Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Waa Siddee Maaraynta Nolosha Iyo Hoggaaminta Habboon?

Waxay dad badan ku fashilmeen in ay maareeyaan socdaalka ay nolosha ugu jiraan. Waxaa qofka laga rabaa in uu leeyahay hididiilooyin iyo yool uu hiigsanaayo. Tusaale marka aad rabto in aad gaadho Xidigaha waa in aad leedahay hadaf. Sidii aad ku gaari lahayd xidigaha, waana in aad samaysataa jaran jarooyin aad umarto socdaalka aad ugu jirto gaaritaanka aad hiigsanayso ee Xidigaha. Haddii aad go’aankaas fuliso, kana miro dhaliso hadafkaaga, waxaa kuu soobaxaya maxsuul ah in aad gaarto xidigaha haddii ay dhici weydo waa in aad gaarto meel udhow. Qofka bini-aadamka ah waxaa laga rabaa in uu noloshiisa ka leeyahay mow qif adag iyo sida looga taxadaro hab dhaqanka bulshada iyo maaraynta waqtiga. Dad badan waxay ku guuleysteen in ay hogaamiyaan naftooda iyagoo u haya hogaanka ay ku gaari karaan masiirkooda mustaqbal. Soomaalidu waxay dhahdaa nimaan maanta ka talin waxa yaal biri kama taliyo waxa imaan doona.
Qofka aadanaha ah waxa uu masuul ka yahay naftiisa, ehelkiisa, dadkiisa, diintiisa, wadankiisa iyo guud ahaan dadka Islaamka ah. Haddii uu ku guul daraysto taas waa in laga helaa qayb ka mid ah in uu xaqiijiyo khaasatan naftiisa sidii uu umaarayn lahaa.
Ruuxkasta waxaa saaran xil, waxa uu masuul ka yahay waxa uu gacanta ku hayo, waana la waydiin doona. Balse waxaan oran karaa hogaaminta marka laga hadlaayo, waxaa loola jeedaa habkii aad hogaamiye ugu noqon lahayd naftaada iyo dhammaan bulshada kugu xeeran, sababtoo ah qof aan aqoon hogaaminta kuma guulaysan karo in uu ka gun gaaro aayatiinka noloshiisa iyo bulshada uu ku dhex nool yahay. Qof walba oo ka dhaca nolosha waxa sababa waa fulitaan la’aanta qorshihiisi udegsanaa. Haddii aad maqasho hebel waa dhacay ama waa guul daraystay waxa ugu weyn ee soowajaha qofka aadanaha ah waa qorshe la’aan ama isagoo aan lahayn aragti fog iyo mustaq bal la’aan iyo isagoo aan udegsanayn hadaf uu ku gaaro aayaha guushiisa.
Waxaa eegtaan wiilkaan yar, waxa uu usoo maray noloshiisa iyo caqabadaha soo wajahay iyo heerkii uu ka gaaray noloshiisa iyo ka miro dhalinta yoolkiisii mustaqbal. Waxa uu ku dhashay degmada Eyl ee gobolka nugaal, waxa uu ahaa ku ray yaraantiisii waxa uu joogi jiray baadiyaha ku dhow Eyl. Inankaan waxa uu ku soobarbaaray yaraantisa baadiyaha iyo magaalada Eyl. Kadib waxa uu u soowareegay magaalada Garoowe. Waxa uu bilaabay dugsiga qur’aanka ka riimka ah, waxa uu gaaray heer aad u fiican. Waxa uu ahaa shakhsi aad u fahmad badan. Waxa uu jeclaa in uu waxbarto kana miro dhaliyo hadafkiisa iyo yoolka udegsana.
Wiilkaan yar waxa uu jeclaa in uu galo iskuul kuna biiro ardada isku ayniga yihiin si uu ugaaro waxa uu hiigsanaayo.
Wiilka yar waxa uu ku guul daraytay in uu galo iskuulka sababta oo ah waaridkiis oo aan ahayn dad fahansan aqoonta iyo muhiimada ay leedahay. Balse waaridkiis waxa ay inbadan isku dayeen in ay geeyaan tuulooyinka iyo miyiga. Waxaa uu inbadan diiday in la geeyo tuulo iyo baadiyaha, laakiin nasiib daro waxa uu ku guuldaraystay in uu gaaro hadafkiisa ah in uu dhigto iskuulka waxbarashadiisana siiwato. Asii wiilkaan ahaa inan yar oo aan ismaamuli karin, hadafkiisana kamiro dhalin karin. Waxa ay sababtay in waalidkiis ay ka xeeyaan, ayna geeyaan baadiyaha iyo tuulooyin. Waxa uu nacay joogitaanka tuulooyinka iyo baadiyaha inbadan waxa uu isku dayay in uu safar usoogalo magaalooyinka waaweyn laakiin waa lacelin jiray oo waxa loo diidi jiray in uu soo aado magaalooyinka. Waxay waaridkiisa uga biqi jireen in uu ku biiro ciyaalada magaalada qasa iyo kuwa habeenkii dadka furta ee gaangiska ah. Maadaama uusan lahayn caqli ku filan iyo waayo aragnimo uu naftiisa ku xakameeyo.
Taas waxa ay keentay in uu ku abaado baadiyaha, waxa uuna la qabsaday nolosha tuulooyinka iyo baadiyaha. Laakiin nasiib wanaag waaridkiisa waxa ay isku dayeen in ay macalin u qabtaan si uu ubarto qur’aanka kariimka ah.
Waxaa loo qabtay macalin, isaga iyo caruur ka yar yar balse wiilkaan yar waxa uu ahaa inan fahmad badan oo ku kalsoon naftiisa iyo in uu meel walba ku guulaysan karo. Waxa uu guul weyn ka gaaray in uu barto qur’aanka kariimka ah, iyo barashada diinta islaamka. Sababtoo ah waxa uu wiilka ka soojeedaa reero asal ahaan diinta ku xeel dheer ama lagu tuhmo in ay yihiin reero xagga diinta looga dambeeyo. Waxa uu bilaabay wiilka yar in uu dhalinta ay is le’egyihiin uu baro qur’aanka kariimka ah iyo micnihiisa. Waxa uu aad ujeclaa in uu noqdo macalin sifiican wax uga yaqaan xagga diinta iyo macnihiisa. Sidoo kalena waxa uu jeclaa in uu siiwato aqoontiisa ilaa uu ka gaaro heer uu umadda unoqdo indho.
Laakiin ma aysan dhicin in uu siiwato tafsiirkiisa iyo barashada diinta islaamka guud ahaan. Waxa u badan oo taas keentayna waxay ahayd waalidka oo aan aqoon durugsan ulahayn cilmiga kale waxayna aamin sanaayeen in wax walba ay tahay keliya qur’aanka oo la barto bes. Wiilka yar taas uma cuntamin waaridkiisna ma aysan garan in uu wiilku hadaf iyo yool leeyahay. Waxa uu in badan isku dayay in uu barto farta soomaaliga sida wax loogu qoro nasiib wanaag inanka ayaa ku wanaagsanaa xagga qorida farta carabiga ah maadaama uu bartay qur’aanka iyo yeeriska taas waxay u fududaysay in uu si sahlan u barto farta soomaaliga ah.
Waxa uu bartay sida loo qoro magaciisa, balse waa ku guulaystay isagoo aan macalin wax uyeerin in uu qoro farta soomaaliga ah. Maadaama uu bartay sida wax loo qoro waxna loo akhriyo waxa uu isku dayay in uu siiwato dadaalka uu ugu jiro barashada soomaaliga iyo sida loo qoro. Nasiib daro ma uusan helin qof caawiya kana caawiya sida loo kobciyo qoraalka iyo sida wax loo akhriyo. Wiilka aabbihiis, waxa uu ahaa nin ka shaqaysta badda, xirfad aad u dheerna oo la xirirta badda wuu lahaa. Aabbihii maadaama uu ka shaqaysan jiray badda iyo magaalooyinka waaweyn sida Boosaaso iyo Garoowe, waxa uu ahaa nin wax akhriya waxna qora aabbihiis. Waxa uu aabbihiis lahaa ganacsi shakhsiyeed, maadaama uu lahaa ganacsi waxa uu qorijiray deymaha iyo kharashaadka baxa iyo lacagaha soo xarooda iyo dadka magac yadooda. Taas wiilka yar waxay u hayd guul aan la soo koobi karin waayo waxa uu akhriyi jiray qoraalkaa maalin walba. Waxa uu awood uyeeshay in uu noqdo qof wax walba qori kara waxkastana akhriyi kara.
Wiilkaan waxaa haleelay xanuun, midkaas oo sababay in looqaado magaalooyinka laakiin waxa uu isku dayay in uu joogo magaalada. Nasiib daro waxa u diiday aabbihii in uu joogo magaalada.
Ka dib waxa loo qaaday baadiyaha, waxa uu joogay muddo halkaas. Wiilka yar waxa soo gaaray niyad jab, waxayna sababtay in uu waxkasta ilaawo. Xataa in uu ilaawo qur’aankii uu bartay iyo micnihiisii. Waxaa soo wajahay nolol adag maadaama uusan raali ka ahayn in uu ku noolaado baadiyaha sababtuna tahay aqoon la’aanta. Waxa uu aaminsana inanka yar in aqoontu tahay sheyga keliya ee anfacaya qofka iyo bulshada oo dhan. Waxa uu inbadan ka maqlaa idaacadaha waxaa qalin jabshay intaas arday leeg. Waxa uu jeclaystay in uu ka mid noqdo dadkaa qalin jabshay inkastoo uusan fahansanayn aqoonta la sheegayo. Maxaa yeelay ma uusan arag ruux la dhahaayo hebel waa aqoon yahan laakiin waxa uu garowsanaa in ay ka maqan tahay wax weyn oo noloshiisa ka mid ah.
Waxa uu arki jiray doonyaha badda gooshaya, saxiimadaha iyo foolfayaasha yar yar oo oradka dhaadheer. Waxaa ka siiyaabshay maraakiibta waaweyn ee badda dul sabaynaya oo ka dhisan yihiin guryaha ayna ku nool yihiin dad isaga la mid ah. Waxaa kaloo ka yaabshay waa magaalo soconaysa oo meeshii ay rabto maraysa. Waxaa wada dad kala jaad ah oo aan isku afku hadlayn. Waxa uu la yaabay siday isku fahmayaan iyo sida ay kuwada xiriirayaan. Waxaa mucjiso la noqotay sida loo sameeyay iyo qaabka loowado iyo sida ay shidaal la’aan usocon karin. Waxay la noqotay wax filan waa ah.
Waxa uu ka fakaray sidii loo sameeyay iyo sida loogu dulnool yahay maraakiibta iska saaran badda. Waxa uu is weydiin jiray xaggee bay ka helaan cunnada ay cunayaan maadaama ay badda iska saaran yihiin. Waxa kaloo uu isweydiiyay xaggee bay biyo ka helaan dadkaan? Miyaysan haraadin? Iyo meesha ay u xaajo tagaan? Waxaa maskaxdiisa ka guuxi jirtay haddii ay xanuun sadaan xaggee dhakhtar u aadayaan? Xaggee dawo ka helayaan?
