Connect with us

Aragti, Dhaqan iyo Caqiido

Waan Hubaa Haddii Aad Aqrisato Inaad Ilmayneyso!

Published

on

Sacdiyo waxay ahayd gabar kunool magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada calanleey Waxeey eheed gabar qurux badan jecelna wax barashada aadna u fur furan. Walaalkeed oo joogay Sweden ayaa soowacay waalidkii una sheegay Sacdiyo ineey imaato Nairobi si uu uga kaxeeyo. Hassan oo ahaa Sacdiyo aabeheed ayaa u sheegay sacdiyo ineey dhowaan u anba bixi doonto dalka kenya kadibna kasii aadi doonto Sweden.

Sacdiyo ayaa timi boosteejada laga soo anba baxo ee kutaala wadada Somali Star ee xaafada Calanleey. Sacdiyo ayaa sidan ku biloowday shekadeedi. 1/8/2008 waxeey eheed maalinta aan kasoo anba baxaayay magaalada kismaayo anigoo usoo kici tamaayay magaalada Nairobi.waxeey eheed markii iigu horeeysay ee aan dalkeeyga Hooyo dibada uga baxaayo waxaana dareemayay culeeys kasoo ahaa inaan katagaayo qoyskeeyga iyo asxaabteeyda. Waxaan nimi boosteejada Hoyadeey Sahro ayaa aad iigu ooysay, ilinta kasocotay Hooyadeey sahro waxeey eheed mid aan la’ooyay. Eyadoo ii raacisay “Hooyo illaah hakunabad geeyo Meel dadka dhaxdooda ahna seexo”.Goor eey tathay 5 galabnimo ayaan kasoo anba baxnay magaalada Kismaayo. Waxaan gaariga dhaxdiis isku barangay Libaan oo ahaa wiil isagana usoo socday magaalada Nairobi.  

Liibaan aniga oo kale muusan eheen horey ayuu u tagay magaalada Nairobi. Libaan wuxuu noqday wiilka kaliyah ee aan gaariga iska dhax fahanay. Maalin ayaa gaari nooga jabay tuulada Qooqaani. Intaan safarka kusoo jirnay naxariisyo badan ayaan ka dareemay Libaan taas oo xagiisa inta badan isii jiidan jirtay. Habeen iyo maalin gaariga nooga haleeysnaa qoqaani aniga iyo libaan sidii qof iyo hooskiisa Ayaan isku daba soconay anigoo inta bada kawareeysan jiray Xaladaha Nairobi. Rakaabka aad ayeey u daalanaayeen dhaqso ayeey seexdeen balse aniga iyo Libaan sheeko ayaan ku gaarnay 4 habeenimo.

Intaan safarka soo eheen anig iyo Libaan iskumeel ayaan wax kuwada cuneeynay iskumeel ayaangaariga kawada fadhiisaneynay taas eyadoo jirto wali Libaan xad gudub iguma uusan dayin. Kadib waxaan nimi dhobleey isla galabkiina kasoo anba baxnay. Waxaan nimi xerada qoxootiga ee xagardheer waxaana joognay maalin Libaan ayaa ina geeyay xaafad uu lahaa adeerkiisa. Subaxdii danbe 8:30 AM ayaan kasoo baxnay xagardheer anagoo Nimi Nairobi 6:15 PM.

Aniga maanan kala garaneeyn waxaan wacay Numberka abtigeey waxaana u sheegay inaan nabad imi Nairobi uuna iigu imaado boosteejada gaariga. Libaan ayaa igu yiri “ Sacdiyo barashadeena, safarka miyeey ku koobneed” “Aboowe maya, barashadeena marabo ineey halkan ku ekaato numberka Abtigeey qoro waad iga heli kartaa” Habeenki daal ba’an ayaa I haayay waan iska seexday wixii kadanbeeyay waxaan had iyo jeer niyada kuhayay Libaan anigoo iska xasuusan jiray hadaladiisa iyo quruxduu eebe siiyay. sadax maalin kadib goor habeen ah waxuu libaan soo wacay numberkii Abti si uu iila hadlo. Habeenki waxaan ka codsaday inuu ii yimaado waliba si dhaqso ah. Libaan igama uusan diidin wuxuuna iigu jawaabay “Birito ayaan kuu imaanayaa waxaana isoo wadaayo wiil walaalkeey ah” Niyada ayaa iidagtay madaama aan maqlay Libaan codsiika iyo xaalada uu kusugan yahay. Wixii intaa kadanbeeyay wuxuu qalbigeeyga ii sheegay inaan Libaan jeclahay. Libaan iyo wiil lasocday ayaa ii yimadeen maalintii danbe anigoo mar mar dareemayay inaan aamusay oo aan libaan kumaqanahay sida uu u shekeeynaayay iyo bulsho nimada kamuuqatay. Waxaan ka qortay numberkiisa banaanka gurigana uga soo haray.

Waxaan abtigeey ka codsaday telephoneka wuuna iga aqbaly. Habeenki 8 fiidnimo ayaan wacay “Aboowe haye xaaladaada kawaran” “Abaayo fiican, adiga side tahay” Markaan is wareeysanay kadib ayaan Libaan kacodsaday inuu marlabaad ii yimaado madama uu isaga xafadeeyda yaqaano anigoo u raaciyay “ Libaan maalintaas oo dhan anaad ila jogeeysaa”Maalintaas gabar habaryarteey dhashay ayaan kacodsaday ineey eyadana ii timaado waxaana rabay ineey wiilka libaan la imaan doono iga mashquuliso intaan libaan la sheekeeysanaayo.

Malin qamiis ah goor eey tahay 2:00 PM ayaa waxaa isoo wacay Libaan iina sheegay inuu xaafada usoo dhoowyahay. Waxaan usoo dhoweeyay ninkeeyga inuu yahay camal anigoo u diyaariyay qado iyo guri shekada ku qurxoon. Markuu yimi Ayaan. Qado u geeyay isaga iyo wiilki lasocday. Markeey qadadeyeena nasteena Ayaan. Hawo u sheegay ineey wiilka usii shekeeyso libaan ayaan u bilaabay sheekada aan kalahaa, anigoo uga bilaabay “ Libaan habeenadan fakarkeeygu wuu batay” “ Maxaa dhacay jaceyl miyaa gu galay abaayo ?”


Libaan marnaba muusan iska dhaadhicin inaan aniga Damac iga soo galaayo oo wuxuu aad u tixgalinaayay barashadeena ku xusneed walaalnimo kaliyah. “ Aboowe wadankan aan ku cusbahay waan ku cidlooday, taas eyadoo jirto ayaa arin kale isii heysataa” “waa maxay arinta kale ee kuheysto abaayo?” “Aboowe, wanaagaaga shekadaada kaftankaaga ayaa ijiitay inta badana adaan kaa fakaraa” Libaan wuu naxay,murugana wajigiisa soo fuushay kuna yiri abaayo aniga marabou inaan ku qiyaano meshan arimo cafimaad ayaan u imi weeyna igu adagtahay taas “taas wax weeyn maahan aboowe” “Abaayo Sacdiyo runtii waad istaahisha nolol iyo jaceyl in lagula qeeybsado balse ifahan” Waxaan kala kulmay libaan niyad jab aad u weyn waxaana ka codsaday “Aboowe madama aan arintan kusoo bandhigay adna aad igu gacan seertay ha gooynin xiriirkeeni saxiibtinimo” “Abaayo taas madhici doonto, waxaana kuu ahaanayaa sidaan horey kuugu ahaa” Waxaan ii biloobatay nolol adag Fakar iyo soo jeed ah, waxaan had iyo jeer kafakari jiray Libaan cuntadii waan waanba ilaaway, jiifna waxeeyba ila eheed hadaan jiifsado inaan libaan heli doonin.

Qolka ayaa waxaa iigu imaaday abtigeey iyo xaskiisa iguna dhaheen waxaa mardhoow imaanaya walaalkaa balse waxaas iima cadeeyn oo Libaan oo kaliyah ayaa ii muuqday. Libaan wuxuu iigu imaan jiray maalin dhaaf isagoo ii shekeyn jiray igana qosli siin jiray, xiliga uu ila joogo fakar ama murug intaba maanan dareemi jirin. Maalinti maalmaha kamid ah ayuu Libaan ii yimi Waxaan u sheegay inaan dartiirs qabri u dhowahay. Libaan oo eey ka muuqato murugo ayaa iigu jawaabay “Abaayo manta Diktoorka ayaan u tagay wuxuuna igu yiri waxaad qabtaa Cancer- ka beerka kudhaca” Wuxuuna ii sheegay Libaan cudurka haayay taas oo naxdin ba’an igu sii kordhisay Libaan oo aan uga bartay farxad ayaa maalintaas ka arkay indhihiiisa Ilin (Oohin) ka daadaneeyso, anigoo waan iscelin waayay waan sasabay una sheegay aduunkan in lagu wareeynin uuna iska samro Illaahna baryo. Waxaan dareemay inaan kasii daray sababtoo ah xanuunka hayay gacaliyaheyga libaan wuxuu ahaa mid aan maranaba kuu niyad dhiseyn.

