Connect with us

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa Maxay Nidaamka Boqortooyo?

Boqortooyadu waa nidaam xukun oo ah boqor ama boqorad, magaca guud ee loo yaqaano ayaa ah boqortooyo. Boqortooyooyinku waa mid ka mid ah noocyada nidaamka bulshooyinka ugu horreeyay Dunida.

Published

on


Boqortooyadu waa qaab dawladeed oo qofka, boqorka ama boqorada, uu yahay madaxa qaranka inta uu nool yahay ama inta uu ka tagayo xukunka, wuxuuna xukunka ku yimaada qaaab dhaxaltooyo ah, Boqorka inta oo noolyahay ayuu qooska reer boqor kasoo dhaxsaara qofkii xukunka kala wareegin lahaa markii oo dhinto, qofkaasi ayaa noqdo dhaxalsogaha boqortooyada, waa nidaam dowladeed oo qadiimi ah.

Waa maxay Boqortooyada?

Si aan u fahanno Boqortooyada, waxaan u baahanahay faham aasaasi ah oo ku saabsan boqortooyada iyo sida ay u shaqeyso. Boqortooyada uu maamulo boqor ama boqorad waxa uu leeyahay awood buuxda oo saamayn ku leh dadka waxana uu mas’uul ka yahay dhammaan dadka iyo dalka wanaaggooda. Xukunkiisu iyo maamulkiisu waa dhammaystiran yahay.

Boqortooyo kastaa waa inay yeelato boqor, sidoo kale boqor kastaa wuxuu si toos ah u yahay “Sayid”. Sayidka waxaa lagu qeexaa inuu yahay qof leh awood, ama saameyn; sayid ama taliye. Waa sifada sayidnimada. Sida runta ah, boqornimada way ka duwan tahay hoggaamiyeyaasha kale ee aadanaha. Sayidnimadu waxay ka dhigtaa boqorka mid gaar ah.

Boqortooyada waa nidaamnkii dowladnimo ee dunida kasoo jiray mudo qarniyaal ah Ilaa qarnigii 20aad, qaabka ugu caansan ee dawladnimadu waxay ahayd Boqortooyada. Mid kamid ah boqortooyadii ugu waqtiga dheereed waa Cusmaniyiinta waxay soo bilaabatay sannadkii 1299 waxayna soo dhamaatay 1922 waxaana lagu soo afjaray kacdoonkii oo hogaaminaaye Mustafa Kamal Ataturki oo noqday Madaxeynihii ugu horeeyey Jamhuuriyada Turkey 1923.

Boqortooyada Cusmaniyiinta waxay ahayd mid ka mid ah boqortooyooyinkii ugu waaweynaa uguna cimri dheeraa taariikhda adduunka. Inta ugu badan, boqortooyadu waxay ku fidday saddex qaaradood — oo ka soo bilaabantay Balkans-ka koonfur-bari ee Yurub oo dhan Anatolia, bartamaha Aasiya, Carabta, iyo Waqooyiga Afrika. Aasiya Dhexe, Carabta, iyo Waqooyiga Afrika.

Kadib kacaankii warshadaha iyo ilbaxnimadii qeybo kamid dunida ayaa keentay in la qaato nidaamka Dowladnimo casriga (Welfare State) oo ah dowlad shacab u qabato adeegyo sida caafimadka, waxbarashda, aminga gudaha, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqooyin kale, wadamada qaar waxay ka guureen nidaamka boqortooyo sida Faransiiska, Ruushka, Talyaaniga, halka waddama yurub qaarkoodna ay xadideen awoodaha boqorka dastuurkana awoodaha fulineed ugu badan siiyay Ra’isal wasaraha sida Isbeyn, Beljimka, Iswiidhan iyo kuwa kale oo badan. Qaarada Afrika Nidaamnkan Boqortooyo wuxuu ka jiraa kaliya seddex waddan oo kala ah Morookko, Lesotho, Eswatini.

Faa’idooyinka iyo Qaasaraha Nidaamka Boqortooyo

Faa’iidada Nidaamka boqortooyo waxaa kamid ah nidaamka waddanka wuxuu noqdaa xasillooni sidoo kale waxaa yaraado is qab-qabsiga siyaasadeed oo maanta ka jirra dalal badan oo Soomaaliya koow ka tahay, sababtoo ah boqorka ayaa leh marjica go’aanka ugu dambeeyo, haddii doorashada barlamaanka xisbiyada codadka isku dhawadaan oo la waayo xisbi helo aqlabiyada kuraasta barlamaanta, boqorka ayaa magacaabo ra’isal wasaraha si loogu fogaado qalaalaso siyaasadeed xukumada iyo barlamaanka.

Qaasaraha uu leeyahya nidaamka boqortooyo waxaa kamid ah dadka muwadaniinta go’aan ama doorasho kuma lahan cida noqonayso boqor ama boqorad sababtoo ah waxay ku yimaaadaan qaab dhaxaltooyo ah, sidoo kale Miisaaniyada waddanka saami gooni ah ayaa loogu qoondeeyaa qooska boqortooyada, sida qaraska ku baxaayo qasriga boqortooyada, xafladaha qoyska reer boqor. Tusaalle, Ingiriiska xafladaha arooska waxaa loo qoondeeyey ku dhawaad 42 millyan oo dollar sida dhacday sanadkiii 2018 arrooskii amiir Harry iyo xaskiisa Meghan Markle, sidoo kale qarash badan ayaa ku baxo shaqaalaha ka shaqeeyo Qasriga, illaalada qaaska ah ee boqortooyada iyo qaraashad kale. Sida u diiwaan gashan Qaramada Midoobe 43 Waddan ayuu ka jiraa Nidaamka boqortooyo, dowladahaan waxay xubin ka niyihiin Qaramada Midoobe.

Sida ay u kala baxaan nidaamyada boqortooyo

Nidaamkan wuxuu u qeybsamaa labo qeybood oo kala ah: Boqortooyo buuxda (Absolute Monarchy), boqorka ama boqoradu waxay leeyihiin awood buuxda mana jiro sharci ama Dastuur xadiidaayo awoodaha boqorka sidoo kale boqorka ayaa isku ah madaxa waddanka iyo madaxda xukuumada, gollaha wasiirada waxaa si toos ah u magacaabo boqorka, waddankana kama jiraan xisbiyo siyaasadeed.

Nidaamkan boqortooyo weli lagama ilbixin waa midkii qadiimiga ahaa ee lagu soo dhaqmayey qarniyo, madama aysan jirin sharci xadidaayo awoodahiisa boqornimo. Wuxuuna sameenaa wuxuu rabo, waa nidaam boqortooyo oo kigiliis talis ah, tusaalle Sacuudiga, Sultanada Cumaan, Jordan, Brunei, Iswatini iyo kuwa kale ayaa wali ku dhaqmo nidaamka boqortooyo.

Boqortooyo dastuuri ah (Constitutional Monarchy), oo sidoo kale loo yaqaan Boqortooyada Baarlamaanka ama Boqortooyada Dimuqraadiga ah, waa nooc ka mid ah Boqortooyada oo Boqorka ama Boqorada ay ku shaqeyso awooddooda si waafaqsan dastuurka oo aan kaligeed go’aan ka gaarin, boqorka waa qofka waddanka ugu sarreeyo (head of State) sidoo kale Ra’isal wasaraha ayaa ah madaxa xukuumada oo ka yimaado xisbiga helo aqlibiyada kuraasta barlamaanka, sidaas awgeed inta badan awoodaha fulinta waxaa leh Ra’isal wasaraha halka boqorku leeyahay awoodda xadiidan sida ku cad Dastuurka wadanka, tusaalle Nidaaankan boqortooyo waxaa ku dhaqmo Yurub sida boqortooyada Norwey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Iswiidhan, Isbeyn, Beljimka iyo kuwo kale.

Waa maxay nidaamka Boqortooyo ee u goonida ah Midowga Boqortooyada Ingiriiska, Imiraadka iyo Malaysiya?

Midowga Boqortooyada Ingiriiska waa nidaam boqortooyo oo federaali ah waxayna ku mideysan yihiin afar boqortooyo gobolleed oo kala ah England, Weles, Scotland, iyo Woqoyiga Ireland, waxyaabaha u goonida ah boqorka U.K waa inuu yahay madaxa ugu sarreeyo ee waddanka (head of state) sidoo kale wuxuu ugu sarreeyaa illaa afar waddan oo kala ah Kanada, Australiya, New Zealand , United Kingdom, sidoo kale boqorka Ingiriiska wuxu awood u leeyahay inuu kala diro baarlamaanka Australiya, sababta keentay waa in Ingiriiska markii uu gumeysanaayey Austaliya iyo Zew Zealand wuxuu baabi’iyay dadka asalka ahaa wuxuuna meeshaasi ku beeray dad uu kasoo daad gureeyey waddankiisa oo maraakiib ayuu kusoo daldalay. Maanta la jooga dadka ugu badan labadaasi waddan waa British, sidoo kale calamadooda waxaa qeyb kaga dhegan calanka Ingiriiska.

Imiraatka Carabta waxaa jiro nidaam boqortooyo u gooni ah, waxaa ka jirto toddabo dowlad goboleed oo midkasto leeyahay boqortooyo u gooni ah, dowlada federaalka waxay ku dhisan tahay saami qeybsi, Boqorka Abu-Dhabi ayaa ah Madaxweynaha waddanka, sidoo kale Boqorka Dubai ayaa ah Ra’isal-wasare ahna Madaxweyne ku xigeen, sidoo kale Gollaha wasiirada waa lagu saleeyey saami qeybsiga toddobada dowlad goboleed.

Boqortooyada Malaysiya waxaa ka jirto nidaam u qaas ah, waddanka waxaa ka jirto sagaal dowlad goboleed midkasto wuxuu leeyahay boqor u gooni ah, boqorka federalka waa wareegto 5 tii sanno waxaa boqor noqdo mid kamid ah boqorada dowlad goboleedyada, boqorka gobolka asigoo xilka haayo ayuu noqdaa Boqorka federralka wuxuu isku hayaa labadaasi xil tusaalle hadda boqorka gobolkaa waa Johar sultan Ibrahim ayaa ah Boqorka guud ee waddanka, boqorka Federaalka marka wakhtiga shanta sano ka dhammaado ayuu 40 sanno kadib kusoo labanaa inuu boqor noqdo siddeeda kale ee soo hartay ayuu kiiba shan sanno u tirinaa.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa dhaqaalaha, cilmiga bulshada iyo maamulka dadweynaha. Qoraaga wuxuu cilmi gaar ah u leeyahay maamulka dadweynaha, sharciga iyo qaanuunka. Wuxuuna shahaadada heerka koowaad ee bachelor degree ka haystaa Maamulka Dadweynaha iyo darajada labaad ee Master Degree-ga Maamulka Dadweynaha (Master of Public Adminstration). Qoraaga wuxuu wax ka qoraa maamul-wanaagga, arrimaha horumarinta bulshada, dhacdooyinka ganacsiga, sida loo xallin lahaa dhibaatooyinka federaalka iyo sidda federaalka looga hirgelini lahaa Soomaaliya, illaalinta deegaanka, kordhinta xasiloonida deegaanka iyo wax walbo oo ay ku horumari karto bulshada.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Nibirowga Dhititaalka: Qalaalasaha digitaalka iyo loollanka caqlaaniga ah

Waxaa qoray : Alexander Voin

La baahiyay: 11 Abriil 2023

Turjumay: Maxamed Xasan Maxamed

Published

on


Waxaa qoray : Alexander Voin

La baahiyay: 11 Abriil 2023

Turjumay: Maxamed Xasan Maxamed

Nuqulkii ama Qaybtii kowaad:

Beryahanan adduunka, falanqeeyayaasha qaar waxaa ay si dareen leh oo aan xinjireysnayn uga hadlaan ama ay wax uga qoraan Nibirowga “weynaanta” (Digital Leviathan) ku yimid ama ku timid dhigitaalka ama aan yiraahdo Aaladowga guud (Total Digitalization), sidoo kalena macmalaynta ama gacan-kusamayska maskaxeed, ama aan guud ahaan yiraahdo addooneynta aadamaha iyo uu beddelidda maqaar-saar la safan nolosha aaladowday (Computerized).