Waxa uu fakaraba waxa uu go’aan saday in ay waxaan sal u tahay aqoon, sidoo kalena ay jirto farsamo waxaan lagu wado. Waxa uu xaqiiqsaday in noloshu sidaas oo kale u baahan tahay aqoon iyo farsamo wax lagu wado.
Waxa uu utagay Aabbihii waxa uu ku yiri:
Wiilkii yara: Aabbe sidee loo sameeyay markab ka?
Odayga: Wiilkaygiyow waxaa sameeyay warshad.
Wiilkii yaraa: Aabbe warshadu yaa sameeyay?
Odayga: Wiilkaygiyow waxa sameeyay rag khuburo ah oo aqoon u leh.
Wiilkii yaraa: Aabbe raggaan maxaa u sahla in ay sameeyaan warshad, warshaduna ay samayso Markab?
Odaygii: Wiilkaygiyow raggu waxa ay barteen aqoonta, waxayna ubaxsheen in ay waxbartaan waqti, juhdina ku baxsheen in ay ka salgaaraan. Taasna waxay usahashay in ay sameeyaan maraakiibta aad aragtay, doonyaha, foolfayaasha, guryaha, diyaaradaha iwm.
Wiilkii yaraa: Aabbe maxaa sahlay in ay doonyaha, maraakiibta, gawaarida iska socdaan?
Odaygii: Wiilkaygiyow waxa u sahlaya oo fure u ah waa shidaal, shidaalkuna waa naafto ama baasiin waxa ayna taas suuragal ka dhigaysaa in markabka uu socdo isagoo isaga gooshaya qaarad ka qaarad, wadan ka wadan iwm.
Wiilkii yaraa: Aabbe dadka sidee ugu nool yihiin maraakiibta dushooda? Xageese ka helaan cunnada ay cunayaan? Haddii ay xanuun sadaan xaggee dhakhtar ka helaan? Xaggeese dawo ka helaan? Biyose yaa siiya?
Odaygii: Aabbe waxa ay ku noolol yihiin nolosha dadka ay ku nool yihiin, waxay haystaan cunnaddi, biyihii, daawadi, dhakhtaraddii, guryihii, dharkoodi, matoorki biyaha umacaanaynaayay, makiinadii ay cunnada ku karsanaayeen, qalabkii ay kula soobixi lahaayeen libaaxa badda, kaambaha “aargoosato”, kaluunka, dahabka, dheemanka, canbarka, dhammaan khayraadka badda laga helo oo dhan.
Wiilkii yaraa: Aabbe diyaarada sidee bay hawada ku gashaa?
Yaase wada, mase lagu nool yahay?
Odaygii: Wiilkaygiyow waxaa la dhaho diyaarad sida markabka uu badda ugu dulsocdo ayuu isna ugu dulsocdaa hawada, inta uu markabku ubaahan yahay ayuu isna ubaahan yahay, sida loogu nool yahay markabka ayaa iyadana loogu nool yahay diyaarada. Waana waxa dadku sameeyaan sheyga keliya oo ugu dheereeya. Waxa uu isaga gudbaa qaarado saacado iyo maalmo kooban. Waxa ay sahashaa meel markabku isaga socon lahaa maalmo iyo bilo in ay saacado kooban isaga gooshto.
Wiilkii yara: Aabbe ani ma samayn karaa diyaaradaas oo kale.
Odaygii: Wiilkaygiyow waxay kaaga baahan tahay in aad barato aqoonta, makaanikada, birbir iyo bool bool ubarato , luuqada barato, sida loo sameeyo barato, sida loo wado barato, waxayna kugu qaadanaysaa intaas nus qarni. Laakiin waad samayn kartaa ileen iyadaba dad baa sameeyay.
Wiilkii yaraa: Oo aabbe ma bartaa aqoontaa si aan u sameeyo diyaarad?
Odaygii: Wiilkaygiyow iska samee ma ahan, aqoona micno maleh, waxaa ka wanaagsan in aad barato badda iyo duunyada iyadaa ah sheyga keliya oo aan ku faano hadaanahay soomaali. Anagu aqoon umalihin waxaan. Inta badan waxa sameeya gaalada iyagaana ujeedooyin ka leh ee ina kadaa aabbe waxaas yaanan mar danbe kaa maqale.
Wiilkii yaraa: Ayaa la soobooday aabbe anna aan sameeyo diyaarada ee igee meesha lagu barto?
Odaygii: Aabbe waxaas haku mashquulin, wadanka lagu sameeyo soomaali ma joogto, waxaa jooga dadkale oo aynaan af aqoon.
Wiilkii yaraa: Aabbe dadkaan kala midabka ah yaa bara luuqadaha? Sidee isku fahmaan?
Odaygii: Wiilkaygiyow waxaan waa cilmi labarto, ma ahan iska baro, waxay u baahan tahay xeelad iyo maamul laakiin adi waad yartahay walina ma aadan qaan gaarin. Waxaadna baratay qur’aanka kariimka ah. Wax ka fiican oo la barto ma jiraan.
Wiilkii yaraa: Aabbee waa sax wax ka fiican ma jiraan in la barto qur’aanka kariimka ah iyo tafsiirkiisa laakiin haddii kawaran aan xanuun sado ama dhaawac isoo gaaro sidee isku dawayn ?
Odaygii: Waxaa laguu gayn dhakhtar, isagaa ku dawayn?
Wiilki yaraa: Aaabbe dhakhtarku sidee u bartay in la daweeyo dadka?
Odaygii: Waxaa uu galay iskuul, kadibna jaamacad, ka dibna waxa uu doortay ama door biday in uu daraaseeyo caafimaadka. Markii uu bartay barashada caafimaadka iyo sida dadka loo daweeyo, waxa uu bilaabay in uu cilmigii uu bartay uga faa’ideeyo dadkiisa.
Wiilkii yara: Oo aabbe haddii uu ninkaasba bartay maxaa ii diiday in aan barto?
Odaygii: Wiilkaygiyow waxaas oo kale waqti laguma lumiyo, haddii aad magaalo aado yaa haynaya reerka? Ma cid kale oo haysa buu leeyahay?
Wiilkii yaraa: Aabbe waxa jira dad badan oo iga waawen iyagaa haynaya aabbe, anna waxbaa baran.
Odaygii: Waxaas ma kaa yeeelaayo, reerka ka tagi maysid waad joogaysaa. Ani saw kuma dhalin warkayga maqal mardanbe yaanan hadalkaa kaa maqal.
Wiilkii yaraa: Waxaa soogaaray niyad jab, waxa uu aad uga xumaaday hadalka uu aabihiis yiri, waxa uu dhahay aabbe ani haddii aan waxbarto saw dalkayga iyo dadkayga ugu adeegi maayo?
Odaygii: Wiilkaygiyow u adeeg reerkiina oo haysta xoolihiina iyagaa idiin ah hanti aad ku faantaane.
Wiilkii yaraa: Aabbe xooluhu way dhammaan karaan laakiin aqoontu ma dhammaato.
Odaygii: Aabbe waxaas waa been ani saw kaama weynin, nin gu’ kaaweyna il guruxeed kaa weyn, wiilkaygiyow ma maqali waxaan ku dhahay.
Wiilkii yaraa: Inta uu yare murugooday ayuu dhahay haye aabbe siddii kheyr Allaan ka barine. Laakiin ani waa iga balan in aan mar un waxbarto dadkayga, diintayda iyo dalkayga ugu adeegi doono insha Allaah.
Inankii waxa uu qabsaday dhafoorada, murugo ayuu dareemay, waxa uu maskaxdiisa ka dhaadhiciyay in uu mar un cilmiga barto si uu bulshada uga faa’iideeyo. Nasiib daro ma uusan helin garab iyo gaashaan uu ku socdo kuna taagtaagsado, asii uu aaminsanaa in uu gaari doono hadafkiisa. Waxa uu damcay in uu qabto meel magaalo ah si’ uu halkaas wax ugu barto diini iyo maadiba. Laakiin waa uu ku guul daraystay in uu meel qabto markuu damco in uu dhaqaaqoba waa la qabtaa, taasna waxa keenay wiilka oo ahaa inan aad u da’yar aan lahayn caqli uu isku maareeyo aan ka ahayn waxbaro un. Waxaa uu ahaa mid ka baqa bahalada maadaama uusan ahayn kuray weyn.
Galab ayuu yimid meel bad ah, waxa uu fariistay raasiga dhagax badu garaacayso oo mowjaduhu ku soojabayaan. Waa uu ku dul fakaray waxa uu layaabay sida ay mowjaddu u dhacayso, biyuhu isku daba marayaan, noole yar yar oo ku dhex nool badda gudaheeda waxaas oo dhan ayuu iska daawaday ka dib ayuu dhahay:-
Allahayow adduunyadu
Ninkii doon doon is yiraahda
Isagoon hadaf lahayn
Hididiiliyo hal abuur lahayn
Awaamiir cad lahayn
Awood iyo tacab lahayn
Xeelad iyo aqoon lahayn
Noloshiisa in ay halis gashaa
Talaabuu u jirsadaa.
Muddo markuu cabaar fadhiyay ayuu kacay isagoo leh noolahaa yaryarka ah waxa ay maareeyaan noloshooda iyagoo iska ilaalinaya nooleyaal ka waaweyn kana awood badan. Iskuna dayaan in ay cunaan balse tabartiisa iyo taagtiisa inta uu adeegsado isaga carara. Waxa uu hoosta ka xariiqay in uu la yimaado go’aano iyo hididiilooyin cusub isagoo kaa shanaya talasaarashada Alle iyo xiribtiisa uu Alle ugu deeqay. Waxa uu soo aaday dhanka iyo xaafadii waxa uu tagay gurigii, isagoo dhuumanaya, nasiib wanaag cidna ma arag, guriguu galay ka dibna waxa uu la soobaxay dharkiisii, isagoo la dareemin jidka ayuu laba ka dhigay.
Wiilka yar ma yaqaan meesha uu usocdo halka ay ka jirto iyo barta loo maro. Waxa uu socdaba ugu danbayn dad ayaa qabtay oo gartay inanka inuu safar yahay, ka dibna si xeeladaysan ayay ugu soocesheen gurigiisa maadama uusan dalka kala aqoon ilma yarna uu ahaa. Waxa uu in badan ku jiray xaalad adag iyo welwel iyo walbahaar, noloshii ayuu nacay isagoo hiifay dadka la noolaa oo dhan. Laakiin nin qoyani biyo iskama dhowro waxa uu ku jiraa bad weyn murugo ah balse waxa uu talo saartay Allihii uumay.
Muddo kadib waxa u suuro gashay in uu yimaado magaalada isagoo loo keenay xaalad caafimaad. Nasiib wanaag waxa uu bilaabay in uu waxbarto Aabihiisna waxa uu ka codsaday in uu waxbarasho galaayo.
Inkastoo uu ka diiday markii hore, ugu dambayntii inankii waxa uu ku adkaystay in uu waxbarto. Hadal dheer ka dib, inankii waxaa loo ogolaaday in uu waxbarto maadaama uu in badan ku fakaraayay.
Wiilkii waxa uu yiri isagoo u mahadnaqaya Allihii urumeeyay riyadiisii:
Daa’inow Allahayow
Dunida kii abuurow
Duunyadiina soo raacshow
Diin iyo awaamiirna
Dadkuna ay ku dhaqmaan
Ruuxii darajadaa hela
Waakan daa’inkii mahadiya
Qofkii diinta bartee
Ku dara maadigiyo cilmiga
Dayaxa in uu dego
Daah igama saarnee
Allahayow guul dariyo
Iga daah hadimada
Kii dalkiisa anfaca
Diintiisa kor yeela
Dadkiisa wanaaja
Qalinkiisa ku difaaca
Xaqa u dirira
Dulmiga diida
Jahliga la dirira
Aqoonta u degdega
Daa’inow iga mid yeel
Markii uu ducaystay ayuu go’aansaday in uu la yimaado xeelad cusub oo uu ku maareeyo noloshiisa iyo sida uu wax ku baran lahaa. Maanta waxa uu haystaa jaanis uu asaagiis kula tartamo aqoonta, wanaaga iyo waxkasta oo horumar ah. Waxaa uu haystaa waqti uu ku maareeyo noloshiisa geedi socodka ah, sidoo kalena waxa aan qorshaha ka maqnayn taageerada uu heli karo maadaama uu safar ugalaayo in uu barto cilmiga, loona baahan yahay dhaqaale iyo cid taageerta. Waxa uu bilaabay in uu waxbarto, dadaal dheer ka dib waxa uu magaalada Boosaaso ka galay waxbarashada. Waxa uu ka soo wareegay magalada Boosaaso isagoo dugsi hoose ah. Waxa uu yimid magaalada Garoowe, halkaas ayuu ka siiwaday waxbarashadii dhexe iyo sareba.
Balse waxa la soodarsay inta uu kuguda jiray waxbarashadiisa nolol adag. Waxa uu quutal daruurigiisa kula soo bixijiray si adag, waxa uu galay waardiye. Habeenkii waxa uu waardiye ka ahaa meherad, galabtiina waxa uu gadi jiray meherad, galinka horena waxa uu aadi jiray waxbarashada. Xili ay ku beeg nayd 2011, waxa Inanka soogaaray dhaawac dhanka madaxa ah, ayna ku dhufteen tuugo aan haybtooda la aqoon isagoo ku jira waardiye, gudanayana shaqadiisii loo igmaday. Waxa uu ahaa inanka wiil Alle ka cabsi badan, kuna dheereeya xagga diinta, waxa uu ahaa mid ilaasha shanta salaadood oo faralka ah iyo sunooyinkooda.
Saqda dhexe habeenkii waxa uu u kici jiray salaatul laylka, waxa uu ahaa mid barya Allihiis kuna xiran markasta.
Habeen habeenada ka mid ah ayuu soojeed ku soodaahay isagoo aad ugu dheeraaday akhris buuggaag kala duwan akhrintooda maadaama uu ahaa wiil aad ujecel akhriska. Waxa dhacday in uu gam’ay isagoo dul fadhiya kursigiisii akhriska. Waxa uu kacay salaadii subax oo lagu jiro, masaajidda qaarna laga baxay qaybna lagu jiro. Nasiib daro subaxaas waxaa dhacaayay qabow aad udaran oo laamiga dad ma aysan marayn luuqyaduna way furnaayeen, tuugtuna waxay ku jireen jaanis gaad iyo xeelado cusub si ay ugaadaan dadka meheradaha ka soo baxaya iyo kuwa dagan oo suuqa u jarmaado ah.
Inta badan inankaan waxa uu kici jiray xili hore salaada subax isagoo banaanka hore qolka uu jiifo ku wasaysta, laakiin subaxaas waxa ka cadaatay salaadi wuxuuna ka dib dhacay xiligii uu kici jiray. Isagoo lamoodo qof argagaxsan ayuu sare kacay oo caagad banaanka ula baxay si uu uweeso qaato. Waxa uu furay albaabka guriga, mana wada balaqin balse waxa uu isku dayay in uu baxo isagoo gacanna ku haysta caagad gacanna ku haysta albaabka ayuu damcay bax. Waa meel ay wax ka jiraane waxa albaabka ku lamaan niman tuugo ah oo wata baangado iwm. Waxa ay isku diyaarsheen in ay qudha ka jaraan kuraygaan yar ka dibna dhacaan meesha waxa yaal. Balse inanku belo bowdka kama filan waxa uu islahaa salaada ka gaar. Madaxa ayuu la soobaxay markii uu keenay fooda hore ayay qabad siiyeen bir asii uusan garanayn waxa ay tahay ma faasbaa mise baangad mise wax kale. Waxay kaga dhufteen Xiska si xoog leh. Wiilkii yaraa waa diyaamay waxaana ka luntay jihaddi, isagoo wareersan laakiin aan garanayn meesha looga yimid iyo sida ay wax ugaareentoona ayaa dhulka ku dhacay. Nasiib wanaag waxaa dhacday in tuugtii ay carareen ayna umaleeyeen in uusan wiilku waxba gaarin uuna doontay qori iwm.
Meeshiiba waa ka carareen iyagoo ka baqaya in la arko ama la qabto maadaama ay ahayd aroortii. Hadday ogaan lahaayeen in wiilku dhacay ayna la heleen nabar halis ah. Waxa usuuro gali lahayd in ay qudha ka siijaraan oo dabada iska raacshaan laakiin tiisaan dhammaan oo caysh baa udhinnaa. Wiilkii waxa uu kala garan waayay in uu nabar ku dhacay iyo in uu riyo ku jiro oo waxba kala saari waayay. Nasiib wanaag waxa uu wacay nambar isagoo ku yiri hebel waxa i haleelay jug madaxa ah waxna waan kala garan la’ ahay ee iga soogaar.
Cabaar ka dib waxaa sooduulay dhiig tiro badan ilaa ugu dambeyn uu dhulka ku dhacay oo miyir beelay. Waxa uu galay koomo ilaa muddo dhowr iyo labaatan saac ah.
Waxaa la geeyay isbitaal oo loola cararay si dhiig joojin loogu sameeyo sidoo kalana loo tolo dhaawaca soogaaray kuraygaan. Waxaa la tolay madaxii, waxaana la siiyay daawooyin laakiin wiilka waxa ka luntay xusuustii dheerayd oo waxba waa uu kala garan waayay. Muddo Saddex bilood ah ayuu ku jiray haad iyo waraf, waxa uu ilaaway magaciisii iska dhaaf wax kale. Sidoo kale waxa ka ma saxmay wixii uu soo bartay oo dhan. Waxay xaaladi sidaa ahaataba waxa uu helay xooggaa caafimaad ah, xusuusti ayaa usoonoqotay asii uusan ahayn sidii hore looga bartay. Wiilku waxa uu aad ujeclaa akhriska waana lagu kuunyi jiray dhankaas balse hadda ay isdaayeen. Sababtana waa dhaawaca soogaray awgiis.
Markii uu helay xusuusta ayuu dib ubilaabay waxbarashadii isagoo ka bilaabay meel hoose, wuxuuna galay macaahid iyo barayfado si uu udhiso heerkiisa aqooneed. Wuxuuna ahaa xiligaa fasalka sagaalaad oo waxa uu ugud baayay fasalka tobnaad. Dadaal dheer iyo dhib badan ka dib waxa uu socdaal ugalay sidii uu ugaari lahaa riwaayadiisii hore. Waxaa soo wajahay xaalad caafimaad oo liidata, waxa uu dhaawicii madaxa ka gaaray ku noqday Neerfe iyo dhiikar.
Waxa uu qaban waayay oo ku adkaatay in uu wax akhriyo, sidoo kalena waxaa dhibtay cimilada gobolka oo aad u kululayd. Waxaa uu ku sigtay in uu isaga haro waxbarashada sababtoo ah waxaa dhib ku noqotay in uu soo xadiro xiisadaha iyo guud ahaan imaatinka iskuulka. Laakiin waxa uu muujiyay dulqaad, xilkasnimo sidoo kalena dhabar adayg uu u adaygay waxbarashada iyo nolol maalmeedkiisa.
Wiilkaan ayaa ahaa inan dabci adag oo waxa uu aaminsanaa in uu gacantiisa maalo, isagu isdabiro cidna uusan waxba waydiin. Go’aankaas adag uu qaatay waxay keentay in uu wax walba isku koobo, noloshiina ay ku adkaato. Waxaa suurawday in uu saddexda waqti uu wax cuno hal xili ama uusanba waxba cunin. Muddo ayuu sidaa ku jiray, waagii danbese habeenkii ayuu qadi jiray sababtoo ah kharashka uu qaato ayaa ahayd mid yar oo aan ku filnayn.
Waxaana sugaayay fiiga iskuulka, macaahidda uu dhigan jiray, bareefado, sidoo kalena koobiyadii iwm. Laakin waxa uu ahaa mid aan laga dareemin in uu qaday habeeno ama habeenkaa seexday isagoo aan afkiisa wax saarin. Wiilkaan ayaa ahaa mid aamin ah, waxaa dhici jirtay in loo dhiibo 100,000 oo doolar habeenkaasna uu ku seexdo gaajo. Balse waxa uu aaminsanaa in wax walba ay noqon doonaan hagaag, loona baahan yahay in uu dhabar adaygo si uu uga gudbo marxaladaas adag. Waxa ku adkaatay in uu wado iskuulka, xaaladiisa caafimaad awgeed, balse waxa dhici jirtay in uu xiisadaha hore qaato kuwa dambena ka tago. Nasiib wanaag kuma liidan xagga waxbarashada oo waa ku fiicnaa daraja sarena waa keeni jiray. Waxa uu saa ku jiraba waxaa la soo gaaray fasalkii ugu dambeeyay ee iskuulka, xaaladiisii caafimaadna waaba ka soodartay oo maalinba maalinta ka dambaysa waxa uu galaa xaalad xun, waxayna keentay in uu naco iskuulka.
Ragba waa ku raqeed, waxa uu muujiyay kelyo adayg, wuxuuna naftiisa ka dhaadhac shay in uu guulaysan doono mar un. Balse isaga looga baahan yahay siddii xeerona loo xagan lahaa ilkona unabad gali lahaayeen.
Waxa uu ku guulaystay in uu galo imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare, wuxuuna ku baasay darajada A. Taas oo ay dad badan la yaabeen inankii aan waxba akhrin jirin haddana iskuulka imaan jirin sidoo kalena xanuunsanaa in uu si dhibyar ku helo daraja sare. Waxa uu umahad naqay Allihiis u suuro gashay in uu ka gudbo marxaladii adkayd ee waxbarashadii dugsiga sare. Waxaa u bilaabatay waa cusub, wuxuuna maanta ugud bay heerkii jaamacada, loogana baahan yahay in uu la yimaado xeelado cusub oo uu ku maareeyo noloshiisa iyo waxbarashadiisa jaamacadeed. Muddo waxa uu ka fakaraayay sidii uu isaga bixin lahaa fiiga jaamacadda oo ka duwan kii dugsiga sare, su’aalo badan uu waydiiyo naftiisa ugu dambayn waxa uu hoosta ka xariiqay in uu jaamacadda dhigto Allihiisna uu ku xirnaado, talana saarto isaga. Maalmo ka dib waxaa uu mid ka mid ah warbaahinaha ka maqlay in jaamacadaha mid ka mid ah ay xayaysiinayso kuliyad, qofkii helana uu bilaash ku dhiganaayo. Waxa uu hoosta ka xariiqay in uu galo imtixaan kaas waana ku guulaystay in uu ka mid noqdo ardada minxada ku dhiganaysa.
Waxa uu ku showray habeen habeenada ka mid ah in uu bulshada wax ugatago wax un Alle haka dhigee, nasiib wanaag waxa uu hoosta ka xariiqay in uu qoro qormooyin ku saabsan arrimaha bulshada.Waxaana ku xirmay boggiisa uu ku leeyahay facebooka bulsho badan, isagoo usoo ban dhigi jiray sheekooyin ka turjumaya dhinacyo badan, kuwo waaqici ah iyo kuwo mala awaal ah.
Waxay arrini ku soo uruudhay, talooyin badan ka dib in sheekooyinkaa iyo mowduucyadaa qiimaha badan uu ka sameeyo buuggaag ay bulshadu marjac ugu noqoto una akhristaan. Taladaas loo soojeediyay ayuu ku dhaqaaqay inankii, wuxuuna bilaabay in uu qoro buug cilmiyeed. Laakiin waxa ku adkaatay sidii uu uqori lahaa buug sababtoo ah ma uusan helin cid kala talisa arrintaa, sidoo kalena ma uusan helin cid waxaan uga horeysay. Qofkii uu is dhaho utag oo u sheego arrintaa waa ku qoslaa, wuxuuna ku dhahaa waad riyoon, ma waxaad qori kartaa buug, dad adi kaa aqoon badan oo kaa maskax badan oo kaa waayo aragsan baa qori waayay adna waxaa leedahay waxbaan qoraya oo hadana waxaa leedahay halaygala taliyo waxaas macquul ma ahane waxkale sheeg.
Waxa uu la kulmaayay niyad jab balaaran qofkasta uu la kulmo. Qayb badan waxay isku dayayeen in ay ku jeesjeesaan, kuna qoslaan, waxayna hoos iskula faqayeen in ay mooralka laga dilo. Balse nin qoyan biyo iskama dhowro waxa uu bilaabay in uusan dheg jalaq usiin, howshiisana uu siiwato ilaa uu ka gaarayo hadafkiisa. Waxa uu yeeshay cadaw badan, laakiin waxa uu garwaaqsaday in qofka ku kaca in uu gaaaro mid ka mid ah hadafkiisa ay la soo gudboonaanayso caqabado ay ka mid yihiin kuwa aan ka soo sheekaynay laakiin looga baahan yahay in uu dulqaad muujiyo kana guulaysto cadawgiisa.
Muddo waxa uu sidaa ku jiraba waxa u bilaabay qoridda buugga, nasiib wanaag waa ku guulaystay balse markii hore waa ku adkaatay in uu wado buugga maadaama uusan lahayn aqoon, waayo aragnimo iyo xirfad uu wax ku kala hago. Dulqaad badan ka dib waa ku guulaystay buuggiisii ugu horeeyay uu qoro, waana ku farxay taas waxayna sii galisay hididiilo cusub. Balse waxa uu guda galay in uu tifatiro, howl badan ka dib waxa uu daabacay daabacaadii ugu horeysay buugiisii, laakiin waxa ka soowajahday dhib badan waayo aqoon uma lahayn qaabka wax loo daabaco iyo cabiradda ay kala leeyihiin buugaagta. Waxaa kaga baxay kharash badan in uu daabaco buugaas ugu yaraan 8 jeer ayuu ku baxshay lacag badan si uu u helo nashqadii ugu wacnayd. Dhib iyo rafaad badan ka dib waa ku guulaystay buugaas. Wuxuuna bilaabay buuggii labaad, waxaana u fududaatay in uu qoro buugaas waayo marakan waxa uu cashar ka bartay buuggii hore, waxa uu iska dhowray in uu ku dhaco godki uu horay ugu dhacay.
Nasiib wanaaag muddo laba bilood ah ayuu ku guulaystay in uu ku dhameeyo buuggii labaad. Sidoo kalena waxa uu bilaabay buuggii saddexaad waana ku guulaystay si ka howl yar kuwii ka horeeyay. Howl kasta marka lagu dhaqaaqayo waxay leedahay dhib iyo rafaad. Waatii la yiri inkastoo la raagsado lagu sugo rafaad badan rajadii la dhowraa mar uun bey rumowdaa. Waxa dhacday habeenada qaar in uusan seexan jirin waaguna ugu baryi jiray, marmarna uu ku dul gam’i jiray maankaabkiisa (Kumbiyuutirkiisa), isagoo is ogayn ayuu kici jiray aroortii. Haddana marna kuma dhalin in uu is dhiibo isagoo waxaas oo rafaad ah soomaray. Waxa uu ka midnoqday wiilkaas da’da yar qorayaasha soomaaliyeed, wuxuuna ahaa mid ku caan baxay arrimaha bulshada ka hadalkooda iyo waxka qoriddooda. Dad badana uu ku kasbaday wanaagiisa iyo dulaaadka uu leeyahay.
Qof walbaana haddii uu go’aansado in uu wax ku dhaqaaqo waa gaarayaa, Allihiisna tala saarta waana hubaal taas.
Haddaba ninkaa aan ka soo sheekaynay miyaad taqaanaa?
– Waa qoraaga maqaalkaan aad akhrinayso.
Qoraa Maxamuud Axmed Muuse (Toolmaan), Aabihiisna waxaa lagu naynaasaa Dhagawayne Muuse Gaban. Taariikhdiisa ma ahan mid halkaan lagu sookoobi karo. Laakiin sida dhabta ah qoraagu waxa uu sooqaatay taariikh kooban oo ku saabsan dadaalkii uu ugu jiray halgankii noloshiisa.
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Waa maxay ahmiyadda uu leeyahay wax akhriska?
Wax akhrisku waxa uu kuu abuurayaa jawi degnaansho leh, farxad, madadaallo iyo wehel wanaagsan oo aad naftaada wax badan oo faa’iido u ah la wadaagtid.

Wax akhrisku waa hiliinadda ballaaran ee ku suntan quudinta maskaxda, waayo aragnimada, sare u qaadista aqoonta iyo kobaca garaadka. Sida jirkaagu ugu baahan yahay cunto iyo cabid ayay maskaxduna waxay ugu baahan tahay wax akhris oo lamid ah quudka jirkaaga u baahan yahay. Dadka wax akhriya waxay ka cimri dheer yihiin dadka aan wax akhrin, iyagoo aqoon dheer, taariikh iyo fikrado wanaagsan ka haystaan barta ay diinteenna suuban ka taagan tahay wax akhrisku iyo dadkii boqolaal sano ka horreeyay ee si weyn daaha ugu ka rogay muhiimada ay leedahay wax akhriska isla markaana jiilka ka dambeeya uga tegay raad maqaalo iyo aqoon cusub.
Waxaa jirta xikmad tilmaamaysa in qofka maanta wax akhriya uu yahay hoggaamiyaha berri “Akhriyaha maanta waa hoggaamiyaha berri.” Akhrisku waa mid ka mid ah misbaaxyadda aqoonta loogu arooro, waa quudka maskaxda oo dhex mushaaxa caqliyada dadyowga kale, waana hannaan nololleed oo dheeraad ah. Bulshooyinka aayahooda aqooneed iyo horumarba waxaa lagu xaqiijin karaa sida ay wax akhriska ugu kala horreeyaan, qofkana garashadiisu wuxuu gaarsiisan yahay haddaba inta uu akhriskiisu yahay.
Bulshooyinka aayahooda aqooneed iyo horumarba waxaa lagu xaqiijin karaa sida ay wax akhriska ugu kala horreeyaan.
Wax akhrinta waxaa lagu tiriyaa in ay tahay aalad kamid ah aaladaha ugu fiican ee insaanku ku kasbado wax badan oo kamid ah aqoonta iyo fikradaha, waxa ayna gaarsiisaa in insaanku noqdo mid horumarsan dhan walba oo noloshiisa kamid ah, cilmi ahaan cafimaad ahaan, dhaqaala ahaan, bulsha ahaan, siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaan waxa ayna u furtaa dariiq iyo maskax ballaaran oo ay adkeed gaaritaankeedu, waxa la sheegaa maktabadii ugu horreysay ee faraacinadii hore in albaabkeeda hore ay ku qoreen “Halkaan waa quudka nafta iyo daawada caqliyada.”
Halka sidoo kale wax akhrintu waxaa lagu tiriyaa ilaha ugu ballaaran uguna badan ee ay kasoo burqadaan fikrado, cilmiga iyo aqoonta. Sidoo kale wax akhrisku waa qeyb ka mid qeybaha muhiimsan ee aynu ku kasbano faham, cilmi, iyo aragti dheer oo aynu u yeelano waxkasta oo aynu akhrino, wax akhrisku waa halbeega guusha kaasi oo kuu iftiiminaysa waddooyin hore oo lagu guuleystay, waxayna kuu weecinaysaa wadada saxda ah ee himmilooyinkaaga nolosha.
Wax akhrisku waxa uu kuu abuurayaa jawi degnaansho leh, farxad, madadaallo iyo wehel wanaagsan oo aad naftaada wax badan oo faa’iido u ah la wadaagtid. Buugg kasta oo aad akhridaa wuxuu kobcinayaa maskaxadaada, wuxuuna ku siinayaa aqoon aad noloshaada ku dabaqdo waa haddii buuggaasi yahay buug sax ah oo ku xardhan cilmi iyo aqoon faa’iido leh.
Buugg kasta oo aad akhridaa wuxu ku siinayaa aragti iyo caqiido faa’iido leh, wuxuuna ku siinayaa maskax ballaaran markasta oo aad wax akhriso waa markasta oo maskaxdaadu u kororto cilmiga kiisa waxtarka leh, markasta oo aaddan waxba akhrin waa markasta oo fahamkaaga iyo aqoontaada hoos u dhac ku yimaadda. Buuggaagtu waa kala duwan yihiin qaar saameyn ayay naftaada ku yeelan karaan, qaarna waxa ay ku noqon karaan farxad iyo horumar marka iska ilaali marka aad akhrinaysid buuggaagta saameynta toban ku yeelan kara naftaada.
Markasta oo aaddan waxba akhrin waa markasta oo fahamkaaga iyo aqoontaada hoos u dhac ku yimaadda.
Wax akhrisku bulshooyinka ilbaxnimada leh, baraarugay feejigan ee horumaray mustaqbalkana rajo ka qaba wuxuu uga dhigan yahay baahiyaha lagama maarmaanka ah ee naftu joogteyso sida: cunista iyo cabista ma qofbaa noolaan kara cunto iyo cabbis la’aan? sidaas awgeed wax akhris la’aantuna waa xaalad taas la mid ah.
Haddaba bulshadeennu halkee ayay ka taagan tahay wax akhriska?
Bulshadeennu waxay ka mid tahay bulsho sanadihii ugu dambeeyay faham qoto dheer iyo ilbaxnimo ka hela wax akhriska iyo qiimaha aqoonta. Aqoonyahaan iyo caamaba arrintaa waa laga siman yahay iyadoo ay sidaa tahay ayaa maantana aaladdo kala duwan, farsamooyinka casriga ah iyo warbaahintu hoos u sii dhigtay dadaalladii lagu bixi jiray wax akhriskii, waxaase jira dad kooban oo wax akhriska ku howlan iyagoo aan haysan waxyaabihii akhriska ku dhiirigelin lahaa.
Ma jiraan Maktabado caam ah oo wax lagu akhristo, mana jiraan dukaanno buuggaag tayo leh iibiyaa, waxaa kale oo yar ama aan jirinba naadiyo wax akhris iyo xarumo aqoon baaris oo tayo leh.
Arrintaan waxaa lagaga bixi kara in bulshada loo sameeyo wacyi gelin joogto ah lana fahan siiyo ahmiyadda uu leeyahay wax akhrisku, loona sameeyo xarumo ama goobo wax lagu akhristo tababbarana lagu siiyo. Sidoo kale waxaa muhiim ah in la dhiirigeliyo lana abaalmariyo dadka tirada yar ee ku hawlan kana shaqeynaaya wax akhriska, wax akhrintu waxay leedahay ahmiyad aad u ballaaran oo qoraal iyo wacyi toona lagu soo koobi karin.
Qoddobo kaa caawin kara inaad wax akhriso:
Qorshe akhris: Marwaliba hakuu diyaarsanaadaan waxa aad akhrinayso, qoraalkaaguna ha yeesho u jeeddo adiga kuu gaar ah qorshahaaga waxaad ka dhigi kartaa hadba qaabka aad jeceshahay inaad maalamahaaga akhrisku noqdaan sida maalinle, todobaadle, bille ama sanadle.
Wakhti go’an: Wax akhriskaagu ha noqdaan mid leh waqti sugan oo aaddan howl kale qaban ama ku mashquulin, si ay joogteyn iyo xiiso u yeeshaan wax akhriskaagu.
Maktabad samayso: qof kasta oo wax akhriska ku heelan waxaa habboon inuu sameysto goob degan oo wax akhrinta ku wanaagsan oo aan lahayn wax dhaqdhaqaaq ah. Sidoo kale buuggaagta waa inaad kaydsataa dhaqaalihiisana in macquul ah uga qoondeysaa buug iibsiga.
Akhris wadaag: Maahmaahyo Soomaaliyeed “Far keligeed ah fool ma dhaqdo.” Akhriste kasta waxa la gudboon inuu yeesho cid uu wax la akhristo laba qof ama wax ka badan oo hadba wixii ay akhriyaan falanqeeya, kana sameeya dooda wanaag haddii ay kula gudboon tahay.
Aqoonta gudbi: Cilmiga ama aqoonta aad baratay/faa’iday haddii waxba lagaga dhaxli waayo bulshadaadunna ka qatanaadaan waxaa noqonaysaa haan gun la’ baad tahay markastaba ku dadaal inaad wixii kaaga iftiima oo wanaag ah in aad dadka la wadaagto. Qoraal baad ku gudbin kartaa, hadal baad ku gudbin kartaa, dood baad ku gudbin kartaa adigana tabbabar bay ku noqonaysa iyo in ay macluumadkii aqoon baarista ah ay kuu sugmaan.
Islaamka iyo wax akhriska
Diinta islaamku waxa ay muhiimad weyn siisaa aqoonta iyo kasbashadeeda, Aayadii ugu horreysay ee quraanka kariimka waxay ahayd mid rasuulkeena (NNKH) lagu amray inuu wax akhriyo. Illaahey Subxaanu Watacaallaa wuxuu uu yirri. “akhri” adigoo kaashanaaya magaca Rabbigga ku abuuray. ( Suurada Iqra ama calaq – Aayadda 1aad). Illaahey waxaa kale oo rasuulkeenna (NNKH) ku amray inuu rabbiggiis ka baryo in aqoontiisu u korodho, raadinta aqoontu waa waajib, waana qodob meel sare kaga xusan diinteenna Islaamka.
Isbedelka oo ku yimaadda aaddanaha xilli kasta wax baa udub dhaxaad u ah kana qaata qeyb ballaaran, dunidan aynu joogno ummad waliba waxay lasoo baxaan wax ka cusub ummadihii iyaga ka horreeyay. Annaga hadaynu nahay ummad ku abtirsata diinta Islaamka Nabigeenuna yahay Nabi Muxammed (S.C.W), sida aynu ka dheehan karno markii Nabiggu uu ku bilaawday waxyiga, Malakul Jibriil (c.s) Nabi Muxammed (NNKH) waxa uu ku yiri : “akhri” Waxaan meesha ka baran karnaa mansabka iyo maqaamka diinta Islaamka uu ku leeyahay wax akhriska in ay tahay qiyam aad u sarreeya.
Inta ugu badan dadka Soomaalida maanta xaqiiqdii waxay ka habsaamayn in ay la saaxiibaan wax akhriska annagoo booska wax akriska ku bedelanay fadhi ku dirir iyo in aan ka doodno waxyaabo aan faa’ido u lahayn. Xilliyada qaarkooda badanaa waxaa dhacda inaan aqoon waxaan ku murmeeno inay yihiin wax dhab ah ama wax qiyaali ah oo aan xaqiiqda ku saleysnayn, halka ummadaha dunida marka ay doodayaan ay ku doodaan, arrimo ku saabsan cilmi iyo aqoonta oo faa’ido u leh, iyagoo hadalkood ku xoojiya dad iyaga ka horreeyay oo ka hadlay arrimaha ay goortaasi ku doodayaan.
Inta ugu badan dadka Soomaalida maanta xaqiiqdii waxay ka habsaamayn in ay la saaxiibaan wax akhriska annagoo booska wax akriska ku bedelanay fadhi ku dirir iyo in aan ka doodno waxyaabo aan faa’ido u lahayn.
Wax akhrintu waa sifo u gooni ah shucuubta horumartay kuwaasoo marwaliba ku dadaala maskax weyn oo xigta isbeddel iyo horumar ballaaran, wax akhrinta waxa ay leedahay ahmiyad aad u ballaaran oo aan inta lagu soo koobi karin bilowgii soo ifbixidii dunida nuurka Islaamka, kalimadii u horreysay ee Malakul Jibriil kula hadlay Suubannaha, (NNKH) waxa ay ahayd (IQRA) “Akhri” waxa aad ka dhuuxi kartaa kalimadaasi ahmiyada ay uleedahay culuunta iyo aqoonta wax akhrinta.
Casrigaan aynu noolnahay wax akhrinta waxa ay kamid noqotay nolol maalmeedka muwaadin kasta, wax akhrintana waa aaladda kaliya ee waxa alifda isla markaana soo saarta mu’alifiin hindisayaal mufakiriin iyo dad fekar fog leh. Ummadaha wax aqriya waa ummadaha hoggaanka u haaya caalamka, ummadaha wax akhriyaa waa ummadaha ka xorroobay maskaxda maxaa yeelay wax akhrinta waxaa ay kaa fogeynaysaa jahliga iyo dib u dhaca ku yimaada cilmiga iyo aqoontaada.
Hay’adda (Scott Foresman) waxay wax ka qorat muhiimada ay leedahay wax Akhrinta oraah aad u qurux badnayn, barnaamij bandhigga akhriska Buugaagta Caalamiga, ee lagu qabtay magaalada Santiago Sanadkii 1997-dii cinwaankeeduna uu ahaa “Waxaa bedeli doonaa caalamka” oraahdaa oo ahayd.
Maalin maalmaha kamid ah waxaa caalamka bedeli doona cunug yar, waxaan siin doonaa cunugaas yar hadiyad dhadhankeeda ka go’in waligeed, hadiyad caalamka hortiisa keenaysa, kana dhigaysa dadka dunida ugu hodansan uguna qanisan hadiyadaasna waa wax ‘AKHRINTA’ taas oo u furi doonta labada indhood dareenkana waxaa kiciya sheekooyinka taas oo ka dhigaysa carruurta in ay dareemaan kobcaan fakaraan, ma jiro,wax I joojin kara maxaa yeelay qalbigayga waxa uu garanayaa, macnaha wax akhriska iyo awooda ay leedahay. Waxaa uu yiri Cabaas Al-Aqaadi wax aqrinta waxa ay da’da insaanka ugu dartaa da’ kale, waana da’da qoraayaasha mufakriinta aqoonyahanada, culuumada falsafada leh i.w.m.
Ma jirin caalim weyn ama mu’alif weyn hadduu jirana wuxuu uu aad ugu muunnan yahay wax aqrinta. Isagoo tallaabadaasi u ah wado uu u maro cilmiga iyo wax curinta. Tusaalle ahaan aan u soo qaadano ( (Philo Franz Worth) mu’alifkii television-ka. Wuxuu ahaa “Philo” arday aad u dadaal badan aad iyo aadna u jecel uguna muunan wax akhriska waxaa la sheegaa in uuu aqriyayay dhammaan wixii maktabada school-ka yaalay ee ka hadlayay codka iyo ilayska iyo waxa loo yaqaano (silent movie) ama filimaanta aan codka lahayn, hammigiisa wuxuu ahaa in uu kulmiyo codka iyo muuqaalka filimka muddo “Philo” markii uu akhriyay daraaseeyay waxa ayna dhahaan waxa uu akhriyay akhrisris aad u ballaaran, Ilaa uu ka gaaray waxa uu ku haminayay, waxaana loogu wanqalay alifida television-ka magiciisa.
Dadka waxa curiya dadka waxa alifa mufakiriinta iyo aqoonyahaan kasta cilmigii uu doono haku xeeldheeraadee waa dad annaga naga mid ah laakiin cilmiga waxa ay ka dhigteen wadan ay dagaan, wax akhrintana wado ay u sii maraan, dhab ahaantii waxa aynu u wada baahanahay, ( (The Reading Clinic) Cibitaalka wax akhriska muhiimadiisuna tahay baraarujinta dadka ahmiyada wax akhrinta leh.
Qofkii maanta u fiirsada xaaladda ummadeenna oo aan oran karo waa bulsha dhan walba ka burburtay, dhaqaalle ahaan, caafimaad ahaan, siyaasad ahaan, amni ahaan ijtimaaci ahaan, deegaan ahaan waxbarasho ahaan, fekar ahaan iyo khlaaq ahaan kuna habsaday gaajo colaado Jahli abaaro burbur iyo barakac Meel u fiyowna aysan jirin dhan walba oo aad ka eegto. Dadka waxaa badbaadiya marka ay maareeyaan marxaladaaan oo kale ee quuska ah isla markaana ay ku dabaqaan damiir wadaninimo iyo mid diineed.
Aqoonyahankeenna immisa buug ayuu akhriyaa bishii? Immisa qof ayuu ku booriyaa dadk wax akhriska iyo wax qorida? Aniga iyo adigase immisa ayaan akhrinaa bishii? Immisa ayaan bulshadeenna ku boorinaa wax akhriska iyo wax qorida, immisa qof ayaanse barnaa sida wax loo qoro iyo sida wax loo akhriyo?.
Faa’iiddooyinka laga dhaxlo wax akhriska
1. Wax akhriska waxa aad ka helaysa cilmi kororsi iyo aqoon xeeldheer, adigoo kuu kordhaya caqligaaga, maskaxadaada, aragtidaada iyo waayo aragnimo buuxdana oo aad ka helaysid aqriska. Waxaad kaloo ka helaysaa fikrado cusub sida noloshii dadkii hore ama erayo cusub iyo inaad wax ka baratid dabecadaha iyo nolosha dadka.
2. Akhrisku wuxuu ku dhaxalsiinayaa warbixino cusub, waddooyin cusub oo aad wax ku xallin karto waddooyin badan oo aad ku gaari karto daarta guusha iyo himmilooyinkaaga nolosha.
3. Akhrisku waxa uu kor u qaadaa horumarka naftaada sida kalsoonida, sameynta qorsheyaal cusub iyo nidaaminta qiyamka noloshaada.
4. Akhrisku waxaa laga helaa khibrad iyo aqoon cusub taasoo ay kula wadaagayaan dadka qoray hadba buugga aad akhriyayso oo nuxur wax ku ool ah ku xariiqan.
5. Akhriska waxa laga bartaa wax ikhtiraacidda, dabagalka iyo ka libkeenidda wax kasta oo aad danaynayso.
6. Akhrisku wuxuu sare u qaadaa fahanka maskaxda. Waxa uu ku siiyaa qaabab aaddan hore u aqoon oo aad wax ku fahmi karto ama waxa uu ku fahansiiyaa waxyaabo aaddan fahansanayn marka hore.
7. Akhrisku waxa uu kaa caawinaya inaad noqoto qof lajaan-qaado dunidaan casriga ah awoodna u yeelato in aad wax ku soo kordhiso, sidoo kale akhrisku waxaad ka baranaysaa xasiloonidda, deggenaanta iyo u fiirsashada kahor inta aaddan ku dhaqaaqin tallaabo kuu muhiim ah oo istiraatij ah.
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Kaalay wax ka barro xikmadaha iyo horumarka guusha nolosha
Dad badan waxay aaminsan yihiin in guushu tahay wax adag oo aysan gaari karin, sababtoo ah ma haystaan jihadii saxda ahayd ama diyaar uma aha inay u huraan waqti iyo juhdi badan.

Marka hore, sawir maskaxeed ka samee guusha aad rabto iyo sida aad naftaada u aragto mustaqbalka. Qofka marka uu si cad u sawirto himiladiisa, waxaa u fududaata inuu qaado tallaabooyin sax ah oo uu ku gaaro guulo waaweyn. Guushu ma aha wax si sahlan lagu helo, balse waxay u baahan tahay dadaal, adkeysi iyo qorshe cad.
Dad badan waxay aaminsan yihiin in guushu tahay wax adag oo aysan gaari karin, sababtoo ah ma haystaan jihadii saxda ahayd ama diyaar uma aha inay u huraan waqti iyo juhdi badan. Haddii aad rabto inaad guul gaarto, kuma xirna inaad haysato lacag badan, guri qurux badan ama shaqo sare. Waxyaabaha ugu muhiimsan waa rumaysadkaaga, dadaalkaaga iyo sida aad uga go’an tahay himiladaada. Waxaa kale oo muhiim ah inaad Alle talo saarto oo aad isaga kaashato arrimahaaga, maxaa yeelay horumarka ugu weyn ee nolosha waxaa saldhig u ah cibaadada Alle iyo ku kalsoonaanta qorshihiisa.
Waxyaabaha ugu muhiimsan waa rumaysadkaaga, dadaalkaaga iyo sida aad uga go’an tahay himiladaada.
Arday kasta ama qof kasta oo waxbarasho ama shaqo ku jira wuxuu jecel yahay inuu gaaro nolol wanaagsan iyo horumar muuqda. Laakiin horumarka iyo guusha waxaa ka horeeya dedaal badan, sabir iyo juhdi joogto ah. Dadka qaar ma jecla inay arkaan qof kale oo guuleysta, laakiin adiga naftaada waa inaad noqotaa qofka ugu weyn ee u baahan guushaada. Marka aad fahamto qiimaha guusha iyo waxa ay kuu leedahay, waxaad awood u yeelanaysaa inaad naftaada ku qasabto shaqo adag.
Xikmadda nolosha fahamkeedu wuxuu u baahan yahay inaad maskaxdaada kobciso. Maskaxda oo la kobciyaa waxay qofka ka dhigtaa mid si qoto dheer wax u fahma, go’aanno wanaagsan qaata, isla markaana ka fogaada khaladaad badan. Mid ka mid ah waddooyinka ugu wanaagsan ee lagu helo xikmadda nolosha waa akhriska. Akhriska buugaagta, maqaallada iyo qoraallada kala duwan wuxuu qofka siiyaa aqoon badan iyo aragti fog. Waxaad ogaanaysaa waxyaabo badan oo aadan hore u ogeyn, taasoo kuu sahleysa inaad nolosha si ka wanaagsan u wajahdo.
Badso wax akhriska waxaa ku jira xikmado
Wax akhrisku wuxuu dhisaa maskaxda bani’aadamka. Marka aad maskax ahaan u korto, waxaad ka badbaadaysaa dabinno badan oo nolosha yaalla. Ardayda gaar ahaan waxaa muhiim u ah inay joogteeyaan akhriska, sababtoo ah wuxuu u fududeeyaa waxbarashada iyo guud ahaan nolosha. Laakiin akhriska keliya kuma filna; waa inaad wax qortaa. Akhriska iyo qoraalku waa laba shay oo is dhameystira. Marka aad qorto waxyaabaha aad akhriday ama aad fahamtay, aqoontaasi waxay noqotaa mid si fiican maskaxdaada ugu sii jirta.
Joogteey akhriska, sababtoo ah wuxuu u fududeeyaa waxbarashada iyo nolosha.
Ku dayato dadka xikmadda iyo akhlaaqda wanaagsan leh
Waxaa kale oo muhiim ah inaad ku dayato dadka xikmadda iyo akhlaaqda wanaagsan leh. Bulshadeenna Soomaaliyeed waxay leedahay halyeeyo badan oo caqli iyo xikmad leh. Haddii aad barato noloshooda iyo sida ay isu beddeleen, waxaad ka heli kartaa casharro qiimo leh. Waxaa muhiim ah inaad fahamto halka ay ka bilaabeen, caqabadihii ay soo mareen iyo sida ay uga gudbeen. Dadka caqliga leh waxay kuu horseedi karaan inaad noqoto qof wanaagsan oo fahma naftiisa iyo bulshada uu la nool yahay.
Ha noqon qof maskaxdiisu xiran tahay. Dadka qaar waxay had iyo jeer wax walba ka eegaan dhinaca xun. Haddii saaxiibkaa kuu sheego fikrad wanaagsan, ha degdegin inaad diido. Isku day inaad marka hore ka eegto dhinaca wanaagsan. Fikradaha waa fursado Alle ku siiyay, waxaana muhiim ah inaad ka faa’iideysato. Haddii laguu sheego fikrad, meel ku qor ama tijaabi si aad u ogaato inay sax tahay iyo inay qalad tahay. Isku day inaad noqoto qof wax cusub curiya ama wax horumariya. Hal-abuurku waa astaan muujinaysa aqoon, geesinimo iyo karti. Qofka fahma bulshada uu la nool yahay iyo baahiyahooda wuxuu awood u leeyahay inuu keeno xalal cusub. Ha ka baqin qaladka, sababtoo ah qaladku waa qayb ka mid ah guusha. Dadkii hore ee dunida wax ka beddelay ma aysan haysan wax badan, balse waxay lahaayeen fikir iyo geesinimo.
Qofka fahma bulshada uu la nool yahay iyo baahiyahooda wuxuu awood u leeyahay inuu keeno xalal cusub.
Adiguna waxaad awood u leedahay inaad wax cusub curiso, bulshadaadana wax ku soo kordhiso. Bilow maanta, dadaal samee, akhri, qor, dadka wanaagsan la saaxiib, fikradaha cusubna tijaabi. Sidaas ayaad ku heli kartaa guul, horumar iyo xikmad nololeed oo cajiib ah.
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Ma ogtahay doorashada lamaanaha saxda ah waxay qaabayn kartaa guusha noloshaada in ka badan shahaadada jaamacaddeed?
Inkastoo shahaado jaamacaddeed ay muhiim u tahay horumarka xirfadeed, haddana lamaanaha wanaagsan wuxuu saameyn ku yeeshaa dhammaan dhinacyada nolosha, laga bilaabo caafimaadka maskaxda illaa xasilloonida dhaqaalle.

Doorashada lamaanaha saxda ah waa go’aan nololeed oo saamayn ballaaran ku leh jihada uu qofku u socdo, guushiisa, iyo heerka farxaddiisa. Inkastoo shahaado jaamacaddeed ay tahay aalad muhiim ah oo lagu kasbado aqoon iyo xirfad, haddana cilmi-baarisyo casri ah ayaa muujinaya in qofka aad nolosha la wadaagto uu door weyn ka ciyaaro qaabaynta mustaqbalkaaga. Waxaa muhiim ah in la fahmo sida xiriirka nolosha uu uga miisaan culus yahay guusha qofka marka loo eego waxbarashada keliya.
Lamaanaha dhabta ah ee istaageera ayaa laga helaa taageero shucuureed iyo mid maskaxeed oo joogto ah. Noloshu ma aha mid toosan oo sahlan; waxay leedahay caqabado isdaba joog ah sida culayska shaqada, dhibaatooyinka dhaqaale, iyo weliba xaalado kale oo lama filaan ah. Qofka leh lamaane fahan leh oo garab istaaga wuxuu yeeshaa awood uu kaga gudbo caqabadahaas, maadaama uu helo dhiirigelin iyo kalsooni joogto ah. Taageeradan ayaa ka caawinaysa inuu noqdo qof adkaysi badan oo aan si fudud u jabin. Dhanka kale, shahaado jaamacadeed ma bixiso taageeradan shucuur, inkastoo ay kordhiso fursadaha shaqo.
Qofka leh lamaane fahan leh oo garab istaaga wuxuu yeeshaa awood uu kaga gudbo caqabadaha nolosha oo dhan.
Lamaanaha saxda ahi wuxuu door weyn ku leeyahay qaabaynta caaddooyinka maalinlaha ah ee qofka. Nolosha wadajirka ahi waxay keentaa in go’aannada muhiimka ah sida dhaqaalaha, caafimaadka, iyo waqtiga si wadajir ah loo maareeyo. Haddii lamaanahaagu yahay qof leh dabeecado wanaagsan sida qorshaynta, keydinta, iyo daryeelka caafimaadka, waxaa si dabiici ah kuu saameynaya hab-dhaqanka qofka. Tusaalle ahaan, qofka leh lamaane dhiirrigeliya jimicsiga iyo cunno caafimaad leh wuxuu u badan yahay inuu yeesho nolol caafimaad badan. Sidoo kale, haddii labada qof ay si wadajir ah u maareeyaan dhaqaalaha, waxay kordhin karaan xasilloonida dhaqaale ee qoyska. Arrimahan oo dhan waxay si toos ah u taageeraan guusha nololeed, taas oo ka ballaaran guusha aqooneed.
Haddii labada qof ay si wadajir ah u maareeyaan dhaqaalaha, waxay kordhin karaan xasilloonida dhaqaalle ee qoyska.
Intaa waxaa dheer, lamaanaha saxda ahi wuxuu kugu dhiirrigelin karaa inaad gaarto yoollal cusub oo aanad hore u qorsheyn. Mararka qaar qofku ma oga awooddiisa dhabta ah illaa uu helo qof ku kalsoon oo ku riixa inuu isku dayo waxyaabo cusub. Lamaanaha wanaagsan wuxuu kaa caawinayaa inaad ka gudubto cabsi iyo shaki, wuxuuna kugu dhiirrigeliyaa inaad sii wadato horumarkaaga. Taasi waxay noqon kartaa inaad sii wadato waxbarasho, bilowdo ganacsi, ama horumariso xirfado cusub. Sidaas darteed, xiriirka wanaagsan wuxuu noqdaa il dhiirrigelin oo ka xoog badan waxbarashada keliya.
Cilmi-baarisyo ku saabsan xiriirka qoyska
Cilmi-baarisyo badan ayaa sidoo kale muujinaya in tayada xiriirka qoyska ay si toos ah ula xiriirto farxadda guud ee nolosha. Dadka haysta qoys caafimaad qaba waxay u badan yihiin inay yeeshaan caafimaad maskaxeed oo wanaagsan, heerar hoose oo walbahaar, iyo nolol cimri dheeri leh. Taasi waxay caddeyneysaa in nolosha gurigu ay tahay awood nololeed oo dhab ah oo saameyn ku leh dhammaan dhinacyada nolosha. Sidaa darteed, doorashada xiriirka wanaagsan ee qoyska waxay saadaalin kartaa guusha muddada dheer si la mid ah ama xitaa ka badan doorashada jaamacad ama shaqo.
Mararka qaar qofku ma oga awooddiisa dhabta ah illaa uu helo qof ku kalsoon oo ku riixa inuu isku dayo waxyaabo cusub.
Dhaqanka Soomaalida ee xagga qoyska
Haddii la eego dhinaca dhaqanka, Soomaalidu waxay si weyn u qaddariyaan guurka, wuxuuna leeyahay maamuus iyo qiime gaar ah. Guurka Soomaaliyeed waxaa si ballaaran looga hadlay suugaanta sida heesaha, gabayada, maahmaahyada, iyo hal-ku-dhigyada. Tani waxay muujinaysaa sida uu guurku ugu jiro qalbiga bulshada Soomaaliyeed. Inta badan, guurka waxaa lagu saleeyaa dhaqan iyo caaddooyin, iyadoo la tixgelinayo asal ahaan, sumcadda qoyska, iyo taariikhda reerka. Tusaalle ahaan, ninka doonaya inuu guursado gabadh wuxuu baarayaa halka ay ka soo jeedo iyo dabeecadda qoyskeeda. Arrintan waxaa si fiican u muujinaysa maahmaahda caanka ah ee “Geela iyo haweenkaba waa la hiddo raacaa,” taas oo tilmaamaysa muhiimadda asal-raacnimada.
“Geela iyo haweenkaba waa la hiddo raacaa,”
Isbeddelka ku yimid dhaqanka guurka Soomaalida
Sanadihii dambe waxaa muuqda isbeddel weyn oo ku yimid dhaqanka guurka Soomaaliyeed. Saameynta casriyeynta, warbaahinta, iyo isdhexgalka caalamiga ah ayaa beddelay qaabkii loo dooran jiray lamaanaha. Dad badan ayaa hadda diiradda saaraya arrimo sida muuqaalka dibadda, hantida, ama sumcadda, halkii ay ka eegi lahaayeen dabeecadda iyo is-waafajinta qiyamka. Isbeddelkan ayaa keeni kara xiriirro aan waaraayn, maadaama ay ka maqan tahay saldhig adag oo ku dhisan isfaham iyo ixtiraam. Dhinaca kale, waxaa muhiim ah in la fahmo in helitaanka lamaane sax ah uusan ku xirnayn hal marxalad oo nolosha ah. Qofku wuxuu heli karaa qoys wanaagsan waqti kasta, haddii uu si miyir leh uu u doorto qof ku habboon aragtidiisa iyo yoolalkiisa. Helitaanka lamaane wanaagsan waxay u baahan tahay dulqaad, fahan, iyo is-ixtiraam. Tallaabooyin yar yar sida wadaagista yoolalka, wadahadallada daacadda ah, iyo taageerada joogtada ah ayaa dhisaya xiriir adag oo waara.
Qofku wuxuu heli karaa qoys wanaagsan waqti kasta, haddii uu si miyir leh uu u doorto qof ku habboon aragtidiisa iyo yoolalkiisa mustaqbalka.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la ogaado in xiriirka wanaagsan uu yahay mid la dhiso, ma aha mid si fudud u yimaada. Labada qof waa inay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirkooda, iyagoo illaalinaya isgaarsiinta furan iyo ixtiraamka. Marka xiriirka uu noqdo mid ku dhisan kalsooni iyo wadajir, wuxuu noqdaa il awood leh oo kor u qaadda guusha labadaba.Waxaa
Waxaan kusoo gunnaanadayaa, doorashada lamaanaha saxda ahi waa mid ka mid ah go’aannada ugu muhiimsan ee qaabeeya nolosha qofka. Inkastoo shahaado jaamacaddeed ay muhiim u tahay horumarka xirfadeed, haddana lamaanaha wanaagsan wuxuu saameyn ku yeeshaa dhammaan dhinacyada nolosha, laga bilaabo caafimaadka maskaxda illaa xasilloonida dhaqaalle. Qof kasta oo doonaya guul iyo farxad waarta waa inuu si taxaddar leh uga fiirsadaa cidda uu nolosha la wadaagayo, maadaama ay tahay maalgashi nololeed oo aan la dhayalsan karin.
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Maxaa kor u qaadi kara fursadaha gaarista guushaada?
Marwalbo shuruudaha guushu waxay ku xiran tahay macnaha guud ee aad ku qeexi karto. Hal qof ayaa laga yaabaa inuu u tixgeliyo guul waxa uu qof kale u arko inay tahay guuldarro.

Guusha waa himmilo ama yool aad jamanayso isla markaana hammuun u qabto inaad gaarto, guusha waxaa inta badan lagu qeexaa kartida aad ku gaari karto yoolalkaaga nolosha, wax kasta oo hadafyadaasi ay noqon karaan. Astaamaha qaarkood, kelmadda ugu wanaagsan ee guusha waxay noqon kartaa guul, ama horumar aad si dhab ah ugu gun gaartay. Ma ahan guusha mid ku timaadda si sahlan waxay kaaga baahan tahay inaad raadiso raadkeeda, guushu waa safar aad u baahan tahay inaad hesho waxyaabo kaa caawin karro horumarinta xirfadaha iyo agabka aad u baahan tahay si aad u horumarto.
Guusha macnaheeda waa inaad hesho waxkasta aad doonaysay sababtoo ah yoolalka waa kuwo si gaar ah loo abuuro, dadku sida ay u arkaan guusha way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xiran tahay baahidooda, hadafkooda, iyo xaaladahooda nololleed ee xilligaa taagan, guulaha yaryar waxay ku siinayaan halbeegyadii guulaha waaweyn ku kasban lahayd xikmad “Guulaha yaryar waxay u qidmeeyaan guulaha waaweyn” Waxaa jira habab badan oo kala duwan oo loo maro sida aad nolosha ugu guulaysan lahayd, laakiin qaabka ugu fiican ee u shaqaynaysa guushaada waxa ay ku xiran tahay waxa ay guushu adiga kuu tahay iyo aragtida aad ka qabto.
“Guulaha yaryar waxay u qidmeeyaan guulaha waaweyn”
Qoraagga buugga 5-ta Tiir ee Guusha, Cabdijabaar Sh. Axmed wuxuu qoraalkiisa ku yirri, “haddii aad u malaynayso in guushaada tahay inaad shaqadaada ku wanaagsanaato ama aad kasbato mushaahar sare, waxaad mudnaanta koowaad siin doontaa kor u qaadista yoolalkaaga xirfadeed.” Balse mudnaanta koowaad ma aaddan siinayn si aad u horumariso yoolkaaga nolosha ee kuu gaarka ah. qoraa Cabdijabaar Sh. Axmed wuxuu qoraalkiisa ku yirri, “waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.” Juhdi iyo dadaal lagu daray baryadda Alle ayaa lagu gaaraa guusha dhabta ah ee nolosha.
Astaanta guusha waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto. Qoys, xiriir jaceyl, tacliin, iyo iwm ayaa ah kamid ah guulaha qaar ee ku horyaallo qofka horumarka doonaayo.
Daarta guusha waa halgan
Waa inaad in badan dhafoorka ka dhididdaa aadna dareentaa culeysyo farabadan xagga nolosha ah, waana qiyamka saxda ah ee daarta guusha lagu gaaro culeesyadaas waxay kugu sababi karaan in aad niyad jabto go’aan qiyaali ah gaarto. Nooc kastaba ha noqoto guusha aad raadinayso, maxaa kor u qaadi kara fursadaha gaarista guushaada? Waa maxay qaar ka mid ah caadooyinka dadka guuleysta? Ma jirtaa waddo keliya oo sax ah oo lagu guuleysto?
Marwalbo shuruudaha guushu waxay ku xiran tahay macnaha guud ee aad ku qeexi karto. Hal qof ayaa laga yaabaa inuu u tixgeliyo guul waxa uu qof kale u arko inay tahay guuldarro.
Alle wuxuu Quraankiisa ku yirri “U duqaado dhibka ku soo gaaray maxaa yeelay, arrinkaasi waxa uu ka mi d yahay arrimaha adag”
Waa adduunyo iyo raasmaalkiisa oo waxa aynu ku soconaa qorshe uu Alle inoo dejiyay, ma diidi karno hadimooyinka guuldarrada nala soo gudbooday, ma lihin awood aan kaga celisinno geerida ku timid qof aan aad u jecnahay, sidoo kale ma garanayno mustaqbalka waxa aynu ku suntannahay oo ma waxaa noqonaynaa baalashlaha/caseeyaha baraha dugisiga ama saaxiibkaaga ma taqaanid xaqiiqdii waxaad markasta oggaataa qorshe kasta inuu Alle kuu dejiyay. U fiirso sida Suubbanaheena u dhisayo qalbiyaddeena musiibooyinka ragaadisay ‘Oggoow wixii kugu dhacay marnaba kuma dhaceen’ Xasan Al-Basri ayaa waxa uu yirri: Haddii aan abaal la innagu siin waxa aan jecelnahay maba aynu heleen, Eebbeheenna waa deeqsi oo addoomihiisa ayuu imtixaamaa isaga oo dhibsanaya si uu u siiyo abaal.
