Connect with us

Diblomaasiyadda

Waa Kuma Mustafe Cagjar?

Published

on

 


Mustafe wuxuu ku dhashay 1972 magaalada Awaare ee aagga Jarar ee gobolka Soomaalida Itoobiya.

Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay dugsiga Awaare, wuxuuna ku sii dhamaystirtay Dhagaxbuur oo reerkoodu uu u guuray, halkaasoo sidoo kalena uu dugsiga sare ka galay.

Waxbarashadiisa jaamacadda wuxuu ku sameeyey jaamacadda Addis Ababa, kulliyadda dhaqaalaha, halkaasoo uu ka qaatay shahaadada 1aad ee cilmiga dhaqaalaha.

Shahaadada Labaad ee jaamacadda (masters) ee isla dhaqaalaha wuxu ka qaatay Imperial College of London.

Wuxuu agaasime ka soo noqday machadka tababarka macallimiinta ee Jigjiga oo hadda loo yaqaanno kulleejka tababarka macallimiinta ee Cabdulmajiid.

Wuxuu kaloo soo noqday wasiir ku xigeenka waxbarashada ee gobolka Soomaalida.

Wuxuu ka soo shaqeeyey hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Save the Children, WFP, OCHA, iyo qaar kale. Wuxuu waayo aragnimo u leeyahay hawlaha bani’aadminimo ee Qaramada Midoobay. Waxaa loo beddelay dalka Zimbabwe 2006/7 ka dib markii loogu hanjabay in la dilayo, markaasoo uu gacan ka gaystay in la kashifo xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo TPLF ay ka gaysteen gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Iminka inta aan la magacaabin wuxuu u shaqaynayey hawlgalka bani’aadminimada Qaramada Midoobay oo uu u ahaa sarkaalka qaabilsan xiriirinta hawlaha bani’aadminimada ee Soomaaliya. Mustafe Muxumad Cumar waa shakhsi u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waana nin aad wax u qora.

Wuxuu aad uga soo horjeeday maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Oktoobar 2016 waxaa sida la sheegayo u hanjabay maamulkii gobolka ka talinayey. Wararku waxay sheegayaan in markii uu u hogaansami waayey digniintaas ay ciidanka Liyuu Boolisku qabteen oo ay ka kaxaysteen aabihiis oo 70 jir ahaa, iyo walaalkiis ka yaraa, Faysal Cumar, magaaladooda dhagaxbuur.

Dad xog ogaal ah waxay sheegeen in Faysal la dilay oo laga tuuray gaari xawli ku socday, ayadoo ka dibna la sheegay in uu isagu is dilay ayadoo uu aabihii goobjoog ahaa.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Diblomaasiyadda

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Khibradda taariikheed ee Geeska Afrika waxay caddeyneysaa in dagaal cusub uu fududaan karo marka kanaallada diblomaasiyadeed xirmaan, halka fursadda nabaddu kordhayso marka wada-hadalku sii furnaado.

Published

on

Guddigu wuxuu xaqiijiyay sida ay uga go'an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Geeska Afrika waa mid ka mid ah gobollada ugu istaraatiijisan qaaradda Afrika, maadaama uu isku xiro Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Bariga Afrika iyo marinnada ganacsi ee caalamiga ah. Gobolka waxaa isku dhex jira arrimo la xiriira amniga qaranka, biyaha webiga Nile, marin-badeedka, xuduudaha, isbahaysiyada siyaasadeed iyo tartanka awoodaha gobolka. 

Xiisad ka dhex dhalata Itoobiya, Ereteriya iyo Masar ma aha arrin ku kooban saddex dal oo keliya, balse waxay yeelan kartaa saameyn ballaaran oo ku fida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Bishii Oktoobar 2026, Midowga Afrika wuxuu muujiyay walaac ku saabsan kororka xiisadaha u dhexeeya Itoobiya, Ereteriya iyo Masar. Guddiga Midowga Afrika wuxuu 1-dii Oktoobar ugu baaqay saddexda dal inay muujiyaan is-xakameyn, ka fogaadaan hadallo ama tallaabooyin sii kordhin kara xiisadda, ayna illaashadaan kanaallada isgaarsiinta iyo hababka diblomaasiyadeed. Arrintan waxay timid xilli xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya uu si gaar ah u xumaaday xirriirkooda, iyadoo Itoobiya ay xirtay safaaraddeedii Asmara, halka Ereteriya ay ku dhawaaqday inay jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Itoobiya.

Asalka xiisadda iyo isku-xirnaanta amniga

Si loo fahmo xaaladda, waxaa muhiim ah in si gaar ah loo fiiriyo sida arrimaha gudaha Itoobiya iyo loollanka gobolka ay isugu xiran yihiin. Itoobiya waxay wajahaysaa dib-u-soo-noqoshada dagaallo ka dhacay waqooyiga dalka, gaar ahaan Tigray, halka xiriirka Addis Ababa iyo Asmara uu sii xumaaday. Reuters ayaa 2-dii Oktoobar 2026 sheegay in ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogag xiriir la leh ay u dhaqaaqayeen dhanka Mekelle, iyadoo dagaalladu ay sare u qaadeen cabsi laga qabo in khilaafku isu beddelo dagaal ballaaran.

Xaaladdan waxaa sii murjinaya arrinta marin-badeedka. Itoobiya waa dal aan lahayn xeeb, waxaana hoggaanka Itoobiya uu muddo dheer muujinayay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin u gaar ah oo Badda Cas ah. Ereteriya, oo leh xeeb dheer iyo dekedda muhiimka ah ee Assab, waxay arrintan u aragtaa arrin si toos ah ula xiriirta madaxbannaanideeda iyo amnigeeda. Sidaas awgeed, arrinta marin-badeedku waxay noqotay qayb ka mid ah xisaabta amni ee labada dal. Masar waxay leedahay dano istaraatiiji ah oo ku saabsan webiga Nile iyo amniga gobolka. Khilaafka ku saabsan Biyo-xireenka Renaissance ee Itoobiya ayaa muddo dheer saameeyay xiriirka Qaahira iyo Addis Ababa. Sidaas darteed, marka khilaafaadka gudaha Itoobiya ay isku biiraan arrimaha Nile, marin-badeedka iyo xiriirka Itoobiya-Ereteriya, waxaa dhalan kara xaalad amni oo ka baxsan xuduudaha dalalkaas.

Doorka Midowga Afrika

Hadalkii Midowga Afrika ee 1-dii Oktoobar wuxuu ahaa tallaabo loogu talagalay in lagu yareeyo khatarta sii kordheysa, halkii uu ahaa eedeyn rasmi ah oo loo jeedinayo mid ka mid ah dowladaha. Guddigu wuxuu si cad u sheegay in Itoobiya, Ereteriya iyo Masar ay ilaashadaan kanaallada isgaarsiinta, khilaafaadkana lagu xalliyo diblomaasiyad iyo wada-hadal nabadeed. Masar waxay si cad uga hortimid bayaankaas, iyadoo u aragtay in hadalka Midowga Afrika lagu jiidayo arrin ay Qaahira u aragto arrin gudaha Itoobiya ah. Jawaabta Masar waxay muujinaysaa dhibaato muhiim ah oo ku jirta diblomaasiyadda gobolka: farqiga u dhexeeya waxa dowladdu u aragto arrin gudaha ah iyo waxa urur goboleedku u arko khatar amni oo goboleed.

Marka khilaaf gudaha ah uu leeyahay dhinacyo dibadeed, xuduud wadaag, dhaqdhaqaaq ciidan ama saameyn ku fida dalalka deriska ah, waxaa adkaanaysa in si buuxda loogu qeexo “arrin gudaha ah”. Sidaas darteed, Midowga Afrika wuxuu leeyahay sabab uu uga hadlo dhinaca nabadda iyo amniga, halka dowladuhu ay weli ilaalinayaan mabda’a madaxbannaanida qaranka.

Masar iyo mabda’a madaxbannaanida

4-tii Oktoobar, Guddiga Midowga Afrika wuxuu soo saaray caddayn rasmi ah kadib cabashada Masar. Guddigu wuxuu sheegay in bayaankii 1-dii Oktoobar aan loogu talagelin in mas’uuliyadda horumarrada Itoobiya lagu wareejiyo dowlad deris ah. Waxa kale oo uu caddeeyay inuu si buuxda u ixtiraamayo madaxbannaanida, midnimada qaran, midnimada dhuleed iyo mabda’a ah inaan lagu faragelin arrimaha gudaha ee dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika. Caddayntani waxay leedahay muhiimad diblomaasiyadeed oo weyn. Waxay muujinaysaa in Midowga Afrika isku dayayo inuu isku dheellitiro laba mabda’: in la ilaaliyo madaxbannaanida dowladaha iyo in laga hortago khilaaf gudaha ah oo isu beddela dhibaato goboleed.

Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in bayaankiisu uu ka dhashay xaaladda diblomaasiyadeed ee sii xumaatay iyo cayrinta diblomaasiyiinta ee caasimadaha saddexda dal. Ujeeddadu, sida uu sheegay, waxay ahayd in laga hortago is-faham la’aan, koror xiisadeed ama ballaarin khilaaf oo dhaawici karta xasilloonida gobolka.

Diblomaasiyadda sida qalab amni

Dhibaatada ka jirta Geeska Afrika waxay muujinaysaa in diblomaasiyadda aan loo arki karin oo keliya hab lagu saxiixo heshiisyo, balse ay tahay qayb ka mid ah siyaasadda amniga. Marka xiriirka diblomaasiyadeed uu daciifo, waxaa yaraada fursadaha lagu fahmi karo ujeeddooyinka dhinacyada kale, taasina waxay kordhin kartaa khatarta qalad xisaabeed.

Cayrinta diblomaasiyiintu waxay noqon kartaa fariin siyaasadeed oo xooggan, laakiin sidoo kale waxay yareyn kartaa kanaallada lagu xakameeyo xiisadaha. Sidaa darteed, baaqa Midowga Afrika ee ah in la ilaaliyo “open channels of communication” wuxuu leeyahay muhiimad istaraatiiji ah. Xitaa marka dowladuhu isku khilaafsan yihiin arrimo waaweyn, xiriirka tooska ah wuxuu ka caawin karaa inay ka fogaadaan dagaal ka dhasha is-faham la’aan. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay Geeska Afrika, oo horey u soo maray dagaallo xuduudeed, colaado gudaha ah iyo faragelinno goboleed. Haddii xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya ay ku biirto tartanka Itoobiya iyo Masar, isla markaana ay saameyn ku yeelato Sudan iyo Badda Cas, khilaafku wuxuu yeelan karaa saameyn ka ballaaran saddexda dal.

Khataraha ku wajahan Geeska Afrika

Mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn waa in khilaaf gudaha Itoobiya ahi uu isu beddelo khilaaf goboleed. Dagaallada Tigray, xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya, iyo eedeymaha ku saabsan taageerada kooxaha hubeysan ayaa isku xiraya arrimo gudaha iyo dibadda ah.

Khatar kale waa militarization-ka sii kordhaya ee gobolka. Haddii dowladuhu bilaabaan inay u arkaan dhaqdhaqaaq kasta oo deriskooda ka yimaada inuu yahay khatar amni, waxaa bilaaban kara wareeg amni oo ah in hal dal uu kordhiyo awooddiisa ciidan, dal kale uu jawaab ka bixiyo, taasina ay sii kordhiso hub-urursiga iyo kalsooni-darrada.

Sidoo kale, Badda Cas waxay leedahay muhiimad caalami ah. Ereteriya waxay leedahay xeeb ku taal marin istaraatiiji ah, halka Itoobiya ay raadineyso marin badeed. Sidaas darteed, xaaladda gobolka waxay xiriir la yeelan kartaa ganacsiga caalamiga ah, amniga maraakiibta iyo danaha quwadaha dibadda. Xiisadda ka dhex jirta dalalka Geeska Afrika waxay sidaas darteed noqon kartaa arrin saameynaysa amniga Afrika iyo dhaqaalaha caalamka.

Waxaan kusoo gunaanudayaa, xiisadda Itoobiya, Ereteriya iyo Masar waxay muujinaysaa sida ay isugu xiran yihiin amniga gudaha, madaxbannaanida qaranka, biyaha, marin-badeedka iyo diblomaasiyadda gobolka. Hadalka Midowga Afrika wuxuu ahaa isku day lagu ilaalinayo xasilloonida iyo in khilaafaadka lagu celiyo miiska wada-hadalka, halka jawaabta Masar ay muujisay sida xasaasi u yahay farqiga u dhexeeya faragelin iyo dhexdhexaadin goboleed. Midowga Afrika ayaa markii dambe si cad u xaqiijiyay inuusan doonayn inuu mas’uuliyadda horumarrada Itoobiya u nisbeeyo dal deris ah, isla markaana uu ixtiraamayo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah.

Daraasadda xaaladdan waxay ina tusaysaa in amniga Geeska Afrika uusan ku xirnayn oo keliya awoodda milatari. Waxaa sidoo kale muhiim ah kalsooni-dhisidda, xiriirka diblomaasiyadeed, wada-hadal joogto ah, xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo illaalinta madaxbannaanida dowladaha. Midowga Afrika, IGAD iyo dowladaha gobolka waxay door ka qaadan karaan in khilaafaadka laga hor istaago inay isu beddelaan dagaallo cusub. Khibradda taariikheed ee Geeska Afrika waxay caddeyneysaa in dagaal cusub uu fududaan karo marka kanaallada diblomaasiyadeed xirmaan, halka fursadda nabaddu kordhayso marka wada-hadalku sii furnaado. Sidaa darteed, ilaalinta xiriirka diblomaasiyadeed ma aha oo keliya arrin siyaasadeed; waa istaraatiijiyad amni oo muhiim u ah xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Shir-madaxeedka ay magaalada New Alamein ee waqooyiga Masar ku yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Masar, Ereteriya, Soomaaliya iyo Suudaan wuxuu xambaarsan yahay macne siyaasadeed, amni iyo diblomaasiyadeed oo ka ballaaran wadatashi caadi ah.

Published

on


Hogaamiyeyaasha Masar, Ereteriya, Soomaaliya, iyo Suudaan ayaa Axadda qaban doona shir afar geesood ah oo ka dhici doona magaalada waqooyiga Masar ee New Alamein si looga wada hadlo horumarka gobolka iyadoo ay socdaan colaadaha ka socda waqooyiga Itoobiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in shirku uu qayb ka yahay “wadatashi iyo isku-dubarid ku saabsan arrimaha gobolka ee khuseeya labada dhinac.”

Shirku wuxuu isu keeni doonaa Madaxweynaha Masar Cabdel Fittaax Al Sisi, Isaias Afwerki ee Eriteriya, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaan ee Suudaan Cabdifittaax Al Burhaan.

Isbeddelka isbahaysiyada amni iyo dibloomaasiyaddeed Geeska ee Afrika

Shir-madaxeedka ay magaalada New Alamein ee waqooyiga Masar ku yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Masar, Ereteriya, Soomaaliya iyo Suudaan wuxuu xambaarsan yahay macne siyaasadeed, amni iyo diblomaasiyadeed oo ka ballaaran wadatashi caadi ah oo dhex mara afar dowladood. Wuxuu ku soo beegmayaa xilli Geeska Afrika uu wajahayo isbeddello istaraatiiji ah, loollan juqraafi-siyaasadeed iyo dib-u-kac colaadeed oo halis gelin kara xasilloonida gobolka.

Ka qaybgalka Madaxweynaha Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi, Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaan ee Suudaan Cabdifittaax Al-Burhaan wuxuu muujinayaa in afarta dowladood ay danaynayaan sidii ay u abuuri lahaayeen hannaan wada-tashi iyo isku-duwid amni oo ku saabsan xaaladaha sii murugsanaya ee gobolka.

Xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya

Marka laga fiiriyo dhinaca amniga gobolka, xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ah arrin si gaar ah muhiim ugu ah ajandaha kulanka. Labada dal waxay leeyihiin taariikh colaadeed oo soo noqnoqotay, waxaana xiriirkooda diblomaasiyadeed ee sii xumaanaya uu abuurayaa walaac ku saabsan suuragalnimada iska horimaad militari oo cusub. Waxaa intaas dheer dagaallada dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan deegaanka Tigreega iyo gobolka Cafar, kuwaas oo khatar ku ah amniga xuduudaha, ganacsiga iyo isu-socodka bulshada.

Masar waxay kulankan ka leedahay dano istaraatiiji ah oo cad

Khilaafka muddada dheer kala dhexeeya Itoobiya ee ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) wuxuu ka dhigayaa xaaladda Itoobiya arrin si toos ah u saamaynaysa amniga qaranka Masar. Qaahira waxay danaynaysaa in ay ballaariso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay dalalka ku hareeraysan Itoobiya, si ay u xoojiso saameynteeda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo Badda Cas. Dhanka kale, Ereteriya waxay doonaysaa inay xaqiijiso amnigeeda qaranka, madaxbannaanideeda siyaasadeed iyo awooddeeda istaraatiiji ah ee gobolka. Xiriirka sii xumaanaya ee Itoobiya iyo Ereteriya wuxuu dib u soo noolayn karaa loollankii militari ee labada dal, taas oo saameyn ku yeelan karta dhammaan dalalka deriska ah.

Soomaaliya: Ilaalinta madaxbannaanida iyo amniga qaranka

Arrimaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ay tahay inay mudnaanta siiso shir-madaxeedka New Alamein waa ilaalinta madaxbannaanida qaranka, midnimada dhuleed iyo danaha istaraatiijiga ah ee dalka. Xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika waxay Soomaaliya u abuureysaa fursad diblomaasiyadeed oo ay ku xoojin karto iskaashiga dalalka gobolka, gaar ahaan Masar, Ereteriya iyo Suudaan. Itoobiya dhowr jeer ayay tallaabooyin siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed ku lug leh arrimaha gudaha Soomaaliya qaaday, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u aragtay faragelin ka dhan ah madaxbannaanideeda. Tusaalaha ugu weyn waa is-afgaradkii (MoU) ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland 1-dii Janaayo 2024, kaas oo la xiriiray marin-badeed iyo suuragalnimada aqoonsiga Somaliland. Dowladda Soomaaliya waxay tallaabadaas ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Marka laga fiiriyo dhinaca amniga qaranka, arrintani ma aha oo keliya khilaaf diblomaasiyadeed, balse waxay taabanaysaa mabda’a madaxbannaanida dowladeed, ilaalinta xuduudaha caalamiga ah iyo xaqa ay Soomaaliya u leedahay inay maamusho dhulkeeda iyo baddeeda. Sidaas darteed, Soomaaliya waa inay dhistaa siyaasad dibadeed oo ku salaysan danaha qaranka, iskaashi amni iyo xiriirro istaraatiiji ah oo dheellitiran.

Goobta juqraafiyeed ee Soomaaliya, xeebteeda dheer iyo muhiimadda ay u leedahay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas waxay dalka siinayaan miisaan siyaasadeed iyo amni oo heer gobol iyo caalami ah. Waa fursad ay Soomaaliya kaga qayb qaadan karto dhismaha hannaan amni oo wadajir ah, kaas oo ka hortaga faragelinta shisheeye, khilaafaadka xuduudaha iyo xasillooni darrada gobolka. Dhanka kale, dagaalka Suudaan iyo xiisadaha Itoobiya iyo Ereteriya waxay muujinayaan baahida loo qabo iskaashi diblomaasiyadeed oo ka hortaga dagaallo cusub. Soomaaliya waa inay ka fogaataa inay qayb ka noqoto loollan ay dalal kale leeyihiin, balse ay hormuud ka noqotaa ilaalinta nabadda, madaxbannaanida dowladaha iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Gunaanad ahaan, amniga qaranka Soomaaliya laguma ilaalin karo hadallo siyaasadeed oo keliya, balse waxaa lagu xaqiijin karaa diblomaasiyad firfircoon, awood dowladeed, iskaashi amni, ilaalinta xuduudaha iyo siyaasad dibadeed oo leh aragti istaraatiiji ah. Soomaaliya waa inay yeelataa mowqif cad: madaxbannaanida qaranku ma aha arrin gorgortan laga geli karo, midnimada dhuleedna waa aasaaska jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Waa maxay ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Itoobiya?

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xaalad amni oo xasaasi ah oo ka jirta gobolka.

Published

on


Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa halkaasi kulan muhiim ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyadoo labada dhinac ay kawada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga gobolka iyo dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo xiriirkooda, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in labada dal ay ka go’an tahay ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal, iyo horumarinta iskaashiga gobolka.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xaalad amni oo xasaasi ah oo ka jirta gobolka, taasoo sare u qaadaysa muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyaddeed?

Bishii Oktoobar 2023, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in helista marin badeed madax bannaan oo dalkiisa aan bad lahayn ay tahay “arrin jirta oo maqadas ah”.

Bilo ka dib, bishii Janaayo, Itoobiya waxay Somaliland la saxiixatay heshiis is-afgarad ah oo ay ku aqoonsanayso maamulka Somaliland, taas oo beddelkeeda ay Addis Ababa ka kiraysay dhul xeebeed ka tirsan oo ay ka dhisanayso saldhig ciidan. Hadda, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo metelaadkii diblomaasiyadeed ee labada dhinac, muddo sannad ka badan ka dib markii Soomaaliya ay xiriirka u jartay Itoobiya, kadib heshiis dhinaca badda ah oo Itoobiya ay la gashay maamulka Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen ka dib booqasho lama filaan ah oo uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku tagay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa labada dal ay ka go’an tahay “in ay dib u soo celiyaan oo ay wanaajiyaan xiriirka labada dal iyada oo loo marayo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda oo ay ku yeeshaan caasimaddooda”.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya, Mesganu Arga Moach, ayaa tallaabadan ku tilmaamay “horumar weyn oo laga gaaray xiriirka laba geesoodka ah iyo kan walaaltinimo”.

Ku dhawaaqistan ayaa ah tii u dambaysay ee muujinaysa in Itoobiya iyo Soomaaliya ay bilaabeen in ay dhinac u leexiyaan xiriirkooda, ka dib markii ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland bilawgii 2024-kii, kaas oo khilaaf ba’an ka dhex abuuray dalalka jaarka ah ee Bariga Afrika. Qoraalka heshiiska is-afgaradka ayaa la sheegay in ay ku lug lahayd in Itoobiya ay hesho dekedda ku teedsan xeebaha Somaliland si ay u aqoonsato madax-bannaanida Somaliland si ay Soomaaliya ugu go’do. Saraakiisha Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska uu ku jiro ogolaanshaha dhismaha xarun ay leeyihiin ciidamada badda oo ku teedsan xeebaha gacanka Cadmeed. Qoraalkaas ayaa jawaab kulul ka bixiyey Soomaaliya, oo ku eedaysay Itoobiya in ay ku xadgudubtay madaxbanaanida dhuleed.

Ismariwaaga diblumaasiyadeed waxa uu halis galiyay in uu wiiqo iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab oo ah garabka al-Qaacidda ee Soomaaliya ee doonaya in ay afgambiyaan dowladda dhexe.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay Itoobiya uga saarayso howlgalka nabad ilaalinta ah ee ay Qaramada Midoobay taageerto ee dagaalka kula jira kooxdan, iyadoo ciidamada Itoobiya aan la aqoonin kaalinta rasmiga ah ee ay ku leeyihiin. Inta badana Itoobiya waxay khalkhal iyo hab-dhaqan gumaysi ah gelisaa dadka deegaanka, arrintaas oo sababta in dhalinyaro badan ay ku biiraan Al-shabaab.

Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay sheegtay inay dib u eegis ku sameyn doonto joogitaanka ciidamada Itoobiya, kadib shir ay bishan yeesheen Wasiirada Difaaca ee labada dal, balse bishii hore waxay sheegtay inay heshay ballanqaadyo ku saabsan tirada askarta loo idmaday ee dalalka kale. Madaxda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ka soo horjeedin damaca Itoobiya ee ah in ay hesho deked, balse ay ka doodaan go’aankeeda ah in ay ka gudubto dowladda dhexe iyo in Itoobiya ay isticmaasho dhul Soomaaliyeed oo ay ka dhisato xarun ay ku leeyihiin badda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Dowladda Masar oo cadeysay mowqifkeeda ku aaddan qaranimada Soomaaliya

Ratcliffe ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanku uu qadarinayo doorka Masar ee taageerada amniga iyo xasilloonida Afrika.

Published

on


Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-Siisii ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda u taageerayo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo si cad uga horyimid tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Al-Siisii ayaa hadalkan sheegay xilli uu Qaahira kula kulmay madaxa Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA), John Ratcliffe. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxa Sirdoonka Guud ee Masar, Hassan Rashad.

Ratcliffe ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanku uu qadarinayo doorka Masar ee taageerada amniga iyo xasilloonida Afrika. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii wadaan wadashaqeynta iyo is-dhaafsiga xogta gaar ahaan xaaladda Suudaan, horumarrada Soomaaliya iyo Geeska Afrika, iyo amniga maraakiibta caalamiga ah.

Sida laga soo xigtay dhinaca Masar wada-shaqeyntaas ayaa diiradda lagu saarayaa wax ka qabashada caqabadaha amni iyo kuwa juqraafi-siyaasadeed, ururrada argagixisada iyo dambiyada abaabulan, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga sirdoonka. Kulanka Al-Siisii iyo Ratcliffe ayaa sidoo kale looga hadlay xiriirka istiraatiijiga ah ee Masar iyo Mareykanka iyo xaaladaha ka jira Bariga Dhexe oo ay ku jiraan dagaalka Iiraan, qorshaha xabbad-joojinta Qaza arrinta Falastiin iyo dagaalka Suudaan.

Masar ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u muujisay taageeradeeda ku aaddan midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sheegtay inay ka qeyb qaadanayso dadaallada amniga iyo xasillinta Soomaaliya. Dowladda dalka Masar ayaa sii wada dadaallada lagu caawinayo dalka Soomaaliya oo ay rabto dhowaan ciidamo inay u soo dirto si ay qeyb ugu noqdaan hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasi oo bilowday sanadkii lasoo dhaafay horraantiisa.

Waxaana Masar ay kaashanaysaa xulafadeeda heer gobol iyo kuwa caalamiga ah si ay markaasi ay u xaqijiiso taageero buuxda oo Soomaaliya ay ka hesho dhinaca wadamada Beesha Caalamka si wadankan markale cagahiisa dib isugu soo taago.

Ciidamada Masar ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka qaataan dadaallada lagu sugaayo ammaanka Soomaaliya gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Masuuliyiinta hawlgalka AUSSOM ayaa tilmaamay in marka la dhameeyo diyaar garowga ciidamada Masaarida inay si rasmi ah u bilaabi doonaan inay Soomaaliya ay yimaaddan isla markaana hawlgalka ay ku biiraan.

Si kastaba, hoggaanka AUSSOM ayaa ka digay in hawlglka iyo wajiyo kale oo caqabado ah ay yimaan doonaan dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha ah, maadaama maalgelinta Mareykanka iyo Midowga Yurub ay joogsadeen taasi oo keentay dib u dhaca imaanshiyaha ciidamada Masar.

Xubnaha hoggaanka hawlgalka ayaa sheegay inay socdaan wadahadallo lala yeelanaayo saaxiibada beesha caalamka si loo helo taageerada dhaqaalle waarta oo lagu daboolayo baahiyaha ciidamada hawlgalka fulinaayo, tabbabarkooda iyo qalabeyntooda. Ciidamada Masar ayaa la filayaa inay degaan gobolka Shabeellaha Dhexe halkaasi oo ay faarujin rabaan ciidamada Burundi ka socda oo hawlgalkooda soo afjarma marka ay yimaadaan ciidamada Masaarida.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Mareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya

Tan iyo markii Riley uu ka baxay Muqdisho, Justin Davis ayaa ahaa ku-simaha madaxa safaaradda Mareykanka ee Muqdisho maadaama aan xilka safiirnimo loo magacaabin diblomaasi cusub.

Published

on


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Devin Kennington u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo Washington ay dib u buuxinayso xilka safiirnimo ee Muqdisho oo bannaan tan iyo markii dib loogu yeeray safiirkii hore Richard H. Riley dabayaaqadii bishii Diseembar 2025.

Magacaabista Kennington ayaa kamid ahayd liiska magacaabista diblomaasiyadeed ee Aqalka Cad u gudbiyay Senate-ka Mareykanka. Sida ku cad xogta Aqalka Cad Kennington waxaa loo magacaabay xilka “Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary” ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kennington ayaa beddeli doona Richard H. Riley oo xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya hayay tan iyo 2024, balse bishii Diseembar 2025 dib loogu yeeray Washington iyadoo maamulka Trump uu sameeyay isbeddel ballaaran oo ku yimid safaaradaha iyo hoggaanka diblomaasiyadda Mareykanka.

Tan iyo markii Riley uu ka baxay Muqdisho, Justin Davis ayaa ahaa ku-simaha madaxa safaaradda Mareykanka ee Muqdisho maadaama aan xilka safiirnimo loo magacaabin diblomaasi cusub.

Magacaabista Kennington waxay ku soo beegmaysaa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka uu ku salaysan yahay iskaashi dhinacyo badan leh gaar ahaan amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab, xasillinta Soomaaliya iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Kennington waa diblomaasi muddo ka soo shaqeeyay adeegga arrimaha dibadda ee Mareykanka waxaana magacaabistiisu ka dhigan tahay in Washington ay markii ugu horreysay muddo ku dhow sagaal bilood u diyaarinayso Muqdisho safiir si rasmi ah u matala Madaxweynaha Maraykanka.

Si kastaba, magacaabista Kennington ma noqonayso mid kama dambeys ah ilaa Senate-ka Mareykanku ansixiyo sida uu dhigayo nidaamka magacaabista safiirrada ee dalkaas.

Bishii Agoosto 2026, Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya, iyadoo si toos ah uga shaqa bilaawday magaalada Muqdisho bishii Agoosto ee 2026.

Stevens-Klitz oo ah diblomaasi muddo dheer ka tirsaneyd adeegga diblomaasiyadda Mareykanka ayaa leh in ka badan 25 sano oo waayo-aragnimo ah, iyadoo xilal kala duwan kasoo qabatay dalal ku yaalla qaaradaha Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika.

Kahor inta aan loo magacaabin Soomaaliya, waxay ahayd La-taliyaha Arrimaha Bulshada ee Safaaradda Mareykanka ee Senegal iyo Guinea-Bissau, halka intii ay ku guda jirtay shaqadeeda diblomaasiyadeed ay sidoo kale kasoo shaqeysay Itoobiya, Masar, Morooko, Jarmalka, Israa’iil iyo Armeeniya, iyo xilal kale oo ay ka qabatay Washington.

Waayo-aragnimadeeda diblomaasiyadeed waxay si gaar ah ugu saabsan tahay xiriirka bulshada, dhisidda iskaashi lala yeesho dowladaha martida loo yahay, hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah, iyo ballaarinta is-dhaafsiga xogta iyo fikradaha. Sidoo kale waxay xoogga saartay la shaqaynta dhalinyarada iyo hoggaamiyeyaasha soo koraya, kobcinta fursadaha dhaqaale iyo ganacsi, ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka, iyo taageeridda xorriyadda saxaafadda.

Stevens-Klitz waxay shahaadada koowaad ee Bachelor of Science in Foreign Service ka qaadatay Jaamacadda Georgetown, halka ay shahaadada Master of Strategic Studies ka qaadatay U.S. Army War College. Diblomaasigan ayaa sidoo kale ku hadasha Faransiis, Jarmal, Ruushka iyo Carabi.

Magacaabisteeda ayaa kusoo beegmaysa xilli Mareykanka iyo Soomaaliya ay si dhow uga wada shaqeynayaan arrimaha amniga, xasilinta, horumarinta hay’adaha dowladda, iyo iskaashiga diblomaasiyadeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Caafimaadka & Sayniska7 hours ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya9 hours ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha14 hours ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika15 hours ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya17 hours ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga18 hours ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya19 hours ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya19 hours ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda2 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga2 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga3 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda3 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya3 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga3 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika3 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga3 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay doon ay saarnayeen toddobo ajaanib ah

Ameerika4 days ago

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Itoobiya4 days ago

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha Mekelle

Soomaaliya4 days ago

UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta

Yurub4 days ago

Booliiska Jarmalka oo markale gacanta ku dhigay kiiska Soomaali Mindi isku dishay

Soomaaliya4 days ago

Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dawladnimada

Arrimaha Amniga4 days ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo wajahaya caqabado kahor doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

Arrimaha Amniga5 days ago

Hay’adda ICRC: “148 qof ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Baydhabo”

Afrika5 days ago

Khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxay dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaali Galbeed5 days ago

Waa kuma Mustafe Cagjar, Maxay ka dhigan tahay dib u doorashadiisa hoggaanka sarre ee Dowlad Deegaanka Soomaalida?

Arrimaha Amniga6 days ago

Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay dhimashada shaqaale Markab shidaal oo lagu soo furtay xeebaha Soomaaliya

Itoobiya7 days ago

Ciidanka Itoobiya oo la sheegay inay 150km ugu dhaqaaqeen gudaha gobolka Tigray

Doorashada7 days ago

Galmudug iyo Hirshabeelle oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha iyo mida Barlamaanka

Arrimaha Amniga7 days ago

Puntland oo sheegtay in Burcad badeeddu ay dishay shan shaqaale oo ajaaniib ah

Arrimaha Amniga7 days ago

Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama

Diblomaasiyadda1 week ago

Waa maxay ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Itoobiya?

Arrimaha Amniga1 week ago

Xukuumadda Somaliland oo diiday shir bahda saxaafadda Somaliland uga furmaya Boorama

Soomaaliya1 week ago

Puntland oo laba sano xabsi ah ku xukuntay nin lagu eedeeyay inuu Daacish ka iibiyay Ari

Arrimaha Amniga1 week ago

OCHA: “Colaadda Baydhabo waxay sii kordhisay khatarta bani’aadanimo ee shacabka”

Arrimaha Amniga1 week ago

Falanqeyn Amni: Siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo saameynta ay ku yeelatay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Xul

Diblomaasi.com