Haddaba asalka ereybixinta “Leviathan”, waxay ka soo farcantay sheeko xariiro lagu xusay buugga Yuhuudda ee “Biblical Judaism”, sheekadaas oo ka warramaysay noole-badeed saddex indhoole ah oo doomaha isbaarro iyo hagardaamooyin ku waday, weynaantiisunna ayna jirrin noole la babac-dhigi karaayay, weynaantiisa darteed. Waqtiyo kadib, waxaa eraygas isticmaalay, Thomas Hobbes, si uu ugu calaamadeeyo ama uu saadaaliyo xeerarka maamul ee ka koreeya dhammaan itaalka aadamaha ee jirsan doona, qarniyada xiga waayihiisi.

Waayahaso aanu haatan dhaadi karno, lana jirsanay, doonayana inaan ku fahfaahiyo inbadan, maxaa yeelay arrinkan waa mid uu baahan fiiro iyo danayn gaar ah, sii aannu uga hortagno dhaxalka rasmiga ah ee uu keensan karo waayaha Dhigitka ah ama Aaladeysan.

Laakiin iyadoo ay jiraan codadkan iyo yeermadaydan carradu ku dheehantahay, haddana nibirowga ama weynaanta ku imanaysa dhijitaalku wuu sii fidaaya oo awoodduu waxay ku baahaysaa arliga. Waxaa ay saamayntanii muuqatay, doorashadii Maraykanka ee ugu dambeysay, kadib markii Donald Trump laga xannibay Twitterka, taaso maxsuulkeedu uu ku dambeyay ku guuldarraysigiisii doorashada oo uu waayey Joe Biden dartiii. Waxaa farrin cad noqotay, haddii aadan ku dhex jirrin Aaladda baahineed iyo Tiknoolojiyadda, ugu yarraan jirritaan kuma lihid saaxadda weyn ee Siyaasadda iyo Nolosha wadarowga ah ee bulshada. Warbaahinta aaladeedna waxay gacanta ugu jirta Google, Meta, iyo Twitter ama aan yiraahdo Nibiriga koraaya ee aan la dhaadanayn. Ruushkanna, inkastoo dawladda hadda jirta ee Putin garwadeenaayo ay guud ahaan weerarto qolyaha xorriyiinta ah (Liberals), haddana taliska ama hoggaanka xor-doonku way sii xoojiyaan saameyntooda bulsheed ama aalad-baahineed ee ka dhanka ah fikirka qaysariyadda casriga ah (New-Tsarism) ee laga dhaxlay Qaysariyaddii duntay ee qarnigii horre.

Haddaba aan weyddimahaan is weyddiino:- Maxay tahay awoodda ama xoogannanta “Nibiriyowga Dhiijitalku ” (Digital Leviathan), ee tarmaaya, sidoo kale qaabke ayaa loo cayimi karaa (Halkaan kagama bannaana inaad si buuxda uu durtid, tanni looma baaahna, see uu janjeerii xagal kale oo loo qaadi karo mas’aladan, qaabkee, se qaabkee!!!. Haddaba si’aad uga warcelino weydiimahan, waa laga marmaan inaan ka soo bilawno, kaliyaata maaha dhalashadii “Cybernetics’ka”, see waqtigii horumarineed ee ka horreeyey waqtigaas.

Soo muuqashada ” Cyber’iyaddu ” ama aan iraahdo casriga Aaladoobay, inta aanay alkuman, waxaa ka hordhacay xaalad qalaalaase oo caqlaanii ahayd oo sii caalami ah ama guud loo aaminsanaa, taaso ku timid qaab dhaxaleed oo ay keensatay Caqlaaniyaddii Kalaasikada ahayd ” Classic Rationalism ee ka timid deekaarta, baaskal, bakkoon ee ay ku banbaxday ilbaxmimadii Yurub ee Iftiiminta.

Qalaalasahan waxaa keensatay soo-jeedino iyo baahin qaldan oo ku saabsannayd caqlaaniyadda, sii cayimanna looga jeedo dhamaystiranka ama aaraad-la’aanta sayniska ama guud ahaan cilmiga sayntifiga ah. Qalalaasahaas waxaa sabab u ahaa qodobo qar-iskatuur ah, oo ka mid ah caqlaaniyadda oo ah aarad-tirka sayniska, gaar ahaan, fikradda ah in cilmigu aanu waxba beddelin mar alla markii aqoonta la helo, balse uu wax cusub ku soo kordhiyo. Taaso looga jeedo in dhaxal walba oo sayniseed oo mar la alkumay in aannu lahayn iinno iyo tabnaan, taaso horseedii karta maxsuul walba iyo faham walba oo uu keensado saynisku in aannu qalad ka iman doonin oo uu heerka buuxda ee aqooneedna uu yahay, dhalanteedka iyo male’awaalkanna uu ka dheeryahay.

Qaladaadkannii waxa ay soo shaac baxeen ka dib markii ay soo baxday aragtidii Albert Einstein ” Nisbiyadu “, kadib markii ay caddaatay (caddaysay) in qaar kamida aragtiyihii Newton ee kala ahaa (Absolute time) iyo (Newton mechanics) ay dhab ahaantii ahayeen Nisbi (Relative), iyadoo la tixraacayo qaacidooyinkii Galileo iyo sidoo kale foormulooyinkii Lorentz’s.

Marka Dabadeed caqli-galnimadii ama caqlaaniyaddii bulshadii reer galbeedka waxa beddeshay saameyn ku yeelatay Nisbiyadii casriga ahayd ee uu alkumay Albert Einstein, taaso ah fahan ama aan yiraahdo caqiido ku dhawaaqaysa in aanay jirin xaqiiqo buuxda oo meel ka jirta ama loo gaaryeeli karo, qof kastaana uu leeyahay run ama xaqiiqo uu gaar ah, sidaas darteedna wax walba waa Nisbi (Relative), ha ahaato akhlaaqda, qiyamka, diimaha, aaminaadda iyo wixii lamida ah.

Markii ugu horeysay waxaa ay qaabeysay oo ay furdaamisay aragtida guud ee aqoonta (Theory of knowledge, Nisbiyada Ahaanshaha (ontological relativism), Nisbiyada Luuqadeed (Linguistic Relativism), Saamayn-dambeed (post-positivism). Intaa sooyaalka lagu hayanna wadajir uga qayb qaatay furdaaminta mawduucydan, ragga kala ah (Quine, Kuhn, Feyerabend, Sapir iyo Whorf, Popper, Lakatos, Bachelard, iyo qaarkale).

Dhammaan afkaartan iyo mawjadahanii waxay beeniyeen karaarka iyo awoodda sayniska uu leeyahay furdaaminta iyo alkumida aqoon dhab ah oo la isku halleyn karo. Waxaa xigtay guud ahaan falsafadda oo iyadu ka hadasha wixii suurre ah oo la malayn karo, kuna dhisan caqli-galnimada. Iyada laf ahaanteeda qaybo kamida, oo Jirraalka ah (Existentialism), Kasmo-nafeedka casriga ah (Modern-Psychoanalytic), iyo ” Freudianism ” oo ah goos yar oo kamida aragtiyihii Sigmund Freud, waxay dhammantood si haleel ah lid ku yihiin ama been ku tilmaameen, in qofku uu dhaqmi karo qaab caqlaanimo ah, maxaa yeelay hooseynta nafeed ee aadamaha, uu hagarbaxa dareemadiisa iyo ta ugu daran ee ah tamarta beerran ee is-dhallaan-rogaysa. Waxay dhammaan tilmaamahaasii ka dhigaysa shaqsiga iyo guud ahaan bulshada, kuwo la sababeeyo dareemadooda. Ugu dambeyn tannii waxay laf-ahaanteedu dhiirigelisay bulshooyinka ka guud ahaan, iyadoo ugu timid qaabab ah, afkaar-dhawaan dhalad oo la isku raaco, qaab aaminaad oo mabda’aysan iyo qaab anshaxeed.

Kacaankii jinsiyeed ee galbeedka

Guulihii kacaanka jinsiyeed (Sexual revolution 1960’s) ee ka dhacay galbeedku, waxay sababeen dhaqan-tuur ama aan iraahdo dhaqan-doorin dhan walba ah, ha ahaato dhanka anshaxeed, mabda’eed iyo dhanka dhaqan-dhaqaale.

Dhibtuu intaas kuma aysan ekaanin, ee waxaa ay uga gudubtay in meesha laga saaro dhammaan wax walba oo laga dhaxlay jiilashii Kacaankii Iftiiminta, sidoo kalena dhammaan fahannadii iyo afkaartii kala duwanayd ee ku tilmaamnayd dhamaystirnantuna, ee ay jiilashaasii horumariyeen iyaganna daaqadaha aya laga tuurshay. Macnihii Gacaltooyada iyo Jacaylkunna wuxuu noqday, kaliya wax dareen ahaan iyo jir-ahaan looga faashto.

Hiigsiga iyo ajandihii 1960 iyo 70-meeyadii ee Modernism-ka iyo Postmodernism-ka ee beddelay dhaxalkii fikir-bulsheed iyo dhaqameed ee galbeedkii hore, waa kaliya raadinta guul iyo habow maaddii ah iyo raaxo jinsiyadeed oo haqabtirta doonista jiilashan galbeedka ah ee nool qarnigan 21aad. Xaalladanii habowga ah, waxa ay horre uga dhacday boqortooyadii roomaanka markaas qarka uu saarnayd burbur. Waxa kaliya ee ay ku kala duwan yihiin labadan ilbaxnimo ayaa ah in hadda fikradaha iyo qiyamka la sheegay ama jira in si cilmiyeysan loo caddeeyey (Loo marsiyay/ sharciyeyn) oo la daraaseeyey, see jiilashii roomaanku, aannay tammartaasi ka jirrin.

Haddaba, haddii sayniska uusan awoodin inuu si kalsooni leh wax uu caddeeyo ama uu falkeeyo, kaliyaa waxaa la oran karaa dhammaan fikradahan sare waa heshiis uun ama uumi ama arrin moodada ah.

Shucuubta qaarii waa hal ama aan yiraahdo waa hal qoomiyad oo sidkan, isku af ah, halka kuwa kalena ay noqon karaan qaar kala duwan oo kala mab’aaddii duwan, waanna ay adagtay in la kaso ama la garto kooda fikirkoodu saxanyahay, ama kooda fikirkoodu uu horusocod yahay, welina inagoo og in aanay fadhiid ahayn, oo ay tarmayaan, qolya kale oo iyaga kamid ahna ay dhaxlayaan iyaga!.