Waxaa laga yaabaa inaysan jirin su’aalo isku-dhafan oo dammaanad qaadi kara guushaada. Weli, waxaa jira tallaabooyin aasaasi ah oo aad raaci karto kuwaas oo hagaajin kara fursadahaaga inaad ku guulaysato noloshaada iyo shaqada. Furaha guul kasta lagu xaqiijiyo waa joogteyn iyo dulqaad, guusha waxa ay u baahan tahay hurdo ka toosid inaad baxdo sahmin samayso isla markaana soo oggaato shaqsiyaadka horumarka nololeed ku tallaabsadeen waddadii ay u mareen, dhibaatooyinkii ay la kulmeen inta ay ku guda jireen halganka, waa inaad ka xog wareysataa dhammaan waxa dhaliyay inay guusha gaaraan. Dabcan xogahaasi oo idil waxaad ka dhaxlaysaa khibradz, waayo aragnnimo iyo firfircooni.
Jeexo wadadda horumarkaaga
Inaad wado la fahmi karo jeexato waa kuu maqaam sarre, waxaana lagama maarmaan ah inaad la timaado aragti iyo waliba meel aad hiigsanayso. Sanadka kasta oo curtay waxaa lagaaga baahanyahay inaad la timaado qorshe cad ee kuu qoran adiga iyo waliba qaababka aad ku gaari garto hadafyada ugu waa weyn ee noloshaada. Waligaa ha noolaanin qorshe la’aan, inkastoo waxwalbo Illaahay s.w.c xaggiisa ay ka qoranyihiin. Qorshaha cad waa waxyaabaha ay aadanuhu isku dhaafeen, haddii aad tahay shaqsi nool bilaa qorshe sanad walbo oo dhashana wuxuu kaaga dhammaani doonaa billaa macno daro.
Tusaalle: Haddii aad maanta dhahdo waxaan rabaa inaa iibsado mustaqbalka gaarigga adduunka ugu qaalisan, oo kummanaan doollar ah, adigana laga yaabo in aaddan haynin wadadii loo mari lahaa balse hadalkaagu yahay mid aan afka dhaafsiisnayn. Xikmad: ‘Hadal badan haan ma buuxsho’ hadalkaasi waa nasiib xumo qof ahaaneed ayna ku saameyn doonaan mustaqbalkaaga dambe.
Hadal badan haan ma buuxsho waxaad marwalbo ogataa qofka aanan hadafka lahayn wuxuu ku suganyahay nolol aan farxad lahayn, iyo waxaa la sheegaa in qofkaas la kulmo xaaladdo kala duwan sidda cilmi nafsiga ee noloshiisa galaabsado.
Waxaa jira dhibaatooyin badan oo nafsaani ah oo kala geddisan. Mid kastaa waxay leedahay magac cilmmiyeysan oo lala xariiriyo. Dadka qaba cudurkaan nafsaaniga ah badanaa waxay dhib kala kulmaan dhinacyada dad la socodka iyo bulshonnimadaba. Waxay dhib badan kala kulmaan inay fahmaan naftooda iyo tan dadka kaleba. Waxay leeyihiin dhaqan ah ”ha i taabanin ku taaban maayee” sidda badannaa waa dad aad u qalafsan oo tooda kaliya inay socoto uun jecel, markasta tooda ayay u baqaan, ma garqaataan, waana muquunin jecelyihiin.
Siddoo kale cudurkaan wuxuu kamid yahay cudurada ugu adag in la daaweeyo marka loo fiirsho cudurada dhimirka, maxaa yeelay dad qabaa meelo badan waxay ku leeyihiin caadi oo dadka waa la dhaqmi karaan. Meelaha ay badanaaba ku fashilmaan waxaa kamid ah xariirka guurka iyo bulshooyinnimada. Sidaas awgeed waxaa wanaagsan inaad yeelato hadaf cad ee muuqda si aad ugu badbaado cudurada bini’aadamka hormarkooda dib u dhiga
Akhristoow, ma ogtahay marka aad dhalatay dunidda waxaa kusoo kordhay shaqsi cusub, waana adiga. Waxaan shaki ku jirin inaad adiga tahay shaqsigaasi ay dunidda sugaysay –waa adiga qofka dunidda ay sugayso ee maxaad sugaysaa?
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Faa’iidooyinka dhaqanka wax isla cunka Soomaalida iyo aragtida Islaamka
Soomaalidu waxay caan ku tahay in ay cuntada wadaagaan, hadday tahay qoys dhexdiisa, marti la qaabilayo, ama dad baahan oo lala wadaagayo wixii la heli karo, diinta Islaamkana waxay dejisay aadaab iyo akhlaaqyo gaar ah oo ku saabsan cunnada, taasoo sii xoojinaysa qiimaha wax isla cunka.

Wax isla cunka waa dhaqan bulsho oo qadiimi ah, kana mid ah astaamaha lagu garto bulshada Soomaalida. Waa dhaqan ka tarjumaya wadajir, is-ixtiraam, iyo walaaltinimo. Soomaalidu waxay caan ku tahay in ay cuntada wadaagaan, hadday tahay qoys dhexdiisa, marti la qaabilayo, ama dad baahan oo lala wadaagayo wixii la heli karo. Dhaqankan ma aha oo kaliya mid bulsho, balse sidoo kale waa dhaqan diini ah oo Islaamku si weyn u dhiirrigeliyay, maadaama uu xoojinayo xiriirka dadka, barakaynayana nolosha.
Marka qoys ama bulsho ay wada cunaan, waxaa si muuqata u xoogeysanaya jacaylka, is-fahamka, iyo kalsoonida ka dhexeysa xubnaha. Qoysaska wada cuna waxay yeeshaan xiriir adag, caruurtuna waxay ka bartaan edeb, xushmad, iyo wadaag. Wax wada cunista waxay noqotaa fursad lagu wada sheekeysto, laguna wadaago arrimaha nolosha, taasoo yaraynaysa kala fogaanshaha iyo is faham la’aanta ka dhex dhalan karta xubnaha qoyska. Bulshada dhexdeeda, wax isla cunka wuxuu noqdaa astaan muujinaysa midnimo iyo isku xirnaan.
Sidoo kale, wax isla cunka wuxuu abuuraa jawi farxad iyo deggenaansho leh. Dadka marka ay wada cunaan, gaar ahaan qoys ahaan, waxay dareemaan nasasho maskaxeed iyo farxad bulsho. Tani waxay si weyn u yaraysaa kelinimada iyo walbahaarka, gaar ahaan waayeelka ama dadka dareema go’doon. Cilmi-nafsigu wuxuu caddeeyay in wax wada cunistu kor u qaaddo caafimaadka maskaxda, maadaama ay xoojiso dareenka in qofku ka tirsan yahay koox ama qoys daneeya.
Wax wada cunista sidoo kale waxay baraysaa dadka sinnaan iyo edeb. Marka saxan la wadaago, qof walba wuxuu barta inuu qadariyo xuquuqda dadka kale. Dhaqanka Soomaalida waxaa si gaar ah loo tixgeliyaa in qofku ku ekaado waxa hortiisa yaalla, uuna ka foggaado in uu gacantiisa gaarsiiyo dhanka kale ee saxanka. Tani waxay carruurta iyo dadka waaweynba ku beeraysaa edeb, xishood, iyo is xakameyn. Sidoo kale, waxay dhiirrigelisaa in qof walba uu dareemo in uu la siman yahay kuwa kale, iyadoo aan la kala sarreyn ama la takoorin.
Dhaqanka wax isla cunka wuxuu xoojiyaa deeqsinimada iyo tixgelinta dadka kale. Qofka lala wadaaga cuntadiisa wuxuu baranayaa in uu ka fekero baahida dadka kale, gaar ahaan martida iyo dadka tabarta yar. Soomaalidu waxay ku faantaa marti-soorka, iyadoo marar badan la maqlayo oraahda ah “Marti waa marti Ilaahay.” Martida lala wadaago cuntada waxay dareemaan qadarin iyo soo dhaweyn, taasoo xoojisa xiriirka bulsho iyo kalsoonida dadweynaha.
Marka laga eego aragtida diinta Islaamka, wax isla cunka waa dhaqan aad loo dhiirrigeliyay. Islaamku waa diin ku dhisan wadaag, walaaltinimo, iyo naxariis. Nebi Muxamed ﷺ wuxuu Muslimiinta ku boorriyay in ay wax isla cunaan, isagoo xusay in barako ku jirto wax wada cunista. Xadiisyo badan ayaa tilmaamaya in cuntada la wadaago ay ka barako badan tahay tan kaligeed la cuno, xitaa haddii ay yar tahay. Tani waxay ina tusinaysaa in barakadu aysan ku xirnayn tirada cuntada, balse ay ku jirto wadaagga iyo niyadda wanaagsan.
Islaamku sidoo kale wuxuu si gaar ah u dhiirrigeliyaa marti-soorka. Qofka marti u ah Muslim kale waxaa la faray in uu si sharaf iyo deeqsinimo leh u qaabilo, gaar ahaan dhinaca cuntada. Quudinta masaakiinta, agoonta, iyo dadka baahan waa camal aad u weyn oo ajar badan leh. Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaa’iista Nabiga ﷺ labaduba waxay si cad u amreen in la caawiyo dadka tabarta yar, lana wadaago nimcada Ilaahay bixiyay.
Diinta Islaamku waxay dejisay aadaab iyo akhlaaqyo gaar ah oo ku saabsan cunnada, taasoo sii xoojinaysa qiimaha wax isla cunka. Waxaa nala faray in cuntada lagu bilaabo magaca Ilaahay (Bismillaah), in midigta lagu cuno, lana ilaaliyo xadidnaan, iyadoo laga fogaanayo xad-dhaaf iyo khasaarin. Edebtani waxay qofka baraysaa mahadnaq, is-xakameyn, iyo tixgelinta nimcada Ilaahay. Marka dadku wada cunaan iyagoo raacaya edebtan, waxaa sii kordhaya barakada, is ixtiraamka, iyo wanaagga ka dhex jira.
Sidoo kale, Islaamku wuxuu dhiirrigeliyaa in wax la isku hadiyadeeyo, maadaama hadiyadda iyo wadaaggida cuntadu ay xoojiyaan jacaylka iyo walaaltinimada. Nebigu ﷺ wuxuu sheegay in hadiyaduhu ay kala qaadaan xumaanta qalbiyada, ayna kordhiyaan kalgacalka dadka dhexdooda. Wax isla cunka iyo wax is-hadiyadeyntu waa labo dhaqan oo si dhow isugu xiran, kana tarjumaya akhlaaqda wanaagsan ee Islaamka.
Waxaan kusoo gunnaanudayaa, wax isla cunka waa dhaqan qiimo weyn u leh bulshada Soomaalida iyo diinta Islaamka labadaba. Waa dhaqan dhisa qoysaska, xoojiya xiriirka bulshada, korna u qaada akhlaaqda iyo edebta. Islaamku si cad ayuu u taageeraa wax isla cunka, maadaama uu keeno barako, midnimo, iyo naxariis bulsho. Marka la ilaaliyo dhaqankan, laguna saleeyo edebta Islaamka, waxaa la helayaa bulsho isku xirnaan leh, dad is jecel, iyo nolol ku dhisan wadaag iyo wanaag.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya












