Waxaan ka codsaday Libaan inuu gurigooda isoo baro si aan had iyo jeer uga war haayo. Waxaan u bandhigay Libaan inuu iguursado aana haduu illaah iga siinaayana aan ubad u dhalo. “ Libaan aboowe waxaan go’aansaday inaan isguursano sideed u araktaa” “Abaayo miyaad waalatay, waad araktaa xanuunka Ihaayo adigana guur iyo waxaan lojoogin ayaad igu soo hadalqadeeysaa” “Libaan waa iga dhab waxaan rabaa inaan Ciyaal aad adiga leeydahay dhalo, taasi waa ii farxad Waalidkaana waa u farxad ” “Abaayo adigana naftaada miyaad nacday,maxaad kawadaa waxyaabahan dhan aad sameyneysid” “Aboowe jaceylka aan kuu qabo ayaa wax walbo kaween” Waxaan indhaha Libaan ilbiriqsi walba soo dhaafayay ilin isagoo markii danbe hab isiiyay iiguna jawaabay isagoo ooynaya “Abaayo, bal fiiri maanta waxaan heystaa jaceylka duniga ugu qaalisan bulse cafimaad ma heysto” “Aboowe waxwalbo weey dhacaan dulqaad iyo samir badan muuji” Waxaan go’aan ku gaarnay inaan is guursano libaan familkooda ayuu u bandhigay weeyna ka aqbaleen. Waxaan ana Abtigeey u sheegay inaan guursan rabo uuna war galiyo Hooyo iyo Aabe. Abti ayaa igu qeyliyay iiguna jawaabay.


“Abti mafiyoowday, walalkaa ayaa imaanaya barnaamijki aad u timi Nairobi ayuuna hirgalin rabaa” “Maya abti maanan waalan ee jaceylkeyga dhulgaalo kuma badalan karo” Waxaa isoo wacay hooyo iyo aabe, balse
aniga kama aanan laba labeen go’aanki aan horey uga gaaray Mustaqbalkeyga. 
Abtigeey oo aan gurigiisa joogay markuu arkay inaan madax adkeeyay igu yiri “Waa kuma wiilka Abti ?” “Abti waa Libaan wiilkaan isla soo safri jirnay” Abti magalada ayuu kasoo maqlay wiilka xanuunka haayo habeenki markuu guri yimi ayuu yiri “Abti wiilka inuu xanuunsan yahay iyo waliba cudurka haayo ma ogtahay?” “haa abti waan ogahay inuu libaan Kansarka beerka qabo” abtii wuu yaabay gurigiisa ayuuna iska galay. Libaan waxaan maalin walbo ugu tagi jiray gurigooda anagoo intaan wado joogno wax naga maqnaa eeysan jirin farxad galabki ayaan gurigeena iska soo aadi jiray Farxada jaceyl ee uu libaan itusay maahan mid aan iloowi doono waligeey waalidkiisa waxeey go’aan ku gaareen bil kadib inaan is guursano aniga iyo libaan waxaan bilaabatay qaban qaabadi guurka. Maalin ayuu guriga iigu yimi Libaan isagoo faraxsan sheeko iyo kaftan ayaana iska galnay, wuxuu igu yiri “ Malaga yabaa inuu Illaah cudurkan iga qaado?” “ Haa Aboowe, illaah waxwalbo wuu awodaa” Waxaan markasto oo aan tukado Illaah kabaryi jiray inuu gacaliyaheeyga ii daweeyo.


Waxaa Libaan Aabihiis uu soo maqlay inuu jiro wadaad tuulo Nairobi udhoow joogo daaweeyo cudurada kuna daweeyo dhirta. Waxaa libaan lagu war galiyay isbuuca soo sacda in loowadi doono wadaadkaas. Libaan cudurka haayay wuxuu ahaa mid aad iyo aad uga xanuun badan balse wuxuu aaminsanaa jiifka ineey u darantahay cudurka. Waxaa ii yimi Libaan oo ordayo wuxuu ii sheegay wadaad inuu aadi doono isbuuca soo socdo anagoo sheekadii wadno ayaa salaadi casar la’aqimay Libaan wuxuu galay salaad. Libaan wuxuu Illaah marwalbo kabaryi jiray cafimaad. Wuxuu waqtiga socdaba Waxaa lagaaray maalintii uu libaan bixi lahaa.

Libaan wuxuu ii yimi goor fiid ah abaarihii 7:00 PM wuxuuna igu wargaliyay inuu birito bixidoono “ Abaayo birito waan baxayaa waxaana dareemi doonaa cidlo madamaama aan adiga kaa tagaayo” aniga waxaan dareemay farxad iyo naxdin dhinac waxaan iska tusay gacaliyaheyga oo Illaah idinkii isoo caafimaadi doono, dhanka kale Isagoo waxbo laga soo qaban waayo-taas oo Libaan ku keeni doonto niyad jab. Habeenki wuu i mac salameeyay isagoo kaftamayana igu yiri “ Hadaan baxo fakar iyo cunto kasoon hagalin aniga waan kusoo noqonaa haduu rabi idmo” gacanta ayuu iga shumiyay iguna yiri “Guurkeena waa Bil kadib Illaah waxaan ka baryaa inuu wiil iga kaa siiyo” aniga hadalka ayaa igu dhagay markaan arkay Libaan oo safar galaayo waxaana ku iri “Waan kuu xiiso doonaa” Subaxdi danbe ayuu baxay Waxaan intuu sii maqnaa Illaah uga baryaayay inuu caafiyo gacaliyaheeyga. 4 sacadood kadib ayuu isoo wacay iina sheegay inuu gaaray goobtii wadaadka.

Labo maalin kadib waxaa lasoo sheegay Libaan xaladiisa ineey kasoo dartay waxaan isdhahay aad meesha Libaan joogo balse aniga maanan garaneyn. Habeenki ayuu isoo wacay isoo aad u xanuunsanaayo wuxuu igu yiri waan fiicanahay isagoo niyada ii dhisaayo balse runtaa waxeey eheed inuu aad u xanuun sanaayay “ Sacdiyo macaneey aad ayaan kuugu xiisay xagaaga inaan mardhow imaado ayaan rabaa” “Aboowe aad ayaan kuugu xiisay naftigeeyga” Waxaan Libaan dareemay markuu ila hadlaayay ineey ilin kasocoto anigana waan is celin waayay.Habeenku ila hadlaayay subaxdeedi 9:00AM waxaa lasoos sheegay inuu dhintay Libaan. Markaan maqlay dhimashada gacaliyaheeyga sidaan dareemay Ilaah unbaa garanaayo runtii maahan mid aan kasii faleeyn karo. Libaan iyo aniga waxaan eheen kuwo iskufahmay nolosha marnaba dhicin inuu qilaaf nasoo dhax galo.wax dhameeystiran lama wado helo sababtoo ah jaceylka libaan iyo aniga oo dhankasto ka siman ayaa iscalfan waayay.

Waxaan Illaah uga baryayaa Libaan inuu janada kawaraabi Markaan dhintana uu illa kulansiiyo. Bil kadib walaalkeey wuxuu kayimi Sweden si uu iiwado balse aniga go’aan waxaan ku gaaray inaan u laabto Kismaayo,Somalia waxaana ibadashay walasheey. Sacdiyo waxay waqtigaan ku nooshahay magaalada Kismaanyo, Soomaaliya. Wali ma aysan guursanin…


 

Website: www.machadkaaj.com

Facebook LIKE: https://www.facebook.com/AfkaartaJoogtada

Twitter Account: https://twitter.com/MachadkaAJ

Instagram: machadka_aj

G­oogle Plus: machadkaaj@gmail.com

Skype: machadkaaj.com

Professional Email: info@machadkaaj.com

Email: machadkaaj@gmail.com

Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCiplQWQxqR5WEjMtmVh5BIw

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
2 Comments

2 Comments

  1. C/raxmaan Cali xeydar

    October 30, 2015 at 7:33 pm

    Wlh waa sheeko mudan in filim laga sameeyo
    Waa sheeko mudan cimra qaadasho
    Waa sheeko si fudud Ku badeleysa qalbiga qofka
    Liibaan cade thanks Ku soco wadadaada saxda ah guul iyo huru mar ayaana kuu rajeynaa

  2. farduuz

    February 1, 2016 at 5:07 pm

    So sad wlh well done liiban cabdiqadir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Falsafada iyo Arrimaha Bulshada

Shaqsiyaad huwan shaar dowladeed oo barakicin iyo dhulboob ka bilaabay xaafad ku taalla degmada Wadajir

Shaqsiyaadkan ayaa dadka deegaanka ku wargeliyay in muddo kooban gudahooda ay ku faarujiyaan guryahooda oo milkiile ahaan u leeyihiin sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Published

on


Illo wareedyo ay heshay Diblomaasi.com isla markaana ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah ayaa tibaaxaya in shaqsiyaad gaar ah oo huwan shaar dowladeed isla markaana lagu sheegay inay yihiin Burcad caadeystay dhaca hantida shacabka birmageedada ah ay doonayaan inay dhulboob iyo barakicin ku sameeyaan xaafadda loo yaqaano Obasiibka waaxda Xalane ee ku taalla degmada Wadajir.

Shaqsiyaadkan ayaa dadka deegaanka ku wargeliyay in muddo kooban gudahooda ay ku faarujiyaan guryahooda oo milkiile ahaan u leeyihiin sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Shacabka ku dhaqanka xaafadda Obasiibka ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkan aysan u caddeyn ujeedadda, sababta keentay iyo in ay ka duullayaan awaamiir dowladdeed, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.

Ma jirto war rasmi ah ee kasoo baxay maamulka degmada Wadajir ee la xiriirta arrintaan dhulboobka iyo barakicinta ee ka cabanayaan shacabka ku dhaqan xaafada Obasiibka ee degmad Wadajir kuwaasoo sheegay in tiro dhowr jeer ah xirriir ay la sameeyeen maamulka isla markaana wali aysan jawaab sugan ka helin.

Muqdisho afartii sano ee lasoo dhaafay iyo Seddexda bilood iyo maalmaha dheeraadka ah ee dowladda muddo dhaafka ah ay joogto waxaa joogto ka noqday hawlgallada barakicinta ee la sheego in dowladdu muddo xileedkeedu dhammaaday u adeegsanayso dadka rayidka ah ciidamadii loogu talagalay in ay amniga rayidka ah sugaan iyo sidoo kale gaadiidka Cagafcagafta.

Qeybo badan oo magaaladda kamid ah ayaa saameeyay hawlgallada barakicinta ah iyadoo boqolaal kun oo rayid ah la sheegay in ay galaafsadeen hawgalladaasi. Goobaha inta badan dadka laga saaro ayaa la siiya sida la sheegay ganacsato iyo siyaasiyiinta xigto la’ah madaxda waqtigoodu dhammaaday ee Villa Soomaaliya taasoo qeyb ka ah carada dadka rayidka ah halka qaar kalena lagu qasbo in kumanaan doollar ay ku iibsadaan guryaha oo qaarkood la sheego misne la warriyo inay u haystaan dukumenti sax ah oo sabar loogo ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Dowladda Federaalka ay wajahayso eedeymo kaga imaanaya bulshada taasoo la xiriira boobka dhulalka danta guud, barakicinta shacabka marastada ah, jirdilka ay ciidamada dowladda federaalka u geysanaayan shacabka laga barakicinayo dhulka iyo musuqa baahsan ay ka wado degmooyinka gobolka Banaadir.

Eedeeymo musaqmaasuq baahsan

Dhinaca kale, qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa ku eeddeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku yimid nidaamka 4.5 inuu dano gaar ah ka leeyahay barakicinta iyo boobka dhulalka danta guud. Iyadoo muddooyinkan dambe cirka isku shareerayaan cabashooyinka bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in ay dhulboob iyo barakicin ku hayso dowlada federaalka. Maqnaanshaha hababka kormeer iyo isla xisaabtanka dowladnimo ayaa sii kordhisay dhibaatada. Dembiilayaashan waxay u dhaqmeen si aan sharciga waafaqsanayn, taas oo meesha ka saartay kalsoonidii ay shacabku ku qabeen dawladda iyo hay’addeeda.

Sida la wada ogyahay, Madaxweyne Xassan oo si hagar la’aan ah u daba jooga xaraashka dhulalka danta guud iyo bixinta qandaraasyada dowladeed ee reerkiisa, ayaa waxaa soo ifbaxaya dhaqan qallafsan oo hor leh, sida wareejinta lacagaha canshuuraha dowladda ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xiriirka la leh qoyska Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, oo ka kooban heer wasiir, dowladda hoose ee Xamar, Wasaaradda Maaliyadda, Cashuuraha Berriga, Garoonka Diyaaradaha, Dekedda Muqdisho iyo wixii ka baxsan, waxay hoosta ka xariiqday in si nidaamsan looga faa’ideysanayo tayeynta shaqsiga ah oo ay kharashkeeda ku bixineyso dowladda hoose.

Eedeymaha musuqmaasuqa ee ka dhanka ah dowladda ayaa sidoo kale ah arrin culus oo u baahan in si qotodheer loo baaro. Musuqmaasuqa wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay horumarka dalka, maadaama uu curyaamiyo adeegyada bulshada iyo kalsoonida maalgashiga. Sida uu sheegay Paul Kagame madaxwaynaha Ruwaanda : “Musuqmaasuqu waa cadowga horumarka.” Ruwaanda waxay tusaalle u noqotay sida loola dagaallami karo musuqmaasuqa iyadoo la adeegsanayo nidaam adag oo isla xisaabtan leh.

Aragtida maamul dowlad wanaag la’aanta Soomaaliya

Marka la eego aragtida maamulka wanaagsan, hoggaamintu waa in ay noqotaa mid ilaalisa xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa nugul. Sida uu sheegay Nelson Mandela: “Hoggaamiye wanaagsan waa kan dadka ka hormariya naftiisa.” Hadalkan ayaa muujinaya in hoggaamiyaha dhabta ahi uu mudnaanta siiyo danta guud, halka eedeymaha hadda taagan ay tilmaamayaan dhaqan ka fog qiyamkaas.

“Hoggaamiyayaasha dhabta ahi, waxay u adeegaan dadkooda, dhiigmiiratadu se waxay u adeegaan naftooda. Xukunka MD Xassan wuxuu noqday ganacsi qoyseed, damiirka dadka oo la iibsado, hantidii dadweyne oo loogu takrifalo sidii mid gaar ah, iyadoo loo qaybinayo xulafada siyaasadeed, xubnaha qoyska, iyo geesawayn kooban oo macaash doon ah, halka danyartii ay kadeedan yihiin oo ay silcayaan. Tani ma aha hoggaamin ee waa boob iyo dhac.” – ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay madax si buuxda u fahma oo si buuxda u illaalisa mas’uuliyadda saaran, ku dhaqma dastuurka, danta qarankana ka hormariya wax kasta.” – ayuu yiri hoggaamiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Cabdijabaar Sh. Axmed.

Maamulka Xasan Sheekh ayaa wajahaya eedeymo culus oo la xiriira musuq maasuq, nin jecleysi, iyo kharashaad mas’uuliyad darro ah. Dhaqamadaasi kaliya ma wiiqayaan horumarka Soomaaliya balse sidoo kale waxay wax u dhimayaan sumcadeeda caalamka. Si ay Soomaaliya horay ugu socoto, waxaa lama huraan ah in madaxdeedu ay mudnaanta siiyaan daah-furnaanta, mudnaanta iyo mas’uuliyadda maaliyadeed.

Cabdijabaar Sheekh Axmed ayaa xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay hoggaan fahamsan mas’uuliyadda saaran isla markaana ilaalin kara dastuurka iyo danta qaranka. Tani waxay tilmaamaysaa baahida loo qabo hoggaan ku dhisan hufnaan iyo isla xisaabtan. “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay mudan yihiin madax u heellan daryeelka iyo horumarka qaranka, mana mudna kuwa xilalka ay hayaan uga faa’ideystaan ​​dano gaar ah. Waxaa la joogaa xilligii isbedel hoggaamineed oo si dhab ah uga tarjumaya qiyamka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed.

Dadka deegaanka Obasiibka waxay sheegeen in aysan helin sabab sharci ah oo lagu barakicinayo, taasoo muujinaysa jabinta mabda’a cadaaladda iyo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha. Sida uu yiri Thomas Sankara: “Cadaalad la’aan meel kasta ka jirta waa halis ku ah cadaaladda meel kasta.” Sidaas darteed, haddii arrimahan aan wax laga qaban, waxay horseedi karaan xasilooni darro ballaaran.

Dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed waxay la kulmayaan cadaadisyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin barakicin, jirdil, iyo caddaalad la’aan. Arrimahan waxay muujinayaan baahida loo qabo dib-u-habeyn lagu sameeyo hay’adaha dowladda si loo hubiyo in ay u adeegaan shacabka si cadaalad ah.

Xaaladda ka taagan xaafadda Obasiibka ee degmada Wadajir waxay astaan u tahay dhibaatooyin waaweyn oo ka jira nidaamka dowladeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo illaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Cabdijabaar Sh. Axmed ayaa aaminsan “Si loo helo xal waara, waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah, la hubiyo madax-bannaanida garsoorka, isla markaana la dhiso kalsoonida shacabka. Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan ka shaqeeya danta guud, kana fog dano gaar ah, si loo gaaro horumar iyo xasillooni waarta.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Arrimaha Bulshada

Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano iyo marka lagu caayo?

Haddii niyaddaadu is beddesho isla marka qof ku dhaleeceeyo, ma adigaa noloshaada maamula? Mise waxaad tahay mashiin falcelinaya oo keliya waxa ka dhacaya hareerahaaga?

Published

on


Faylasuufkii Roomaanka ahaa ee Stoicism-ka, Seneca, wuxuu fahamsanaa in dadka badankoodu ay addoomo u yihiin duruufahooda. Seneca wuxuu soo maray dhammaan wejiyada nolosha aadanaha. Haddii maanta lagu qiimeeyo hantidiisa, wuxuu ahaan lahaa bilyaneer, wuxuuna ahaa siyaasi heer sare ah ka gaaray siyaasadda. Wuxuu sannado ku qaatay musaafuris iyo go’doon, ugu dambayna waxaa lagu qasbay inuu isdilo amar ka yimid boqorkii uu hore u soo barbaarin jiray. Wuxuu wax ku qoray waayo-aragnimada qof mar guulaystay wax kasta, haddana wax kasta waayay. Seneca wuxuu yiri: “Tijaabada ugu dambaysa ee xorriyaddu waa tan: Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano, marka lagu caayo, marka aad faa’iido hesho, iyo marka aad khasaaro la kulanto?”

“Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano, marka lagu caayo, marka aad faa’iido hesho, iyo marka aad khasaaro la kulanto?” 

– Seneca

Nolosha bani’aadamka waxaa si joogto ah u saameeya dhacdooyin dibadda ka yimaadda, sida ammaanta, dhaleeceynta, guusha, guuldarrada, hantida, iyo khasaaraha. Dad badan waxay u arkaan in farxaddooda iyo murugadoodu ay ku xiran yihiin sida ay dadka kale ula dhaqmaan ama waxa ku dhacaya noloshooda. Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: haddii niyadda qofku ay is beddesho mar kasta oo la ammaano ama la dhaleeceeyo, yaa dhab ahaan maamulaya noloshiisa? Su’aashan ayaa saldhig u ah falsafaddii Stoicism-ka ee uu hormuudka ka ahaa faylasuufkii Roomaanka ahaa ee Seneca. Aragtidiisu waxay ku dhisan tahay in xorriyadda ugu weyn ee qofku aysan ahayn xorriyadda siyaasadeed ama dhaqaale, balse ay tahay xorriyadda gudaha ee qofku ku xakameeyo fikirkiisa, dareenkiisa, iyo dabeecaddiisa.

Seneca iyo casharrada noloshiisa

Seneca ma ahayn faylasuuf ku hadlayay aragtiyo mala-awaal ah, balse wuxuu ahaa nin soo maray guul iyo guuldarro labadaba. Wuxuu gaaray heerka ugu sarreeya ee siyaasadda iyo dhaqaalaha, isagoo noqday nin aad u maalqabeen ah oo talo siiya boqorro. Isla markaana wuxuu la kulmay musaafuris, go’doon, iyo ugu dambayn amar lagu qasbay inuu naftiisa dilo. Khibradahaas is khilaafsan ayaa ka dhigay inuu fahmo in wax kasta oo dibadda ka yimaadda ay yihiin kuwo is beddeli kara, halka akhlaaqda iyo dabeecadda wanaagsan ay yihiin hantida keliya ee aan laga qaadi karin qofka. Casharka ugu weyn ee laga baranayo noloshiisa waa in qofka qiimihiisa aan lagu cabbirin waxa uu haysto, balse lagu cabbiro sida uu u dhaqmo marka uu waayo wax kasta oo uu lahaa. Guusha dhabta ahi ma aha inaad mar walba guulaysato, ee waa inaad ahaato isla qofkii aad ahayd marka guushu kaa tagto.

Macnaha dhabta ah ee Stoicism-ka

Bulshooyin badan ayaa si khaldan u fahma Stoicism-ka, iyagoo u malaynaya inay tahay falsafad dadka ka dhigaysa kuwo aan wax dareen ah lahayn. Hase yeeshee, Stoicism-ku ma diidana dareenka bani’aadamka. Waxa ay diiddan tahay in dareenku noqdo sayidka qofka. Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya qof dareen leh iyo qof dareenkiisu maamulo. Qofka wuu murugoodaa marka uu waayo qof uu jeclaa, wuu farxaa marka uu guulaysto, wuuna xanaaqaa marka dulmi dhaco. Laakiin dareennadaas uma oggola inuu lumiyo caqligiisa, akhlaaqdiisa, ama qiyamkiisa. Sidaa darteed, Stoicism-ku waa tababar lagu dhisayo adkaysiga maskaxda, ma aha cabburinta shucuurta.

Xorriyadda gudaha iyo addoonsiga qarsoon

Hadalka Seneca ee oranaya, “Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano iyo marka lagu caayo?” wuxuu si qotodheer u qeexayaa xorriyadda gudaha. Dad badan waxay u malaynayaan inay xor yihiin sababtoo ah ma jiraan cid amar ku siiso. Hase yeeshee, haddii hal eray oo qof kale ku yiraahdo uu beddelo niyaddaada maalinta oo dhan, xor ma tihid. Waxaad noqotay maxbuus uu xukumo ra’yiga dadka kale.

“Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano iyo marka lagu caayo?”

Sidoo kale, haddii lacagtu kaa dhigto qof isla weyn, ama faqrigu kaa dhigo qof niyad-jabsan oo quusta, waxaa muuqata in shakhsiyaddaadu ay ku xiran tahay duruufo aanad adigu maamulin. Tani waa addoonsi qarsoon oo aan silsilado lahayn, balse maskaxda ku xiran.

Runta ugu adag ee nolosha ayaa ah in aynaan xakamayn karin inta badan waxa nagu dhacaya. Waxaan lumin karnaa shaqo, caafimaad, hanti, ama dad aan jecelnahay. Laakiin mar kasta waxaa weli inoo haray hal awood oo aan cidina naga qaadi karin: sida aan uga jawaabno dhacdooyinkaas. Geed xooggan ma noqdo mid aan dabayl arag, balse waa geed bartay sida uu xididdadiisa ugu adkeeyo dhulka. Sidoo kale, qofka caqliga leh ma aha kan aan la kulmin dhibaatooyin, ee waa kan aan u oggolaan dhibaatooyinku inay beddelaan akhlaaqdiisa. Qof kasta wuxuu leeyahay laba nolol. Midda hore waa waxa adduunku ku sameeyo. Midda labaadna waa waxa uu isagu ka sameeyo wixii adduunku ku sameeyay. Tan labaad ayaa ah meesha ay ka dhalato xorriyadda dhabta ahi. Qarnigan casriga ah, gaar ahaan dunida baraha bulshada, dad badan waxay qiimahooda ku cabbiraan tirada dadka ammaana, jecel, ama la dhacsan. Hal faallo oo taban ayaa mararka qaarkood burburisa kalsoonidii qofku isku qabay, halka ammaan badan uu dhalin karo kibir iyo isla weyni. Falasoofkaan, Seneca wuxuu ina xusuusinayaa in qofka noloshiisa ku dhisa sacabka dadka uu sidoo kale ku burburi doono marka sacabkaasi joogsado. Sidaas darteed, kalsoonida dhabta ahi waa mid ka dhalata qiyamka gudaha, ee aan ka iman bogaadinta bulshada.

“Qofka noloshiisa ku dhisa sacabka dadka uu sidoo kale ku burburi doono marka sacabkaasi joogsado.”

– Seneca

Bulshadeennu maanta waxay si weyn ugu baahan tahay dad leh degganaansho maskaxeed, dulqaad, iyo awood ay ku kala saaraan waxa ay xakamayn karaan iyo waxa aysan awoodin. Qofka sidaas sameeya wuxuu yareeyaa walbahaarka, wuxuuna gaaraa nolol deggan oo macno leh. Falsafadda Seneca waxay ina baraysaa in xorriyadda ugu qiimaha badan aysan ahayn xorriyadda dhaqdhaqaaqa, hantida, ama awoodda, balse ay tahay xorriyadda qofku ku ilaashado naftiisa. Haddii ammaan, dhaleeceyn, guul, ama guuldarro ay beddelaan qofnimadaada, waxaad awoodda noloshaada ku wareejisay waxyaabo aanad gacanta ku hayn.

Qofka xigmadda leh waa kan fahma in dhacdooyinka dibadda ay yihiin hirar is beddelaya, halka qiyamka iyo akhlaaqdu ay yihiin barroosinka nolosha. Sidaas awgeed, xorriyadda dhabta ahi ma aha in adduunku kuu noqdo sidaad rabto; waa inaad adigu noqoto qof aan adduunku si fudud u beddeli karin.

Su’aasha ugu muhiimsan ee qof kastaa is weydiin karo ma aha: “Maxaa maanta igu dhacay?” ee waa: “Waxii maanta dhacay ma beddeleen qofkii aan ahaa?” Jawaabta su’aashaas ayaa go’aaminaysa in qofku yahay maamulaha noloshiisa mise uu yahay qof ay duruufuhu maamulaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Arrimaha Bulshada

Sifooyinka loogu baahan yahay hoggaamiye Soomaaliyeed

Qaran waxaa dhisa shacabka, laakiin waxaa haga hoggaan daacad ah; marka hoggaanku toosnaado, qarankuna wuu toosaa.

Published

on


Qaran kastaa wuxuu ku dhismaa hoggaan leh aragti fog, daacadnimo, caddaalad iyo karti uu bulshada ku mideeyo. Taariikhda dunidu waxay caddeyneysaa in horumarka iyo burburka ummaduhu ay inta badan ku xiran yihiin tayada hoggaamiyeyaashooda. Maanta, shacabka Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay fahmaan waxa lagu garto hoggaamiye wanaagsan iyo sida loo doorto masuuliyiin u adeegaya danta guud, halkii ay ka dooran lahaayeen dano gaar ah ama ballanqaadyo aan sal lahayn.

Hoggaamintu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso qaran nabdoon, horumarsan, isla markaana leh caddaalad iyo midnimo. Taariikhda bani’aadamka waxay marag ka tahay in guusha ama guuldarrada ummaduhu ay si weyn ugu xiran tahay tayada hoggaamiyeyaashooda. Hoggaamiyaha wanaagsan waa qof leh aragti fog, damiir suuban, aqoon, geesinimo iyo karti uu bulshada ku mideeyo himilo qaran. Soomaaliya, oo soo martay marxalado adag oo ay ka mid yihiin dagaallo sokeeye, kala qaybsanaan iyo caqabado siyaasadeed, waxay maanta u baahan tahay hoggaamiyeyaal leh sifooyin ka tarjumaya diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadi’da hoggaaminta casriga ah.

Falsafaddii hore ee hoggaaminta ayaa si qotodheer leh uga hadashay sifooyinka hoggaamiyaha wanaagsan. Sun Tzu, oo ahaa xeeldheere caan ku ahaa istaraatiijiyadda, wuxuu sheegay in hoggaamiyaha wanaagsan lagu garto garaad, kalsooni, bini’aadannimo, geesinimo iyo adkaysi. Garaadku waa awoodda lagu qiimeeyo xaaladaha laguna gaaro go’aanno sax ah. Kalsoonidu waxay dhalisaa ixtiraam iyo wada-shaqayn. Bini’aadannimadu waa naxariista iyo daryeelka shacabka. Geesinimadu waa awoodda lagu qaato go’aamo adag marka loo baahdo, halka adkaysiguna uu qofka ka caawiyo inuu u adkaysto caqabadaha.

Hoggaamiyaha wanaagsan waxa lagu gartaa garaadka, kalsoonimada, bini’aadannimo, geesinimo iyo adkaysi.

Du Mu, oo sharaxay aragtiyaha Sun Tzu, wuxuu tilmaamay in garaadku yahay awoodda qorshaynta, halka bini’aadannimadu ay tahay jacaylka shacabka iyo daryeelkooda. Wuxuu sidoo kale sheegay in geesinimadu tahay ka faa’iidaysiga fursadaha, halka anshaxuna yahay abuuridda nidaam iyo kala dambayn. Qaran aan lahayn nidaam iyo kala dambayn ma gaari karo horumar waara. Dhanka kale, Jin Lin wuxuu ka digay xad-dhaafka sifooyinka qaarkood. Wuxuu sheegay in garaad aan la soconin bini’aadannimo uu dadka ka fogeyn karo hoggaamiyaha, halka kalsooni xad-dhaaf ahi ay horseedi karto isla weyni iyo kacdoon. Sidoo kale, ad-adayg aan caqli ku dhisnayn wuxuu isu beddelaa dulmi iyo naxariis-darro. Sidaas darteed, hoggaamiyaha wanaagsan waa inuu isku dheellitiraa garaadka, naxariista, geesinimada iyo dulqaadka. Faylasuufkii weynaa Plato wuxuu aaminsanaa in hoggaamiyaha ugu habboon yahay qof jecel runta, neceb beenta, leh akhlaaq wanaagsan, aan hunguri badnayn, dadka si wanaagsan ula dhaqma, geesi ah, isla markaana leh xusuus iyo faham wanaagsan. Aragtidan ayaa weli muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed maanta, maadaama hoggaamiyaha daacadda ahi yahay tiirka lagu ilaaliyo cadaaladda iyo wadajirka bulshada.

Qaran aan lahayn nidaam iyo kala dambayn ma gaari karo horumar waara.

Culimada casriga ah ee hoggaamintu waxay sii xoojiyeen fikradahaas. John Gardner wuxuu tilmaamay in hoggaamiyaha guulaysta uu leeyahay karti, aqoon, faham bulshada, hammi sare, kalsooni, dulqaad iyo awood uu ula qabsado isbeddellada. Kouzes iyo Posner, oo daraasad ku sameeyay tobannaan kun oo qof oo dunida ku nool, waxay ogaadeen in dadka oo dhan ay isku raaceen afar sifo oo ugu muhiimsan hoggaamiyaha: daacadnimo, aqoon, dhiirrigelin iyo aragti cad. John Maxwell isaguna wuxuu ku daray dabci wanaagsan, waayo-aragnimo, kalsooni nafeed iyo geesinimada uu qofku ku diido xeerarka guracan iyo musuqmaasuqa.

Robert Greenleaf wuxuu soo bandhigay mabda’a “Hoggaamiyaha Adeegaha”, isagoo sheegay in hoggaamiyaha dhabta ahi yahay qof dadka u adeega, kana hormariya danahooda kuwa gaarka ah. Hoggaamiyaha noocaas ahi wuxuu ka shaqeeyaa horumarinta waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo nabadda bulshada. Max DePree isaguna wuxuu yiri hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu dadka tusaa himilo cad, ugu dambayntiina wuxuu u mahadceliyaa cid kasta oo qayb ka qaadata guusha. Hoggaamiye aan dadka qadarin ma abuuri karo kalsooni iyo wadajir.

Aragtida Islaamka ee hoggaaminta

Islaamku wuxuu tilmaamay dhowr sifo oo hoggaamiyaha looga baahan yahay. Sifada ugu horraysa waa caddaaladda, maadaama hoggaamiye aan caddaalad ahayn uusan abuuri karin kalsooni iyo xasillooni. Hoggaamiyuhu waa inuu dadka u simaa xuquuqdooda, isaga oo aan eex u samayn qabiil, qoys ama saaxiibbo. Sifada labaad waa daacadnimo iyo ammaan. Hoggaamiyuhu waa inuu noqdaa qof lagu kalsoonaan karo, ilaaliya hantida qaranka, kana fogaada musuqmaasuqa iyo ku takri-falka awoodda. Daacadnimadu waxay saldhig u tahay xiriirka u dhexeeya shacabka iyo dowladda. Sifada saddexaad waa la-tashi (Shuuraa). Qur’aanku wuxuu amray in arrimaha bulshada lagu saleeyo wada-tashi. Hoggaamiyaha wanaagsan ma aha qof keligiis go’aannada qaata, balse waa qof dhegaysta culimada, aqoonyahannada, haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Caqabadaha horyaalla hoggaaminta Soomaaliya

Bulshada Soomaaliyeed waxay muddo dheer la daalaa dhacaysay hoggaan xumo, qabyaalad, musuqmaasuq iyo dano gaar ah. Dhibaatooyinkaas waxay dhaawaceen kalsoonidii shacabka iyo hay’adihii dowladda. Sidaa darteed, shacabka waxaa laga doonayaa inay ka gudbaan doorashooyinka ku salaysan qabiilka, ehelka ama dano gaar ah, ayna doortaan hoggaamiyeyaal lagu qiimeeyo aqoontooda, kartidooda iyo daacadnimadooda. Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo oranaysa: “Nin lagu seexdow ha seexan.” Maahmaahdani waxay bulshada xusuusinaysaa inaan lagu degdegin kalsoonida qof aan la hubin taariikhdiisa iyo waxqabadkiisa. Hoggaamiyaha wanaagsan waxaa lagu gartaa ficilkiisa, ee laguma garto hadalladiisa oo keliya.

Doorka shacabka Soomaaliyeed

Doorashada hoggaamiye wanaagsan waa masuuliyad saaran dhammaan shacabka. Bulshadu waa inay qiimeysaa aqoonta, akhlaaqda, waayo-aragnimada iyo kartida musharraxa. Sidoo kale, waa inay la xisaabtanto hoggaamiyeyaasha marka ay xilka qabtaan, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo hufnaan. Qaran horumarsan laguma dhiso hoggaan keliya, balse waxaa dhisa hoggaan iyo shacab wada shaqeeya. Marka shacabka iyo hoggaanku ay wadaagaan himilo qaran, waxaa suuragal noqonaya in la helo nabad, horumar iyo dowladnimo waarta.

Bulshada Soomaaliyeed waxay muddo dheer la daalaa dhacaysay dhibaatooyin ka dhashay hoggaan xumo, qabyaalad, musuqmaasuq iyo dano gaar ah. Taasi waxay keentay in fursado badan oo horumar lagu gaari lahaa ay lumiyaan. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ay indhaha kala furaan marka ay dooranayaan hoggaamiyeyaashooda. Waa in aan lagu sirmin hadallo macaan, muuqaal qurux badan ama ballanqaadyo aan waxqabad lahayn.

“Qaran waxaa dhisa shacabka, laakiin waxaa haga hoggaan daacad ah; marka hoggaanku toosnaado, qarankuna wuu toosaa.”

Hoggaamiyaha waa in lagu qiimeeyaa taariikhdiisa, daacadnimadiisa, kartidiisa iyo adeegga uu bulshada hore ugu qabtay. Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo oranaysa: “Nin lagu seexdow ha seexan.” Micnaheedu waa in qofka aan la hubin lagu aamino mustaqbalka bulshada ay tahay khalad weyn. Sidaas darteed, shacabka waa inay hubiyaan in hoggaamiyuhu yahay qof run sheeg ah, leh aragti qaran, kana fog eex, qabyaalad iyo dano gaar ah. Dhismaha qaran xooggan wuxuu u baahan yahay hoggaan mideeya shacabka, dhiirrigeliya waxbarashada, horumariya dhaqaalaha, ilaaliya caddaaladda, kana shaqeeya nabad waarta.

Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu shacabka u arkaa masuuliyad uu Alle hortiisa uga jawaabayo, halkii uu uga arki lahaa fursad uu ku gaaro dano shakhsiyadeed. Sidaas awgeed, xilku waa adeeg, mana aha sharaf keliya. Hoggaamintu waa laf-dhabarta horumarka ummad kasta. Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaamiyeyaal leh aqoon, akhlaaq, geesinimo, daacadnimo iyo damiir nool.

Haddii shacabka Soomaaliyeed ay si miyir leh u doortaan hoggaamiyeyaal tayo leh, waxaa suuragal ah in dalka dib loogu soo celiyo nabad, horumar iyo midnimo. Haddaba, waa inaan ka gudubnaa qabyaalad iyo dano gaaban, kana shaqeynaa dhismaha qaran ay hoggaamiyaan dad karti iyo hufnaan leh. Hoggaamiye wanaagsan waa iftiinka ummadda, halka hoggaamiye xuna uu noqon karo sababta burburka bulshada. Sidaa darteed, doorashada hoggaamiyaha saxda ahi waa masuuliyadda ugu weyn ee shacabka saaran.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Aragtida Indheergaradka

Maxay ka dhigan tahay in Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” loo doortay hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya?

Doorashadan waxay iftiimisay caqabado la xiriira hufnaanta geeddi-socodka siyaasadeed, kalsoonida ay bulshada ku qabto hay’adaha dowliga ah iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Published

on


Doorashada Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” ee xilka hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay noqotay dhacdo siyaasadeed oo saamayn weyn ku leh maamulka Koonfur Galbeed, dowladda federaalka Soomaaliya, iyo guud ahaan nidaamka federaalka ee dalka.

Doorashadan oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa timid xilli uu jiray muran siyaasadeed, loollan hoggaamineed, iyo cabashooyin la xiriiray hufnaanta habraaca doorashada. Natiijada doorashada waxaa hareeyay dood iyo su’aalo ku saabsan habkii loo maareeyay geeddi-socodka doorashada. Waxaa si qotodheer u falanqeynaynaa macnaha siyaasadeed, maamul, amni, iyo dimuqraadiyadeed ee ka dhalan kara doorashada Aadan Madoobe, iyadoo la qiimeynayo fursadaha iyo caqabadaha horyaalla hoggaankiisa cusub.

Asalka doorashada iyo xaaladda Siyaasadeed

Doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed waxay dhacday kadib muddo ku-meel-gaar ah oo socotay 72 maalmood. Intii lagu guda jiray diyaarinta doorashada, waxaa jiray muran ku saabsan habraaca codbixinta iyo qaabka loo maareynayo tartanka musharraxiinta. Wararka ka soo baxay Baydhabo waxay muujiyeen in musharraxiin gaar ahaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ay muujiyeen walaac ku saabsan jebinta heshiisyo hore loo gaaray, kuwaas oo ay ka mid ahayd in aan taleefannada gacanta lala geli karin goobta codbixinta.

Cabashadan waxay dhalisay su’aalo ku saabsan heerka madax-bannaanida codadka xildhibaannada iyo hufnaanta doorashada. Inkasta oo murannadaas jireen, doorashadu waxay ku dhammaatay in Aadan Madoobe uu helo 88 cod oo ka mid ah 90-ka xubnood ee coddeeyay. Natiijadan aadka u ballaaran waxay muujisay in inta badan wakiilada Koonfur Galbeed oo inta badan ka socdeen ururka JSP ay taageereen musharraxnimadiisa.

Muhiimadda doorasho si dimuqraadiyaddi ah ku dhacda

Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso dowladnimo casri ah iyo nidaam dimuqraadiyadeed oo ku saleysan rabitaanka shacabka. Waa habka kaliya ee muwaadiniintu si xor ah ugu doortaan hoggaankooda, uguna muujiyaan aragtidooda siyaasadeed. Marka doorashooyinku noqdaan kuwo hufan, xor ah oo caddaalad ku dhisan, waxaa sii xoogeysanaya kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda iyo sharciyadda hoggaanka talada haya. Dhanka kale, haddii la waayo nidaam dowladnimo oo dimuqraadi ah, waxaa halis gelaya xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan xorriyadda hadalka, xorriyadda saxaafadda iyo xaqa ka qaybgalka siyaasadda. Bulsho aan lahayn nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqeynaya waxay wajahdaa caburin, musuqmaasuq iyo awood ku ururta kooxo ama shaqsiyaad gaar ah.

Doorashooyinka caddaaladda ku dhisan waxay sidoo kale abuuraan jawi tartan siyaasadeed oo caafimaad qaba, kaas oo dhiirrigeliya isla xisaabtan iyo in hoggaamiyeyaashu ka shaqeeyaan danaha shacabka. Haddii geeddi-socodka doorashada lagu xadgudbo ama lagu shaki geliyo hufnaantiisa, waxaa dhaawacmaya kalsoonida shacabka, waxaana soo baxa khilaafyo siyaasadeed iyo xasillooni darro. Sidaas darteed, illaalinta doorasho xor iyo xalaal ah waa waajib saaran dowladda, guddiga doorashooyinka, siyaasiyiinta iyo shacabka, si loo xaqiijiyo dowladnimo ku dhisan cadaalad, isla xisaabtan iyo rabitaanka shacabka

Muhiimadda siyaasadeed ee doorashada

Doorashada Aadan Madoobe ku guulaystay sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka waxay leedahay muhiimad siyaasadeed oo heer gobol iyo heer qaranba leh. Marka hore, wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Soomaaliya, isagoo muddo afar sano ah soo hayay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Khibraddiisa siyaasadeed waxay siinaysaa awood uu ku fahmi karo habka ay u shaqeeyaan hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Taasi waxay kordhin kartaa wadashaqeynta u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe. Doorashadiisu waxay sidoo kale muujin kartaa in dowladda federaalku ay doonayso inay xoojiso saameynteeda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed. Sababta oo ah Aadan Madoobe wuxuu ahaa mas’uul si dhow ula shaqeynayay madaxda dowladda federaalka. Sidaas darteed, guushiisa waxaa loo fasiran karaa tallaabo lagu adkeynayo xiriirka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Baydhabo.

Dhanka kale, mucaaradka qaarkood waxay u arkaan arrintan inay keeni karto cabsi la xiriirta madax-bannaanida dowlad-goboleedyada. Haddii maamul goboleed lagu arko inuu si weyn ugu tiirsan yahay dowladda dhexe, waxaa dhici karta in kalsoonida qaar ka mid ah bulshada ama siyaasiyiinta deegaanka ay yaraato.

Saameynta dowladda federaalka Soomaaliya

Nidaamka federaalka Soomaaliya wuxuu ku dhisan yahay wadaagista awoodda u dhexeysa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Sidaa darteed, doorashada Aadan Madoobe waxay noqon kartaa tijaabo cusub oo lagu qiimeeyo sida uu nidaamka federaalku u shaqeynayo. Haddii hoggaanka cusub uu si guul leh ula shaqeeyo dowladda federaalka isagoo isla markaana ilaalinaya danaha shacabka Koonfur Galbeed, waxaa laga yaabaa inay tani noqoto tusaale wanaagsan oo muujinaya faa’iidada nidaamka federaalka.

Hase yeeshee, haddii la dareemo in maamulka cusub uu si buuxda ugu xiran yahay dowladda dhexe, waxaa laga yaabaa inay soo baxaan muranno siyaasadeed oo ku saabsan madax-bannaanida maamulka. Sidaas darteed, dheellitirka xiriirka labada dhinac wuxuu noqon doonaa mid muhiim u ah guusha maamulka cusub.

Muranka hareeyay doorashada

Mid ka mid ah qodobbada ugu badan ee laga hadlay doorashada ayaa ahaa muranka ku saabsan taleefannada gacanta ee lagu galay goobta codbixinta. Guddiga doorashada ayaa hore u mamnuucay arrintan si loo ilaaliyo sirta codbixinta iyo madax-bannaanida xildhibaannada. Wararka ka soo baxay goobta doorashada waxay tilmaameen in amarkaasi aan si buuxda loo dhaqan gelin. Taasina waxay dhalisay eedeymo iyo shaki siyaasadeed.

Marka laga eego dhinaca dimuqraadiyadda, kalsoonida lagu qabo doorasho kasta waxay ku xirnaanaysaa hufnaanta habraaceeda. Xitaa haddii natiijada la aqbalo, jiritaanka cabashooyin aan si buuxda loo xallin waxay dhaawici kartaa sumcadda geeddi-socodka doorashada. Sidaa awgeed, maamulka cusub waxaa waajib ku ah inuu abuuro jawi siyaasadeed oo ay ku jiraan wada-hadal, dib-u-heshiisiin, iyo ka qeybgal siyaasadeed oo loo siman yahay.

Saameynta amniga

Koonfur Galbeed waa mid ka mid ah dowlad-goboleedyada ugu muhiimsan Soomaaliya marka laga hadlayo amniga. Deegaannada maamulkaasi waxay muddo dheer wajahayaan caqabado amni oo ay ka mid yihiin weerarrada Al-Shabaab, colaadaha deegaanka, iyo khilaafaadka siyaasadeed. Doorashada Aadan Madoobe waxay dadka qaar u arkaan fursad lagu xoojin karo amniga maadaama uu leeyahay khibrad siyaasadeed oo heer qaran ah. Waxaa laga filayaa inuu si dhow ula shaqeeyo dowladda federaalka, ciidamada qaranka, iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xoojiyo amniga gobolka.

Dhanka kale, haddii murannada siyaasadeed ee ka dhashay doorashadu sii socdaan, waxaa suuragal ah inay abuuraan jawi amni darro ah oo ay ka faa’iideystaan kooxaha nabad-diidka ah. Sidaas darteed, xalinta khilaafaadka siyaasadeed waxay muhiim u tahay sugidda amniga Koonfur Galbeed.

Saameynta horumarka dhaqaale iyo bulsho

Shacabka Koonfur Galbeed waxay muddo dheer la tacaalayeen dhibaatooyin la xiriira saboolnimo, shaqo la’aan, adeegyo caafimaad oo liita, iyo caqabado dhinaca waxbarashada ah. Hoggaanka cusub waxaa laga filayaa inuu mudnaanta siiyo horumarinta adeegyada bulshada. Guusha Aadan Madoobe waxay siinaysaa fursad uu ku isticmaalo xiriirradiisa siyaasadeed si loo helo taageero dheeraad ah oo gudaha iyo dibaddaba ah. Haddii si wanaagsan loo maareeyo, waxaa suuragal ah in maamulka cusub uu hirgeliyo mashaariic horumarineed oo kor u qaada nolosha shacabka.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xoojiyo maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, iyo ganacsiga. Koonfur Galbeed waxay leedahay dhul beereed hodan ah, waxaana suuragal ah in horumarinta wax-soo-saarka gudaha ay door weyn ka ciyaarto koboca dhaqaalaha gobolka.

Caqabadaha horyaalla hoggaanka cusub

Madaxweynaha cusub waxaa horyaalla dhowr caqabadood oo waaweyn. Sidoo kale hoggaankan cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa lagu xantaa qof ay aad u liidato aqoontiisa dowladnimo iyo xittaa uusan fahansaneen marxaladda KG marayso maanta ee loogu baahan yahay inuu samatabixiyo. Waxaan kusoo koobay 6 qodob oo aan isleeyahay haddii uu xoogga saarro wuxuu meesha ka saari doonaa xantii ahayd inay liidato aqoontiisa dowladnimo:

1. Xoojinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.
2. Dib-u-heshiisiinta dhinacyada siyaasadeed ee isku khilaafsan doorashada.
3. Horumarinta adeegyada bulshada.
4. Xoojinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.
5. Ilaalinta dheellitirka xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedka.
6. Dhisidda kalsoonida shacabka ee hay’adaha maamulka.

Guusha ama fashilka maamulka cusub waxay si weyn ugu xirnaan doontaa sida uu uga jawaabo arrimahan. Doorashada Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” ee hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waa dhacdo siyaasadeed oo leh saameyn heer gobol iyo heer qaranba ah. Waxay muujinaysaa isbeddel hoggaamineed, xoojinta xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyo rajada laga qabo horumar cusub oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo maamulka ah. Doorashadan waxay iftiimisay caqabado la xiriira hufnaanta geeddi-socodka siyaasadeed, kalsoonida ay bulshada ku qabto hay’adaha dowliga ah iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Sidaa darteed, maamulka cusub waxaa laga filayaa inuu xoogga saaro dib-u-heshiisiin, wadatashi siyaasadeed, iyo hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo wax ku ool ah.

Haddii Aadan Madoobe uu ku guuleysto inuu isku dheellitiro danaha siyaasadeed, amniga, iyo baahiyaha shacabka, doorashadiisa waxaa loo aqoonsan karaa tallaabo muhiim ah oo ka qayb qaadatay xasilloonida, dowlad-dhiska, iyo horumarka Soomaaliya. Hase yeeshee, haddii tabashooyinka jira aan xal loo helin, waxaa jiri karta khatar ah in murannada siyaasadeed ay sii socdaan, taas oo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka maamulka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan nidaamka federaalka dalka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Arrimaha Bulshada

Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda – Vladimir Lenin

Mustaqbalka ummad kasta kuma xirna oo keliya kheyraadkeeda dabiiciga ah ama awooddeeda ciidan, balse wuxuu si weyn ugu xiran yahay tayada fikirka iyo aqoonta ay leedahay dhalinyaradeeda.

Published

on


Waxaa jira oraah caan ah oo loo nisbeeyo Vladimir Lenin oo oranaysa: “Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda.” Oraahdani waxay xambaarsan tahay macne qotodheer oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya hab fikirka dhallinyarada iyo jiritaanka qaran.

Horta, waa kumaa Vladimir Lenin?

Vladimir Ilyich Ulyanov wuxuu dhashay 22 Abriil 1870 – 21 Janaayo 1924, waxaa loo yaqaanay Vladimir Lenin, wuxuu ahaa kacaanyahan Ruushiyan ah, siyaasi iyo nin xambaarsanaa aragti siyaasadeed. Wuxuu ahaa madaxii ugu horreeyay ee dowladdii Soofiyeeti Ruushka laga bilaabo 1917 ka dibna Midowgii Soofiyeeti laga bilaabo 1922 ilaa dhimashadiisii ​​1924. Isagoo ahaa aasaasihii Bolsheviks, Lenin wuxuu hogaaminayay Kacaankii Oktoobar, kaas oo aasaasay dowladdii ugu horreysay ee shuuciga ah ee adduunka. Dowladdiisu waxay ku guuleysatay Dagaalkii Sokeeye ee Ruushka waxayna abuurtay dowlad hal xisbi ah oo hoos timaada Xisbiga Shuuciga. Fikrad ahaan wuxuu ahaa Marxist, horumarkiisa ku aaddan fikradda siyaasaddeed waxaa loo yaqaanaa Leninism.

Lenin wuxuu qaatay siyaasadda hantiwadaagga ee kacaanka ka dib markii walaalkiis la dilay 1887 isagoo qorsheynayay inuu dilo Tsar Alexander III. Waxaa laga saaray Jaamacadda Imperial ee Kazan isagoo ka qayb qaatay dibadbaxyada ardayda, wuxuuna qaatay shahaadada sharciga ka hor inta uusan u guurin Saint Petersburg 1893 oo uu noqday dhaqdhaqaaqe caan ah oo Marxist ah. Sannadkii 1897, Lenin waxaa loo masaafuriyay Siberia muddo saddex sano ah, ka dib wuxuu u guuray Galbeedka Yurub, oo ay ku jirto Switzerland, wuxuuna noqday shakhsi hormuud ka ah Xisbiga Shaqaalaha ee Dimuqraadiga Bulshada Ruushka. Sannadkii 1903, xisbigu wuxuu u kala qaybsamay kooxdii Bolshevik ee Lenin iyo Mensheviks, iyadoo Lenin uu u dooday xisbi hormuud ah oo hoggaamiya kooxda proletariat-ka si ay u dhisaan hantiwadaagga. Lenin si kooban ayuu ugu soo laabtay Ruushka intii lagu jiray Kacaankii 1905. Intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, wuxuu u ololeeyay in loo beddelo kacaan proletariat ah oo Yurub oo dhan ah. Ka dib markii Kacaankii Febraayo ee 1917 uu xilka ka qaaday Tsar Nicholas II, Lenin wuxuu ku soo laabtay Ruushka wuxuuna door hoggaamineed ka qaatay Kacaankii Oktoobar.

Vladimir Ilyich Ulyanov wuxuu dhashay 22 Abriil 1870 – 21 Janaayo 1924, waxaa loo yaqaanay Vladimir Lenin, wuxuu ahaa kacaanyahan Ruushiyan ah.

Dowladdii Lenin waxay baabi’isay lahaanshaha gaarka ah ee dhulka, waxay qarameysay warshadaha waaweyn iyo bangiyada, waxay ka baxday dagaalka iyadoo saxiixday Heshiiskii Brest-Litovsk waxayna dhiirrigelisay kacaanka adduunka iyada oo loo marayo Shuuciga Caalamiga ah. Bolsheviks waxay markii hore awoodda la wadaageen Xisbiga Bidix ee Hantiwadaagga-Kacaanka, laakiin intii lagu jiray dagaalkii sokeeye, waxay awoodda ku hayeen Xisbiga Shuuciga waxayna caburiyeen mucaaradka Argagixisada Cas, taas oo tobanaan kun lagu dilay ama la xiray. Isagoo ka jawaabaya abaarta iyo kacdoonkii dadweynaha, Lenin wuxuu dib u rogay siyaasaddiisii ​​shuuciga dagaalka sannadkii 1921 wuxuuna dhaqaalaha ku xasiliyay Siyaasadda Dhaqaalaha Cusub. Ciidanka Cas waxay ka adkaadeen ciidamo badan oo ka soo horjeeda Bolshevik iyo gooni-u-goosadka dagaalkii sokeeye, ka dib markii qaar ka mid ah dalalka aan Ruushka ahayn ee ka go’ay boqortooyada ay dib ugu midoobeen Midowgii Soofiyeeti sannadkii 1922; kuwa kale, gaar ahaan Poland, waxay heleen madaxbannaani. Lenin wuxuu la kulmay saddex jeer oo uu ku dhacay 1922 iyo 1923 ka hor geeridiisii ​​1924, isagoo bilaabay halgan awoodeed oo ku dhammaaday kor u kaca awoodda Joseph Stalin.

Lenin wuxuu ahaa mowduucii ka dambeeyay geeridii ka dib markii uu ka mid ahaa koox shakhsiyadeed oo baahsan oo ka jirtay Midowgii Soofiyeeti ilaa burburkii 1991. Intii uu Stalin ahaa, wuxuu noqday hoggaamiye fikradeed oo ka tirsan Marxism-Leninism iyo saameyn muuqata oo ku leh dhaqdhaqaaqa shuuciga caalamiga ah. Lenin oo ah shakhsi muran badan dhaliyay oo aad u kala qaybiya, taageerayaashiisu waxay ku ammaaneen dhisidda dawlad kacaan ah oo qaadday tallaabooyin loo qaaday dhanka hantiwadaagga, ka-hortagga imbaraadooriyadda, dib-u-habaynta bulshada iyo xakamaynta shaqaalaha, halka dhaleecayntiisu ay ku cambaareeyeen inuu aasaasay kaligii-talisnimo oo kormeeraysay dilalka ballaaran iyo cadaadiska siyaasadeed. Waxaa si weyn loogu tixgeliyaa inuu yahay mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan qarnigii 20aad.

Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda

– Vladimir Lenin

Dhallinyaradu waa awoodda ugu weyn ee bulshada, waana kuwa qaabeynaya jihada siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo dhaqan ee jiilalka soo socda. Sidaa darteed, haddii la wiiqo awooddooda wax-fakar, aqoon-kororsi, iyo hal-abuur, waxaa dhaawacmaya aasaaska qaranka laftiisa. Mustaqbalka ummad kasta kuma xirna oo keliya kheyraadkeeda dabiiciga ah ama awooddeeda ciidan, balse wuxuu si weyn ugu xiran yahay tayada fikirka iyo aqoonta ay leedahay dhalinyaradeeda.

Waxbarashadu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu kobciyo fikirka caafimaadka qaba. Bulsho kasta oo horumar doonaysa waa inay mudnaanta koowaad siisaa waxbarashada dhalinyarada. Waxbarashadu ma aha oo keliya helitaanka shahaadooyin, balse waa geeddi-socod lagu horumariyo caqliga, lagu kobciyo xirfadaha xalinta dhibaatooyinka, laguna dhiirrigeliyo hal-abuurka. Marka dhalinyarada la baro inay si madax-bannaan u fikiraan, su’aalo iswaydiiyaan, oo ay xaqiiqooyinka falanqeeyaan, waxay noqdaan muwaadiniin awood u leh inay hormariyaan dalkooda. Hase yeeshee, haddii waxbarashadu noqoto mid liidata ama lagu saleeyo keliya xifdinta macluumaadka iyada oo aan la dhiirrigelin fikirka muhiimka ah, waxaa dhalan kara jiil aan awoodin inuu la qabsado isbeddellada dunida casriga ah.

Diinta Islaamku waxay si gaar ah u qiimeysaa aqoonta iyo isticmaalka caqliga. Qur’aanka Kariimka ah waxaa ku soo noqnoqda baaqyo ku saabsan fikirka, ka-fiirsashada, iyo fahanka xaqiiqooyinka nolosha. Alle SWT wuxuu yiri:

أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ الْقُرْآنَ أَمْ عَلَىٰ قُلُوبٍ أَقْفَالُهَا

“Miyayna ka fiirsanayn Qur’aanka mise quluubtooda ayaa qufulan?”

(Suuratul Muhammad: 24)

Aayaddani waxay muujinaysaa in qofka Muslimka ahi looga baahan yahay inuu isticmaalo maskaxdiisa, ka fikiro, oo uu fahmo waxa ku xeeran. Bulsho aan ka fiirsan arrimaheeda oo aan falanqayn xaaladeeda waxay halis ugu jirtaa inay ku dhacdo jahli iyo dib-u-dhac. Sidoo kale Alle SWT wuxuu yiri:

إِنَّ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافِ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ لَآيَاتٍ لِّأُولِي الْأَلْبَابِ

(Suuratu Aali Cimraan: 190)

Aayaddani waxay tilmaamaysaa in dadka caqliga leh ay yihiin kuwa ka faa’iidaysta fikirka iyo cilmi-baarista si ay u fahmaan adduunka ku hareeraysan. Taasi waa saldhigga horumarka sayniska, tiknoolajiyadda, iyo hal-abuurka.

Madaxbannaanida aqooneed iyo fikir waa jiritaanka qaran

Madaxbannaanida aqooneed waa arrin kale oo muhiim u ah jiritaanka qaranka. Marka dhalinyarada loo oggolaado inay si xor ah u baaraan fikradaha kala duwan, u falanqeeyaan xogaha, una gaaraan gunaanad ku salaysan xaqiiqooyin, waxaa abuurmaya bulsho firfircoon oo wax soo saar leh. Dhanka kale, haddii maskaxda dhalinyarada lagu xakameeyo cabsi, dacaayad, ama marin habaabin joogto ah, waxaa daciifa awooddooda garasho. Taariikhda adduunka waxaa laga helayaa tusaalooyin badan oo muujinaya in dowlado iyo bulshooyin badan ay ku burbureen markii aqoontii iyo fikirkii xorriyadda lahaa la cabburiyay.

Oraahda Vladimir Lenin waxay sidoo kale ka digaysaa in xakamaynta maskaxdu ay ka khatar badan tahay qabsashada dhul. Ciidamo shisheeye waxay qabsan karaan dhul muddo kooban, laakiin haddii maskaxda dhalinyarada la qabsado oo la beddelo fikirkeeda, saameyntaasi waxay socon kartaa jiilal badan. Sidaa darteed, maalgashiga ugu weyn ee qaran kasta waa inuu noqdaa horumarinta garaadka iyo aqoonta jiilkiisa cusub. Qur’aanka Kariimka ah wuxuu sare u qaaday qiimaha aqoonta isagoo leh:

قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ

“Dheh: Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon?”

(Suuratuz Zumar: 9)

Aayaddani waxay caddeynaysaa in aqoontu tahay furaha sharafka, horumarka, iyo guusha. Qaranka leh dhalinyaro aqoon leh wuxuu awood u leeyahay inuu la tartamo ummadaha kale, halka qaran leh dhalinyaro jahli ku nool uu wajahayo caqabado badan. Sidoo kale Alle SWT wuxuu yiri:

يَرْفَعِ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَالَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ دَرَجَاتٍ

“Alle wuxuu kor u qaadaa darajooyin kuwa idinka mid ah ee rumaystay iyo kuwa la siiyay cilmiga.”

(Suuratul Mujadalah: 11)

Aayaddani waxay muujinaysaa in cilmiga iyo aqoontu yihiin waddada lagu gaaro sharaf iyo hormar. Marka dhalinyarada lagu barbaariyo aqoon, akhlaaq, iyo fikir wanaagsan, waxay noqdaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee ilaalinaya jiritaanka iyo midnimada qaranka.

Gabagabadii, oraahda ah “Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda” waxay xasuusinaysaa in awoodda ugu weyn ee ummaddu aysan ku jirin hantideeda ama ciidankeeda, balse ay ku jirto maskaxda iyo aqoonta jiilkeeda da’da yar. Waxbarashada tayada leh, fikirka muhiimka ah, madaxbannaanida aqooneed, iyo dhiirrigelinta hal-abuurku waa tiirarka lagu dhiso bulsho adag oo horumar leh. Qur’aanka Kariimka ahna wuxuu si joogto ah u boorinayaa dadka inay wax bartaan, ka fikiraan, oo isticmaalaan caqligooda. Sidaas darteed, ilaalinta fikirka iyo aqoonta dhalinyarada waa maalgelinta ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo mustaqbal ammaan ah, horumar waara, iyo qaran xooggan oo jiilasha dambe uga taga dhaxal wanaagsan.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Doorashada2 hours ago

Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Galmudug oo loo asteeyay 22-ka Oktoobar

Soomaaliya3 hours ago

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub

Arrimaha Amniga4 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?

Arrimaha Amniga17 hours ago

Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka

Ameerika1 day ago

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo gebi’ahaanba kala duwan

Soomaali Galbeed1 day ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xaqiijisay in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen xadka Itoobiya

Ameerika1 day ago

Xil. Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay baaritaan ay Ciidamada Amniga Mareykanku ku sameeyeen gurigeeda

Soomaaliya1 day ago

Soomaaliya oo dooneysa in xubinnimada EAC ay u beddesho fursado dhaqaalle

Soomaaliya1 day ago

Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u geeriyooday cudurka Ebola

Geeska Afrika1 day ago

Dagaalka sokeeye ee Itoobiya: Xaggee Imaaraadka iyo Sacuudigu ka taagan yihiin?

Arrimaha Amniga2 days ago

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”

Arrimaha Amniga2 days ago

Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”

Geeska Afrika2 days ago

Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaaliya2 days ago

Heerka macluusha Soomaaliya oo sare u kacay, kadib hoos u dhaca ku yimid gargaarka hay’adaha caalamiga ah

Afrika2 days ago

Ugu yaraan 72 macdan-qode Suudaaniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah: Hay’ad la socota xaaladda xuquuqda aadanaha

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya iyo Ugaandha oo ku heshiyay iskaashiga milatari iyo dhaqaalaha

Geeska Afrika2 days ago

Itoobiya ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalo xuduudeed ah kadib markii ciidamo Eriteriyaan ay kasoo galeen

Tahriib iyo Tiiraanyo2 days ago

Doon ku qaribantay xeebaha Jabuuti oo galaaftay ugu yaraan 139 muhaajiriin ah

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay eedeymaha hay’adda NISA u jeedisay Ilaaladiisa

Arrimaha Amniga2 days ago

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka

Ameerika2 days ago

Masaajidda Minnesota oo adkeeyay ammaankooda, kadib hadal uu Trump u jeediyay dadka aan Soomaalida ahayn

Soomaaliya3 days ago

Himilo Qaran oo ka digay khataraha amni ee ka dhallan kara muranka siyaasadeed ee Soomaaliya

Arrimaha Amniga3 days ago

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Diblomaasiyadda3 days ago

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Itoobiya3 days ago

Itoobiya oo sheegtay inay qasab ku tahay iska difaacida duullaanka ay kusoo qaaday Ereteriya

Arrimaha Amniga3 days ago

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Arrimaha Amniga4 days ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika4 days ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga4 days ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub4 days ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub4 days ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga4 days ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya4 days ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika5 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub5 days ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga5 days ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Xul

Diblomaasi.com