Waxaa kaliya ee ka bini’aadam ahaan nala siiyay ayna tahay inaanu ogaanna, waa dareenka iyo fahmidda. Hadafka guud ee aadamahunna waa horumarinta wax walba oo ka qayb qaadanaya tamashleynta dareenkiisa iyo naftiisa iyo haqabtirka baahiyihiisa. Tannina waa mid loo sakhiray, in loo cayimanna waa gef iyo bini’adam darro. Tanina waa xuquuq muqqadas ah oo uu qofku iyo aadamuhu leeyahay, waana mid bani-aadminimada ku jirta inuu ku dhaqaaqo.

Isla mar ahaantaana, inkasta oo ay jirto khalkhal iyo dhibaato caqlaaniyadeed, haddana sayniska dabiiciga ihii waxaa uu horumarayaa sii aan loo aabbo-yeelin, sayniska iyo teknoloojiyadduna waxay aasaas uu noqdeen dhammaan qaab-dhismeedka maaddiga ah ee waayahan jira, waxaa ay dhanka kale ka qayb qaateen abuuranka dhibaatooyin hor leh: waxaana kamid ah wasakhowga hawada, masiibooyinka dad-same’ga ah, iyo ta ugu muhiimsan ee ah in ay nuglaatay dayacananta ku imannaysa xiriirada bulshada iyo gacalka. Sidoo kale waxaa adkaansho uu ku yimid loollankii ay maamuladuu kala hortagi jireen dhibaalaha bulsheed ee soo ifbaxa.

Burburka anshaxeed ee bulshada

Maxaa ka sii daray oo aannu ka xusii karna, habraaca aan kor ku soo xusnay ee ka hadlaaya burburinta anshaxa ee bulshada lagu haayo. Cilmiga aadanaha iyo culuumta bulshada kuwaas oo, aragti ahaan xal uu noqon karaayay dhibaatooyinkan cusub ee ay ina dhaxalsiisay casrigan tiknoolojiyaddu, waxay gebi ahaanba noqdeen kuwo aan awoodin inay la loollamaan casrigaan eedaadkiisa ee uu garwadeenayo tiknoolojigu. Natiijo ahaanna, fawdo anshaxeed ayaa ka kacday dalal gaar ah, guud ahaana waa ku sii siqaysaa adduunka. Waxaana isla ammintaas, markaas goobaha loollanka soo dhex mushaaxay, Aalladdan aan qoraalkayga ku xusay, ma kasii karta!.., Waxaan fili karnaa inay tahay awoodda lagu xallin karo ugu yaraan qaar ka mid ah dhibaatooyinkaas. Tani waxay u ogolaatay guud ahaan, hoggaamiyayasha dijitaalka (tusaale ahaan Jack Dorsey, Sundar Pichai, Mark Zucker….), in ay miisaan ku yeeshaan bulshooyinka iyo afkaartooda, isla markaanna ay bilaabaan inay sheegtaan xukunka iyo gacan-ku haynta xogta iyo talada adduunka oo dhan, iyaga oo heerka qofka uu leexinaaya (hooseyn) wax lagu magacabo shaqsiyadda “digit” ka ah , si loo xakameeyo, kaliya maaha ficillada qof kasta, laakiin xitaa fikradihiisa iyo dareenkiisa.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Taariikhda Madow ee Reer Galbeedka: Aragtiyo iyo shirqoolo la maleegay

Filimaan iyo kartoono lagu xumeenaayo Muslimiinta.

Published

on


Waxaa jira aragtiyo badan oo shirqool ah oo aan la hubin oo leh heerar kala duwan oo baahsanaan iyo caanka ah dadweynaha. Baaxadda ay leedahay waxaa ka mid ah meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin qorshayaasha dowladda sirta ah, shirqoollada dilalka qorsheysan, qarinta siraha farsamada iyo qorshayaal kale oo badan oo sharraxaya dhacdooyinka taariikhiga ah oo aan guud ahaan loo tixgalin inay la mid yihiin aragtiyaha la xaqiijiyay sida shirqoolkii Nazi-ga ee ahaa inuu qabsado Poland xilligii dagaalkii labaad ee adduunka.

Aragtida shirqoolka waxa ay ka hadlaysaa kooxo maamula dawladaha, warshadaha, iyo ururada warbaahinta ee adduunka oo dhan. Qalabka ugu muhiimsan ee ay u isticmaalaan inay ku maamulaan waddamada waa nidaamka bangiyada dhexe. Waxay maalgaliyeen oo xaaladaha qaarkood ay sababeen badi dagaalladii waaweynaa ee 200 oo sano ee la soo dhaafay, iyagoo qaaday weeraro been abuur ah si ay u huriyaan firqooyin iyo in ay dadka ku riixaan in ay isu soo baxaan ujeedooyinkooda.

Waxayna xulafadooda u horseedaan jagooyin sare si ay u gaaraan hadafkooda. Rumaystayaasha ku jira aragtiyaha shirqoolka adduunka cusub waxay aaminsan yihiin in ragga ugu muhiimsan ay yihiin Nidaamka Kaydka Federaalka, xubnaha Golaha Xiriirka Dibadda, Guddiga Saddex-geesoodka ee Masuuniyada, iyo Kooxda Bilderberg Hawlgallada qarsoodiga ah waxa loo yaqaan [False flags] calanka been abuur ah, waana hawlgallo ay fuliyaan dawlado, hay’ado iyo ururo si qarsoodi ah u fuliya, iyadoo la moodo inay qolo kale fulisay. Qaar ka mid ah hawlgalladan waa la xaqiijiyay, halka kuwa kalena ay yihiin kuwo qarsoon.

Tusaalle ahaan, sannadkii 1933-kii, waxa shuuciyada lagu eedeeyay inay gubeen baarlamaanka Jarmalka, kaas oo Naziga Jarmalku u adeegsan jiray ciribtirka shuuciyadda, si kastaba ha ahaatee, 2001 afar taariikhyahan oo Jarmal ah ayaa caddeeyey in Naasiyiintu ay fuliyeen hawlgalka iyada oo qayb ka ah qorshaha calanka beenta ah. Waxaa jira qaar weli ka soo horjeeda aragtidan.

Mid ka mid ah hawlgallada ugu caansan ee been abuurka ah dhismayaasha Ruushka ama Russian apartment 1999, qaraxyadii dhismaha ee Ruushka Jeejniyaanka ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen howlgalka, balse aragtida shirqoolka ayaa ku eedeysay sirdoonka Ruushka in ay fuliyeen falkaas, taas oo dhalisay dagaalkii labaad ee Chechnya.Waxaa jiraan fikrado badan oo shirqool ah sida, ganacsatada hubka injineerada dagaalada u dhexeeya dadyowga. Waxaa jiraan sido kale eedeymo ah in qaar badan oo ka mid ah dagaallada lagu iclaamiyo sababo qaran ama kuwo bini’aadantinimo ay dhab ahaantii yihiin kuwo lagu xakameynayo kheyraadka dabiiciga ah iyo arrimaha ganacsiga Dagaalkii Falkland Dadka qaar ayaa u haysta in sababaha dagaalkan uu ahaa mid siyaasadeed oo ay soo dadajisay dowladdii milateriga ahayd oo ay la soo gudboonaatay dhibaato dhanka dadweynaha ah oo ka dhalatay dagaal si ay shacabka uga jeediso fashilinta siyaasaddeeda.

Dagaalkii Falkland (Guerra de las Malvinas) waa dagaal aan la shaacin oo ka dhex qarxay Argentina iyo Boqortooyada Ingiriiska 1982-kii kaas oo ka dhashay laba dhul oo Ingiriis ah oo ku yaal Koonfurta Badweynta Atlaantigga: Jasiiradaha Falkland iyo dhulalka Koonfurta Georgia oo ku darsaday Koonfurta Sandwich. Dagaalladii Khaliijka Aragtiyo badan ayaa faafiyay in dagaallada uu Maraykanku ka bilaabay Ciraaq ay sabab u yihiin balaarinta siyaasadeed iyo la wareegidda shidaalka iyo wadankii ay ka heleen shidaalka “Dagaalka ka dhanka ah Islaamka” waa aragti mu’aamarad ah oo jirta oo qeexaysa shirqool lagu dhaawacayo ama lagu burburinayo nidaamka bulshadeed ee Islaamka.

Filimaan iyo kartoono lagu xumeenaayo Muslimiinta

Dagaal dhan walba ah ayey reer galbeedka nagu soo qaadeen sida muqaalo caadi ah, mid filim ah iyo muqaalada kartoonka musalsalada ay soo saaren shirkada Marvel sida musalsalka mss Marvel waxaa waday jilaayad u dhalatay dalka Pakistan Kamala Khan in ay tahay geesiyadii ugu horaysay ee Muslimad ah ee ku biirta Marvel Studio Waxayna kasoo muuqatay musalsalka Mss Marvel sida ay ku jilayso filimkan gabadhan waxay ka dhalatay qoys Muslim ah oo Pakistani ah oo ku nool Maraykanka. Kamala waxay jeclaanaysa waxa loogu yeero [super hero] ehelkeedana waxay u diidayan in ay aado habeenkii xafladaha ka dibna way ka tagaysa guriga waxayna aadaysa xaflad waxayna jeclaanaysa qof aysan isku diin ahayn, sidee gabar Muslimad ah ay u jeclaanaysa qof aysan isku diin ahayn waana farriin kale oo muujinayso fikrahaha ay rabaan inay ku faafiyaan Muslimiinta reer galbeedka.

Laakiin waxaan nahay dad diintooda jacel sido kale filimkan waxaa xooga lagu saaraya xuriyada dumarka qeybta koowaad musalsalkan wax dhibaato ah malahan laakiin qeebta labaad waxaa lagu soo muujinaya ihaano loo gaysanaayo Muslimiinta, waxay dhex fadhiyaan masjidka khudbad ayey dhagaysanayan dadka masjidka ku jiro hadana isla kuwa jiro masjidka oo iska isticmaalaya teleefoonka waxaa la leeyahay Snapchat haku isticmaalin masjidka iyadana waxay leedahay waa Instagram maxay tahay farriintan iyo in muqaal noocaan in ay baahiyaan.

Waxyaabaha la yaabka ah waxaa ka mid ah Kamala ayaa ku leh saaxiibadeeda masjidkan waa wasakh aan nadiifino wax kale ma waayeen oo ay filimka kusoo daraan maxay u doorteen wasakhda masjidka in ayku soo qaateen waxay u hadlayan in ay naga jecel yihiin diinteena waa fariin kale oo muujinayso dagaalka ay nagula jiraan reer galbeedka musalsalka mss Marvel markii ay soo aadan qeybta kabaha masjidka Kamala Khan saaxibadeeda kabaheedii ayaa la xadaya waxay leedahay gabadha 22 mar ayaa sidaan oo kale kabaha la iiga xaday farriin kale oo tuuganimo ah miyay waayeen oo ay ku soo dhex dareen Musalsalka mss Marvel waa dagaal lagula jiro diinta Islaamka waxayna ka dhigayaan in masaajida sidaan oo kale kabaha loogu xado.

Haddii aad u fiirsato filimada reer galbeedka ay soo saareen ma arkaysid iyagoo wax xumaan ah ka faafinaayo kaniisada waxayna ku muujiyaan kaniisada inay nadiif tahay tuugana aysan lahayn. Dagaalka intaasi kaliya kuma eko musalsalka Family Guy ee kartoonka ah xalqada magaceeda waa Santa killed by Muslim Stiwe ayaa leh aabe ma Muslimiinta ayaa dileen santa oo maxaa iska galay santa iyo Muslimiinta farriinta ayaa u muuqata Muslimiinta waa dad dila dadka waalidiinta.

Haka war haayaan awlaadooda kartoonada ay daawadaan waxaa ku jiraan farriimo leh qataro aad u wayn isla Family Guy Pretty Joe Cleveland waxay aadayan dhanka baska u qaada dadka airportka laakiin baska inta aysan korin wuu qarxaya waxaan kasoo dagaayo nin leh gar kaaso iyaga ku dhahaayo wuu wanaagsana codka aadna wuu u dheeraa qofka kasoo dagay waxay ka dhigayaan nin Muslim ah kaaso ku faraxsan qaraxa dhacay.

Sidoo kale Cartoonka Rick an Morty kaaso la rabay in loogu gafo Nebi Maxamed SCW Shakhsi ayaa hees qaadaayo isago oo dhahaayo Maxamed. Laakiin marka uu ku dhawaaqo erayga Maxamed way wada qoslaayaan – maxay ula jeedaan sababta keentayna maxay tahay waa farriin cad oo muujinayso cadaawada ay u hayaan Rasuulka SCW iyo ummada Islaamka. Simpson qeyb ka mid musalsalkan Marjorie Simpson ayaa waxay leedahay ‘waxaan filayaa in aanay jirin cid miiskan joogta oo runta noo sheegaysa mid waxa u qarsoon ayuu soo bixinaya midna waxa aan u qarsanayn ayuu dib u qarinaya laakiin Simpson Ayaa wuxuu wataa buug ama kitaab kaas uu ku qoran yahay Quraan wuuna qarinaya yacnii waa fariin kale taaso muujinayso Nacaybka ay u hayaan kitaabka Quraanka. Family Guy qaybo ka mid ah musalsalkan waxay kusoo darayan meel ka mid ah Afgaanistan waxaana hadal jeedinaayo Usaama bin Ladin sida loo sameeyay kartoonka Family Guy Laakiin Ramadaan ayuu ku jeesjeesayan eray ahaan ama qaab aan wanaagsanayn ayuu u leeyahay. Ramadaan Muslimiinta bisha Ramadan aad ayey u jacel yihiin waana bishii uu soo dagay Quraanka kariimka ah.

Waxayna ogyihiin in aan jacel nahay bisha Ramadaan. Dagaal ay adag tahay in ay fahmaan Muslimiinta ayaa dhan walbo ka socda waxaa ka mid ah filimada aan daawano kuwaaso Muslimiinta farriin ahaan loogu diro caalamka Hindida iyo reer galbeedka waxay nagu hayaan dagaal kiisa ugu xumaan sido kalena lagu sumcad dilaayo. Muslimiinta waxaan la yaabay maxay u isticmaalan magacyada Cabdulkhan Samir Khan iyo magaca Khan Hindida, Sidoo kale Hollywoodka iyagana waxay soo saaraan filimaan kuwaaso ayku jilayaan wax dhacay ama wax aan dhicin laakiin maxaa sababay inay adeegsadaan magaca Maxamed iyo magacyo kale oo Muslimiinta ay leeyihiin maxay u dooran waayen magacyo kale kuwa ku jilaayo qaabka askareed Bollywood ka iyo Hollywood ka maxay inta badan usoo gudbiyaan askari Hindi ama Maraykanka ah kaaso ka naxaayo gabar Muslimad sida iyadoo la kufsan rabo ama la dili rabo una dhimanaayo darteeda. Qaabkaasi ayey ku muujinayaan wax ku saabsan insaaniyad laakiin maxay Ciraaq ka gaystaan ciidamadii Maraykanka ahaa ee galay Ciraaq, Afgaanistan.

Kufsi, dil wadareed, dilal kuwii ugu foosha xumaa 2003 markii Maraykanka ay galeen Ciraaq waxaa ku dhimatay 100 kun oo qof Hindidana iyagana waxay ka gaysteen Asaam Kishmiira dil, dhac, kufsi. Masaajida muslimiinta oo la gubo barakacin waxayna filimada ku muujiyaan insaaniyad ay soo qoreen laakiin aan ahayn mida saxda ah oo ay ku soo gudbiyaan muuqaallada ay jilaan.

Maxaa sababay nin Muslim oo dukanaayo in uu agtiisa maro nin kale oo Muslim ah halka askariga Hindiga uu leeyahay qofkaani waa Muslim salaada ha dhamaysto oo ma agmaraayo sidee ayey u muujiyeen iyago Hindiya ku gumaaday Muslimiin aad u badan Masaajida Muslimiinta gubay aadankana diiday, xijaabka diiday, maxay u keeni waayen filimaan loogu hiilinaayo muslimiinta masaajidaasi muslimiinta cida gubayso Nacaybka lagu hayo muslimiinta Xibsiyada mayalka adag ee ka jiraan hindiya Maxay ugu sameen waayen filimaan waxyaabahaasi looga hadlaayo Ma og tihiin. kufsiga ay gaysteen ciidamadii maraykanka ahaa ee qabsaday jaban Gobolka Okinawa Mareykanka waxay ku kufsadeen gobolkaas haween badan dagaalkii Okinawa, Japan 1945, 1,336 oo kufsi ayaa la dii waan galiyay waliba tobankii maalmood ee ugu horeysay ayey kufsadeen tirada dumarka intaasi la ek askartii maraykanka Isla waqtigaana waxaa lagu lee yahay waa dowlad aduunka ku hogaaminaysa sinaan cadaalad iyo sheegida waxa ay ugu yeereen xuquuda dumarka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Taariikhda Madow ee Reer Galbeedka -Duullaan aqooneed iyo fikradeed

Duulaanka caqliga waa hubka ugu foosha xun ama ugu awooda badan ee duullaan la qaado, duullaankani wuxuu dhisaa oo burburiyaa ummadaha. Duulaanka aqooneed waxa lagu tiriyaa inuu ka khatarsan yahay kana qoto dheer yahay duulaanka ciidamada.

Published

on


Dunida Islaamka maanta waxaa lagu hayaa weerar ba’an oo ay reer galbeedku ku hayaan, kaas oo ka soo gudbay dhinac kasta sida diinta, siyaasad, dhaqaalaha iyo mid dhaqan waxaa duulaan siyaasadeed lagu qaaday kacdoonadii Guga Carabta, iyado faragelin qaawan lagu sameeyay go’aan gaar ah oo madax banaan oo lagu sameeyay dalalkii kacaanka Carabta illaa heerarkii afgambiga millatari iyo duullaan ciidan oo lagu qaaday waddamo Islaam ah, iyo khatarta duullaanka ka dhanka ah waddamo kale xilli ummaddu ay la ildaran tahay tabar darri iyo kala daadsanaan.

Kacdoonadii Carabta (Gugii Carabta)

Iyadoo ay ka dhex jiraan khilaafyo siyaasadeed, iyo mid dhaqaale qofka arrimahan u fiirsada waxa uu arkayaa in xaaladda daciifnimo iyo tafaraaruq ee ummaddu ku habsatay qayb weyn oo ka mid ah ay sabab u tahay duullaanadii balaarnaa ee reer galbeedka. Duulaankani waxa uu doorkiisii wax ku oolka ahaa ka qaatay marin habaabinta bulshooyinka khiyaamaynta, hufnaanta, leexinta iyo qalloocinta xaqiiqooyinka, kacdoonadii Carabta ka dhacay sida Liibiya, Masar, Suuriya iyo Yemen waxaa sii toos ah loo abaaray cid walbo isku kibirsiisay reer galbeedka waxaana kow ka ahaa madaxweynihii Liibiya Muammar Qadaafi oo xukunka laga tuuray si shacabka Liibiyanka nolosha iyo burwaaqada ay ku jiraan loogu saarro. Waxaana shacabka Liibiya loo meeriyey been ay ka shalaayeen illaa iyo maanta. Waxaana lagu yirri waxaad heli doontaan xorriyad, caddaalad bulsho iyo nolol hufan.

Yemen kacdoonadii ka jiray ugu dambeen dhulkii Yemen bar waxaa gacanta ku dhigay kooxdii Xuutiyiinta. Dagaalka sokeeye ee Yemen ayaa billowday bishii Sebteembar 2014 markii xoogagga Xuutiyiinta ay la wareegeen magaalada caasimadda ah ee Sanca, waxaana xigay dagaal degdeg ah oo ay Xuutiyiintu kula wareegeen dowladda.

Suuriya wali waxay ku jirta gacanta Bashaar Al-asad oo Shiica sidoo kalena taageero xoogan ka helayso Iiraan, Ciraaq xukunka waxa gacanta ku hayo Shiicada oo iyadana taageero ka helayso Iiraan taaso cadeen u ah reer galbeedka in aysan Rabin xukunada madaxda aan jecleen ìyaga sida uu yirri Wasiirka Arimaha Gudaha ee Faransiiska Gérald Darmanin

“argagixisada Islaamka Suniga ah waa khatarta ugu wayn ee Faransiiska iyo Yurub”

wuxuuna intaas ku daray,

“khatarta ugu wayn ee iyaga iyo reer Yurub haysata inay tahay argagixisada Islaamka Suniga ah”

Saddaam Xuseen waxay rabeen markii ay ridaan in ay ku badalaan Dhaariq Casiis kaaso ay wateen Ingiriiska sida ay iyaga sheegeen. Madaxweynihii Masar Maxamed Morsi waxaa lagu beddelay Cabdifataax Al-siisii. Madaxweynihii Liibiya Muammar Qadaafi waxay beddelkiisa geliyeen Xaftar Cali. Madaxweynihii Yemen Cali Cabdalla Saalax waxay ugu talla galeen marka ay ka tuuran xukunka kooxda xuutiyiinta in ay u dhaafan xukunka Yemen, iyagoo ujeedkoodu yahay in Yemen xaaladaasi aysan ka bixin illaa heer la gaarsiiyo halka ay Soomaalida gaartay maanta oo ah inay dhibaatooyinka iskala qabsadaan oo aysan waxbo qabsan karrin la’aanta reer galbeedka.

Dhammaan madaxdii xukunka laga riday waxay wada ahaayen Suniyiin. Bilowgii kacdoonada hadda iyo ka horaba dhallintu waxay sabab u tahay dib u dhaca ama horumarka ummadda, taas oo ay ugu wacan tahay soo gelitaanka dhaqamada reer galbeedka ee ka shaqaynaya burburinta bulshada, tirtiridda akhlaaqda wanaagsan, balwadda filimada xunxun, iyo faafitaanka ifafaalada guracan.

Sababta ugu weyn ee ka danbeysa in reer galbeedka ay weeraraan oo ay beegsadaan dhalinyarada ayaa ah in maskaxda dhalinyarada xilligaan jirra ay saameyn ku yeelato wax walba, haddii ay aragto waxaa lagu qancin karaa fikradahaas, siyaabaha ay reer galbeedku u soo duulaan, waxaa ka mid ah hubka wax dumiya kaaso loolla jeedo dagaalka maskaxda kaas oo ah duullaanka aqooneed ama midka fikirka ah.

Duullaanka aqooneed iyo fikradaha reer galbeedka

Duulaanka caqliga waa hubka ugu foosha xun ama ugu awooda badan ee duullaan la qaado, duullaankani wuxuu dhisaa oo burburiyaa ummadaha, duullaanka caqliga wuxuu tilmaamayaa inay hammi ummadi leedahay inay isku daydo inay awooddeeda iyo xukunkeeda u fidiso ummad kale oo ay gacanta ku dhigto si ay u maamusho una jihayso, jid gaar ah.

Duulaanka aqooneed waxa lagu tiriyaa inuu ka khatarsan yahay kana qoto dheer yahay duulaanka ciidamada, taas oo ay ugu wacan tahay duullaanka aqooneed ee lagu bartilmaameed-sanayo hab-dhaqanka iyo caqiidada shakhsiga, fikirkiisa iyo akhlaaqdiisa, sidaas awgeedna uu ku waayo ummadiisii oo dhan. Sababtoo ah duulaanka waxaa loo arkaa inuu leeyahay saameyn aad u xooggan.

Thomas waa Qoraa Ameerikaan ah wuxuu yiri sidaan “Dagaalka dhabta ah waa dagaalka ka socda goobaha waxbarashada iyo iskuulada, waxaana nagu waajib ah inaan badalno manhajka Islaamiga ah sidoo kale aan u badalno manhaj ka fog Islaamnimada si ardayga Muslimka ah uu u aqbalo siyaasadda iyo dhaqamada reer galbeedka”

Reer galbeedka dhan walbo ayey duulaanka ka soo qaadeen Duulaanka Saliibiyiinta: oo habab gaar ah u raacaya daraasado iyo shirar gaar ah oo si toos ah u saameeya maskaxda dhallinyarada Muslimiinta, iyaga oo xakameynaya, kharribaya fikradaha la dhisay, kuna beddela kuwo been abuur ah.

Duulaanka Sahyuuniyadda: waxa ay doonayaan in ay baabi’iyaan Muslimiinta, kuna faafiyaan xasilooni darro iyo in ay colaad ka dhex abuuraan bulshooyinka Muslimiinta ah, waxa ay diiradda saaraan akhlaaqda iyo caqiidada.

Duulaanka Shuuciga: waa duullaan maskaxeed waxa uu ku guulaystay in uu xakameeyo kuwa naftoodu liidato iyo kuwa iimaankoodu liito taasina waxa ay keentay aqoon xumo iyo jaahilnimo baahsan.

Duullaanku waxa uu miciin bidaa in ay si qoto-dheer u sii galaan ummadda ay bartilmaameedsadaan, oo ay taariikhdooda daraaseeyaan iyo in ay ka faa’idaystaan meelaha ay ka liidato iyo meelaha ay ku fiican yihiin, kana shaqeeyaan sidii ay u wiiqi lahaayeen, una dumin lahaayeen iyaga oo u cuskanaya si dad ban, taas oo ay ku qancaan rabitaanka bini’aadamka, una arkaan wax kasta oo xaaraan ah oo laga reebay, oo sii tartiib tartiib ah looga dhaadhiciyo inuu ka tago sida diintiisa akhlaaqdiisa, dhaqankiisa sido kalena hoos yimaada ilbaxnimada iyo xorriyadda shakhsi ahaaneed.

Rabitaanka dadka Muslimiinta ah ee lagu soo celinayo waqtigii jaahiliga, ciribtirka taariikhda Islaamka si loo sii wado: Qabsashada ama maamulida caqligu waa mid ka mid ah hababka duullaanka caqligu wuxuu u shaqeeyaa inuu kala diro dadyowga, oo uu kala fogeeyo caqiidadooda, iyo ilbaxnimadooda, si ay u noqdaan umad qalloocan oo ay leeyihiin dadka kale.

Duullaankani waxa uu noqon doona hab aan milatari ahayn oo ay qaadeen duullaankii Saliibiyiinta si ay uga takhalusaan muuqaallada nolosha Islaamka ee bulshooyinka Muslimiinta ah iyo in ay Muslimiinta ka leexiyaan ku dhegganaanshaha Islaamka, iyo waxa la xiriira caqiidada iyo fikradaha la xiriira, dhaqamada iyo qaababka habdhaqanka.Haddaba saliibiyiintu waxay adeegsadeen fikraddii, xogtii, barnaamijkii iyo habkii ay ugu duuli lahaayeen Muslimiinta si caqligal ah iyagoo isku dayaya inay burburiyaan aasaaska ummadda Islaamka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 8aad

“Waddanka ka majirto shaqo la’aan ee cudurka ayaa shaqadii waddanka laga qabanaayay oo loo wada sinaa oo la rabay in qofkasta oo ina kamida booskiisii lageeyo inaga gashay.”

Published

on

Qoraa Ruun Siciid Faarax

Qebtii 7aad RIIX HALKAAN


Qoraalkaan waxa uu la socdaa kii ka horeeyay ee qeybtii 7aad ee buugga Haddimada Qabyaaladda

Dowlad walba waxay isku dayaysay sidii uga fogaan lahayd kala qaybsanaanta, qabyaaladda, quursiga iyo dib udhaca dadkooda iyo dalkooda balse wali waxaa jira qabqablayaal ama dad aan rabin horukaca dalka amaba waxaan dhihi karnaa waxay rabaan dano gaar ah ay leeyihiin noocay doonto ha ahaato dantaasi. Waxaa kaloo jira iyaguna urur diimeedka ururada sheeganaya laakiin magacu waa dad ka halaabay waddadii saxda ahayd, si khaldana wax uraadinaya hadaan si kale udhigno burburka, kala qaybsanaanta qayb wayn ayay ka yihiin.

Maanta qabyaaladdu heer waxay gaartay in ay meelkasta naga gasho oo bulshada qaybeheeda kala duwan ay ku milantay. Waxyaalaha bulshadu wada leedahay waxaa maraynaa in uu qabiilka dadkatirsan kuu fududeeyo maahan in aysan jirin in maanta shaqsiga aanan lafiiriin, ma yahay kii kasoo bixi lahaa dhanka shaqada oo kale? Ma yahay ehelkeedii? Mase uleeyahay aqoon? Ma yahay aqoontiisa uu sheeganayo ama run ahaato ama been ha ahaato shaqsigan wuxuu shaqada ku yimi reer hebel. Maanta ardaydii markay dugsiga sare dhammeeyaan ku hoobteen badaha iyaga oo u arkaya in ay udhaanto shaqo la’aanta ka jirta waddanka.

Waddanka ka majirto shaqo la’aan ee cudurka ayaa shaqadii waddanka laga qabanaayay oo loo wada sinaa oo la rabay in qofkasta oo ina kamida booskiisii lageeyo inaga gashay. Wajirtaa mar uu qofku ku guulaysto shaqadaas ama booska loo igmaday laakiin Soomaalida way isdaba marin lahaayeen waxaa laga yaabaa caddaanka la shaqaynayna in uu daba gal ku sameeyo oo qofkaas uu garab ka helo ajaanib.

Waa nasiibdaro qofkii waddanku ubaahnaa in uu qofkii Soomaaliga ahaa oo booskaas aan qabiilkiisa kaliya ufadhiyin uusan ugu shaqayn dadkiisa si siman, halka waddankiisa guul iyo horumarka gaarsiin kara. Waxay kaloo naga gashay qabyaaladdu waxbarashadii oo waxaa laga yaabaa waqtiyada deeqaha waxbarashada oo kale in ay jiraan musuqmaasuq baahsan. Labo arday oo aan isku mustawe ahayn ayaa waxaa laga yaabaa in ardayga mustawihiisu sareeyo lageeyo meel aan ku haboonayn meeshii uu mudnaa lana geeyo arday ka darajo hooseeya, meeshii uu lahaa ama xaqa ulahaa waayo muddo badan ayuu doonaayay ama ku haminaayay in uu gaaro meeshaas balse isaga majiraan cid qabiil ahaan ugu doodaysa amaba darajadiisa usoo celinaysa oo jooga meeshaas shaqada laga hayo.

Kuwaan kale waxay bixinayaan lacag amaba qabiil ahaan baa loogu fududaynayaa waqtigaas oo kale. Waxaad maqlaysaa waa loo iibiyay oo qofkaas muddo badan u soo jabaayay in uu gaaro natiijadaas waxay ku soo dhammaataa in laga siiyo waliba si fudud qof aysan isku si usoo dadaalin, isku waqtina aysan ku bixin, hankiisi in uu ku jabo ardayga lagana yaabee in uu go’aan khaldan oo naftiisa haligaya qaato amaba uu waxbarashadii iyo hiigsigiisa nololeed uu ka dhaco. Marka aad dhahdid dhalinta maad shaqaysatid ama meel heblaayo shaqo ka doonatid hadalka ama jawaabta ugu horraysa uu ka bixinayaa shaqadu waa garabayshin, sidaas si lamida ayay waxbarashaduna unoqotay garabayshin xoogna ay nagu dhexleedahay qabyaaladdu waxaa laga yaabaa dadkaa meesha kawada shaqaynaya in aysan kuwada shaqayn dan guud laakiin waa laga badanyahay qofkaa aan qabyaalad ku shaqaynayn oo wax is dabamarinayn ama wuu iska aamusa isagoo ciishoon kana xun waxa meesha ka dhacay. Cidna wax waa ka hoos qaadi wayday oo hadalkiisuba magalayo amaba qofku shaqada wuu iskaga tagaa caqabaduna waa qabiilka.

Waxaa dhacda amaba jirta maantay meelkasta isugu yimaadaan umadda ku wada hadasha halka Af in ay ka hadlayaan ama ku hadaaqayaan ha ubad naadeen meelaha baararka ah reer hebel, reer hebel saanay noqdeen ama saana layiri keeray ahaayeen waayo sidaan kor kusoo xusayba liduu naga galay cudurkan.

Cudurkaan maleh dad kawacyi galiya bulshada hadday jiraana waa dad yar laakiin wuxuu leeyahay dad horumariya, Kashaqeeya isaga jecel in ay sii jirto qabyaaladdu, jecel in ay sii jirto kalatagsanaanta umadda Soomaaliyeed waayo haddaysan intaas rabin ma u oleleeyeen kamana shaqayn lahaayeen in ay qabyaalad dugaashadaan qaranimadiina ka cararaan.

Waxaa kaloo lagu ceebeeya mar marka qarkood qofka qabiilada kale anaga waxnamatare qabiilkiisu ushaqeeyaa macnaha meeshii waxaa ka baxday ama lasaaray qaranimada iyo isu tanaasul si loo gaaro umad Soomaaliyeed oo mida lana jaanqaada waddamada kale.

Qabyaaladdu waxaa ay nagaarsiisay in maanta qabiilkasta uu ordayo sidii uu uhanan lahaa xilalka kala duwan ee laga qabto waddanka halka kuwo kale aysan isku dayin, waxaa kasii daran, uma dayno qofkii waqtiga ladoortay si uu ugaarsiiyo meel fiican, waay arag meelo badan wax kasoo arkay garanayana meelaha dacfigu ku jiro laakiin taasi madhacayso waayo isaga waqtigiisii intan lee ku ekaa reer hebel kale waqtigoodii weeye.

Intaa saa ku jirno qadarinayno qabyaaladda rabno in aysan imaan caddaalad, sinnaan, wax isbeddela ma imaanayaan waayo haddii aan laga run sheegin daacadna laga noqon in laga waantoobo lagana baxo qabiilaysiga taas micneheedu waa jug jug meeshaada joog.

Haddii umadda Soomaaliyeed waxaa lagud boon inay meel isugu gayso maskaxdooda, maalkooda iyo xoogooda kana fakari lahaayeen sidii loogu samayn lahaa inta aysan dhicin waxyaalaha masiibooyinka ah si hadhow ay uyaraato waxyeelada musiibadaas.

Nebiyullaahi Yuusuf Callayhi Salaam ka hor inta uusan noqon boqorka ama suldaanka Masar, boqorkii markaa talada hayay ayaa kuriyooday todobo sacood oo buurbuuran, ayna xigaan todobo sacood oo caato ah. Waxay ku dheheen dadkii jeelka kula jiray boqorow Yuusuf ayaa riyooyinka fasira ee keen ugaynee, wuxuuna usheegay in uu ku riyooday arrinkan.

