gabdho gudaha deeganada Soomaalida
Booliiska ayaa sheegay in ninkaan uu ku dhashay magaalada Muqdisho kaddibna tagay qaaradda Yurub gaar ahaan Talyaaniga iyo Austereeliya dumar dacwad ka gudbiyay ninkaan.

Warar qoraal ah oo kasoo baxay Booliiska Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in hay’adaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin magaciisa lagu soo koobay Ayuub oo muuqaallo anshax xumo ah ka duubay Gabdho.
Booliiska ayaa sheegay in ninkaan uu ku dhashay magaalada Muqdisho kaddibna tagay qaaradda Yurub gaar ahaan Talyaaniga iyo Austereeliya dumar dacwad ka gudbiyay ninkaan oo Booliiska la wadaagay xogtiisa ayaa suurtagelisay in lagu soo qabto howlgalkaan.
“Booliiska oo ka jawaabaya cabashada Dumarka ayaa kaddib soo qabtay Ninkaan oo teleefannadiisa laga helay muuqaallo uu ka duubay hablo Soomaaliyeed, baaritaan ayaa ku socda, waxa uu muuqaalladaan ku duubay Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Wajaale, Addis Ababa iyo Jigjiga,” ayaa lagu yirri warka kasoo baxay Booliiska Jigjiga.
Xogta uu sida hordhaca ah usoo bandhigay Booliiska Jigjiga ayaa lagu sheegay in ninkaan uu ka tubo-raacayay hablaha baraha bulshada, is faham ku dhisan shukaansi kaddib waxa uu ka wici jiray muuqaal (Video Call) kaddibna uu ka duubi jiray muuqaallada anshax xumada ah sida hadalka loo dhigay.
Booliiska magaalada Jigjiga ayaa intaas ku daray in uu haween badan ku cabsi gelin jiray in muuqaalka uu ka duubay uu soo gelin doonno baraha bulshada si ceebteeda u faafto sida warka lagu yiri, qaarkoodna uga faa’iidaysan jiray duruufaha nololeed sida warka loo dhigay.
Tani ma ahan arrin ugub ah, horay waxaa loo qabtay dad ku eedeysan isla kiisaskaan oo qaarkood dib looga soo celiyay dalka dibaddiisa oo ay u baxsadeen, dad badan ayaa aaminsan in loo baahan yahay baaris dheeraad ah oo lagu sameeyo raggaan si loo ogaado cidda ka dambeysa falalkaan xun.
Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dhowaan Booliska Soomaaliya oo kaashanaya Interpol ayaa dalka Ruwaanda kasoo qabtay Jaamac Cabdi Maxamuud oo ahaa Agaasimihii hore ee Cisbitaalka Qardho, kaasi oo eeddeysanaa kufsi iyo muuqaallo anshax xumo uu ka duubay gabdho Soomaaliyeed oo shaqo doon ahaa, sida hadalka loo dhigay.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Soomaaliya3 months agoMareykanka oo si weyn ugu carootay rag ka tirsan CXDS kuwaasi oo ku istaagay calanka dalka Mareykanka
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM








































