Connect with us

Geeska Afrika

Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisada ka dhex aloosan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska badda cas

Soomaaliya waxay ku adkaysatay in Itoobiya ay joojiso heshiiska “sharci darrada ah” ee ay la gashay Somaliland.

Published

on

Banaan bax xooggan oo ka dhacay magaaladda Muqdisho oo loogu soo horjeedo faragelinta Itoobiya ee dekadda Soomaaliya

Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeyay xiriir soo jireen ah oo kakan. Labadan dal ayaa waxa ay wadaagaan xuduud dhinaca dhulka ah, waxaana dhawr jeer oo hore dhex maray iska hor imaadyo ciidan.

Dhawaanahan waxaa jirtay xiisad ka dhex aloosantay labada dal ka dib markii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen heshiis dhinaca badda cas ah. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu dadaallo wada xaajood ah u diray Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo.

Soomaaliya ayaa diiday dhex dhexaadinta khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya, waxayna ku adkaysanaysaa in xalku suurtogal yahay oo keliya haddii ay Itoobiya aysan baajinin heshiiskii ay ku gelaysay Badda Cas ee ay la gashay Somaliland.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay kala saxiixdeen billowgii bishii Janaayo heshiis is-afgarad ah oo Itoobiya loogu oggolaaday inay hesho dekedda Berbera ee Badda Cas muddo 50 sano ah sidoo kalena ciidan ay keensanayso.

Inkasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma jirto aqoonsi caalami ah oo loo aqoonsaday inay tahay dal madax-bannaan. Muqdisho oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, waxay ku gacan sayrtay heshiiskii badda oo ay ku tilmaantay fal gardaro ah oo meel ka dhac ku ah madax-banaanideeda iyo qaranimadeeda.

Muqdisho ayaa ku hanjabtay in ay geli doonto dagaal si looga hortago in heshiiskaas uu hirgalo, iyadoo ku eedeysay Addis Ababa in ay qorsheyneyso weerarro lagu qaado biyaha Soomaaliya iyo bartilmaameedka dalalka Carabta ee ku sugan Badda Cas. Iyadoo laga jawaabayo xiisadaha sii kordhaya, Midowga Afrika (MA) wuxuu ku baaqay is-xakameyn iyo “wadahadal macno leh” oo dhexmara labada dal ee xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa lagu yiri shirkii Arbacadii.

War qoraal ah oo ay soo saartay Khamiistii, ayay dawladda Soomaaliya ku sheegtay inay tixgelisay talada Midowga Afrika, balse waxay ku adkaysatay in Itoobiya ay ku xad-gudbtay madax-bannaanideeda, ka dib markii ay heshiis “sharci darro ah” la gashay “Maamulka Somaliland”.

“Ma jirto meel dhex dhexaadin ah haddii aysan Itoobiya ka laaban MOU-geeda sharci-darrada ah oo ay dib u xaqiijiso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ku sheegtay war-saxaafadeedka la soo dhigay X (hore Twitter-ka).

Heshiiska lala galay Somaliland waxa uu dhigayaa in 20km (12 mayl) oo ka mid ah xeebaha ku xeeran dekedda Berbera ee gacanka cadmeed laga kireeyo Itoobiya muddo konton sannadood ah arrimo ganacsi iyo saldhig milatari.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo dalkiisa uu ku biiray kooxda BRICS+ 1-dii Janaayo, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay helitaanka Badda Cas – oo ah mid ka mid ah isgoysyada ganacsiga ugu weyn adduunka – kobaca dhaqaalaha Itoobiya. Itoobiya ayaa hadda inta badan ku tiirsan dekedda Jabuuti ee ay jaarka yihiin inta badan ganacsigiisa badda tan iyo markii uu noqday mid aan bad lahayn ka dib goosashadii Eritrea 1993kii.

Iyadoo Addis Ababa ay u aqoonsan tahay heshiiska Somaliland inuu yahay guul, Muqdisho waxay ku baaqday taageero caalami ah oo ka soo horjeeda heshiiskaas. Maalintii Khamiista, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Mesganu Arega Moach ayaa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta inay isku dayeyso inay farageliso arrimaha gudaha ee dalkeeda ka dib markii 22-ka waddan ay ku dhawaaqeen MOU “xad gudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.”

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa safiiradooda kala baxay magaalo madaxdooda, kadib markii uu muran ka dhashay muranka dekedda.

Shiinaha iyo Sacuudiga oo taageeray madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Tan iyo faragelintii Itoobiya ee badda Soomaaliya dowladaha iyo ururada caalamka waxay garab-istaageen madax banaanida Soomaaliya. Dawladaha Shiinaha iyo Sucuudiga ayaa sheegay inay taageeryaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shiinaha ayaa sheegay inay rajaynayaan in waddamada gobolku ay xallin doonaan arrimaha gobolka iyaga oo u maraya hab diblomaasiyadeed.

Dawladda Sucuudiga ayaa iyaduna sheegtay inay muhiim tahay degganaanshaha gobolka, waxayna carrabka ku adkaystay sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo mabaadii’da deris wanaagga.

Xaaladda gobolka Geeska Afrika oo sii xumaatay kadib markii ay Itoobiya heshiis ay ku tilmaamtay is-afgarad dhexmaray iyada iyo Somaliland. Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay heshiiska dekedda ay Itoobiya la gashay Somaliland. Kadib shir deg deg ah oo ay yeesheen, golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska u ogolaanaya Itoobiya in ay isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Stephane Dujarric, afhayeenka xoghayaha guud ee QM, oo weriyayaasha wax ka weydiiyeen arrintan, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM António Guterres uu khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxax uu tixgeliyey walaaca Soomaaliya ee ku aaddan Is-afgaradkii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo “Somaliland” ee lagu dhawaaqay 1-dii Janaayo. Xoghayaha Guud waxa uu dib u xusay in Golaha Ammaanku uu si joogto ah u caddeeyay ixtiraamka uu u hayo madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

“Xoghayaha guud waxa uu rajaynayaa in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan wadahadal nabadeed oo wax ku ool ah si ay uga fogaadaan fal kasta oo xaaladda uga sii dari kara,” ayuu yiri.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Geeska Afrika

Taliyihii ciidamada Kenya ayaa ku dhintay shil diyaaradeed

Toban askari ayaa ku dhintay shilkaasi, waxaana ka badbaaday laba askari oo kaliya.

Published

on

Sawirka waa Madaxa Ciidamada Difaaca Kenya Jeneral Francis Ogolla oo eegaya mar uu kormeerayay ilaalada qaaska ah intii lagu guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku tagay Aqalka Madaxtooyada ee Nayroobi, Febraayo 28, 2024. Luis Tato/AFP/Getty Images

Taliyaha difaaca Kenya Jeneral Francis Ogolla iyo sagaal sarkaal oo kale oo ka tirsan ciidamada militari ah ayaa Khamiistii ku dhintay diyaarad helikobter ah oo ay la socdeen wax yar uun ka dib markii ay ka kacday tuulada Chesegon, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto.

Madaxweynaha Kenya isagoo ku sugan magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya, ayuu sheegay in taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo kooxdiisa ay booqasho ku tageen ciidamada ku sugan gobolka Waqooyi-galbeed ee dalka Kenya, halkaasoo ay kula dagaalamayaan burcadda hubeysan iyo dhaca xoolaha.

Si kastaba ha ahaatee, diyaarada ay wateen ayaa hoos u dhacday daqiiqado uun kadib markii ay ka dhooftay Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Cheptulel oo ku yaala Galbeedka Degmada Pokot, waxaana ka soo haray kaliya labo ka badbaaday oo hadda la daweynayo, ayuu yiri.

“Dalkayaga hooyo waxa uu waayay mid ka mid ah jeneraalkeedii ugu geesisanaa. Geerida Jeneral Ogolla waxay ii tahay khasaare xanuun badan…Jeneraal afar-xiddigle ah oo magac leh ayaa ku dhex jiray shaqadiisa, iyo u adeegidda dalkiisa,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ogolla, oo 61 jir ah, waxa uu xilka hayay hal sano. Waxa uu hogaaminayay ciidamada cirka Kenya ka hor inta uusan noqon taliye ku xigeenka ciidamada militariga, waxaana bishii Abriil ee sanadkii hore uu madaxaweyne William Ruto u dalacsiiyay madaxa ciidamada cirka.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca Kenya, waxa uu Ciidanka Difaaca galay 1984-kii, waxa uuna tababar dhanka Duuliyenimo ah la qaatay Ciidanka Cirka ee Mareykanka, ka hor inta uusan macalin ka noqon Ciidanka Cirka ee Kenya (KAF).

Dhacdadii Khamiista, sida warbaahinta maxalliga ah ay ku warrantay, waxa ay ahayd shilkii shanaad ee helikobtarrada milatariga 12-kii bilood ee la soo dhaafay, kaas oo lagu eedeeyay in ay la xiriirto dayactir xumo.

Ugu yaraan toban askari ayaa ku dhintay bishii Juun 2021 kadib markii ay burburtay diyaaradii ay la socdeen xilli uu tababar ku socday koonfurta Nayroobi.

Khamiistii, hogaamiyaha dalka ayaa sheegay in koox baaritaan hawada ah loo diray si ay u soo cadeeyaan waxa sababay shilkan, kaas oo ka dhacay deegaanka Elgeyo Marakwet, oo qiyaastii 400km (250 mayl) waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Nayroobi.

Muuqaalo uu madaxweynuhu soo dhigay X (Twitter-kii hore) ayaa muujinaya meydadka dhibbanayaasha oo lagu soo celinayo caasimadda oo huwan calanka Kenya oo saarnaa diyaarad ciidamada cirka ah gelinkii dambe ee Khamiistii.

Saddex maalmood oo baroor-diiq ah ayay mas’uuliyiinta dalkaas ku dhawaaqeen oo bilaabanaya Jimcaha, iyadoo calamada rasmiga ah ay ka baban doonaan meel-sare.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Geeska Afrika

Deeq bixiyayaasha aduunka ayaa balaayiin gargaar ah u balan qaaday dalka Suudaan oo ay dagaaladu halakeeyeen

Deeqaha sanadguurada koowaad ee iskahorimaadka hubeysan ayaa gacan ka geysan doona sidii looga hortagi lahaa macaluul ka jirta waddanka Suudaan, ayuu yiri Faransiiska

Published

on

Qaxootiga ka imaanaya Suudaan oo sugaya in loo daabulo xerada taraansitka ah ee magaalada Renk oo u dhaw xadka kadib markii ay kasoo gudbeen xadka Koonfurta Suudaan. © Eva-Maria Krafczyk/Sawirada Getty

Faransiiska iyo xulafadiisa ayaa ku yaboohay in ka badan 2 bilyan oo Yuuro oo dhiganto ($2.13 bilyan) si ay u taageeraan dadaallada gargaarka ee Suudaan, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ku dhawaad 18 milyan oo qof oo ay ku jiraan carruur ay soo food saartay cunto yari ba’an oo ay ugu wacan tahay iskahorimaadyo lagu hoobtay oo socday tan iyo bishii Abriil ee la soo dhaafay.

Lacagtan ayaa lagu soo ururiyay shir deeq bixiyayaasha oo Isniintii ka dhacay magaalada Paris, kaasoo ay ka soo qayb galeen wakiilo ka kala socday 58 dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska.

“Deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa maanta ku dhawaaqay in ay bixinayaan in ka badan 2 bilyan oo Yuuro, oo ay ku jiraan ku dhawaad 900 milyan oo Yuuro oo ka yimid Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah, si ay u taageeraan dadka rayidka ah ee Suudaan iyo kuwa magan-gelyo u soo doontay dalalka deriska ah sanadka 2024.” Wasaaraddu waxay tiri.

Dalka ku yaal waqooyi bari Afrika ee Suudaan ayaa qalalaase galay 15-kii bishii Abriil ee sanadkii hore, markaasoo iska horimaad uu dhex maray ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF) iyo jabhadda Rapid Support Forces (RSF), ka dib bilo ay ku muransanaayeen ku biiritaanka maleeshiyada ee la qorsheeyay in ay ku biiraan ciidamada qaranka ee hubeysan. Ugu yaraan 14,600 oo qof ayaa ku dhintay 26,000 oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalka muddada sanadka ah ka socday guud ahaan dalka Suudaan, sida lagu sheegay tirokoobyada Qaramada Midoobay.

“Dadka Suudaan wuxuu la kulmay dhibaatooyin aan la soo koobi karin intii lagu jiray iskahorimaadka kaas oo ay ku asteeyeen weerarro aan loo meel dayin oo ka dhacay goobaha dadku ku badan yihiin, weerarrada qowmiyadeed, iyo dhacdooyin badan oo rabshado galmo ah oo la xiriira colaadda,” Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa sheegay Isniintii.

Waxa uu ka digay in rabshaduhu ay ka sii dari karaan iyadoo dhinacyada dagaallamaya la sheegay inay qorteen oo hubeeyeen dad rayid ah, iyadoo saddex kooxood oo millatari ah ay ku biireen SAF ee dagaalka kula jira RSF.

Isagoo ka hadlayay shirka deeq bixiyayaasha Paris muuqaal ahaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in dunidu ay tahay in aanay oggolaan in xaaladda Suudaan, oo uu ku tilmaamay “qarowga” ay noqoto mid aan la dareemin.

Guterres waxa uu ka codsaday “deeqsinimada deeq bixiyayaasha in ay kordhiyaan tabarucaadkooda” Qorshaha ka jawaabista bini’aadantinimada ee Suudaan, kaas oo u baahan 2.7 bilyan oo doolar balse waxa uu helay kaliya 6% maalgelinta ka hor kulankii Paris.

Sanduuqa qorshaha Qaramada Midoobay “waxaa hadda la keenay in ka badan 50%” taasoo gaarat $2.13 ee deeqaha ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Stephane Sejourne ayaa ku qoray X (hore Twitter-ka).

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in lacagta la ballanqaaday “wali ay ka yar tahay intii ay abaabuleen dhowr awoodood tan iyo bilowgii dagaalka si ay u caawiyaan hal ama dhinaca kale [ciidamada iska soo horjeeda] midba midka kale.

Jimcihii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan waxay ku dhaleecaysay Faransiiska iyo xulafadeeda inay shirka ku qabteen “la-tashi la’aan ama isku-dubarid” dawladda Suudaan iyo “iyada oo aan laga qaybgelinin.”

“Waa inaan xasuusinnaa qabanqaabiyeyaasha in nidaamka ilaalinta caalamiga ah la baabi’iyay muddo tobanaan sano ah,” ayaa lagu yiri bayaan, iyada oo raacisay “dadka Suudaan kaligood waxay xaq u leeyihiin inay maareeyaan arrimahooda guud … iyada oo aan la ilaalin ama faragelin ka helin xoogagga dibadda. ”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Geeska Afrika

Mid ka mid ah mucaaradka Itoobiya oo toogasho lagu dilay

Bate Urgessa waxa uu xubin ka ahaa Jabhadda Xoraynta Oromada, kaas oo tobanaan sano khilaaf kala dhexeeyey dawladda dalkaas ee Itoobiya.

Published

on

Bate Urgessa

Xubin muhiim ah oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Itoobiya ayaa la afduubtay oo toogasho lagu dilay. Bate Urgessa ayaa xubin ka ahaa xisbiga OLF oo mar la mamnuucay, kaas oo ka soo laabtay musaafuris siyaasadeed ka dib markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed la wareegay xafiiska sannadkii 2018-kii.

War qoraal ah oo la soo dhigay X (oo hore u ahaan jiray Twitter), xisbigu wuxuu ku sheegay in Urgessa oo 41 jir ah, oo dhawaan la sii daayay ka dib laba toddobaad oo xabsi ah, lagu dilay habeenkii Talaadada magaaladiisa oo ku taal waddanka ugu weyn uguna dadka badan Bariga Afrika, waa gobolka Oromiya.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dadka nabadda jecel inay sameeyaan baaritaan dhexdhexaad ah oo degdeg ah,” Xisbiga OLF ayaa tiri.

War qoraal ah oo la soo dhigay X (oo hore u ahaan jiray Twitter), xisbigu wuxuu ku sheegay in Urgessa oo 41 jir ah, oo dhawaan la sii daayay ka dib laba toddobaad oo xabsi ah, lagu dilay habeenkii Talaadada magaaladiisa oo ku taal waddanka ugu weyn uguna dadka badan Bariga Afrika, waa gobolka Oromiya.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dadka nabadda jecel inay sameeyaan baaritaan dhexdhexaad ah oo degdeg ah,” Xisbiga OLF ayaa tiri.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Addis Standard, oo soo xiganaysa ilo qoys, Bate ayaa xoog lagaga soo saaray qol uu hotel ku jiray galabnimadii Talaadadii, waxaana maydkiisa laga helay wadada dhinaceeda subaxnimadii xigtay ee Meki, oo qiyaastii 90 mayl (150 kiiloomitir) koonfurta ka xigta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Waxaa bishii Febraayo lagu xiray hotel ku yaalla magaalada Addis Ababa isaga iyo weriye Faransiis ah oo lagu magacaabo Antoine Galindo, isagoo lagu eedeeyay inuu wareysi la yeeshay. Labadaba waxaa lagu eedeeyay in ay la shaqaynayeen jabhadaha Oromada ee OLF, oo ah garab milatari oo ka tirsan jabhadda gooni u goosadka ee OLF, iyo jabhadda Fano ee fallaagada ah, iyaga oo lagu eedeeyay “shirqool lagu hurinayo kacdoon.”

Galindo ayaa la sii daayay toddobaad ka dib, halka Bate la siiyay dammaanad laba toddobaad ka dib. Dhaliilaha dawladda ayaa sannado badan ku qaatay xabsiga dhexdiisa iyo dibadiisaba dhawr jeer. Waxa uu aad u xanuunsaday 2022 isaga oo xabsiga ku jiray oo la sii daayay.

Komishanka Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa ku baaqay in si “degdeg ah, eex la’aan” iyo “baaritaan buuxa” lagu sameeyo dhacdada, labada mas’uul ee gobolka Oromiya iyo federaalka Itoobiya, si loola xisaabtamo Bate.

OLF iyo dowladda federaalka ayaa tobanaan sano isku khilaafay sheegashada in la takooro oo la dayacay dadka Oromada ah, oo ah qowmiyadda ugu badan dalka. Rabshado sanado ah oo ka socday Oromiya ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof iyo barakaca tobanaan kun.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Geeska Afrika

Kenya: Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la tuuri doono haraaga 541 qof, oo ay ku jiraan 475 carruur ah

Cisbitaalka qaranka ee Kenyatta ayaa qoysaska u qabtay muddo todobaad ah inay ka soo qaadaan isbitaalka eheladoodii dhintay si loo aaso.

Published

on

SAWIRKA: Aragtida guud ee Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta. © Simon MAINA / AFP

Isbitaalka ugu da’da weyn Kenya ayaa ku dhawaaqay in la tuuri doono haraaga 541 qof, oo ay ku jiraan 475 carruur ah, haddii eheladoodu aysan soo sheeganin.

Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta (KNH), oo ah xarunta ugu weyn ee dhinaca caafimaadka ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayaa soo saartay ogeysiis dadweyne iyo liiska meydadka aan la sheegin Talaadadii, iyadoo sheegtay inay raadin doonto amar maxkamadeed si looga takhaluso ka dib, todobada maalmood ee kama dambaysta ahi wuu dhamaanayaa.

Isbitalkan oo shaqaynayey in ka badan 120 sano ayaa qaadi kara 1,800 oo sariir ah, waxaana hore loogu dhawaaqay sidan oo kale. Bishii Jannaayo, KNN ayaa ku dhawaaqday waqti kama dambays ah oo hal isbuuc ah oo ay dadweynuhu ku aqoonsanayaan oo ay xubnaha qoyskooda ee dhintay ka soo qaadan karaan qolka meydka. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, xarunta caafimaadka ee caasimadda Nayroobi, ayaa sheegtay in 200 oo mayd ah oo aan la sheegin, oo u badan carruur yaryar, ay jiifaan goob tacsi ah.

Inkastoo war saxaafadeedka KNH uusan sheegin sababta go’aanka looga saarayo meydadka, haddana isbitaalka Machakos Level 5, oo ah xarun kale oo caafimaad oo ku taal dalka Bariga Afrika, ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay in la dhimi doono tirada meydadka la keeno qolalka meydadka sababo la’aan meel bannaan.

Daniel Yumbya, oo ah agaasimaha caafimaadka ee ismaamulka Machakos, ayaa saxaafada u sheegay in goobta meydadka lagu keydiyo ay qaadi karto 24 meyd ah oo kaliya balse la hayo qaar badan oo kale, taasoo ay sabab u tahay meydadka oo la dayacay muddo dheer.

Bishii Sebteembar ee la soo dhaafay, isbitaalku wuxuu soo tuuray 31 meyd ah, isagoo mar hore ka takhalusay qaar bishii Maarso ee sanadkaas ka dib amar maxkamadeed.

Maamulka caafimaadka ee dalkan Afrika ayaa lagu soo waramayaa in ay xaaladda ku eedeeyeen qarashka badan ee isbitaalada iyo kharashka meydadka.

Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta

Isbitaalka wuxuu ku yaallaa Bartamaha magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, waa xarunta caafimaad ee tiir-dhexaadka u ah adeegyada caafimaad ee bulshada — Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta. Maadaama uu yahay isbitaalka ugu weyn dalka Kenya, laga soo bilaabo markii la aasaasay ilaa doorka uu hadda joogo ee ah iftiinka daryeelka caafimaadka. Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta wuxuu weli u heellan yahay u adeegidda baahiyaha caafimaad ee kala duwan ee qaranka. Marka aad u fiirsato isbitaalada caafimaad ee geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto waa midka ugu tayada wanaagsan maanta.

Isbitaalka asalkiisa waxa laga soo xigan karaa waagii gumaystaha, markii maamulka Ingriisku garwaaqsaday baahida loo qabo goob daryeel caafimaad oo gaar u ah dadka Kenyanka ah. Markii hore waxaa lagu aasaasay sariir dhan 40, isbitaalku wuxuu si dhakhso leh u helay sumcad, wuxuuna buuxiyey baahiyadda daryeel ee bulshooyinka aan markii hore haysanin daryeelin caafimaad oo quman.

Intii uu hogaaminayay madaxweyne Kenyatta, isbitaalka ayaa helay taageero weyn oo xagga dowladda ah, taas oo suurtagelisay balaarin iyo casriyeyn dheeraad ah. Awoodda tirada sariirada isbitaalka waxay gaartay 1,000, waxaana la soo bandhigay adeegyo cusub oo khaas ah, sida wadnaha, kansarka, iyo qalliinka neerfaha.

Sannadihii la soo dhaafay, Isbitaalkan ayaa isu taagay inuu noqdo xarun heer sare ah oo xagga daryeelka caafimaadka ah. Isbitaalku waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray tababarida jiilasha xirfadlayaasha caafimaadka, samaynta cilmi baarisyo aasaasi ah, iyo isticmaalka tignoolajiyada caafimaadka ee heerka sare ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Geeska Afrika

Gobolka Amxaaradda oo ka dhacay xasuuq bahalnimo ah

“Waxay galeen guriga walaalkay…isaga ayay soo saareen iyo 12 qof oo kale, kadibna wadada ayay kuwada toogteen,” nin xoogsato ah ayaa u sheegay warbaahinta.

Published

on

Mudaharaad loogu soo horjeedo xasuuqa lagu haayo qoomiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Ugu yaraan 45 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weeraro guri-guri ah oo ay ciidamada Itoobiya bishii hore ka fuliyeen magaalada Merawi ee waqooyiga dalkaasi, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul insaanka ee dalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la toogtay ay ku jirtay haweeney uur leh. Markii dambe waxay ku dhimatay isbitaalka, sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

Dowladda Itoobiya ayaan ka hadlin dilkan. Mareykanka iyo Midowga Yurub labaduba waxay ku baaqayaan baaritaan madax bannaan.

Waa mid ka mid ah rabshadihii ugu xumaa ee ka dhaca gobolka Axmaarada tan iyo bishii Agoosto ee la soo dhaafay, markaasoo maleeshiyaad Fano ah oo deegaanka ah oo si awood leh ku bilaabeen kacdoon ka dhan ah qorshayaasha dowladda ee hubka dhigista.

Intaa ka hor, maleeshiyaad Fano waxa ay xulufo la ahaayeen ciidamada Itoobiya ee la dagaallamayay cadawgooda guud – jabhadda TPLF ee ka dagaalanta gobolka Tigreega ee deriska la ah.

Kadib heshiis nabadeed oo lagu heshiiyey Tigrayga, maamulka ayaa ku dhawaaqay in Fano iyo maleeshiyaadka kale hubka laga dhigi doono. Fano ma rabto in ciidamadooda la kala diro, sababtoo ah waxay ka baqayaan in ay la kulmaan weeraro kaga yimaada gobolada deriska la ah. Dadka deegaanka Merawi ayaa ku tilmaamay dagaal qaraar oo socday dhawr saacadood 29kii Janaayo, kaas oo dhexmaray ciidanka iyo dagaalyahannada Fano, ka dibna ay guri-guri u baarayeen saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Itoobiya.

Merawi waa magaalo 30 kiiloomitir koonfur ka xigta magaalada Bahir Dar ee xarunta gobolka Axmaarada ee waqooyi-galbeed ee dalka Itoobiya, waxayna ka tirsan tahay magaalada Bahir Dar Awraja ee gobolka Gojjam.

‘Waxaan arkay meydad waddooyinka daadsan’

Markhaatiyaal badan ayaa bishii hore la hadlay BBC-da kuwaas oo diiday in magacooda la shaaciyo. “Waxay galeen guriga walaalkay…isaga ayay soo saareen iyo 12 qof oo kale, kadibna wadada ayay kuwada toogteen,” nin xoogsato ah ayaa u sheegay BBC.