Nebi Yuusuf Callayhi Salaam wuxuu ku yiri boqorow todobada sacood oo buur-buuran waa todobo sano oo barwaaqo ah, todobada sacood oo caatada ahna waa todobo sano oo abaar ah. Intaa kadib boqorkii ayaa su’aal waydiiyay Nebi Yuusuf Callayhi Salaam maxaa samaynaa, si looga hortago todobada sanoo abaarta ah, waa in aanu kayd samaynaa inta aan ku jirno barwaa qadda si aan uga badbaado todobada sano oo aynu ku guda jirno abaarta. Boqorkii taladii Nebi Yuusuf buu qaatay todobadii sano oo abaarta ahayd waxay uga baxeen kaydkii ay samaysteen kuna gaareen sanadkii barwaaqada ahaa.

Waxaan u soo qaatay qisadii Nebi Yuusuf Callayhi Salaam waa la samayn karaa kayd ka hor inta aysan dhicin masiibooyinku si looga baxo inta lagu gudajiro laakiin anagu ma aaminsanin in ay kayd la dhigto oo dadka intiisa badan waxay dhahaan war wixii dhacay Illaah baa garan, waa sax wixii dhacay Alle ayaa garan laakiin in lafeejignaado si aynaan hadhow u gab-gablayn aysana udhicin dhibaato baaxad leh naf iyo maaalba galaafata.

Inaga hadda waxaan haysanaa dowlad markaas aad ushaqaysa laakiin shaqadii dadwaynuhu way ma qantahay, xagee jirtaa fadhi ku dirir iyo ku hadaaqid qabyaalad dowladda laftarkeedu waqtigaas bay baraarugtaa meesha waxaa ka maqan in ay wada shaqeeyaan dowladdii iyo shacabkeedu. Lagana wada shaqeeyo waxkasta oo waddanka dib udhac ukeenikara ha ahaato qabyaalad ama musiibooyinka aan kasoo sheekaynaynay sidii aan uga hortagi lahayn waayo Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Gacmo wadajir bay wax ku qabtaan).

__

Buugga: Haddimada Qabyaaladda

W/Q. Drs. Ruun Siciid Faarax (Garas)

Sookoobay: Maxamuud Axmed Muuse “Tallman”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Aragtida shirqoolka iyo caqliyadda ugub ee dhalanteedka waayahan

Waligaa ma maqashay aragtida shirqoolka? Halkaan waxaa laguugu soo koobay xaqiiqooyin ku salaysan macnaha iyo ujeedka lagala jeedo aragtida shirqoolka.

Published

on


Hordhac 

Ugu horeyntii maanta waxaynu sii balaaran uga hadli doona isbeddelada afkaareed iyo caqliyadeed ee ay sabaabeen isku-milanka aragtiyeed ee laga soo waarido ama laga fasiro dhacdooyiinkii iyo shirqoolladii wakhtiyadii kala duwana ee sooyaalka dhacay, iyo siddoo kale wajiyada dadban ee xaqiiqooyinka shirqoollada loo buriyo, isla markaana loogu sameeyo wajiyo qaldan, iyado la isticmaalayo habka fasiraada ugub ee xaqiiqo-beeninta ah ee lagu magacaabo “Aragtiyaha shirqoolka ama (conspiracy theory)”, Af-qalaad ahaan. Haddaba inta aynaan uu gudo-gelin mawduuceenan, horta aynu qeexno macnaha shirqoolka ama dabin-qoolka!?

Shirqool ama Dabin-qool

Macnaha shirqoolku ama fulinta dhacdooyinka caqliyadda baaran-daga leh ee ku habsadda caalamka, waa falal iyo dhacdo wakhti hore laga sii baaran dagay fulintooda, loona cayimay wakhtiyada ugu haboon ee lagu fulin karo, laguna fulinayo siyaasad gaar ah ama shakhsiyaad gaar ah, iyadoon arrinkaas la dhaadaneyn oo meel walba oo aagagga nolosha ah lagu fulinaayo , waana arrimo qarsoon oo aan inta ka horeysa fulinta shirqoolka, laga ilaalinayo in siraha qarsoon ee shirqoolka la ogaan karo. shirqoolku waa xaalad bini’adantinimada guud ee aadamaha saameyn kuu yeelata, marka laga eego dhinacyada nolosha, se dhacdoonyinkaas ayaan noqon kara, Qaabab ruuxi ah, mid siyaasadeed, iyo Shirqoollada Dhinaca Akhlaaqiyaadka iyo aqoonta. Waana nuxur qarsoon oo looga dan leeyahay cabsi gelinta iyo maan qabsashada dadweynaha caalamka, badana waxay bulshadu ka haysata Qolyaha ama shakhsiyaadka maleegay dhacdooyiinka shirqoolleed, fikrad ah kuwa wax dulmiya oo xagjirin ah. Sido kale shakhsiyaadka aadka uu dhaleeceya, isla markaana kashifa dabinada qolyaha dahsoon, ayaa qudhoodaba lagu eedeya maleegida shirqoolka, balse waa shakhsiyaad ka bari’i ah, oo kaliyaata la doonayo in ayna xogta dhabta ah la wadaagin bulshada.

Aragtida Shirqoolka

Macnaha aragtida shirqoolku:- waa isku dayga fikrad ahaaneed ee aaminaad, aragti, ama cabiritaan ee lagu fasiraayo ama lagu qiyaasi karo falalka iyo shirqoollada Dhacay in sifooyin dhowr ah lagu asteeyo, iyaadoon lo hayn caddaymo sii sax ah uu shaacinaya habka shirqoolku uu dhacay, iyo Xogta dhabta ahba. balse fikradahaas shakhsi ee la is weydaarsanayo waa qaar badanka sii cad isku burinaya marka dhinaca bulsheed, aragtiyeed iyo siyaasadeedba laga eego, balse muhimaddu waa in qolyaha dahsoon ee ajandaayasha caalamka dejiya ay abuureen afkaar mira-habaabin oo dhaadashada xaqiiqooyinka ku baajinayaan, waana hadaf ay qolyahaasii ka leeyihin inay fikradahu isburiyaan sii ay tuhun iyo eedeyn gaar ah loogu sameeyo bulshooyinka aaminsan aragtiyaha shirqoolleed oo badana muslimku uu badanyahay, waana xaqiiq jirta oo muslimintuba ku baraarugeen. Badana qolyaha shirqoollada fuliyay waxay xogta dhabta ah ee dhacdada uu badalaan waji been abuur ah, iyado loo adeegsanayo warbaahinta caalamka ee kala duwan, iyo baraha bulshada, sido kale waxay isticmaalan hababka afkaarta ama fikrad gudbineed ee filimaanta iyo muuqaallada ee laga matalay dhacdadaas iyado lagu saleynayo fikrado been abuur ah, oo aan sal iyo raad toona laa lahayn nuxurka saxda ah ee shirqoolka.

Badana dhacdooyinka muhimka ah, waxa sii dadban ugu lug leh maleeg-yahanada/Qorshe-dajiyaasha shirqoollada qarsoodiga ah iyo qolyaha qarsoodiga ah (maasooniyadda), balse dhacdooyinkaasi malaha fasiraado dhab ah oo lagu tuhminayo falalkaas dhacay in ay iyagu ka danbeyeen waana arrin xasaasi ah marka loo eego aragtida iyo fasiraadaha bulshada dhexdeeda ah, waayo waa wax ay iyagu fuliyeen qorshihiisa iyo Qoolitaankisa. Waxaana jira fikrado badana isburinayaa oo ku dhex faafay bulshada caalamka, oo ah in umaddaha kale ay sii indho la’aan ah uu aamineen in umaddaha muslimka ihi ay aamiinsanyihiin In shirqool loo maleegayo, oo ay mira-habaabinayan umaddooda, sii taasina uu dhicina waa in aanay muslimka dheg u taagin, oo mar walba oo aragtiyaha shirqoolka ah ee kaga imanaya bulshooyinka islaamiga ah aanay sinaba uu aaminin. Oo halkana waxa sii cad uga dhex arki kartaa in qolyahan qarsoodiga ihi ay doonayan in la isku dhex qariyo xaqiiqooyinka dhabta ah iyo wajiyada been abuurka ah ee ay uu sameeyeen aragtida saxan ee shirqoolka. tanina waxay cadeyn uu tahay, waa in aanay dooneyn in la ogaado sirahooda shirqoolnimo ee ay jidka ugu sii saxartirayaan hirgelinta nidaamka cusub ee caalamka (NWO).

Dadka dhinaca taariikhda iyo geedi socodka siyaasadeed ku dhex jira ama ogi waxay aad ugu nugul yihiin aaminaada iyo la qabatinka aragtiyaha shirqoolka. Badana qolyaha reer galbeedku waxay sii dadban uu dhaleeceeyaan dalalka bariga dhexe ee ay ka jiraan aragtiyaha shirqoolka ee ugu saameynta badan, sido kale danta siyaasadeed ee reer-galbeedku ay uga dan leeyihiin waxaa weeye in mu’maraddaha gudeed ee ay iyagu maleegeen in ay dusha uu saaran umadaha islaamka, sii umadaha kale ee caalamku ay fikir qaldan uga qaatan nidaamka dhismeed ee islaamka. Aragtidan shirqoolka waxaa aad loogu isticmaalay dhacdooyiin ay kamid yihiin kacaankii faransiiska, ameerika, burburkii khilaafadi cusmaaniyinta, doontii laga been abuurtay ee titaanik 1912, afgembigii dhicisoobay ee Turkiga ilaa laga soo gaadhayey tuhunadi shirqool ee COVID-19. Aragtidan ayaa markii ugu horeysay uu shaaciyay taariikhyahankii reer america ee Richard Hofstadter isagoo tixraacayay fikradaha soo jeedineed ee aragtiyaha guud ee bulshada.

Taariikh ahaan, aragtiyaha shirqoolku waxay badana la xiriireen arrimaha ah, dhacdooyinka lama filaanka ah, cunsuriyadda, dilalka waaweyn, dagaalada iyo xasuuqyada, kacdoonada, afgembiyada iyo dhammaan falalka muuqaallada kala duwan leh. Aragtidan shirqoolku waxay aad hanaqaaday wakhtiyadi colaadaha ee soddomeedyadi iyo afartan-meeyadi( 1930s -1940s) ee qarnigii 20aad, waxaanay caan ka noqotay warbaahinaha caalamka, iyadoo u soo ifbaxay dhaqan dhaqameedkani dabayaaqadii qarnigii 20aad iyo horaantii qarnigii 21aad. Waana silsilad aragtiyeed soo taxnayd in ka badan 70 sano oo xiriir ah.

Asalka Ereybixinta Aragtida Shirqoolka

Robert Blaskiewics oo ahaa dhakhtar dhinaca daaweynta uurku-jirta sido kalena ahaana daraaseeye sooyaal ayaa sheegay in ereybixinta (conspiracy theory) la isticmaali jiray horaantii qarnigii 19aad wuxuuna sido kale raaciyay in isticmaalka ereybixintani ay ahayd dhif iyo naadir oo xilligaas way adkayd in la maqla ereybixintan ugub. Sido kale, Sida laga soo xigtay daraasad uu sameeyay Andrew McKenzie-McHarg, Taas bedelkeeda wuxuu sheegaya in qarnigii 19aad ereybixinta (conspiracy theory) loo fasiri jiray inay tahay aragti iyo dajin xeelad dabin ama shirqool la doonayo in la fuliyo, waxaana uu si raaciyay in macno ahaan xilligaas loo fasiran jiray tabanaan iyo toganaan labada, oo aanay lahaan jiran fasiraado kale.

Ereygan “aragtida shirqool” laftiisu waa mawduuc nidaam-fikreed la sheegay in ereygan ay caan ku ahaayeen CIA-da maraykanku sii ay uu yareyso aaminaadaha xadka ka baxay ee ay qabeen shakhsiyaadkii aaminsana dabinada shirqoolka ah ee xilligaas maraykanka ka jiray, waxaana kamid ahaa shakhsiyaadkaas kuwii dhaleeceeyn jiray Guddigii Warren ee loo xilsaaray inay soo baaran shirqoolkii dilka ahaa ee lagu fuliyay madaxweynihii 35aad ee maraykanka ee John F. Kennedy. Aqoonyahankii siyaasadeed ee Lance DeHaven-Smith wuxuu ku sheegay buuggiisa (Conspiracy theores in America), in isticmaalka ereybixintani ay sii dadban uu la falgashay luuqadda maalinlaha ah ee dadka maraykanka wixii ka dambeeyey 1964kii, sanadkan oo ah sanadkii ay guddigii warren (warren commission) ay soo saareen natiijooyinkoodi baarista ahaa ee dilkii John F Kennedy, waxaana xilligaas aad uu batay isticmaalka warbaahintu isticmaalaysay ereybixintan (conspiracy theory). Si kastaba ha noqote waxaa soo jeedintii DeHaven-Smiths aad uu dhaleeceyey Michael Butter oo ah barre dhiga culuumta suugaanta iyo sooyaalka dhaqanka ee jaamacadda (Tübingen University). Waxaana uu Michael dhaleecayntaas uu cuskanayay dukumiinti loo diray CIA-da oo deHaven-Smith uu tixraacay, dukumentigan oo ku saabsana Dhaleeceynta loo jeedinayay natiijadii ay soo saareen guddigii warren (Warren Report) – oo markii dambe si toosa loo sii daayay natiijadii dilka sanadkii 1976kii, kadib codsigii Xorriyadda Macluumaadka ah ee bulshadu ku dalbanaysay sii ay uu ogaadaan natiijada shirqoolkii 1963kii.

Aaminaadaha dadyowga iyo Aragtida Shirqoolka 

Aaminaadaha shirqoolku waxay aad ugu baaheen adduunka oo dhan, waxaana jira aragtiyooyin shirqool oo badana marka gorfeyn dhinaca fikirka adag ee (critical thinking) lagu darso ay ugu dambeyntii ku muuqanayso in xaqiiqada aragtiyahaasi ay run yihiin, waxaana kamid ah aragtiyahaasi, aragtida ku saabsan tiknoloojiyadda ee tilmaamaysaa in tikniyoolajiyadda casriga ah lafteedu inay tahay nooc kamida ah sixirka ugub, oo ay ujeeddadeedu tahay in lagu waxyeelleeyo ama la xakameeyo garaadka aadamaha.

Waxaana jirta aragti labaad oo Shiinaha gudahiisa ah oo sheegaysa in tiro dhacdooyin ah, oo ay kamid ahayeen soo ifbixii naasiyiinta iyo hitler, Qalalaasihii dhaqaale ee Eeshiya ee 1997kii iyo isbeddelka cimileed ee adduunka ay yihiin shirqool ay qorsheeyeen qoyska Rothschild ee yuhuudda ah, waxaanay sido kale qabaan in qorshahaasi uu ahaa qorshe shirqool oo kasoo fulmay qolyaha maasooniga ah jiilalkoodi uu dhaxeeyey 1885kii ilaa 1985kii. Fikradaha ama aragtiyaha shirqoolka badanaa si caadi ah ayaa loo rumeeyaa, qaarkoodna xitaa waxaa aaminsan inta badan dadka badankiisa. Qeyb ballaaran oo ka mid ah xogo isweydaarsiga Mareykanka maanta waxay ay muujinaysa ugu yaraan xoogaa tiro aragtiyo shirqool ah. Tusaale ahaan, daraasad la sameeyay sanadkii 2016kii ayaa lagu ogaaday in 10% dadka Mareykanka ah ay u maleynayaan ama aaminsanyihiin in aragtida shirqoolleed ee xalfinta kiimikada ah (chemtrails nefarious spraying) ay “gebi ahaanba run tahay” halka 20-30% ay u maleynayaan ama aaminsanyihiin inay tahay “xoogaa/yara run ah”. Tani waxay dhigeysaa ama ka dhigantahay ” in 120 milyan oo kamida dadyowga Mareykanka iihii ay aaminsanyihiin aragtida shirqoolleed ee xalfinta kimikada ah (chemtrails nefarious spraying). Sidaas awgeed aragtiyaha shirqoolka waxay sidaas ku noqdeen mowduuc ay xiiseynayaan khubarada cilmiga bulshada, cilmu-nafsiga iyo khubarada dhaqanka.

Xiriirka ka dhexeeya aragtiyaha shirqoolka iyo Xaqiiqada 

Aragtiyaha shirqoolku guud ahaan kuma salaysna caddayn iyo xaqiiqooyin, balse waxay xaqiiqo ahaan loo caddeyn kara marka lo helo caddaymo ku filan oo xaqiijiya runnimada aragtida shirqoolka. Sidaanu horey uu soo sheegnayba, aragtida shirqoolku waxay si kadis ah u muujineysaa jiritaanka isbahaysiyo qarsoodi ah oo shaqsiyaad ah waxayna tibaaxaysa qoolitaanada iyo howlahooda dahsoon. Clare Birchall oo ka tirsan jaamacadda King’s College London ayaa ku tilmaamaysa aragtida shirqoolka inuu yahay ” qaab aqooneed caan noqday ama dhacdo turjumid sii xeeladeysan loo fasiray “, halkan Adeegsiga erayga ‘aqoon’ wuxuu ku tusayaa ama ka turjumaya siyaabaha fikradda shirqoolka loogu tixgelin karo aqoon, taaso la xiriirta hababka sharci ee ogaanshaha.

Shirqoolka iyo Aragtiyaha shirqool ee caalamka 

Taariikhyahankii reer ameerika ee Richard Hofstadter ayaa kaga hadlay doorka jahwareerka iyo shirqoolka guud ahaan soo maray taariikhda Mareykanka maqaalkiisii 1964kii ee ahaa “The Paranoid Style in American Politics”. Iyo sido kale Buuggii hore ee Bernard Bailyn ” The Original Ideology of the Revolution of America (1967) wuxuuna ku xusayaa in dhacdo la mid ah xilligii Kacaankii Mareykanka laga heli karo wakhtigan Waqooyiga Ameerika , oo wuxuu tibaaxaya in dhacdooyinka qaar ee soo maray taariikhda maraykanka ay la mid noqdeen qaar wakhtiyadan dhaw ka dhacay maraykanka, muuqaal ahaana wuxuu xusaya in tabaha loo fuliyay dhacdooyinka qaari ay isa soo shaabahan oo wuxuu caddayn ahaan uu soo qaatay sheeko faneeddi la qoray 1897kii ee ka waramaysay markabka The Titanic ship ee ugu dambeynta qarqoomaya iyo dhacdadi markabkii Titanic ee badweynta atlantic ku qorqoormey sanadkii 1912kii, waxaana uu isbarbardhig ku sameeyey muuqaalka sheekada Titanic 1897kii iyo muuqaalka dhacdadi qorqoomkii markabkii Titanic ee 1912kii. Waxaana uu Richard Hofstadter ku doodey in shirqoollada qaar ay yihiin dhacdooyin laga sii baarandagay oo ugu dambeyntii sii farshaxan leh loo fuliyay, waxaana uu sii raaciyay hadalkiisa ” in tiro badan oo falal ah oo sii qiyaasan oo asteysan loo fuliyay in aanay aheyn dhacdo dabiiciya oo sii aan ku tala gal ahayn isaga dhacday, balse taas baddalkeed uu yahay qoolitaan laga sii baarandag “. Oo shirqoolku wuxuu ku jaan-go’anyahay tusmo iyo xeelad sii asteysan la isugu biiriyey.

1) Aragtiyaha shirqoolka ee Baririga Dhexe

Aragtida shirqoolku waa astaamo fikireed oo aad ugu baahay dhaqanka iyo siyaasadaha umadaha barriga dhexe sida faarisiyiinta, kurdida iyo Carabta. Kala duwanaanshaha aragtiyeed ee ay qabaan umadahaasi waa qaar ka kala turjumaya waaqica dhaqaale, nololeed, umadeed iyo ka aqooneed ee ay ku suganyihiin, waxaana barriga dhexe ka jira xarumo daraasadeyn ah oo badana lagu lafa guro dhacdooyinka lama filaanka ah ee ka dhanka dhulweynahaasi. Sida ilo warbixineed ay sheegayaan waxaa jira dhowr aragti-shirqool oo xaqiiqo iyo male-awaalba iskugu jira oo ay qabaan umadaha ku dhaqan barriga dhexe. waxaana ka mid ah shirqoolada ku lug leh gumeysiga, Dabinada (Zionism-ka), quwadaha waaweyn, awoodda nukliyeerka ugub, dagaalka saliida (shidaalka), iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, oo xaqiiqo ahaan loo tixraaci karo dagaal ka dhan ah Islaamka.Tusaale ahaan, waxaa jira qorshe yuhuudeed ay dajiyeen duqowdii yuhuudda ama Borotokoolladi guurtidi Siyoon (Zion), kaaso oo uu hogaaminayay Theodor Herzl. Borotokoolladan oo ah dukumiintiyo xaqiiqo ah oo umadaha caalamku ka aragti bixiyeen, waxaanay sheegeen inuu yahay qorshe Yuhuudeed ku saabsan xukunka yuhuuddu la maaganyihiin adduunkan, qorshahan oo fulitaankiisu ka soo bilaabmo dabayaaqadii qarnigii 19aad. Oo aragtidan shirqoolleed ee Borotokoolladda sahyuunku waa mid xaqiiqo ah, oo muuqaal ahaan ka turjumaya waaqica samankan, oo xaqiiqadiisa waxa si dhab ah loogu akhriyii kara dabinka burburineed ee dunida Muslimka haysta.

2) Aragtida shirqoolka ee Ameerika

Fikradaha ama aragtiyaha shirqoolka siyaasadeed ee Mareykanka ka jira waxaa badanaa lagu qeexaa isla hal mowduuc oo ah, in koox yar oo awood leh isla markaana leh ilaha dhaqaale ee maraykanka ay iskudaydo fulitaanada iyo qorsheynta dhacdooyinka iyo shirqoolada isla markaana ay qariso macluumaadka qarsoon ee dhacdooyinka shirqoollada. Waxaanay badana bulshada maraykanku aaminsanyihiin in duminta iyo burburinta garaadka bulshada maraykanka ku socda yahay qorshe dheer oo ay fuliyeen qolyaha qarsoodiga ah ee maraykanka ku nool. Inta badan, loolanka u dhexeeya aragtida dhabta ah ee shirqoollada iyo aragtiyaha khaldan waa mid keena isku dhacyo bulsheed, qalalaase doorasheed, kala firdhimaad iyo kalsooni darro lagu qabo dowladda, iyo sidoo kale kala qeybsanaan midabeed, iyo mid siyaaseedba. Aaminaadaha iyo faafka aragtida shirqoollada siyaasadeed ee Mareykanka waxay badana ka yimaadan dhammaan dhinacyada, Axsaabta /Xisbiyada, ururada fikradaha /Caqliyadaha (Ideologists), dadyowga kala duwan ee heerarka dhaqan-dhaqaale (socioeconomic), qowmiyadaha iyo jinsiyadaha kala duwan. Harry G.West oo ahaa caalim cilmiga Sooyaalka iyo kuwa kale oo kamida taariikhyahanada maraykanka waxay xuseen in fikradaha shirqoolka ee dadyowga ameerika ay aaminsanyihiin in ay xadka bax noqdeen oo tiro 3,000 oo aragtiyood oo shirqoolka ah ay la kulmeen, caddaymaha qaarkoodna waxay muujinayaan in tiro ballaaran oo dadyowga Mareykan ah ay sii wadaan aaminaadda aragtiyaha shirqoolka. Harry G.West wuxuu sidoo kale isbarbar dhigayaa aragtiyahaas kuwa salka ku haya xaqiiqada iyo kuwa dareenka dhalanteedka ah ka soo maaxay. Waxaa jira warbixin ay soo saartay Taariikhyahanaddi Kathryn S. Olmsted taaso ku xusaysa seddex sababood oo ay dadyowga Mareykanku ugu nugul yihiin inay aaminaan aragtiyaha shirqoolada ee ka dhanka ah dowladda Maraykanka:-

  1. Xadgudubyadi dowladeed ee dhab ahaan iyo sir ahaanba loo arkay intii lagu gudajiray Dagaalkii Qaboobaa, sida dhacdadi Watergate ee fashilmankii dilka madaxweyne richard nixon, Mashruucii CIA-da ee (MKUltra) oo ahaa mashruuca maan-qabsashada ugub iyo wadashaqeyntii iyo is taageeriddi CIA-du kula shaqaysay mooryaantii /maafiyada reer cuba ee isku dayday dilka ra’iisal wasaarihii hore ee Fidel Castro.
  2. Dacaayadihii been abuurka ahaa ee uu Maraykanku ku sida shirqoolka ah uu isticmaalayay, sida sheegashooyinkii ahaa soo gelitaanka Jarmalku kusoo galay Mareykanka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo sheegashadii markii dambe la beeniyay ee ahayd in Saddaam xusseyn uu door ku lahaa weeraradii 9/11.
  3. Kalsooni darrada ay abuurtay jaajuusnimada iyo dhibaateynta dowladdu ku waday bulshada maraykanka sida ficiladii basaasnimo ee dhacdadii guurtida ee 1918kii iyo basaasnimada ugub ee FBI-da maraykanku wado ee la magac baxay hawlgalka ‘COINTELPRO’.
  4. Waxaa jira Aragtiyo Shirqoolleed oo garaadka iyo aaminaadaha guud ee aadamaha adduunka haysata, oo raad iyo saameyn taban oo dhinaca qayibka ah ku abuurtay waxaana kamida aragtiyahaas :-
  1. Aragtiyaha shirqooleed ee ku saabsan qorshaha (UFO) ama noole-cireedyada:

Waa aragtiyo laga soo minguuriyay dhacdooyin ciireed oo kala duwan oo soo maray taariikhda aadamaha, waana dhacdooyiin qariib ahaa, oo aan hore loo arkin, balse aragtiyahaasi waxay ku kala duwanyihiin fasiraadaha dhacdooyinka iyo ujeeddooyinka ku-lamaanan dhacdooyiinkaas.

Qolyaha qaar ee fasiray dhacdooyiinkii ku saabsana noole-cireedyada ee markii dambana sheegay in adduunka ay soo gaco-dhigteen noolayaal shiisheeye oo qariib ihii, ayaa waxaa sii adag ugu gacansaydhay aqoonyahanada caalamka, waxaanay ku tilmaameen inuu yahay qorshe ay ka danbeeyaan dawladda maraykanka iyo qolyaha qarsoodiga ah ee maasooniyiinta, sii ay uu hirgeliyaan cabsi-wadareed caalamka oo dhan ah, taaso hadhow suurtogelin karta in nidaamka cusub ee caalamka umadaha lagu ciriiriyo inay uu hogaansamaan. Waxaanay sido kale tilmaameen in xaqiiqada ama runnimada jiritaanka noole-cireedku aanu ahayn mid la aqbali karo isla markaana suurtogal noqon kara. Balse aragti ahaantayda, xaqiiqadu waa mid wajiyadeeda leh, waxaa dhici karta in dhacdooyinka qaar ee noole-cireedyadu ay ahaayeen qaar run ah, halka kuwa kale oo been abuur ah oo aadamuhu ogsoonyahay ay yihiin dhacdooyiin cireedyo sameys ah, oo danta laga laha uu ahaa cabsi gelinta dadyowga caalamka.

Qaar ka mida aragtiyaha shirqoolleed ee noole cireedyada:-

  • Aragtida Shirqoolleed ee hawlgalkii cireed ee Naasiga

Aragtidan shirqoolleed waxay soo jeedinaysaa in Naasigii Jarmalku uu sameeyay hawlgal cirbixineed oo ay ku doonayeen in dayax gacmeedyo uu diiraan meeraha meerkuuri (mercury) iyo dayaxa, waxaanay aragtidani sido kale sheegaysa in naasiyiintii jarmalku doonayeen in ay uu duulaan hawada sii ay uu soo ogaadaan noole-cireedyada iyo guud ahaanba meerayaasha. Laakiin aragtidan waxaa ku gacansaydhay dhammaan aqoonyahanada iyo culimada nukliyeerka reer galbeedka, oo waxay caddayn uga dhigeen in xilligaas aanay jirin tiknoloojiyad horumartay oo xilligaas ka hawlgali lahayd cirka iyo hawada sare.

  • Aragtiyaha Shirqool ee dhacdadi Roswel ee noole-cireedyada 

Sanadkii 1947kii, Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku cadeynayaan in “sixin duulaya” oo burburay laga soo helay meel u dhow magaalada Roswell, ee Gobolka New Mexico. Wakhti kadib war-saxaafadeedkan ayaa si dhakhso leh ciidankii cirku dib uga noqday, kadib markii amar uga yimid taliska guud ee ciidanka maraykanka. Saraakiishina dib waxay uu sheegeen in diyaarad dagaal oo tijaabo lagu waday si khaldan loo aqoonsaday/fahmay. Kiiskan dhacdada Roswell si dhakhso leh ayaa loogu gudbiyay ururka dabagalka arrimaha cirka (UFOlogists), baarista kiiskanina waxay socotay ilaa 1970-dii. Xanta iyo ku tiri-kuteenta dhacdaduna way sii socotey, inkasta oo dawladda maraykanku si rasmi ah uu diidey tuhunka bulsho ee ah in dayax gacmeed shisheeye uu ku dhacay meel u dhow magaalada Roswell. Balse Sagaashameeyadii ayaa militariga Mareykanku daabacay labo warbixin oo muujinaya been-abuur aan sal iyo raad toona la lahayn xaqiiqada dhacdadi Roswell ee 1947kii. Si kastaba ha noqotee, dhacdadii Roswell waxay noqotay xiisaha aanay warbaahintu uga daalin buunbuuninta aragtiyaha shirqoolka ah ee ku hareeraysan dhacdada roswell. Dhacdada Roswell-na waxaa lagu tilmaama inay tahay “dhacdada ugu caansan adduunka casriga ah, waana mid kamida sheegashooyinka jiritaanka noole-cireedyo ee ugu saameynta badan, ee isla markaana aanay weli haayadda (UFOlogists) uu helin caddaymo buuxa.

  1. Aragtiyaha shirqooleed ee ku saabsan dilkii John F. Fennedy:-

Aragtiyaha Shirqoollleed ee Dilkii John F. Kennedy ee 1963kii waxaa lagu tilmaama “Shirqoolkii ugu weyna ee wakhtigan casriga ah”. Shakhsiyaadka iyo ururada aan tirada lahayn ee lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilkii Kennedy waxaa ka mid ah CIA-da, Mafia-da Ameerika, Madaxweyne ku xigeenkiisi Lyndon B. Johnson, Raiisal wasaarahii Cuba ee Fidel Castro iyo haayaddi sirdoonka soofiyeeti ee KGB. Balse xaqiiqada aragtiyahan la sheegaya waa qaar sameys ah, marka loo eego xaqiiqada aan la dafiri karin ee ku hareeraysan dilka Kennedy, oo ilaha qaar ayaa sheegaya in qolyaha maasooniga ah ee maraykanku ka dambeeyeen dilka kennedy, oo badana waxaa la sheega in marki uu noola kennedy in uu aad uu rumeysna in waddankiisa awoodo qarsoon soo fara-gashanayaan, waxaana uu khudbadihiisa qaar kaga hadli jiray dabinada qolyahaas iyo sidey uu doonayaan inay uu burburiyaan akhlaaqiyaadka iyo garaadka dadyowga ameerika. Waxaana sido kale la rumeysanyahay in dilkii kennedy ay ka dambeysay haayadda CIA-da iyo qolyaha maasooniga ah oo qorshaha uu dajiyay. kadib dilkii kennedy, dowladda federaalka ah ee Mareykanka ayaa si ul kac ah u qarisay macluumaado iyo xaqiiqooyin muhiim ah oo ku saabsan dilkii kennedy, si looga hortago in shirqoolka la ogaado.

  1. Aragtiyaha shirqooleed ee ku saabsan ka shakigii geeridii Adolf Hitler:- 

Aragtiyaha Shirqoolleed ee ku saabsan ka shakiga dhimashada hogaamiyihii naasiga ahaa ee Adölf Hitler, waa aragtiyo burinaya xaqiiqooyinkii la aqbalay ee ku saabsana in hitler laftigiisu isku dilay madaxtooyadiisa (Führerbunker) sanadkii 1945kii-30kii Abriil. Inta badan aragtiyahani waxay qabaan in Hitler iyo xaaskiisii Eva Braun ay badbaadeen oo inta badan waxaa la sheega in ciidankii iyo taliyayaashii hitler ay dageen qorshe mira-habaabin oo ay ku badbaadinayaan Hitler iyo xaaskiisa, sii aanay gacanta ugu dhigin soofiyeetku, oo waxay ahayd wakhti ciidankii Colki casa ee soofiyeeti soo gaadheen duleedyada magaalada Berlin, adolf hitlerna muu doonahayn in isago oo nool la qabto, waxaana uu ka doorbiday in laba arrin la yeelo, in marka koowaad la soo gubo meydad hore uu dhintay, dambaska meydadkana la soo uruuriyo, iyo tan labaad oo ah in marka ciidanka casi ay soo gaadhaan afka taliska madaxtooyada in loo sheego in Hitler iyo xubno kamid ah qoyskiisa iyo taliyayaashiisi sar-sare ay horaba isku togteen kadibna meydkoodi lagu gubay aqalka dabadiisa (Führerbunker). kadib dabin-habaabineedkani ay naasiyiintu dageen waa laa aaminay, oo ciidankii soofiyeeti way aamineen hadaladi dadyowgii loo xilsaaray inay been abuurkan sameeyaan, hitler, eva braun iyo taliyayaashi naasiguna wey badbaadeen, oo waxaa la sheega inay uu baxsadeen midkood dalka Arjentina ama qaaradda Antaratica. Balse xaqiiqada iyo runnimada aragtiyahani waxaa rumeysan aqoonyahanada qaar, qaar kalo oo kamida taariikhyahanada iyo khubarada cilmiga bulshada iyo dambiyada, waxay aragtidan ku tilmaameen aragtiyo iyo hadalo xaqiiqada taabsiinaya xulufadii jebiyay awooddi mar la arkayga ahayd ee naasigii jarmalka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul