Connect with us

Akhri

Waa Maxay Saxaafadu? Suxufigu’se waa kee?

Published

on

 


Inta baddan iyadoo aynu ka wadda dheragsanahay dhibka iyo waliba tacadiyada, heerka aqoon la’aaneed iyo baahida aas’aasiga ah ee ku xayn daaban saxaafada soomaalida, haddana saxaafadu waa hubka lagu dagaalamo dunida maanta marka laga yimaado dhaqaalaha iyo Tiknoolajiyada Casriga ah, awoodaha looga bahan yahay suxufiga tayaysan way badan yihiin qoraal kooban iyo maqaal shakhsi qoray lagu soo koobi kari maayo, balse waxaan isku dayi doona inaan wax ka taabto anoon ku xad gudbayn xurguftayda aqooneed ee aan xirfadan u leeyahay Suxufi marka aynu leenahay mar hore waa in uu leeyahay suxufigu aqoon shakhsiyaadeed intaanu ku soo biirin saaxada balaadhan ee hawsha badan ee bahweynta saxaafada waxa daruuri ah inuu yeesho aqoon maadi iyo mid diini ah, waayo suxufigu waxa uu ku kala dhex jiraa bulshada noocyadeeda kala duwan sida siyaasi, shiikh, dhaqan-yaqaan, waayeel, dhalinyaro, ganacsato, dad u baahan in loo hadlo oo baahidooda la gudbiyo iyadoo loo marayo hab aqoon iyo khibrad ku dheehan tahay.

Suxufigi waa inuu leeyahay awoodaha wax akhris iyo qoris, suxufi marka aynu leenahay waxa uu ku dhex jiraa qalin iyo buug haddii aanu suxufigu lahayn awood uu ku qoro kuna soo bandhigo waxa maskaxdiisa ka dhex guuxaya una soo tebiyo bulshada waxa ka maqan qayb dhan oo saxafada halbowle u ah akhrisku waxa uu ka mid yahay hubka ugu culus ee ninka saxafiga ah ku dagaal geli karo somalidu waxay ku maahmaahda “war la helyaaba talo la hel”.

Suxufigu waxaa laga rabaa Karti, aqoon iyo indheergarad ama aragti fog, suxufigu waa Mindi labo afleh Suxufigu waa Muraayada Bulshadu iska daawato horumar iyo dib u dhaca intaba, sidoo kale Saxaafadu waa waxa kaliye ee kuu samayn karta sumacad iyo magac sare.

Saxaafadu waa waxa kaa qaadi karta sumacada kana dili karta tariikhda, Saxaafadu waa muhiimada aad kusoo jiidan karto malaayiin qof oo tagerayaal ah iyo asxaab qaaliya oo magac iyo maamuusba leh Saxaafadu waa waxa ubaahan karti howl karnimo, daacadnimo, furfurnan, bulshawinimo, eex la’aan oo macnaheedu yahay in ay ummadu kuu sinaato faqiir iyo tijaarba.

Waa hubaal xirfadan haddii aad ugu shaqaysid habkii iyo hannaankii loogu tala galay in aad ka faa’iidayso, laakiin haddii aadan fahamsanayn nidaamka saxda ah ee badwaynta saaxadan saxaafada kasbashada bulshadaada u adeegida shacabkaaga, u hogaansamidda sharciga iyo qawaaninta dowladaada, si hufanan leh u ilaalisid waxaana ay sii siyadisaa oo sare u qaadaa in magacaagu gaadho meelo fog.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa siyaasadda iyo arrimaha bulshada, Waa qoraa aqqoon dheeraad u leh Maamulida kheyraadka aadanaha, jecelna horumarka bulshada. Qoraaga wuxuu shahaadada jaamacada ee loo yaqaano Bachelor Degree ka haystaa Maamulida Kheyraadka Aadanaha.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa maxay Federaal?

Ma laga yabaa in ay Soomaali usii kala qeybsanto dowladdo yaryar, sababtuna nidaamka federaalka ee ay qaadatay?

Published

on


Federaalka waa Nidaam awoodaha ay wadagayaan labo heer oo dowdaladeed, heer dowlad dhexe iyo heer dowlad goboleed, waxayna ka dhalataa midow ay midoobeen Gobollo, gobol kastana wuxuuu leeyahay Dowlad iyo Dastuur u gooni ah oo waafaqsan Dastuurka Federalka ah, Dowladii ugu horaysay ee caalamka samaysato nidaamka federalka waxaa ay aheed dowlada Maraykanka.

Sannadkii  1787 ayuu Barlamaankii Maraykan xilligaasi ansixiyay in wadanka lagu maamulo Nidaaam Federal waxaa lagu aasaasay 13 dowlad goboleed labo sanno kadib March/4/1789 Barlamanka ayaa ansxiyay Dastuur Federaal ah oo caddeenaayo awoodaha dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada xubinta ka ah.

Intaasi wixii ka dambeye waxaa soo bateen Gobolada kusoo biirayaan Midowga Maraykana, 12/March/1959  Alaska iyo Hawaay ayaa noqdeen labadii gobo lee ugu dambeysay ee kusoo biiraan midwoga Gobolada maraynakama (United State of America) wuxuuna sidaasi Midowga Maraykna ku noqday 50 Dowlad Goboleed.

Russian Federation waaa waddanka ugu dowlad goboleedyada badan caalamka wuxuu ka kooban yahya 86 dowlad goboleed iyo dowlada dhexe ee fadhida Caasimada Moscow sababtoo ah wuxuu kamid yahay wadanama dhaca labo Qaaradood iyo kabadan taasi ayaa keentay in gobolada lasiiyo awood federal maadama anan dowlad dhexe laga wada maamuli karin waddanka aduunka ugu dulka wayn.

Nidaamka Federaalka dunida waxaa qaatay  ku dhawaad 40 wadan oo la aqoonsan yahay xubina ka ah Qaramada Midowbe.

Nidaamkan Federaalka waxaa astaan u ah labo arrimood oo lagu garto mid waa in Dastuurka Wadanka uu yahay mid aan si fudud loo beddeli karin (Rigid Constitution) wax ka beddelkiisa wuxuu u bahan yahay Codeen Dadweyne oo ka dhacdo dhammaan dowlad Goboleedyada wuxuu cagsi ku yahay Dastuur si fudud wax loogu bedeli karo (Flexible Constitution)  waxaa go’aan ka gaari karo Barlamaanka, Mida labaad ee astaanta u ah federalka waa Aqalka saree e Barlamaanka, wadanka Markuu Federal yahay Barlamaanka wuxuu noqdaa labo Aqal, Aqalka sare oo Matalo Dowlad Goboleedyada waxayna ka shaqeeyan danaha dowlada gobolledyada ay matalaan  iyo Aqalka hoose (Gollaha Shacab) oo matalaan Shacabka kana shaqeeyaan danaha  Shacabka iyo deegaanadooda.

Saamiga Aqalka Sare Barlamaka Federaalka ee Dowlad Goboledyada.

Saamiga qeebsiga Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka waxaa gobolada loogu qeebiyaa labo midaam:

  1. Equal Representative oo Macnaheedu yahay in Dowlad Goboleedyada la siiyo saami isku mid ah xubnaha aqalka sarre iyada oo aanan loo fiirinaynin tirada dadka ku nool maamul goboleedyada mida ugu dadka badan iyo mida ugu dadka yar ay xubno isku mid ah ayey ku yeelanayaan Aqalka Sarre. Tusaalle Midowda Maraykanka wuxuu ka kooban yahay 50 dowlad goboleed midkasto wuxuu Baralamanka Aqalka sarre ku leeyahay 2 xubnood sidaasi ayuu Aqalka Sarre ku noqonayaa 100 xubnood oo Senatoro ah.
  2. Weighted Representative oo Macnaheedu yahay in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo Saamiga ah sida Dowlad goboleedyada u kala shacab badan yihiin iyadoo dowlad Goboleedka ugu shacabka badan oo heli doona tirada ugu badan ee xubnaha aqalka sarre, halka dowlad goboleedka ugu shacabka yar ay qaadanayso tirada ugu yar ee xubanaha aqlka sarre ee Barlamaanka Federalka. Hadba waxaa loo fiirinayaa tirada shacabka kunool dowlad Goboleedyada. Tusaalle Jamhuuriyada Federaalka Jarmalka waxay ka kooban tahay 16 dowlad gobolleed saamiga qalka sarre ay ku qataan sida u kala shacab badan yihiin, Dowlad Goboleedka ugu dadka badan ayaa qaadanayso xubnaha ugu badan Aqalka Sarre.

Maxaa sababo in wadanka qaato nidaam Federaal ah

  1. Wadan ay ku noolyihiin qoomiyado kala duwan oo kala luuqad ah, kala dhaqan ah, si loo mideeyo wadanka wuxuu noqdaa Federaalka oo ay Gobolada yeeshaan dowlad u gooni iyo dowlad dhexe oo ka shaqayso Masaaliixada caamka ah iyo Midnimada wadanka sidii loo adkeen ahaa iyadoo ay ku nool yihiin qowmiyado kala duwan. Tusaalle Switzerland waxaa ku nool dad kasoo kala Jeedaan Faransiis, Jermalka, Talyaani Midkasto luuqadooda ayey ku hadlaan si loo mideeyo waddanka wuxuu qaatay Nidaamka Federalka.
  2. Baaxada Dulka wadan oo aad u wayn mararka qaar waxay keentaa in Dowlada dhexe ay ku adkaato in Gobolada laga maamulo dowlad dhexe adeegyadana la gaarsiiyo wadnka oo dhan taasi ayaa keento in Gobolada la siiyo nidaam dowladeed oo u gooni ah. Tusaalle, Dalka Ruushaka oo ah wadanka ugu dhulka wayn dunidda wuxuu dhulkiisa ku fidsan yahay wax ka badan labo qaaradood, wuxuuna Xuduud dhuleed la wadaagaa Norway oo kamid ah wadamada ugu dambeeyo Waqooyi Galbeed Yurub illaa Kuuriyada Waqooyi oo dhacda waqooyi bari ee Qaarada Aasiya iyo Xadduud baddeed kala dhaxayso Jaziirada ka tirsan Ruushka oo dhacda Pacific dhinaca Alaska ee Maraykanka maadamaa waddanka sidaasi u baaxad wayn yahay waxay qateen Nidaamka Federaalka si loo ilaaliyo Wadajirka dadyowga Ruushka in hal wadan sii ahado.
  1. Markii ay Midowbayaan labada waddan iyo ka badan waxaa laga yabaa in Dalka uu qaato Nidaam Federaal ah si waddamadii midoobay u yeeshaan dowlado gobolleedyo u gooni iyo dowlad midnimo qaran oo ay ku midaysan yihiin. Tusaalle, dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka 1945 markii ay ciidanka isbahaysiga ay ka adkaadeen dowladii Jarmalka ee Naziga oo Hilter Hoggaaminayey waxay waddanka u kala qeybiyeen labo waddan Beriga Jarmalka oo raacsaneed Ruushka iyo Galbeedka Jarmalka oo raacsaneed Gashanbuurta NATO oo Maraykanka hoggaaanka u ahaa.

Dhamaadkii Dagaalkii qaboobaa (Cold War), 3.oktoober.1990 waxaa Midoobeen waddamadii Jarmalka bari iyo Jarmalka galbeed xittaa Caasimada maanta ee Baarliin waxay u kala qeybsaneed labada waddan oo xadka kalla qeybiyo oo ah derbiga wayn.

1990 waxaa Jarmalka bari ka bilaawday kacdoon midnimo doon ah si loo middeeyo labada Jarmal waxaa la dumiyey derbigii xadka ahaa taasi oo aheed biloowgii Midowga Jarmalka. Labadii Dowladood ee midowbay waxay ku heshiiyeen in waddanka lagu Maamulo Nidaam Federaal ah.

Muhiimada ay leedahay Federaalka

In nidaam dowladnimo la gaarsiiyo Gobolada iyadoo loo sii maraayo awood siinta dowlad goboleedyada, waxay fududanaysaa in si gaar ah loogu warqabo baahiyaha Shacabka Madamaa gobol kasto uu leeyahay dowlad u gooni ah oo ka shaqayso danaha shacabka ku nool Golbolada. Laakiin ujeedka ma ahan kala qeybsanaan ee waa wada shaqeyn.

In xafiisyada dowlada dhexe ay ka yaraadaan culays iyo saxmada madamaa addeegyada dowlada dhexe lasii marsiinaayo dowlad goboleedyda., dowlad goboleed kastana ay mas’uul ka tahay adeegyada shacabka loo qabto sida Caafimaadka, Waxbarashada, Aminiga, iyo wixii lamid ah, shacabkana waxay adeegyadaasi kala xisaabtamayaan dowlad goboleedka ay ku noolyihiin.

Nidaamka doorashooyinka wuxuu noqdaa labo, heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed waxaana kordhayso ka qeyb qaadashdada tartanka doorashooyinka ee Muwaadiniinta, maadamaa dowlad goboleed kasto uu leeyahay xukuumad iyo barlmaan u gooni ah.

Waddanka markii oo federaal yahay way yartahay in uu ka dhaco Afgambi Ciidan Maadamaa oo xukunka oo baahsan yahay. Badanaa afgambiga wuxuu ka dhaca waddamada leh dowla dhexe oo kaliya (Unitary government) oo waddankana hal meel laga maamulo.

Caqabadaha uu leeyahay nidaamka Federaalka

  1. Waxaa yaraanayso isla xisaabtanka dowlada dhexe iyo shacabka maadamaa dadka lagu mashquuliyay Dowlad Goboleedka ay deganyihiin inay la xisaabtamaan waxaana meesha ka baxdo in lala xisaabtamo dowlada dhexe ee federaalka ah.
  2. Gobolada waddanka ma isku dheeli tirno xaga dhaqaalaha iyo horumarka waxaa jirayso dowlad goboleed leh kheeraad dabiici ah sida webiyaal iyo dhul beereed wax soo saar fiican leh, halka dowlada goboleed kale aysan laheyn wax qeeraad dabiici ah taasi oo keenayso in dalka horumarkiisa aysan isla jaanqaadin (uusan isla socon).
  3. Waxaa hoos u dhac ku yimaado dareenka waddaniyad ee shacabka, waxayna ku mashquulaan Gobolka ay kasoo jeedaan waxayna ilaawaan inay ka qeeb qaataan horomarka guud ee dalka.
  4. Nidaamka Federaalka wuxuu dhawacaa midnimada waddanka waxay keentaa in dowlada dhexe iyo dowlad gobolleedyada ay isku dhacaan oo ay wada shaqeen waayaan taasi oo keento dib u dhac, horumarka waddanka oo mararka qaar waxaa dhaco in dowlad goboleedyada qaar ay ku fikiraan inay noqdaan dowlado madax banaan oo gooni isku taag ku dhawaaqaan sida ku dhacday dalal badan oo calamka. Tusaalle Jamhuuriyadii Federaalka Yugoslaviya waxay ka koobneed 6 dowladgoboleed oo kala ah Bosniya, Croashiya, Serbiya, Sloveniya, Montenegro, waxaa ka dhex jiray qilaaf iyo isqabqabsi dheeraaday oo u dhexeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, 25/6/1991 Sloveniya iyo Krooshiya ayaa ku dhawaaqeen in ay ka go’een Yugoslaviya.

Arrintaasi waxay shaki gelisay jiritaanka waddanka la oran jiray Yugoslafiya. Ugu dambeyntiina dowlad-goboleedyadii Serbiya ayaa ku dhawaaqday inay go’een, taasi oo keentay inuu lawaayo waddankii Yugoslafiya oo noqday lix dalal. Maanta ma jiro magacii waddankii la oran jiray Yugoslafiya, waa wuxuu sababsaday nidaamkii federaalka ahaa oo ay qaateen. Waa mid kamid ah dhibaatooyinka ay leeyiihiin nidaamyada federaalka, Soomaalidana waxaad moodaa inay waddadaas ku socdaan maanta marka aad fiiriyo hab-dhaqankooda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Akhri

Haddii waxbarashadaada jaamacaddeed ay saameyn kugu yeelan waydo, ogaaw waxbaa qaldan – maxaase qaldan?

Wali ma isweydiisay qofka inuu saameyn yeelan waayo maxaa keeno asigoo wali jaamacad kasoo qalin-jabiyey, waliba heerarka sarre ka gaaray?

Published

on


Guushu maaha shay aad gaartay adigoon dadaal gelin, si kastaba ha ahaatee. Waa maskax ay tahay in aad qaadato si aad himiladaada u fuliso oo aad u korto qof ahaan, waxayna u baahan tahay shaqo adag.

Qofka inuu saameyn yeelan waayo maxaa keeno asigoo wali jaamacad kasoo qalin-jabiyey?

Haddii aad aragto waxbarasho aad kaga baxday jaamacad noloshaadina wax isbeddel ah ay ku yeelan wayso, ogaaw wax baa qaldan. Labo midkood ayay noqon kartaa:

Koow, goobta ama nidaamka waxbarasho ee aad soo martay ayaa saameyn kugu yeelan waysay noloshaada. Jaamacadda Oxford waxay Oxford ku tahay waa saameynta ay leeyihiin dadkii ka soo baxay iyo waxyaabihii ay dunida kusoo kordhiyeen ee ma ahan magaca ay xambaarsan tahay oo kali.

Labo, waxaa laga yabaa in bulshada aad ku dhex nooshahay ay habkaas u wada noosahahy. Macnahayga, qaab nololleedka bulshadaas ayaa ah qaab nololleed ay dadka aamineen inay cunaan haddana iska cabbaan bilaa xisaab. Marka aad quraacato waaa inaad isweydiisaa Illaahay ayaa ku siiyey laakiin sidee kugu soo gashay?

Maxaa kaaga baxay hadlkaas, saameyn maku yeelatay waxbarashadaadii?

Haddii ay saameyn kugu yeelan waydo, qaado tallooyinkaan soo socda:

1. Akhri buuggaag wanaagsan kuwaasoo ku saabsan waxyaabaha aad nolosha adiga ka rajeynayso. Tusaalle, haddii aad jeceshahay inaad noqoto siyaasi weyn oo dalkiisa wax kusoo kordhiya dadkiisa dhibaatada raba inuu dhibaatada ugu kaalmeeyo akhri buuggaagta saameynta kugu yeelan kara sida aqoon iyo waayo-aragnimo badan aad ka heli karto. Tusaalle aniga Cabdijabaar ahaan waxaa saameyn igu yeeshay buuggaag badan oo ay kamid yihiin buugga ‘The Art of War’ Xeeladaha Dagaalka, ‘Why Nations Fail’ Maxay Waddamada u Fashilmeen ‘u Guuldareystaan? iyo kuwa kale oo badan oo runtii isbeddelka ay igu sameyeen uguma sameynin shahaadooyinka kala duwanaa ee aan jaamacadaha Qaaradda Yurub ka qaatay.

2. Ku xero dad wax tar leh oo aad waxyaabo badan kaga daba-deyan karto. Haddii ay suurtagal tahay raadi dad aad iskumeel uwada socotaan xagga hadafka nolosha. Yeelo qof si gaar ah tusaalle wanaagsan kuugu noqon kara, adigoo dhaqannada wanaagsan ka qaadanaayo kiisa xuna iska tuuraayo. Laakiin inta badan dadka horumarka sameeyey intooda badan waxay leeyihiin dhaqanno u fududeeyey inay guulaystaan.

Guud ahaan, waxaan ku soo koobayaa waa adiga qofka isbeddelka sameyn kara ee ma ahan qofkale ama shahaadooyinkaaga oo kali. Shahaadooyinka waa xirfad aad adiga dooratay si aad ugu shaqeysato. Imisaa ayaa jirta caalamka jaamacaddii iska joojiyey si ay hadafkooda u rumeeyaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Published

on


Way fiicnaan lahayd haddii aan dhisno hay’ado cilmi baaris ah oo ka shaqeeya dal kasta iyo heerka gobolka guud ahaan waqtiyadaan muhiimka u ah taariikhda dalalkeenna, gaar ahaan kuwa ku howlan dhisidda nabadda oo markaa u baahan in la shaqaaleeyo.

Cilmibaadhistu waa tijaabo iyo imtixaan lagu sameeynayo shey aan wali aqoon fiican loo lahayn. Juquraafi ahaan, inta badan cilmibaadhista waxaa lagu sameeyaa meelaha aan wali la tegin ama aqoonta fiican laga heynin.

Cilmi-baaristu waa qaabka lagu gaaro aqoon cusub, amaba waxaa la yiraahdaa waa: waa baaritaan nidaamsan (aruurin iyo dhiraandhirin xog) taasoo loo qaabeeyo inay horumariso ama ka qayb qaadato aqoonta. Haddaba, isku soo duuboo cilmi-baaristu waa soo saaridda iyo ka gun-gaarida aqoonta iyo cilmiga dahsoon si bulshadu ay u gaarto horumarka ay ku taamayso dhinac walbaba. Cilmi-baaristu way ka duwan tahay qaababka aqoonta lagu gaaro sida akhriska buuggaagta iwm, sababtoo ah waxay leedahay qaab cilmi ah oo la raaco.

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya lama helin nidaam waxbarasho ay maamushu dowlad hoose oo sal adag leh balse tani waxay jaanis iyo fursado balaaran siisay dadyow gaar ay ku jiraan dowlado shisheeye iyo shaqsiyaad gaar ah.

Waxaa xaqiiqo ah in ummad walbo ummadaha kale ay kaga horeeyaan inta ay luuqadahooda wax ku bartaan. Ma jiro hal iskuul oo ardada wax ku barata luuqadda Soomaaliga iyada oo luuqadda la isticmaalo ay tahay Carabiga iyo Ingiriiska. Balse dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa lagu amanaa inay soo kordhisay in afsoomaaliga lagu barto manhajka intiisa badan. Iskuullo waxaa jira heerka dugsiga hoose u isticmaallo luuqadda Soomaaliga balse dib ugu wareegay Ingiriiska marka la gaaray heerka dugsiga sare.

Tanina waxay ku tusaysaa baahida loo qabo mideynta xarumo lagu baaro cilmiga baarista iyo sare u qaadida xarumaha fikirka Soomaaliyeed. In ka badan 30-sanno ayaa laga joogaa markii ay burburtay dowladii hoose waxaana sare u kacay xarumaha waxbarshada sidda gaarka loo leeyahay waxayna aad ugu kala duwan yihiin tayada waxbarasho ee laga dhigo Jaamacada iyo Iskuulada.

https://www.unigovec.edu.so/courses-library/

Ma jirto baaritaano lagu sameeyay tayada waxbarashada dalka ayadoo ay jiraan meelo gaar oo lagu sameeyo cilmi baaris laakiin waxay u badan yihiin kuwa ka madax banaan laamaha dowlada, siddoo kalena waxaa dalka kusoo kordhay adeegyo waxbarasho ay maalgashanayaan dowlado shisheeye sidda Turkeyga iyo wadamo kale oo badan.

Soomaaliya iyo wadamo kale oo ka tirsan carabta waxay baahi weyn u qabaan siddii lagu lahaa xarumahan balse taagerida iyo isku duubnaanta dadka ayaa keentay in laheli waayo xarumo ay ku mideysan tahay waxbarshada dunida gaar ahaan wadamada carabta iyo meelo kale oo kamid ah dunnida.

Ka dib halaagii iyo baabi’intii dowladii Tataarka waxay raad lama ilaabaan ku reebtay wadamada Islaamka waxayna tani ku noqotay fajac iyo niyad jab balaaran. Laakiin dadka muslimka iskuma dayin in ay mar kale ay sameeyaan xarumo lagu baaro daraasadaha cilmiga.

Tayada Hay’adaha tacliinta sare awgeed waxaa yaraatay Ia xadido tirada jaamacdaha iyo iskuulada taasi awgeed dowladaha kale ee dunida ayaa diiday in ay aqbalaan nidaamka waxbasharo eek a jira Soomaaliya ( tusaale ahaan Soomaaliya, Bosnia iyo Herzegovina, Ciraaq, Lubnaan, Nicaragua iyo Timor-Leste). Waa wadamada aan sida saxda loo aqoonsaneyn tayada waxbarashadooda waxayna keentay in waxbarshada oo kamid aheyd waxyaabaha aas aasiga aheyd ay gacanta u gashay shaqsiyaad misna lagu eedeeyay in la siyaasadeeyay armiha waxbarashada siddii kol hore dhacday oo kale.

