Connect with us

Siyaasadda Soomaaliya

Waa maxay ujeedka dowladda Soomaaliya ay mar kale u xirtay Cabdalla Muumin?

Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay.

Published

on


Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maanta waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya – waa sida ay tabisay Idaacadda VOA Somali.

Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay.

Xilliga la xirayay Wariye Cabdalla Muumin waxa uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ugu qeyb galayay kullan uu soo agaasimay Aqalka Sare oo looga hadlayay Hindise Sharciyeedka cunaqabateynta maaliyadda ee cayiman ee ay dhawaan Golaha Wasiirada ee dowladda Soomaaliya ansixiyeen.

Qareenka Cabdalla ayaa sheegay inuu halkaasi ka dhacay buuq iyo murran muddo socday, kadib markii ay iyaga iyo ilaaladii hotelka ka codsadeen ciidamada in la tuso waaranka ama warqadda Maxkamadeed ee xiritaankiisa, markii danbana ay xoog ku ka-xeysteen.

Cabdalla Muumin ayaa sidan oo kale waxaa 11-kii bishii Octoober ee sanadkii hore Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo xiray ciidamada dowladda, iyadoo lagu eedeeyay eedo ay ka mid ahaayeen sumcad dil iyo amar diido.

Kadib dhageysiga dacwadiisa oo soo martay 4 wareeg, ayaa 13-kii bishan Febaraayo waxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay Cabdalla Muunim laba bilood oo xabsi ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa xilligaas sheegay in go’aankan loo cuksaday hal qodob oo ka mid ah saddex eed oo markii hore loo soo jeediyay Cabdalla iyadda oo labada kale lagu waayey.

Sida uu Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan u sheegay VOA-da, Celcelis ahaan waxa uu xabsi toos ah ku jiray Cabdalla Muumin muddo 10 maalmood ah oo kala duduwan.

Cabdalle Muumin ayaa hadda kahor dhalliilay amar dawladeed oo ahaa inaan la baahin karin waxyaabaha ay dawladda Soomaaliya ku tilmaantay inay dacaayad u abuurayaan ururka Al-Shabaab.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waa dallad shaqaale oo ay ku mideysan yihiin suxufiyiinta madaxabannaan. Suxufiyiin Soomaaliyeed oo xirfadleyaal ah ayaa aasaasay bishii Maajo 2019-kii, si ay u difaacaan xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed una dhiirrigeliyaan xorriyadda saxaafadda. Ururku waxa uu xubin ka yahay Golaha Suxufiyiinta Afrika (CAJ) iyo CIVICUS, oo ah isbahaysi caalami ah ee ururrada bulshada rayidka ah oo u heellan xoojinta waxqabadka muwaadinka iyo bulshada rayidka ah.

SJS waxaa ku mideysan in ka badan 450 xubnood, oo ka kooban suxufiyiin, tifaftire-hoosaadyo iyo tifaftireyaal, waxa uu ku shaqeeyaa lacagaha xubinnimada sannadlaha ah ee xubinihiisu, iyo sidoo kale taageerada bah-wadaagtiisa caalamiga ah, sida; Sanduuqa Qaran ee u Deeqidda Dimuqoraadiyadda iyo Sanduuqa Kanada ee Hindiseyaasha Maxalliga ah, iyo sidoo kale Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya ayaa si joogto ah uga hadasha muhiimadda ay leedahay badqabka warbaahinta iyo ilaalinta booska siyaasada dalka, oo ay ku jirto xorriyadda ra’yiga.

Wareysi ay ka qaatay Cabdalla Muumin UN Missions in Somalia oo kusoo beegtay maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta ayaa wuxuu u dhacay sidaan.

Aragtidaada, intee in la eg, ayey Soomaaliya ammaan u tahay wariyeyaasha?

Cabdalla Muumin ayaa ku jawaabay: Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ay ku shaqeeyaan deegaan aad khatar u ah – waxa ay u dhexeeyaan Dheri iyo Dhimbil. Soomaaliya waxa ay leedahay naaneys aan laga fursan karin oo ah iney tahay mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan caalamka ee ay saxaafaddu ka shaqeyso. Hanjabaadaha iyo weerarrada ka imaanaya mas’uuliyiinta dowladda, shaqsiyaadka gaarka ah iyo fallaagada mintidiinta ah ee Al-Shabaab ayaa caadi ah. Suxufiyiinta doonaya in ay ka warbixiyaan arrimaha amniga, khaladka mas’uuliyiinta dowladda, iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, ayaa si joogto ah ula kulmayey caga-jugleyn iyo cabsi-gelin.

Suxufiyiin badan ayaa lagu qasbay inay is-faafreebaan. Maadaama uu dalku hadda ku jiro kala-guur, una diyaar garoobayo qabashada doorashooyinkiisa, dhibaatooyinka ayaa sii kordhay. Waxaa xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta sii dheer, maamulada ka jira Soomaaliya ayaa soo rogay sharci qallafsan oo dhanka saxaafada ah, kaas oo xadidaya xorriyadda hadalka, faafreeb ku sameynaya suxufiyiinta, islamarkaana u dhigaya ciqaab adag warbixin kasta oo loo arko in ay wax u dhimeyso qaranka, sida ka warramidda amniga qaranka ama xataa baaris lagu sameeyo mas’uuliyiinta dowladda.

Maxay aheyd saameynta ay ku yeelatay suxufiyiinta Soomaaliyeed?

Cabdalla Muumin ayaa ku jawaabay: Sannadkan oo keliya hal wariye – Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa weriyeyaashii internetka – ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo, Puntland. Saddex wariye ayaa ku dhaawacmay rasaas, halka saddex kalena la garaacay. Shan xarumo oo warbaahineed ayaa la weeraray, halka ku dhawaad darsan kalena loo caga-jugleeyay oo la cabsi-geliyey, ama loo diiday inay war helaan. Intii u dhaxaysay 1 Jannaayo iyo 26 Oktoobar, 49 wariye ayaa la xiray. Inta badan xarigga ayaa ahaa xabsiyo sharci darro ah oo ka dhacay Muqdisho, Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Somaliland.

Hababka difaaca suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo aad u xaddidan. Xarumaha warbaahintu ma haystaan dhaqaale ku filan oo ay ku difaacaan suxufiyiintooda u bareeraya shaqooyinka halista ah, mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad-goboleedna waxay inta badan ku guuldarreysteen inay difaacaan suxufiyiinta – inta badan kuwa ka mas’uulka weeraridda, caga-jugleynta ama cabsi-gelinta suxufyiinta ayaan lala xisaabtamin. Tanina waxay sidoo kale uga sii dartay badbaadada iyo ilaalinta shaqooyinka warbaahinta ee dalka oo dhan.

Waxaa intaas dheer, saxaafadda ayaa xirfad ahaan Soomaaliya ka mid ah kuwa bixiya mushaarka ugu yar, waxaana baahi weyn loo qabaa in la horumariyo xirfadda suxufiyiinta iyadoo la siinayo tababarro xirfadeed.

Maxay SJS sameyneysaa si ay gacan uga geysato difaacidda suxufiyiinta iyo xorriyadda warbaahinta Soomaaliya?

Cabdalla Muumin: Waqti xaadirkan, sida aasaaskeedu yahay, SJS waxay ku dedaaleysaa badbaadinta nolosha suxufiyiinta. Waxaan la xiriirnaa qareennada maxalliga ah, khubarrada amniga iyo suxufiyiinta sare si ay, iyaga oo adeegsanaya khad taleefan oo gaar ah, 24/7 talo u siiyaan suxufiyiinta soo tebiya dhacdooyinka Soomaaliya, oo ay ku jiraan doorashooyinka iyo horumarka goobaha colaadaha.

Guud ahaan, waxaan hiigsaneynaa in aan abuurno madal ay suxufiyiintu, isku dhexgeli karaan, ku xiriiraan, isla markaana ay ku wadaagi karaan hab-dhaqamada ugu wanaagsan, sidoo kalena ay awooddooda ku dhistaan koorsooyin tababbar, siminaarro ama aqoon-is-weydaarsiyo, si ay Soomaaliya maalin uun uga faa’ideysato in ay hesho warbaahinta tayada leh ee ay u qalanto.

Amintan la joogo, SJS waxay hadda qabanaysaa taxane tababar oo ku saabsan badbaadada, oo ay taageerto Sanduuqa Kanada ee Hindisaha Maxalliga ah (CFLI), iyada oo ilaa 60 suxufi ay ka qaybqaadanayaan. Annaga oo kaashanayna bah-wadaagteenna caalamiga ah, waxaan horey u soo helnay koorsooyin tababar kale, waxaana rajeyneynaa inaan wax badan helno mustaqbalka.

Xigasho: VOA

Facebook Comments Box

Diblomaasi waa deggel hormuud u ah falanqeynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wararka madaxa bannaan iyo ajendaha-dejinta wararka, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu qoray/diyaariyey jiilka cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Soomaaliya

Dowladda Xassan Sh. Maxamuud wakhti horeba maku fashilantay hoggaanka dalka?

“Is-beddel kama horreeyo iyadoon sida aan u fekerayno iyo aragtideena diinta, adduunka iyo dawladnimada is-beddelin.” ayuu qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Published

on

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5)

Kadib dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya oo billowday 1991-kii dalka waxaa ka dhacay dhacdooyin argagax leh. Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ayaa ku caanbaxday axmaqnimo xad dhaaf ah, caburinta, dilka, dhaca iyo kufsiga beelaha laga tirada badan yahay. Burburkii dowladdii dhexe kadib illaa iyo hadda ummada Soomaaliyeed ma aysan helin dolwad xalaal ah. Maqaalkaan waxaan ku qaada dhigaynaa su’aasha cinwaanka ‘Dowladda Xassan Sh. Maxamuud wakhti horeba maku fashilantay hoggaanka dalka??

Kadib, xaaladda cakiran ee ay ummada Soomaaliyeed ku jirto ayaa waxaa loo abbuuray dowlad-dabasaar ah oo ku dhisan nidaamka 4.5 uu madaxweyne maanta ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud, maxaa yeelay xal kale ayay waayeen dadka ummada siyaasiyiinta u ah.

Waxaa fikirkaan siyaasaddeed lagu ansixiyey Shirkii Geedi-socodka Nabada Soomaaliya ee Carte sanadkii 2000, ujeedka xukun siyaasaddeedkaan ayaa ahaa heyb-qeybsiga xukunka bulshada u dhexeeya – kaasoo beelaha laga tirada badan yahay lagu liidaayo. Iyadoon aan lagu dheeraan ujeeddada ay ku timid nidaamka hirgalay ee 4.5, xusuusin waxaa mudan in ay jireen xiligaa abuuris, qorshe iyo tabo ka duwan mida maanta hirgashay ee 4.5, isla mar ahaantaana si aan hubsiimo laheyn ama aan loo aabo yeelin meel leysaga tuurey.

Marxaladan cakiran ee ay ummada Soomaaliyeed ku jirto maanta waxay soo socotay in ka badan 30 sano illaa iyo maantana ma aysan helin hoggaamiye u hiiliya shacabka Soomaaliyeed. Mudadaa, dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed waxay si isku mida u tuhuntey islana garatey in nidaamkan caddaalad darro uu ku suleysan yahay. Sababtaa darteed, inta badan shacabka Soomaliyeed waa ay ka dharagsan yihiin in 4.5 uusan ku saleeysneyn xog tirakoob rasmi ah oo la sameeyey – balse, daneysi iyo isu tanaasul, loogu daneenayey in ka badan 25 sano, kooxo iyagu qori caaradii ama magac qabiiil isu huwiyey “laandheer-nimo” xaqdaro, sadbursi darteed.

Mid kamid ah siyaasiyiinta Soomaalyeed ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsan Dowladda Xassan Sh. Maxamuud ayaa si cad qoraalkiisa ugu sharaxay in isku yaac badan uu ka dhex jiro dowladda uu hoggaanka u haayo mudane Xassan Sh. Mmaxamuud oo lagu soo doortay nidaamka 4.5. Asigoo qoraalkiisa ku bilaabay sida tan:

Waxaan ahay xildhibaan ku jira 6 Whatsapp group ka billawda kan beesha hoose ee Cayr, ku xiji kan Habargidir, Hawiye, xildhibaannada Galmudug, mid loo bixiyey aayaha Baarlamaanka iyo kan guud ee Golaha shacabka. Midkoodna hawlihii Golohu lahaa ee sharci dejin, jihayn siyaasad qaran, korjoogtaynta laanta fulinta, metelaad deegaan, masiirka dawlad dhiska iyo la dagaalanka Alshabaab midna loogama hadlo.

Golaha Shacabku xubnihiisu waa 275 mudane, lagu so xulay 4.5, laakiin jufo, beel ama qabiil isku ajande ah, ama isku meel wax u wadaahi ma jiro. Xisbiyo ama kutlooyin laga tirsan yahayna ma laha. Xildhibaan kasta madaxiisaa mayrax ugu xiran tahay, waa nin walbow naftaa nabiyow umaddaa. Qaar waxay ka joogtaa maxaaan shaqadaydii uga soo tegey.

Markii Golihii la xiray Cumro, Istanbuul iyo Nairobi ayaa loo kala yaacay. Nairobi waxaa maalmo dhow ku sugnaa ku dhowaad 10 wasiir iyo 100 xildhibaan oo danahooda shakhsiga ama qoysaskooda la jooga, kuwaa ayaan ka mid ahay. Maqaayadaha iyo hoteellada Kenya ayaa la isaga soo hor baxaa. Ra’iisul Wasaarihii isna ku dhowaad labo toddobaad ayuu Cumro iyo Ciid ku maqnaa. Allaha ka aqbalo.

Madaxweynaha kaligiis ayaa harjad iyo halgan dagaal Al-Shabaab kula jira. Wuxuu u egyahay nin sidii Nabbi Muuse (CS), lagu yiri

“Tag oo adiga iyo Ilaahaaga dagaallama halkaan ayaan kugu sugaynaa”. Qof walba in Alshabaab laga soo adkaado ayey sugaysaa. Waa dagaalkii Putin iyo Ukraine oo kale. Maayarkii Muqdisho isagoo dhallinyaro budayn ku jira, ayaa magaaladii mar qura biyo ku soo burqadeen, bullaacadihiina wada butaaceen, Bajaajtiina weli ma bejin. Waxaan arkay ruux masuul ah oo Facebook-giisa ku aammanay bakooradda Maayarka, labo maalin ka dibna isla qofkii ayaa la ii sheegay in uu qolo ajnabi ah kula sheekaysanayey in Maayarku yahay xagjir loona baahan yahay in dalka laga qabto.

La yaabbi mayo, sababtoo ah labo wajileynta waxay noqotay meherada keli ah ee maanta siyaasadda ka furan. Ma sahlana in aad siyaasadda ka libin keento haddii aad waydo saaxib runta kuu sheega, dhufaysna kuugu jiraan mucaarad iyo maamul gobolleedyo doonaya in ay ku wiiqaaan, dagaalna kula jirto cadow doonaya in uu ku dilo.

Dunida ma jiro dal 30 sano gobannimo la’aan ah, dadkiisuna la noolyihiin argagexiso, colaad, faqri, cudur, waxbarasho la’aan, abaaro, fatahaad, sharci iyo kala danbayn la’aan, dhallintiisiina rajo beel iyo quus darteed, ay qax iyo tahriib hor leh billaabeen.

Dagaalka Laascano weli ka socda ee dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo hanti burburka baaxadda leh sababay wuxuu tilmaan ka bixinaya halka ay Soomaali 30 sano ka dib taagan tahay. Somaliland waxaa ku dhacay gaboodfal magac dawladeed loogu geestay, ka dibna gooni isku taag ayey xal u arkeen. Sidoo kale ayaa reer Laascaano gaboodfal u geystay maamulka Somaliland, waxayna doonayaan midnimo Soomaaliyeed. Haddii aan midnimo Soomaaliya lagu qasbi karin Somaliland, sidee Laascaano midnimo Somaliland loogu qasbayaa?

Laancaano kuma eka ee beelihii kale way cabanayaan, muddo xileedka Biixina waa dhamaaday, isfaham la’aan ayaa isaga iyo mucaaradka ka dhex taagan, ismadii xalka keeni jirayna waa kuwa leh; “Abidkeeyba meel lagu xintamo waa anigaa xigaye maxaa iga xumaan jiray, haddii rag is xiniin taabto”. Halkaa sawir aan wanaagsanayn iyo saadaal aan wacnayn ayaa ka soo socota.

Taa waxaa la mid ah muddo xileedka gabaabsiga ah ee madaxda dawlad Gobolleedyada Federaalka iyo damaca muddo kororsiga ee ay wada qabaan, goodiska, hanjabaadda iyo is abbaabulka ay wadaan siyaasiyiinta diiddan xil kororsiga ee iyaga xukunka kula loollamaya iyo ka dan la’aanta qaybaha kale ee bulshada iyo daalka ka muuqda beeshii caalamka ee booliska ahayd, waxaasoo idil waa daruur mugdi ah oo Soomaaliya dul hoganaysa.

Culimada cilmiga bulshada waxay yiraahdaan, “sida ay ummadi u nooshahay waxay ka turjumaysaa aragtida ay nolasha ka qabaan”. Cidna ku eedi mayno waxaan u noolnahay sidii aan mutaysanay.
Carabta waxay tiraahda; “shidooy bado si dhabbe u furmo”.

Habeenku marka uu ugu mugdiga badan yahay ayuu waagu dillaacaa, siday u indha xuntahay uma Alle la’a, inkastoo Qaanuunka Rabaaniga uu ahaa “Ilaaheey qolo ma beddelo ilaa iyo inta ay iyagu iska beddelaan”. “Qaanuunka Allana isma beddelo ismana doorsho”

Is-beddel kama horreeyo iyadoon sida aan u fekerayno iyo aragtideena diinta, adduunka iyo dawladnimada is-beddelin.

Marka laga yimaado qoraalkaas uu qoray Cabdirahmaan Cabdishakuur haddana dalka dib u dhac badan oo kale ayaa ka muuqdo xagga ciidamada. Toban sano kahor Soomaaliya waxay ka baxday ku meelgaarnimo. Muddo xileedkii seddexaad ayaa socda ee dowladda federaalka Soomaaliya. Weli Soomaaliya waxay ku tiirsan tahay ciidammo shisheeye; ma jiro ciidan qaran oo ku salaysan heshiis siyaasadeed haddana in gobollo gaar ah la hubeeyo ayay tahay himilada dowladda federaalka oo doonaysa in cunno-qabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. Muqdisho waxaa ka wada jira ciidammo loo yaqaanno Xoogga Dalka iyo Badbaado Qaran. Arrimahaan ayaa keena kara in jahwareer kale dalka galo haddii aan hal dhinac loogu soo jeesanin habka siyaasadda ciidamada.

30 sano kadib, Soomaaliya kama dhalan dowlad shacabka wada taageersan yihiin, nidaam doorasheedka dalka ka jira awgeed Soomaaliya ma soo saari karto hoggaamiye hoggaamin kara ummada una horseedi kara horumar la taaban karo. Sida ay sheegaan dadka indheergaradka ah nidaamka 4.5 ayaa ugu wacan in dalkaan uu yeelan waayo hoggaamiye isbeddel horseedi kara.

Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah haddii nidaamkaan 4.5 la beddelo masoo bixi doonaa hoggaamiye lagu mahadiyey, ummadana horumar u horseedi karo?

Haa waa macquul, hoggaanmiyaha ay Soomaali u baahan tahay waa qof ummaan u horseedi kara dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo same katalinta.

Maxaayeelay Ilaahay wuxuu ubuuray shaykasta Nidaam isku xirnaan, iskaalmayn, kala danbayn iyo isdhamaystir.

Waana sida uu Rabbi udhisay Cirka iyo Dhulka, Badda iyo Barriga, Buuraha iyo Dooxooyinka iwm. Intaa aan soo sheegnay iyo dhamaan unugyada kale ee Adduunku way iswada dhamaystiraan, waxayna leeyihii nidaam ay kukala socdaan, kuwada shaqeeyaan, mid walibana keeno kan kale intii ka dhimanayd.

Sidaa oo kale ayaana Ummada looga baahan-yahay inay yeelato Hoggaan kala-haga, isku xira, danaheedii guud ilaaliya, qaybkasta oo Bulshada kamid ahna amra inay kasoo baxdo shaqadii ay lahayd, iyadoon kahor imaanin qaybihii kale ee bulshada.

Sidaa darteed waxaa hubaal ah in haday Ummadu weydo Hoggaan fiican, oo Caqli, Cilmi, Xilkasnimo iyo daacadnimo isku darsaday inay jabayso baaba´ayso, qayrkeed kaharayso taariikhdana kabaxayso. (Libaax hoggaaminaya bulsho Bakaylayaal ah ayaa ka wanaag iyo waxtar badan, bulsho libaaxyo ah oo uu bakayle hogaaminayo).

Ummadaha la isticmaarsaday ama laqabsaday waa ummado waayay Hoggaan ujeexa jidkay ku gaari lahaanyeen Guul, Horumar, Haybad iyo Awood lagaga cabsado, si uuna cadaawuhu udamcin inuu qabsado, bililiqaysto, dhalangadiyo, kadibna isagu maareeyo xaadirkooda iyo mustaqbalkooda labadaba.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kampala kaga qeybgalaya shir ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahayeen amniga

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa gaaray Kampla, Uganda si ay ugu qeyb-galaan shir ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahayeen guud ahaan amniga dalka.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud (4.5) ayaa ku sugan caasimada dowladda Uganda, Kampala, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalka (ATMIS), iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigayso sida ay uga go’an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda.

Laakiin su’aasha ayaa ah maxaa shacabka marka hore loogu soo bandhigi waayay qorshaha dowladda ay guud ahaan dalka kula wareegayso aminiga inta aan lagu soo bandhigin shirkaan ay kasoo qeybgalayaan madaxda Ciidamadooda ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalka (ATMIS)?

Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay Villa Somalia soo dhigtay baraha bulshada.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka, ayaa lagu yiri qoraalka baraha bulshada lagu daabacay.

La dagaalanka argagixisada

Madaxweynaha nidaamka qabaliga lagu soo doortay ee mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa si dhab ah ula dagaalamay Alshabaab tan iyo markii uu xafiiska yimid, taasina waxay shacabka u keentay in Muqdisho amnigeeda soo wanaagsanaaday.

Si ururada argagixisada loolla dagaalamo marwalbo waxaa lagama maarmaan ah la dagaalanka musuqmaasuqa.

La dagaalanka musuqmaasuqa waxa uu markasta qeyb ka ahaa qorshaha dowlad kasta oo timaado, dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (4.5) ayaa noqotay tii ugu horreysay oo dad xilka looga qaaday, dacwadna lagu soo oogay sababo la xiriira qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Balse weli ma jirto cid ay maxkamaddi ku xukuntay in lagu heley hawlo musuqmaasuq.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

2022 wuxuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya tan iyo 2017 – Qaramada Midoobay

Madaxweynaha xilka la wareegay sanadkii hore waa Xassan Sh. Maxamuud asigoo kala wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo asigana lagu soo doortay nidaamka 4.5. Sida warbixintaan sheegtay sanadkii hore wuxuu ahaa sanadka ugu dhimashada badnaa Soomaaliya.

Published

on


Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa Arbacadii sheegay in sanadkii 2022 uu ahaa kii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017, sababo la xiriira inay kordheen weerarada khasaraaha badan ee kooxda Al-Shabaab.

Soomaaliya oo aan ka dhicin doorasho xor iyo xalaal ah ayaanan ka jirin isbeddel siyaasaddeed iyo mid nololleed. Mishaarka shaqaalaha dowladda waxaa bixisa haayadaha dunida oo sidoo kale waa deyn lagu leeyahay jiilka dambe ee Soomaaliyeed. Soomaaliya, oo sidoo kale wajaheysa abaaro darran, ayaa la kulantay koror weeraro ayada oo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Macawiisleyda ay qaadayaan dagaal “aan waxba loola harin” oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xukunka Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud wuxuu keeni doonaa dhiig iyo gumaad – Faadumo Qaasim Dayyib

Qaraxyada ka dhaca Soomaaliya ayaa noqday caado! Markii aan lahaa xukunka Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud wuxuu keeni doonaa dhiig iyo gumaad, taageerayaasha beeshiisa ayaa baraha bulshada igu weeraray, waxayna ku soo qulquleen boggayga FB si ay ugu saxaroodaan! – ayey barteeda Facebooga kusoo qortay Faadumo.

Waxaan mar walba u arki jiray Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud inuu yahay khatar jirta oo ku wajahan Soomaaliya iyo dadkeeda. Dhaleecaynta aan u hayo waxa ay ku salaysnayd daraasadayda iyo indha-indhayntayda ee maaha dareen qofeed. Aan kuu xaqiijiyo in qiimayntayda dadka ay ah 95% sax.

Haddaad u fiirsato amni darrada ka jirta Muqdisho, Madaxweyne Xassan Sh. Maxamauud wuxuu caddeeyey in cabsidii aan ka qabay iyo qiimayntii aan ku sameeyey ay sax ahayd. Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu u muuqdaa mid mugdi sii kordhaya!

Isbuuc gudaheeda waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay 4 qarax midka ugu qasaaraha badan wuxuu ahaa kii ka dhacay Zoobe 29 bisha oktoobar, maalinka xigay haddana midkale ayaa dhacay. Xalay sidoo kale waxaa dhacay labo kale.

Nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya ka jira maanta ayaa ah nidaamka loo yaqaano 4.5 kaas oo dunida inteeda kale ay la yaabto marka ay maqlaan waliba ay arkaan soomaalida oo hal diin wada haysata, hal luuqadna kuwada hadasho, dhaqankana ay iskumid ka yihiin.

Inkastoo guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Soomaaliya uu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, dadka qaarna ay su’aal gelinayaan arrintaas iyo xalaalnimada ayaa hadana waxaana la ogeyn sida arrintaas ay isugu waafaqi doonaan dhinacyada siyaasadda oo ku kala boodsan arrima badan awgeed.

“Weerarada sii socda ee Al-Shabaab, oo dhaliyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, rabshado galmo oo dagaalka la xiriira iyo kororka khasaaraha dhimasho ee shacabka, waa wax aad looga naxo,” ayuu Guterres ku yiri warbixin uu u gudbiyey Golaha Ammaanka QM.

Intii lagu guda jiray muddada dib u eegista lagu sameeyey, oo ah dabayaaqadii August 2022 illaa horraanta February 2023, Guterres ayaa sheegay in xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM uu diiwaan-geliyey in khasaaraha shacabka uu sare u kacay 153 boqolkiiba oo uu gaaray 1,059, oo ay ku jiraan 382 dhimasho, kuwaas oo badankood lagu eedeeyey Al-Shabaab.

“Kororka khasaaraha ayaa 2022 ka dhigaya kii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017,” ayuu yiri Guterres.

Bilihii dhowaa, ciidamada Soomaaliya iyo maleeshiyada Macawiisleyda ayaa deegaano badan kula wareegay howlgallo ay taageerayaan duqeymaha Mareykanka.

Hase yeeshee kooxda Al-shabaab, oo muddo 15 sano la dagaalameysay dowladda federaalka, ayaa weli maamusha qeybo ka mid ah baadiyaha dalka, waxayna sii wadaan inay qaadaan weeraro aargudasho.

Weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii uu billowday howlgalka dowladda bartamihii sanadkii tegay, wuxuu ahaa mid ay kooxda ka fulisay aagga xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ee Muqdisho bishii October, kaasi oo ay ku dhinteen 121 qof.

Hase yeeshee, Guterres ayaa ku booriyey mas’uuliyiinta Soomaaliya inay xaqiijiyaan in tallaabooyinka “ka-hortagga argagixisanimada” aysan ku xadgudbin xoriyadda hadalka, wuxuuna sheegay “inuu aad uga walaacsan yahay” xariga sharci-darrada ah ee suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta.

Waxa uu sheegay in dagaalka socda iyo amni-darrada ay guryahooda ka qaxiyeen 600,000 oo qof sanadkii tegay “ayna weli caqabad ku yihiin howlgallada bani’aadaminimo.”

Qiyaastii 1.3 milyan oo qof oo kale, oo 80 boqolkiiba ah haween iyo caruur, ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira abaarta ku dhufatay Bariga Afrika.

Inkasta oo heerka macluusha aan weli la gaarin, haddana Guterres wuxuu sheegay in 8.3 milyan oo qof – oo ah kala bar shacabka Soomaaliya – ay sanadkan u baahnaan doonaan gargaar bani’aadaminimo.

Kadib shan sano oo roobabka aanay u da’in sidii loo baahnaa, abaarta ayaa noqotay tii ugu muddada dheereyd uguna darneyd ee taariikhda dhow ee Soomaaliya.

Guterres wuxuu sheegay in isu gaynta heerka dhimashada ay u badnaan karto si la mid ah macluushii ugu dambeysay Soomaaliya oo dhacday 2011, markaasi oo 260,000 oo qof – oo kala bar ay ahaayeen caruur da’doodu ka yar tahay da’da lix jirka – ay gaajo u dhinteen.

Xigasho: AFP, VOA Somali

Facebook Comments Box

Continue Reading

Sirdoonka & Militariga

Xog cusub: Maxay dhalinyarada Soomaalida ugu biiraan Al-shabaab?

Waddamada daraasadda laga sameeyay waxaa ka mid ah Soomaaliya oo ay ka howl gasho kooxda Al-Shabaab, iyadoo wali saameyn xooggan ku leh gobolka Geeska Afrika.

Published

on


Al-Shabaab waa eray af carabi ah laakiin Afsoomaali ahaan wuxuu noqonayaa “Dhallinyarada,” waa koox fahmay sirta siyaasadda Soomaaliya. Maxaa yeelay magaca ay baxsadeen waxaad ka dareemi kartaa sida ay ugu faa’idaysteen dhalinyarada. Waxay qabsatay caasimadda Muqdisho dabayaaqadii 2000-meeyadii, laakiin olole millatari oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika (MA) oo ay taageerayaan Mareykanka iyo saaxiibada kale ee reer galbeedka ayaa dib uga riixay caasimada dalka.

Kacdoonka lagu wado Al-shabaab waxa uu noqday mid adkeysi leh oo weli ah caqabada amni ee ugu weyn ayaa ka jira Soomaaliya, waxayna bilaabeen ficilada ah ku dhifo oo ka dhaqaaq. Waxay gacanta ku hayeen qaybo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya laakiin maanta waxaad u malaysaa in kabahooda lala gashtay sidii uu u yimid MD Xassan Sheekh Maxamuud (4.5) oo ah madaxweyne lagu soo doortay nidaamka 4.5 madamaa Soomaaliya aysan ka jirin doorasho xalaal ah, shacabkana aysan waxbo dooranin. Waxayna sii waddaa weerarada halista ah ee ka dhanka ah ciidamada caalamiga ah iyo dadka rayidka ah ee aan waxbo galabsanin.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo khatarteeda aan leexleexadka lahayn ayaa marar badan ku qasabtay Midowga Afrika inay dib u qiimeeyaan ka bixitaankooda laakiin hadda kama dambeys waxaa la go’aamiyey inay ka baxaan Soomaaliya 2024.

Laakiin, wali ma iswaydiisay sababta dhalinyaradeena ugu biiraan ururkaan halista badan ee Al-shabaab?

Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sababta ugu weyn ee ay dadku ugu biiraan kooxaha xagjirka ah ee ka howl gala waddamada ka hooseeya saxaraha ee Afrika aysan ahayn arrin ku saabsan diin.

Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in dadka ay qortaan kooxahaas ay ujeeddadooda ugu muhiimsan tahay si ay shaqo u helaan. Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay oo soo saaray warbixintan ayaa sameeyay ra’yi aruurin laga qaaday kumannaan qof oo ku kala nool siddeed dal oo ku yaalla Afrika.

Waddamada daraasadda laga sameeyay waxaa ka mid ah Soomaaliya oo ay ka howl gasho kooxda Al-Shabaab, Maali oo ay Al-Qaacida ku leeyihiin saldhigyo iyo Nayjeeriya oo ay ka shaqeyso kooxda Boko Haram.

Boqolkiiba 17 ka mid ah dadkii la wareystay oo keliya ayaa sheegay in ay diin darteed ugu biireen kooxaha xagjirka ah, halka 40% ay sheegeen in faqriga uu yahay waxa ugu weyn ee ay rabeen in ay ka badbaadaan. Waxbarashada ayaa sidoo kale muhiim ah, iyadoo ay aad u yar tahay tirada dadka wax bartay ee ka mid noqda kooxaha ay ka mid tahay Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.

Sanadkii 2021, ku dhawaad kala bar ka mid ah dhimashooyinka lala xiriiriyo kooxaha argagixisada ayaa ka dhacay dalalka Afrika ee ka hooseeya saxaraha. Madaxa xafiiska Dambiyada iyo Daroogada ee Qaramada Midoobay Ghada Waly ayaa sheegtay in 2021-kii ay dalalka ka hooseeya saxaraha ee Afrika ku geeriyoodeen kalabar ka mid ah 3,500 qof oo ay dileen kooxaha argagixisada.

Ms Waly ayaa shegetay in ay wanaagsan tahay in la ogaado sababaha ugu waaweyn ee horseeda ku biirista kooxaha xagjirka ah. Baaritaanno kale oo natiijadooda lagu soo bandhigay warbixinta ayaa lagu ogaaday in ilaha dhaqaalaha ee ay lacagaha ka helaan kooxaha jihaad doonka ah ee Afrika ay ka mid yihiin godadka laga qoto macdanta.

Hase ahaatee dhinaca Soomaaliya waxay Qaramada Midoobay horay u sheegtay in dhaqaalaha ugu badane e soo gala Al-Shabaab uu yahay mid kasoo xarooda canshuuro ay ka qaadaan shacabka. Warbixintan ugu dambeysay ayaa soo baxday xilli uu bilihii lasoo dhaafay Soomaaliya ka socday dagaal ay dowladda ku sheegtay in lagu burburinayo Al-Shabaab.

‘Waxaan Al-Shabaab kula dagaallameynaa fikir ahaan’

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay si xowli ah u wadday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ka caawinayeen maleeshiyo deegaanno is abaabulay, halka dalalka saaxiibka la ahna ay ku taageerayeen ololahaas.

MD Xasan Sheekh Maxamuud (4.5) oo tan iyo markii dib loo soo doortay bishii Maay ee sanadkii lasoo dhaafay dardar gelinayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in kooxdan ay ula tacaali doonaan siyaabo kala duwan.

“Ujeeddadeennu waa inaan Al-Shabaab ula dagaalanno qaab ku dhisan fikir Islaami ah, oo aan tusno dadka in ay dowladdu difaacayso diintooda. Tanina micnaheedu waa in la billaabo dagaal aan loo kala harin,” ayuu yiri.

Waa maxay saamaynta ay Al-shabaab ku leedahay gobolka Geeska Afrika?

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u fasaxay Midowga Afrika in ay hoggaamiyaan ciidamo nabad ilaalineed oo caalami ah oo ka hawlgala Soomaaliya, kuwaas oo loo yaqaan magaca AMISOM oo maanta loo yaqaano ATMIS, horraantii 2007. Waajibkooda koowaad waxa ay ahayd in ay ilaaliyaan dawladda ku meel gaarka ah ee dalka oo hadda dib ugu soo laabatay awoodda Muqdisho, kana baxday kumeel gaarnimo. Uganda ayaa ah dalkii ugu horeeyay ee ciidamo u soo diro Soomaaliya oo hoos yimaada AMISOM, waxaana ay sii joogtaysay ciidamada ugu badan. Ciidamada kale ayaa ka kala socda Burundi, Itoobiya, Kenya, iyo Jabuuti. Laga bilaabo 2022, hawlgalku wuxuu ka koobnaa ilaa labaatan kun oo askari.

Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka fulisay weeraro meel ka baxsan Soomaaliya sanadkii 2010-kii, markaasoo weeraro ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen 74 qof ay ka dhaceen caasimadda Uganda ee Kampala. “Waxaan fariin u direynaa wadan walba oo diyaar u ah inuu ciidamo u soo diro Soomaaliya, waxayna sheegtay inay la kulmi doonaan weeraro ka dhan ah dhulkooda” ayuu yiri afhayeenka kooxda ee xiligaasi.

Sannadkii 2013-kii, dagaalyahannada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday xarun laga dukaameysto oo Nayroobi ku taalla oo ay ku dhinteen 67-qof, iyadoo sannadkii 2015-kii ay kooxdu 148-qof ku dishay weerar ay ku qaadday jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa. Weerarkan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Kenya tan iyo sanadkii 1998-dii.

Dhowaan ayay aheyd markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka faa’iideysteen dagaalada sokeeye ee ka socda dalka Itoobiya, iyaga oo bartimihii 2022-ka weerar ku qaaday bariga dalkaasi. Kooxda ayaa sheegtay in ay ku dileen tobonaan askari oo Itoobiyaan ah dagaaladii maalmihii xigay, inkastoo ciidamada Itoobiya ay si dhab ah u hakiyeen duullaankii ay ku soo qaadeen, haddana Al-Shabaab ayaa weli khatar ku ah xuduudka.

Muddo sanado ah, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay waxay eegayeen in la baabi’iyo AMISOM oo lagu wareejiyo mas’uuliyadda amniga ee ciidamada Soomaaliya, laakiin waxay si isdaba joog ah u cusbooneysiiyeen howlgalka marka loo eego xasillooni darro joogto ah. Bishii Abriil 2022, Midowga Afrika wuxuu ku dhawaaqay hoos u dhacan iyagoo magaca AMISOM u beddelay Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), inkasta oo waajibaadkoodu uu inta badan sii socdo kuwii ka horreeyay. ATMIS waxa la filayey in ay shaqaalaheeda ku dhinto laba kun dhamaadka sanadkaas, iyada oo ujeedada ugu danbeysa ee ah in la soo gebagebeeyo hawlgalada dhamaadka 2024ka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Maxaad kala socotaa waxa ka socda magaalada Laascaanood? – Xog iyo taariikh kooban

Laascaanood waa mid ka mid ah degmooyinka gobolka Sool. Waxaana ka jira degnaan la’aan siyaasaddeed, maxaase sababay?

Published

on

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan. Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa dajinta iyo wadahadal, waa sida ay ku baaqeen saaxibada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa sheegay in subaxnimadii Isniinta uu dagaal ku dhexmaray bariga Somaliland ciidamo ka soo jeeda gobolkaas oo ku dhawaaqay gooni-isu-taagga 1991-kii iyo dagaalyahanno ka soo horjeeday dawladdooda. Dagaalkan ayaa la sheegay in uu socday muddo bil ah kadib markii ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen dibadbaxyo ka dhashay gacan ku heynta deegaanada lagu muransan yahay.

Somaliland ayaan helin aqoonsi baahsan oo caalami ah oo ku saabsan madax-banaanideeda, waxayna la kulantay diidmo ka dhan ah sheegashada dhul ku yaal xuduudka bari ee ay la wadaagto Puntland oo ka mid ah maamul-goboleedka Soomaaliyeed.

Maxamed Faarax, oo ah dhaqtarka Isbitaalka Laascaanood ee xarunta maamulka gobolka Sool, ayaa sheegay in ugu yaraan 34 qof ay ku dhinteen 40 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkii Isniintii. Faarax ayaa sheegay in uu arkay meydadka la keenay isbitaalka.

Dhakhaatiirta labaad ee isbitaalka ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada, wuxuuna sheegay in xarunta lala beegsaday madaafiic. Maamulka Somaliland ayaan si deg deg ah wax uga weydiinay tirada dhimashada. Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda saaka ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha ku shirayey magaalada Laascaanood.

Sidoo kale mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland. Mas’uuliyiinta isbitaalka Laascaanood ayaa u sheegay VOA inay iska horimaadkan ku dhinteen ugu yaraan 13 qof ilaa haatan, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Magaalada waxaa ku muransan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland. Puntland waxay sheeganaysaa in ay sabab u tahay xidhiidhka qaraabonimo ee ka dhexeeya beesha Dhulbahante iyo beesha ugu badan ee Puntland, Majeerteen, halka sheegashada Maamulka Somalland ay ku qotonto xuduudka Maxmiyadii hore ee gumaystihii Ingiriiska ee ‘British Somaliland. Magaaladu waxay ahayd caasimad lagaga dhawaaqay maamulka Khaatumo ilaa intii ay jirtay ilaa ay burburtay 2017.

Ciidamada Somaliland waxay magaalada ku qabsadeen dagaalkii Laascaanood sannadkii 2007-dii, iyagoo ka saaray ciidamadii Puntland, waxayna tan iyo xilligaas si buuxda gacanta ugu hayeen magaalada dhinac walba. Ilaa hadda Somaliland waxay ku talisaa Laascaanood sharciyad iyo caannimo yar, halka dilalka joogtada ah ee aan la garanaynina ay xaaladda ammaanku sii xumaadeen.

Axmed Muusa ayaa ku waramaya in shacabka Laascaanood aysan si buuxda u aqbalin joogitaanka Somaliland ee magaaladooda.

Somaliland waxay weli Laascaanood ka talisaa sharciyad ahaan. Tani waa hal sabab oo ay Somaliland ku tahay inay u dabacsanaato xagga cashuur ururinta. Kuma soo rogi karto xeerka cashuuraha buuxa ee dhulka Dhulbahante, sababtoo ah taasi waxay xoojinaysaa oo kaliya cabashooyinka jira ee dadka deegaanka ee ku wajahan Somaliland. Sidaa darteed, cashuuraha Somaliland ee la dhimay (cashuur dhaaf) ee deegaamada Laascaanood waa hal dariiqo oo lagu kasbado, ama ugu yaraan lagu hayo, heer ay bulshadu ku qanacdo.

Siyaasadda

Cod-bixiyayaasha doorashooyinka baarlamaanka iyo dawladaha hoose ee Somaliland Laascaanood waa xarunta awoodda siyaasadeed ee beesha Dhulbahante.

Laga bilaabo 2021-ka, dadka reer Laascaanood waxa u metelaya 12 xildhibaan oo Sool u metelaya doorashada baarlamaanka Somaliland. Iyadoo magac ahaan looga qayb galayo doorashada Somaliland, 5 wakiil oo kaliya ayaa ka soo jeeda Dhulbahante oo si gaar ah u deggan gobolka Sool. Laga soo bilaabo doorashadii baarlamaanka ee 2005-tii, beesha Isaaq ee degta degmada Caynaba waxay ka faa’iidaysteen maqnaanshaha beeshan.

Xubno ka tirsan beelaha Daarood ee ka soo jeeda bariga Somaliland, ee gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa goor hore qaatay mawqif ka dhan ah gooni-isu-taagga. Badankoodu kamay qayb gelin aftidii dastuurka iyo doorashooyinkii xigay. Sidaa darteed, Somaliland inteeda badan waxay maanta noqotay ‘ maamul hal-beeleed ku dhisan’: dhammaan xafiisyada muhiimka ah ee dalka waxa haya xubnaha beesha Isaaq ee ugu tirada badan.

Intaa waxa dheer, dadka deegaanka waxa metelaya 13 xildhibaan oo golaha deegaanka ah oo laga soo doortay doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland.

Doorashadii baarlamaanka iyo dawladaha hoose ee 2021 ilaa 100,000 oo qof ayaa isu diwaangaliyey inay codkooda dhiibtaan guud ahaan gobolka Sool iyagoo aqlabiyad khafiif ah iska diiwaangeliyey caasimadda Laascaanood. Tani waxay ahayd mid aad u foolxun oo codbixiyeyaashu ka soo qayb galeen, iyada oo aqbalka joogitaanka Somaliland ee gobollada bari ay tahay mid aan sinnayn.

Beelaha qaar ayaa sidoo kale dhibaato ka soo gaartay ka dib markii ay si xun ugu soo baxeen bariga, halkaas oo aqbalka dadweynaha ee maamulka Somaliland uu yahay mid aan sinnayn. Deegaanada bariga gobolada Sool iyo Sanaag iyo sidoo kale degmada Buuhoodle ee Togdheer ayaa waxaa dega inta badan beelaha Dhulbahante iyo Warsangali oo ka tirsan beelaha Daarood. Waxa muddo dheer ku loolamayay Somaliland iyo Puntland (dawlado xubin ka ah Soomaaliya).

Juqraafiga ahaan

Laascaanood waxay ku taal meel istaraatiiji ah oo ku taal dooxada Nugaaleed iyo hareeraha waddooyinka ganacsiga ee maamulada Somaliland iyo Puntland. Magaaladu waxa ay ku dhowdahay buuro ay ku hareeraysan yihiin, waxaanay leedahay khayraad biyood oo aad u tiro badan, kuwaas oo ka dhigaya meel ay ka soo degaan dadka ka soo jeeda gobolada kale ee guud ahaan oomanaha ah ee Somaliland iyo weliba dalalka jaarka ah sida, Jabuut, Itoobiya, Eriteriya.

Waxaa magaalada la aasaasay horaanta qarnigii 12 aad waxayna noqotay xaruntii dhaqdhaqaaqa xornimo udirirka soomaaliyeed ee Daraawiishta, magaaladaan waa magaalo ka duwan qeybaha kale ee dalka, waa magaalo si buuxda ah loo soo gumeesanin. Magaalada Waxay leedahay durdur biyood webi laamood ah oo mara dhanka koonfured ee magaalada, taasi waxay sahashay dhulbered balaran oo ka kasoo baxo halkaas.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Laascaanood, sida uu sheegay isbitaalka Laascaanood

Iska horimaadyadan ayaa yimid iyadoo maalmahan uu magaalada Laascanood kulan uga socday odayaasha dhaqanka degaanka kuwaasi oo ugu baaqay ciidamada Maamulka Somaliland inay ka baxaan degaankooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Published

on

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Waqooyi ee Maamulka Somaliland, sida ay sheegeen dhakhaatiirta isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa sheegay in subaxnimadii Isniinta uu dagaal ku dhexmaray bariga Somaliland ciidamo ka soo jeeda gobolkaas oo ku dhawaaqay gooni-isu-taagga 1991-kii iyo dagaalyahanno ka soo horjeeday dawladdooda. Dagaalkan ayaa la sheegay in uu socday muddo bil ah kadib markii ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen dibadbaxyo ka dhashay gacan ku heynta deegaanada lagu muransan yahay.

Somaliland ayaan helin aqoonsi baahsan oo caalami ah oo ku saabsan madax-banaanideeda, waxayna la kulantay diidmo ka dhan ah sheegashada dhul ku yaal xuduudka bari ee ay la wadaagto Puntland oo ka mid ah maamul-goboleedka Soomaaliyeed.

Maxamed Faarax, oo ah dhaqtarka Isbitaalka Laascaanood ee xarunta maamulka gobolka Sool, ayaa sheegay in ugu yaraan 34 qof ay ku dhinteen 40 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkii Isniintii. Faarax ayaa sheegay in uu arkay meydadka la keenay isbitaalka.

Dhakhaatiirta labaad ee isbitaalka ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada, wuxuuna sheegay in xarunta lala beegsaday madaafiic. Maamulka Somaliland ayaan si deg deg ah wax uga weydiinay tirada dhimashada.

Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda saaka ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha ku shirayey magaalada Laascaanood.

Sidoo kale mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland. Mas’uuliyiinta isbitaalka Laascaanood ayaa u sheegay VOA inay iska horimaadkan ku dhinteen ugu yaraan 13 qof ilaa haatan, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Iska horimaadyadan ayaa yimid iyadoo maalmahan uu magaalada Laascanood kulan uga socday odayaasha dhaqanka degaanka kuwaasi oo ugu baaqay ciidamada Somaliland inay ka baxaan degaankooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Madaxwyenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu horey u sheegay inaan ciidamada laga saarayn gobolka.

Dhinaca kalena odayaasha dhaqanka ee degaanka ayaa maanta soo saaray go’aammo ay ku jiraan in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo, islamarkaana aysan ka mid ahayn maamulka Somaliland, sida lagu sheegay qoraalkaasi.

Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay doorteen guddi ka kooban 45 xubnood oo maamuli doona arrimaha SSC-Khaatumo. Haddaba wararkii ugu dambeeyey iska hor-imaadka, iyo falcelinta odayaasha gobolka iyo maamulka Somaliland, hoos ka dhageyso.

Magaalada Laascaanood

Magaalada waxaa ku muransan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland. Puntland waxay sheeganaysaa in ay sabab u tahay xidhiidhka qaraabonimo ee ka dhexeeya beesha Dhulbahante iyo beesha ugu badan ee Puntland, Majeerteen, halka sheegashada Maamulka Somalland ay ku qotonto xuduudka Maxmiyadii hore ee gumaystihii Ingiriiska ee ‘British Somaliland. Magaaladu waxay ahayd caasimad lagaga dhawaaqay maamulka Khaatumo ilaa intii ay jirtay ilaa ay burburtay 2017.

Ciidamada Somaliland waxay magaalada ku qabsadeen dagaalkii Laascaanood sannadkii 2007-dii, iyagoo ka saaray ciidamadii Puntland, waxayna tan iyo xilligaas si buuxda gacanta ugu hayeen magaalada dhinac walba. Ilaa hadda Somaliland waxay ku talisaa Laascaanood sharciyad iyo caannimo yar, halka dilalka joogtada ah ee aan la garanaynina ay xaaladda ammaanku sii xumaadeen.

Axmed Muusa ayaa ku waramaya in shacabka Laascaanood aysan si buuxda u aqbalin joogitaanka Somaliland ee magaaladooda.

Somaliland waxay weli Laascaanood ka talisaa sharciyad ahaan. Tani waa hal sabab oo ay Somaliland ku tahay inay u dabacsanaato xagga cashuur ururinta. Kuma soo rogi karto xeerka cashuuraha buuxa ee dhulka Dhulbahante, sababtoo ah taasi waxay xoojinaysaa oo kaliya cabashooyinka jira ee dadka deegaanka ee ku wajahan Somaliland. Sidaa darteed, cashuuraha Somaliland ee la dhimay (cashuur dhaaf) ee deegaamada Laascaanood waa hal dariiqo oo lagu kasbado, ama ugu yaraan lagu hayo, heer ay bulshadu ku qanacdo.

Siyaasadda

Cod-bixiyayaasha doorashooyinka baarlamaanka iyo dawladaha hoose ee Somaliland Laascaanood waa xarunta awoodda siyaasadeed ee beesha Dhulbahante.

Laga bilaabo 2021-ka, dadka reer Laascaanood waxa u metelaya 12 xildhibaan oo Sool u metelaya doorashada baarlamaanka Somaliland. Iyadoo magac ahaan looga qayb galayo doorashada Somaliland, 5 wakiil oo kaliya ayaa ka soo jeeda Dhulbahante oo si gaar ah u deggan gobolka Sool. Laga soo bilaabo doorashadii baarlamaanka ee 2005-tii, beesha Isaaq ee degta degmada Caynaba waxay ka faa’iidaysteen maqnaanshaha beeshan.

Xubno ka tirsan beelaha Daarood ee ka soo jeeda bariga Somaliland, ee gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa goor hore qaatay mawqif ka dhan ah gooni-isu-taagga. Badankoodu kamay qayb gelin aftidii dastuurka iyo doorashooyinkii xigay. Sidaa darteed, Somaliland inteeda badan waxay maanta noqotay ‘ maamul hal-beeleed ku dhisan’: dhammaan xafiisyada muhiimka ah ee dalka waxa haya xubnaha beesha Isaaq ee ugu tirada badan.

Intaa waxa dheer, dadka deegaanka waxa metelaya 13 xildhibaan oo golaha deegaanka ah oo laga soo doortay doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland.

Doorashadii baarlamaanka iyo dawladaha hoose ee 2021 ilaa 100,000 oo qof ayaa isu diwaangaliyey inay codkooda dhiibtaan guud ahaan gobolka Sool iyagoo aqlabiyad khafiif ah iska diiwaangeliyey caasimadda Laascaanood. Tani waxay ahayd mid aad u foolxun oo codbixiyeyaashu ka soo qayb galeen, iyada oo aqbalka joogitaanka Somaliland ee gobollada bari ay tahay mid aan sinnayn.

Beelaha qaar ayaa sidoo kale dhibaato ka soo gaartay ka dib markii ay si xun ugu soo baxeen bariga, halkaas oo aqbalka dadweynaha ee maamulka Somaliland uu yahay mid aan sinnayn. Deegaanada bariga gobolada Sool iyo Sanaag iyo sidoo kale degmada Buuhoodle ee Togdheer ayaa waxaa dega inta badan beelaha Dhulbahante iyo Warsangali oo ka tirsan beelaha Daarood. Waxa muddo dheer ku loolamayay Somaliland iyo Puntland (dawlado xubin ka ah Soomaaliya).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul