Connect with us

Cilmiga Diblomaasiyadda

Waa maxay Diblomaasiyadda iyo astaamaha loogu baahan yahay qofka diblomaasiga ah?

Fanka diblomaasiyadda waxa ay soo bilaabatay wakhtiyo hore oo aad fog. Sida taariikhda sheegayso, heshiisyadii u dhexeeyay magaalooyinka kala duwan ee Mesobotamiya, oo hadda loo yaqaan Ciraaq, waxay taariikhdu ahayd 2850 BC.

Published

on


Diblomaasiyadu waa fanka illaalinta xirriirka nabada ee u dhexeeya dalalka, kooxaha, ama shakhsiyaadka. Inta badan, diblomaasiyadu waxa ay tixraacdaa wakiillada kooxaha kala duwan ee kawada hadlo arrimaha sida colaadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga, deegaanka, tignoolajiyada, ama ilaalinta amniga.

Diblomaasiyadu waa dhaqanka lagu sameeyo go’aannada iyo hab-dhaqanka lagula dhaqmo dawladaha shisheeye iyo dadyowga kale ee caalamka iyada oo loo marayo wadahadal, gorgortan, iyo tallaabooyin kale oo loogu hortaggi karro dagaallada ama rabshadaha.

Diblomaasiyadda waa aaladda ugu weyn ee siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo u taagan hadafyada iyo xeeladaha haga wadashaqeynta dawladeed ee adduunka inteeda kale.

Diblomaasiyadu waxay ku lug leedahay xariirka wakiilada rasmiga ah ee dawladaha, sida hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta, iyo sidoo kale jilayaasha aan rasmiga ahayn, sida kooxaha bulshada rayidka ah, ururada aan dawliga ahayn, ama shakhsiyaadka. Diblomaasiyadu waxay yeelan kartaa qaabab badan, sida laba geesood, dhinacyo badan, mid guud, mid dhaqan, mid dhaqaale ama mid deegaan. Diblomaasiyadu waxay leedahay taariikh dheer, oo soo taxnayd taariikhyo hore oo aad u fog, nidaamka dowladaha casriga iyo teknoolajiyada ayaa wax badan ka beddelay diblomaasiyadda maanta ee dunida.

Diblomaasiyadu waa aaladda ugu muhiimsan ee siyaasadda arrimaha dibadda taas oo ka dhigan ujeedooyinka iyo istaraatiijiyadaha ballaaran ee haga wada-shaqeynta dowladeed ee adduunka intiisa kale. Heshiisyada caalamiga ah, isbahaysiga, iyo muujinta kale ee xiriirka caalamiga ahi waxay inta badan ka dhashaan wada xaajoodyo iyo habraac diblomaasiyadeed. Diblomaasiyiintu waxa kale oo laga yaabaa inay gacan ka geystaan qaabaynta siyaasadda juqraafiyeed ee dalalka.

Taariikhda Diblomaasiyadda

Fanka diblomaasiyadda waxa ay soo bilaabatay wakhtiyo hore oo aad fog. Heshiisyadii u dhexeeyay magaalooyinka kala duwan ee Mesobotamiya, oo hadda loo yaqaan Ciraaq, waxay taariikhdu ahayd 2850 BC. Sidoo kale, hogaamiyaasha Masar iyo Kancaan (waddan qadiimi ah oo ku yaallo bariga dhexe oo ay kamid yihiin Lubnaan, Suuriya, Urdun, iyo Falastiin) waxay isweydaarsadeen waraaqo diblomaasiyadeed qarnigii 14aad ee BC (Waa sida ay daabacday National Geographic).

Qoraal lagu qoray gidaarada dhismayaal qadiimi ah oo Mayan ah oo ku yaala dalka hadda loo yaqaan Mexico ayaa tilmaamaya in magaalooyinka Mayan ay isku dhaafsadeen diblomaasiyiin. Safaaradaha waxaa markii ugu horreysay laga aasaasay waqooyiga Talyaaniga qarnigii 14aad.

Inta badan taariikhda, diblomaasiyadu waxa ay khusaysay xidhiidhka laba geesoodka ah, ama wada xaajoodka laba dal. Waddan ama gobol ayaa inta badan lahaa tobannaan heshiisyo ganacsi ama xuduud ah, mid walbana wuxuu ku koobnaa hal waddan ama gobol kale. Xidhiidhka laba geesoodka ah ayaa weli ah qaab diblomaasiyadeed oo caan ah oo illaa iyo hadda la adeegsado.

Qarnigii 20-aad, diblomaasiyadu way balaaratay. Maanta, Qaramada Midoobay (QM) oo ah hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa horumarinta iskaashiga iyo xallinta khilaafaadka u dhexeeya quruumaha, ayaa kaalin weyn ku leh diblomaasiyadda. Golaha loo dhan yahay oo ah hay’adda ugu weyn ee Qaramada Midoobay, ayaa ka kooban 195 xubnood.

Diblomaasiyadda ayaa sidoo kale sii baalaratay sida shir-madaxeedyada. Shir-madaxeedka ayaa ah shirar ay yeelanayaan madaxda ugu sarreysa dowladdaha. Shir-madaxeedyadu waxay noqon karaan kuwo u dhexeeya madaxda qaranka, sida madaxweynayaasha ama ra’iisul wasaaraha. Shirarka dhaqaalaha waxaa inta badan ku lug leh hoggaamiyeyaasha ganacsiga, iyo sidoo kale xoghayayaasha maaliyadda ama wasiirrada ganacsiga.

Camp David, oo ku yaalla gobolka Maryland ee dalka Mareykanka, ayaa ah goobta ay ka dhacaan shirar badan oo u dhaxeeya madaxweynayaasha Mareykanka iyo hoggaamiyeyaasha caalamka. Sannadkii 1978-kii, Madaxweyne Jimmy Carter waxa uu shir-madaxeed muhiim ah la yeeshay Madaxweynihii Masar Anwar al-Sadat iyo Ra’iisal-wasaarihii Israa’iil Menachem Begin. Masar iyo Israa’iil waxay colaadi ka dhexaysay in ka badan 30 sano. Inta badan, sidii xilligii Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967, iskahorimaadku wuxuu ahaa mid gacan ka hadal ah.

Shirkii u dhexeeyay madaxweyne Carter, Madaxweynihii Masar Anwar al-Sadat iyo Ra’iisal-wasaarihii Israa’iil Menachem Begin waxa ka dhashay waxa loogu yeero “Heshiiska Camp David.” Tani waxay saldhig u ahayd heshiiskii nabadda ee Israa’iil iyo Masar. Menachem Begin iyo Anwar al-Sadat waxay wadaagaan abaalmarinta nabadda ee Nobel 1979-kii, axdiguna ilaa maanta waa la dhaqangelinayaa. Heshiisyada Camp David waxaa loo arkaa guul diblomaasiyadeed.

Diblomaasiyadu waxay kaloo ku lug leedahay shirar caalami ah oo waaweyn. Sida shirmadaxeedyada, shirarka caalamiga ah waxaa inta badan ka soo qayb gala madax qaran. Shirarku inta badan baaxad ahaan aad bay u weyn yihiin— daraasiin hoggaamiyeyaal ah ayaa kulmi kara si ay uga wada hadlaan socdaalka ama arrimaha xuduudaha, ganacsiga, ama deegaanka.

Shirka Qaramada Midoobay ee Horumarinta Deegaanka, tusaale ahaan, waxa lagu qabtay Rio de Janeiro, Barasiil, 1992. In ka badan boqol madax dawladeed ayaa ka soo qayb galay shirka, marka lagu daro kumanaan diblomaasiyiin xirfadlayaal ah iyo wakiillo ka socda ururada aan dawliga ahayn. (NGO-yo). Shirkii diblomaasiyiinta Rio waxa loogu yeeraa “Shirka Dhulka” waxay gaareen heshiis lagu xaddidayo qiiqa kaarboonka.

Diblomaasiyadda Casriga ah

Hababka diblomaasiyadeed ee casriga ah waxaa kamid ah dhaqamada, iyo mabaadiida waxayna asal ahaan ka soo jeedaan caadadii reer Yurub ee qarnigii 17aad. Bilowgii horraantii qarnigii 20aad, diblomaasiyadu waxay noqotay mid xirfadaysan; Axdiga Vienna ee Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee 1961, oo ay ansixiyeen inta badan dawladaha madax-bannaanida ee adduunku, waxa lagu xusay qaab-dhismeedka habraacyada, hababka iyo hab-dhaqanka diblomaasiyadeed.

Diblomaasiyadda inteeda badan waxaa qabta mas’uuliyiin loo wakiishay, sida ergo iyo safiirro, iyadoo loo sii marinayo xafiiska u gaar ah ee wasaaradda arrimaha dibadda. Diblomaasiyiintu waxay ka hawlgalaan xafiisyo diblomaasiyadeed, inta badan qunsuliyadaha iyo safaaradaha, waxayna ku tiirsan yihiin dhaqaalaha dalalkii ay ka yimaadeen. Dadka loo magacaabo diblomaasiyadda waxa lagu magacaabaa diblomaasiyiin. Diblomaasiyiintu waxay isku dayaan inay caawiyaan dalkooda, dhiirigeliyaan iskaashiga ka dhexeeya ummadaha kale ee caalamka, iyo ilaalinta nabadda.

Hawlaha diblomaasiyiinta waxaa loo yaqanaa hawl-gal diblomaasiyeed. Hawlgalka diblomaasiyadeed ee joogtada ah waxaa loo yaqaannaa safaarad. Safiirka waa diblomaasiga hormuudka ka ah safaaradda. Meelaha kale ee ay joogaan wakiillada diblomaasiyaddeed waxaa lagu magacaabaa qunsuliyadaha.

Tusaalle ahaan, safaaradda Soomaaliya waxay ku taallaa caasimadda Maraykanka ee Washington, D.C. Soomaaliya waxay sidoo kale qunsuliyado ku leedahay magaalooyinka Maraykanka. Safiirka Soomaaliya iyo inta kale ee ergada diblomaasiyaddeed ee Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah inay siyaasadda Soomaaliya u metelaan dawladda Maraykanka, iyo sidoo kale caawinta dadka Soomaaliyeed ee jooga Maraykanka, tani waxay inta badan ku lug leedahay in laga caawiyo arrimaha sharciga, sida fiisaha ama ogolaanshaha shaqada.

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed waxay u shaqeeyaan laan ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya waa wasaarad ka tirsan Dawlada Soomaaliya taasi oo maamusha arimaha xiriirka dibada ee Soomaaliya. Wasaaradani waxay hoostegtaa Wasiirka Arimaha Dibeda Soomaaliya. Sida caadiga ah, Wasaarada Arimaha Dibedu waxay u qaabilsan tahay xiriirka arrimaha dibeda, siyaasada dibeda, go’aanada dowladaha kale iyo metelida Dowlada Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, wasaaradani waxay uga qeybgashaa dowlada dhamaan shirarka Qaramada Midoobay, Ururada Siyaasaddeed, iyo dhamaan xiriirka caalami.​

Qaabka muuqaalka guud ee caalamiga ah maanta waxaa lagu xardhay wadahadal diblomaasiyadeed, maadaama diblomaasiyadda ay tahay waxa abuura nidaamka dunida. Waa madasha kulmisa hoggaamiyeyaasha adduunka oo isku dayaya inay ku heshiiyaan danaha labada dhinac, ama xalliyaan dhibaatada caalamiga ah. Waa luuqadda guud ee ay wadaagaan Xubnaha Qaramada Midoobay. Waa waxa sameeya ama jabiya isbahaysiga dawladaha. Diblomaasiyadda waa sida adduunka loo maamulo, iyo sida waddamadu u wada xiriiraan. Heshiis kasta oo caalami ah, gole kasta oo Amni ama Gole Guud, qaraar kasta oo caalami ah, sharci kasta, iyo Axdiga Qaramada Midoobay laftiisa, dhammaantood waxay leeyihiin aragti diblomaasiyadeed oo lagu wada xirayo ee ka wada siman dhowrista iyo daba-galka diblomaasiyadda.

Waa kuwaan astaamaha loogu baahan yahay qofka diblomaasiga ah haddii uu rabo inuu ku guulaysto heshiisyada diblomaasiyadeed:

  1. Dhammaystir Cilmi-baaristaada

Kahor intaadan guda gelin shirka, hubi inaad hayso fikrad guud oo ku saabsan mowqifyada wufuudda kale ee la xiriira ujeedka kulanka, marka lagu daro mawqifka gaarka ah ee ummadaada. Maxay yihiin danaha qarankaaga, maxayse yihiin dantoodu? Maxaad isaga mid tihiin, iyo kuwa kale? Tani waxay kaa caawin doontaa inaad fiiriso sawirka guud, oo aad udhaqmayso ama inaad si habboon ugu hadashid munaasabadaha kala duwan ee shirka.

  1. Fahan oo qiimeey fikradaha guud ee wafuuda kale

Dariiqa kaliya ee lagu gaari karo wadahadal diblomaasiyadeed oo guuleysta waa iyadoo si dhab ah loo fahmo danaha iyo tabashooyinka dhinaca kaa soo horjeeda. Mar alla markii aad fahanto dooda kaa soo horjeedda, isku day inaad raadsato xalal lagu wada qanco oo aad guddiga ka eegto meel dhexdhexaad ah. Muxuu noqon lahaa xalka qanciya dhammaan? Isku day inaad ku wareejiso dhammaan dhinacyada suurtogalka ah ee u rogi kara danaha weftigaaga.

  1. Aqoonso muhiimada ay leedahay nidaamka wadahadalka

Diblomaasiga dhammeystiran wuxuu yaqanaa qalabka uu ku shaqo tagi lahaa. Marka aad wadahadal kuwada jirto waxaa loogu baahan tahay qofka diblomaasiga ah inuu iska illaaliyo muran inuu meesha ka furo. Xoogga saar wufuuda kale rabitaankooda iyo rabitaanka ummada aad matalayso.

  1. Hubso qaaciddada khudbadaha

Hubso inaad si ixtiraam leh ula hadasho guddiga. Ergooyinka qaar waxay doortaan inay si rasmi ah ugu mahadceliyaan una jiheeyaan kursiga iyagoo leh hadalo ay ka mid yihiin “Kursiga sharaf leh, ergada sharaf leh, Hordhacaani dabcan waa ikhtiyaari, hase-yeeshe waa inaad ilaalisaa qurxinta hadalkaaga inta aad khudbadaha jeedinayso. Qaado fursad kasta oo aad kudhaqmi karto si rasmi ah inta lagu jiro waqtiga wahadalka; dhaqdhaqaaqyadaas yar ayaa wax weyn ka beddeli kara saameyntaada diblomaasiyadeed.

  1. Noqo qof codkar ah oo hadalka meesha uu dhigaayo yaqaano mawduuca shirkana haka bixin h

Qaabka aad u jeedinayso khudbadaada iyo sida aad u muujinayso wefdigaaga iyo nuxurka khudbadahaadu waxay labaduba muujinayaan saamayntaada, iyo waliba waxqabadkaaga guud. Xaqiiqada jirta u adeegso khudbadaada, si joogta ah u sheeg wufuudda kale, ku celceli qaar ka mid ah khudbadahaaga gacanta ka hor, isticmaal indhaha, xiriir kalsooni leh oo ilaali luqadda jirka ee ku habboon.

  1. Ixtiraam, qadarin, xushmad

Tani waa midda qeexaysa diblomaasiyadda; ixtiraamka dhinacyada waa ixtiraamka naftaada. Hadday mid ka mid ah khudbadahaagu si aan habboonayn ugu wajahan yihiin wefdi ama shaqsiyaad, haddii aad isku daydo inaad mowqifkaaga ku sii kordhiso jees jees ama ixtiraam la’aan, waxaad sumaynaysaa booskaaga wakiilnimo. Ogoow markasta oo aad ixtiraamto wufuudda kale ee kasoo horjeeda, inbadan ayaad guuleysaneysaa.

  1. Samee xulafo

Haa, khudbadaha waa muhiim, laakiin sidoo kale waa inaad diirada saartaa heshiisyada wadajirka ah iyo isbahaysiga guddiga. Raadi xulafo fursad kasta oo aad hesho. Ku heshiiya waxyaabaha caadiga ah, u fidiya kaalmadaada, saaxiib fiicanna la noqo dadka kale, waxaadna yeelan doontaa ujeeddada wadahadalka diblomaasiyadeed.

  1. Dhageyso, dhageyso, dhageyso

Inta badan ee aad fahanto wufuudda kale, in badan ayaad guuleysaneysaa, iyo diblomaasiga guuleysata ayaad noqoneysaa. Ha ku luminin waqtiga khudbadaha ergooyinka kale adigoo wax kale qabanaya. Dhegeyso eray walba oo qor dood kasta, aqoontani waa waxa aad isticmaali doontid markaad isku daydo inaad hesho heshiis ay wadaagaan wufuudda kale.

  1. Xusuusnow bartilmaameedkaaga

Danadaha qarankaaga ayaa ah danaha ugu muhiimsan ee mudan in la qabto. Diblomaasiyadda waa aalad aad u fiican oo loo adeegsan karo in lagu gaaro himilooyinkaaga shaqo. Sidoo kale ixtiraam danaha wufuudda kale adigoo ku guuleysanayo faa’iidooyinka ugu badan ee suurtogalka ah.

  1. Go’aammadu waa yoolka ugu dambeeya

Natiijada shirku waa xalka. Ku xeji, u isticmaal oo samee wax kasta oo suurtagal ah si aad ugu guulaysato ujeeddada siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkaaga. Laakiin, waligaa si aan habooneyn ha ugu dagaallamin  danaha qarankaaga. Xusuusnow, diblomaasiyadda waxay ku saabsan tahay ixtiraam dhab ah, iyo fahamka dhinacyada kale, iyo in si dhab ah la isugu dayo in la helo xalal lagu wada qanco ama waxqabad leh.

Xasuusnoow, Diblomaasiyadda waa aaladda ugu weyn ee siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo u taagan hadafyada iyo xeeladaha haga wadashaqeynta dawladeed ee adduunka inteeda kale.

Facebook Comments Box

Waa bare, qoraa, cilmi-baare, iyo hogaamiye fikir iyo aragti xambaarsan oo wax ka dhiga kuliyada dowladnimada iyo difaaca ee Jaamacadda Ramaas 'Ramaas University'. Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Cilmiga Diblomaasiyadda

Waa maxay ‘Persona non grata’ Qof aan dalka laga rabin?

Sida ku cad qodobka 9aad ee Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyaddeed ee dal uu la leeyahay dalka kale ayaa loogu baahan yahay inuu sharaxo go’aanka ceryrinta wakiilka dalka kale ‘persona non grata’.

Published

on


Persona non grata waa weer Laatiin ah oo macneheedu yahay “qof aan la soo dhawayn ama aan la rabin”. Waa erey sharci ah oo loo adeegsado diblomaasiyadda si loo muujiyo in qof ajnabi ah ama diblomaasiyiin aan la aqbali karin ama lagu soo dhawaynayn waddan.

Erayadan ayaa ah erayo aad ula xariira diblomaasiyadda, persona non grata (oo sidoo kale loo soo gaabiyo PNG). Erayadan ayaa tilmaamayo tilaabo toos ah oo ay dowlad qaado, waxay tilmaamaysaa ka saarid ama diidmo qof meel u jooga wakiil diblomaasiyaddeed. Waa cayrinta ugu daran uguna sarreeyso ee waddan kula dhaqmo diblomaasiyiin shisheeye, kuwaas oo si kale loo ilaaliyo xasaanad diblomaasiyadeed. Waxaa loo isticmaali karaa in meesha laga saaro ilaalintooda laguna dacweeyo falal aan ku habooneyn heerka diblomaasiyadeed.

Si aan u fahano waxaan soo qaadanaynaa tusaallooyin wanaagsan:

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ‘Persona non grata’

Sanadka 2019 Soomaaliya ayaa ceyrisay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay sababo la xiriira ‘faragelin arrimaha gudaha Soomaaliya’. Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Nicholas Haysom, inuu yahay qof aan waxbo laga rabin oo ay ula jeeddo, hadda iyo wixii ka dambeeyo wax hawl ah inagama dhexayso ‘Persona non grata’. Go’aankan waxaa si weyn uga xumaaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres.

Laakiin sababta ay Soomaaliya si toos ah ugu isticmaalin weerada ‘Persona non grata’ ayaa ah in caqiidada QM aysan khuseynin persona non grata. Waxaa loo isticmaalaa wakiillada diblomaasiyadeed ee uu dal kale u aqoonsanayo xiriirka labada dal, shaqaalaha Qaramada Midoobay waxay ku shaqeeyaan mas’uuliyadda keliya ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa ka codsatay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu dalka uga baxo “sida ugu dhaqsaha badan” kaddib markii ay ku eedeysay inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha ee dalka. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay Nicholas Haysom uusan ahayn qof aan grata lahayn. Wasaaraddu waxay sheegtay in Nicholas Haysom “aan looga baahnayn oo aanu dalkan ka shaqayn karin”.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kaddib markii ergaygu uu warqad u diray wasiirka amniga gudaha, isagoo su’aal ka keenay sharci ahaanshaha xarigga Mukhtaar Roobow oo horraantii bishii Diseember lagu xiray Baydhabo. Xarigga ay geysteen ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo ay taageerto Qaramada Midoobay ayaa ka dhaliyay dibadbaxyo ka dhacay koonfurta iyo bartamaha magaalada, iyadoo la sheegay in ay sababtay dhimashada 15 qof oo rayid ah iyo xabsiga ku dhawaad 300 oo qof oo u badan carruur sida uu sheegay xafiiska ergayga.

Nicholas Haysom waxa uu ka codsaday dawladda in ay sharraxdo tallaabooyinka la qaaday si looga hortago in ay dad rayid ah waxyeello soo gaarto, waxaanu ku booriyay in “arrinta si fiican loo baarro oo degdeg ah iyo in tallaabo ku habboon laga qaado si loola xisaabtamo dembiilayaasha, oo ay ku jiraan saraakiisha hoggaaminaysa”.

Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Nicholas Haysom uu marar badan sameeyay qaladaad iyo hadalo uu sii daayay isagoo aan kala tashan dowladda. Waxaa ugu dambeesay warqadii uu u diray wasiirka amniga oo uu ula hadlay sidii uu wasiirku ula xisaabtami lahaa.

Mukhtaar Roobow ayaa ahaa ku xigeenka hogaamiyaha Al-Shabaab balse ka goostay kooxda sanadkii 2017. Mareykanka ayaa abaalmarin lacageed oo dhan $5m dul dhigay Mukhtaar. Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa ka mamnuucday inuu u tartamo doorashada hoggaanka gobolka markii uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax, ka dibna xabsiga loo taxaabay. Waxaa lagu eedeeyay inuu dagaal yahano keenay Baydhabo, oo uu taageero ka haysto beeshiisa.

Odayaasha deegaanka iyo shacabka magaalada ayaa si weyn u taageeray ergayga Qaramada Midoobay iyo baaqiisa ku aadan in lala xisaabtamo. Dowladda Federaalka ayaa wajaheysay mucaaradad xooggan oo kaga imaanayay dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo ku aadan ku lug lahaanshaha doorashada maamul goboleedyada ee soo socota.

Eriteriya iyo Kanada ‘persona non grata’

Sanadka 2016, dowladda Kanada ayaa ku amartay ergayga Eriteriya u jooga dalkeeda inuu isaga baxo dalkeeda, kaddib markii lagu eedeeyay inay lacago ka qaadaan muwaadiniinta Eriteriya ee ku sugan Kanada si ay u maalgeliyaan ciidamada Eriteriya.

Qunsuliyada guud ee Eriteriya ee ay ku leedahay Toronto ayaa in muddo ahba dowladda Kanada ku eedeysay in ay waddo lacag uruurin ay u sameysay dowladda iyo ciidamada qalabka sida. Kanada ayaa sheegtay in Semere Ghebremariam Micael oo ah madaxa Qunsuliyadda guud ee Eriteriya ee Toronto, in ilaalo lagu hayay falkan uu sameynayay isla markaana la qabtay.

Wargeyska The National Post ee ka soo baxa dalka Kanada ayaa markii ugu horreysay sheegay sannadkii 2011-kii in Qunsuliyadda Eriteriya ee Kanada ay u shaqaynayso sidii urur dhaqaale oo ka codsanaya muwaadiniinteeda 2% cashuurta dakhliga iyo $300 ilaa $500 oo ah kharashka difaaca qaranka oo laga qaado dadka Eriteriya ee ku sugan Kanada.

Qorshahan ayaa loo arkaa mid sharci darro ah, sababtoo ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa afar sano ka hor cunaqabatayn ku soo rogay militariga Eriteriya, sababo la xiriira xiriirka ay la leeyihiin Xarakada Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Dowladda Kanada ayaa xirtay qunsuliyadda dalkana ka eriday Qunsulka Semere Ghebremariam O. Micael sababo la xiriiriyey dadaalkiisa joogtada ah ee uu u adeegsaday qunsuliyadda si uu ugu xadgudbo cunaqabateynta militari ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka arrimaha dibadda John Baird ayaa sheegay in Mudane Semere Ghebremariam yahay qof aan dalka laga rabin ‘persona non grata, waxaana la faray inuu dalka ka baxo. “Kanada waxay si isdaba joog ah ugu cadeeysay Eriteriya inay ixtiraamto cunaqabateynta caalamiga ah iyo sharciga Kanada,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda.

Qaar ka mid ah dhibanayaasha muwaadiniinta Eriteriya ayaa waxaa warbaahinta Kanada ka soo xigatay in ay qirteen in qunsulka uu ku soo rogay canshuur aan sharci ahayn. “Waa inaad tagtaa qunsuliyadda waxayna kuu habeenayaan sida aad lacagta u bixinayso, waxay rabaan 2%… sababna kuma siiyaan. Waa inaad lacagta bixisa haddii kale qoyskaaga Eriteriya jooga ayaa dhibaato la kulmi doona haddii aad bixin waydo”, ilo aan la garanayn ayaa u sheegay saxaafadda Kanada.

Dowladda Eriteriya si rasmi ah ugama hadlin arrintan balse Mudane Semere Ghebremariam ayaa beeniyay eedeymahaas isagoo sheegay inuu kaliya xogta siin jiray kuwa doonaya inay wax ugu deeqaan ciidamada dalkooda ku sugan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa afar sano ka hor cunaqabatayn ku soo rogay milateriga Eriteriya, kaddib markii la ogaaday inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuwaasoo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida iyo dalalka khal-khal geliya dalalka Bariga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Kenya.

Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadda

Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed ee 1961 waa heshiis caalami ah oo qeexaya qaabka xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya wadamada madaxa banaan. Ujeeddadeedu waa in la fududeeyo “horumarinta xiriirka saaxiibtinimo” ee dawladaha ka dhexeeya iyada oo loo marayo hab-dhaqan iyo mabaadi’ isku mid ah; diblomaasiyiinta shaqadooda iyaga oo aan ka baqayn in la qasbo ama lagu dhibaateeyo dalka ay martida u yihiin.

Axdiga Vienna waa aasaaska xiriirka caalamiga ah ee casriga ah iyo sharciga caalamiga ah waana axdi si caalami ah loo ansixiyay lana dhawray; waxaa loo arkaa mid ka mid ah sharciga caalamiga ee ugu guulaha badan ee hoos yimaada Qaramada Midoobay.

Sida ku cad qodobka 9aad ee Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyaddeed ee dal uu la leeyahay dalka kale ayaa loogu baahan yahay inuu sharaxo go’aanka ceryrinta wakiilka dalka kale ‘persona non grata’.

Qofka wax aan la aqbali karrin lagu caddeeyo waxaa loo arkaa mid aan la aqbali karin waxaana inta badan dib loogu celiyaa waddankiisii hooyo. Xittaa haddii labada dal ay kawada hadlaan xariirka xumaaday sidoo kale waddanka “wuxuu diidi karaa inuu u aqoonsado qofka ay khusayso inuu xubin ka yahay howlgalka diblomaasiyaddeed.”

‘Persona non grata’ waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu eryo diblomaasiyiinta looga shakisan yahay basaasnimo, ama lagu tilmaamay “hawlo ka baxsan hawlaha diblomaasiyaddeed ee loo igmaday,” ama fal dambiyeed kasta oo cad sida ka ganacsiga daroogada. ​

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul