Caafimaadka iyo Sayniska
Wax Kabaro Calaamadaha Cudurka Cagaarshowga Lagu Yaqaan

cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka, sidaas darteed sanad kasta 28-ka July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga adduunka, si bulshada caalamka looga wacyigaliyo halistiisa.
Cudurka waxaa keena feyrusyo kala duwan, kuwaas oo keena burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.
Cagaarshowga A (Hepatitis A Virus – HAV)
Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan, wuxuu ku badan yahay carruurta dadka waaweyn wuu ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha ay nadaafaddoodu hooseyso oo dadka badan ay ku nool yihiin, sida xeryaha qaxootiga IWM.
Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacmaha kaddib marka la cuno cunto, khudrad ama miro aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo uu jeermiga ku jiro.
Cagaarshowga A (HAV) marka uu qofka dhiiggiisa galo ilaa calaamooyinka ay ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaastii 30 maalin, xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.
Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa, wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).
Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)
Cagaarshowga noocaan ah waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu khatarsan. Cudurkan wuxuu keenaa in qofka uu ku noqdo mid wakhti kooban haya ama joogta ah. Qiyaastii waxaa cudurkaan qaba adduunyada ama soo maray tiro dhan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 350 milyan, waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.
Marku feyruska dhiigga gala ilaa ay calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood, wuxuuna leeyahay raagis.
Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiigga iyo dheecaanka qofka jirran marka uu gaaro dhiigga qofka fiyow sida:-
- Hooyada uurka leh oo cunugga u gudbin karta xiliga dhalmada, xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.
- Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).
- Cirbad lagu duray qof jirran oo qof kale loo isticmaalo.
- Qalabka ama sakiinta gar-xiirka, madax-xiirka oo wadar loo isticmaalo.
- Wuxuu ku gudbi karaa galmada.
- Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-
– Dalqo-goynta, qun-goynta, ilko-bixinta, gudniinka-fircooniga, gudniinka ragga si wadajir ah, dhalmo-dhaqameedka, sarsarmada iyo toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.
Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-
– Bukaannada dhiig-dareerka qaba oo mar kasta dhiig lagu shubo.
– Bukaannada kiliyaha ka jirran oo la dhaqo (Renal Dialysis)
– haqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka
– Buukaannada HIV qaba oo difaacooda hooseeyo.
Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) uu boqal jeer ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.
Feyruskan cagaarshowga B, 7 maalin ayuu dibadda ku noolaan karaa isagoo waqtigaasku gudbin kara cudurka.
Cagaarshoowga C (Hepatitis C Virus – HCV)
Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirada adduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 170 ilaa 200 milyan oo qof; sanad kasta tirada bukaanka cusub ee uu ku dhaco waxay gaareysaa 3 – 4 milyan.
Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989-kii, horay waxaa loo dhihi jiray (NON A NON B) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka horreeyay wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiigga dadka lagu shubo, isagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida.
Wuxuu ku gudbaa dhiigga iyo dheecaanka qofka jirran marka uu gaaro qofka fiyow.
Markuu feyruska dhiigga galo ilaa ay calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalin (45 -180 maalin).
Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaaga aamusan (Silent Killer).
Calaamooyinka Cagaarshowga
Waxaa loo qeybiyaa 3 qeyb:-
Qeybta Hore: Waa xilliga uusan cagaarkii wali soo ifbixin: Xilligaas bukaanka wuxuu qabaa calaamooyinka sida labolabo, bog xanuun, madax xanuun, matag, cuntada oo uu qaadan kari waayo, daal badan, xummad, qun xanuun, murqo xanuun, xubno xanuun iyo shuban yar. Calaamooyinkaas waxay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.
Qeybta labaad: Waa xilliga cagaarka uu muuqanaay: Xilligan waxaa soo muuqanayo cagaarki indhaha, oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah, saxarada oo midab cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinica beerka ku aaddan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxay jiri karaan muddo dhan 2, 3 ilaa 4 isbuuc.
Qeybta Sadaxaad: waa xilliga ka bogsashada cudurka: Xilligaan calaamooyinkii cudurka way yaranayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba’aya, bukaanka wuu ka soo fiicanaayaan calaamadihii hore, laakiin taas macanaheedu ma ahan in uu bukaanku ka reystey cudurkii, balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa, waxayna qadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bil ah.
Dabka iyo Cagaarshowga:
Bulshada Soomaaliyeed qaar badan waxay aaminsan yihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweeyo dabka bukaanka la gubo.
Haddaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xiriir ah oo ka dhaxeeya ma jiraan.
Arrintaas si cilmi ah haddii aan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusnay sadaxdii qeyb ee calaamooyinka gaar ahaan xilliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo ifbaxaan in uu jiri karo 2, 3 ilaa 4 isbuuc, kaddibna ay baabi’i doonaan calaamooyinkaas oo dhan, haddaba waxaa isku soo beegmaya xilliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka, taas ayaana keentay in dadka qaar ay u qaataan in bukaanka uu dabka ku reystay, taas ayaana keeneysaa in uu bukaanku dib u billaabo socod iyo dhaqaaqiisi nolol-maalmeed, middaas oo sii xumeyn doonta xaaladda caafimaad ee beerka, iyadoo bilooyin kaddib (6 bil) uu cudurkii u gudbaayo nooca raagiska yeesha.
Cawaaqibka Dambe ee Cagaarshowga
Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga reystaa muddo kaddib, waxaana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
Boqolkiiba 25 – 30 wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (20% – 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).
Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% – 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% – 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana ay biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).
Siyaabaha looga hortago Cagaarshoowga
Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhiim u ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay in uu cudurka ku gudbo.
Ugu horreyn waa in la xoogiyaa nadaafadda gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha la galo, waa in la xoojiyaa nadaafadda guriga iyo musqusha, waana in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in la ilaaliyaa nadaafadda raashiinka la cuno.
Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha la isku duro, sakiinta gar-xiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah in qalabka loo isticmaalo ilko-bixinta dalqo-goynta qun-goynta, gudniinka wiilasha, dhago-durista uu nadiif yahay lana jeermi dilo, taaso laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha isguursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.
Ka hortagga ugu muhiimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga uu qofku haleelo, wuxuu siinayaa awood difaac oo joogto noqota.
Tallaalka cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii uu gudbo ama yeesho raagis ama u gudbo beerka oo adkaada biyana galaan ama u beddelmo kansarka bini’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca.
Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraya wuu ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore, waxaana loo qaataa marka hore bil kaddib, 6 bil kaddib (0, 1, 6), ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaallada joogtada ah ee carruurta la siiyo (EPI), isagoo la raacsiiyay tallaalka DTP laguna magacaabay ‘Pentavalent’, kaasoo waddaankeena Soomaaliya maanta laga heli karo.
Talo-siinta qofka qaba cagaarshowga
Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna uu qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.
Ugu horeyntii waxaa la farayaa:
1. Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uu ku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 isbuuc.
2. Raashinka: Qofku haddii uu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu u helo tamar badan. Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.
Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Borotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado cabidda khamiriga, sigaarka iyo cunidda daawo aanu dhaqtar u qorin.
Caafimaadka iyo Sayniska
Sidee loo xakamayn karaa fayruska dengue?
Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan. Halkaan waxaan kusoo gudbinaynaa tallooyin aan ugu talagalnay bulshada.

Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya. Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan.
Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay. Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.
Waa maxay caabuqa Dengue?
Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.
Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?
Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.
Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.
Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.
Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.
Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.
Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.
Caafimaadka iyo Sayniska
Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in xumadda Dengue ay dishay 26 qof
Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo laga shakisan yahay, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku dhawaaqday.

Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay.
Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya.
Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.
Ku dhawaad 20 ka mid ah dhimashada ayaa laga diiwaan geliyay koonfurta gobolka Kordofan, mid ka mid ah meelaha uu cudurka ka dillaacay ayaa markii ugu horreysay ay soo sheegeen guddiga Dhakhaatiirta Suudaan horaantii bishii Nofeember. Dhawr ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa tirada rasmiga ah ee kiisasku intaa ka badan ku sheegay.
Qandhada Dengue waxay leedahay astaamo u eg hargab waxayna badanaa u horseedi kartaa xubnaha oo hawlgab iyo dhimasho. Sanadka 2019, cudurka ka dillaacay Suudaan ayaa mas’uul ka ahaa shan dhimasho sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka.
Xilligii ugu sarreeyay ee xilli-roobaadka Suudaan bilihii Ogoosto iyo Sebteembar, daadad xooggan ayaa dilay ugu yaraan 144 qof waxaana burburiyay tobanaan kun oo guri, oo ay la socdaan waddooyin iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.
Waa maxay caabuqa Dengue?
Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.
Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?
Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.
Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.
Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.
Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.
Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.
Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.
Caafimaadka iyo Sayniska
Dhibaatooyinka Caafimaad ee Cuntooyinka Aadka Loo Warshadeeyay

Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka, gabow degdeg ah ama geeri.
Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%. Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xiriiriyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka ama Shalalka.
Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta. Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo ay sameysay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sao Paulo ee Brazil ayaa waxay sharraxaad ka bixineysaa qaababka loo kala qaado cuntooyinka warshadeysan.
Cuntooyinka aan la warshadeyn iyo kuwo dhexdhexaadka ah
Cuntooyinkan ayaa ah kuwo aanan wax warshad ah soo marin ama si aad ah looma warshadeyn, ka hor inta aanan la warshadeyn cunnada waxaa ku jirtaa nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh banii’aadanka, sida Fitamiin iyo macddanta qaar.
Qeybtan waxaa kamid ah Khudaarta, Lowska, Miraha, Digirta, Misiggada, Ukunta, Kalluunka iyo caanaha. Cuntooyinka aan sida aadka ah usoo marin warshadda waxaa marka lagu sameeya in la qalajiyo, la buriyo balse kuma jiraan maaddooyin kala duwan oo nafaqo leh.
Waxyaabaha cuntooyinka lagu kariyo ee la warshadeeyay
Waxaana kamid ah Saliidda, saliidda xoolaha laga soo saaro, Cusbada iyo Sokorta. Cuntooyinkan looguma talagelin in qofka uu wax badan ka qaato balse waxaa lagu darsadaa cuntada iyo Shaaha.
Cuntooyinka la warshadeeyay
Cuntooyinka lasoo warshadeeyay ayaa waxay ka koobmaan waxyaabo laisku daray oo ka badan labo waxyaabood. Waxaana kamid ah hilibka gasadceysan, Rootiga, Khamriga, ama cuntooyinka sajilan. Sababta cuntooyinka loo soo warshadeeyo waxay tahay in muddo ay cuntadaas raagto si aysan dhadhankeedu u baddalmin.
Cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay
Lamana garanayo maddooyinka ku jiro cuntooyinka warshadeysan, waxaa ku jiri karaa maddooyin Kimiko ah oo macaan ah ama qalajinayo cuntada .
Cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyay dunida, waxaa kamid ah.
- Rootiga lasoo warshadeeyay
- Cuntooyinka Sajilan
- Caanaha qaar
- Buskut-ka
- Hilibka sajilan
- Barado Shiilan
- Sharaabka
- Cuntooyinka shiilan ee cusbada badan
- Digirta ku jirta weelka sajilan
Waxaa adag in la aqoonsado cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay, tusaale ahaan, Burka haddii lagu daro biyo, cusbo iyo Khamiir wax dhibaato ah kuma jiro balse haddii lagu daro waxyaabo midibo u yeelayo burkaas , waxaa uu kamid noqon karaan cuntooyinka sida aadka loo warshadeeyay ee dhibaatada ku yeelan karo caafimaadka.
Haddii, Digirta lagu waxyaabo kale ama kimiko waxaa ay meesha ka saareysaa nafaqadii ku jirtay cuntadaas.
5 siyaabood ood ku garan karto in cuntada aad loo warshadeeyay
- Markasta eeg warqadda ku dhegan sheeyga, haddii maadooyinka laga sameeyay cuntadaas ay badanyihiin, kana badanyihiin shan sheey, waa astaan kuu muujin karta in cuntadan aad loo warshadeeyay, sida uu qabo Professor Maira Bes-Rastrollo, oo ah La-Qore daraasadda Spain ee kor ku xusan.
- Maaddooyin aadan aqoonsanin kuwa ay yihiin waxaa laga yaabaa in ay yihiin maaddooyin kiimiko ah lagu dheereynayo cimriga sheeygaasi si uusan u halaabin. Badankood waa kuwa badqaba, balse waxaa jira kuwa halistoodu badantahay.
- Iska eeg xadka ama cabbirka lagu xusay qoraalka ee waxyaabaha uu sheeygaasi ka samaysanyahay, tusaale haddii dufanka iyo sokorta ku badanyihiin. Waxaa taas kuusii muujin kara midaba (guduud) oo muujinaya badnaansho, (guduud xigeen) dhexdhexaad iyo (cagaar) oo muujinaya inyar.
- Haddii aad aragto cuntada cosobka ah oo balse waqtiga ku qoran in ay dhacayso uu yahay mid fog, markaas ka shaki, waxaana laga yaabaa in waxyaabo qalaad lagu dardaray.
- Iska eeg haddii sheeygaasi aad loo xayaysiiyo, laguna sheego sifooyin ka badbadis kuula muuqda.
Caafimaadka iyo Sayniska
Maxaad Ka Taqanaa Cuntooyinka Kor u Qaadi karo Howsha Gogosha?

Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen.
Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda dhaqamada nolosha iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay tahay ma jiraan cuntooyin dabiici ah oo sare u qaadi karo howsha sariirta lamaanayaasha?.
Waxaa jiro cuntooyin leh nafaqo u wanaagsan xoojinta shahwada, waxaan eegeynaa taarikhda iyo mabaadii’yada seyniska ee sharraxaya cuntooyinka xoojin karaa howsha sariirta lamaanayaasha.
Cuntooyinka ku jira Caroogta badda
Sida la sheegay dadkii ku caanbaxay jeceylka waxay ku quraacan jireen 50 ka mid ah cuntooyinka ku jira Caroogta badda. Ma jiro xiriir rasmi ah oo ka dhexeyn karaa xoojinta shahwada iyo cunidda noolaha ku jira caroogta badda balse waxaa jira haddallo laga sheegay arrintaas.
Cuntada ku dhex jirta Caroogta waxaa ku jirtaa maaddada Zinc oo horseedda nafaqada soo saarta biyaha ragga iyo isla markaasna sare u qaadda. Daraasdda ayaa muujinya in maadada Zinc lagu daweeyo dalmo la’anta iyo waxay sare u qaadda tayada biyaha ragga.
Cuntooyinka laga helo maaddada Zinc waxaa kamid ah, Hilibka, Miraha sida, Bocorka, Lowska, Digirta, Caanaha iyo Cheese.
Cunidda shukulaatada
Waxaa la sheega in shukulaatada ay ku jirto in yar oo kamid ah maaddada phenylethylamine (PEA), inkasta oo aan la ogeyn in shahwada ay xoojin karto ama in kale balse mirta laga sameeyo shukulaatada ee geedka Cocoa ayaa sare u qaadaa shaqada dhiigga ee jirka banii’aadanka.
Gormaa ayuu bilaawday, xiriirka ka dhexeyn karaa shahwada iyo cunidda shukulaatada?
Hernán Cortés oo u dhashay Spain ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee shaaca ka qaado shukulaatada guud ahaan dunida, waxaa uu xilliggaas warqad uu qoray boqorkii Spain ,King Carlos I oo uu sheegay inuu soo arkay nooc kamid ah Jokolaatada la cabo oo sare u qaado awoodda jirka isla markaasna ka hortaggo daalka.
Ma jiraan caddeymo muujinayo in shukulaatada loo adeegsan jiray xoojinta howhlaha gogosha ee lamanaayaashaa. Cuntooyinka leh maaddada tryptophan ee ka qeyb qaadata jir dhiska waxaa kamid aha, Ukunta, Hilibka Shimbiraha, miraha,
Basbaaska
Basbaaska kulul ayaa sare u qaadaa shaqooyin jirka banii’aadanka sida heerkulka jirka, shaqada wadnaha, waxay arrimahaas ay dhacaan marka aad ku gudo jirtid howsha sariirta. Waxaana basbaaska ku jirta maaddo la yiraahdo capsaicin oo daweysa dhabar xannuunka iyo muruqa.
Sideed ku yarayn kartaa daciifnimada xubinta taranka?
Daraasado la sameeyay ayaa muujinya in cunista waxyaabaha dhirta ka yimid asalkoodii in ay ka qeybqaadanayaan yareynta daciifnimada xubinta taranka. Waxaa si gaar ah loo ogaaday in madooyin ku jira liin bambeelmada in ay aad u xoojiyaan xubinta taranka.
Cunista miraha ayaa la sheegay in boqolkiiba 14% ay xoojinayso shaqada xubinta taranka, halka waxyaabaha kale ee dhirta laga helo ay qiyaasteeda tahay boqolkiiba 21%.
Sidaas darteed waxaa lagugula talinaya in aad ka war haysid baquliga qudaarta iyo miraha kale duwan. Miraha sida cannabka iyo qudaarta sida ansalaatada ayaa ah kuwa daraasadda lagu xusey in ay leeyihiin maadooyin ragga ka caawin kara hawsha gogosha.
Dr Krychman oo ah khabiir ka falooda arrimaha gogosha waxaa uu sheegay in dadka haddii ay rumeysan yihiin in cuntooyinka qaar ay ka caawinayaan howsha gogosha aysan wax dhib ah ku jirin. Haddii qofka uu dhibaato kala kulma howsha sariirta waxaa laga yaabaa inay heyso dhibaato caafimaad marka waa in uu la tashadaa dhakhtar caafimaad.
Caafimaadka iyo Sayniska
Waa Maxay Sulphuric Acid?