“Askartu waxay nagu handadeen oo nagu eedeynayeen inaan gabaad siinno maleyshiyaadka ururka Fano oo ay cunno siiyan,” ayuu yiri mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka, kaasoo ku adkeysanaya in xasuuqa shacabka ay ugu aargudayaan weerarrada ay maleeshiyadu ku qaadeen ciidamada dowladda.

Goob jooge kale ayaa ka murugeysan walaalkeed ka yar, oo ahaa shaqaale dowladeed. “Wuxuu la socday wiilkiisii, waxay igu yiraahdeen ilmaha qabo, way qabteen [walaalkay] wayna dileen.”

Dadka la dilay ayaa u badnaa dhalinyaro sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Mid ka mid ah markhaatiyadii ugu naxdinta badnaa ayaa ka yimid shaqaalaha caafimaadka, kuwaas oo BBC-da u xaqiijiyey in dadka la toogtay ay ku jirtay haweeney uur leh, way dhimatay ka dib markii ay isbitaalka timid.

Nin ku guulaystey inuu ku dhuunto duulaanka lagu soo qaaday magaalada Merawi, kadibna baxsaday ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen. “Markii aan soo baxay maalintii xigtay, waxaan arkay meydad waddooyinka daadsan.”

Faahfaahinta ayaa soo ifbaxday maalmihii la soo dhaafay sababtoo ah Internet-ka oo bilo ah ka maqnaa inta badan Amxaarada ayaa caqabad ku noqotay isgaarsiinta.

45 qof oo dhintay oo ku dhintay gacanta ciidamada dawladda ayaa la aqoonsaday, Hay’adda Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa Talaadadii sheegtay, “Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo qaadan karaa in tirada dhibanayaasha ay intaas ka badan tahay”.

Mudanayaasha baarlamaanka Itoobiya ayaa todobaadkii hore u codeeyay in afar bilood oo dheeraad ah lagu kordhiyo xaaladda degdegga ah ee hadda ka jirta Amxaarada – oo ah gobolka labaad ee ugu dadka badan dalkaasi.

Mareykanka iyo Midowga Yurub labaduba waxay walaac ka muujiyeen tallaabadan, iyadoo uu socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyada Fano iyo ciidanka.

Markii ugu sarraysay, malayshiyaadka deegaanka ee Axmaarada waxay muddo kooban gacanta ku hayeen garoon diyaaradeed oo wayn waxayna dulmariyeen inta badan magaalooyinka waaweyn ee gobolka.

Milateriga ayaa tan iyo markii ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka ugu waaweyn balse waxaa weli laga soo sheegayaa dagaallo ka socda tuulooyinka miyiga ah iyo magaalooyinka yar yar sida Merawi.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka iyo madaafiicda culus ayaa la isku adeegsaday gudaha Axmaarada, halkaas oo ay rabshaduhu ka abuureen walaac baahsan.

Mid ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee ku sugan deegaanka Buure oo ah magaalo yar oo ay todobaadyadii la soo dhaafay ay ka dhaceen iska horimaadyo soo noqnoqday ayaa BBC u sheegay in xafisyada dowladdu aysan si buuxda u shaqeyn muddo bilo ah colaadda awgeed.

“Hub culus ayaa loo soo ridaa si aan kala sooc lahayn, mararka qaarkoodna [rabshaduhu] waxay socdaan saacado.”

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, bartilmaameedyo rayid ah oo ay ku jiraan xarun dugsi iyo boosteejo basaska waxaa duqeeyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn bishii Diseembar.

Xilligaas, dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa beenisay in ay beegsatay dadka rayidka ah, balse waxa ay wacad ku martay in ay adeegsan doonto dhammaan agabka ay gacanta ku hayso si ay u cirib tirto kuwa ay ugu yeertay “xagjiriinta”.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Diblomaasiyadda28 mins ago

Diidmada qayaxan ee Maraykanku waxa uu si weyn u taageeray dalabka Falastiiniyiinta ee xubinnimada Qaramada Midoobay

Geeska Afrika1 hour ago

Taliyihii ciidamada Kenya ayaa ku dhintay shil diyaaradeed

Geeska Afrika19 hours ago

Deeq bixiyayaasha aduunka ayaa balaayiin gargaar ah u balan qaaday dalka Suudaan oo ay dagaaladu halakeeyeen

Afrika19 hours ago

Dalka Burkina Faso oo eryay diblomaasiyiin Faransiis ah – sababta waa maxay?

Yurub5 days ago

Norway ‘waxay diyaar u tahay’ inay aqoonsato madax-bannaanida Falastiin: Ra’isul Wasaaraha Norway

Bariga dhexe5 days ago

Waa maxay sababta ay Israa’iil halis usii gelinayso xiisadda Bariga Dhexe?

