Caafimaadka iyo Sayniska
Waa Maxay Cudurka Kaadi Macaanka ‘diabetes mellitus?

Kaadi sokorow waa jiro ku dhacda kiimikada isku dheelitirka nafaqda iyo tamarta uu jirka ka helo sokorta, rootiga, iyo iwm, taasoo ka timaada beeryaraha aan awood u laheyn inuu soo saaro hoormoon lagu magacaabo (insulin) sidaa daraadeed waxa dhalata in sokorta jirka ay ku badadto marka hore dhiigga ayaa lagu arkaa kadib kaadida, astaamaha lagu garto qofka qabo kaadi macaanka waxa ka mid ah haraad ama oon badan baahi badan, miisaanka jirka oo yaraada iyo kaadi badan oo qofka lagu arko.
Cudurkaan sokorta ah waxaa lagu tiriyaa inay ku timaado dhaxal inkastoo ay saacidayaan xaallado kale haddane dhankaas ayay u badan tahay inay ka timaado kaadi sonkorowga ilmaha ku dhaca ayaa aad ugu qatarsan kan ku dhaca dadka waaweyn, waxa lagu magacaabaa nooca kowaad (type one).
Type one waa mid aad ugu xiran hoormoonka ka yimaada beeryaraha waxa qasab ah in marwalba uu qofka qaato hoormoonkaas maxaa yeelay jirkooda awood umalaha in uu soo saaro hoormoonkaas.
Type two waa nooca kale ee loo yaqaano diabetes-ka waxaa lagu arkaa dadka 40 sano ka weyn beeryaraha wuxuu yara awoodaa in uu hoormoonka samaysto laakin aad ayuu jirka ugu yaryahay sidaas daraadeed qofka wuxuu u baahan yahay inuu si joogta ah daawooyin u qaato raashiinka uu cunaayana si taxadiran laysugu dheeli-tiro waa jiro aad halis u ah dhibaatooyin badan keenta oo ay kamid tahay aragga indhaha oo aad u daciifa iyo xididada dhiigga oo dhumuc weynaada ama adkaada wadnaha oo inta badan xanuuno ku yimaada sidoo kale waxay dhibaato u keentaa kelliyaha.
Glycosuria waxa kaloo keeni kara qofka in uu qabo endocrine disorder waa cuduro ku dhaca qanjirka soo saara hoormoonnada inta badan aad bay u yartahay in la arko xaalladaan, waxyaabaha glycosuria keeni kara waxa ka mid ah hyperthyroidism, hyperadrenalism, hyperpiptutarism, iyo qaar ka mid ah cudurada ku dhaca beer yaraha (pancreas) inta badan kuwaan waxay ka qayb qaataan in sokorta dhiigga ay kor u kacdo kaadidane waa lagu arki karaa.
Qaababka loo baaro sokorta ku jirta dhiigga:
Sokorta dhoor nooc ayaa loo baari karaa laakin waxaa ugu muhiimsan ilaa iyo afar hab oo kala duwan oo loo baaro.
Mid waxa la baaraa marka uu qofka waxba soo cunin 10 ilaa iyo 12 saacadood (10 to 12 hour) qofka waa inuusan afkiisa waxba saarin laakin haddii uu biyo soo cabo wax saamayn ah kuma yeelanaayo baaritaanka dhaqaatiirta qaar waxay dhahaan waxaa habboon qofka asigoo sooman in laga cabbiro sokorta ayaa fiican waxaa loo yaqaana noocaan fasting blood sugar.
Mid waxa la baaraa marka uu qofka wax soo cuno labo sac kadib ayaa habboon in qofka laga baaro sokorta waxaa loo yaqaanaa noocaan Post-prandial blood sugar.
Midna waxaa la baari karaa waqti kasta marka uu qofka wax soo cuno si looga hubiyo heerka ay mareyso sokortiisa waxaa loo yaqaanaa noocaan Random blood sugar.
Waxaa jirta nooc kale oo loo yaqaano A1C test ama HbA1C test baaritaankaan waxaa inta badan la sameeyaa marka uu dhaqtarka soo codsado waxaa lagu ogaadaa
Seddaxda bilood ee ugu dambeeysay heerka sokorta qofka macnaha haddii ay kacsaneed iyo haddii ay dagsaneed sokorta. Waxaa jira qalabyo badan oo lagu baaro sokorta sida machine-ka semi-automatic analyzer oo lagu baaro dheecaannada jirka iyo qalabyo kale sida digital blood glucose meter waa qalab yar oo guriga la dhigto si uu qofka isaga baaro sokorta asigoo jooga gurigiisa.
Sokorta waxa laga baari karaa guud ahaan dhiigga (whole blood) ama qayb ka mid ah dhiigga sida serum-ta oo ah dhiigga aan midabka lahayn ama qeybta sare ee dhiigga marka la dhexgaliyo centrifuge-ka.
Marka la samaynaayo baaritaanka sokorta waxaa la isticmaalaa labo dhalo oo kala duwan midkood plain tube ama glucose tube (grey), plain tube waa dhalo fur gaduudan leh sidoo kale glucose tube waa dhalo furkeeda u ek sida midabka bambasta oo kale gariijo ah. Labaddaan dhalo waxay ku wanaagsan yihiin in la isticmaalo midkood marka la samaynaayo baaritaanka sokorta.
Waa sida loo diyaariyo Glucose-ta waxaa jira qaabab kale oo ka duwan qaabkaan marwalba waxay ku xirantahay waxa ku qoran warqada ku timaada daawada in la aqriyo (leaflet) daawadda lagu baaro sokorta waxay ka kooban tahay buffer enzyme.
Tusaale sida | Dhallada | Dhallada | Dhallada | ||
loo diyaariyo | 1aad blank | 2aad | 3aad | ||
standard | Sample/serum | ||||
buffer | 1000 µl | 1000 µl | 1000 µl | ||
enzyme | |||||
Standard 10µl
Sample/serum | 10µl |
Waa isku qasee kadib waxaad u sugeysaa 10 daqiiqo kadib machine-ka la tagee marwalba waxaa ugu soo horeeya dhallada kowaad oo ah blank reagents kadib standard-ka waxaa ugu dambeeya sample-ka laakin marar ka qaar meesha aad ka isticmaaleyso blank reagents waxaad ka isticmaali kartaa distille water waa biyo nadiif ah oo jeermis dilan. Cabbirka saxda ah ee laga rabo sokorta waa 70 –110 mg/dl haddii ay ka badadto waxa loo yaqaanaa hyperglycemia sidoo kale haddii ay ka yaraato waxaa loo yaqaanaa hypoglycemia.
Xasuus:
Standard-ka glucose-ka waa 100 mg/dl standard-ka wuxuu marwalba ku tilmaamayaa in ay daawada tahay mid shaqeynaysa iyo in kale. Ketone body: si caadi ah (normally) waxay ka timaadaa jirka gaar ahaan marka la burburiyo dufanta jirka ku jirta laakin si caadi ah looguma arki karo kaadida iyo dhiigga sababtoo ah marwalba waxa laga rabaa inay noqoto negative marka laga baaraayo kaadida haddii ay Kenton-ka ku badadto dhiigga waxa loo yaqaana ketonemia sidoo kale marka lagu arko kaadida waxa loo yaqaanaa ketouria. Labo xaalladood ayaa jirta oo keeni karta in ketone-ka lagu arko kaadida ama dhiigga.
Mida kowaad in ay jirto macluul ama baahi daran qofka kaadidiisa waxaa lagu arki karaa kentone ama dhiiggiisa in lagu arko kentone.
Waxaa kale oo keeni kara fuuqbax sida matag badan shuban badan intaas dhan qofka kaadidiisa waxa lagu arkaa kentone.
Sidoo kale qofka inuu ka xanuunsan yahay beerka iyo qofka in uu isticmaalo dufan badan ama uu isticmaalo.
carbohydrate aad u yar taasi waxay keeni kartaa in kaadida iyo dhiigga lagu arko kentone-body.
- Qofka haddii uu qabo cudurka kaadi macaanka kaadidiisa waxa lagu arki karaa kentone.
Kentone body marka ay jirka ku badadto guud ahaan waxa loo yaqaanaa ketosis, Kentone-ka guud ahaan waxa loo qaybiyaa ilaa iyo seddax nooc oo kala ah acetone, acetoacetic acid iyo β-hydroxybutric acid, acetone iyo acetoacetic acid marka ay dhiigga ku badtaan waxay dhaawac u geystaan unugyada maskaxda.
Kentone body marka ay ku badadto dhiigga iyo kaadida si isla ek looguma arko jirka tiro ahaan waa ku kala duwan yihiin, jirka waxaa ku badan β-hydroxybutric acid waxana ku yar acetone-ka, laakin inta badan qofka marka laga baaraayo kaadida kentone waxaa inta badan la arkaa acetoacetic acid iyo acetone labadaan ayaa badanaa lagu arkaa kaadida laakin β-hydroxybutric acid inta badan laguma arko kaadida marka la baaraayo.
Protein: borootiinka waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga baaro kaadida borotiinka laga baaro kaadida inta badan waxaa ugu badan albumin-ta. Haddii kaadida lagu arko albumin waxay calaamad u tahay inuu jiro cuduro gaar ah tusaale ahaan qofka marka uu ka xanuunsan yahay kelliyaha.
Kaadida in lagu arko borootiin waxaa keeni kara labo xaalladood sida inay borootiin badan kasoo gudbaan qaybta glomerulus-ka iyadoo aan lagu samaynin wax filtareeyshan ah iyo sidoo kale inuu hoos u dhac ku yimaado sida caadiga ah dib u nuugista lagu samaynaayay borotiinka qaybta tubbooyinka inta badan waxay keeni karaan in kaadida lagu arko borootiin.
Noocyada borootiinka lagu arko kaadida waxa u kala qaadaynaa ilaa iyo afar nooc:
False proteinuria ama accidental: waa marka ay isku jiraan borotiin iyo wax aan borotiin ahayn oo kaadida lagu arko sida malax, dhiig, iyo sidoo kale dheecaan ka yimaada xagga xubnaha taranka ee haweenka intaan marka lagu arko qofka waxaa looga shakiyaa inuu caabuq ka qabo kelliyaha iyo kaadi haysta sidoo kale haweenka waxaa u dheer inay xanuun ka qabto xubinteeda taranka .
Functional proteinuria: borotiinkaan inta badan wuxuu ka yimaada marka uu qofka xaalladiisa is badasho sida qandho haddey jirto ama uu qofka sameeyo jimicsi badan walwalka badan iyo sidoo kale hooyada uurka leh marka ay mareyso bilaha ugu dambaysa inta aan soo sheegnay oo dhan qofka kaadidiisa waxa lagu arkaa borotiin
Postural proteinuria: waa marka uu qofka jirkiisa soo saaro borotiin badan inta badan waxa lagu arkaa qofka bukaanka ah sidoo kale waxaa lagu arkaa qofka inta badan taagan ama jiifa qofkaas kaadidiisa waxa soo raaci karta borotiin laakin postural proteinuria inta badan lama arko waa mid aad u yar in la arko.
True proteinuria: waa mida ugu badan ee kaadida lagu arko borotiinka waxay kasoo gudbaysaa dhiigga taasoo sabab u ah in uu hoos u dhac ku yimaado filtareeshanka haddii lagu arko true proteinuria kaadida qofkaas wuxuu ka jiran yahay labo meel in uu ka jiran yahay glomerulus ka iyo in uu ka jiran yahay tubbooyinka kelliyaha.
Bilirubin: waa wasaq ka timaada jirka taasoo ka dhalata burburin lagu sameeyay hemoglobinta, bilirubin-ta waxa loo gudbinaa beerka, beerka ayaa laga qashin saaraa cabbirkeeda waa 0.02 mg/dl inta laga helo dhiigga.
Bilirubin-ta marka lagu arko kaadida waxay timaameysaa inuu jiro cudurka cagaarshowga, midabka kaadida oo lagu arko in uusan ahayn midabkii caadiga ahaa waa astaan muujinaysa inuu jiro cudurka cagaarshowga marka kaadida lagu arko bilirubin-ta waxaa loo yaqaana biliruria ama choluria.
Bilirubin iyo urobilinogen marka lagu arko kaadida waxay calaamad u tahay inuu jiro cudurka beer xanuunka iyo hemolytic anemia waa burbur ku yimaada dhiigga labadaan cudur ayaa inta badan looga shakiyaa inuu qabo qofkaas.
Urobilinogen: marka la joogo mandhiciiraha inta badan waxa ay ka qayb qaadtaan in bilirubin-ta loo badalo urobilinogen ama stercobilinogen waxaa inta badan ka qayb qaadta bacteriyada caadiga ah ee ku nool mandhiciiraha oo loo yaqaano intestinal normal flora. Bilirubin-ta waxay ka timaadaa hemoglobin sida caadiga ha sababtoo ah RBC marka uu gaaro 120 maalin waxaa lagu samaynaa burburin bilirubin-ta marka ay dhiigga soo gasho waxa lasoo marsiinaa beerka, beerka wuxuu samaynaa bile. Bile ka iyo bilirubin-ta oo wada socda ayaa lagu soo shubayaa gallbladder-ka muhiimada laga rabo bile-ka waa in uu ka qayb qaadto burburin sida dufanta.
Mandhiciir yaraha qaybtiisa deudunum-ka waxa kasoo baxo tubbo loo yaqaano common bile ducts, common bile ducts waxaa ku jira bile-ka iyo bilirubin-ta, bile ka waxay qabsanaysaa shaqadeeda laakin bilirubin-ta waxay u soo gudbaysaa mandhiciir weynaha (large intestinal) bilirubin-ta marka ay mardhiciir weynaha soo gaarto waxaa loo badali doonaa urobilinogen, urobilinogen dib ayaa loo nuugi doonaa waxaana lagu darayaa qulqulka wareega dhiigga waxa lasoo marsiin doontaa beerka urobilinogen-ta waxaa mar labaad loo badali doonaa stercobilinogen, stercobilinogen waxay midab u yeeshaa saxaradda, urobilinogenta marka ay kellida tagto waxa loo badalaa urobilin, urobilin waxay midab u yeeshaa kaadida.
Urobinogen waxaa si caadi ah loogu arki karaa kaadida sababtoo ah waxay ka qeyb qaadataa midabka kaaadida.
Nitrate: nitrate marka lagu arko kaadida waxay tilmaamaysaa in ay kaadidaas jeermis ku jirto sida Escherchi coli, waa mida ugu caansan oo sababta urinary tract infection noocyo kale oo bacteria ayaa lagu arki karaa kaadida sida proteius, klebsiella, enterobacter iyo citrobacter laakin E coli waa mida ku dhacda kaadi heysta una sii gudubta kelliyaha.
Dhammaan jeermisyada aan soo sheegnay waxay hoos u dhiggaan nitrate-ka ayadoo loo badalaayo nitrite, nitrite marka kaadida laga helo waxay tilmaamaysaa in uu jiro xanuunka ku dhaca hab dhiska kaadi mareenka bacteriyada sababta xanuunka ku dhaca hab dhiska kaadi mareenka waa E coli inta badan waxay ku badan tahay dumarka gaar ahaan ilmaha yar yar ragga way ku dhacdaa laakin waxaa uga badan dumarka sababtoo ah E coli waxay si caadi ah ugu nooshahay mandhaciiraha inta badan waxay soo raacdaa saxarrada qofka haddii uusan saxaradda si fiican isaga dhaqin waxaa suurtagal ah inuu (urinary tract infection) ku dhacdo tusaale qofka haddii ay gacantiisa taabadto xubantiisa taranka asigoo si fiican isaga dhaqin saxaradda, E coli waxay fursad u helaysaa in ay u gudubto urethra, urethra waa tubbada banaanka u soo saarta
Kaadida urethra-aha marka loo fiiriyo ragga iyo dumarka waa ku kala duwan yihiin urethr-aha dumarka waa mid aad uga yar kan ragga, dumarka urethrahooda wuxuu gaaraa 4cm laakin ragga waa 12cm taasaa sabab u ah in uu dumarka ku badadto UTI.
Labo qaab ayaa loo baari karaa kaadida inuu jeermis ku jiro iyo in kale (bacteria).
Marka laga baaraayo kaadida jeermis waxa wanaagsan in laga baaro kaadida subaxda hore soo gasha kaadi haysta in qofka bukaanka ah laga qaado. Kaadida marka la keeno qolka sheybaarka labo qaab ayaa looga baari karaa jeermiska ku jira kaadida. In la abuuro kaadida si loo ogaado nooca jeermiska ku jira kaadida iyo in la isticmaalo dipostic waa warqad yar oo kaadida la dhex-geliyo wuxuu inta badan sheegaa positive ama negative waxa kaloo jirra qalabyo kale oo loo isticmaalo kaadida.
Microscopical examination iyo chemical examination waa labada hab ee loo baaro kaadida microscopical examination marka aad ku baareyso kaadida waxa u baahan tahay qalab badan sida slide, cover slide, microscope, centrifuge, iyo gloves.
pH kaadida: waxa loo adeegsadaa in lagu cabbiro waxyaabaha aadka u yar sida in lagu cabbiro atom-ka ku jira curiye hawo ah (hydrogen) oo ku jiri kara aasiidh, pH waxa laga rabaa in uu ahaado toddobo (7) oo ah meesha laga rabo inuu joogo haddii uu ka badan yahay toddoba waxay tilmaamaysaa in uu aasiidhka badan yahay haddii uu ka yar yahay toddobada waxay tilmaamaysaa aasiidhka inuu yahay mid yar.
Caafimaadka iyo Sayniska
Sidee loo xakamayn karaa fayruska dengue?
Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan. Halkaan waxaan kusoo gudbinaynaa tallooyin aan ugu talagalnay bulshada.

Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya. Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan.
Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay. Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.
Waa maxay caabuqa Dengue?
Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.
Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?
Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.
Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.
Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.
Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.
Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.
Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.
Caafimaadka iyo Sayniska
Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in xumadda Dengue ay dishay 26 qof
Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo laga shakisan yahay, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku dhawaaqday.

Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay.
Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya.
Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.
Ku dhawaad 20 ka mid ah dhimashada ayaa laga diiwaan geliyay koonfurta gobolka Kordofan, mid ka mid ah meelaha uu cudurka ka dillaacay ayaa markii ugu horreysay ay soo sheegeen guddiga Dhakhaatiirta Suudaan horaantii bishii Nofeember. Dhawr ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa tirada rasmiga ah ee kiisasku intaa ka badan ku sheegay.
Qandhada Dengue waxay leedahay astaamo u eg hargab waxayna badanaa u horseedi kartaa xubnaha oo hawlgab iyo dhimasho. Sanadka 2019, cudurka ka dillaacay Suudaan ayaa mas’uul ka ahaa shan dhimasho sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka.
Xilligii ugu sarreeyay ee xilli-roobaadka Suudaan bilihii Ogoosto iyo Sebteembar, daadad xooggan ayaa dilay ugu yaraan 144 qof waxaana burburiyay tobanaan kun oo guri, oo ay la socdaan waddooyin iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.
Waa maxay caabuqa Dengue?
Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.
Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?
Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.
Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.
Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.
Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.
Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.
Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.
Caafimaadka iyo Sayniska
Dhibaatooyinka Caafimaad ee Cuntooyinka Aadka Loo Warshadeeyay

Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka, gabow degdeg ah ama geeri.
Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%. Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xiriiriyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka ama Shalalka.
Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta. Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo ay sameysay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sao Paulo ee Brazil ayaa waxay sharraxaad ka bixineysaa qaababka loo kala qaado cuntooyinka warshadeysan.
Cuntooyinka aan la warshadeyn iyo kuwo dhexdhexaadka ah
Cuntooyinkan ayaa ah kuwo aanan wax warshad ah soo marin ama si aad ah looma warshadeyn, ka hor inta aanan la warshadeyn cunnada waxaa ku jirtaa nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh banii’aadanka, sida Fitamiin iyo macddanta qaar.
Qeybtan waxaa kamid ah Khudaarta, Lowska, Miraha, Digirta, Misiggada, Ukunta, Kalluunka iyo caanaha. Cuntooyinka aan sida aadka ah usoo marin warshadda waxaa marka lagu sameeya in la qalajiyo, la buriyo balse kuma jiraan maaddooyin kala duwan oo nafaqo leh.
Waxyaabaha cuntooyinka lagu kariyo ee la warshadeeyay
Waxaana kamid ah Saliidda, saliidda xoolaha laga soo saaro, Cusbada iyo Sokorta. Cuntooyinkan looguma talagelin in qofka uu wax badan ka qaato balse waxaa lagu darsadaa cuntada iyo Shaaha.
Cuntooyinka la warshadeeyay
Cuntooyinka lasoo warshadeeyay ayaa waxay ka koobmaan waxyaabo laisku daray oo ka badan labo waxyaabood. Waxaana kamid ah hilibka gasadceysan, Rootiga, Khamriga, ama cuntooyinka sajilan. Sababta cuntooyinka loo soo warshadeeyo waxay tahay in muddo ay cuntadaas raagto si aysan dhadhankeedu u baddalmin.
Cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay
Lamana garanayo maddooyinka ku jiro cuntooyinka warshadeysan, waxaa ku jiri karaa maddooyin Kimiko ah oo macaan ah ama qalajinayo cuntada .
Cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyay dunida, waxaa kamid ah.
- Rootiga lasoo warshadeeyay
- Cuntooyinka Sajilan
- Caanaha qaar
- Buskut-ka
- Hilibka sajilan
- Barado Shiilan
- Sharaabka
- Cuntooyinka shiilan ee cusbada badan
- Digirta ku jirta weelka sajilan
Waxaa adag in la aqoonsado cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay, tusaale ahaan, Burka haddii lagu daro biyo, cusbo iyo Khamiir wax dhibaato ah kuma jiro balse haddii lagu daro waxyaabo midibo u yeelayo burkaas , waxaa uu kamid noqon karaan cuntooyinka sida aadka loo warshadeeyay ee dhibaatada ku yeelan karo caafimaadka.
Haddii, Digirta lagu waxyaabo kale ama kimiko waxaa ay meesha ka saareysaa nafaqadii ku jirtay cuntadaas.
5 siyaabood ood ku garan karto in cuntada aad loo warshadeeyay
- Markasta eeg warqadda ku dhegan sheeyga, haddii maadooyinka laga sameeyay cuntadaas ay badanyihiin, kana badanyihiin shan sheey, waa astaan kuu muujin karta in cuntadan aad loo warshadeeyay, sida uu qabo Professor Maira Bes-Rastrollo, oo ah La-Qore daraasadda Spain ee kor ku xusan.
- Maaddooyin aadan aqoonsanin kuwa ay yihiin waxaa laga yaabaa in ay yihiin maaddooyin kiimiko ah lagu dheereynayo cimriga sheeygaasi si uusan u halaabin. Badankood waa kuwa badqaba, balse waxaa jira kuwa halistoodu badantahay.
- Iska eeg xadka ama cabbirka lagu xusay qoraalka ee waxyaabaha uu sheeygaasi ka samaysanyahay, tusaale haddii dufanka iyo sokorta ku badanyihiin. Waxaa taas kuusii muujin kara midaba (guduud) oo muujinaya badnaansho, (guduud xigeen) dhexdhexaad iyo (cagaar) oo muujinaya inyar.
- Haddii aad aragto cuntada cosobka ah oo balse waqtiga ku qoran in ay dhacayso uu yahay mid fog, markaas ka shaki, waxaana laga yaabaa in waxyaabo qalaad lagu dardaray.
- Iska eeg haddii sheeygaasi aad loo xayaysiiyo, laguna sheego sifooyin ka badbadis kuula muuqda.
Caafimaadka iyo Sayniska
Maxaad Ka Taqanaa Cuntooyinka Kor u Qaadi karo Howsha Gogosha?

Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen.
Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda dhaqamada nolosha iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay tahay ma jiraan cuntooyin dabiici ah oo sare u qaadi karo howsha sariirta lamaanayaasha?.
Waxaa jiro cuntooyin leh nafaqo u wanaagsan xoojinta shahwada, waxaan eegeynaa taarikhda iyo mabaadii’yada seyniska ee sharraxaya cuntooyinka xoojin karaa howsha sariirta lamaanayaasha.
Cuntooyinka ku jira Caroogta badda
Sida la sheegay dadkii ku caanbaxay jeceylka waxay ku quraacan jireen 50 ka mid ah cuntooyinka ku jira Caroogta badda. Ma jiro xiriir rasmi ah oo ka dhexeyn karaa xoojinta shahwada iyo cunidda noolaha ku jira caroogta badda balse waxaa jira haddallo laga sheegay arrintaas.
Cuntada ku dhex jirta Caroogta waxaa ku jirtaa maaddada Zinc oo horseedda nafaqada soo saarta biyaha ragga iyo isla markaasna sare u qaadda. Daraasdda ayaa muujinya in maadada Zinc lagu daweeyo dalmo la’anta iyo waxay sare u qaadda tayada biyaha ragga.
Cuntooyinka laga helo maaddada Zinc waxaa kamid ah, Hilibka, Miraha sida, Bocorka, Lowska, Digirta, Caanaha iyo Cheese.
Cunidda shukulaatada
Waxaa la sheega in shukulaatada ay ku jirto in yar oo kamid ah maaddada phenylethylamine (PEA), inkasta oo aan la ogeyn in shahwada ay xoojin karto ama in kale balse mirta laga sameeyo shukulaatada ee geedka Cocoa ayaa sare u qaadaa shaqada dhiigga ee jirka banii’aadanka.
Gormaa ayuu bilaawday, xiriirka ka dhexeyn karaa shahwada iyo cunidda shukulaatada?
Hernán Cortés oo u dhashay Spain ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee shaaca ka qaado shukulaatada guud ahaan dunida, waxaa uu xilliggaas warqad uu qoray boqorkii Spain ,King Carlos I oo uu sheegay inuu soo arkay nooc kamid ah Jokolaatada la cabo oo sare u qaado awoodda jirka isla markaasna ka hortaggo daalka.
Ma jiraan caddeymo muujinayo in shukulaatada loo adeegsan jiray xoojinta howhlaha gogosha ee lamanaayaashaa. Cuntooyinka leh maaddada tryptophan ee ka qeyb qaadata jir dhiska waxaa kamid aha, Ukunta, Hilibka Shimbiraha, miraha,
Basbaaska
Basbaaska kulul ayaa sare u qaadaa shaqooyin jirka banii’aadanka sida heerkulka jirka, shaqada wadnaha, waxay arrimahaas ay dhacaan marka aad ku gudo jirtid howsha sariirta. Waxaana basbaaska ku jirta maaddo la yiraahdo capsaicin oo daweysa dhabar xannuunka iyo muruqa.
Sideed ku yarayn kartaa daciifnimada xubinta taranka?
Daraasado la sameeyay ayaa muujinya in cunista waxyaabaha dhirta ka yimid asalkoodii in ay ka qeybqaadanayaan yareynta daciifnimada xubinta taranka. Waxaa si gaar ah loo ogaaday in madooyin ku jira liin bambeelmada in ay aad u xoojiyaan xubinta taranka.
Cunista miraha ayaa la sheegay in boqolkiiba 14% ay xoojinayso shaqada xubinta taranka, halka waxyaabaha kale ee dhirta laga helo ay qiyaasteeda tahay boqolkiiba 21%.
Sidaas darteed waxaa lagugula talinaya in aad ka war haysid baquliga qudaarta iyo miraha kale duwan. Miraha sida cannabka iyo qudaarta sida ansalaatada ayaa ah kuwa daraasadda lagu xusey in ay leeyihiin maadooyin ragga ka caawin kara hawsha gogosha.
Dr Krychman oo ah khabiir ka falooda arrimaha gogosha waxaa uu sheegay in dadka haddii ay rumeysan yihiin in cuntooyinka qaar ay ka caawinayaan howsha gogosha aysan wax dhib ah ku jirin. Haddii qofka uu dhibaato kala kulma howsha sariirta waxaa laga yaabaa inay heyso dhibaato caafimaad marka waa in uu la tashadaa dhakhtar caafimaad.
Caafimaadka iyo Sayniska
Waa Maxay Sulphuric Acid?

Sulphuric acid (H2SO4) waa maaddo ka sameysan walxo ceyriin ah oo loo adeegsado howlaha warshadaha qalabka lagu farsameeyo.
Qeyb aad u badan ayey kiimikadan ka qaadataa soo saarista qalabka bacriminta iyo qabata howlo kale oo ay ka mid yihiin dhalaalinta biraha, midabeynta walxaha aan noolaha ahayn, nadiifinta shidaalka, soo saarista warqadaha iyo arrimo badan oo la xidhiidha kiimikooyinka wax soo saarka.
Abuuritaanka kiimikada sulphuric acid waxaa loo maraa ilaa saddex marxaladood, sida aan kasoo xigannay bogga Science Direct, ee ka faallooda arrimaha seyniska iyo maadooyinka laga sameeyo.
Meelo badan oo ka mid ah adduunka waxaa ka dhaca weerarro loo adeegsado aashitada sulphuric acid. Arrimaha kale ee falgalka kiimikadan loo adeegsado waxaa ka mid ah sameynta qaraxyada aadka u awoodda badan.
Qarax noocee ah ayaa laga sameeyaa Sulphuric acid?
Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Hay’adda, kiimikadan waxay ku socotay gacanta kooxaha kasoo horjeeda dowladda, kuwaasoo la aaminsan yahay inay ka sameynayaan waxyaabo qarxa. Al-Shabaab ayaa si joogto ah u fulisa qaraxyo qeyb ka ah ololahooda ku aaddan sidii ay meesha uga saari lahaayeen dowladda ay beesha caalamka taageerto ee Soomaaliya.
Sida lagu qoray wargeyska Scientific America, maaddada sulphuric acid waxay ka mid tahay kiimikooyinka loo adeegsado sameynta qaraxyada ugu awoodda badan.
Qaraxyadaas awooddoodu sarreyso waxaa laga sameeyaa maaddada Nitro-glycerine, oo si fiican loo ogyahay inay ka kooban tahay isku darka sulphuric acid iyo nitric acid.
Xagey Soomaaliya uga imaadaan hubka mamnuuca ah?
Sanadkii lasoo dhaafay, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walxaha qarxa ee gudaha lagu sameeyo ku daray inay qeyb ka yihiin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Cabdisalaan Guuleed, oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Nisa ayaa sheegay in meelo badan hubka sharci darrada ah laga soo galin karo Soomaaliya.
“Soomaaliya horta waa waddan iska furan oo xuduudihiisa furan yihiin, meel kastana wax laga soo galin karo. Nimankan waxyaabaha qarxa isticmaalahana, sida Al-Shabaab iyo IS waxyaabo badan ayey ka sameeyaan qaraxyada, sida walxaha bacriminta loogu talagalay. Meesha ugu badan ee Soomaaliya uu hubka kasoo galo waa xadka badda ee ay Soomaaliya la leedahay Yemen, halkaasoo ah bad furan oo aysan cidna waardiyeynin, dhinaca Itoobiyana way iska furan tahay waana waddan warshado badn oo hub ah ku yaallaan,” ayuu yidhi Cabdisalaan.
Caafimaadka iyo Sayniska
Kufsiga Soo Badanaayo Ma Loo Aaneyn Karaa Daawashada Filimmada Xun Xun ee Galmada?

Filimmada anshax xumada leh ee qaawan waa sun iyo la dagaalanka xagga maskaxda oo lagu soo dhex faafiyey bulshada caalamka. Qofka caadeysta daawashada filimmadaan xun-xun wuxuu halis ugu jiraa dhibaatooyin badan. Waxay baabi’isa naxariista, waxay dhalisaa rabshadaha bulshada sida kufsiga, waxay dishaa jaceylka ay isu qabaan labada qof ee isqaba iwm.
Su’aal kama taagna in fiirsashada filimmada galmada ah ay noqon karto isha khilaafaadka qoysaska qaar, maxaa yeelay qofka caaddeysta daawashada filimadaan waxaa soo gaara dhibaatooyin badan oo xagga damiirka iyo maskaxda ah.
Maxaa loo aaneyn karaa kufsiga ku soo badanaya Soomaaliya? – Yaa isweydiiyey?
Waxaa sare u sii kacaya tirada kiisaska kufsiga ee Soomaaliya laga soo werinayo ee loo geystay gabdhaha iyo wiilasha yaryar, taas oo hadda gaartay heer ay qeylo dhaan ka muujiyaan ururada u dooda xuquuqda dumarka iyo carruurta.
Maxaa sababay in muddooyiinkan dambe la maqlo kororka kufsiga? Ururada u dooda dumarka waxay aaminsan yihiin in kufsiga uu markiisii horeba Soomaaliya ka jiray, balse isbadelka hadda waa dunida casriga ah oo aanay waxba qarsoomeynin.
“Waxyaabaha loo aaneyn karo in kufsiga sheegistiisa uu bato waxaa ka mid ah dadkii oo wax fahmay maadaama markii hore ay ahaayeen kuwa cabursan oo aan sheegi karin dhibka la garsiiyay. Hadda oo ay dowlanimada Soomaaliya xoogeysatay waxaa ay keentay in dad badan ay ku dhiiradaan in ay soo sheegaan ee kufsiga markiisi horeba intan waa uu kasii badnaa”, ayay tiri Jawaahir Baarqab oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir
Xadgudubyada galmada waxay ka dhacaan adduunka oo dhan. In kasta oo waddamada badankood cilmi baaris yar lagu sameeyay haddana xogta la haayo ayaa ah in dalalka qaarkood ku dhowaad afartii dumarba mid ka mid ah ay la kulanto xadgudub galmo.
Soomaaliya maka jiraa sharciyo mamnuucaayo daawashada muuqaalada galmada?
Maya kama jiraan, dalka marka uu yahay dal Islaam ah ummadana ay wada yihiin ummad islaam ah waxaa wanaagsan in dhaqamada noocaan oo kale oo diinta Islaamka ka soo horjeedo in sharci mamnuucaayo loo sameeyo si loo badbaadiyo dhaqanka iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada.
Dalalka reer galbeedka inta badan kama jiraan sharci mamnuucaayo daawashada filimmada xun xun. Laakiin waxay leeyihiin sharciyo mamnuucaayo in la daawado galmada qof ka yar 18 sano.
Tusaalle ahaan, Noorway guud ahaan waa la ogol yahay in la daawado galmada, oo la qaybiyo muuqaalada galmada. Muuqaalada galmada ee waxyeelada leh ama sharafta meel kaga dhacaya qofka, tusaale ahaan kuwa ku lug leh maydka, xayawaanka waa mamnuuc. Waa sharci daro in lasoo saaro, la qaybiyo ama la daawado sawirada iyo fiidowyada galmada caruurta ka yar 18 sano jirka (Waa ka mamnuuc muuqaalada galmada caruurta).
