Maqal & Muuqaal
Waa Maxay Cilmiga Falsafada Siyaasada?

Waa Maxay Cilmiga Falsafada Siyaasada “Political philosophy”
Falsafadda siyaasada, oo sidoo kale loo yaqaan aragtida siyaasadeed, waa cilmiga barashada mowduucyada ay ka mid yihiin siyaasadda, xorriyadda, caddaaladda, hantida, xuquuqda, sharciga, iyo hirgelinta shuruucda awoodda.
Falsafada siyaasada waa laan falsafadeed, sidoo kale waxay qayb weyn ka qaadataa cilmiga siyaasada, taasoo xooga saaraysa taariikhda fikirka siyaasadeed iyo aragtida siyaasadeed ee casriga ah. Falsafadda siyaasadeed waa daraasadda su’aalaha aasaasiga ah ee ku saabsan dowladnimada, dowladda, siyaasadda, xorriyadda, caddaaladda iyo hirgelinta sareynta sharciga.
Cilmiga falsafada waxay jawaabo badan ka bixisaa su’aalo u baahan in aadanaha ay ka jawaabaan sida “Waa maxay dowlad?” “Maxaa dowladaha loogu baahan yahay?” “Maxaa dowlad ka dhiga sharci?” “Waa maxay xuquuqaha iyo xorriyadda ay tahay in dowlad ay difaacdo?” “Waa maxay waajibaadka muwaaddiniinta ku leeyihiin dawlad sharci ah? iyo “Goormaa ayaa dawlad sharci ahaan loo afgambi karaa?”
Falsafada siyaasadeed waxaa lagu qeexi karaa fikir falsafadeed oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee loo diyaarin karo nolosheenna wadajirka ah – hay’adaheena siyaasadeed iyo dhaqamadeena bulsheed, sida nidaamkeena dhaqaalaha iyo qaabka nolosha qoyska.
Falsafada siyaasadeed ayaa lagu dhaqmayay ilaa iyo inta bini aadamku u arkayay abaabulkooda wadareed inaysan u muuqan karin mid qayb ka ah nidaamka dabiiciga ah laakiin ay macquul tahay inay u furan yihiin isbadal, sidaa darteedna ay ugu baahan yihiin saadaalin falsafadeed.
Masuuliyiinta dowladda iyo aqoonyahaanada siyaasiinta ah waxaa wanaagsan in marwalbo ay ka shaqeeyaan dhisida caddaalad lagu wada kalsoonaan karo, dastuur hoos yimaada caddaalada iyo simnaanta, iyo difaacida xaquuqda nolosha bulshada noocyadeeda kala duwan, xoriyada, hantida dadweynaha, sidoo kale fursad-siinta hal-abuurayaasha ganacsiga iyo horumarka. Sidaas awgeed bulsho walbo oo caalamka kamid ah waxay u baahan yihiin rag matala oo ka shaqeeya danaha jiritaankooda.
Majaladda Somalism ayaa daabacday majalad cinwaankeedu yahay ‘Yaa Mudan Hoggaaminta JF Soomaaliya?
Falanqeyn
Qian Xuesen: Ninkii uu Mareykanka tarxiilay

Senisyahan u dhashay Shiinaha ayaa labo dal oo ka tirsan quwadaha waaweyn ee caalamka ka caawiyay in ay gaaraan dayaxa balse waxaa lagu xusuustaa sida uu u caawiyay mid ka mid ah dalalkan, sida ay ku warrameyso Kavita Puri.
Maxtaf ku yaalla magaalada Shanghai waxaa la dhigay 70,000 oo qalab ah oo lagu xusayo ninkan oo loo yaqaano “Seynisyahankii dadka” oo magaciisuna yahay Qian Xuesen.
Qian Xuesen waa aabihii soo saaray gantaallada iyo barnaamijka cirbixiyeenka Shiinaha. Cilmi baaris uu sameeyay seynisyahankaas wuxuu ka caawiyay Shiinaha in uu hawada u diro dayax-gacmeedkii ugu horreeyay, waxaana dalkaas looga arkaa “Halyeey qaran”.
Qian wuxuu ku dhashay Shiinaha sannadkii 1911-kii, waaliddintiisa waxay ahaayeen dad wax bartay, kaddib markii uu ka shaqeeyay Japan, wuxuu bilaabay hanaankii waxbarashada Shiinaha. Qian wuxuu ahaa ardey firfircoon, wuxuu ka qalin jebiyay jaamacadda ku taalla Shanghai ee Jiao Tong, wuxuuna ku guuleystay deeq waxbarsho oo naadir ah si uu ugu biiro jaamacadda teknoloojiyadda ee Massachusetts ee ku taalla Mareykanka.
Sannadkii 1935-tii, Qian wuxuu gaaray gobolka Boston ee dalka Mareykanka, wuxuu la kulmay faquuq iyo isir naceyb, sida uu sheegayo Chris Jespersen, oo ah profesoor wax dhiga taarikhda oo ka howlgala jaamacadda North Georgia.
Wuxuu markii dambe u wareegay machadka teknolojiyadda California halkaas oo uu ka dhiganayay cilmiga injineernimada ee diyaaradaha. Dadkii halkaas wax ka bartay waxay ahaayeen injineero caanka ahaa dunida xilliggaas oo uu ka mid ahaa injineerkii ka soo jeeday Hungary, Theodore von Karman.
Dadkii ay hal meel ka soo shaqeeyeen Qian waxaa ka mid ahaa seynisyahan caan ah oo la oran jiray Frank Malina, kaas oo xubin muhiim ah ka ahaa koox seynisyahanno oo la oran jiray “Kooxda is miidaaminta”.
Kooxda waxay doonayeen in jaamacadda gudaheeda ay ku sameeyaan gantaal balse intii ay baarayeen kiimiko halis ah, waxaa ka khaldamay wixii ay sameynayeen, wayna ku qaraxday, inkasta uusan qof ku dhiman, sida uu sheegay Fraser Macdonald oo ah qoraa.
Maalin maalaha ka mid ah Qian wuxuu la kulmay saaxibbadii ka tirsan kooxda seynisyahada ah, waxay xilligaa ka shaqeynayeen xisaab adag si cilmi baaris loogu sameeyo marka la ganayo gantaallada.
“Xilliggaas ma jirin qof si dhab ah ama seynisyahan ku takhasusay cilmiga xisaabta oo halis u gelin karay sumcaddiisa oo yiraahda ‘kani waa mustaqbalka’, balse xaaladda waxay is bedeshay xilligii uu bilaabanayay dagaalkii labaad ee adduunka,” ayuu yiri Fraser Macdonald.
Howlihii ay wadeen kooxdii seynisyahanada ee la oran jiray Suicide Squad, wuxuu damac ka soo galay militariga Mareykanka oo bixiyay cilmi baaristii ay ku sameynayeen sidii loo soo saari lahaa gantaallada laga rido diyaaradaha dagaalka.
Maalgelintii ay militariga Mareykanka siiyeen kooxdaa, waxay suurogelisay in la sameeyo goob lagu sameeyo cilmi baarista lagu raadinayo hagaajinta gantaalka sannadkii 1943-dii, iyadoo uu hoggaaminayo seynisyahan, Theodore von Karman, Qian Xuesen iyo Frank Malina, waxayna ahaayeen dadkii udub dhexaadka u ahaa mashruuca.
Qian wuxuu u dhashay dalka Shiinaha, xilliggaas na jamhuuriyaddii Shiinaha waxay saaxib dhow la ahayd Mareykanka. “Ma jirin tuhun ku saabsan in mashruuc uu hoggaaminayo Mareykanka oo lagu sameynayo diyaaraad uu udub dhexaad u yahay seynisyahan u dhashay Shiinaha,” ayuu yiri qoraa Fraser Macdonald.
Qian waxaa la guddoonsiiyay shati uu kaga shaqeyn karo cilmi baarista dhanka hubka, xita wuxuu ka mid noqday guddiga dowladda Mareykanka kala taliyo seyniska. Ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee adduunka, wuxuu ka mid ahaa khuburradii loo diray Jarmalka, waxaana la socday seynisyahan lagu magacaabo Theodore von Karman. Wuxuu hadafkoodu ahaa inay soo wareystaan injineerada Nazi-ga oo uu ka mid ahaa Wernher von Braun oo ah ninkii hoggaaminayay gantaallada Jarmalka. XIlligaas Mareykanka wuxuu doonayay in uu ogaado cilmiga Jarmalka.
Guddoomiyihii hoggaaminayay kacdoonkii shuuciga ee Shiinaha, Mao Tse-Tung, ayaa sannadkii 1949-kii ku dhawaaqay in Mareykanka uu yahay “Sheydaan”, sida uu sheegay Chris Jespersen. Agaasimihii cusbaa ee sheybaarka waaxda cirbixiyeennada Mareykanka ayaa rumeysanaa in qof basaas ah uu ku sugan yahay sheybaarka, wuxuuna arrintaas la wadagaay saraakiil ka tirsanayd FBI-da. “Waxaan u maleynayaa in ay ka soo jeedaan Shiinaha ama Yuhuudda,” ayuu yiri Fraser Macdonald.
Markii dambe FBI-da Mareykanka waxay Qian Xuesen iyo Frank Malina iyo dad kale ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin xisbiga shuuciga ayna halis ku yihiin amniga qaranka.
Dacwadaha loo heystay Qian waxay ku saabsanaayeen dokumenti soo baxay sannadkii 1938 oo uu ku xusnaa xisbigii shuuciga ee ka jiray Mareykanka, wuxuuna muujinayay in Qian uu ka qeybgalay kulan ay FBI-da ku sheegeen inay la yeesheen xisbiga shuuciga ee Pasadena, inkasta oo Qian uu beeniyay in uu xubin ka ahaa xisbigaas.
Daraasad cusub ayaa muujineysaa in Qian iyo Frank Malina ay isku xilli ku biireen xisbigaas, sannadkii 1938. Zuoyue Wang oo ah barofesoor Cilmiga Taariikda ka dhiga jaamacadda California ayaa sheegayaa in aanay jirin caddeymo ku saabsan in Qian uu howlo basaasnimo waday markii uu ku sugnaa Mareykanka.
Waxaa laga la noqday shatigii uu kaga shaqeyn jiray sheybaarka, waxaana la geliyay xabsi guri balse saaxibkiisa, Theodore von Karman, ayaa dawladda u sheegay in Qian uusan wax dambi ah gelin, guulna kama uusan gaarin arrintaas.
Sannadkii 1955-tii, markii Qian uu shan sano xabsi guri ku qaatay, madaxweynihii Mareykanka xilliggaas, Eisenhower, wuxuu go’aansaday in Qian loo tarxiilo Shiinaha. Seynisyahankaas wuxuu Mareykanka kaga soo tagay xaaskiisa iyo labo canug oo uu dhalay.

Qian Xuesen iyo qarenkiisa bishii Nofembar sanadkii 1950-kii xiliggaas oo ay socotay dhageysiga dacwadda ku saabsaneyd in lasoo tarxiilo Qian
“Wuxuu ka mid ahaa seynisyahannadii ugu caansanaa Mareykanka, wuxuuna u horseeday guulo, balse lama uusan kulmin oo kaliya ah dhibaato ee waa la khiyaanay sidoo kale,” ayuu yiri, Tianyu Fang oo ah qoraa ahna weriye.
Qian waxaa lagu soo dhaweeyay Shiinaha, waxaan loo aqoonsaday halyeey, laakiin markiiba kuma uusan biirin xisbiga shuuciga ee Shiinaha. Sannadkii 1958-dii oo uu ku biiray xisbiga shuuciga, wuxuu markasta u jaanjeeray dhinaca garabka midig, wuxuuna ka badbaaday kacdoonkii dhanka dhaqanka iyo in laga saaro xisbiga.
Markii uu Shiinaha yimid wax badan lagama fahansaneyn cilmiga ku saabsan dayax gacmeedka, wuxuuna 15 sano kaddib noqday kormeerihii dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee Shiinaha uu hawada u diro.
Tobonnaan sano ka dib wuxuu tababaray seynisyahanno badan, shaqadiisana waxay suurogelisay in dadka u dhashay Shinaha ay raacaan dayax gacmeedka. Gantaalladii sameyntooda uu Qian ka caawiyay Shiinaha waxay suurogeliyeen in lagu weeraro Mareykanka.
Gantaalkii la oran jiray Qian’s silkworm, waxaa lagu weeraray Mareykanka sannadkii 1991-dii xilligi uu socday dagaalkii Khaliijka, sida uu sheegay Fraser Macdonald.
Dan Kimball oo ahaan jiray madaxii ciidamada badda ee Mareykanka markii dambena noqday madaxa hay’ad qaabilsan dayax-gacmeedka, ayaa yiri: “Tallaabada ugu xumeyd ee dalkan uu qaaday waxay aheyd xaaladdii Qian.”
Maanta uu Mareykanka iyo Shiinaha ka dhex taagan yahay dagaal ganacsi, waxaysan dad badan oo u dhashay Mareykanka ogeyn kaalintii Qian uu ku lahaa mashruucii dayax-gacmeedka Mareykanka.
Tianyu Fang wuxuu leeyahay in ardey badan oo u dhashay Shiinaha kuna sugan Mareykanka aanay ogeyn sababta Qian uu uga soo tegay Mareykanka. “Xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sii xumaanaya, waxaa laga yaaba in laga shakiyo sidii dhacday xilligii Qian,” ayuu yiri Fang.
Qoraa Fraser Macdonald wuxuu rumeysan yahay in arrintaas ay digiin u ahayd tarxiilkii aqoon yahan: “Sheekoyiinka ku saabsan seyniska Mareykanka waxaa sare u qaaday dad ka soo jeeda dibadda, balse xiligan lagu jiro waxaa adag in arrintaas loo dabaal dego”.
Dadaalkii Qian wuxuu u horseeday Shiinaha in uu noqday dal awood leh, marka ay timaaddo sahanka lagu tagayo hawada sare.
Sannadkii la soo dhaafay markii Shiinaha uu dayax-gacmeed ka dejiyay cirifka fog ee dayaxa, waxaana sahankaas sameeyay seynisyahan la yiraahdo Von Karman crater, kaas oo uu la taliye u ahaa Qian, si kastaba, dhaqdhaqaaqi ka socday Mareykanka ee ka dhankaa Shuuciga wuxuu Shiinaha u horseeday in guul uu ka gaaro sahanka dayaxa.
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Akhriso: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed

Halkaan ka daawo taariikhda calanka Soomaaliyeed
Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa Maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 66 sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faani karo.
Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga.
Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka. Calankii habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah.
Laakiin Markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, Ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno.
SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka.
Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii Calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.
Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay. Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.
Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay. Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.
Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran.
Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe).
Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu.
Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan.
Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor.
Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa:
Qolobaa calankeedu,
waa ceynoo,
Innaga keenu waa,
Cirkoo kale e,
Oon caadna lahayn,
Ee caashaqaye.
Xidigyahay cadi,
Waad noo ciidamisee,
Carradaa kaligaa
adow curadee
cadceeda sideedaa
u caan noqo ee
Cishadad dhalataad calooshayadii
sidii culaygii cidaad marisee
Allow ha ku celin cawoy dhaha.
Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada.
Soomaalida Maanta: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta!
Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinimada halka maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka.
Maanta Soomaaliya waxaa ay leedahay boqolaal calan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed.
Xigashada qoraalada qaar: Goobjoog
Akhri
Waan Xaraysnahay!

Haddii xero aadan ka bixi karin laggugu xareeyo waxaad tahay addoon, maxaa yeelay uma tasarufi kartid si walba oo aad jeceshahay. Anigu hadda waan xaraysnahay, waxaan taaganahay meel bannaan, waxaan hadba eegayaa jihooyinka dhinacyada iga xiga, jihadii aan eegaba way xidhan tahay (owdan tahay), kor baan eegay waa cir, hoos baan eegay waa dhadhaab, meel aan u dhaafo maleh, waxaan isku arkaa qof xaraysan tabarna aan u lahayn inuu baxsado.
Xaal walba xaajuu leeyahay, xaalada aan ku jiro waxay i baraysaa labo arrin:
1- inaanan haysan xoriyad buuxda oo aan ku faani karo.
2- si xerada dhexdeeda nolosha aan ku haysto iigu haggaagto waa inaan baadi goobo ciddii i xaraysatay, markaan helo waa inaan raali ahaanteeda biiriyo si aan mar kale la ii sii xarayn oo xoriyada la iigu sii yarayn.
Addoonimada dhabta ah waa tan aan ku jirno haddii aynu bashar nahay, xoriyadda yaree aynu ka sheekayno waa mid aan macna wayn lahayn marka la eego xoriyadda wayn ee ina ka maqan oo ah inaynan nafteena maamulkeeda xitta u madax banaanayn dhinacyo badan.
Inta Islaamku uu doonayo inaad fahanto waa intaas, Allah ayaa xayndaabkan ku keensaday isaga ayaad addoon u tahay, sidaas darteed waa inaad u hugaansataa oo aadan uga dhex ciyaarin xayndaabkiisan uu ku keensaday, hadaba inaad Eebe u hugaansanaato waa halka jid ee maan-galka ah hadii aad is-rabtid.
Mar kale ayaa intaan fakaray ayaan is idhi haddii aad midowdaan saad insaan u tihiin oo aad kaashataan ilma adeertiin reer jin miyaydaan ka bixi karin xayndaabkan iyo xeradan addoomada idin ka dhigtay?
Saa waxaan rajadaasna ka quustay xoriyad inaan helaynna yaqiinsaday markaaan maqlay aayad dhawaaq dheer oo odhanaysa:
“يَا مَعْشَرَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ إِنِ اسْتَطَعْتُمْ أَن تَنفُذُوا مِنْ أَقْطَارِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ فَانفُذُوا ۚ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلْطَانٍ”.
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Gabaygii badda – Qeybtii 2aad
- Siyaasadda Soomaaliya2 months ago
Soomaaliya oo dhisanayso Hannaanka Dowladnimada Casriga ah
- Siyaasadda Soomaaliya1 month ago
IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud (4.5)?
- Afrika2 months ago
Safiirka Faransiiska oo ka tagaayo Niger – Reuters