Sulphuric acid (H2SO4) waa maaddo ka sameysan walxo ceyriin ah oo loo adeegsado howlaha warshadaha qalabka lagu farsameeyo.
Qeyb aad u badan ayey kiimikadan ka qaadataa soo saarista qalabka bacriminta iyo qabata howlo kale oo ay ka mid yihiin dhalaalinta biraha, midabeynta walxaha aan noolaha ahayn, nadiifinta shidaalka, soo saarista warqadaha iyo arrimo badan oo la xidhiidha kiimikooyinka wax soo saarka.
Abuuritaanka kiimikada sulphuric acid waxaa loo maraa ilaa saddex marxaladood, sida aan kasoo xigannay bogga Science Direct, ee ka faallooda arrimaha seyniska iyo maadooyinka laga sameeyo.
Meelo badan oo ka mid ah adduunka waxaa ka dhaca weerarro loo adeegsado aashitada sulphuric acid. Arrimaha kale ee falgalka kiimikadan loo adeegsado waxaa ka mid ah sameynta qaraxyada aadka u awoodda badan.
Qarax noocee ah ayaa laga sameeyaa Sulphuric acid?
Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Hay’adda, kiimikadan waxay ku socotay gacanta kooxaha kasoo horjeeda dowladda, kuwaasoo la aaminsan yahay inay ka sameynayaan waxyaabo qarxa. Al-Shabaab ayaa si joogto ah u fulisa qaraxyo qeyb ka ah ololahooda ku aaddan sidii ay meesha uga saari lahaayeen dowladda ay beesha caalamka taageerto ee Soomaaliya.
Sida lagu qoray wargeyska Scientific America, maaddada sulphuric acid waxay ka mid tahay kiimikooyinka loo adeegsado sameynta qaraxyada ugu awoodda badan.
Qaraxyadaas awooddoodu sarreyso waxaa laga sameeyaa maaddada Nitro-glycerine, oo si fiican loo ogyahay inay ka kooban tahay isku darka sulphuric acid iyo nitric acid.
Xagey Soomaaliya uga imaadaan hubka mamnuuca ah?
Sanadkii lasoo dhaafay, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walxaha qarxa ee gudaha lagu sameeyo ku daray inay qeyb ka yihiin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Cabdisalaan Guuleed, oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Nisa ayaa sheegay in meelo badan hubka sharci darrada ah laga soo galin karo Soomaaliya.
“Soomaaliya horta waa waddan iska furan oo xuduudihiisa furan yihiin, meel kastana wax laga soo galin karo. Nimankan waxyaabaha qarxa isticmaalahana, sida Al-Shabaab iyo IS waxyaabo badan ayey ka sameeyaan qaraxyada, sida walxaha bacriminta loogu talagalay. Meesha ugu badan ee Soomaaliya uu hubka kasoo galo waa xadka badda ee ay Soomaaliya la leedahay Yemen, halkaasoo ah bad furan oo aysan cidna waardiyeynin, dhinaca Itoobiyana way iska furan tahay waana waddan warshado badn oo hub ah ku yaallaan,” ayuu yidhi Cabdisalaan.
Caafimaadka iyo Sayniska
Kufsiga Soo Badanaayo Ma Loo Aaneyn Karaa Daawashada Filimmada Xun Xun ee Galmada?

Filimmada anshax xumada leh ee qaawan waa sun iyo la dagaalanka xagga maskaxda oo lagu soo dhex faafiyey bulshada caalamka. Qofka caadeysta daawashada filimmadaan xun-xun wuxuu halis ugu jiraa dhibaatooyin badan. Waxay baabi’isa naxariista, waxay dhalisaa rabshadaha bulshada sida kufsiga, waxay dishaa jaceylka ay isu qabaan labada qof ee isqaba iwm.
Su’aal kama taagna in fiirsashada filimmada galmada ah ay noqon karto isha khilaafaadka qoysaska qaar, maxaa yeelay qofka caaddeysta daawashada filimadaan waxaa soo gaara dhibaatooyin badan oo xagga damiirka iyo maskaxda ah.
Maxaa loo aaneyn karaa kufsiga ku soo badanaya Soomaaliya? – Yaa isweydiiyey?
Waxaa sare u sii kacaya tirada kiisaska kufsiga ee Soomaaliya laga soo werinayo ee loo geystay gabdhaha iyo wiilasha yaryar, taas oo hadda gaartay heer ay qeylo dhaan ka muujiyaan ururada u dooda xuquuqda dumarka iyo carruurta.
Maxaa sababay in muddooyiinkan dambe la maqlo kororka kufsiga? Ururada u dooda dumarka waxay aaminsan yihiin in kufsiga uu markiisii horeba Soomaaliya ka jiray, balse isbadelka hadda waa dunida casriga ah oo aanay waxba qarsoomeynin.
“Waxyaabaha loo aaneyn karo in kufsiga sheegistiisa uu bato waxaa ka mid ah dadkii oo wax fahmay maadaama markii hore ay ahaayeen kuwa cabursan oo aan sheegi karin dhibka la garsiiyay. Hadda oo ay dowlanimada Soomaaliya xoogeysatay waxaa ay keentay in dad badan ay ku dhiiradaan in ay soo sheegaan ee kufsiga markiisi horeba intan waa uu kasii badnaa”, ayay tiri Jawaahir Baarqab oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir
Xadgudubyada galmada waxay ka dhacaan adduunka oo dhan. In kasta oo waddamada badankood cilmi baaris yar lagu sameeyay haddana xogta la haayo ayaa ah in dalalka qaarkood ku dhowaad afartii dumarba mid ka mid ah ay la kulanto xadgudub galmo.
Soomaaliya maka jiraa sharciyo mamnuucaayo daawashada muuqaalada galmada?
Maya kama jiraan, dalka marka uu yahay dal Islaam ah ummadana ay wada yihiin ummad islaam ah waxaa wanaagsan in dhaqamada noocaan oo kale oo diinta Islaamka ka soo horjeedo in sharci mamnuucaayo loo sameeyo si loo badbaadiyo dhaqanka iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada.
Dalalka reer galbeedka inta badan kama jiraan sharci mamnuucaayo daawashada filimmada xun xun. Laakiin waxay leeyihiin sharciyo mamnuucaayo in la daawado galmada qof ka yar 18 sano.
Tusaalle ahaan, Noorway guud ahaan waa la ogol yahay in la daawado galmada, oo la qaybiyo muuqaalada galmada. Muuqaalada galmada ee waxyeelada leh ama sharafta meel kaga dhacaya qofka, tusaale ahaan kuwa ku lug leh maydka, xayawaanka waa mamnuuc. Waa sharci daro in lasoo saaro, la qaybiyo ama la daawado sawirada iyo fiidowyada galmada caruurta ka yar 18 sano jirka (Waa ka mamnuuc muuqaalada galmada caruurta).
Xariirka ka dhaxeeyo daawashada muuqaaladda xun xun iyo dacadiyada kufsiga
Sida laga soo xigtay daraasad la sameeyey 2010 oo lagu falanqeeyay 304 muuqaal oo laga soo duubay fiidiyowyada filimmada xun, ku dhowaad 90% muuqaallada waxaa ku jira gardarro jireed, halka ku dhowaad 50% ay ku jiraan gardarro hadal ah, ugu horreyn qaab u yeerista. Bartilmaameedyada bandhigyadan gardarrada ah waxay ahaayeen haween aad u tiro badan waxayna muujiyeen raaxo ama dhex-dhexaadnimo iyaga oo ka jawaabaya gardarrada.
Waxyaabaha ku jira muuqaalada galmada aad ayay u kala duwan yihiin. Waxay ku kala duwan yihiin rabitaanka galmada. Galmada lagu muujiyo muuqaalada galmadu, badanaa runta waa ay ka duwan yihiin. Tusaalle ahaan:
- Qaybaha jirka: muuqaalada galmada waxay muujiyaan qaab jireed oo aan caadi ahayn. Haweenka, tusaale ahaan, badanaa waxay leeyihiin naaso waawayn, raguna waxay leeyihiin gus aad u wayn, laakiin dadka leh jir qaab kale ah waa lagu tusaayaa.
- Habdhaqanka galmada: muuqaalada galmada waxay bixiyaan aragtida ah in haweenka iyo ragu ay samayn karaan galmo wakhti kasta, taasoo, oo runtii, aanay ahayn nolosha caadiga ah.
Muuqaalada galmada ayaa ah kuwa aad ugu fog xaqiiqada rasmiga ah ee galmada ay isu galmoodaan labo qof oo isqaba.
Muuqaalada galmada si yar oo fudud ayay dad badani u heli karaan dhawaanahan – tusaale ahaan internetka. Waa iska caadi inaad ka hesho oo aad isticmaasho muuqaalada galmada ilaa inta ay sharci daro ahayn.
Dhibaatooyinka ugu waa weyn ee daawashada filimmada galmada ah
Tiknilojiyadda casriga ee dunida waxay fududeysay in xittaa dhalinyarada yaryar ay si fudud u daawan karaan filimmada galmada ah, waliba si lacag la’aan ah.
Waxaa laga yaabaa in farxad iyo xumaan aad ka dareentid daawashada galmada. Haddii aad galmada aad u daawatid, waxaa laga yaabaa in ay saameyso fikirka aad ka qabto galmada, ama dadka waxa ay ka helaan galmada. Waxay sidoo kale saameyn kartaa sida aad dareemeyso. Dadka badankooda murugo ayey dareemaan ka dib marka ay daawadaan filimaanta galmada, ayagoo ka shalaynaayo sababha ay u daawadeen.

Baarayaasha Maskaxda waxay sheegeen in “Daawashada Filimada Xun (porn) Waxay Xannibaan Horumarka Maskaxda” Saynisyahannada maskaxda ayaa rumeysan in porn-gu burburiyo qaybta maskaxda ee maamusha murugada, kartida, iyo xakameynta.
Marka qofka uu samaynayo waxa uu belwadda ka dhigtay, waxay qofka maskaxdiisu soo daysaa dheecaanka farxadda, Dopamine, kaas oo qofka dareensiiya farxad khiyaali ah marka uu samaynayo waxaan. Marka uu daawan waayo maalmo, tusaale ahaan, waxa uu qofkii dareemayaa deggenaansho la’aan aan yarayn, wuxuu markale bilaabayaa inuu daawado, marka uu sidaa u daawado ayaa la soo daynayaa hoormoonkii, sidaana waa kaa kala badbadasho iyo farxad ku dareemay.
Nolosha guurka iyo daawashada filimmada xun xun
Waxa laga yaabaa in midkeen iska dhaadhiciyo in daawashada filimmada ama muuqaallada galmadu siinaaya xeelado ama tabo uu hadhow xilliga guurkiisa u aayo, balse aynu isla eegno bal in aragtidaasi run tahay.
Marka aan u fiirsanno belwadda galmo-daawashada ee aynu barbardhigno nolosha guurka, isu galmoodka labada isqaba, waxa inoo baxaysa in marka galmadu dhex marayso labadan xaaska ah, jidhku soo daayo hoormoon kale oo la dhaho Oxytocin kaas oo shaqadiisu tahay: xoojinta kalsoonida lammaanaha, iyo muddo-u-kordhinta dareenka kalgacaylka ah ee lammaanaha.
Haddaba, maqnaanshiyaha hoormoonkani qofkan daawanaya muuqaalka waxa ay ka siibaysaa kalgacalkii, kalsoonidii iyo dareennadii lagama maarmaanka u ahaa guurka guulaysta. Iska daa wax kale e dadka daawada muuqaallada galmadu, waxa ay daneeyaan danayn weyn daawashada, marka loo eego hawshii ay ahayd in furaashka ka fuliyaan. Waxa ku dhaca wax la dhaho Danaynta Muuqaallada Galmada; dananyntaas oo keenta in ruuxani gabo hawshii galmada ee uu uga baahnaa lammaanihiisu, halkaasna uu ka dhasho burbur qoys, dhammaad xiriir, iyo dumidda tiir bulsheed! Qofkani waxa uu ka adag yahay daawashada galmada, balse ma samayn karo isagu galmo! 58% labka da’doodu tahay, celcelis ahaan, 25jir waxa ay awood u leeyihiin in ay ku dareen qaataan sawirrada, balse sariirta waa bilaa itaal!
Sida ay qortay wakaaladda MENA (Middle East News Agency), waxa deraasado lagu ogaaday in belwadda galmo-daawashadu aanay keliya tamar darro jinsiyeed qofka u keenin balse ay sidoo kale ruuxa u soo hoggaamiso xannuunada nafsiga ah ee ay ka midka yihiin qulub, cadho iyo werwer!
Dadka ka shaqeeya waxan 66% oo ka mid ahi waxa ay la dhibtoodaan, sida deraasadihii u danbeeyay sheegayaan, xannuuno uu ka mid yahay (Psoriasis). 28% waxa hela cudurrada galmada ku gudba. 7% waxa soo rita AIDS!
Sida caadiga ah marxaladda saamayntu ku soo baxaysaa waxa ay qaadataa 6 – 18 bilood oo keli ah; muddadaa dabadeed dumarku waxay la kulmaan dhibaatooyin bulsheed, caafimaad iyo kuwo hawlgaleed oo badan! Raggana waxa ku dhaca wax la dhaho biya-baxa qaddimaadda ah, pre-ejaculation, tani waxa ay keentaa in daawashada galmada haddii uu badsado oo biya-baxaasina bato uu aakhirka lumiyo ama iska waayo wax dareen shahwadeed ah! Waxba yaan kuu af gobaadsane tan micnaheedu waxa weeye ‘ma-dhalaysnimo’ aad gacantaada ku doonatay!
Maskaxda waxa ay daawashadaan ku keentaa khalkhal maaddaama ay mar kasta u qaadanayso in galmo dhacayso sidaa darteed ay soo saarayso amarradii galmada fududayn lahaa, kuwaas oo, ileen galmo ma jirtee, hal bacaad lagu dhiijay soo baxa!
Ku celcelinta arrintani waxa ay maskaxda geyaysiisaa gabidda hawshaa, tanina waxa ay ruuxa dhaxal ahaan u sii dhigtaa ma-dhalaysnimo!
Xasuusta oo lunta waa astaamaha u horreeya ee uu isku arko qofka daawanaayo muuqaalada xun xun. Qisadii imaamkii Shaafici ayaad xasuusataa! Kubkii gabadha ee uu arkay haddii uu ilawsiiyay macluumaadkii dhanaa, bal suurayso qof mudh iyo gacan ah oo jinsigaaga kale ah oo aad daawanaysidna! Marka laga yimaaddo raalli ahaansho-la’aanta Eebbe uuna raallida ka ahayn falkan, adiga halisa lagaa haayo ma aragtaa?
July 14, 2015 daraasad qaylo-dhaan ah oo ay sameeyeen waaxda jaamacadda Pennsylvania ee ay horkacayso Drs Mary Anne Layden, ayaa ku sheegtay in waddada keli ah ee ubadkii baraysa edeb-darrada iyo galmadu uu yahay degellada galmada nlaga daawo galmada.
Daawashada muuqaallada galmadu waxtir mooyee waxtar uma laha qofkan daawanaya, haddii uu bilaa xaas yahay, ma-dhalaysnimadu aafada ay hoggaaminayso ayay kala maqan tahay, haddii uu xaasle yahay hawlgabnimo taran ayay u keenaysaa! Dhan ay dhaafaysaa ma jirto.
Annaga Soomaali ahaan, ma aan helin wax daraasad ama xog ah oo ku saabsan sida aynu ku nahay dhibaatadaas laga wada qayliyay, balse waxa aan dareensanahay in dhallinteenna ay tahay masiibo ku soo badanaysa. Kama qatanin khasaaraha ay muuqaalladaasi ku keeneen dunida, balse saamigeenna ayaynnu qaadannay. Laga yaabaa in aad akhriste adigu daawatay ama aad taqaanid cid daawata! Waxba ha ila yaabin.
Dhaqankeena waxaa caado u noqotay in aanan laga hadlin waxa halista nagu haayo, annagoo ku doodna in waxaasi aanu dhexdeenna ka dhicin, sida darteed ay baasaysi tahay ka hadalkooda. Balse hadda 70-nadii tirsiga galbeedka dunida Carabta wax lala yaabo ayay ahayd in laga hadlo khataraha ka imaan kara daawashada muuqaallada galmada ah, hadana waxay soo goosteen xaragga, ma sidaas ayaan ugu aamusnaa dhibaatooyinkaan jira?

Muqdisho kala xariir: 619111499 Gudaha dalka Norway waxaad ka heli kartaa telefon lambar: +47 455 073 63 ama 4555 75 79 Hargeysa, Soomaaliya: Waxaad ka heli kartaa xafiiska Hiil Press ee magaalada Hargeysa. Waxaad kala xariiri kartaa telefonada: +252-636857010 ama 0657275461
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada
- Siyaasadda Soomaaliya3 months ago
Dowladda Soomaaliya ‘oo wax ka qabaneysa’ arrimo ay ka cabteen saxaafadda
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Dhaqaalaha3 months ago
Ururka G20 ayaa Midowga Afrika u aqoonsaday xubin joogto ah
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Sirdoonka & Militariga3 months ago
Xagguu marayaa dagaalka dowladda Soamaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Bariga dhexe3 months ago
Israa’iil ayaa furtay safaaraddeeda Baxrayn, saddex sano ka dib markii ay caadi ka dhigeen xiriirkooda
- Afrika3 months ago
Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Gabon ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah
- Siyaasadda Soomaaliya3 months ago
107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka
Mariam
September 27, 2021 at 2:11 pm
After my Hepatitis B virus diagnosis, i started on herbal treatment from VineHealth (vinehealthcenter. com), I tested negative after this amazing treatment. Its a breakthrough!