Xariirka ka dhaxeeyo daawashada muuqaaladda xun xun iyo dacadiyada kufsiga
Sida laga soo xigtay daraasad la sameeyey 2010 oo lagu falanqeeyay 304 muuqaal oo laga soo duubay fiidiyowyada filimmada xun, ku dhowaad 90% muuqaallada waxaa ku jira gardarro jireed, halka ku dhowaad 50% ay ku jiraan gardarro hadal ah, ugu horreyn qaab u yeerista. Bartilmaameedyada bandhigyadan gardarrada ah waxay ahaayeen haween aad u tiro badan waxayna muujiyeen raaxo ama dhex-dhexaadnimo iyaga oo ka jawaabaya gardarrada.
Waxyaabaha ku jira muuqaalada galmada aad ayay u kala duwan yihiin. Waxay ku kala duwan yihiin rabitaanka galmada. Galmada lagu muujiyo muuqaalada galmadu, badanaa runta waa ay ka duwan yihiin. Tusaalle ahaan:
- Qaybaha jirka: muuqaalada galmada waxay muujiyaan qaab jireed oo aan caadi ahayn. Haweenka, tusaale ahaan, badanaa waxay leeyihiin naaso waawayn, raguna waxay leeyihiin gus aad u wayn, laakiin dadka leh jir qaab kale ah waa lagu tusaayaa.
- Habdhaqanka galmada: muuqaalada galmada waxay bixiyaan aragtida ah in haweenka iyo ragu ay samayn karaan galmo wakhti kasta, taasoo, oo runtii, aanay ahayn nolosha caadiga ah.
Muuqaalada galmada ayaa ah kuwa aad ugu fog xaqiiqada rasmiga ah ee galmada ay isu galmoodaan labo qof oo isqaba.
Muuqaalada galmada si yar oo fudud ayay dad badani u heli karaan dhawaanahan – tusaale ahaan internetka. Waa iska caadi inaad ka hesho oo aad isticmaasho muuqaalada galmada ilaa inta ay sharci daro ahayn.
Dhibaatooyinka ugu waa weyn ee daawashada filimmada galmada ah
Tiknilojiyadda casriga ee dunida waxay fududeysay in xittaa dhalinyarada yaryar ay si fudud u daawan karaan filimmada galmada ah, waliba si lacag la’aan ah.
Waxaa laga yaabaa in farxad iyo xumaan aad ka dareentid daawashada galmada. Haddii aad galmada aad u daawatid, waxaa laga yaabaa in ay saameyso fikirka aad ka qabto galmada, ama dadka waxa ay ka helaan galmada. Waxay sidoo kale saameyn kartaa sida aad dareemeyso. Dadka badankooda murugo ayey dareemaan ka dib marka ay daawadaan filimaanta galmada, ayagoo ka shalaynaayo sababha ay u daawadeen.

Baarayaasha Maskaxda waxay sheegeen in “Daawashada Filimada Xun (porn) Waxay Xannibaan Horumarka Maskaxda” Saynisyahannada maskaxda ayaa rumeysan in porn-gu burburiyo qaybta maskaxda ee maamusha murugada, kartida, iyo xakameynta.
Marka qofka uu samaynayo waxa uu belwadda ka dhigtay, waxay qofka maskaxdiisu soo daysaa dheecaanka farxadda, Dopamine, kaas oo qofka dareensiiya farxad khiyaali ah marka uu samaynayo waxaan. Marka uu daawan waayo maalmo, tusaale ahaan, waxa uu qofkii dareemayaa deggenaansho la’aan aan yarayn, wuxuu markale bilaabayaa inuu daawado, marka uu sidaa u daawado ayaa la soo daynayaa hoormoonkii, sidaana waa kaa kala badbadasho iyo farxad ku dareemay.
Nolosha guurka iyo daawashada filimmada xun xun
Waxa laga yaabaa in midkeen iska dhaadhiciyo in daawashada filimmada ama muuqaallada galmadu siinaaya xeelado ama tabo uu hadhow xilliga guurkiisa u aayo, balse aynu isla eegno bal in aragtidaasi run tahay.
Marka aan u fiirsanno belwadda galmo-daawashada ee aynu barbardhigno nolosha guurka, isu galmoodka labada isqaba, waxa inoo baxaysa in marka galmadu dhex marayso labadan xaaska ah, jidhku soo daayo hoormoon kale oo la dhaho Oxytocin kaas oo shaqadiisu tahay: xoojinta kalsoonida lammaanaha, iyo muddo-u-kordhinta dareenka kalgacaylka ah ee lammaanaha.
Haddaba, maqnaanshiyaha hoormoonkani qofkan daawanaya muuqaalka waxa ay ka siibaysaa kalgacalkii, kalsoonidii iyo dareennadii lagama maarmaanka u ahaa guurka guulaysta. Iska daa wax kale e dadka daawada muuqaallada galmadu, waxa ay daneeyaan danayn weyn daawashada, marka loo eego hawshii ay ahayd in furaashka ka fuliyaan. Waxa ku dhaca wax la dhaho Danaynta Muuqaallada Galmada; dananyntaas oo keenta in ruuxani gabo hawshii galmada ee uu uga baahnaa lammaanihiisu, halkaasna uu ka dhasho burbur qoys, dhammaad xiriir, iyo dumidda tiir bulsheed! Qofkani waxa uu ka adag yahay daawashada galmada, balse ma samayn karo isagu galmo! 58% labka da’doodu tahay, celcelis ahaan, 25jir waxa ay awood u leeyihiin in ay ku dareen qaataan sawirrada, balse sariirta waa bilaa itaal!
Sida ay qortay wakaaladda MENA (Middle East News Agency), waxa deraasado lagu ogaaday in belwadda galmo-daawashadu aanay keliya tamar darro jinsiyeed qofka u keenin balse ay sidoo kale ruuxa u soo hoggaamiso xannuunada nafsiga ah ee ay ka midka yihiin qulub, cadho iyo werwer!
Dadka ka shaqeeya waxan 66% oo ka mid ahi waxa ay la dhibtoodaan, sida deraasadihii u danbeeyay sheegayaan, xannuuno uu ka mid yahay (Psoriasis). 28% waxa hela cudurrada galmada ku gudba. 7% waxa soo rita AIDS!
Sida caadiga ah marxaladda saamayntu ku soo baxaysaa waxa ay qaadataa 6 – 18 bilood oo keli ah; muddadaa dabadeed dumarku waxay la kulmaan dhibaatooyin bulsheed, caafimaad iyo kuwo hawlgaleed oo badan! Raggana waxa ku dhaca wax la dhaho biya-baxa qaddimaadda ah, pre-ejaculation, tani waxa ay keentaa in daawashada galmada haddii uu badsado oo biya-baxaasina bato uu aakhirka lumiyo ama iska waayo wax dareen shahwadeed ah! Waxba yaan kuu af gobaadsane tan micnaheedu waxa weeye ‘ma-dhalaysnimo’ aad gacantaada ku doonatay!
Maskaxda waxa ay daawashadaan ku keentaa khalkhal maaddaama ay mar kasta u qaadanayso in galmo dhacayso sidaa darteed ay soo saarayso amarradii galmada fududayn lahaa, kuwaas oo, ileen galmo ma jirtee, hal bacaad lagu dhiijay soo baxa!
Ku celcelinta arrintani waxa ay maskaxda geyaysiisaa gabidda hawshaa, tanina waxa ay ruuxa dhaxal ahaan u sii dhigtaa ma-dhalaysnimo!
Xasuusta oo lunta waa astaamaha u horreeya ee uu isku arko qofka daawanaayo muuqaalada xun xun. Qisadii imaamkii Shaafici ayaad xasuusataa! Kubkii gabadha ee uu arkay haddii uu ilawsiiyay macluumaadkii dhanaa, bal suurayso qof mudh iyo gacan ah oo jinsigaaga kale ah oo aad daawanaysidna! Marka laga yimaaddo raalli ahaansho-la’aanta Eebbe uuna raallida ka ahayn falkan, adiga halisa lagaa haayo ma aragtaa?
July 14, 2015 daraasad qaylo-dhaan ah oo ay sameeyeen waaxda jaamacadda Pennsylvania ee ay horkacayso Drs Mary Anne Layden, ayaa ku sheegtay in waddada keli ah ee ubadkii baraysa edeb-darrada iyo galmadu uu yahay degellada galmada nlaga daawo galmada.
Daawashada muuqaallada galmadu waxtir mooyee waxtar uma laha qofkan daawanaya, haddii uu bilaa xaas yahay, ma-dhalaysnimadu aafada ay hoggaaminayso ayay kala maqan tahay, haddii uu xaasle yahay hawlgabnimo taran ayay u keenaysaa! Dhan ay dhaafaysaa ma jirto.
Annaga Soomaali ahaan, ma aan helin wax daraasad ama xog ah oo ku saabsan sida aynu ku nahay dhibaatadaas laga wada qayliyay, balse waxa aan dareensanahay in dhallinteenna ay tahay masiibo ku soo badanaysa. Kama qatanin khasaaraha ay muuqaalladaasi ku keeneen dunida, balse saamigeenna ayaynnu qaadannay. Laga yaabaa in aad akhriste adigu daawatay ama aad taqaanid cid daawata! Waxba ha ila yaabin.
Dhaqankeena waxaa caado u noqotay in aanan laga hadlin waxa halista nagu haayo, annagoo ku doodna in waxaasi aanu dhexdeenna ka dhicin, sida darteed ay baasaysi tahay ka hadalkooda. Balse hadda 70-nadii tirsiga galbeedka dunida Carabta wax lala yaabo ayay ahayd in laga hadlo khataraha ka imaan kara daawashada muuqaallada galmada ah, hadana waxay soo goosteen xaragga, ma sidaas ayaan ugu aamusnaa dhibaatooyinkaan jira?

Muqdisho kala xariir: 619111499 Gudaha dalka Norway waxaad ka heli kartaa telefon lambar: +47 455 073 63 ama 4555 75 79 Hargeysa, Soomaaliya: Waxaad ka heli kartaa xafiiska Hiil Press ee magaalada Hargeysa. Waxaad kala xariiri kartaa telefonada: +252-636857010 ama 0657275461
- Wararka2 months ago
Tayo xumada ka jirta awgeed Wasaaradda Waxbarashada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u baahan in isbeddel lagu sameeyo
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Bedel fikirkaaga si’uu isku beddelo ficil kaaga – haa waad sameyn kartaa isbeddel
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Wax ka baro faa’iidada ay leedahay wax isbarida – qodobada muhiim kuu ah
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
Rajo maka leedahay masraxa siyaasadda?
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Maxaad ka taqanaa doorka aad bulshada ku dhex leedahay?
- Dhaqaalaha3 months ago
Waa maxay sababta Hindiya iyo Masar ay u sameynayaan xiriir istaraatiijiyadeed oo cusub?
- Xirfadaha & Teknolojiyada3 months ago
Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo xarrunteeda ka qabsoomay bandhigga kulliyadaha waxbarasho
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Affar qodob oo wax kaa bari doono noloshaada
- Sirdoonka & Militariga3 months ago
Fallaagada Wagner ee Ruushka: Bilowga dhamaadka madaxweyne Vladamir Putin?
- Islaam Naceybka3 months ago
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo dhaleeceeyay kitaabka Qur’aanka ee la gubay intii lagu guda jiray booqashada masjidka Dagestan
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Siddeen ku xasuustaa shey aan bartay?
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii Dimuqraadiyadda Afrika Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan
- Dhaqaalaha3 months ago
Itoobiya oo codsatay inay ku biirto ururka dhaqaalaha soo koraya ee BRICS
- Xirfadaha & Teknolojiyada2 months ago
Maxaa caalamku uga baqayaa aaladaha ku shaqeeya “Garaadka Macmalka ah ee horumarsan” – Artificial Intelligence
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Waa tumaa Shuhada ‘Sinéad O’Connor – “La dirir cadawga runta ah”?
- Islaam Naceybka3 months ago
Dowladda Ciraaq oo Iswiidhan ku boorisay inay soo gacan geliso nin Ciraaqi ah oo ‘gubay Kitaabka Qur’aanka’