   Maxaa laga dhaxli karaa arimahan haddii aan sameyn xarumaha barista fikirka?

Hadda sidda aan idin kugu soo sheegnay qeybtii hore waxaa laga ma maarmaan ah in lasoo celiyo xarumaha fikirka Soomaaliyeed taasi oo faa’iido iyo mudnaan u leh dalka. Si kastaba ha noqotee lama soo koobi karo dhibaatada laga dhaxli karo la’aanta xarumahan basle halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa labbo arimood oo suurta gal ah haddii aan la sameyn.

  1. In ay suulaan waxyaabahii qadiimiga ahaa ee uu dalka lahaa taasoo keeni karto sharaf dhac weyn iyo in ay lunto qeyb ka mid ah taariikhda dalka.

Intaa kaliya kuma eka balse waxaa jiro in jiilka soo socda aysan halkaan ku arki doonin waxyaabo ka haray Awoowayaashii ay dhaleen misna kuwii ka horeeyay.

  1. Sare kac balaaran oo ka dhasha marin habaabin dhanka waxbarashada iyo la waayo cid aruuriso fikirka gaar ah ee ay aminsan yihiin dhalinta soo koreysa.

Waxaa kaloo meesha ka bixi doono in ardeyda ah helaan tusaale hagaagsan ay kaga daydaan baarista ku saleysan cilmiga ay baranayaan, siddo kale waxaa laga yaabaa muddo dhow ka dib in say suulaan cid si sax ah u qorto luuqada afka Soomaaliga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?

Haddii wax la bartay maxaa la soo kordhiyay?

Published

on


Sannad kasta, waxa jaamacadaha waddanka ka baxa oo ka qalin jabiya arday tiro badan oo kumanaan ah, waxa ayna ka soo kala baxaan jaamacado kala duwan, iyaga oo soo kala barta culuum kala duwan. Waa horumar aqooneed iyo ilbaxnimo loo baahanyahay, waana wax Illaahay loogu mahadnaqo, waxaase aynu wada dareen sannahay qof kasta oo innaga mid ahna agtiisa wax caadiya ka ah in ardaydaasi ay soo baxaan oo bulshada soo dhex galaan tiiyoo (intooda badan) uu ku soo xisaabtamayo sidduu uga hawlgali lahaa shirkad, xafiis dawladeed, dugsi, warshad, cusbitaal ama meherad ganacsi oo hawsheeda shaqo hore u soo socotay oo shaqaynaysay.

Taas ayaa ah ta aniga iyo dad badan oo ila mid ah maskaxdoodu isu waydiiso su’aasha ah: ”Maxaa sababay in 5,000 oo arday oo midkasta oo ka mid ahi uu buug iyo qalin is dul hayay muddo dhan 16 sannadood iyo wax ka badan laga waayo hal qof oo layimaadda HINDISE IYO HAL-ABUUR cusub oo uu dunida ama ugu yaraan waddankiisa ku soo kordhiyo?”

Bal eeg, waxa uu ka soo baxay kulliyadda caafimaadka, haddana galab qudha isma uu waydiin ”Sideebaa geedka mirimiriga loogu addeegsan karaa daawo lagula dagaallamo, lagaga hortago ama lagu daweeyo xanuunka malaariyada si cilmiyaysan?”

Waxa uu kasoo qalin-jabiyay takhasusna ku qaatay Cilmiga XANNAANADA XOOLAHA, haddana iskuma uu dayin inuu hindiso hab cusub oo lagula dagaallami karo shillinta iyo gafanaha xoolaheenna waxyeelleeya marmarka qaarna caqabad ku noqda in xooleheennu u dhoofaan caalamka?

Waxa uu ka soo baxay ama soo bartay culuumta teknolojiyada ee IT-ga walina kumuu fakerin inuu awood u leeyahay inuu samayn karo dunidana kusoo kordhin karo inuu sameeyo CHARGER wireless ah! Arday kale ayaa isagu waxa uu soo bartay DARAASAADKA ISLAAMKA AMA SHAREECADA iskumana uu dayin bal inuu kutub qoro oo soo kordhiyaa ha joogtee uu kitaabka ARBACIINKA ku tarjumo Af Soomaali. Waxa uu kasoo baxay Kulliyadda dhaqaalaha walina muu soo bandhigin hal fikrad oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha waddanka.

Mid kale ayaa wuxuu soo dhammaystay injineering, walina ismuu waydiin su’aasha ah ”Ma jiraa design ama qaab kale oo guryo looga dhisan karo qabcadaha guryaha dusha laga saaro ( jiingadaha )?”.

Waa run in culuumta iyo kulliyadaha jaamacaddu intan aan xusay oo kaliya ahayn, balse intan waxa aan u soo qaadannay kaliya tusaale ahaan.

Ardayow ma aha in aad bulshada ku soo noqoto adiga oo la koodhaadhaya afartii LECTURE ee barafoysarka jaamacaddu uu kugu soo shubay oo kaliya, adigu ka shaqaysii maskaxda oo noqo aqoonyahan bulshada u soo kordhay oo lasoo kordhay aragtiyo cusub oo wax ku ool ah oo bulshada u horseedi kara inay saymayso horumar diimeed, dhaqaale, siyaasadeed iyo horumar kasta oo kale oo dan u ah ummadda ifkeeda iyo aakhiradeedaba.

Ugu danbayn, waxa meesha ku jirta in dood ama cilmibaadhis laga sameeyo waydiimahan soo socda: Maxaa keenay wax hindisid la’aanta aqoonyahankeenna?, Ma waxa aynaan lahayn maskaxdii wax ikhtiraaci lahayd (subxaanalaah) mise  waynaan gaadhin goortii wax-soo-kordhinta, oo wali aqoonbaa inoo dhiman? Ma jaamacadaha waddanka ayaanay ool aqoon ardayga maskaxdiisa gayaysiisa inuu wax cusub allifo (oo kuwa debedda inooga yimaaddaaba af qudha ayay lasoo noqdaane!!) Malla furi karaa se kulliyad sidata magac ah: WAX CUSUB SOO KORDHI!?, mise waxa innaga dhaadhacsan in waqtigan aynu joogno ay dhamaadeen wax la hindisaaba (ikhtiraac) oo hore loo wada dhammeeyay?

Waxa aynu u baahannahay in dib loogu noqdo sid ay waxbarashadeenna sare (jaamacaduhu) u socoto in daraasaad laga sameeyo jawaabaha waydiimahan sare.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Waxaa jira 3 xeerar oo fududd oo aad raaci karto si’aad u guulaysato

“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney

Published

on


Guushu waa fikrad kala duwan qofkastana wuxuu u arkaa si ka duwan qofka kale. Haddii ay la macno tahay in aad leedahay xirfad aad u wanaagsan, guri ama qoys, guushu waa wax uu qof kastaa ku dadaalo in uu gaaro. Waxay kaa dhigaysaa inaad dareento geesinimo, waxay ku siinaysaa raynrayn, waxayna ku siinaysaa inaad ogaato inaad saamayn ku yeelatay adduunkan tartanka adag leh.

Guushu maaha shay aad gaartay adigoon dadaal gelin, si kastaba ha ahaatee. Waa maskax ay tahay in aad qaadato si aad himiladaada u fuliso oo aad u korto qof ahaan, waxayna u baahan tahay shaqo adag. Maqaalkan, waxaanu ku sharaxaynaa waxa ay la macno tahay in lagu guuleysto oo aan ka wada hadalno talooyin kaa caawin doona safarkaaga guusha.

“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney

Waa maxay guushu sideese aad ku gaari kartaa?

Qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku hamminayaa sidii uu u gaari lahaa guul wax ku ool ah. Qof kasta riyadiisa ayaa ah inuu nolosha ku guuleysto. Laakiin, qaar badan uma rumoobaan riyooyinkooda. Waxaa jira farqi udhaxeeya “Waxaan rabaa inaan noqdo dhaqtar” iyo “hamigeygu waa inaan noqdo dhaqtar waana dadaalayaa si aan dhaqtar u noqdo.”

Qofna ma rabo in loogu yeero ama loo arko inuu yahay mid fashilmay ama guuldareystay. Si kasta oo ay u adag tahay una xanuun badan tahay, waxaan wada qiran karnaa inaan ku guuldaraysanay nolosheena qeybo kamid ah.

Laakiin qof walba waxaa haysta hammi iyo wax ku weyn maskaxdiisa/maskaxdeeda, balse dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sheyga maskaxdooda ka guuxa wakhti intee la’eg ayey u baahan yihiin inay ku qaadato, maxaa yeelay waxwalbaa wuxuu qaataa waqti, wixii waqti qaata oo kaliya ayaa la ogaan karaa guushiisa inta ay la’eg tahay.

“Guushu maaha furaha farxadda. Farxaddu waa furaha guusha. Haddii aad jeceshahay waxa aad samaynayso, waad guulaysan doontaa.” – Albert Schweitzer

Fikradda guushu way ku kala duwanaan kartaa qof ilaa qof laakiin qof kastaa waxa uu haminayaa in uu ku guulaysto sida ugu wanaagsan ee kartadiisa ah. Waa lama huraan in aad taqaano waxa aad nolosha ka rabto iyo waxa aad u aragto guul.

Ma mari kartid waddo aan toos ahayn adoo raadinaya nolol guulaysata, adiga oo aan go’aamin jidkaaga ama hadafkaaga. Waqti qaado oo raadi waxa aad u taqaano guul. Ka fakar oo xooga saar tamartaada.

Fahan marka hore, ka dibna go’aami waxa aad ka rabto nolosha. Ma waxaad hiigsanaysaa guul shakhsi ama mid xirfadeed mise way isku xiran yihiin? Aqoonso waxyaalaha nolosha kaa farxiya. Markaad bilowdo inaad si togan u fikirto waxaad ku socotaa wadadii saxda ahayd.

Inaad dedaasho waa waajib kaa saaran naftaafa. Waa xaqiiqa jirta cidna kama sugaysid midaas. Waana waddooyinka kali ee aad ku xaqiijin karto inaad tahay qof jira oo nool oo waliba naf ay ku jirto. Guusha waxay leedahay sharciyo la maro, mid kamid ah sharciyada ugu muhiimsan waxaa kamid ah inaad aaminsan tahay inaad guulaysan karto.

Waxaa jirta xikmad uu yiri qoraagii reer Gariiga ahaa Nikos Kazantzakis, “Si aynnu u guulaysanno ugu horrayn waa in aynnu aaminnaa in aynu guulaysan karno.”

  1. Noqo qof hadaf ka leh nolosha

Marka horeba u door mustaqbalkaaga waxa aad jeceshahay inaad noqoto. Hadafka ayaa muhiim u ah noloshaada, waa jihada naftaada. Inaad noqoto qof hadaf leh waxay ka dhigan tahay qof og muhiimada ay u leedahay noloshiisa, oo macnahiisu yahay waad garanaysaa meesha aad u socoto, taasina waxay ku siinaysaa xamaasad, dhiirigelin, tamar badan iyo sababta aad usoo kacayso subaxdii. Waxaad noqonaysaa qof nool. Qodobkaan waxa aan aad ugu dheeraaday buugga 5-ta Tiir ee Guusha.

Himilada nololeed waxay noqon kartaa wax kasta oo ka mid ah guursashada, iibsashada guri, bilaabista ganacsi, caruur iwm. Wax kasta oo ay noqon karaan, waxaa muhiim ah inaad yeelato yoolal nololeed oo aad ogaato waxaad ka damacsan tahay nolosha.

2. Ku dadaal hadafka noloshaada

Weligaa ha khiyaanayn naftaada – guushu waxay ku timaadaa shaqo adag inaad la timaado. Waxaadna ogaan kartaa inkasta oo aad samaynayso dhammaan culeysyada ku horyaallo, waxaa jirta qanacsanaanta aad ku qanacsan tahay shaqadaada. Laakiin xasuusnoow inaad u baahan tahay inaad ku tiirsanaato dad adiga oo kale oo nolosha ujeedo iyo hadaf ka leh, iskana hubi dadka adiga kugu hareersan inay yihiin kuwa aad isla jaan-qaadi kartaan.

Inaad dedaasho oo kali lagaagama baahno waxaad kaloo u baahan tahay inaad taqaano halka aad u socoto iyo goorta aad rabto inaad gaarto.

Dr. Tony Campolo ayaa sheegay daraasad laga sameeyay 50 qof oo da’dooda kor u dhaaftay 90 sano oo rag iyo dumarba leh ayna sameeyeen aqoonyahanno cilmiga bulshada. Wuxuu sheegay in waayeel kaas la weydiiyay “Haddii noloshaada dib loo celin lahaa, maxaad ka beddeli lahayd?” su’aashaas waxay ahayd su’aal furan oo jawaabaheedu kala duwanaan karaan. Haseyeeshee, jawaabaha waayeelku ka bixiyeen waxay noqdeen kuwa isku mid ah waxayna ku jawaabeen:

  • Waan fekeri lahaa oo hadba xaaladyda qiimayn ku samayn lahaa.
  • Siddii horre si ka badan ayaan khatar ugu bareeri lahaa. Waxaan ifka kaga tegi lahaa wax iga dambeeya.

Waayeelkaas waxay dhammaan ka shalaayeen in sida ay u fekeraayeen yaraantoodii aysan ahayd mid u hagtay dhanka himilooyin ay lahaayeen iyo in feker la’aantoodu ay gayaysiisay in aysan gaarin hadafkooddii. Waxay isku raaceen in ’waa fekeri lahaa! Macnaheedu yahay ”tallaabo kasta oo aan qaadayo waxaan ka dhigi lahaa mid ii jihaysa waxyaabaha noloshayda macnaha u sameeya intii aan siddii bilaa macno daro u socon lahaa”

Halkaas, waxaanu ka baran karnaa in qofka inta ay goor tahay maskaxdiisa si fiican ugu shaqeysiiyo. Siddoo kale waxaan kaloo arki karnaa in qof walbi nolosha uu noolyahay aysan ka fogayn sidda uu u fekeraayo.

3. Diirada saar hawlaha ku horyaallo oo kali

Waxaad u baahan tahay inaad yeelato feejignaan dheeraad ah haddii kale waxaa ku mashquulin doona cida adiga kugu heeraarsan sida asxaabtaada iyo hawlo kale oo hadafkaaga dib-u-dhac u keeni kara. Maalin kasta, qorshahaaga hakuu diyaarsanaado. Hana ku mashquulin hawlo aan faa’ido kuu lahayn.

Waxaa laga yaabaa inaysan jirin isku-dhaf qumman oo hadafyada nolosha ah laakiin waxaan kuu sheegayaa waxwalbo oo aad qabanayso seddaxdaas ayaa u ah laf dhabar. Inaad hadaf yeelato, kuna dedaasho hadafkaaga iyo inaad diirada saarto hawlaha ku horyaallo oo adiga hadafkaaga ku gaarsiin kara. Boqolkiiba 2% oo kali ayaa dadka shaqeyn kara iyada oo aan kormeer lagu hayn. Dadkaas waxaa la yiraahdaa ”Hoggaamiye.” waa nooca shaqsiyadeed ee lagaaga baahnaa inaad noqoto, waadna noqon kartaa haddii aad go’aansato.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Maxaad ka taqanaa magaaladda Buulo Burde?

Mala socotaa in Buulo Burde ay ku magac dheer tahay Buulaay ama Deebleey oo dadkii hore u yaqaaniin?

Published

on


Degmada Buulo Barde oo ku taala dhanka qoraxsin ee Wabiga Shabelle, waxay muqdisho u jirtaa 220km, waagii hore magaalada waxaa la dhihi jiray Buulo-burte oo macneheedu yahay (Buuladii bacaadka), lakiin markaan dambe ayaa wuxuu magacaasi isku bedelay Buulo Barde, waa geed wabiga jiinkiiska ka baxo ayna caan ku tahay magaaladan.

Buulo Burde waxay kaloo ku magacdheer tahay Buulaay ama Deebleey oo dadkii hore u yaqaaniin. Magaalada Buulo Burde waxay caan ku tahay xoolaha sida Ariga, Geela iyo Lo’da, magaaladani waa magaalo laga helo dhammaan dhirta kala duwan ee ka baxda Soomaaliya, waa magaalo laf dhabar u ah dadka iyo gaadiidka ku kala safra goballada dhexe iyo gobollada waqooyi.

Magaaladan ayaa u muuqato mid ganacsigeedu uu sii balaaranayo lagana yaabo in ay hogaamiso ganacsiga gobolka Hiiraan iyadoo dadkeedana maalinba maalinta ka danbeysa sii badanayo. Waxaa ka dhacay dagaal weyn sanadkii 1922 oo u dhexeeyey askartii Talyaaniga iyo kuwii Xasan Barsane oo ey dad badani ku nafwaayeen.

Waxbarashada

Markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee sanadkii 1991dii waxaa burburay dhamaan agabkii iyo hooygii waxbarashada wadanka oo idil. Waxa warbixin lagu sheegay in 94% dugsiyadii waxbarashada Soomaaliya ay burbureen.

Horaantii sanadkii 1997kii, magaalada Boorama waxaa laga furay jaamacadii ugu horeysay dalka tan iyo burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Wakhtigaasi waxaa la furay Jaamacadda Camuud oo noqotay hooyga waxbarashada ee deegaanka.

Waxbarashada Soomaaliya caadiyan ilaa askunkii taariikhda waxay waxbarashada ku salaysnayd barashada Qur’aanka iyo guud ahaan diinta. Aasaaskii bulsho dowladnimo haysato, Soomaaliya waxaa kusoo kordhay aqoonta bay’ada iyo ka faa’iidaysiga cilmigi falaga, aqoontaas oo ahayd mid jiilba jiil u gudbaysay.

Buulo Burde waxaa ku yaala dugisyo sare iyo kuwa dhexe iyo kuwa hoose iyo kuwa kale, laakiin degmada Buulo Burde waxaa lagu xasuustaa dowladii Maxamed Siyaad Barre iney ka soo bixi jireen dad aqoontooda sarreeyso xaga waxbarashada xaga ciyaaraha, waxaan xasuusanaa gobolada dalka Soomaaliya marka loo fiiriyo xaga ciyaaraha waxay ka soo bixi jireen badankood gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buulo Burde.

Bulshada

Degmada Buulo Burde waxay ahaan jirtay beri samaadkii degmada ugu dadka badan degmooyinka dalka Soomaaliya iyo degmada ugu xildhibaanada badan guud ahaan degmooyinka dalka soomaaliya, waxaana kasoo gali jiray illaa toddobo xildhibaan.

Buulo Barde waa deegaan yar oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee ku yaallo dalka Soomaaliya waxaana ku nool ku dhawaad 16,928 qof, waana mid ka mid ah meelaha ugu ballaaran Soomaaliya. Waxaa ku nool qabaa’ilo Soomaaliyeed, laakiin ma sheegaan qabiilkooda oo haddii la weydiiyo waxa uu kuugu jawaabaa reer Buulo Burde. Degmada waxa ay leedahay qisooyin aad u farabadan halkaanna kuma soo koobi karno, waxaa ay kaloo leedahay Buundo lagu tilmaamo in ee ay mid tahay kuwa ugu qatarsan Soomaaliya oo dhan.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Sirdoonka & Militariga1 hour ago

Kongresska Maraykanka ayaa ansixiyey miisaaniyaddii difaaca ee ugu badnayd

Bariga dhexe9 hours ago

Gabar la dhalatay Ayatollah Cali Khamenei oo weerartay xukunka walaalkeed

Siyaasadda Soomaaliya10 hours ago

Maxay ka dhigan tahay shardiyada ay Somaliland ku xirtay wadahadallada dowladda federaalka?

Diblomaasiyadda & Dunidda11 hours ago

Israa’iil iyo Morokko ayaa kala saxiixday heshiis shidaal baaris ah

Gumeysi iyo isir sifeyn11 hours ago

Israa’iil ayaa saddex kale oo Falastiiniyiin ah ku dishay gudaha magaalada Jenin

Caafimaadka & Sayniska2 days ago

Saynisyahano ayaa waxay ogaadeen 2 macdan oo aan hore loogu arag dhulka oo laga helay Soomaaliya

WARBAAHINTA3 days ago

Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyey inay xasuuqeen 83 maxaabiis oo Tigray ah

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 days ago

Waa maxay Federaal?

Afrika3 days ago

Suudaan: Cabdel Fattah Burhan iyo kooxda dimuquraadiyada doonka ah ayaa saxiixday heshiis qaab dhismeed dowladdeed

Akhri5 days ago

Haddii waxbarashadaada jaamacaddeed ay saameyn kugu yeelan waydo, ogaaw waxbaa qaldan – maxaase qaldan?

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

Xaalada amni darro awgeed, waxaa Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyey Mooshun degdeg ah

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

RW Xamza Cabdi oo mashaariic dowladeed u muhiim ah u xiray xildhibaano asiga ku dhow

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

ATMIS (AMISOM) oo war ka soo saartay dhacdadii ay wiilka dhalinyarada ah ay gaariga ku marsiiyeen Ceelasha Biyaha

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Waa maxay Daanta Galbeed? – Taariikh iyo xog muhiimad gaar leh

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Ciidamada Israa’iil ayaa saddex Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto: wasaaradda caafimaadka

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

4 qof oo isku qoys ah oo aano loo dilay gudaha magaalada Warsheekh

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

Madaxweyne Xassan oo shir uga qeyb galay Muqdisho, xilli aagga Madaxtooyada Al-Shabaab laga saari la’yahay

Afrika1 week ago

Dowladda Masar oo ku guuldareysatay inay dadka qaxootiga ah ka ilaaliso kufsiga iyo faraxumeynta loogu gaysto gudaha dalkeeda

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Qeybtii 2aad: Furaha xalka Soomaaliya, – Sidee qayaanada loogu maleegay Soomaaliya?

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Xariirka Turkiga iyo Bakistaan

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Turkiga: Erdogan waxa uu go’aansaday in uu noqdo kan ugu sarreeya difaaca

Afrika2 weeks ago

Afrika iyo musaqmaasuqa

Afrika2 weeks ago

Madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Klaus Chilima oo xabsiga loo taxaabay musuq-maasuq dartiis

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Xariirka Turkiga iyo Qadar

Ganacsiga2 weeks ago

Dowladda Qadar oo $10 bilyan siineysa Turkey, ujeeddada waa maxay?

koonfurta Bari Aasiya2 weeks ago

Anwar Ibrahim ayaa loo dhaariyay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Malaysia

Caafimaadka iyo Sayniska2 weeks ago

Sidee loo xakamayn karaa fayruska dengue?

Caafimaadka iyo Sayniska2 weeks ago

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in xumadda Dengue ay dishay 26 qof

Yurub2 weeks ago

Midowga Yurub ayaa dejinaya qorshaha muhaajiriinta Mediterranean-ka kahor kulanka degdega ah

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Nooca dililka ay fuliyaan Hay’addaha sirdoonka

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Turkiga ayaa weeraro cirka ah ku qaaday bartilmaameedyada argagixisada PKK ee Ciraaq iyo Suuriya

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Danjire Moxammed El-Amine Souef: Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Waa maxay cilmiga Sirdoonka ama Jaajuuusnimada?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Qeybtii 1aad: Furaha xalkaa Soomaaliya

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Qaybtii 1aad: Yaa qorsheynaayo weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdishu?

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Waxaa jira 3 xeerar oo fududd oo aad raaci karto si’aad u guulaysato

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Madaxweynayaasha Joe Biden iyo Xi ayaa ku kulmay shirka G20 ee Bali, maxay kawada hadleen?

WARBAAHINTA3 weeks ago

Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa kala saxiixday heshiis lagu joojinayo magangelyo-doonka ka tallaabaya kanaalka u dhexeeya

Xul