Connect with us

Caafimaadka & Sayniska

Waa kuwee magaalooyinka Soomaaliya ee ay kunool yihiin dadka ugu badan ee qaba cudurka HIV-AIDS?

Magaalooyinka ay ugu badan yihiin dadka qaba xanuunka HIV ee Soomaaliya.

Published

on


Sida ay daaha ka qaaday xog uu sii daayey xafiiska xakamaynta xanuunka HIV-AIDS ee Wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heerka cudurka ee Soomaaliya uu u muuqdo mid hoos u dhacaya.

Madaxa Mashruuca HIV AIDS ee Wasaarada Caafimaadka Federalka Dr. Sacdiyo Cabdisamad Cabdilaahi oo BBCda la hadashay ayaa sheegtay in 6-dii bilood ee ugu horreysay sanadkan, guud ahaan Soomaaliya cudurka laga helay dad gaaray ilaa 438 ruux.

Tiradan ayaa ka dhigan, sida ay sheegtay mid muujinayso in dadaallada la sameeyey ay dhimeen kororka xanuunka, taasoo marka la eego xaddiga dalka ka dhigayso 0.1 boqolkiiba.

”Cilmi baarisyada lagu samaynayo baarisyada cudurka waxay na tusayaan in xaddiga xanuunka uu hoos u sii dhacayo dalka oo dhan” ayey tiri Dr Sacdiyo.

Dr. Sacdiyo waxay xustay in qiyaasta dadka la nool xanuunkan ee guud ahaan dalka ay gaarayaan 7,746 oo ruux, halka inta si rasmi ah ugu diiwaan gashan ee daawada qaata ay tahay 4,419 ruux ilaa dhamaadkii bishii june ee sanadkan.

Dadka u nugul xanuunka

Sida ka muuqata xogta xafiiska xakamaynta xanuunka waxaa jira calaamado muujinaya in wali ay jiraan dad u nugul xanuunka oo aad ay ugu badan yihiin kuwa isticmaala maandooriyaasha.

‘’Iyadoo HIV-AIDS ku dhici karo qof kasta ayaa haddana waxaa jira dad xununka u nuglaaan kara iyo dhaqamo qaarkood oo ay leeyihiin oo la xiriira inay u sahlanaadaan inuu soo gudbo cudurku, tusaalaha ugu wayn waxaa weeye oo hadda dalka ku soo batay dadka isticmaalaya daroogada cirbadaha laysku duro, hadaa fiiriso iyaga dadka kale waa ugu badan yahay” ayey intaas raacisay.

Magaalooyinka ay ugu badan yihiin dadka xanuunka qaba Soomaaliya

Warbixintu waxay kaloo shaacisay sida ay magaalooyinka Soomaaliya ugu kala badan yihiin dadka xanuunka qaba taas oo lagu qiimeyey baaxada iyo tirada dadka ku nool magaalooyinkaaas. Dr. Sacdiyo Cabdisamad waxay BBC u sheegtay in magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Berbera iyo Bosaaso ay yihiin kuwa ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka la nool xanuunka HIV-AIDS.

‘’Sida la yaqaan adduunka xanuunku wuxuu ku badan yahay magaalooyinka, sidaa darteed waxaa soomaaliya ugu badan Muqdisho waayo waa magaalo caasimad ah, maagaalo xeebeed, dad tiro badan ku nool yihiin, ganacsi badan ka jiro’’ ayey intaas raacisay.

Bah-wadaagta Wasaarada Caafimaadka sida Guddiga ka hortaga AIDS-ka Qaranka, dallada ay ku midaysan yihiin dadka xanuunka la nool iyo Hay’adaha taageera ayaa wadajirkooda ka dhigay mid yareeyey xanuunka guud ahaan dalka soomaaliya

‘’Waxa iyana calaamad fiican ah inay waayadan danbe badanayaan dadka tagaya goobaha lagu baaro xanuunka oo dalbanaya inay is baaraan ka hor inta aysan is guursan, taas oo muujinaysa fahanka bulshada ka qabto xanuunka iyo sida ay u doonayaan inay isaga ilaaliyaan’’.

Bashiir Cawad oo cudurka la nool

Bashiir Cismaan Cawad oo sarkaal hore uga ka tirsanaa ciidanka Booliska Puntland lana nool xanuunka HIV-AIDS ayaa sheegay in warbixinta ay soo saareen xafiiska ay farxad galisay

‘’Ka sokow inaan la noolahay xanuunka mudo hadana waxaan ahay wacyi galiye bulshada ah oo isku xilqaamay inaan dadka uga digo xanuunka markasta iyo si kasta oo an awoodo. Dhalinyarada waxaan u sheegaa in xanuunkan yahay mid halis leh laakiin ay muhim tahay in laga taxadaro’’ ayuu yiri Bashiir.

Wuxuu intaa ku daray in hadda dadku wacyigooda iyo fahanka ay ka qabaan cudurka uu ka duwan yahay xiligii isaga uu ku dhacay oo ay gaartay in loola dhaqmo si aan wanaagsanayn.

____

(BBC SOMALI)

Facebook Comments Box

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Caafimaadka & Sayniska

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi ka dib markii JD Koongo ay ku dhinteen in ka badan 4,000 oo qof.

Published

on

Xoghayaha Caafimaadka Kenya Aadan Ducaale ayaa Talaadadii sheegay in nin qaba cudurka Ebola uu ka soo safray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo una socday Ugaanda iyo Kenya, halkaas oo uu ku geeriyooday caasimadda Nayroobi [Simon Maina/AFP]

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola, kaddib markii gudaha Nayroobi uu ku geeriyooday muwaadin Kenyan ah oo dhawaan ka soo laabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo (JDK), halkaas oo uu muddo toddobo sano ah ku noolaa.

Mas’uuliyiinta caafimaadka Kenya ayaa sheegay in bukaanka uu muddo ku dhow bil la xanuunsanaa ka hor inta uusan safar dhulka ah uga soo bixin Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, isaga oo sii maray caasimadda Ugaanda ee Kampala. Bukaanka ayaa markii dambe diyaarad ka soo raacay Ugaanda, waxaana uu Sabtidii gaaray magaalada Nayroobi.

Xoghayaha Caafimaadka Kenya, Aadan Ducaale, oo shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in dowladda ay si degdeg ah u bilowday raadraaca dadka laga yaabo inay xiriir dhow la yeesheen bukaanka. Sida uu sheegay, ilaa hadda waxaa la aqoonsaday 28 qof oo xiriir la sameeyay, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska bukaanka iyo shaqaale caafimaad oo daryeelayay.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa raadinaya 23 rakaab ah oo bukaanka la socday isla duulimaadkii uga yimid Ugaanda. Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay in si degdeg ah loo ogaado dadka laga yaabo inay la kulmeen fayraska, loona yareeyo khatarta uu cudurku ugu sii gudbi karo bulshada.

Patrick Amoth, oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Kenya, ayaa sheegay in dadka loo aqoonsaday inay xiriir la sameeyeen bukaanka lagu hayn doono kormeer iyo karantiil muddo 21 maalmood ah. Muddadaas ayaa muhiim u ah la socodka calaamadaha Ebola, maadaama dadka la kulmay bukaanka ay u baahan yihiin in si dhow loo hubiyo xaaladdooda caafimaad. Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in dadka xiriirka la sameeyay la sii dayn doono marka muddada kormeerka ay dhammaato, haddii aysan muujin wax calaamado ah ama baaritaannadu aysan xaqiijin infekshan.

Ugaanda oo hore ula tacaashay Ebola

Kiiska Kenya wuxuu sidoo kale soo jeedinayaa muhiimadda ay leedahay isku-xirka caafimaadka ee dalalka gobolka Bariga Afrika. Ugaanda ayaa horraantii sannadkan soo sheegtay 20 kiis oo Ebola ah iyo laba dhimasho, hase yeeshee dalkaas waxaa markii dambe lagu dhawaaqay inuu ka baxay cudurka Ebola bishii Agoosto.

Safarka bukaanka ee JD Koongo, Ugaanda iyo Kenya ayaa sare u qaadaya baahida loo qabo in dalalka gobolka ay si dhow uga wada shaqeeyaan raadraaca dadka, baaritaanka caafimaadka iyo xakamaynta faafitaanka cudurka.

JD Koongo oo wajahaysa faafitaan ballaaran

Cudurka Ebola ee hadda ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa noqday walaac caafimaad oo heer gobol ah. Waa faafitaankii 17-aad ee Ebola ee JD Koongo, waxaana la sheegay inuu si xawli ah u fiday tan iyo markii si rasmi ah loogu dhawaaqay 15-kii Maay. Tirakoobyo ay dowladda JD Koongo soo saartay Jimcihii ayaa muujiyay in cudurku sababay in ka badan 4,000 oo dhimasho ah, halka kiisaska la xaqiijiyay ay gaareen ku dhowaad 8,300, kuwaas oo laga diiwaangeliyay toddobo gobol.

Tirooyinkan ayaa ka dhigay faafitaanka hadda socda mid ka mid ah dillaacyadii Ebola ee ugu khasaaraha badnaa taariikhda JD Koongo, taasoo sare u qaadday walaaca hay’adaha caafimaadka caalamiga ah.

Hay’adda WHO oo ka digtay khatarta sii fidaysa

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa hore uga digtay in xaaladda Ebola ee JD Koongo ay weli tahay mid halis ah, isla markaana cudurku uu sii fidi karo haddii aan si degdeg ah loo xakameyn. WHO ayaa sidoo kale tilmaantay in faafitaanka hadda jira uu ku socdo waddo keeni karta inuu gaaro heerar la barbar dhigi karo faafitaankii Ebola ee Galbeedka Afrika intii u dhaxaysay 2014 iyo 2016.

Faafitaankii Galbeedka Afrika wuxuu noqday kii ugu dhimashada badnaa ee Ebola ee taariikhda casriga ah, isagoo si gaar ah u saameeyay Guinea, Liberiya iyo Sierra Leone, waxaana ku dhintay in ka badan 11,000 qof. Xaqiijinta kiiska Kenya waxay dowladda ku khasbeysaa inay xoojiso tallaabooyinka ka hortagga faafitaanka, oo ay ku jiraan raadraaca dadka xiriirka la sameeyay, baaritaannada caafimaadka, wacyigelinta bulshada iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka deriska ah.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa ku booriyay bulshada inay si dhow ula socdaan macluumaadka rasmiga ah ee caafimaadka, isla markaana aysan faafin warar aan la xaqiijin, maadaama raadraaca degdegga ah iyo xog sax ah ay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah xakamaynta cudurka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka & Sayniska

Saynisyahano ayaa waxay ogaadeen 2 macdan oo aan hore loogu arag dhulka oo laga helay Soomaaliya

“Sidee bay Saynisyahannadan Ajaanibka ahi muunad uga soo ururiyeen Meteorite-kan ku dhacay Soomaaliya? Soomaalidii heshay Meteorite-kan miyaanay ogayn in garaamku ku kacayo $10.00 ilaa $10,000.00 garaamkiiba? Meteorite-ka ahay 15,000-ton wuxuu ka kooban yahay 90% bir iyo nikkel. Maadaama ay tani ahayd meteorite naadir ah, waxay u badan tahay in lagu iibin lahaa garamkiiba $100,000 oo doolar iyo in ka badan.” – ayay tiri Aqoonyahanad Faadumo Qaasim Dayyib

Published

on


Saynisyahano Ajaanib ah ayaa Soomaaliya ka helay laba macdan oo aan hore loogu arag adduunka. Sida ay saynis-yahannadani sheegeen, Macdantani waxa ay ka soo jeedaan Meteorite-ka oo ku dhacay Soomaaliya 2020.

Chris Herd, oo ah borofisar ka tirsan waaxda Dhulka iyo Sayniska Cimilada, isla markaana ah khabiirka ururinta saadaasha hawada ee Jaamacadda Alberta, ayaa dhawr sano ka hor lagala xidhiidhay isku dayga uu ku kala saari lahaa saadaasha hawada 15-tan ee laga helay Soomaaliya, sagalaad ee saadaasha hawada ee ugu weyn abid.

“Intii lagu guda jiray samaynta kala-soocidda – sharraxaya dhagaxan cusub ee sayniska – waxaan la kulmay qaar ka mid ah suurtagalnimada kala duwan, macdanta xiisaha leh ee gudaha meteorite. Waxa aan hadda ogaanay in saadaasha hawada Soomaaliya ay ku jiraan ugu yaraan laba macdan oo cusub oo aan horay loo helin.

“Inta badan dadka xirfadeyda ku jira waxay mari doonaan xirfaddooda oo ma helaan hal macdan oo cusub. Halkan, kaliya annagoo eegayna saadaasha hawada sare… waxaan la kulannay labo,” Herd ayaa tiri.

“Waxay ahayd waqti xiiso leh markii saaxiibkay Dr. Andrew Locock uu samaynayey falanqaynta. Maalintii ugu horraysay ee uu eegayo, ayuu ii yimid oo igu yidhi: ‘Waxa aan u malaynayaa in aad meeshaas ka heshay ugu yaraan laba macdan oo cusub’, iyaga oo ka duulaya kimistarigooda, iyada oo loo eegayo saamiga curiyeyaasha halkaas ku jira – tan. kiis, birta, fosfooraska iyo ogsijiinta – waxaad heshay laba macdan oo cusub, runtiina waxay ahayd mid aad u xiiso badan.”

Labada macdan ayaa ka yimid gabal 70-gram ah oo loo diray U of A si loo kala saaro. Macdanta saddexaad ee suurtogalka ah ayaa sidoo kale la eegayaa.

“Mar kasta oo aad hesho macdan cusub, waxay la macno tahay in xaaladaha juqraafiyeed, kiimikada dhagaxa, ay ka duwan tahay wixii hore loo helay,” Herd ayaa sidaas yidhi.

“Taasi waa waxa tan ka dhigaya mid xiiso leh: Meteorite-kan gaarka ah waxaad haysataa laba macdan oo rasmi ah oo ku cusub sayniska.

“Taasi waa khibradeyda – sida aad u jeexjeexayso geeddi-socodka juqraafiyeed iyo taariikhda juqraafiga ee asteroid-ka dhagaxan ayaa mar qayb ka ahaa,” Herd ayaa yidhi. “Weligay uma malaynayn in aan ku lug lahaan doono sharaxaadda macdanaha cusub ee ku salaysan ka shaqaynta meteorite.”

Meteorite-kani waxa uu ku saabsan yahay laba jeer cufan sida dhagaxa dhulka caadiga ah, ayuu yidhi, waana birlabaysan.

Macdanta cusub waxaa lagu magacaabay elaliite iyo elkinstantonite. Waxaa aqoonsaday Locock, madaxa U of A’s shaybaarka microprobe ee elektarooniga ah, sababtoo ah mid kasta si dabiici ah ayaa loo abuuray ka hor.

“Macaadintan waxaa lagu sameeyay shaybaar koox Faransiis ah 1980-meeyadii, sidaa darteed waxaa lagu yaqaanay sayniska arrintaas,” Herd ayaa sharraxay, “laakiin ma noqon doonto in lagu magacaabo macdan cusub ilaa laga helo dabeecadda.”

Elliite waxaa loogu magac daray saadaasha hawada lafteeda sababtoo ah waxaa laga helay meel u dhow Ceel Cali, ee Soomaaliya. Herd waxa uu macdanaha labaad u magacaabay Lindy Elkins-Tanton, oo ahaa saynisyahan meere ah oo caan ah.

Sawirada saadaasha hawada ee Soomaaliya laga helay iyo muunada lagu falanqeeyay Jaamacadda Alberta. Noofambar 2022. Waxaa keenay sawirka: Jaamacadda Alberta

Herd wuxuu aaminsan yahay in macdan badan laga heli karo haddii cilmi-baarayaashu ay heli karaan muunado badan laakiin, cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in meteorite-ka ay u muuqato in loo wareejiyay Shiinaha oo aan la garanayn mustaqbalkeeda.

“Dhagaxa laftiisa waxa uu fadhiyey ugu yaraan dhowr qarni aagga Soomaaliya halkaas oo laga helay,” Herd ayaa tiri. “Waxay u yaqaaneen geel-jireyaashu inay ahayd meel ay ku istaagaan oo ay afeeyaan agabkooda. Waa laga saaray goobta oo runtii dalka hadda waa laga saaray, taas oo ah waxoogaa nasiib darro ah… Waa dhagax weyn oo leh muhiimad dhaqameed.”

Meteorite-ka ayaa sidoo kale muujin kara tilmaamo ku saabsan samaynta asteroid, jaamacaddu waxay ku sheegtay war-saxaafadeed Isniintii.

“Si xiiso leh, meteorite-ka elaliite, kooxda ay ka tirsan tahay, laga yaabaa inaysan ka mid ahayn xudunta asteroid-ka, waxay noqon kartaa nooc balli weyn oo asal ahaan dhalaalaysa oo u dhow dusha sare ee asteroid,” Herd ayaa yidhi.

“Mar kasta oo ay jiraan walxo cusub oo la yaqaan, saynisyahannada maadada ayaa sidoo kale xiiseynaya sababtoo ah suurtagalnimada isticmaalka waxyaabo badan oo kala duwan oo bulshada ah,” ayuu raaciyay.

“Marna ma ogaan kartid waxaad heli doonto ilaa aad bilowdo inaad si faahfaahsan u baarto dhagaxyadan.”

Jaamacadda waxaa badanaa la waydiistaa inay qabato kala-soocidda saadaasha hawada waxayna qabataa dhowr iyo toban sannadkii, ayuu yidhi Herd.

Sidee bay Saynisyahannadan Ajaanibka ahi muunad uga soo ururiyeen Meteorite-kan ku dhacay Soomaaliya? Soomaalidii heshay Meteorite-kan miyaanay ogayn in garaamku ku kacayo $10.00 ilaa $10,000.00 garaamkiiba? Meteorite-ka ahay 15,000-ton wuxuu ka kooban yahay 90% bir iyo nikkel. Maadaama ay tani ahayd meteorite naadir ah, waxay u badan tahay in lagu iibin lahaa garamkiiba $100,000 oo doolar iyo in ka badan.

Meteorite waxaa laga iibiyey Shiinaha oo ka dibna gebi ahaanba ka saaray Soomaaliya. Yaa iibiyey? Maxaa kale oo laga iibiyay Shiinaha intii ay jirtay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo oo aan ka ahayn 24-ka shati ee kalluumeysiga ee Shiinaha looga iibiyay lacag yar oo dhan $1 milyan oo dollar? Ayay sheegtay aqoonyahand Faadumo Dayyib sida ay ku qortay barteeda Facebooga.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Sidee loo xakamayn karaa fayruska dengue?

Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan. Halkaan waxaan kusoo gudbinaynaa tallooyin aan ugu talagalnay bulshada.

Published

on


Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya. Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan.

Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay. Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.

Waa maxay caabuqa Dengue?

Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.

Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?

Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.

Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.

Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.

Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.

Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in xumadda Dengue ay dishay 26 qof

Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo laga shakisan yahay, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku dhawaaqday.

Published

on


Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay.

Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya.

Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.

Ku dhawaad ​​20 ka mid ah dhimashada ayaa laga diiwaan geliyay koonfurta gobolka Kordofan, mid ka mid ah meelaha uu cudurka ka dillaacay ayaa markii ugu horreysay ay soo sheegeen guddiga Dhakhaatiirta Suudaan horaantii bishii Nofeember. Dhawr ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa tirada rasmiga ah ee kiisasku intaa ka badan ku sheegay.

Qandhada Dengue waxay leedahay astaamo u eg hargab waxayna badanaa u horseedi kartaa xubnaha oo hawlgab iyo dhimasho. Sanadka 2019, cudurka ka dillaacay Suudaan ayaa mas’uul ka ahaa shan dhimasho sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka.

Xilligii ugu sarreeyay ee xilli-roobaadka Suudaan bilihii Ogoosto iyo Sebteembar, daadad xooggan ayaa dilay ugu yaraan 144 qof waxaana burburiyay tobanaan kun oo guri, oo ay la socdaan waddooyin iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.

Waa maxay caabuqa Dengue?

Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.

Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?

Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.

Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.

Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.

Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.

Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Cuntooyinka

Qurbo joogta iyo faa’idooyinka cunista kalluunka

Published

on


Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada barwaaqo sooranka ah marka loo eego istaraatiijayada dhulka ay la wadaagaan dhowr wadan oo ku teydsan Geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa leh bad dhirirkeedu aad u dheeryahay marka laga eego dunnida kale balse ma jirto cid ka faa’ideysata qeyraadka ku jira badda ayadoo dadka qaar ay ka aminsan yihiin in aan la cuni karin waxyaabaha kasoo baxa badda sida Diin badeedka ama Quwada sida aad u taqaano.

Bulshada ku nool xeybaha Soomaaliya ayaa inta badan oga faa’ideysan sida saxda ah sababtuna ay tahay aqoon dari ka heysata halkii ay ku noolaayeen.

Cabdijabaar Sheekh Axmed waa hoggaamiyaha Xisibiga Qaransoor sidoo kale waa aasaasaha Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxa uu ka mid yahay dadka inta badan ku sugan qurbaha balse markii uu yimid dalka ayaa kulan kula yeeshay, wuxuuna iisheegay in markii uu halkaan yimaado cuntooyinka ugu raqiistan dalka uu iibsado.

Waa markii ugu horeysay ee aan arko qof ka yimid qurbaha misna iibsanaayo cuntooyinka aad u raqiis ah wuxuuna yiri: “ halkaan markii aan imaado waxaan aad u jeclahay kalluunka iyo qudaarta sababtoo ah waa waxyaabaha ugu fiican marka loo eego caafimaad ahaan iyo dhaqaalo ahaan, balse ma ahan inaan iibsan karin cuntooyinka halkaan yaallo”.

Soomaaliya waxaa aafeeyay dagaalo sokeeyey ay galeen beri samaadkii aynu soo dhaafney taasoo keentay in ay dalka isaga baxaan in ka badan 6 milyan oo Soomaali ah ayagoo doorbiday inay helaan nolol dhaanta dagaal iyo qarax.

Bulsho badan ayaa milan ku dhacay markii ay tageem qurbaha taasoo dhalisay in ay garan waayeen heykalkii ay laheyd bulshooyinkii Soomaaliyeed oo meesha ka bixiyay dowladanimadii iyo dadnimadii, balse Mudane Cabdijabaar wuxuu tusaale u yahay inta aamisan in aysan fiicneyn cuntooyinka dalka yaalla.

“dadka halkaan joogo waxey aad u jecelyihiin iney cayilaan ayagoo isticmaalaayo caano laga keenay dalka dibadiisa balse markii aan joogay qurbaha waxaan isticmaali jiray caanaha lo’da ayagoo loo sameeyay qaab qurux badan balse ma lahan dufin iyo culeys kaalshiyamta, sidoo kale wuxuu qofka u ogalaadaa in si isku mid ah in jirkiisa uu u koro, laakiin dhibatada taalo halkan ayaa ah in dadka qaar ay qeyb ay u weynyihiin halka qeybta kalana uu caato ka yahay”, ayuu yiri Mudane Cabdijabaar Sheekh Axmed oo hadda dalka ku sugan oo aan isku aragnay magaaladda Muqdisho.

Tani ma ahan dhalanted ee waa xaqiiqada ka jirta dalka ayadoo aad moodo in meelaha qaar ay jirto dayacsanaan iyo aqoondari bulshada dhexdeeda taasoo ay hoggaanka u heyso burbur iyo duulaan lagu soo qaadey dhaqanka bulshadeena. Dadka xeebaha kasoo saara ayaan helin kaalmo ku filan taasoo ku aadan maamulada ay hoostagaan taasoo saameyn kale ku noqotay in ay helaan shixnado ku filan, halka marka qaar ay dhacdo iney naftooda ku waayaan.

Waxaan jeclaan lahaa inaan kusoo gunaanudo in bulshada Soomaaliyeed aysan ka maarmin inay helaan aqoon ku filan taasoo u horseedi karto barwaaqo iyo baraare, tani waxaa la mid ah qof socda misna aan aqoon halkii uu u hayaami lahaa.

Haddii la dhiso garaadka bulshada xirfadleyaasha ka shaqeeya kaluumeysiga waxay faa’iido u tahay in badan oo ka mid ah bulshada ayna u wanaagsan tahay badqabka nolosha iyo deeggaanka, halkii la isticmaali lahaa cunooyinka laga keeno dalka dibadiisa.

Tani waxey dhiiri galin u tahay dadka jecel soo saarista iyo cunista kaluunka waayo haddii aan la helin qof Mudane Cabdijabaar Skheekh Axmed oo kale ah waxaa adkaaneyso in la soo saaro kaluun tiro badan sababtoo ah haddi ay keenaan suuqa balse aan jirin cid ka iibsata waxaa adkaaneyso iney markale suuqa keenaan ayagoo qaarkood isaga hayaama shaqooyin kale.

Faa’idooyinka cunista kalluunka ‘malaayga’

Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaanan ku baraarugin wali faa’idooyinka uu leeyahay kalluunka. Kalluunka waxaa ka buuxa omega-3 fatty acids iyo fitamiino sida D iyo B2 (riboflavin). Kalluunku waxa uu qani ku yahay kaalshiyamka iyo fosfooraska waana il weyn oo macdan ah, sida birta, zinc, iodine, magnesium, iyo potassium. Ururka Wadnaha ee Maraykanku waxa uu ku talinayaa in la cuno kalluunka ugu yaraan laba jeer toddobaadkii taas oo qayb ka ah cunto caafimaad leh.

Kalluunka waa isha ugu muhiimsan ee omega-3 fatty acids (DHA iyo EPA) sida ay sheegtay Dr. Angela Donald, Agaasimaha Waxbarashada iyo Cilmi-baarista Caafimaadka Ascenta, marka lagu daro EPA iyo DHA, kalluunka iyo cuntooyinka kale ee badda ayaa sidoo kale qani ku ah. nafaqooyinka kale sida fiitamiin D iyo selenium, borotiinku ku badan yahay, dufankuna ku yar yahay. Intaa waxaa dheer, kalluunka yar yar marka la wada cuno (madaxa, xubnaha iyo lafaha) ayaa si gaar ah qani ugu ah kaalshiyamka iyo qaar sidoo kale qani ku ah fitamiin A, Iron, iyo zinc.

Dr. Angela Donald waxay sharraxday in jirkeenu aanu samayn karin omega-3 iyo omega-6 fatty acids, iyo in maadaama ay lagama maarmaan u yihiin hawlo badan oo jidhka ah oo caadi ah, sida koritaanka, taranka, aragga, iyo horumarinta maskaxda, waa in aan ka helno cuntada. . Sida laga soo xigtay iyada, yaraanta nafaqooyinka lagama maarmaanka ah, haddii ay tahay fitamiin A, fitamiin C, zinc, ama asiidhyada dufanka muhiimka ah (omega-3s iyo omega-6s), waxay kor u qaadi doontaa cudurka.

Intaa waxaa dheer, waxay ku dartay “kordhinta isticmaalka saliidaha omega-3 fatty acids (EPA iyo DHA) ee aadka u liita (EPA iyo DHA) waxay caddeeyeen inay faa’iido u leeyihiin ka hortagga ama daaweynta xaalado caafimaad oo badan oo dabadheeraad ah, oo ay ku jiraan laakiin aan ku xaddidnayn cudurrada wadnaha iyo xididada, niyad-jabka, iyo hoos u dhaca garashada.”

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga42 minutes ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub2 hours ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub3 hours ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga3 hours ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga4 hours ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga4 hours ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya5 hours ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika23 hours ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub1 day ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga1 day ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya2 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya2 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika2 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda2 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika3 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda3 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga3 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda3 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska4 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha4 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika4 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya4 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga4 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya4 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya4 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda5 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga5 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga5 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda6 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya6 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga7 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika7 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Xul

Diblomaasi.com