Bariga dhexe5 days ago

Maxaa kasoo cusboonaday weerarkii ugu dambeeyey ay Iiraan ku qaadday Israa’iil?

Ameerika6 days ago

Victor Manuel Rocha, safiir hore oo Mareykanka ah – Safiirkii u basaasayay Cuba tobanaan sano, waxaa lagu xukumay 15 sano

Bariga dhexe7 days ago

Iiraan iyo Israa’iil oo lagu booriyay in ay xiisadda u dhexeeya qaboojiyaan

Siyaasadda Arrimaha Dibadda7 days ago

Kenya ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda

Sirdoonka & Militariga7 days ago

Jabhada Xoraynta Oromada – afka Oromada: Waraanna Bilisummaa Oromo

Geeska Afrika1 week ago

Mid ka mid ah mucaaradka Itoobiya oo toogasho lagu dilay

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Kumanaan shaqaale Hindi ah oo imanaya Israa’iil – mas’uuliyiin dowladda

Afrika2 weeks ago

Dunidu waxay ku fashilantay Ruwaanda 1994-tii – madaxweyne Paul Kagame

Geeska Afrika2 weeks ago

Kenya: Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la tuuri doono haraaga 541 qof, oo ay ku jiraan 475 carruur ah

Dhaqaalaha2 weeks ago

Zimbabwe waxay soo saartay lacag ‘dahab’ ah oo ay ku beddeshay dollarka

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka oo isu diyaarinaya weerar ‘aan laga fursan karin’ oo kaga imaan kara Iiraan – warbaahinta

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Sida ay Iiraan u samaysatay giraangirta cadawga ee ku xeeran Israa’iil

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Yurub waxay xaday dhaxalkii Afrika ee Cadaaladu ma guulaysan doontaa?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Yukreyn ‘waxay noqon doontaa xubin ka tirsan NATO’ – Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay cayrisay safiirka Itoobiya, islamarkaana xirto qunsuliyado?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Ergeyga Mareykanka ee QM ayaa uga digay Iiraan inaysan weerar ku qaadin dadka Mareykanka ah ee weerarka qunsuliyada Suuriya

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Waa kuma taliyihii ciidamada Iiraan ee lagu dilay duqeynta Dimishiq?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 weeks ago

Nibirowga Dhititaalka: Qalaalasaha digitaalka iyo loollanka caqlaaniga ah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

MD Xassan Sh. Maxamuud oo booqasho ku jooga Sacuudi Carabiya – Maxaa loogu yeeray?

Wararka3 weeks ago

Waa maxay sababta doorashada Istanbul ay u tahay doorasho aad indhaha loogu hayo ee Turkiga?

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Ciidamada Israa’iil ayaa isbitaalka Qaza ee Al-Shifa ku dilay 400 oo Falastiini ah

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Qaza waxaa ka socda weerarro, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in wadahadallada xabbad joojinta ay dib u bilaabmeen

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

Waa Maxay Nidaamka Boqortooyo?

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Cutubyada 1aad illaa 4aad ee dastuurka Soomaaliya oo la ansixiyay – sidee loogu falceliyey?

Wararka3 weeks ago

QM: Burcad Haiti ah waxay dileen 1,500 qof saddex bilood gudahood

Aasiya4 weeks ago

Iscasilaadii Madaxweynihii Vietnam waxay muujinaysaa khilaaf ka dhex jira xisbiga – Falanqeeyayaasha

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Qaza in la gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo oo ballaaran

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Banaanbax uu soo abaabulay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo lagu taageerayo wax ka beddelka dastuurka

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Haddii ‘Soomaali oo heshiis ah la rabo dastuurka yaanan la siyaasadeynin’ – Xisbiga Qaransoor

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Mareykanka ayaa burburiyay iskaashigii la dagaalanka argagixisanimada – Safiirka Ruushka Anatoly Antonov

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Doorka ciidanka iyo daryeel la’aantooda

Afrika4 weeks ago

Kacaankii Liibiya: Sida NATO ay u burburisay dowlad tobanaan sano la soo dhisaayey

Bariga dhexe4 weeks ago

Xiriirka Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya oo isbeddel horumar leh laga gaaray

Gumeysi iyo isir sifeyn1 month ago

Maxbuus Falastiini ah ayaa ku dhintay xabsiga Israa’iil ka dib caafimaad xumo iyo jirdil loo gaystay: warbixin

Xul