Connect with us

Bangiyadda & Keydka

Wax Kabaro Cilmiga Dhaqaalaha

Published

on


Waxaan halkaan kusoo bandhigi doona qoraalo koo koban kuwaas oo macno weyn ka bixin doona Maadada Dhaqalaha. Qoraaladaas oo ay ka faa’idaysan doonaan guud ahaan qofki akhrista, ama jecel in u wax ka ogaado dhaqaalaha iyo gaar ahaanba ardayda jecel in ay bartaan Dhaqalaha. Casharadaas oo aan kusoo arruurinay in uu qof walba fikrad fiican ka heysan doono dhaqalaha.

Waxaynu ognahey in cilmigu ama aqoontu ay tahey warbixin aad hesho. Hadaba haddii aad fursad u hesho aad ku akhrisato fadlan gaarsii walaalkaa kaleeto si uu isna uga faa’idaysto. Inta aan u gudagalin, waxaan qofkasta ka doonayaa inuu iisoo gudbiyo fikradaha lasoo gudboonaata markuu akhristo qoraalkan, adigoo isoo diri kara waraaq.

Dunidda maanta la joogo Dhaqaalahu wuxuu ka noqday wax dhammaan bushada kunool adduunka in ay noqdaan dhaqaalyahano. Gaar ahaan dadka ku nool dunida seddaxaad waxey ogadeen in barashada dhaqaluhu uu u sahlo xalinta dhibatadooda dhaqaale iyo tooda bulshadaba. Sidaa darteed maadada dhaqaaluhu maanta waxay noqotey mid aan la soo koobi karin faa’idooyinkeeda.

Hadaba waxaa muhiim ah in aan halkaan ku xusno maadaddaas, inagoo sheegi doona, asal ahaan erayga dhaqaalaha meesha uu ka yimid, sidii uu u baxey, herarka uu soo marey, qeybaha uu u kala baxo ama loo qeybiyo inaga oo addeegsaneyna habka ugu hufsan una egayna in aan soo koobno qoraalkeena.

Dhaqalaaha waa maado la barto madaddaasoo dad badani ku tilmamaan madadii boqortooyada.

Professor Naiz Ahmed isagoo tusale ka bixinaya ayuu yiri Madaxweynaha wadankan(Pakistan) Genenal Barfeez Musharaf ayaa markii uu xukunka qabanaayey yiri “waan garanayaa aqoon badan inkastoo aan garaneyn Economics waxaana khasab ah in aan barto Dhaqalaha”(isagoo maanta sifiican ubartey) taasi waxey ku tusinaysaa in aysan aheen maado raqiis ah.

Madaddaani waa maado wax walba ka turjumaysa una sahleysa hoggaanka wadanka haya in uu si fiican u hago wadankaas haddii uu yaqaan dhaqaalaha.

Macnaha dhaqaalaha

Erayga economics waxaa la dhahaa markiisi hore wuxuu ka yimid, dadkii Giriiga oo ay oran jireen Oikonomes. Sida aynuba ognahey dadka Giriigu waa dadki laga soo gaarey waxyaabo badan oo haddii aad baarto aad ogaaneyso.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan maxey iyagu u isticmaali jireen?

Waxay u isticmali jireen maamulka guriga. Hada su’aasha taal waxa weeye sidee eraygaan uu ku noqday  Economics madaama uu ahaa Oikonomos?

Markii ay bilaabmeen kacaankii warshadaha dowlada Ingiriiska 1770, waxaa suurta gashey in ay warshado badan bilaabmaan, hadda waxaa la ogyahey haddi ay wax soo kordhaan in ay wax la yimadaan. Kacaankaas ayaa waxaa bilaabmay dhibaato xagga dhaqalaha ah. Dhibaatadaas oo saameysay shaqo la’an, Gadiidka iwm.

Kadib waxey noqotey in loo baahdo sidii loo darsi lahaa dhibatooyinkaas. Si marka loo darso dhibatooyinkaas soo foodsarey dalka Ingiriiska ayey noqotey in lagu xaliyo Magaca Economic. Sidaas buuna ku noqdey Economic.

Waxaana magaca Economic bixiyey oo awal loo aqoon jiray Oikonomos ku turjumay luuqada uu hadda yahey Economics Adan Smith. Waxaana Adan Smith noqdey abihii dhaqaalaha (father of Economic). 1776 ayuu buug qorey Adan Smith wuxuuna u bixiyey ” Wealth Nation”. Wuxuna ku qeexay “Economic is a science of Wealth”.

Hadaba haddii aynu usii guda galno qeexitaankaas. Waxey na tusinaysaa erayga “Wealth” oo ah Hanti kana koobma afar qeybood oo kala ah:

1.Wax soo saar 

2. Iswaydaarsi

3. Qaybin

4. Isticmaal

Hantidu maxay tahay?

Hantidu waa baddeecada iyo addeega. Marka qexidaasi waxey u dhaceysaa dhaqaaluhu in uu yahay baddeecad iyo addeeg gediskoodu yahay lacag.

Hada wamic:

Guud ahaan dhaqaaluhu waa sayniskaas oo darsa wax qabadka dhaqaalaha dadka oo ku wajahan nolosha bulsada. Hadaba qeybtaan waxay nasiisa qaabab aynu u isticmaalno in aan ku lafa gurno dhibaatada dhaqalaha soo food saarta dadka.

Waxayna u qeyb santaa labo qeybood oo kala ah:

  1. Microeconomics
  2. Macroeconomics

Microeconomics

Micro waxeynu ogsoonahey in ay tahey waxyar, sidaa darted Micro-Economic waxaa loo isticmalaa in lagu wajaho waxyaabaha yar yar ee dhaqaaluhu leeyahey sida dalabka ay leedahey badeecadi sidoo kaleeto markii shey ama badeecad laqimeynayo waxeyna u qeybsantaa aftar waxyaalood ay hantidu leedahey sida:

  1. Wax soo saar (Production)

2. Iswaydaarsi(Exchange)

3. Qaybin(Distribution)

4. Isticmaal(Consumption)

Macroeconomic

Macro waxey ka timid eray Giriik ah oo la oran jiray “Makros” kaas oo macnihiisu yahey baaxad ama weynaan “Large”. Sidaa darted Macroeconomics waxaan ku baranaa qeybaha waa weyn ee dhaqaalaha. Taasoo natusunaysaa tusala’ahaan intaan gaar ahaan ardeyda ka hadli laheen in aan ka hadalno dhamaan waxa dhigta.

Hadaba qeybtaan waxaa hormariyey J.M Keynes. Waxaanu ku baranaa qeybtaan waxyaabo badan oo dowlada la xirrira sida:

  1. Dakhliga ay dowladi leedahay.

2. Ganacsiga kharajka ama dibada.

3. Qiimaha sarifka lacagaha.

4. Dhaqaalaha guud ee bulshada.

5. In loo dhuun daloola waxyaalaha keena shaqo la’anta.

6. Koritaanka iyo hormarka.

Waxaan filayaa

2. Applied Economic

Qeybtaan waxaan ku baranaa in aan ku wajahno wixii aan kusoo baraney qeybti hore oo aheed aragti ama figrad maskaxeed oo la abuuray. Anagoo ku sameynayna xaaladda xaqiiqda dhaqaalaha uu wadan leeyahey. Anagoo shaqadii qabaneyna ayaan ku wajaheynaa. Tusaale ahaan adigoo raba in aad ogaato shaqa la’aanta wadanka ka jirta ama aad ogaato koritaanka iyo hormarka Soomaaliya ayaad wajaheysaa qebtaan.

Waxaad kaloo ku wajihi kartaa (Monetary and fiscal policies of the country).

Madaahiibta afkaarta cilmiga dhaqaalaha

Dhaqaalaha Madhabka Classicism

Dhammaadkiii qarnigi 18aad iyo bilawgi qarnigii 19aad ayaa waxa aad usoo ifbaxay in kacdoonkii warshadeed ee Yurub ka jiray, iyo in lasoo saaray alaado ka shaqo wanagsan aadanaha, sida gawaarida lagu falo beeraha iyo warshadaha aladeed, taasna sababtay inay dhacaan shaqo la’aan baahsan oo ku habsatay dadkii ka shaqeen jiray hawlaha ay la wareegen alaadahaas.

Saas darteed culumadii cilmiga dhaqaalaha oo xiliga doonayay inay saxaan nadariyaadkii dhaqaalo ee wagi hore jiray, iskusoo wada duboow Classic School waxa ay ahayd dhaqaaq looga gudbayay suuradi qadiimka ahayd ee cilmiga dhaqaalaha iyo hirgalinta dhaqdhaqaaqa fardiga ah (maslaxada fardiga) ee Liberalism ka loo yaqaan, ayado laguso koobayay cilmiga dhaqalaha, taxliilka loo yaqaano.

Saameynta ee sameesay iskoolkii classicism:-

  1. Soo ifbixida dabaqaadka bulsho (dabaqada hoose, dhaxe, sare).
  2. Dhaqaalaha kala iibsiga aadamaha oo noqday il dhaqaalo oo la ictimaado.
  3. Faragalinta dawlada oo lagu soo koobay ilaalinta malkiyada afraada qura.

Waxa hoggaaminayay iskuulkaas raga caan ku ah cilmiga dhaqaalaha sida Adam Smith iyo Tomas Maltose iyo David Ricardo iyo John Stu-red mill

Madhabka Neoclassicism

Iyadoo ay sii fideyso afkaarta Marxism ka (maraakisiyada) oo lid ku ah fikirka hanti-goosadka ayaa waxa soo ifbaxay waxa loo yaqaano madhabka neoclassicism.

Hadaba waa maxay neoclassicism?

Waa qeyb ka mid ah musaslada horimarineed oo ay wadeen culumadii dhaqaalo ee qarnigii 19aad, waxeyna ka duuleysan awooda fardiyeed ee lo yaqan (Liberalism) waxa ay eheed muhimada madhabka neoclassicism in ay hormariso madhabki classicism ee ka horeyay.

Waxyaabaha ay so bandhigtay madhabka neoclassicism aya aha:-

  1. Isticmaalka xisaabaata kolka lagu guda jira taxliilka dhaqaalo, sida law of supply iyo law of demand iyo qawaaniinta xisaabeed oo lamidka ah.
  2. Soo biirida fikrada la dhaho (Marginal ) ama xadiga sare
  3. Isticmaalka fikrada manfacada (Utility ) mid xadideesa iibsiga baddeecooyinka seddax daas afkaar aya ugu waaweyna waxyabaha ay soo biirisay madhabka neoclassicism. Waxa jira dhawr iskuul oo ka farcamay madhabka neoclassicism oo kala ah:

B. Iskuulka xisaabta: oo caan ku ah isticmaalka xisaabaha iyo soo sarida qaannuuno kala duwan oo ku dhisan qaab xisaabeed.

T. Madarasada Austria: oo caan ku ahayd in ay ahmiyada siiso nafsiyada qofka kolka ay daraasanayso muuqaalka isbadalka dhaqaalo, waxayna ku caan baxday magaca ah (Psychological direction).

J. Madarasada Cambridge: waxa ay ku can baxday isku arruurinta dhamaan afkaarta dhaqaalo ee labada madhab iyo is waafajintooda.

  1. Madhabka Keynes (Keynesian Revolution):- 30 meeyadi qarniga 20aad, aya waxa culumada dhaqaalo ay muhiimada siin jiray taxliilka juz’iga ah (Microanalysis), waxeyna aaminsanaayeen in shaqa siinta buuxdo (Full employment) ay tahay wadci joogta, islamarkaana wax soosaarka qoomiga (GNP) uu ahaanaya mid fadhiya oo is badbadlin, aragtidaasoo ku koobneed taxliilka loo yaqaan (Microanalysis) .

Aragtidaas aya waxa ay sababtay in ay dhacaan dhacdo dhaqaalo oo weyn taasoo lamagac baxday (Great depression) ama Fadhiid dhaqaalo lagu dhihi karo afka soomaaliga, waxay sababtay inuu soo if baxo nin la dhaho John Maynard Keynes oo ah caalim dhaqaalo oo udhashay dalka ingriiska , asagoo qoray kitaab la dhaho ” The General Theory of employment , interest and money” kitaabkaan oo wax weyn ka badalay habsami usocodki cilmiga dhaqaalo , oo soo ifbixiyay waxa loo yaqaan (Macroeconomic) dhaqaalaha guud.

Haddaba Kacdoonka Keynes maxa uu ku saabsana?, Waxa u sabab ahaa:

  1. Burburinta afkaarti ku dhisneed taxiilka yaraa (Microanalysis)
  2. Shaqo la’aanta iyo wax soo saarka guud in ay yihin kuwa isbedbedelo oo aan ku nagaan hal meel, taaso ka duwan aragtidii culumadii hore.
  3. Faragelinta dawlada ee xaga dhaqdhaqaqa dhaqaalo oo kor u qaadmay, xaga ay ka ahaan jirtay mid ilaalisa hantida gaar ahaaned qura.
  4. Taxliilka maaliyadeed oo noqday mid awood ku leh taxaaliisha cilmiga dhaqaalo
  5. Soo ifbixida mawaadiic cusub oo aad muhiim u ah sida wax soosaarka guud, dakhliga guud, iyo wax soosaarka maxaliga guud. GNP, GD , NNP.

Kacdoonka Keynes ayaa wax weyn ka bedelay cilmiga dhaqaalaha asago leexiyay habsi u socodkii cilmiga dhaqaalaha, kaasoo cilmiga dhaqalaha haatan loo qeybiyo laba qeeybood oo muhiim ah Microeconomic & Macroeconomic.

Culumadii dhaqaalaha islaamka

  1. Ibnu khalduum: Abuu Zeyd Cabdiraxmaan bin Muxamed ibnu khaldun Alhadrami, (1332 – 1406 miladiga) wuxuu ku dhashay waqooyiga Afrika, Tunis, Andlus, wuxuu ku noolaa kadib markii uu ka qalan jabiyay jaamacada Zaytuuna dalalkii ku yaalay waqooyiga Afrika oo ay kamid ahaayeen (sakra, qarnada, jaya, talmasan). wuxuuna gaaray dalka Masar, oo Suldaanki Masar Al-dahir Barquuq kusoo dhaweeyay, waxaana loo xilsaaray garsoor inuu u noqdo madhabka malikiga, oo halkaa wuxuu degenaa in ku dhow rubac qarni (784 – 808 hijriga). Wuxuuna geeriyoday Allaha u naxariistee 1406 miladiga, oo cumrigiisa ahaa toddobaatan iyo lix sano, waxaana lagu aasay meel u dhow Albabaka (nasr) ee ku taala waqooyiga qaahira oo loo yaqaano qubuuraha suufiyada.waxaa loo yaqaanaa Ibnu Khalduun aasasaha cilmiga taarikhda.

Hadaanu tilmaano wax yaabihii uu uga qeyb qaatay cilmiga dhaqaalaha waxaa kamid:

  • Waa aabihii dhaqaalaha sida xaqiiqada ah waxa uuna qeyb kamid ah qoraaladiisa uga hadlay qeybinta dhaqaalaha
  • Dajinta shaqaaale u jajaban shaqada, siyaadinta wax-soosaarka iyo isbadalada suuqa ee wax-kala badalashada iney wadanka kadhigayo hodon.

Yaa Amaanay

Waxaa amaanay niman reer galbeed ah oo kamid yihiin. “Arnuuld Tuwinbii” markii uu yiri, Ibnu Khalduun wuxuu soo saaray falsafo taariikheed, falsafadaasna waa middii ugu weyneed uu bini’aadan gaaro, cusuuraha ha is badalaan bee. “joorj marsiiz” waxyaabihii uu so alifay Ibnu Khalduun waxay kamid yihiin, wax la alifaa midkii ugu muhiimsanaa uu bini’aadan gaaro.

  1. Al-Ghazali (1030-1084): waxa uu qeexay shaqada ugu muhiiimsan ee lacagta is medium of exchange.
  2. Qayim Al-Jawziya

Gunaanad

Fursadaha  qofka barta cilmiga dhaqaalaha

  1. Waxaad noqon kartaa maamule guud ahaan noocyada maamulka gaar ahaan wixii bulsho ah.
  2. Waxaad ka shaqeyn kartaa caawiye shaqsi ee maaliyadeed.
  3. Sidoo kale waxaad noqon kartaa falan qeeye dhinaca maaliyada
  4. Waxaad noqon kartaa maamule maaliyadeed.
  5. Actuary baad noqon kartaa [person who compilies and analyses statistics and uses them to calculate insurance risk and premiums]
  6. Waxaad noqon kartaa cilmi baare dhinaca dhaqaalaha ‘Economic researcher’
  7. Iyo intaas wax ka badan oo fursada ah taasoo ay sabab utahay economics In uu yahay (father of arts) oo aad gali kartid arimaha khuseeya Artska oo dhan.
Facebook Comments Box

Waa qoraa katirsan, waxna ka qora majaladda Somalism, waxa uu inta badan kusoo bandhigaa qoraalada luuqadiisa Hooyo ee af soomaaliga, daneeyana inuu qeyb lixaad leh ka qaato hormarinta garaadka bulshadiisa, wuxuu wax ka qoraa arimaha diinta, dhaqaalaha, ganacsiga ,wadaniyada, iyo arimaha bulshada. Heerkiisa waxbarasho waa heer jaamacadeed wuxuuna bartay cilmiga Dhaqaalaha, Xisabaadka Ganacsiga, Diploma Maaraynta Shaqaalaha Aadanaha iyo Sayniska Kombuutarka.

Bangiyadda & Keydka

Fahanka lacagta?

Published

on


Cinwaankeenna haddii aan ku billowno weydiin; majeceshahay in aad maal qabeen noqoto? Haddii aad noqoto noloshee ayaad rabtaa in aad ku noolaato? Misida dadka caadiga ah ey unool yihiin mise sida boqorrada? Sidookale aan ku weydii sidee ayaad qorsheyneysaa in aad dadka ula dhaqanto marki aad lacag yeelato?

Waan kaa raaligalinayaa haddii su’aalaha aan ku weydiyay aad kadareenta culeys ama dhibsi, sida in aad ku jawaabtay “Acuuddu billaah Allow ha’ii kasin in aan ku fitnooba lacagta” Aaamiin aamiin..dhammaanteen diyaar uma nihin in aan qalad sameynno, in aan dhib ku dhacno, in dadka nagu ag nool eyna dhibsadaan.

Hadane waxaa jirta arrimo xaqiiq ah oo Aadanaha kadhaca tusaale; qoys dabaq/fooq ka kordhisanaya reer sabool ah oo aqal yar oo cariish ah meesha ku leh!, hadaba aan su’aal isweydiinnee macula tahay in qoyska fooqa iska le hey jecelyihiin in dhib laga sheegto si-cad jawaabtu waa MAYA!.

Hadaba aan isla ogaanno e, waxaa jira wax layiraahdo fahamaka lacagta, inta aanan lacag yeelan in aan qrsheynno, waxa an ku sameyneyno haddii aan hanti yeelanno ama dhaqaale.

Mafududa qof aanan dhaqaale heysan in uu qorsheeyo oo uu meeleeyo lacagta mustaqbalka uu naawilaayo!! Qofka waxaaba maskaxdiisa ku soo dhacaya durba isweydiinta ah “Yaa ii ballan qaaday in aan noolaanaayo waqtigaas?”

.. aan kaaga jawaabo su’aashaase “horta adiga oo wax qorsheystay haddii aad dhimato ma danbibaa kaa soo gaaraya?” “sidookalena haddii aadan qorshe lahayn sow uma noolaaneysid sidi qof caadi ah-qof aanba kalajeclayn meesha uu waqtigiisa, lacagtiisa,sharaftiisa ku bixinaayo?” labadaan qodob keen doorannaa oo innoo roon?!

Qof dhallinyara ah oo kamid ah dadka aan sida wanaagsan isu naqaan ayaan weydiiyay; Maxay tahay waxa ugu weyn ee aad jeceshahay in aad hesho marki aad Jaamacadda dhameyso? Waxa uu iigu war celiyay “kaliya in aan helo shaqo si’aan uga helo dhaqaale igu filan iyo inaan qoys dhisto?”

Malaga yaabaa aqristow adigane su’aashaan in aad sidaan uga jawaabi lahayd!, haddii uu qofku u fahmo in qofnimadiisa ey kufilantahay “Waa qof shaqeysta oo reer leh” hadaba aan ogaanno si-kaduwan sidaas ayaa jirta, waana qofnimada dhabta ah taas oo ah in qofku uu noqdo “Qof wax anfaca” qof kawar qaba shaqada uu qabto, maxay faa’iido uleedahay bulshada uu lanool yahay, qof kafakiraya caruurta uu dhalayo (Haddii uu Alle siiyo) in ey noqdaan haldoorka bulshada, qof dhisaya danta guud sida misaajidda, goobaha waxbarashada, qof deegaankiisa nabaddoon u ah oo kawarqaba eeriyada (dariska) uu daggan yahay dadka ku dhibaateysan sida gaajada, caruur waxbarasho la’aanta, ama qof xanunsan” Iyo intaan kabadan.

Haddii aanan laqorsheyn cidda aan rabno in aan noqonno mustaqbalka, guud ahaan madhismeyso bulshada, gaar ahaanna masoo saari karno caruur haldoorra ah, tan ugu daranna waa in aan dunida ka tageyno annaga oo aan waxbadan kaqaban?

Hadaba waa su’aale sidee ayaa innoo fiican in aan u qorsheynno nolosheenna??

Ujeedka hadalkeenna haddii aan usoo dhaadhacno, meeqaa maqashay in ey lacagtu dadka fidneyso, meeqaan quraanka ku aragnay boqorro hantiilayaal ah oo ku kibray nimcaddii Eebe siiyay, meeqo ayaa lagaaga sheekeeyay in hantidu tahay musiibo socoto?

Mawaxa aan kuqanacnaa in aan niraahno Alle naguma siiyo hanta farabadan adduun aanan ku waarayn? Mise waxa aan niraahnaa Allow nasii hanta barakeysan oo aan awoodno qorsheynteeda iyo bixinteedaba?

Waxa aan ku gaba gabeynayaa “In aan shaqeysanno waa sharaf, balse lacaga shaqada naga soo gasho kuma filna in ey muujiso cidda/shaqsiyadda aanu nahay”  waxaa jira shiid(cid aan lacag heysan) oo laga jecelyahay taajiriinta!

Waligaa ha’isku qaad qaadin dhaqaalahaaga, hana moodin in aad dadka kaga sarreyso balse xasuuso dhaqaaluhu in uu nolosha qeyb kayahay balse uunan ahayn noloshii dhamayd.

Aanu shaqeysanno sida aanan dhimanayn waligeen, aanu Alle caabudno sidi aanu dhimaneyno hadda”

-Cumar bin Qaddaab

Mahadsanidiin

Facebook Comments Box

Continue Reading

Bangiyadda & Keydka

Waa Maxay Lacagta Suukha? ’Money market’

Published

on

 


Lacagta suuqa’ ‘waa halka maaliyada, damaanad sare iyo miisaaniyada aadka u gaaban’. Guud ahaan marka la raba in la sharaxo suuqa lacagta waxaan isdhihi karaa in horey loo fahmi karo macnaha guud ee ay xambaarsantahay suuqa lacagta.

Lacagta mararka qaar waxay noqotaa ‘badeeco si lacag kale loo abuuro. Haddii aan u sameyno macnayaal kala duwan sidda haddii ay shirkadaada soo iibsato agabyada sidda kuraasta, makiinadaha, kombuuterada iwm, waxay ka dhigantahay inaad qarash ku bixisay si aad agabyadaasi ugu abuurto lacag kale. ‘macnahiisa ma ahan inaad sii iibinayso ee waa sahaydii aad dagaalka ku geli lahayd.

Hadaba, dhammaan qodobadaasi ma ahan suuqa lacagta ee waa ‘xoraynta ganacsigaaga, si aad u yeelato meel aad ku qabsato hawlahaaga maalmeedka ah.

Qodobadaan ayaa ah xaqiiqda rasmiga ah ee ‘Suuqa lacagta’ sidda biilasha hantida, waraaqaha ganacsiga, aqbalaadda baanka, xisaabaadka, caddaynta deebaajiga ‘deposit, biilasha sarrifka, heshiisyada dib u celinta, miisaaniyada federaalka, deynta mudada gaaban ah iyo hantida qaaliga ah.

Inaad lacag abuurato ama sameyso ma ahan wax fudud. Laakiin hadana waa suurta gal, waxaana jira su’aalooyin badan oo ay dad badan isweydiiyaan maalin walbo oo illaahay keena. Waxaana ka mid ah siddee ku heshaa lacag. Sawabtoo ah dadka waxay aaminsanyihiin lacagta inay tahay waxa kali ee ay waxwalbo ku samaysani karaan.

Waa sax lacagta waa wax aad waxwalbo ku samaysani karto haddii ay noqoto inaad guri iibsato, gaari iibsato, jaamacadaha ugu sareeyo dunidda inaad wax ka barato, waliba inaad xajka iyo dalxiis tagto meelwalbo oo aad u baahantahay.

Maqaal uu horey u qoray qoraa Khaalid Cabdirizaaq Caskar, wuxuu cinwaan kaga dhigay “Sidee Loo Abuuraa Mashruuc Ganacsi oo Guulaysta?” qoraalkaan oo dhammaystiran halkaan kaga boqo. http://www.tukesomalism.com/archives/6460

Qoraagga ayaa si fiican u kala dhig-dhigay asigoo raba in bulshada tusiyo qiimaha ay leedahay in la abuuro ganacsi guulaysta. Maqaalkiisa ayaa si toos ah u taabanaaya ka jawaabida su’aalaha la xariira ganacsiga guulaysani kara, wuxuu yiri “Kasoo qaad inaad go’aansatay inaad ganacsi aad gaar u leedahay aad abuurto, halkeed kabilaabi?

Maxaad ku bilaabi? Sideedse u bilaabi?, waa su’aalo ay muhiim tahay inaad iswaydiisid kolka aad bilaabaysid mashruucaaga. Waxaad xasuusnaataa wax kasta marka labilaabayo inuu ku bilaabmo fikrad ama aragti kugu soo dhacday.”

Suuqa lacagta wuxuu ka koobanyahay haay’adaha maaliyadeed iyo ganacsatada kuwaasoo hawshooda salka ku haysa deynta iyo amaahda lacagaha. Ka-qaybgalayaashu waxay deynsanayaan oo ay amaahiyaan muddo gaaban, sida caadiga ah ilaa laba iyo toban bilood.

Muhiimadda suuqa lacagta wuxuu ka koobanyahay bangiga dhexe ee amaahda-bangiga oo amaahda, iyadoo la isticmaalayo waraaqo ganacsi, heshiisyada dib u celinta iyo qalabka la midka ah. Qalabkaan waxaa badanaa loo qiimeeyaa (sida, qiimaha la tixraacayo)

……..

Cilmiga la xariira lacagaha, maaliyada, ganacsiga, suukh-gaynta iyo dhaqaalaha waxaad ka heli kartaa akademiyada www.Somalism.org qaasatan qeybta ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Si aad u heshao dhammaan koorsooyinka ku saabsan dhaqaalaha iyo maaliyada Riix sawirka hoose,

Facebook Comments Box

Continue Reading

Bangiyadda & Keydka

Lacagta Cusub Ee Dalka Loo Daabacaayo – Soomaaliya

Published

on

 


Waxaan qoraal kooban kaga hadli doonaa, daabacaadda lacagta shilinka ah, ee dawladdu ku dhawaaqday in ay dhawaan daabacayso. Marka hore aan isla fahanno Lacag. Waa maxay lacag? Maxaa lagu qabtaa, ama ay qiimo leedahay? Weydiimahan iyo kuwo kale, ayaan ku soo koobi doonaa qoraalkan. Lacga: waa shay kasta oo aad ku bixin karto Amaah, ku iibsan karto shay kale, kaysan karto, sharciga deegaanka aad joogtana uu oggalyahay qiimaheeda iyo wax qabad keeda. Lacagtu, waxaa loo adeegsadaa:

1. In lagu soo beddesho lacag kale, oo caalami ah.

2. In lagu illaaliyo ganacsiga waddanka iyo awoodda iibsiga ee dadka. Iyo qaar kale oo badan. Haddaba lacag iyo wax qabad keeda, haddaan intaa uga imaado.

1. Maxaa qiima tira lacagta? 2. Tiro yar ama mid wayn, miyey ku xirantahay qiimaha lacagtu? 3..Sicir bararka waddanka, lacagtu saamayn badan ma ku leedahay?
4. Qiima dhaca lacagta maxaa sababa? Weydiimahan ayaan ku qeexi doonnaa qoraalkan hoosana. Marka laga hadlayo dhaqaalaha, waddanka aan lahayn lacag qiimaheedu sarreeyo, ma koro dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, iyo madax bannaani toona.

1. Wax yaalaha qiima tira lacagta waxaa ka mid ah; Sicir bararka, cuna qabatayn dhaqaale oo la saaro waddanka, degganaansho la’aan ka dhacda dalka ( mid siyaasadeed iyo mid deegaanba), ganacsi la’aan (lack of international trade). IWM.
2…. tirada lacagta (yaraan iyo waynaan) waxay ka qayb qaataan lacagtu qiimaha ay leedahay.

Aan ku horraynno tirada yar. Haddii waddanku leeyahay lacag yar, waxay leedahay faa’iido iyo khasaare labadaba.
Marka lacagtu yartahay number ahaan, waxaa ay caqabad ku tahay isku beddelka lacagta dalka iyo lacagaha qalaad. 
Tusaale: haddii Soomaaliya loo daabaco, lacaga yar yar (1 sh, 10sh, 50sh, 100sh,….. 1000sh) waxay dhibaato ku keenaysaa; kaydinta, qaadidda, isku sarrifka lacagaha kale sida Doollarka IWM. Marka 1$ la sarrifo, waxay noqonaysaa in qofku boorso ku qaato lacagata shilinka ah. Illeen wixii tiradii yey ka badataye.

Dhanka kale. Waxay leedahay wax xoogaa faa’iido ah, marka la joogo gudaha. Maxaa yeelay shayga ugu yar ee waddanka la iibsado, (XANJADA), waxaa loo helayaa lacag la qiimo ah, oo goynasa xabbad Xanja ah.

Aan eegno tirooyinka waawaynna. Iyaguna, sidoo kale waxay leeyihiin faa’iido iyo khasaaraba. Marka lacagtu ay tahay mid number ahaan wayn, waxay faa’iido u leedahay; kaydka, qaadashada, sarrifka lacagta qalaad Iwm.

Tusaale.. Marka 1$ la sarrifo, wuxuu qofku jeebka gashanayaa waraaq kaliya ama labo warqadood. Sidoo kale marka la kaydinayo 1000$, baa 10 warqadood noqonaya, oo si fiican baa loo kaydsan karaa.

Dhanka kale. Waxaa jira faa’iidi darrooyin ay leedahay lacagta waawayni. Waxaa ka mid ah; in si fudud uu ku dhalan karo sarrif barar, haddii uu dhashana, ma jirto lacagtaan wax ka sii wayn, oo kor looga sii socdo. Meel hoos loogu noqdaana ma jirto, oo tii waynayd baa wax tari waydee tu yat warkeeda daa.
3. Sicir bararka waddanka ka dhasha waxaa sababa, wax yaalo badan. Lacagtu waxay ka mid tahay kuwa ugu saamaaynta badan, balse waxa ka horreeya dhawr hab oo sababa sicir bararka. Ma jiro waddan lacagtu sababto sicir barar, balse waxay sababtaa sarrif barar.

4. In lacagtu qiimo beesho, waxaa keena sababo dhaqaale oo fara badan.
1. Haddii waddanku uusan lahayn ganacsi caalami ah, oo uu ka helo lacag qalaad. ( hard currunce).
2. Haddii dalku uu soo dhoofsado, alaab iyo adeeg ka badan tan uu dhoofiyo. 
3. Degganaanshaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo sarrifka lacagahu, waa qayb muhiim ah, oo beddeli kara qiimaha lacagta dal leeyahay. IWM. Haddaba haddii aan intaa isla fahannay. Aan u soo noqonno lacagta cusub, ee dalku yeelanayo.

Wasiirka maaliyadda Dalka, ayaa xaqiijiyey in dalku yeelan doono lacag cusub. Haddaba, innaga oo ka dharagsan lacag, qiima dhaca lacagta, awoodda waddanka iyo shuruudaha lacag cusub laga doonayo.

Ma ku habboontahay xilligaan, in la daabaco lacag cusub, oo Shilin ah?

War celintu, waa maya kuma ahbboona. Marka lacag la daabacayo, waxaa la iska doonayaa shuruudo fara badan. Haddaan wax ka xuso, waxaa ka mid ah:.
(1).. in dawladdu hayso magdhow, kaasoo ku filan dadka. Si loogu beddelo lacagtoodii hore, ee ay haysteen dadku. Waxaan ula jeedaa; in dawladdu hayso dhaqaale lacageed, oo ay baanka dhigto, si dadku isugu beddeshaan lacagtoodii hore iyo middan cusub.
(2)… in dawladdu leedahay bangi dhexe, oo ka madax bannaan siyaasadda. In uu awood u leeyahay, in uu fuliyo, socodsiiyo, beddelo, go’aamiyana qiimayaasha sarrifka. Iyo in uu maamuli karo lacagta guud ahaan dalka, ee uusan gobol ama deegaan ku koobnaan.
(3).. in dawladdu koontarooli karto lacagaha soo gala dalka iyo kuwa ka baxaya.
(4).. in waddanku awood u leeyahay, in uu wax dhoofiyo, soona dhoofsado. Si uu dalku u helo lacag adag, oo bannaanka ka soo gasha, dalka.
(5)… in dalku dayn qaadan karo; oo iska bixin karo.
(6)… in xukuumaddu tahay mid fulin karta siyaasaddeeda dhaqaale. Oo haddii inta lacag la daabaco, aysan dalka wada gaadhin, waa dhabar jab dhaqaale, oo sababi kara; in lacagtu ka wada shaqayn waydo dalka.
(7).. tan ugu muhiimsani, waa in dalku yahay mid deggan, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, iyo ganacsi ahaanba.

Dhammaan shuruudahaan waa lagama maar maan, intaan kaliyana ma aha. Ee waxaa jira qaar kale oo fara badan.
Qodobbadaan aan soo xusnay, waa kuwo horyaalla dawladd dhexe. Mana jiraan wax xal ah oo muuqda, oo laga gaadhay.
Iyada oo aan la xallinna lama daabici karo lacag cusub.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Bangiyadda & Keydka

Qeybaha Kala Duwan Ee Xisaabaadka Ganacsiga “Types of accounting”

Published

on


Waxaan rajeynayaa inaad in badan maqashay xisaabaadka ganacsiga. Xisaabaadka ganacsiga oo afka ingiriiska lagu yiraahdo “business accounting”. Mawduucaan wuxuu ku saab-sanyahay qeybaha ama noocyada ay u kala baxaan xisaabaadka ganacsiga “Business accounting”.

Waxaa jira wax loo yaqaano buugg-haynta ganacsiga oo afka ingiriiska lagu yiraahdo “bookkeeping”. U jeedada koowaad ee buugg-haynta xisaabta waa in lagu keediyo dhammaan maaliyada ganacsiga. Buugg-haynta waxaad ka heli kartaa dhammaan sidda ay wax u dhaceen haddii ay noqoto in qasaaro soo gaaray ganacsigaada iyo inkale. Waxaadna halkaasi ka qaadani kartaa saadaasha mustaqbalka soo socda. Xisaabta buugg-haynta ganacsiga waxaad si toos ah ugu heli kartaa saadaasha aad ku tilmaami karto ururkaada/shirkadaada.

Ogaaw mawduuceena kuma saabsano xisaabta buugg-haynta wuxuu ku saabsanyahay qeybaha kala duwan ee xisaabta ganacsiga “types of business account”. Hadaba maxay tahay ulla jeedka aan u sharaxaayo midaas? Waa muhiim inaan ogaano xaqiiqda waxaan ka hadli rabno.

Waxaan rabnaa inaan ka hadalno noocyada loo keediyo maaliyada ganacsiga iyo waxyaabaha ay ku kalla duwanyihiin. Xisaabaadka ganacsiga waxay u kalla baxaan seddax qeybood oo kale ah:

  • Xisaabaadka shakhsiga “personal account”
  • Xisaabaadka xaqiiqda/dhabta ah “real accounting” iyo
  • Xisaabaadka magacaaban “nominal account”
  1. Xisaabaadka shakhsiga “personal account”

Waa qaabka diiwaanada xisaabaadka loogu keediyo si shaqsi ama koox ahaaneed. Dhinaca kalle haddii aan u qaado waa xisaab si u isticmaalaan shaqsi ahaan baahida qofka u gaarka ah. Waa xisaabta dhaqaalle ee banggiyadda iyo xisaabaadka adeega sidda shirkadaha teleefoonada ama emailada lagu bixiyo qarashka gaarka ah.

Xeerka xisaabta shakhsiga:

Debit  (Dr.)Waa qofka helaayo
Credit (Cr.)Waa qofka bixinaayo
  1. Xisaabaadka xaqiiqda “Real account”:

Waa xisaabaadka rasamaalka shirkada. Rasamaalka shirkada ha noqdo mid la taabani karo iyo mid aan la taabani Karin ”tangible and untangible assets”. Marka aan leeyahay wax la taabani karo iyo wax aan la taabani karin maxaan kala jeedaa?

Waxaan kala jeedaa makiinadaha ’machines’, dhismaha guryaha, iwm waa wax la taabani karo, waxaana afka ingiriiiska lagu yiraahdaa ’tangible assets’.

Waxyaabaha aan la taabani karin oo ah rasamaalka shirkada waxaa ka mid ah softweres-ka ay leedahay shirkada, niyad-samid ’Goodwill, shatiyada, magaca shirkada oo horumaray iwm.

Aqristoow waxaan u malaynayaa in waxyaabo qaar ay ku jiraan mugdi. Aniga inta badan shaqooyinka aan soo qabtay waxaan soo ahaa macalin, waana dareemi karaa waxa aan ka hadlaayo fahankiisa sidda aan usoo koobay inay kugu adkaani karayso, marka aan isku dayo inaan si fiican wax kuu fahansiini karo.

Waxyaabaha aan isleeyahay si fiican ayaad u sharaxday hadana mugdi ayaa ku jira waxaa ka mid ah sidda niyad-samid, shatiyada, magaca shirkada oo horumaray. Bal aan hal-hal u kala qaado. Haddii aan ka bilaabo:

Niyad-samid – eraygaan Afsoomaali ahaan dad badan wey fahmi karaan waxa lagala jeedo niyad-samid. Balse macnaha ay jumladaan ugu jirto waa maxay?

Macnaha guud ee ay jumlada ugu jirto ayaa ka duwan macnaha Afsomaaliga ee aad ugu malayni karto. Macnaha guud ee ay xambaarsan tahay ayaa ah ’shirkadaha waxay gaaraan heer loo yaqaano niyad-samid. Marka aan leeyahay niyad-samid, ma ahan eray aan horey afka Soomaaliga aan kusoo bartay ee waa eray aan isleeyahay wuu ku macno dhawyahay eraygaas cilmiyanka ah ee aad horey u taqaanay. Eraygaasi afka ingiriiska waxaa lagu yiraahdaa ’Goodwill’ – ’niyad-samid.

Shirkadaha marka ay si wanaagsan ulla dhaqmaan macaamiisha, oo ay ku dadaalaan siddii ay u qancini lahayeen macaamiishooda waxay helayaan niyad-sami ka timaada xagga macamiisha. Shirkada waxayna ku xisaabtamaysaa in macaamiilkaasi soo noqoni doono haddii xittaa qiimaha kor u kaca. Sawabtoo ah waxaanu ogsoonahay macamiisha waxaa soo cel-celiya waa adeega wanaagsan.

Shatiyada shirkada waxaa Afka-ingiriiska lagu yiraahdaa ’patent’. Shirkada markii ay yeelato wax iyada oo kali qaas u ah oo aanan sameyni karin kuwa kalle, sidda shirkada Kodak. Shirkadaan Kodak waa shirkad Mareekan ah waxaa la aas-aasay sanadka markuu ahaa 1888. Waxay xarunteena ugu weyn ku talaa Rochester iyo New York.

Shirkadaan daqliga soo gala wuxuu garayaa lacag gaaraysa 1.798bilyan, waa tirokoobka ay ku sameyeen daqliga soo gala shirkada 2014-kii. Kodak waa shirkad teknooliji ah oo soo saarto sawiro qaab teknoloji ah ” basis on photography”. Waxaan jeclahay inaad fahantay waxyaabaha aan islahaa mugdi ayaa ku jira.

Waan dareemi karaa inay wali kugu adkaani karayso waxyaabaha aan sharaxaayo mise aadan horey ugu maqlin Afsoomaali ahaan. Aniga Cabduljabaar ahaan waxaan dareemayaa inay adagtahay in waxyaabaha qaar lagu sharaxi karo afka Soomaaliga sawabtuna waa, haddii aan nahay Soomaali inta badan mawduucyadaan waxbo kama qarno, ma nihin dad cilmiga wax ka qoro ee waxaan nahay dad inta badan wax ka qoro sheekooyinka, suugaanta, iyo gabayada.

Markale aan usoo noqdo mawduuceena’ Tusaale fiican oo ku saab-sab xeerka xisaabaadka dhabta/xaqiiqda ah. Waa kala duwanaanshaha u dhaxeeyo labada gud ee xisaabta dhabta ah.  Waxaa ka mid ah sidda tan:

DebitWaxaa lagu cabiraa waxa soo galay shirkada.
Creditwaxaa lagu cabiraa waxa ka baxay shirkada.

Tusaale:

  • Waxaad kompuuter kusoo iibisay lacag dhan 1,000 Shilling Soomaali oo cadaan ah/kaash.
Account involved /Xisaabta ku lug lehDebit/CreditRule Applied
Miis, table A/CDebitMiiska waa xisaabaadka xaqiiqda ah. Dr. waa waxa soo galay shirkada
To cash A/CCreditCash-na waa xaqiiq, Cr. waa waxa ka baxay shirkada
  1. Xisaabaadka magacaaban “nominal account”

Qeybtaan waa qeybta ugu dambeysay ee ahayd xisaabaadka magacaaban. Xisaabta magacaaban waxaa afka ingiriiska lagu yiraahdaa “nominal account”. Xisaabta magacaaban, waa xisaab  la iskuwada ogyahay oo si toos u magacaaban sidda qarashaadka shirkada noocyadiisa kala duwan, qasaaraha iyo faa’idada shirkada.

Haddii aad qaamuuska ka raadiso erayga ‘nominal’ waxaad ka helaysaa in eraygaas yahay wax jira oo u taagan magic oo kali. ‘The dictionary meaning of the word “nominal” is “existing in name only”

Caadiyan waxaa tusaale u ah sidda Purchase A/C, Salary A/C, Sales A/C, Commission received A/C, iyo wixii la mid ah.

Xeerka dhabta ah ee xisabta magacaaban:

Debit: Dhammaan xisaabaadka kharashka iyo khasaaraha waxaa lagu qorayaa –Debit Account
Credit: Dhammaan xisaabaadka dakhliga iyo guulaha waxaa lagu qorayaa –Credit Account

 

Tusaale:

  • Waxaa la iibsaday gaari, waxaana lacag cadaan ah lagu bixiyay: SSH 26,000,000

Koontada Debit ka

Debit/Credit

Sharciga la isticmaalay

La iibsaday A/C

Debit

Xisaabta magacaaban A/C, Debit dhammaan qarashaadka

Cadaan/Cash

Credit

Xaqiiqda A/C, Credit wixii dibida u baxay

Debit iyo Crebit waxaa labaduba lagu qori doonaa 26,000,000

Qeyb walbo oo ka midka xisaabaadka ganacsiga wuxuu leeyahay qaacido iyo xeerar loo maro. Qofka xisaabiyaha ah waa shaqsi la socdo dhaq-dhaqaaq dhaqaalle ee ay leedahay shirkada. Haddii aad ku riyoonayso inaad yeelato shirkad waa muhiim inaad waxyar xittaa ka fahansantahay xisabaadka ganacsiga. Maxaa yeelay kawaran haddii aad shirkadaada ku maalgeliso 1milyan adigana aad dayn kusoo qaadato 3milyan? Waa dhibaato.

Waa inaad ogtahay halka aad wax ku bixinayso iyo halka aad wax ka soo qaadayso. Xittaa maamulaha shirkada go’aan kama gaaro karo qorshaha shirkada ee sanadaha soo socdo. Waxaa wanaagsan in maamulaha shirkada marwalbo si joogta ah ulla socda waxa ka socda qeybaha maaliyada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Bangiyadda & Keydka

Suuqyada Iyo Qiima Dhaca Shillin Soomaaliga |Tukesomalism.com

Published

on


Qiima dhaca Shillin Soomaaliga waa mid walaac aad ah leh, wuxuuna keenayaa inuu kordho qiimaha badeecadda dibedda laga keeno oo ay ku jiraan cuntooyinka qaar iyo shidaalku. Saamaynta qiima dhaca Shillinka Soomaaligu wuxuu taabanayaa dhammaan bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinkaba.
Qiimaha dhaca Shilling Soomaaliga waxaa laga dhaxlay dhibaatooyin badan, waxayna si weyn u saameysay bulshada danyarta ah. Xaaladda xubinta cuntada iyo nafaqada ee dhulka xoola-dhaqatadu waxay tahay mid ka sii daraysa. Gobollada dhexe, xaaladda jidhka, wax-soo-saarka iyo qiimaha xooluhu waxay ku socota mid sii xumaanaysa, waxaana la soo sheegayaa in ay xoolo dhinteen daaqa oo gabaabsi ah iyo cudurrada oo sii kordhay dartood. Biyo yaridu waxay keentay in si buuxda looga guuray tuulooyinka qaar, iyadoo ay xoolaha iyo qoysasku isugu uruureen goobaha leh biyo joogto ah ama ceelal. Koonfurta waxaa ka jira hayaan aan caadi ahayn oo loogu guurayo dhulka webiyada.
Qaybo ka mid ah Togdheer, Sool, Sanaag iyo Nugaal, xiisad cusub ayaa ka soo shaac baxaysa roobka oo liitay darteed, taasoo keenaysa in dadku ay si aan caadi ahayn u guuraan iyo biyo dhaamis xilligiisii ka soo hor maray.
Dal sidiisaba wuxuu ku dhisanyahay dhaqaale, haddii la waayo dhaqaalo wax loogu qabto arrimaha bulshada waxaa adkaani karayso in bulshadaas ku noolaato nolosha ay u baahantahay. Waxaa jiray natiijooyin badan oo horey loo sameeyay oo ku saabsan nafaqo darada haysato ubadkeena iyo hooyooyinka. Natiijooyinka ka soo baxay 13 baaritaan oo nafaqada ah oo la sameeyey sannadkan 2008 waxay muujinayaan in xaaladda nafaqadu ay ka sii dartay qaybo ka mid ah gobollada Bakool iyo Gedo, goobahaas oo laga soo sheegay heerar Aad Halis u ah oo ka sarreeya 20% oo ah nafaqo darro xun. Heerarkaas Aad Halis u ah waxaa kale oo laga soo sheegay dadka ku barakacsan Galkacayo iyo Garoowe. Waxaa iyana walaac weyn laga qabaa gobollada dhexe ee abaartu saamaysay, goobahaas oo qiimayn degdeg ahi ay muujinayso inay sii kordhayso tirada carruurta ay nafaqo-darro xumi hayso, taasoo ay sii xaqiijiyeen heerarka sii kordhaya ee tirada carruurta la dhigo xarumaha quudinta iyo nafaqaynta. Tiradaas korortay waxaa kale oo ay ka muuqataa magaalooyinka sida Muqdisho, Wajid iyo Galkacayo.

F.G: Qoraalkaan ku saabsan nafaqo darada waa tiro koob horey loo sameeyay ee ma ahan wax waqti dhaw la sameeyay balse aad ayay u wanaagsantahay inaan isticmaalno tusaalooyin lawada ogyahay.

Soomaaliya waa qaran xaalad burbur ah ku sugan oo uu halakeeyey mid ka mid ah dagaalladii sokeeye ee dunida ugu foosha xumaa ee dhaca sanadihii dhowaa. Tan iyo 1991-kii dhicistii dawladdii Dhexe ee ugu dambaysey, Soomaaliya waxay ahayd dal lagu yaqaanney meel ay ka jiraan qalalaase iyo dagaallo joogto ah. Markii ay Ciidamada Itoobiya dalka faragelinta ku sameeyeen dabayaaqadii 2006-da, waxa horeba markaa dalka ka muuqday daqarradii 16 sano oo ay dawlad la’aan iyo dagaallo hareeyeen. Laakiin labadii sano ee ugu dambeeyey ma ahayn oo keliya qayb kale oo ka mid ah mashaakilaadkii hore loogu yiqiin taariikhda colaadda Soomaaliya. Masiibooyinka xuquuqda aadanaha iyo kuwa bani’aadannimo ee Soomaaliya maanta haystaa oo xaddigooda iyo heerka ay ku socdaanba aan la arkin tan iyo horraantii 90-meeyadii waa kuwo looga cabsi qabo inay galaafato nolosha iyo nolol maalmeedka malaayiin qof oo Soomaali ah.

Qiimaha shilling Soomaaliga waa wax loo baahanyahay in kor loo qaado si loo helo isbedel ku saabsan suuqyada dalka. Waxaan is dhihi karnaa isbedel dhaqaalo iyo horumarinta bulshada lama filani karo waqti dhaw illaa lalla yimaado aragti cadeynayso in lagu horumariyo shillin Soomaaliga.

Waxaan hadalkeyga kusoo koobaayaa Soomaaliya ma joogto waqti la daabaco lacag sawabtoo ah lacagta cusub markii la daabacaayo waxay u baahantahay in la tashi dheer la sameeyo qaasatan dadka qabiiriinta ku ah dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada iyo dalkuba.
Maxaa ugu muhiimsan dalkeena maanta? Waxaa ugu muhiimsan marka horre in la helo nabad, si nabad loo helo marka horre waa inay timadaa cadaalad iyo simnaanta dadka. Haddii dulmi meesha soo galana cadaalada ayaa ka baxda. Dulmigu waa wax kasta oo si aan ku haboonayn loola dhaqmay, cadaaladuna waa wax kasta oo sidii ku haboonayd loo la dhaqmay, waa isku cagsi.,Waxaa kale oo cadaalada muuqaaladeeda ka mida Sinnaanta, toosnaanta, miisaanaanta, haddii meesha sinaantu ka baxdo cadaaladi ma taalo, hadii toosnaani ka baxdana qalooc ayaa soo gelaya oo cadaaladi jirimayso, hadii miisaanka saxda ahi meesha ka baxana dheeli ayaa soo  baxaya oo cadaaladi ma jirayso.
Facebook Comments Box

Continue Reading

Bangiyadda & Keydka

Sakada iyo Cashuurta

Published

on

 


Qormadan waxeynu ku lafo guri doonaa waxey kala yihiin Sakada & Cashuurtu, farqiga u dhaxeeya iyo faa,iidooyinka ay leeyihiin labadaba.

Aynu ku horeyno Sakada, Sakadu waa waajib saaran qof kasta oo Muslin ah oo Miyirkiisa & Maankiisuba taam yihiin, sidoo kale waxa ay ka mid tahey tiirarka ay ku dhisan tahey diinta Islaamku, Sakadu waxey leedahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin in naxariista adoomaha dhexdoodu badato, in qofkii hayntiisu fiicantahey uu kaga badbaado xaasidka iyo xasarada Hantidu keento mood iyo nood ba kay doonto ha ahaatee, sakadu waa waajib Alle (SW) kugu kor yeelay aduun iyo aakhirana abaal marinteeda marley waad la kulmaysaa, waxa ay ku waajibaysaa Hantidu markey gaadho in cayiman oo loogu talo galey.

Cashuurtu waa waajib ay soo rogaan dawladduhu kaasi oo ay shacabkooda ku kaabayaan baahiyaha aas aasiga ahna loogu qabto, way jiraan ciqaabo lagu soo rogo shakhsiga bixin waaya cashuurta balse wax aakhiro kuu raacaya oo lagugu yeelanayaa ma jirto, sidoo kalena cashuurta waxa laga qaada dakhliga, ganacsiyada iyo hantiyaha kale ee kala duwan iyadoo aan loo ee ah eegayn hayntaada.

Sakadu waxey si toos ah u gaadhaa hadba cidii loogu talo galey iyadoo quraanka iyo axaadiistaba ay ku cadahey qolyaha la siinayo, halka ay cashuurtu ku dhacdo qasnadaha dawladda siyaalo badana loo adeegsado oo aaney gaadhin meelihii loogu talo galey.

Umadda islaamka waxa haboon iney ku dadaalaan bixinta sakada iyo iney ka foojignaadaan iney la habsaamaan iskana iloobaan bixinteeda sababtoo ah waxa ku jirta liibaantooda If & Aakhiraba.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Bariga dhexe18 hours ago

Warbixin: Israa’iil waxay ku guul-darraysatay inay baarto dilka Falastiiniyiinta loogu geystay dibadbaxyada Qaza

Afrika3 weeks ago

Koonfur Afrika: Madaxweynihii ugu dambeeyay ee midab-takoorka Frederik Willem de Klerk ayaa geeriyooday

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Masiibada Ayaxa: Maxaa qorshe ah ay sameyn kartaa dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo dalagyada beeralayda?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Maxaa ka jira cabsida laga qabo in ciidamada TPLF ay dhawaan gaaraan magaalada Addis Ababa?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya ayaa cabsi ka abuuray Kenya iyo Koonfurta Suudaan

Yurub4 weeks ago

Maxay ahayeen Soomaalida ku dhibaateysan xuduudda Belarus iyo Poland?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Siday Itoobiya ku gaartay halkaan iyo doorka Qowmiyadaha kala duwan?

Afrika4 weeks ago

Sannad ka dib, Itoobiya ma waxay kusii baaba’aysaa dagaal sokeeye?

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maamulka Joe Biden ayaa ansixiyay $650m oo hub ah oo laga iibinayo Sacuudiga – hubkaan ma Yemen ayaa lagu baabi’inayaa?

Afrika4 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Suudaan ayaa Maraykanka kula heshiiyey in la dedejiyo dhismaha dawlad cusub

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Waa maxay sababta uu Turkiga ugu qeybgali doonin shirka Paris ee looga hadlaayo Liibiya, oo ay ka qeyb galayaan Giriiga, Israa’iil, Giriiga Qubrus’?

Afrika1 month ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Ciidamada Tigreega ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan magaalada Kombolcha ee dalka Itoobiya

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Britain ayaa u qabatay Faransiiska 48 saacadood inay ka laabato hanjabaadaha ka dhanka ah kalluumeysiga

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Shir Madaxeedka G-20 oo ka bilaabmay Rome iyadoo diirada lagu saaray isbedelka Cimilada iyo cudurka Faafa ee Korona Fayrus

Bariga dhexe1 month ago

Xiisadda Diblomaasiyaddeed ee Sacuudiga iyo Dowladda Lubnaan ayaa ka sii daraysa markii ergayga la eryay, lana mamnuucay soo dejinta

WARBAAHINTA1 month ago

Mucaaradka Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Dessie

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Maxay ka dhigan tahay hadalka Mareykanka ee ku aadan ciidamada Danab?

WARBAAHINTA1 month ago

Itoobiya ayaa duqayn cirka ah ka fulisay waqooyiga galbeedka Tigray

WARBAAHINTA1 month ago

Weerar nooca magaaladda Kongsberg ka dhacay ayaa mar kale dhici doona, sirdoonka Norway ayaa sidaas leh

WARBAAHINTA1 month ago

Turkiga ayaa Israa’iil ku cambaareeyay qorshe ay ku dhiseyso guryo cusub oo sharci darro ah

WARBAAHINTA1 month ago

Austaria waxay dejisay qorshayaal sharciyaynta isdilka – sharcigaas oo caawinaayo qofka raba inuu isdilo

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceysay taageerada Mareykanka ee Taiwan, waxayna taageertay Shiinaha oo xulafo la ah

Afrika1 month ago

Amni iyo xasillooni ayaa looga baahan yahay ku-meel-gaarnimada dawladda nabdoon: Liibiya W. Arrimaha Dibedda

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Aramco waxay hiigsaneysaa inay hawlgallada qiiqa eber ka dhigto marka la gaaro 2050, ayuu yiri agaasimaha guud

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Turkiga ma wuxuu indhaha ku hayaa istaraatiijiyada ku saleysan ‘horumar-guul oo xiriir la leh Afrika?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Wadahadaladda Farmaajo iyo Rooble: RW Rooble ma waxaa loo magacaabay inuu dalka khilaafka siyaasadeed ka saaro mise?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Turkiga oo u yeeray safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey – Xariirka Hab-dhaqameed ee Turkiga iyo Reer galbeed

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Ku noqoshada Ruushka ee Afrika: Faransiiska, Maali, iyo qodobka Wagner

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Bangladesh ayaa qorshaynaysa inay 81,000 Rohingya u rarto jasiirad, kadib heshiis ay la gashay Qaramada Midoobay

Afrika2 months ago

RW Abiy Axmed wuxuu dhisanayaa Xukuumaddiisa cusub, iyadoo xisbiyada ugu waa weyn dalka ay Qaadaceen doorashada

WARBAAHINTA2 months ago

Muxuu yahay heshiiska ka careysiiyey Turkey ee ay galeen France iyo Greece?

WARBAAHINTA2 months ago

Aljeeriya ayaa dib ugu yeertay ergaygeeda Paris kadib tallaabadii fiisaha ee Madxaweyne Macron

Afrika2 months ago

Dadka Itoobiyaanka ah ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, oo ah wareegga ugu dambeeya ee doorashada – xisbiyada Soomaalida?

WARBAAHINTA2 months ago

Ayeeyo Falastiini ah ayaa waxay heshay shahaadada jaamacaddeed ee bachelor-ka iyadoo 85 jir ah

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa la xukumay – maxaase lagu xukumay?

WARBAAHINTA2 months ago

Hay’adda WHO ayaa ka argagaxday xadgudubka galmo oo ay sameeyeen shaqaalaheeda gargaarka ee Koongo

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynaha Tunisia ayaa Najla Bouden Romdhane u magacaabay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas ka noqota RW

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya: Maxaa kusoo kordhay wada-hadallada u socda?

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxa xisbiga Green Party ee Kanada ayaa iscasishay, iyada oo ku tilmaamtay ‘wakhtigii ugu xumaa’ ee nolosheeda

Xul