Connect with us

Akhri

Waa Kumaa Hogaamiyaha “Xisbullaha Nigeria”?

Published

on

 


Bishii ina dhaaftay ee Oktoobar dabayaaqadeedii waxa iska hor imaadyo rabshado wataa ku dhex mareen magaalada Abuja milatariga Nigeria iyo taageerayaasha ururka Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee uu hogaamiyo Ibrahim Zakzaky, waxaana halkaa lagu dilay saddex qof oo ka mid ah taageerayaasha ururkaas.

Hadaba waa kuma hogaamiyaha ay dadkani u mudaharaadayeen sii dayntiisu?

Ibrahim Yacquub Zakzaky waxa uu ku dhashay magaalada Zaria ee Muslimiinta Shiicada ah ee Nigeria u ah magaalada barakaysan sanadkii 1953.

Waxa uu la dhacay aragtidii mufakirkii reer Masar, Sayid Qudub, iyo tii hogaamiyihii sare ee Kacaankii Islaamiga ahaa ee Iran, Aayatullaah Al-Khumayni, waana sababta uu uga aasaasay Nigeria ururkaa islaamiga ah. Waxa uu ahaa hogaamiyaha ruuxiga ah ee ururkaa tan markii uu ardayga ahaa ee uu ku jiray jaamacadda, waagaas oo ay dalka aad ugu badnaayeen aragtiyaha hanti wadaagga iyo hanti goosadku. Suxufiyiinta [dalkaas] qaarkood ayaa ururkaa uu hogaamiyo Zakzaky ku tilmaamay “Xisbullaahiga Nigeria”, sababtuna waa ururkaa oo fidinayey mad-habka Shiiciga tan iyo markii la riday boqortooyadii Iran sannadkii 1979-kii, iyo mid labaad oo ah in uu aaminsanyahay in ay jiraan fursado jamhuuriyad la mid ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran lagaga abuuri karo Nigeria.

Khabiir ka tirsan hay’adda wax ka qorta qulqulatooyinka aduunka ee ICG oo ku sugan Nigeria ayaa waxa uu sheegay in ururku leeyahay laba ujeeddo oo ta koobaad tahay in la helo fursad lagu abuuro nidaam maamul oo ku dhisan shareecada Islaamka oo adag iyo ta labaad oo ah in Nigeria laga dhiso dawlad Islaami ah.

Sanadihii sideetameeyadii iyo sagaashameeyadii ee qarnigii hore ayaa xukuumadihii milatariga ee Nigeria ay Zakzaky dhawr jeer u xidheen eedo ah kicin dadweyne. Haatanna waxa uu ku jiraa xabsiga muddo saddex sanadood ah sidaas oo ay tahayna ururku weli hawlihiisa wuu wadaa.

Shiicada Nigeria

Tirada Shiicada Nigeria waxa lagu qiyaasaa malaayiin qof, sidaas oo ay tahay ayaa hadana ay yihiin qolyaha laga tirada badan yahay marka la barbar dhigo Sunniga iyo dadka kale ee aan Muslimiinta ahayn. Madaxa urur talo bixineed oo la yidhaa Afrique Consultancy Group oo Afrika oo dhan ka hawl gasha ayaa isaga oo ka hadlaya Shiicada Nigeria waxa uu yidhi ” Shiicadu si fiican ayay dadka kale ee reer Nigeria ula falgaleen lagumana hayo dhibaatayn iyo takoor toona, laakiin xidhiidhka taageerayaasha Sheekh Zakzaky iyo ciidamada nabadgelyadu weli wuu cakiranyahay.

Waxaanu intaa ku daray in la moodo in uu jiro loolan gaara oo ka dhexeeya bulshada ku nool magaalada Zaria gaar ahaan hogaamiyaha ururka iyo ciidamada nabad gelyada.

Ciidamada Nigeria waxa ay hore u weerareen guriga uu deganyahay Zakzaky waxaana halkaa ku dhintay dad, kuwii ku dhaawacmayna waxa ka mid ahaa xaaska Zakzaky, wiil uu dhalay, kaaliyihiisii iyo dhakhtarkiisa gaarka ah, waxaana gebi ahaan ba dhulka lala simay maqaam ay halkaa ku laaayeen.

Taageerayaasha Zakzaky waxa kale oo weeraray, mar ay socod mudaharaad ah ugu kala socdaalayeen magaalooyinka Kanu yo Zaria, qof miidaame ah oo isku qarxiyey waxaana halkaa ku dhintay tiro aan ka yarayn 21 qof.

Markii qaraxaasi dhacay waxa sheegatay masuuliyadiisa Boko Xaraam, laakiin waxa beeniyey taageereyaasha Zakzaky oo sheegay in weerarkaasi ahaa mid ay ku duqeeyeen diyaaradaha ciidanka Nigeria.

Qulqulatooyinka dhex maray ururkaas iyo ciidanka Nigeria waxa ka mid ahaa mid ka dhacday bishii Juulaay ee 2014 goob ay xaflad diineed ku dhigayeen Shiicadu, halkaas oo lagu dilay dad aan ka yarayn 34 qof oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan qoyska Zakzaky. Waxaanay sidoo kale dhigayeen dadkaa askartu laysay mudaharaad lagu taageerayey Falastiiniyiinta oo dhacayey maalinta loo asteeyey “maalinta taageerada caalamiga ah ee Quddus”.

Boko Xaraam kale

Maxamed Sacad Abuubakar oo ah hogaamiye ruuxi Islaamiya oo Nigeria laga qaddariyo, ayaa maamulka u digay waxaanu ugu baaqay inuu is xakameeyo si looga baaqsado buu yidhi in ay soo baxdo koox kale oo hubaysan oo la mid ah Boko Xaram.

Waxaanu Maxamed Sacad intaa ku daray oo yidhi “duruufihii dhaliyey in ay Nigeria ka abuuranto fallaago hubaysani weli way taaganyihiin, masiibada ka dhalatayna weli waa lagu jiraa”

Ururka Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah waxa ka goostay Abuubakar Mujaahid oo aad ugu dhawaa Zakzaky sanadkii 1995-kii waxaanu aasaasay urur la yidhaa Soo Noolaynta Islaamka, kaas oo ka soo horjeeda aragtida Zakzaky.

Waxaana la sheegayaa in Zakzaky uu isago qabo in aanu uurkiisu qaadan hubka in kasta oo ay dhaceen iska hor imaadyo dhex maray ciidanka nabad gelyada iyo urur kale. Waxaa kale oo la sheegay in suurto galnimada ururka Zakzaky xag jirnimada ugu baydhi karaa ay weligeed ba ahayd mid aad u yar.

Laakiin marka la eego qulqulatooykii ugu dambeeyey ee dhiiggu ku daatay ee lagu laayey xubno sarsare oo ka mid ah ururka, xadhiga hogaamiyahooda dhaawacan iyo sidoo kale duminta xarumahooda waxa dhici karta in uurku gaadho meel cidhiidhi ah oo laga yaabo in uu hubka ba qaato.

Facebook Comments Box

Diblomaasi waa deggel hormuud u ah falanqeynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wararka madaxa bannaan iyo ajendaha-dejinta wararka, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu qoray/diyaariyey jiilka cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Diinta Islaamka

Xisbiga AK ayaa guddoomiyaha baarlamaanka u gudbiyay hindise wax ka beddelka xijaabka

Arrinta mamnuucidda xijaabka ayaa meel muhiim ah laga gaaray doodaha dadweynaha iyo siyaasadda ee Turkiga intii lagu jiray 1990-meeyadii iyo 2000-meeyadii, laakiin doodahan waa kuwa wali ka taagan gudaha Turkiga, iyadoo aan si toos ah loo qiyaasi karin cida ka dambeysa.

Published

on

Özlem Zengin, oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga cadaalada iyo horumarka ee AK Party (AK Party) ayaa la kulantay ku xigeenada haweenka shir jaraa'id oo ay ku qabatay baarlamaanka, Ankara, Turkiye, Diseembar9, 2022 (AA Sawir)

Soo jeedinta wax ka bedelka dastuurka ee xijaabka iyo qeexida ururada isqabta ayaa loo gudbiyay afhayeenka baarlamaanka Mustafa Şentop jimcihii, ayuu yiri Özlem Zengin, gudoomiye ku xigeenka xisbiga cadaalada iyo horumarinta ee AK Party.

Zengin ayaa sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta baarlamaanka ee caasimadda Ankara in sharcigan ay saxiixeen 366 xildhibaan oo ka tirsan 600-ka kursi ee baarlamaanka. Xisbiga AK iyo xulafadiisa wadani waxay haystaan 334 kursi.

“Arrinta xijaabka ayaa ah shayga ugu muhiimsan ee joogitaanka xisbiga AK Party, qaabka aan u wajahayno arrintan ma noqon karo mid siyaasadeed,” ayay raacisay.

Indho-shareerka ayaa mar ahaa il khilaaf qoto dheer oo Turkiga ka jira – aasaaskeeda cilmaaniga ah ee awoodda leh waxay u aragtay inay khatar ku tahay nidaamka cilmaaniga ah. Laakiin su’aasha ayaa joojisay in ay dhaliso muran ka dib markii dib u habeyn uu sameeyay xisbiga AK Party 20-kii sano ee uu xukunka hayay.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga cilmaaniga ah ee Jamhuuriga (CHP), oo ah xisbi muddo dheer ka soo horjeeday xidhashada indho-shareerka ee baarlamaanka iyo xafiisyada dawladda, ayaa arrintan dib u soo nooleeyay bishii Oktoobar iyaga oo soo jeediyay soo jeedin ah in lagu dhaqo xuquuqda sharci, isku day ah in ay soo jiidato taageerada codbixiyayaasha muxaafidka ah.

Halkii sharci laga soo saari lahaa, xisbiga AK wuxuu isku dayay inuu wax ka beddelo dastuurka si loo dammaanad qaado xaqa uu qofku u leeyahay in uu mar keliya xirto xijaabka. Isagoo kor u qaadaya saamiga, madaxweynuhu wuxuu sheegay in wax ka beddelka uu sidoo kale ka koobnaan doono tallaabooyinka lagu ilaalinayo qoyska.

Haweenka xijaaban ee Turkiga ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay sharciyo u diidaya inay xirtaan xijaabka iskuulada ay dhigtaan arday ahaan iyo xarumaha dowladda oo ah xirfadlayaal, inkastoo dalka ay ku badan yihiin dumarka xijaaban. Xisbiga CHP waxay dadka ka dhex kiciyeen aragti kasoo horjeeda xijaabka oo waxay taageertaa sharciyada mamnuucaya.

Arrinta mamnuucidda xijaabka ayaa meel muhiim ah laga gaaray doodaha dadweynaha iyo siyaasadda ee Turkiga intii lagu jiray 1990-meeyadii iyo 2000-meeyadii.

Mamnuucidda xijaabka ee Turkiga ayaa markii ugu horreysay si ballaaran loo hirgeliyay sannadihii 1980-meeyadii, balse waxa ay noqotay mid adag kaddib 1997-kii markaasoo milaterigu ku khasbay xukuumadda muxaafidka ah inay is casisho dhacdo markii dambe loogu magac daray 28-kii Feberaayo “afgambigii ka dambeeyay”.

Baarlamaanka ayaa sanadkii 2008-dii ka qaaday xayiraadii saarneyd ardayda haweenka ah ee xirta xijaabka jaamacadda, tallaabadaas oo uu ku ololeynayay Erdogan oo xildhibaanada CHP, oo uu ku jiro guddoomiyaha CHP Kemal Kılıçdaroğlu, ay ku guuldareysteen inay hor istaagaan maxkamadda dastuuriga ah.

Sannadkii 2013-kii, Turkiga waxa uu qaaday xayiraaddii saarnayd in dumarka ay xirtaan xijaab xarumaha dowladda iyadoo la raacayo isbedello ay dowladdu sheegtay in loogu talagalay in lagu xoojiyo dimuqraadiyadda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Taariikh nololeedka Wasiiradda arrimaha dibadda ee Australiya Penny Wong

Penelope Ying-Yen Wong waa siyaasiyad Australiyan ah, wasiirka arrimaha dibadda iyo hoggaamiyaha xukuumadda oo ay ka soo noqotay golaha Guurtida ee dawladda Albanese ilaa 2022. Xubin ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Australiya, waxay Senator ka ahayd Koonfurta Australiya tan iyo 2002.

Published

on

Penelope Ying-Yen Wong

Enny Wong waxay ku dhalatay gobolka Sabah ee dalka Malayshiya. Qoyskeedu waxay u guureen Australiya 1976, markay siddeed jir ahayd, waxayna degeen Adelaide. Waxa ay Jaamacadda Adelaide ku baratay sharciga iyo farshaxanka.

Penelope Ying-Yen Wong waa siyaasiyad Australiyan ah, wasiirka arrimaha dibadda iyo hoggaamiyaha xukuumadda oo ay ka soo noqotay golaha Guurtida ee dawladda Albanese ilaa 2022. Xubin ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Australia, waxay Senator ka ahayd Koonfurta Australiya tan iyo 2002. Penelope Ying-Yen Wong waxay hore u soo noqotay Wasiirka Isbeddelka Cimilada iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Dib-u-dejinta xilligii dawladihii Kevin Rudd iyo Julia Gillard laga bilaabo 2007 ilaa 2013.

Waxbarashadeeda Jaamacaddeed ka dib waxay u shaqaynaysay ururka shaqaalaha oo dabooli jiray shaqaalaha warshadaha alaabta guryaha, iyada oo ka qaybqaadatay ololayaal lagu hagaajinayo mushaharka iyo shuruudaha xubnaha ururka, oo ay ku jiraan dumarka soogalootiga ah ee aan mushaharka qaadan ee ka shaqeeya aqoon-isweydaarsiyada dharka.

Waxay u shaqeysay lataliye ahaan Dowladda Shaqaalaha NSW halkaas oo ay ka caawisay horumarinta siyaasadda kaymaha, ka dibna qareen ahaan, ka hor inta aan loo dooran Senetka Xisbiga Shaqaalaha ee Australiya 2001. Senator Wong ayaa dib loo doortay afar jeer – 2007, 2013, 2016 iyo 2022.

Markii la doortay xukuumadda Rudd 2007, waxaa loo magacaabay wasiirka isbeddelka cimilada iyo biyaha. Booskan waxa ay si weyn u ballaarisay Bartilmaameedka Tamarta La cusboonaysiin karo, kaas oo horseeday maal-gelin weyn oo lagu sameeyo dabaysha iyo tamarta qorraxda. Waxay sidoo kale Australiya ku matashay gorgortanka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada waxayna soo saartay nidaamka ganacsiga ee qiiqa ee dawladda Rudd, hab ku salaysan suuqa si loo yareeyo qiiqa gaaska aqalka dhirta lagu koriyo ee Australiya habka ugu dhaqaalaha badan.

Ka dib doorashadii federaalka ee 2010, Senator Wong waxaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda iyo sharciga. Iyada oo ah Wasiirka Maaliyadda waxay kala shaqeysay Khasnajiga Wayne Swan si ay u gaarsiiso saddex Miisaaniyad ka dib Xiisaddii Maaliyadeed ee Caalamiga ahayd. Waxay sidoo kale hirgelisay siyaasad lagu hubinayo in haweenka loo tixgeliyo magacaabista jagooyinka sare ee hay’adaha dawladda iyo shirkadaha.

Sannadkii 2013-kii Senator Wong waxaa loo doortay hoggaamiyaha dawladda ee golaha guurtida, ka dib isbeddelkii dawladda ee 2013, waxay noqotay hoggaamiyaha mucaaradka ee Senate-ka – haweeneydii ugu horreysay ee qabta mid ka mid ah doorarkaas.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Australiya Senator Penny Wong

Waxay soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shadow lix sano ka hor doorashadii Dowladda Albaan ee 2022, markaasoo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Isagoo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Senator Wong waxay doonaysay in dib loo soo celiyo sumcadda Australiya oo ah lammaanaha doorashada – iyagoo ka duulaysa dhammaan qaybaha awoodda qarankeeda – si loo dhiso gobol xasilloon oo barwaaqo ah, halkaas oo madax-bannaanida la ixtiraamo lana ilaaliyo shuruucda waddooyinka.

Maaddaama ay tahay wakiilka ay ku faanaan Koonfurta Australiya ee baarlamaanka federaalka waxay u doodday danaha Gobolkeeda, oo ay ku jiraan ilaalinta mustaqbalka waaritaanka webiga Murray iyo horumarinta dhaqaalaha Gobolka.

Senator Wong waxay ku nooshahay Adelaide iyada iyo lammaaneheeda iyo gabdhahooda. Waqtigeeda firaaqada ah waxay ku raaxaysataa cunto karinta, waxay wax ka iibsata Suuqa Bartamaha waqti ka waqti.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa maxay Federaal?

Ma laga yabaa in ay Soomaali usii kala qeybsanto dowladdo yaryar, sababtuna nidaamka federaalka ee ay qaadatay?

Published

on


Federaalka waa Nidaam awoodaha ay wadagayaan labo heer oo dowdaladeed, heer dowlad dhexe iyo heer dowlad goboleed, waxayna ka dhalataa midow ay midoobeen Gobollo, gobol kastana wuxuuu leeyahay Dowlad iyo Dastuur u gooni ah oo waafaqsan Dastuurka Federalka ah, Dowladii ugu horaysay ee caalamka samaysato nidaamka federalka waxaa ay aheed dowlada Maraykanka.

Sannadkii  1787 ayuu Barlamaankii Maraykan xilligaasi ansixiyay in wadanka lagu maamulo Nidaaam Federal waxaa lagu aasaasay 13 dowlad goboleed labo sanno kadib March/4/1789 Barlamanka ayaa ansxiyay Dastuur Federaal ah oo caddeenaayo awoodaha dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada xubinta ka ah.

Intaasi wixii ka dambeye waxaa soo bateen Gobolada kusoo biirayaan Midowga Maraykana, 12/March/1959  Alaska iyo Hawaay ayaa noqdeen labadii gobo lee ugu dambeysay ee kusoo biiraan midwoga Gobolada maraynakama (United State of America) wuxuuna sidaasi Midowga Maraykna ku noqday 50 Dowlad Goboleed.

Russian Federation waaa waddanka ugu dowlad goboleedyada badan caalamka wuxuu ka kooban yahya 86 dowlad goboleed iyo dowlada dhexe ee fadhida Caasimada Moscow sababtoo ah wuxuu kamid yahay wadanama dhaca labo Qaaradood iyo kabadan taasi ayaa keentay in gobolada lasiiyo awood federal maadama anan dowlad dhexe laga wada maamuli karin waddanka aduunka ugu dulka wayn.

Nidaamka Federaalka dunida waxaa qaatay  ku dhawaad 40 wadan oo la aqoonsan yahay xubina ka ah Qaramada Midowbe.

Nidaamkan Federaalka waxaa astaan u ah labo arrimood oo lagu garto mid waa in Dastuurka Wadanka uu yahay mid aan si fudud loo beddeli karin (Rigid Constitution) wax ka beddelkiisa wuxuu u bahan yahay Codeen Dadweyne oo ka dhacdo dhammaan dowlad Goboleedyada wuxuu cagsi ku yahay Dastuur si fudud wax loogu bedeli karo (Flexible Constitution)  waxaa go’aan ka gaari karo Barlamaanka, Mida labaad ee astaanta u ah federalka waa Aqalka saree e Barlamaanka, wadanka Markuu Federal yahay Barlamaanka wuxuu noqdaa labo Aqal, Aqalka sare oo Matalo Dowlad Goboleedyada waxayna ka shaqeeyan danaha dowlada gobolledyada ay matalaan  iyo Aqalka hoose (Gollaha Shacab) oo matalaan Shacabka kana shaqeeyaan danaha  Shacabka iyo deegaanadooda.

Saamiga Aqalka Sare Barlamaka Federaalka ee Dowlad Goboledyada.

Saamiga qeebsiga Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka waxaa gobolada loogu qeebiyaa labo midaam:

  1. Equal Representative oo Macnaheedu yahay in Dowlad Goboleedyada la siiyo saami isku mid ah xubnaha aqalka sarre iyada oo aanan loo fiirinaynin tirada dadka ku nool maamul goboleedyada mida ugu dadka badan iyo mida ugu dadka yar ay xubno isku mid ah ayey ku yeelanayaan Aqalka Sarre. Tusaalle Midowda Maraykanka wuxuu ka kooban yahay 50 dowlad goboleed midkasto wuxuu Baralamanka Aqalka sarre ku leeyahay 2 xubnood sidaasi ayuu Aqalka Sarre ku noqonayaa 100 xubnood oo Senatoro ah.
  2. Weighted Representative oo Macnaheedu yahay in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo Saamiga ah sida Dowlad goboleedyada u kala shacab badan yihiin iyadoo dowlad Goboleedka ugu shacabka badan oo heli doona tirada ugu badan ee xubnaha aqalka sarre, halka dowlad goboleedka ugu shacabka yar ay qaadanayso tirada ugu yar ee xubanaha aqlka sarre ee Barlamaanka Federalka. Hadba waxaa loo fiirinayaa tirada shacabka kunool dowlad Goboleedyada. Tusaalle Jamhuuriyada Federaalka Jarmalka waxay ka kooban tahay 16 dowlad gobolleed saamiga qalka sarre ay ku qataan sida u kala shacab badan yihiin, Dowlad Goboleedka ugu dadka badan ayaa qaadanayso xubnaha ugu badan Aqalka Sarre.

Maxaa sababo in wadanka qaato nidaam Federaal ah

  1. Wadan ay ku noolyihiin qoomiyado kala duwan oo kala luuqad ah, kala dhaqan ah, si loo mideeyo wadanka wuxuu noqdaa Federaalka oo ay Gobolada yeeshaan dowlad u gooni iyo dowlad dhexe oo ka shaqayso Masaaliixada caamka ah iyo Midnimada wadanka sidii loo adkeen ahaa iyadoo ay ku nool yihiin qowmiyado kala duwan. Tusaalle Switzerland waxaa ku nool dad kasoo kala Jeedaan Faransiis, Jermalka, Talyaani Midkasto luuqadooda ayey ku hadlaan si loo mideeyo waddanka wuxuu qaatay Nidaamka Federalka.
  2. Baaxada Dulka wadan oo aad u wayn mararka qaar waxay keentaa in Dowlada dhexe ay ku adkaato in Gobolada laga maamulo dowlad dhexe adeegyadana la gaarsiiyo wadnka oo dhan taasi ayaa keento in Gobolada la siiyo nidaam dowladeed oo u gooni ah. Tusaalle, Dalka Ruushaka oo ah wadanka ugu dhulka wayn dunidda wuxuu dhulkiisa ku fidsan yahay wax ka badan labo qaaradood, wuxuuna Xuduud dhuleed la wadaagaa Norway oo kamid ah wadamada ugu dambeeyo Waqooyi Galbeed Yurub illaa Kuuriyada Waqooyi oo dhacda waqooyi bari ee Qaarada Aasiya iyo Xadduud baddeed kala dhaxayso Jaziirada ka tirsan Ruushka oo dhacda Pacific dhinaca Alaska ee Maraykanka maadamaa waddanka sidaasi u baaxad wayn yahay waxay qateen Nidaamka Federaalka si loo ilaaliyo Wadajirka dadyowga Ruushka in hal wadan sii ahado.
  1. Markii ay Midowbayaan labada waddan iyo ka badan waxaa laga yabaa in Dalka uu qaato Nidaam Federaal ah si waddamadii midoobay u yeeshaan dowlado gobolleedyo u gooni iyo dowlad midnimo qaran oo ay ku midaysan yihiin. Tusaalle, dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka 1945 markii ay ciidanka isbahaysiga ay ka adkaadeen dowladii Jarmalka ee Naziga oo Hilter Hoggaaminayey waxay waddanka u kala qeybiyeen labo waddan Beriga Jarmalka oo raacsaneed Ruushka iyo Galbeedka Jarmalka oo raacsaneed Gashanbuurta NATO oo Maraykanka hoggaaanka u ahaa.

Dhamaadkii Dagaalkii qaboobaa (Cold War), 3.oktoober.1990 waxaa Midoobeen waddamadii Jarmalka bari iyo Jarmalka galbeed xittaa Caasimada maanta ee Baarliin waxay u kala qeybsaneed labada waddan oo xadka kalla qeybiyo oo ah derbiga wayn.

1990 waxaa Jarmalka bari ka bilaawday kacdoon midnimo doon ah si loo middeeyo labada Jarmal waxaa la dumiyey derbigii xadka ahaa taasi oo aheed biloowgii Midowga Jarmalka. Labadii Dowladood ee midowbay waxay ku heshiiyeen in waddanka lagu Maamulo Nidaam Federaal ah.

Muhiimada ay leedahay Federaalka

In nidaam dowladnimo la gaarsiiyo Gobolada iyadoo loo sii maraayo awood siinta dowlad goboleedyada, waxay fududanaysaa in si gaar ah loogu warqabo baahiyaha Shacabka Madamaa gobol kasto uu leeyahay dowlad u gooni ah oo ka shaqayso danaha shacabka ku nool Golbolada. Laakiin ujeedka ma ahan kala qeybsanaan ee waa wada shaqeyn.

In xafiisyada dowlada dhexe ay ka yaraadaan culays iyo saxmada madamaa addeegyada dowlada dhexe lasii marsiinaayo dowlad goboleedyda., dowlad goboleed kastana ay mas’uul ka tahay adeegyada shacabka loo qabto sida Caafimaadka, Waxbarashada, Aminiga, iyo wixii lamid ah, shacabkana waxay adeegyadaasi kala xisaabtamayaan dowlad goboleedka ay ku noolyihiin.

Nidaamka doorashooyinka wuxuu noqdaa labo, heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed waxaana kordhayso ka qeyb qaadashdada tartanka doorashooyinka ee Muwaadiniinta, maadamaa dowlad goboleed kasto uu leeyahay xukuumad iyo barlmaan u gooni ah.

Waddanka markii oo federaal yahay way yartahay in uu ka dhaco Afgambi Ciidan Maadamaa oo xukunka oo baahsan yahay. Badanaa afgambiga wuxuu ka dhaca waddamada leh dowla dhexe oo kaliya (Unitary government) oo waddankana hal meel laga maamulo.

Caqabadaha uu leeyahay nidaamka Federaalka

  1. Waxaa yaraanayso isla xisaabtanka dowlada dhexe iyo shacabka maadamaa dadka lagu mashquuliyay Dowlad Goboleedka ay deganyihiin inay la xisaabtamaan waxaana meesha ka baxdo in lala xisaabtamo dowlada dhexe ee federaalka ah.
  2. Gobolada waddanka ma isku dheeli tirno xaga dhaqaalaha iyo horumarka waxaa jirayso dowlad goboleed leh kheeraad dabiici ah sida webiyaal iyo dhul beereed wax soo saar fiican leh, halka dowlada goboleed kale aysan laheyn wax qeeraad dabiici ah taasi oo keenayso in dalka horumarkiisa aysan isla jaanqaadin (uusan isla socon).
  3. Waxaa hoos u dhac ku yimaado dareenka waddaniyad ee shacabka, waxayna ku mashquulaan Gobolka ay kasoo jeedaan waxayna ilaawaan inay ka qeeb qaataan horomarka guud ee dalka.
  4. Nidaamka Federaalka wuxuu dhawacaa midnimada waddanka waxay keentaa in dowlada dhexe iyo dowlad gobolleedyada ay isku dhacaan oo ay wada shaqeen waayaan taasi oo keento dib u dhac, horumarka waddanka oo mararka qaar waxaa dhaco in dowlad goboleedyada qaar ay ku fikiraan inay noqdaan dowlado madax banaan oo gooni isku taag ku dhawaaqaan sida ku dhacday dalal badan oo calamka. Tusaalle Jamhuuriyadii Federaalka Yugoslaviya waxay ka koobneed 6 dowladgoboleed oo kala ah Bosniya, Croashiya, Serbiya, Sloveniya, Montenegro, waxaa ka dhex jiray qilaaf iyo isqabqabsi dheeraaday oo u dhexeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, 25/6/1991 Sloveniya iyo Krooshiya ayaa ku dhawaaqeen in ay ka go’een Yugoslaviya.

Arrintaasi waxay shaki gelisay jiritaanka waddanka la oran jiray Yugoslafiya. Ugu dambeyntiina dowlad-goboleedyadii Serbiya ayaa ku dhawaaqday inay go’een, taasi oo keentay inuu lawaayo waddankii Yugoslafiya oo noqday lix dalal. Maanta ma jiro magacii waddankii la oran jiray Yugoslafiya, waa wuxuu sababsaday nidaamkii federaalka ahaa oo ay qaateen. Waa mid kamid ah dhibaatooyinka ay leeyiihiin nidaamyada federaalka, Soomaalidana waxaad moodaa inay waddadaas ku socdaan maanta marka aad fiiriyo hab-dhaqankooda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Akhri

Haddii waxbarashadaada jaamacaddeed ay saameyn kugu yeelan waydo, ogaaw waxbaa qaldan – maxaase qaldan?

Wali ma isweydiisay qofka inuu saameyn yeelan waayo maxaa keeno asigoo wali jaamacad kasoo qalin-jabiyey, waliba heerarka sarre ka gaaray?

Published

on


Guushu maaha shay aad gaartay adigoon dadaal gelin, si kastaba ha ahaatee. Waa maskax ay tahay in aad qaadato si aad himiladaada u fuliso oo aad u korto qof ahaan, waxayna u baahan tahay shaqo adag.

Qofka inuu saameyn yeelan waayo maxaa keeno asigoo wali jaamacad kasoo qalin-jabiyey?

Haddii aad aragto waxbarasho aad kaga baxday jaamacad noloshaadina wax isbeddel ah ay ku yeelan wayso, ogaaw wax baa qaldan. Labo midkood ayay noqon kartaa:

Koow, goobta ama nidaamka waxbarasho ee aad soo martay ayaa saameyn kugu yeelan waysay noloshaada. Jaamacadda Oxford waxay Oxford ku tahay waa saameynta ay leeyihiin dadkii ka soo baxay iyo waxyaabihii ay dunida kusoo kordhiyeen ee ma ahan magaca ay xambaarsan tahay oo kali.

Labo, waxaa laga yabaa in bulshada aad ku dhex nooshahay ay habkaas u wada noosahahy. Macnahayga, qaab nololleedka bulshadaas ayaa ah qaab nololleed ay dadka aamineen inay cunaan haddana iska cabbaan bilaa xisaab. Marka aad quraacato waaa inaad isweydiisaa Illaahay ayaa ku siiyey laakiin sidee kugu soo gashay?

Maxaa kaaga baxay hadlkaas, saameyn maku yeelatay waxbarashadaadii?

Haddii ay saameyn kugu yeelan waydo, qaado tallooyinkaan soo socda:

1. Akhri buuggaag wanaagsan kuwaasoo ku saabsan waxyaabaha aad nolosha adiga ka rajeynayso. Tusaalle, haddii aad jeceshahay inaad noqoto siyaasi weyn oo dalkiisa wax kusoo kordhiya dadkiisa dhibaatada raba inuu dhibaatada ugu kaalmeeyo akhri buuggaagta saameynta kugu yeelan kara sida aqoon iyo waayo-aragnimo badan aad ka heli karto. Tusaalle aniga Cabdijabaar ahaan waxaa saameyn igu yeeshay buuggaag badan oo ay kamid yihiin buugga ‘The Art of War’ Xeeladaha Dagaalka, ‘Why Nations Fail’ Maxay Waddamada u Fashilmeen ‘u Guuldareystaan? iyo kuwa kale oo badan oo runtii isbeddelka ay igu sameyeen uguma sameynin shahaadooyinka kala duwanaa ee aan jaamacadaha Qaaradda Yurub ka qaatay.

2. Ku xero dad wax tar leh oo aad waxyaabo badan kaga daba-deyan karto. Haddii ay suurtagal tahay raadi dad aad iskumeel uwada socotaan xagga hadafka nolosha. Yeelo qof si gaar ah tusaalle wanaagsan kuugu noqon kara, adigoo dhaqannada wanaagsan ka qaadanaayo kiisa xuna iska tuuraayo. Laakiin inta badan dadka horumarka sameeyey intooda badan waxay leeyihiin dhaqanno u fududeeyey inay guulaystaan.

Guud ahaan, waxaan ku soo koobayaa waa adiga qofka isbeddelka sameyn kara ee ma ahan qofkale ama shahaadooyinkaaga oo kali. Shahaadooyinka waa xirfad aad adiga dooratay si aad ugu shaqeysato. Imisaa ayaa jirta caalamka jaamacaddii iska joojiyey si ay hadafkooda u rumeeyaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Published

on


Way fiicnaan lahayd haddii aan dhisno hay’ado cilmi baaris ah oo ka shaqeeya dal kasta iyo heerka gobolka guud ahaan waqtiyadaan muhiimka u ah taariikhda dalalkeenna, gaar ahaan kuwa ku howlan dhisidda nabadda oo markaa u baahan in la shaqaaleeyo.

Cilmibaadhistu waa tijaabo iyo imtixaan lagu sameeynayo shey aan wali aqoon fiican loo lahayn. Juquraafi ahaan, inta badan cilmibaadhista waxaa lagu sameeyaa meelaha aan wali la tegin ama aqoonta fiican laga heynin.

Cilmi-baaristu waa qaabka lagu gaaro aqoon cusub, amaba waxaa la yiraahdaa waa: waa baaritaan nidaamsan (aruurin iyo dhiraandhirin xog) taasoo loo qaabeeyo inay horumariso ama ka qayb qaadato aqoonta. Haddaba, isku soo duuboo cilmi-baaristu waa soo saaridda iyo ka gun-gaarida aqoonta iyo cilmiga dahsoon si bulshadu ay u gaarto horumarka ay ku taamayso dhinac walbaba. Cilmi-baaristu way ka duwan tahay qaababka aqoonta lagu gaaro sida akhriska buuggaagta iwm, sababtoo ah waxay leedahay qaab cilmi ah oo la raaco.

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya lama helin nidaam waxbarasho ay maamushu dowlad hoose oo sal adag leh balse tani waxay jaanis iyo fursado balaaran siisay dadyow gaar ay ku jiraan dowlado shisheeye iyo shaqsiyaad gaar ah.

Waxaa xaqiiqo ah in ummad walbo ummadaha kale ay kaga horeeyaan inta ay luuqadahooda wax ku bartaan. Ma jiro hal iskuul oo ardada wax ku barata luuqadda Soomaaliga iyada oo luuqadda la isticmaalo ay tahay Carabiga iyo Ingiriiska. Balse dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa lagu amanaa inay soo kordhisay in afsoomaaliga lagu barto manhajka intiisa badan. Iskuullo waxaa jira heerka dugsiga hoose u isticmaallo luuqadda Soomaaliga balse dib ugu wareegay Ingiriiska marka la gaaray heerka dugsiga sare.

Tanina waxay ku tusaysaa baahida loo qabo mideynta xarumo lagu baaro cilmiga baarista iyo sare u qaadida xarumaha fikirka Soomaaliyeed. In ka badan 30-sanno ayaa laga joogaa markii ay burburtay dowladii hoose waxaana sare u kacay xarumaha waxbarshada sidda gaarka loo leeyahay waxayna aad ugu kala duwan yihiin tayada waxbarasho ee laga dhigo Jaamacada iyo Iskuulada.

https://www.unigovec.edu.so/courses-library/

Ma jirto baaritaano lagu sameeyay tayada waxbarashada dalka ayadoo ay jiraan meelo gaar oo lagu sameeyo cilmi baaris laakiin waxay u badan yihiin kuwa ka madax banaan laamaha dowlada, siddoo kalena waxaa dalka kusoo kordhay adeegyo waxbarasho ay maalgashanayaan dowlado shisheeye sidda Turkeyga iyo wadamo kale oo badan.

Soomaaliya iyo wadamo kale oo ka tirsan carabta waxay baahi weyn u qabaan siddii lagu lahaa xarumahan balse taagerida iyo isku duubnaanta dadka ayaa keentay in laheli waayo xarumo ay ku mideysan tahay waxbarshada dunida gaar ahaan wadamada carabta iyo meelo kale oo kamid ah dunnida.

Ka dib halaagii iyo baabi’intii dowladii Tataarka waxay raad lama ilaabaan ku reebtay wadamada Islaamka waxayna tani ku noqotay fajac iyo niyad jab balaaran. Laakiin dadka muslimka iskuma dayin in ay mar kale ay sameeyaan xarumo lagu baaro daraasadaha cilmiga.

Tayada Hay’adaha tacliinta sare awgeed waxaa yaraatay Ia xadido tirada jaamacdaha iyo iskuulada taasi awgeed dowladaha kale ee dunida ayaa diiday in ay aqbalaan nidaamka waxbasharo eek a jira Soomaaliya ( tusaale ahaan Soomaaliya, Bosnia iyo Herzegovina, Ciraaq, Lubnaan, Nicaragua iyo Timor-Leste). Waa wadamada aan sida saxda loo aqoonsaneyn tayada waxbarashadooda waxayna keentay in waxbarshada oo kamid aheyd waxyaabaha aas aasiga aheyd ay gacanta u gashay shaqsiyaad misna lagu eedeeyay in la siyaasadeeyay armiha waxbarashada siddii kol hore dhacday oo kale.

   Maxaa laga dhaxli karaa arimahan haddii aan sameyn xarumaha barista fikirka?

Hadda sidda aan idin kugu soo sheegnay qeybtii hore waxaa laga ma maarmaan ah in lasoo celiyo xarumaha fikirka Soomaaliyeed taasi oo faa’iido iyo mudnaan u leh dalka. Si kastaba ha noqotee lama soo koobi karo dhibaatada laga dhaxli karo la’aanta xarumahan basle halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa labbo arimood oo suurta gal ah haddii aan la sameyn.

  1. In ay suulaan waxyaabahii qadiimiga ahaa ee uu dalka lahaa taasoo keeni karto sharaf dhac weyn iyo in ay lunto qeyb ka mid ah taariikhda dalka.

Intaa kaliya kuma eka balse waxaa jiro in jiilka soo socda aysan halkaan ku arki doonin waxyaabo ka haray Awoowayaashii ay dhaleen misna kuwii ka horeeyay.

  1. Sare kac balaaran oo ka dhasha marin habaabin dhanka waxbarashada iyo la waayo cid aruuriso fikirka gaar ah ee ay aminsan yihiin dhalinta soo koreysa.

Waxaa kaloo meesha ka bixi doono in ardeyda ah helaan tusaale hagaagsan ay kaga daydaan baarista ku saleysan cilmiga ay baranayaan, siddo kale waxaa laga yaabaa muddo dhow ka dib in say suulaan cid si sax ah u qorto luuqada afka Soomaaliga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?

Haddii wax la bartay maxaa la soo kordhiyay?

Published

on


Sannad kasta, waxa jaamacadaha waddanka ka baxa oo ka qalin jabiya arday tiro badan oo kumanaan ah, waxa ayna ka soo kala baxaan jaamacado kala duwan, iyaga oo soo kala barta culuum kala duwan. Waa horumar aqooneed iyo ilbaxnimo loo baahanyahay, waana wax Illaahay loogu mahadnaqo, waxaase aynu wada dareen sannahay qof kasta oo innaga mid ahna agtiisa wax caadiya ka ah in ardaydaasi ay soo baxaan oo bulshada soo dhex galaan tiiyoo (intooda badan) uu ku soo xisaabtamayo sidduu uga hawlgali lahaa shirkad, xafiis dawladeed, dugsi, warshad, cusbitaal ama meherad ganacsi oo hawsheeda shaqo hore u soo socotay oo shaqaynaysay.

Taas ayaa ah ta aniga iyo dad badan oo ila mid ah maskaxdoodu isu waydiiso su’aasha ah: ”Maxaa sababay in 5,000 oo arday oo midkasta oo ka mid ahi uu buug iyo qalin is dul hayay muddo dhan 16 sannadood iyo wax ka badan laga waayo hal qof oo layimaadda HINDISE IYO HAL-ABUUR cusub oo uu dunida ama ugu yaraan waddankiisa ku soo kordhiyo?”

Bal eeg, waxa uu ka soo baxay kulliyadda caafimaadka, haddana galab qudha isma uu waydiin ”Sideebaa geedka mirimiriga loogu addeegsan karaa daawo lagula dagaallamo, lagaga hortago ama lagu daweeyo xanuunka malaariyada si cilmiyaysan?”

Waxa uu kasoo qalin-jabiyay takhasusna ku qaatay Cilmiga XANNAANADA XOOLAHA, haddana iskuma uu dayin inuu hindiso hab cusub oo lagula dagaallami karo shillinta iyo gafanaha xoolaheenna waxyeelleeya marmarka qaarna caqabad ku noqda in xooleheennu u dhoofaan caalamka?

Waxa uu ka soo baxay ama soo bartay culuumta teknolojiyada ee IT-ga walina kumuu fakerin inuu awood u leeyahay inuu samayn karo dunidana kusoo kordhin karo inuu sameeyo CHARGER wireless ah! Arday kale ayaa isagu waxa uu soo bartay DARAASAADKA ISLAAMKA AMA SHAREECADA iskumana uu dayin bal inuu kutub qoro oo soo kordhiyaa ha joogtee uu kitaabka ARBACIINKA ku tarjumo Af Soomaali. Waxa uu kasoo baxay Kulliyadda dhaqaalaha walina muu soo bandhigin hal fikrad oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha waddanka.

Mid kale ayaa wuxuu soo dhammaystay injineering, walina ismuu waydiin su’aasha ah ”Ma jiraa design ama qaab kale oo guryo looga dhisan karo qabcadaha guryaha dusha laga saaro ( jiingadaha )?”.

Waa run in culuumta iyo kulliyadaha jaamacaddu intan aan xusay oo kaliya ahayn, balse intan waxa aan u soo qaadannay kaliya tusaale ahaan.

Ardayow ma aha in aad bulshada ku soo noqoto adiga oo la koodhaadhaya afartii LECTURE ee barafoysarka jaamacaddu uu kugu soo shubay oo kaliya, adigu ka shaqaysii maskaxda oo noqo aqoonyahan bulshada u soo kordhay oo lasoo kordhay aragtiyo cusub oo wax ku ool ah oo bulshada u horseedi kara inay saymayso horumar diimeed, dhaqaale, siyaasadeed iyo horumar kasta oo kale oo dan u ah ummadda ifkeeda iyo aakhiradeedaba.

Ugu danbayn, waxa meesha ku jirta in dood ama cilmibaadhis laga sameeyo waydiimahan soo socda: Maxaa keenay wax hindisid la’aanta aqoonyahankeenna?, Ma waxa aynaan lahayn maskaxdii wax ikhtiraaci lahayd (subxaanalaah) mise  waynaan gaadhin goortii wax-soo-kordhinta, oo wali aqoonbaa inoo dhiman? Ma jaamacadaha waddanka ayaanay ool aqoon ardayga maskaxdiisa gayaysiisa inuu wax cusub allifo (oo kuwa debedda inooga yimaaddaaba af qudha ayay lasoo noqdaane!!) Malla furi karaa se kulliyad sidata magac ah: WAX CUSUB SOO KORDHI!?, mise waxa innaga dhaadhacsan in waqtigan aynu joogno ay dhamaadeen wax la hindisaaba (ikhtiraac) oo hore loo wada dhammeeyay?

Waxa aynu u baahannahay in dib loogu noqdo sid ay waxbarashadeenna sare (jaamacaduhu) u socoto in daraasaad laga sameeyo jawaabaha waydiimahan sare.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Gumeysi iyo isir sifeyn3 days ago

Dowladda Israa’iil ayaa kordhisay tirada dadka Yuhuuda ah ee la dejinayo Daanta Galbeed

WARBAAHINTA3 days ago

X. A. Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, oo booqan doona Bariga Dhexe iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiin

Diblomaasiyadda & Dunidda6 days ago

Wadahadallada saddex geesoodka ah ee NATO ayaa dib loo dhigay iyadoo Sweden ay ku baaqday in dib loo bilaabo wadahadalka

WARBAAHINTA6 days ago

Dokumentiyo sirta ah oo laga helay guriga madaxweyne kuxigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence – kadib markii uu dafiray inuu haayo warqado sir ah

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Maxay Falanqeeyayaasha ka yiraahdeen guulaha ay gaareen ciidamada Dowladda Soomaaliya?

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Xagjiriinta Al-Shabaab oo weeraray Galcad iyo dagaal culus oo ka dhacay

Bariga dhexe2 weeks ago

Booliiska Israa’iil ayaa ka hor istaagay safiirka Urdun inuu galo magaalada Al-Aqsa, taasoo dhalisay shil diblomaasiyadeed

WARBAAHINTA2 weeks ago

Sanduuqa Lacagta Adduunka waxay ka digaysaa khatar hor leh ee dhaqaalaha adduunka

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Buundo diblomaasiyadeed: Cilaaqaadka Cumaan iyo Iiraan

Bariga dhexe3 weeks ago

1 qof oo dil ah, 7 Falastiiniyiin ah ayay Israa’iil ku dhaawacday shilal ka dhacay Daanta Galbeed

Afrika3 weeks ago

Qarax ka dhacay Kenya oo lagu tuhmayo Al-Shabaab oo afar qof ku dhintay

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Ruushka iyo Yukrayn ayaa ku heshiiyey is dhaafsiga maxaabiista inta lagu guda jiro wadahadalada u baahan ah ee Ankara

Afrika3 weeks ago

Maxaa laga filan karaa hub ka-dhigista mucaaradka TPLF ee Itoobiya oo billaabatay?

Bariga dhexe3 weeks ago

Israa’iil ayaa booliiska ku amartay in calanka Falastiin laga saaro goobaha caamka ah

Yurub3 weeks ago

Baarlamanka Yurub oo soo faro-geliyey kiiska nin Soomaali ah oo xukun adag lagu riday – sababta maxay ahayd?

Bariga dhexe3 weeks ago

Dowladda Imaaraatka oo sheegay inay iskuullada ku dhigi doonaan xasuuqii Holocaust ee Yuhuudda

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Duuliyihii ugu dambeeyay ee diyaaradii Somali Airline oo u geeriyooday – Illaahay ha u naxariisto

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay dhibna la ahayn – ayuu yiri Deni

Bariga dhexe3 weeks ago

Israa’iiliyiinta oo mudaaharaad ka dhigay xukuumadda cusub ee Netanyahu

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Israa’iil ayaa laga yaabaa inay weerarto Iiraan – wasiirka gaashaandhigga

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa dajiyay yoolal cusub oo militari ah sanadka 2023

WARBAAHINTA1 month ago

Pele: Xiddigii ugu horreeyay ee kubbadda cagta oo geeriyooday

Yurub1 month ago

Maxaa ka dambeeya xiisadda ka soo cusboonaatay Seerbiya iyo Kosovo?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Waa maxay ujeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka furmay Muqdisho?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Ururka Al-Shabaab oo xayiraad ku soo rogay mid ka mida shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Xisbiga Qaransoor ayaa war saxafadeed kasoo saaray dagaalka Baydhabo

Maalgelinta & Maaliyadda1 month ago

Sanduuqa hantida qaranka Norway ayaa ka fiirsanaya inuu dib u eegis ku sameeyo maalgashiga ay ku sameynayaan Israa’iil

WARBAAHINTA1 month ago

“Qofkii geystay weerarkii Paris wuxuu lahaa taariikh rabshado ka dhan ah muhaajiriinta”

Yurub1 month ago

Fadeexadda Qadar: Fadeexadda la xiriirta Qadar ee ruxday Midowga Yurub

Afrika1 month ago

6 askari oo Jabuutiyaan ah oo afduub loo haystay ayaa lasii daayey

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Ruushka: Gantaalada Patriot ee Maraykanka ma caawin doonaan soo afjarida colaadda Yukrayn

Afrika1 month ago

Erdogan: Senegal waxa ay go’aansatey in ay sii qoto dheerayso iskaashiga ay la leedahay Turkiga

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Zelensky wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay ka caawisay Ruushka ‘siyaasadda xasuuqa’ oo ka dhanka ah Yukrayn

Afrika1 month ago

Suudaan: Cumar Al-Bashiir oo qirtay in uu mas’uul ka ahaa afgambigii 1989-kii

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Ciidankii jiray Eriteriya oo lasoo celiyay qeybtii ugu horreysay – Haddaba maxay yihiin ciidammadan?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Diblomaasi Henry Kissinger oo ku baaqay in xal nabadeed lagu soo afjaro dagaalka Yukrayn

Bariga dhexe1 month ago

Maxaad kala socotaa halka uu maraayo wadahadalladii ugu dambeeyey ee Iiraan iyo Sacuudi Carabiya?

Buuggaag1 month ago

5 Cashar oo aan ka bartay Buugga ‘Sida Nin u Fakaro’ ‘As a Man Thinketh’

WARBAAHINTA1 month ago

Sagaal askari oo ka tirsan booliiska Ciraaq ayaa lagu dilay weerar looga shakisan yahay Daacish oo ka dhacay Kirkuk

WARBAAHINTA1 month ago

Sucuudi Carabiya ayaa xirtay boqolaal qof oo isku dayay in ay tahriibiyaan daroogo sharci darro ah

Xul